Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,124
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A man has shot dead two police officers in the eastern Belgian city of Liège, Belgian media report. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa la soo Gabagabeeyey Imitixaanaadkii Sannad Dugsiyeedka 2017-2018 ee Shahaadada Dugsiyada Dhexe ee Dallada Waxbarashada ee SAFE, waxaana Sannadkaan Imtixaanaadkii u Fariistey Ardeydii ugu Badneyd oo isugu jirta Wiilal iyo Gabadho sida uu noo sheegey Agaasimaha Fulinta ee Dallada SAFE Keyse Mayow Abuu Xuseen “Tirada Guud ee ardeyda Imtixaanka u Fariisatey waa 15,770 oo Kun, waxaa Wiilal ah 9,305 Kun, Gabdhaha waa 6.485 oo Kun Waana Fasalka Sideedaad , waxayna Imtixaanadaan ay ahaayeen kuwa lagu qaadayey Muqdisho iyo Gobolada dalka” sidaa Waxaa yiri Agaasimaha Fulinta ee Dallada Keyse Mayow Abuu Xuseen oo sheegey in Dallada ay Hoos yimaadaan ilaa 297 Dugsi wuxuu intaa Raaciyey “Dhamaan Goobaha imtixaanada ka dhacayeen waxaan u Diyaariney Wixii Tashiilaad ahaa oo ay u baahnaayeen sida Macalimiin, Kormeerayaal iyo Dhaqaale, waxayna Imtixaanadaas ay Bilaabeen 26 waxayna ku ekaayeen 29 Bishaan May 2018 waxaa uu sheegey Agaasimaha in Muddo ku dhow 18 Sannoo oo Xiriir ay qadayeen Imtixaanada Dugsiyada Shahaadada Dugsiga Dhexe” Agaasimaha Fulinta ee Dallada Mudane Keyse oo Warbixintaan nagu siinayey Xafiiska Dallada SAFE ee Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegey in ardeyda Dhameysatey Dugsiyada Dhexe ay u Diyaariyeen habkii ay u sii Wadan lahaayeen Waxbarashadooda ee Dugsiyada Sare “Ardeyda Kaalimaha Koowaad, Labaad iyo Sadexaad galey ee Dugsiyada Dhexe in ay Dallada gu talagashey in ay si lacag la’aan ugu dhigtaan Dugsiyada Sare ee Dallada Hoos yimaada sidoo kale waxaa sheegey in Ardeydaas Dallada SAFE ugu talagashey in ay siiyaan Abaalmarino ku aadan Darajada sare ay keeneen ” sidaa waxaa sheegey Agaasimaha Fulinta ee Dallada Keyse Mayow Dalada SAFE waxay ka mid tahay Daladaha Waxbarashada ee ka jira Dalka waxayna Mudadii dheereyd ee ay jirtey ay ku soo shaqeysey Xaalad adag sidoo kale Dallada SAFE waxaa wax ka barta in in ka badan Saddex Boqol Kun oo ardey kuwaa oo ku sugan Dhamaan Gobolada Soomaaliya iyo Magaalada Muqdisho.
  3. Hay’adda sirdoonka dalka Pakistan ayaa baaritaan ku furtay madixii hore ee hay’addan awoodda badan ninka lagu magacaabo Jeneraal Asad Durrani, kadib markii uu buug la qoray ninkii dhiggiisa ahaa ee dalka Hindiya. Sheeko taxane ah oo dhexmartay labada nin ayaa waxaa buug ka qoray wariye u dhashay dalka Hindiya, waxaana ka mid ah moowduucyo aad xasaasi u ah. Jeneraal Asad ayaa waxa uu buugga ku sheegay in sirdoonka Pakistan ay Maraykanka gacan ka siiyeen sidii loo dilli lahaa ama loo dhiibi lahaa hoggaamiyihii Alqaacidda Usama Bin Laden, kaas oo la sheegay in hawlgal ciidan lagu dilay. Dowladda Pakistan ayaa carro ka muujisay hawlgalkaas, waxayna sheegtaa in aysan waxbo kala soconin dilkii Usama Bin Laden. Jeneraalka hawlgabka ayaa hadda xitaa laga mamnuucay in uu dalkaas dibedda uga boxo, waxaana ku socda baaritaan. Haddii buugga uu qori lahaa hoggaamiye rayid ah, waxa ay ahaan lahayd qiyaamo qaran. Tusaale dhawaan markii Ra’isulwasaarihii hore ee Pakistan Nawaz Sharif uu sheegay in militariga dalkaas ay gabbaad siiyaan kooxo xagjir ah, kuwaas oo ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday hotel Taj Mahal ee magaalada Mumbai ee dalka Hindiya sanadkii 2008-dii. Hadalkaas kadib ayaa waxaa Shariif looga yeeray xarunta guddiga amniga qaranka, halkaas oo su’aalo lagu weeydiiyay, welina lagu heysto hadaladaas. Haatan Shariif waxa uu codsanayaa in sidii isaga looga falceliyay hadalkiisa oo kale la yeelo hadalka Jeneraal Asad. Buugga la qoray ayaa lagu magacaabaa Spy Chronicles, waxayna wada qoreen madaxii hore ee sirdoonka Hindiya Jeneraal AS Dulat.
  4. Marka laga yimaado kacdoonka xoogan iyo mudaharaadyada ka soconaaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool lagagana soo horjeedo kusii sugnaashaha gobalkaas ee maamulka Soomaaliland, dhanka kale waxay dadka reer Laascaanood kacdoon xoogan kawadaan baraha internetka ee ay bulshadu ku kulanto sida Facebook iyo twitter . Baraha Internetka waxaa ka socda kacdoon loogu magac daray Laascaanood way hadashay(Lasanod speaks) taas oo ay dadweynaha ku nool magaalada Laascaanood iyo dadka kasoo jeeda gobalkaas ay ku muujinayaan dareenkooda ku aadan xaaladaha ka taagan magaalada Laascaanood. Dadka ayaa sheegaya inay si xoogan u aaminsan yihiin midnimada Soomaaliya ayna kasoo horjeedaan fikir walba oo lagu kala goynaayo Dalka, iyagoo qoraalkooda gadaal ka raacinaaya Hash-tag marka lagu dhufto la helaayo dhamaan dadkii afkaartan ka hadlay. Sioo kale qoraaladan waxaa lagu muujinayaa inay reer Laascaanood ku noolaan karin caburin iyo caga-juglayn. Qoraaladan oo ay in kooban soo qaadatay warbaahinta PUNTLAND POST waxaa lagu qoray afafka Soomaliga, Ingiriis iyo Carabi. The post Laascaanood way hadashay oo qabsatay baraha bulshada appeared first on Puntland Post.
  5. Cadaado (PP) ─ Maamulka Galmudug ayaa weli waxaa ka dhex-taagan muran ku aaddan dhanka awoodda, kaasoo soo if-baxay maalmihii lasoo dhaafay, waxaana xaaladdu ay isku sii shareeraysaa cirka. Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo hoggaaminaya garab ka mid ah garabyada uu u kala jabay maamulkaan oo fariisintoodu tahay degmada Cadaado ayaa walaac ka muujiyay in madaxda maamul-goboleedyada dalka ay la saftaan Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf). Carrabey ayaa ka codsaday hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada dalka in haddii ay arrintan soo fara-gelinayaan ay tahay inay si dhex-dhexaadnimo ah u soo galaan, haddii kale ay dibadda ka joogaan. “Waxaan rabaa inaan u digo madaxda dowlad-goboleedyada oo maalmahan laga dhiganayay garab, Galmudug hal nin malahan, mana ahan inaad garab ka mid ah taageertaan, waxaan adinka codsaneynaa Madaxda maamullada ka jira dalka inaad dhammaantiina taageertaan Mowqifka Galmudug, haddii aad arrintan soo fara-gelinaysaanna si dhex-dhexaadnimo ah aad kusoo gashaan,”aAyuu yiri Madaxweyne Carabey. Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan qof walba oo dhex-dhexaadinaya Xaaladda Galmudug, wuxuuna Dowladda Federaalka Somalia iyo Beesha Caalamka ka dalbaday in ay arrintan soo fara-geliyaan, si looga gudbo mad-madowga jira. Dhanka kale, Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xildhibaannada golaha shacabka iyo aqalka Sare ee laga soo doortay dowlad-goboleedka Galmudug ay soo saareen bayaan ay ku sheegeen in la ilaaliyo nidaamka awood-qaybsi iyo dastuurka Galmudug uu leeyahay. Hoose ka dhageyso Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/05/DHAGEYSOMaxamed-Xaashi-Carabey.mp3 PUNTLAND POST The post Madaxda Maamul-goboleedyada oo looga Digay inay Fara-geliyaan Xiisadda Galmudug appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (PP) ─ Kooxo aan haybtooda la garanayn ayaa laba ruux saakay aroortii hore ku toogtay degmada Wadajir, gaar ahaan waaxda Tima-cadde, sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan degmada Wadajir. Dilalkan oo ahaa kuwo qorsheysna ayaa lagu dilay macallin dursi Qur’aan ku dhiga xaafaddaas iyo nin hilible ah, iyadoo kooxaha dilkaas geystay ay goobta ka baxsadeen. “Rag hubeysan oo aan la garanayn ayaa toogasho ku dilay laba ruux oo ka mid ah dadka deegaanka, waxaana macallinka lagu dilay gurigiisa, iyadoo la dilay nin hilibka iibiya oo lagu magacaabi jiray Muxyadiin Cosoble,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay. Sidoo kale, Goobjoogayaasha ayaa sheegay in kooxaha dilka geystay aan la garanayn, sidoo kalena aan la ogeyn sababta keentay inay dilaan macallinka iyo ganacsadahan hilibka iibiya. Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilkan, waxaana uu noqonayaa dilal 24-kii saac ee lasoo dhaafay siyaabo kala duwna uga dhacay Muqdisho, kuwaasoo ay geysteen kooxo hubeysna oo aan haybtooda la garanayn. Shalay gellinkii dambe ayay ahayd markii kooxo hubeysan ay Muqdisho ku dileen madaxii Maaliyadda Baarlamaanka Federaalka Somalia iyo askari ka tirsan ciidanka dowladda oo lagu kala dilay degmooynka Hodan iyo Boon-dheere. Hay’adaha ammaanka Dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin dilalka aad u soo kordhaya ee Muqdisho ka dhacaya, iyadoo aysan jirin cid loo qab-qabtay marka la reebo laba ruux oo loo qabtay dil askari ka tirsan taraafiko ah oo lagu dilay isgoyska bakaaraha ee Muqdisho. Ugu dambeyn, Kooxaha Daacish iyo Al-shabaab oo dagaal kula jira dowladda Somalia ayaa kordhiyay dilalka ay kooxaha hubeysna ka geysanayaan Xamar, xilli Dowladda Somalia ay sheegtay inay xoojinayso amniga guud ee Muqdisho inta lagu jiro bisha Ramadaan. PUNTLAND POST The post Kooxo hubeysan oo aroornimadii saaka dilal qorsheysan ka geystay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdillahi Farmaajo uu Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee dalka u magacaabay Baashe Yuusuf Axmed, ayaa waxaa magacaabidaasi ka hadlay Proff Cabdi Ismaaciil Samatar. Proff Cabdi Ismaaciil Samatar, oo ka hadlaayay aragtidiisa ku aadan magacaabida ayaa sheegay in magacaabidaasi ay tahay Jariimo laga galay Garsoorka Somalia. Proff Cabdi Ismaaciil Samatar, waxa uu tilmaamay in lagu tuntay Garsoorka Somalia, isla markaana aan magacaabida Guddoomiyaha cusub loo cuskan sharciyada loo maro magacaabida Guddoomiyaha cusub. Wuxuu sheegay in magacaabida Guddoomiyaha Maxkamada ay aad uga duwan tahay magacaabid kale, sidaa aawgeed waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan taageersaneen hanaanka magacaabida loo maray. Proff Cabdi Ismaaciil Samatar, waxa uu dhaliilo badan oo dhinaca Garsoorka ah u jeediyay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare, waxa uuna cadeeyay in Guddoomiyaha magacaaban uusan waligii ka shaqeyn Maxkamad. Waxa uu Proff Cabdi Ismaaciil yiri ‘’Anigu garan mayo halka Baashe Yuusuf uu uga soo shaqeeyay Maxkamad ama uu ka keenay khibrada, wey ii dhiman tahay Garsoor ceynkiisu yahay kan maanta ka jira Somalia, waxaanu leeyahay ha lagu labto magacaabida Baashe’’ ‘’Ma arag halka uu uga soo shaqeeyay howlo Maxkamadeed, xitaa waxaan ku sameeyay baaritaan iima soo muuqan khibrada uu arrimaha Garsoorka u leeyahay Baashe’’ Proff Cabdi Ismaaciil Samatar, oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay in lagu tuntay Garsoorka Somalia, isla markaana Garsoorka laga galay khaladweyn oo sii kordhin doona cabashooyinka iminka laga qabo cadaalada ka jirta Somalia. ‘’Nin aan waligii maxkamada kasoo shaqeyn kasoo booti oo dusha kaga tuur Maxkamada Qaran waaye arrintaan loomana fiirin dhinacyo latashi iyo mid aragtiba’’ Sidoo kale, Proff Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ugu baaqay inuu dib u sameeyo la tashi si buu yiri loo saxo khaladaadka jira. Haddalka Proff Cabdi Ismaaciil Samatar, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo Garsoorayaasha Maxkamada ay aad usoo dhaweeyen Xil ka qaadista lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Maxkamada Ibraahim Iidle Suleymaan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) oo horboodaya garab ka mid ah madaxda maamulka ee uu Khilaafka ka dhexeeyo ayaa sheegay in Khilaafka maamulka uusan waxba ka khuseyn maamul Goboleedyada kale. Carabeey oo ku sugan magaalada Cadaado ayaa sheegay in xaaraan ay tahay in Hogaamiyayaasha maamulada ka jira dalk ay faragalin kusoo sameeyan Khilaafka Galmudug. Waxa uu Carabeey, tilmaamay haddii ay dhacdo in Hogaamiyayaasha ay ka maarmi waayan faragalin inay noqdaan kuwo dhexdhexaad ah, haddii la waayo ay iminkaba muhiim tahay inay banaanka ka joogan khilaafka. Waxa uu cadeeyay Carabeey in Hogaamiyayaasha qaar ay isku dayayaan inay la saftaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf, hase ahaatee Deegaanada maamulka ay ka mamnuuci doonaan Maamul Goboleedyada waa haddii ay Khilaafka kusoo sameeyan faragalin aan dhexdhexaadnimo laheyn. Carabeey ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan u digo Madaxda dowlad goboleedyada oo maalmahan laga dhiganayay garab, Galmudug hal nin malahan, mana ahan inaad garab ka mid ah taageertaan’’ Waxa uu intaa ku daray ‘’Waxaan idinka codsaneynaa Madaxda dowlad goboleedyada inaad dhammaantiina taageertaan mowqifka Galmudug, hadii aad arrintan soo faragelineysaan si dhexdhexaadnimo ah ku soo gala.” Waxa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan qof walba oo dhexdhexaadinaya xaalada Galmudug, wuxuuna dowladda federaalka iyo Beesha Caalamka ka dalbaday in ay arrintan soo farageliyaan, si daaqada looga saaro mad madowga jira. Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga cabsi qabaa inuu sii xoogeysto Khilaafka oo weli taagan waxa ayna Madaxda maamulka u kala jabeen laba garab oo ay kala hogaaminayaan Xaaf iyo Carabeey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Inj.Yarisow) oo ka hadlayay shir lagu falan-qeynayay amniga guud ee dalka oo ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha lagu sugayo Amiga caasimada. Inj. Yarisow ayaa ka hadlay Qorshaha maamulkiisa ee ku aaddan ammaanka caasimadda ee xiligan ku soconaya dar-darta, isagoo tilmaamay in waqtigan ay jirto rajo iyo ifafaalo weyn oo laga qabo ammaanka caasimaddu inuu soo hagaago, isla markaana la diyaariyey qorshe sal-ballaaran kana qeyb qaadanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ciidamadda oo lagu xasilinayo caasimadda si horumarka la hiigsanayo loo gaaro. Sidoo kale, Mudane Yarisow ayaa soo bandhigay horumarradii laga sameeyey afartii bilood ee la soo dhaafay dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha ee caasimadda, daadajinta maamulka, u-diyaar garowga golleyaasha deegaanka iyo soo celinta bilicda magaalada si ay ula tartanto caasimadaha kale ee gobolka iyo adduun kaba, iyadoo degmooyinka Muqdisho ay ka bilowdeen bixinta adeegyada bulshada oo qeyb muhiim ah ka qaadanaya isku xirka shacabka iyo maamulka. “Shirkan oo looga hadlayay xasillinta amniga guud ee dalka, anagu waxaan soo hordhignay qorshaha sugidda amniga Caasimadda iyo xaaladaha guud ee magaalada, gaar ahaan guulihii la sameeyey afartii bilood ee la soo dhaafay, sidoo kale waxaan soo bandhignay muhiimadda ay leedahay xal-u-helidda arrimaha Barakacayaasha iyo wax-u-qabashada dadkii ay sameeyeen roobabkii dhowaan da’ayey”. Ayuu yiri Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo intaas raaciyey in aragtida maamulkiisu ay tahay sidii dib loogu soo celin lahaa magaalada Muqdisho maqaamkii ay ku lahayd adduunka. Yarisow ayaa hoosta ka xariiqay hadafkooda ku aadan in dib loo howlgeliyo garoonka Stadium Muqdisho, maadaama uu weli deegaan u yahay ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, si uu u buuxiyo kaalintii muhiimka ahayd ee uu ka qaadan jiray isdhexgalka iyo isku xirka bulshada. Ugu dambeyn, Kulankan oo Shir guddoomineyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayay ku soo bandhigeen maamul Gobolleeyada dalka qorshahooda ku aadan sidii xal-maangal loogu heli lahaa xasilinta deegaanadooda, dalkana looga sifeyn lahaa argagixisada. PUNTLAND POST The post Duqa Magaalada Muqdisho oo ka Warbixiyey Qorshaha Xasillinta Ammaanka Caasimadda appeared first on Puntland Post.
  10. Kenya will demand more compensation in the year starting July from the United Nations (UN) for its troops fighting Al-Shabaab militants in Somalia. Treasury documents show that Kenya expects reimbursement of Sh7.05 billion in the next financial year starting July, up from the current Sh6.1 billion — which has remained static for the past four years. newsnowThe refund is set to drop to Sh5 billion and Sh3.5 billion in the next two years, signalling gradual reduction of troops in Somalia. The UN eased Kenya’s cash crunch after it refunded Sh4.68 billion in the 10 months to April. In the past, delay in reimbursement of the funds has been linked to the UN’s insistence on verification of claims. About 4,000 Kenyan soldiers are part of Amisom. The international community pays $1,028 (Sh103,828) for each soldier per month; their respective governments then deduct about $200 (Sh20,200) for administrative costs meaning the soldiers take home about $800 (Sh83,628). The soldiers receive the funds through the government. Kenya formally sent 4,660 soldiers to Somalia in October 2011 after incessant attacks and kidnapping of civilians by Al-Shabaab militants within its territory. A year later, the UN Security Council gave Kenya the green light to join the African Union Mission to Somalia, a decision that meant the Treasury would not bear the full costs of the incursion. Amisom’s soldiers are drawn from Uganda, Burundi, Djibouti, Sierra Leone and Kenya. Source: – Business Daily
  11. A trader in a Dharkeynley district market was gunned down on Tuesday morning, witnesses said. Muhudin Osoble, who a butcher, working at Sukyare market in Darkeynley district was shot dead by unidentified gunmen shortly after dawn prayer. Osman Abdi Ali, a resident said Osoble was killed in Wadajir district after two armed men approached him near a Mosque in Wadajir district. “We prayed in same mosque, he was heading to his butchery when two men armed with pistols accosted and shot him in the head several. He died on the spot,” Ali told hiiraan Online. The assailants managed to escape from the crime scene before the law enforcement reached the area. No group has immediately claimed the responsibility for the murder.
  12. Maamulka Somaliland ayaa xalay ciidamo militari ah dhoobay inta badan xaafadaha magaalada Laascaanood oo shalay uu ka dhacay muddaharaad looga soo horjeedo joogitaanka Somaliland ee degmadaasi iyo guud ahaanba gobolka Sool. Wararka saaka halkaasi ka imaaanaya ayaa sheegaya in ciidamo ku lebbisan tuutaha militariga Somaliland lagu arkayo xaafadaha kala duwan ee ay ka koobantahay degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Qaar kamid ah dadweynaha magaalada ayaa sheegay in ciidamadan militariga ah loo keenay si ay u xakameeyaan muddaharaadyada rabshadaha wata ee maalmihii u dambeeyay ka socday degmada Laascaanood,kadib markii Booliisku ay xakameyn waayeen. Muddaharaadyo lagu taageerayo dagaalka ay Puntland ku dhawaaqday ee lagu soo celinayo degaannada maqan ee gobolka Sool ayaa maalmahan ka socday degmadaasi,waxaana ka dhashay khasaare dhaawac iyo burbur hantiyeed,sidoo kale Booliiska Somaliland ayaa muddaharaadkii shalay ku xiray dad gaaraya 100 ruux oo u badan dumar iyo carruur. Dadka lagu xiray Laascaanood ayaa waxaa sidoo kale ku jira weriyaal ka hawlgala Warbaahinta madaxa-bannaan iyo waxgarad ay Somaliland ku eedaysay in ay kicinayaan shacabka. Xaaladda degmada Laascaanood ayaa maanta deggan,waxaana aad u yar isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee magaalada dhexdeeda,iyadoo shacabka lagu amray in aysan isu imaan karin,sida ay sheegeen dad ku sugan halkaas oo aan la hadalnay. PUNTLAND POST The post Somaliland oo ciidamo militari ah duldhigtay shacabka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  13. Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay inay xakameeyeen kacdoon dadweyne oo maalmihii u danbeeyey ka jiray magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, ayna xir-xireen qaar kamida dadkii soo abaabulay iyo kuwii ka qayb qaatay. Taliyaha qaybta booliska Gobalka Sool ee Somaliland ayaa sheegay inay xireen 59-qof oo kamid ahaa dadkii ka qayb qaatay mudaharaadyo xoogan oo ka dhacay magaaladaas lagagana soo hor jeeday maamulka Soomaliland iyo caburin la sheegay inuu ku hayo dadweynaha magaalada Laascaanood. Dadka la xiray waxaa kamida haween iyo caruur, sidoo kale waxaa kamida labba wariye oo uu taliyuhu ku tilmaamay fidmo wadayaal soo abaabulay mudaharaadkan, wuxuuna tilmaamay inay ku raad jiraan saxafiyiin kale oo ay dhawaan soo xiri doonaan. Boqolaal qof oo wata calamada Puntland iyo Soomaaliya ayaa shalay isugu soo baxay magaalada Laascaanood iyagoo dalbanaaya inay Soomaaliland isaga baxda guud ahaan degaanada ay ka joogto gobalka Sool, waxaana halkaas ku dhaawacmay illaa 10-qof oo ay qaarkood qabaan dhaawacyo culus kadib markii ay rasaas xoogan ku fureen dadkii mudaharaadaayey ciidamo boolis ah oo la sheegay in intooda badan laga keenay magaalada Burco. Xaalada Magaalada Laascaanood ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoo Soomaaliland kusoo daabushay ciidamo xoogan oo laga keenay magaalada Burco. PUNTLAND POST The post Soomaaliland oo sheegatay inay Laascaanood ku xirtay ku dhawaad 60-qof appeared first on Puntland Post.
  14. Abdifatah Osman loved his family and his two children. And to some of his friends, he was like family. They called him “Upti.” Somali for uncle. Source: Hiiraan Online
  15. A well-known trader in a Dharkeynley district market was gunned down on Tuesday morning, witnesses said. Source: Hiiraan Online
  16. A well-known trader in a Dharkeynley district market was gunned down on Tuesday morning, witnesses said. Source: Hiiraan Online
  17. Garoowe (Caasimada Online)-Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar ‘’Camey’’, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka dhiiga badan ku daatay ee ka socda deeganka Tukaraq ee gobolka Sool. Camey ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid sii socon doona oo aan ka joogsan doonin deegaanka Tukaraq, sida uu hadalka u dhigay. Camey, waxa uu sheegay in joogsiga dagaalka uu yahay mid ku xiran Somaliland oo ka baxdaa deegaanka Tukaraq waxaana hadalkiisa kamid ahaa ‘’Dagaalka ma joogsan doono inta Somaliland ay ku sugan tahay Tukaraq iyo nawaaxigeeda’’ Cameey, oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay “Laba dagaal ayaa dhacday, wey adag tahay in dagaalka uu joogsado, waxaan qabaa hadii caalamka uu isku yimaado xaqiiqada marna Puntland kama leexan doonto, xaqiiqadana waxa weeye inta Somaliland ay heysato taako ka mid ah dhulka Puntland dagaalka ma is taagi doono,” Waxa uu sidoo kale Mr Cameey ugu baaqay saaxiibada Caalamka in ay yimaadaan gobolka Sool, si ay u qiimeeyaan xaalada, wuxuuna Somaliland ku eedeeyay inay xabsiyada dhigto dadka jilicsan oo ay ugu horeeyaan haweenka. Haddalka Cameey ayaa u muuqanaaya mid sii fogeynaaya colaada ka taagan deegaanka Tukaraq, isagoo deegaankaasi ku sheegay mid lama taabtaan u ah Puntland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  18. Police have arrested three terrorism suspects in Nyeri County and put key installations in Mt Kenya under surveillance. Source: Hiiraan Online
  19. Twelve Sri Lankan migrant workers stranded as a result of a labour dispute in Somaliland, a self-declared state of Somalia, would return to Sri Lanka shortly, the Foreign Affairs Ministry said. Source: Hiiraan Online
  20. Kenya will demand more compensation in the year starting July from the United Nations (UN) for its troops fighting Al-Shabaab militants in Somalia. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimadda)- Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Mursal ayaa qoraal kasoo saaray dilka magaalada Muqdisho loogu geystay qasnajigii baarlamaanka marxuum Cumar Dalxa oo kooxo hubeysan ay gabal dhicii shalay oo Isniin aheyd ugu geysteen degmada Waaberi. “Ugu horeyn, waxaan tacsi tiiraanyo leh aan u dirayaa ehelka Marxuum Cumar Dalxa, kaasoo ay ku dileen koox manaxayaal ah isagoo Sooman, waaxda Horseed ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Gudoomiye Mursal. Wuxuu ku tilmaamay Gudoomiyaha in marxuumka la khaarjiyay uu ahaa shaqsi aad ugu fir-fircoonaa shaqadda xarunta Baarlamaanka Federaalka oo uu aad uga dhex-muuqday howlwadeenada. Wuxuu u rajeeyay in EBBE uu siiyo naxariistiisa. “Waxaan urajeynayaa Cali Cabdullaahi Cabdi oo gaariga la saarnaa marxuumka la dilay, soo kabasho iyo caafimaad deg deg ah. Labadooda waxaa la beegsaday iyagoo Sooman, waxaan ugu baaqayaa laamaha amaanka inay soo qabtaan kuwii falkan ka dambeeyay,” ayuu yiri Mursal. Sidaas si lamid ah, weerarkan waxaa ka babaaday Labo qof oo kale, oo midi ay dhaawac kasoo gaaray, darawalkiina uu ka bad qabo Magaalada Muqdisho ayaa tan iyo bilashada bisha Ramadaan waxaa amaankeedu ahaa mid aad u xun oo dilalka qorsheysan ay kusoo kordhayeen. Xafiiska Caasimada Muqdisho, Somalia
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska Maalinlaha ee Mail, kana soo baxa magaalladda London ayaa qoray in Saxafigaasi uu isku qalday Daryan weyn oo maalmo ka hor laga maqlay Deegaanka Westberkshire ee England ee dalka Britain. Wargeysku waxa uu muujiyey inuu Saxafiga Raage Oomaar uu bartiisa Twitter-ka ku shaaciyey in Qarax weyn laga maqlay Deegaanka Westberkshire, inkastoo uu markii dambe qoray in Dayanka la maqlay uu ahaa dhawaaqa Biriq soo dhacday. Arrintan ayaa soo baxday, kadib, markii uu Saxafigaasi Heerka Calaami Fiidnimadii Sabtida ee la soo dhaafay oo ay taariikhdu ahayd 26-kii May soo dhigay bartiisa Twitter-ka War ku adaan inuu Qarax weyn ka dhacay Deegaanka westberkshire oo u dhow magaalladda Taariikhiga ee Newbury oo ka tirsan Gobalka Berkshire ee England. Saxafiga oo Tifaftiraha Arrimaha Caalamka ka ah Telefishinka ITV ee dalka UK waxa uu Macaamiishiisa Twitter-ka oo dhan 86,000 oo qof ka raalli-geliyey Warkii uu ku sheegay inuu qarax weyn ka dhacay Deegaanka westberkshire oo u dhow magaalladda Newbury. Saxafiga waxa uu 5 daqiiqo kadib warkaasi waxa uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka inay Xaaskiisa u sheegtay isaga inuu qaraxaasi ahaa Gugaca Biriqda. Waxa kale oo uu qoray inuusan ku baraarugsanayn Duufaanta ilaa uu xumbo weyn ka arko bannaanka daaqada iyo inuu sekeno kadib uu maqlay qarax. Raage Oomaar oo 50-jir ah waxa uu u soo shaqeeyey Idaacadda BBC World , wuxuuna aad ugu soo caan baxay wararka uu ka soo diri jirey goobaha Dagaalka ee dalka Ciraaq iyo isagoo Wareysi la yeeshay Madaxweynihii dalkaasi, Saddaam Xuseen. Waxa kale oo uu ka soo shaqeeyey Telefishinka Al-jazeera English oo uu ka tebin jirey Barnaamijka Taxanaha ee Witness. Haatan waxa uu Tifaftiraha Caalamka ka yahay Telefishinka ITV, isagoo War-akhriye ka ah ITV Lunchtime News. The ITV News London Lunchtime Bulletin iyo The ITV Evening News Raage Oomaar oo ah Saxafi iyo Qoraa waa Xaasle 3 carruur leh, wuxuuna deggan yahay Galbeedka London. Xigasho: http://www.dailymail.co.uk Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Dabayaaqadii Sideetamaadkii Dalka waxaa ka bilowday ururro Siyaasadeed qabiileysan oo dhammaantood kawada shanqaraysay magaca (S) (ururka….Soomaaliyeed..) doodooduna ku salaysneyd in dalku isbedel u baahanyahay iyaguna yihiin cidda mudan,waloow dhammaantood aysan ka marneyn gacmo shisheeye.Ujeedooyin kastaa halahaadeen ururadaase xeeldheerayaashu waxay ku sababeeyaan samaysankoodii: 1-Waddanka oo lahaa hal xisbi(One Party rule) 2-Bur-burkii Hanti wadaag iyo sare u kicii hanti goosad 3-Dowladdii dhexe oo sii wiiqantay xag siyaasadeed iyo xag dhaqaaleba Qodobadaas dhan markay is biirsadeen waxay sababtay in ay dowladdii dhexe kabaxdo meesha,dalkana la wareegaan jabhadihii hubaysnaa ee kala hadafka ahaa taasna ugu danbeyntii dhaxalsiisay ummadda soomaaliyeed dowlad la,aan,27 sano ah. Intaas kadib dadkii soomaaliyeed waxay u qeybsameen labo qeybdood: B-In dibadahaas u firxatay T-In dalka ku hartay dan kastaaba ha reebtee 1-Dibad jog: Haddaba sanadihii u danbeeyay waxaa dalka kusoo badanaya soolaabashada dadkeenii dibadda aaday,ayagoona layimid fikrado,aqoon,iyo maalgashi oo runtii wax badan kabadashay dalka guud ahaan shaqooyin badanna u abuuray dhalinyarada soomaaliyeed. Waxaa Intaas u weheliyay waxay si toos ah ula wareegeen xukunkii dalka heer dowlad dhexe ilaa dowladihii hoose,maamul goboleedyada iyo gobolka banaadir. Tusaalle gaaban haddan soo qaato magaalada xamar caasimadda dalka ah laga soo bilaabo madaxweyne ilaa guddoomiye degmo waa dibad jog haddan si kale u dhigo halbeeggii shaqaaleysiinta iyo magacaabidda dowladdu wuxuu si toos ah u noqday waddankee ka timid? Baasaboorkee wadataa? iyo Waxaan isla ahayn reer (UK,USA,CANADA…IWM.). Halbeegyadaas waxaa dheer qeybo kamid ah dadkaas loo dhiibay masuuliyadahaas kala duwan umalahan aqoon iyo waayo aragnimo ay ku hantaan shaqooyinkaas,Intaas waxaa sii dheer qeybo kamid ah tixgelin gaar ah uma hayaan mana siiyaan ummadda dhaqankeeda,qiyamkeeda iyo akhlaaqdeeda ee waxay iska doon doonaan badanaana ku saleeyaan go,aamadooda “meeshan ka imid sidaas baa la yeeli jiray” hadduu rabo go,aankaas ha ahaado mid Diin ah e. 2-Daljoog: Qeybta labaad waa daljoog in badan waxay usoo samreen dhibaatooyinkii dalka soomaray,waxay wax kusoo barteen,kusoo ganacsadeen,kuna soo dhaqmeen duruufahaas ad-adag e qof kastaa oo soomaali ah ka dheragsanyahay. Intaas waxaa soo qalin jabinaayay ardo heerarka kala duwan ee waxbarasho ha ahaato dugsiyo dhexe,sare iyo jaamacado gudaha ah.Qeyba kallena waxay waxbarasho sare u aadeen wadamo ku kala yaala qaaradaha Africa iyo Asia: Africa: 1 – Kenya, 2 – Uganda, 3 – Itoobiya, 4 – Sudan…..Iwm. Asia: 1 – Pakistan, 2 – Hindiya , 3 – Bangladesh, 4 – Malaysia, 5 – Thailand, 6 – Yemen, 7 -Turkey…iwm. Wadamadaas kala duwan ardayda dal joogta ah waxay kusoo kala diyaarsheen culuumta kala duwan iyo heerar kooda kala duwan laga soo bilaabo shahaadada 1aad ee Bachelor ta ilaa PhD. Xisbiga talada dalka haya ee Dibadjog tixgalin masiinin ardaydaas ee sidaan kor kusoo sheegayba wuxuu doorbidaa Baasaboor,iyo waddankaas baa isla joognay. Haddaba ujeedka qoraalkayga wuxuu kusaleysanyahay waxaa aad usoo badanaya sanadahaan shaqo la,aanta dhalinyarada dalka joogtay,ayagoo aqoon iyo waayo aragnimoba u leh howlahaas,waliba waxay la dheeryihiin waayo aragnimada dalka ayagoo si hoose u og dareemayana waaqiciga dhabta ah ee ummadda. Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare Kheyre khudbooyinkoodu musharaxnimada iyo balanqaadyadoodii biloowgii markii xaafiisyada qabanayeen in badan oo kamid ah ardayda wadamadaas aan soo sheegay wax kusoo bartay dib ayay dalka oogu soo laabteen,waxayna badaleen niyaddoodii ahayd dibad sii aad iyo tahriib,waxayna meel iska dhigeen quustii ay ka qabeen dalkooda,mana jirto ilaa hadda isbedel weyn ay helaan shaqaaleysiinta dowladda. Talo soojeedin: 1-Madaxweyne Farmaajo 2-Raysalwsaare Kheyre 3-Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha 4-Gobolka banaadir iyo Maamul goboleedyada. Waxaan ku talin lahaa sidan: B-In dib u eegis lagu sameeyo qaabka shaqaaleysiinta shaqaalaha dowladda T-In halbeegyadaas sharciga silloon noqday la laalo si daah furnaan ahna loogu tartamo shaqooyinka dowladda. J-In guddiga shaqaalaha rayidka ah la tayeeyo X-In lasameeyo guddi ladagaalanka musuq maasuqa si looga hor tago nin dooran doorta. Kh-In laxaqiijiyo xuquuqda qofka muwaadinka ah uu u leeyahay qabasho jago ama shaqo si sinnaan ah oo aan lookala saarin dibad joog iyo waa daljoog toona. D-In il gaar ah lagu hayyo shaqooyinka ay qaban karaan muwaadiniinta soomaaliyeed ay hayyaan ajaanibta joogta dalka Sida(Xalane,xarumaha UN ka Safaaradaha,Amisom iyo Hotelladda). R-In dowladda dhexe ay latimaado siyaasad cad oo ku wajahan shaqaaleysiinta muwaaadinka soomaaliyeed,diidona dowlahada lacagaha baxsha shuruudna ooga dhiga in lagu shaqaaleysiiyo oo kaliya dadka dalkooda kasoo laabta. Haddaysan intaas suurtoobin waxaa dhici doonta: 1-In qofkastaa oo dhalinyaro ah dadaal u galo tahriibna ha ahaate soo hellidda baasaboor ajaanib ah waddankana sidaas lagu cidleeyo. 2-Inuu dhaco dagaal hor leh oo kusalaysan kooxeysi (dibadjog Vs.Daljoog). F.G: Qoraalkaan waxaa igu dhaliyay kadib Daraasad dheer aan sameeyay ayaan ogaaday dhammaan culays yadaas aan kor kusoo sheegay,go,aan sadayna inaan idiinla wadaago kuna daabaco baraha bulshada, si uu u gaaro codka dhalinyarada soomaaliyeed ee shaqadoonka ah masuuliyiinta dowladda iyo cidda ay quseysoba.…Wabillahi Towfiiq… W/D:Faarax Cabdi Cismaan (BBA,MBA Holder) 1-Cilmi baare dhanka Arrimaha bulshada,iyo Ganacsiga 2-Bare Jaamacadeed. Faaraxcismaan@gmail.com Muqdisho, Soomaaliya.
  24. Bujumbura (Caasimada Online) – Dowlada Faransiiska ayaa shaacisay in 10 dameer nooca la dhaqdo ay ugu deeqday Dowlada Burundi oo ay wadaagan xiriir saaxiibtinimo iyo mid Siyaasadeed. Faransiiska, ayaa dameeradan ugu tallo gashay in loogu deeqo dadka saboolka ah ee ku dhaqan Tuullo ku taalla Bartamaha dalkaasi. Dowlada Faransa ayaa dameerahaasi kasoo iibisay dalka Tanzania, waxa uuna ujeedku yahay in dadka degan Gobalka Gitega, ay u adeegsadaan ku rarashada wax soo saarka Beeraha, Biyaha iyo qoryaha wax lagu karsado. Faransa oo u muuqat mid si jees-jees ah dameeraha ugu deeqday Dowlada Burundi, ayaa sheegtay in deeqdan ay qeyb ka tahay Mashruuc ay Hay’ad NGO oo Deegaanka ah ku taageerayso Haweenka iyo carruurta. Wasaarada Beeraha ee dalka Burundi oo aad uga carootay talaabadaasi ayaa amartay in meel gaar ah lagu karantiilo10-ka dameer oo ay Faransiiska ugu soo deeqeen Tuullo ku taalla Bartamaha dalkaasi. Qoraal kasoo baxay Xafiiska mid kamid ah la-taliyayaasha Madaxtooyada dalkaasi ayaa waxa lagu sheegay in Mashruucaasi iyo Deeqda Dameeraha ay tahay mid loogu gafaayo Dowlada Burundi. Waxa uu qoraalka ku sheegay in deeqda ceynkaasi ah ay tahay Aflagaado lid ku ah Qaranka Burundi, sidaa aawgeed aysan qaadan doonin deeqda dameeraha. Waxaa sidoo kale, qoraalka lagu cadeeyay in xitaa Dameeraha ay yihiin kuwo aad u madoow, isla markaana lasoo xulay nooca ugu foosha xun. Gabby Bugaga oo ah Afhayenka Aqalka Senedka ee dalka Burundi, ayaa sidoo kale bartiisa Twitter-ka ku qoray inay Faransiiska qaadan doonaan Dameeraha, isla markaana Burundi ay ka maaranto deeq ceynkaasi ah. Dhinaca kale, Dowlada Burundi ayaa dhaqankaani xun ku sheegtay mid ka dhalatay hoos u dhac ku yimid xiriirka labada dal, kadib markii ay Siyaasada ku kala fogaaden wixii ka danbeysay dhaliisha ay Faransa ka muujisay aftidii isbedelka Dastuurka ee bishan ka dhacday dalka Burundi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Muqdisho (Caasimada Online)– Wasiirka amniga gudaha iyo taliyeyaasha ciidamada asluubta, booliska iyo laamaha kale ee amniga ayaa kormeer ku tegay baraha kontorool ee laga soo gala magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo isku dhaf ah. Wasiirka amniga, Maxamed Abuukar Islow iyo taliyayaasha ayaa ciidanka ammaanka waxa ay gaarsiiyeen Afur iyo dharka qabowga laga xirto,maadaama ay ku sugan yihiin daafaha Magaaalda, isla markaana qaboow farabadan uu jiro. Taliyaaysha iyo Wasiirka Amniga ayaa Ciidamada waxa ay ku boggaadiyeen sida hagar la’aanta ah ay u gudanayaan waajibaadka shaqo ee Qaranka uu u idmaday. Kormeerkaan ay Wasiirka Amniga iyo taliyayaasha Ciidamada ku tageen baraha Koontorool ee laga soo galo Muqdisho ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ay dilal qorsheysan ka dhaceen.