-
Content Count
211,234 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The US military has halted air operations in Djibouti – at the request of the African nation’s government – following two accidents involving military aircraft. Djibouti is one of the United States’ most critical strategic locations in the fight against terrorism in Africa and the Middle East but US air operations are now on hold. This comes after two US military aircraft were involved in separate incidents on Tuesday, including a jet crash at Djibouti’s international airport. US military suspends air operations “US air operations in Djibouti are on hold and US Naval Forces Central Command has cancelled the remainder of exercise Alligator Dagger in response to two separate aviation incidents in Djibouti,” the US military said in a statement on Thursday. On Tuesday, a US Marine Corps Harrier jet crashed at Djibouti–Ambouli International Airport. The pilot managed to eject from the aircraft and was treated at a medical facility with sources saying he has since been released. Later the same day, a Marine Corps CH-53 helicopter suffered “structural damage” during a landing at Arta Beach. None of the helicopter’s crew was injured in the landing, according to officials, two civilians were reportedly injured by debris from the aircraft’s rotor wash. US Navy investigators say they haven’t been granted access to the alleged victims by local police. Djibouti asks US to halt operations Following Tuesday’s double incidents, the Djibouti government sent the US a diplomatic notice requesting that all flying operated be suspended. The US military has complied, cancelling the military exercise both aircraft were involved in. US officials say both incidents are currently under a joint investigation while they’re also working with the Djibouti government to get approval for flights on a case-by-case basis. The US military base Camp Lemonnier is vital to the country’s support of operations in Somalia, Yemen and other locations in Africa and the Middle East. Source: – EA Monitor
-
AMISOM has dismissed claims it took full charge of the Lower House building following Wednesday’s standoff which saw the interventions of the African Union troops. In a press statement, Special Representative for Somalia, Francisco Madeira said AU respects the sovereignty of the people of Somalia and their capacity to resolve their internal challenges. “The African Union Commission and AMISOM respect the sovereignty of the people of Somalia and recognize their rights and have full confidence in the capacity of its Leadership to address the challenges besetting their country including the current political challenges that saw the Lower House of the Parliament being split into two,” said the AU Special Envoy. Madeira called for dialogue to overcome the looming political tensions which could the hardly gained achievements. “I appeal the Members of Parliament, legitimate representatives of the People of Somalia, to continue to exercise restraint as they strive to resolve the differences that oppose them,” he urged. The ambassador ruled out the comments of the AMISOM commander, Paul Lokech which said the row was between the Executive and the Parliament. “I wish to state that our view is that the current political stand-off is between two sides of Members of the Lower House Parliament,” he corrected. The sentiment comes barely two days after the House session was put off following high political tension. AMISOM on Wednesday stepped in to ease the situation. AMISOM officials led by the Mission’s commander, Paul Lokech held a meeting with the House Speaker, Mohamed Osman Jawari, his 2nd deputy and a handful of MPs in Villa Hargeisa over the stand-off. The sides jointly agreed to suspend the House session till conducive environment for session is created. Speaking to the media Lokech said the sides together with AMISOM accepted to suspend the sessions until further notice. “We have come to an agreement that the parliament through the speaker be suspended for a period of time till the atmosphere becomes good for all of the sides to conduct the House business,” Lokech noted. An official date for the impeachment motion has not yet been scheduled.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaarayo Gobolka Shabellah Dhexe ayaa sheegaya in Qarax xoogan uu ka dhacay Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle. Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa la sheegay inuu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso oo lala eegtay Bar Kontorool oo Ciidamada ku sugnaayeen oo ku taala Meel 4 Km ujirta Jowhar. Bartakoontarool ayaa gaar ahaan ku taal deegan lagu magacaabo Xaanshooleey oo dhacda Waqooyiga Xarunta Shabellah Dhexe. Ugu yaraan 3 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qaraxa, halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxa, sida ay sheegen mas’uuliyiin ka tirsan maamulk Hirshabeelle. Dadka dhintay 2 ka mid ah waa Ciidamada dowladda, halka qof kalena uu yahay Shacab. Dad ku sugnaa meel aan ka fogeyn halka Qraaxa uu ka dhacay ayaa soo sheegaya in Qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan. Sidoo kale, Dadka qaar ayaa umaleeyay inuu jiray dagaal xigay Qaraxa, waxaana rasaasta si caadi ah looga maqlay qeybo badan oo kamid ah Jowhar. Docda kale, waxaan weli jirin cid sheegatay Mas’uuliyada Qaraxa, balse Shabaab ayaa looga bartay Qaraxyada wadada lagu aaso ee lala eegto Ciidamada Dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Mogadishu - In 2005, Dr. Abdirahman Ali Awale – or Dr. ‘Habeeb’ as he is commonly known – was walking down a street in the Somali capital when he saw something which changed his life: the reaction of some local residents to a small group of girls suffering from mental illness. Source: Hiiraan Online
-
ADDIS ABABA, April 8 (Xinhua) -- Ethiopia's new prime minister Abiy Ahmed started his first official trip outside Addis Ababa on Saturday to the eastern Somali regional state to resolve deadly communal clashes. Source: Hiiraan Online
-
Minneapolis works to build trust with immigrant communities
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
MINNEAPOLIS (KMSP) - The City of Minneapolis is working on building trust between police and communities with a high immigrant population. Source: Hiiraan Online -
Saylac (Caasamadda Online) – Wargeyska Orientalreview, ayaa daabacay in Dowladda Ruushka ay dooneyso in ay saldhig Ciidan ka dhisayo maagalada Saylac ee Maamulka Somaliland. Wargeysku waxaa uu sheegay Somaliland ay Saldhigga Saylac ee Ruushka uga beddelenayeso aqoonsi uu siiyo,sidaasna ay ku billaabato Aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland. Saylac waxaa ay Sohdin la wadaagtaa Dalka Jabuuti,halkaas oo Waddamo badan oo Reer Galbeed iyo Reer Bari ahba ku leeyihiin Saldhigyo Milatari. Imaaraadku waxaa ay Saldhig Ciidan ka dhisanayaan Berbera laakiin heshiiska kuma jirto Aqoonsiga Somaliland,sidoo kale waxaa ay heystaan Jasiiradda Sooqadara iyo Dekadda Magaalada Cadan ee Koofurta Yemen. Hab Maamulka Somaliland waa is maamul aan cidna ku tiirsaneyn,waxaana ay u egyihiin sida Koofurta Yemen oo kale,waxaa ay galaan heshiisyo u gaar ah,waxaana ay ka xasilloonyihiin Soomaaliya inteeda kale. Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa la kulmay Diplomaasi Ruush ah oo lagu magacaabo Yury Kourchakov,waxaana ay ka wada hadleen suurtagalnimada Saldhigga Ruushku ka doonayo magaalada Saylac ee Gobolka Awdal. Warbixinta waxaa lagu sheegay in Saldhigga Ruushka ee Saylac ay ka weyn tahay kaliya saldhig Milatari oo uu Ruushku ku yeesho geeska Afrika hayeeshee waxaa uu doonayaa in uu Mareykanka tartan kula galo maamulidda inta badan Geeska Afrika oo ay Waddamada Reer Galbeedka mar hore la wareegeen. Warbixintu waxaa ay intaas ku dareysaa in sidoo kale Ruushka doonayo in uu Saldhig Milatari ka helo Dalka Suudaan oo Sanadkii hore codsi noocaas ah uu u gudbiyay inkasta oo Khartuum aysan shaacin. Damaca Ruushka ee Bariga Afrika waxaa kale oo uu uga faa’ideysanayaa xiriirka qotada dheer ee uu la leeyahay Itoobiya,taas oo Jabuuti kala heshiisay dhisamaha Waddo Tareen oo Sanadkii hore xarigga laga jaray iskuna xirta Labada dal. Isha Warkan: Orientalreview. Mustaqbal Radio Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ururka Haweenka ee Degmada Saaxo ee Gobolka Mudug ayaa maanta waxa ay Degmadaasi ay ka bilaabeen Olole Nadaafadeed oo ay uga hortagayaan Cuduro ka dilaaca Meelaha Qashinka laysugu geeyo iyo goobaha ay Biyaha Roobku ay fariistaan. Haweenka ayaa sheegay in aysan Dowladda hoose ee Degmada Saaxo aysan ka helin agabkii lagu gurijiray Qashinka maadaama ay si iskaa wax u qabso ah ay shaqadan ubilaabeen ,dantuna ay biday in ay Gacmahooda ay Qashinka ku qaadaan . Waxa ay Dowldda hoose ay ka codsadeen in loo keeno qalab ay ku shaqeeyaan Haweenka si howsha loo sii dar dar galiyo. Degmada Saaxo ayaa kamid ah deegaanadii dhawaan uu ka curtay Roobkii Guga. Hadaba halkan ka dhagayso Dhuux xaaji Cismaan oo ah Gudoomiye kuxigeenka Ururka Hweenka ee Degmada Saaxo. Dhuux
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaar kamid ah Fariisimihii ay ciidamada Xasilinta faarujiyeen saacadaha ka hor ayaa hadda waxaa lagu arkayaa ciidamo Boolis ah oo halkaas ku sugan. Ciidamadaan ayaa waxaa lagu arkayo qeybo kamid ah meelihii ay Xasilinta faarujiyeen, waxaana kamid ah Isgoyska Howl-wadaag, Jid Mareexaanka, Geed Jaceyl iyo Shiikh Cali Suufi. Weli waxaa jiro meelo badan oo haawanayo oo aysan imaan ciidamada Booliska Sida isgoyska Tarabuunka, Digfeer, Seybiyaano iyo qeybo ka mid ah woqooyiga Magaalada Muqdisho. Ciidamada Xasilinta ayaa Maanta isaga tagay meelihii ay gawaarida ku baari jireen muddo 6 bilood ka badan, waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro gadood ku saabsan xaquuq la sheegay inaysan ciidamadaas helin. Tan iyo markii ciidamadaas lasoo dhigay meelaha laga soo galo wadada Makka Al-Mukarama waxaa yaraaday qaraxyadii ka dhacayey Muqdisho gaar ahaan kuwa lagu soo xiri jiray gawaarida waaweyn. Shalay ayey aheyd markii laba fariisimo oo ay ciidamadaas lahaayeen lala beegsaday qaraxo lagu soo xiray baabuurta Raaxada oo ay wadeen naftood hurayaan ka tirsan Ururka Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo la hadlay Caasimadda Online ayaa sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono Saraakiishii amartay inay ciidamadaas faarujiyaan koontarooladii ay gawaarida ku hubin jireen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi farmaajo ayaa maanta xarunta Wasaarada Gaashandhiga ee dowladda Soomaaliya kulamo Gooni gooni ah waxa uu kula qaatay Xildhibaanadii taageersanaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada kala hadalaya xalinta khilaafka udhaxeeya labada Garab ee Baarlamanka ,taas oo ka dhalatay Mooshinkii Gudoomiye Jaari laga keenay. Xildhibaanadan ayaa lasheegay in ay yihin Gudigii labada dhinac ahaa ee maanta lamagacaabay oo ka koobnaa 14 Xunood oo ka kala yimid labada garab ee ishaya. Gudigan ayaa waxaa kala magacaabay Gudoomiye Jawaari iyo kuxigeenkiisa koowaad oo ah garabka ka soo horjeeda Muudeey . Majirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay wadahadalada dhexmaray Madaxweynaha iyo Gudigan.
-
Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan waxaa ka curtay Roobkii Guga oo in badan ay sugayeen dadka kudhaqan Gobolkaasi Haylaan oo ay mudo badan haysatay Abaar Saameen kuyeelatay dadka Xoolahaba. Roobabka ka da,ay Degmada Dhahar 24 saac ee la soo dhaafay ayaan gaysan wax khasaare ah sida la soo seegayo , waxaana uu Roobku uu ku teed sanyahay Tuulooyinbadan oo oo hoos yimaada Degmada dhahar ee Gobolka Haylaan. Ugu yaraan ilaa iyo 800 oo qoys oo xoolo dhaqato ah ayaa ku sugnaa Deegaanada ay Roobabkaasi ay ka da,een kuwaas oo aad ugu farxay Roobkan maanta dushooda ku hooray. Halkan ka dhagayso Dadka degmada dhahar
-
Waasiir kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka ee Puntland Faarax Maxamed Warsame iyo Wafti uu hogaaminaayay oo safar shaqo kutagay Degmada Taleex ee Gobolka Sool ,ayaa sheegay in Gobolkaasi ay geeyeen deeq daawo ah oo loogu talagalay dadka ku dhaqan Degmada Taleen si wax looga qabto baahiyaha Caafimaad xumo ee halkaasi kataagan . Wasiir kuxigeenka Caafimaadka ayaa sheegay in Puntland ay dayacyad, oo faraheeda ay ka baxeen Degmooyin katirsan Gobolkaasi Sool . Wasriir Faarax ayaa sheegay in markii ay la sheekeesteen Odayaasha Deegaanka ay usheegeen in Gobolka ay ka jiraan baahiyo badan oo ay bulshado uga fadhiday in dowladda Puntland ay wax ka qabato . Wasiirka ayaa sheegay in ay Degmada Taleex ay ka jirto Abaar saamaysay dadka iyo duunyada iyo Biyo la,an haysata dadka Xoolo dhaqada ah. Waxa uu sheegay Wasiirkuxigeenka in uu uujiro qorshe ay dowladda Puntland wax uga qabanayso xaalada Gobolkaasi ka jirta ,balse haatan aysan shaaca ka qadi doonin xiliga talaabooyinkaasi la qaadi doono . Halkan ka dhagayso . Wasiir kuxigeenka Caafimaadka
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo inay ciidmada Xasilinta faarujiyeen dhammaan koontarooladii ay kaga sugnaayeen gudaha Magaalada Muqdisho. Ciidamadaan ayaa mar qura isaga baxay dhammaan goobihii ay Muqdisho kaga sugnaayeen iyagoo ka qaatay dhammaan agabyadoodii. Caasimadda Online ayaa ogaatay inay ciidamadaan gadoodeen kadib markii la sheegay inaysan dowladda Soomaaliya ka helin xuquuqdii ay ku lahaayeen. Ciidamada Xasilinta oo shalay isku dhigay laba baabuur qaraxydo waday ayaa la sheegay inay Xalay Ra’isulwasaare Kheyre oo booqday ka waayeen waxyaabihii ay ka filayeen. Waxaa lasoo sheegayaa inay ka tabanayaan xuquuq la’aan iyo inaan mushaarkooda la siinin, iyagoo sheegay inaysan isku darsan karin naf huris iyo wax la’aan. Ra’isulwasare Kheyre oo xalay Ciidamadaas ku booqday goobahooda ayaa sheegay in xuquuqda la siin doono, lamana ogo ilaa hadda tallaabada ay dowladda qaadi doonto. Dhammaan goobihii ay ciidamadaas ka joogeen Magaalada Muqdisho ayaa hadda faaruq ah waxayna Magaalada Muqdisho halis ugu jirtaa inay soo laabtaan qaraxyadii waaweynaa ee lagu soo xiri jiray Gawaarida Xamuulka kadib muddo badan oo laga nastay. Haddii aanan ciidamadaan lasoo celin isla markaasna la qancin waxay Muqdisho marti u noqon doontaa Qaraxyada Al-Shabaab oo jaanis fiican u heli doono kadib muddo badan oo ay xayirnaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasaaradda Arrimaha gudah dowladda Puntland ayaa maanta shaacisay in Golaha Degaanka cusub ee loo soo xulayo caasimadda Garoowe ay mamnuuc ka yihiin dhammaan xubnihii ka tirsanaa Golihii Degaanka ee maalmo ka hor la kala diray. Qoraal ay Sabtida maanta ah soo saartay Wasaaraddu,ayaa sidoo kale lagu sheegay in aan gebi ahaanba la aqbali doonin xubnihii ka tirsaa Golayaashii la kala diray ee caasimadda Garoowe soo maray,islamarkaana lagu celin doono beeshii soo xulata xubin ka tirsanaa Golyaashaasi. Dhinaca kale wasaaradda ayaa shuruudaha ku soo dartay in aan qof ka tirsan shaqaalaha dowladda Puntland loo soo xuli karin, xubnaha cusub ee Golaha Degaanka Garoowe. Halkaan ka akhriso qoraalka oo dhammaystiran. PUNRLAND POST The post Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland oo mamnuucday Xubnihii la kala diray ee Golaha Degaanka caasimadda Garowe. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddi Xildhibaano ah oo ka tirsan garab Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa hada kulan madaxtooyada Soomaaliya kula leh Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyay in hada kulanka socdo waxaana looga hadlayaa sidii xal loogu heli lahaa khilaafka Baarlamaanka. Gudigaan ayaa la sheegay in ay ka kooban yihiin 7 xubnood oo ka socda garabka guddoomiye Jawaari Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la kulmi doono guddi kale oo ka socda dhinaca Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdi wali shiikh Ibraahim Muudey. Guddiga uu Jawaari magacaabay ayaa kala ah 1- Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali 2 – C/raxmaan Beene Beene 3 – Xildhibaan Sacdiyo Salaad 4 -Xildhibaan Fowsiya Sheekh 5- Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil 6 – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli wada howlgal ay ku kala xireen isku socodka Waddooyinka ugu mashquulka badan ee magaalada Muqdisho oo kala ah Wadnaha iyo Makka Al-mukarrama . Waxaa joogto noqday in gaadiidka ku sugan Jidka Wadnaha loo diido inay u soo gudbaan ama u soo tallaabaan dhinaca Maka Almukarama, waxaana gaadiidka lagu celinayaa isgoysyada Sanca, Jardiinka, Xararyaale, Howlwadaag, Sheekh Cali Suufi ilaa Trebuunka, taasoo keentay inay magaaladu noqoto laba qeybood. Gaadiidka iyo Mooto Bajaajka ayaa ku qasban inay sameysteen bar kala wareeg ah oo ay dadka kula kala wareegaan, waxaana soo kordhay in ciidamada ilaalada ka ah isgoysyadaasi ayay mararka qaarkood gaadiidka lacago ka qaataan si ay ugu ogolaadaan inay u gudbaan wadadda Maka Almukarama. Dhibaatada ka taagan xeritaanka Wadooyinka Muqdisho oo joogto noqotay ayaa hadda yeelatay muuqaal kale oo ah magaalo laba qeybsan oo khad cagaaran yeelatay iyo musuq ay ciidamada ku kacayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muwaadin Ali Al Mazrouei April 7, 2018 Amiirka Mandaqada Dubai, ahna Madaxweyne ku xigeenka iyo Raisal Wasaaraha Dalka Isutaga Imaarada Carabbta Shaikh Mohammad Bin Rashid Al Maktoum ayaa ku marti qaaday inuu shirka golaha wasiirada ka qeyb galo muwaadin waayeel oo u dhashay dalka Imaaratka, kana soo jeeda Mandaqada Ras Al Khaimaha. Muwaadinkaas oo lagu magacaabo Ali Al Mazrouei ayaa isaga oo ka qeyb galay dood ka soctay Radiyaha si toos ah aflagaadooyin ugu geystay Amiirka Dubai, isagoo ka cabanaayey kor u kaca qiimaha nolosha ee dalkaasi. Raisal Wasaaraha Dalka Isutaga Imaarada Carabta Shaikh Mohammad Bin Rashid Al Maktoum ayaan maanta oo sabti ah barta uu ku leeyahay Twitterka ugu baaqay in muwaadin Ali Al Mazrouei uu ka qeyb galo shirka golaha wasiirada oo diirada lagu saarayo Wasaarada Horumarinta Bulshada iyo Gargaarka Mujtamaca dan yarta ah
-
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Goordhow oo maanta ah magacaabay Guddi xaliya khilaafka siyaasadeed ee ka jira Baarlamaanka. Guddigaan oo ah xubno katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay kala yihiin:- 1- Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble, 2- Xildhibaan Been Beene 3- Xildhibaanad Sacdiyo 4- Xildhibaan Foowsiya Sheekh 5- Xildhibaan Xasan Yare. Xildhibaanadaan ayaa xal u raadinaya khilaafka ka dhexjira Baarlamaanka iyo Mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawaari. Xildhibaanadaan ayaa la kulmi doono Xildhibaanada wada Mooshinka Jawaari si ay ugala hadlaan xalinta khilaafka Siyaasadeed. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiye Jawaari ayaa Magacaabay Guddi xal ka gaara Mooshinka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Hoggaamiayaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Dalka Kenya Xildhibaan Barre Ducaale ayaa si kulul u cambaareeyey fara gelinta Dowladda Imaaraatku ku hayso arrimaha Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri “Dowladda Imaaraatka Carabta waxaa waajib ku ah in dhowrto madax bannaanida shacabka Soomaaliyeed, kana fogaato in ay curyaamiso shaqada hay’adaha Dowladda.” Sidoo kale Xildhibaan Barre Ducaale waxa uu ugu baaqay dalalka Ururu Goboleedka IGAD in ay isugu yimaadaan kulan deg deg ah oo ku saabsan xal u helista khilaafka ka jira Baarlamaanka Soomaaliyeed. “Waddamada IGAD waa inay isugu yimaadaan kulan degdeg ah oo ku saabsan xallinta khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Baarlamaanka, si loo ilaaliyo guulaha laga gaarey dhinacyada ammaanka iyo xasilloonida, inta uu Madaxweyne Farmaajo talada hayey.” Dad badan oo ka fallooda arrimaha siyaasadda ayaa ku fasiray hadalka Hoggaamiyaha Aqlabbiyadda Baarlamaanka Kenya mid muujinaya tuhunka laga qabo kaalinta ay Imaaraatka Carabta ay ku leeyihiin qalalaasaha haatan ka dhex jira Baarlamaanka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com