-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Doha (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa ka dhoofay maanta. Madaxweynaha iyo wafdigiisa gelinka danbe laga sugayaa inay soo daaraan magaalada Muqdisho sida uu madaxweynaha warfidiyiinka u xaqiijiyay. “Waxaan soo gabagabeeyay booqashadii aan ku joogay Dalka aan Walaalaha nahay ee Qadar, waxaanan hadda kusii jeedaa Dalkeyga, wada hadalladii na dhex maray aniga iyo Walaalkay Ammiirka Qadar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, waxay ahaayeen kuwo mira dhal ah oo kusoo dhammaaday guul”Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay shacabka iyo dowladda Qatar sida ay usoo dhoweyeen, isagoona sheegay in guul uu ugu soo dhamaaday safarkiisa.Intii uu madaxweynaha Doha ku sugnaa wuxuu la kulmay amiirka Qatar iyo wasiiro mug leh oo wafdigiisa ay kala saxiixdeen heshiisyo dhinacyada horumarinta quseeyo.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Hoobiyayaal dhowr ah ayaa waxa ay Caawa ku dhacayaan qeybo kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir. Degmooyinka qaar ayaa waxaa ku dhacaaya Hoobiyayaal waxaana la arkayaa Qiic dul heehaabayo hawada sare ee Degmooyin Muqdisho qaarkood. Degmooyinka caawa lagu garaacayo Hoobiyayaasha ayaa waxaa kamid ah Degmada Hodan, Waabari, Howlwadaag, Xamar-weyne, Xamar jajab iyo Wardhiigley. Hoobiyayaasha qaar ayaa ku dhacaaya Isgoosyada magaalada Muqdisho, waxaana Jawi cabsi leh ay ku abuurtay inta badan shacabka ku nool magaalada Muqdisho. Dhawaqa Hoobiyayaasha caawa la maqlay ayaa kor u dhaafaya ilaa 12 Hoobiyo iyo Bamgacmeedyo dhowr ah oo lala eeganaayo ciidamada fadhiya Isgoosyada magaalada. Sidoo kale, waxaa la maqlayaa dhawaaqa rasaas ay ridayaan Ciidamada Dowladda ee ku sugan meelaha Qaraxyada lagu weeraraayo. Si kastaba ha ahaatee, waxaan si rasmi ah loo ogeyn Khasaaraha dhimasho iyo tan dhaawac ee kadhashay Qaraxyada Caawa loo qeybinaayo Degmooyinka magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Ciidamada dalka Kenya ayaa lasoo sheegayaa inay jir dil xoogan u geysteen Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji oo ka tirsan BFS, lana dhashay allaha u naxariistee Wasiirkii la dilay ee Cabaas Sheekh Maxamuud Siraaji. Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji, ayaa la xaqiijiyay in iminka la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana laga jir dilay qeybaha sare ee jirka, sida laga soo xigtay mid kamid ah qoyska uu kasoo jeedo. Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji oo hadda jiifa Isbitaal ku yaalla Nairobi, ayaa waxaa si gaara u jir dilay ciidamada Booliska kuwaa oo ku andacooday inay ka shakiyeen gaari uu saarnaa Xildhibaanka oo u muuqaal ekaa mid lasoo xaday. Qaar kamid ah Saraakiisha Booliska ee loo aaneynaayo inay goobjoog ka ahaayen Kiiska ayaa sheegay in xiliga ay Jir dilayeen Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji ay ku guda jireen baadi-Goobka Gaari la xaday. Qorshaha ciidamada Booliska Kenya ayaa la sheegay inuu ahaa inay toogtaan Xildhibaanka iyo dadkii kale ee la socday, hase ahaatee uu ka badbaadiyay kadib markii saaxiibkii uu kusoo dajiyay Xaafadda Westland ee magaalladda Nairobi. Gaariga uu la socday Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji ayaa noociisa ahaa ‘’toyota rav4’’, mana kala cadda sababta ay Boliska Kenya u beegsadeen. Sidoo kale, Gaariga ay baadi-Goobayeen ciidamada Kenya ayaa noociisa ahaa ‘’toyota lexus’’ oo loo sheegay in laga soo xaday Kiambu. Docda kale, Dowlada Somalia iyo Safaarada Somalia ee Kenya ayaan weli ka hadal dhibaatada loo geystay Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraajioo hadda yaal Isbitaal ku yaalla Nairobi. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa caawa weerar Bambaano ku qaaday Hooyga uu Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ka degan yahay Taliyihii hore ee ciidamada Xasilinta NISA Maxamed Cali Jacfar. Weerarka bambaano ayaa waxaa geystay laba dhalinyaro oo min Hal bam ku tuuray Hooyga Jacfar oo dhinaca ku haya Iskuulka Dhagaxtuur. Weerarka ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaaro kala duwan, waxaana Qaraxyada kadib la maqlaayay rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada ka agdhawaa Hooyga Jacfar iyo ilaaladiisa. Qaraxyada oo ahaa laba ayaa waxaa dadkii ku dhaawacmay kamid ahaa Askar iyo dad shacab ah, waxaana xusid mudan in Qaraxyada kadib ay halkaa kusii socdeen Gaadiidka Ambalaasta ee gurmadka ah. Sidoo kale, waxaa Qaraxyo ka dhashay Bam gacmeed caawa lagu weeraray ciidamo karsan Dowlada oo ku sugnaa Isgooska Bakaaraha iyo Degmada Waabari, waxaana la xaqiijinayaa inay ka dhasheen Khasaarooyin kala duwan. Maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa horay u sheegay in Bisha Ramadaan ay magaalada Muqdisho ka fulinayaan Qaraxyo, maadaama ay tahay bil cibaado. Si kastaba ha ahaatee, Qaraxyada Caawa ka dhacay qeybo kamid ah Degmooyinka ayaa kusoo beegmaaya xili ay Caawa tahay koowga Bisha Ramadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Gen. Cabduweli Jaamac Gorod Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa si kulul uga hadlay qashinka tuban qeybo kamid ah Xaafadaha iyo Waddooyinka magaalada Muqdisho. Gen. Cabduweli Jaamac Gorod , ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay bilicdeeda qarisay wasaq badan oo u muuqata inay ka dhalatay nadaafad daro iyo inaanu jirin is xilqaam. Gen. Cabduweli Jaamac Gorod , waxa uu tilmaamay in magaalada Muqdisho aysan iska xilsaarin shaqsiyaadka ku magacaban, waxa uuna cadeeyay in qashinka uu qeyb ka yahay amni darada ka jirta magaalada Muqdisho. ‘’Waxaan la socnaa in goobaha uu qashinku ku badan yahay lagu aaso miinooyin, sidaa aawgeed waxaanu dooneynaa in lagala xisaabtamo dadka ku shaqada leh’’ Gen. Cabduweli Jaamac Gorod, waxa uu soo jeediyay in Degmadii lagu arkaa qashin badan loo xiraa Guddoomiyaha ka mas’uulka ah, maadaama uu dayacay mas’uuliyadii saarneyd. “Waxaad arkeysaa qashin iyo biyo dhex yaallo magalada gudaheeda,waxana mas’uul ka ah gudoomiyaasha,taasi waxay tahay waa in la xiraa guddoomiyihii qashin lagu arkaa degmadiisa’’ Sidoo kale, Gen. Cabduweli Jaamac Gorod , waxa uu ku baaqay in maamulka Gobolka Banaadir qudhiisa lagula xisaabtamo bilicda magaalada waxa uuna cadeeyay inaanu jirin mas’uuliyad u muuqata. Si kastaba ha ahaatee, haddalka Gen,Cabduweli Jaamac Good ayaa imaanaya xili laamiyada waaweyn iyo kuwa yaryar ee magaalada Muqdisho ay dhex tuban yihiin wasaq, halka qaarna ay yihiin kuwo aan laheyn leyrar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Funding is overseen as per strict standards to guarantee that there is tight control over how funds are utilized and that the money spent in a transparent, accountable 7manner. The European Union provides funding for broad ranges of programmes and projects which covering different areas for instance, humanitarian aid, research and development, nongovernmental organizations, agriculture and rural development, maritime and fisheries policies, regional and urban development, employment and social inclusion. So what do they have in common all this NGO’s, farmer, researcher, and young people, fisheries? All these programs are all eligible for European Union funding, which is available in number of different fields, whether it is agriculture and rural development, employment and social inclusion, urban and regional development, maritime affairs and fisheries, humanitarian aid and etc. The financial aid and packages vary from one area to the next. But there are three common principles, the subsidies supplement other funding: the European Union will not fund 100% of a project. Their objective of these programs should not to create profit for the beneficiary but just to help them strike a financial balance. And, subsidies cannot be granted retroactively for activities that have already been finished. More than three quarters of the European Union budget is managed jointly with national and regional authorities via five large structural and investment funds. These are in line with the European Union’s Europe 2014 to 2020 strategy for growth, the European regional development funds 199.4 billion euro, the European social fund: 88, 8 billion euro, the European agricultural funds for rural development: 85 billion euro, the European maritime and fisheries fund: 6, 4 billion euro, and the cohesion funds, whose aim is the economic convergence of regions within the EU. The European parliament debates and votes on all these budgets, the national and regional authorities in charge of managing the funds can be called on to advise on maximizing their use. The European Union itself manages other funds directly. Grants from these go directly to specific projects or organizations according to the EU’s policies, and this includes areas such as agriculture, economy, the youth to benefit from these grants, applicants have to answer calls for proposals. And finally, there is also micro financing. Self employed people and businesses with fewer than 10 employees can benefit from microcredit that is loans of up to 25.000 Euros As a group, the 28 EU commissioners have the last political obligation regarding guaranteeing that European Union funds are really spend properly. But since the greater part of the funding is managed within the beneficiary countries, duty regarding for directing checks and also yearly reviews lies with national governments. More than 76% of the EU budget is controlled in partnership with national and regional authorities through a system of shared administration, to a great extend though five major funds the structural and also investment funds. Altogether, these help to actualize the Europe 2020 strategy. European regional development fund. European regional development funds goals to fortify economic and social cohesive in the EU by adjusting irregular characteristics between it is regions. A European regional development fund focuses its focuses on a few key needs regions. This is known as topical concentration. The digital agenda, innovation and research, the low carbon economy, support and small medium enterprises. The European regional development funds resources allotted to these priorities will rely upon the class of the region. The European regional development fund allocates a total of 199, 4 billion euro. At more developed districts, at least 80% of the funds must focus on at least two of these priorities. And in transition regions this consideration is for 60% of the funds. And 50% have less developed regions. The European regional development funds likewise gives specific regard for particular regional characteristics. European regional development funds activity is intended to reduce economic problems, social issues, and environmental problems in urban zones, with a unique spotlight on supportable urban improvement. European social fund. European social funds invests mostly in people, with an attention to developing of education and employment opportunities that across EU. It additionally intended to enhance the situation of the circumstances of the most vulnerable people at risk of poverty. And the European social funds investments cover all European Union regions. So more than 88, 8 billion euro is reserved for human capital investment in member states which between the 2014to2020, with an additional of in any event of 3.2 billion euro apportioned to the youth employment initiatives. For the 2014to2020 period, the European social funds will focus on around four of the cohesive policies topical objectives: investing in education and skills and lifelong learning, promoting social inclusion and combating poverty, advancing work and supporting labour mobility, upgrading institutional capacity and an effective public administration. More than 20% of European social funds will be focused on activities enhancing social inclusion combating poverty. And this is knows as topical focus. Cohesion fund. A cohesion fund is goal for a member states whose gross national income per inhabitant is under 90% of the European Union average. It plans to decrease social disparities and economic to advance continuous development. For the 2014to 2010 period, the cohesion funds concerns 15 EU member countries such as Cyprus, Bulgaria, Croatia, Hungary, Czech Republic, Malta, Poland, Romania, Latvia, Lithuania, Slovakia, Slovenia, Portugal, Greece, Estonia. The cohesion fund dispenses a sum of 63, 4 billion euro to activity under the fallowing types. Trans European transport systems, especially greatest important projects of European interests as distinguished by the European Union. The cohesive fund will bolster the infrastructure programs under the connecting Europe facility. The cohesive funds can also bolster the programs which related to transport and energy, use of developing rail transport, renewable energy, strengthening public transport and etc. The financial assistance of cohesion fund can be suspended by a council decision which taken by qualified majority if a member of states demonstrate excessive public deficit and also if it has not resolved the situation or has not taken appropriate action to do so. European agricultural fund and rural development. The European Union’s rural development policy supports the rural areas of the European Union to meet the extensive variety of economic, social challenges and environmental of 21 century. Rural development procedures share various objectives with other European structure and also investment funds. There are 118 different rural development programs in 28 member countries for this period, with 20 national programmes and eight members opting to have two or more regional programmes. The rural development priority are separated in two focus regions, for instances, the need of recourse efficiency includes focus regions, decreasing greenhouse gas and also ammonia emissions from agriculture and also fostering carbon conservation and sequestration in fostering and agriculture. European maritime and fisheries fund. The common fisheries policy is a set up of principles for controlling European fishing fleets and for saving or protecting fish stocks. Intended to deal with a typical resource, and it gives all European fishing fleets equal access to European union waters and fishing grounds and allows fishermen to compete fairly. The common fisheries was first introduced in 1970’s and went through successive updates, the most recent of which effect on 1 January 2014. The common fisheries policy plans to guarantee that aquaculture and fishing are economically, environmentally and socially sustainable that they give a source of health food for all European Union citizens. It is aim is probably encourage a dynamic fishing industry and guarantee that a fair standard of living for all fishing communities. The common fisheries policy has four main important policies such as, A: international policy, B: fisheries management, C: marketing and trade policy. D: funding of the policy. The common fisheries policy includes rules on stakeholders’ involvement and aquaculture. Finally, the European Union manages some other funds directly, Grants from these go directly to specific projects or organizations according to the EU’s policies, and this includes areas such as agriculture, economy, the youth to benefit from these grants, applicants have to answer calls for proposals. And contracts issued by the European union institutions in order to buy in services, works, and goods that they need for their operations such as training, IT equipments, studies, and also conference organizations. small businesses can apply for funding and can obtain European union funds through the grants, loans and guarantees, grants provides direct support, for while other funding is available through programmes managed nationally. Nongovernmental and society organizations can apply for funding and may be eligible for funding, and provided they are active in European Union policy areas and on non profit basis. Young people can also apply for funding, and there are two main types of funding, A: education and training: study opportunities through Erasmus, and support for pupils nearing the end of secondary education, and vocational training in another country. B: youth co funding of projects which also encourage civic involvement, a broader multicultural outlook, and volunteer work. Farmers and rural businesses can apply for funding; most farmers in the European Union are eligible for direct income support payments. Farmers also can receive money which based on the amount of land that they hold again in return for employing eco friendly farming methods that preserve biodiversity, water and soil quality which keep emissions low. European Union also helps farmers train in new techniques and restructures of their farms. It is also applied more broadly to improve life in rural areas, by creating jobs and also providing basic services. In addition, under rural development, young farmers can also benefit from specific support for setting up their business as well as from higher support rates for investment that they make in the business. So as i mentioned before, young people, small and medium sized businesses, NGO’s programmes, researchers and innovation programmes, farmers, fisheries, and public bodies are all eligible for EU funding where their areas of activity related to the European union policies. Prepared by: Sadia Ali Ismail. Student of Istanbul Aydin University.
-
Ceeljaale (Caasimadda Online) – Mintidiinta Al Shabaab ayaa sii hurinayaan colaadaha iyo midnimo la’aanta ka dhex jirto qabiilada Soomaaliya, waxayna ka faa’iideesanayaan xaalad jah wareer ay ka dhex abuureen qabiilada kadibna waxay Shabaab ciidan ka helayaan xaalada qabiilada ka dhex jirto si ay ciidamada AMISOM ula dagaalaan. Korneel Bonny Bamwiseki oo ah abaan duuliyaha Guutada 22-aad ee AMISOM xaruuntooda tahay Ceel Jaale ee Marka ayaa sheegay in Shabaab isku diraan qabiilada Soomaaliyeed si ay isku dilaan marka ay arkeen inu guul dareesteen askareynta caruurta si ay colaada kaga faa’iideestaan. Ceeljaale waxay ku taalaa gobolka Shabeelada Hoose ayadoo 120km u jirto magaalada Muqdisho. Laakiin ciidamada AMISOM qaybta Uganda ee loo yaqaan Uganda People’s Defense Forces (UPDF) waxay dadka ku dhiiri galiyaan kuna wacyi galiyaan in dagaalada la joojiyo nabadna lagu wada noolaado, sidoo kalena dib u heshiisiin ayay u bilaabeen qabiilada Al Shabaab isku direen. Korneel Bonny Bamwiseki wuxuu sheegay in kaabo qabiilada iyo odey dhaqameedyada ay ogaadeen dhagarta Al Shabaab iyo inay qabiilada isku diraan. Todobaad walbo duqoyda iyo kaaba qabiilada waxay ku kulmaan xarunta Ceel Jaale AMISOM ku leeyihiin waxayna ka wada hadlaan sidii horey loogu socon lahaa loogana hortagi lahaa kicinta Al Shabaab wadaan oo ay qabiilada isku dirayaan. Sidoo kale odayaasha waxay ogaadeen in dib u heshiisiinta ay AMISOM wado dan ugu jirto dadkooda oo dhibaatada iyo colaada ku raagtay, sidoo kalena si nabad galo ku dheehan u wada ganacsan karaan. Wacyi galintan iyo kulamadaan joogtada ah waxay sababtay dadkii qabiilka u dagaalamayeen iskana soo horjeedeen inay midoobeen haatana hal caddow yeesheen kaasi oo ah sidii Al Shabaab ay u cirib tiri lahaayeen. Dagaalka qabiilada ka dhex dhaco asal ahaan wuxuu salka ku haayay muranka ah hantida dhulka madaama la isku dagaali jiray milkiyada iyo maamulida dhulka la beeran karo ee dalaga kasoo go’aan. Korneel Bonny Bamwiseki wuxuu sheegay kala jabsanaantii qabiilada dhex taalay inay sababtay in laga guuleesan waayo Al Shabaab madaama ay qabiilada isku dirayeen hadba mid garab siinayeen sidoo kalena ay sii wadan jireen weeraradooda gaadmada ah ay AMISOM ku hayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Warar madax banaan oo ay warbaahinta PUNTLAND POST ka helayso Aaga Tukoraq oo shalay dagaal culus ku dhexmarey ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland ayaa sheegaya in maanta xaaladda labada dhinac degan tahay oo aanu jirin jawi dagaal. Qaar ka mid ah dadka deegaanka Tukoraq ayaa u sheegay PUNTLAND POST inay dib uga ruqaansadeen subaxnimadii horre ee maanta ciidamo ka tirsan Puntland saldhigyo ay galinkii dambe ee shalay ka qabsadeen Somaliland sida Buundada magaceeda la yiraahdo kun jeer aniga ku jecel iyo buurta laba madaxleey oo dagaalkii shalay looga qabsadey Ciidanka Somaliland. Faahfaahin rasmiya lagama hayo sababta ciidanka Puntland uga laabteen goobo kaabiga ku haya magaalada Tukaraq oo ay ku qabsadeen dagaalkii shalay dhexmaray ciidanka Somaliland. Dhinaca kale wararka ayaa intaas ku daraya ciidanka Somaliland inay isla maanta kusoo fideen goobaha ay si nabadgalyo ah uga baxeen ciidanka Puntland. Sidoo kale waxaa maanta soo gaarey Tukaraq wafti wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland kuwaas oo wararku sheegayaan inay halkaas ku qabteen shir jaraa’id oo ay kusoo bandhigayaan guulo ay sheegeen ciidankoodu inuu ka gaarey dagaalkii shalay sida gadiid ciidan oo laga qabsadey Puntland iyo waxyaabo kale. Jawiga Tukoraq ayaa muuqda mid ku jira xaalad dagaal oo xilli kasta la filan karo dagaal labaad oo ka dhex qarxa labada ciidan ee isku horfadhiya. Aaga Tukoraq PUNTLAND POST The post Tukoraq: Puntland oo dib uga soo baxday goobo ay shalay ka qabsatay Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Khilaafka diblomaasiyadeed ee dalalka Turkiga iyo Israel ayaa gaaray heerkii ugu xumaa kadib dilkii ciidamada Yuhuudda u geysteen bannaanabxayaashii reer Falastiin ee Marinka Gaza. Madaxweynaha Dalka Turkiga Racep Deyib Erdogan iyo Ra’iisal wasaaraha Israel Benyamin Netanyahu ayaa is weydaarsaday ereyo kulul oo ay isu mariyeem baraha bulshada, waxaana Turkiga uu dalkiisa ka saaray safiirkii Isreal ee Ankara. Erdogan ayaa sheegay in Ra’isalwasaaraha Israel uu yahay Nin dalkiisu gacanta dhiig kula jira oo gumeysi ku haya dadka reer Falastiin oo ah shacab aan iska difaaci karin, iyadoo dowladda Yuhuudda ku tilmamay mid ku dhisan Cunsuriyad oo aysan dembiyadeeda dagaal ku dabooli karin weerar ay ku qaado Turkiga, iyadoo muddo ka badan 60 sanadood jebineysay Qaraaradda Q/Midoobay. Intaas kaddib Ra’isal wasaaraha Israel ayaa ka jawaabay farriinta Twitter-ka ah ee Erdogan, wuxuuna ku eedeeyay in Erdogan oo laayey boqolaal Turki ah aanu Israel siin karin cashar akhlaaqda ku saabsan iyo hab dhaqanka ciidamada. Ra’iisal Wasaaraha Yuhuudda ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Erdodan inuu taageero ururka Argagixisada ee Xamaas, si fiicana u yaqaan argagixisada iyo xasuuqa, wuxuuna u soo jeediyay inuusan waano siin karin Israel. laakiin Madaxweyne Erdogan ayaa arrintaasi ugaa jawaabay in Xamaas aysan ahayn urur argagixiso islamarkaana yahay urur u dagaallamaya xorriyadda dalkoodana kana difaacaya gumeysiga Yuhuuda. Israa’iil ayaa sidoo kale ka carootay in safiirkeeda laga soo saaray Turkiga lagu baaray garoonka magaalada Ankara iyadoo muuqaallo laga duubayo taasoo xadgudub ku ah sharciga diblomaasiyadda. Xaaladda ayaa ka sii dartay waxayna dowladda Turkiga shaacisay in Israel iyo Masar ay diideen in fasax siiyaan diyaarad ay Turkiga leedahay oo dooneysay inay dadkii lagu dhaawacay Marinka GAZA loo qaado Turkiga si loogu soo daweeyo.
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxda Maamul Goboleedyada oo laba Maalin uu uga socday shir Xasaasi ah Magaalada Baydhabo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa maanta soo saaray war murtiyeed kulul. Haddaba waxaan idinla wadaageynaa Shanta qodob ee ugu kulul ee kamid ah qodobada kasoo baxay Kulanka Madaxda maamul Goboleedyada. Qodobada ugu kulul ayaa ku saabsan Dhaqaalaha soo galo dowladda dhexe, Amniga, Xiriirka sii xumaanayo ee ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale culeys ay Maamul Goboleedyada qaar sheegeen inay kala kulmayaan dowladda dhexe. Halkaan hoose ka akhriso qodobadaas oo faahfaahinsan 1) lyadoo laga duulayo nooca dowladnimo ee dadka soomaaliyeed doorteen oo ah habka Federal, Goluhu wuxuu isla qiray in masuuliyada kowaad ee xal u helida dhibaatooyinka dhaqaale, amni, ganacsi iyo bulsho ee dadka dowlad goboleedyada haysta ama soo food saara, uu waajib ka saaranyahay hogaamiyeyaashooda, Sidaas darteed Goluhu wuxuu soo dhaweynaysaa cid kasta oo gacan tageero ka gaysan karta bahiyahooda. 2) Goluhu wuxuu walaac ka muujiyey xiriirka sii xumaanaya ee u dhaxeeya Dowlada Federalka Soomaaliya iyo wadamada isu tagga Emarat-ka Carabta iyo Boqortooyada Sacuudiga taas oo loo arko in dowladu dhinac la jirto, wayna cadahay in hadii uu khilaafkani sii socdo saameyn ku yeelan doonto xiriirka soo jireenka ah ee ganacsi, deegaan, dhaqaale iyo maaliyadeed ee sadexda dal iyo sadexda shacab wadaagaan. Sidaas darteed, Goluhu wuxuu ugu baaqayaa dowlada Federalka in ay ka shaqeyso dhankeeda hagaajinta xiriirka iyadoo la tixgalinayo danaha dadka iyo dalka Soornaaliyeed. 3) Waxaa jira dhaqaale badan oo ku aadan kabida miisaaniyada dalka oo dowlada dhexe ka hesho dalal iyo hay’ado kale ee deeq bixiyeyaal ah, mid marta xisaabta dhexe ee Dowlada dhexe ama ha noqoto mid aan soo marin, waxaase dhacda in dhaqaalahaas aysan waxba ka soo gaarin dowlad goboleedyada, sidaas darteed Goluhu wuxuu ku dhiiri galinyaa dalalkaas iyo hay’adahaas in ay sameeyaan qoondeyn ku salaysan labada heer dowladeed si loo xaqiijiyo midnimada iyo isku haynta dalka. 4) Goluhu wuxuu walaac ka muujiyey fara galinta mar walba lagu hayo hanaanka siyaasadeed ee dowlad goboleedyada taas oo keeni karta arnni daro baahda, sidaas darteed Goluhu ku baaqayaa in si deg deg ah loo joojiyo faragalintaas islamarkaana xooga la saaro la dagaalanka aragagaxisada iyo dib u dhiska wadanka. 5) Sidoo kale Goluhu wuxuu niyad jab ka muujiyey in ilaa iyo hada Dowlada dhexe aysan wax tilaabo ah ka qaadin balan qaadkeedii ku xusnaa qodobka 1.2 ee heshiiskii Golaha Amniga qaranka ee la gaarey 10 bishii Febraayo 2018 kaas oo sheegayey “Dowladda federaalku waxay ko caawinaysaa aidamada Booliska Dowlachgoboleedyada oo ay kujiraan daraawishta (Hub, Saanad, Agab anion, Raashin, Dawo, Gunn Tababar iyo Tayayn), ee kala qeyb qaadan doom Ciidanka Xoogga Dalka Soornaallyeed (CODS) hawlgalada clidan ee lagula dagaalamayo argagixisada”. Sidaas darteed wuxuu Goluhu si adag ugu baaqayaa Dowlada dhexe in ay ka dhabeyso balanqaadkeedii ku aadanaa taakulaynta ciidamada Dowlad Goboleedyada gaar ahaan in la dardergaliyo qaybinta agabka ciidan ee hada yaaala, si hawlgalada ciidan ee xoreynta dalka loogu isticmaalo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baydhabo (PP) ─ Shirkii Madaxda Dowlad-goboleedyada Soomaaliya ayaa si weyn loogu dhaliilay Dowladda Federaalka ah ee Somaila iyo Qaabka ay ula dhaqanto Dowlad-gobooleedyada. Bayaanka laga soo saaray shirka ayay ka dalbadeen dowladda dhexe in la hubeeyo ciidamada maamul-goboleedyada, isla markaana qayb laga siiyo dhaqaalaha deeqaha ee Dowladdu hesho iyo in la fuliyo heshiisyadii hore. Shirkan oo socday muddo laba saddex ah ayaa waxaa looga dooday sida ay u wada-shaqeyn karaan maamullada dalka ka jira iyo Dowladda Dhexe oo ay ku eedeeyeen madaxdii shirka goobjoogga ka ahaa inaysan jirin wax wada-shaqeyn ah oo ay la leedahay maamulladooda. Sidoo kale, Goluhu waxay walaac ka muujiyeen Dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq oo ay sheegeen in Ciidamada Somaliland ay weerar kusoo qaadeen, ayna ka tirsan tahay deegaanada Puntland, iyagoo ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalkaas. Madaxda Dowlad-goboleedyada waxay Dowladda Federaalka ku dhaliileen fulin la’aanta Qorshihii Amniga, waxayna sidoo kale aan wali la dhaqan-gein qodobadii kasoo baxay shirkii Golaha Amniga Qaranka ee dhacay 10-kii bishii Feberaayo ee sannadkaan ee ku saabsanaa dhismaha ciidamada booliiska iyo daraawiishta dowlad goboleedyada. Dhanka kale, Madaxdii shirkaas ka qayb-galay ayaa waxay walaac ka muujiyeen xiriirka sii xumaanaya ee Dowladda Federaalka, Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga, Waxayna tilmaameen in loo arko in Dowladda Somalia ay dhinac la safatay markii uu soo if-baxay muranka dalalka khilaafka Khaliijka. AKHRISO: Bayaanka laga soo saaray shirkii Maamul-goboleedyada; PUNTLAND POST The post AKHRISO: Bayaan ay Maamul-goboleedyadu ka soo saareen Shirkoodii Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Goordhow ayaa waxaa Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay lagu soo gaba gabeeyey Shirkii Madaxda Dowlad goboleedayda kaas oo mudo Saddex cisho ah ka socday halkaasi. Shirkaas ayaa waxaa inta badan laga muujinayey walaac maadaama xubno ka mid ah madaxda Dowlad goboleedyada dalka ka jira uu khilaaf kala dhaxeeyo dowladda. Warmurtiyeedka laga soo saaray shirkaas oo dhowr qodob ka kooban ayaa waxaa ka mid ahaa in dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay taakuleynta Ciidamada Maamul Goboleedayda si ay door ugu yeeshaan la-dagaalanka Al-Shabaab. War-saxaafadeedka laga soo saaray shirka ayay ka dalbadeen dowladda Goboleedka in la hubeeyo ciidamada maamul Goboleedyada, qeyb laga siiyo dhaqaalaha deeqaha ee dowladdu hesho iyo in la fuliyo heshiisyadii hore. Haddaba halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka oo dhameystiran
-
Tukaraq (Caasimadda Online) – Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa war uu kasoo saarey dagaalka dib uga soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kaasoo ay shalay illaa iyo xalay ku dagaalamayeen ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland. Wuxuu ugu baaqay dhinacyadda dirirtu ay u dhaxeyso in si deg deg u joojiyaan colaada, islamarkaana miiska wada-xaajoodka isugu yimaadaan, si ay ugada wada hadlaan wax kasta oo dhinac walba uu tabanayo. “Hawlgalka Mareykanka ee Soomaaliya waxay ku baaqeysaa xabad-joojin degdeg ah ee ku aadan arinta Tukaraq,” ayaa lagu yiri qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya, kaasoo Baraha Bulshada lasoo dhigay. “Waxayna ku boorinaysaa maamulada Somaliland iyo Puntland wada-hadal iyo wadashaqayn dhab ah oo ku xiran dadka deeganka si loo soo afjaro colaadda [ka tagaan deegaanka Tukaraq[,” ayuu hadalkiisa kusoo koobay howlgalka. Geesta kale, wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Aaga lagu dagaalamayay ayaa waxay sheegayaan in xaaladu tahay mid degan, islamarkaana aanu jirin Saaka oo Arbaco ah wax dagaal ah, oo ka dhacay deegaanka Tukaraq. Dagaalka ayaa wuxuu reebay saameyn xoogan marka loo eego inuu barakiciyay dad badan kuwaasoo isku diyaarinaayy bisha Barakeysan ee Ramadan, waxaana sidoo kale uu geystay khasaaro maaliyadeed. Ilaa iyo hadda si rasmi ah loola oga khasaaraha nafadeed ee labada dhinac soo kala gaarey, dagaalka shalay ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kaasoo tan iyo 2002 ay isku haysteen Puntland iyo Somaliland. Warkaan kasoo baxay Xafiiska Mareykanka ee Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadoo ay isa-soo tarayaan baaqyadda nabadeed ee loo jeedinayo dhinacyadda dagaalamaya, kaasoo ay usoo jeedinayaan madaxda dowlada, beesha caalamka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland ee ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Michael Keating ayaa lagu booriyay labada dhinac Puntland iyo Somaliland in ay wadahadlaan si ay uga shaqeeyaan xabbad joojin iyo heshiis siyaasadeed ayna si degdeg ah u raadsadaan xal nabadeed oo ay ka gaaraan khilaafkooda. “Qaramada Midoobay waxay labada dhinac ku boorineysaa inay wada hadal yeeshaan colaada, ayna muhiim tahay in ay gaaraan heshiis xabad joojin iyo mid siyaasadeed, ka hay’ad ahaan anagu mar walba waxaan taageernaa nabadda, colaada waxaa ka dhasha in la waayo dad shacab ah oo aan waxba galabsan.” ayuu yiri Micheal Keating. Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la qaatay madaxda Puntland iyo Somaliland, isagoo kala hadlay colaada labada dhinac ee ka taagan gobolka Sool. Baaqa Qaramada Midoobay ayaa ku biiraya kii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka u dhexeeya Puntland iyo Somaliland ee ka dhacay gobolka Sool. PUNTLAND POST The post Michael Keating oo ka hadlay dagaalka Puntland iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Rag hubeysan ku lebisan ciidamada dowladda oo la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamada milteriga ayaa lagu qabtay degaanka Garasbaaley ee magaalada Muqdisho iyadoo ku qaraabanayey magaca Daacish oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin. Guddoomiyaha degaanka Garasbaaley C/raxmaan Axmed Cali ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen raggab oo ka koobnaa laba nin, kuwaasoo dhibaato ku hayey shacabka ku dhaqan degaankaasi, iyagoo sheegtay inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish, sidaasina ay lacag uga qaadanayeen Raggan ayaa la sheegay inay rasaaseeyeen Guryo la degan yahay, isla markaana ay joojiyeen Dhismooyin ka socday degaankaasi, markii ciidamada ay gacanta ku dhigeen ayaa la ogaday inay ka tirsanaayeen ciidamada xoogga dalka gaar ahaan guutada labaad. Waa dhacdadii ugu horeysay ee nooceeda ah oo lagu arko magaalada Muqdisho in ciidamo ka tirsan milateriga ay sheegtaan Daacish isla markaana lacago baad ah uga qaateen dadka ama ku dhibaateeyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe ayaa dowladda federaalka ku eedeeyey in gadaal ay ka riixeyso dagaallada ka socda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Waraabe oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in xilligaan wax laga xumaado ay tahay in uu daato dhiig dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanu jirin wax la yiraahdo Puntland, ayna jiraan oo kaliya Somaliland iyo Soomaaliya waa sida uu hadalka u dhigaye. “Muqdisho ayaa nalooga soo duulay, dagaalka illaa Xamar ayuu imaan doonaa, weyna isku xiran yihiin Muqdisho iyo Hargeysa” ayuu yiri Faysal. Dhanka kale, Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay beesha caalamka iney ogaadaan dagaalka ka socda Tukaraq iyo in looga gardaaran yahay Somaliland. Halkaan hoose ka dhageyso: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/05/WAREYSI-FAYSAL-WARAABE-15-05-2018.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Pyongyang (PP) ─ Kuuriyada Waqooyi ayaa hakisay wadahadalladii heerka sare ahaa ee ay kula jirtay Kuuriyada Koonfureed sababo ay ku sheegtay inay rumaysan tahay in dhoolatusyada milateri ee ay Koonfurta iyo Mareykanku ka wadaan xadka ay yihiin kuwo dagaal loogu diyaargaroobayo. Warbaahinta ay dowladda maamusho oo warkaasi baahisay ayaa sidoo kale uga digtay Mareykanka in shirkii la qorsheeyay inuu dhexmaro hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong-un iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sidoo kale khatar ku jiro. Labada Kuuriya ayaa la filayay in maanta ay kulan ku yeeshaan soohdinta kala qeybisa si ay uga xaajoodaan dib u billaabidda isu keenidda qoysaska ku kala lumay dagaalkii dhex maray labadaasi dal, kulankaasi oo ay soo jeedisay xukuumadda Pyongyang. Dhoolatuska ay ka cabaneyso Kuuriyada Waqooyi ee ay wadajirka u wadaan Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa ah mid loogu magac daray Max Thunder kaasoo bilowday Jimcihii, waxaana ka qeyb qaadanaya boqol diyaaradaha dagaalka ah oo ay ku jiraan kuwa duqeynta culus geysta ee B52 iyo nooca F15K. Kuuriyada Waqooyi ayaa ka carootay dhoolatusyada ay sameeyaan labadaasi ciidan, balse hogaamiye Kim Jong-un ayaa dhawaan u sheegay mas’uuliyinta Seoul inuu fahansan yahay in aan la joojin doonin. Heather Nauert oo u hadashay wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa sheegtay in dalkeeda aanu hayn xog tilmaamaysa in kulanka Trump iyo Kim Jong-Un uu qarka u saaran yahay inuu baaqdo. Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi, Kim Gye-kwan, ayaa sheegay inaan lagu qasbi karin inay dhiggaan hubkooda nukliyeerka. Wuxuu su’aal geliyay hadal uu sheegay la latilayaha Trump ee ammaanka Qaranka, John Bolton, kaas oo sheegay in hannaankii loo maray hub ka dhiggidda Libya loo adeegsan doono Kuuriyada Waqooyi, iyo in dalkaasi barwaaqo loo horseedi doono marka uu burburiyo hubkiisa nukliyeerka. Wasiirka ayaa sheegay in hadalkiisu uu yahay mid khiyaano wata, oo ay og yihiin in Libya iyo Ciraaqba la burburiyay markii la ogaaday in aanay haysan hubkaasi wax gumaada. Ugu dambeyn, Xiisaddan cusub ayaa muujinaysa inuu kala duwan yahay fahanka ay Washington iyo Pyongyang ka qabaan burburinta hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi. Xigasho: BBC PUNTLAND POST The post Kuuriyada Waqooyi oo hakisay wadahadaladii ay kula jirtay Kuuriyada Koonfureed appeared first on Puntland Post.
-
Wafdi oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa maanta ku wajahan magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay. Safarka Guddoomiye Mursal uu ku tegayo magaaladda Baydhabo ayaa lagu sheegay siduu ula kulmi lahaa madaxda Maamul goboleedyada ee ku shirsan halkaas . Dhanka kale waxaa dib loo dhigay war-murtiyeedka shirka Madaxda dowlad Goboleedyada uga socda Magaalada Baydhaba, oo la filayay in shalay lasoo saaro. Qorshaha ayaa shalay ahaa in lasoo gunaanado guud ahaan shirka, isla markaana laga soo saaro War-murtiyeed la xiriira waxyaabaha ay madaxda kawada hadleen labadii maalin aynu soo dhaafnay. Khilaaf siyaasadeed ayaa ka dhex jira madaxda maamul Goboleedyada iyo dowlada federaalka ah ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku wajahan Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Shir-weynaha Qaran ee dib-u-Eegista Dastuurka oo ay ka qayb-galeen qaybo kala duwan ee kala matatalaya Baarlamaanka Somalia, Xukuumadda, Garsoorka, Guddiga doorashooyinka, guddiga xuduudaha iyo Federaalka, Dowlad-goboleedyada, Maamulka Banaadir iyo xubno kale ayaa laga soo saaray qodobbo muhiim ah. Shirkan oo laga soo saaray qodobbo dhawr ayaa war-saxaafadeedkii laga soo saaray wuxuu u qornaa sidan; Iyadoo maanka lagu hayo muhiimadda ay leedahay xal u helidda dhibaatooyinka ka aloosan wadankeena gudihiisa; Iyadoo si daacad ah la isula meel dhigayo waqtiga kama dambeysta ah ee dhamaystirka Dastuurka si ka madaxbannaan dano shakhsi iyo kuwo kooxeed; Iyadoo ay ka go’antahay Shirweynaha in lagaaro deganaansho iyo nabad waarta oo ku dhisan Dastuurka; Iyadoo la tixgeliyo hiigsiga iyo dareenka dhammaan dadkeena; Iyadoo la bogaadinayo dareenka wanaagsan iyo daacadnimada ka dhaxaysa ka qayb galayaasha shirka taasoo horseeday wadar-ogol; Iyadoo la rumeysanyahay niyad wanaagii horseeday heshiisyadii horay loo gaaray in ay aas-aas u noqon karaan in la gaaro heshiiyo hor leh inta lagu gudo jiro dib-u-eegista Dastuurka; Shirweynaha wuxuu diiradda saaray doodaha quseeya arrimaha hoos ku xusan: Mabaadi’da guud ee hagaysa dib-u-eegista dastuurka Hannaanka loo marayo heshiis siyaasadeed ee la xiriira dib-u-eegista dastuurka Hannaanka loo marayo Waxbarashada Madaniga, Wacyigelinta, La-tashiyada dadweynaha iyo horumarinta ka wada qeyb qaadasho loo dhanyahay Horumarinta qaab-dhismeedyo wadajir ah oo wax ku ool ah Nooca Federaalka ku haboon Soomaaliya Caqabadaha imaan kara inta lagu guda jiro dib-u-eegista Dastuurka iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa Iyadoo la bogaadinayo hogaaminta xil-kasnimadu ku dheehantahay ee Wasaaradda, Guddiga Lasocodka iyo Guddiga madaxabannaan ee hawlaha dib-u-eegista dastuurka; Iyadoo ay ka go’antahay Wasaaradda, Guddiga Lasocodka iyo Guddiga Madaxabannaan dib-u-eegista Dastuurka in diiradda la saarayo hortabinnada soo socda: A) INTA LAGU GUDO JIRO 2018: Sixitaanka dhammaan khaladaadka farsamo ee dastuurka; Qodobada Dastuurka ku meel gaarka ee u baahan in dib-u-eegis lagu sameeyo, sida wax ka badal, wax ku daris ama wax ka tiris; III. Qodobada u baahan wada xaajoodka siyaasadeed waa in ay ka gaaraan heshiis Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federalka. In qodobo Dastuuri ah loo badalo heshiisyada ay gaaraan Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka; iyo b) Muddada lagu gudo jiro kalfadhiyada Baarlamaanka ee 2019ka waa in la ansixiyaa dhammaan cutubyada dastuurka ku meelgaarka ah oo ay ku jiraan qodobada u baahan wadaxaajoodka siyaasadeed; Shirwaynaha Qaran wuxuu ku baaqayaa in mabaadi’da soo socota ay saldhig u noqdaan Dib-u-Eegista Dastuurka: Lahaanshaha Dastuurka: hannaanka dib-u-eegista dastuurku waa in uu noqdaa mid ay Soomaali leedahay Soomaalina hogaaminayso. Waqtiga: Geedi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka waa in lagu soo gabagabeeyaa ugu danbayn Diseembar 2019. Sii ambaqaadis: Waxaa laga sii ambaqaadayaa warbixinadii Baarlamaankii 9aad uu soo sameeyay iyo xulashooyinkii saddex ahaa. U wada dhamaansho: waxaa lagama maarmaan ah in hannaanka dib-u-eegista Dastuurka ay kawada qayb qaataan dhammaan daneeyayaasha heer Federaal, Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Bulshada Rayidka. Daahfurnaan iyo isla xisaabtan: hannaanka Dib-u-Eegista Dastuurka waa inuu noqdaa mid ku salaysan daahfurnaan iyo isla xisaabtan. Haddaba intaa ka dib, waxaan ku heshiinay: In laga digtoonaadaa dib u dhac ku yimaada dib-u-eegista Dastuurka; In Dib-u-Eegista Dastuurka uu noqdo middadka Soomaaliyeed leeyihiin ayna hogaaminayaan; In dhameeystirka Dastuurku uusan noqon mid ay garwadeen ka yihiin siyaasiyiin koobanoo keliya, balse waa inuu noqdaa mid ay si ballaaran uga qaybqaataan Soomaalida oo dhan. Bogaadin: Shirwaynaha Qaran ee Dastuurka wuxuu mahad ballaaran u jeedinayaa dhammaan ka qeybgalayaasha wuxuuna si gaar ah u bogaadinayaa taageerada beesha caalamka. Ugu dambayn, dhammaan ka qeybgalayaasha Shirwaynaha Qaran ee Dastuurka waxayxaqiijiyeen ka go’naashaha iyo kawada qeyb qaadashada hannaanka Dib-u-Eegista Dastuurka si loo helo Dastuur dhamaystiran oo loo dhanyahay la iskuna waafaqsanyahay. PUNTLAND POST The post Akhriso: Qodobadii laga soo saaray shir-weynihii dib u eegida Dastuurka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.