Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho-(Caasimadda Online)-War qoraal ah oo ka soo baxay guddiga Dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal ayaa waxaa lagu sheegay in Dastuurka KMG ah ee xilligaan lagu Shaqeeyo uu yahay kan rasmiga ah kadib markii dhawaan uu sheegay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka in la xaday Dastuurkii saxda ahaa. Waxa ay sheegeen in dastuurkan yahay kii saxd ahaa ee ay ansixiyeen ergada Agoosto 1, 2012, iyaga oo meesha ka saaray in dastuurkii saxda ahaa yahay midkii Todobaadkii hore lo qeybiyey xildhibaannada golaha shacabka. Guddiga ayaa sheegay in ay shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaan in dastuurka hadda lagu dhaqmayo yahay kan saxda ah ee hay’adda dowladda lagu soo dhisay. Waxaa soo baxayay tan iyo markii uu is casilay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari in dastuurka la xaday. Dastuurka la xaday ayaa la sheegay in uu qorayo in Madaxweynaha uu kala diri karo baarlamaanka isla markaana uu haynayo xilka muddo shan sano ah. Halkan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka Guddiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Shariif Abdullahi oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka gudoomiyaha golaha shacabka ayaa lacag $1,000 dollar ah ugu deeqay xulka 17 jirada Somalia ee gaaray final-ka tartanka Bariga iyo Bartamaha Africa. Musharaxa ayaa lacagta ku wareejiyay guddiga #CaawinQaran oo u istaagay iney dhaqaalo aruurin u sameyaan ciyaartooyda 17 jirada Somalia, wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay ee lacag ku deeqa. Musharaxaan u taagan Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa noqday musharaxii ugu horreeyey ee taakuleyn u sameeyey dhalinyarada Soomaaliyeed ee laga filayo in Magaalada Muqdisho kasoo dajiyaan koobka Bariga iyo Bartamaha Africa. Sidoo kale waxaa Maanta guddiga #CaawinQaran taakuleyn ku wareejiyey Xildhibaan Mustaf Dhuxulow, Wariyaha BBC Cabdiriraaq Xaaji Catoosh iyo Shakhsiyaad kale oo caan ah. Lacagaha ay guddigan aruuriyaan ayaa shaqsi shaqsi loogu qeybin doona ciyaartooyda ka qeyb gashay tartanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (PP) ─ War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga la socodka dib u eegista iyo hir-gelinta Dastuurka ayaa lagu sheegay in Dastuurka hadda sida KMG ah loogu shaqeeyo yahay kan saxda ah ee lagu soo dhisay Hay’adaha Dowladda. Guddigu waxay sheegeen in dastuurkan yahay kii saxda ahaa ee ay ergadu ansixiyeen sannadkii 2012-kii, iyagoo meesha ka saaray in dastuurkii saxda ahaa yahay midkii toddobaadkii hore loo qaybiyay Xildhibaannada Golaha Shacabka. Sidoo kale, Guddiga ayaa sheegay inay shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaan in dastuurka hadda lagu dhaqmayo yahay kan saxda ah ee hay’adda Dowladda lagu soo dhisay. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Somalia C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa horay u sheegay in la xaday dastuurkii saxda ahaa ee ay ergadu ansixiyeen, balse maalmo kaddib ayaa la sheegay in la helay. Ugu dambeyn, Baraha bulshada ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa la isku weydaarsanayay hadallo ku aaddan dastuurka la xalay ee la sheegay iyo kaasoo la sheegay in dib loo helay. Haddaba, AKHRISO War-saxaafadeedka kasoo baxay Guddiga Dastuurka; PUNTLAND POST The post Guddiga dib u eegida Dastuurka oo war kasoo saaray hadallada aaddan Dastuurka Dalka appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (PP) ─ Maalmihii lasoo dhaafay ayaa bannaan-baxyo looga soo hirjeedo maamulka Dowlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxay ka dhacayeen deegaanno ka mid ah kuwa maamulkaas uu ka taliyo. Deegaannada ugu badan ee mudaaharaadyadu ay ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Shinniile, waxaana la sheegay in rabashadhan gilgilay deegaannada maamulka Soomaalida Itooobiya ay xilalkooda ku waayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas. Wargeyska laga leeyahay Itoobiya ee la yiraahdo Addis Standard ayaa qoray in Madaxweynaha Dowlada-deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Cabdi Maxamed Cumar uu xilka ka qaaday Madaxweyne ku xigeynkiisii Cabdikariin Cigalle, kuna badalay Xamdi Aadan Cabdi oo sida la sheegay kasoo jeeda Deegaanka Shiniile ee is-maamulka Soomaalida Itoobiya. Haweeneydan loo magacaabay madaxweyne ku xigeenka maamulkaas ayaa la sheegay inay ahayd Wasiiradii caafimaadka maamulka, iyadoo noqonaysa haweeneydii ugu horreysay oo loo magacaabay Madaxweyne ku xigeenka maamulka DDSI. Sidoo kale, Wargeyska ayaa sababta xilka looga qaaday C/kariin Cigalle ku sheegay in laga baqay inay kordhaan dibadbaxyada rabshadaha wata ee ka dhacaya deegaanka Shinniile. Dhanka kale, Wararka la helayo ayaa sheegaya inay jraan deegaanno kale oo wali ay ka socdaan dibadbaxyada rabshadaha wata oo laga baqayo inay sii kordhaan. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Cabdi Maxamed Cumar ayaa la sheegayaa inuu wado dadaal uu ku joojinayo dibad-baxdyada rabshadaha wata ee looga soo horjeedo maamulkiisa. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenkii Dowlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo xilkii laga qaaday appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibannada kooxda qabyo ee Baarlamaanka Federaalka ayaa dib u soo nooleysay Kutladii Hore-u-socod ee mucaaradnimada ku bilowday dowladda Soomaaliya xilli ay 3 bilood xilka heysay. Kutladan oo magaalada Nairobi lagu dhisay ayaa u socon weyday waaqic ka hor yimid, kadib markii si weyn ay shacabka uga hor yimaadeen, waxaana guddoomiye u ahaa xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig, waxayna markii danbe u noqotay mid magaca ahaan u jira. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay kala qeybsameen xildhibaanadii kooxda Qabyo, iyadoo guddoomiyihii kooxdan C/rashiid Xididig iyo koox kale ay la safteen kooxdii waday mooshinka Guddoomiye Jawaari, waxaana la sheegay in guddoomiye cusub loo sameeyay Kutladii Hore-u-socod. Guddoomiyaha Kutladan ayaa la sheegay in laga dhigay Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur, halka Guddoomiye kuxigeen aan hore u jirin laga dhigay Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyadoo Xoghaye uu noqday Xildhibaan Cali Cabdi Cusmaan (Caliyow). Horaantii bishii April ayay aheyd markii C/rashiid Xidig iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ay ku kulmeen dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, taasna ay keentay kala shakiga xubnaha Kudlada Horusocod oo soo dedejisay in Hoggaan cusub ay doortaan. Lama oga hoggaankan cusub Kudlada Horusocod waxaa uu ku soo kordhin doono mucaaradadii horay u jirtay ee Xukuumadda iyo Madaxtooyada kala kulmayeen Xildhibaanada aan siyaasad ahaan taageersaneyn labada xafiis. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. The World Bank announced today new support for Djibouti’s ongoing efforts to leverage digital technology to bring government closer to citizens and improve the impact, transparency and efficiency of its public administration. With a US$15 million credit from IDA, the World Bank’s Source: Hiiraan Online
  7. MOGADISHU (Xinhua) -- Somalia will next month host a two-day international conference aimed at stopping illegal charcoal trade in the Horn of Africa nation, organizers said Saturday. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho-(Caasimadda Online)-Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir ku saabsan fatahaadda wabiga shabeelle iyo Barakaca ka socda Magaaladaas. Shirkan oo uu Ra’isalwasaaraha ka furay Xarunta madaxtooyada dalka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgelaya Ra’isalwasaare ku xigeenka Soomaaliya,xildhibaanno,Guddiga ka hortagga Musiibooyinka Qaranka,Ganacsato iyo Hay’adaha aan dowliga ahayn ee gudaha dalka ka howlgala. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa sheegay in dad kabadan boqol kun oo ruux ay u barakaceen fatahaadaha ka jira magaalada Beledweyne. dhawaan ayay ahayd markii Senatorrada kala ah Maxamed Cusmaan Faarax (Dhagajuun), Senator Naciima Ibraahim Yusuf, Senator Maxamed Xuseen Raage iyo Senator Cismaan Axmed Macow ayaa sidoo kale sheegay in ay garan la’yihiin aamusnaanta dowladda. intabada dadka ku nool Baladweyne ayaa barakacay kadib markii guryahoodii ay biyo ugu soo galeyn biyahaas oo saameeyey dhammaan noloshii Bulshada Magalada Baladweyne. Kulanka ka furmay xafiiska Ra’isalwasaaraha ayaa waxaa lagu gorfeynayaa sidii loogu gurman lahaa dadka biyaha ay barakiciyeen ee Magalada Baladweyne. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. A Somali military official was killed on Saturday in bomb blast in Somalia's central town Galkayo. Source: Hiiraan Online
  10. Peshawa-(Caasimadda online)-Dowladda Pakistan ayaa sheegtay in Dhaqtarkii Hay’adda CIA-da Mareykanka ka saaciday dilkii Usama Bin Laden laga bixiyay Xabsi ku yaalla Gobolka Peshawar ee dalka Pakisan lana geeyay meel amaan ah. Saraakiisha Dowladda Pakistan ayaa ehelka Dr Shakil Afridi u sheegay in laga saaray Xabsiga dhexe ee Peshawar dowladduna ay geysay meel amaan ah oo aanay naftiisa qatar ku galayn. Shakil Afridi waxaa lagu xukumay 33 Sano oo Xabsi ah waxaana uu u xiranyahay dowladda Pakistan oo ku eedeysay in uu sirdoon shisheeye kala shaqeeyay dilka Usama Bin Laden oo gudaha Pakistan joogay. Dowladda Pakistan waxaa ay sheegtay in Dhaqtarka naftiisa ay ugala cabsatay Ururka Daalibaan oo ku xooggan Gobolka Peshawar ee Waqooyiga Pakistan sidaas darteedna Hay’adda sirdoonka Pakistan ee ISI ay ku heyso xabsi qarsoodi ah oo ka baxsan Gobolka. Jamil Afridi, oo ah Nin la dhashay Dhaqtarka ayaa sheegay in dowladda ay ku wargelisay in walaalkii laga kaxeeyay Xabsiga dhexee Peshawar lana geeyay goob ay dowladda amaankeeda gacanta ku heyso. Ciidanka gaarka ah ee Mareykanka ayaa waxaa ay Bishii May ee 2011ku dileen Usama Bin laden Magaalada Abbottabad waxaana dilkaas fududeeyay Dr Shakil Afridi oo ka mid ahaa shaqaalaha Caafimaadka ee ka hortagga Cudurka Dabeysha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si KMG ah u hakisay hawlihii dublamaasiyadeed ee safaaraddeedu ay ka wadday Muqdisho, taas oo la sheegay inay hakad ku jiraan tan iyo inta laga xallinayo xiisadda kala dhexeysa Dowladda Somalia. Wararka la helayo ayaa sheegaya in xukuumadda Imaaraadku ay dalka kala baxday qaar ka mid ah dublamaasiyiinteedii ka hawl-galayay safaraadda ay ku leedahay Muqdisho. Dubalamaasiyiinta Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in Dalka ay ka maqnaan doonaan maqnaanayaan illaa muddo aan la cayimin, iyadoo tani ay kusoo beegmayso xilli dhawaan ay dowladda Imaaraadku sheegtay inay hakisay dhammaan tababarrradii ay siin jirtay ciidamada Somalia, isla markaana ay qalabkeedii ka raratay caasimadda Somalia. Sidoo kale, Hakinta hawlaha safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho ayaa la sheegay inuu ka yimid wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka, iyadoo tani ay salka ku hayso khilaafka labada waddan u dhexeeya. Tallaabada ay qaadatay Dolwadda Imaaraadka Carabta ayaa imaanaya xilli ay weli shaqeynayso safaaraddii Somalia ay ku lahayd dalka Imaaraadka oo dhawwaan safiirkeedii la bedlay. Dhanka kale, Dowladda Somalia ayaan ka hadlin xirtaanka safaraaddii ay ku lahayd Imaaraadku Muqdisho, waxaana safaraaddan ay shaeynayso muddo sannado ah, waana markii ugu horreysay oo lagu dhawaaqo in shaqadeedii la hakiyay. Ugu dambeyn, Khilaafkii u dhexeeyay Imaaraadka Carabta iyo Somalia ayaa hawada isku sii shareeraya, iyadoo aan la ogeyn qaabka lagu xallin doono, inkastoo horay loo sheegay in labada dowladood uu wadahadl u socdo. PUNTLAND POST The post Dowladda Imaaraadka Carabta oo hakisay hawlihii safaaradeedu ay ka waday Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho-(Caasimadda Online)-Iyadoo uu sii xoogeysanayo ololaha loogu jiro xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa sii xoogeysanaya tartanka loogu jiro xilka uu banneeyay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari). 11 musharax ayaa u taagan xilkan, waxaana ugu cadcad ilaa 3 musharax oo ay kala taageersan yihiin xildhibaanada Baarlamaanka iyo xafiisyada Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, iyadoo doorashadan ay noqotay tii ugu cusleyd ee xilkan loo galo laga soo bilaabo shirkii Carte ee 2000. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay inay taageersan tahay musharax Cali Maxamed Nuur (Xaaji Cali) oo ay dooneyso inuu xilkan ku soo baxo, laakiin Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dhinaciisa taageersan Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo iska casilayu xilka Wasiirka Gaashaandhigga. Arrintan ayaa salka ku heysa xaaladda siyaasaddda dalka iyo aragti kala duwanaasho ka dhex jirta labada xafiis, iyadoo markii hore ay wada taageerayeen wasiirka Gaashaandhigga, basle markii danbe ay arrintaasi isbedeshay, waxayna wararka qaar sheegayaan in taageerada Xildhibaan Xaaji Cali ka mid tahay heshiis lala galay Guddoomiyihii hore ee Jawaari. Musharax Ibraahim Isaaq Yarow ayaa la sheegay inuu taageero ka heysto xildhibaanadii Qabyo iyo kooxo kale oo uu ka mid yahay xubnaha ugu cadcad ee u tartamaya xilka guddoomiyaha Baarlamaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Gaalkacyo-(Caasimadda Online)-Faah faahino dhaaraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Waqooyiga Magalada Gaalkacyo ee Puntland. Sida ay soo sheegayaan goobjoogayaal ku sugan Gaalkacyo waxaa qaraxan fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa waxaana uu isku qarxiyey goob ay ku sugnaayeen saraakiil ciidan. Wararkii ugu ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaas lagu dilay taliyihii Ciidamada isku-dhafka ee Gobolka oo ay dowladda Soomaaliya u sameysay Gaalkacyo oo lagu Magacaabi jiray Cor, Xorreeyye iyo iyo Sarakal kale oo Magaciisa lagu sheegay Cabdi Qani Axmed Geyre halka dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay. Qaraxan oo ka dhacay xaafadda Xero siinaay ayaa kadib waxaa la maqlay rasaas badan oo kor u dhaceysa waxaana goobta soogaaray ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Puntland kuwaas oo goobta xiray. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Goordhow uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah. Qaraxaan oo ahaa nooca ismiidaaminta ah ayaa la la eegtay Masuuliyiin katirsan Ciidamada isku dhafka ah ee Gobolka Mudug. Qof isi soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay meel ay ku sugnaayeen Taliyaashaan ciidamada isku dhafka ah. Waxaa qaraxaasi ku geeriyooday Taliyihii ciidamada isku dhafka Cor Xoreeya iyo Sarkaal kale oo lagu magacaabo Cabdi Qani Axmed Qeyre. Sidoo kale askar iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay qaraxaasi sida ay sheegeen wariyaal iyo goobjoogayaal ku sugan Gaalkacyo. Qaraxa ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Jiiro Cabdullaahi Yuusuf waxaana goobtaasi gaaray ciidamo katirsan kuwo amniga. Faah Faahinta qaraxa dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Gaal-kacyo appeared first on Puntland Post.
  15. The Ethiopia- Somali region has been rocked by what local media portals are describing as rare protests against the regional government. Source: Hiiraan Online
  16. Canada is providing assistance to address the critical needs of the millions of people in Somalia who continue to face hunger, disease, displacement, physical insecurity and loss of livelihoods as a result of the ongoing conflict and natural disasters, especially drought. Source: Hiiraan Online
  17. KAMPALA - The Somali government officials are undergoing training in biometric registration to integrate pro-government militias into the national army. Source: Hiiraan Online
  18. Press Statement April 27, 2018 Centre for Policy Analysis (CPA) demands Somaliland Non-State Actors Forum (SONSAF) to clarify its position towards the safety and work of the human rights defenders of Somaliland. Having considered a written complaint submitted by a human rights defender, and after analyzing the comments he complained about, we are deeply concerned about the unacceptable and dangerous statements publicly made by a senior staff of SONSAFwho openly attacked through the social media the human rights defenders and made allegations that can put their lives at risk. The allegations also harshly tarnished the concept of human rights itself. We acknowledge that this is not the first time the officer in question made in a public place a similar statement that undermines the human rights while claiming representation of SONSAF. Recognized that the human rights defenders are already working in a tough environment in a selfless manner, it is unacceptable a senior staff of SONSAF to lead a smearing campaign against them. It is beyond doubt that the work of human rights organizations in Somaliland is not any way contrary to the sacred religion of Islam. Any claim to the contrary to smear the human rights is wrong and perilous. Human rights are enshrined in the Constitution of the Republic of Somaliland which is based on the religion of Islam as stipulated in article five of the Constitution. We urge SONSAF to distance itself from that statement, take an appropriate action against the senior staff in question and make a public apology to the human rights defenders and refrain such unacceptable and dangerous attacks to the human rights defenders and to the human rights principles. Lastly, CPA commends the work of the human rights defenders in Somaliland and urges them to continue their efforts. For More information please contact with us at cpa.hornofafrica@gmail.com.
  19. Finally, Kulmiye is too clever for their own detriment. For the last eight years this party has bet on the gullibility of the public to shamelesly lie to their face, telling them what the people wish to hear. For instance, on their visits to Somaliland, western ambassadors to Somalia are casualy introduced to the public as the representative of the country in Somaliland and Somalia. But this time, they have gone too far. Today, one thing is obvious and that is the government is lying about the nature of supposedly UAE delegation the president has received yesterday. The government’s narrative is that a high level delegation consisting of 12 persons met the president and apologized for remarks made by UAE minister last week. Allegedly, the delegation also promised to lift ban on Somaliland livestock exports, train and equip Somaliland forces and facilitate free movement of people and goods between the two countries. All this is good news, but many citizen are not having any of it. That is mainly due to the secrecy surrounding the identity and the ranks of the delegation. Apart from being twelve persons and of high-level, the government failed to release any more details. There were no joint press conference after the meeting. Journalists were not provided photographs of the delegation along with the press release. All we know about the envoy comes from the spokesperson of the president in a video posted on his facebook page. The ministry of foreign affairs reiterated spokesperson remarks today. This is remarkably different than how usually Somaliland receives dignitaries and how they are presented. Normaly, journalists are invited to the reception or photos of the event are posted online. There is also the matter of inconsistency in the press releases of the president’s spokesperson and the press release of ministry of foreign affairs. While the presidency mentions the establishment of kidney hospital, and public servants training provided by UAE, Ministry of Foreign Affais does not. On top of that disgusting cherry, the UAE side is yet to make statement regarding the alleged delegation. The final blow then came from an online tabloid newspaper, Qarannews, which reported that the delegation is not political at all, but consists of junior officials in DP World and the Djiboutian businessman Abdirahman Boore. At this juncture, one might wonder, what would compel the government to so blatanly lie to its people. A little background information explains it all. Last week, the UAE state foreign minister told BBC Arabic that Berbera military base and port deals came to being thanks to understanding with the Federal Government of Somalia, and that UAE did not have any communication with Somaliland. This embarrassed the Kulmiye who for long played the card of patriotism against the opposition. Suddenly, Kulmiye became a suspect of relinquishing the sovereignity of the country. Uncharacteristically, Waddani party has not let the chance go by. Abdirahman Irro called for the resignation of Muse Bihi and the trial of ex president Ahmed Silanyo for high treason immediately after the revelation. That must have thrown the government of tracks. In a desperate attempt to safe face Muse Bihi have grossly underestimated the intelligence of the people and orchesterated this sham. This time, I am glad to say, people know better. People are mocking the ill prepared and executed sham on social media. There are jokes and buns about the invisibility of the delegation, stolen photographs of the event that mirrors the theft of the constitution of Somalia that was revealed recently. Some people are even wondering the existence of a ghost country which is also called UAE that sent a ghost envoy to Somaliland. This time the lie did not pass. I am happy for that, but what is keeping me awake tonight is the question of what else, of higher consequences, is this government lying about? I can’t be the only one wondering that. Abdillahi Hassan Jama Journalist based in Hargeisa, Somaliland Abdiplastaro@gmal.com
  20. By Ahmed Abdi Hargeisa—Ministry of Trade, industries and Tourism will run the fuel Somaliland said in Communiqué released on Thursday. “After receiving the news of the contaminated fuels that caused some vehicles to halt from their work we have decided to test in the laboratory,” said the statement reads. “We will import a new lab so that we will test and analyze possible contaminated fuels in our fuel testing laboratory in the future,” the statement further said. “We will hold accountable the company that imported the contaminated fuel, the statement added.
  21. The University of Amoud, Borama, in partnership with the United Nations Development Programme (UNDP) , and with funding from the Global Environment Facility (GEF), has launched a first of its kind Master Programme in Climate Change and Environmental Sustainability, with thirty students from (RW) – Somaliland, Puntland, Jubaland, Galmudug, South West, Hirshabelle, and Mogadishu awarded full and part time sponsorships by UNDP and Amoud University to study in the programme. It is expected the year and half long postgraduate degree will train a cadre of young professional environmental experts to address issues such as scarcity of water and land degradation, which in turn can help build resilience to drought, flooding, and other climate change related events. It is aimed that the young professionals can then take positions in environmental and government institutions, contributing increased knowledge to the area of environmental sustainability and resource management. In bringing together young people from Somaliland, Puntland, Jubaland, Galmudug, South West, Hirshabelle, and Mogadishu, the Programme aims to also contribute to cohesion and dialogue on environmental issues, supported by technical expertise from UNDP and other United Nations Agencies. The Director General of the Ministry of the Environment and Rural Development, Dr. Abdirizak Jama, speaking at the opening ceremony, thanked UNDP and the Global Environment Facility for their support, and highlighted the contribution the students will make in evaluating environmental impact and sustainability. “The challenges arising from climate change need to be understood, particularly in our context, and we need to find proper ways to address them through adaptation and mitigation,” he said. The President of Amoud University, Professor Suleiman Ahmed Guled, underscored the importance of knowledge in addressing climate change. “Knowledge is a commodity – there are lot of challenges in the world and climate change is one of the largest. The students starting here today will be pioneers, and we will ensure that the programme is sustainable,” he said. Ms. Ilaria Carpen, Head of Hargeisa Area Office, United Nations Development Programme, reiterated that the students attending the Master programme are leading the way. “Climate change is a reality. We rely on you, we are full of hope, that from this programme you will provide the technical expertise to address issues relating to climate change. UNDP is investing in youth because we know that young people like you can come up with new inventions and new ways to address issues affecting the environment,” she said. The students attending the Master Programme are expected to graduate in September/October 2019.
  22. The project activities will help migrants from Somaliland, who have become stranded in African countries to return home voluntarily and reintegrate into their communities HARGEISA, Somaliland, April 27, 2018/APO Group/ — The European Union (EU) funded “Reintegration Facility” project was kicked off on Tuesday (24/04) in an event hosted by the Somaliland Government, EU and IOM, the UN Migration Agency. The project activities will help migrants from Somaliland, who have become stranded in African countries to return home voluntarily and reintegrate into their communities. It will also assist Ethiopians in Somaliland return home and provide them with reintegration support. Representatives from the Government, Civil Society and the United Nations (UN) attended the event, coordinated with the National Displacement and Refugee Agency (NDRA). “Somaliland’s new administration has established NDRA to respond to returning migrants. IOM through the EU is supporting us to help reintegrate returning migrants into their communities. We are happy
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Qadar ayaa shaaca ka qaaday inuu saameyn dhanka dhaqaalaha ah uu ku yeeshay go’aankii dowladaha Xulafada la’ah Sacuudiga ay ku mamnuuceen duulimaadyada diyaaradaheeda. Qadar ayaa sheegtay inay la kulmayaan dhaqaale lumin baaxad weyn, kadib markii ay meesha ka baxeen magaalooyin badan oo ay u kala gooshi jireen diyaaradahooda. Agaasimaha shirkada Qatar Airways Akbar al-Baker ayaa qiray in saameyn xoogan uu ku yeeshay go’aanka duulimaadyadooda looga mamnuucay hawada Xulafada Sacuudiga. Akbar al-Baker, waxa uu sheegay in xisaab xirka sanadkii tagay ay ka muuqato in shirkadooda dhaqaale badan lumisay, isla markaana sare u kacday kharashka ay galeen halka hoos uu u dhacay fa’iidadii ay filayeen. Akbar al-Baker, ayaa ka gaabsaday inuu carab dhabo inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha shirkadaasi soo gaaray sanadkii tagay, hase ahaatee waxa uu cod dheer ku sheegay inuu jiro khasaaro xoogan. Akbar al-Baker, waxa uu sidoo kale qiray in Shirkada Qatar Airways ay lumisay duulimaadkii ay ku tagi jirtay 18 magaalo oo ku kala yaal dalalka Sacuudiga, Imaaraatiga, Masar iyo Baxreyn. Sidoo kale, Akbar al-Baker, ayaa ku nuux-nuuxsaday in khasaaraha jira ay la wadaagi doonaan madaxda ugu sareysa dowlada si ay u galiyaan dhaqaale cusub. Si kastaba ha ahaatee, qeyla dhaanka dowlada Qadar ayaa imaaneysa kadib markii dalalkaasi xayiraada saareen dalka Qatar bartamihii sanadkii tagay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Today, 26th April 2018, Hargeisa regional court has sentenced Boqor Osman aw Muhumed Mohamed to five years in prison. A judge at Hargeisa Regional Court heard a criminal case against Boqor Osman without the presence of his lawyer. The judge, Ahmed Dalmar Ismail, pronounced the judgment on the same day. Boqor Osman aw Muhumud (known as Buur madow) is a prominent traditional elder. Human Rights Centre representative was present at the court hearing today. Boqor Osman repeatedly asked the presiding judge that he wants to have a lawyer and time to prepare a defence. Today was the first day the charges were brought against him. The prosecution was heard and then the verdict was made by the court. Boqor Osman aw Muhumud was arrested on 19th April 2018, but he was released on 20th April on a bail. The elder was accused of “bringing the State into Contempt (article 219(2) of the Penal Code), and “circulation of false news (article 328),” according to the presiding judge. The judge also said he found Boqor Osman of “insult to a judge during a hearing (article 270)” because the elder said “the judge already has the judgment in his pocket,” according to the judge who spoke to the media. The charges are related to a traditional event held in Armo, a town located in Puntland region of Somalia, where the elder attended a crowing of another traditional leader. There he made a statement which “weakens the existence of the sovereignty of Somaliland and denouncing the national army who are performing their constitutional duties,” the judge said. The traditional elder was denied the basic fair trial rights enshrined in the Constitution of Somaliland and the Criminal Procedure Code. He had a right to legal representation and defence according to articles 27 and 28 of the Constitution Additionally, he was not given time to defend himself. The whole trial happened while the defendant did not have a role. He was silent watching while the prosecution was heard and the decision was made. He asked to exercise his right to legal representation. According to article 28(2) of Somaliland Constitution, “every person shall have the right to defend himself in a court.” The right to fair trial is guaranteed by the United Nations Universal Declaration on Human Rights (“UDHR”) and the International Covenant on Civil and Political Rights (“ICCPR”). Human Rights Centre is very concerned about this development. On 15th April and 16th April 2018, the same court has sentenced two other persons over statements they made or posted on social media. Mohamed Kayse Mohamoud has been sentenced to 18 months in prison for “offending the honour of the President.” Naema Ahmed Ibrahim, a poet, was also sentenced to three years in prison over charges related to statements she allegedly made in Mogadishu. According to the charge sheet, these statements are “insult and defamation against the state.” The court said it “found her of Bringing the State into Contempt. Mubarik Abdi, Who spoke on behalf of Human Rights Centre +252634368910 Human Rights Centre (HRC) is the only local human rights watchdog based in Somaliland. It is registered with the Somaliland government as a non-profit-making, non-governmental organization with its own legal personality. Connect wit us: https://www.facebook.com/HumanRightsCenterHargeisaSomaliland
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax gaari ayaa waxa uu Saaka ka dhacay degmada Waabari, gaar ahaan Xaafadda Unicef ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid laga wada maqlaayay inta badan degmooyinka kale ayaa ka dhashay Qarax lagu xiray gaari uu la socday wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa shaqaalaha dowlada. Qaraxa ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen ilaa iyo laba ruux oo la sheegay in mid uu yahay taliye ku xigeenka Ciidamada Nabadsuggidda degmada Waabari iyo Mid kale oo isna goobta ku sugnaa. Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale ka badbaaday ruuxii loogu soo xiray Gaariga oo xiligaa ahaa mid dhulka usoo dagay, isla markaana ay ciidamadu ka shakisanaayen Gaarigiisa. Sida caadaduba aheyd Qaraxa kadib goobta waxaa gaaray Ciidamada Miini baarista iyo Ciidamo kale oo hubeysan kuwaa oo baaritaan kula dhaqaaqay Gaariga iyo Ruuxii lahaa ee Qaraxa loogu xiray. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu Qaraxaani kusoo beegmayaa iyadoo maalmahaani ay magaalada Muqdisho ka dhacayeen Qaraxyo lagu soo xiro gaadiidka Raaxada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com