-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaan soo xasuustay dhacdo i soo martay sannadki 1982 markaasoo nin profesoor ahaa oo talyani u dhashay yimid Xamar asagoo wada baaritaan arrimaha Somaliya. Wuxuu raadiyay turjubaan la shaqeeya, markaasa la ii keenay si aan ula shaqeeyo, waase ka cudur daartay waayoo waxaan ahaa shaqaale dowlada u shaqeeya oon fursad u heli karin howlaha iyo waqtiga ow u baahan yahay. Wuxuu i weydiiyay su’aal aanan weligey illaabin oo ahayd ” aaway dadki Muqdisho joogi jiray sanadihii lixdameeyada”.. markaasuu socdaal ku yimid lana kulmauy, sida uu sheegay, dad aad iyo aad uga duwan dadki markaas ku noolaa Muqdisho. Dhacdadaas waxaa i soo xasuusiyay heerka ay maanta mareyso arrinta Somaliya. Waxaa dalki taladiisa qabtay dad ka arradan shucuurti wadaninnimo oo diyaar u ah inay dalka oo dhan ku wareejiyaan ciddi xoogaa lacaga siisa. Waxay cudur daar ka dhigteen gobolkeyga ayaan u daneynayaa…waa been gobol iyo guri midna dan kama laha waxayna diyaar u yihiin inay xataa qoyskooda ku wareejiyaan ciddi xoogaa siisa. Waxaa soo baxay dad dareenki ka dhintay oo aan lahayn wax muqaddas u ah. Kuwa lagu magacaabaya Madaxda gobollada waa dad aad rakhiis u ah oo wax ka xaaraan ah aysan jirin…taasina waxaa ka xanuun badan inya ummaddi dalkaan lahayd qaarkood ay u xagliyaan ama la saftaan dowladu u tafa-xeytay inay dalkaan dumiyaan, kuna taageeraya xoogaa dhaqaale ah ay ka helaan in dalkooda baab’ana aysan waxba la ahayn. Ma la arki doonaa shacab weyne ka soo horjeesta Cabdiweli Gaas, Axmad Madoobe, Shariif Xasan, ina Cabdirashiid iyo ina Cabdishakuur iyo kuwa la midka ah ee ku jira barlamaanka iyo dowladda, tusiyana in dalkaani uu leeyahay dad u damqada una diyaara inay u dhintaan si looga badbaado burburka nagu soo fool leh oo ay maleegeyso dowladda Imaaraatka iyo inta ay ku adeegato oon dalkaan wax dan ah ka lahayn. Inta ay talada ka go’do maanta waa qurbajoog dibadaha ka yimid, kuwa aan weli tegina loo ballanqaaday in la geynayo meeshi ay rabaan si ay burburka baaxadda weyn ee soo bidhaamaaya uga badbaadaan iyaga iyo qoysaskooda…waa haddii ay qoys dan ka leeyihiin!!! Dhinaca kale, Imaaraatka eedda ma wada laha oo waxaa la wadaaga dadka dowladda ugu sarreeya oo iygaba sida kuwa aan soo sheegnay afkoodu furan yahay sida shimbiraha oo wada raba in afka wax loogu rido loona buuxiyowaana loogu riday mana jiro midkood ka hadli kara ama ka jawaabi kara hadallada gurracan ee ka soo baxaya Cabdiweli Gaas..Si faahfaahin dheeraadka looga bixiyo muxuu M/weyne Farmaajo u saxiixi waayay go’aanki Barlamaanka ee DP World..muxuuse Xasan Kheyre jawaab uga bixi waayay hadalaki Gaas. Mase waa la wada shibiyay? Waxaa maqaalkaan ku lifaaqan qoraalo hore oo cinwaankoodu ahaa: SOMALIYA DAL AAN DAD LAHAYN 1&2. Axmad Calasow
-
Inkasta oo aan taageersanahay in dalku uu mar walba yeesho mucaarad indhaha shacabka tusa god daloolooyinka dawladnimo ee ay arkaan, hadana waxaa mudan in qaybaha hogaanka u ah mucaaradku ay shacbiga la qaybsadaan fikrado la aqbalikaro. Doorashadii gudoomiyaha cusub ee golaha Shacabka waqti yar uun ka hor waxa baraha bulshada lagula xidhiidho ee madaxda mucaaradka lagu soo qoray, in baarlamaanka Soomaaliya ay u hiiliyaan cadaaladda, dalkana laga bad baadiyo in uu gacanta u galo shaqsiyaad gaar ah, kuwaas oo maroorsada awooda dalka. Waxayna arinkaas ku fasireen in hadii la doorto cidda ay wadato dawladdu ay meesha ka baxayaan awoodihii isu dheelitirnaa( checks and balance system), iyagoo ku booriyey baarlamaanka in la dhawro kala qaybsanaanta awoodahaas( Separation of powers). Hadaba su’aasha is weydinta mudan ayaa ah, isu dheelitirka awoodaha dawladnimo ama kala saarista awoodahaasi ma in ay dalka hogaaminayaan siyaasiyiin aan isku jiho u soconbaa? Mise macnaha dhabta ihi waxa weeye in marka la joogo dhanka Dastuurka ay qolo waliba leedahay awoodo aanay ku soo xad gudbikarin qolada kale? Waa kan Montesquieu oo ku qeexaya buugiisa Separation of powers, wuxuu leeyahay sidatan; Kala saarista awoodaha, waxaa loola jeedaa kala qaybinta mas’uuliyadaha ee laamaha kala duwan si loo yareeyo in laan kamida ay ku takrifasho awoodaha ama shaqooyinka muhiimka ah ee takale. “Separation of powers, therefore, refers to the division of responsibilities into distinct branches to limit any one branch from exercising the core functions of another. Sidaa awgeed, doorashada gudoomiye ku mabda’ dhaw xukuumadda talada haysa, macanaheeda maahan in lakala dhantaalay awoodihii isu dhignaa, dalkana loo gacan geliyey koox aan wax mucaarad ahi ka soo dhex fujaameyn. W/Q: Rufaaci Xaaji Khaliif Contact: rufaaci14@gmail.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ay baahiyeen Wargeysyada dalka Iran ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada Iran ay ka dharagsan tahay qorshahay uu Mareykanku doonaayo inuu isaga horgeyo Sacuudiga iyo Iran. Ayatollah Ali Khamenei, oo ah Hoggaamiyaha Ruuxiga ee dalka Iran oo ay xiganayaan wargeysyada ayaa sheegay in Maraykanka uu wado duulan kadhan ah Iran. Waxa uu tilmaamay Khamenei in qorshaha cad ee Mareykanka uu yahay in Iran uu u adeegsado xulafada uu gobalka ku leeyahay, waxa uuna si toosa u carabaabay Sacuudiga. Waxa uu yiri Khamenei “Maraykanka wuxuu wadaa inuu mar kale xiisad ka abuuro Bariga Dhexe, isagoo adeegsanaya hogaamiyayaasha aan khibrada lahayn” Khamenei, waxa uu intaa raaciyay ‘’Iran awood ahaan Mareykanka iyo Sacuudiga wey isaga filantahay, cidna ugama xishoon doono difaaceena’’ Waxa uu intaa ku daray ‘’Hadii ay hogaamiyayaashaasi ay khibradooda kororsan lahaayeen iskuma dayeen inay faraha lasoo galaan ama dagaal kusoo qaadaan Iran, sababtoo ah way ogaan lahaayeen in Iran ay ka guuleysan doonto’’ Waxa uu Khamenei tilmaamay in Iran aysan joojin doonin taageerada ay u fidiyaan xulafadooda ku sugan dalalka Carabta, waxa uuna carab ***** joojinta kaalmooyinka Iran oo burburta. ‘’Waxaan leeyahay adeegsada Sacuudiga ama dalal kale marnaba joojin meyno kordhinta awooda Hubkeena iyo kaalmeynta dalalka carabta’’ Sidoo kale, Khamenei ayaa sheegay in haddalka Maraykanka uu sii xoojinaayo xiisada kala dhexeysa, waxa uuna ka digay in dowladaha carabta ay ku kadsoomaan dabinada uu maleegayo Mareykanka. Dhinaca kale, goodinta Khamenei iyo Mareykanka ayaa imaaneysa xili 12ka bishan May la filayo in Maraykanka uu shaaciyey go’aankooda ku aadan heshiiskii Barnaamijka nukliyeerka oo uu Donald Trump sheegay inuu isaga bixi doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaji Axmed Mursal, waxa uu Xarunta Villa Somalia ka shaqeynaayay muddo 64sano, waxa uuna ku takhasusay arrimaha beeraha oo uu qaabilsanaa. Xaaji Axmed Mursal, oo ka sheekeynaaya waxa uu kusoo arkay Villa Somalia xiligii hore ayaa sheegay inuu goobjoog ka ahaa siibista calanka Talyaaniga iyo suritaanka calanka baluuga ah ee Somalia. ‘’ 1960-kii aniga inta ayaan joogay habbeenkii markii la gaaray 6saac ayaa labada calan la kala bedelay calankii Somalia ayaa kor loo qaaday kan Talyaanigana hoos ayaa loo dhigay” Waxa uu Xaaji Axmed Mursal tilmaamay inuu goobjoog ahaa xiligii la taagaayay calanka Somalia, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in Somalia ay saldhig u ahaan jirtay gumeystaha Talyaaniga. Xaaji Axmed Mursal, waxa uu muuqaalkaan cusub ku sheegay in waligii uu ahaa Madaxa beeraha Villa Somalia, wuxuuna carab ***** in dhammaan geedaha waaweyn ee ku yaalla Madaxtooyada uu gacantiisa ku abuuray. ‘’Haddii aan sheego geedaha aan abuuray 20,000 wey ka badan yihiin 1954 geed ma jirin wixii geed oo weyn ah aniga ayaa ku beeray’’.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadooda ay kusii nagaan doonaan gudaha Somalia, inta ay kasoo kabanayaan ciidamada dowlada Somalia. Taliska ayaa sheegay in ciidamada Soomaalida ay weli u baahan yihiin tayeyn, sidaa aawgeed ka bixitaankooda Somalia uu yahay mid imaankarta tayeynta kadib. Jeneraal Richard Nyabuti Omwega, oo ah Afhayeenka howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay weli ku taagan yihiin mowqifkooda, sidaa aawgeed ay bixi doonaan gudashada waajibkooda kadib. Jeneraal Richard Nyabuti Omwega, oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qorsha AMISOM ay dalka uga baxayaan 2021 ay tahay mid xiligaan ku xiran Amniga dhulka Somalia oo ay ka howlgalayaan. Waxa uu Jeneraal Richard Nyabuti Omwega intaa ku daray in wareejinta amniga Somalia ay ku xirantahay xaaladda amniga ee dhulka Soomaaliya, AMISOM-na ay baxeyso kaliya marka amaanka Soomaaliya la soo celiyo ciidanka Soomaalidana ay ku filnaadaan amaanka dalkooda. Waxaa uu sheegay in Waddamada taageera AMISOM sida Midowga Yurub ay dedejinayaan bixitaanka AMISOM laakiin Saraakiisha amniga Soomaaliya weydiinayaan xilliga ay amniga dalkooda la wareegayaan. Sidoo kale, Jeneraal Richard Nyabuti Omwega waxa uu sheegay in Al-shabaab laga adkaaday balse ay waliyihiin kuwo qatartooda wata islamarkaana adeegsanaya waxyaabaha qarxa,taasna ay tahay caqabadda ugu weyn ee ilaa hadda heysata AMISOM. Dhinaca kale waxaa uu sheegay in howlgalka AMISOM ay taageeraan Qaramada Midoobey,Midowga Yurub,Midowga Afrika iyo Waddamo uu sheegay in ay ka tirsanyihiin Khaliijka Carabta oo uusan magacooda sheegin. Jeneraal Richard Nyabuti Omwega, ayaa waddamada ku lugta leh Ciidan ahaan howlgalka AMISOM sheegay in ay ka midyihiin; Uganda, Kenya, Ethiopia, Burundi, Djibouti,Ghana, Egypt, Nigeria, Zimbabwe iyo Sierra Leon. Haddalka Jeneraal Richard Nyabuti Omwega, ayaa kusoo beegmaaya xili ay dowlada Somalia sheegtay inay isku diyaarineyso la wareegida amniga guud ee dalka, xili wali qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ku sugan yihiin al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
A daring suggestion on Tuesday by trade unionist Francis Atwoli to extend President Uhuru Kenyatta’s role after the end of his fixed 10-year term “because he is young” was met with indignation by a section of Kenyans, who termed it “warped” and the brainchild of “hardliners” within and around State House. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online)- Maamul Goboleedka Puntland ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciay in dowladda Imaaraadka Carabta uu dadka Soomaaliyeed u fududeeyay arrimaha socdaalka, dal-ku-galka iyo deganaanshaha Imaaraadka Carabta. Qoraalka kasoo baxay Puntland ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii uu madaxweynaha maamulkaasi C/weli Gaas uu kasoo laabtay safar uu Imaaraadka todobaad ugu maqnaa. Waxaana war-murtiyeedka ka soo baxay Madaxtoyada Puntland lagu sheegay in arrintaan ay sii xoojinayso xiriirka shacabka Soomaaliyeed iyo Imaaraadka Carabta, islamarkaana kor u qaadeyso ganacsiga iyo walaalnimada ka dhexaysa labada dal, sida lagu yiri qoraalka. Dowladda Imaaraadka ayaa madaxda maamul goboleedyada kala hadlaayo masiirka iyo arrimaha Somalia xili dowladdii dhexe ay go’aan cad ka qaadatay siyaasadda Imaaraadka, iyadoo dowladduna aysan qaadeyn tallaabadii looga baahnaa. Dhawaan ayuu maamulka Somaliland sheegtay in Imaaraadku ogolaaday in Paasaboorka Somaliland lagu tagi karo Imaaraadka iyadoo loo saarayo Viso.
-
LIBREVILLE - Gabon's constitutional court on Monday dissolved the national parliament and called on the government to step down, criticising its failure to organise legislative elections as required. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Puntland ayaa sheegtay, in dalka Imaaraadka Carabta uu bulshada Soomaaliyeed u fududeeyay arrimaha socdaalka,dal-ku-galka iyo degga’naanshaha waddankaas,sida ku cad qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland. War-murtiyeedka ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay,in arrintaan ay sii xoojinayso xiriirka umadda Soomaaliyeed iyo waddanka Imaaraadka Carabta,islamarkaana kor u qaadayso ganacsiga iyo walaalnimada ka dhexaysa labada dal. Dowladda Puntland ayaa ugu dambeyntii si weyn ugu mahad-celisay waddanka Imaaraadka Carabta oo ay ku ammaantay tallaabadan cusub ee uu qaaday. Halkaan ka akhriso War-murtiyeedka. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo sheegtay in Imaaraadku Soomaalida u fududeeyay dal-ku-galka iyo degga’naansha. appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga Qaran ee gurmadka Fatahaadaha oo dhawaan uu magacaabay Ra’iisul wasararaha xukuumada federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Cali Kheyre, ayaa Maanta yeeshay Kulankii ugu horeeyay oo uu shir gudoominayay Kusimaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, Mahdi Maxamed Guuleed (khaddar). Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ah gudoomiyaha guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa waxa uu kulanka kadib saxaafadda kula hadlay Hoteelka SYL oo kulanku uu ka dhacay, waxa uuna sheegay in guddigu sameestay afar guddi hoosaad oo kala ah Guddi Hoosaadka Wacy-gelinta Bulshada iyo Deeq raadinta, Guddi Hoosaadka Maareynta Deeqaha iyo Xog-uruurinta, Guddi Hoosaadka Maaliyadda iyo Dabagalka iyo Guddi Hoosaadka Saadka, isaga oo dhanka kale baaq u diray dhamaan qeybaha ay ka koobantahay Bulshada Soomaaliyeed. “Akoonno ayaan sameynay lagu soo ridayo wixii deeqa ah oo la bixinayo. Waxa aan qeyla dhaan u direynaa Shacab weynaha Soomaaliyeed guda iyo dibadba, hadii ay dhaqaalo bixinyaan, hadii ay raashin bixinayaan iyo hadii ay dhar bixinayaanba. Dowladdu si xoog leh ayey uga qeyb qaadan doontaa gurmadka. Qof waliba wixii uu bixin karo ayuu bixinayaa. Shaqaalaha dowladda, golaha wasiirada golaha shacabka, bulsha weynta Soomaaliyeed, ganacsatada iyo Qurbajoojta waa in aan si wada jir ah aan uga qeyb qaadanaa Gurmadka si aan u badbaadinno walaalaheen.”, ayuu yiri kusimaha Ra’iisul wasaaraha. Gudoomiyaya guddiga wacyi gelinta Bulshada iyo Raadinta deeqaha, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa waxa uu ku baaqay in cid kasta oo wax heysata ay gurmadka si hagar la’aan ah uga qeyb qaatato si walaalaha dhibaateysan loo samata bixiyo. “Waxaa la joogaa xilligii la isu gurman lahaa. Dhib weyn oo dad badan saameysay oo geeri keenay ayaa dhacay. Waxa aan ugu baaqayaa shcab weynaha Soomaaliyeed in ay usoo gurmadaan walaalahooda fatahaadu heshay oo maanta banaanka dhooban oo hoy la’aanta ah, cunnna la’aanta iyo biya la’aanta ah, oo xitaa uu caafimaadkoodu Qatar ku jiro”, ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad. Guddiga qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa waxa ay soo bandhigeen Akoonno ay ka sameeyeen Bankiyada iyo Number EVC kuwaas oo Deeq-bixiyayaashu ay ku shubi doonaan lacagaha ay Sadaqeysanayaan si walaalahood loogu badbaadiyo. The post Kulankii Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha oo Baaq Caawimaad deg deg ah laga soo saaray appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in laga deyrinaayo xaalada Boqor Cismaan Aw Maxamuud ‘’Buurmadoow’’ oo ku dhex xanuunsan xabsiga. Buurmadoow oo weli ku jira Xabsiga Hargeysa oo ay dhawaan ku xukuntay Maxkamada ayaa la xaqiijiyay inuu la il daran yahay xanuunada nooca loo yaqaan ‘’dhiig karka’’ iyo Sokor. Wararku waxa ay sheegayaan in Buurmadoow loola cararay isbitaal, hase ahaatee dib loogu celshay Xabsiga kadib markii maamulka Xabsiga la faray in lagu dhex daweeyo Xabsiga. Maamulka Xabsiga ayaa diiday in Boqor Buurmadoow la dhigo Isbitaal inta uu ka caafimaadayo, waxaana soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in arrinta Buurmadoow ay mareyso meelxun. Maxkamada Hargeysa ayaa Khamiistii la soo dhaafay boqor Buurmadoow ku xukuntay 5sano oo Xabsi ah, iyada oo lagu eedeeyey in uu ku dhaqaaqay fal lidi ku ah Jiritaanka maamulka Somaliland. Ma jirto cid ka tirsan maamulka Somaliland oo ilaa iyo hadda ka hadlay xaalada caafimaad ee boqor Buurmadoow oo weli ku dhex xanuunsanaaya Xabsiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyaad ka tirsan xagjiriinta Al-Shabaab ayaa galinkii danbe ee maanta ku toogtay magaalada Muqdisho Gabar la sheegay inay la shaqeyn jirtay Hay’ad hoostagta QM. Dilka gabadhaani ayaa ka dhacay Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, waxaana la xaqiijiyay inay dileen ilaa Seddex dhalinyaro oo ka tirsan xagjiriinta. Gabadha la dilay oo ushaqeyneysay Hay’ada Caafimaadka Aduunka Qaramada Midoobey WHO, ayaa lagu Magacaabi jiray Maryan C/llaahi Maxamuud, waxa uuna Xafiiska Shaqadeeda ahaa Xafiiska WHO ee Koofur Galbeed Somaliya. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegeen in Dabley hubeysan ay Gabadhan ku dileen Boosteejada laga raaco Gaadiidka Baydhabo ee Suuqa Bakaaraha, kadibna waxaa halkaasi ka baxsaday raggii dilka geystay. Dilka kadib waxaa Meydka Marxuumada meesha ka qaaday laamaha amniga, waxaana la geeyay Xarunta dambi baarista ee C.I.D, halkaas oo lagula sameeyay baaris. Si kastaba ha ahaatee, dilka marxuumada Maryan C/llaahi Maxamuud, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo maalmahaani ay magaalada Muqdisho kusoo kordhayeen dilalka qorsheysan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
NAIROBI (Reuters) - A battle for access to seaports is underway in one of the world’s unlikeliest places: Somalia, now caught up in a regional struggle between Saudi Arabia and the United Arab Emirates on one side, with Qatar backed by Turkey on the other. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - A delegation led by Prime Minister Hassan Ali Khaire has travelled to Brussels on Tuesday to take part in a high-level security forum with donors and international partners. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (PP) ─ Ciidamadii ay Tababartay Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in lagu wareejinayo Dowladda Mareykanka oo bixin doonta Qarashaadka iyo daryeelida ciidamadaas. Warbixino dhinacyo kala duwan ka soo baxaya ayaa sheegaya in Qorshaha ciidamadan loogu wareejinayo Maraykanka uu marayo meel wanaagsan, iyadoo lagu dari doono ciidamada uu Mareykanku tababaray ee saldhigoodu yahay Balli-doogle. Saraakiil ka tirsan ciidamadan ayaa laga soo xigtay in dhawr mar ay la kulmeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya, iyadoo laga wada hadlay hanaanka ugu wanaagsan ee ciidankaan loogu wareejin karo Mareykanka. Maanta ayaa lagu wadaa inuu dhaco klan arrintan looga hadlayo Xerada Jen. Gordan ee Muqdisho, ayaa waxaa isku soo hor-fariisan doona saraakiisha sare ee ciidamada Imaaraadka ay tababareen oo hadda loo bixiyay guutada Daljir, saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Dalka Mareykanka ee wada qorshaha la wareegista ciidamadaan. Sidoo kale, Dowladda Somalia ayaa la sheegay inay soo jeedisay in loo helo dowlad bixisa mushaarka ciidamadan, maadaama Somalia hadda aysan ku filayn bixinta mushaaraadka ciidamada kala duwan maadaama inta badan mushaarka ciidanka waxaa bixiya dowlado shisheeye. Ugu dambeyn, Dowlada Maraykanka ayaa gacanta ku haysa ciidammada ku jira saldhigga Balli-Doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, balse dhawaan ayaa saxaafadda caalamka waxay qoreen in hub laga xaday xarunta Jen. Gordon lagu iibinayo suuqyada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Ciidankii uu Tababaray Imaaraadka Carabta oo lagu wareejinayo Mareykanka si ay u sii… appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa si rasmi ah u furay qolka shirarka ee Aqalka Sare, kaasi oo qeyb ka ah mashruuc ballaaran oo lagu fududeynayo xiriirka hay’adaha dawladeed. Mashruucan oo uu maal-geliyay Bankiga Adduunka waxaa lagu dhisay 37 qolal shirar oo si casri ah loo qalabeeyay, kuwaasoo min 5 laga dhisay Somaliland, Puntland, GalMudug, HirShabelle, SouthWest and Jubbaland, halka inta soo hartay laga dhisay caasimadda. Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa uga mahad celiyay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta inay Aqalka Sare u xusheen daahfurka mashruucan. Guddoomiyuhu wuxuu intaasi ku daray in qolalkan ay Aqalka Sare ka caawin doonaan sidii uu xiriir joogto ah ula yeelan lahaa goleyaasha dawlad-goboleedyada. Isagoo ka hadlayay munaasabadda lagu daah-furayay mashruucan ayaa Wasiir Cabdi Cashuur Xasan wuxuu uga mahad celiyay Bankiga Adduunka inuu maal-geliyay mashruucan oo lagu dhisayo awoodda hay’adaha dawladeed. Wuxuu sheegay in mashruucan oo soo socday sanadihii u dambeeyay la dardar-geliyay bilihii la soo dhaafay si hay’adaha dawladeed ay uga faa’iideystaan farsamada casriga ah. “Qolalka shirarka waxay leeyihiin faa’iidooyin badan. Waxay sare u qaadi doonaan xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha dawladeed; waxay sugayaan amniga madaxda, waxay noo baajinayaan kharashaadka safarrada, waxayna badbaadinayaan deegaanka maadaama safarkii yaraanayo,” ayuu yiri wasiirka. Ugu dambeyn, wasiirka ayaa yiri. “Waxaan rajeynaynaa in si wanaagsan looga faa’iideysan doono, ayna caawin doonaan dhismaha hay’adaha dawladeed.” PUNTLAND POST The post Mashruuca Hoolalka Shirarka Hay’adaha Dawladda Somalia oo Maanta la Daah-furay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Baraha Bulshada ee Soomaalida qabsaday sawiro muujinayo xiddigaha 17 jirada Soomaaliya oo la saaray Bajaaj taasoo noqotay mid lala yaabay maadaama la filayey in loo sameeyo soo dhaweynta intaas ka weyn. Haddii ay midaas la yaab kula noqotay, waxaa jiro arrin ka weyn oo Xiddigaha 17 jirada Soomaalida lagu sameeyey markii ay dalka ka baxayeen. Sida uu Caasimadda Online u xaqiijiyey mid kamid ah Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed waxaa dhacday in markii ay xiddigaha ka baxayeen Muqdisho loo diiday in la siiyo Baasaboorka muujinayo inay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed. ” waxaan idiin xaqiijinayaa in xiddigaha markii ay baxayeen loo diiday in la siiyo baasaboor, mana garanayo sababta keentay, dhawr jeer ayaan isku daynay balse Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa diiday inay nasiiso Baasabooro si ay xiddigahaan u matalaan dalka” ayuu yiri xubin ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta oo diiday in magaciisa loo adeegsado warbixintaan. Xubintaan ayaa sidoo kale Caasimadda u sheegay in markii ay soo dhawaatay bixintaan ay go’aansadeen inay u sameeyeen waraaqo midaas oo xiddigahaan ku keentay dhibaato xoog leh markii dalka Kenya lagu xayiray. Ku dhawaad 2 saacadood ayaa lagu xayiray garoonka Diyaaraha ee Nairobi kadib markii la waydiiyey Baasabooro, waxayna saraakiisha garoonka sheegeen inaysan macquul aheyn inay aqbalaan Baasaboor la’aan weliba tiro intaan la eg. ” Xiddigaha iyadoo baasaboor wadan ayey ka dageyn dalka Kenya oo ay Transet ku ahaayeen, 2 saacadood ayaa la xayiray weliba si xun loola dhaqmay” ayuu yiri. Dadaal dheer kadib oo ay sameeyeen Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn lagu fasaxay xiddigaha soo matalay Soomaaliya ee loo diiday inay qaataan baasaboorka Soomaaliyeed. Xubintaan la hadlay Caasimadda Online ayaa Dowladda Soomaaliya ka codsaday inay tallaabo ka qaado Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha isla markaasna wax laga waydiiyo sababta ay muwaadiniintaan Soomaaliyeed weliba matalayey dalka iyo Umadda Soomaaliyeed looga diiday qaadashada Baasaboorka. ” Waxaan madaxda ugu sareyso dalka ka codsanayaa inay arrintaan kula xisaabtamaan Madaxda hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha sababtoo ah waa wax laga xumaado oo aan la qaadan karin isla markaasna dhaawacay qaranimada Soomaaliya” ayuu sii raaciyey. Xubintaan ayaa sidoo kale Caasimadda Online uga sheekeyey tallaabo lala yaabay oo ay qaaday Dowladda Kenya taasoo xiddigo da’dooda weyneyd u badashay baasaboorada si ay uga qeyb qaataan tartankii soo dhamaaday. ” Waxaa dhacday intuusan tartanka bilaaban in xiddighii ka socday dalka Kenya qaarkood oo da’dooda weyneyd loo badalay Baasaboorka, ma aamin kartiin in 2 saacadood gudahood baasabooro cusub loogu sameeyey si ay tartankaas qeyb uga noqdaan, arrintaasna waxay caddeyn u tahay sida ay dowladaha kale uga taxadaraan xiddigahooda, balse Madaxda hey’adda socdaalka ee Soomaaliyeed dareemkaas waa ka weynay ” ayuu yiri. Arrintaan ayaa ceeb ku noqon doonto dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha taasoo looga baahnaa inay xiddigahaan u fududeyso baasaboorada si ay u matalaan ummadda Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha shacabka ee baarlamaanka 10aad waxaa uu isniintii guddoomiye u doortay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, arrintan oo soo af-jareysa khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeyay golaha iyo xukuumadda kaas oo soo bilowday bilowgii kalfadhigan 3aad. Guddoomiyaha la doortay Maxamed Mursal waxaa laga sugayaa shaqo adag oo ay ugu horreyso inuu isu soo dhoweeyo xildhibaannada golaha shacabka oo ku kala tagay mooshinkii Jawaari, inuu hubiyo madaxbannaanida hey’adda sharci-dejinta iyo inuu ka shaqeysiiyo aqalkan oo muddo sanad ka badan ansixiyay oo keliya 3 sharci. Inta aanan ka hadlin waxa la soo qabtay iyo qodobbada muhiimka ah ee laga sugayo guddoomiyaha la doortay iyo aqalkiisa, bal aan ku hormarno qorshaha hortabinta u ahaa baarlamaanka 10 aad ee Soomaaliya, taas oo la doonayey in ay wax ka qabtaan: Amniga iyo sidii dalka looga dhalin lahaa nabad, istaraatiijiyo cad oo si wadajir ah loo ansixiyay oo leh nidaam siyaasadeed qeexaya qorshe habeysan oo lagu fulin karo istiraatiijiyad amni iyo nabadeynta dalka. Heeshiisiinta bulshada, horumarinta sarreynta sharciga, iyo hagaajinta xukunka iyo maamul dowladeedka. Qorshe cad oo baarlmaanku oo hormuud ka hayay oo ku saabsan dib u soo celinta qaxootiga ku tabaaleysan dibadda iyo xeryaha qaxooti ee dowladaha dariska ah. Wada xaajoodka Somaliland oo u baahan in baarlamaanku ay ka qeyb noqdaan guddiyada wadahadalka Somaliland oo u baahan in si dhab ah loo abaaro. In dowlad goboleedyada dalka shruuc loo sameeyo lana waafajiyo dastuurka dalka. Dhaqaalaha oo la doonayo inuu baarlamaanku kaalin ka ciyaaro shuruucda la dagaallanka musuqmaasuqa iyo la xisaabtanka hay’adaha maaliyadda iyo ansixinta miisaaniyad maangal ah oo dalku ku dhaqaaqi karo, iyo soo saarsinta shuruuc lagu dhiirigelinayo maalgashiga dibadda iyo ganacsata yaryar. Inuu baarlamaanku dhiirigeliyo siyaasadaha lagu xoojinayo adeegyada bulshada, laanta garsoorka oo loo dhameystiro shucuuda dalku u baahan yahay. Dhameystirka dastuurka oo ah tan ugu weyn, laguna caddeeyo qeybsiga kheyraadka dalka, nidaamka bixinta canshuurta qeybta dowaldda iyo tan maamul goboleedyada dalka Sanad kadib, Qodobbadas hortabinta ah ee aan soo tirinnay inta badan lama taaban, mana muuqato qaab hadda kadib wax looga qaban karo! Sida uu u bilowday baarlamaanka 10aad oo hadda jira wax ka badan sanad, golaha shacabka waxaa ay ansixiyeen 16 qaraar iyo 3 sharci, waxaan weli laga sugayaa sharciyada xakameynta hubka, ladagaalanka argigixisada, Istaatiitikada Soomaaliyeed, Maamulka Maaliyadda, Sharciga Petroolka, golaha mihnadlayaasha caafimaadka, sharciga saxaafadda, waxbarashada Soomaaliyeed. Kalfadhigan 3aad oo soconaya 10-ka March-10 July 2018, shaqada laga sugayo golahu waa ka badan yahay sharciyo, waxaa ka mid ah arrinta dastuurka oo la doonayey in wax laga qabto qeybsiga Kheyraadka, qoondeynta awoodaha dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ah iyo mabaa’dida lagu maareynayo maaliyadaha, doorashooyinka oo muhiim tahay in la ogaado nooca doorasho oo lagu ogaanayo gole deegaan, baarlamaanka iyo madaxweynaha qaranka haddii la isku raaco, waxaa kale oo dhimman Jinsiyadda oo aan looga maarmin diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha Shaqada looga fadhiyo golaha shacabka waxaa kale oo ka mid ah, hirgelinta axsaabta siyaasiga ah oo lagu saleyn-doono doorashada qof iyo cod, garsoonrka, federaaleynta dalka…kuwan iyo qaar kale, waa sharciyadii u sal-dhigi lahaa dowladnimada iyo dimoqoraadiyadda. Arrimaha in wax laga qabto u baadan waxaa ka mid ah Maqaamka Muqdisho oo go’aan laga gaaro sidii ay noqon laheyd: In laga dhigo deegaan federaal ah, in ay noqoto Dowlad-goboleed iyo in loo doorto Magaallo-madax ku dhex taalla dowlad-goboleed. Labada aqal, waxaa ay galeen sanadkii 2aad, waqtiga socdo waxaa ka daran rajada umadda ee ku aadan in baarlamaanka 10aad uu ka shaqo fiicnaado kii 9aad, waayo baarlamaankii hore is-jiid-jiid hareeyay awgeed, waa tii la isku raacay doorasho dadban halkii doorashada noqon laheyd qof iyo cod. Xigasho: Radio Goobjoog Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Laga soo bilaabo dowaldii Carta ee la soo dhisay sadnkii 2000 waxaa mar walba jiray khilaaf u dhaxeeya Baarlamaanka, Xukuumadda iyo Madaxweynaha, kuwaas sababi jiray in ay fadhiid noqdaan hay’adaha dowladda, waxaana laga dhaxli jiray khilaaf iyo kala qoqob soo kala dhex gala xildhibaanada iyo siyaasiyiinta markaa xilka haya, taas oo aakhirka sabab u noqon jirtay in Ra’iisul Wasaare la cayriyo, gudoomiye baarlamaan la isugu tago, madaxweyne culays siyaasadeed isku casilo. Dhaqanka soo jireenka ah oo ragaadiyey habsami u socodka nidaamyadii curdanka ahaa ee dalka soo maray waxaa sabab u ahaa nidaamka 4.5, ka shaqaynta dano dalal shisheeye, mucaaradida cida talada haysa, ku takri fal awoodeed, kursi jeceyl, dano dhaqaale, is fahamwaa ku salaysan jihada siyaasada ee dalku ku socdo iyo dastuurka dalka oo qoloba dhanka danteedu ku jirto u fasirato. Dhamaan arimhaan oo is biirsaday waxay dib u dhac u keeneen nidaamka dowliga ah ee markaas jira, Dowladii Cabdullahi Yusuf AUN waxaa hareeyey khilaaf siyasaadeed wax yar ka dib doorashadii, iyadoona dalka soo caga dhigan ayaa waxaa is maan dhaafay gudoonkii baarlamaanka Shariif Xasan iyo Madaxweyne Cabdullahi, taas oo sababtay in gacan ka hadal ka dhex bilowda xildhibaanada iyo kala qaybsanaan sababtay in loo kala guuro magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, waxaa arinkaas ka dhashay in kooxdii aaday Muqdisho oo ay horboodayeen qab qablayaashii dagaalka ay ku ururaan hoteelada muqdisho halka kooxdii tagtay Jowhar ay heleen amni fiican lakiin ay soo wajahday dhaqaalo xumo baahsan. Cabduulahi Yusuf iyo Shariif Xasan oo labaduba culaysyo balaaran ay ka soo wajaheen Jowhar iyo Muqdisho ayaa dan u arkay inay wada hadlaan waxaana ugu danbayntii lagu heshiisiyey dalka Yeman, labadii garab ee dowladdana waxaa la isugu geeyey magaalada Baydhabo si dib loogu mideeyo, waxaan markaas kadib xildhibaanada dib u bilaabeen kulamadoodii caadiga ahaa, balse khilaafkii intaas kuma ekaan ee mudo yar ka dib waxaa moshin laga keenay Ra’iisul Wasaare Geedi, waxaa isna Badhabo ka cararay Gudoomiye Shariif oo ku biiray midowgii maxkamadaha. Khilaaf marba waji yeelanayey oo soo wajahay dowladii Cabdullahi Yuusuf ayaa ugu danabyntii sabab u noqday inuu xilka iska Casilo Madaxweyne Cabdullahi. Dowladi Sheikh Shariif ee la soo dhisay 2009 horaanteedii waxay sii waday dhaxalkii ay ka heshay dowladii Cabdullahi Yusuf waxaan mudo ka dib lugaha la gashay is qab qabsi siyaasadeed oo saameeyey xubno badan oo golaha Wasiirada ka tirsan, waxaana ku sii xigay inuu isna meesha ka baxo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid. Waxaan isna ku waarin xilkuu hayey Gudoomiyihii Baarlamanka ee xiligaas jiray Sheikh Adan Madoobe, waxaana kurisgiisa si fudud ugu soo booday Shariif Xassan oo ahaa xilgaas kooxdii geed fadhiga dowladii Sheikh Shariif. Khilafkii sii socday waxaa laga dhaxlay in Madaxweynaha hada xilka haya Farmaajo loo magacaabo Ra’iisul Wasaare, balse shaqo fiican oo lagu diirsaday markuu qabtay waxaa mudo yar gudaheed loo soo jeedshay inuu is casaliso shirkii Kampala ka dhacay ka dib. Mudadii yarayd ee u dhimanayd Dowladii Sheikh Shariif Madaxweynaha ka ahaa waxaa dalka loo sameeyey khariirad lagu socdo (Road Map) waxaana fadhiid laga dhigay xildhibanadii u soo taagnaa Moshinka, taas oo sababtay in mudo yar gudaheed lagu qabto shaqo fiican oo u horseeday dalka in laga saaro nidaamkii KMG ahaa, loona sameeyo Dastuur qabyo ah. Shaki kuma jiro in Xukuumadii Cabdiwali Gaas ay ku bad-baaday Road Map, maxaa yeelay awoodii oo dhan waxaa lagala wareegay Baarlamaanka oo xiligaas ahaa 550 xildhibaan. Dowladii ku xigtay ee Madaxweyne Xassan Sheikh kuma cibra qaadan siyaasadii soo wiiqday dowladihii ka horeeyey, balse mudo yar ka dib wuxuu cagta saaray mowjadihii moshinka, wuxuuna isku badalay sadex Ra’iisul Wasaare, waxaase dad badan oo siyaasada u dhuun daloolo aaminsanayeen in hadii Xasan Sheikh shaqadiisa faraha uga qaadi lahaa Ra’iisul Wasaare Saacid Shirdoon in wax badan dalka ka qabsoomi lahaa. Culaysyadii ka dhashay moshinada ayaa Xasan Sheikh wuxuu go’aansaday in mudada u dhimanayd in Barlamaanka la curyaamiyo lana sameeyo madal ay ku midaysan yihiin maamulada gobolada, waxaana fududaatay is jiid jiid badan ka dib in doorasho dib uga dhacday xiligeeda la qabto. Madaxeyne Maxamed A. Farmaajo oo ka fa’iidaysanayaa khaladadkii siyasadeed ee dalka ka soo dhacay ayaa go’aansaday inuu keensadao Ra’iisul Wasaare ay wada shaqayn karaan islana dhamaystaan mudada xil haynta. Balse dhaqankii lagu yaqaanay xildhibaanada Baralamaanka ayaa bilowday oo ahaa moshin laga keeno Madaxweyne iyo mid loogu hanjabo Ra’iisul Wasaaraha. Waxaana soo if baxay khilaaf kala dhantaali kara howlaha qaran ee dowladda horyaala, si taas looga hortago ayaa waxaa la saaray culays siyaasadee gudoonkii baarlamaanka kadib markii moshin laga keenay, wuxuuna ku biyo shubtay inuu xilka iska casilo. Gudoomiyaha Cusub ee Barlamaanka Maxamed Mursal ayaa waxaa lagu xaglinayaa inuu taageero fiican ka haystay xukuumadda, waxaana arinkaan dhabaha u xaaraysaa in maanta dalku yeeshay Xukuumada, Madaxweyne, Gudoon Baarlamaan iyo Hay’ado Garsoor oo wad shaqaynaya isku aragtina ka ah jihada siyaasadeed ee dalkaan loo kaxaynayo. Dadka qaar ayaa dhaliilsan in koox is fahamsan oo talada gacanta ku haysa ay halis badan ka imaan karto. Balse anigu waxaa qabaa fikir ka duwan oo ah in koox is fahamsan kaliya dalkaan u horseedi karto horumar, sababtoo ah ma nihin wadan qaan-gaar ka ah dhanka siyaasadda, marba hadii kuraastii dalka ugu sareeyeysay iyo kuwa ugu hooseeya lagu qaybinayo 4.5. Marka aad fiiriso sida caalamku u shaqeeyo waxaa jira xisbiyo siyaasadeed oo marka doorasho la galo mid adkadaa ama la wada dhistaa dowlad wadaag ah, taas macnaheedu waxay tahay in la helo koox isku meel dalka u wada. Tusaale ahaan wadamada aan dariska nahay ee Ethiopia, Kenya, iyo Jabouti intaba waxaa talada haya hal xisibi, kaas oo aqlabiyad weyn kuleh baarlamaanka, wuxuuna u horseeday horumar dhaqaale iyo mid siyaasadeed. Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka waxaan ka rajaynayaa inuu dadajiyo shuruucda muhiimka u ah sal-dhigashada hanaanka dowladnimo oo ay ka mid yihiin 15 sharci oo ay dowladdan soo gudbisay mudadii sanadka ahayd iyo qaar kale oo sanado badan horyaala baarlamaanka, isla markaan uu meesha ka saaro moshinadaan wax dumiska ah ee soo ragaadiyey dowladihii hore. By Diraac Fagaase
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo uu soo gabagabowday ololihii doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, xilkaasoo uu ku soo baxay musharixii xukuumadda Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan sababihii uu ku guuldarreystay musharixii ay taageerayaan kooxda mucaaradka. Inkastoo Xildhbaan Ibraahim Isaaq Yarow uu ka mid ahaa Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaannadii hormuudka u ahaa mooshinka guddoomiyihii hore Prof. Jawaari ayaa markii danbe wuxuu noqday musharax ay wada taageereen xubnihii mucaaradka ku ahaa dowladda sida maamul Goboleedyada iyo kooxda Qabyo. Haddaba waxaa halkan ku eegeynaa afar arrimood oo keenay inuu guuldarreysto Musharax Ibraahim Yarow:- 1- SHAQSIYADDA MUSHARAXA Arrinta ugu weyn ee saameynta ku yeelatay musharaxa ayaa ahayd iyadoo Ibraahim Yarow lagu tilmaamo nin aan deganeyn oo hab dhaqankiisu yahay mucaadad dood badan oo xildhibaanno badan shaki ka muujiyeen inuusan hoggaamin karin Baarlamaanka Federaalka. 2- OLOLAHA XUKUUMADDA & MADAXTOOYADA Arrinta labaad ee keentay nuu fashilmo Musharaxa ayaa ahayd isagoo wajahay olole xoog leh oo ay ku jireen xukuumadda iyo Madaxtooyada oo watay wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Maxamed Mursal, isla markaana musharixiintii kale la siiyay balanqaadyo u badan xilal kala duwan. 3- MUCAARAD AAN WADA SOCON Taageeraasha Musharaxa ayaa u badnaa kooxo aan iska war qabin, isla markaana wada socon oo kaliya heshiis ku ahaa inuusan xilka guddoomiyaha qaban musharaxa ay wataan madaxtooyada iyo xukuumadda. Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada K/Galbeed, Puntland iyo Jubbaland ayaan taageero badan ku lahayn Baarlamaanka iyadoo Shariif Xasan iyo kooxda Qabyo oo kaliya ay ka go’neyd taageerada musharax Ibraahim Yarow. 4- KHUDBADII SHARIIF CABDALLA Khudbadii tanaasulka Musharax Shariif Maxamed Cabdalla waxay ahayd mid si weyn u taabatay musharaxa mucaaradka, isagoo xildhibannada ugu baaqay inay ka fiirsadaan qofka ay codka siinayaan, maadaama uu noqonayo Ku-simaha Madaxweynaha, loona baahan yahay inay taxadaraan. Arrintan ayaa loo qaatay inuu si toos ah uga digayo doorashada Ibraahim Yarow. GABAGABO Inkastoo arrimahaas oo dhan ay jireen, sababna u noqdeen inuu doorashada ku soo baxo musharax Maxamed Mursal, haddana Ibraahim Yarow wuxuu helay codad aan yareyn oo mararka qaarkood naxdin ku ahaa musharaxa kale iyo taageerayaasha xukuumadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com