-
Content Count
211,367 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa soo xiray dhalinyaro baraha bulshada ka baahinaysay farriimo kicinaya colaado dadweyne, gaar ahaan qabiilada dega Muqdisho. Booliska Soomaaliya ayaa howlgal Muqdisho ka socday 24 saacadood ku soo xiray dhalinyaro isugu jirta gabdho iyo wiilal, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada, gaar ahaan TikTok ka waday kicin bulsho. Tirada dhalinyarada lasoo xiray waxaa lagu sheegay 21 qof, kuwaas oo bulshada dhaxdeeda ka waday “anshax xumo iyo kala qoqob” sida lagu sheegay qoraalka booliska. Baaritaan ku saabsan kiisaska loo heysto dhalinyaradaan ayuu bilaabay booliska Soomaaliya, si looga gun gaaro, cida soo abaabushay falalka ay ku kaceen dhallinyaradaan. “Waxaa looga digayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimada iyo hareeraheeda in ay ka fogaadaan falalka anshax xumada ah, hadalada kicinaya bulshada iyo aflagaadada muwaadiniinta,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed. Dhalinyaradaan oo intooda badan caan ka ah barta Tiktok ayaa saacadihii lasoo dhaafay u kala saftay Abgaal iyo Habargidir, waxayna mararka qaar isku balansanayeen dagaal, iyagoo soo gelaya Live. Howlgal soo bilowday shalay galab ayaa lagu soo xiray dhamaan dhalinyaradii lala xiriirinayey filalkaas, waxaana loogu goodiyey in maxkamad la horgey doono, balse lama oga sida laga yeeli doono kiiskooda. Hadal-heyn badan ayuu xarigga dhalinyaradaan ka abuuray baraha bulshada, maadaama ay yihiin kuwii ugu caansanaa barta TikTok, waxaana badan dadka qaba in la suuliyo dhaqanka ay wadeen ee qabyaaladda ah, kaas oo kicinaya bulsho nabad ku wada degan Muqdisho. The post Sawirro: Booliska Muqdisho oo xabsiga dhigay gabdho caan ka ahaa TikTok appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya hal maamul oo awood ahaan dalka ka wada taliya majiro maanta. Iyada oo dadka markii horeba qabiil qabiil u kala dageen wixii ka dambeeyay 1991, ayaa haddana nidaamka federaalka siyaasad ahaan dadka sii kala miiray. Awaamiirta kasoo baxda Muqdisho ma saameyso Hargeysa, Garoowe iyo Kismaayo, halkaasi oo maamullada ka jira ay gooni udaaq yihiin. Muqdisho oo ah magaalada qura ee hadda gacanta ugu jirta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddo fog dadkeedu sugayeen inay dowladda ku hoggaamiso in ay isdoortaan. Bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2023 wuxuu Golaha Wadatashiga Qaran ku heshiiyay in bisha June ee 2024 la qabto doorashada dowladaha hoose oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. 11 maalmood oo qura ayaa ka dhiman balantaas, dabcan wax tallaabo ahna looma qaadin illaa hadda. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu tobankiisi qudbo ee ugu dambeysay uu ku dhaartay in uusan aqbaleynin wax aan aheyn doorasho qof iyo cod ah. Laakiin illaa hadda majirto cid madaxweynaha ku tiri “doorasho dalka oo dhan ah inta aad baacsan maxaa ka hortaagan in aad Muqdisho doorasho geliso”. Madaxweynaha si ku talo-gal ah ayuu qodobkii Maqaamka caasimadda uga saaray cutubka labaad ee dastuurka, waxa uuna geeyay cutubka shanaad, taas oo dadka fahamsiisay in aanay wax xiriir ah laheyn hadallada iyo ficilada madaxweynaha. Xasan Sheekh isaga oo aan Muqdisho doorasho ka qaban, in uusan dalka oo dhan doorasho qof iyo cod ah ka qaban karin qof walba ayaa garan karta, laakiin waxaa yaab ah in aysan illaa iyo hadda madaxweynaha miiska u saarneyn, waana midda dadka qaar ka keenta doodda ah in aysan madaxweynaha dhab ka aheyn sheegashadiisa doorasho qof iyo cod ah, balse beddelkeeda uu rabo inuu usii gogol xaaro muddo kororsi sharci darro ah iyo madax furasho qaran. Shirkii Xamar kusoo idlaaday Jimcihii, Golaha Wadatashiga Qaran ayaa dib usoo celiyay xujadii heshiisyaddii hore, iyada oo lagu baaqay in arrimihii hore loogu balamay la fuliyo. Waxaana balamadii hore kamid ah doorashooyinka dowladaha hoose oo ay Muqdisho-na ku jirto. Madaxweyne Xasan Sheekh markii uu furo xujada doorashada Muqdisho ayaa lagala doodi karaan inuu dalka gelin karo doorasho qof iyo cod ah, laakiin ninka caasimadda uu ka taliyo gole deegaan xitaa u dhisi la’a suurta-gal ma ahan inay Soomaalida kala dooddo doorasho guud oo dalka oo dhan taabaneysa. The post Xujada madaxweyne Xasan hortaalla si uu meel-maro qorshihiisa doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Iran Irahim Raisi ayaa nolol iyo geeri lagu la yahay kaddib markii ay dhacday diyaarad uu la socday oo ku dhacday tuulada Uzi. Wakaaladda wararka Iran ee Mehr, oo ahayd goobtii u horreysay oo sheegtay inay la xiriirtay qaar ka mid ah wafdiga Madaxweynaha Iran, oo u xaqiijiyay inuu badqabo, hadda warkaa waa ay masaxday, taasoo muujisay inuu jahwareer ka jiro ka soo warranka dhacdada la xiriira diyaaradda uu la socday Madaxweynaha Iran ee dhacday. Xildhibaan laga soo doorto gobolka, la sheegay inay diyaaraddu ku dhacday ayaa dhankiisa caddeeyay in aysan jirin wax xiriir ah oo laga helay wafdiga Madaxweynaha Iran diyaaradda la saarnaa, xilligana ay socdaan baadi-goob, maxaa yeelay nolal iyo geeri wali laguma hayo. Intaa waxaa dheer goobta loo aqoonsaday inay diyaaraddu ku dhacday ee agagaarka tuulada Uzi oo ku taalla kaymaha magaalada Arsbaran ayaa ka mid ah meelaha ay adag tahay in la maro. Kaymaha Uzi way adag tahay in ciidamada gurmadka ay si dhaqso ah u gaaraan, maaddama aysan jirin waddooyinka loo maro, cimiladuna ay aad u xuntahay. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Iran oo aan nolol iyo geeri lagu hayn appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo maanta soo saaray bayaan culus ayaa si cad uga horyimid go’aannadii kasoo baxay shirkii golaha wada-tashiga qaran ee ka dhacay Villa Somalia. Bayaankan oo si weyn looga fal-celiyay ayaa waxa uu Farmaajo ku sheegay in go’aannada kasoo baxay shirkaas ay khatar ku yihiin dowladnimada iyo midnimada dalka. Sidoo kale waxa uu ka digay hannaanka doorasho ee qof iyo cod ee kasoo baxay shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, ayada oo la xasuusto sidii uu madaxweynihii hore ugu ololeyn jiray doorasho qof iyo cod ah. “Nidaamka doorashada ee madaxweynuhu (Xasan Sheekh) uu ku hawlan yahay waxa uu caddaynayaa danihiisa gurracan ee sii kala fogeynaya shacabka Soomaaliyeed, waxaana muuqata in hannaankii doorashada laga leexinayo habraacii saxda ahaa ee ay ku qabsoomi lahaayeen doorashooyin daah-furan oo lagu wada kalsoonaan karo,” ayuu yiri madaxweyne hore ee Farmaajo. Qoraalkan oo uu Farmaajo soo dhigay bartiisa Facebook ayaa si weyn looga fal-celiyay, ayada oo dadka qaar ay wax lala yaabo ku tilmaameen in Farmaajo uu maanta diido wixii uu shalay u sacab tumayay markii uu xukunka joogay, halka kuwa kale ay qabaan taasi beddelkeed. Shariif Geyre: “Doorasho qof iyo cod ah oo aadan adigu qaban ma rabtid inee dalka ka dhacdo, warka noo soo koob!.” Shucayb Yare: “Waa saxan tahay madaxweyne wax soconaya maahan hawshaan.” “Waxaad ku kala duwan tihiin adiga iyo odeyga hada tallada haayo go’aan qaadashada. Xiligan adiga mar horaaa cagta marin laheyd maamul goboleedyadan laga waaley,” ayuu sidoo kale yiri Cusmaan Maxamed. Mursal Axmed Diiriye: “Farmaajana waa kaas xasilooni iyo dowladnimo ka hadlaya.” “Madaxweyne ani tuuladeyda waa safe sanadka cusub hospital loo furi rabaa ee goormuu qof walba tuuladiisa aadi doonaa,” ayuu yiri Cabdullaahi Yuusuf Banaad oo ka fal-celiyay arrintaan, isagoo daba socda hadal uu hore u yiri madaxweynihii hore. Macruuf Xaaji: “Shalay Farmaajaa Qof iyo Cod rabay, Xassanna waa diidanaa, maantana Xassan ayaa raba Qof iyo Cod Farmaajana waa diidan yahay. Horta xaad noogu ciyaar-ciyaareysiin!!.” “Madexweyne post-baad iskugu soo biyo shubatey rajadii aan kaa lahaaa 2026-kana waa sii yaraanaysaa,” ayuu yiri Cabdikariin Axmed oo kamid ah dadka ka fal-celiyay qoraalka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sadia Simoon: “Farmaajow adiguba Deni iyo Axmed Madoobe oo maqan waa shaqeeysan jirtee ma hadeey qalad kula noqotay.” “Maxaa midba maalin u diidan yahay alaabtaan qof iyo cod ka ah mise waad isla fahanteen oo waa boor isku qaris,” ayuu yiri Maxamuud Maxamed Jimcaale. Maxamed Saciid Yuusuf: “Siyaasiyiinta Soomaaliyeed kaliya ayaa awooda in wixii ay jideeyeen eed ka dhigaan!.” Yassin Mahdi ayaa sidoo kale wuxuu isna yiri “Intaasiba ku dhan Mudane, Damu-jadiid bacaad bay qoorsagaaro ku hayaan.” “Siyasiyiinta anaga ayey korkeena ku qaraabtaan waayo siyaasi walbo shacab ayuu ku qaraabta hadaa nahay shacab halkee nooga banaan?. Shacab aad sheegtaan waxna uma qabataan,” ayuu yiri Cali Xuseen Salaad. The post Falcelin culus oo ka dhalatay tallaabada uu maanta qaaday madaxweyne FARMAAJO appeared first on Caasimada Online.
-
Diyaarad Helicopter oo uu lasocday Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi iyo xubno katirsan golihii Wasiiradda ayaa dhacday. Telefishinka Press Tv ee Iran laga leeyahay ayaa sheegay in cimilada oo xumaa ay sababtay Shilka. Wasiirka arrimaha gudaha Iran Ahmad Vahidi ayaa xaqiijiyay in diyaarad helicopter ah oo uu la socday madaxweyne Ebrahim Raeisi ay si adag ugu degtay magaalada Jolfa ee gobolka waqooyi-galbeed ee Iran ee bariga Azarbaijan. Diyaaradda helicopter-ka ayaa siday Madaxweyne Raisi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Hossein Amir-Abdollahian, Badhasaabka Bariga Azarbayjan Malek Rahmati, iyo dhawr qof oo kale oo rakaab ah. Maamulka ayaa sheegay in xaaladaha cimilada xun ay ku adkeeyeen kooxaha samatabixinta ee ka socda Bisha Cas ee Iran in ay gaaraan aagga uu shilku ka dhacay. Unugyada aan duuliyaha lahayn ayaa sidoo kale gacan ka geysanaya hawlgalka degdegga ah. Madaxweyne Raeisi ayaa subaxnimadii hore ee maanta ku sugnaa Azerbaijan si uu u daah furo biyo-xireenka wabiga Aras isaga iyo madaxweynaha Asarbayjan Ilham Aliyev. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Aadan Macalin Cali Yarow ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ka howl-gala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Aadan Macalin ayaa ka soo goostay Shabaab-ka weli ku dhuumaaleysanaya koonfurta gobolka Mudug, sida ay baahisay warbaahinta dowladda. Ninkaan ayaa iska soo dhiibay deegaanka Baraag-Garguurte oo hoostaga Xarardheere, waxaana lagu soo dhoweeyey gacmo furan, sida ay sheegeen saraakiisha gacanta ku heysa oo la hadlay warbaahinta dowladda. Aadan ayaa sheegay inuu u adkeysa waayey nolosha adag ee duurka ku heysata kooxda Al-Shabaab iyo howl-gallada socda ee ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ay Mudug ka wadaan. Ninkaan oo muddo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, ayaa maanta ka faa’iideysaya cafiska ay u fidisay dowladda federaalka Soomaaliya dhalinyarada ka barbar dagaalamaya kooxda. Dowladda ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda oo isku soo dhiibay, kuwaasi oo inta badan sheega in lagu qalday fikrad Diimeed ay salkeeda soo taabteen in aysan waxba ka jirin iyo inay u adkeysan waayeen gulufka ay kooxda wajaheyso. Si kastaba, Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa kooxda looga saaray deegaano horleh, inkasta oo ay weli ku sugan yihiin qeybo kamid ah dalka, xilli uu dib u dhacay wejiga labaad ee dagaalka oo horey dowladda u sheegtay inay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post Aadan Macalin Cali Yarow oo muddo kadib u soo gacan galay dowladda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Warbixinnadii u horreeyay ayaa sheegaya in diyaarad nooca qumaatiga u kaca oo uu la socday madaxweynaha Iran, Ebrahim Raisi inay si xun ugu dhacday goob aan wali la aqoonsan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters oo xiganaysa telefishinka qaranka Iran. Wargayska Fars News ayaa dhankiisa ku warramaya in uu lumay xiriirkii diyaarada helicopter-ka ah ee waday madaxweynaha Iran. Wakaaladda wararka Iran ee IRNA ayaa xaqiijisay in madaxweyne Raisi uu saarnaa diyaaradda, kooxaha samatabbixintana aysan wali ogaan goobta shilku ka dhacay sababo la xiriira cimilada oo xun. PUNTLAND POST The post Diyaarad uu saarnaa madaxweynaha Iran oo burburtay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in horumar ballaaran laga sameeyay siyaasadda arrimaha dibadda, ayada oo sidoo kalena ay ka madhneyn midda arrimaha gudaha iyo amniga. La-taliyaha Madaxweynah JFS ee Arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sidoo kale waxa uu ku faanay in dhanka diblomaasiyadda ay Soomaaliya ugu horumarsan tahay dalalka muddada dheer soo shaqeynayay. Waxa uu tilmaamay in damaca gurracan ee Itoobiya ay dowladda Soomaaliya kaga hortagtay si diblomasiyad ku jirto, ayada oo dhammaan wadamada caalamka ay si cad uga horyimadeen gardarada qaawan ee xukuumadda Addis Ababa. “Soomaaliyada 1977-kii iyo mida 2024-ka, farqiga u dhaxeeya waa Diblomaasiyadda aan heerka sare ka gaarnay, waana aragteen waxa aan Itoobiya ku dhignay, inagoo aan adeegsan awood,” ayuu yiri La-taliyaha Madaxweynaha. Sidoo kale waxa uj sheegay in dowaldda oo ka duuleeyso halku-dhigii madaxweynaha ee ahaa “Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah” ay dowalda ku guuleysatay wanaajinta iyo la-macaamilka wadamada caalamka, si ku dhisan wax is dhaafsi, taasi oo keentay inay Soomaaliya wax badan oo horumar ah u qabsoomaan, sida uu sheegay. “15-kii bishaan ayay dowladda u buuxsantay laba sano, waxaana la qabtay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay deyn cafinta, cuna-qabteyntii hubka iyo ku biirista ururka iskaashiga dhaqaalah bariga Afrika iyo in degaano badan oo ka tirsan dalka laga xoreeyo Khawaarijta oo mudda dheer dhibaatada ku hayay shacabka Soomaaliyeed.” La-taliyaha Madaxweynah JFS ee Arrimaha Dastuurka ayaa ugu dambeyntiina wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay hadda isku diyaarineyso inay u tartanto xubin kamid ah Golaha Amaanka Qaramada Midooba, taas oo muujineyso horumarada muuqda ee ay gaartay dowladda Soomaaliya. The post DF oo ku faantay arrin ay sheegtay inay dalal badan uga horeyso – Maxay tahay? appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid oo uu wehelinayo Wasirka Amniga Gudaha Somalia ayaa manta Magaalada Dhusamareeb ka furay Shirka Wadatashiga Horumarka Amniga ee Wasaradaha Amniga iyo Talisyadda Booliska Labada Heer Dowladeed. Shirkaan ayaa waxaa ka qaybgalayay Wafdi u hogaaminayay Wasirka Amniga Gudaha Fadaralka Somalia Mudane Gen Abdulahi Sh Ismacil Fartaag oo ay ka mid yihiin Wasiirada Amniga Dowlad goboleedyada iyo Talisyada Ciidamada Booliska Labada heer Dowladeed. Sido kale Furitaanka Shirka waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Wasiirka Maaliyada Galmudug iyo Duqa Caasimada Galmudug iyo Masuliyiin kale. Shirkan waxaa looga wada hadli doonaa arrimo muhiim ah, sida Mashruuca Wadajirka Booliiska (JPP-2), Sharciga Booliiska Soomaaliya, Qorshaha Istiraatijyadda Amniga Gudaha, iyo Bixitaanka ATMIS Kaddib. Source: goobjoog.com
-
Saddex qof ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DR Congo) ka dib markii ay israsaasayn dhexmartay rag hubaysan oo ku labisan dareeska millatariga iyo ilaalada nin siyaasi ah, waxayna dhacdan ciidamadu ku tilmaameen isku day afgambi. Laba askari oo booliis ah iyo mid ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday ayaa ka mid ahaa dadka ku dhintay israsaaseynta oo bilaabatay subaxnimadii Axadda, sida ay sheegeen laamaha nabad-galyada dalkaasi. Afhayeen u hadlay militariga DR Congo ayaa khudbad uu ka jeediyay taleefishinka ku sheegay in la xiray dadkii ka dambeeyay weerarka oo uu ku tilmaamay mid fashilmay, waxaana dadka la xiray ku jira dhowr ajaaniib ah. Sarreeye Guuto Sylvain Ekenge ayaa u sheegay war-fidiyeenka in falka dhacay uu ahaa isku day afgambi, balse ay ka hortageen oo ay fashiliyeen, aadna u xakameeyeen. Dhacdadan ayaa timid iyadoo xiisadi ay hareysay madaxweynaha Felix Tshisekedi’s iyo xisbiga uu hoggaamiyo, taasoo ku saabsan doorashada hoggaanka baarlamaanka oo lagu waday in la qabto Sabtida laakiin dib loo dhigay. Dableyda hubeysan ayaa weerar ku qaaday hoyga uu magaalada Kinshasa ka degan yahay Vital Kamerhe oo ah xildhibaan federaal ah, isla markaana ah musharax u taagan xilka afhayeenka baarlamaanka dalka DR Congo. Ma cadda in ragga weerar geystay oo ku labisnaa dareeska ciidamadu ay doonayeen inay qabtaan siyaasiga iyo in kale, sidoo kale lama hubo inay militariga DR si rasmi ah uga tirsanyihiin. Source: goobjoog.com
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/05/436280910_1541355443113727_7834780197659783183_n.mp4 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo bayaan culus soo saaray ayaa si cad uga horyimid go’aannadii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaran ee ka dhacay Villa Soomaaliya. Farmaajo oo soo saaray warsaxaafadeed ka kooban 5 qodob ayaa sheegay in go’aannada kasoo baxay shirkaas ay khatar ku yihiin dowladnimada iyo midnimada dalka. Sidoo kale waxa uu sheegay inay ka digayaan hannaanka doorasho ee la’isku khilafsan yahay ee kasoo baxay shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka. Waxaa kale oo uu ka hadlay maqnaanshiyaha Puntland, waxaana uu tilmaamay inay muujineyso kalsoonida darrada weli laga qabo dowladda dhexe. Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:- WARSAXAAFADEED QODOBBADA KA SOO BAXAY SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARAN (GWQ) WAXAY KHATAR KU YIHIIN DOWLAD-DHISKA IYO MIDNIMADA DALKA Qodobbada ka soo baxay shirka aan loo dhammayn ee Golaha Wadatashiga Qaran waxay sii kordhinayaan xiisadda siyaasadeed ee dalka, waxa ayna dhaawac weyn ku yihiin geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya, midnimada iyo wadajirka. Maqnaanshaha Dowlad-goboleedka Puntland: Puntland in ay wali ka maqan tahay Golaha Wadatashiga waxay muujinaysaa kalsooni darrada wali ka taagan Golaha iyo in Madaxtooyadu ay qaadatay go’aan ka dhan ah Federaaleynta iyo dimuqraadiyeynta dalka, iyada oo iska indho-tiraysa tabashada Dowlad-goboleedyada, siyaasiyiinta iyo daneeyeyaasha. Laalidda Dastuurkii la isku waafaqsanaa: Laalidda dastuurkii la isku raacsanaa ayaa sababtay in ay lunto sharciyaddii iyo wada shaqeyntii hay’adaha dowladda. Waxaa laga filayey shirku in uu dib ugu laabto hannaankii dastuuriga ahaa ee la isku waafaqsanaa, waana nasiib darro in wali hoggaanka dalku ay sii wadaan qorsheyaal gurracan oo ka turjumaya danahooda gaarka ah, kuwaas oo uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee dalka, wiiqayana dowladnimada iyo sharciyadda Hay’adaha Federaalka. Hor-istaagga Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada: In laga hor-istaago dowlad goboleedyada doorashada, iyada oo waqtigii loo muddeeyey uu dhammaaday waa afduub siyaasadeed oo khatar gelinaya hannaanka iyo xasiloonida dalka heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed. Madaxweynaha oo ahaa ilaaliyaha dastuurka KMG ah, in uu ku dhiiri galiyo in dawlad goboleedyadu ku shaqeeyaan maandhayd iyo sharciyad la’aan, waxay dalka ku hagaysaa mugdi iyo hubanti la’aan siyaasadeed. Heshiisyada Hore ee aan Dastuuriga ahayn: Waxaa la yaab ah in heshiisyadii hore oo aan dastuuriga ahayn ee fashilmay wali lagu baaqayo in la fuliyo, taas oo ka dhigan in xaqiiqada la iska indho tirayo. Hannaanka Doorashooyinka Qof iyo Cod: Waxaan si adag uga digaynaa hannaanka doorasho ee aan la isku waafaqsanayn ee ka soo baxay shirka aan loo dhammayn ee Golaha Wadatashiga Qaran. Nidaamka doorashada ee Madaxweynuhu uu ku hawlanyahay waxa uu caddaynayaa danihiisa gurracan ee sii kala fogeynaya shacabka Soomaaliyeed, waxaana muuqata in hannaankii doorashada laga leexinayo habraacii saxda ahaa ee ay ku qabsoomi lahaayeen doorashooyin daah-furan oo lagu wada kalsoonaan karo. Dhammaan siyaasiyiinta daneeya doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan ku adkaynaynaa in ay u midoobaan sidii dalka loogu soo celin lahaa sharciyadii iyo wada shaqeyntii hay’adaha dowladda, loogana hortagi lahaa caqabadda ku soo food leh dowladnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed. DHAMMAAD The post Farmaajo oo soo saaray 5 qodob oo xasaasi ah, kana horyimid shirkii Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Wiil 4-Jir ah ayaa la sheegay in uu isku dal dalay xero ay ku noolyihiin dad barakacayaal ah oo ku taala Degmadda Deyniile ee gobolka Banaadir, arrintaan ayaa noqotay mid siweyn bulshadu ay u hadalheyso saacadihii lasoo dhaafay degmada. Wiilkan yar oo lagu magacaabi jiray Maxamed Macallin Aadan ayaa qoor gashaday oo isku daldalay xarig loogu talo-galay in lagu xiro marada kaneecada lagaga gaashaanto ee loo yaqaanno sansayeeriga sida ay sheegeen eheladiisa iyo dad kaloo goob joogayaal ihi. Aabaha dhalay oo lagu magacaabo macallin aadan ayaa sheegay in saaka dhammaan reerku ay nabad ku soo tooseen, balse asagoo goobtiisa shaqada jooga loo soo sheegay inuu war naxdin leh oo ku saabsan geerida wiilkiisa. Wuxuu intaa ku daray in wiilku keligii qolka ku jiray, hooyada iyo carruurta kalena ay bannaanka jireen, ka dibna la arkay asagoo meyd ah oo xarigga mara kaneecada ka lulanaya. Faadumo jaamac oo ayana ah Hooyada dhashay wiilka geeriyooday ayaa tibaaxday inay dibedda guriga ku maqnayd kolkii uu falku dhacayay, markii ay timidna carruurtii kale ka dhex waysay, ka dibna ay asagoo meyd ah qolka ku dhex aragtay. Si kastaba ha ahaatee lama oga inuu ilmahan yari si ku talo-gal ah isku diley iyo inuu asagoo xarigga ku ciyaaraya ku ceegsamaysa, balse dhacdadan ayaa argagax ka abuurtay degmadda Deyniile iyo guud gobolka Banaadir. Source: goobjoog.com
-
Ciidamada Israa’iil iyo dabaabadaha dagaalka ayaa maanta oo Sabti ah gudaha u galay qeybo ka mid ah waqooyiga Qasa oo ay hore u sheegeen inay la wareegeen bishii January, halkaas oo ay dagaalo culus ka billaameen markale maalmihii lasoo dhaafay. Goobta uu dagaalka ugu culus ka socdo ayaa ah xerada Qaxootiga ee Jabalia, oo ah xerada ugu weyn marinka Qasa siddeedda xero qaxooti ee taariikhiga ah. Garabyada hubeysan ee Xamaas, Jihaad Islaami ah iyo Fatax ayaa sheegay in dagaalyahannadooda ay ciidamada Israa’iil ku weerareen gantaallada lidka taangiyada, bambaanooyinka, hoobiyeyaasha, iyo walxaha qarxa oo hore loogu aasay qaar ka mid ah waddooyinka, kuwaasoo khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawac ah gaadhsiiyey ciidamada Israa’iil. Israa’iil ayaan weli war rasmi ah kasoo saarin khasaaraha ciidamadooda kasoo gaadhay dagaalka ka socda waqooyiga Gaza, iyadoo warar qaar sheegayaan in ugu yaraan 20 askari halkaas looga dilay. Source
-
Daadadka xooggan oo ku rogmaday gobolka Ghor ee dalka Afgaanistaan ayaa galaaftay nolosha konton qof, halka kuwa kalena weli waa la la’yahay sida uu sheegay Afhayeen u hadlay booliisku, walina ay socdaan dadaallo lagu baadi goobayo. Waxa uu tilmaamay in daadadku ay burburiyeen laba kun oo guri, kumanaan kalena ay waxyeelo gaarsiiyeen, marka laga soo tago dhimashada kumanaan xoolo ah, waxa ay baaba’een boqollaal hektar oo dhul beereed ah iyo boqollaal buundooyin iyo kanaalo ah. Dhanka kale, sarkaalka ka tirsan waaxda maareynta musiibada ee dalkaas, oo lagu magacaabo Obaidullah Mouradian, ayaa sheegay in xaaladda halkaas ay gaartay heerkii ugu xumaa, islamarkaana loo baahanyahay xaalad degdeg ah si dadka loo samata-bixiyo Waxa uu intaa ku daray in xaaladdu ay tahay mid walaac badan, isla markaana dadka ay saameeyeen fatahaaduhu ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah oo isugu jira hoy, cunto iyo biyo. Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli Toddobaadkii hore, in ka badan 300 oo qof ay ku dhinteen daadad ba’an oo ku rogmaday gobolka Baghlan, sida ay sheegeen hay’adda cunnada adduunka ee WFP iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda Taliban. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray qodobadii ka soo baxay shirka golaha wadatashiga. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka uu soo saaray Farmaajo. QODOBBADA KA SOO BAXAY SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARAN (GWQ) WAXAY KHATAR KU YIHIIN DOWLAD-DHISKA IYO MIDNIMADA DALKA Qodobbada ka soo baxay shirka aan loo dhammayn ee Golaha Wadatashiga Qaran waxay sii kordhinayaan xiisadda siyaasadeed ee dalka, waxa ayna dhaawac weyn ku yihiin geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya, midnimada iyo wadajirka. Maqnaanshaha Dowlad-goboleedka Puntland: Puntland in ay wali ka maqan tahay Golaha Wadatashiga waxay muujinaysaa kalsooni darrada wali ka taagan Golaha iyo in Madaxtooyadu ay qaadatay go’aan ka dhan ah Federaaleynta iyo dimuqraadiyeynta dalka, iyada oo iska indho-tiraysa tabashada Dowlad-goboleedyada, siyaasiyiinta iyo daneeyeyaasha. 2. Laalidda Dastuurkii la isku waafaqsanaa: Laalidda dastuurkii la isku raacsanaa ayaa sababtay in ay lunto sharciyaddii iyo wada shaqeyntii hay’adaha dowladda. Waxaa laga filayey shirku in uu dib ugu laabto hannaankii dastuuriga ahaa ee la isku waafaqsanaa, waana nasiib darro in wali hoggaanka dalku ay sii wadaan qorsheyaal gurracan oo ka turjumaya danahooda gaarka ah, kuwaas oo uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee dalka, wiiqayana dowladnimada iyo sharciyadda Hay’adaha Federaalka. 3. Hor-istaagga Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada: In laga hor-istaago dowlad goboleedyada doorashada, iyada oo waqtigii loo muddeeyey uu dhammaaday waa afduub siyaasadeed oo khatar gelinaya hannaanka iyo xasiloonida dalka heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed. Madaxweynaha oo ahaa ilaaliyaha dastuurka KMG ah, in uu ku dhiiri galiyo in dawlad goboleedyadu ku shaqeeyaan maandhayd iyo sharciyad la’aan, waxay dalka ku hagaysaa mugdi iyo hubanti la’aan siyaasadeed. 4. Heshiisyada Hore ee aan Dastuuriga ahayn: Waxaa la yaab ah in heshiisyadii hore oo aan dastuuriga ahayn ee fashilmay wali lagu baaqayo in la fuliyo, taas oo ka dhigan in xaqiiqada la iska indho tirayo. 5. Hannaanka Doorashooyinka Qof iyo Cod: Waxaan si adag uga digaynaa hannaanka doorasho ee aan la isku waafaqsanayn ee ka soo baxay shirka aan loo dhammayn ee Golaha Wadatashiga Qaran. Nidaamka doorashada ee Madaxweynuhu uu ku hawlanyahay waxa uu caddaynayaa danihiisa gurracan ee sii kala fogeynaya shacabka Soomaaliyeed, waxaana muuqata in hannaankii doorashada laga leexinayo habraacii saxda ahaa ee ay ku qabsoomi lahaayeen doorashooyin daah-furan oo lagu wada kalsoonaan karo. Dhammaan siyaasiyiinta daneeya doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan ku adkaynaynaa in ay u midoobaan sidii dalka loogu soo celin lahaa sharciyadii iyo wada shaqeyntii hay’adaha dowladda, loogana hortagi lahaa caqabadda ku soo food leh dowladnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed. DHAMMAAD The post Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo oo ka digay qodobada ka soo baxay shirka golaha wadatashiga appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamada Ciidanka Qalabka sida qaybta 60-aad ayaa galinkii danbe ee shalay xukuno kale duwan ku ridday ku hawaad 30 askari oo lagu eedeeyay inay jidgooyooyin dhigteen degmada Bardaale ee Gobalka Bay, halka ay jireen askare kale oo lagu waayay wax dambi ah oo xoriyaddooda dib loo siiyay kadib. Askarta la xukumay ayaa tiro ahaan gaaraya 30 askari, kuwaas oo isugu jiray ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana lagu xukumay xabsi ciidan oo u dhaxeeyay 9 sano ilaa iyo 3 sano, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye Maxkamdda Aadan Maxamed. Askartaan ayaa waxaa lagu soo eedeeyay in ayqalqal galiyeen ammaanka degmada Bardale iyo isbaaro tiro beel ah oo la dhigtay gudaha iyo bannaanka magaalada oo lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah, taas oo keentay in maxkamadda ciidamadu amar ku bixiso in askaraan lasoo taago maxkamadda ciidamada. 14 kamid ah waxaa lagu xukumay min 5 sano oo xabsi ciidan ah, 9 kamid ah waxaa lagu xukumay askarta min 3 sano oo xabsi ciidan ah, halka 8 kalena maxkamaddu ay ku weysay wax dambi oo xoriyaddooda ay siisay, sida uu goobta kaga dhawaqay guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada Qeybta 60-aad Aadan Maxamed. Ciidamada dowladda qaar kamid ayaa muddooyinkii dambe kasoo muuqanayay maxkamadda ciidamada qalabka sida iyagoo ku eedeysan dambiyo kale duwan oo ay qeyb kayihiin dilal ay geysteen ama jidgooyo ay dhigtaan deegaannada qaar oo lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah, xill ay socdaan howlgallo ciidan. Source: goobjoog.com
-
Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud (Cali Tabliiq) oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada Puntland ayaa ku geeriyooday shil gaari oo xalay ka dhacay deegaanka Xaaji Khayr, degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal. Sidoo kale waxaa shilkaas ku dhaawacmay xildhibaan Cabdiqaadir Saalax Cali Guuleed oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland iyo Dr Ciise Jaamac Maxamed. Madaxweynaha Puntland Deni Siciid Cabdullaahi Deni iyo guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Cali Tabliiq. Marxuumka Cali Tabliiq ayaa lagu wadaa in maanta aas qaran loogu sameeyo magaalada Garowe ee xarunta Puntland. PUNTLAND POST The post Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo shil gaari ku geeriyooday iyo mid ku dhaawacmay appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
Wakiilkii dalka Itoobiya u fadhiyey Hargeysa, ayaa loo dallacsiiyey derajada ‘ambassador’ oo ka dhigan in uu yahay safiir buuxa oo dalkaa u jooga Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynaha dalka Itoobiya Sahle-Work Zewde ayaa Arbacadii magacawday 24 safiir, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi. Sidaas darteed, 24-ka safiir ee la magacaabay ayaa u kala qaybsanaa in 10 ka mid ah ay yihiin safiiro buuxa oo haysta awood dhammaystiran, halka 14-ka kalena loo magacaabay keliya safiir. Mudanayaasha la siiyey safiirnimada buuxda waxaa ka mid ahaa safiir Delil Kedir Bushra, oo dalkaasi u fadhiya Somaliland. Magacaabiddan ayaa ku soo beegmaysa xilli dhowaan dawladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in ay xidhay qunsuliyaddii dalka Itoobiya ku lahaa Hargeysa. “In safiir buuxa Itoobiya u dallacsiiso Konsularkii Guud waxay ka dhigan tahay in Itoobiya xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ay Somaliland la lahayd u dalacsiisay xidhiidh gaadhsiisan laba dal oo siman diblumaasiyad ahaan,” ayuu qabaa Cabdinaasir Axmed oo ah falanqeeye Arrimaha Geeska ah. Tallaabdan ayaa uu sida oo kale Cabdinaasir sheegay in ay jawaab u tahay warkii ku aaddanaa xidhitaanka qunsuliyadda Hargeysa. “Dabcan haa. Waa jawaab ku socota Soomaaliya in Itoobiya ay si cad u diidday inay xidho qunsuliyaddeeda, taas beddelkeedana u dallacsiiso safaarad dhammaystiran.” Mr Delil, ayaa Dawladda Federaalka Itoobiya u soo magacawday qunsuliyaddooda Hargeysa horraantii sannadkii hore. Bishii March ee 2023 ayaa uuna Madaxweyne Muuse Biixi ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga. Safiir Delil, ayaa hore uga soo shaqeeyey meelo kala duwan oo ay ka mid tahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka soo noqday xoghayaha labaad ee wasaaradda. Halka dhanka kale uu sida oo kale ka soo shaqeeyey safaaradaha Belguim ee dalkaas iyo ta Finland oo uu ka mid ahaa diblomaasiyiinta siyaasadda ee sare. Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya Waxay ahayd 1-dii bishii January markii heshiis is afgarad oo khuseeya Badda Cas ay magaalada Addis Ababa ku gaadheen Itoobiya iyo Somaliland. Heshiiska is-afgaradka ee labada dhinac ayaa ahaa mid Somaliland ay Itoobbiya uu oggolaanayso in ay deegaankeeda kaga kirayso dekad ganacsi. Somaliland waxaa ay sida oo kale oo ay sheegtay in dhul dhan 20 Km oo xeebaha ah ay ka kireyn doonto ciidamada badda ee Itoobiya, arrintaas oo ay Addis Ababa xaqiijisay. Falanqeeyeyaasha ayaana qaba in u dallacsiinta wakiilkooda Hargeysa ee safiir buuxa ay tahay jawaab ay ka bixinayaan sida uga go’an tahay hirgelinta heshiiskaas. “Heshiiskii is-afgarad wax wayn ayay ka taraysaa in Ethiopia u dalacsiiso safiir buuxa Qunsulkeeda Guud. Waxay muujinaysaa ka go’naanshaha Ethiopia inay ka *****naysoninay Somaliland u awoonsanayso dal madax banaan” ayuu BBC-da u sheegay falanqeeye Cabdinaasir Axmed. Hase ahaatee, falcelinta ka dhalatay heshiiskan ayaa ahayd mid aad u kala duwan iyada oo qaar ka mid ah waddmmada beesha caalamku ay ka falceliyeen, kuwaas oo badankoodu sheegay in ay taageersan yihiin ‘madaxbannaanida’ Soomaaliya, iyaga oo aan dhanka kalena si cad u duraynin Somaliland iyo Itoobiya. Heshiiskan ayaana la soo werinayaa in dhinacyadu ka shaqaynayaan hirgelintiisa, taas oo guddiyadii farsamo ee loo saaray ay gebagebo marinayaan Qaran News