-
Content Count
211,144 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Atletico Madrid oo ku guuleysatay koobka Europa League-ga 2018 Kooxda Atletico Madrid ee ka dhisan dalk Spain ayaa xalay ku guuleysatay koobka labaad ee kooxaha Yurub ee UEFA Europa League, kadib markii ay ciyaartii kama danbeysta (Final-ka) 3-0 ugu awood sheegatay kooxda reer Farnce ee Marseille. Xidiga reer France ee Antoine Griezmann ayaa labo kamid ah goolasha Atletico Madrid u dhaliyay, daqiiqadihii 21-aad iyo 49-aad ee qeybtii hore iyo tii danbe ee ciyaarta. Antoine Griezmann Halka goolka quusiyay Marseille uu dhaliyay Gabi daqiiqadii 89-aad ee dhamaadkii ciyaarta, waxayna ugu danbeyn ciyaartu ku soo dhamaatay 3-0 oo ay guushu ku raacday kooxda Atletico Madrid. Waa markii seddaxaad oo ay Atletico Madrid ku guuleysato koobka labaad ee kooxaha Yurub ee Europe League-ga, waxayna qaaday sanadihii 2010, 2012, iyo sanadkan 2018. Ciyaartan kama danbeysta ee tartanka Europa League-ga ayaa ka dhacday garoonka Groupama ee magaalada Lyon ee dalka France. PUNTLAND POST The post Atletico Madrid oo ku guuleysatay koobka labaad ee kooxaha Yurub appeared first on Puntland Post.
-
Duufaan xoog leh oo loo bixiyay ONE ayaa ka soo kacaysa waqooyiga badwaynta Hindiya waxaana la filaya in ay saamayn doonto inta badan gobollada Jamhuuriya iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland iyo Puntland 24 ilaa 48 saac ee foodda inagu soo haysa, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha ee FAO. Duufaantan ayaa lagu wadaa in ay marka hore ku dhufan doonto Puntland 24ka saac ee soo socda ka dibna ay ku faafidoonto dhanka Somaliland iyo deegaannada kale ee dhexe. Hay’addu waxay intaas ku dartay in duufaantaas ay wehelin doonaan robaab mahiigaanno ah. Qaramada Midoobay waxay ku baaqaysaa in ay dadku taxadar iyo diyaargaraw muujiyaan maadaama oo laga yaabo in ay burbur u gaystaan dhismayaasha aan tiirarka adag ku taagnayn. Waxaa kale oo la saadaalinayaa in ay deegannadaas ay daadad ka dhici doonaan, sida ay shaacisay hay’adda cunnada iyo beeraha u qaabilsan ee Qaramada Midoobay. Deeganno badan oo dhulka Soomaalida ah ayaa haddaba la sii daalaa dhacaya daadad iyo fatahaado ka dhashay roobab mahiigaanno ah oo da’ay. Ma ahan markii koobaad ee duufan ay ku dhufato dhulka Soomaalida, bishii Nofembar ee 2013kii ayay ahayd markii ay duufaan waxyeelo baaxadleh ka gaysatay deegaannada Puntland iyada oo la sheegay in ay malaayiin xoolo ah ku le’deen. PUNTLAND POST The post Duufaan halis ah oo ku soo foolleh dhul xeebeedka Soomaalida appeared first on Puntland Post.
-
somalia-(Caasimadda online)-Hay’adda ReliefWeb ayaa digniin u dirtay dadka ku dhaqan Koofurta Dalka Yemen iyo Waqooyi Bari Soomaaliya waxa ayna sheegtay in Roob xoog leh oo dabeyl wata ay suuragal tahay in uu ka do’o degaannadaas. Roobkaasi oo la filan karo 24-ka saacadood ee soo socota ayaa laga digay inay roobabkii ugu cuslaa ee ka da’a Bariga Somalia iyo Koonfurta Yemeen. Warbixinta saadaasha hawada ah ee ay Hay’adda soo saartay ayey ku sheegtay in Roobkaas iyo duufaantuba ay saameynta ugu badan ku yeelan doonaan Bariga Soomaaliya iyo Koourta Dalka Yemen waxa ay sidookale saadaasha sheegaysa in qatarta Roobka iyo Duufaanta aysan dhibaato badan ka geysandoonin dalka Jabuuti. Hay’addan Waxaa ay ku wargelisay dadka deggan Koofurta Yemen iyo Waqooyi Bari Soomaaliya in ay u diyaar garoobaan Roobka dabeysha wata. Warbixinta Hay’adda Reliefweb ayaa lagu sheegay in sidoo kale daadka ka dhalanaya roobka uu saameyn ku yeelan karo dadka iyo duunyada degaannada uu Roobka ku hoorayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kashmiir-(caasimadda online)-War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha dalka Hindiya ayaa lagu sheegay in iyada oo ixtiraameysa dadka Muslimiinta ah ee Hindida ah ay go’aansatay in ay ku dhawaaqdo hakinta dagaalka u dhaxeeya dowladda iyo Mucaaridka Kashmiir. Wasaaradda arrimaha gudaha Dalka Hindiya ayaa shaacisay in ay ku dhawaaqday xabad joojin bil ah oo ka billaabaneysa maalinta 1da Bisha Ramadaan. Waxaa ay sheegtay in haddii Ciidanka Hindiya la soo weeraro ay xaq u leeyihiin in ay is difaacaan hayeeshee aysan horseed ka noqondoonin weerar ama dagaalka dhexmara labada dhina inta lagu jiro Ramadaanka. Madaxa xukuumadda Gobolka Kashmiir qeybta raacsan Hindiya Mehbooba Mufti, ayaa soo dhaweeyay aragtida dowladda Hindiya waxaana uu ku baaqay in Muslimiinta loo oggolaado in ay nabad ku soomaan. Hindiya Gobolka Kashmiir waxaa ka jooga 500,000 oo Askari,kuwaas oo la dagaallamaya Kooxaha gooni isu taagga Gobolka Kashmiir qeybta Hindiya ay maamusho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho-(Caasimadda Online)-Iyada oo Maanta ay ku beegan tahay Maalinta 1aad ee Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxa ay digniin kasoo saartay dadka Maqaayadaha furaya Maalintii iyada oo la sooman yahay. Xog-hayaha Wasaaradda Aw-qaafta iyo Arimaha Diinta Soomaaliya Sheekh Maxamed Kheyrow oo la hadlay idaacadda Dalsan ayaa sheegay in marnaba aan la ogolaan doonin in Maalintii iyada oo dadku ay sooman yihiin in la furo Maqaayado si dhuumaaleysi ah looga cunteynayo. Waxa uu sehegay in ay codsi u jeediyeen laamaha amniga Soomaaliya,si ay kala Shaqeeyaan in gacan adag lagu qabto dadka maqaayadaha furaya Maalmaha Bisha ramadaan. Waxa uu sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in lagala Shaqeeya kahortegida dadkaas,maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay Wadamada Islaamka. Sikastaba xilliyadaan oo kale marka la gaaro Bisha Ramadaan waxaa lafuraa Goobo maqaayado ah oo si dhuumaaleysi ah looga cunteeyo taas oo keentay in Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta Soomaaliya ay digniintaan soo saarto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi-(Caasimadda Online)-Taliska Ciidamada Booliiska Dowladda Kenya ayaa xalay Shaaciyay in Ciidamo gaar ah loo diyaariyay amaanka magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya maalmaha Bisha Ramadaan kadib cabsi ay muujiyeen hay’adaha amaanka Kenya. Taliska Booliiska ayaa sheegay in Ciidan gaaraya 2,000 oo Askari ay u xil saareen sugida amniga Nairobi oo ay ku nool-yihiin dadka ka soo jeedo wadamo kale Duwan kadib markii ay Hay’adaha amaanka soo saareen walaac ah iney jiraan qorshayaal Argigixiso oo Bisha ramadaan lala damacsan yahay Kenya. Ciidankaan ayaa la sheegay in ay tagi doonaan Waddooyinka Magaalada,Hoteellada,Suuqyada waaweyn,Goobaha laga raaco gaadiidka,Goobaha waxbarashada iyo meelaha kale ee muhiimka ah. Taliyaha Booliska Nairobi,Joseph Ole Tito,ayaa sheegay in Ciidamadan ay isugu jiraan kuwo xiran dharka Booliska iyo kuwo dharcad ah. Waxa uu intaas ku daray in Ciidamadaan loo diyaariyay ka hortagga falalka argagixisada la xiriira inta lagu jiro Bisha Ramadaan,amniga magaaladana ay iyaga mas’uuul ka yihiin. Joseph Ole Tito,ayaa yiri: “dhaqanka argagixisada waxaa ka mid ah marka ay imaadaan waxaa ay raadinayaan marka hore meel ay degaan,waxaa ay tagayaan Hoteel,iyaga oo iska dhigaya dad wanaagsan,sidaas ayeyna qorshahooda ku fulinayaan”. ugu danbayntii Taliyaha Booliska magaaladda Nairobi ayaa ugu baaqay milkiilayaasha Hoteellada iyo goobaha kale ee muhiimka ah in ay diiwaangeliyeen dadka tagaya islamarkaana kireysanaya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Unidentified gunmen killed the manager of a plant owned by Nigeria’s Dangote Industries Limited in Ethiopia on Wednesday after he was attacked in the restive Oromiya region while returning to the capital from the factory, officials said. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho-(Caasimadda Online)-Wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa ka warbixisay qaraxyo xalay laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho. Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in jugtii iyo dhawaaqii cuslaa ee caawa ka dhacay magaalada Muqdisho aanay aheyn madaafiic hoobiyeyaal ah, balse ay ahaayeen waxyaabo ka dhashay baaruudda qaraxda. Dadka reer Muqdisho ayaa xalay si wayn u maqlay dhawaqyada wax u eg madaafiic oo magaalada ku soo dhacay, hasse ahaatee dowladda waa ay beenisay. Wasiir Ducaale oo la hadlayay Wakaalada Wararka ee SONNA ayaa sheegay inay dhawaaqa caawa fiidkii laga maqlay Muqdisho ay ahaayeen bacyo lagu shubay Baaruudda Qaraxda. Wasiir Ducaale ayaa sheegay goobaha laga maqlay dhawaqyadaasi in ay u direen Hay’adaha ammaanka, oo aysan jirin qof wax ku noqotay, wuxuuna tilmaamay in ujeedada ay aheyd in shacabka Soomaaliyeed aysan cibaadaysan oo aysan Tukan Salaada Taraawiixda sida uu hadalka u dhigay. Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in sare loo qaaday Amiga magaalada Muqdisho inta lagu guda-jiro bisha Ramadaaan oo xalay bilaabatay waxaana heegan buuxa la galiyay ciidamada amaanka si looga hortago weerarada ay kooxda shabaab magaalada gudaheeda ka geystaan bilashaan oo kale . Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi governor Mike Sonko has nominated Miguna Miguna as his deputy. Source: Hiiraan Online
-
Hundreds of thousands of residents in Garndersville, a Monrovia suburb, including businesses along the Somalia Drive are breathing relief in the wake of the nearly completion of phase one of rehabilitation works on the route from Freeport to Redlight under the auspices of the Government of Japan. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Laamaha amaanka Jubbaland ee Axmed Madoobe, ayaa Xabsiga u taxaabey Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Daraawiishta maamulkaasi, kadib markii uu si kulul uga hadlay dil loo geystay Gabar Soomaaliyeed. Dilkan loo geystay gabadhan, oo lagu magacaabi jiray Taysiir Food Maxamed Salaad ayaa ka dhacay todobaadkan magaalada Qabri-Dahar ee Ismaamul-goboleedka Soomaalida Itoobiya, kaasoo ay geysteen Ciidamada maamulka. Caro badan ayuu dilka Taysiir ka dhex-abuur bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna ka dambeeyay kadib markii ay Hoygeeda kala baxeen ciidanka Liyuu Boolis, kuwaasoo dilay, islamarkaana inkiray inay khaarijiyeen. Laakiin, baaritaano dheer kadib waxaa lasoo ogaaday kuna cadaatay in iyaga ay dileen Gabadha, inkastoo ay ku doodeen inay iyada ay is-dishay, hasa-yeeshee waxaa ugu dambeyn ku cadaatay inay si bareer ah u dileen. Sarkaalka lagu xiray Kismaayo ayaa waxaa lagu maagcabaa Mukhtaar Bedal Goobse, iyadoona xarigiisa uu ka dambeeyay kadib markii uu Muuqaal uu iska soo duubay ku cambeereeyay falka dilka ah ee Taysiir loogu geystay Qabri-Dahar. Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Sarkaalka ay u xireen inuu gudaha Kismaayo ku cambaareeyay, islamarkaana wax uu ka sheegay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, oo Axmed Madoobe xiriir fiican kala dhaxeeya. Mukhtaar ayaa lagu xiray mid kamid ah Xabsiyadda Ciidamada Nabad Sugida Jubbaland, mana la oga waxa ay ka yeeli doonaan, iyadoo dadka ehelkiisa ah ay walaac ka muujiyeen xarigiisa. Maamulka Jubbaland ee uu majaraha u hayo Axmed Madoobe ayaa lagu eedeeyay inuu cuburiyo dadka dhaliila, gaar ahaan Odayaasha dhaqanka, Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta madaxa-banaan. Isha: Radio Garowe
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan baarlamaanka 10aad ee federaalka ah, gaar ahaan Gudiga Baarlamaanka ee la socodka iyo korjoogteynta dib u eegista dastuurka, ayaa xaqiijiyay in guddigooda ay la shaqeeyaan xubnaha 6da ahaa ee matalayey dowlad goboleedyada. Hadalkan waxaa uu meesha ka saarayaa, qoraal shalay ka soo baxay golaha dowlad goboleedyada oo shirkoodii Baydhabo ku sheegay in aanay shaqeyn xubnihii dowlad goboleedyadu u soo kala magacaabeen Gudiga Madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka iyo Gudiga Baarlamaanka ee la socodka iyo korjoogteynta dib u eegista dastuurka. Qoraalka ayaa u qornaa sidan “2.9 Waxaa jira in aan wali la hawl galinin xubnihii dowlad goboleedyadu u soo kala magacaabeen Gudiga Madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka iyo Gudiga Baarlamaanka ee la socodka iyo korjoogteynta dib u eegista dastuurka. Sidaas darteed Goluhu waxuu si adag ugu wargalinyaa Wasaarada Dastuurka ee Dowlada federalka in aysan Gudiyada dastuurku bilaabin wax shaqo ah oo aysan kamid ahayn Xubnaha Dowlad Goboleedyadu. Hadadaba waa kuwan liiska iyo magacyada dowlad goboleedyada ugu jira Gudiga Baarlamaanka ee la socodka iyo korjoogteynta dib u eegista dastuurka.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Xukuumada Somalia ay bilowday wada-xaajood ay xal ugu raadineyso Khilaaf Siyaasadeedka kala dhexeeya Dowlada Imaaraadka Carabta. Wararku waxa ay sheegayaan in wada-hadalka ay bilowday Wasarada Arrimaha Dibadda Xukuumada Somalia oo iyadu ku shaqo leh howlaha dibadda ee khuseeya Somalia. Xiriirka lagu doonaayo in lagu xaliyo Khilaaf Siyaasadeedka oo markiisa hore ka imaaday dhanka Dowlada Imaaraadka ayaa waxaa la xaqiijiyay in iminka uu maraayo bilow. Wada-hadalka ayaa si toosa ugu dhexeeya Wasaaradaha arrimaha Dibadda Somalia iyo Imaaraadka, waxaana jira warar hordhac ah oo sheegaya in leysku fahmi la’yahay qodobo dhowr ah oo ku-xeeran madax-banaanida Somalia. Qodobada ay difaacaneyso Wasaarada Arrimaha Dibadda ayaa waxaa kamid ah in Somalia looga danbeeyo wixii khuseeya masiirka dalkeeda iyo in la kala qaado caawinaada iyo faragalinta joogtada ah. Qodobada ay difaacaneyso Somalia ayaa waxaa sidoo kale kamid ah inaanu Imaaraadka gali Karin Heshiis aan soo marin Dowlada Somalia iyo in Dowlada dib loo hoos keeno dhammaan Heshiisyadii uu Imaaraadka la galay Maamul Goboleedyada ka jira dalka. Wasiirka Arimaha Dibada Dowladda Soomaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa dhawaan sheegay in Dowlada Somalia ay xal u raadineyso Khilaafka kala dhexeeya Imaaraadka, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu xirneyn Heshiis. Docda kale, waxa uu sheegay in Imaaraadka laga doonaayo keliya inay u hogaansamaan wixii ku aadan Maslaxada Qaranka Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Doxa (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha dibada Qatar Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-thani, ayaa ka digay in faragalin Siyaasadeed iyo mid Amni lagu sameeyo Somalia. Wasiirka oo magaalada Dooxa kula hadlay saxaafada maxaliga xili uu dhaweynaayay wafdiga Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in Qadar aysan ka waaban doonin isgarabtaga Somalia. Waxa uu sheegay Wasiirka in Qadar ay diyaar u tahay ilaalinta Madax-banaanida Somalia, sidoo kalane ay difaaceyso Qaranimada Somalia, sida uu hadalka u dhigay. ‘’Qadar kama raali noqon doonto faragalin lagu sameeyo Somalia waana ka digeynaa in lagu xadgudbo amuuraheeda gaarka ah’’ Wasiir Maxamed Bin Cabdiraxmaan, waxa uu sheegay inay jiraan wadamo badan oo aan ku raali aheyn horumarada ay tiigsaneyso Somalia, hase ahaatee arrinka noocaasi ah aan la aqbali Karin. Qadar ayuu sheegay inay isgarabtaagi doonto Somalia inta ay ka hiigsato mustaqbalkeeda waxa uuna si gaara mahadcelin ugu jeediyay Dowlada Somalia. Sidoo kale, Maxamed Bin Cabdiraxmaan ayaa carab ***** in Somalia ay ka gudbi doonto xiliga qaraaran oo ay ku jirto, waxa uuna cod dheer ku sheegay inay ka saacidi doonaan Amniga, Dhaqaalaha iyo Horumarka. Haddalka Wasiir Maxamed Bin Cabdiraxmaan, ayaa kusoo beegmaaya xili Dowlada Qadar ay qaab Siyaasadeeysan Somalia ugu adeegsaneyso Imaaraadka oo uu Khilaaf kala dhexeeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
National Union of Somali Journalists (NUSOJ is dismayed by the arbitrary arrest and continued detention of a local journalist by the Somaliland police in Las Anod town in Sool region. Source: Hiiraan Online
-
Somalia’s Minister of Planning, Investment and Economic Development Gamal Mohamed Hassan said the talks between His Highness the Amir Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani and Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo were constructive. The talks were held in a brotherly atmosphere which proves the trust and depth of the relations between Qatar and Somalia, he said. Speaking to Qatar News Agency (QNA), the minister said the Somali president’s visit to Qatar is a reaffirmation of the continuous communication and consultation between the leaderships of both countries. The minister highlighted the willingness of the two countries’ leadership to improve relations between Doha and Mogadishu in all fields. newsinideThe minister said the talks were comprehensive and covered all bilateral, regional and international issues of common interest. This confirms a sincere desire and the political will to move forward for the benefit and interests of both countries and peoples, he added. In addition, the minister praised the vision of His Highness the Amir, stating that under his leadership Qatar is moving in the right direction, steadily and confidently towards development, modernisation and growth. The minister said the Amir is a friend of the Somali leadership and people, thanking him for his interest in Somalia and his support and assistance to its people. The Somali people are aware of this and thank the Amir and the Qatari people for their support, assistance and for standing by them, the minister said. He stressed that Qatar’s support to Somalia is clear and continuous in all fields adding that the future is promising for relations between the two countries. The minister said Somalia is satisfied with Qatar’s support and with the Amir’s interest in the country, its development and the prosperity of its people. With regard to Somalia’s vision of the Gulf crisis, the minister said Somalia is neutral, supports the Kuwaiti mediation and hopes for its success, calling for resolving the situation peacefully through dialogue and diplomatic methods. The minister said the GCC states are brothers and they should sit at the negotiating table to resolve this crisis and any other differences. He called for the establishing peace through negotiation and dialogue. The Somali Minister of Planning, Investment and Economic Development Gamal Mohamed Hassan stressed the need to spare the region from any conflicts, and focus instead on the challenges the area faces, including terrorism represented by “Al Qaeda and the ISIS.” On his views on the so-called Republic of Somaliland and its decisions and agreements, the minister said that “Somaliland” is part of the motherland, and that Mogadishu does not recognise any agreements and steps without the consent of the Somali federal government, in that regard, the Somali parliament rejects any agreements signed with any party. Regarding the Somali government’s stance on the subject of the relocating the US embassy in Jerusalem, the minister said that his country’s stance is the similar to that of the Arab League and the Organisation of Islamic Co-operation. In response to a question on the role of Somalia as a member of the Arab League, he said that the member-states should intensify their efforts to overcome the problems they face. In response to a question on the internal affairs in Somalia, the minister said that things are improving and will be better. He said that President Farmajo met the Somali community in Qatar and heard from the members their praise of and gratitude to Qatar, the leadership of Qatar and the people for their assistance, support and brotherly relations. The minister stressed that the issue of sovereignty and territorial integrity and non-interference in the affairs of others is a priority of Somali politics.
-
A gang of Somalis allegedly traveled across state lines to terrorize a wedding party in New Hampshire. They are now in custody after being accused of opening fire on a vehicle at a Concord wedding. The New Hampshire Union Leader issued a report on the incident: Witnesses identified Salim Hussein as the man they saw shoot a pistol from a white Chrysler 200, which was rushing out of the parking lot at Bektash Temple when it was broad-sided by another vehicle early Sunday, police said. Five people climbed out of the Chrysler; witnesses told police at least one opened fire on the other vehicle, Lt. Sean Ford said Monday. “We knew people had fled into the woods and we were concerned for a while that we may have somebody injured out in the woods,” Ford said. “We had people coming out of the woodline for several hours after this thing, even at the break of dawn.” A caller first reported shots fired around 1:20 a.m. Sunday at the function hall at 189 Pembroke Road. Ford said officers arrived to a chaotic scene involving about 300 people.” The suspects names are Salim Hussein, Abdi Mohamed, Ali Hussein and Jafar Issak. Hussein allegedly drove from Tennessee through Ohio to pick up the accomplices. A follow-up article released by the New Hampshire Union Leader traced the animus back to Ohio street gangs. Columbus has seen a rise in migrant-related gang violence as it has become an enclave for Somali immigrants. Police have learned the following by studying the foreign criminal gangs: “Police in Columbus said several factors have come into play in the rise of Somalian-dominated street gangs: Somalians don’t forget tribal animosities just because they move to the United States, and at one point Columbus tracked 10 to 15 clans with histories of grudges and shifting alliances, said Khaled Bahgat, the new American diversity/inclusion officer for Columbus police. He added that those animosities seemed to have calmed in recent years. • Refugee families settle in inner-city communities, where youths find role models among street criminals. Recently, some Somalians have been robbing Columbus pharmacies and engaging in drug trafficking, Bahgat said. “Some, unfortunately, follow the path of whatever environment they’re in. Once they take that road, they become very bold. They feel like nobody can touch them,” he said. • When younger family members succumb to the lure of street crime, their strict, fundamentalist parents and older relatives shun them, which pushes them further toward delinquency.” Refugee resettlement watchdog Ann Corcoran says she knows who is to blame for third-world crime wave that is upending American communities: the NGOs soaking up taxpayer cash to resettle migrants here. “If you are looking to thank those responsible, look no further than Catholic Charities, Evangelicals at World Relief, Church World Service, and the Hebrew Immigrant Aid Society and others of the big nine resettlement contractors all of which have promoted the resettlement of over 100,000 Somalis to America in the last 3 decades,” Corcoran said in a blog post. Although President Trump has slowed the transfer of refugees into American communities, it is going to take a lot more than just that to reverse the damage that has already been done.
-
Doha (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa ka dhoofay maanta. Madaxweynaha iyo wafdigiisa gelinka danbe laga sugayaa inay soo daaraan magaalada Muqdisho sida uu madaxweynaha warfidiyiinka u xaqiijiyay. “Waxaan soo gabagabeeyay booqashadii aan ku joogay Dalka aan Walaalaha nahay ee Qadar, waxaanan hadda kusii jeedaa Dalkeyga, wada hadalladii na dhex maray aniga iyo Walaalkay Ammiirka Qadar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, waxay ahaayeen kuwo mira dhal ah oo kusoo dhammaaday guul”Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay shacabka iyo dowladda Qatar sida ay usoo dhoweyeen, isagoona sheegay in guul uu ugu soo dhamaaday safarkiisa.Intii uu madaxweynaha Doha ku sugnaa wuxuu la kulmay amiirka Qatar iyo wasiiro mug leh oo wafdigiisa ay kala saxiixdeen heshiisyo dhinacyada horumarinta quseeyo.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Hoobiyayaal dhowr ah ayaa waxa ay Caawa ku dhacayaan qeybo kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir. Degmooyinka qaar ayaa waxaa ku dhacaaya Hoobiyayaal waxaana la arkayaa Qiic dul heehaabayo hawada sare ee Degmooyin Muqdisho qaarkood. Degmooyinka caawa lagu garaacayo Hoobiyayaasha ayaa waxaa kamid ah Degmada Hodan, Waabari, Howlwadaag, Xamar-weyne, Xamar jajab iyo Wardhiigley. Hoobiyayaasha qaar ayaa ku dhacaaya Isgoosyada magaalada Muqdisho, waxaana Jawi cabsi leh ay ku abuurtay inta badan shacabka ku nool magaalada Muqdisho. Dhawaqa Hoobiyayaasha caawa la maqlay ayaa kor u dhaafaya ilaa 12 Hoobiyo iyo Bamgacmeedyo dhowr ah oo lala eeganaayo ciidamada fadhiya Isgoosyada magaalada. Sidoo kale, waxaa la maqlayaa dhawaaqa rasaas ay ridayaan Ciidamada Dowladda ee ku sugan meelaha Qaraxyada lagu weeraraayo. Si kastaba ha ahaatee, waxaan si rasmi ah loo ogeyn Khasaaraha dhimasho iyo tan dhaawac ee kadhashay Qaraxyada Caawa loo qeybinaayo Degmooyinka magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Ciidamada dalka Kenya ayaa lasoo sheegayaa inay jir dil xoogan u geysteen Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji oo ka tirsan BFS, lana dhashay allaha u naxariistee Wasiirkii la dilay ee Cabaas Sheekh Maxamuud Siraaji. Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji, ayaa la xaqiijiyay in iminka la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana laga jir dilay qeybaha sare ee jirka, sida laga soo xigtay mid kamid ah qoyska uu kasoo jeedo. Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji oo hadda jiifa Isbitaal ku yaalla Nairobi, ayaa waxaa si gaara u jir dilay ciidamada Booliska kuwaa oo ku andacooday inay ka shakiyeen gaari uu saarnaa Xildhibaanka oo u muuqaal ekaa mid lasoo xaday. Qaar kamid ah Saraakiisha Booliska ee loo aaneynaayo inay goobjoog ka ahaayen Kiiska ayaa sheegay in xiliga ay Jir dilayeen Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji ay ku guda jireen baadi-Goobka Gaari la xaday. Qorshaha ciidamada Booliska Kenya ayaa la sheegay inuu ahaa inay toogtaan Xildhibaanka iyo dadkii kale ee la socday, hase ahaatee uu ka badbaadiyay kadib markii saaxiibkii uu kusoo dajiyay Xaafadda Westland ee magaalladda Nairobi. Gaariga uu la socday Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji ayaa noociisa ahaa ‘’toyota rav4’’, mana kala cadda sababta ay Boliska Kenya u beegsadeen. Sidoo kale, Gaariga ay baadi-Goobayeen ciidamada Kenya ayaa noociisa ahaa ‘’toyota lexus’’ oo loo sheegay in laga soo xaday Kiambu. Docda kale, Dowlada Somalia iyo Safaarada Somalia ee Kenya ayaan weli ka hadal dhibaatada loo geystay Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraajioo hadda yaal Isbitaal ku yaalla Nairobi. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa caawa weerar Bambaano ku qaaday Hooyga uu Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ka degan yahay Taliyihii hore ee ciidamada Xasilinta NISA Maxamed Cali Jacfar. Weerarka bambaano ayaa waxaa geystay laba dhalinyaro oo min Hal bam ku tuuray Hooyga Jacfar oo dhinaca ku haya Iskuulka Dhagaxtuur. Weerarka ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaaro kala duwan, waxaana Qaraxyada kadib la maqlaayay rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada ka agdhawaa Hooyga Jacfar iyo ilaaladiisa. Qaraxyada oo ahaa laba ayaa waxaa dadkii ku dhaawacmay kamid ahaa Askar iyo dad shacab ah, waxaana xusid mudan in Qaraxyada kadib ay halkaa kusii socdeen Gaadiidka Ambalaasta ee gurmadka ah. Sidoo kale, waxaa Qaraxyo ka dhashay Bam gacmeed caawa lagu weeraray ciidamo karsan Dowlada oo ku sugnaa Isgooska Bakaaraha iyo Degmada Waabari, waxaana la xaqiijinayaa inay ka dhasheen Khasaarooyin kala duwan. Maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa horay u sheegay in Bisha Ramadaan ay magaalada Muqdisho ka fulinayaan Qaraxyo, maadaama ay tahay bil cibaado. Si kastaba ha ahaatee, Qaraxyada Caawa ka dhacay qeybo kamid ah Degmooyinka ayaa kusoo beegmaaya xili ay Caawa tahay koowga Bisha Ramadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Gen. Cabduweli Jaamac Gorod Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa si kulul uga hadlay qashinka tuban qeybo kamid ah Xaafadaha iyo Waddooyinka magaalada Muqdisho. Gen. Cabduweli Jaamac Gorod , ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay bilicdeeda qarisay wasaq badan oo u muuqata inay ka dhalatay nadaafad daro iyo inaanu jirin is xilqaam. Gen. Cabduweli Jaamac Gorod , waxa uu tilmaamay in magaalada Muqdisho aysan iska xilsaarin shaqsiyaadka ku magacaban, waxa uuna cadeeyay in qashinka uu qeyb ka yahay amni darada ka jirta magaalada Muqdisho. ‘’Waxaan la socnaa in goobaha uu qashinku ku badan yahay lagu aaso miinooyin, sidaa aawgeed waxaanu dooneynaa in lagala xisaabtamo dadka ku shaqada leh’’ Gen. Cabduweli Jaamac Gorod, waxa uu soo jeediyay in Degmadii lagu arkaa qashin badan loo xiraa Guddoomiyaha ka mas’uulka ah, maadaama uu dayacay mas’uuliyadii saarneyd. “Waxaad arkeysaa qashin iyo biyo dhex yaallo magalada gudaheeda,waxana mas’uul ka ah gudoomiyaasha,taasi waxay tahay waa in la xiraa guddoomiyihii qashin lagu arkaa degmadiisa’’ Sidoo kale, Gen. Cabduweli Jaamac Gorod , waxa uu ku baaqay in maamulka Gobolka Banaadir qudhiisa lagula xisaabtamo bilicda magaalada waxa uuna cadeeyay inaanu jirin mas’uuliyad u muuqata. Si kastaba ha ahaatee, haddalka Gen,Cabduweli Jaamac Good ayaa imaanaya xili laamiyada waaweyn iyo kuwa yaryar ee magaalada Muqdisho ay dhex tuban yihiin wasaq, halka qaarna ay yihiin kuwo aan laheyn leyrar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com