Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Wasiirka amniga , Maxamed Abuukar Isloow, agaasimasha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka, Sarkiil Ciidan iyo xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir ayaa booqasho ku tagay Xalay saqdii dhexe xarumo ay ka howl-galaan Ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed. Booqashada Ra’iisul wasaaraha Dalka uu ku tagay Ciidanka NISA ayaa ku saabsanayd dhiirri gelin iyo mahad naq ku aaddan sidii ay Ciidanka Nabad sugidda u fashiliyeen Laba qarax oo ay Al-Shabaab doonayeen in ay ka fuliyaan Magaaladda Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa mid mid u Gacan qaaday dhammaan Ciidankii ku sugnaa goobihii lagu fashiliyay qaraxyada , wuxuuna taliyeyaasha halkaasi ku sugnaa ka dhagaystay Warbixinno ku aaddan sidii ay ugu ho tageen Qaraxyadii lala damacsanaa in lagu wax yeelleeyo Ummadda Soomaaliyeed. Wuxuuna Ra’iisul wasaarahuhu intaa ka dib guddoonsiiyay abaal marin Lacageed oo uu ku dhiiri gelinayey Ciidanka maadama ay bad-baadiyeen Shacabka Soomaaliyeed ayna diyaar u yihiin difaacidda Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed. Mudane Kheyr ayaa sidoo kale sheegay inay geesinimadooda badbaadisay naf badan oo Soomaaliyeed, isagoo Ciidanka howl-galkaasi ku guuleystay iyo taliyeyaashooduba u sheegay inuu Salaan diirran iyo hambalyo baaxad leh kaga sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Maxamed C/laahi Farmaajo. Booqashada uu Ra’iisul wasaaraha dalka mudane; Xasan Cali Kheyre ku booqday ciidanka nabad sugidda Qaranka iyo goobaha ay ka howl-galayaan ayaa qayb ka ah dhiirri gelinta iyo Garab istaagga Ciidamada iyo inuu gaarsiiyo farriin ah sida ay Madaxda Dalku u garab taagan tahay had iyo goor Ciidamada kala duwan ee Qaranka. PUNTLAND POST The post Ra’isilwasaare Kheyre oo Booqasho Tagay xarumo Ciidamada Amniga Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  2. Ra’iisul wasaaraha cusub ee Dalka Itoobiya DR Abiy Axmed Cali ayaa maanta oo sabti ah booqashadiisii ugu horeeysay ku tagaya Magaalada Jig Jiga. Abiy ayaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubnaha Maamulkiisa DDSI. Ujeedada Safarka Ra’isilwasaraaha cusub ee Itoobiya uu maanta ku tagayo Jig Jiga ayaa noqoneeyso xal u raadinta xiisado gacan ka hadal ah oo u dhexeeyso Oromada iyo Soomaalida. Dhanka kale Ra’isilwasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa booqan doono deegaanada ay ku xooganyihiin Oromada si uu ugala hadlay joojinta dagaalka u dhaxeeyo Oromada iyo Soomaalida. Dr Abiy ayaa laga filayaa in joojinta xiisada soo laa laabatay ee u dhaxeeysa Soomaalida iyo Oromada oo dagaalka u dhaxeeya ay kumanaankun ku dhinteen. Xasan Maxmed Samatar Cowke Puntland Post The post Ra’isilwasaaraha Itoobiya oo Booqanaya Maanta Jig Jiga appeared first on Puntland Post.
  3. Amina Abdulrashid, 23, is a self-taught designer. By LILYS NJERU More by this Author In a market with numerous fashion designers, Amina Abdulrashid, 23, understood that the only way to stand out in this crowded field was by being different. She also knew that she had to identify a gap and fill it, only then would her business succeed. And hence Moderne was born, a clothing label located along Luthuli Avenue in Nairobi’s CBD. “Our outfits are modest but modern – we infuse modest pieces with a touch of what’s currently trendy in the world of fashion and give special attention to the fabrics that we use,” explains Amina, who points out that every week she introduces a new design. “The reason we showcase a new design on a weekly basis is because we make limited pieces of each design, 10 at most. The idea is to have our clients have their own fashion identity,” she explains. MODEST BUT MODERN When she set up her business in August 2016, she had the Muslim woman in mind, but she later realised that there are many non-Muslim women looking for something modest to wear. This informed her decision to expand her niche. “While Islamic fashion is about loose garments that don’t reveal a woman’s form, modest fashion is about being fashionable without having to wear short or see-through clothes,” she explains, pointing out that every week she serves at least 50 clients, who are predominantly between 18 and 50 years and cut across all religions. Interestingly, Amina doesn’t have a background in fashion or entrepreneurship. At Kenyatta University, her alma mater, she studied Bachelor of Arts, Gender and Development Studies. “I got the inspiration to start Moderne from my classmates, who were familiar with my blog, aminafemshion.blogspot.co.ke and followers of my Instagram page. They would keep asking where I get my clothes from. At the time, most of my dresses were made to measure by a tailor in Eastleigh.” Amina Abdulrashid models one of her designs. FIRST ATTEMPT After graduating in July 2016, she decided to try her hand at tailoring as she looked for a job – her market test collection performed so poorly that she backed out of the business after only two months. “I had invested all my Sh20,000 savings into the business. I used the money to buy fabric and meet stitching expenses. Since I don’t know how to stitch, I would design what I had in mind and take it to a tailor to put it together. I used online platforms such as Instagram to market my clothes, but I didn’t get a return for my money. I was so disappointed, I felt I wasn’t cut for business, and reminded myself that I didn’t come from a business-oriented family to begin with.” In spite of her misgivings, in December 2016, she decided to give the business another shot. She used the remaining fabrics she had bought earlier to design what she felt were better garments. This time round, things worked in her favour. “I had a tailor make 20 pieces, which I sold for between Sh2,500 to Sh3,600 each. Within a month, I had sold out the outfits. When I first started, the main challenge I had was lack of a store, somewhere clients could walk in and look around and meet the owner face-to-face and hand over their money.” This time round, even though she did not rent a working premises immediately, instead of asking for money before hand, she decided to make it a pay-on-delivery kind of business to inspire trust. It worked. Now that she has a shop, clients pay a deposit before she embarks on the work. Amina Abdulrashid models one of her designs. DETERMINED Seeing her determination to succeed, Amina’s dad injected Sh100,000 into her business in May last year, money that she used to rent working space, buy two sewing machines, buy more fabric and employ a tailor. “Before this, I outsourced one, who would end up disappointing me because his clients came first. He could only manage five outfits a week, yet at times, I would get more than 20 requests in a week.” She has since employed two more tailors, who manage to stitch about 10 outfits on a daily basis. She says that she makes an average of Sh100,000 in profit every month. The price tag is pegged on the fabric and the type of outfit she designs. Most of her pieces go for between Sh2,500 and Sh3,600. “We source for the fabric locally and abroad. I first make a sample collection then do a photo shoot and post the pictures on our Instagram page, mode_rne. Clients order and either send their measurements or come to the workshop to have them taken. We take three days at most to work on the orders.” Amina Abdulrashid in a modest outfit. FLEXIBLE WORK When Amina is not at the workshop, she is either out sourcing for fabric or carrying out assignments for her employer, Elman Peace, an NGO based in Mogadishu, Somalia, that promotes peace and uplifts the lives of the marginalised in society to be decision makers. She is their Gender-based violence (GBV) programme associate in Kenya. Her roles include strategic planning of the organisation’s activities in Kenya, maintaining contact with donors in Kenya and representing the organisation in meetings. The job is quite flexible and allows her to work from home. “When I am busy with my employer’s work, my elder sister is very supportive, and helps me run my business. She handles administrative tasks such as taking orders and models most of our sample collections,” Amina explains. Though her business is on firm ground now, just like any other business, it has challenges. The main one, one she has grappled with since its inception, is clients who make orders, only to change their mind and then demand a refund. She doesn’t sweat it though, after all, every business comes with its own headache. Although Amina lacks advanced stitching skills, this did not stop her from establishing and running what could be described as a successful clothing label. With a good eye for fabric and great designing skills, all she needed was to team up with experienced tailors who were outstanding in their craft, tailors whom she attributes for the continuous growth of her business.
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhaaya tirada Xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka Somalia ee is casilaada ku cadaadinaaya Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Xildhibaanada oo kusii kordhaaya dhanka warbaahinta maxaliga ah, ayaa Guddoomiye Jawaari ugu baaqay inuu faarujiyo Kursiga ka hor inta uusan ku bixin qaab aan wanaagsaneyn. Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari, ayaa sheegay inay sii kordheyso tiradooda taasina ay ka turjumeyso inaanu Jawaari sii joogi doonin booska, sida ay hadalka u dhigeen. Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Guddoomiye Jawaari inuu jebiyay dastuurka iyo xeer hoosaadka, isla markaana ay ka dalbanayaan inuu mar kale is casilo. Xildhibaan Axmed Dhimbil Casoowe iyo Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in guddoomiyaha golaha shacabka loogu baahan yahay inuu si nabad ah isku casilo. Xildhibaan Axmed Dhimbil ayaa yiri ‘’Waxaan ku talinayaa in Jawaari uu isaga tago booska kama heebeysan doono waxaana naga go’an inaan ka tuurno Kursiga ama uu is casilo saacadaha u harsan’’ Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanadan ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari aysan kusii deynkarin khaladaadka uu ku hayo Dastuurka dalka, waxa ayna ku baaqeen in wakhti hore uu iska casilo xilka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa dib u dhacay kulanka la doonaayay in maanta oo Sabti ah ay magaalada Muqdisho ku yeeshaan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Kulanka oo la filaayay inuu ka furmo xarunta Golaha Shacabka ayaa dib u dhacay kadib markii ay soo baxday cilado farsamo. Kulankaan maanta baaqday ayaa noqonaaya kulankii Saddexaad oo si lama filaan ah ku baaqday, iyadoona kol hore uu baajiyay Madaxweynaha Farmaajo Markii ugu dambeysana la sheegay in ciidamo ay qabsadeen xarunta Golaha Shacabka. Xildhibaanada taageersan Gudoomiye Jawaari ayaa waxa ay sheegeen in ay soo jeediyeen in aan lagu shirin xarunta Golaha Shacabka, islamarkaana meel ka baxsan lagu shiro. Dib u dhacyada kulamada ayaa la sheegay inay sabab u tahay Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka dhex taagnaa Khilaaf weyn oo saameyn ku yeeshay Shaqaddii Baarlamaanka. Si kastaba ha ahaatee, saaxiibada caalamka ayaa ku dadaalaya sida lagu qaban lahaa Mooshinka Guddoomiye Jawaari iyadoo aanu dhicin wax dhibaato ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha XFS Xasan Cali Kheyre, ayaa xalay booqday xarumo ay ku howl-galaan ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Somalia. Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa booqashada ku wehlinaayay Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Isloow, agaasimasha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka, Sarkiil Ciidan iyo xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir. Ra’isul wasaare Kheyre, ayaa markii uu gaaray goobahaasi oo badi ku yiilay Isgooska Banaadir, ayaa gacanqaaday ciidamada NISA ee heeganka ku jiray. Wuxuu taliyeyaasha halkaasi ku sugnaa ka dhagaystay Warbixinno ku aadan sidii ay ugu hor tageen Qaraxyadii shalay lagu dhuftay laba barkoontarool oo ay lahaayen ciidamada. Booqashada Ra’isul wasaaraha dalka uu ku tagay Ciidanka NISA ayaa ku saabsanayd dhiirri gelin iyo mahad naq ku aadan sidii ay ciidanka uga hortagaan amni darada. Intaa kadib Ra’isul wasaare Kheyre ayaa isla goobta abaalmarino ku gudoonsiiyay ciidamada NISA, taa oo ka dhigan dhiirigalin hor leh.
  7. Abdifatah Mahad stands tall in the middle of his farm on the outskirts of Baidoa, Somalia. He boasts about how well he’s doing and the variety of his produce: maize, beans and vegetables such as peppers and onions. Source: Hiiraan Online
  8. UNITED NATIONS, April 5 – Amid widely differing casualty figures for the Al-Shabab attack on the Ugandan AMISOM base in Somalia - the UN Security Council now says vaguely, "a number" of soldiers were killed -- Inner City Press on April 3 asked UN Spokesman Stephane Dujarric, video here, UN transcript here: Inner City Press: in Somalia, there are widely differing figures of how many of the AMISOM [African Union Mission to Somalia] peacekeepers were killed in the Al Shabaab attack. Uganda says it's more… four. Now they say eight. Some people say 59. Given that there is this UNSOS [United Nations Support Office in Somalia] that I asked about yesterday, what is the figure? Source: Hiiraan Online
  9. Shahira Yusuf is one of a handful of Muslim models who proudly wears the hijab (The hijab is a headscarf worn by many Muslim women who feel it is part of their religion) [Courtesy: Ronan Mckenzie] Source: Hiiraan Online
  10. CAPE TOWN - Deadly gun violence in the Manenberg community is continuing unabated. Source: Hiiraan Online
  11. BOSSASO, SOMALIA — In a classroom overlooking the harbor in the Somali city of Bossaso, Sarath Surasena teaches the basics of boat mechanics. Source: Hiiraan Online
  12. Dood-Cilmiyeed ay soo qaban qaabisay xarunta “Rakaa’isu Al-Macrifa” ee ka mid ah:xarumaha talada siiya xukuumadda dalka Sudan ayaa waxaa warqad-cilmiyeed ka jeediyay Xaruntaas Wasiiru dowlaha wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, hiddaha iyo dhaqanka dowladda Puntland. waxaa madasha goob-joog ka ahaa Wasiiro, danjirayaal, aqoonyahanno ka kala socday jaamacadaha Sudan iyo sidoo kale bahda Saxaafadda iyo daneeyayaasha arimaha Soomaaliya. Dood-cilmiyeedkaas ayaa cinwaankeedu ahaa:”Xaaladda Soomaaliya iyo saamaynta ay ku yeelan karto geeska Africa”. ugu horrayntii, waxaa ka soo qayb-golayaasha doodda si rasmi u soo dhaweeyay Agaasimaha macahadka “Rakaa’isu Al-Macrifa” Ustaad Cabbaas Haaruun oo sheegay in xaruntoodu ay marti-galisay dhammaan ka soo qayb-galayaasha, dooddaana loogu talo galay in diiradda lagu saaro xaaladda Soomaaliya. Cabbaas wuxuu kaloo sheegay in maalmo ka hor ay marti-galiyeen Wasiiru dowlaha ganacsiga dalka China oo isaguna ka warbixiyay heerka is-dhaafsiga ganacsi ee Sudan iyo China oo heerar kala duwan soo maray. kalmadda Agaasimaha Macahadka Ka dib,waxaa si toos ah loogu soo dhaweeyay Dr.C/fitaax Nuur Ashkir, Wasiir Ashkir ayaa kalmadiisa ugu horrayn ku furay sidatan:- “Soomaaliya iminka waxay maraysaa xaalad aad u cakiran, goloyaashii dowladda ayaa isku khilaafsan maamulka iyo maaraynta dalka,waana ififaale keeni kara in dalku dib ugu noqdo waxaan ka soo gudubnay”. Wasiir Ashkir ayaa sheegay in Soomaaliya iminka ay ku hardamayaan garbo shisheeye, qaarkood gacanka carbeed ay ka soo jeedaan, dowladduna ay la kala safantahay garbahaas. dhinaca kale,wasiirku wuxuu muujiyay in waxa hadda socda ay tahay “Tilaabo golaha fulinta uu ku doonayo in uu marin-habaabiyo hab-sami-u-socodka golaha shacabka Soomaaliyeed”. Wasiir Ashkir ayaa kalmadiisii ku sòo gunaanaday talooyin uu u jeediyay madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliyeed, isagoo ku tiraabay sidatan “Waxaan madaxweynaha talo ugu soo jeedinayaa in uusan koox kooban gacanta u galin, dalku waa ka weyn yahay koox yari, ee mudane Madaxweyne si dalka loo samatabixiyo waxaa loo baahanyahay in aad talo-wadaag ku hagto dalka”. Waxaa kalmaddii wasiirka sii naaxiyay Dr. C/Wahaab Al-Dayib Al-Bashiir oo ah khabiir geeska Africa ka faalooda,kana tirsan Xarunta Cilmi-baarista ee jaamacadda “Africa international University” kaas oo sheegay in waxa hadda ka socda Moqdishu ay saamayn Amni ku yeelan karto gobolka geeska Africa; waayo waxa soo ifbaxay dhawaanahaan awooddii ururka Al-Shabaab oo ka faa’iidaysanaya Amnigii oo faraha ka sii baxaya. Ka soo qayb galayaashii ayaa Wasiirka Su’aalo Soomaaliya ku saabsan weydiiyay, iyagoo ra’iyigoodiina ka dhiibtay waxa dalka ka socda. Waxaa Xusid mudan in dood-cilmiyeedkaan lagu qabtay khartoum ay dhinac ka ahaayeen dhalinyaro la magac baxday “Ruwaad Al-Wacyi” oo ah baraarug dhalinyaro isku hawsha qabashada dood-cilmiyeedyo looga arinsanayo arimah dhaqanka iyo siyaasadda.
  13. Hargeysa (Caasimada Online)– Warar soo baxayay saacadihii u danbeeyay ayaa sheegayay in dawladda Imaaraadka Carabta ay aqoonsatay in dalkeeda lagu soo galo saddexda nooc ee uu ka kooban yahay Baasaaboorka maamulka Somaliland, kuwaas oo kala ah baasaabooradda ay qaataan shacabka, diplomasiyiinta iyo kan shaqaalaha dawladdu. Eng. Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ayaa ka waramay arrintaani isagoo sheegay in tallaabadaani ay tahay mid wadada u xaareysa bilawga aqoonsi ay Somaliland ka hesho dunida inteeda kale. “Waxa aan aad iyo aad u hambalyaynayaa madaxda dawladda Imaaraadka Carabta oo uu ugu horeeyo Sheikh Khaliifa, taalabada geesinimada ah, ee xaqqa ah ee ay qaadeen, taariikhdana waxa ay ka geli doonaan baal dahab ah” ayuu yiri Feysal Cali Waralbe. “Aad iyo aad baan u soo dhaweynayaa In saddexdeenii Passport ee Diplomat, Service iyo Kii shacabkaba ay aqlabaan in lagu galo dalkaasi, waxaanay bilaw u tahay aqoonsiga Somaliland, waxaanan u rajaynaa in ay waddamo badanina ay ku dayan doonaan” ayuu sii raaciyay warkiisa. “Waxaanay caruurteena iyo hablaheenu ka raysan doonaan Baasaaboor ay u doontaan Garoowihii lagu bahdilayay, waxaanu insha allaah uu keeni noqon doonaa kuwa adduunka ugu qaalisan” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ilaa weli si rasmi ah warkaan u xaqiijin, iyadoo ay xaqiiq dhab ah noqoto ay meel ku dhac ku tahay xadgudub ay Imaaraadka Carabta u geysteen qaranimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in buuq uu ka dhex curtay Xildhibaanada garabka taabacsan Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Xildhibaanada uu buuqa ka dhex curtay ayaa la xaqiijiyay inay ka dhex shaqeeyen Xildhibaano kale oo ka tirsanaa garabka Mooshinka kawada Guddoomiye Jawaari, kadib markii ay tashwiish kala dhex dhigeen. Xildhibaanada usoo go’ay garabka Mooshin wadayaasha ayaa waxaa kamid ah Cabdirashiid Xiddig, oo markii hore qeyb ka ahaa garabka Jawaari ee Mooshinka kasoo horjeeday. Xildhibaan Xiddig oo iminka qeyb ka ah mudanayaasha ka shaqeynaaya tagitaanka Guddoomiye Jawaari, ayaa qudhiisa tashkiilin ku wada Xildhibaanada garabka Jawaari, waxaana xusid mudan inuu caqabad ku yahay garabka Jawaari. Xildhibaan Khadiijo Diiriye oo ka hadleysay arrinta Mooshinka ayaa sheegtay inay jiraan Xildhibaano dhowr ah oo ka tirsanaa garabka Jawaari kuwaa oo iminka kusoo biiray garabka Mooshinka. Waxa ay Xildhibaanadu sheegtay inay ku dhex jiraan xitaa garabkaasi, isla markaana ka shaqeyn doonaan sida tirooyinka ku harsan looga soo il duufin lahaa. Waxa ay intaa kusii dartay in kala jabkooda ay sababtay khilaaf iyo xiisad dhexdooda ah, balse aysan waxba u arki doonin saameynta uu ku yeelan doono Mooshinka garabkaas. Si kastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa xiisada gaara sii galineysa buuqa ka dhex aloosan baarlamaanka, wallow lagu guul dareystay xal u raadinta Mooshinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa weli ku howlan baaritaanka kiiska ciidamadii la wareegay Xarunta baarlamaanka Somalia. Ciidamadan ayaa garab boodayay Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaana si hoose uga qeybqaatay Saraakiil ciidan oo ka kala tirsanaa Militeriga, Booliska iyo Nabadsugida. Guddi isku dhaf ah oo ay soo xuleen Hay’adaha amaanka oo baaritaan ku haya kiiska Saraakiisha iyo ciidamada ka qeybqaatay la wareegida Xarunta baarlamaanka, ayaa laga soo xigtay in baaritaanka ay ku heleen dhowr Saraakiil oo ka tirsan Militeriga. Saraakiisha ciidamada ee Hubka qaranka la garab istaagay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa kamid ah Sarkaalka lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne oo ka tirsan Saraakiisha Militeriga. Liibaan Madaxweyne ayaa la sheegay in qoryo iyo ciidamo uu ku caawiyay Farmaajo, kuwaa oo weerarka kadib dib loogu celiyay furumahooda. Ciidamada ilaa iyo hadda loo xiray kiiskan ayaa gaaraya 70 kuwaa oo kala bar ka tirsan Militeriga, halka qaarna ay ka tirsanaayen Booliska balse loo bedelay dareeska. Sidoo kale, baaritaanka kiiskan ayaa waxaa qeyb ka noqday Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia kuwaa oo qeyb ka ah garabka Mooshinka kasoo horjeeda ee la safan Jawaari. Ma cadda halka uu caga dhigan doono baaritaanka weli socda, waxaana xusid mudan in Saraakiil iyo Taliyayaal dhowr ah ay ku weyn doonaan xilalkooda, sida laga soo xigtay xubno ka tirsan guddiga ku howlan baaritaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Gobolweynaha Geeska Afrika wuxuu ahaa degaan ay dad badina ku caddiban yihiin sannadihii toddobaatanaadkii iyo siddeetanaadkii. Abaaro, dagaal Dowlado dhex maray, qaar Jabhado iyo Dowlad u dhexeeyay, kacdoon iyo afgembi ayaa Ethiopia, Sudan iyo Soomaaliya dadweynahooda qaar badan ka dhigay kuwo marba dhinac u hayaam oo soohdimaha ka tallaaba. Dad badan oo reer Sudan ah oo ka qaxaya dagaalka Dowladdooda iyo Jabhado u dhexeeya ayaa u tallaabay Ethiopia. Isla xilligaasna Ethiopian ka qaxay Dagaalka u dhexeeya Dowladdooda iyo Jabhado ayaa u tallaabayay dhinaca Sudan. Sidoo kale, iyada oo Soomaaliya ay la ciirciireyso boqollaal kun oo Qaxooti ka soo galay Ethiopia, ayay boqollaal kun oo Soomaali ahi ay ka tallaabtay soohdinta oo ay u qaxday Ethiopia. Qaxootiga Ethiopia Siddeetameeyadii waxaa Soomaaliya joogay qaxooti aad u fara badan. Waa Qaxooti ka yimid Ethiopia. Wuxuu billaababay in uu ka soo qaxo Ethiopia bartamihii toddobaatanaadkii. Dalka Ethiopia waxaa isugu darsamay kacdoon, afgembi, abaar iyo colaad. Gobollada Hararghe, Bale iyo Sidamo oo ah kuwa soo xiga Soomaaliya waxaa aad u saameeyay dagaalkii 1977 iyo 78 dhex maray labada dal ee deriska ah iyo dagaalladii daba joogay ee ku-dhufo oo ka-dhaqaaq ahaa ee Jabhadihii ay Soomaaliya ku hubeysay Ethiopia. Degaannada Soomaalida Ethiopia waxaa u dheeraa siyaasad lagu eedeeyay Taliskii Mengistu, oo ku salaysnayd in si ulakac ah la isugu deyay in Soomaalida laga barakiciyo gobolkeeda oo lagu soo riixo Soomaaliya. Arrintaasi waxay dhacday dagaalka ka dib. Mengistu waxaa laga weriyay in uu mashruucaas ku tilmaamay mid xal kama dambays ah u noqon doona dhibaatada Gobolka Soomaalida. Sida uu qoray the Guardian, waregys ka soo baxa London oo soo xigtay Qaxootiga waxaa marar badan dhacday in si bareer ah raacatada looga rasaaseeyo xoolaha si ay u ceyrtoobaan oo ay uga hayaamaan degaankooda. Arrimahaas is biirsaday waxay sababeen in ay Soomaalida gobolku ay u qaxdo Soomaaliya iyo Djibouti. Sidoo kale Oromada iyo Ethiopianka kale ee deggan Bale iyo Sidamo iyagana in badan ayaa u soo qaxay Soomaaliya. Waxay marka hore qaarkood ay galeen Kenya iyaga oo maalintiina is qarinaya habeenkiina hayaamaya. Tirada Qaxootiga ku sugan Soomaaliya aad ayaa la isugu khilaafay. Waxaa lagu tuhunsanaa Dowladda Soomaaliya in ay tirada buunbuunisay si ay ugu hesho gargaar iyo si ay ugu ceebiso Ethiopia. Qarammada Midoobay waxay ku qiyaastay tirada Qaxootiga Ethiopia ee ku sugan Soomaaliya in ay ahayd ugu badnaan 610,000 oo ruux. Tiradaas oo haddii ay sax tahay aan iyaduba yareyn. Ka sokow in tirada lagu murunsanaa, Dowladda Soomaaliya waxay ku doodeysay in saddex ruux oo kasta oo qaxooti isu dhiiba uu wehliyo ugu yaraan hal qof oo isna qaxooti ah laakiin aan is dhiibeyn ee la degaya qoys Soomaaliyeed. Soomaalida Gobolka ka soo qaxday xeryo qaxooti ma wada gelin ee qaar badan waxay la noolaadeen qoysas Soomaaliyeed oo ay ehel yihiin. The Guradian wuxuu qoray in afartii ruux ee Soomaaliya ku nool uu midkood qaxooti yahay. Xeryaha Qaxootiga Dowladda Soomaaliya waxay sameysay Hey’adda Qaxootiga Qaranka oo u xilsaaran Qaabbilaadda, badbaadada iyo daryeelka Qaxootiga ku sugan Soomaaliya gudaheeda. Hey’adda Qaxootiga Qaranka waxay wada shaqeeyaan hey’adda Qaxootiga ee Qarammada Midoobay, UNHCR. Waxaa loo sameeyay xeryo Qaxooti oo qaarkood marka aad tagto aad moodeeyso magaalo dhan, laakiin in badan oo ka mid ah ay calool xumo ka muuqato. Gobollada Qaxootiga la dejiyay oo badnaa waxaa ka mid ahaa Awdal, Woqooyi Galbeed oo ay degganaayeen Hargeysa iyo Berbera, Hiiraan oo ay degganaayeen Beled Weyne iyo Jalalaqsi iyo Gedo oo ay degganaayeen magaalada Luuq. Anigu waxaan shaqo u tegey xerada Qaxootiga Gannad ee magaalada Hargeysa sannadkii 1985 iyo xerada Qaxootiga Halbo ee magaalada Luuq 1987. Sidoo kale waxaan socdaal aqoon kororsi ah ku tegey xerada Qaxootiga Luuq Jeelow ee magaalada Beled Weyne dabayaaqadii 1985. Dhibaatada Aadanaha ee taalla xeryahaasi ma ahayn mid yar inkasta oo ay kala darnaayeen. Gannad Tusaale waxaan u soo qaadanayaa xerada Gannad. Waa goob ay ku yaallaan Bakhaarrada raashinka Qaxootiga. Bakhaarrada waxaa maamusha hey’adda CARE oo qandaraas ka haysata hey’adda Qaxootiga ee Qarammada Midoobay UNHCR. Sida uu qoray danjirihii Mareykanka ee berigaa fadhiyay Soomaaliya, Gannad ma ahayn xero Qaxooti oo rasmi ah, laakiin Ethiopia ayaa waxaa gaaray warka ah in Gannad oo Hargeysa agteeda ah laga helayo raashin. Dadkuna markaas ayay soo bartilmaansadeen meesha loogu sheegay raashinka. Danjiraha Mareykanka oo booqday wuxuu ku tilmaamay in ay lahayd muuqaal cadaab oo kale ah. Afartameeyo kun oo ruux ayaa goobta ku sugan. Waxay ku hoydaan qoryo la isku tafay oo lagu dedey baakado, saxaarado iyo wixii ay gacantu soo qabato. Dadka intaa tiro le’eg oo hal goob ku sugan haddana malaha musqulo. Xataa mid keliya. Qashinka dheefshiidkoodu soo saaray ayaa xerada daafaheeda ka muuqda. Qaxootiyadaas kuwooda magaalo u dhow, sida Gannad oo Hargeysa ku ag taalla, raashinka la siiyo waxaa u wehliyay in ay magaalada ku yaacaan si ay howl u qabtaan ama adeeg u fuliyaan oo ay xoogaa lacag ah uga soo helaan. Laakiin xeryaha magaalooyinka ka fogfog sida Bixin Duule ma jirin meel ay gaari karaan. Dib u dejin Waxaa si xoog leh suuqa loo geliyay in uu jiro barnaamij ay Dowladdu dooneyso in ay Soomaalida Ethiopia dib u dejin uga sameeyso Gobollada Woqooyi si halkaasi ay halkaasi ugu noqoto degaan rasmi ah oo ay abid ugu noolaadaan. Tuhunkaasi wuxuu sii xoogeystay markii 1988 ay SNM weerartay Burco iyo Hargeysa, gudahana u gashay ka dibna ay ciidammadii Dowladdu ay duqeeyeen labada magaalaba. Taasi waxay sababtay in dadkii degganaa labadaas magaalo ay ku dhowaad dhammaantood ay ka qaxaan dalka kana tallaabaan soohdinta. Xeryo Qaxooti ayaa ka sameysmay Ethiopia ay Soomaali ku nooshahay. Degaankii ay ka qaxeenna waxaa ku haray Qaxootigii awal ka yimid Ethiopia. In dadkii degaannada woqooyigu ay Qaxeen laakiin uu Qaxootigii Ethiopia ka yimid uu degaanka joogo waxay sii xoojisay tuhun ama borobagaando mid ay ahaydba fekerkii ahaa in dhulka dad kale lagu beerayo. Intaa waxaa dheereyd in SNM ay ku eedeeysay Dowladda Soomaaliya in ay Qaxootiga ka qeyb gelisay dagaalka. Arrintaas oo eedeyn u keentay Dowladda Soomaaliya lagana qaaday tuhun. Anigu shakhsiyan ma xaqiijin karo sida ay ku billaabatay iyo dhinaca billaabay, laakiin SNM iyo Qaxootiga Soomaalida ah ee ka yimid Ethiopia waxay isu qaadeen colaad marar badan xabbad gaartay. Anigu marka aan Gobolka tegey, Qaxootiga Soomaalida Ethiopia ee aan arkay waxay ahaayeen kuwo aan dooneyn colaadda in ay qeyb ka ahaadaan oo raba in ay helaan waddo nabad ah oo ay u maraan Ethiopia si ay degaankoodii ugu laabtaan. Qormadii Hargeysa ayaan ku xusay in aan la kulmay nin Qaxooti ah oo arrintaa igala hadlay. Sidoo kale, safar dhulka ah oo aan ka nimid Burco, markii aan ka daaddegnay Buuraha Shiikh, waxaa gacanta noo taagay nin waddada dhinac taagan. Wuxuu noo haatiyay waraaq uu gacanta ku hayay. Markii aan u istaagnay, waraaqda waxaa ku qornaa codsi ay Qaxootigu ku dalbayaan in loo cayimo marin sugan oo nabad ah oo ay uga tallaabaan soohdinta. Anigana afka ayuu intaa iiga sheegay iyada oo codsi iyo catow fara badani uu wehliyo. Dil ay SNM u geysatay Qaxooti iyo dil ka dhacay Berbera oo dadka qaar ay ku eedeeyeen Qaxootiga waxaan ku soo qaadan doonaa Qayb kale oo ka mid ah Taxnaha 89 -90, haddii Eebbe idmo. W/Q. Yuusuf Garaad
  17. Muqdisho (Caasimada Online)–Taliska guud ee howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ayaa mowqif cad ka qaatay xaalada siyaasadeed ee Baarlamaanka Somalia iyo dhacdadii arbacadii la soo dhaafay ka dhacday xarunta Golaha Shacabka. Madaxa midowga Afrika iyo AMISOM Francisco Caetano J. Madeira ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in amar kasoo baxay madaxda sare ee midowga Afrika lagu faray inuu mowqif cad ka bixiyo arrimaha cakiran ee ka taagan xaalada Somalia, wuxuuna sheegay in ay tixgelinayaan madaxbannaanida iyo qaranimada Somalia. Francisco Madeira ayaa sheegay inay ka war qabaan is mari waaga ka taagan Baarlamaanka Soomaaliya oo laba Garab u kala jabay, taasoo xaaladda ammaanka culeys ku soo kordhisay. “Midowga Afrika iyo AMISOM waxay dhowrayaan Qaranimada dadka Soomaaliyeed, waxayna aqoonsan yihiin xaqa hoggaankooda ay u leeyihiin inay xalistaan arrimaha dalkooda la soo gudboonaada oo ay ku jirto xiisadda siyaasadeed ee hadda ka taagan Baarlamaanka federaalka oo laba u kala qeybsan.” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxaa lagu caddeeyay in AMISOM aysan xaq u lahayn inay Baarlamaanka ku soo rogto qaabka ay u shaqeyb lahaayeen, isla markaana aysan la wareegeynin Xarunta Baarlamanka inta madaxda sare ee dalka ay ka codsaneyso arrintaasi. Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay qodobadaan hoos ku loran:. 1- Sida aad ogtihiin dhammaantiina, waxa aanu mareynaa xaalad siyaasadeed oo adag. Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya oo sidoo kale loo yaqaan Golaha Shacabka waxa uu xilligan u kala qeybsan yahay laba kooxood oo iska soo horjeeda. 2- Is-heysadka wuxuu gaaray Arbacadii hore heerkiisii ugu sarreeyay oo siyaasad iyo amni la xiriirta, taasi oo keentay in ciidanka AMISOM ay farageliyaan iyaga oo iskaashi la sameynayay ciidamada ammaanka Soomaaliya si xaaladda loo dejiyo. 3- Waxa aan ka helay farrriimo madaxdeyda sare ee Addis Ababa ku sugan, taasi oo la xiriirtay in AMISOM ay u xilsaaran tahay taageeridda ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo sugo amniga xarumaha hey’adaha qaranka oo uu ku jiro Baarlamaanka. Midowga Afrika iyo AMISOM waxay tixgelinayaan madax banaanida shacabka Soomaaliyeed, waxayna qirayaan xuquuqdooda iyo kalsoonida buuxa ee ay ku qabaan hoggaankooda si looga hortago caqabadaha oo ay ku jirto siyaasadda xilligan taaggan ee laba u kala qeybiyay Aqalka hoose. Iyada oo taasi laga ambaqaadayo, AMISOM awood uma lahan inay amar dul dhigto shacabka Soomaaliyeed iyo run ahaantii Baarlamaanka oo la xiriira habka ay howshooda u qabsanayaan, AMISOM gacanta kuma heyn karto Golaha Shacabka waase haddii hey’adaha Soomaaliyeed ee ku shaqada leh ay codsadaan ayey ku dhaqaaqi kartaa. calaa kullli xaal annagu waxa aan ku jirnaa xaalad heegan ah, waxa aan diyaar u nahay in aan caawinno Soomaaliya , baarlamaanka ama meel kaleba ha noqotee. Halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka oo dhameystiran Bayaanka Wakiilka Gaarka ah ee Midawga Afrika uu ka soo saaray xaaladaha siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday Aqalka Hoose ee Baarlamaanka. 6-dii April,2018 Xubnaha sharafta leh ee warbaahinta, saraakiisha sarsare ee AMISOM, mudanayaal iyo marwooyin, 1. Sida aad dhammaantiin ka warqabtaan, waxa aynu waajahaynaa caqabado siyaasadeed oo adag. Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliyeed, oo sidoo kale loo yaqaanno Golaha Shacabka, waxa uu hadda u qaybsan yahay labo qurub oo iska soo horjeeda. 2. Iska-horimaadkan ayaa Arbacadii dhawayd ku danbeeyey xaalad siyaasadeed iyo amni, taasi oo keentay soogalka ciidamada Amisom oo caawinaya, isla markaana la shaqaynaya Ciidamada Qaranka Soomaaliya, si ay xaaladda wax uga qabtaan. Xubnaha sharafta leh ee Warbaahinta, Saraakiisa sarsare ee AMISOM ee goobta jooga, mudanayaal iyo marwooyin, 3. Waxa ay hoggaamiyaasha ugu sarreeya ee Addis Ababa [jooga] i soo fareen inaan idin ku wargeliyo in Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) uu u xilsaaran yahay la shaqaynta Ciidamada Amniga Soomaaliya si ay u sugaan amniga Hay’adaha Qaranka Soomaaliyeed oo uu ku jiro Baarlamaanku. Guddida Midowga Afrika iyo Amisom waxa ay ixtiraamayaan madaxbannaanida shacabka Soomaaliya, waxa ay aqoonsan yihiin xuquuqdooda, waxayna kalsooni buuxda ku qabaan awoodda Hoggaankoodu ku xallin karo caqabdaha uu waajahayo waddankoodu oo ay ku jiraan taxaddiyada siyaasadeed ee hadda, ee keenay Aqalkii Hoose ee Baarlamaanka oo labo u kala jabay. Marka halkan la joogo, AMISOM maandheet (mandate) u ma laha inay shacabka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale Baarlamaanka, u yeeriso qaabka ay tahay inay hawlahooda u qabsadaan. AMISOM, sidaasi darteed, lama wareegi doonto gacan-ku-haynta Golaha Shacabka, jeer oo ay hay’adaha awoodda u leh ee Soomaaliyeed sidaas soo codsadaan mooyaane, iyada oo si buuxda loogu hawlgelayo xayndaabka maandheetka AMISOM. Si kastaba ha noqotee, dhegta ayaa noo taagan, heegganna waa aannu ku jirnaa annaga oo diyaar u ah inaan caawinno Soomaaliya haddii ay ahaan lahayd Baarlamaanka amase meel kale. 4. Aniga oo ku hadlaya afka Guddida Miwowga Africa, guud ahaan AMISOM, iyo afkaygaba, waxa aan jeclahay inaan hoosta ka xarriiqo in aragtidayadu tahay in iska-horimaadka siyaasadeed ee hadda taagan uu u dhexeeyo labo dhinac oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka, oo sidoo kale loo yaqaanno Golaha Shacabka. 5. Midowga Afrika iyo AMISOM waxa ay aqoonsan yihiin isla markaana dhawrayaan xaqa uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u leeyahay in uu jaangooyo goorta, goobta iyo qaabka ay u gudanayaan hawshooda. Sidaasi darteed, maaha waajibka AMISOM inay jaangoyso goobta iyo qaabka ay tahay inay u fuliyaan hawlahooda Baarlamaan. 6. Waxaan jeclaan lahaa in aan aad u qeexo in Midawga Afrika, oo AMISOM metelayso, kuna shaqaynaya Bayaanka Qaramada Midoobay ee 2372(2017) uu fulinayo wareejin wejiyaysan oo shuruud ku xidhan oo mas’uuliyadda amni lagu wareejinayo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya; iyo in kacsanaanta siyaasadeed ee hadda taagani aanay sinnaba u saamaynayn AMISOM ama aanay ugu qasbayn in ay xoogaggeeda la baxdo. Marnaba si iskayaga ah uma cidlaynaynno dadka furfuran ee Soomaliya, garabkooda ayaannu ahaan doonnaana sidii aannu weligayo u soo ahaynba, jeer oo ay noo sheegaan in ay diyaar u yihiin in ay naga la wareegaan. Inta xilligaa laga gaarayo, waannu sii wadaynaa taageeridda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ee u halgamaya in ay sugaan amniga iyo nabadgelyada dalkooda iyo hay’adahooda, uu Barlamaanku ka mid yahay. 7. Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) waxa ay aad u danaynayaan arrimaha amni ee ka dhalan kara waxyaabihii Arbacadii ka dhacay Baarlamaanka. Waxa aan ka codsanayaa xubnaha Baarlamaanka iyo metalayaasha sharciga ah ee shacabka Soomaaliya, inay sii wadaan is-xakamaynta inta ay ku hawlan yihiin xallinta kaladuwanaanshaha iska horkeenay. 8. Waxa aan jeclahay inaan uga mahadceliyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, AMISOM iyo laamaha kale ee ciidamada amni ee qaranka Soomaaliya qaabka muxtarifka ah ee ay ugu guuleysteen xakamaynta xaaladda, uga hortageen gacan-ka-hadal una ilaaliyeen nabadda intii lagu gudajirey kalfadhigii gaarka ahaa ee Baarlamaanka ee Arabacadii. 9. Midowga Afrika waxa uu halkan u joogaa dhammaan dadka Soomaaliya. Waa aannu sii wadi doonnaa inaan dhammaantiin iyo heer kasta oo aad joogtaan idin la tacaamulno, aanuna idin taageerno inta aad ka shaqaynaysaan soo-celinta sharafta qarankan weyn, soo-afjarka gacan-ka-hadalka, xal-waara-u-helidda waddankan iyo inaad muwaadiniintiisa u abuurtaan mustaqbal wacan. Inta aannu sidaas wadno, maandheetkayagu noo oggolaan maayo inaannu garabka saarno cid idin ka mid ah, maxaa yeelay Midowga Afrika waa uu idin jecel yahay dhammaantiin. Waa aad mahadsan tihiin.
  18. Mogadishu – Ronaldo. Messi. Neymar. The names of football greats who are celebrated by fans around the world, including those in Somalia. Source: Hiiraan Online
  19. The United States attacked al Qaeda’s branch in Somalia in the southern town of Jilib, a recurring strike location and known Shabaab safe haven. The strike killed three terrorists and destroyed a vehicle with a mounted heavy machine gun yesterday afternoon, according to a US Forces Africa Command (AFRICOM) press release today. Source: Hiiraan Online
  20. (ERGO) – The lives of twenty five people injured in two recent explosions in the Somali capital Mogadishu were saved this month by the fast response of an innovative volunteer group coordinating blood donations. Source: Hiiraan Online
  21. "When I was in Lewiston, it felt like its better days were in the rearview mirror," Amy Bass says. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka gaar ahaan Qaramada midoobey, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo dalalka Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, UK iyo Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay xaslooni-darrida amni iyo midda siyaasadeed ee ka jirta Muqdisho iyaga oo intaasi raaciyay inay halis gelin karto horumarka laga gaaray siyaasadda iyo dhaqaalaha, isla markaana dhaawici karto sumcadda Soomaaliya. Beesha caalamka waxaa ay ku dhiirigelisay hoggaanka baarlamaanka iyo fulinta inay xushmeeyaan xeerarka iyo dastuurka, lagana fogaado wax walba oo isku dhac keeni kara. Ugu dambeyntii beesha caalamka waxaa ay soo jeedisay in hoggaanka baarlamaanka iyo fulinta wada hadlaan maalmaha soo socda oo si nabad ah dastuurka lagu kala baxo. Baaqa beesha caalamka waxaa uu imaanayaa iyada oo 3 qarax oo Gaari loo adeegsaday ay ka dhaceen Muqdisho saacadihii lasoo dhaafay, Jidka Airporka oo mid ah iyo labo jidka Afgooye ah, khasaaraha ayaa 5 ka badan.
  23. Three Al-Shabaab attackers and a soldier died when two car bombs exploded on Friday in the Somali capital Mogadishu, including one that blew up on the key road to the airport, a security official and witnesses said. Source: Hiiraan Online
  24. Militariga Maraykanka ayaa sheegay in duqeyn cirka ah ay ku dileen xubno ka tirsan xagjiriinta Al-shabaab ee dalka Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay Taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika,ayaa lagu sheegay in duqeynta oo lagu qaaday degaan u dhow degmada Jilib ee gobolka Jubada Hoose, lagu dilay saddex ka tirsan Al-shabaab,sidoo kalena lagu burburiyay gaari tekniko ah. Taliska Maraykanka ayaa xusay in aysan jirin wax rayid ah oo khasaare ka soo gaaray duqeyntaas oo dhacday maalintii shalay ee 5 bishaan April. PUNTLAND POST The post Militariga Maraykanka oo dilay xubno ka tirsan Al-shabaab. appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa maanta kulan aan caadi aheyn magaalada Muqdisho ku yeeshay Xildhibaanada ku mideysan Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Kulanka ayaa waxaa ka hadlay xildhibaano dhowr ah kuwaas oo weli sheegaya in uusan burun mooshinkii ay ka gudbiyeen gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,iyaga oo sidoo kale sheegay in ay gaarayaan ilaa 220 xildhibaan. HOOS KA DAAWO MUUQAALKA