Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa sheegaya inuu weerar diyaarado loo adeegsaday ka fuliyay Saldhig ay ku sugnaayen xubno ka tirsanaa Al Shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa meel 74-KM Waqooyi Galbeed ka xigta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Weerarka ayaa lala bartilmaameedsaday hogaamiyeyaal, iyo Saraakiil sare oo Al-shabaab ka tirsan laakiin lama sheegin magaca shaqsiyaadka la weeraray. Mareykanka ayaa waxa uu sheegay weerarkan dhacay 2-dii bishan in uu ku dilay Afar nin oo ka tirsanaa Al Shabaab, islamarkaana aanay jirin khasaare dadka rayidka ah ka soo gaaray duqeyntan. Ururka Al Shabaab oo duqeyntan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen duqeyntan Afarta qof ee lagu dilay inay ahaayeen dad shacab ah. Waa duqyantii 15-aad ee Maraykanku sannadkan ka gaystaan gudaha Soomaaliya taasi oo bartilmaameeedsatay xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab. Mareykanka ayaa taageera siiyo ciidamada midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan. Mareykanka ayaa horay u sheegay in ay ka go’an tahay dagaalka kooxaha ka dagaalama Soomaaliya sida kooxda Daacish iyo Ururka Al Shabaab ee ku sugan meelo ka mid ah dalka, kuwaasi oo dagaal kula jira dowladda federaalka.
  2. Muqdisho (PP) ─ Millateriga Mareykanka ayaa sheegay in afar xubnood oo ka tirsan ururka Al-shabaab ay maanta ku dileen duqeyn ay ka geysteen Gobolka Shabeellada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Weerarkan ayay sheegeen in Khamiistii shalay laga fuliyay deegaan 74-mayl oo u dhiganta 119-KM – dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Xamar ee xarunta Somalia, inkastoo aan deegaanka magaciisa la sheegin. Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika [AFRICOM] ayaa sheegay in tani ay tahay duqeyntii 19-aad ee sanadkan lagu jiro oo eliya ay ka fuliyaan gudaha Somalia, ayna ku beegsadeen xubno ka tirsan Kooxda Al-shabaab. Sidoo kale, Warbixin kasoo baxday AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymo aan badnayn ay la beegsadeen diyaaradahooda dagaalka koox yar oo ka mid ah Ururka Daacish, kuwaasoo ku fir-fircoon deegaanada waqooyiga Somalia, gaar ahaan Puntland. Dhanka kale, Warbixinta AFRICOM ayaa lagu sheegay inaysan jirin khasaare duqeyntan kasoo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa halka duqeyntan laga fuliyay, inkastoo duqeymo horay oo Mareykanku fuliyay lagu sheegay inay waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah. Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo Mareykanka ay duqeymo la beegsadaan Al-shabaab, balse ma jiro illaa hadda hadal kasoo baxay Kooxda oo ay ku xaqiijinayso ama ku beeninayso hadalka kasoo baxay Mareykanka. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo sheegay inay duqeyn culus ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  3. Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa ku gacansayrtay go’aan ay shalay soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dhexdhexaadinta ee fadhigeedu yahay magaalada London. Go’aankaas oo ay maxkamaddu ku sheegtay inay khalad aheyd in dowladda Jabuuti ay maamulka iyo gacan ku haynta dekadda Dooraleh ay kala wareegto Shirkadda Dekadaha ee DP World. Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in Maxkamadda aanay u yeerin oo dhinacooda aanay dhageysan sidaas daraadeedna aanay khusaynba go’aanka ay soo saartay. Gudoomiyaha maamulka dekadaha iyo goobaha ka caaggan canshuuraha Abuu Bakar Haadi ayaa sheegay in horey ay shirkadda ugu heshiiyeen in heshiiska ay ka baxaan islamarkana qarashaadkii ka galay loo celiyo. Gudoomiyaha aya intaa ku daray in shirkadda DP World aysan xoog ku haysan karin dekadaha dalka Jabuuti. Dowladda Jabuuti ayaa 22 bishan waxay meesha ka saartay heshiiskii ay la gashay shirkadda DP World. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Ceel-baraf ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa Sheegaya in Hooyo Soomaaliyeed ay halkaas sun ku cabtay ayna Geeriyootay Kadib Markay ka Carootay Hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in Cunaqabateynta laga qaado Eriteria. Hooyadana waxa la sheegay in tan iyo Markii Madaxweynaha Soomaaliya uu baaqaasi jeediyey ay hadal heysay Cadawtinimada ka dhexeysa Eriteria iyo Jabuuti, Waxayna Sheegtay in Soomaaliya aan xiligan looga baahneyn inay Xiligan la safato Eriteria.
  5. Federal prosecutors in Ethiopia are to file charges against five people suspected of being involved in a grenade attack on a political rally in June for Prime Minister Abiy Ahmed, state-affiliated media said on Friday. Source: Hiiraan Online
  6. UK State Secretary for Defence Rt. Hon. Gavin Williamson has lauded the progress made on the security front in Somalia, but cautioned that the premature exit of the AU troops from the Horn of Africa country, could have an adverse effect on gains already made. Source: Hiiraan Online
  7. Ceelka shidaalka Soomaalida Itoobiya Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qoondada Soomaalida Itoobiya ku yeelanayso shidaalka laga soo saaray deegaankooda. Abiy Ahmed oo Soomaali badan kula hadlayay xaflad ka dhacday Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa wax laga weydiiyay arinta shidaalka dhawaan laga soo sooray deegaanka Soomaalida Itoobiya. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku jawaabay in kheyraadka dhulka Itoobiya uu yahay mid dadka oo dhan ay leeyihiin, hase yeeshee iyada oo aan deegaanka Soomaalida oo keli ah loo eegeyn kheyraad kasta oo dabiici ah oo laga helo Itoobiya boqolkiiba 5% ilaa boqolkiiba 10% lagu hormarinayo deegaanka kheyraadka laga helay, isagoo intaas ku daray in arrintaas ay ku dhaqmaan waddamo badan oo qaarada Afrika ah Sidoo kale Abiy Ahmed ayaa sheegay in shidaalkan oo wakhti badan la baaraayay oo aan horey loo ogeyn waxa uu yahay, hadda hadii la dhaho deegaankayaga ayaa laga soo saaray oo anagaa leh ay ka dhalan karto inaan isleyno. Cabdi Maxamuud Cumar Madqxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida oo dhawaan ka hadlay xaflad lagu soo dhaweynayay shidaalka laga soo saaray deegaankaas ayaa sheegay mar uu ka hadlayay qoondada ay ku leeyihiin in uu jiro sharci federaalka ah oo dhigaya in shidaal haddii uu soo boxo ama xitaa kheyraad kale in deegaanka uu leeyahay boqolkiiba 40%, federaalkuna leeyahay 60%, midda Federaalka ay wax ku sii leeyihiin. Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa horey u sheegay in shidaalka laga soo aaaray deegaanka Soomaalida maalinkasta la soo saari doono 450 foosto oo shidaal cayriin ah, sannadka u horreeyana la filayo in ay ka faa’iidaan hal bilyan oo doolar. Qoondada Soomaalidu Itoobiya ku yeelanayso shidaalka laga soo saaray deegaankooda oo in dhawaale la hadal hayay waxa ay noqon karto, ayaa jawaabta Abiy waxa ay noqon kartaa mid aan dad badani ku qancin. PUNTLAND POST The post Waa imisa qoondada Soomaalida Itoobiya ku yeelanayso shidaalka laga soo saaray deegaankooda? appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (PP) ─ Xisbiyada kala ah; DALJIR, WADAJIR, HORUSOCOD iyo KULAN, ayaa Warsaxaafadeed ay soo saareen waxay madaxweynaha DF, Maxamed C/llaahi kaga dalbaday inuu ralli-gelin ka biyo hadal ay Dwladda Jabuuti qoonsatay oo ku saabsan in cunno-qabteynta hubka laga qaado dalka Eritrea oo uu dhawaan booqday. Dowladda Jabuuti, ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somalia aysan marna ka filayn inuu hadalkaas ku dhawaaqi doono, isagoo aan marnaba soo hadal-qaadin dhulka laga haysto Jabuuti iyo maxaabiista looga qabsaday dagaalkii dhexmaray iyaga iyo Eritrea. Haddaba, Qoraalka ay soo saareen xisbiyadan ayaa u qornaa sidan; Annagoo ah xisbiyada siyaasadeed ee Wadajir, Daljir, Kulan iyo Horusocod oo hoos ku wada saxiixan, waxaan aad uga xunahay in Madaxweyne Farmaajo uu ku baaqo in laga qaado cunaqabataynta ay Qaramada Midoobay saartay dalka Eratariya, intii uu ku gudo jiray booqashadiisii uu ku tegay Asmara. In kasta oo aan soo dhaweyneyno in uu hagaago xiriirka u dhexeeya wadamada Geeska Afrika, haddana waxaan qabjab iyo walaac xooggan ka muujineynaa talaabada aan ka fiirsiga iyo mas’uuliyaddaba lahayn ee Madaxweyne Farmaajo ku kacay taas oo dhibaateyneysa Jamhuuriyada Jabuuti, oo ah saaxiibka ugu dhaw uguna fiican oo ay Soomaaliya leedahay. Waxaan soo dhaweyneynaa in dib loo soo celiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Eratariya laakiin hal booqasho ee Madaxweyne Soomaaliyeed kuma filna inay xaliso arimaha soo jiitamayey ee Eratariya iyo Soomaaliya oo dhinac ah, iyo Eratariya iyo Jabuuti oo dhanaca kale ah. Waxaa sidoo kale muhiim ah in la xuso in booqashadii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu ku tagay Asmara ay ka dhalatay hal sano oo heshiishyo qarsoodi ah oo si hoose ugu socday labada dal. Wadahadal noocaas oo kale ah, loona dhanyahay ayaa gundhig u noqon kara inuu xal u keeno arimaha ka dhexeeya Eratariya, Soomaaliya iyo Jabuuti. Si kastaba ha ahaatee, heshiis kasta oo ay Soomaaliya la galeyso Eratariya waa in loo fiiriyaa si ku jaango’an xaalada gobolka, iyo danaha isku mataaneysan ee Soomaaliya iyo Jabuuti oo ay leh xiriirka walaaltinimo oo soojireenka ah. Intaas waxaa dheer, in kasta oo uu kheyraadkeedu kooban yahay, haddana Jabuuti marna kama aysan joogsan inay sii wado dadaalada ay ku caawineyso Soomaaliya si ay markale lugaheeda isku taagto. Ma jiro dal sida Jabuuti u huray hantidiisa, tamartiisa iyo ciidankiisa sidii ay nabad iyo degenaansho uga aloosmi lahayd Soomaaliya. Ciidanka HIILWALAAL ee Jabuuti waxa ay Soomaaliya ka caawiyeen sidii ay uga adkaan lahayd Al Shabaab, oo ah urur argagixiso. Waxaana xusid mudan in Jabuuti ay dadaaladaas uga dhinteen rag iyo dumar geesiyaal ah. 23-kii December 2009, waxay Qaramada Midoobay cunoqabateyn ku soo rogeen Eratariya kadib markii ay taageertay ururada hubeysan ee Soomaaliya, sidoo kalena ay diiday inay joojiso heysashada dhulka Jabuuti. Taas bedelkeed, Madaxweyne Farmaajo waxa uu qiyaamay dadaaladii aan caadiga ahayn ee dadka iyo Dawladda Jabuuti u galeen dalkeenna. Go’aankiisi ahaa in uu u hadlo Eratariya waxa uu xadgudub ku ahaa caadooyinka iyo hab-maamuuska diblomaasiyadeed ee dunida, waxa uuna qabjab ku ahaa dadka Jamhuuriyada Soomaaliyeed. Annagoo ku hadlayna afka shacabka Soomaaliyeed, waxaan shacabka iyo Dawladda Jabuuti ka raalli-gelineynaa qaladka aan laga fiirsan ee Farmaajo uu kula kacay walaaleheen Jabuuti. Waxaan cadeyneynaa in shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan iyo si kasta oo ay siyaasada ugu kala duwan yihiin, ay markasta garawsan yihiin dadaalada waqtiga dheer soo socday oo ay Jabuuti u gashay Ugu dambeyn, Somalia. Sababtaas darteedna, waxaan ka mahadcelineynaa kaalmadiina xooggan. Waxaan dhanka kale ugu baaqeynaa Madaxweyne Farmaajo inuu sameeyo tallaabo degdeg ah si uu u saxo qaladkiisa, sidoo kalena uu ka raaligeliyo shacabka iyo Dawladda Jabuuti inuu aaminaadoodii qiyaamay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo loogu baaqay inuu Raalli-gelin ka bixiyo Hadal Caro Dhaliyay appeared first on Puntland Post.
  9. Balcad (PP) ─ Kooxda Al-shabaab ayaa xalay madaafiic hoobiyeyaal ah ku weeraray degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexa, waxaana ku dhaawacmay afar qof oo shacab ah, kuwaasoo ay ku jiraan oday iyo cunug aad u yar. Goobjoogayaal ku sugan degmada Balcad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarkaan uu saameyn xooggan ku yeeshay shacabka ayna xalay aad uga argagaxeen duqeymahaas. “Xalay hoobiyeyaal dhawr ah ayaa kusoo dhacay gudaha degmada Balcad, gaar ahaan xaafadaha ku dhaw Warshaddii dharka, waxaana u maleynayaa in loo waday saldhigyada ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ay degmada ku leeyihiin,” ayuu yiri mid ka mid ah shacabka ku nool degmadaas. Maamulka degmada iyo kan Hirshabele ayaan weli ka hadlin duqeyntii xalay ay Al-shabaab la beegsadatay, degmadaas waxayna tani imaanaysaa iyadoo Al-shabaab ay kordhisay weerarrada ay geysanayso. Dhanka kale, Kooxda Al-shabaab ayaa u muuqata inay badiyeen weerarada ay la beegasnayaan ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ee ka hawl-gala guud ahaan Somalia. Kooxda Al-shabaab ayaa shalay waxay weerar dhabbo-gal ah la beegsadeen kolonyo ciidamada Kenya ah oo ka baxay deegaanka Garilley ee gobolka Gedo kuna socday deegaanka Fafax-dhuun, weerarkaas oo ay ka dhasheen khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ah. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa todobaadkan Weerartay goobo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo ay ku jiraan ceelasha biyaha iyo Dayniile, kamana aysan hadlin Dowladda Somalia. PUNTLAND POST The post Ururka Al-shabaab oo Madaafiic khasaare dhalisay ku Weeraray Degmada Balcad appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Guddiga Amniga u qaabilsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxa ay sheegeen in ay soo bandhigayaan dhibaatooyinka ka jira Xasbiyada ay Maamulaan Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya. Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirkii hore ee Amniga kana mid ah Xubnaha Guddiga ayaa ka hadlay kormeer ay ku tageen Xarumo ka mid ah goobaha ay dadka ku xiraan Ciidanka Nabadsugida oo uu ku jiro Godka Jilacoow. Waxa uu sheegay in Xarumihii ay booqdeen ay ku soo arkeen waxyaabo aysan mudneyn dadka maxaabiista ah, isla marakana ka guddi ahaan,iyaga oo la xisaabtamaya dowaldda ay soo bandhigi doonaan dhibaatooyin ka jira Xabsiyada ay Maamulaan Ciidanka NISA. Sidoo kale isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in ay yeesheen Guddigooda kulan ay su’aalo ku weeydiiyeen laamaha amniga oo uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale. Waxaa sidoo kale aan waxka weeydiiney farqiqa u dhaxeeya dowladda hadda jirta iyo dowladii uu ka soo noqday Wasiirka Amniga ee uu hoggaaminayey Xasan Sheekh Maxamuud. Hoos ka dhageyso warbixinta https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/08/War-Maxamed-Iidle-Xabsiyada-Ciidamada-Nissa.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrin aad loo hadal hayay oo ku saabsan qoondada dadka deegaanka Soomaalida ay ka helayaan shidaalka laga soo saaray deegaankaas. Dr Abiy oo dad badan kula hadlayay gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa ka jawaabay su’aal ahayd “Dhinaca deegaanka soomlida Itoobiy waxaa la iga weydiiyey dad badan oo shacabka dambiya ka galay ay jira maxaad ka damacsan tihiin, oil and gas iyo arrinta deegaanka shidaalka laga helay iwm?”. Dr Abiy ayaa ku jawaabay “Walaalaheen deegaanka soomaalida waxaan u sheegay in ka badan 5 goobood ayaa Itoobiya shidaal laga helay, arrintu meesha taagan ma aha inaan ku faanno anigu shidaal ban helay, anigu bun ban leeyahay anigu biyaan leeyahay ee muhiimaddu waxaa weeyey sideen kheyraadkaasi meel isugu geeyna oo aan uga wada faa’ideysanna”. “Sababta oo ah kunki sano ee la soo dhafay iyo 60 sana ee ugu dambeeysay ee shidaalkan la baadhayeyba shidaalkaas inu biya yahay inuu ciid yahay lama ogeyn.Hadda marka uu wixi uu shidaal noqday haddii aan dhahno dhulkeyga ayaa laga helay iyo waxyaaba noocaa natiijada ka dhalan karto waa inaan isleyno oo keli ah taana wax faa’ida ah malahan” ayuu intaasi ku daray ra’isulwasaaraha. Wuxuu Dr Abiy Sheegay in kheyraadka dhulka Itoobiya uu yahay mid dadka oo dhan ay leeyihiin, wuxuuna sheegay qoondada ay yaalan karaan dadka Soomaaliya ee degan meelaha shidaalka laga heley, wuxuuna yiri “Hase yeeshee, iyada oo aan deegaanka Soomaalida oo keli ah loo eegeyn kheyraad kasta oo dabiici ah oo laga helo deegaan kasta 5-10% waxa lagu hormarinayaa deeganka kheyraadka laga helay, arrintaasina waa mid caada u ah oo ay ku dhaqmaan waddama badan oo ka tirsan qaaraddan Afrika”. Maxay qabaan madaxda Soomaalida? Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaaliya Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa horey uga hadlay qoondada uu deegaanka ku leeyahay shidaalka, wuxuuna yiri “Su’aasha ay ka hadlayaan ee ay aad noo weeydiinayaan, waa imisa ayaan leenaya, wixiiba inaga ayaa lehe, imisa aan leenahay waa maxay?” ayuu yiri madaxweynaha oo intaas ku daray “Sharci waxaa jira federaalka oo dhigaya in shidaal haddii uu soo boxo, ama xitaa kheyraad kale in deegaanka uu leeyahay boqolkiiba 40%, federaalkuna wuxuu leeyahay 60%, midda federaalka lafteeda ayaan wax ku leenahay” . Sheekh Ibraahim Dheere oo ahaa guddoomiyihii jabhaddii hubeysnayd ee heshiis la gashay dowladda Itoobiya ayaa “waa in la xaddidaa qoondo la’isla ogyahay , sidoo kale dadka deegaanka waa in laga shaqo galiyaa mashruuca, hadda waa ku yaryihiin”. Wuxuu la hadlayay BBC-da mar uu xarunta soo booqday kal hore. Sidoo kale afhayeen u hadlay jabhadda ONLF ayaa sheegay in ay ka hortagayaan in kheyraadkii iyo hantidii dadka lasoo saaro iyada oo aanan dadkii lahaa laga talogalinin, sida uu hadalka u dhigay, kana hortagi doonaan wax kasta oo ay ku qaadataba. Isha: BBC Somali
  12. Garoowe (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre, ayaa amar ku bixiyay in lasii daayo maxaabiis badan oo ku xiran xabsiyada Puntland. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa amarkaasi bixiyay xili uu magaalada Garoowe shir ugu qabtay Wasiirada Xukuumada Somalia iyo kuwa maamulka Puntland. Kheyre ayaa arrinta deysmada maxaabiista u xil saaray ku-xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Wasiirka Cadaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta Somalia ayaa sheegay in Khayre uu amar ku bixiyay sidii loo sii deyn lahaa maxaabiistaasi, kadib markii ay ka wada hadleen isaga iyo Madaxda Puntland. Wasiir Daahir waxa uu tilmaamay in maxaabiista lasii deyn doono ee uu amray Ra’isul wasaare Kheyre ay yihiin kuwo ku xiran Xabsiga Garoowe, kuwaa oo u xiran danbiyo aan sidaa usii weyneen. Wasiirka Warfafinta ayaa yiri “Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa amar ku bixiyay in la sii daayo maxaabiista ku xiran halkan, wuxuuna hawshan u xil saaray Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka iyo Wasiirka Cadaaladda, sii deysmada maxaabiistan waxaa loo marayaa hanaankii lagu soo daayay maxaabiistii dibadda. Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin dhalinyaro si maalayacni iyo danbiyo la’aan loogu xiro Somalia. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiyada kala ah Wadajir, Daljir, Kulan iyo Horusocod ayaa warsaxaafadeed ka soo saarey baaqii uu madaxweyne Farmaajo kaga dalbaday Qaramada Midoobay In Eratariya Cunaqabateynta Saaran Laga Qaado, iyaga oo Farmaajo ka dalbaday inuu raalli-gelin siiyo shacabka iyo hoggaanka Djibouti. Qoraalka Xisbiyada waxaa uu u qornaa sidan: Anaga oo ah xisbiyada siyaasadeed ee Wadajir, Daljir, Kulan iyo Horusocod oo hoos ku wada saxiixan, waxaan aad uga xunahay in Madaxweyne Farmaajo uu ku baaqo in laga qaado cunaqabataynta ay Qaramada Midoobay saartay dalka Eratariya, intii uu ku gudo jiray booqashadiisii uu ku tegay Asmara. In kasta oo aan soo dhaweyneyno in uu hagaago xiriirka u dhexeeya wadamada Geeska Afrika, haddana waxaan qabjab iyo walaac xooggan ka muujineynaa talaabada aan ka fiirsiga iyo mas’uuliyaddaba lahayn ee Madaxweyne Farmaajo ku kacay taas oo dhibaateyneysa Jamhuuriyada Jabuuti, oo ah saaxiibka ugu dhaw uguna fiican oo ay Soomaaliya leedahay. Waxaan soo dhaweyneynaa in dib loo soo celiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Eratariya laakiin hal booqasho ee Madaxweyne Soomaaliyeed kuma filna inay xaliso arimaha soo jiitamayey ee Eratariya iyo Soomaaliya oo dhinac ah, iyo Eratariya iyo Jabuuti oo dhanaca kale ah. Waxaa sidoo kale muhiim ah in la xuso in booqashadii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu ku tagay Asmara ay ka dhalatay hal sano oo heshiishyo qarsoodi ah oo si hoose ugu socday labada dal. Wadahadal noocaas oo kale ah, loona dhanyahay ayaa gundhig u noqon kara inuu xal u keeno arimaha ka dhexeeya Eratariya, Soomaaliya iyo Jabuuti. Si kastaba ha ahaatee, heshiis kasta oo ay Soomaaliya la galeyso Eratariya waa in loo fiiriyaa si ku jaango’an xaalada gobolka, iyo danaha isku mataaneysan ee Soomaaliya iyo Jabuuti oo ay leh xiriirka walaaltinimo oo soojireenka ah. Intaas waxaa dheer, in kasta oo uu kheyraadkeedu kooban yahay, haddana Jabuuti marna kama aysan joogsan inay sii wado dadaalada ay ku caawineyso Soomaaliya si ay markale lugaheeda isku taagto. Ma jiro dal sida Jabuuti u huray hantidiisa, tamartiisa iyo ciidankiisa sidii ay nabad iyo degenaansho uga aloosmi lahayd Soomaaliya. Ciidanka HIILWALAAL ee Jabuuti waxa ay Soomaaliya ka caawiyeen sidii ay uga adkaan lahayd Al Shabaab, oo ah urur argagixiso. Waxaana xusid mudan in Jabuuti ay dadaaladaas uga dhinteen rag iyo dumar geesiyaal ah. 23-dii December 2009, waxa ay Qaramada Midoobay cunoqabateyn ku soo rogeen Eratariya kadib markii ay taageertay ururada hubeysan ee Soomaaliya, sidoo kalena ay diiday inay joojiso heysashada dhulka Jabuuti. Taas bedelkeed, Madaxweyne Farmaajo waxa uu qiyaamay dadaaladii aan caadiga ahayn ee dadka iyo Dawladda Jabuuti u galeen dalkeenna. Go’aankiisi ahaa in uu u hadlo Eratariya waxa uu xadgudub ku ahaa caadooyinka iyo hab-maamuuska diblomaasiyadeed ee dunida, waxa uuna qabjab ku ahaa dadka Jamhuuriyada Soomaaliyeed. Anaga oo ku hadleyna afka dadweynaha Jamhuuriyada Soomaaliyeed, waxaan ka raaligelineynaa shacabka iyo Dawladda Jabuuti qaladka aan laga fiirsan ee uu Madaxweyne Farmaajo kula kacay walaaleheen Jabuuti. Waxaan cadeyneynaa in shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan iyo si kasta oo ay siyaasada ugu kala duwan yihiin, ay markasta garawsan yihiin dadaalada waqtiga dheer soo socday oo ay Jabuuti u gashay Soomaaliya. Sababtaas darteedna, waxaan ka mahadcelineynaa kaalmadiina xooggan. Waxaan dhanka kale ugu baaqeynaa Madaxweyne Farmaajo inuu sameeyo tallaabo degdeg ah si uu u saxo qaladkiisa, sidoo kalena uu ka raaligeliyo shacabka iyo Dawladda Jabuuti inuu aaminaadoodii qiyaamay.
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo madaxda dowlada Somalia ay ku kala aragti duwan yihiin go’aanka uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaaji adduunka uga dalbaday in cunaqabateynta laga qaado Eriterea ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamanka Golaha Shacabka. Xildhibaan Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka kaga hadlay baaqii Madaxweyne Farmaajo ee ku aadanaa xukuumadda Asmara. Xildhibaan Fiqi ayaa qoraalkiisa waxa uu ku sheegay Siyaasadda qar iska tuurka ee Madaxweyne Farmaajo in dhaawac uu ugu geystay walaalaha reer Djibouti. Waxa uu sheegay in siyaasadaasi ay tahay abaaldhac iyo taariikh dhaamis, una baahan in la saxo islamarkaana laga garaabo, waa sida uu hadalka u dhigay. HOOS KA AKHRISO QORAALKA XILDHIBAN AXMED MACALIM FIQI : Taariikhda iyo Sooyaalka umadeed laguma bedeli karo hadal iska tuur ah iyo ficilo aan laga fiirsan oo miyir-qabka iyo dheelitirnaantu ka maqan tahay. Siyaasadda qar iska tuurka ee madaxweynaheenu dhaawaca ugu geystay walaalaheen Djibouti waa abaaldhac iyo taariikh dhaamis, una baahan in la saxo isla markaana laga garaabo! Habdhaqanka Madaxweyne Farmaajo wuxuu i soo xasuusiyey xikmaddii aheyd “Bil Saddex gurigaagana way kaa kaxaysaa guri kalena kuma gayso”! Siyaasadda iyo go’aanada dawladeed waxey u baahan yihiin xeerin iyo xeeldheeri, geesinimo iyo kal-adeyg, Uma baahna tanaasul joogto iyo ku xadgudub qiyamta umadda Djibouti waa walaalo, aysan jirin cid booskooda noo geli karta, xaalad kasta iyo waqti walbana waa garab taagannahay! Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. The late Ali Mazrui speaks in this article to major political issues relevant to Ethiopia today, as the country undergoes a peaceful revolution. In his own words, he speaks through my adaptation of his various writings, speeches, and lectures on constitutionalism in Africa. Source: Hiiraan Online
  16. A United Nations special envoy announced Thursday that the warring factions in Yemen’s long-running conflict would meet Sept. 6 in Geneva to begin discussions on a cease-fire. Source: Hiiraan Online
  17. The BBC has apologised following an on-air interview with an ex-prisoner, Muxumed Anni, about his experience at a notorious jail after discovering that the interviewee was under duress by his former captors. Source: Hiiraan Online
  18. Nearly 17 years since 9/11, Osama bin Laden’s family remains an influential part of Saudi society – as well as a reminder of the darkest moment in the kingdom’s history. Can they escape his legacy? Source: Hiiraan Online
  19. Somalia has the longest coastline of any country on the continent of Africa, and has abundant tuna and marlin resources. Yet, there are no Somali owners of commercial longline vessels. Source: Hiiraan Online
  20. Al shabaab militants on Wednesday abducted a 6-year old girl from her family in Harbole town, Gedo region, Somalia. Source: Hiiraan Online
  21. The Ogaden National Liberation Front (ONLF) insists its a wholly Somali group and not an Ethio-Somali organization. Source: Hiiraan Online
  22. President Emmerson Mnangagwa has won Zimbabwe's presidential election, according to the country's electoral commission. Source: Hiiraan Online
  23. As fighting and fiery rhetoric increase between the Somali region of Puntland and the self-declared independent state of Somaliland, some analysts fear that Islamist militant groups may try to exploit any instability to plant deeper roots in the area. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Onlien) – Wasiirkii hore ee qporsheynta iyo xiriirka caalamiga Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa cashar ku saabsan ixtiraamka ku siiyey ra’iisul wasaare Xasan Xasan Cali Kheyre barta twitter-ka. Caynte ayaa ka jawaabay qoraal uu Kheyre shalay soo dhigay barta twitter, oo uga tacsiyeeyey geerida Maxamed Maxamuud Sheekh Cali, oo ahaa wiil dhallinyaro oo ganacsiyo hindise, balse Kheyre uusan xusin magaciisa. Qoraalka Kheyre ayaa u dhignaa sidan: Si kastaba Caynta ayaa u jawaabay Kheyre, isaga oo u sheegay in ixtiraamka uu ku jiro in mnagaciisa uu xuso wiilka la dilay, isaga oo kadibna u sheegay magaca saddexan ee wiilka iyo aabihii oo ah nin caan ka ah Soomaaliya. Hoos ka aqri qoraalka Caynte. Caynta ayaa u muuqda mid ra’iisul wasaaraha tusayey inay ceeb tahay inuu garan waayey wiil uu dhalay mid ka mid ah taliyayaasha ciidamada dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com