-
Content Count
213,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Buuhoodle (Caasimadda Online) – Ciidamada amaanka magaalada Buuhoodle, ee xarunta gobolka Cayn ayaa xabsiga dhigay ugu yaraan 10 qof, oo mas’uuliyiin ay ku jiraan kuwaasoo looga shakiyay inay ku lug leeyihiin qaraxii dhawaan magaalada ka dhacay. Gudoomiyaha degmada Cabdifitaax Cali, oo kamid ah gudi loo xil-saarey baaritaanka qaraxii Ismiidaaminta ee 1-dii bishan ka dhacay xilli habeen ah magaalada, ayaa xaqiijiyay xariga 10-ka qof, isagoo carabka ku dhuftay inay kamid yihiin mas’uuliyiin. Cabdifitaax ayaa intaasi ku daray in dadka lasoo qabtey ay ku socoto baaritaan, islamarkaana ay ciidamada amniga su’aallo ku waydiinayaan saldhigga degmada, isagoo intaasi ku daray in cidii dembi lagu helaa ay maxkamad soo taagi doonaan. Qaraxii Ismiidaaminta ee Buuhoodle, oo aan wali cidna sheegan ayaa waxaa lagu dilay saddex qof oo labo kamid ah ahaayeen mas’uuliyiin, oo kamid ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Khaatumo iyo siyaasi la-taliye usoo noqday Cumar Cabdirashiid. Waxaa fuliyay qaraxa nin isku soo xiray walxaha qarxa kaasoo bartilmaameedsaday gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen labada mas’uul, xilli habeen ah oo la sheegay inay kasoo baxeen masjid kuna sii jeedeen hoygooda. Weerarkan ayaa ahaa midkii ugu horeeyay oo noociisa ah oo ka dhaca Buuhoodle taariikhda inta la xasuusto, waxaana qaraxyada noocan ah ee ka dhaca dalka looga bartay Kooxda Al-Shabaab, ee xiriirka la leh Al-Qaacida. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa maanta magacaabay tiro wasiirro ah oo buuxinaya wasaarado wasiiradoodii horay xilalka looga qaaday, waxaana wasiirradan ka mid ah C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ahaa xubnihii sida weyn uga soo horjeeday dowladdii hore ee Xasan Sheekh. Wareegtada Magacaabiddan Wasiirradan cusub ayaa waxaa Warbaahinta u akhiryay wasiirka warfaafinta xukuumadda Somalia, Daahir Maxmauud Geelle, waxaana wasiirrada la magacaabay ay kala yihiin; C/llaahi Goodax Barre, Wasiira Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Sheekh Nuur Maxamed Xasan, Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen, Wasiirka Xanaannada Xoolaha C/llaahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi, Wasiir u dowlaha Madaxtooyada Shawaqar Ibraahim Cabdalla, Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha Dhanka kale, Wareegtada Magacaabidda wasiirradan cusub ayaa waxaa lagu faray inay sida ugu dhaqsiyaha badan shaqooyinka ula wareegaan, waxaana tani ay noqonaysaa markii saddexaad ee RW Khayre uu magacaabo xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada tan iyo markii xilka loo magacaabay sannad ka hor. Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo maanta uu Ra’iisul wasaaraha Somaia iyo Wafdi uu hoggaaminayo ay u dhoofeen dalka booqashadaas oo la filayay inuu u baxo Madaxweyne Famaajo, balse aan la ogeyn illaa hadda sababta uu uga baaqday. PUNTLAND POST The post RW Somalia oo Magacaabay Xubno Wasiirro ah oo ka Mid Noqonaya Xukuumaddiisa appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu magacaabay Wasiiro cusub, iyadoo la buuxiyay labo wasiir oo booskooda banaanaa, kuwaasoo bil ka hor uu Ra’iisul Wasaaraha xilka ka qaaday. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa goor dhow warbaahinta dowladda ka akhriyay wareegtada Ra’iisul Wasaaraha oo lagu magacaabay illaa shan wasiir iyo wasiir kuxigeen. C/llaahi Goodax Barre ayaa loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada, waxaa lagu bedelay wasiirkii xilka laga qaaday C/raxmaan Daahir Cismaan oo ay isku heyb ahaayeen. Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa loo magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen Badni, halka Wasiirkii xilkaas hayay Sheekh Nuur loo magacaabay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta. Sidoo kale wasiiru dowlaha Madaxtooyada ayaa loo magacaabay C/qaadir Sheekh Baqdaadi, waxaa uu bedelay Wasiiru dowlihii hore Khaliif C/qaadir Macalin Nuur. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan laba qof ayaa dhintay, saddex kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray, kaddib markii ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia iyo kooxo hubeysan ay isku rasaaseeyeen degmada hodan ee Magaalada Muqdisho. Iska-horimaadkan ayaa yimid kaddib markii ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo watay gaari kuwa dagaalka ah ay ka shakiyeen baabuur yar oo kuwa raaxada ah oo ay wateen raggan la toogtay. Goobjoogayaal ku sugan agagaarka dhismaha Saybiyaano ee degmada Hodan oo ahayd halkii ay mashaqadani ka dhacday oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gaariga yar ay wateen rag hubeysan, gaariga dagaalkana uu cayrsanayay. “Labadan qof oo la toogtay waxay la socdeen gaariga yar, waxaana goobta ka baxsaday laba ruux oo kale oo gaariga la socday, inkastoo aysan qoryo wadan,” ayay tiri haweeney ganacsi ku haysata goobtaas oo la hadashay warbaahinta. Sidoo kale, haweeneydan ayaa intaas ku dartay inay aragtay dhaawaco soo gaaray ciidamadii dowladda Somalia ee toogashada fuliyay, kuwaasoo ay ka qaadeen goobta ciidammo kale oo ka tirsan kuwa dowladda. Gaarigii yaraa ee ay wateen ragga hubeysan ayaa weli meesha yaalla iyadoo dadka iyo gaadidka loo diiday inay halkaas maraan, sababo la xiriira shaki ka dhashay in gaariga ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa. Kooxahan hubeysan ee ay is-rasaaseyeen ciidamada Dowladda ayaan illaa hadda la garan halka ay ka yimaadeen iyo cid ay ka tirsanaayeen, laakiinse xilliyadii u dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho kusoo badanayay gaadiid ay wataan rag hubeysan oo dilal qorsheysan ka fuliya Muqdisho. Ugu dambeyn, Baaritaanno ayaa ka socda goobta uu shilkan ka dhacay, waxaana goobta uu falkan ka dhacay ay ahayd goob suuq ah oo ay dadku aad ugu badan yihiin. PUNTLAND POST The post Ciidanka Ammaanka DF Somalia oo Toogasho ku dilay rag hubeysan oo watay Gaari yar appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb galay munaasabad ku saabsan isku dhafka ciidammada ammaanka Caasimadda, iyadoona cutubyo ka-tirsanaa Ciidanka Sirdoonka Qaranka ee NISA lagu biiriyey Taliska Booliska Soomaaliyeed ee sugaya amniga Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka iyo shacabka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay in ay kaalintooda ka qaataan ilaalinta ammaanka iyo xasilloonida, taas oo horseedday in laga hortago falal arxan darro ah oo ay maleegayeen argagixisadu, gacantana lagu soo dhigo dhagar-qabeyaal khatar ku ahaa nolasha shacabka. “Booliska Soomaaliyeed waxa ay ku tilmaaman yihiin shaqo hufnaan iyo in ay saaxiib dhow la yihiin bulshada. Waxaan rajeynaynaa in ay ka soo dhalaalaan shaqada adag ee loo igmaday, taas oo ay indhaha ku hayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Eng. Yariisow. Duqa Muqdisho, ayaa kula dardaarmay ciidanka amniga caasimadda in ay mudnaanta siiyaan sidii ay ugu fududeyn lahaayeen bulshada isu-socodka, uguna dulqaadi lahaayeen caqabad kasta oo culeys ku keeni karta nolashooda iyadoona la gudanayo waajibaadka kale ee la xiriira ammaanka. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka ayaa ku bogaadiyey Taliska Booliska Soomaaliyeed dadaallada joogta ah ee ay ku xaqiijinayaan amniga bulshada, dib-u-habeynta iyo tayeynta Ciidanka Booliska oo horseedaysa horumar deg deg ah oo laga gaaro ammaanka guud ee dalka. PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho oo Amaanka Caasimada kala hadlay ciidammo fara badan oo booliis ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo ka mid ah mudanayaasha BFS ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumada Somalia ay ka gaabisay dadaalkii lagu doonaayay in lagu soo afmeero Al-Shabaab. Xildhibaan Cosoble waxa uu sheegay in Xukuumada Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ay aad u yartahay waxa ay qabatay waxa uuna tilmaamay inay ka gaabisay la dagaalanka Al-Shabaab. Al-Shabaab ayuu sheegay inay awood kusii yeelanayaan Somalia, taasina ay ugu wacan tahay Xukuumada Somalia oo aan si wanaagsan u qaban howlaha loo igmaday, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu tilmaamay in Al-Shabaab ay magaalada Muqdisho ka geystaan Qaraxyo iyo dilal toosa waxa uuna cadeeyay in dhammaan falalka noocaasi ah ay halis ku yihiin jiritaanka Somalia. “Xukuumada Somalia waxaan dhihi karnaa wey ku fashilintay dagaalka lagula jiro Shabaab, waa inay noo keentaa xal kale oo ka duwan arrintaan” Cosoble, waxa uu sheegay in dhibaatooyinka ka jira deegaanada Maamulka Hir-Shabeelle ay masuul ka tahay dowladda Somalia,isla markaana weli go’aansan in Al-Shabaab laga saaro deegaanada Maamulkaas. Nuqul kamid ah haddalka Xildhibaan Cosoble ayaa ahaa “Dhibka maanta naheysto waxaa ka mas’uul ah xukuumadda Nabad iyo Nolol isku tilmaantay,deeganada hir-shabeelle in Shabaab laga saaro dowladda awood uma weynin hubkii ugu badnaa oo dowlad soomaaliyeed lasiiyo ayaa soo gaaray dowladda hadda jirta” “Dowladu wey ka jiiftaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, haddii aan Al-Shabaab laga saarin Somalia waxa ay ka dhigan tahay Somalia nabad kama jirto” Si kastaba ha ahaate, hadalka Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble ayaa kusoo beegmaaya xili dhinacyada mucaaradka ay xukuumada Somalia ku dhaliilan waxqabasho la’aan iyaga oo doonaayo inay hantaan kursiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jigjiga (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xiisada ka taagan deegaanada maamulka Soomaalida Ethiopia, kadib markii halkaa ay ka dhaceen rabshado dhibaato geystay. Xiisada oo wali taagan ayaa waxa ay xoogeedu tahay mid u dhexeysa maamulka madaxweyne Cabdi Maxamuud iyo dowladda Federaalka ah, kadib markii la sheegay in Iley uu ka baxsaday Madaxtooyada maamulka. Saaka waxa ay wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Jigjiga sheegayaan in korantada iyo biyaha oo shalay la jaray ay dib ugu soo laabteen deegaanada Soomaalida. Magaalada Jigjiga waxaa sidoo kale goordhow gaaray wafdi dheeraad ah oo ka socda dowlada Ethiopia kuwaa oo la sheegay inay u socdaan dajinta xiisada ay wadaan Soomaalida kuwaa oo la filaayo in saacadaha soo socda ay la kulmaan Madaxda maamulka. Sida aan warkeena hore ku sheegnay Qoraal lagu daabacay wargayska ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee Addis Standard, ayaa waxaa lagu sheegay in wali ciidamada militariga Ethiopia ay ku hareersan yihiin halka uu ku sugan yahay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar. Waxa uu wargeyska Standard qoray in ay ciidamada Toban iyo labadii saac ee ugu dambeeyay ay ku harereysnaayeen madaxtooyada magaalada Jigjiga, kadib markii Iley uu la imaaday ciidamo reerkiisa ah. Ciidamada ku hareereysan Cabdi Iley ayaa la sheegay inay wataan warqad amar ah oo lagu soo xirayo madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo la doonaayo in gacanta lagu dhigo, halka ciidamada isaga ilaalada u ah ay ka biya diidan yihiin in loo gudbo. Ciidamada dheeriga ah ee lagu hareereeyay Cabdi Iley oo laga keenay magaalada Addis Ababa ayaa la xaqiijiyay in amar lagu siiyay inay xiraan isla markaana usoo dhoofiyan magaalada Addis Ababa inta ay ka dageyso xiisada wali taagan. Sidoo kale, Standard ayaa qoray in arrintasi loo samayn doono si looga hortago dhibaatooyin hor leh oo Federaalka Ethiopia kaga imaada dhulka Soomaalida. Si kastaba ha ahaatee xaalada ayaa u muuqaneysa mid marba marka xigta kasii dareysa waxaana aad looga cabsi qabaa in Cabdi Iley uu isku dhiibo ciidamada. Caasimada Online XafiiskaJigjiga Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in heegan buuxa ay galsheen ciidamadooda amaanka ee ku sugan deegaanada ku dhow dhow maamulka Jigjiga. Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda arimaha gudaha ee Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa goordhow sheegay in ciidamada Somaliland ee degmooyinka xuduuda ay la leeyihiin Ethiopia ay heegan geliyeen. Maxamed Muuse Diiriye, waxa uu sheegay inay suuragal tahay in danbiilayaal falal amni darro kasoo geestay dhulka Soomaalida ay usoo cararaan dhanka Somaliland,sidaa aawgeed la doonaayo in laga hortago. Maxamed Muuse Diiriye, waxa uu sheegay in heeganka uu yahay si loo ilaaliyo nabadgelyada maadaama qalalaase ka jiraan magaalada jigjiga . Wuxuu sheegay inay Ethiopia ay la leeyihiin xiriir iskaashi ee xaga nabadgelyada iyo ganacsiga , sidaa darteedna ay indho dheer ku eegayaan xaaladda ka soo cusboonaatay jigjiga . Dhinaca kale, Wasiirka waxaa ugu baaqay shacabka somaliland inay ilaaliyaan nabadelyada dadka reer Ethiopia ee la nool. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Health was the biggest winner yesterday in the Sh10.6 billion budget approved by Wajir county assembly. Source: Hiiraan Online
-
The Ethiopian government has formally submitted a request to the Government of Djibouti to take the role of a mediator with Eritrea to resolve the border conflict and tension between the two countries concerning the border strip of Ras Dumera. Source: Hiiraan Online
-
Eritrean airline makes first flight to Ethiopia in 20 years
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Eritrea's national airline has made its first commercial flight in two decades to Addis Ababa, the capital of neighboring Ethiopia, the latest step in a surprise peace process between the former foes that began just two months ago. Source: Hiiraan Online -
Jigjiga (Caasimada Snline) – Markii uu dalka Itoobiya ka baxay gacantii kacaankii Derg-ga ee uu hormuudka ka aha Mingistu Hailamariam oo ay taladu gacanta u gashay EPRDF waxaa is bedelay nidaamkii siyaadi ee dalkaas. Itoobiya waxa ay qaadatay nidaam Federal oo ku dhisan qaab qoomiyadeed iyo dastuur siiyey qoomiyadahaas awoodo aysan hore u heli jirin. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee Dastuurka Itoobiya-da Federal-ka ku dhisan ku qoran waxaa ka mid ah in ay Maamul Gobolleedyada ku disan Qowmiyadaha ina go’i karaan oo ay aayahooda ka talin karaan “Self Determination”. Sidaa darteed ayaa gobolka Soomaalida shalay waxaa ka dhacay rabshado, ayada oo laga qabsi qabay inay go’aan. Si ay u go’aan waxay adeegsan karaan qodobka 39-aad ee dastuurka dalkaas. Muxuu dhigayaa qodobka 39-aad ee dastuurka Itoobiyada? 1. Xuquuqda Qowmiyadaha, dhalashooyinka iyo dadka aayo ka tashi, oo ay ku jirto xaqa ay u leeyihiin go’itaan. 2.Qowmiyad walba, dhalasho walbba iyo dadka Itoobiya waxa ay xaq u leeyihiin in ay ka hadlaan, qoraan oo ay horumariyaan afkooda; muujiyaan, horumariyaan iyo sare u qaadaan dhaqankooda; oo ay ilaaliyaan soyalkooda. 3.Qowmiyad kasta, dhalasho iyo dadka Itoobiya waxa ay awood buuxda u leeyihiin ay helaan ismaamul oo ay qeyb ka yihiin dhisidda hay’ado dowli ah ka dhisaan deeganadooda waxa ayna xaq u leeyihiin ay saami cadaalad ah ka helaan matalaada dowladda deegaanka iyo Federal-ka ah. 1.Xuquuqda aayo ka tashiga oo ay ka mid tahay go’itaan, ee ay qowmiyad walba xaqa u leedahay waxa ay ku suurtagali kartaa: 1.Marka saddex meelood laba ka mid ah ay golaha baarlamaanka dowlad deegaanka qoymiyadda iyo dadka ay quseyso ansixiyaan. 2.Marka ay dowladda Federalka ay qaban qaabiso afti ay qasab tahay in ay ku qabato muddo saddex sano ah oo ka bilaabaneysa marka ay golaha baarlamaanka dowlad deegaanka kala waregto rabitaanka go’itaanka ah. 1.Marka aftida go’itaanka ah uu ku meelmaro coddeyn aqlabiyad ah 2.Marka dowladda Federal-ka ah ay ku wareejiso awooddeeda golaha baarlamaanka ee qowmiyadda, dhalashada iyo dadka u codeeyey in ay go’aan; iyo 3. Marka hantida loo kala qeybsado sida uu dhigayo sharciga. 1.”Qowmiyad, dhalasho ama umadd” waxa uu dastuurkan ku qeexayaa, umad wadaagta dhaqan isku mid ah iyo caado isu dhaw, is fahan afeed, is aqoonsi dhalasho, fahan ku dhisan aanimaad oo sida ay u dhisan yihiin ah, iyo degenaanta deegaan la garanayo oo ay aad ugu badan yihiin.
-
Muqdisho (Caasimadda Online)– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Golihiisa Wasiirada ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa deegaanada maamul goboleedka Puntland. Xassan Cali Kheyre maalintii uu ka degay Garowe waxa ay dadweyne aad u tira badan ku soo dhaweeyeen barxdda magaalada isaga oo ku hadlay halkaas. Hadaladdiisii waxaa ka mid ahaa: “Waxaad ku mahadsantihiin mudane iyo madaxweyne adiga iyo shacabka sharafta leh ee reer Puntland in aad igu soo dhaweyseyn dhulkii xudunta u ahaa halgankii daraawiishta”. Hadallada Raisul Wasaare Xassan Cali Kheyre waxa ay dhaliyeen muran ku saabsan juqraafidda dalka iyo sida ay deegaanado kala yihiin. Sida taariikhda lagu hayo xaruntii halgankii Daraawiishta waa degmada Taleex ee ka tirsan Gobolka Sool, magaalada Buuhoodle ee ka tirsan Gobolka Togdheer iyo deeganado kale oo ku xeeran! Waxaa ka daray Xassan Cali Kheyre ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed ‘Khadar!’ Isaga oo hadal ka jeediaya xaflad habeenkii jimcaha ay Puntland ugu dabaal dageysay sanadguuradeedii 20-aad, waxaana uu yiri:“Puntland wa hoygii halyeeyaddii curiyey halgankii 60-kii, Allow yaa darwiishkii farriin dabacsan gaadhsiiya, Allow yaa yiraa dadkaagii dowladnnima qaate”. Hadaba, su’aasha ayaa ah labada mas’uul miyeysan kala aqoon dalka? Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti dhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye), ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Somalia aysan u arxan fali doonin kuwa ku shaqeysta musuqa. Waxa uu Hanti dhowraha sheegay inay jiraan shaqsiyaad badan oo isha lagu hayo kuwaa oo hadii ay kusoo cadaato kiisaska baaritaankooda ay muteysan doonaan xarig. Waxa uu tilmaamay in arrin adag ay tahay in indhaha laga qabsado ficilada kuwa dhaqanka iyo caadada ka dhigtay musuqa Hanti Qaran waxa uuna ku goodiyay in sharciga uu noqon doono mid ku xoogeysta dalka. Hanti dhowre Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye), ayaa tilmaamay in Qaranimada Somalia ay tahay mid ku jirta in la kala saaro kuwa musuqa caadeystay iyo kuwa wanaagsan, sidaa aawgeed ay muhiim tahay in laga hortago cid waliba oo halis ku ah Qaranka. Sidoo kale, waxa uu carab ***** mar uu saxaafada la hadlaayay in sharciga ay u siman yihiin dadka Soomaaliyeed,sidaa aawgeed la doonaayo in mas’uul waliba uu ka fiirsado qaabka shaqadiisa. Geesta kale, waxa uu sheegay inaan lagu khaldami doonin cid aan waxba galabsan, hase yeeshee qofkii loo xira musuq ay micnuhu tahay inaan loo weyn cadeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Tani waa qormadi saddexaad ee aan ku eegayno amuuraha dabada ka riixayo loollanka cusub ee loogu jiro hanashada Geeska Afrika. Qormadi koowaad waxay ahayd gogal xaar. Middi labaad waxaan ku eegnay waddamada loollanka ku jiro iyo waqtiyadii ay kusoo kala biireen hardanka. Qaybtaas waxaan ku khatinnay in faaiidooyin ay ka heleen waddamada lagu loollamayo. Sidoo kale waxaan tilmaannay inay kasoo muuqdaan hardankaan khataro waaweyn oo dhibaatooyin u horseedi kara dadka ku nool gobalka oo dhan. Waa qodabkaas danbe midda ay qormadaan faafaahin doonto. Khatarta kasoo muuqata loollaankaan waa mid dhowr waji leh dalalka Geeska-Afrikana si kale duwan u saamayn doonta. Qaar waxay isku dayayaan inay ka mid noqdaan kuwa loollanka ku jira ee wax qaybsanaya halka qaar ay yihiin dhibbanayaal dhab ah oo dhibta ugu weyn ay kaligood ku dhici doonto. Soomaalida (Soomaaliya iyo Jabbuuti) waxay noqon doontaa dhibbane la hubo hadduusan Eebbe faraj kale furin. Halis Siyaasadeed Waddamada ku harmadayo hanashada siyaasadda Bariga Afrika waxaan ku dheegnay inay carab u badan yihiin. Qaabka waddamada Carbeed wax u rabaan waa mid khar weyn ku ah horumarka mandhiqadda. Ma jiro calaaqaad iyo dano mideeyo oo ka dhaxeeyo dalalka Carabta iyo kuwa Afrikaanka. Xariirka ka dhaxeeyana wuxuu ku qotomaa mid ka dhashay xariirka dhexmaro madaxda markaas talada hayso. Madaxda Carabtu, dhammaan waxay madaxda Afrika siiyaan miisaaniyad joogta. Lacagtaas badan waxay ku badashaan in madaxda Afrika ay daacad u noqdaan kuwa Carabta marki loo baahadana ay codkooda iyo cududdooda ku taageeraan. Tusaale muddo dheer Senigaal waxay taageero dhaqaale ka heli jirtay Sacuudiga. Sanadki 2012ki ayaa la doortay madaxweynaha talada hayo mudane Sall. Waqtigaas wuxuu ballan qaaday fulinta qorshaha horumarinta Sanigaal. mashruucaas ayaa u baahday lacag gaarayso 16.8 bilyan doolar. Wax badan lagama fulin qorshihii uu doorashada kusoo galay walow uu dhacdhac badan helay madaxweyne Sall. Waxaa xog hoose lagu helay in Sacuudigu bixiyay maal gaarayo $216 milyan oo doolar sanadki 2015ki oo aan caddayn waxa ay tahay meesha loogu talagalay. Taas baddalkeeda Sanigaal waxay ciidamo ka badan 2000 oo askari u dirtay Yemen si ay u caawiyaan Sacuudiga. Siyaasadda noocaan ah halista ay leedahay ayaa ah in Carabtu aysan isku shuqlin horumarinta iyo hagaajinta xariirka kala dhaxeeyo Afrika taasoo keeni lahayd xariir siyaasadeed, mid dhaqaale iyo dhaqan oo dhex maro Afrika iyo Carabta. Sidoo kale, habdhaqanka Carabta wuxuu xoojiyanayaa musuqa ka jiro qaaradda wuxuuna cudud siinayaa madaxweynayaasha kursi ku dhagga ah ee ka taliyo Afrika. Sidoo kale, qaadashada sandareertada ayaa madaxda Afrika ka dhigtay in loo arko kuwa hooseeyo. Carabtu, sida ree Galbeedkuba, ulama dhaqmaan madaxda Afrika si kuwo la siman, waxaa sidaa ka dhigayna waa in madaxda Afrikaanku lacag waydiistaan Carabta marki ay booqdaan. Sida loo quursado Afrika waxaa tusaale noogu filan sida loola dhaqmay waqtigii la tuuri rabay AUN korneel Qadaafi. Midowga Afrika wuxuu si dag dag ooga shiray xaaladda Liibiya maadaama ay tahay dal Afrikaan ah. Midowga ayaa go’aamiyay qorshe nabadeed cad kaasoo dalkaas wax ka badbaadi lahaa. Qorshahaas oo ahaa in si nabad dalka looga sameeya isbaddalka ay dadku rabaan ayaa waxaa gaashaanka ku dhuftay dalalka carabta iyo Galbeedka. Maadaama Afrika aysan xoog ciidan lahayn madaxdeeduna horay cunno badan ugu maqnayd aad uma aysan qaylin marki lagu tuntay qorshihii ay rabeen in dalkaas lagu badbaadiyo. Wixii xigay waa midda laga wada shallaayayo maanta. Intaas waxaa dheer, waddamada Khaliijku Barika Afrika wuxuu u yahay ahmiyadda saddexaad haddii uusaan ahayn midda afraad. Waxay u badan tahay ahmiyadda Bariga Afrika waxa keenay inay tahay xariirka ay la leedahay kuwa culayska ku hayo Khaliijka sida Iiraan iyo Yemen. Khatarta arrintaan ka dhalanayso ayaa ah in xariirka lagu saleeyo xaaladda markaas taagan taas oo noqon korto si, matalanba, Iiraan looga adkaadao in la dumiyo cid walba oo xariir la leh sida Yemen lagu sameeyayba. Halista Loollanka xeebaha Bariga Afrika Muddo 25 sano ka badan xeebaha Bariga Afrika waxay ahaayeen kuwo nabdoon oo uusan is rixriix ka jirin. Eritareeya iyada unbaa isku koobtay xeebaheeda meel kalana wax kama aysan dayin, Soomaaliya amni darro iyo dowlad la’aan ayaa indhaha caalamka ka weeciyay ku tartamidda xeebaheeda. Jabbuuti ayaa iyadoon cidna loollan kula jirin ka suud-daaqday xeebaheeda iyadoo kulmisay ganacsiga Itoobiya, Maalgashiyo shisheeye iyo saldhigyo ciidamo kala duwan. Laakiin xasilloonidaas waxay isu baddashay si dhaqso. Waxaa si kadis agh u bilowday ku tartamidda xeebaha gobalka. Sidoo kale, gobalka naftisia ayaa billaabay u tartamidda cid maalgaliso xeebahiisa. Itoobiya oo ah dalka ugu weyn ee lagu tartamayo inuu noqdo macmiil ayaa heshiishyo aan xad lahayn la galay dhammaan dalalka dariska la eh ee badaha leh. Waxay heshiis ah inay baddooda isticmaalayaan la gashay, Jabbuuti, Soomaaliya oo labo ah, Kiinya iyo Suudaan iyo Eritaerrya oo hadda howsheedu socoto. Dhowr arrimood ayaa keenay inay dakedo badan raadiso Itoobiya. Kow, ku tiirsanaanta hal daket waxay Itoobiya ka dhigaysaa mid taag daran oo u hoggaansato waxa uu rabo dalka leh dekaddaas. Sidaa darteed inay hesho meelo badan oo ay wax kala soo dagto waxay keenaysaa kalsooni shacabkeeda iyo dowladduba ay ku seexdaan. Labo, la heshiinta dowlado badan oo mid walba rabo in la isticmaalo dakeddiisa waxay keenaysaa in beeca la isku eryo sidaasna ay Itoobiya qiimo jaban ku hesho adeegga ay u baahan tahay. Saddex, Itoobiya waxay u aragtaa tartanka socdo mid lagu qaybsanayo Bariga Afrika sidii dhacdayba 1884’ti, inay qaybta ka qadin ee sidii awalba ay wax ooga heshay ay haddana wax ooga hesho ayay u xarbinaysaa. Inshallah qormo arrintaan u gaar ah ayaan soo dhigi doonaa. Hunguri wax ka weyn waa dillaaciyaan Jabbuuti ayaa inta aysan dalalkaan kale soo galin tartanka dajisay qorshe fog oo hormarineed. Qorshahaan oo loogu wanqalay Jabuuti 2035’ta ayaa ah in Jabuuti ay noqoto xarunta ugu weyn ee ay ku gashiimaan maraakiibta ku safarto Badda-cas iyo inay noqoto xarunta kala wareegga badeecadaha ka yimaad Shiinaha ee u socda Afrika. Sanadkaan horraantisi ayaa xarigga laga jaray jid tareen oo dheerarkiisu yahay 750KM kasoo isku xirayo Jabuuti iyo Itoobiya. Tareenkaan oo ay ku baxday $3.4 bilyan oo doolar ayaa sahlay safarka badeecadaha isaga gooshi jiray Jabuuti iyo Itoobiya. Gaaska laga helay gobalka Soomaalida ee ay Itoobiya guumaysato ayaa isna la doonayaa in laga dhoofiyo Jabuuti. Julaay shanteedi ee sanadkaan ayaa sidoo kale, waxaa xarigga laga jaray aagga ganacsiga furan (free trade zone). Goobtaan ayaa ah midda Afrika ugu weyn waxayna qaadan doontaa in la dhammays tiro muddo 10 sano ah. Wajiga kowaad hadda xariga laga jaray waxaa ku baxay $3.5 bilyan doolar. Xaruntaan ayaa loogu talagalay inay lagu kala qaybiyo badeecadaha u socdo Afrikada aan badda lahayn sida Koonfurta Suudaan, Ruwaanda, Burindi iyo Yugaandha. Si loo helo daketo fulin karo qorshaha Jabuuti, waxay dowladdu maalgalisay dakedda Doorale oo ay ku baxday adduun gaarayo $590 milyan oo doolar. Waxay sidoo kale, maalgalisay kuwa yar yar sida midda Tajuura oo loo calaamadeeyay inay kasoo dagaan cuntooyinka u socdo Itoobiya iyo Dameerjoog oo loo asteeyay in laga dhoofiyo gaaska dabeeciga ah ee laga qodayo dhulka Soomaalida. Yaa bixinayo lacagta sidaan u badan? Sida muqaato mashaariicdaan waxaa ku baxayo lacago balaayiin. Yaa bixinayo maxayse ka helaysaa cidda maalgalisay? Dhammaan maalgashiga dekadaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee socdo wuxuu ka imaanayaa Shiine iyo Imaaraat. Mashaariicda balaayiinta dhaaftay ee aan kor ku xusnay waxaa maalgaliyay Shiine. Shiine wuxuu wadaa dhisamaha mashruuc loo bixiyay soo noolaynta jidkii jidkii xariirta. Jidkaan ayaa isku xiri jiray Shiine iyo dunida inteeda kale qaruumihi dhexe. Qorshahaan ayaa hadda ah in jid bad iyo birriba ah oo kasoo baxo Shiine oo maro Afrika iyo Aasiya la dhiso si Shiine u noqdo dalka haysta goobaha ugu istiraatijisan dunida. Geeska Afrika ayaa hal bowle u ah fulinta mashruuca jidki xariirta. Jabuuti ayuu Shiine u doortay inay noqoto saldhigga ugu muhiimsan ee Afrika mashruucaan ku leeyahay. Si taas loo xaqiijiyo Shiine wuxuu si miyir la’aan ah qaan ah u siiyay Jabuuti. Labo sano gudahood qaanta bannaanka laga leeyahay ee ay qabto Jabuuti wuxuu ka kacay 50% wax soo saarka dalka wuxuuna gaaray 75%. Taasi waxay ka dhigan tahay 75% dakhliga soo galo Jabuuti waa qaan. Ma jiro dal kale oo ka mid ah waddamada soo korayo halkaas qaanta lagu leeyahay ay gaartay. Maanka ku haay in ree Jabuuti oo hal milyan ka yar ay wali ka mid yihiin dadka ugu saboolsan dunida iyadoo intaas oo deyn ah dalka la galiyay. 23% waxay ku noolyihiin saboolnimo aad u daran shaqa la’aantuna waa 60%. Qaanta maanta ay qabto Jabuuti maahan mid ay awood u leedahay inay bixiso. Waa si xowli ah u kordhi doono dulsaar ilaa uu gaaro heer aan an la hawaysan karin bixintiisa. Awal sidii wax ahaayeen ma adkayn in la sawirto in dekadahaan is bixiyaan oo Jabuuti aysan qasaarin waayo qorsha ayaa ahaa in isticmaalka Itoobiya ee dekadaha Jabuuti uusan ka hoos mari doonin 80%. Qorshahaas waxaa lagu saleeyay inuusan dhawaan dhici doonin heshiis dhex maro Itoobiya iyo Eritareeya iyo inaysan marnaba suuragal noqon doonin in Itoobiya isticmaasho dekadaha Soomaalia. Hasa ahaatee isbaddallada dag dagga ah ee dhacay ayaa soo saaray sawir madow marki laga eego dhinaca Jabuuti. Sidaan ku arki doonno qormada middaan xigto, hadii dekadaha Eritareeya howl galaan, Jabuuti waxay lumin doontaa in ku dhow kala bar isticmaalka Itoobiya. Taasina waa sababta ay Jabuuti af labadii u yeertay markay aragtay Eritareeya oo suuqa tartarnka akusoo laaban rabto. Caaqibada ka dhalan doonto inay Jabuuti bixin waydo dulsaarka qaanta ay qabto ayaa ah in Shiine la wareego maamulka meelaha uu maalgaliyay oo ay kow ka yihiin dakedaha oo ah isha kaliya ee Jabuuti ay dhaqaale ka hesho. Arrintaan maahan mid qarsoon. Shiine wuxuu horay sidaas oo kale ugu sameeyay dalka Siiralaanka. Hasa yeeshee Jabuuti way dhib iyo halis badnaan Siiralaanka. Xeebta Jabuuti ee Shiine isu gaagaabinayo waxa saldhiggiisa ugu weyn ee Afrika ku leh ciidamada Maraykanka. Shiine ayaa isuguna ka dhistay saldhiggisi ugu horreeyay ee uu ku yeesho dibadda dalkiisa. Labada saldhig ee Shiine iyo Maraykan waxay isu jiraan lix mayl kaliya. Sanadkaan gudihiisa waxaa hawada isu mariyeen eedaymo midba kan kale uu ku eedeeyay daandaansi. Waxaa cad in Shiinuhu si ku talagal ah u doortay saldhiggiisa meesha uu ka dhigayo iyo ujeedka uu ka leeyahay lacagta aan loo meeldayin ee uu ku shubayo jeebka Isciil Cumar Geelle. La soco qormada xigta si aan u fahanno khatarta wajiyada badan ee soo foodsaartay Jabuuti iyo waxa la filan karo hadduu Shiine la wareego gacan ku haynta xeebaha Jabuuti taasoo aad u dhici karta. W/Q: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in kaalin weyn ay QM ka qaadatay qaboojinta colaada ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool. Waxa uu sheegay in Ergayga QM u qaabilsan Somali Michael Keating uu u dhabar adeegay xalinta colaada, balse aanu wali si rasmi ah loo xalin dagaalka. Waxa uu Mr Kheyre cadeeyay in Michael Keating iyo xubnaha kale ee QM ka jooga Somalia ay yihiin kuwo u dhexeeya magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, iyadoo uu ujeedku yahay sida looga gudbi lahaa colaada Tukaraq. “QM wey qaadatay kaalinteeda waxaanu culeyska ku saarnay inay xal degdeg ah ka dhex abuuran labada dhinac, anaguna dhankeena ayaan ka wadnay, xal toosa wali lagama gaarin colaada balse waxaa noo muuqda in leysku fahmay joojinta colaada” Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay in colaada Tukaraq uu xalkeeda gaaray 90% halka inta harsan ay ku dadaali doonaan sida lagu dhameystiri lahaa. Si kastaba ha ahaatee, Kheyre ayaa hadalkaan ka sheegay warbixin kooban oo uu ka bixinaayay safarkiisa magaalada Garoowe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Mu’asasada As-Saxaab oo ah garabka warbaahineed ee Ururka Al-Qaacida ayaa baahisay hadal la daawan karo muddo 32 daqiiqo ah oo uu sheekh Aymen Al Dawaahiri kaga hadlayo taariikhda dagaalka soo jireenka ee illaa hadda ka taagan bariga qaaradda Africa. Hadalkaan oo qeyb ka ah taxanaha loogu magac daray Al-Rabiic Al-Islaami ama “Gu’ga Islaamiga” oo uu inta badan kaga hadlo muhiimadda midnimada Muslimiinta, taariikhda iyo xaaladaha ay ku sugan yihiin Ururuda hoos tago Al-Qaacidda. Qeybtaan wuxuu Dawaarihi kaga hadlay Loolana ka socda Qaaradda Africa ee leh taariikh siraac oo soo jireen ahaa tan iyo soo bixitaankii islaamka. Xalqadan waxaa cinwaan looga dhigay “Bariga Afrika Dhufeyska Koonfureed Islaamka”. Sheekh Aymen Al Dawaahiri ayaa bogaaday dagaalka ay Shabaab kula jiraan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. Dawaarihi ayaa Al-Shabaab ku amaanay inay Geeska Africa difaac u yihiin isla markaasna ay tahay in lala garab galo sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu dadka ku nool Geeska Africa ugu baaqay inay dhammaantood kamid noqdaan Ururka Al-Shabaab oo qaraxyo iyo dilal ka geysto gudaha Soomaaliya iyo wadamada qaar ee dariska la ah. Hadalkaaan ayaa kusoo aadayo xilli ururka Al-Shabaab ay cadaadis xoog leh la kulmayeen sanadihii dambe, wuxuuna caadiska isugu jiray mid dhaqaale iyo mid khilaaf oo dhexdooda ka dilaacay. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa daboolka ka qaaday in Hogaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi uu sharciga Somaliland u gacan galiyay shaqsiyaad aan Lix bil ka hor aqoon laheyn. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay inay nasiib darro tahay in sharciga Somaliland uu yahay mid ay maamulanayaan waxa uu ugu yeeray shaqsiyaad aan aqoon laheyn kuwaa oo uu tilmaamay in boholo mugdi ah ay kusii wadaan Somaliland. “Adeer anigu ma aaminsani in dalka uu hagaagi doono waayo sharciyada dhan waxaa naloogu dhiibay ilmo yar oo aan waxba garan oo ilmo adeer la ah Muuse” “Sharciga waxa uu soo dhaafi la’yahay madaxtooyada marka waxaan leeyahay Somaliland maaha Madaxtooyada qura ee waa in wax laga bedelaa sharciyada maamulkooda loo gacan galshay shaqsiyaadka” Waxa uu Faysal Cali Waraabe sheegay in Muuse Biixi uu ka badin la’ yahay kool-koolinta reerkiisa, isagoo arrinka noocaasi ah ku sheegay mid dhulka galin kara sharciga iyo kala danbeyntii ka jirtay Somaliland. Faysal Cali Waraabe, waxa uu tilmaamay in Muuse Biixi uu khaladaad cad ka galaayo Qaranka balse uusan diyaar u aheyn in xiligaan uu la wadaago talooyin arrintaasi ku saabsan. “Anigu Muuse maba u dooran laheen madaxweyne waayo waxaa ku yar siyaasada iyo hab maamulka waxa uu ka badin la’ yahay cidiisa iyo inta uu saaxiibada la yahay” Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in Muuse Biixi uu kala fadilo shacabkiisa, waxa uuna kaga digay inaanu baal-madow ka galin Somaliland. Haddalka Faysal Cali Waraabe, ayaa imaanaya xili uu jiro Khilaaf Siyaasadeed hoose oo ka dhex aloosan labada mas’uul kaasi oo ka dhashay ka qeybgalka shir dhawaan ka dhacay Magaalada Brusells ee dalka Belgium-ka. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Vilnius (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Lithuania ayaa sheegtay inay EUR 60,000 (Lixdan kun) ugu talo-gashay arrimaha banii’aadnimada ee dalal badan oo caalamka ah. Lacagtaas EUR 20, 000 waxaa loo qoondeeyey dalka Suuriya, iyada oo sii marineyso xafiiska UNHCR halka EUR 15, 000 la siin-doono dalka Mali. Soomaaliya waxaa ku soo aadey EUR 15 kun waxaa loo soo xawili-doonnaa hey’adda cuntada adduunka ee World Food Program. Lacagta Soomaaliya la siinayo waxaa la sheegay in lagu gargaari-doono 1.67 million oo dad ah, kuwaas oo u baahan cunto, heyso nafaqo-darro. Waxaa kale oo la sheegayaa in lacag EUR 10,000 ay siin-doonnaa Guatemalan halkaasi oo burkaano waxyeeleysay in ka badan 1.7 million oo dad ah. Sanadkan lacagta ay Lithuania horay ugu bixisay dalalka Ukraine, Yemen, Syria, Somalia, Mali, Guatemala, Palestinian iyo hey’adda UNHCR waxaa lagu qiyaasay EUR 245, 000. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
