-
Content Count
212,095 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa su’aalo badan ka keenay Dastuurka uu Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya Muudey uu sheegay inuu lumay oo haddana lasoo helay. Fiqi ayaa tilmaamay in Dastuurkii la sheegay inuu lumay ay ku qorneyd inuu madaxweynaha xilka heyn karo ilaaa 4 sano halka midka la sheegay in lasoo helay uu qorayo inuu Madaxweynaha xilka heyn karo ilaa 5 Sano. Sidoo kale wuxuu sheegay inuu jiro farqi u dhaxeeyo dhanka tirada xildhibaanada, wuxuuna xusay in dastuurkii la sheegay inuu lumay ay ku qorneyd inay xildhibanada yihiin ilaa 275 Xildhibaan halka dastuurka hadda la helay ay ku qoran tahay inuu Baarlamaank ka kooban yahay ilaa 225 Xildhibaan. Haddaba halkaan hoose ka akhriso hadalka uu Fiqi soo dhigay bartiisa Facebook: Waxaa maanta golaha shacabka kulankiisii ajenduhu ahaa hadaljeedinta musharixiinta u taagan xilka guddoomiyaha golaha lagu qaybshay dastuurkii la xaday ee maalmahaanba hadal hayntiisu badnayd.. Bulshadu waxey xaq u leedahay in ay wax ka ogaato dastuurka dalka u yaalla, balse waxaa la yaab lahayd hadal kadis umadda ku noqday oo uu jeediyey guddoomiye Muudey dhowr casho ka hor oo loo heystay in uu ahaa hadal carrabku ka dafey inuu maanta golaha shacabka ku qeybiyey nuqul uu ku sheegay inuu yahay dastuurkii asalka ahaa oo ka bedelan midka la isticmaalo hadda. Haddaba maxey ku kala duwan yihiin dastuurka dalka laga isticmaalo & kan M.ne Muudey uu ku sheegay kii la xadey balse ayadoon xoog badan lagu bixin baadigoobkiisa sida fudud loo soo helay! 1. Dastuurka la xadey qodobkiisa 9-aad wuxuu inkirayaa caasimadda dalka, wuxuuna ka dhigay mid muran ka taagan yahay, halka dastuurka dalka u yaalla isla qodobka 9-aad uu muujinayo caasimaddu in ya tahay magaalada Muqdisho. 2. Dastuurka la xadey qodobkiisa 91-aad wuxuu sheegayaa in mudada xil-haynta madaxweynaha dawladda federaalka ah ay tahay 5 sano, halka midka dalka laga isticmaalo isla qodobkiisa 91-aad ay sheegayso 4 sanadood. 3. Dastuurka la xadey qodobkiisa 65 (2) waxaa ku qoran in tirada xubnaha golaha shacabku tahay 225 xildhibaan, balse dastuurka dalka laga isticmaalo qodobkiisa 64 (2) waxaa ku qoran in tirada xildhibaanada golaha shacabku ay tahay 275 xildhibaan. Haddii Dastuurka la xaday dhexdiisa caasimadii dalka lagu xadey, dhanka kalena hal sano laga xadey mudadii xil-haynta Madaxweyne Xasan Sheekh, iyo in tirada xildhibaana golaha shacabku uu 50 xildhibaan dheeri ku tahay oo ayana la soo xadey! Guddoomiye Muudey-na uu barlamaankii 9-aad ku jiray, midka 10-aadna sanad iyo ka badan guddoomiye ku xigeenka koowaad ka ahaa muxuu u soo bandhigi waayey mudadaas 6-da sanadood ah oo ku soo aadiyey 15-kii maalmood ee uu ku simaha guddoomiyaha ahaa, isla markaana maanta loo qeybiyey asagoon ajendaha barlamaanka ku jirin? Mawduucan cusub ee la furay wuxuu dalkii ka dhigay bilaa dastuur, bilaa caasimad iyo in madaxweynaha Farmaajo uu hal sano oo madaxweynihii ka horeeyey Xasan Sheekh waqtigiisii xilhaynta uga harsanayd uu ka qaatay & barlamaan sharci-darro ah oo 50 xildhibaan oo dheeri ah dhexfadhiyaan oo lay dhici kasrto in Muudey laftiisu uu ka noqon karo kontonkaas haddii dib loo xisaabtamo!! Siday rabtaba ha noqontee mawduucani wuxuu albaabada u furi doonaa dood weyn oo kashifi doonta danta qarsoon ee laga lahaa arrintaan! War jiraaba cakaaruu iman!!
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ku-simaha Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia, Cabdiwali Sheekh ibraahim Muudey, ayaa Xildhibaanada baarlamaanka Somalia usoo bandhigay dhammaan qodobo la sheegay in laga saaray Dastuurka dalka kuwaa oo uu dhawaan sheegay in ‘’La xaday’’. Muudeey, ayaa sheegay in marka hore uu Dastuurku ahaa mid si caadi ah loogu shaqeynaayay qodobadiisa, hase ahaatee markii danbe loo tashtay qodobada qaar isla markaana la xaday. Muudeey ayaa tilmaamay in Dastuurka dalka aan la bedeli Karin iyadoo aan dib looga wada tashan sidaa aawgeed la doonaayo in leysla wada arko ciladaha uu qabo Dastuurka. Nuqul ka mid ah Dastuurka xildhibaanada loo qeybiyey ayaa ka mid ahaa Dastuurkii ay sanadkii 2012 ay ansixiyeen ergada. Waxaa kamid ahaa qodobada loo qeybiyay Xildhibaanada ee cajiibka ah in ‘’wakhtiga xilheynta Madaxweynaha uu yahay 5sano laga bilaabo maalinta la doorto’’. Sidoo kale, qodobada leysku hayo ayaa waxaa kamid ah in Madaxweynaha uu kala diri karo Baarlamaanka hadii ay timaado arrin xasaasi ah oo saameyn ku leh Baarlamaanka Soomaaliya. Muudeey ayaa horay u sheegay in la xaday Dastuurka Somalia, isla markaana laga saaray qodobo muhiim ah, iyadoo uu ujeedku ahaa in Madaxdii hore ay ku raagan xilka.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Taliska Itoobiya ayaa doonaya in ciidamada Nabad Ilaalina Midowga Africa ee ka howlgala Soomaaliya in ay dalka joogaan sida uu sheegay Afayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Ethiopia. “Ka Itoobiya ahaan ciidamada Howlgalka AMISOM weey joogayaan Soomaaliya ilaa kooxda Al shabaab si aad ah loo wiiqayo awoodooda, markaas kadib ayeey baxayaan” sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay Meles Alem oo ah afayeenka Taliska Itoobiya u qaabilsan Arimaha Dibadda. Ciidamada kala duwan ee nabad ilaalinta Africa waxaa markii ugu horeysay dalka laga howlgeliyay 2007-dii si ay ula dagaalamaan Al Shabaab, waxaana ay dalka ka howlgalayaan in kabadan 10 sano. Midowga Africa ayaa horay u bilaabay qorshe ciidamada AMISOM loogu yareynayo Soomaaliya taa oo horseedi doonto in gabi ahaanba ay dalka isaga baxaan waxaana Mas’uuliyadda Amaanka dalka la wareegi doono Ciidamada Xoogga Dalka. Sida uu hadalka u dhigay Males Alem oo ah afayeenka wasaaradda Arimaha Dibadda Itoobiya waxa uu tilmaamay in inta laga ciribtirayo Dagaalyahada Al shabaab in AMISOM ay joogi doonto Soomaaliya waxaana uu xusay in howlgalka AMISOM uu dhamaan doono marka si aad ah looga awood roonaado, sida ay qortay wakalaadda Wararka ee Anadolu. Bishii june 2016-kii Golaha Nabadda Iyo Amaanka u qaabilsan Midowga Africa ayaa soo saaray go’aan-ka ku aadan in la dhimo ciidamada AMISOM, ugu dambeynna ay ka baxaan Soomaaliya iyadoo amaanka guud lagu wareejinayo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, inkastoo wali aan la hergelin go’aankaasi. Bishii December 2017-dii 1,000 askar oo ka tirsan howlgalka AMISOM ayaa isaga baxay Soomaaliya iyadoo la eegayo go’aankii Midowga Afrika iyo golaha amniga ee Qaramada Midoobey. Soomaaliya waxaa ku sugan in kabadan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha ,Jibuuti iyo Sierra Leone waxaana dhamaantood ay hoos imaadaan Holwgalka AMISOM kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab. By:Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) Abdiazizh99@gmail.com
-
Muqdisho (caasimadda Online) – Warbixin dheer oo ay qortay wakaaladda wararka Reuters ayaa lagu sheegay in magaalada si caadi loogu iibinayo hub laga qaaday xerada ay dawlada Imaaraatka Carabtu ku tababartay askar Soomaali ah. Wakaaladda wararka Reuters waxaa ay sheegtay ayadoo soo xiganaysa dad hubka ka ganacsada ayaa sheegay in suuqyo ku yaala magaaladda Muqdisho lagu iibiyay hub gaaraya 6 illaa 700 oo qori oo nooca AK 47 ah kuwaasoo ay wakaaladu sheegtay in ciidamo ka qaateen xerada Jen Gordon oo Imaaraatku maamuli jiray. Qaar ka mid ah qoryaha lagu arkay suuqyada Muqdisho ee ay iska iibiyeen ciidamadii Imaaraatku tababaray waxaa ku jira qoryo cusub Shiinaha lagu farsamayeeyay sida ay ku waramayso wakaaladda aanu xiganayno ee Reuters. Qof magaciisa la qariyay oo ay wakaaladdu sheegtay inuu ka mid yahay dadka hubka ka ganacsada ayaa sheegay in askartii Imaaraatku tababaray ay qaateen hubkii xerada yaalay kadibna ay suuqyada u beec geeyeen ayagoo xeelado kala duwan adeegsanaya waxaana bogga wakaaladda wararka Reuters lagu soo banndhigay sawiro laga soo qaaday qoryaha la sheegay in xerada lagala baxay. Ganacsatada ayaa sheegay in qiimaha qoriga Ak ah oo suuqyada Soomaaliya hadda ka jooga lacag gaaraysa 1,350 Dollar waxaa askarta laga siiyay 700$ oo kaash ah sida laga soo xigtay qof ay wakaaladdu magaciisa ku sheegtay Jaamac Cali oo hubka ka ganacsada. Ganacsatada ayaa bilaabay in qoryahaas hadda sii iibiyaan lacag dhan kun Dollar qorigiiba. Sida wakaaladda Reuters sheegay qoryahaan waxaa ku sumadaysan oo ku dul qoran Xarafaha “SO, XDS” oo laga soo gaabiyay ciidanka Xooga dalka Soomaaliya taasoo ka dhigan inuu yahay hub loogu talo galay ciidanka Soomaaliya. Shaqaalaha dekeda weyn ee Muqdisho ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters inay arkeen markab laga leeyahay dalka Imaaraatka oo lagu rararo konteenaro ay jireen hub fara badan iyo gaadiidka gaashaaman ee ciidamadu adeegsadaan kuwaasoo ay dawlada Imaaraatku Soomaaliya ka raratay markii ay go’aansatay inay joojiso tababark a ciidamada Soomaaliya. Warka ah in hub lagala baxay xerada ciidamada ee Jen Gordon waxaa uu soo baxay maalintii Isniinta markaa oo uu iska hor imaad waqti qaatay uu ka dhacay. Taliyaha ciidamada Xooga Soomaaliya oo mar warbaahinta gudaha la hadlayna waxaa uu sheegay in lasoo qabtay askar lagu tuhmay inay dambeeyeen dhacdadii Isniintii. Xigasho: Wakaaladda Wararka Reuters. Radio Kulmiye Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Six months after the country's deadliest bombing, life is slowly returning to normal in Somalia's capital city, but uncertainty remains. Source: Hiiraan Online
-
Ifiye Ma’alin Hassan and his family of nine have spent five days camped out on the roof of their house near Beletweyne, in southern Somalia’s Hiran region, after floods inundated their village. Source: Hiiraan Online
-
Multinational African peacekeeping force was deployed in Somalia in 2007 to cope with threat of al-Shabaab terrorist group Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (PP) ─ Itoobiya waxay doonaysaa in ciidamada ka socda dalalka Afrika ee ku sugna Somalia [AMISOM] ay sii joogaan Somalia, sidaas waxaa Wariyeyaasha Addis Ababa ugu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Hadalkan kasoo baxay Itoobiya ayaa imaanayaa iyadoo uu Madaxa AMISOM, Francesco Madeira maanta Muqdisho sheegay in ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia la dhimayo, isagoo xusay in ciidanka Somalia ay awoodoodu soo xoogeysanayso. “Waxaan Itoobiya ahaan soo jeedinaynaa in ciidamada AMISOM ay Somalia sii joogaan, tan iyo inta awoodda Al-shabaab la wiiqayo,” ayuu suxufiyiinta u sheegay Meles Alem oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dalka Itoobiya. Ururka Midowga Afrika ayaa horay ugu baaqay in si tartiib-tartiib ah Somalia looga saaro ciidamadooda, iyadoo mas’uuliyadda amaanka lagu wareejinayo ciidamada Dowladda Somalia oo haatan dhisme lagu wado. Ciidamada Itoobiya ayaa waxay qayb ka yihiin in ka badan 22,000 oo Askari o ka socda dalalka Afrika oo ay ku jiraan kuwa dariska ah oo Soomaaliya ku sugan si ay dowladda Somalia uga caawiyaan la dagaalanka Al-shabaab. “Waxaanu qabnaa in ciidamada AMISOM ay sii joogaan Soomaaliya illaa inta ay Al-shabaab ka noqonayso koox awoodeedu liidato, isla markaana aan ku ahayn khatar Somalia iyo waddamada gobolka,” ayuu Meles Alem hadalkiisa ku daray. Kooxda Al-shabaab ayaa weli awood buuxda u leh inay fuliso Qaraxyo iyo dilal qorsheysan, iyadoo Qaraxii ugu khasaaraha badnaa uu ahaa midkii ka dhacay Muqdisho 14-kii bihsii Oktoobar ee sannadkii hore, kaasoo lagu dilay in ka badan 500-qof oo shacab ahaa. Ugu dambeyn, Hawlgalka AMISOM oo ka billowday Somalia Sannadkii 2007-dii ayaa waxaa lagu wadaa in si tartiib-tartiib ah looga saaro Somalia, iyadoo weli ay Al-shabaab awood u leedahay inay weerarro geysato. PUNTLAND POST The post Dowlada Itoobiya oo sheegtay inay doonayso in ciidamada AMISOM ay sii joogaan Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Dowladda Turkiga ayaa Qorshaynaysa inay Tababarro dhinacyo badan leh siiso saraakiil ka tirsan Boliiska Kenya, sida laga soo xigtay mas’uul ka tirsan hay’adda samafalka Turkiga ee TIKA. Saraakiishan oo aan tiradood la shaacin ayaa loo carbinayaa la-dagaalanka dambiyada cul-culus iyo argagixisada. Wafdi ka socda dowladda Turkiga ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Qaar ka mid ah saraakiisha booliska Kenya, kuwaasoo ka hadlay sidii loo dar-dar-gelin lahaa tababarkan. Sidoo kale, Wafdigan Turkiga ayaa Kenya joogi doona muddo afar maalmood ah, waxayna kormeeri doonaan dugsiga uu tababarku ka dhacayo iyo sidoo kale baahiyaha halkaas ka jira. Qoraal ay soo saartay hay’adda TIKA, ayaa lagu sheegay inuu Tababbarkan uu yahay mid caalami ah, kaasoo lagu bixinayo koorsooyinka aasaasiga ah ee howlaha sirdoonka, marista waddooyinka, la-dagaallanka argagixisada, difaacidda falalka abaabulan, toogashada farsamaysan, xadista gaadiidka, ilaalinta madaxda, tababarka booliiska iyo kuwo kale. Dhanka kale, Saraakiisha booliska Kenya ayaa ugu mahad-celiyay shacabka iyo xukuumadda Turkiga caawinta ay la garab-taagan tahay dowladdooda, gaar ahaan la tacaalidda falal-dambiyeedyada ay geystaan kooxaha gacan-saarka la leh Al-Qaacidda. Ugu dambeyn, Hay’adda TIKA ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa hawlo samafal ah ka wada Soomaaliya, taasoo wax badan ka qabatay arrimaha bini’aadamnimada iyo waxbarashada. PUNTLAND POST The post Turkiga oo Booliiska Kenya u Tababaraya sida looga Hor-tagga Falal-dambiyeedyada appeared first on Puntland Post.
-
Abu Dubai (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Pultland Cabdiweli Gaas ayaa si cad u shaaciyey in Maamulka Puntland uusan ku xirneyn dowladda dhexe isla markaasna ay heshiis la geli karaan dowlado shisheeye iyo shirkado, Hase ahaate waxaa qarsoodi ahaa oo aan warbaahinta laga sii shaacin safarka uu Axmed Madobe madaxweynaha Jubaland ku tagay dalkaasi Imaaraatka. Warar hoose oo aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in labada madaxweyne ee Puntland iyo Juba-land ay madaxda Imaaraatka la yesheen shirar dhowr ah oo looga hadlayay xiisada todobaadyadi ka dhex jirta Soomaaliya iyo Imaaraatka ee dhanka dublomaasiyada ah. Warar hoose oo laga helay dad ka ag dhaw labada madaxweyne waxaa ay sheegayaan in heshiisyo qarsoodi ah ay dowlada Imaaraatka kala saxiixatay madaxweynayasha Puntland iyo Jubaland ee ku sugan dalka Imaaraadka. si rasmi ah looma oga waxa ay heshiisyada quseeyaan waxaase jirta in wajiga labaad ee dhameystirka heshiiska dekada Boosaaso ay kulamadaan qaar kood la xariiraan. Dalka Imaaraadka ayaa inta badan waxaa ka dhaca kulamo looga hadlo arimo la xiriiro siyaasada isla markaana aysan ka war qabin dowlada Soomaaliya. Tagista madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ee dalka Imaaraatka ayaa imaaneysa iyadoo Imaaraadka ay hakad fgelisay taageradi ay siin jirtay dowlada Soomaaliya ee dhanka tabarbarka Ciidamada ah sido kale na ay albaabada u laabtay isbitaal ka furnaa Muqdsho, agab badan oo ka yaalay magaalada Muqdishana ay maalmo Maraakiib ku raranayeen. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimadda Online)_ Maxkamadda Hargeysa ee Gobolka Maroodi-jeex ayaa xukun xabsi ah ku riday Boqor Cismaan Buurmaddow oo ka mida salaadiinta waaweyn ee degaanada Gobollada Waqooyi. Xukunkan ayaa ka danbeeyay markii saaka maxkamadda Hargeysa ay u fariistay kiiskiisa iyadoo uu markii hore damaanad lagu sii daayay, balse ay ku socotay maxkamadda, waxaana lagu xukumay 5 sano oo xarig ah. Madaxweynaha Puntland oo madashaas ka hadlay ayaa sheegay in Boqor Buurmadoow uu dhinaca Somaliland ka dhaadhiciyo arrintaas dhinaciisana uu diayaar u yahay,markii uu ku laabtay Hargeysa ayaa la xiray inkasta oo markii dambe la siidaayay,haddana maanta ayaa Maxamadda Hargeysa ku xukuntay shan Sano oo Xabsi ah. Xukunka markii uu dhacay Kaddib ayaa Ciidanka Booliska ee Maamulka Somaliland waxaa ay Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadoow u kaxeeyeen Xabsi ku yaalla Magaalada Hargeysa, iyadoo la sheegay inuusan iibsan karin xarigaasi, balse uu madaxweynaha maamulkaasi uu cafin karo. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Dowladda Federaalka Somalia ayaa baaritaan ballaaran ku sameyneysa shirkada SKA ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo la sheegay in heshiisyo qarsoodi ah la galeyn shaqsiyaad ka tirsan dowladda federaalka Somalia. Shirkaddan ayaa sida wararka qaar ay Tilmaamayaan waxaa heshiis la galay mas`uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Dowlada Somalia, kaasoo lagu sheegay ahayn mid waafaqsan hab-raaca Dowliga ah ee ay dajisay Wasaarada Maaliyadda. “Heshiiska noocan oo kala ah oo aan Waafaqsaneen Hab-raaca iibka Qaran waa mid wax kama jiraan ah,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Dulaace Beyle. Sidoo kale, War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri. ”Dowladda Soomaaliya waxay billowday baaritaan ku aadan heshiiskaan sida uu ku yimid iyo habraaca loo maray.” Ugu dambeyn, Bayaankan ayaa lagu sheegay in natiijada kasoo baxda la hor keeni doono shirka ugu horreeya ee ay yeelanayaan Golaha Wasiirada Somalia. Haddaba, AKHRISO; Bayaanka kasoo baxa Xukuumadda Somalia; PUNTLAND POST The post Xukuumadda Soomaaliya oo baaraysa Heshiis Qarshoodi ah oo lala galay Shirkadda SKA appeared first on Puntland Post.
-
Abu Dubai (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa shir jaraa’id ku qabtay goor dhoweyd magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, isagoo uga dhawaaqay in Puntland ay xaq u leedahay inay heshiisyo la gasho dalal kale iyo shirkado. Madaxweyne Gaas ayaa si weyn ugu bogaadiyay dowladda Imaaraadka Carabta inay yahay dalka ugu weyn ee maalgeliya maamulkiisa, kana taageera dhinac waliba. Sidoo kaleba Imaaraadka uu yahay dalka ugu weyn oo ganacsiga la leh Somalia, ayna ka shaqeystaan kumanaan Soomaali ah. C/weli Gaas oo soo qaatay Federaalka Soomaaliya ayaa ku sharxay inaysan awoodda dalka ahayn mud ku urursan Muqdisho, wuxuuna yiri: “Soomaaliya ma aha Muqdisho, Muqdishana ma aha Soomaaliya..”, isagoo caddeeyay in maamulkooda uu awood u leeyahay inuu heshiisyo la galo dowlado shisheeye. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in la dhisay sanadkii 2004, laakiin ay Puntland ka horeysay oo ay soo dhisneyd ilaa sanadkii 1998, wuxuuna soo daliishaday Qodobka 54-aad ee Dastuurka Puntland , kaasoo uu sheegay inuu awood u siinayo maamulka Puntland inay heshiisyo caalami ah gasho. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Madaxweynaha Puntland https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/04/Madaxweynaha-Puntland-Imaaraadka.mp3
-
NAIROBI, Kenya – Turkey wants to train Kenyan police officers in fighting crime, including terrorism, the local head of Turkey’s state-run aid agency told Anadolu Agency on Wednesday. A high-level delegation from Turkey met with top officials from the Kenya National Police Service to discuss the particulars of the training. The Turkish group included Alper Ozdemir, first-class police chief at Police Vocational School, and Erkin Tanrikulu, a second-class security director and vice-president security general. Emre Yuksek, the coordinator in Kenya of the Turkish Cooperation and Coordination Agency (TIKA), told Anadolu Agency: “With TIKA collaboration, the Turkish General Director of Security Services has rolled out international police training programs across the world, and we also want to extend the coverage to Kenya’s National Police.” In the presence of Turkey’s ambassador to Kenya, both sides agreed to work together, especially on specialized Turkish courses on criminal investigation, crisis management, anti-terrorism, organized crime, car theft, and other many different areas. The Turkish delegation will be in Kenya for four days visiting various police divisions to see where improvements are needed. According to a TIKA statement, the training offered across the world includes courses in basic intelligence, pedestrian and mobile tracking, counter-terrorism, organized crime, shooting techniques and tactics, car theft, guarding VIPs, police training, police defense tactics, intelligence in combating global terrorism, crisis/hostage negotiation, protecting important premises against terrorism, and cyber crimes. Kenya’s police inspector general expressed his thanks to the people and government of Turkey for coming in to assist the East African nation at an opportune time when they are combating acts of crime such as those by the Somali-based al-Qaeda affiliated al-Shabaab militant group. Source: – AA
-
National Assembly Majority Leader Aden Duale follows activities during a prize-giving day at Nairobi Muslim Academy on February 24, 2018. He has said governors should improve the welfare of their people. PHOTO | FRANCIS NDERITU | NATION MEDIA GROUP Members of Parliament yesterday dismissed the ongoing devolution conference in Kakamega County as a waste of time and public resources. The lawmakers instead called on the new Director of Public Prosecutions Noordin Haji to prosecute governors who have misused public resources. National Assembly Minority Whip Junet Mohammed said the aim of devolution to bring power and resources close to the people has been abused and instead a clique of people around governors have been looting public resources. “In many counties, there is little to show even with the billions allocated to them each year. There is a need for high-profile prosecutions to rid counties of corruption,” Mr Mohamed said. FLOODS Majority Leader Aden Duale said: “About 15 counties are facing a humanitarian crisis yet the governors are busy showcasing to the public other things. “The Governor of Tana River is in Kakamega while 15 villages in his county are marooned,” Mr Duale said. The MPs complained that five years down the line, some counties still cannot put out simple fire outbreaks and disaster response was pathetic. Jubilee Chief Whip Benjamin Washiali called for an audit of the outcome of the conference. “Do governors really implement the resolutions reached in the conferences or it is just talks without action thereafter?” Mr Washiali asked. PUBLIC FUNDS He said governors need to come clean on the amount of money used in organising the conference. “We must be told, as the House that approves budgets, how much the governors collected while organising the conference, how much was spent and what is done with the balance,” Mr Washiali said. The Mumias East lawmaker accused the county chiefs of deliberately locking out members of the public from the conference with a demand of Sh20, 000 fee payable by anyone who wanted to attend. Butere MP Tindi Mwale, however, said that despite the challenges, devolution has worked in some counties. “We should not blame the conference in totality but look at the reasons the outcomes of the conferences have not been implemented,” Mr Mwale said. Source: Daily Nation
-
ST. PAUL, Minn. (KMSP) – Immigrants, refugees and community activists rallied in Washington D.C. as the Supreme Court heard oral arguments to determine if President Trump’s travel ban is legal. Minnesota has the largest east African population in the United States, making the outcome crucial for countless families in the state—so crucial, one of the leading Somali activists from Minneapolis flew to Washington, D.C. and organized protests. “Many Somalis living in Minnesota have really been confused,” said Jaylani Hussein, executive director of the Council on American-Islamic Relations’ Minnesota chapter. “Many of them even left the state, even when they had paths to become citizens out of fear of what this ban meant for them.” Hussein helped coordinate protests and accused the administration of discriminating against Muslims. Hussein is also from Somalia and has been directly affected by the ban. “My family members cannot come here—those who don’t have citizenship, so it impacts me personally and it impacts the state of Minnesota with a large east Africa population,” he said. The Supreme Court allowed same-day distribution for audio recordings of the arguments for the first time since same-sex marriage arguments in 2015. Key justices on the bench seemed skeptical of the challenge to the ban. Justice Anthony Kennedy, who is often seen as a swing vote, had tough questions for both sides. “This is about a perennial problem,” said Neal Katyal, a lawyer representing challengers of the travel ban. “So you want the President to say, I’m convinced that in six months we’re going to have a safe world?” Justice Kennedy questioned. “Well, well, well, no, Justice Kennedy, that’s not our argument,” Katyal said. “Our argument is, here, the President is identifying something that is a perennial problem. Our brief says it goes back 100 years.” Lower courts have struck down three versions of the ban. “If the court decides in favor of the government and the president it’ll be because in general terms under our separation of powers framework, it is the President who is given control and authority over international affairs, diplomatic relations and national security,” said professor Anthony Winer, a constitutional law expert at the Mitchell Hamline School of Law. The current version of the ban applies to travelers from Iran, Libya, Somalia, Syria and Yemen—all countries with Muslim majorities. The ban also affects two non-Muslim countries. It blocks travelers from North Korea and some Venezuelan government officials and their families. The Supreme Court will most likely make a decision about the travel ban around June. Source: Fox 9
-
Garoowe (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland kusoo idlaaday shir muhiima oo looga hadlayay amniga dalka. Mas’uuliyiinta kasoo qeybgashay shirka ayaa ka kala socday wasaaradaha amniga Dowlada, maamul goboleedyada iyo sidoo kale gobolka Banaadir. Shirka oo ahaa mid khaas ah ayaa waxaa si guud diirada loogu saaray amniga guud ee dalka, waxaana gabagabadiisa laga soo saaray 13 Qodob oo khuseeya amniga. HOOS KA AKHRISO 13-KA QODOB EE LAGA SOO SAARAY SHIRKA: 1-In la dardargeliyo howlaha amniga ee dalka, ciribtirka argagaxisada, lana sameeynayo xiriir joogto ah. 2-In loo guntado tayeenta iyo dib u dhiska hay’adaha amniga, loona howlgalo sidii loo dhammeystiri lahaa baahida iyo agabka ay u baahan yihiin. 3-In la tayeeyo Booliiska Labadiisa heer, lana soo bandhigo baahida Booliiska Federaalka, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir 4-In la isku waafaqay mashruuca qorshaha dib u dhiska Booliiska oo ay ku bahoobeen dowladaha Jarmal, UK iyo Midowga Yurub 5-Waxaa la isla waafaqay in la dardargeliyo lana diyaariyo xilliga kala guurka ah 6-In la dardargeliyo tirakoobka ciidamada Booliiska guud ahaan meel walbo oo ay joogaan 7-Waxaa la isla afgartay in guddiga wasiirada amniga yeeshaan shir Saddexdii bilba mar 8-Wasaaradda amniga in ay dabagal buuxa ku sameyso taliyeyaasha ciidamada Booliiska fulinta nidaamka Booliiska cusub 9-In la xoojiyo nidaamka cusub ee Booliiska 10-In la dardargeliyo isku xirka, wada shaqeynta, xog is weydaarsiga hay’adaha amniga 11-Sameynta xafiis guud oo xog uruurin iyo xog is weydaarsi ah 12-In la mideeyo tababarka iyo manjhaka booliiska Labada heer si waafaqsan nidaamka Booliiska cusub 13-In dib loo howlgeliyo akadeemiyadii Carmo. Dhinacyada qeybta ka ahaa shirka ayaa isku raacay in si rasmi ah loo dhaqan galiyo qodobada kasoo baxay shirka oo lagu sheegay kuwa muhiim ah. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com