Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,095
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo tababar u soo xiray askar ka mid noqoneysa Ciidanka Asluubta ayaa sheegay in dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida ay ka qeyb qaadanayaan dagaalka dalka looga xoreeynayo argagixisada Alshabaab. “Waxaa la idiin tababaray in aad ka mid noqotaan Ciidanka Asluubta, balse taas macnaheedu ma ahan in aad ilaalineysaan maxaabiis oo kaliya ee waxaa idin ku waajib ah, in aad hawlgallada xoreynta dalka aad ka qeyb gashaan, sababtoo ah dalku waxa uu ku jiraa dagaal adag oo loo baahan yahay in aan ka xorreyno argagixisada nagu soo duushay.”ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbad u jeediyey askarta ka mid noqotay Ciidanka Asluubta. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay xaaladda dagaal ee dalku uu ku jiro iyo sida looga baahanyahay muwaadin kasta in kaalintiisa uu ka qaato, dowladduna ay xoog iyo dhaqaalaba ku bixineyso sidii Alshabaab looga guuleysan lahaa. “Maanta waxaa u dhaarateen in aad dhiigiina ku bixsaan dalkiinna, una hurtaan naftiinna. Dadaal ka dambeeya arrinkan ma jiro, waana waajib ina wada saaran dhammaanteen in aan dalkeenna difaacanno, markii uu nabad yahay iyo markii uu colaad ku jiro.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xaqiijiyey in maanta ay u furantahay dhallinyarada la marin habaabiyey ee ka mid noqday argagixisada Alshabaab iyo horjoogayaashooda in ay dadkooda dib ugu soo laabtan, kana waan toobaan dhibta iyo gumaadka ay ku hayaan shacabkooda. “Marar badan waan xaqiijinnay in aan cafis u fidinay, balse hadii aysan qaadan cafiskaas waxaa noo ballan ah in aan ka sifeyno dalka, waana aaminsannahay in aan ka adkaaneeyno, sababtoo ah waxaan difaacaneynaa sharafteenna, dalkeenna iyo diinteenaba.” Ugu dambeyn, Munaasabada tababarka loogu soo xiray ciidamadan, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda Federaalka Somalia, Xasan Xuseen Xaaji, Lataliyeha Madaxweynaha ee Amniga Qaranka Cabdisaciid Muse Cali, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir, Taliyeha Ciidamada Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod, Taliyeha Ciidanka Booliska Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo amar culus dul-dhigay Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
  2. Kaddib doorashadii 30th maarso 1964 oo aqlabiyada Baarlamaanka ee ku guuleysteen xisbigii SYL 69 xildhibaan iyo 12 xildhibaan oo doorashadii ka dib ku biiray SYL oo ka dhigtay 81 MPs, Wadarta guud ee xildhibanada waxay ahayeen 123 xildhibaan. Hal sano kaddib Febaraayo 1965, waxa mooshin laga keenay gudoomiyihii baarlamaanka Axmed sheikh Maxamed oo laga soo doortay Berbara, Somaliland. Waxa mooshin ka keenay 55 xildhibaan SYL waxa lagu eedeeyay in uu mooshinkaas kadaal ka riixayay PM Abdirizak oo ka mid ahaa SYL. Kulankaas baarlamanka waxaa xaadiray 119 xildhibaan, waxaana codka kalsoonida kala laabtay 85 mudane waxa ka aamusay 1 xildhibaan,halka 33 mudane ee kahor yimadeen. Gudoomiye Axmed Sheekh Maxamed waxa lagu eedeeyay inuu caqabad ku yahay mashaariicda SYL iyo howlaha horyaalo baarlamaanka. Ka dib Waxa gudoomiye baarlamaan loo doortay Sheekh Muqtaar oo laga soo doortay baydhabo. Doorashadii 2017 hal sano ka dib waxa mooshin laga keenay gudoomiye Jawaari, waxa lagu eedeeyay Jawaari inuu caqabad ku yahay baarlamaanka shaqadiisa iyo ku tagrifal awoodeed. Waxa gadaal ka riixayo mooshinka PM Kheyre. Khudbadii Ra’iisul wasaare Kheyre ka hor jeediyay baarlamanka inta codka loo qaadin wasiirada wuxu yiri ““Xukuumaddayda, waxaa hal-beeg u noqon doona Karti iyo Hufnaan, sidii hal-hayska u ahayd Ra’iisul Wasaarihii hore, Allaha u naxariistee, Mudane Cabdirasaaq Xaaji Xuseen. Ra’iisul wasaare Cabdirasaaq Xaaji Xuseen wuxu khudbadaan jeediyay 15 June 1964 markii uu magacaabay golihiisa wasiirada. Waxay kalo ka siman yihiin inay aad uga hadlaan “Musuqmaasuqa”. Waqtiga iyo duruufaha aad ayay ukala duwanyihiin laakin Soamaalia moashin kuma cusba iyo ra’iisul wasaare mooshimaya gudoomiye baarlamaan. W/Q: Abdinasir Gedi
  3. Shir looga arrinsanayey sidii loo samayn lahaa nidaam lagula socda shaqo gudashada shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland ayaa maanta lagu qabtay magaalada Garoowe, waxaana shirkaasi guddoominayey guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland Mustafa Siciid Shabac. Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay wakiillo metelayey dhammaan hay’adaha kala duwan ee dawladda kuwaas oo isugu jirey Agaasimeyaal iyo Madaxqaybeeddo isla markaana waxay shirkaan ku lafo gurayeen sidii loo heli lahaa nidaam sax ah oo lagu kor joogteeyo shaqaalaha dawladda. Nidaamkaan ayaa marka la meel mariyo waxa uu noqonayaa mid kala saara shaqaalaha dawladda kuwo ku habboon shaqada ay hayaan iyo kuwa aan ku habboonayn isla markaasna waxa uu fududaynayaa in la dallacsiiyo qofka mutaysta dallacsiin si shaqaalaha kalena ay ugu dhiirradaan shaqo wanaag. Inta shirkaani socdo waxa si dhab ah loo dersayaa sidii loo xaqiijin lahaa in nidaamkaanu uu u noqon lahaa mid marka hore isaga si dhab ah loo fahmo isla markaana dadka ku shaqaynayaa ay u ahaan lahaayeen kuwo si mugleh u fahamsan maadaama uu yahay mid masiiri u ah shaqaalaha dawladda. Habkaana ama nidaamkan ayaa kamid ah siyaasadaha ay dawladdu beryahan ku hawllan tahay hirgelin tooda waxaana dawladda ka caawinaya Baanka adduunka oo dawladda ka taageera qayb kamid ah tayaynta hay’adaha dawladda. The post Shir looga hadlayey shaqo gudashada shaqaalaha dawladda oo Garoowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
  4. Dowladda Puntland, ayaa maanta oo khamiis ah lagu wadaa inay shaaciso mowqifkeeda ku aadan Go’aankii ay labada Gole ee Barlamaanka Federaalka dalka kaga mamnuuceen shirkada DP-world iyo heshiisyada ay kula wareegtay dekeda Berbera iyo Bosaso. Guddi wasiirro oo ay dowladdu 20-kii bishaan u saartay arrintaan, ayaa maanta lagu wadaa inay shirka golaha wasiiradda horgeeyeen talo bixintooda ku aadan mowqifka ay dowladdu ka qaadan karto go’aanada dowladda federalka. Xubnaha guddigaan oo muddo labo maalin ah ku shirayay xarunta madaxtooyada ayaysan warbaahintu wax faahfaahin ah ka helin qodobada horyaalay ee ay ka doodayen, waxaase maanta lagu wadaa in warbaahinta loo yeero ama war qoraal ah dowladdu soo saarto. Waqti xaadirkaan wafdi Puntland ka socda ayaa haatan ku sugan dalka Imaaraatka, iyagoo halkaas u tagay dhameystirka heshiiska dekeda Bosaso ay kula wareegtay shirkada DP World. Puntlandi.com
  5. Xisbiga Waddani ayaa Kalsoonidii kala noqday guddiga doorashooyinka Somaliland, kadib markii ay ku eedeeyeen inuu ku guul daraystay inuu dhex dhexaad unoqdo xisbiyada ku loolamaya siyaasada maamulka Somaliland. Warsaxaafadeed ay maanta soo saareen ayay ku dalbadeen in guud ahaanba guddigaan la kala diro lanasoo dhiso guddi kale oo cadaalad ugu shaqeeya xisbiyada Somaliland, waxayna sheegeen doorashooyinki ugu dambeeyay inay ahaayeen wax aan lagu tilmaami karin doorasho. Waxa kale oo ay sheegeen in ay soo bandhigidoonaan khaladaad ay sheegeen inuu guddigu galay xilligii Doorashadii Madaxtooyada. Puntlandi.com
  6. Ciyaaryahanka caanka ah ahna laacibka aduunka, Cristiano Ronaldo ayaa si adag u cambaareeyay duqaynta dowladda Sria iyo xulafadeedu ku garaacayaan goobaha mucaaradku haystaan ee dalka Sria, halkaas oo lagu dilay in ka badan 400,000 shacab ah. Ronaldo ayaa baraha bulshada ku diray farriin qiiro xambaarsan oo uu ku kula hadlayay shacabka ku nool magaalada Ghouta oo kutaala daanta Bari ee caasimadda Dimishiq. “”Ha debcinina, iimaankiina adkeeya, marna ha quusaninia.” ayuu bartiisa wtitterka kusoo qoray Cristiano Ronaldo. “Tani waa farriin ku socota Carruurta Syria, “Waan ognahay in aad dhibaataysan tihiin, waxaan ahay ciyaaryahan caan ah, adinkana waxaad tihiin geesiyaasha dhabta ah, ha luminina rajadiina, aduunkuna waa kula jiraa, waan idin daryeeleynaa, waan idinla jiraa.”ayuu yidhi Ronaldo. Ciyaaryahankaan reer Portugal iyo kooxda Real Madrid ayaa sidoo kale faafiyay muuqaal kasoo baxay hay’adda Save Children oo ka hadlayay xaalada carruurta bariga Ghouta. Kadib todobo sano dagaalka Sria, waxaa la qiyaasay in 10 milyan oo carruur ah ay u baahan yihiin gargaar caawinaad ah oo degdeg ah. Puntlandi.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa weli ku howlan dadaalka uu ku qaboojinaayo Khilaaf Siyaasadeedka u dhexeeya Guddoomiyaha baarlamaanka ee uu Mooshinka ka yaal Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Xildhibaanada Mooshin wadayaasha ee Mooshinka gudbiyay. Madaxweyne Farmaajo oo ka duulaaya xiliga lagu jiro iyo Khilaaf Siyaasadeedka heerka uu maraayo, ayaa kulamo gaargaar ah la qaadanaaya Xildhibaanada qeybahooda kala duwan, si looga wada shaqeeyo xalka. Madaxweyne Farmaajo, ayaa la soo sheegayaa in Xildhibaanada qaar uu ku qanciyay inay ka shaqeeyan maankooda isla markaana qaboojiyaan xiisada Siyaasadeed ee muuqata, waxaana dalabkaasi soo dhaweeyay qaar kamid ah dhinacyada u nugul xasiloonida dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale, Xildhibaanada aan u nuguleyn daminta khilaafka ugu baaqay inay ka dhex baxaan labada dhinac si loo qaboojiyo khilaaf Siyaasadeedka, waxa uuna tilmaamay inuu tixgalinaayo aragti waliba oo khuseysa Mooshinka. Sidoo kale, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Madaxtooyada Somalia ayaa dhankooda kawada dadaal lagu doonaayo in lagu qaboojiyo Mooshinka, waxaana halkaa ka socda kulamo joogta ah oo aan kala joogsi laheyn. Geesta kale, baarlamaanka Somalia ayaa isku raacay in Mooshinka lagu xalinkaro keliya in lagu kala baxo cod bixin, oo la filaayo inay dhacdo maalmaha fooda nagu soo haya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. According to the African Union, this would consolidate a market of 1.2 billion people, and a gross domestic product of $2.5 trillion. But, Nigerian President Muhammadu Buhari and Ugandan President Yoweri Museveni have both snubbed the summit in Kigali, Rwanda. African heads of state have gathered in Kigali, Rwanda, to sign a free trade agreement that would result in the largest free trade area in terms of participating countries since the formation of the World Trade Organization. Leaders are poised to approve the African Continental Free Trade Area, a deal that will unite the 55 member countries of the African Union in tariff-free trade. The agreement is touted by the African Union as encompassing a market of 1.2 billion people, and a gross domestic product of $2.5 trillion. It is hoped that it will encourage Africa’s trade to diversify away from its traditional commodity exports outside of the continent, the volatile prices of which have hurt the economies of many countries. “Less than 20 percent of Africa’s trade is internal,” Rwandan President Paul Kagame, also currently chairperson of the African Union, said in a speech Tuesday. “Increasing intra-African trade, however, does not mean doing less business with the rest of the world.” But, the deal has its critics. It was announced over the weekend that Nigerian President Muhammadu Buhari would not be attending the summit, despite his federal cabinet last week approving the deal. “This is to allow more time for input from Nigerian stakeholders,” said an official statement from the foreign ministry. The agreement is opposed by the Nigeria Labour Congress, an umbrella organization for trade unions in the country. “Given the size of its economy, population, and given its political clout, Nigeria’s stance towards the African Continental Free Trade Area is key,” Imad Mesdoua, senior consultant for Africa at Control Risks, a global risk consultancy with offices in Lagos, told CNBC via email. Nigeria is the continent’s most populous nation and considered by some metrics to be sub-Saharan Africa’s largest economy. “There is a general sentiment among (labor unions and industry bodies) that Nigeria’s export capacity in non-oil sectors isn’t sufficiently robust yet to expose itself to external competition,” Mesdoua said. The president of Uganda, Yoweri Museveni, also called off his visit at the last minute, although it remains unclear as to why. Africa’s population is expected to reach 2.5 billion by 2050, according to the African Union. By this time it will account for 26 percent of the world’s working age population. Talks for the African Continental Free Trade Area began in June 2015. Should the agreement be signed, second phase talks are expected to begin later this year. These will focus on investment, competition and intellectual property rights. According to a study published by the United Nations last month, the deal will lead to long-term welfare gains of approximately $16.1 billion, after a calculated $4.1 billion in tariff revenue losses. But, the report did warn that benefits and costs might not be distributed evenly across the African continent. In principle, a free trade area across Africa “makes perfect economic sense,” Ben Payton, head of Africa at risk consultancy Verisk Maplecroft, told CNBC via email. But, he added: “The biggest risk is that African countries would be unable to effectively enforce external customs controls. For example, this would mean cheap Chinese goods that are imported into Ghana could eventually cross various African borders without further controls and make it into Nigeria. This problem already exists, but a free trade area would potentially make it worse.” The World Trade Organization was formed in 1995 and comprises of 164 members. Source: – CNBC
  9. (The term “liquid gold” has also been used to refer to wood cleaner, hair products and of course, urine. For the love of God, please don’t confuse pasta water with any of these.) Because pasta is made of flour, it releases starch into the cooking water as it boils, creating a white, cloudy liquid that we often deem “dirty” and then dump down the sink. Big mistake. That’s the liquid gold we’re talking about. Why would you want to keep that cloudy liquid, you may ask? Because it’ll help emulsify and thicken your sauce. Now you’re probably wondering, “But why would I want to emulsify my sauce? Who even cares?” Emulsification makes a difference, as science and taste buds prove. All too often, a plate of spaghetti is encircled by a watery, red puddle. You know what we’re talking about. It pools around the edge of your plate and ruins a gorgeous plate of pasta. That puddle results when the water and oil in your pasta and sauce separate from each other. Here’s where emulsification comes in. Emulsification is the process of blending two liquids that would otherwise repel each other ― in the case of pasta, it’s oil and water ― into a smooth, inseparable mixture. The starch in your pasta water, as luck would have it, is an emulsifying agent and also a thickener. So if you save some of your pasta water and then slowly mix a ladlefull of it into sauce, you’re binding together the liquids and oils, creating something creamy and thick that won’t ever separate into a puddly mess. There’s another benefit of using pasta water: By not rinsing your pasta, you’re keeping a nice coating of starch that’ll bind the pasta itself to the sauce, creating yet even more harmony on your plate. (Some people also claim pasta water makes your dish more flavorful, but that’s for super refined palates.) If you cook alternative pastas made with lentils, black beans, brown rice or just about anything else, those are all wonderfully starchy as well, and that water also can be used as liquid gold. Serious Eats was skeptical about whether laypeople could tell the difference between a regular sauce and a sauce that’s been emulsified with pasta water, so the website conducted a taste test that compared three different preparations of pasta. The one that used pasta water in its sauce won by a landslide. Pasta water works its magic in just about every kind of sauce, not just tomato. It can make an Alfredo sauce less greasy, and it can give a silky texture to a pesto. Here’s how to save your pasta water. Choose one of the following methods: If you insist on dumping your pasta into a giant colander, first make sure you’ve ladled out a couple cups of the cooking liquid and saved it in a bowl. Or you can use a pot with a pasta strainer insert. It allows you to just lift up the strainer when the pasta is ready, reserving all the liquid in the big pot. These things are magical. For long pastas like spaghetti and fettuccine, you can just use a pair of tongs to move the cooked pasta to a saucepan. Fish shorter pastas like macaroni and penne out of the water with a spider skimmer ladle. Source: – Huffingtonpost
  10. The prime suspect in a botched terror mission targeting the Supreme Court and other government installations in Nairobi worked with several Kenyans who helped him acquire fake documents and move around. Police say Abdimajit Hassan Adan worked closely with Anthony Kitila Makau, Mohamed Osman Nane, John Kiarie, and Lydia Nyawira Mburu. All of them will be arraigned at the Milimani Law Courts Thursday morning. The Nation is aware of the alleged roles of each of the aides of Abdimajit, who was arrested in Merti, Isiolo, as he transported a vehicle laden with a total of 110 kilogrammes of Trinitrotoluene (TNT) explosives, five AK-47 rifles, 36 gun magazines, three modified Nokia phones, 36 unprimed hand grenades, 18 pairs of grenade primers, five military-grade projectiles, and three military knives. AL-SHABAAB Security officials say the suspects targeted the Supreme Court as the epicentre of the bomb attack, which would have been followed by successive explosions at the Kenyatta International Convention Centre, Parliament Buildings, County Hall, Technical University of Kenya, Central Bus Station, Jeevanjee Gardens, Serena Hotel, the University of Nairobi, and Milimani Law Courts. A document profiling the suspects and their Kenyan aides, all of whom operated from Nairobi, states that Abdimajit travelled to Somalia to join Al-Shabaab in early 2015, underwent training in various camps in Somalia, and carried out some “assignments” in Somalia and in Kenya. “He procured the vehicles that were to be used, sourced for safe houses, and facilitated the movement of the vehicle laden with explosives to Nairobi from El-Adde in Somalia through Elwak and Merti.” Police believe that in late September 2017, Dhere, a senior Al-Shabaab commander in Jilib, informed Abdimajit that he was to travel to Nairobi, rent a house and obtain a driving licence within the shortest time possible. A month later, Dhere gave Abdimajit the equivalent of Sh300,000 in US dollars and saw him off to Nairobi. DAMAGE Inspector-General of Police Joseph Boinnet says had the plot succeeded, it would have caused massive infrastructural devastation, deaths and injuries. “Typically, terrorists prefer ramming an armed vehicle into a gate or main entrance to the target to avoid premature detonation,” Mr Boinnet says. Source: Dauly Nation
  11. MANKATO — Refugee resettlement in the Mankato area has slowed over the past year amid President Donald Trump’s attempts to ban travelers from certain Muslim-majority countries. Source: Hiiraan Online
  12. The prime suspect in a botched terror mission targeting the Supreme Court and other government installations in Nairobi worked with several Kenyans who helped him acquire fake documents and move around. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ee Mooshinka ka yaal Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa qoraal codsi ah dhawaan u kala diray dhammaan Xafiisyada ay wakiilada Beesha Caalamka ku leeyihiin magaalada Muqdisho. Qoraalka codsiga ah ee Jawaari ayaa waxaa Beesha Caalamka looga dalbanaayay inay tixgaliyaan codsiga, isla markaana ay codeynta Mooshinka ku qabtaan Garoonka gaar ahaan Hoolkii lagu doortay Madaxweyne Farmaajo. Wakiilada Beesha Caalamka oo ka jawaabaya codsiga Jawaari, ayaa aqbalay in cod bixinta Mooshinka lagu qabto Hoolka, maadaama uu meel xun gaarsiisan yahay Mooshinka. Waxa ay Beesha Caalamka sidoo kale aqbashay codsi ka imaaday Jawaari oo ah in amaanka goobta cod bixinta ay gacanta ku qabtaan ciidamada AMISOM ee Nabad ilaalinta u jooga Somalia. Codsigaan oo uu jeediyay Jawaari ayaa Beesha caalamka ay ka aqbaleen si loo ilaaliyo dimuqoraadiyadda hayeeshee ay u dhacdo cod bixinta xor iyo xalaal ah, waxa ayna sheegeen in cod bixinta ay ka dhici doonto Teendhada ku taal Marina Gate ama Afisyooni ee lagu doortay Farmaajo. Sidoo kale, wakiilada Beesha caalamka ayaa Ururadda bulshada rayidka u kala diray codsiyo ku aadan inay kasoo qeybgalaan cod bixinta, si ay goobjoog uga noqdaan codeynta. Dhinaca kale, waxa ay wakiilada Beesha caalamka ee Somalia isku raaceen in doorashada loo dhamaado, isla markaana ay ku qabsoonto hanaan lagu wada heshiiyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa labadiibmaalmood ee lasoo dhaafay wuxuu shirar la lahaa oo isugu yeeray Golihiisa Wasiirada iyo Gudiga Arimaha Dibada ee Baarlamaanka waxayna ka wada tashanayeen Go’aankii ay Xukuumada Federaalku ku taageertay Dalka Qatar iyo Go’aankii Baarlamaanku ku efternavn Shirkada DP World. Warbaahinta Puntlandi ayaa pgaatay in Maanta laga yaabo iney Puntland go’aan ka soo saarto arimahaas, Wararka aan helayno waxay kaloo sheegayaan ama u badinayaan in Puntland ay si buuxda u taageerayaan Emaaraatka ayna kasoo horjeesanayaan Go’aankii Xukuumada Federaalka. Puntland waxay Xiriir dheer la leedahay Isutaga Emaaraatka Carabta, Xiriirka ganacsi ee Puntland iyo Emaaraatka oo ah mid qodo dheer ka dub Dlwlada Emaaraatku waxay mashaariic badan ka fulisaa Deegaanada Puntland, Dhinaca Qatar ma jirto wax Xiriir ah ama sameyn ah oo ay la leeyihin Dalka Qatar,Qatar iyo Turkigu wax mashaariic ah kama fuliyaan Deegaanada Puntland, Puntlandi Garowe
  15. Mohamed Noor, the US police officer accused of murdering Australian woman Justine Damond, has just faced court. Source: Hiiraan Online
  16. If you drain your pasta water through a colander and down the sink, you’re throwing away an invaluable asset that cooks call “liquid gold.” Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa weli magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kawada ololaha Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jaawaari. Xildhibaanada qaar ayaa sheegay inaanu xaadiri doonin xarunta Golaha Shacabka waa haddii uu Guddoomiye Jawaari isku dayo inuu kusii shaqeeyo Guddoomiyenimada, waxa ayna ku baaqeen in iyadoo la dhowraayo sharciga ku-simaha baarlamaanka uu noqdo C/wali Muudey. Xildhibaanada sheegay inaanu ka qeybgali doonin kulamada baarlamaanka haddii uu Jawaari kusii shaqeeyo Guddoomiyenimada ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan ahna Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil. C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa sheegay in C/wali Muudey uu yahay Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka, maadaama Mooshin uu ka yaallo Guddoomiye Jawaari. Waxa uu C/raxmaan Xoosh Jibriil sheegay in eedeymaha iyo Mooshinka Jawaari uu yahay mid culus, sidaa aawgeed uusan qabankarin xilka ilaa iyo arrintiisa meel ay u dhacdo. Wasiir Xoosh oo mar walba dood ka keena arrimaha sharciyada ee la isku qabsaday ayaa waxaa uu jideeyay in C/wali Muudey yahay Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka, markii qaar ka mid ah Xildhibaanada ay ka hor-yimaadeen. Xiisada ka dhalatay Mooshinka ka yaalla Jawaari ayaa cirka isku sii shareertay, iyadoo labada dhinac ee Mooshinka taageersan iyo kuwa ka soo horjeeda ay hadalo is sii hurinaya xiisada ay warbaahinta isugu marinayaan. Arrintan ayaa ka dambeysay markii ay dood ka dhalatay hadal ka soo yeeray C/wali Muudey oo ahaa inuu yahay Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. African leaders are poised to sign a deal that would unite the 55 member countries of the African Union in tariff-free trade across the continent. Source: Hiiraan Online
  19. Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Warbaahinta Puntland Post Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu codsi u diray Beesha Caalamka. Gudoomiyaha ayaa warqadaan codsiga ah u diray Qaramada Midoobay Midowga Yurub Midowga Afrika waxaana uu u cadeeyay in uu diyaar u yahay in cod loo qaado Mooshinka laga soo gudbiyay. Gudoomiye Jawaari ayaa codsaday in xor iyo xalaal ah ay ugu dhacdo Mooshinka xilka loo qaado. Jawaari ayaa codsaday in kulanka Baarlamaanka ee lagu soo bandhigayo Mooshinkiisa uu ka dhaco Teendhadii lagu doortay Madaxweyne Farmaajo oo ku taalo Garoonkii hore ee ciidamada Cirka Afsisyooni. Warqadaan ayaa sidoo kale uu Mr Jawaari ku codsaday in amaanka goobta ay ilaaliyaan Ciidamada Un-ka iyo kuwa AMISOM. Beesha Caalamka ayaa la sheegay in ay aqbaleen codsigaasi ka yimid Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Lama shaacin xiliga uu sida rasmiga ah u furmi doono kulanka Baarlamaanka ee lagu horgeeynayo mooshinka xilka looga qaadayo Gudoomiye Jawaari. Lama sii saadaalin karo xaalka sida uu isku badali karo iyo halka uu ku dambeeyn doono khilaafkaan siyaasadeed hayeeshee Xildhibaano badan ayaa ku adkeeysanayo Go’aanka xilka looga qaadayo Gudoomiye Jawaari. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Beesha Caalamka oo aqbashay Codsi ka yimid Gudoomiye Jawaari appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Horjoogayaal ka tirsan al-Shabaab ayaa ku dhawaaqay inay isaga baxeen Kooxda, kadib markii ay sheegen inaanu u adkeysan karin daadinta dhiiga shacabka. Horjoogayaasha ku dhawaaqay ka bixitaanka al-Shabaab ayaa kala ah Horjoogaha Gobolada Baay iyo Bakool Macalin Geedoow Aadan Abuukar iyo Horjoogaha Gobolka Gedo Cabdiraxmaan Fiiloow. Macalin Geedoow waxa uu tilmaamay in maleeshiyada ay muddo isku fahmi waayen wadada loo maraayo dilalka ay fulineyso Kooxda, gaar ahaan dadka shacabka ah, waxa uuna sheegay in labadooda ay isla garteen inay isaga baxaan Shabaab. Macalin Geedoow, oo ka hadlaayay ka bixitaankooda al-Shabaab, ayaa sheegay inay aqbaleen baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia ee ahaa inay al-Shabaab isaga baxaan Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka ka barbar dagaalama ayna diyaar u yihiin dagaal ka dhan al-Shabaab oo uu ku tilmaamay inay yihiin cadowga dadka iyo dalka Soomaaliyeed Sidoo kale, Macalin Geedoow waxaa uu sheegay inay heystaan dagaalyahaano xooggan oo al-Shabaab ay isaga difaacaan, waxaa uu ku daray inay yihiin Khawaarij dhiiga dadka banaysatay, muda 8 bil ahna uu taagnaa khilaafkooda. Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xili dhawaanahaan ay maleeshiyaad badan isaga baxayeen al-Shabaab oo uu kamid ahaa Horjooge ku xigeenka Sheekh Mukhtaar Roobow ‘’Abuu Mansuur’’ oo isagu muddo badan ahaa gooni isku tag. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Issa Awad oo shalay ka qeybgalay Shir madaxeedka tobanaad ee gaarka ah ee Madaxda iyo Hoggaamiyeyaasha Afrika ee ku qabsoomay Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda, kana wakiil ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmaajo” ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda ka qeybgashay shirkaasi. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Issa Awad ayaa isaga oo fulinaya talooyinka wax ku oolka ah ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu casuumaado booqasho rasmi ah oo ay ku yimaadaan Soomaaliya u fidiyay Madaxweynayaasha wadamada Rwanda, South Africa, Gabon iyo Ghana. Wasiir Axmed Cawad Ciise ayaa kulamo natiijo mira-dhal ah la kala yeeshay shalay Madaxweynayaasha kala ah, Rwanda H.E. Mr. Paul Kagame, Kenya H.E. Mr. Uhuru Kenyatta, Djibouti H.E. Mr. Ismail Omar Guelleh, Sudan H.E. Mr. Omar Hassan Ahmad Al-Bashir, South Africa H.E. Mr. Cyril Ramaphosa, Gabon H.E. Mr. Ali Bongo Ondimba, Chad H.E. Mr. Idrīs Daybī Itnū, Ghana H.E. Mr. Nana Addo Dankwa Akufo-Addo iyo Ra’iisul wasaaraha Boqortooyada Morocco H.E. Mr. Saadeddine Othmani. H.E. Amb. Ahmed Issa Awad ayaa u gudbiyay madaxdaasi salaan uu ka siday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” , isaga oo uga sheekeeyay hoggaamiyeyaashaasi horumarka siyaasadeed, dhaqaalle iyo ammaan ee ay Soomaaliya gaartay muddooyinkii dambe, waxaanu xusay in dowladdu ku howlan tahay dardargelinta iyo laba-laabidda qorshayaasha dalka loogu saldhigayo deganaansho ammaan, siyaasad iyo kobac dhaqaalle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. The former Minneapolis police officer charged with murder and manslaughter in the July shooting death of Justine Ruszczyk Damond made his first court appearance Wednesday, where his bail was set at $400,000. Source: Hiiraan Online
  23. Wasiirka Dastuurka Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay khilaafka siyaasadeed iyo mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawaari. Wasiir Xoosh ayaa sidoo kale ka hadlay cida noqoneeyso ku simaha gudoomiyaha Baarlamaanka maadaama xildhibaanada Baarlamaanka ay mooshin ka keeneen Gudoomiyihii. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu noqonayo Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Cabdiwali Sh Ibraahim Muudey. “Sida uu qorayo qodobka 8,aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka,muudeey ayaa ah gudoomiyaha Golaha Shacabka maadaama Jawaari uu mooshin ka yaallo,taasina waa wax iska cad oo hay’addaha dastuuriga ay dhammaan wada ogyihiin “ayuu yiri Wasiir Xoosh Baryihii ugu dambeeysay ayaa qilaaf ka taagnaa cida noqoneeyso ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka. Shalay ayaa Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaan waxa uu isugu yeeray Xildhibaanada si loo guda galo Mooshinka laga soo gudbiyay Gudoomiye Jawaari. Xasan Maxamed Samatar Cowke Putland Post Muqdisho The post Xoosh ” Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Waa Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka” appeared first on Puntland Post.
  24. Saraakiil sar sare oo katirsanaa Kooxda Al-Shabaab ayaa ka soo goostay kooxdaasi iyaga oo hadda ku biiray Dowlada Soomaaliya. Macalin Geedoow Aadan Abuukar oo ahaa u qaabilsanahay Al-Shabaab ee Gobolka Baay iyo Cabdiraxmaan Fiiloow oo isnaa ahaa u qaabilsanihii Al-Shabaab Gobolka Gedo ayaa ku dhawaaqay in ay isaga baxeen Kooxdaasi. Wareeysi ay la yeelatay Warbaahinta Dowlada xubnahaan ka goostay Al-Shabaab ayaa sheegay in ay isaga tageen kooxdaasi kadib markii sida ay sheegeen ay isku fahmi waayeen Arimaha ku aadan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayeen sida uu sheegay. Labadaan Masuul oo katirsanaa Al-Shabaab ayaa sheegay in ay qaateen cafiskii uu u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxa ay sheegeen in ay dowlada ku caawinayaan dagaalo la la galo Al-Shabaabkii ay muddo ka tirsanaayeen. Baryihii ugu dambeeysay waxaa Dowlada Soomaaliya isku soo dhiibayay saraakiil iyo dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Saraakiil sar sare oo katirsan Al-Shabaab oo ku biiray Dowlada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  25. Allaha u naxariistee waxaa dalka Djabuuti ku geeriyootay Iimaan Cabdiraxmaan Maxamed oo in muddo ah la xanuunsaneeysay Cudurka Kansarka. Allaha u naxariistee Iimaan ayaa in muddo ah ku xanuunsaneeysay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Marxuumad Iimaaaan ayaa markii dambe la keenay Magaalada Muqdisho shalay ayaana safar caafimaad looga amba bixiyay Dalka Turkiga. Marxuumada ayaa Dalka Djbuuti ku xanuunsatay taasi oo sababtay in diyaarada laga reebo kadib markii ay xamili weeysay. ugu dambeeyntii Saakay waabarigii ayeey Iimaan ku geeriyootay Isbitaal ku yaala dalka Djabuuti. Warbaahinta Puntland Post ayaa ka tacsiyeeyneeysa Geeridaasi ku Timid Walaasheen Iimaan Cabdiraxmaan waxaana leenahay Janadii Allaha ugu Bishaareeyo. PUNTLAND POST The post Dhibane Iman Cabdiraxmaan Maxamed oo Djabuuti ku Geeriyootay appeared first on Puntland Post.