-
Content Count
213,126 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo wariyaasha shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa faah faahiyay heshiiskii dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya Dhowaan ku gaareen Muqdisho. Daahir Maxamuud Geelle ayaa ugu horeeyn sheegay in Ra’isilwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed Ali uu Muqdisho ku yimid codsi kaga yimid Madaxweyne Farmaajo isaga oo sheegay in muhiim uu ahaa heshiiskii ay yeesheen. Dhinaca kale wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Gelle ayaa ka hadlay heshiiskii ku saabsanaa Maalgashiga Dekadaha isaga oo sheegay in heshiiskaasi Itoobiya kale aanu siineeynin in ay maalgashadaan Dekadaha hayeeshee ay fursad ka heli karaan Dowladaha Caalamka iyo Ururada caalamka si ay faa’iido uga helaan. Sabtidii la soo dhaafay waxaa Magaalada Muqdisho yimid Ra’isilwasaaraha Dalka Itoobiya iyada ay heshiis wada gaareen isaga iyo Madaxweyne Farmaajo waxaana xusid mudan in bulshada Soomaaliyeed ay si aad uga hadleen arintaasi qaar kamid ah Bulshada ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay in uu yahay damaca Itoobiya ay in badan ku taameeysay oo hirgalay halka qaar kalena ay ku tilmaameen in ay tahay isku soo dhowaasho u dhaxeeya Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya oo ay horay uga dhaxeeysay xurguf. Hoos ka Dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/06/Daahir-Maxamuud-Geele-.-PP.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post DFS oo Faah Faahisay heshiiskii Dekadaha ay la gashay Dowlada Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Ramallah (Caasimadda Online) – Israa’iil ayaa xabsiga kasii deysay wiil Falastiini ah oo lagu magacaabo Hassan Tamimi kaasoo daryeel xumo caafimaad darteed indhihiisa waayey intii uu xabsiga ku jiray. Abdunnasir Tamimi oo ah adeerka wiilkaan ayaa Anadolu Agency u sheegay in wiilkiisa la xiray Bishii April isla markaasna uu ahaa nin xanuunsan. Hassan oo ah wiilka ay soo deysay Israaiil ayaa ka cabanayey dhibaatooyin dhanka Beerka iyo Killiyaha ah, waxaana cuduradaas ku riday nafaqo darro ku dhacday taniyo carruurnimadiisa hore, wuxuuna sheegay adeerkiisa inuu wiilkiisa u baahnaa daryeel caafimaad iyo nafaqeyn, isagoo Israa’iil ku eedeeyey inaysan ogolaan in wiilkiisa uu xabsiga ku helo waxyaabihii uu u baahnaa taasina ay sababtay inuu waayo aragga indhihiisa. ” Israa’iisha dhulkeena xoogga ku heysato mar kasta waan u gudbineynay xaaladda Caafimaad ee uu wiilkeena ku jiro, balse xaqiiqda ayaa ah inay iska indhatireysay wax walba, taasoo ugu dambeyn keentay inuu wiilka xanuun dartiis aragiisa ku waayo” ayuu yiri Abdunnasir Tamimi . Xasan Tamimii ayaa la xiray kadib markii lagu eedeeyey inuu dhagxaan ku tuuray askarta Israa’iil 7 April ee sanadkaan, waxaana markaas loo gudbiyey xabsiga ciidamada Israa’iil ee ku yaal Galbeedka Ramallah, iyadpp lasoo taagi rabay maxkamad bisha July ee soo socoto, inkastoo hadda lasii daayey kadib markii uu daryeel la’aan caafimaad ku waayey aragiisa. Jimciyadda qaabilsan Maxaabiista Falastiin ee loo yaqaan The Palestinian Prisoners Society (PPS) oo war saxaafadeed soo saartay ayaa tilmaamtay in wiilkaan uu indhiisa u waayey daryeel la’aan caafimaad oo ku qabsatay xabsiga dhexdiisa. Ista’iil oo xoog lagu dajiyey dhulka Reer Falastiin ayaa dhibaato xoog leh iyo xasuuq ku wado shacabka Masaakiinta ee dhulkooda la boobay. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
-
Maalin axad ah, taariikhduna ku beegneyd 16-ka bisha Juunyo, Ciidul Fidrigana ay laba ahayd waxaa booqasho rasmi ah oo aan hore loo shaacin Soomaaliya ku yimi Raisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed. Marka laga soo tago in ay lama filaan ku noqotay dhammaan umadda Soomaaliyeed hadana waxa ay abuurtay dareen wanaagsan maadama booqashadani tusaale u ahayd halka uu dalkeenu gaaray tan iyo markii uu bilaabay dib u soo kabashadiisa. Raisul Wasaare Dr Abiy Ahmed waxa uu noqday mas’uul dal madax ka ah kii ugu horreeyey ee booqasho rasmi ah ku yimaadda dalka tan iyo qaran jabkii dalku galay marka laga reebo Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan. Walow ay booqasho maalin qura ahayd, siiba saacado kooban, hadana labada dowladood waxa ay kala saxiixdeen heshiis dhinacyo badan taabanaya oo ku qotomay ishkaashi dhaqan –dhaqaale iyo in laga wada shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa amniga mandiqadda iyo guud ahaan qaaradda. Heshiiska qodob ka mida waxa uu dhigayey in labada dowladood ay wada maalgashadaan afar dekedood oo aan lagu xusin heshiiska kuwa ay noqonayaan. Waxaa xusid mudan in dalka Itoobiya bad lahayn “Landlocked”, waa sababta keenta in walaaca ugu weyn ee ay dhinaca dhaqaalaha ka qabaan noqdo sidii ay ku heli lahaayeen dekeddo ay wax kala soo dagaan kana dhoofiyaan wax soo saarkooda ay dibedda u iibgeeyaan. Hase ahaatee, qodobkaas waxa uu wadaniyad taban ku abuuray qeybo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed iyo walia qaar ka mid ah mudeneyaasha golaha shacabka oo dowladda ku dhaliilay gelidda heshiiskaas. Hagaag, weydiinta ay dadka indheer garadka ah qabeen ayaa ah, maxaa ku jabnaa qodobkaas, oo sababay in ay qeylo-dhaan iyo waa waawareey is qabsato goobaha ay bulshadu ku kulanto? Jawaabta weydiintaas waa Wadaniyad Taban ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo “Negative Nationalism”. Marka hore aan eegno macaha ereyadan; Wadaniyad (Nationalism), Wadaniyad Togan (Positive Nationalism), Wadaniyad Taban (Negative Nationalism), Markaa kaddib waxaan fahmi doonnaa sida ay bulshadeennu hadhkooda uga cararayaan “Being Paranoid). Wadaniyad – Waxaa lagu micneeyaa dareenka ay dadku u hayaan sida jaceylka dalalkooda oo ay badanaa weheliso aaminaadda ah in uu ka fiican yahay kana muhiimsan yahay dalalka kale. Wadaniyad Togan – Waa iyada oo darreenka ka dhasha wadaniyadda loo adeegsado dhinaca san.. Wadaniyad Taban – Waa iyada oo dareenka ka dhasha wadaniyadda loo adeegsado sida xun. Dheefta/Faa’iidada Wadaniyadda Togan Sida kor ku xusan haddii dareenka ka dhasha wadaniyadda loo isticmaalo sida ugu habboon ee saxda ah waxa uu dalka ka dhaxli karaa horumar dhinac walba ah iyada oo laga faa’iideysanayo xoogga iyo kartida muwaadiniinta, waxaa tusaale u ah sidii ay bulshada Soomaaliyeed uga qeyb qaateen horumarintii reer Miiga ee farta Soomaliga lagu bareyey iyo samata bixintii Umadda markii ay ku habsatay abaartii daba dheer iyo waliba masiibaddii ka dhalatay qaraxii Zoobe. Khasaaraha Wadaniyadda Taban Wadaniyadda Taban waxa ay horseedi kartaa dhibaato badan sida in ay bulshadu kala qeybsanto iyada oo laga faa’ideysanayo caadifadda kala sarreynta “Dalkeygaa ugu fiican”, waxa ay dalka ka dhiggi kartaa mid go’doosan oo aan dunida kale xidhiidh la yeelan karin waxa uuna caqabad ku noqon karaa gelidda heshiisyo caalami ah taas oo hoos u dhigeysa dhoofinta wax soo saarka dalka iyo maalgashiga dalka lagu sameyn lahaa. Sidoo kale waxa uu horseedi karaa dagaal. Waxaa taas, dheer, wadaniyadda waxaa loo bedeli karaa mid maxalli ah oo waxaa isu adeegsan kara bulshada kuwada nool isla hal wadan oo qabaa’illo isu cunsuriyadeen kara! (Wadankeena waa tusaalaha kowaad). Cawaaqib xumada ay dunida ku reebtay wadaniyadda taban Wadaniyadda caadifadeysan waxaa lagu xasuustaa in ay ahayd sababtii kowaad ee uu ku dillaacay dalaakii kowaad ee dunida. Waxaa ka abuurmay dhaq dhaqaaqii siyaasadeed ee hoggaamiyihii Jarmalka Adolf Hilter oo lagu xasuusto hadaladdiisii wadaniyadda cadiifadeysanaa ee uu ku kicin jiray dadka reer Jarmal: Mustaqbalkeennu waa Jarmal. Maantayadu waa Jarmal. Tagtadayadu waa Jarmal. Caawa aan wacad marno, saacad walba, maalin walba, in aynu ka fekerno Jarmalka, qarankeena, dadkeena reer Jarmal. Daacad darro uma muujin kartid shay ku yeelay dareen iyo macno ku saabsan jiritaankaaga oo dhan. Dagaalkaas,kii kowaad ee dunida, baaris ay sameysay waaxda cadaaladda Mareykanka waxa ay ku sheegtay in 8 Milyan ay ku dhinteen halka 37 Milyan ay waxyeelo ka soo gaadhay. Heshiiskii Soomaaliya iyo Itooiya….. Soomaaliya waa dal madax banaanidiisa iyo qarannimadiisa aan muran ku jirin, taas waxa ay ka dhigan tahay in uu heshiis la geli karo wadan walba oo dunida ka tirsan. Heshiiskii dowladda Federal-ka ay la gashay dowladda Itoobiya axaddii waxa uu ahaa mid taarikhi ah oo furay albaab cusub oo is kaashi, wax wada qabsi ku dhisan, is ixtiraam ku jaan go’an xaaladda maanta ka jirta i W/Q: Mohamed Muse Aden (Mohamed Kaafi) Email Muhamedfikaafi@Gmail.com. Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
The Ethiopian Parliament is to grill on Monday Prime Minister Abiy Ahmed on recent border and economic liberalization decisions made by the ruling coalition. In a press statement, the Ethiopian Parliament, said Ahmed in a special parliamentary session will present explanation about key decisions taken by Ethiopian People Revolutionary Democratic Front (EPRDF) Executive Committee to concede a border town to bitter rival Eritrea and to partially liberalize key sectors of the economy. The prime minister will will answer questions raised by members of parliament. On June 5, the Executive Committee of the EPRDF, said it is committed to an unconditional implementation of Algiers peace agreement with Eritrea. The peace agreement ended a two-year border war that killed an estimated 70,000 people from both sides, but a tense armed standoff continued, with the two countries engaging in skirmishes occasionally. Ethiopia until this month had declined to endorse the results of the peace agreement fully, including the symbolically important town of Badme which Ethiopia currently controls but which was awarded to Eritrea. Eritrea for its part has insisted the border demarcation has to be done first before any talks on normalizing ties. Also, on June 5, the Executive Committee of the EPRDF said decision has been made to expand mixed ownership or outright full privatization of state owned enterprises such as railway projects, sugar development, industrial parks, hotels and other manufacturing industries. The committee also decided to allow minority shares in Ethio-Telecom, Ethiopian Airlines, electric power generation projects and the Ethiopian Shipping and Logistics Services Enterprise. The statement further said the move to partially liberalize key sectors is intended to increase the constructive role of Ethiopia’s large diaspora population and foreign investors. Ethiopia until now has resisted liberalizing key sectors to foreign and local investors, saying it needs to protect its economy from multinational firms and ensure domestic ownership of the economy is kept intact. Source: – Xinhua
-
State Rep. Ilhan Omar won the DFL Party endorsement on Sunday in the crowded race to fill U.S. Rep. Keith Ellison’s seat in Congress. Omar, a first-term state lawmaker from Minneapolis who has quickly gained national media attention as the first Somali-American to serve in a state legislature, won the three-way endorsement contest after two rounds of voting. She told a cheering crowd of supporters that she is excited to build on the momentum from the party convention as she heads toward a competitive August primary election. “I am ready for all of us to go out tomorrow and door-knock and continue to have conversations with the people of Congressional District Five,” she said. The endorsement is functionally a symbolic gesture, since all five DFL candidates in the race will appear on the Aug. 14 primary ballot, and the three who participated in Sunday’s endorsement convention in Minneapolis — Omar, state Sen. Patricia Torres Ray and real estate broker Frank Drake — all said they intended to continue with their campaigns with or without the party’s endorsement. Two DFLers in the race, former state House Speaker Margaret Anderson Kelliher and DFL Somali Caucus founder Jamal Abdulahi, opted to skip the endorsing convention and go straight to the primary. But official party backing still confers some status in the heavily Democratic Fifth District, which includes all of Minneapolis as well as St. Louis Park, Edina, Golden Valley, Robbinsdale and other nearby suburbs. Sunday’s four-hour convention, held in an elementary school auditorium in south Minneapolis, was attended by about 200 voting delegates, along with other DFL candidates and supporters. Ellison shifts his focus The event was organized on short notice after Ellison, who has represented the district since 2007, decided to run for state attorney general this month. Ellison attended Sunday’s convention but declined to endorse any of the candidates seeking his seat. “I absolutely believe in all of them, and that’s why I can’t pick between them,” he said. Omar, however, came to the endorsing convention with the backing of a number of other elected officials. Minneapolis Mayor Jacob Frey and Council President Lisa Bender were both in the crowd wearing blue Ilhan T-shirts, as was state Rep. Raymond Dehn, a former candidate for mayor. In the first round of voting, Omar took 55 percent of the vote, while Torres Ray took 30 percent and about 14 percent voted for no endorsement. Drake, who ran against Ellison as a Republican in 2016, dropped off the ballot because he received the lowest number of votes. After conferring with her supporters, Torres Ray took the microphone and began to give what sounded like a concession speech. She told her supporters that more rounds of voting could be lengthy, and she understood if they needed to leave, but then said she wanted to continue with a second ballot. Stay and vote, Omar says “This is an historic moment,” Torres Ray said. “Two amazing immigrant women are running for Congress in the state of Minnesota. I love it and appreciate what we are doing here because we are not divided in the Democratic Party.” Omar, meanwhile, told delegates to stay in their seats. “I have never been afraid to fight for the things I believe in, so I need you all to stay around and finish the job we are requesting you to do,” she said. In the second round of voting, Omar took 68 percent of the vote, easily clearing the 60 percent hurdle needed for endorsement. Another 24 percent of the delegates voted for Torres Ray. DFL Chairman Ken Martin applauded the endorsement, saying in a statement that Omar, who came to the U.S. as a refugee, “represents what’s great about America.” “As a state representative, she has focused on civil rights, human rights and alleviating poverty,” he said. There are three candidates in the Republican primary: Jennifer Zielinski, an Allina Health employee who got the party endorsement; Christopher Chamberlin, a St. Cloud resident who told the St. Cloud Times he’d move to Minneapolis if elected, and Bob Carney, a frequent candidate. Source: StarTribune
-
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cismaan Yariisoow oo ka qeyb galayay munaasabad ka dhacday xarunta safaarada Turkiga ee Muqdisho ayaa ka hadlay arimo la xariira Diplomaasiyiinta ku sugan Muqdisho. Eng. Yariisoow ayaa amaan u jeediyay Dowlada Turkiga isaga oo sheegay in safaaradeeda ay ku taala bartamaha magaalada Muqdisho. Waxa uu ku eedeeyay Dalalka kale in ay ka maseereen Dowlada Turkiga hayeeshee ay soo dhaafi weysay xerada amaankeeda aadka loo adkeeyay ee Xalane oo fadhiidisin u ah ciidamada AMISOM. Qaar kamid ah dowladaha Shisheeye ayaa ku shaqeeya islamarkaasina safaaradahooda ay ka furanyihiin xarunta Xalane. Hoos ka dhageyso codka Eng. Yariisoow http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/06/Eng-Yariisoow.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post, Muqdisho The post Yariisow” Diplomaasiyiinta ku Sugan Soomaaliya ma soo dhaafaan Xerada Xalane” appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu weli kasoo baxayaa Heshiis magaalada Muqdisho ay maalin ka hor ku kala saxiixdeen dowladaha Somalia iyo Ethiopia kaa oo ka koobnaa 16 qodob oo muhiim ah. Ra’isul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Ahmed oo saacadihii ugu danbeeyay kulamo gaar gaara la qaatay Wasiirada Xukumadii iyo qaar kamid ah baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegay in Heshiiska ay la galeen Somalia uu meesha ka saari doono baahida (Badda) ee heysata Ehiopia. Wax uu Dr Abiy Wasiirada iyo tirada Xildhibaanada ee saacado ka hor uu la kulmay u xaqiijiyay in Ethiopia ay si dhaqsi ah uga faa’iideysan doonto Heshiiska ay la gashay Somalia, waxa uuna xaqiijiyay in Ethiopia ay cagta saartay dhabaha horumarka. Qodobka maalgashiga Dekaddaha ayuu sheegay inuu yahay qodobka ugu muhiimsan Heshiiska, kaa oo uu ku sheegay in Ethiopia ay uga gudbi doonto baahiyaha ka heysta dhanka Badda. Dr Abiy, waxa uu Wasiirada iyo Xildhibaanada u xaqiijiyay 3 arrimood oo uu sheegay in Ethiopia ay ugu jirto maslaxad waxa ayna kala yihiin:- 1-In Heshiiska maalgashiga Dekadaha Somalia uu noqon doono mid waligii taagnaada, isla markaana ay Ethiopia ka shaqeyn doonto cusbooneysiinta Heshiiska, maadaama aysan heli doonin fursad lamid ah kan Heshiiska. 2-In ficilada Ethiopia ee Dekadaha Somalia ay ku saleysnaan doonto baahiyaha gaarka ah ee Dowlada iyo shacabka Ethiopia. 3-Ka faa’iideysiga kheyraadka Badda Somalia iyo yagleelida Shirkado dowladeed oo soo saara kaluunka, iyadoo laga faa’iideysanaaya fursada Heshiiska. 4- Abiy waxa uu sheegay in Heshiiska uu albaabo u furi doono in dhalinyaro badan oo Ethiopian ah ay u shaqo tagaan Dekadaha Somalia. Ra’isul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Ahmed, waxa uu sidoo kale kulamada gaar gaarka ah ku xaqiijiyay in Dowladiisa ay Somalia la gali doonto Heshiisyo kale oo ku saleysnaan doona baahiyaha gaarka ah ee Ethiopia. Sidoo kale, Ra’isul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy waxa uu ballanqaday in dhexgal dhinacyada Siyaasada ah ay ku sameyn doonaan Somalia, waxa uuna cadeeyay inay hiigsan doonaan wadada ganacsiga. Haddalka Ra’isul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy, ayaa u muuqanaaya mid ifinaaya damaca Ethiopia ee ku aadan Dekadaha iyo kaabayaasha dhaqaale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay dil aad looga naxay. Dilkaasi ayaa ahaa in askari hubeysan oo ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya uu dil u geystay 3 nin oo isla dhashay. Wiilasha la dilay ayaa ku sugnaa garaash ku yaala degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho. Wiilasha la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdullaahi Jeyte,Xasan Jeyte iyo Xuseen Jeyte. Warar soo baxaya ayaa sheegayaan in ninka askariga ah ee dilka geystay uu qaraabo dhow la ahaauuna u ahaa adeer. Qaraabada wiilasha la dilay oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in ay aad uga arga gaxeen dilkaasi wiilasha loo geeystay. Askarigii dilka geeystay ayaa ka baxsaday goobta. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Faahfaahin 3 wiil oo isla dhashay oo lagu dilayMuqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Daahir Maxamuud Geelle, ayaa ka hadlay heshiis maalin ka hor Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy. Wasiir Daahir Geelle, ayaa sheegay in Heshiiskaasi uu waxbadan ka bedeli karo xaalada Somalia, waxa uuna farta ku goday inuu ka kooban yahay iskaashiga amniga, la-dagaalanka argagixisada, ,diblomaasiyadda, iyo arrimo kale. Wasiir Daahir Geelle, waxa uu sheegay in heshiiskaasi uu ka koobnaa 16 qodob oo dhammaantooda ka dhexeeya labada dal, waxa uuna tilmaamay in Heshiiska uu micno gaara u leeyahay labada dalka ee Somalia iyo Ethiopia. Wasiirku waxa uu meesha ka saaray in Heshiiska uu yahay mid hadda cusub, balse waxa uu cadeeyay inuu ahaa mid diyaarintiisa kasoo bilowday xiliga dowladihii ka horeeyay tan iminka jirta, ayuu yiri isagoo la hadlaayay Idaacada BBC. ‘’Heshiiskan ma aheyn mid hadda cusub waxa uu kasoo bilowday dowladii ka horeysay tan hadda jirta marka waxaanu qabnaa in labada dal ay faa’iidooyin ugu jirto 16 qodob ee la kala saxiixday’’ Wasiir Daahir Geele, ayaa wax laga weydiiyay haddal uu Ra’isul wasaaraha Ethiopia la wadaagay madaxda dalkiisa kadib laabashadiisa kaa oo ahaa in labada wadan laga dhigay hal wadan oo wax walba wada qeybsada, waxa uuna Wasiirku sheegay in labada dal ay kala madax banaan yihiin keliya ay wada galeen heshiis ku dhisan wax is dhaafsi. ‘’Ma jirto wax labada dal laga dhigay hal wadan wey kala madax banaan yihiin keliya waxaa Ethiopia nagala dhexeeya heshiis ku dhisan wax is dhaafsi’’ Waxa uu Wasiir Geele intaa raaciyay haddalkiisa “Mar walba waxaa laga duulayay laba dowladood oo deris ah, waxaan kuu sheegi karaa in ay wada hadleen laba dal oo kala madax banaan, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia wixii uu ka hadlay waa wax dalkiisa quseeya.” Wasiir Geele waxa uu sheegay in Somalia ay ilaalin doonto keliya wixii ka khuseeya Heshiiska, halka waxa ay wadato Ethiopia uu yahay mid iyada u gaar ah oo aan waxba ka khuseyn Somalia. Somalia ayuu sheegay inay garaneyso sida ay u wajahdo rabitaankeeda, sidaa aawgeed ay lama huraan tahay in marnaba aan laga weecan 16-ka Heshiis ee dhacay. Sidoo kale,Wasiir Geele waxa uu talaabo wanaagsan ku sheegay booqashadii uu Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia ku yimid Somalia, waxa uuna ku sifeeyay Somalia oo hiigsaneysa halkii laga rabay. Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayuu sheegay inay diyaar u tahay muujinta dadaalka ay ugu jirto xoojinta xiriirka dhinaca diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya dowladaha caalamka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Mas’uuliyiin horay uga tirsanaa dowladii hore ayaa ka digay in Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ay meel mariyaan Heshiiska16-ka qodob ka kooban ee dhexmaray Somalia iyo Ethiopia. Cabdi Barre Jibriil, oo kamid ahaa Xildhibaanadii hore ayaa sheegay in Heshiiskaasi uu yahay mid xaaran ah, isla markaana lagu sii qaribaayo Somalia. Isagoo ka hadlaayay dhibta ka dhalankarta Heshiiska ayaa waxa uu sheegay Cabdi Barre in xilligaan aanay habooneyn in Somalia dekadaheeda ay kula heshiiso Ethiopia oo uu tilmaamay in xilligaan aan wax dan ah ugu jirin dalka. ‘’Adeer anigu halis baan u arkaa Heshiiska labada dal, waxaanu jirin baahi gaara xiligaan Somalia ku qasbeysa in dekadaheeda ay u gacan galiso Ethiopia’’ Cabdi Barre, ayaa Xildhibaanada golaha shacabka ka dalbaday ineysan aqbalin heshiiska lala galay dowladda Ethiopia oo uu ku sheegay halis hor leh oo kusoo fool leh Somalia. Sidoo kale, Cabdi Barre ayaa tilmaamay in heshiiskan aan loo gelin dan Soomaaliyeed balse ay jirto baqdin waa sida uu hadalka u dhigaye. Haddalka Cabdi Barre, ayaa u muuqda mid ku foorara dowlada Somalia, wallow Xildhibaanada baarlamaanka qudhooda ay ku kala aragti duwan yihiin Heshiiska. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The motive behind a deadly attack at a Malmesbury mosque is yet to be determined. Source: Hiiraan Online
-
Dahabshiil, the largest money transfer company in Somalia – and Africa, at large – has vehemently denied claims by a member of Puntland parliament named Sadiq Abshir Garad. Speaking to the media at his office on Sunday, the manager of the firm’s Banking branch in Bosaso, Yasin Beldaje dismissed the accusations of the MP that Dabanshiil supports Somaliland in the war with Puntland as “baseless”. Beldaje said Dahabshiil is a licensed leading private remittance company operating in 144 countries around the globe with no political influence, which serves Somalis in and outside the country. He called on Parliamentary Ethics Committee to strip the lawmaker of his immunity and arraigned in court for the incitement and call to loot the private company. “The claims of the legislator are categorically contrary to the state constitution, hence he should be stripped of his immunity and brought before a court,” said Beldaje during the press conference. Garad who is the chairman of the defense committee of the parliament blamed the firm for giving financial support to Somaliland which is now at war with Puntland over disputed regions. It’s not yet clear what would be the response of the parliament to the statement of Garad who is said to be hailing from Sool and Sanaag regions, the epicenter of the territorial dispute between Somaliland and Puntland. The accusation of the parliamentarian against the private cash transfer company, which is owned by a Somaliland businessman, comes amid a brewing tension at Tukaraq village of Sool.
-
Last month, two dozen Somali youths swarmed and attacked two Maine residents in a park in Lewiston, beating them with sticks while laughing, as video of the incident shows. Source: Hiiraan Online
-
Yasmin Ahmed Abdillahi ’20, known for her compassion for others and for her strong Muslim faith, died last Friday after being struck by a train in Euless, Texas. She was 20 years old. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Garabka warbaahinteed ee maleeshiyada Al Shabaab ee Al-Kataa’ib ayaa soo saartay Filim cusub oo muuqaal guud ka bixinaya dagaallada Al-Shabaab ay ka waddo gudaha wadanka Kenya. Filimka oo ladaawan karo qadar 52 daqiiqo ah ayaa lagusoo bandhigayaa dagaallo culus iyo weeraro dagaalyahannada Al Shabaab ay ku qaadeen saldhigyo ciidamada Kenya ku leeyihiin gobollada Lamu iyo Waqooyi Bari Kenya. Waxaa filimkan uu banaanka soo dhigayaa ciidamada Al Shabaab oo howlgallo dhiig badan ku daatay ka fulinayay gobollada Waqooyi Bari iyo Laamu, muuqaallada lagu daawan karo filimka waxaa kamid ah dagaalyahannada Al-Shabaab oo gaadiid dagaal qabsanaya iyo iyagoo tooganaya ciidamo isugu jira Boolis iyo Melleteri. Hoos ka daawo qaar ka mid ah sawirrada filimka.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Dadka Turkiga ayaa codbixin u dareeri doona 24-ka bishan, waxaana la saadaalinayaa in dhaqaalaha dalkaas dartiis uu doorashada ku guuleyso xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP. Dhaqaalaha ayaa la filayaa inuu noqdo qodobka go’aamiya doorashada, ayada oo Turkiga uu ka gudbayo nidaamka baarlamaaniga ah, una gudbo mid madaxweyne kadib is-beddelkii lagu sameeyey dastruukii dalkaas sanadkii tagey. Doorashada ayaa ku dhici doonta xaaladda deg degga ee dalka ka jirtay tan iyo afduubkii fashilmay ee la isku dayey bishii July ee sanaddii 2016, kaasi oo lagu eedeeyey wadaadka degan Mareykanka ee Fethullah Gulen. Marka ay timaado dhaqaalaha, doorashada ayaa imaneysa ayada oo dhaqaalaha dalkaas uu sanaddii tagtayna kordhay 7.4%, taasi oo aad loola dhacay. Dadka ayaa aaminsan in Erdogan iyo xisbigiisa kaliya ay joogteyn karaan guulaha noocaas ah. “Isbeddel lagu sameeyo dowladda waxay sii xmeyn doontaa un xaaladda iyo kalsoonida Turkey, sidaas darteed ma jiri doonto maal-gelin iyo shaqooyin” Waxaa sidaas yiri dukaanle lagu magacaabo Kus. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Shirkadda Dahabshiil ayaa gaashaanka u daruurtey eedeyn uga timid mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Puntland oo lagu magacaabo Saadiq Abshir Garaad. Maamulaha Dahabshiil ee qeybta Boosaso Yaasiin Beeldaaje ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka Xildhibaanka ee ah in Shirkadda ay Somaliland ku taageerto dagaalka ay kula jirto Puntland. Yaasiin oo warbaahinta kula hadlay maanta Xafiiskiisa Boosaaso ayaa caddeeyay in Dahabshiil ay tahay Shirkad Ganacsi oo sharciyeysan, islamarkaana ka madaxbanaan siyaasadda, kana howlgasha dalal badan oo caalamka ah. Maamulaha ayaa ugu Gudiga Anshaxa ee Baarlamaanka Puntland inuu xasaanadda ka qaado Xildhibaan Saadiq, maadama uu ku baaqay in la dhaco hanta shacab, aflagadana u geystay shirkada ganacsi. Yaasiin Beeldaaje ayaa hadalka Xildhibaanka ku tilmaamay mid ku saleysan kicin dadweyne, oo naceyb iyo heeb-sooc xambaarsan, kaasi oo ka hor-imaanaya qodobo kamid ah Dastuurka dowladda Puntland. Xildhibaan Saadiq, oo ah Gudoomiyaha Gudiga difaaca Baarlamaanka Puntland, ayaa dhawaan ku eedeeyay Shirkadda Dahabshiil inay Somaliland ku taageerto dagaalka ay kula jirto Puntland. Lama oga jawaabta Baarlamaanka Puntland uu ka bixin doono hadalka Saadiq oo ah mudane kasoo jeeda gobollada Sool iyo Sanaag, kaasi oo dhawaan sheegay in Dababshiil qeyb ka tahay colaadda Sool, oo dhaqaale siiso mamaulka Muuse Biixi. Dahabshiil oo ah Shirkad ka shaqeysa dhinaca xawilaadda lacagaha in ka badan 140 dal, ayaa waxaa iska leh Ganacsade reer Somaliland ah, iyadoo eedeynta loo jeediyay noqoneyso mid culus, oo lid ku ah sumcadeeda. Xigasho: Garowe Online
-
Kampala (Caasimada Online) – Dowlada Uganda ayaa wada qorsho lagu kordhinaayo mudada ay ciidamadeeda kusii nagaan doonaan dalka Somalia oo ay u joogan howlo nabad ilaalineed. Ruhakana Rugunda oo ah Ra’isul wasaaraha dalka Uganda ayaa sheegay in dowladiisu ay aad u dhaliilsan tahay qorshaha lagu doonaayo in ciidamada Midowga Africa looga saaro Somalia oo aan weli ka bogsan amni darada iyo hujuumka Al-Shabaab. Ruhakana Rugunda, waxa uu tilmaamay in ciidamada AMISOM ay u baahan yihiin in Somalia ay kusii nagaadan sanado hor leh, maadaama amniga Somalia uusan aheyn mid wali ku fadhiya caga wanaagsan. Ruhakana Rugunda, waxa uu sheegay in howlgalka ay ciidamada Ugandha kawadaan Somalia ay la kaashan doonaan dowladda China oo ku han weyn xal u helida Somalia. Ruhakana Rugunda, waxa uu sheegay in China aan looga maarmi doonin Marka ay timaado ka qeyb qaadashada xalinta ammaanka Somalia. Ra’iisul Wasaaraha Uganda Mr Rugunda ayaa ugu baaqay dowladda China inay ku caawiso dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia sidii QM ay ugu noqon lahayd qorsheheeda ku aadan dhisidda ciidamada AMISOM ee ka howlgala Somalia. Dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia ayaa saluugsan qorshaha QM ee ku aadan ka bixitaanka Ciidamadooda Somalia xiligani iyagoona ku celceliyay cawaaqib xumo ka dhalandoonta Qorshahaasi Hadii aan wax laga badalin. Qaramada Midoobay ayaa horey u meel marisay qaarar Qeexaya kabixitaanka Ciidamaad AMISOM ee ka howlagla Somalia iyo in ay guud ahaan amaanka dalka ku wareejiyaan Ciidamada dowoladda Somalia. Haddalka Ra’iisul wasaaraha Uganda Mr Rugunda ayaa u muuqanaaya mid ay Ugandha ku dooneyso inay ku dheereysato xiliga ay ciidamadeeda kusii nagaanayaan Somalia. Caasimada Online Xafiiska Kampala Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen wargeysyada kasoo baxa dalka Mauritania Xukuumadda dalkaasi ayaa hoggaamin doonta shir Madaxeedka Midowga Afrika oo ka qabsoomi doona magaalada Nouakchott. Wargeysyadu waxa ay qoreen in Xukuumadu ay xaqiijisay in shirka ay kasoo qeybgali doonaan hoggaamiyeyaasha 30 dal ee qaaradda Afrika. Xukuumadu waxa ay sheegtay in shirkaasi lagu qabanayo 30-ka bishan June magaalada Nouakchott ee xarunta dalka Mauritania. Maxamed Amiin oo ah Afhayeen u hadlay xukuumadda ayaa sheegay in madaxweynayaasha 30 dal ee Afrika ay tilmaameen inay ka soo qeyb-galayaan shir madaxeedka Afrika. Maxamed Amiin, waxa uu tilmaamay in Xukuumada Mauritania ay bixisay warqadaha casuumadaha si Madaxda Africa ay usii ilaaliyaan xiliga shirka, kaasi oo lagu wado in lagu qabto caasimadda Nouakchott dhamaadka bishan. Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in shir madaxeedka Nouakchott ay ka soo qeyb gali doonaan madax kala duwan oo ka imaanaya qaaradaha dunida oo uu ka mid yahay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, kaasi oo Marti sharaf ahaan uga soo qeybgalaya shirka ay martigelineyso Nouakchott. Sidoo kale, Xukuumada oo arrinta shirka si hordhac ah uga hadashay ayaa sheegtay in ajendayaasha ay ka midka yihiin xaaladda amni ee gobolka xeeba Afrika, Xaaladda amni ee wadanka Afrikada dhexe iyo Dadaalladii lagu soo celin lahaa deganaashaha dalkaasi. Si kastaba ha ahaatee, Shir madaxeedkan qaaradda Afrika oo 30-ka bishan June lagu qaban doono magaalada Nouakchott, ayaa waxaa Khudbado ka jeedin doona Madaxda lagu marti qaday shirka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saddex qof oo dhammaantood ahaa rag isla dhashay, ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, dhacdadan oo naxdin iyo aragagax ku reebtay magaalada. Falkan ayaa ka dhacay garaash ku yaalla xaafada Gumareey ama Al-Cadaala oo ka tirsan degamda Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxana la sheegay in ninka wax dilay uu goobta ka baxsaday. Ehelladas addexda Ruux ee la dilay ayaa idaacadda Dalsan ee Muqdisho ku taalla waxay u sheegeen in ninka dilka geystay uu ka mid ahaa askarta ciidamada dowladda Soomaaliya, isla markaana ay qaraabo dhow ahaayeen saddexda ragga ah ee uu dilay. Qof ka mid ah ehelka dadka la dilay ayaa waxa uu sheegay in ninka askariga ah ee dilka geystay iyo saddexda ruux ee la dilay ay ahaayeen dad Ilmo adeer ah, Isla markaana arrintan loo sababeynayo mid la xiriirta isqabqasbi dhul. Sidoo kale waxa uu sheegay in markii uu dilka geystay uu baxasaday, haatana ay weli baadi goob ku hayaan askarigaas laamaha amniga Soomaaliya. Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in meydadka saddexda ruux haatan lagu haayo Xarunta Dambi barista CID-da ee Muqdisho. Dhacdadan weli kama aysan hadlin maamulka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, balse xiriir aan la sameynay nooma suurta-gelin. إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ Hoos ka dhageyso codka mid ka mid ah ehellada dadka la dilay. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/06/Wareysi-Qof-Ka-Mid-ah-Ehelada-Ragga-isla-dhashay-ee-la-dilay.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
At least eight security personnel were Sunday killed after a vehicle they were traveling in hit a set improvised bomb in Bojigaras area, Wajir County. The victims included five Administration Police Officers and three police reservists. Police authorities said the vehicle that the deceased were using ran over an Improvised Explosive Device which sent it flying. Witnesses said the vehicle was badly damaged killing the victims who are on board. North Eastern regional coordinator Muhammad Saleh said those behind the attack escaped soon after the incident. He said preliminary findings pointed to Somalia’s Al-Shabaab terror gang. “The attackers escaped soon after the blast and we suspect Al-Shabaab is behind it,” he said. A reinforcement was immediately sent to the scene but nothing was salvaged in terms of life. It came in the wake of warnings of planned attacks by the terror group. Authorities had last week warned the terrorists planned to stage attacks ahead of the end of Ramadan period. On June 6 at least 6 paramilitary personnel were killed and three others injured when their vehicle ran over an explosive at Liboi, Garissa County. The scene of the attack in Harhar area is less than two kilometers from the main Kenya-Somalia border. The General Service Unit officers were patrolling the border aboard a truck when it ran over the Improvised Explosive Device (IED). Witnesses said the explosive killed the five and badly damaged the vehicle. The three who survived were badly wounded. They were all from Harhar GSU camp. Other reports said they were pursuing contraband sugar when they were hit. The deaths were the latest and came after a long lull from terror related incidents that has been experienced in the area at large. There were indications of imminent attacks in the area. Locals reported to authorities of movements that indicated Al-Shabaab terror group was planning an attack. “The indications were there because among others, elderly people had been moved from the area to Garissa and a number of youths had not returned to the area. Al-Shabaab militants were also sighted there,” said an official based in the area. Police had issued a security alert over possible attacks in the country by the Somalia based terror group during the Ramadhan season. Police spokesman Charles Owino, said security agencies had obtained credible intelligence suggesting that Al-Shabaab are planning to carry out attacks in various parts of the country during the World Cup period and after the Ramadan period. The Liboi incident was the first one since the beginning of the Ramadan period. He asked Kenyans to be extra vigilant especially in populated public places such as hotels, church, bus stages and schools during the World Cup period. “Though the capability of Al-Shabaab has been greatly downgraded over time, we have credible intelligence suggesting that the militia group is planning to carry out further attacks in the coun… Source: Standard Digital