Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Germany beat Hungry 2-0 to top Group A in Euro 2024 while Albania held Croatia to a 2-2 draw through Klaus Gjasula's equalizer in injury time. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay arrimaha Xajka ee Sanadkan oo Soomaaliya ay ka tageen 11,500 oo Xaaji, waxayna shaacisay tirada rasmiga ee ka geeriyootay Xujeyda Soomaaliyeed. Madaxa Xafiiska arrimaha Xajka ee wasaaradda arrimaha awqaafta iyo diinta xukuumadda Soomaaliya Khadar Daahir oo shir jaraa’id qabtay ayaa xaqiijiyay dhimashada illaa lix Xaaji oo isugu jiro rag iyo dumar, kuwaas oo laba kamid ah aygeeriyoodeen intii lagu guda jiray Xaja, labada kalena ay dhinteen kahor. Khadar Daahir ayaa tilmaamay in Xujeyda geeriyooday ay qaarkood ahaayeen dad da’ah, sidoo kalena ay xanuunsanaayeen, wuxuuna tacsi u diray ehelladooda. “Tirada dhimatay oo Xujeyda Soomaalida sanadkan ka geeriyootay waa lix Xaaji saddex rag ah iyo saddex dumar ah waxaa ku jiray dad da’ah oo xanuuno qabay” ayuu yiri Khadar Daahir oo ah madaxa Xafiiska arrimaha Xajka ee wasaaradda arrimaha awqaafta iyo Diinta Soomaaliya. Sidoo kale wuxuy intaasi sii raaciyay “Xujeydaasi laba kamid ah Xajka inta aan la galinin ayay geeriyoodeen, afarta kalena inta Xajka lagu guda jiray ayay geeriyoodeen” Madaxa Xafiiska arrimaha Xajka ee wasaaradda arrimaha awqaafta iyo Diinta Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in marka la eego dhimashada guud ee sanadkan ka dhacday Xajka ay aad u badnayd, sababo la xiriirka kulaylka daran ee ka jira dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, balse ay ka nabad qabeen Xujeyda Soomaaliyeed. “Dhimashada xoogga badan ee aadka u fara badan ee la sheegayo ay sabab u tahay qorraxda maalintii ah arrintaa Xujeydeyno aadbey uga nabad qabeen” ayuu mar kale yiri Khadar Daahir. Xajka waxaa sanadkan tirada dhimashada ay gaartay 550 Xaaji, waxaana sababta lagu sheegay kulaylka daran ee ka jira Sacuudiga oo heerkulkiisu gaarayay 51.8 Eegrees Celsius. The post DF Soomaaliya oo shaacisay tirada Xujeyda sanadkan ku geeriyootay XAJKA appeared first on Caasimada Online.
  3. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabeelel Cali Guudlaawa ayaa lagala wareegay mashruuc muhiim ah oo hay’adaha Qaramada Midoobe ay ka fulinayaan gobolka Shabeellaha Dhexe kadib faro-gelin ka timid xafiiska ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Mashruuca Jowhar offstream Storage Programme (JOSP), oo loogu talo-galay in biyo xireeno iyo kanaalo looga sameeyo webiga Shabeelle ee mara gobolka ayaa waxaa wejigiisa koowaad ku kacaya $165 milyan, isagoo guud ahaan ay ku bixi doonto $250 Milyan. Waxaa mashruuca maal-gelinaya USAID iyo UKAID, waxaana fulinaya shan hay’ad oo kal ah FAO, IOM, UNIDO, UN Habitat, UNEP. Mashruucan ayaa waxaa ka wada shaqeeyey diyaarintiisa maamulka HirShabeelle iyo hay’adaha maal-gelinaya, waxaana si buuxda gacanta ugu hayey xafiiska madaxweyne Guudlaawe, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. Hase yeeshee, xilli la filayey in Guudlaawe uu magacaabo mas’uulka maareyn lahaa mashruuca, ayaa waxaa soo faro-geliyey shaqsiyaad ka tirsan xafiiska Xamza, gaar ahaan Axmed Nuur Uleex oo ay qaraabo yihiin ra’iisul wasaaraha. Ahmed Nuur Uleex wuxuu hore ugu fashilmay in ninka la magacaabay uu geeyo mashruuca, waxaa taas ka diiday wasiirkii hore ee Beeraha iyo Daaqa Hon. Axmed Madoobe Nuunow, isagoo markii dambe xilkiisa ku waayey. Kadib, ayaa waxaa wasiirka Beeraha iyo Daaqa loo soo Magacaabay Maareeye oo xariir fiican uu kala dhaxeeyo Axmed Nuur Uleex oo ay ka wada tirsanaayeen kooxdii Xasan Cali Kheyre. Maareeye ayaa markii uu xilka la wareegay waxa uu ka dhaadhiciyey hay’adaha fulinaya mashruuca in wasaaradda beeraha federaalka la hoos keeno mashruuca, loogana soo wareejiyo HirShabeelle, taasi oo lagu guuleystay. Arrintaas waxaa Maareeye iyo Uleex kala shaqeeyey saaxiibkood Yaxye Cali Hareeri oo ay ka wada tirsanaayeen team Xasan Cali Kheyre. Yaxye oo la taliye ugu magacaaban Madaxtooyada HirShabelle ayaa qeyb weyn ka qaatay in mashruucan la hoos geeyo federaalka. Axmed Nuur Uleex (bidix) iyo Yaxye Uleex ayaa kadib wasiirka beeraha Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) u gudbiyey nin ay isku beel yihiin oo lagu magacaabo Mohamed Salah Abdi oo ka soo jeeda waqooyi bari Kenya, si loogu magacaabo agaasimaha mashruuca, sida ku cad warqadda magaaabista oo ay heshay Caasimada Online. Arrintan ayaa ka careysiisay maamulka xafiiska madaxtooyada HirShabeelle oo sanado badan ka soo shaqeynayey diyaarinta mashruuca. Waxaa sidoo kale la-yaab ku noqotay in nin aan deegaanka ka soo jeedin oo aan aqoon u laheyn hab qabiil loogu gacan geliyo mashruuc u baahan wada-shaqeynta iyo isku xirka bulshada deegaanka. Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe oo lagu yaqaan inuu yahay nin dabacsan oo aan go’aan adkeyn ayaan illaa hadda wax tallaabo ah qaadin, si uu isaga caabiyo faro-gelinta ka timid xafiiska ra’iisul wasaare Xamza. Siyaasiyiin iyo dad kale oo deegaanka ah oo marar badan kula taliyey inuu arrintan ku gacan sayro ayaa laga soo xigtay inuu u sheegay inuu la-tashi ka sameynayo, balse sida muuqata ay noqon doonto xilli dambe marka uu go’aan qaato, haddiiba ay dhacdo. Xafiiska Xamza ayaa faro-gelin xooggan ku haya maamul goboleedyada qaarkood iyo inta badan wasaaradaha dowladda, ayada oo mashruucyo badan sidan oo kale looga soo wareejiyey. The post Xog: Xafiiska R/W Xamza oo mashruuc muhiim ah ka afgambiyey Cali Guudlaawe appeared first on Caasimada Online.
  4. Dowladda Canada ayaa liiska argagixisada ku dartay ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC), sida uu ku dhawaaqay wasiirka Amniga Dadweynaha Canada, Dominic LeBlanc. Ku dhawaaqistan ayaa ka dhigan in ay xiri doonaan laamaha sirdoonka Canada , dadka ku sugan gudaha dalkooda ee lagu helo inay taageeraan IRGC, si la mid ah waxay xayiri doonaan hantida ciidankan. Ilaalada Kacaanka Iran , waa ciidanka ugu sarreeya Iran, tan oo ka dhigan inay Canada u aqoonsanayso argagixiso ciidamada ugu awoodda badan ee uu dal leeyahay. Tallaabadaasi ayaa sare u qaadaysa xiisadda reer galbeedka iyo Iran. Si cad Iran ayaa qaadi doonto tallaabooyin tan la mid ah oo liiskeeda argagixisada ay ugu dari karto militariga Canada. PUNTLAND POST The post Dowladda Canada oo liiska argagixisada ku dartay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran appeared first on Puntland Post.
  5. The Ethiopian government has announced its intention to implement the agreement previously signed by the President of Somaliland and the Prime Minister of Ethiopia, which involved Ethiopia recognizing Somaliland and it providing it with a port and naval base. The Minister of Foreign Affairs of the Federal Government of Ethiopia, Tarekegn Bululta, stated that Ethiopia would become the first country to officially recognize the self-declared republic of Somaliland. In a statement released by the minister, he expressed confidence that his country would soon recognize Somaliland, indicating their readiness to fulfill the terms of the MoU agreement reached by both sides. Minister Tarekegn Bululta also said that the Ethiopian government’s allies in the economic and military fields will agree with the decision of Ethiopia to recognize Somaliland The Somali government strongly opposes Ethiopia’s desire to acquire a Somali-owned maritime territory, and the former government has taken diplomatic measures against the Ethiopia-Somaliland agreement SD Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 9 eedeysane oo loo heysto falal isugu jira dil, dhaawac iyo dhac ay u geysteen dadweynaha ku nool caasimadda Muqdisho. “Eedeysanayaashaan waxaan ku jira shabakado abaabulan, waxaa ku socota baaris, waxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda awooda u leh,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir. Ragga lasoo bandhigay qaarkood waa odayaal, sidoo kale intooda badan waxay ku hubeysan yihiin tuutaha ciidamada dowladda iyo qoryo AK 47 ah. Ragga qaar waxaa loo heystaa dilal, balse lama shaacin cidda ay dileen iyo sababta ay u dileen, si gaar ah ninka ugu weyn iyo kan ugu yar ayaa loo heystaa dilalka. Sidoo kale ragga qaar waxaa lagu shaaciyey qoraalkaan inay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda, gaar ahaan militeriga. Sawirrada 9-kaan eedeysane oo magacyadooda iyo dunuubta loo heysto lagu soo dul qoray ayuu baahiyey booliska Soomaaliya oo gacanta ku haya ragaas. Muddooyinkii dambe booliska Soomaaliya ayaa go’aansaday in la fadeexeeyo oo bulshada loo soo bandhigo qofkii qalad gala ee muteysta xarig, waxaana lagu sawiraa astaanta booliska isagoo maxbuus ah, waxaana bulshada lala wadaagaa dembiga loo heysto. Hoos ka eeg sawirrada ragga lagu soo qabtay dhaca dadweynaha Muqdisho. The post Sawirro: Askar Muqdisho ka gaystay dil, dhaawacyo iyo dhac oo la soo bandhigay appeared first on Caasimada Online.
  7. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbalanad Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta maamulka degmada Baardheere ee gobolka Gedo, isaga oo sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis. Axmed Madoobe oo wareegto soo saaray ayaa maamul cusub u magacaabay Baardheere, isaga oo xilal kii ka qaaday mas’uuliyiintii hore ee degmadaasi. Aadan Muxumed Axmed ayaa loo magacaabay guddoomiyaha degmada Baardheere, halka ku xigeenna loo magacaabay Mudane Saleebaan Cabdi Badal, sida lagu sheegay wareegtada. “Magacaabistani waxay dhaqan galaysaa marka uu Madaxweynuhu sixiixo wuuna sixiixay” ayaa lagu yiri wareegtada soo kasoo baxday xafiiska Axmed Madoobe. Hoose ka akhriso:- MADAXWEYNAHA JUBALAND OO MAGACAABAY GUDOOMIYAHA IYO GUDOOMIYE KU XIGEENKA DEGMADA BAARDHEERE. UJEEDDO: MAGACAABIS GUDOOMIYAHA IYO GUDOOMIYE KU XIGEENKA DEGMADA BAARDHEERE. Tix-raac: XM/DGJS/066/2024 Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Markuu arkay Dastuurka Dowladda Jubaland, Cutubkiisa 4aad, Qodobka 72 aad, Farqada (5aad) ee ku aadan awooda madaxweynaha ee magacaabida Golaha Fulinta. Markuu latashaday Madaxweyne Ku-xigeenada Dowladda Jubaland. Wuxuu u magacaabay Mudane Adan Muxumed Axmed Gudoomiyaha Degmada Baardheere. Waxaa kale oo Madaxweynahu u Magacaabay Mudane Saleeban Cabdi Badal Gudoomiye ku xigeenka Degmada Baardheere. Magacaabistani waxay dhaqan galaysaa marka uu Madaxweynuhu sixiixo wuuna sixiixay. DHAMMAAAAD. The post Axmed Madoobe oo maanta qaaday tallaabo cusub kadib… appeared first on Caasimada Online.
  8. Garoowe (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalka Maraykanka oo soo xiganaya saraakiil Maraykanka ah, waxaa sii kordhaya khatarta ay leeyihiin Daacishta Soomaaliya, iyaga oo tilmaamay in ay hoy u noqoneyso hugaamiyaasha caalamiga ah ee ururkan argagixisada ah. Warkaan ayaa ku soo aadaya xilli dawladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay duqaymo ka fuliyeen buuraha ay ku sugan yihiin kooxdaas, ee ku yaalla bariga Soomaaliya. Sidoo kale waxaa taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee magacooda loo soo gaabiyo Africom ay sheegeen dhawaan, in ay mid ka mid ah weeraradii dhinaca cirka ahaa ee lagu qaaday kooxda lagu bartilmaameedsaday ninka ugu sareeya kooxda garabkooda Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin. Balse ilaa iyo haatan ayaan jirin cid si madax banaan u xaqiijin karta nolosha ama geerida hugaamiyaha garabka Soomaaliya ee ururka qaybtooda Soomaaliya. Sarkaal sirdoon oo xog badan bixiyey Sarkaal horay u soo hugaamiyay sirdoonka Puntland, oo naga codsaday in aynaan magaciisa baahin ayaa sheegay in awoodda kooxda Daacish ay isi soo tareysay tani iyo sanadkii 2018 kii, ayna saldhigteen buuraha Cal-bari, halkaas oo ay dagaalo adag kula galeen ururka al Shabaab ee xulufada la ah al Qaacida. Tan iyo sanadkii 2023 dii ayaa waxa uu sheegay in ay socdeen dagaaladaas, kadibna ay xaqiijiyeen in ay heli karaan aag amni ah oo ay si nabdoon ku joogi karaan madaxda ururka ee Soomaaliya. Waxa uu sheegay sarkaalkaan in khatarta ugu wayn ee Daacishta Soomaaliya ay ahayd dagaallo uga imaan kara dhanka Shabaabka oo ay ka awood roonaadeen, sidaas daraadeedna ay haatan ku jiraan xaalad xasiloon oo u suuragalin karta in madaxdoodu ay si amni ah ku joogi karaan buuraha. Axmed Kaboole oo isna ka faalooda amniga Soomaaliya ayaa waxa uu qabaa in buuraha Puntland ay haatan yihiin halka ugu adag ay heli karaan kooxdu, ayna mar walba iyaga oo ka soo talaabaya dhinaca badda ay madaxdooda Bariga dhexe ku soo jabay ay imaan karaan Soomaaliya. “Saldhig waxay u yihiin bariga Afrika maadaama ay ku soo jabeen Siiriya iyo Ciraaq,” ayuu yiri Kaboole. Dhanka kale sarkaalkaan horay u soo hugaamiyay sirdoonka Puntland ayaa sheegay in xogaha sirdoon ee uu hayo ay sheegayaan in tirada ugu badan ee xubnaha kooxda ee ku sugan Soomaaliya ay yihiin ajanabi. “Nimankaan Daacish…boqolkiiba in ka badan ama ku dhaw lixdan waa ajaanib, ma aha Soomaali”, ayuu yiri sarkaal oo ka hadlayay Daacishta ku sugan aagga Puntland. Marar badan ayuu dawlad goboleedka Puntland aad isugu dayay in ay ka sifeeyaan buuraha ay uga sugan yihiin deeganadooda sida uu sheegay sarkaalku balse uma aysan suuragalin. “Dagaalo badan bay xitaa la galeen ciidamada [Puntland], ilaa saddex dagaal baa la galay xilligaan Deni,” ayuu yiri sarkaalka oo la hadlayay BBC da. Kooxda ayaa sidoo kale waxay dhaqdhaqaaqyo ka sameysaa Koonfurta Soomaaliya, iyada oo marar badan sheegatay qaraxyo iyo dilal ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Ururka ayaa sidoo kale weeraro uu ka gaystay deegaanada gobolka Bari gaar ahaan caasimadiisa Boosaaso waxa uu ku dilay ganacsato badan, sarkaalka ayaa sheegay in weeradaas kadib ay dhaqaalo ka aruuriyeen deegaanka, kuwaas oo ay u adeegsadeen maalgalinta weeraro kale oo ay ka geysteen Soomaaliya. The post Sarkaal horey uga tirsanaa sirdoonka Puntland oo xog xasaasi ah shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta la hor keenay nin ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo dilay Nabadoon caan aha aiyo askari ka tirsanaa booliska Soomaaliya, dilalkaas ayaa ka dhacay Muqdisho, waxaana maqan 3 nin oo kale oo dilalkaas wax ka geystay. Cabdi Cabdulqaadir Maxamed ayaa lagu magacaabaa dilaaga maanta la maxkamadeeyey, waxaana yaab leh sida ay dilalkaas u geysteen, maadaama ay isticmaaleen aalado casri ah, si ay u raadsadaan dadka ay dilayaan. Google Map, waa aalada ay adeegsadeen ragga uu ku jiray ninkaan maanta la maxkamadeeyey iyo ragga maqan, in la qabto Cabdi waxaa fududeeyey dhaawac soo gaaray markii ay dilka geysanayeen. “Nabadoon iyo askari istaaf u ahaa ayuu dilay ninkaan, sidoo kale askari kale ayuu Ex control ku dilay, 3 qof dilkood ayuu qirtay ninkaan, Nabadoonka waxay ku dileen deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho,” ayuu yiri Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamada oo ninkaas dacwadda ku soo oogay. Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in Nabadoonka xiliga la dilay uu gargaar u qeybinayey qoysas danyar ah oo ku nool duleedka Muqdisho, “wuxuu ahaa nin darajo iyo maamuus leh, halkaas wuxuu u tegay caawinta bulshada, wanigaa dilay nin dhahaya ayaa maanta na horfadhiya, arxan daradaas ayuu cadeystay Cabdi,” ayuu yiri. Sidoo kale waxaa la soo qabtay oo maxkamadda la hor keenay ninkii Mooto Bajaaj-ta ku qaaday Cabdi oo dhaawac uu u geystay askarigii la socday nabadoonka la dilay, kaas oo isna dhintay, waxaana la qabtay Mootada uu sii dhaafeysa Ceelsha Biyaha, si ninka Nabadoonka dilay loo fakiyo. Ninka waday Mooto Bajaaj-ta waxaa ku cadaatay in markiisii hore uu ka yimid Al-Shabaab oo waalidkiis ay u gadeen Mooto Bajaaj uu Muqdisho uga shaqeysto, balse si hoose ayuu ugu laabtay kooxdii, siu u ula shaqeeyo, wuxuuna deg deg ugu gurmaday ninkaan loo heysto dilkii nabadoonka oo dhaawac culus uu u geystay askari la socday nabadoonka oo isna halkaas ku dhintay. Hoos ka daawo The post Daawo: Fashilka dilalkii ay Shabaab u adeegsadeen Google Map iyo rag loo soo qabtay appeared first on Caasimada Online.
  10. Mogadishu (HOL) — The extreme heat in Saudi Arabia during this year's Hajj has led to the deaths of 550 pilgrims, including six Somali nationals, according to the Ministry of Religion and Endowments of Somalia. Source: Hiiraan Online
  11. A new public artwork at Samatar Crossing in Cedar-Riverside is dedicated to the first Somali-American elected to public office in Minnesota, Hussein Samatar. Source: Hiiraan Online
  12. Mogadishu (HOL) —A violent clash between two clan militias erupted on Wednesday in the Qoryooley district of the Lower Shabelle region, causing significant damage and disrupting daily life. The intense battle involved the Garre and Jiide communities, who have a history of conflict in the area. Source: Hiiraan Online
  13. Kismayo (HOL) — Dr. Abdullahi Ali, a Somali American from Portland, Maine, has announced his candidacy for the presidency of the Jubaland administration for the 2024-2028 term. He emphasizes his commitment to significant and early changes for the region. Source: Hiiraan Online
  14. Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saaray xarig iyo xukunno dhawaan lagu riday mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland. War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa lagu sheegay in aan sifo sharci ah loo marin xarigga lagu riday mas’uuliyiintaasi ka tirsanaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland. Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa sidoo kale mid aan sharciga waafaqsanayn ku tilmaamay xukunka lagu riday garsoorayaasha iyo xeer-ilaaliyaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Gobollada Sool iyo Nugaal ee dhawaan la xukumay. Xafiiska Xuquuq Insaanka Puntland ayaa si weyn walaac uga muujiyay hannaanka aan sharciga waafaqsanayn ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland u xukuntay mas’uuliyiintaasi waxaana uu ku tilmaamay mif ku-takri-fal awoodeed ah oo ka baxsan sharciga iyo dastuurka. Halkan ka akhriso War-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Xafiiska Xuquuq Insaanka Puntland oo sharci-darro ku tilmaamay xukun xarig ah oo lagu riday mas’uuliyiin ka tirsan Puntland appeared first on Puntland Post.
  15. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa shaaciyey in lasoo qabtay Taliyihii burcad-badeeda Soomaalida ee qabsatay markabkii weynaa ee MV Abdullah, kaas oo lagu sii daayey madax-furasho malaayiin doolar ah. Booliska Puntland ayaa shalay xaqiijiyey inay gacanta ku soo dhigeen ninkii hogaamiyaha u ahaa kooxdii burcad badeeda aheyd ee afduubatay markabka. Ninkaas waxaa lagu qabtay howlgal ay boolisku ka fuliyeen qaybo ka mid ah waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, sida uu Idaacadda VOA u sheegay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali Jifo. “Ninkaasi wuxuu ahaa taliyihii burcadii qabsatay markabkii MV Abdullah, wuxuuna ka mid ahaa maal-geliyeyaasha burcadda, waxaan ku qabanay magaalada Gaalkacyo,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland. Bartamihi bishii April ee sanadkan ayaa koox hubeysan oo burcad badeed Soomaali ah ayaa madax furasho shan milyan oo dollar gaareysay ka qaateen Markab nooca xamuulka qaada ah oo lagu magaaco MV Abdullah. Guddoomiyaha ayaa sheegay inay hayaan dhammaan xogta dadkii ku lugyeeshay afduubka markabkaas, isla markaana ay Puntland mid mid u soo qaba doonto, sida uu hadalka u dhigay. “Anagu waxaan nahay dowlad, dadkuna waa is yaqaan, burcadii markabkaas qabsatay oo dhan liiskooda waan heynaa, ninkaan waa 38 jir waxaa la yiraa Abshir Cabdi Kheyre, ina Maryan Xasan, waxaana ku qabanay dabagal ay sameeyeen ciidamada sirdoonka,” ayuu yiri guddoomiyuhu. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in ninkaas ay daba-socdeen saacado badan xili u uku sugnaa xaafadda Israac ee magaalada Gaalkacyo, si looga taxadaro in uusan dagaalamin, ugu dambeyntiina wuxuu sheegay in ciidamadu ay heleen fursad ay ku qabtaan. Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ugu yaraan hal nin oo kale ay ka qabteen burcada, taasi ii ka dhigan in hadda la hayo Taliyihii iyo xubin kale raggii burcadda ahaa ee afduubtay, madax-furashadana ka qaatay markabkii MV Abdullah eel aga lahaa wadanka Bangaaladheesh. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2024/06/01000000-0aff-0242-72e1-08dc9065843c_16k.mp3The post Puntland oo qabatay taliyaha burcadii $5-ta milyan ka qaadatay Markabkii MV Abdullah (Wareysi) appeared first on Caasimada Online.
  16. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayna isku raaceen in la xoojiyo dadaallada wadajirka ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka geeska Afrika. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyaga oo kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan sida amniga iyo dhaqaalaha”. “Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa isku raacay in la xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida Gobolka, si la jaanqaadaysa duruufaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira gobolka” ayaa lagu yiri Qoraalka Villa Somalia. PUNTLAND POST The post Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo isku raacay xoojinta Nabadda iyo Xasiloonida Geeska Afrika appeared first on Puntland Post.
  17. Jabuuti (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Jabuuti gelinkii dambe ee maanta, sida ay ogaatay Caasimada Online. Madaxweynaha waxaa dalkaas kusoo dhaweeyay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo saaxiib dhow la ah Xasan Sheekh. Labada madaxweyne ayaa yeeshay kulan weyn oo arrimo badan ay uga wadahadleen, kuwaas oo quseeya labada dal. Xogta aan helnay waxay sheegeysaa in qodobada ay dul istaageen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ay ugu muhiimaanaayeen xiisadda gobolka ka taagan ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxay waxay Xasan iyo Geelle ka wadahadleen dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab, bixitaanka ATMIS, qorshaha difaaca badda Soomaaliya iyo fursadaha lagu sii xooji karo xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti. “Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa isku raacay in la xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida Gobolka, si la jaanqaadaysa duruufaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira gobolka. Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kaalinta muhiimka ah ee uu ka qaadanayo nabadda iyo xasiloonida gobolka geeska Afrika,” ayaa lagu yiri qoraal ay Villa Somalia ka soo saartay kulankaas. Booqashada Jabuuti ayaa ah lugtii ugu dambeysay ee safar dheer oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku tagey dalalka Norway, Switzerland iyo Turkey. Madaxweynaha ayaa intii uu maqnaa waqtigiisa ugu badan ku qaatay dalka Turkiga, halkaas oo wasiirka arrimaha dibadda dalkaas Hakan Fidan uu kula kulmay. Madaxweynaha ayaa dowladda Turkiga kala hadlay sii ay garab uga sii laheyd dagaalka Al-Shabaab, waxaana halkaas ka dhacay heshiis ay Turkigu si buuxda uga qeyb qaadanayaan dagaalka Al-Shabaab. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo gaaray dalka Jabuuti – Muxuu kala hadlay Geelle? appeared first on Caasimada Online.
  18. Wasiir Ciise Kayd ayaa xisbiga Kulmiye u sheegay inaanay jirin wax taageero ah oo ay ku leeyihiin deegaanada beesha uu ka soo jeedo. Taas oo sababtay in masuuliyiinta Kulmiye dib u dhigaan safar ay maanta ku tagi lahaayeen gobolka Hawd. Warku waxa uu xaqiijiyey in shir ka dhacay xarunta xisbiga Kulmiye ay isku af dhaafeen wasiir Ciiise Kayd iyo Cabdicasiis Samaale ka dib markii uu wasiirku u sheegay gudoomiye ku xigeenka Kulmiye inaanu suuragal ahayn socdaal ay wefti Kulmiye ahi qorsheeyeen inay ku tagaan xarunta gobolka Hawd ee Balli-gubadle. Wasiir Ciise Kayd waxa uu xisbiga Kulmiye u la socodsiiyey in dhamaan beelaha Arab ay ka mid noqdeen mucaaridka isla markaana aanay jirin wax taageero ah oo ay u hayaan xisbiga Kulmiye, balse Cabdicasiis Samaale oo ku adkaysanaya socdaal ay ku tagaan gobolka Hawd ayaa soo jeediyey inay safarkooda dib ugu dhigeen maalinta sabtida ah inta ka horaysana la abaabulo dad basas lagu qaado oo la geeyo xarunta gobolka Hawd. Cabdicasiis Samaale waxa uu soo jeediyey in dad laga guro xaafada state House-ka ee magaalada Hargeysa la geeyo xarunta gobolka Hawd si ay u soo dhaweeyaan weftiga xisbiga Kulmiye. Kharashka ku baxaya oo lagu sheegay $15000 (Shanyo Toban Kun oo Doollar) ayaa laysla gartay in maanta laga doono Muuse Biixi. Dhinaca kale waxa fashil ku dhamaaday shirkii xisbiga Kulmiye doonayey in loo qabto beelaha Arab, suldaankii ay ka dalbadeen inuu abaabulo oo lagula shiray xarunta xisbiga Kulmiye ayaa quus ka muujiyey in shirkaasi qabsoomo. Suldaan Xuseen Cabdi Cabdilaahi oo xisbiga Kulmiye kula shiray xarunta xisbigaas ayaa lay xaqiijiyey in la siiyey lacag $500(shan boqol oo dollar) si uu u sii wado kala qaybinta beelaha Arab iyo abaabulka shirka Kulmiyeysan. Beelaha Arab iyo Kulmiye oo quus kala jooga, ninkii danaystay oo isagana laga danaystay. Abdirizak Goud Qaran News
  19. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/448594613_1184140492598234_8174148944583178726_n.mp4 Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii la aqbalay in Soomaaliya ay xubin ka noqoto dalalka ku midoobay Bulshada Bariga Afrika bishii Marso ee sanadkan, waxaa jiray shirar xiriir ah oo dhex-maray Soomaaliya iyo dalalka kale ee xubnaha ka’ah, kuwaas oo ku aaddanaa sidii Soomaaliya u dhammaystiri lahayd shuruudihii looga baahnaa. Soomaaliya ayaana weli ku howlan dhameystirka waxyaabaha uga dhiman buuxinta shuruudaha iyada oo ay kamid tahay waxyaabaha la xiriira baasaboorka. Baasaboorka Soomaaliga ah ayaa lagu wadaa in uu kamid noqdo waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga shaqeynayo si uu u noqdo mid kamida basaboorrada dalalka Bariga Afrika. Ilaa labaatan mas’uuliyiin Soomaali ah isla markaana uu horkacayo Dr. Cabdisalaan Cumar Hadliye, oo ah ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan bulshada Bariga Afrika ayaa ka qayb galay kulamo socon doona ilaa jimcaha kuwaas oo looga arrinsanayo sidii Soomaaliya ay u dhameystiri lahayd howlahan. Waaxda socdaalka ee Soomaaliya ayaa haatan ku howlan habeynta iyo isku duba ridka baasaboorka Soomaaliga ah. “Baasaboorka Soomaaliga sidiisa ayuu ahaan doonaa oo waxba lagama bedeli doono kaliya waxaa lagu qori doonaa astaan muujineysa in uu yahay baasaboor laga leyahay mid kamida dalalka Bulshada Bariga Afrika,” ayuu yiri Dr. Cabdisalaan Cumar Hadliye. Sidoo kale waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in laga shaqeeyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay tagaan dalalka Bariga Afrika iyaga oo aan u baahneyn wax dalku gal ah. Mahad Cabdi oo ah la-taliye sare oo ka howlgala hay’adda socdaalka iyo jinsadaha Soomaaliya oo BBC-da uga warramay ayaa yiri, “Waxa aan hadda ku jirnaa shaqada howl gelinta baasaboorka Bulshada Bariga Afrika ee Soomaaliya hadda shirar ayaa noo socda waana rajeyneynaa in aan ku guuleysanno.” Waxa uu sheegay in ay qaadan karto muddo sanad ilaa labo sano ah balse haatan uu si habsami leh u socda howlaha dar-dar gelinta ah. “Ma jiro wax kabadal lagu sameynayo baasaboorka guud ee Soomaaliga ah, balse waxa aan ka bedeli doonnaa daboolka ama qolofka sare waxaa lagu qori doonaa magaca ‘Bulshada Bariga Afrika’ midabkana waa laga bedeli doonaa sida uu qorshuhu yahay laakiin beddel gudaha ah ma jiri doono,” ayuu sii raaciyay Mahad Cabdi. Dhinaca kale waxa uu sheegay in aysan waxba iska bedeli doonin baasaboorrada seerfiska ee shaqaalaha dowladda iyo kan kale ee dibloosiga ah balse kaliya qaybta sare laga bedeli doono kan caadiga ah ee dadweynaha. Dr. Cabdisalaan Cumar Hadliye, oo ah ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan bulshada Bariga Afrika ayaa isna ka warbixiyay waxyaabaha kale ee Soomaaliya ay ku howlan tahay si ay shuruudaha u buuxiso. “Waxyaabaha aan ka shaqeyneyno waxaa kamid ah sidii sistamyada la’isugu xiri lahaa guud ahaan dalalka bariga Afrika, iyo in laga shaqeeyo howlaha Kastamka, si ay suura gasho in deked walba wax lagalasoo degi karo,” ayuu yiri Hadliye oo BBC-da la hadlay. Waxaa kale oo uu sheegay in qaababka qaadista lacagta laga shaqeynayo iyo aakhirka sidii loo sameyn lahaa lacag isku mid ah taas oo uu sheegay in ay qaadan karto muddo sanado ah. Soomaaliya si ay uga mid noqoto Bulshada Bariga Afrika waxa ay soo dooran doontaa ilaa sagaal xubnood oo ku meteli doona golaha baarlamanka ee Bulshada Bariga Afrika iyada oo haatanba uu qorshuhu socdo. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaana wuxuu ka dhawaajiyay in sida ugu dhakhsiyaha badan loosoo dooran doono xubnahan iyada oo lagu wado inta aan la gaarin Bisha siddeedaad ee sanadkan. Kadib markii si rasmi ah loogu soo dhaweeyay Soomaaliya ururka Bariga Afrika ayaa waxaa tirada baarlamaanka Bariga Afrika ay noqon doontaa 82 xildhibaan. Ilaa 72 ka mid ah xubnahani ayaa ah xildhibaanno la soo doortay, halka siddeed ay wasiirro yihiin, xoghayaha guud ee ururka iyo xubin ah la taliyahay dhanka sharciga. Waxaa sidoo kale Soomaaliya laga filayaa in ay soo magacaabaan garsoore ka mid noqon doona xubnaha garsoorayaasha ee maxkamada caddaaladda Bulshada Bariga Afrika. Isha: BBC The post Isbeddelka baasaboor Soomaaliga iyo dalalka dal ku-gal la’aanta lagu tagi karo appeared first on Caasimada Online.
  21. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa booqashadiisii ​​ugu horreysay ku tagay Kuuriyada Waqooyi muddo 24 sano ah, isagoo wacad ku maray inuu sii xoojin doono xiriirka ganacsi iyo amni ee uu la leeyahay dowladda aan hubaysneyn ee hubka Nukliyeerka ah, isla markaana uu ka taageeri doono ka dhanka ah Mareykanka. Labada hogaamiye ee Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa kulankooda siweyn looga hadlay xiriirka labada dal iyo xoojinta waxybaaha ay wadaagaan, waxaana uu Putin uu cadeeyay inuu maraan rabo inuu garab istaago Waqooyiga oo ka hortimid danaha Mareykanka ee gacanka Kuuriya, Mareykan ayaa Koonfurta siweyn u taageera. Puntin oo u muuday sida uu ula dhacsanaa kulankiisa Kim ayaa yiri “Nidaamka xaddidan ee aan dhammaadka lahayn ee ay dhiirigeliyeen Maraykanka iyo xulafadiisa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay” ee ku wajahan Kuuriyada Waqooyi in ” dib loo eego” Ruushka ayaa wada markaan saameyntiisa gacanka Kuuriya. Dunida ayaa siweyn isku weydiinaysa Illaa hadda waxa heshiiskani yahay iyo waxa uu ka kooban yahay oo aan la xadeynin. Balse warbaahinta ayaa wada baadigoobka xogaha dheeraadka ah eek u aadan heshiiska labadaan hoggaamiye ee lagu tilmaamo kuwa siweyn hadda dunida uga gadaya fashilka siyaasadda Mareykanka ee caalamka. Madaxweynaha Ruushka ayaa booqanaya gacanka Kuuriya tan iyo 2000 markaas oo aheyd xilligii ugu dambeysay, madaxweyne Putin ayaa hadda wada qorshe dunida uu kaga gadayo siyaasadda guran ee Mareykanka, eek u aadan gacankaan lagu murmay. Source: goobjoog.com
  22. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/448633643_472473605303073_7223554811395825637_n.mp4 Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saddex shaqo oo isku xigta isku maray dalalka Norway, Switzerland iyo Turkiga oo uu hadda joogo, waxaana jira warar sheegaya inuu shaqooyin kale ku tagi dalal Afrikaan ah maalmaha soo socda. Madaxweynaha wuxuu isku qabtaa shaqadii madaxweynaha, tii ra’iisul wasaaraha iyo middii qaar kamid ah golihiisa wasiirada. Ma sahlana in madaxweyne 70 jir ku dhow inuu weli tabartaas leeyahay oo uu hal asbuuc saddex shaqo ugu safri karo saddex waddan oo masaafo isku jira, welina ka keeni karo natiijo fiican. Dadka qaar waxay ku dhaliilan madaxweyne Xasan Sheekh inuu aado safaro aan munaasab u aheyn shaqsiyan. Laakiin weli ma isweydiisay waxa madaxweyne Xasan ku qasbaaya inuu noqdo safar u joog. Dib u fiiri ra’iisul wasaarihiisa iyo xukuumaddii uu dhisay August 2022. Wasiirro aad u tayo liita, kuwa aaminsan inay madaxweynaha leeyihiin, kuwo u mooda in olole lagu jiro iyo qaar fahamka dowladnimada kala weyn tahay xalinta baahida qabiilkooda ayaa ku fadhiya kuraastii lagu metali lahaa dalka, laguna hormarin lahaa hay’addaha dowladda. Inuu Xasan Sheekh yahay safar u joog sooma bandhigeyso inuu madaxweynaha safar jaceyl qabo ee waa arrin ku fahamsiineysa tayo xumada dadka uu shaqooyinkii muhiimka ahaa u dhiibtay, si gaar ah tani waxay ku siinaysa fashilka xukuumadda. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu muddo xileedkiisa labaad ka isticmaalay labo sano iyo hal bil. Waxay ka dhigan tahay inuu dalku galay marxaladdii u diyaar-garowga doorashada 2026, sidaas darteed waxaa muhiim ah in la helo xukuumad xaqiijin karta amniga, keeni karta hanaan doorasho oo heshiis lagu yahay, ku filan inay jiheyso maamul goboleedyada, raadin karta dhaqaalihii doorashada lagu geli lahaa, beesha caalamka la jaanqaadi karta oo madaxweynaha ka dhimi karta culeysyada saaran ee keenay safarada badan. Xukuumadda hadda Xasan Sheekh u joogta waxaa la isku raacsan yahay in aysan arrimahaas itaal iyo faham midna u haynin. Si madaxweynaha uga nasto safarada badan iyo inuu taagnaado madal walba, loona helo inta aan kor ku sheegnay ee la xiriirta doorashada, amniga iyo isku haynta dalka. Dadka waxay durba bilaabeen inay ka doodaan Xasan Sheekh ma iska beddeli doona xukuumaddan oo ma heli doona xukuumad hoggaankeedu hal abuur iyo karti leeyahay, wasiiradeeduna ay qaadi karaan qarankan ay daruufaha badan hareeyeen. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib u furmaaya bisha soo aadan ee July. Xildhibaannada waxay bilaabeen dooddo gaar gaar ah oo ku saabsan baahida loo qabo in isbeddel lagu sameeyo xukuumadda oo la raadiyo xukuumad culeyska la qeybsan karta madaxweynaha, laakiin weli ma bisla warka Xildhibaannada oo waxaa ku jira qaar ay dhinac u ridi karaan dhaqaale yar ama xil wasaaradeed. The post SABABTA ka dambeysa safarrada tirada badan ee madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
  24. Musharraxa madaxweyne kuxigeenka xisbiga WADDANI Ambassador Maxamed Cali Aw-Cabdi ayaa kulan la qaatay Naasir Cabdoo Cumar oo ka mid ahaa xubnaha Golaha dhexe ee gobolka Awdal ka soo gala xisbiga kulmiye oo shalay xilkii iyo xubinimadii xisbigaas iska casilay. Kulanka waxa goobjoog ka ahaa gudoomiyaha garabka dhalinyarada heer qaran ee xisbiga WADDANI Md Cabdirashiid Cabdi Jaamac iyo gudoomiyaha gobolka Awdal ee xisbiga Md Rooble Muuse Xoosh. Qaran News