Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qalaalasihii ka dhex dhacay maalintii Arbacada 3.4.2018 xarunta Barlamaanka Federaalka Somaaliyeed ayaa marada ka feyday baahida iyo waajibaadka Dastuuriga ah ee loo qabo in mar kale la asaaso cudud ciidan iyo Saraakiil somaaliyeed oo ka hufan daneysi, oo karti iyo aqoon leh, isla markaana dib u soo celin kara sharaftii iyo haybadii uu lahaa ciidanka Somaaliyeed, ka hor afgembigii kooxdii la baxday Kacaanku ay sida xoogga iyo jajuubka ah ugu qabsadeen taladii iyo dawladnimadii shacbiga Somaaliyeed. Mushkiladaas ka dhex dhacday xarunta Barlamaanka oo khatarteeda amni iyo mideedad siyaasadeed laheyd ayaa banaanka soo dhigtay tayo iyo damiir xumada Taliyayaasha sar sare Ciidamada hab-qanka ah ee Somaaliyeed. Taliyayaasha Ciidamada ayaa si wadajir ah, iyagoo oo la soo abaabulay uga soo muuqday warbaahinta, iyagoo shir jaraa’id oo ay qabteen si xishood la’aan ah, dhaleceyn iyo eedeyen is wata dusha uga tuuray gudoomiyaha Aqalka hoose ee Barlamaanka Federaalka ah ee Somaaliyeed Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, oo qeyb ka ahaa dhinacyadii loolanka siyaasadeed ku dhex maray xarunta Barlamaanka Federaalka Somaaliyeed. Falkaas Taliyayaasha Ciidamada loo adeegsay ayaa ahaa faro gelin qaawan iyo cabsi gelin lala beegsaday wakiiladii ummada iyo madaxbanaanidii hayada sharci dejinta somaaliyeed ,talaabadaas ayaa noqon karta mid khatarteeda wadata oo god dheer oo mugdi ah ku sii rideysa rajadii laga qabay in dib loo yagleelo dawladnimo somaaliyeed. Soomalidu waa wada dhaawac iyo dhibanayaal waxyeelooyin Askar iyo Jeneraalo hore ugu geysteen 27 sano ka dib waa ayaan daro in Jenaraalo ciidan inta la soo uruuriyo ay Tv-yada ka soo muuqdaan iyagoo dhaaranya, taasi waxay damqaysaa boogihii hore een aan weli laga wada dawoobin ee shacbiga somaaliyeed. Waxaa waajib ku ah hogaanka siyaasadeed ee dalka in aanay dalka iyo dadka somaaliyeed dib ugu celin maalmihii madoobaa ee laga dhaxlay dagaaladii sokeeye ee ay sababeen askartii xukunka dalka boobtay. Sidoo kale waxaa lagama maarmaan ah in hogaanka Siyaasadeed ee dalku ay maanka ku hayaan in ay mudo qaadaneyso koboca iyo taabo galka hayadaha dastuuriga ah ee dalku, sidoo kale waxaa weli dhaawac xumi ka muuqdaa kalsoonidii iyo is aamindii ka dhaxeysa shacbiga somaaliyeed, taasi waxaay khasbeysaa in dhug loo yeesho in dalka iyo dadkuba u baahan yihiin xasilooni siyaasadeed, dibu heshiisiin buuxda iyo ku dhaqan iyo xurmeynta dastuurka iyo shuruucda dalka u degsan. Haddii shalay askari mooro duugtay dalkii iyo dadkii somaaliyeed , oo ay weliba Jeneraalo macmal ahi magacyo kula baxeen xasuuqa shacbiga somaaliyeed iyo boobka hantida dalka, maanta waa in laga waantoobaa in Dawacooyin harag shabeel loo soo xiray oo cawas iyo biyo ku nool ah Telefishinada la soo dhoobo. Halkan ka akhri hadaladii ka soo yeeray Taliyayaasha Somaalida ah iyo kuwa Amisom Taliyayaasha Ciidanka Somaliyeed ; waan leyn karnay askartii baarlamaanka qabsatay. Taliyaha AMISOM General Paul Lokech wuxuu yiri : waxaan furinta hore ee dagaalka uga soo laabtay inaan kala dhexgalno khilaafkiina. Meel fog ayay Soomaaliya ka timid ee waa inaan arrintaan xallinaa. Waxay labadaas hadal muujinayaan sida loo kala garasho wanaagsan yahay. Ninna waa hanjabayaa ninna waxbuu maslaxayaa. Inta saraakiisheennu ay shaqada u aaminsan yihiin iney shaqsi u hayaan, shaqsiguna dantiisa siduu u gaaro uu iyaga adeegsanayo, waa sababta sumacadii iyo magacii horay uga dishay ciidamadii somaaliyeed, hadna khatar ku noqon kara in dib loo dhiso, loona aamino ciidan somaaliyeed oo tayo leh
  2. Kenya Police on Thursday placed $8000 bounty on eight Al-Shabaab terrorists. The eight, who are all believed to be of Somali-origin are suspected to be planning to execute terror attacks inside Kenya. In a statement, Kenya’s Director of Communication, Charles Wahongo said the individuals were training in Al-Shabaab camps inside Somalia. The eight are; Issack Alio Mohamed, Rahim Mohamed Sheikh, Bishar Hared Hussein and Bashie Adan Osman Kulo, Abdirashid Ibrahim Osman Noor, Siyat Ibrahim Abdullahi, Abdi Ahmed Ibrahim and Mohamed Muhumed Ahmed. ” Terrorists are wanted for attacks carried out in Kenya and currently have plans to attack Kenya.They are believed to have entered Kenya from neighbouring Somalia,” said Wahonga. He noted that the police have thwarted several terror attempts by these individuals in the past. The group which is divided into two section is headed by two other Kenyans, according to Wahongo. “Some of them are led by Isak Okola who is suspected to be in Borubirdeso in Somalia, which is close to Elwak town. Another group is led by Ali Dere who occasionally lives in Khadija Haji town in Somalia situated near Mandera town,” Wahongo. In another statement, Police Spokesman Charles Owino said that police have already arrested a female terror suspect, Habiba Omar Ali, who was found in possession of five AK- 47 rifles and a large cache of ammunition. Ali is a wife of the wanted terrorist, Mahad Isaack Abdille. Mahad is a key Al-Shabaab link to persons in Madera County. The man is suspected to be crossed into Mandera twice in the last three months.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in ay duqayn cirka ah la beegsadeen maleeshiyada al-Shabab, meel u dhow magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe. Duqayntan ayay Maraykanku sheegen inay ku dileen Saddex maleeshiyo ah isla markaana ay ku burburiyeen baabuur tikniko ah. Qoraal kasoo baxay Taliska ayaa waxaa lagu yiri ‘’Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay weerar ku qaadeen Argagixisada Al-Shabaab meel u dhow degmada Jilib, galabnimadii Khamiistii, waxaan ku dilnay Saddex Argagixiso ah, weerarkan rayid laguma waxyeeleyn.” Taliska Mareykanka ee Africa ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in weerarkan ay ku burburiyeen gaari nuuca dagaalka ah oo ku xirnaa Qoryaha culus, isaga oo sidoo kale tilmaamay in ay wadaan baaritaanada la xiriira magacyada ragga lagu dilay weerarkan. Sidoo kale, Maraykanku waxay sheegen inaysan wax rayid ah wax kasoo gaadhin weerarkan, balse ay la beegsadeen al-Shabaab oo kaliya. Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili ay dowlada Mareykanka dagaal kula jirto maleeshiyaadka al-Shabaab, waxayna inta badan uu geystaa weeraro u badan dhinaca cirka ah oo ay fuliyaan diyaraadaha aan duuliyaha lahayn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Mudaharaadyo aya maanta oo Jimco ah ka dhacay Magalada Muqdisho dibadbaxyadaas oo looga soo horjeedo xukuumadda RW Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo mudaharaadka uu soo qaban een dhalinyarada Gobolka Banaadir. Mudaharaadyada ayaa saaka ka dhacay degmooyinka Hodan, Howl Wadaag iyo Wardhiigley, iyadoo dhalinyarada iyo shacabka dibadbaxayay ay ku dhawaaqayeen halkudhigyo ay ka mid ahaayeen “Farmaajo dooni mayno, Dulmiga Kheyre dooni meyno iyo Baarlamaanka waa xor” Banaan baxa maanta ka dhacaya Magalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya kaddib markii ay ku fashilmeen RW Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo in ay xilka si sharci darro ah uga qaadaan Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS Maxamed Cismaan Jawari Waxaa sidoo kale walaac ka muujiyay falalka amni siyaasadeed ee soo noqnoqday taaso RW Kheyre uu isku dayay in uu majaxaabiyo dowlad goboleedyada, markii uu ku guul dareystayna uu hadda damac ka galay in bedelo guddoonka BJFS si uu u helo guddoomiye u saxiixa mashaariicda lagu boobaayo kheyraadka dalka ee uu sida qarsoon heshiisyada ugu soo galay. https://muqdishoonline.net/2018/04/06/dibad-baxyo-looga-soo-horjeedo-rw-kheyre-iyo-madaxweyne-farmaajo-oo-ka-dhacay-qaar-ka-mid-ah-degmooyinka-g-banaadir/
  5. CAIRO — The foreign ministers of Sudan, Egypt, and Ethiopia have failed to reach an agreement in the lingering dispute over Ethiopia’s massive dam on the Blue Nile, ministers said on Friday. Egypt is concerned that the Grand Ethiopian Renaissance Dam will drastically impact its own share of water from the Nile, on which the entire population relies. Ethiopia, like Egypt, has said that the dam issue is a “matter of life or death.” Sudan’s Foreign Minister Ibrahim Ghandour said on Friday that 15 hours of talks in Khartoum have ended with no deal. The three countries’ intelligence chiefs and irrigation ministers also attended the talks. Ghandour said that, nevertheless, “the meetings were constructive and important,” but that the three sides failed to “end up with satisfying answers.” Egypt’s Foreign Minister Sameh Shukri confirmed the remarks in a report published by the daily al-Shorouk, adding that there will be another round of talks within 30 days. Egypt fears Ethiopia’s $4.8 billion dam could reduce its Nile water share. Ethiopia has said it needs the dam for its development and is seeking to assure Cairo that it will not significantly harm it. The sticking point appears to be how quickly the reservoir behind the dam will be filled and if that will impact Egypt’s water share. The Renaissance Dam is now 63 percent finished and Ethiopia hopes to become a key energy hub in Africa upon its completion. Egypt has traditionally received the lion’s share of the Nile’s waters under agreements seen by other Nile basin nations as unfair. Former Egyptian presidents have warned that any attempt to build dams along the Nile will be met with military action. Sudan appears to be taking Ethiopia’s side in the dam negotiations and has revived a longstanding border dispute with Egypt. Copyright 2018 The Associated Press. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.
  6. SEOUL: South Korea's disgraced former president Park Geun-hye was jailed for 24 years Friday (Apr 6) for corruption, closing out a dramatic fall from grace for the country's first woman leader who became a figure of public fury and ridicule Read more at https://www.channelnewsasia.com/news/asia/former-south-korean-president-park-jailed-24-years-for-10109782
  7. St. Paul (Caasimada Online) – Qorshe la doonayo in Iagu mataaneyo magaalooyinka Muqdisho iyo magaalada Saint Paul ee caasimadda gobolka Minnesota ayaa waxaa caqabad ku noqday jaaliyadda beesha Majeerteen ee Minneapolis iyo Saint Paul, sida uu baahiyey taleefishinka Fox 9. Imaam Xasan Maxamuud iyo Qaasim Busuri oo matala laba ka mid ah afarta masjid ee Saint Paul ayaa ka shaqeynaya mataaneynta Muqdisho iyo St. Paul. “Soomaalida waxay St. Paul u arkaan dalkooda labaad” ayuu yiri Imaam Xasan. “Soomaali kasta, meeshuu doono ha ka yimaadeen waa ku faraxsa yahay qorshahan” Si kastaba, waxaa qorshahan kasoo horjeeda xubno beesha Majeerteen ah oo la magac baxay Mashruuca Mataaneynta St. Paul iyo Garoowe, horena loo oron jiray Saaxiibada Minnesota ee Puntland. Bayaan ay soo saareen oo ay u direen taleefishinka Fox 9 ayay ku sheegeen in qorshaha uu yahay mid “Waqtigiisa kasoo hormaray oo aan suurtgal ahayn” Waxay sheegeen in mataaneynta Muqdisho iyo St. Paul uu abaal marinayo “Magaalo hantida dadkoodii lagu dhacay, dadkoodiina lagu laayey, oo lagu qasbay inay ka qaxaan”, sida ay hadalka u dhigeen. “Xaqiiqda ayaa ah in Muqdisho ay tahay magaalo ay la dageen weeraro argagixiso, oo dhammaadkoodu aanu soo dhaweyn. Waa kasoo horjeednaa in Muqdisho iyo St. Paul la mataaneeyo. Haddii sidaas ay dhacdo waxaa ka faa’iideysan doona, kuwa taageera xagjiriinta, oo ka soo horjeeda reer galbeedka” ayay yiraahdeen ururka mashruuca Garoowe. “Guri ayaan ku leeyahay St. Paul, kuwa diidan qorshahan xitaa ma degani St. Paul. Waxay rabaan in siyaasaddii Minneapolis ay halkan keenaan” ayuu yiri Qaasim Busuri. Xubnaha beesha Majeerteen ayaa doonaya in St. Paul lala mataaneeyo Garoowe, inkasta oo xaqiiqda ay tahay in Garoowe aysan dhammeyn xitaa hal degmo oo Muqdisho ka mid ah. Halkan ka daawo warbixinta Fox Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa manta kulan aan caadi aheyn magaalada Muqdisho ku yeeshay Xildhibaanada ku mideysan Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Kulanka oo xiisa gaara lahaa ayaa waxaa isugu yimaaday Xildhibaano kor u dhaafaya Boqol Xildhibaan kuwaa oo gabi ahaantooda mowqifkooda mar kale ku sheegay inuu yahay laalida Guddoomiye Jawaari. Xildhibaanada oo siyaabo kala duwan uga faalooday arrimaha khilaafka ayaa sheegay in Mooshinka dhaliyay khilaafka taagan uu yahay mid wali taagan oo aan burburin, sida ay hadalka u dhigeen. Xildhibaanada goobta ka hadashay ayaa gabi ahaantooda codad dhaadheer ku sheegay in Mooshinka Jawaari uu weli yahay mid taagan, isla markaana uu ku dhaqan gali doono waxyar. Waxa ay sheegen in nasiino ay ku waajibi doonto xiliga ay Kursiga ka tuuran Guddoomiye Jawaari oo ay ku eedeeyen Musuq iyo ku xadgudubka Dastuurka dalka. Shaqaaqadii ka dhacday xarunta baarlamaanka arbacadii lasoo dhaafay ayey sheegen inay aheyd mid lagu doonaayay in lagu afganbiyo dalka, hase ahaatee ay dowlada ka feejigneyd talaabada garabka Jawaari, sida ay sheegen Xildhibaan Aadan Isxaaq oo ka mid ah Baarlamaanka Somalia, gaar ahaan garabka Mooshinka kawada Guddoomiye Jawaari oo goobta ka akhriyay war-saxaafadeed kooban ayaa sheegay in gudoomiye jawaari uu ku xadgudbay dhowr qodob oo Dasruurka dalka u yaalla. Xildhibaanka waxa uu sidoo kale sheegay in uusan noqon qof dhex dhexaad ah isla markaana uu talada dalka u dhiibtay Xildhibaano aad u tirro yar, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, Xildhibaan Aadan Isxaaq, ayaa goobta ka cadeeyay in tiradooda aysan laheyn qarsoodi, isla markaana ay dhan yihiin 220 xildhibaan. Si kastaba ha ahatee, Xildhibaanada Mooshinka kawada Guddoomiye Jawaari, ayaa xiligaan ku doodaya in Is casilaada Jawaari ay ka doorbidayaan in xilka looga qaado Codeynta Mooshinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay dagaalo shaar qabiil huwan oo shalay iyo xalay ka dhacay Muqdisho, wuxuu tilmaamay iney tahay nasiib daro weyn in 2018 ay Xamar ka dhacaan dagaalo qabiil, wuxuu ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay shaqaaqadaas isagoo fariina u diray laamaha Dowladda ee ay quseyso arrintan. Qoraal uu soo dhigay bogiisa rasmiga ah ee Facebook ayaa u qornaa sidaan hoose. Tacsi iyo Tallo soo Jeedin ————————————————————— Marka hore waxaan tacsi u dirayaa dhamaan ehelada shacabkii ku dhintay shaqaaqooyinkii shalay ilaa xalay ka dhacaayay Muqdisho iyo qaraxyadii maanta Xamar ka dhacay, waxaan lee yahay Allaha u naxariisto dadkaa gardarada ku dhintay, dhamaanteenna samir iyo imaan Allaha naga siiyo, sidoo kale kuwa ku dhaawacmay iyagana Allaha caafiyo. Dagaalada dhex mara ciidankeenna waa kuwa soo noq noqda una baahan in qorshe cad loo sameeyo si loo xakameeyo, waa nasiib darro weyn in 2018 aan aragno Xamar oo dhowr saacadood ay ka socdaan dagaallo shaati qabiil loo galiyay. Waxaan ugu baaqaya kooxaha dagaalamaya in ay nabad iyo wada hadal wax ku raadiyaan, u turaan shacabka ayna ogaadaan inuu xisaabtan jiro, mar walba oo uu dagaal dhaco waxaa naga baxa dad muhiim u ahaa bulshadeenna, dagaal hadii uu faa’iido lee yahay waxaa nagu filan inaan dib u fiirino 27kii sano ee lasoo dhaafay. Hay’addaha Amniga, Maamulka Gobalka Benaadir iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaan ka codsanaya in ay xoogga saaran sidii loo damin lahaa colaadda, sidoo kalana ay magacaaban gudi soo afjara xiisadan soo noq noqotay. Odayaasha dhaqanka, Ganacsatada, Culimmada, Haweenka iyo Dhallinyarada waxaan lee yahay kaalintiina qaata, waad ogtihiin Muqdisho iyadaa horey u dhiig baxeysay mana xamili karto dhibaato cusub. Dhinaca kale, xiisadda siyaasadeed ee maalmahan ka taagan Muqdisho waxey culees badan saartay shacabkii magaalada oo laga xiray dhamaan jidadkii ay isticmaali jireen, xaqiiqdii aadbey ii gubtay markii la ii soo sheegay hooyo xaamilo ah oo laamiga ku foolaneysa. Siyaasiyiintu waa in ay ogaadaan awoodoodu waxey ku egtahay inta ay shacabku kacayaan. Fadlan Muqdishaawiyiinta yaan cadaadiska lagu badin oo laga xayirin nolol maalmeedkooda. Khilaafka siyaasiga ah ee taagan uma baahna xoog iyo cudud ciidan toona, waa in la aada dhanka sharciga si xal loo helo, kaas hadii aan iska indho tirno wax badan ayaa naga halaabi doona. Ugu dambeyntii waxaan soo dhaweynayaa #DhawaqaDhalinyarada waxaana leeyahay marwaliba doorkiina waa muhiim. Waxaad xaq u leedihiin mustaqbal la mid ah kuwa jiilalkii hore ay ku heleen bilaash. Badbaado iyo badbaadin baan idiin wada rajeeynayaa. Mdne: Thaabit Cabdi Maxamed
  10. Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka bilowday Tartan nooca oradka ah, kaas oo loogu magac daray Tartankii Nabada . Dhalinyaro gaaraysay tiradooda ilaa iyo 500 oo qof ayaa ka qayb qaatay Tar tankan, waxaana lagu qabtay wadada KM4 ee Magaalada Muqdisho . Orodkan oo laga bilaabay isgoyska KM4 ayaa lagu soo gaba gabeeyay maanta taalada Daljirka Daah soon , waxayna Tartamayaashu ay ordeen masaafo dhan ilaa 3 kun oo mtr. Ciidamo dowladda faradaraalka Soomaaliya ayaa sugayay amniga goobta uu Tartankan uu ka socday , waxaana u soo daawaso tagay Dadweyne aad ufarabadan , kuwaas oo orad yahanada uqaybinayay biyo ay cabaan . Tartankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo dhif iyo naadir ah oo lagu qabto Magaalada Muqdisho, tan iyo wixii ka Dambeeyay bur burkii dowladdii dhexe ee dalka . Halkan ka dhagayso C/salaan Maxamed Axmed oo kamid ahaa Orodyahanadii Tartankan ka qayb gashay, kaalinta koowaadna ka galay oo ka warbixinaya dareenkiisa. Cabdi salaan orodyahan
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Ubax Tahliil Warsame oo kamid ah Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa ka dhawaajisay in qaraxyada Maanta Muqdisho ka dhacay inaysan ka dambeyn ururka Al-Shabaab. Xildhibaanada oo ka hadleysay kulan ay isugu imaadeen Xildhibaanada doonayo inay xilka ka qaadaan Prof. jawaari oo ka dhacay Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegtay inay qaraxyadaas ka dambeeyaan shakhsiyaad dano Siyaasadeed leh oo doonayo inay wadanka qasaan sida ay hadalka u dhigtay. Ubax Tahliil ayaa sidoo kale sheegtay in Markii Prof jawaari loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka inay u saartay Shaal haddana ay kala noqotay . ” Jawaari markii la doortay shaal baan saaray, maantana naxash baan saaray” ayey tiri xildhibaanada Ubah Tahliil. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta ka dhacay laba qarax muddo laba saac gudahood, waxaana labadoodaba lala eegtay koontaroolada ay ciidamada dowladda ku baaraan baabuurta. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxyada Muqdisho ka dhacay waxaana war saxaafadeed kasoo baxay lagu yiri: “Mujaahidiinta ayaa camaliyaad istish-haadi iyo inghimaasi ah ku beegsaday maleeshiyaad katirsan Kooxda Ridada oo ku sugnaa gudaha magaalada Muqdisho, qaraxa koowaad oo istish-haadi ahaa waxaa lala helay goob uu cadawgu ka ilaaliyo garoonka diyaaradaha 12 murtad ayaa ku dhimatay qaraxa koowaad, weerarka labaad wuxuu ka dhacay Say Biyaano oo Mujaahid inghimaasi ah ayaa weeraray maleeshiyaad murtadiinta katirsan 6 kamid ah cadawga alle ayuu toogasho ku dilay kadibna gaari ayaa ku qarxay cadawga markii ay goobta isugusoo baxeen”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab. Qaraxyadaan ayaa waxay kusoo aadayaan xilli ay Muqdisho ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeyso Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ay qaarkood doonayaan inay xilka ka qaadaan Guddoomiye Jawaari halka qaar kalana ay difaacayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan toddoba ruux ayaa ku dhintay, tiro kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray qaraxyo ismiidaamin ah oo maanta ka kala dhacay laba bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia. Qaraxii koowaad oo ka dhacay bar-koontarool oo ku taalla Waddada aadda garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen laba qof oo midkood uu ahaa ruuxii waday gaarigii qarxay, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay saddex askari sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka NISA oo koontaroolkaas ku sugnaa. “Ciidamadu waxay ka hortageen weerar khasaare badan geysan lahaa, waayo gaariga waa laga shakiyay waana la xabadeeyay sidaas ayuuna ku qarxay,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Somalia oo goobtaas kula hadlay warbaahinta. Sidoo kale, Saacad kaddib ayaa wuxuu qarax gaari ka dhacay koontarool ay ku sugnayeen ciidamada dowladda Somalia, gaar ahaan kuwa xaslinta oo ku yaallay agagaarka isgoyska Banaadir ee Muqdisho, waxaana halkaas ku naf-waayay shan qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen ciidamadii goobtaas joogay. Mid ka mid ah ciidamadii goobta ku sugnaa ee Qarax ka badbaaday ayaa u sheegay wariyeyaasha in gaariga uu kusoo biiray gaadiidkii la baarayay, balse ciidamadu way ka shakiyeen iyagoo dilay saddex qof oo gaarigaas la socday, kaddibna gaariga ayaa qarxay. Ciidammo fara badan oo kuwa dowladda ah ayaa goobahaas gaaray, iyadoo ay noqonayso maanta maalintii ugu Qaraxyada badnayd Muqdisho tan iyo markii ay billaabatay xiisadda u dhexeysa Xukuumadda iyo Baarlamaanka Somalia. Ugu dambeyn, Ma jirto weli cid sheegatay Qaraxyadan fashilmay, inkastoo Al-shabaab ay inta badan sheegato inay mas’uul ka tahay Qaraxyada ka dhaca Muqdisho, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo inay qaraxyo kale dhacaan. PUNTLND POST The post WARBIXIN: Khasaarihii ka dhashay Laba Qarax oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (PP) ─ Muqdisho waxaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay Tartanka Maalinta Horumarinta Isboortiga Dunida iyo sidoo kale Maalinta Orodka gaaban ee Muqdishu Mini Marathone. Tartanka ayaa waxaa ka qayb galayay 370 Orod yahan oo ka kala socda 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir, iyadoo Degmo waliba laga soo xulay 22 Ciyaartooy oo u badan kuwo da’ yar ah. Tartanka oo kasoo billaawday Aargada KM 4 laguna soo gabagabeeyay KM O, ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiiradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Khadiija maxamed Diiriye, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) , Guddoomiyaha sportiga Gobolka Banaadir Xasan Xaaji yabaroow iyo masuuliyiin kale. Maalinta caalamaiga ah ee horumarinta Sportiga Adduunka, ahna Maalinta Orodka gaaban ee Muqdisho 6-da April ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay quburo ku xeel dheerayaal Orodka uu ka mid ahaa halyeey Cabdi Bile Cabdi iyo tababarayaal kale oo Taariikh ku leh Dalka Soomaaliya. Orodka oo ahaa mid xiisa gaar ah leh ayaa waxaa kaalinta koobaad ka galay Xasan Iidoow Xasan oo ka tirsan Ciyaartooyda xulka Qaranka Horseed, halka kaalinta Labaadna uu galay C/salaan Maxamed. Markii uu soo gabagaboobay Ororka ayaa waxaa halkaasi ka hadashay wasiirka wasaaradda Sportiga iyo dhallinyarada Soomaaliyeed Khadiijo Maxamed Diiriye, waxanay sheegtay inay xustay inay Sanadkan ku guuleysteen soo bandhigidda munaasabadda Caalamiga ee horumarinta Sportiga Adduunka oo huwan munaasabad Qarameedda 6 April oo ah Muqdisho Mini Marathon. Wasiirad Khadiijo ayaa sheegtay inay Soomaaliya ka gaadhay xagga Sportiga horumar la taaban karo, iyadoo tilmaantay in qabashada Labadan munaasabadood muddo laga soo shaqeeyay hirgelintooda fikirna lagu bixiyay, waxanay tallaabadani ugu mahad celisay Guddoomiyaha Gobolka iyo madaxda xiriirka Olympikada Soomaaliyeed. “Waxaa hirgelinta munaasabaddan suurto geliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, wasaaradda hindisaheeda uma suurto galeen haddaydaan Gacan na siin, sidoo kale waxaan u mahad celinayaa xiriirka Olympikada Soomaaliya oo kaalin ka qaatan” ayay tiri wasiiraddu. Khadiijo Diiriye ayaa sidoo kale sheegtay inay isla Maanta Daah furtay Mashruuc lagu horumarinayo nabadda sportiga iyo is dhex galka bulshada soomaaliyeed, kaasoo ay qayb ka yihiin maamul goboleedyada Dalka ka jira. Wasiiradda ayaa dhanka kale Dhallinyarada Soomaaliyeed ku boorrisay inay la mid noqdaan halyeyga Cabdi Bile Cabdi oo ah Nin kii ugu horreeyay ee isaga oo Magac Soomaaliyeed ku cayaaraya Billado u soo hooyay Qarankiisa. Waxay sidoo kale sheegtay in dhammaan ka qayb galayaasha Maalinta Orodka gaaban ee Muqdisho la guddoonsiin doono Shaqaado Sharaf lagu caddeeynayo tartankii ay ka qayb galeen. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng; C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay in Maanta ay farxad weyn u tahay in tartanka uu ka dhaco Muqdisho, wuxuuna bogaadiyay doorkii lixaadka lahaa ee ay wasaaradda Sportiga ka qaadatay hir gelinta tartankan, wuxuuna si aad ah ugu mahad celiyay halyeeyga Orodka Soomaaliyeed cabdi Bile Cabdi iyo Dhallin yaradii ka qayb qaadatay Orodka gaar ahaa Carruurtii aadka u da’da yarayd ee tartamaysay. Eng. Yariisoow ayaa sheegay inay tallaabadani tahay farriin nabadeed, isagoo xusay inay Muqdisho la mid noqon doonto caasimadaha Adduunka haddii dedaalladan oo kale la sii wado lana dhiirri geliyo. Orodyahanka Cabdi Bile ayaa aad ugu dheeraaday Taariikhda Marathone-ka Soomaaliya, doorkii uu kasoo qaatay, wuxuuna ammaanay niyadda ay u hayaan Dhallinta cusub inay ka mid noqdaan Orod yahannada Caalamka, kuwaasoo sida uu sheegay u haya Orodka niyad iyo han fiican, wuxuuna ugu mahad celiyay waalidkii u oggolaaday iyo Macallimiintii ku soo barbaarisay. Ugu dambayntii waxaa halkaas Billado isugu jira Dahab, Qalin iyo Maar lagu kala guddoonsiiyay Saddexdii Orod yahan ee kaalimaha hore ka galay tartanka, waxaana Billadda Dahabka hantiyay Cali Iidoow Xasan oo 19 jir ah una dheela xulka Qaranka Horseed halka kaalinta Labaadna uu galay C/Salaan Maxamed. PUNTLAND POST The post Magaalada Muqdisho oo Maanta lagu soo Gaba-gabeeyay Tartanka Orodka Gaaban appeared first on Puntland Post.
  14. Qaar kamid ah dabaabadka Loo yaqaan kaare oo maamulka somailand ka keenay Oog ayaa maray duleedka bari ee magaalada laascaanood kuna siijeeda jiida tukaraq. Dhanka kale taliyaha maleeshiyaadka Somaliland nuux taani ayaa xalay xili danbe soo gaadhay magaalada laascaanood isagoo usii gudbi doona dhanka tukaraq. Puntland ayaa ciidamo tiro badan soo dhoobtay sadex aag oo kala, Aaga Godqaboobe, Aaga Boocame, Aaga Holhol, oo ah wadada kaliya ee somaliland ufuran. Labada dhinac ee isku horfadhiya tukaraq ee Somaliland iyo Puntland waxayna ku jiraan abaabulkii udanbeeyey iyadoona ay suuragal tahay in dagaalku uu waqti kasta qarxo
  15. Qardho (Caasimada Online)– Madaxweynaha maamulka Puntland, C/weli Cali Gaas ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Qardho wuxuu ugu magac-daray, marxuun Abshir Muuse Siciid oo ka mid ahaa xubnihii sare ee jabhaddii SSDF. C/weli Gaas ayaa hadalkaan ka sheegay saakay aas magaalada Qardho loogu sameeyay marxuum Abshir Muuse Saciid oo ku geeriyooday dalka UK. wuxuuna Mr. Gaas ammaanay kaalintii marxuumku ka soo qaatay dhidiba u tanga maamulka Puntland, wuxuuna halkaasi ka sheegay in garoonka diyaaradaha qardho loogu magac-daray. Marxuun Abshir Muuse ayaa maareeye ka soo noqday,wakaaladdii hore ee xooga korontada Soomaaliya ee (ENEE), sidoo kale waxaa lagu xasuustaa in uu kamid ahaa hoggaamiyaashii sare ee jabhaddii(SSDF). Dhinaca kale wuxuu kamid ahaa dadkii as’aaska u dhigay dowladda Puntland sannadkii 1998,isagoo guddoomiye ka soo noqday hay’adda biyaha Puntland ee (PASAWEN).
  16. Two explosions happened in Somalia’s capital Mogadishu on Friday killing security soldiers and militants, KNN reports. The first explosion was a car laden with explosives in which suicide bomber hits security checkpoint in KM4 junctions, especially the road goes to Aden Adde airport. Witnesses said that the security forces opened fire for suspected car before the explosion, and then explosion erupts. At least one person killed, the suicide bomber and four security soldiers wounded, KNN reporter said. The second was and attack started with shooting from militants to government security forces in at check point near Banadir junction in Mogadishu, and then car explodes the security checkpoint. Witnesses said at least three militants and two soldiers were killed, but there is no clear casualties’ number from the government officials. These days there was an alert in Mogadishu and roads were blocked by the security forces. There was no security warning from the security officials Source: KNN
  17. Security forces around KM4 junction intercepted a siucide car bomber forcing him to kill himself and wounded three security forces, a police said Friday. Residents were performing friday prayers at time of the blast which sent a black smoke to the sky. Shortly the first blast Another car bomb went at Banadir Junction according to police. Security forces operating at checkpoint are said to have foiled the attack, but casauties feared in this one. By Mohamed Odowa.
  18. Mogadishu (HOL) - Kenya Police on Thursday placed $8000 bounty on eight Al-Shabaab terrorists. Source: Hiiraan Online
  19. Mogadishu (HOL) - At least one person has been killed when a car bomb went off in the Somali capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  20. Qaraxa labaad oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay wax yaabaha Qarxa ayaa ka dhacay goor dhawayd bar kaantarool oo ay Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku baaraan Gaadiidka dadweynaha kaas oo ku dhawaa dabaqa Seybiyaano ee bartamaha Magaalada Muqdisho . Qaraxan ayaa dhacaya saacad uun ka dib markii uu dhacay Qaraxii 1aad oo isna ka dhacay Wadada KM4 . labadan Qaraxa ayaa dhacay salaadii jimce kadib, waxaana la soo sheegayaa in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Ciidamada dowladda iyo Hay,adaha Gargaarka Caafimaadka ayaa goobta uu Qaraxu ka dhacay gaaray , waxaana laxiray Wadooyinka soo gala goobihii ay Qaraxyadu ka dhaceen . lasoco faah faahinada wararkaasi iyo wixii ka soo baxa .
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho ayaa daqiiqado ka hor marti gelisay qarax labaad oo xoggan oo lala eegtay Jagboonti ay ciidamada dowladda ku baaraan Gawaarida. Meesha la qarxiyey oo saldhig u ah ciidamada Xasilinta Muqdisho ayaa ku taal meel aan sidaas uga fogeyn Sarta Seebiyaano. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaa uu ahaa mid gaari loo adeegsaday,isla markaana xili ay ciidamada baaritaano ka wadeen Koontoroolkaas uu qarxay. Gaarigaan is qarxiyay ayaa la sheegay inta uusan qarxin ka hor in ay ka shikiyeen ciidamo ku sugnay Barkoontarool oo ka ag dhow Isgoyska Banaadir, dadkana ay ugu digeen in laga ag dhawaada gaarigaasi, ciidamada ayaa furay rasaas ay ku kala ceyrinayeen dadka shacabka ah. Gaadiidka gargaarka deg dega ah iyo dad shacab ah ayaa ku sii qulqulaya goobta uu qaraxa ka dhacay si ay ugu gur madaan dadka wax yeelada soo gaartay. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, aygoo hakad giliyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay khasaaro xoog leh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo Askar halkaasi ka ag dhawaa. Warar kale oo aan la hubin ayaa sheegayo inay is rasaaseyn dhex martay ciidamad dowladda iyo koox la sheegay inay gaariga saarneyn inkastoo aan warkaas la xaqiijin karin. Daqiiqado ka hor ayaa qarax kale wuxuu ka dhacay wadda aada Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde halkaas oo qof Gaari watay is qarxiay Bar koontarool oo fadhiisimo u aheed ciidamada NISA oo ay ku baaraan Gaadiidka aada Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Waxaa jiro Khasaaro soo gaaray ciidamadii halkaas ku sugnaa iyo dad shacab ah oo saarnaa Baabuur iyo bajaajyo ku jiray feelka baaritaanka. Ilaa hadda si rasmi ah looma ogaan khasaaraha ka dhashay qaraxaan, waxaana meesha ay wax ka dhaceyn isku gadaamay ciidamo boolis ah oo ka tirsan dowladda, sidoo kalana waxaa meesha gaaray gawaarida gargaarka deg deg ah. Waa qaraxii labaad oo Muqdisho ka dhacay Maanta, waxayna labadaba ka siman yihiin in lala beegsaday saldhigyada ay ciidamada dowladda ku baaraan baabuurta, iyadoo arrintaan ay noqoneyso cabsi cusub oo usoo hoyatay dadweynaha Muqdisho.
  22. Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo duhurnimadii maanta ka dhacay Koontoroolka ay Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Soomaliya ku leeyihiin wadada aada Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho. Qaraxaan ayaa ahaa mid laga soo buuxiyey Gaari nooca Soomaalidu u taqaano NOAH waxana la sheegay in Darawalka Gaariga uu iskudayay in uu xoog ku maro koontoroolkaas basle ay Ciidamadu rasaaseeyeen taas oo keentay in uu qarxo. Wararka KNN ay heleyso ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay Bar koontarool oo ciidamo ka tirsan NISA ay leeyihiin wada aada Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, isla markaana ay ku baaraan Gaadiidka aada Garoonka. Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari wax yaabaha Qarxa laga soo buuxiyay sida wararka qaar ay tilmaamayaan, Qiic iyo uuro ayaa cirka isku shareeray oo meelo fog fog la arkayay. Qaraxaan ayaa ku soo aadaya Saacado uun kadib markii Wadooyinka Muqdisho la furay oo Maanta loo xiray Tartanka orodka gaaban ee Muqdisho lagu qabtay,kas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya. Dad la hadlay Idaacada Kulmiye waxay sheegeyn in kharaaso uu ka dhashay Qaraxaasi laakiin aysan caddeyn Karin inta uu la egyahay khasaaraha. Inta la xaqiijiyey waxaa ku dhinta qofkii waday gaariga sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay seddex kamid ah askartii gaariga baareysay. Sidoo kale waxaa daqiiqad ka hor Muqdisho ka dhacay qarax xooggaan, iyadoo la sheegay inuu ka dhacay xarun ay ciidamada dowladda ku baaraan gaadiidka oo ku yaalo agagaarka Seybiyaano. Waxaa meesha yaalay baabuur badan waxaana lasoo sheegayaa inuu qaraxaas geystay khasaaro aad u badan sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan halkaas
  23. Muqdisho (Caasimada Online)– Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay tartanka maalinta horumarinta ciyaaraha adduunka ee orodka gaaban, kaasoo loogu magac daray Muqdishu Mini Marathone. Tartanka ayaa waxaa ka qayb galayay 370 orod yahan oo ka kala socda 17-ka demo ee gobolka Banaadir, iyadoo degmo waliba laga soo xulay 22 Ciyaartooy oo u badan kuwo da’ yar ah. Tartanka oo kasoo billaawday Aargada KM 4 laguna soo gabagabeeyay KM O, ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiiradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Khadiija Maxamed Diiriye, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) , Guddoomiyaha sportiga Gobolka Banaadir Xasan Xaaji Yabaroow iyo masuuliyiin kale. Maalinta caalamaiga ah ee horumarinta Sportiga Adduunka, ahna Maalinta Orodka gaaban ee Muqdisho 6-da April ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay quburo ku xeel dheer Orodka uu ka mid ahaa halyeey Cabdi Bile Cabdi iyo tababarayaal kale oo Taariikh ku leh dalka Soomaaliya. Orodka oo ahaa mid xiisa gaar ah leh ayaa waxaa kaalinta koobaad ka galay Xasan Iidoow Xasan oo ka tirsan Ciyaartooyda xulka Qaranka Horseed, halka kaalinta Labaadna uu galay C/salaan Maxamed. Halyeey Cabdi Bile Cabdi oo ka mid ahaa martidii ka qeybgashay tartankaasi ayaa aad ugu dheeraaday Taariikhda Marathone-ka Soomaaliya, doorkii uu kasoo qaatay, wuxuuna ammaanay niyadda ay u hayaan Dhallinta cusub inay ka mid noqdaan Orod yahannada Caalamka, kuwaasoo sida uu sheegay u haya Orodka niyad iyo han fiican, wuxuuna ugu mahad celiyay waalidkii u oggolaaday iyo Macallimiintii ku soo barbaarisay. Ugu dambayntii waxaa halkaas Billado isugu jira Dahab, Qalin iyo Maar lagu kala guddoonsiiyay Saddexdii Orod yahan ee kaalimaha hore ka galay tartanka, waxaana Billadda Dahabka hantiyay Cali Iidoow Xasan oo 19 jir ah una dheela xulka Qaranka Horseed halka kaalinta Labaadna uu galay C/Salaan Maxamed.