-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Waxaan hambalyo halkan uga dirayaa dhammaan shaqaalaha adduunka, gaar ahaan xoogsatada Soomaaliyeed munaasabadda maalinta shaqaalaha adduunka ee 1da May. Waxaan ku bogaadinayaa dhabar adayga iyo hawlkarnimada aad muujiseen, idinka oo waliba ku shaqeynaya duruufo adag. Dowladdu waxay ku dadaaleysaa horumarinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, waxaana haatan ay Xukuumadd Federaalka Soomaaliya gacanta ku haysaa dhameystirka shirciga shaqaalaha oo kala hagaya shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha iyo siyaasadda shaqaaleysiinta. Sidoo kale, wax Golaha Shacabka horyaalla Sharciga Shaqaalah Rayidka ah oo u dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay. Shuruucdaas waxay muhiim u yihiin dhawrista iyo daryeelka xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed. Waxaan adkeynayaa ahmiyadda ay shaqaalaha iyo xoogsatada Soomaaliyeed u leeyihiin kobcinta dhaqaalaha dalka, ka qeyb-qaadashada nabadgelyada iyo dadaallada aan ugu jirno dowlad dhisidda Soomaaliya. Waxaan qirayaa in shaqaalaha Soomaaliyeed, oo dhallinyaro u badan, ay ku ammaanan yihiin dawrka ay ka qaadanayaan horumarka dalka. Waxaan farayaa shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay xil iska saaraan daryeelka iyo bad-qabka shaqaalahooda si loo hubiyo in aan la duudsiin xuquuqahooda aasaasiga ah. Ugu dambeyn, Waxaa kaloo muhiim ah in shaqaalaha Soomaaliyeed ay sameystaan iskaashatooyin iyo ururro u taagan difaaca xuquuqda shaqaalaha si looga hortago xadgudub kasta oo kasoo wajihi kara hay’adaha iyo shirkadaha ay ka hawl galaan. PUNTLAND POST The post Farriinta Madaxweynaha Dowladda Somalia ee ku aadan Maalinta Shaqaalaha Adduunka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo saraakiisha wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegaya inuu socdo qorshe lagu doonayo in ciidamadii uu tababarray Imaaraadka Carabta lagu wareejinayo maamulkooda Mareykanka. Arrintan ayaa ka dambeysay qalalaase ka dhacay xerada ciidamada Imaaraadka e Gen. Gordon bishii hore ee April iyo culeyska dhaqaale ee ku baxaya saadkooda iyo mushaarka, waxaana saraakiisha Mareykanka la sheegay inay daneynayaan ilaa 200 askari oo kumaandoos ahaan u tababarran. Saraakiisha ayaa sheegaya in dowladda Qatar laga codsaday bixinta mushaarka ciidamadaasi oo ku dhow 1000 askari, waxayna dowladda Federaalka Soomaaliya caddeysay inaysan awoodin bixinta kharashka ciidamadasi oo bil kasta u baahan lacag ka badan 3 Milyan oo doolar. Ciidamada Imaaraadku tababarray ee hadda loo bixiyey DALJIR ayaa isugu jira ciidamo gaara oo si heer sare ah u tababarran iyo ciidamo kale, waxaana socda wadahadalka ciidamadaasi lagu wareejinayo Mareykanka oo maamula ciidamada Kumaandooska ee DANAB ee fadhigoodu yahay Garoonka Ballidoogle ee Gobolka Sh/hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,Eng, Cabdiraxmaan Yariisow, Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb qaatay soo dhaweynta. Ciyaartooyda Da’yarta Soomaaliyeed ee xulka Qaranka Soomaaliya ee ka qeyb galayay koobka bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA ee sanadkaan ka dhacay dalka Burundi ayaa goor-dhaw dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. Ciyaartoyda da’doodu ay ka hooseyso 17 sano jirada ee Soomaaliya ayaa kaalinta labaab ka galay koobkaan kadib markii 2-0 looga badiyay ciyaartii kama dambeysta aheyd ee ay la ciyaareen dhigooda dalka Tansaaniya. Ciyaartaas kama dambeysta aheyd ayaa waxaa ka qeyb galay wafdi Balaaran oo ka socda dowlada Soomaaliya si ay u dhiira geliyaan da’ayarta Soomaaliyeed, wafdigaas waxaa hogaaminayay Ra`iisul Wasaaro ku xigeynka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubno kale. Sidoo kale ciyaartaas waxaa Daawanayay Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahna duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed iyo shacabka aad u fara badan kuwaas oo u sacaba tumayay ciyaartoyda Soomaaliyeed. Waa heerkii ugu sareeyay uu gaaro xul ka socda Qaranka Soomaaliyeed muddadii ay Soomaaliya burburka ay ku jirtay. Halkaan hoose ka daawo Sawirada soo dhaweynta:
-
National Assembly Majority leader Aden Duale yesterday promised to support MCAs pushing for a wards fund bill to be brought to the floor of the house. Source: Hiiraan Online
-
SAN FRANCISCO — The billionaire chief executive of WhatsApp, Jan Koum, is planning to leave the company after clashing with its parent, Facebook, over the popular messaging service’s strategy and Facebook’s attempts to use its personal data and weaken its encryption, according to people familiar with internal discussions. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID, Feysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay suuragalnimada in Somaliland ay hesho xoriyad ay uga madaxbanaananeyso Somalia inteeda kale. Feysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in dhammaan shacabka Somaliland ay sugayaan inay ka baxaan Somalia inteeda kale, hase ahaatee ay taa kasoo horjeedan Hogaamiye Muuse Biixi iyo Madaxda kale ee la shaqeysa. Waxa uu Feysal Cali Waraabe, sheegay inuu jiro xiriir hoosaad Muuse Biixi kala dhexeeya dowlada Somalia, balse wararka uu siinaayo warbaahinta uu ku marin habaabinaayo shacabka. ‘’Waxaan cadeynayaa inuu jiro xiriir dhab ah oo ka dhexeeya Muuse Biixi iyo Dowlada Somalia, aniga waxaan goobjoog ka ahaa wadahadal ay wada galeen Biixi iyo Dowlada’’ ‘’Dadka shacabka waxa ay ku lunsan yihiin wararka kulul ee uu Biixi hawada u marinaayo dowlada Somalia, taa kama turjumeyso inuu xun yahay xiriirka labada dhinac’’ ‘’Waxaan Muuse Biixi ka dalbaneynaa inuu nagu darro Somalia ama uu naga dhaafo laqdabada uu ku hayo gooni isku taageena, marba haddii amuuraheena kala tashanaayo dowlada Farmaajo’’ Feysal Cali Waraabe, waxa uu soo jeediyay in lagu biiro Somalia, waxa uuna tilmaamay inaanu waxba u arki doonin haddii uu Muuse Biixi Somaliland ku daro Somalia inteeda kale, balse ay aad uga soo horjeedan in shacabka leysugu daro wakhti lumis iyo xoriyad la’aan. ‘’Waxaan ka cabsaneynaa in Muuse Biixi uu wakhtiga naga lumiyo, marba haddii uusan laheyn hadaf lagu sii hormarinaayo gooni isku taagnimadeena’’ Haddalka Feysal Cali Waraabe, ayaa kusoo beegmaaya xili dhawaan C/raxmaan Cirro oo kamid ah Siyaasiyiinta Somaliland uu goob fagaaro ah ka sheegay inaanu Muuse Biixi hurdo gam’i Karin haddii uusan qadka Telka kula hadlin Madaxweynaha Somalia Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
JOHNS CREEK, GA — Shukri Ali Said woke up around 6 a.m. Saturday, April 28 hearing voices in her head, and told her live-in sister she needed to leave the house. The 36-year-old woman's sister tried to get her to stay home, but Said grabbed a knife and left the house on foot. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay socdaal uu ku gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Madaxweyne Farmaajo, ayaa shalay booqday goobo muhiim ah oo ay saameyeen fatahaada Wabiga iyo roobab la sheegay inay ka da’een magaaladaasi. Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray goobaha ay saameynta xooggan ku yeesheen fatahaadaha Wabiga Shabelle iyo xarumaha ay shacabka ku barakaceen, ayaa sheegay inay muhiim tahay in gurmad degdeg ah la gaarsiiyo shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in indhihiisa uu ku arkay dad shacaba oo ku nool xaalad adag, sidaa aawgeed la doonaayo in lala gaaro gurmad degdeg ah. ‘’Umadda Soomaaliyeed waxaan farayaa inay dhabarka u xirtaan sida ay ugu gurman lahaayen shacabka ku dhibaateysan dhulka uu ku fatahay Wabiga’’ ‘’Waxaa lagu jiraa xiligii ay is garabqaban laheyd Soomaalida waxa ay dowladu qaadan doontaa kaalinteeda, shacabkuna waxaa laga doonayaa inay qaatan kaalintooda’’ ‘’Ciidamadu waxaan farayaa inay cayaaran kaalintooda ku aadan samatabixinta shacabkii go’doonka ku ah qeybo kamid ah magaalada Beledweyn iyo tuulooyinka ku hareeraysan’’ Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay qeyb ka yihiin sababaha Fatahaadda wabiga, waxa uuna ku baaqay in si wada jira leysaga difaaco. Sababaha ay ugu qeybta yihiin waxa uu ku tilmaamay in aanan safar dhulka ah Hiiraan lagu tagi karin maadaama ay ku sugan yihiin deegaanada qaar. ‘’Waa xaqiiq al-shabaab ayaa kaalin weyn ka qaadaneysa dhibta ka taagan magaalada Beledweyne, waxaan ugu baaqayaa inay u danqadaan shacabka’’ Farmaajo ayaa yiri ‘’Al-shabab ayaa gurmadka u diidan Beledweyne, shacabku ha ogaadan cida sii kordhineysa rafaadka ka taagan Beledweyne” Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay tagay Magaalada Baladweyne isagoo saaran Diyaaradaha Qaramada Midoobe. Waxa uuna soo indha indheeyay Xeryo KMG ah oo la dajiyay qoysaskii ka barakacay Fatahaadda Wabiga iyo daadadka ka dhashay Roobabkii ugu dambeeyay ee Magaalada ka da’ay. Magaalada Baladweyne waxa ay sidaa ku noqotay mid go’doon ah, dadka Magaaladana ay wajahaan Xaalado nololeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in maleeshiyaadka al-Shabaab ay kasoo furatay dhalinyaro ay qafaasheen. Kenya ayaa sheegtay in 13-kaasi dhalinyaro ay tababar ku qaadanayeen deegaanka Raas-kambooni ee gobolka Jubadda Hoose. Kenya ayaa tilmaantay in dhalinyaradaasi ay kusoo furteen dagaal saacado qaatay oo ay la galeen maleeshiyaadka al-Shabaab, iyagoo garabsanaayay ciidamada Jubbaland. Afhayeen u hadlay ciidamada Booliska Kenya ayaa sidoo kale sheegay in ay la soo xariireen waalidiinta dhalinyaradaasi la soo furtay ka hor inta aysan qaadin dagaalka. Waalidiinta dhalay dhalinyarada ayuu Afhayeenku sheegay inay bixiyeen macluumaadka ugu badan ee lagu howlgalay, sidaana ay ugu sahlanaatay. Afhayeenka ayaa yiri ‘’Dhalinyaradan waxay ka soo galeen degaanka Kayunga, iyaga oo isticmaalayay Doomo, hami dhaqaalana markii hore la galiyay, kadibna waxaa ku adkaatay tababaro culus ee Shabaab ay siinayeen’’ Laamaha amaanka Kenya ayaa dhalinyarada Kenyaanka ee ka midka ah Al-shabaab u balanqaaday in aan la dhibaateyn doonin hadii ay ka soo baxaan Al-shabaab, xili ay tilmaamen in dhalinyaro Kenyaan oo badan ay ka mid yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab. Si kastaba ha ahaatee, Kenya ayaa daboolka ka qaaday in weeraro khaas ah ay kusoo furan doonto dhalinyaro kale oo gacanta ugu jira al-shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Khamiisti ina dhaaftay (26/04/2018) waxaa magaalada Dubaay ee dalka Imaaraatka shir ku qabtay Cabdiwali Cali Gaas hoggaamiyaha maamulka Puntland. Waqtiga ay ku beegnayd, ujeedka laga lahaa iyo sida loo dhigay intaba waxay dhabar jab ku ahayd dowladda Soomaaliya oo go’aan adag balse loo baahnaa ka qaadatay Imaaraatka. Balse mudane Gaas iyo kuwo la mid ah uma horayn hoggaamiye dhabar jabiyo dalkooda waqti xaalad adag lagu jiro. Tusaalaha ugu fiican waa Wang Jingwei oo ahaa Shiinays. Wang wuxuu ku dhashay koofurta Shiinaha 1883di. 1903di waxaa waxbarasho dibadda ah loogu diray dalka Jabbaan. Waxbarashada waxaa u diray dowladdi markaas jirtay ee ay hoggaaminayeen firkii boqortooyadi Qing oo ahayd boqortooyo ilaa qarnigii 17aad Shiinaha ka talinaysay laakiin waqtigaan taag darana. Waqtiga Wang uu korayay waa xilligii ree Galbeedku xoogoodo faayay inta badan Shiinahana iyagaa haystay. Intii uu Jabbaan joogay Wang wuxuu xariir la yeeshay Sun Yat-sen oo ahaa ninki hoggaaminayay kacdoonkii looga soo horjeeday boqortooyada. Wang wuxuu lasoo baxay firfircooni iyo ragonimo. Wuxuu ahaa wiil yar oo gabyaa ah, cod kar ka hadli yaqaan fagaarayaasha, geesi aan gabban. Waxaa kasoo muuqaday sifooyinkii hoggaamiye dal badbaadin karo laga rabay oo dhan. Marki uu kusoo laabtay Shiinaha wuxuu xubin firfircoon ka noqday kacdoonkii uu Sun hoggaamiyay maamulka sare ayuuna ka mid noqday. Waxaa loo xiray inuu shirqool dil u maleegay amiir Chun oo boqortooyada ka tirsanaa. Waxay ahayd in lagu xukumo dil aan ka noqosho lahayn laakiin xabsi ayay ku xukuntay haweeneey qaali ka ahayd maxkamaddiisi. Waxaa la sheegaa in quruxda Wang ay qalbi dillaacisay haweeneeyda qaalliga ahayd sidaas darteedna ay dilka ka lexejeclaysatay. Inay sheekadaan run tahay iyo in dagaalki raggu ku hayay haweenka ay tahay ma kala aqaan. Si kastaba ha ahaatee Wang waxaa lasoo daayay 1910ki. Soo dayntiisina waxay shacabki Shiinihu ku qaabileen farxad iyo bishaaraysi. Wuxuu noqday geesi qaran waxayna u qaateen badbaadiyaha Shiinaha. Wang halkiisi ayuu kasii waday halgankii ka dhanka ahaa boqotooyada musuqa badanayd. 1912ki ayay dhacday boqortooyadi waxaana reerki u haray kooxdi Sun uu hoggaaminayay Wang na ka mid ahaa. Marki uu dhintay Sun waxaa loo arkayay Wang inuu isagu yahay dhaxlaha lama taabtaanka ah. Hasa ahaatee si qabqabsi xisbigi dhexdiisa ah ka dib jagadi ugu sarraysay waxaa ka qaaday Chiang Kai Shek oo khibrad ciidan lahaa. Chiang wuxuu ahaa nin aragti dheer oo uu wariye Ingiriis ahaa mar ku tilmaamay nin duman yaqaan saaxiibbadi laakiin kasii duman og cadowgiisa. Chiang dowladdi uu dhisay waa uu ku daray Wang waxaa uuna ka dhigay raysulwasaare laakiin khilaafkoodu ma dhammaan mana qarsoonayn. Waqtigaan Shiinaha waxaa inta ugu muhiimsan haystay quwadihii ree Yurub. Dowladda uu Sun hoggaamiyo Wang raysul wasaaraha ka yahay waxay wateen magaca waddani (natiolaist). Waxay aad ooga soo horjeedeen afkaarta reer Yurub iyo guumaysigooda. Dhinaca kale waxaa taagan koox uu hoggaaminayo Moa oo qabto afkaarta hanti-wadaaga. Labadaan kooxood ayaa dalka isku haysto dagaal ba’anna dhex meraa, halka dalkiisa magaalooyinki ugu waawaynaa uu guumayste haysto. Wang wuxuu ahaa nin tiro badan dad badanna la macaamilo. Dhinac Chiang maamulkiisa ayuu ka tirsan yahay dhinaca kale wuxuu xariir la lahaa kooxda guddoomiye Moa. Sunnada Ilaahay waxaa ka mid ah inuu ummadaha jarrabo si ay dadku u kala bartaan kan adag iyo kan daciifka ah, kan waddaniga ah iyo khaainka ah, kan la isku aamini karo iyo midka aan waxba galin, halyeeyga dhabta ah iyo kan dantiisa kaliya ilaashado. Si taasi loo tuso dadka Shiinaha waxaa dhacay dhacdooyinkaan is xigxigay. 1931di Jabbaan ayaa kusoo duulay Shiinaha. 1932di Jabbaan dhulki uu ka qabsaday Shiinaha wuxuu ka dhigtay meel uu guumaysto. Duullaanka Jabbaan ma jirin cid soo dhawaysay, Moa, Wang iyo Chiang intaba isku mid ayay u diideen. 1937di Jabbaan wuxuu ku hamiyay inuu qabsato intii Shiine ka dhimayd dagaal buuxa ayaana qarxay. 1938di Wang wuxuu u galay Jabbaan oo haystay dhul ballaaran wuxuuna la galay heshiis ay ku dhiseen dowlad. Muxuu isu dhiibay Wang? Waxaa muuqatay tabar darrada Shiinaha. Jabbaanku wuxuu haystay hub casri ah iyo ciidan tababaran halka Shiinuhu ahaa maleeshiyaad aan hub haysan. Ma jirin taageero meelo kale ooga imaanaysay hiil iyo hoo toona. Waxaa si ba’an u barakacayay shacabka Shiinaha. Jabbaanku wuxuu waday xasuuq ba’aan oo uu si arxan darro ah ooga gaysanayay dhulki uu qabsanayay. Yurub waxaa kasoo curtay dagaalki labaad ee adduunka inkastoo uusan wali qarxin. Dhinici la eegaba xaaladu waxay ahayd jiq aan lahayn irrid loo cararo. Wang wuxuu ku dooday haddaan Jabbaan la shaqayno dalku iyo dadkuba way badbaadi. Caymo iyo daba qabasho ayaa u samaynayaa sidaan. Midka mid ah raggiisi ayaa laga soo xigtay inuu yiri innaga Jabbaan la shaqaynay iyo kuwa dagaalka la galay isku si ayaan u leenahay sharafta xoraynta Shiinaha waayo in dhinac walba lug kuugu jirto waa muhiim lugtii Jabbaan ku jirtay ayaan innagu noqonay. Hadalladaan waa kuwa ay hadda ku doodayaan madaxda maamul goboleedyada xaalmarinta u geeyay Imaaraat. Intaas waxaa dheer, waxaa jhirtay figrad uu Jabbaan faafin jiray horraanti qarnigii labaatanaad taasoo uu Wang la dhacay. Fekerkaas ayaa ahaa in Aasiyaanku ka sharaf badain yihiin dadka kale sidaas darteed ay waajib tahay in laga ilaaliyo afkaarta wasaqaysan ee ay wadaan reer Galbeedku. Wang wuxuu u arkayay in Jabbaanku yaahy ilaaliyaha Aasiya sidaas darteedna ay muhiim tahay in lala shaqeeyo si loo badbaadiyo qaaradda iyo Shiinahaba. Halkaas markaan joogno ma xasuusatay waxa dadkeennu ka aaminsan yihiin Carabta? In la aamino in dal gooni calanka u sido ilaalinta qowmiyado qaarad ku wada nool ama diin ay ka dhaxayso waa musiibo weyn oo horseedo guumaysi. Waa arrinti ay wadaaddada salafiyiintu la yimaadeen Soomaaliya dadkeennana la cabsiiyay. Hasa ahaatee waxaa dhacay wax ka duwan wuxuu watay Wang. Marki uu Jabbaan u yimid waxaa loo sheegay inuu hoggaamiyo dowladda Shiinays ah laakiin dowladdaasi ay tahay mid hoos timaado Jabbaan oo aan xor ahayn. Dhaqaalaha Shiinaha wuxuu hoos joogayaa midka Jabbaan, ciidamada Shiinahaha waxaa amrayo saraakiisa Jabbaanka. Arrinku waa sidaas gorgortanna ma jiro ayaa lagu yiri. 30ki Maarso 1940ki ayaaa Wang loo dhiiriyay dowlad daba-dhilif ah laakiin loogu yeeray Shiinaha dib loo habeeyay. Raggii la jogay waxay sheegeen in marki uu qalinka qaatay si uu saxiixo heshiiska ay illin waaweyn soo dhaaftay. Dabcan maahayn illin farxadeed. Xaqiiqda ayaa ah in waxa bannaanka lala soo istaago iyo wajiyada farxadda leh ee dadka la tuso aysan ahayn kuwa dhabta ah marki qolka lagu jiro. Ruux walba oo dalkiisa hoos geeyo dal kale, inta uu kaligiis yahay walwal iyo ciil ayaa dilay bannaankana maslaxada dadka ayaan haynaa buu lasoo istaagaa. Waxaa sheekeeyay nin ka mid ahaa gacan-yarayaashi mid ka mid ah dagaal oogayaashi Soomaaliya soo maray. Isagoo Tilmaamayo sida Itoobiya u ihaanaysan jirtay, ayuu yiri “waxaa laguu keeni wax aadan qaadan karin. Markaas ayaad akhrin toban jeer bal inaad ka dhex hesho hal arrin oo aan dadka u tusi karno faaiido”. Waligeed doqon meel rag ka tageey jaqallo waynayd Bishii Nofember 1943di waxaa magalaada Tookiyo lagu qabtay shirwayne loo qabtay dalalki loo baxshay dalalka bariga Aasiya ee hodanka ah laakiin dhab ahaan ahaa dalalki ku jiray guumaysiga Jabbaan. Shirkaas martidi timid waxaa ugu maamuus wacnaa Subhash Chandra Bose oo ahaa hoggamiyihii xornimo u dirirka Hindiya, waxaa ugu maamus xumaa Wang oo ku magacownaa madaxweynaha Shiinaha. Waxa kala faddilay labadaan masuul ayaa ahayd in mudane Subhash uu kasoo baxsaday dowladdi Hindiya ee Ingiriiska xukumayay asagoo madaxweyne ka ah si uu u sameeyo ciidan xoreeyo dalkiisa. Madaxweyne daba-dhlif ah wuxuu ka doortay inuu noqdo jamhad bannaan jiif ah, Halka Wang uu madaxbannanidi dalkiisa boorso ugu keenay nin uu iska celin karay isagoo xor ah. Halkaas markaad joogto kuwa karaamadi Soomaaliya inta diyaaradda la fuulay Imaaraat geeyay ma xasuusatay! Hoggaamiyihii xornimo u dirirka ee Barma (Minyamaar) oo shirkaas joogay ayaa yiri Musuubada ku dhacday Shiinaha waxay ka muuqanaysay fadhi xumada Wang, iyo hadalkiisa marnaa. Erayadan ku cabbir sawirka kore. Ugu danbayn, Wang wuxuu dhintay 1944ti waxaana lagu aasay dhulkii uu daba dhilifka ku ahaa. Sanad ka dib Jabbaan ayaa laga sifeeyay dhulwaynihii Shiinaha. Waxaa lasoo qufay qabrigii Wang lafisii ayaana madfac lagu xiray oo hawada loo gamay waayo waxaa la yiri ma astaahilo dhulka sharafta badan ee Shiine inuu ku aasnaado midkii khiyaamay ee guumaysi u dhiibay. Wang waxaa uu tusaale u noqday inta khaainu waddan ah ilaa qiyaamaha. Wang nacasnimo ayay ku ahayd inuu aamino guumayste laakiin doodiisu waxay u muuqanysay mid macquul ah oo dakiisa badbaadinaysay, si la mid ah sida maanta kuwa Imaaraat baryayo ayay noogu tusayaan in nolosheenna badbaadada Soomaaliya ay ku xiran tahay Imaaraat oo la isu dhiibo. Taariikhdu waa mid soo noqnoqoto. Wax walba oo maanta dhacayo horay ayay dhaceen mar kalana way dhici doonaan. Shiine waxaa dhiibay Wang oo kaliya waxaana badbaadiyay Moa iyo Chiang oo lid isku ahaa laakiin u midowbay inay guumaysi ka badbaadiyaan dalkooda, laakiin maanta dalkeenaa waxaa rabo inay dhiibaan oo joogo toboneeyo Wang marka waxaan u baahannay Moa iyo Chian toboneeyo la mid ah. Daacadda iyo inta madaxa kor u qaaddo ayaa guulaysan W/Q: Ibrarim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/
-
Madaxweyne maamul goboleedka Puntland, C/weli Cali Gaas oo gelinkii danbe dib kasoo laabtay safar mudo todobaad ah ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta, wuxuuna sheegay in safarkiisa uu kusoo dhammaaday guul islamarkaana uu khuseeyay amniga iyo hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland. Mr. Gaas ayaa sheegay in madaxda Imaaraadka uu kala hadlay arrimo la xariira amniga Puntland iyo hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, labaas arrimood ayuuna sheegay in ujeedada safarkiisa ugu weyneyd, sidoo kale, wuxuu xusay in Imaaraadka uu ka codsaday fulinta mashaariic dheeri ah, kuwaasoo uu sheegay in sida ugu dhakhsaha badan loo hirgalin doono. “Waxaan sidoo kale dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta aan ka codsanay in mashaariic dheeri ah ay ka hirgaliyaan Puntland, gaar ahaan dhanka Waxbarashada, Caafimaad, Biyaha iyo wixii lamid ah, Guul ayaan rajaynayaa hadii ALLE Idmo iyo in mashaariicdaas isa soo taraan waqti aan dheerayn,” Gaas ayaa sidaas sheegay. Wuxuu sheegay oo kale in arrimaha khilaafka ee dowladda dhexe iyo Imaaraadka ka dhaxeeyo uu kala hadlay, kaalinta kaga aadana uu ka qaatay sidii heshiiis iyo isu soo dhawaansho u dhici lahaayeen. “Dabcan, hadii aan meesha tagay wixii shido ah ee jira oo dadka Soomaaliyeed qabaan wixii igaga aadan ka mas’uul ahaan inaan ka iraahdo waa igaga haboonayd, wixii wanaag ahna waan ka iri, wixii la isugu soo dhaweyn kara Soomaali iyo Imaaraadna wixii nagaga aadanaa ka wafdi ahaan waan ka niri.” Gaas ayaa intaas raacshay in labada waddan iyo shacabkoodu kala maarmin islamarkaana haboon tahay in la sameeyo tallaaba kasta oo lagu xallin karo khilaafaadka jira, maadaama Imaaraadku uu yahay buu yiri dal saaxiib dhow la ah Soomaaliya, weligiina taageeri jiray. Dowladda federaalka ayaa u aragta safarka Gaas inuu dhibaato ku yahay go’aanka dhexdhexaadka ah ee dowladda dhexe ka qaadatay arrimaha Khaliijka, isla markaana uu dhinac maray go’aankii baarlamaanka Somalia ee lagu mamnuucay shirkadda DP World ee heshiisyada sharci darada ah la gashay maamulka Somaliland iyo Puntland.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Mustaf Maxamuud Qodax oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ka hadlay farqiga u dhexeeya dowladihii hore ee Somalia iyo Dowladaha Madaxweyne Farmaajo ee iminka ka shaqeysa dalka. Senator Mustaf Qodax, waxa uu sheegay in Dowladihii hore ay ahaayen kuwo aan laheyn kala danbeyn iyo nidaam shaqo, hase ahaatee dowlada hadda jirta ay tahay mid is fahansan oo aan khilaaf soo kala dhexgalin. Senator Mustaf Qodax, waxa uu cadeeyay in dowlada Farmaajo ay daawo u heshay khilaafyadii ka dhex aloosmi jiray Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha, waxa uuna cadeeyay inaanu hadda jirin wax khilaaf ah. Farmaajo ayuu sheegay inuu la imaaday Ra’isul wasaare Kheyre oo ay isfahansan yihiin, taana ay muujineyso isbedelada uu kusii talaabayo dalka. Wuxuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu aad uga feejigan yahay inuu qabto shaqo aan tiisa aheyn, sidaa aawgeed uu ku egyahay keliya shaqadiisa qeybta isaga ka khuseysa. ‘’Farmaajo waxa uu ku amaananyahay inuusan faragalin shaqo aan isaga khuseyn waxa uu shaqo waliba u daayay cida ay khuseyso isagana waxa uu dhankiisa ka qabsaday qeybta ka khuseysa’’ ‘’Dadka waxa ay doonayaan in howsha leysla faragaliyo, dadka qaar ayaa Farmaajo ku canaananaaya in Kheyre uu howsha badan u daayay taas maaha Siyaasad xun ee waa Siyaasad fiican in nidaamka la dhowro’’ Senator Mustaf Qodax, waxa uu dhaliilay dhinacyada aadka uga soo horjeeda nidaamka ay u shaqeyso dowlada hadda jirta, hase ahaatee waxa uu dadkaasi ku tilmaamay inay yihiin kuwo iyaga shaqo ka dhex abuuranaaya khilaafyada. Senator Mustaf Qodax, ayaa hadalkaan u jeediyay Jaaliyada Soomaalida ee Qadar waxa uuna kula dardaarmay inay dhowraan wanaaga ay ku talaabeyso dowlada Somalia.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Shurki Aadan Maxamed Camey oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia ayaa sheegtay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay weli heystaan fursado kala duwan. Senator Shurki Aadan Maxamed, waxa ay tilmaantay in mudada u harsan Xildhibaanada kadib ay suuragal tahay in dhalinyarada dalka ay kaalintooda ka cayaari karaan si dalka uu u galo isbedel dhanka Siyaasada ah. Waxa ay sheegtay inay muhiim tahay in dalka loo helo dhalinyaro kawada tirsan labada Gole ee dalka, waxa ayna cadeysay in xubinimada ay tahay mid nasiib ah. ‘’Aniguba Xildhibaanimada iyadaa isoo doonatay aniga maraadin, waayo maba ku fekeri jirin lkn waxaan aaminsanahay inay aheyd nasiib isoo doontay’’ Waxa ay Senator Shurki Aadan Maxamed, tilmaantay in nasiibka uu yahay mid furan isla markaana uusan ka reebneen dhalinyarada, sidaa aawgeed ay ku rajo weyn tahay in baarlamaanada cusub ee imaan doona ay noqdaan dhalinyaro caaboon. ‘’Waa in laga shaqeeyaa sida lagu heli lahaa Xildhibaano dhalinyaro ah, waxaan aad usoo dhaweyn lahaa in dowlada Federaalka ay sii diyaariso dhalinyarada nasiibkooda wata si loo helo isbedel baarlamaani ah’’ Waxa ay Senator Shurki Aadan Maxamed sheegtay in markeedii hore ay isaga shaqeysan jirtay isla markaana baratay Injineernimo, kuna shaqeyn jirtay dhismaha iyo Naqshadeynta Guryaha iyo dhismooyinka kale, hase ahaatee ay iminka noqotay Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka iyadoo aan dadaal dheer u galin, balse nasiibka uu watay. ‘’Nasiibka waa calafka u siman kan dadaalka badan iyo kana an dadaalka badneyn, waxaan rajeynayaa in nasiibka isoo maray uu maro dhalinyarada kale, si ay ugu faa’iideeyan dalkooda’’ Sidoo kale, Senator Shurki Aadan Maxamed, ayaa haweenka ugu baaqday inay ka dhex muuqdaan Siyaasada dalka oo ay sheegtay inay weli ku yaryihiin Haweenka, sidaa aawgeed ay lamahuraan tahay in lahelo Haween badan. Haddalka Senator Shurki Aadan Maxamed, ayaa kusoo beegmaaya xili Xildhibaano hore iyo Ganacsato caan ah ay dhaqaale ku waayen Xubinimada labada Gole ee Hoose iyo Sare. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababta ka danbeysay inuu noqdo Xildhibaan ka tirsan BFS. Xildhibaan Dalxa, ayaa sheegay in waligii uu ahaa mid ku dadaali jiray sida uu uga mid noqon lahaa baarlamaanka Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay inuu ahaa shaqsi rajeyn jiray inuu noqdo shaqsiyaadka aasaaska u ah dowladnimada. Xildhibaan Dalxa waxa uu sheegay in mudanaha ka tirsan baarlamaanka uu yahay aasaasaha dhabta ah ee Dowlada, taana ay tahay mida mar waliba ku dhiirigalisa kamid noqoshada baarlamaanka. ‘’Dadka qaar waxa ay is weydiinayaan muxuu Dalxa uga dhex bixi la’ yahay baarlamaanka, anigu waxaa ii muuqda inaan xubin rasmi ah kasii ahaado aasaasayaasha dowlad wanaagsan, waayo aasaasaha saxda ah waa Xildhibaaanka’’ ‘’Xildhibaanka waxa uu aasaas u yahay dowlada rasmiga ah, waxa uuna sabab u noqonkaraa ridista dowlada wanaagsan iyo tan xunba, waa sababta aan u doortay xubinimada inaan aasaase noqdo’’ Waxa uu yiri ‘’xaalad adag ayuu wadanka ka soo baxayay waxaana lagu haminayay in dowlanimada salka loo dhigo marka ay saaxiibadey qoriga la cararayeen in aan anigana aqli iyo xeelad wax u maamulo ayaan rabay’’. Xildhibaan Dalxa waxa uu cadeeyay inaanu baarlamaanka kusoo biirin dhawaanahaan, balse uu ka tirsan yahay tan iyo Sanadkii 2003-dii, waxa uuna noqday gudoomiye ku-xigeenkii Gudigii Arrimaha dibada ee Baarlamaankii 9-aad sidoo kale wuxuu qeyb ka yahay Baarlamaanka Jaamacada Carabta oo illaa 24 Dowladood ay ku jiraan. Dalxa waxa uu sheegay in Xildhibaaninimada baarlamaanka ay uga dhigan tahay guul, waxa uuna tilmaamay inuu ku rajo weyn yahay inuu sii ahaado Xildhibaan inta uu ka dhimanaayo. ‘’Xildhibaan waan soo ahaa waana sii noqon doonaa, waayo waxaan doonayaa inaan ka tago taariikh, waxaan dalban lahaa in leygu garabsiiyo guusha aan naawilaayo’’ Si kastaba ha ahaatee, Haddalka Dalxa ayaa kusoo beegmaaya xili ay dowlada Somalia ee hadda jirta ay dooneyso in dalka uu helo baarlamaan dhalinyaro mideynaaya oo qura, waxaana meesha ka baxaaya Dalxa iyo Xildhibaanada ku da’da ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Boosaaso (Caasimadda Online)– Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Cali Gaas oo safar uu ugu maqnaa Isu-taga Imaaraadka Carabta kasoo laabtay gelinkii danbe ayaa ka hadlay doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka federaalka Somalia. Mr. Gaas ayaa marka hore hambalyo iyo bogaadin u diray guddoomiyaha cusub ee la doortay Maxamed Mursal isagoo u rajeeyay in xilkiisa uu u guto sidii loogu doortay. Wuxuu sheegay C/weli Gaas in gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka laga rajaynayo in uu noqdo mid mideeya Baarlamaanka Somalia, kana shaqeeya danta iyo maslaxada umada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan. Mudanayaasha baarlamaanka federaalka SOmalia ayaa ku kala qeybsan siyaasadda dalka iyo go’aankii dhaliyay iscasilaadii guddoomiyihii hore Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari
-
Bosaso[Puntland Post]-Madaxweynaha maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee Maanta dib ugu soo laabtay Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari kadib safar maalma qaatay oo uu ku tegay Imaaraadaka Carabta. Madaxweyne Gaas ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay Boosaaso waxa uu ku faah faahiyey ujeedadii u u tegay Boosaaso iyo kulamadii uu la soo qaatay madaxa Imaaraadka Carabta. Waxa uu sheegay Madaxweyne Cabduweli Gaas in sababta isaga iyo Wafdigiisa ay u tageen Dalka Imaaradka Carabta ay ahayd arimo laxiriira Amniga Puntland iyo Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland , waxaana uu sheegay in wadahadaladii ay layeesheen Imaaraadka uu guul ku soo dhamaaday . Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Imaaardka Carabta uu kala hadlay wixii kaga aadanaa dhexdhaxaadinta khilaafka u dhexeeya dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo Imaaradka Carabta. Ugu dambeyn gaas ayaa ka hadlay fatahaada qaar ka mid ah gobolada alka uu ka geysta Wabiga Shabeelle,isaga oo shegay in ay ka qeyb qaadan doonaan gurmad loo sameynayo dadkaas. The post Madaxweyne Gaas Oo Sheegay In Imaaraadka Uu Kala Hadlay Khilaafka Kala Dhaxeeya Dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Baladweyne (Caasimadda Online)– Madaxweyn, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday goobo ka mid ah meelihii fatahaada webiga Shabeelle saameynta xooggan ku yeeshay ee Baladweyne, wuxuuna warbixino ka dhageystay dad shacab ah iyo mas’uuliyiin. Farmaajo oo booqashadiisa Baladweyne ugu guur galayay xaalada murugsan ee halkaasi ka jirta ayaa ku dhawaaqay xaalad bini’aadanimo, isagoo ugu baaqay qeybaha bulshada in ay kala shaqeeyaan Guddiga Gurmadka Qaran ee ay Dowladda Federaalku u xilsaartay sidii gurmad ballaaran loogu fidin lahaa dadka ku barakacay fatahaadaha Wabiga Shabelle. “Maanta waxaan halkan (Beledweyne) u imid inaan idinla qeybsado xanuunka iyo dhibka aad ku jirtaan. Waxaan ognahay in 100 kun oo qof dad kor u dhaafaya ay bannaanka magaalada ku suganyihiin, walina ay jiraan dad ku go’doonsan gudaha magaalada.” ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyay ciidamada AMISOM iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed kaalintii ay ka qaateen samatabixinta shacabkii go’doonka ku ahaa qeybo kamid ah magaalada Beledweyn iyo tuulooyinka ku hareeraysan. Waxaa saaka la gaarsiiyey magaalada Beledweyn gargaar isugu jiray raashin iyo daawooyin, iyada oo ay wali socdaan hawlaha loogu gurmanayo shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne iyo deegaannada ku hareereysan.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weerar culus ku qaaday Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur kadib markii uu Maanta ka hor doorashada uu bartiisa Facebook soo dhigay qoraalo uu Xildhibaanada uga dalbanay inaan la dooran musharaxa ay dowladda Soomaaliya wadatay. Xildhibaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa si dad badan weerar culus ugu qaaday Cabdiraxmaan Cabdishakuur isagoo sheegay inuu Maanta waqti badan geliyey inuu farriin Facebook ugu soo qoro Xildhibaanada balse aysan Maanta Xildhibaanada Facebook waqti u heynin . Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu xildhibaanka soo dhigay bartiisa Facebook. Waxaa marka hore u hambalyeynayaa gudoomiyaha cusub mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxman waxaana illaahay uga baryayaa inuu fududeeye xilka culuska ee loo doortay. Waxaa sidoo kale u hambalyeynayaa saaxiibkay Ibrahim Isaaq Yarow oo kaalinta labaad galay codad badana kasbadey, waxaana amaan mudan sida biseylka laheyd ee uu ugu hambalyeey walaalkiisa ay tartameen. Mudane Ibrahim mudo dheer baa aqaan wuxuuna ka mid yahay xildhibaanda mudada dheer baarlamaanka kusoo jirey kana soo qeyb qaatay in dalku soo gaaro meesha wanaagsan ee maanta aan joogno waana shaqsi aan ku aqaan dowlad jaceyl. Waxaa aaminsanahay in xildhibaanada kala codeeyey iyo musharaxiinta tartamayba ay gudanayeen xuquuqdooda dastuuriga ah, mana jiro mid adkaadey iyo mid laga adkaadey dhamaanteen waxaa nasugeyso waajib qaran iyo inaan kawada shaqeyno inuu Baarlamaanku si muuqata u guto waajibaadka hor-yaal mudada ka dhiman mudada jiritaanka Baarlamaa ka. Waxaa wax laga xumaado ah in wali dad siyaasiin sheeganaya u ololeynayeen in baarlamaanka iyo xildhibaanadu kala qeybsanaadaan oo waliba markii tartankii dhamaadey ay xildhibaanada ku tilmaamay kuwa ku ceebeysan inay labo xildhibaan kala doorteen, taasoo kasoo horjeeda dimuquraadiyada iyo dabeecada doorashooyinka. Musharax kasta oo guuleysta waxaa uu ahaan lahaa gudoomiyaha baarlamaanka waxaana waajib ku ahaan laheyd xildhibaanada musharax kastoo kusoo baxa doorashada inay la shaqeeyaan. Siyaasiyiinta qaarkood waxay maanta in badan waqtigooda galiyeen inay xildhibaanada fariin usoo dhigaan FB, laakiin xildhibaanadu maanta FB waqti uma heyn waxay gudanayeen waajibkooda. Ugu dambeyntii waxaan dhamaan xildhibaanada u rajeynayaa guul iyo in laga gudbo doodiihii ka dhashay ololaha doorashada oo ah shey dabiici ah oo mar walba dbaca. Mahadsanidiin.
-
Mohamed Ali Jesow is bit of a Renaissance man: He speaks three languages, has an American accounting degree, ran a tax practice in Toronto for 20 years, and designed and built a resort on the outskirts of Mogadishu, where he also raises cattle, runs a vegetable farm and makes his own cheese. Source: Hiiraan Online
-
Baladweyne (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta booqday magaalada Beledweyne ayaa sheegay in xaalad bini-aadamnimo oo aad u daran ay ka jirto qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan. Madaxweynaha Somalia ayaa kormeeray goobaha ay saameynta xooggan ku yeesheen fatahaadaha Wabiga Shabelle iyo xarumaha ay shacabka ku barakaceen, isaga oo ka xog-wareystay sidii dadaallada haatan socda loo xoojin lahaa masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Hirshabelle, maamulka Gobolka Hiiraan iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka oo uu hoggaaminayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif. “Waxaan Maanta halkan (Beledweyne) u imid inaan idinla qeybsado xanuunka iyo dhibka aad ku jirtaan. Waxaan ognahay in 100 kun oo qof dad kor u dhaafaya ay bannaanka magaalada ku suganyihiin, walina ay jiraan dad ku go’doonsan gudaha magaalada,” ayuu yiri Farmaajo. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan qeybaha bulshada in ay kala shaqeeyaan Guddiga Gurmadka Qaran ee ay Dowladda Federaalku u xilsaartay sidii gurmad ballaaran loogu fidin lahaa dadka ku barakacay fatahaadaha Wabiga Shabelle. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyay ciidamada AMISOM iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed kaalintii ay ka qaateen samatabixinta shacabkii go’doonka ku ahaa qeybo kamid ah magaalada Beledweyn iyo tuulooyinka ku hareeraysan. Ugu dambeyn, Waxaa saakay la gaarsiiyey magaalada Beledweyn gargaar isugu jiray raashin iyo daawooyin, iyada oo ay wali socdaan hawlaha loogu gurmanayo shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne iyo deegaannada ku hareereysan. PUNTLAND POST The post MADAXWEYNE FARMAAJO: Waxaan Beledweyne u imid in aan Dhibaatada idin la Qaybsanno appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Xildhibaan Maxamed Sheekh Mursal C/raxmaan ayaa noqday Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Somaliya, kadib markii uu ka guulaystay Musharaxii la tartamaayay. Wareegii ugu dambeeyay ee doorashadda ayaa waxaa ku tartamaayay musharaxiinta kala ah Ibraahim Isaaq Yarow iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Xildhibaan Maxamed Mursal ayaa ku guuleystay codad gaaraya 147 cod. Xildhibaan Ibraahin Isaaq Yarow ayaa helay codad gaaraya 118 cod. Kulanka baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray 265 xildhibaan. Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo khudbad kooban jeediyay ka dib markii uu xilkan ku guuleystay ayaa u mahad celiyay guud ahaan Xildhibaanada Golaha Shacabka intii codkooda siisay iyo kuwa aan siin, isagoo balanqaaday inuu fulin doono Barnaamij siyaasadeedkiisa ka koobnaa 10-qodob. Guddoomiyaha cusub ayaa sidoo kale balan qaaday inuu la tashiyo la sameyn doono Xildhibaanada Golaha Shacabka, isla markaana uu dhageysan doono aragtidooda si Golaha Shacabka uu wax badan u qabto. “Aniga waxaan mar kasta diyaar u ahay inaan dhageysto soona dhaweeyo aragtidiina, waxaan hortiina ka balan qaadayaa inaan shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si Danta, Dalka iyo Dadka ay ku jirto”. ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.