-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Khasaaraha dagaalkii maanta inkastoo aanan jirin cid ka tirsan labada dhinac oo qiratey misna warar sugan oo aan helnay ayaa sheegaya sidaan. Dhimashada SOMALILAND 24 Askari Dhimashada PUNTLAND 14 askari. Dhaawaca SOMALILAND 51 askari. Dhaawaca PUNTLAND 32 Askari. Saddex gaari oo laga qabsadey PUNTLAND. Labo gaari oo laga qabsadey SOMALILAND. Gaari laga gubay PUNTLAND. Taliskii guud SOMALILAND ee Tukoraq oo galabta la gubay iyo Ciidan yar oo Somaliland ah oo go’doon ku ah meel ku dhow Tukoraq PUNTLAND oo la wareegtay TUKORAQ. Dagaalka labada dhinac oo socdey in ka badan 12 saac oo xiriir ahayd ayaa istaagay. PUNTLAND POST The post Taliskii guud ee Somaliland ee Tukoraq oo la gubay appeared first on Puntland Post.
-
Wararka haatan laga helayo deegaannadii maanta lagu dagaallamay ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay galabta la wareegeen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Ilo-madax-bannaan oo halkaasi ku sugan ayaa xaqiijiyey in ciidamada Puntland ay galabta gudaha u galeen deegaanka Tukaraq oo maanta dagaal culus ku dhexmaray labada maamul ee Puntland iyo Somaliland. Ciidamada Puntland ayaa haatan ku sugan gudaha iyo nawaaxiga Tukaraq oo in ka badan afar bilood ay gacanta ku haysay Somaliland,waxaaana wararku sheegayan in ciidamadii Somaliland loo riixay dhinaca tuulada Gambara ee xigta Laascaanood. Wixii ka soo kordha kala soco:PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo qabsaday Tukaraq appeared first on Puntland Post.
-
Beebbe laga qabsaday Somaliland Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa dagaal culus oo ciidamada Puntland iyo Somaliland maanta ku dhex-maray degaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Dagaalka oo saaka ka qarxay nawaaxiga degaanka Turaraq ayaa dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac sida ay xaqiiijiyeen mas’uuliyiinta labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland oo saxaaafadda la hadlay. Dowladda Puntland ayaa sheegtay in dagaalkan looga dilay 2 askari,halka lix kalena looga dhaawacay,sida lagu xusay war ka soo baxay taliska ciidamada Puntland. Sidoo kale dowladda Puntland ayaa sheegtay in dhimasho iyo dhaawac badan la gaarsiiyay ciidamada Somaliland ee dagaalka soo qaaday,islamarkaana gaadiid dagaal iyo hub laga qabsaday. Maamulka Somaliland oo dhankooda warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in khasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu ka soo gaaray dagaalkii maanta,balse faahfaahin dhammaystiran kama aysan bixin. Taliyaha ciidamada Somaliland oo shir jaraa’id ka hadlayey ayaa sheegay sidoo kale in ay Puntland dagaal ku soo qaadday,haye yeeshee ay iska caabiyeen,islamarkaana gaadiid dagaal ka qabsadeen. Warar madax-bannaan halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in dhimashada dhinaca ay Puntland ay tahay ilaa 14 askari,halka Somaliland ay gaarayso in ka badan 24 askari oo ay ku jiraan saraakiil sare. wararka ayaa sidoo kale tilmaamayaa in Puntland laga gubay laba kamid ah gaadiidka dagaalka,laba kalena laga qabsaday,halka Somaliland laga qabsaday saddex kamid ah gaadiidka dagaalka. Wixii ka soo kordha kala soco:PUNTLAND POST The post Faahfaahinta: Khasaaraha dagaalkii Puntland iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Tuka-raq-(Caasimadda Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka walaacsanyahay dagaalka saaka kasoo cusboonday deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, kaasoo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Madaxweynaha waxa uu ugu baaqayaa Madaxda, Odayaasha Dhaqanka, Culumaa’diinka, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo Dhallinyarada in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaallada haatan socda. Madaxweynaha waxa uu ugu baaqayaa Madaxda, Odayaasha Dhaqanka, Culumaa’diinka, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo Dhallinyarada in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaallada haatan socda. “Waxaa nasiib darro ah in uu dhiig daato, waliba xilli loo diyaar garoobayo gudashada acmaasha bisha barakeysan ee Ramadaan.” “Waa in dagaalka Tuka-raq si degdeg ah oo shuruud la’aan ah lagu joojiyaa, wax walbana loo maraa dariiqa wadahadalka.” Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu sidoo kale, baaq u diray beelaha walaalaha ah ee maalmihii lasoo dhaafay ay dirirtu ku dhex martay deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag. Madaxweynahu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyoday Tuka-raq iyo Ceel Afweyn, wuxuuna Alle uga baryayaa inuu dhaawaca degdeg u bogsiiyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ankara-(Caasimadda Online)-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar), oo safar shaqo ku jooga magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa waxa uu kulan la yeeshay dhiggiisa Dalkaas, Dr Recep Akdag. Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) iyo Dr Recep Akdag ayaa ka wada hadlay wanaajinta xariirka qotadda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. “Waxa aan Ankara kula kulmay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga, Dr Recep Akdag. Waxaanu kawada hadalay xiriirka labadda dal ee dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha Ganacsiga iyo waxbarashada ee Soomaaliya iyo Turkiga”, ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya. Dawladaha Turkiga ayaa waxa ay kamid tahay dawladaha xariirka dhaw la leh Dawladda Federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU, May 15 (Xinhua) -- Somalia security forces have beefed up security in major urban centers in the restive capital city, Mogadishu ahead of Islamic holy month of Ramadan which begins worldwide this week. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi — IOM, the UN Migration Agency, in close partnership with the Ministries of Health in Somaliland and Puntland, will provide emergency life-saving health services to some 48,000 drought-affected people in the Sool, Sanaag and Mudug regions over the next five months, with funding from the UN Central Emergency Response Fund (CERF). Source: Hiiraan Online
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Shirka Madaxda Maamul Gobaleedyada Soomaaliya ee Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada oo ka socda Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay ayaa galay maalintii sadaxaad, waxaana maanta dibad joog ka ah Warbaahinta. Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada ayaa maanta diiradda saaraya sidii ay u wajihi la haayeen culeesyo siyaasadeed oo ay wajahaan dhamaan Maamul Gobaleedyada gaar sadax maamul gobaleed oo ku soo dhaw xiligii ay gali lahaayeen doorasho Madaxweyne iyo isbaheysiyo deegaanadooda ka abuurmaya. Warar Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay laga helay ayaa soo sheegaya in Ujeedada shirka maamul gobaleedyada uusan aheyn sidii warbaahinta ka sheegeen Madaxda maamul Gobaledyada Bilaawgii shirkaan ee ahaa Ka tashiga Dastuurka, amaanka, siyaasadda iyo u Gurmashada dhibaatada ka taagan Beladweyne. Dadkii aan la hadalnay oo ay ku jiraan xogheyno wax ka qoray Ajandayaasha Shirka ayaa sheegay in Ujeedada Shirka ay tahay Codsiyo ka yimid 3 maamul Gobaleed oo kala ah Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed kuwaas oo sheegay iney wajahaan Culeesyo uga yimid Dowladda dhexe ee Soomaaliya. Sadaxdaan Maamul Gobaleed oo ay deegaanadooda ka dhaceyso dhamaadka sanadkaan iyo bilawga Sanadka 2019 doorashada madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaysa siyaasiin Soomaalida Kenya degta ah ay Abuureyso siyaasiin la wareega Talada Maamulada kuwaas oo la shaqeeya Dowladda Soomaaliya waxaana malaayiin lacag ah ku bixinaya Gadar sida ay hadalka u dhigayn. Xubnaha Shirka soo qaban qaabiyay ee Koofur Galbeed ayaa sheegay in Ajandaha Shirka ay ugu wayntahay 3 qodob oo kala ah. Ka feejignaanta fargelin Dowlada dhexe ay ku sameyso doorashada deegaaanada Maamul Gobaleedyada In Cabasho Beesha Caalamka looga Gudbiyo Dowladda Soomaaliya laguna cadeeyo ineysan la shaqeyn Karin Maamul Gobaleedyada. Iyo dhamaan Maamul Gobaleedyada ay Xiriirka U jiraan Dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen iney ku xadgudubtay Dastuurka, sidoo kalane fulin weysay qodobo lagu heshiiyay Bishii October 2017. Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gees oo Khudbad ka jeediyay Shirkii Shalay ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxda Dowladda waxa uuna ku tilmaamay dad facebook isticmaala oo aan waxba ka aqoonin Waajibaadka Dowladnimada. Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo ka mid ah Masuuliyiinta shirka ku sugan ayaa sidoo kale weeraray Madaxda Dowladda, hogaamiyaasha Maamul Gobaleedyada ayuu kula taliyay inay wadashaqeeyaan hadii aysan isku duubnaanina ay xaaladooda sidaan kasii adkaan doonto. Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa sidoo kale ku taliyay in laga feejignaado talaabooyin uu sheegay in hore ay u dhaceen hadana ay taagan ka taagan Jubbaland lana xisaabtamo Dowladda Federaaka ah ee Soomaaliya. Shariif Xasan Shiikh Aadan Madaxweynaha Koofur Galbeed oo shirka marti gelinaya hadal kooban uu jeediyay masoo hadal qaadin culeesyada Siyaasadeed iyo Cabashada Madaxweynayaasha kale ay qabaan, dadka ka faalooda siyaasadda Soomaaliya waxay Shariif Xasan ku tilmaamaan hogaamiya aan warbaahinta ku soo bandhigin aragtidiisa Siyaasadeed mana jirto hadal adag oo diiwaanka u galay tan iyo markii uu siyaasadda ku soo biiray. Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sidoo kale si degan u hadlay waxa uuna diiradda saaray oo kaliya wadashaqeyn iyo is faham in la helo ay tahay lama huraan , sidoo kale fatahaadaha ka jira deegaanka HirShabeelle ayuu ka hadllay. Shirkaan ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay ayaa lagu wadaa in la soo gaba-gabeeyo maanta gelinka dambe waxaana laga soo saari doonaa War-Murtiyeed ku aadan Xaaladda Soomaaliya. Xigasho: Radio Kumliye Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay xilligan mashquul ku tahay arrimo aan aheyn howshii laga sugayay inay wax ka qabato. Axmed Madoobe ayaa khudbad uu ka jeediyay shirkii madaxda maamullada dalka uga furmay Baydhabo ayaa sheegay in illaa iyo hadda aanay dowladda u diyaar garoobin qorshihii amniga dalka loogala wareegi lahaa AMISOM, isla markaana la diyaariyo ciidan Soomaaliyeed. “Waxaa aad loogu mashquulsan yahay doorashada dhacaysa 2020-ka – cida imaanayso, qaabkii doorashada u dhici lahayd iyo waddadii loo mari lahaa, doorashada 2020-ka, wax badan ayaa ka horeeya oo la rabo in la qabto,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Sidoo kale, Axmed Madoobe wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka looga baahan yahay in waxyaabaha horyaala ee u dhaxeeya in la qabto 2016-ka iyo 2020-ka inay xaqiijiso wax ka qabashadeeda iyo hirgelinteeda. Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu sheegay in hadda laga fikirayo sidii Aqalka Sare madaxdooda loo ridi lahaa, maamul goboleedyada qaarna hoggaanadooda meesha looga saari lahaa, taasna aanay aheyn mid wax dhisaysa. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmaamay in dowladda ku mashquulsan yahay baraha bulshada sida Facebook-ga, wax ka sheegida madaxda qaar. Haddaba: DAAWO: Khudbaddii Axmed Madoobe uu ku dhaliilay Dowladda Somalia; PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubbaland oo Dhaliil adag u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar ay heshay Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegaya in C/qaadir Cashir Nadara oo ahaa lataliyihii dhinaca Warfaafinta ee Ra’iisul Xasan Cali Khayre uu is casilay. C/qaadir Nadaara ayaa la sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay isagoo isku sharxaya kursi xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo bannaan, kaasoo uu banneeyay Agaasimaha hay’dda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen oo doorashadiisa lagu wado inay dhowaan ka dhaco magaalada Baydhabo. Xiriir ay Idaacadad kulmiye ee Magaalada Muqdisho la samaysay Nadara ayuu ku xaqiijiyay arintaas, isagoo intaa ku daray inuu yahay Murashax utaagan kursiga Xildhibaan ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya kaas oo uu dhawaan Baneeyay Agaasimaha hay’dda Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Xuseen Cismaan Xuseen. Wararka ayaa shaegaya in xukuumadda ay ku taageereyso Nadaara inuu noqdo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka si ay u kordhaan xildhibaannada taageersan Xukuumadda Xasan Cali Kheyre. Doorashada kursigaan ayaa lafilayaa inay ka dhacdo magaalada Baydhabo dhawaan, RW Xasan Cali Khayre ayaa lafilayaa in Nadaara uu ku taageero helida kursiga xildhibaanimo. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in tallaabada uu isugu sharaxayo xubinta Xildhibaanimo ee doorashadeeda dhawaan ka dhaceyso Magalada Baydhabo ay ku dhiirageliyeen Xubno ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo taageero siinaya. C/qaadir Nadaara ayaa xilka lataliyaha War-faafinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loo magacaabay 5tii bishii sideedaad ee 2017. Nadaara ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ku xaqiijiyey inuu xilkiisa iska casilay laga bilaabo Maanta Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maalmihii ugu dambeeyey waxaa baraha Bulshada ee Soomaalida ku jiray eedeyn uu Abwaan C/laahi Xirsi Baarleex usoo jeediyey Wasiir ku xigeenka ahna sii hayaha xilka Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Cilmi Cumar Ceynsane. Abwaanka ayaa Wasiirka ku eedeyey in anu waxba u qaban isla markaasna uu ku dayacan yahay Magaalada Muqdisho. Haddaba Shabakadda Caasimadda Online ayaa dabagal xooggan ku sameysay eedeynta uu Abwaanka soo jeediyey, waxaana ilaa xad isku daynay inaan wax badan ka ogaano isla markaasna aan shacabka Soomaaliyeed la wadaagno waxa dhabta ah ee jira. Sidee ayuu ku bilowday xiriirka Wasirka iyo Abwaanka? Wasiir ku xigeenka Wasaradda Gargarka iyo Maareynta Musiiboyinka Xildhiban Cilmi Cumar Ceynsane ayaa baraha Bulshada ku arkay Abwaan C/laahi Xirsi Baarleex oo ku xanuunsanaya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland. Wasiirka oo si weyn uga danqaday Xaaladda bini’aadanimo ee uu ku sugnaa Abwaanka ayaa go’aansaday inuu keeno Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya si loo geeyo isbitaalada casriga ah ee ku yaalo. Abwaanka ayaa laga soo dajiyey garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna Wasiir Ceysane oo markaas saxaafadda kula hadlayey garoonka dhexdiisa sheegay inuu Abwaanka halkaan u keenay sidii loo daaweyn lahaa maadaama Magaalada Hargeysa isbitaalada ku yaal wax looga qaban waayey. ” Abwaanka waxaan rabaa inaan geeyo isbitaalada Magaalada Muqdisho, haddii markaas wax looga qaban waayo waxaan u la raadin doona sidii loogu qaadi lahaa dakhatiirta dalka Debadiisa ah” ayuu yiri Wasiirka oo xilligii abwaanka Muqdisho imaanayey la hadlay Warbaahinta. Sidoo kale Abwaanka oo xilligaas la hadlayey Warbaahinta ayaa isna sheegay inuu Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ka codsanayo in loo fidiyo gargaarka daawo ah ” Aniga waxaan ahay Abwaan soo halgamay, guryo iyo xoolo nin doonayo maahi, waxaana madaxda dowladda ka codsanayaa inay igu caawiyaan sidii la iiga daaweyn lahaa xanuunka wadnaha iga hayo” ayuu yiri Abwaanka. Maxaa xigay? Wasiir ku xigeen Cilmi Cumar Ceynsane ayaa Abwaanka dajiyey Hotel Muqdisho oo ku yaal Isgoyska Nambar afar ee Magaalada Muqdisho oo anu uga tagnay. Abwaanka oo muddo laba bil ah ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa la geeyey dhammaan Isbitaalada ku yaal Muqdisho sida: Digfeer, Masaarida, Dr. Dasuuqi iyo Kalkaal. Daaweyn iyo la tacaalid badan kadib, Dhakhaatiirta ayaa ku taliyey hadii loo heli karo in lo diro dakhatiirta dibada ah dawoyinkisana la siiyo uuna isticmaali karo inta dalka debadiisa loo qaadi karo taasoo ka caawin karto inuusan xanuunka ku dhibtoon. Qarashaadka ku baxayey isbitaaladii la geeyey dhammaan waxaa bixinayey Wasiir Ceysane, kaliya daawada bes maahan e xataa qarashaadka Hotelka iyo cuntadiisa muddo laba bil ah waxaa bixinayey Wasiirka. Qorshaha Dibadda looga qaadayey Wasiir Ceysane oo raacayo taladii Dhakhaatiirta ee aheyd in Abwaanka dalka Dibadiisa lagu soo daaweeyo ayaa si deg deg ah ugu soo sameeyey Baasaboor isaga iyo gabar uu dhalay oo laba rabo in ay raacdo oo la qorsheeyey inay Turkiga u baxaan. Sidoo kale Wasiirka ayaa Xaaladda Abwaanka u gudbiyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Kheyre, wuxuuna mar kasta ku dadaalayey sidii loo Caawin lahaa Abwaan Baarleex. Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gargaarka Iyo Maareynta Musiibooyinka oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in ay meel gaba gaba ah u mareyso qorshaha la doonayo in abwaanka dibada loogu qaado, uuna u sameeyey Basabooro isaga iyo gabar uu dhalay oo raacaysa abwaanka oo hargeysa uga soo baxay GO HOME Document, wuxuuna rajo fiican ka muujiyay in dhowaan ay soo gabagabowdo qorshaha dibada loogu qaadayo laguna soo daweyn doono dalka Turkiga haddu Alle idmo. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in waraaqaha Caafimaadka ee abwaanka loo diray Hospitalada dalka Tukey oo hadda jawaab laga sugayo kadibna Visaha la siinayo. Hadalkii kasoo yeeray Abwaanka Abwaanka ayaa cudur daar ka bixiyey eedeyntii uu Wasiir ku xigeenka usoo jeediyey, wuxuuna sheegay in la marin habaabiyay uuna yahay qof xanuunsan. Waa sidee hadda Xaaladda Abwaanka? Ugu dambeyntii Maamulka Hotelka uu Muqdisho ka daganyahay Abwaan Baarleex iyo xubna kale oo haatan gacanta ku haya xaalada caafimaad ee Abwaanka ayaa noo xaqiijiyay in daryeelka abwaan Baarleex uu haatan ka wanaagsan yahay sidii uu ahaa markuuu Hargeysa yaalay lana geeyey tiroba dhawr jeer dakhaatiir kala duwan iyadoo aan la kulanay kalkaaliyayaal caafimad oo si gaar ah ugu adeegayey Abwaanka. Waxaana xusid gaar ah mudan in Goobta uu deganyahay Abwaanka iyo dhamaan kharashkadkas ku baxa uu ilaa hadda si shaqsiyan ah gacanta ugu hayo wasiir Caysane oo go’aansaday inuu Mushaarkiisa ugu gargaaro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
East African chief justices want bigger role in EAC affairs
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Chief justices from the East African Community member states want to be officially involved in the activities of the bloc so they can help coordinate legal affairs and strengthen administration of justice in the region. Source: Hiiraan Online -
Qatar’s Emir held talks on Monday with the Somali president in Doha and pledged support for the East African country, amid tensions between the two countries and the UAE. Source: Hiiraan Online
-
WICHITA, Kan. (AP) - A federal judge has delayed the sentencing of three men who plotted to bomb a mosque and apartment complex housing Somali refugees in Kansas. Source: Hiiraan Online
-
Durban - Foreigners in Durban’s northern townships are living in fear after being told by locals to close down their shops by Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah oo ku dhaw Madaxtooyada Villa Somalia ayaa xaqiijinaya in Cabdi Cali Raage oo ah la Taliyaha Arimaha Siyaasada ee Madaxweynaha Maamulka Jubaland uu ku biiray Kooxda dagaalka siyaasadeed kaga soo hor jeedo Axmed Madoobe. Cabdi Cali Raage oo Miisaan siyaasadeed ku leh Maamulka Jubaland ayaa la sheegay in arintan uu ku dhiirigeliyey Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo Kuna xiray Madaxtooyada. Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ay ilma Adeer yihiin Cabdi Cali Raage ayaa loo balanqaaday in loo Magacaabayo Xilka Wasiiru Dawlade halka Cabdi Cali Raage loo balanqaaday Dhaqaale uu ku furfuro Jubaland si looga guulaysto Axmed Madoobe. Xildhibaan Xidig ayaa dhankiisa ka wada Ololaha ugu balaaran ee looga soo horjeedo Axmed Madoobe isagoo dantiisu tahay Xilka Wasiiru Dawladaha. Dawlada FS ayaa dadaal weyn ugu jirta inay xilka ka tuurto Axmed Madoobe oo Taageero weyn u muujiyey Dawladda UAE arintaasoo ka caraysiisay Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU, Somalia—Thursday afternoon, as the head of U.S. Africa Command (AFRICOM) took center stage in a Pentagon press briefing room, Washington was buzzing with conflicting opinions about a controversial report. It was the culmination of a months-long AFRICOM-led investigation into the deaths of four U.S. Special Operators in October, but its findings raised as many questions as they answered. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey Munaasabada xuska 18 May oo Sanadkaan ay soo hormariyeen ayaa si kulul waxa uu uga hadlay dagaalkii saakay ee deegaanka tukaraq. Madaxweyne Biixi ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada dalwadda federaalka Soomaaliya ay weerar kusoo qaadeen kuwa Somaliland ee ku sugan gobolka Sool. “Waxaan u sheegayaa qaranka Somaliland in ciidanka Somaliland ay ka gaadheen guulo la taaban karo dhammaan jihooyinkii laga soo weeraray oo ay weliba hubna ka furteen jabiyeenna difaacii ciidanka.” ayuu yidhi madaxwweye Biixi. Muuse Biixi waxaa kale uu ku hanjabay in ay cashar u dhigi doonnaan dadka weerarka kusoo qaaday; “Waxaan u sheegaynaa ragga saaka na soo weeraray in aan u dhigi doonno casharkii aanu u dhignay Afwayne oo aabbahood ahaa waxaan u sheegaynaa in aan u dhigi doono casharkii aanu u dhignay kuway wax moodayaan ee Moorgan iyo qayrkood” Dagaal saaka aroortii ka bilaabmay Tukaraq ayaa weli ka soconaya kaasi oo u dhaxeeya labada ciidanka Somaliland iyo Puntland, waxaana wararkii u dambeeyay ay sheegayaan in khasaare xooggan uu dhashay dagaalka kaasi oo ah dhimasho iyo dhaawac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa wajahaaya mowjado Siyaasadeed oo kaga imaanaya dhanka Dowlada Somalia iyo Mucaaradka maamulka. Cabdiweli Gaas oo culeesyo kala duwan kala kulmaaya Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa walaac ka muujinaaya in Dowladu ay uga faa’iideysato xiliga Doorashada maamulka oo aan sidaa usii fogeyn. Gaas oo muujiyay awoodo uu isku hortaagayo Siyaasada Dowlada Federaalka, ayaa duulaan ka dhigtay in Dowladu ay ku degdegtay go’aanka ay ku cadaadineyso Imaaraadka Carabta. Baqdinta ugu badan ee C/weli Gaas uu xiligaan ka qabo Dowlada Federaalka ayaa waxaa kamid ah: 1-In Dowlada Somalia ay ka shaqeyso inay meesha ka saarto maamulka Gaas, si maamulka cusub ee bedeli doona uu u noqdo mid adeeca Dowlada. 2-In qalqal dhaqaale lagu sameeyo Doorashada maamulka oo diyaar garowgeeda uu hadda socdo. 3-In qar ka tuurkiisa ay Dowlada Somalia u adeegsato Xubnaha mucaaradka ee xiligaan doonaaya inay booska kala wareegan C/weli Gaas iyo maamulkiisa. 4-In Dowlada Somalia ay C/weli Gaas kala dagaalanto ololaha oo la rumeysan yahay inay kala dhantaali karto Dowlada. C/weli Gaas, ayaa u muuqanaaya in mucaaradnimadiisa cusub uu Imaaraadka uga bedelanaayo taageero dhaqaale iyo ballanqaadyo dhanka doorashada maamulka, waxaase muuqaneysa in Siyaasadiisa ay tahay mid u muuqaal eg tan Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Jawaari. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia ayaa il gaara ku heysa Hogaamiyayaasha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Puntland C/weli Gaas oo isgarabtaagay Imaaraadka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
In a jarring contrast, Israeli forces shot and killed 57 Palestinians and injured more than 2,700 during mass protests Monday along the Gaza border, while just a few miles away Israel and the U.S. held a festive inauguration ceremony for the new American Embassy in contested Jerusalem. Source: Hiiraan Online
-
Baydhabo (PP) ─ Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geele Xaaf oo warbaahinta kula hadlay Baydhabo ayaa sheegay in haddii wax jira ah ay ka hadlaan la yiraahdo waxaad mucaarad ku tihiin Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Xaaf ayaa sheegay inaanu jirin wax caqabad ku noqon karta Dowladda dhexe ee dalka oo ay maleegayaan maamul-goboleedyada, markii laga soo tago sixitaanka ay saxayaan khaladaadka Dowladda. “Waxaanu ka hadlaynaa wixii khaladaad ah oo ka dhaca Dowladda, suuro-galna ma ahan yaan la hadlin, waayo hadalkeenna ayay wax ku saxmaan, waan sheegeynaa wixii khalad ah ee jira,’’ ayuu yiri Geelle. Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug wuxuu hoosta-ka-xariiqay in maamul-goboleedyada dalka aysan diyaar u aheyn inay ka hor imaadan Dowladooda, balse qorshuhu uu yahay sida lagu sixi lahaa Dowladda, haddii uu khaladaad ka yimaado. “Ma aha in nala dhaho waxaa tihiin mucaaradka ama cadowga Dowladda, micnaha haddii aan runta u sheegno dowladda ma waxaa nahay cadow… taas ma ahan wax caqliga geli kara,” ayuu mar kale hadalkiisa ku daray. Axmed Ducaale wuxuu tilmaamay in Dowladda Somalia aysan ixtiraaminayn maamullada dalka, sidaa darteedna ay caqabad noqotay wada-shaqeynta ka dhexeysa Dowladda iyo maamulada dalka ka jira. Dhanka kale, Wuxuu xusay in Dowladda Federaalka Somalia laga doonaayo inay xoriyad siiso maamullada, isagoo carabka ku dhuftay in dowladda ay ku dhisan tahay talooyinka maamul-goboleedyada. Madaxda Maamullada dalka ayaa ku shirsan Baydhabo iyagoo ka hadlaya danahooda gaar ah, waxaana kulankan oo ah kii labaad oo mas’uuliyiinta maamullada dalka ay yeeshaan ay kaga hadlayaan dhibaatooyinka iyaga iyo dowladda dhexe ka aloosan. Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa waxay u aragtaa maamullada dalka ka jira inay weerar dadban ku yihiin Dowladda dhexe, waxaana hadalkan uu ka sheegay kulan xalay lagu qabtay Baydhabo. PUNTLAND POST The post XAAF: Haddaan ka hadalno caqabadaha jira ma ahan inaan mucaarad ku nahay Dowladda appeared first on Puntland Post.
-
Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku eedeeyay Israel inay geysatay xasuuq waxana uu cambaareeyay rarintaanka safaarada Maraykanka loo soo raray magaalada Qudus. Turkiga ayaa u yeeray safiiradiisii Israel iyo Maraykanka kadib markii dad ka badan lixdan ruux oo Falastiiniyiin ah lagu diley banaanbaxyo loogaga soo horjeeday safaarada ay dowlada Maraykanka ka furatay magaalada Barakaysan ee Qudus. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga Bekir Bozdag ayaa sheegay in diblumaasiyiintan oo fadhigoodu kala ahaa Tel Aviv iyo Washington la amray inay dib ugu soo laabtaan Turkiga si wadatashi looga yeesho falalka ay ka kaceen Israel iyo Maraykanka. Sidoo kale dowlada Turkiga ayaa ku dhowaaqday saddex maalin oo baroordiiq ah oo loo sameynayo dadkii Falastiiniyiinta ahaa ee lagu diley magaalada Qaza. Dhinaca kale Turkiga iyo Koonfur Afrika ayaa kala baxay Israel safiiradooda kadib xasuuqii shalay ay ciidamada Israel kula kacen shacabka Falastiin ee banaanbaxa ka dhigayey Marinka Gaza. Ilaa iminta 59 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen rasaastii ay ciidamada Israel ku rideen Dadkii shacabka ahaa ee ku mudaharaadayey xaduuda u dhaxeysa Gaza iyo dhulka israel heysato. Xukuumada Ankara ayaa waxa ay ugu yeertay dalalka Islaamka ah inay kulan deg-deg ah isugu yimaadaan toddobaadkan waxana ay baaq u dirtay Golaha Ammaanka in fadhi aan caadi ahayn ka yeesho arrinta xasuuqa ay ciidamada Yuhuudu ka geysteen Qaza. Ciidamada Israel ayaa rasaas nool nool iyo sunta ilmada ka keenta dadka ku isticmaalay banaabaxyo lagu diidanaa furitaanka ay dowlada Maraykanku ka furatay safaaradeeda magaalada Qudus waxaana ku dhintey dad ku dhow lixdan ruux halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 2,700. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Puntland ayaa war ka soo saartay dagaal saaka ka qarxay deegaano ka tirsan Gobolka Sool oo u dhaxeeyay ciidmada Puntland iyo Somaliland. War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in saaka oo ay tahay 15-ka bisha May ay Somaliland mar labaad weerar ku soo qaaday deegaano horleh oo ay leedahay Puntland. Sidoo kale wr-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Puntland u caddeynayso shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka in aysan wadin duulaano iyo shaqaaqooyin waxyeelaynaya xasiloonida iyo daganaanshaha umada Soomaaliyeed, ayna dulqaadatay iyadoo lagu soo duubay dhulkeeda, Somalilandna ay hurinayso dagaalo iyo colaad horleh. Ugu danbeyntii Puntland ayaa shacabkeeda ugu baaqday in ay ilaashadaan wada jirkooda iyo xasiloonidooda, isla markaana ka fogaadaan wax kasta oo wax yeeli kara deganaanshahooda. PUNTLAND POST The post Puntland oo war ka soo saartay dagaalka Sool appeared first on Puntland Post.
-
Tukaraq (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee laga heleyo dagaalka ka soconaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in xaaladda ay aad uga sii dartay, iyadoo dagaalkana uu xooggeystay. Goob jooge ku dhow tukaraq ayaa idaacadda Goobjoog u sheegay in Madaafiic xooggan ay isku adeegsanayaan Labada dhinac, islamarkaana hadda ay isla aadeen dhanka buuraha ee deegaankaasi ku dhow. Waxaa jira khasaare kala duwan oo soo gaaray dhinacyada is haya, balse weli tiro rasmi ah lama hayo. Ciidamo gurmad u ah kuwa Puntland iyo Somaliland ayaa dagaalka ku biiray, waana midda keentay in dagaalka uu xooggeysto. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/05/goobjooge-kamid-ah-dadka-deegaanka-tukaraq.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com