Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warar lagu kalsoonaan karo oo goordhow ku soo dhacay warqabadka Warbaahinta Puntland Post ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada amniga ee Dekeda Muqdisho ay qabteen qamri. Wararka ayaa intaasi waxa ay ku sii darayaan in Kuntuneerkaan uu siday qamri ciidamada amaankana ay ka shakiyeen taasi oo keentay in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo. Ciidamada Booliska ayaa ugu dambeeyntii ku guuleeystay in ay gacanta ku dhigaan Qamrigaasi iyo ragii watay. Maalinta bari ah ayaa lagu wadaa in laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ay wariyaasha u soo bandhigaan. Dhowr jeer oo hore ciidamada amaanka ayaa ku qabtay Dekeda Muqdisho waxyaabaha maanka dooriya oo la doonayay in Magaalada Muqdisho lagaliyo . Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dekeda Muqdisho oo lagu qabtay Kuntuneer siday Qamri appeared first on Puntland Post.
  2. Warsaxaafadeed looga hadlayey arinta degmada Balad Xaawo oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Islamarkaana nuqul kamid ah uu soo gaaray Warbaahinta Puntland Post ayaa u qornaa sidaan. Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyadoo ilaalinaysa danta ummadda Soomaaliyeed, dhowreysana deris wanaaga, isu furnaanshaha ganacsiga, isu socodka dadka walaalaha ah ee Beledxaawo iyo Mandheera degan , waxay dadweynaha Soomaaliyeed guud ahaan, dadka degan Beled Xaawo gaar ahaan, la socodsiinaysaa arrimaha soo socda: 1- In Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” seddex xilli oo kala duwan kala hadlay Madaxweynaha Kenya H.E. Mr. Uhuru Kenyatta arrinta ku saabsan derbiga laga dhisaayo inta u dhexeysa Beled Xaawo iyo Mandheera. Wadahadalka labada Madaxweyne ayaa ku kala beegnaa xilliyada hoose ku xusan: March 22, 2017, Booqashadii rasmiga ahayd ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegay magaalada Nairobi, kulana kulmay dhiggiisa Kenya. March 22, 2018, labada Madaxweyne waxa ay ku wada hadleen khadka isgaarsiinta. March 24, 2018, labada Madaxweyne waxa ay markale ku wada hadleen khadka isgaarsiinta. 2- Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya waxa ay isku afgarteen in derbiga dhisiddiisa la joojiyo. 3- Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya waxa ay isku afgarteen in la sameeyo guddi wadaag ah oo labada dhinac ah ayna kala hoggaamin doonaan guddoomiyeyaasha labada gobol ee Soomaaliya iyo Kenya. Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u taagan tahay ilaalinta danta ummadda Soomaaliyeed iyo deris wanaag ku dhisan xushmad dhaafsi. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo War-saxaafadeed kasoo Saartay Arinta Balad Xaawo appeared first on Puntland Post.
  3. Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP ayaa maanta 26 March, 2018 magaalada Garowe ku qabtay shirka furitaanka Guddiga sare ee Warbaahinta Puntland oo dhismihisiisa la soo dhamaystiray. Masuuliyiinta wasaaradda Warfaafinta Puntland, Dallada PUNSAA, Ururka Qareenada Puntland, Xafiiska Difaacaha Xuquuqul-Insaanka Puntland, Xafiiska Xuquuqul Insaanka UNSOM iyo Saxafiyiin ayaa ka soo qaybgalay furitaanka. Guddiga sare ee Warbaahinta Puntland ayaa ka kooban 7 xubnood oo ay soo kala magaacabayeen wasaaradda Warfaafinta, Ururka MAP, Dallada PUNSAA, Ururka Qareenadda iyo Tacliinta sare ee Puntland. Gudoomiyaha Ururka MAP Maxamed Daahir Caynsane ayaa ugu horeyn ka warbixiyay heerarkii kala duwanaa ay soo martay hawsha dhismaha guddiga, isagoona mahad gaar u soo jeedshay wasiirka warfaafinta oo gacan wayn ka gaystay dhamaystirka dhismaha guddiga. Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in guddigu noqon doono mid u dhaxeeya warbaahinta iyo dowladda sida ku cad xeerka warbaahinta Puntland ee wax ka badalkiisa la meermariyay December 2016 Qodobadiisa 18-24aad. Caynsane ayaa shahaado sharaf uu ku mutaystay shaqadii ay horey MAP uga soo qabteen hogaankii ka horeeyay gudoonsiiyay Gudoomiyihii hore ee MAP Mudane Faisal Khalif Barre. Wasiirka Warfaafinta Isgaarsiinta hiddaha iyo dhaqanka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa si rasmi ah u furay shirka guddiga sare ee warbaahinta Puntland, waxana uu ku adkeeyay inay dabaqaan xeerka warbaahinta iyo shuruucda kale ee dalka u yaal. Dhismaha guddiga sare ayuu wasiirku rajo wanaagsan ka muujiyay, isagoona kula dardaarmay xubnaha guddiga inay ku shaqeeyaan hufnaan, daacadnimo iyo dhexdhexaad. Maalinta beri ah ayaa la filayaa inay ansixiyaan guddigu xeer-hosaadka ay ku shaqeyn doonaan kadibna ay iska dhex doortaan Gudoomiye, ku xigeen, xoghayn iyo khasnaji. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Garowe:-MAP oo qabtey shir lagu dhisayo gudiga Warbaahinta Puntland appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (PP) ─ Urur goboleedka IGAD ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, iyagoo sheegay in muranka taagan uu dhibaato ku yahay Somalia, isla markaana iyagu ay doonayaan in ay ka hadaaln iyagoo ixtiraamaya madax-bannaanida dhuleed, siyaasadeed iyo midniada guud ee dalka. IGAD waxay ka walwalsan tahay oo ay si aad u dhow ula socotaa xiisadda siyaasadeed ee cusub ee ka jirta Somalia, taasoo khatar ku ah horumarka laga gaaray sannadkii lasoo dhaafay, gaar ahaan arrimaha hay’adda sharci-dajinta dalka oo murankooda siyaasadeed uu khatar gelinayo dadaallada ay xukuumadda hadda ku hayso dib-u-habeynta hay’adaha cadaalada iyo kuwa amniga, kordhinta fursadaha dhaqaalaha iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed. Warbixinta IGAD ayaa lagu sheegay in sannadkii lasoo dhaafay ay Somalia gaartay horumarro joogto ah oo ku wajahan dib-u-habeynta adeegyada loo qabto bulshada, kuwaasoo ay ballan-qaadeen madaxda talada dalka haya iyo kuwa maamul-goboleedyada. Sidoo kale, IGAD waxay soo dhoweynaysaa horumarrada laga gaaray hir-gelinta golaha amniga Qaranka iyo mashruuca nabadgalyada Qaranka, gaar ahaan heshiiskii siyaasadeed ee golaha amniga Qaranka ee 06-dii 10-kii Febraayo, 2018, si loo aqoonsado golaha amniga dowladda oo sii wadaan is-dhex-galka, iyadoo loo marayo dhismaha badbaadada Qaranka. IGAD waxay soo dhaweynaysaa horumarinta Qorshaha KMG-ka ah oo ku salaysan sugida Amniga deegaanada iyadoo loo eegayo in la fuliyo amniga iyo kala-soo-cida ammaanka ee AMISOM oo loo gudbinayo kuwa Somalia, waxayna u muuqanaysaa inay dhameystirayso howlaha Qaranka iyo fulintooda. Bayaanka IGAD waxaa lagu amaanay horumarka ballaaran ee ay sameysay dowladda Federaalka Somalia si ay u daboosho shuruudaha barnaamijka IMF ee la socoshada barnaamijka kalsoonida maaliyadda dalka ee SMP oo qayb ka ah ajandaha dib-u-habeynta hay’adaha maaliyadeed ee waddanka. Dhanka kale, Ururka IGAD wuxuu ka digtay in la car-qaladeeyo xasilloonida siyaasadeed iyo guulaha ay gaartay dowladda federaalka Somalia 12-kii bilood ee lasoo dhaafay, taasoo khatar galinaysa hanaanka xasilinta. Ugu dambeyn, IGAD waxay ugu baaqaysaa baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia iyo hay’adda fulinta inay gacan ka geystaan ​​sidii loo fududeyn lahaa soo gudbinta qodobbada muhiimka ah ee ku saabsan khariidadda Road Map-ka 2020-ka ee fulinta qaab-dhismeedka Amaanka Qaranka, iyo horumarinta qorshaha gargaarka. PUNTLAND POST The post IGAD oo ka hadlay xaalada siyaasadeed ee ka dhex-aloosan hay’adaha Dowladda Somalia appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamada amaanka dowlada Federaalka ah ee Somalia ay Caawa gacanta ku dhigeen Kunteenaro khamri lagu siday. Ciidamada ayaa la sheegay in Kunteenaradaasi ay ku qabteen gudaha Dekadda magaalada Muqdisho, xili la doonaayay in Kunteenarada laga faarujiyo khamriga. Kunteenarada caawa lagu qabtay Dekadda ayaa sidoo kale la sheegay in lasoo dajiyay isla caawa, isla markaana la doonaayay in loo ganacsi geeyo magaalada. Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliiska Somalia, ayaa xaqiijiyay in Kunteenarada iyo khamriga ku jira ay goordhow oo caawa ah ku wareejiyeen Hay’adaha amaanka dalka. Saraakiisha laamaha amniga ayaa la filayaa in maalinta beri ah ay soo bandhigaan khamrigaas Dekada ka soo degay iyo dadkii waday. Ma cadda cida uu sida gaarka ah ugu socday Khamriga waxaase arrintaas iyo arrimo kalaba cadeyn doono laamaha amaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Somali Parliament Speaker, Mohamed Osman Jawari has dismissed a move to table a motion that would see the speaker ousted from office, sparking a new political crisis within the Somali parliament. The first deputy speaker of Parliament, Abdiweli Ibrahim Mudey on Sunday said the proposition lodged against the speaker would be tabled on 31st March. Jawari responded to Mudey’s announcement on Sunday evening, saying that the move by the deputy speaker is unconstitutional. “In accordance with article of 68th Provisional Constitution, the business of the House is ought to be based on the House Standing Order, Therefore, according to article 6 of Charter 6 of House Standing Order, I clarify that the statement dated 25th March, with Ref: HP/1stDS/501/2018 issued by the 1st deputy Speaker is not a decision by the House Leadership and the office of the House,” reads statement by Jawari. Yesterday’s statement by Mr. Muday was also squashed by the deputy Parliament Speaker, Mahad Awad. The 2nd Deputy Speaker of Parliament, Mahad Awad, also distanced himself from Mudey’s announcement. The disagreement between 2nd Deputy Speaker Mahad Awad and 1st Deputy SpeakerAbdiweli Mudey has caused a rift in the house leadership Mr. Awad who spoke to VOA Somali termed the statement by 1st Deputy as unilateral decision. “The statement by 1st Deputy Speaker, Abdiweli Ibrahim Mudey does represent the decision of the House leadership,” refuted Awad. The fate of the no-confidence motion against Jawari remains in the dark as the differences between the House leadership creates yet another political squabble.
  7. President Trump promised to stop Syrian refugees from coming to the U.S. And he largely has, along with refugees from other Muslim-majority countries including Somalia, Iraq and Iran. The dramatic drop in resettlements means big changes for the makeup of refugees nationally and in Washington state. Aden Hussein, chief of community relations for the Somali Youth and Family Club, has seen the data. Because of Trump administration policies, almost no refugees from Somalia, Iran, Iraq and Syria are coming to Washington. (Bettina Hansen/The Seattle Times) In a SeaTac gathering place for Somali refugees, the stories poured forth — of people left behind, of hopes to bring them here. Rahmo Omar, a 35-year-old who has trouble walking due to polio, talked of a cousin who looked after her in a Kenyan refugee camp. Fadumo Ibrahim said she is waiting for three sons in their 20s, also refugees in Kenya. Suleika Mohamed’s husband, traveling around Africa for work when she was placed in the U.S., now lives in a tent in Uganda. Their three kids, ages 6 to 10, keep asking: “When is Dad going to come?” On it went among a dozen people gathered around a table in a Somali Youth & Family Club office. Aden Hussein, the club’s chief of community relations, can offer little reassurance. He has seen the data. Among refugees resettled in Washington, “Somalis always had high numbers,” he said. Then President Donald Trump took office, and “things changed completely.” Just nine Somali refugees came to Washington in roughly the last six months (Oct. 1 to March 15), representing almost the first half of the 2018 fiscal year, according to U.S. State Department figures collected by The Associated Press and The Seattle Times. During the same period the year before, 210 Somalis arrived. Refugees entering Washington from Iraq and Iran, numbering in the hundreds last year, totaled just 15 combined over the past six months. The number of Syrian refugees during that period: 0. The numbers, largely mirroring trends nationwide, reflect Trump making good on his promises. At a 2016 campaign rally in Everett, while the Syrian refugee crisis was being recognized as the worst since World War II, prompting Canada and Germany to open their doors wide, Trump vowed to do the opposite. “Bad, bad things are gonna happen,” he said, if Syrians kept coming to the U.S., alluding to possible terrorist infiltrators. “This could be the great Trojan horse of all time.” Indeed, Trump has frequently voiced suspicion about Muslim refugees in general — pointing to assaults and terrorist attacks in Europe, some involving recent arrivals. Debates here, in Europe and in Canada rage about how to guard against dangers while providing humanitarian relief. Trump has had a hard time implementing his approach. Court challenges have halted and modified executive orders that temporarily banned either all refugees or those from mostly Muslim-majority countries. Trump succeeded, however, in blocking most refugees from 11 countries — including Syria, Iran, Iraq and Somalia — for 90 days. That period ended in January, but the administration then imposed heightened security screenings of refugees from those countries. “They are designed to keep nefarious and fraudulent actors from exploiting the refugee program to enter the United States,” the Department of Homeland Security said in its announcement. “They are designed to keep nefarious and fraudulent actors from exploiting the refugee program to enter the United States,” the Department of Homeland Security said in its announcement. Some refugees are still getting in from those countries, but the numbers over the last six months are very small: 42 from Syria, for instance, nationwide. Trump also slashed the total number of refugees to be taken in to 45,000 in fiscal 2018, down from the 110,000 goal set by President Barack Obama. If the slow pace of refugee admissions continues, the U.S. might fall short of even Trump’s reduced figure, by as much as half. Fadumo Ibrahim, a Somali refugee in SeaTac, has three adult sons in a Kenyan refugee camp hoping to join her. (Bettina Hansen/The Seattle Times) Local resettlement agencies say they are partially reorienting their work around services to those already here. “I don’t have to let staff go at this point,” said Nicky Smith, executive director of International Rescue Committee in Seattle, noting that two of the organization’s other offices around the country are closing. But John Forseth, program director of refugee resettlement for Lutheran Community Services Northwest, laid off six of 10 staffers last year. He’s back up to 10, though. Who can come, who must wait Washington, it turns out, has not seen as sharp a drop in arrival numbers as other states — at least when you factor in those coming here on “special immigrant visas” reserved for people who worked for the U.S. government. Drawn to the state in part by support from local soldiers and veterans, Afghans with such visas continue to settle here in large numbers: 558 so far this fiscal year. Including such visa holders, about 1,200 refugees have come to Washington in the last six months — more than to any other state besides California and Texas. “I think the bigger story here is who is coming,” said Sarah Peterson, head of Washington‘s Office of Refugee & Immigrant Assistance. She’s referring to the shift away from Iraqis, Iranians and Somalis, who previously represented a large share of those brought here. Now, the focus is primarily on Afghans and Ukrainians. Ukrainians started coming here with the fall of the Soviet Union, said Andrew Kritovich, deputy executive director of the Ukrainian Community Center of Washington. “It probably initially happened kind of randomly.” But once a community was established, it drew others. For communities disfavored by new policies, Forseth said, “the disheartening part is the families who are separated.” Late last year, he helped Liban Mohamed, a 27-year-old from Somalia, prepare for the arrival of Mohamed’s parents and eight siblings. Living in Nairobi, they were cleared by the U.S. government to fly here in December. Forseth’s program found the family a house that could accommodate them all, no easy feat, and collected holiday presents for the kids. But the family’s flight was postponed, pushing their arrival into January. And then came Trump’s first travel and refugee ban, barring Somalis, among others, from entering the U.S. That meant the family would have to wait, according to a government note Forseth received. That ban is long since defunct, but the family is still waiting, the holiday gifts for the children given away to others after sitting in the organization’s basement for a year. “We tried multiple times to get information,” Forseth said, but it is not forthcoming. “This case remains on long-term hold pending further review,” said a State Department note forwarded to Mohamed by U.S. Sen. Maria Cantwell’s office. Mohamed said his parents don’t work in Kenya, and the family depends on what he sends them from his income as an aircraft-cabin cleaner. It’s not enough for three meals a day or spacious housing. The 10 of them share two bedrooms. “Every night, they call me and ask me, how is life in America?” Mohamed said. They are no longer sure they’ll ever find out for themselves. Families’ hopes dim Uncertainty also hangs over Alyas Saydo’s brother and 78-year-old mother. Saydo, an Iraqi Kurd who served as an interpreter for the U.S. Army, and who now lives in the Tri-Cities, has been trying to bring them since he came to the U.S. in 2011. His mother had been living in a tent inside a refugee camp. “She said she can’t live there anymore,” Saydo said. So she and his brother moved to Saydo’s old house in Mosul. But the situation is more dangerous there, Saydo said. While ISIS’ stranglehold on the city is gone after ruinous fighting, the terrorist group is still around. Adhering to the Yazidi religion, his family faces particular risks. Long-simmering tensions with Turkey also pose a threat, according to Saydo. “All the time they are living in fear,” he said. Rita Zawaideh, founder of a small nonprofit that helps Middle Eastern refugees, especially from Syria, said she has heard of others leaving refugee camps as their hopes of being permanently settled dim. “They’re sitting in camps just waiting, for how many years?” she said. So they think: “Well, let’s just die in my own homeland.” Syrians never came to Washington in big numbers. About 250 arrived between fiscal 2015 and 2017. Zawaideh’s nonprofit, called Salaam Cultural Museum, leapt to help all the same, and sought out donated furniture. Offers of donations are still coming. But now, Zawaideh, said, “We’re saying we don’t need them.” Yousif Al Asfar said he thought he would be in the vanguard when he arrived in Washington with his wife and two children in January 2016. Thousands more Syrians, he expected, would follow, including some of his five siblings. He was surprised at what happened instead. He continued to make a life here. When he couldn’t find a job as an environmental engineer, his profession in Syria, he decided to get American credentials. He now studies at Highline College and hopes to get a master’s degree from the University of Washington. Meanwhile, he drives for Uber. “It’s not easy,” he said. “But here at least you have a chance.” Nina Shapiro: 206-464-3303 or nshapiro@seattletimes.com. On Twitter @NinaShapiro. Justin Mayo: jmayo@seattletimes.com
  8. LONDON, (Thomson Reuters Foundation) - A London solicitor accused of forcing his daughter to undergo female genital mutilation was acquitted on Thursday, increasing pressure on police and prosecutors who have yet to secure a conviction for FGM more than 30 years after it was outlawed. Source: Hiiraan Online
  9. Delegates from Somalia and Kenya are scheduled to start talks over border dispute on Tuesday in Nairobi. Kenya started constructing security wall along Somalia-Kenya border after Al-Shabaab militants waged deadly attacks inside Kenya. Speaking to the media, Gedo governor, Mohamed Mohamud Mohamed said Somalia and Kenya would engage in dialogue to resolve the border dispute between Somalia and Kenya. “Somali government assigned me to lead a delegation that will hold talks with the Kenyan government. The talks will start on 27th March,” Mohamed said. The tension has been high since February when Kenya resumed the construction of the wall which stretches from Mandera to Kiunga towns. The Kenyan government has been maintaining its position to continue the construction of the wall saying the move will curb the cross-border attacks by Alshabab militants. During a preliminary meeting with Gedo local leaders last week, Mandera County Commissioner, Kutswa Olaka insisted the continuation of the construction noting Kenya-Somalia border posed a threat to Kenya. ” We will neutralize the Al-Shabaab menace with this wall from Mandera to Kiunga in Lamu. so far, only 10km has been built,” said the county commissioner. Al-Shabaab militants had previously staged deadly attacks that claimed lives of hundreds of people. In 2015, five terrorists attacked Garissa University where they killed over 148 people, the majority of the victims were students.
  10. KAMPALA - A Uganda People's Defence Force (UPDF) soldier has been dismissed with disgrace from the army after being found guilty of defilement. Source: Hiiraan Online
  11. Nairobi (Caasimada Online) – Aragtiyo kala duwan ayaa waxa ay kasoo baxeysaa weerar Ismiidaamin ah oo shalay galab ka dhacay Isgooyska Sayidka ee magaalada Muqdisho. Goobta uu weerarka Ismiidaaminta ka dhacay ayaa waxaa ku taalla Xarunta Golaha Shacabka ee baarlamaanka Somalia, waxa uuna weerarkaasi dhacay saacado un kadib markii C/wali Muudey Gudoomiye Ku-xigeenka Koowaad uu soo saaray warqad uu ku sheegay in codeynta Mooshinka ay dhaceyso 31-ka Bishan oo ku beegan maalinta Sabtida ah. Go’aanka Muudeey ee ahaa in 31-ka ay dhaceyso codeynta ayaa waxaa aad uga soo horjeeda Guddoomiye Jawaari iyo Xildhibaano garab u ah, kuwaa oo xiliga weerarka Ismiidaaminta ka hor soo saaray go’aano ay ku mucaaradayaan xiliga ay dhaceyso codeynta. Hadaba waxaa jira hadal heyn iyo baaritaano hoose oo ku aadan weerarka Ismiidaaminta ah ee ka dhacay Isgooyska Sayidka oo dhinaca ku haya Xarunta baarlamanka Somalia, waxa uuna weerarku ka dhacay meel ku dhow iridka laga galo Xarunta baarlamaanka. Dadka ayaa ku kala aragti duwan weerarkaasi ismiidaaminta ahaa waxa ayna qaarkood qabaan in weerarkaasi uu ahaa mid Siyaasadeed oo looga soo horjeedo in Xarunta baarlamaanka Somalia ay ka dhacdo Codeynta Mooshinka, waxaana jira 4 qodob oo muujineysa in weerarkaasi uu lid ku yahay in codeynta lagu qabto xarunta baarlamaanka. 1-Weerarku waxa uu kusoo beegmay saacado un kadib markii Gudoomiye Ku-xigeenka Koowaad uu soo saaray warqad uu ku sheegay in codeynta Mooshinka ay dhaceyso 31-ka Bishan oo ku beegan maalinta Sabtida ah, waxaana aad u dhaliilay garabka taabacsan Jawaari ee kasoo horjeeda Mooshinka. 2-Weerarkaas Ismiidaaminta ee kadhacay afafka hore Xarunta baarlamaanka ee Isgooyska Sayidka, waxaa Beesha Caalamka loogu muujinayaa in Xaruntaasi aan lagu qabankarin codeynta Mooshinka. 3-Weerarka waxa uu dhacay iyadoo Xildhibaanada qaar ay ku adkeysanayaan in codeynta Mooshinka lagu qabto Xarunta baarlamaanka, halka kuwa kale ay doonayaan in codeynta lagu qabto Garoonka Aadan Cadde. 4-Weerarka Ismiidaaminta ee ka dhacay Sayidka waxa uu shaki galinayaa in codeynta Mooshinka ay ka dhici karto Xarunta baarlamaanka ee ku taal Isgooyska Sayidka. Dadka shacabka qaarkood waxa ay sidoo kale Su’aal ka keeneen sababta ay shaqsiyaadka qaar ee ka tirsan baarlamaanka Somalia uga hadli waayen weerarka shalay kadhacay Sayidka, halka weeraradii ka horeeyay ay durba dhaliilo dhanka amaanka ah u jeedin jireen dowlada Somalia. Dadka qaar ayaa qaba in weerarada qaar ee kadhaca dalka uu yahay mid ku xeeran arrimo Siyaasadeed, waxaana tuhunkaasi qeyb ka ah Qaraxii shalay dhacay. Yoonis Macalin Cabdi oo kamid ah dadka degan magaalada Muqdisho, ayaa Xildhibaanada baarlamaanka iyo madaxda guud ee dalka ugu baaqay inay kala qaadan Siyaasada iyo maslaxada dalka. Waxa uu ku dhaliilay inaanu daacad u aheyn dalka marka loo eego ficiltankooda waxa uuna soo jeediyay si baarlamaanka looga soo dhexsaaro kuwa xun ay noqdaan kuwo daacad u ah dalka oo isku xiran. Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn halka ay ka dhici doonto codeynta Mooshinka, waxaana xusid mudan in weerarkii shalay kadhacay Sayidka uu muujinaayo rabitaanka garabka taabacsan Jawaari ee iyagu doonaayo in doorashada ay ka dhacdo Garoonka Aadan Cadde. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka HirShabelle ayaa isku shaandheyn ku sameeyay maamulka Hiiraan, kadib markii dhaliilo kala duwan laga muujiyay hanaanka uu u shaqeeyo maamulka. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxaa maanta isku shaandheyn lagu sameeyay Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiaran. Wareegtada ayaa waxaa xilka looga qaaday Gudoomiye ku-xigeenkii dhanka maaliyadda Gobolka Hiiraan Khaalid Bashiir Macalin,waxana xilkaas loo Magacaabay. Wareegtada waxaa sidoo kale lagu magacaabay Gudoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Hiiraan,iyadoo uu xilkaas horay u hayay Xuseen Cismaan Muumin. Hoos ka akhriso wareegtada lagu sameeyay Isku shaandheynta:
  13. Kadib markii shalay Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka uu muddeeyay Xilliga rasmi ah ee la qaadayo mooshinka ka yaala Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa bilawday guux badan oo ku aadan sida Guddoomiye Jawaari uga badbaadi karo Mooshinkaas. Qaar ka mid ah Xildhibaanada ku aragtida ah Guddoomiye Jawaari ayaa rajo xumo ka muujiyay mustaqalka Guddoomiyaha mooshinka laga keenay, waxa ayna u sheegeen in xaalku uu adkaan karo oo ay macquul tahay in uu codka kalsoonida waayo Jawaari marka uu Sabtiga hortago Xildhibaanada Golaha Shacabka. Wararkii ugu dambeeyey ee ku saabsan Mooshinka ayaa sheegaya in Xalay ay kulan Xasaasi ah yeesheen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanada Qabyo oo uu hoggaaminayay Xildhibaan Faarax Sheikh C/qaadir waxaana wehlinayeen ilaa toban kale. Xildhibaanada Qabyo ayaa horey Guddoomiye Jawaari ugu kalsooni galiyay in ay difaaci doonaan balse xalay Ajandaha ayaa kaas ka duwanaa, waxaana ay usoo jeediyeen in ka hadlo warbaahinta oo uu ka hor yimaado in uu Baarlamaanka hortago 31 March, waxa ayna u caddeeyeen haddii uu go’aankaas qaadan waayo in aysan difaac u noqon Karin oo uu Xilkiisa wayn doono. Guddoomiye Jawaari hadda waxaa u banaan in uu u hoggaansamo sharciga oo uu Sabtiga soo xaadiro iyo in uu ka hor yimaado oo uu qaato talada Xildhibaanada Xalay u tagay siiyeen, waxaana isha lagu hayaa kulanka afar Maalin kadib qabsoomi doona. Saacadihii ugu dambeeyey waxaa Magaalada Muqdisho kusoo qulqalayay Xildhibaano badan oo fasax uga maqnaa dalka kuwaas oo doonaya in ay ka qeybgalaan kulanka Baarlamaanka ee 31 Marso ee lagu qaadi doono Mooshinka in kabadan 100 Xildhibaan ay ka keeneen Guddoomiyaha Baarlamaanka.
  14. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Somalia ayaa sheegtay in la joojiyay dhismihii darbigii ay Dowladda Kenya ka dhisaysay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, gaar ahaan xadka ay Somalia kala wadaagto degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somalia aya lgu xusay in la joojiyay dhismihii darbigaas, kaddib markii uu wadahadal taleefoonka ah ay wada-yeesheen labada madaxweyne ee Somalia iyo Kenya. War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somalia Farmaajo uu saddex xilli oo kala duwan uu Madaxweynaha Kenya kala hadlay arrinta darbiga, ayna isku af-garteen in la joojiyo dhismaha darbiga ay Kenya ka dhisayso inta dhexeysa Madheera, Kenya iyo Balad-xaawo, Soomaaliya. Ugu dambeyn, Qoraalkan ayaa soo baxay xilli ay arrinta darbigan dhalisay buuq weyn, iyadoo shacabka ku nool degmada Balad-xaawo ay sheegeen in guryahooda oo ku yaalla Soomaaliya ay la wareegtay Kenya, ayna ku dartay xadkeeda. AKHRISO: War-saxaafadeedka kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya; PUNTLAND POST The post AKHRISO: Somalia iyo Kenya oo isku af-gartay in la joojiyo darbiga laga dhisayo Xuduudda appeared first on Puntland Post.
  15. NAIROBI, March 26 (Xinhua) -- The UN refugee agency said on Monday that it has repatriated some 78,088 Somali refugees from Kenya as at Feb. 28 since the voluntary return exercise begun in December, 2014. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho waxaa maanta ku kulmay koox xildhibaano ah oo sheegtay iney dhex dhexaad ka yihiin is qab qabsiga Baarlamanka Somalia.Kooxdan oo la baxday Badbaadada Baarlamanka, waxey dhaleeceysay warsaxaafadeedkii uu shalay soo saaray gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamanka C/wali Ibraahin Shiikh Muudey. Waa tuma kooxdan? ——————————— Xildhibaanadan oo 30 xubnood gaaraya waxaa hor boodaya Ra’iisul wasaare kuxigeenkii hore ee Somalia Maxamed Cumar Carte Qaalib, waa qeyb ka mid ah kooxdii itaal jabtay ee Qabyo oo hada ay fursad uga dhex caraftay khilaafka Baarlamanka. Xogogaalnimadu waxey sheegeysa in Ragga maanta kulmay ay yihiin dhamaantood xildhibaanada uu ku dagaal galaayo Prof Jawaari , waxey dhagta ugu sheegeen iney difaaci doonaan. Shalay labbo qoraal ayaa kasoo kala baxday labadda gudooniye kuxigeen ee Baarlamanka oo dabcan u muuqday weerar iyo difaac. Markii aad maqasho koox dhex dhexaad ah oo hadleysa waxaad sugeysa iney labadda darafba qaladkooda u sheegaan ama ay baaq u diraan , laakiin taasi ma dhicin, xildhibaanada maanta Muqdisho ku shiray waxey weerar aan loo meel dayin ku qaadeen gudoomiye kuxigeenka koowaad Cabdiwali Ibraahim Shiikh Muudey, waxa qura ee durba kugu soo dhacay waa iney yihiin garabka Jawaari. Dadka aadka ula socda loolanka ka dhex jira Baarlamanka waxey sheegayaan inuusan jirin xildhibaan dhex dhexaad ah oo Muqdisho ku sugan. Maxaa ku qasbay iney is qariyan ? —————————————- Ilo xogogaal ah waxey sheegayaan inuu jiro culees xoogan oo soo fuulay xildhibaanada difaacaya gudoomiye Jawaari, markii laga watay ku dhowaad 50 xubnood oo ay rag fir fircoon ku jireen. Maalmo ka hor, xildhibaanada taageersan gudoomiyaha hogaamintiisa muranka la galiyay, waxey ku doodayeen waqti haloo qabto xiliga codeynta iyo halasoo dedejiyo, hadda waxaa Muudey lagu heystaa maxaa waqti ugu qabatay xiliga codeynta, halkaas waxaa ka cad sida uu yahay xaalka gudoomiye Jawaari iyo kooxdiisa. Ujeeddada Maxamed Cumar Carte. ———————————– Maxamed Cumar Carte Qaalib wuxuu ku jiray dagaal nuuc walbo ah tan iyo markii uu ku hungoobay damiciisii ahaa inuu markale noqdo Ra’iisul wasaare kuxigeenka Somalia. Dadka aadka ula socda siyaasadiisa ayaa sheegaya inuu isku duwanaayo tiro xildhibaano ah oo u badan kuwa Waqooyi, si uu gor gortan ula galo madaxda Villa Somalia, hadafkiisa ugu weyn waa inuu markale noqdo Ra’iisul wasaare kuxigeen. Waxaa Qoray, Cabdulaahi Cismaan Faarax Raafac22@gmail.com
  17. President Trump promised to stop Syrian refugees from coming to the U.S. And he largely has, along with refugees from other Muslim-majority countries including Somalia, Iraq and Iran. The dramatic drop in resettlements means big changes for the makeup of refugees nationally and in Washington state. Source: Hiiraan Online
  18. Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa ku amray dhammaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ka hawlgala degaannada Puntland in ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland. Madaxweyne Gaas oo maanta guddoomiyay shir ku saabsan la-xisaabtanka hay’daha ka hawgala degaannada Puntland, ayaa sheegay in aan cidna lagu dhaafayn canshuurta sida uu qabo sharciga iyo waajibaadka canshuur-qaadista ee dowladda Puntland. In ka badan 26 hay’adood oo caalami ah ayaa ka hawlgala guud ahaan degaannada Puntland,kuwaasoo la shaqeeya Wasaaradaha dowladda iyo ururrada bulshada rayidka,sidoo kale in ka badan 600 oo hay’ado maxalli ah ayaa ka hawlgala degmooyinka iyo gobolada Puntland,waxaana dowladdu sheegtay in 50 hay’adood oo keliyah ay si sharci ah u shaqeeyaan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo hay’adaha Puntland ka hawlgala ku amray in ay canshuurta bixiyaan appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Soomaaliya ayaa war rasmi ah kasoo saartay xiisadda ka taagan Beled-Xaawo. Haddaba halkaan hoose ka akhriso warka kasoo baxay Wasaaradda: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay kulanka dib-u-heshiisiinta beelo ay codlaadi ku dhexmartay degmada Marka ee Shabeellaha Hoose, waxaana lagu soo bandhigay geeddi-socodka nabadda ee degmada Marka, iyada oo laga soo saaray todobo qodob ay ku heshiiyeen labada dhinac. Shirkan oo ay daadihinayso Xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Madaxwaynaha Maamulka Koon-fur Galbeed, Xildhibaanada labada Aqal, Dhammaan waxgarad matalaya beelaha wax kala tirsanaya iyo Bulshada degan gobolka Shabeellada Hoose oo taageersan heshiiskan. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay shirkan dib-u-heshiinta ah ee lagu nabaddeenayo walaalaha ay dhibtu kala gaartay, waxuuna tilmaamay in ay shacabka Soomaaliyeed u diyaarsan yihiin nabadaynta dalka iyo in laga heshiiyo waxkasta oo laga dhexalay bur-burkii dawladnimo. “Soomaaliya waa dal ay ku nool yihiin Bulsho isku-Af , Dhaqan iyo Diin ah, taasina waxay inoo fududaynaysaa in aan ka gudubno caqabadaha noo diidan in aan noqono Bulsho ku nool dhul ay ka jirto amni iyo nabad dadyowga caalamkuna uu ku daydo,” ayuu yiri Khayre. Isagoo sii hadlaya ayuu yiri: “Nabaduna waa mida aan anaggu samaysano sidaas owgeed waa in aan aqbalnaa codsiga ay noo soo bandhigayn dadkii dushooda lagu dagaalamay, si ay qalbiyadeenu iskugu furmaan. Taasina waxay noqonaysaa midii midayn lahayd Soomaaliya oo dhan.” Mudane Khayre ayaa faray Odayaasha dhaqan, Siyasiinta iyo bulshada ka soo jeeda gobolka Shabeelaha Hoose in ay meel uga soo wada jeestaan nabadaynta maanta ka bilaamatay gobolkooda, kuna dadaalaan meel-mirinteeda, waxuuna u mahed-celiyay cid walba oo ka qayb qaadatay dib-u-heshiisiintan. Ugu dambeyn, Guddoomiya Aqalka Sare ee Somalia Cabdi Xaashi C/llaahi oo ka sheekeeyay taariikhda iyo khayraadka uu leeyahay gobolka, ayaa xubnihii kasoo qayb galayaasha u soo jeediyay in au u xusul duubtaan sidii ay u xoojin lahaayeen heshiiska ay maanta gaarayn, sidoo kalen ay ka fekeraan mustaqbalka ubadkooda. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Furay Shir looga Hadlayo Colaadihii ka Dhacay Marko appeared first on Puntland Post.
  21. Boosaaso-(Caasimadda Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in rag ku hubeysan bistoolado ay bartamaha magaaladaasi ku dileen askari ka tirsan sirdoonka Puntland. Dilkaan ayaa wuxuu ka dhacay Bartamaha Magaalada Boosaaso, kadib markii dabley hubaysan qaybaha sare ee jirka ay ka toogteen Shiine Maxamed oo ah Sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland. Sarkaalka la dilay ayaa la shaqeynaayay ciidanka Sirdoonka Puntland, waxaana masuuliyadda dilkiisa sheegtay Al Shabaab oo dilal qorsheysan ka gaysato Magaalada Boosaaso iyo deeganada Puntland. mararbadan ayaa Boosaaso waxaa ka dhacay dilal noocaan oo kale ah iyo qaraxyo Shabaab iyo Daacish ay sheegteen masuuliyadooda. Ciidamada Puntland oo gaaray halka uu dilkan ka dhacay ayaa weli wada howlgallo ay ku baadigoobayaan ragga falkaasi ka dambeeyay. Ammaanka Boosaaso ayaa maalmihii ugu dambeeyay soo hagaagayey, iyadoo marar badan ay dilal sidan oo kale ah ka dhaceen. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
  22. Two years ago, citizenship classes in Lewiston would be packed with 40 or 50 recent refugees to the United States eager to learn English and pass their citizenship tests. Today, those classes draw only five or 10 students. Source: Hiiraan Online
  23. SEATTLE – Hate crimes in Seattle is why more than a dozen women attended a workshop called “Hijabs and Harassment” in West Seattle. They say wearing a hijab as part of their religion makes them a target for harassment. Source: Hiiraan Online
  24. SEATTLE – Hate crimes in Seattle is why more than a dozen women attended a workshop called “Hijabs and Harassment” in West Seattle. They say wearing a hijab as part of their religion makes them a target for harassment. Source: Hiiraan Online