Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Faah Faahin Dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso qarax qasaare geeystay oo ka dhacay Caawa ka dhacay Muqdisho. Qaraxa ayaa ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa waxaana la la eegtay Goob dad badan ay ku sugnaayeen. Maqalka qaraxa iyo qasaaraha ka dhashay qaraxaasi ayaa aad u kala duwanaa iyada oo Jugta qaraxa laga maqlay Guud ahaan Muayaa aad u yar marka loo fiiriyo dadka Goobta ku sugnaa. inta la xaqiijiyay ilaa 4 qof ayaa dhimatay ku dhowaad 10 kalena waa ay dhaawacmeen sida ay sheegeen dad lagu kalsoonaan karo. Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay Maqaaxida loo yaqaano Somali Coffee oo ku taala Agaagarka Isgooyska Shaqaalaha wadda Mashquulka badan ee Makka Al-Mukarama ee Muqdisho. Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa goobta soo gaaray kuwaasi oo qiimeeynayay qasaaraha ka dhashay Goobtaasi qaraxa ka dhacay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Faah Faahin: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  2. A huge explosion was heard in the center of Somalia’s capital Mogadishu on Sunday evening. Initial reports say a car laden with explosives detonated at gate of Italia Restaurant along Maka Al-Mukaramma road. The real casualties of the explosion are yet not clear. This story is developing Source: hol
  3. Eritrea’s national airline has made its first commercial flight in two decades to Addis Ababa, the capital of neighboring Ethiopia, the latest step in a surprise peace process between the former foes that began just two months ago. An Eritrean Airlines plane carrying the country’s transport and tourism ministers on Saturday landed at Addis Ababa Bole International Airport, where it was welcomed by senior Ethiopian officials. Ethiopia’s own flag carrier, Ethiopian Airlines, had made its first commercial flight in the other direction, landing in Asmara International Airport on July 18. Once a province of Ethiopia, Eritrea seceded in 1993 after a long independence struggle. A row over the demarcation of the shared border triggered a brutal 1998-2000 conflict that left 80,000 people dead before evolving into a bitter cold war. But in a surprise move in June, Ethiopia’s new reformist Prime Minister Abiy Ahmed announced he would finally accept a 2002 United Nations-backed border demarcation, paving the way for peace between the two nations. He then paid a historic visit to Eritrea, during which he and President Isaias Afwerki declared an official end to the war. Afwerki reciprocated with a state visit to Ethiopia just days later. Embassies have since been reopened and phone lines between the two countries have also been restored. Eritrean Airlines currently has only one leased airplane. “The new route will expand existing regional flights of the airline to Cairo, Khartoum, Jeddah and Dubai,” Eritrea’s Information Minister Yemane Gebre Meskel said on Twitter. Last month, Ethiopian Airlines chief executive Tewolde GebreMariam revealed his state-owned company was in talks to buy a stake in Eritrean Airlines as part of efforts to boost commercial ties between the two countries, which were once each others’ biggest trading partners. Ethiopia’s flag carrier is the most profitable in Africa and in recent years has been buying shares in other African airlines. Source: – AFP
  4. The Ethiopian government has formally submitted a request to the Government of Djibouti to take the role of a mediator with Eritrea to resolve the border conflict and tension between the two countries concerning the border strip of Ras Dumera. According to Meles Alem, the Spokesperson of the Ministry of Foreign Affairs, the Ethiopian government has submitted its request to the Djiboutian government expressing an interest to mediate between the two countries for the betterment of the relation between the two Horn of Africa countries on the shores of the Red Sea. But, many doubt this saying that Djibouti is disappointed by Ethiopia’s move of peaceful engagement with Eritrea while Eritrean government showed no initiative of abiding by international laws which includes stopping claimed support to terrorist organizations. Again, because Ethiopia did not confer with Djibouti while requesting the UN Secretary General Antonio Guterres and the UN Security Council, which Djibouti ardently opposed. Apart from Ethiopia, the President of Somalia, Mohammed Abdullahi Mohammed (Formajo), during his historic visit to the Eritrean capital, Asmara, after 15 years of stalled relations between Somali and Eritrea, stressed that he wants the nine-year-old sanction on Eritrea to be lifted and pledged to be part of the process. The reason for Mohammed to push the agenda of lifting of the sanction is the contribution it would have on the economic integration of the Horn region. The Djiboutian part stresses that it is not right to raise the agenda of raising the sanction while Eritrea is still occupying the Djiboutian territory and refusing release Djiboutian prisoners. At the discussion of the agenda at the UNSC during which Tekeda Alemu, Ethiopian Ambassador to the UN, raised the support for the lifting of the sanction, Djibouti said that the reasons of the sanctions were not the Ethiopian-Eritrea border problems, and the sanctions should only be lifted or continued for the reasons they were imposed. In a statement the Eritrean government issued regarding the sanction, it stressed that it is not about raising the sanction but about why sanction at the first place. The disputed area between the two countries was occupied by Qatari Military with a peacekeeping mission. But, both sides started to claim control over the mountain and island of Dumera. Meles, who said that the normalization of the relation with Eritrea was never meant to harm any other party, indicated that Ethiopia wants to support restoration of peace between the two countries. Tekeda told the UNSC that, “The Djibouti Foreign Minister was in Addis Ababa last week to deliver the message of President Guelleh to my Prime Minister and he was able to conduct very productive and useful discussions, both with Prime Minister [Abiy Ahmed (PhD)] and his counterpart, Foreign Minister [Workneh Gebeyehu (PhD)]. “Ethiopia has expressed its readiness to do whatever is necessary to contribute to the normalization of relations between Eritrea and Djibouti and it is our firm commitment this is critical for peace and security in our region.” It was immediately after his return from a visit to Asmara that Prime Minister Abiy submitted a request to the visiting Guterres for the lifting of sanction on Eritrea. Source: – The Reporter
  5. A car bomb exploded along the main street of Somalia’s capital Mogadishu on Sunday, according to police, and a Reuters witness said he saw three dead bodies after the blast. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax gaari oo caawa ka dhacay wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan agagaarka Shaleemo Somali. Qaraxa oo aad u xooganaa isla markaana loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa waxa uu si gaara uga dhacay Bar Somalia oo ah Baar dhowaan la furay kana soo horjeeda Baar Italy Café oo ku yaalla Shaleemo Somali. Saraakiisha amaanka ee Qaraxa kadib goobta gaaray ayaa sheegay in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan afar ruux halka toddobo kalana ay ku dhaawacmeen. Xogta ayaa sheegeysa in gaariga qarxay uu ahaa mid meesha la soo dhigay, iyada oo aan laga warqabin, kadibna uu qarxay, goobta qaraxa lala eegtay ayaa waxa ay tahay maqaaxi mashquul badan oo dadweyne kala duwan isugu yimaadaan. Xaalada goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa hada waxa ay tahay mid degan, waxaana sawirro la soo qaaday ay muujinayaan burbur soo gaaray dhismaha maqaaxida Somali Coffee. Dhinaca kale, Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu xooganaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho tan iyo markii amaanka magaalada Muqdisho laga wareejiyay ciidamada xasilinta laguna wareejiyay ciidamada Booliska.
  7. MOGADISHU (HOL) - A huge explosion was heard in the center of Somalia's capital Mogadishu on Sunday evening. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka inaga soo gaaraya wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in caawa halkaasi uu ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa. Qaraxan ayaa ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn Shaleemo Soomaali, waxaana la soo sheegayaa in lala beegsaday maqaaxi ku taalla halkaasi oo dadka ay aad uga cunteyn jireen. Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhacay Maqaayad dhawaan la furay oo kasoo horjeeda Baar Italia Café oo ku taalla Isgoyska Shaqaalaha ee wadada Makala Amukarama ee Magalada Muqdisho. Qaraxan oo ahaa mid xoogan islamarkaana laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaanan la ogeyn khasaaraha ka dhashay. Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la sheegayaa in uu qaraxaasi ka dhashay,waxaan wararka qaar ay sheegayaan in uu ahaa mid gaari loo adeegsaday. Xiliga uu Qaraxa dhacaayay waxaa halkaasi ku shaahayay dhalinyaro farabadan oo ay ku jiraan kuwo u shaqeeya dowlada Somalia iyo kuwo shacab ah. Bartamaha wadada iyo hareeraha Maqaaxida ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay yaalan Meydad iyo dhaawacyo badan oo ku waxyeeloobmay Qaraxa, waxaana xusid mudan in wadada bartankeeda ay ku gubanayan gaadiid iyo Mootooyin la kawsaday gaariga Qaraxa. Sidoo kale, warar aan sidaa loo sii xaqiijin ayaa sheegaya in khasaaraha dhimasho uu gaarayo ilaa Shan ruux, halka dadka dhaawacana uu maraayo ilaa Sideed ruux oo u badan shacab. Si kastaba ha ahaatee, Qaraxa ayaa kusoo beegmaya xili Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu amar ku bixiyay in la furo waddooyinka Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. At least three soldiers have been killed near Somalia's capital, Mogadishu, in a suicide car bomb attack at a military base claimed by the al-Shabab armed group. Source: Hiiraan Online
  10. Qarax ismiidaamin ah ayaa Goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya. Qaraxaan oo ahaa mid u cuslaa maqalkiisana laga maqlay Guud ahaan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay Wadda Makka Al-Mukarama ee Muqdisho, Qaraxaan ayaa ahaa loo adeegsaday Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay waxaana uu ka dhacay maqaayad la yiraahdo Somali Coffe oo ku taala Meel u dhow wadda Shaqaalaha oo katirsan Wadda Makka Al-Mukarama ee Muqdisho. Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa aheyd goob aad u mashquulsan badan. Qaraxa oo Goordhow dhacay Faah Faahin intaa ka badan lagama heli karo . Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post DEG DEG: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  11. Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan si ay uga qayb galaan shir ay yeelanayaan madaxda urur gobaleedka IGAD oo heshiis rasmi ah ay ku saxiixanayaan madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir iyo ku-xigeenkiisii hore Riek Machar. Wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Khayre waxaa garoonka diyaaradaha Khartuum kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Suudaan oo uu hoggaaminayay madaxweyne ku-xigeenka ahna madaxa golaha wasiirrada Suudaan Bakri Xasan Saalax. Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda kale ee ka socota waddamada IGAD ayaa goob joog ka ahaanaya saxiixa heshiiska taariikhiga ah ee dhinacyada isku haya siyaasadda dalka Suudaanta Koonfureed. Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir iyo Madaxweyne ku-xigeenkii hore Riek Machar oo hogaamiya kooxda mucaaradka ah ee SPLM-IO oo isku hayay siyaasadda dalkaas ayaa ugu danbeyn oggolaaday heshiis ay hormuud ka tahay IGAD kaas oo lagu dhameynayay colaadda waqtiga dheer qaadatay ee dalkaasi ka jirtay. Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale kulamo gooni gooni ah la yeelanaya madaxda urur gobaleedka IGAD ee shirka ka qayb gelaya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Khartuum appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, ayada oo qaraxa inta badan laga wada maqlay degmooyinka magaalada. Qaraxa oo jugtiisa uu ahaa mid aad u xoogan ayaa waxa uu u muuqda mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa. Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Qaraxa uu ka dhacay wadada Makka Al-Mukarama, meel u dhow Shineemo Somalia. Qaraxa kadib ayaa waxaa mar qura is qabsaday rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.. Waxaa la maqlayaa guuxa gaadiidka gurmadka oo ku qulqulaaya dhanka isgooska shaqaalaha wadada makka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Ma cadda heerka uu la egyahay khasaaraha ka dhashay Qaraxa waxaana inta badan xiran wadada Makka Al-Mukarama. Naga filo faahfaahin ku saabsan qaraxa dhowaan Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Somalia Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada ay dishay raggii ka danbeeyay dilka Maxamed Maxmuud Sheekh Cali oo ka mid ahaa dhalinyarada firfircoon ee magaalada Muqdisho. Wasiirka Warfaafinta oo u muuqday mid jiheyn u sameynaayay dilka Rag watay gaari oo maanta lagu dilay agagaarka sarta Seybiyaano ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ragaasi ay ahaayen kuwo ka danbeeyay dilka Maxamed Maxmuud Sheekh. Wasiir Daahir Geealle waxa uu sheegay in toogashada ay fuliyeen ciidamada amniga isla markaana ragaasi ay ahaayen kuwo ku hubeysnaa hubka fudud xili ay wateen gaari raaxo. Toogashada raggan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii iyaga iyo ciidanka ammaanka ay maanta is rasaaseyn ku dhexmartay agagaarka sarta Seybiyaano ee magaalada Muqdisho, ragga la toogtay ayaa waxa ay ahaayeen laba nin oo ka tirsan Al Shabaab balse wax luga kuma aysan laheyn dilka Maxamed Maxmuud Sheekh, sida ay qireen Hay’adaha amaanka. Marka laga soo tago toogashada labadani ruux waxa ay ahaayen rag habbeenkii hoyday magaalada Muqdisho balse ka imaaday daafaha magaalada. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa dhanka kale tilmaamay in ciidanka ammaanka haatan gacanta ay ku haayaan Gaari ay wateen ragga la dilay iyo Hubkii ay dadka ku dilayeen. Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta ayaa wuxuu ka hadlay dilkii xalay koox hubeysan ay ugu geysteen askari ka tirsanaa ciidanka dowladda Masaajid ku yaala degmada Xamar Jajab, wuxuuna ku tilmaamay in falkaasi uu muujininayo mid aan ku wanaagsaneyn dhaqanka suuban ee Diinta Islaamka, islamarkaana uu yahay mid dadka looga cabsi galinayo inay Masjidka tagaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil ayaa soo dhaweyn cajiib ah u sameeyey wasiirka cusub ee Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre oo kusoo biiray wasirrada xukuumadda. Dikreeto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo uu aqriyey Wasiirka Warfaafinta Xukumadda Daahir Maxamuud Geelle ayaa lagu shaaciyey isku shaadeyn uu sameeyey Kheyre, oo Goodax uu qeyb ka noqday. Wasaaradda Waxbarashada oo hore looga eryey Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa loo magacaabay Goodax Barre halka Kallumeysiga iyo Kheyraadka Badda laga bedelay Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi, waxaana loo magacaabay Cabdullahi Bidhaan Warsame. Hadaba, qoraal uu soo dhigay Facebook, ayuu Cabdi Xoosh ku sifeeyey Goodax Barre ciyaaryahanka shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or-ka ee Lionel Messi. “Mudane Cabdullaahi Goodax Barre (Messi) ayaa ku soo iiray kooxda Nabad iyo Nolol. Waa sidii ugu wanaagsaneyd. Hambalyo saaxiib!!” ayuu yiri Xoosh Jabriil. Hadalka Xoosh Jabriil ayaa loo arkaa inuu kala jeedo in Goodax uu yahay nin siyaasadda iyo kala dhigdhigideeda ugu wanaagsan sida Messi ugu wanaagsan yahay kubbad. Waxaa sidoo xusid mudan in Goodax siyaasad muddo fog ah oo cajiib ah uu usoo dheelay inuu xil wasiir helo, isaga oo bilooyin taageere weyn u ahaa xukuumadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xabsiga dhigay Kaaliye ka tirsanaa Maxkamadda gobolka Banaadir oo lagu eedeeyey qaadasho laaluush. Amar ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu xiray Cabdul Qaadir C/llaahi Xasan Shaango, waxaana lagu samaynayaa baarista ku xusan qodobka 246-ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Muuse Macalin Maxamed ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka 240-kiis oo ku aadan musuq iyo wax isdabamarin, kuwaas oo marka baaristoodu soo dhamaato dadka ku eedaysan cadaaladda la hor keeni doono. Arrintaan ayaa muujineyso inay dowladda Soomaaliya sare u qaaday la dagaalanka musuq maasuqa ka dhanka ah, ayada oo sidoo kale shalay saacado la xiray wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Soomaaliya. Waxaa sidoo kale horey loo xiray illaa dhawr mas,uul oo lagu helay musuq maasuq kuwaas oo qaarkood xabsiga la dhigay halka qaarna damiin lagu sii daayey.
  16. Afgooye (PP) ─ Ugu yaraan shan qof oo ay ku jiraan askar ka tirsan cidamada Dowladda Somalia ayaa lagu dilay qarax is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose. Weerarkaan oo mas’uuliyaddiisa dusha looga tuuray Al-shabaan ayaa la sheegay in la doonayay in lagu dilo taliye ka tirsan ciidamada xoogga dalka Somalia oo gaadiidkiisu ay meeshaas marayeen. Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellada Hoose, Cali Nuur Maxamed oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in weerarkaas lagu waayay laba wiil oo ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugnaa Koontarool gaarigan lagu joojiyay ka hor intii uusan qarxin. “Baabuurka qarxay waxaa watay xubno ka tisran Al-shabaab, waxayna isku dayayeen inay weeraraan gaadiid ciidan oo maray koontarool lagu joojiyay, markii la ogaaday in la fahmay ayayna is-qarxiyeen,” ayuu yiri Cali Nuur oo intaas ku daray weerarkan uu ahaa mid culus. Sidoo kale, Goobjoogayaal ku sugnaa halka uu qaraxan ka dhacay oo ahayd saldhig ku dhaw xaruntii hore ee wakaaladda biyaha Afgooye ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa mid culus oo xaafadaha degmada Afgooye oo dhan laga maqlay. “Gaadiid ciidan oo watay sarkaal ka tirsan millateriga ayaa goobta maray, wax yar kaddibna waxaan maqalnay qarax weyn oo sababay dhimashada qof rayid ah, laba askari iyo laba qof oo loo maleynayo inay gaariga wateen,” ayuu yiri goobjooge la hadlya warbaahinta. Dhanka kale, Wararka ayaa intaas ku daray in dhaawacyo fara badan ay ka dhasheen qaraxa, kuwaasoo qaarkood dhaawacyadooda loo qaaday Xamar si loogu daweeyo, wuxuuna qaraxan ka mid noqonayaa kuwii ugu saameynta badnaa ee Afgooye ka dhaca dhawaanahan. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaan weli ka hadlin weerarkan, iyadoo maalmo ka hor uu ka baaqday safar uu ku tegi lahaa degmada Afgooye Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, inkastoo aan la ogeyn sababta keentay inuu ka baaqdo safarkiisa Afgooye. PUNTLAND POST The post Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.
  17. Jigjiga (PP) ─ Xaaladda Magaalada Jigjiga ee xarunta Is-maamulka Soomaalida-Itoobiya ayaa maanta daggan, kaddib rabshado khasaare nafeed iyo mid hantiyeed sababay oo shalay ka dhacay magaaladaas. Balse wararka ayaa sheegaya in xiisadi ay maanta ka taagan tahay Magaalada Dirir-dhabe oo ka tirsan kuwa ugu muhiimsan maamulka DD Soomaalida ee Itoobiya. Goobjoogayaal ku sugan Jigjiga ayaa sheegay in ganacsiga maanta uu dib u furmay, balse lagu arkayo gudaha degmada ciidammo fara badan oo kuwa rabshadaha ka hor-taga ah. Mas’uuliyiintii maamulka DDS Itoobiya ayaa la sheegay in qaarkood ay weli ku sugan yihiin gudaha magaalada, waxaana kaloo ku sugna ciidammo ka tirsan kuwa federaalka Itoobiya oo shalay galay degmadaas. “Ciidamada millateriga Itoobiya waxay ku sugan yihiin saldhigyo ku yaalla gudaha magaalada, balse goobaha ay shacabku isugu yimaadaan waxaa ku sugan ciidammo gaar ah oo ka tirsan kuwa maamulka,” ayay sheegeen qaar ka mid ah shacabka ku nool magaaladaas oo ay warbaahintu la hadashay. Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in rabshadihii shalay ka dhacay Jigjiga ay ku dhinteen in ka badan 10-qof, sidoo kalena ay ciidamada amnigu kala baxeen guryahooda 29-qof oo ay Soomaali yihiin 21 ka mid ah. Dhanka kale, Magaalada Dirir-dhabe ayaa laga soo sheegayaa inay ka taagan tahay xiisad la mid ah middii shalay Jigjiga ka dhacday, taasoo u dhexeysa shacabka magaaladaas iyo ciidamada millateriga Itoobiya oo la sheegay inay isku dayeen inay gudaha u galaan, balse ay shacabku ka hor-yimaadeen. Shacabka Dirir-dhabe ayaa sheegaya in rabshadahan oo ka dashay gadood ay sameeyeen shacabka magaalada uu ku dhintay hal qof, badanna ay ku dhaawacmeen, inkastoo ay xaaladdu ay si tartiib-tartiib ah u soo hagaagayso. Ugu dambeyn, Xiisadaha ka taagan Magaalooyinka Maamulka DDS ee Dalka Itoobiya ayaa waxay imaanayaa xilli ay jiraan xiisado colaadeed oo aad u culus oo u dhexeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada. PUNTLAND POST The post Xaaladda Jigjiga oo Maanta Dagan iyo Xiisad laga soo sheegayo Magaalada Dirir-dhabe appeared first on Puntland Post.
  18. Jijiga (Caasimadda Online) – Ciidanka milateriga federaalka Itoobiya ee shalay ay isku dhaceen ayaga iyo shacabka, markii ay rabshaduhu ka billaabanayeen Jigjiga ayaa la sheegayaa inay weli magaalada ku sugan yihiin. Dad kala duwan oo BBC ay la xiriirtay ayaa u sheegay in ciidanakaas ay shalay isku dayeen inay ka baxaan magaalada, hase yeeshee dad caraysan ay ka dalbadeen inay hubka wareejiyaan. Ciidanka ayaa markaa ka dib waxaa khasab ku noqotay inay dib ugu laabtaan xeryahooda. Xerada ay ku jiraan tirada ugu badan ee ciidankaas waa xerada Garab case oo la sheegay in qiyaastii ilaa 250 askarii oo milateri ay ku jiraan. Wararku waxay sheegayaan inay dhinac kasta ka fadhiyaan askar ka tirsan Liyuu booliska. Ilaa 100 askari askar lagu qiyaasay ayaa iyagana la sheegay inay ku jiraan xerada Dul Qabow ee u dhow garoonka dayaaradaha ee magaalada Jigjiga, halka xero ku taalla dhanka Kaaraa mardha ayadana la sheegay in ay ku jiraan askar ilaa 50 ah oo qaabilsan maamulka. Sawirka guud ee xaaladda Jigjiga iyo maanta? Shalay iyo maanta farqi weyn ayaa u dhaxeeya xaaladda Jigjiga, sida ay sheegayaan dad ay BBC la xiriirtay. Marka la eego waddooyinka, ayaa waxaa laga bilaabay nadiifin iyo in laga guro qashinkii ka dhashay rabshadihii shalay magaalada ka dhacay. Waddooyinkaas waxaa jooga oo gaar ka haya booliska rabshadaha ka hor taga oo sita Budhadh, laakinse aan cidna waxyeello u gaysan. Waxaa iyagana waddooyinka u soo baxay dadka ka soo jeeda qowmiyadaha aan Soomaalida ahayn, ee shalay naftooda u cabsaday. Dadkaas waxay eegeegayaan burburka gaaray meheradahoodii iyo hantidoodii shalay ku burburtay rabshadihii dhacay. Waxaa la sheegay in xalay ay ku hoydeen kaniisad ka mid ah seddexda kaniisadood ee Jigjiga ku yaalla, iyo 5 masaajid oo dadkaas lagu magan galiyey. Kaniisadaha middood ayey dadka deegaanku sheegeen in ay weli gubanayso oo uu qiiq ka baxayo. Waxaa iyana la sheegayaa in aysan magaalada soo gelin khudaarta, xaabada, caanaha iyo waxyaabaha kale ee dibadda uga imaan jiray ee suuqyada lagu gado. Makhaayadaha iyo meheradaha ganacsiga ayaa iyagana la sheegayaa inay weli irdaha u xiran yihiin. Internetka ayaa isna weli magaalada Jigjiga ka go’an. Booliska rabshadaha ka hortaggo oo la geeyay waddooyinka Jijiga Dadweynaha ku nool magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Itoobiya ayaa sheegay in saaka waddooyinka magaalada ay ku arkeen booliska rabshadaha ka hortaggo oo ku sugan meel kasta. Dad goob joogayaal ah ayaa BBC-da u sheegay in ciidammada oo wato burar oo u socdo tobbaneeyo ay gaaf wareegayaan waddooyinka si ay ammaanka u sugaan. Booliskan qabo koofiyadaha qafilan ayaa la sheegay ina yihiin Soomaali. Weli waxaa magaalada ka maqan Internet-ka oo saamayn nolosha dadka.
  19. Muqdisho (Caasimadda Online)– Al-Shabaab ayaa waxa ay ka hadleen weerar maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan gaar ahaan meel ku dhaw Sarta Seeybiyaano ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Xarakada Warkan kasoo baxay ayaa lagu Sheegay in weerar ay ku qaadeen Ciidamada Dowaladda gaar ahaan kuwa Koofiya Casta ay kaga dileen Shan askari, ayna ku dhaacaween Sedex kale. Shabaab ayaa dhankooda qirtay in laga dilay Labo dagaalame oo iyaga ka tirsanaa. Weerarkan oo maanta Muqdisho ka dhacay ayaa waxaa ku geeriyooday isugeeyn Afar ruux oo labo kamid Shabaab yihiin halka askari ciidamada Dowladda kamid ahna uu geeriyooday, qof rayid ahna rasaasta ayaa haleeshay oo wuu dhintay isna, sidoo kale tiro kale oo dada ayaa dhawaacyo kasoo gaareen. Waa markii ugu horeysay oo shabaab ay qirtaan dagaalyahano looga dilay Muqdisho waxaana markii hore looga bartay inay ka aamusaan. Al-Shabaan ayaa Muqdisho ka fuliyo weeraro iyo dilal qorsheysan oo lala eegto xarumaha ugu muhiimsan Dowladda iyo Hoteelada ay madaxda dagan yihiin.
  20. Afgooye (Caasimadda Online)- Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in weerar Ismiidaamin ah uu goordhow ka dhacay Bar-koontorool ay ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa ka dhacay Afgooye, waxaana warar horudhac sheegayaan inuu ahaa qarax ismiidaamin oo lagu weeraray xero ciidan. Khasaaro kala duwan ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay qaraxa lagu weeraray xero ciidamada ku lahaayeen wakaaladii hore ee biyaha afgooye. Weerarka Ismiidaaminta ah oo loo adeegsaday gaari nooca Soomaalida u taqaano HOMEYDA,waxana lala bartimaamed saday Koontorool ay ciidamada dowladda ku leeyihiin Wadada soo gasha degmada Afgooye,isla markaana kala qeybisa Wadooyinka Aada Magalada Baydhabo iyo Magalada Muqdisho. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in ay arkeen dhimashada 6 ruux oo qaarkood ay Shacab yihiin iyo dhaawaca kuwo kale,isla markaana xaaladu ay tahay mid kacsan. Wixii kusoo kordha la soco
  21. Balacad (Caasimadda Online) – Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weerar hubeysan ku qaaday mid kamida degmooyinka shabeelaha dhexe ee gacanta ciidamada shisheeye kujira. Weerar loo adeegsaday madaafiic ayaa markale lagu qaaday saldhigyo melleteri oo kuyaal degmada Balcad oo qiyaastii 30 Km ujirta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya. Xoogaga Al Shabaab ayaa saaka aroortii hore tira hoobiyaal ah ku duqeeyay laba saldhig oo ciidamada AMISOM iyo Ciidamada dowladda Federaalka ay uga suganyihiin gudaha degmada Balcad. Goob Joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta qaraxyo ka dhashay madaafiic lagu garaacay dhismaha warshaddii dharka oo ay deganyihiin ciidamada dowladda Federaalka, sidoo kale madaafiic ayaa lala helay saldhigga ciidamada AMISOM. Jimcihii lasoo dhaafay ayay aheyd markii sidaan oo kale weerar madaafiic ah loogu qaaday saldhigyo melleteri waxaana la rumeysanyahay in madaafiicdaas ay waxyeello ugeysteen ciidamada huwanta ah ee la weeraray. War lagasii daayay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada Al Shabaab ku hadasha ayaa lagu yiri “Madaafiicda oo ku dhacay gudaha labadaasi fariiisin ayaa sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo gaartay kufaarta iyo Murtadiinta,waxaana sidoo kale soo wajahday cabsi xoogan iyagoona xalay oo dhan rasaas laga maqlayay gudaha xeryahaasi”, illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarada madaafiicda ah ee lagu qaaday saldhigyada kuyaal degmada Balcad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Jigjiga (Caasimada Online) – Siyaasiga aan hadalka la gaban ee reer Soomaalida Kenya Faarax Macallin Dawaar ayaa si kulul u weearay Madaxweynaha dowlad Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley), oo hadda xaalad adag ku sugan. Cabdi Maxamuud Cumar ayaa shalay ka baxay Jigjiga kaddib markii ay ciidamada Federal-ka ah gudaha u soo galeen magaalada kaddibna la wareegeen xarumihii dowladda sida Baarlamaanka iyo Madaxtoyada. Arntaas waxa ay dhalisay kacdoon shacab oo gil gilay Jigjiga iyada oo ay dadku jidadka ku mudaaharaadeen kaddiba gubeen Kaniisado, iyo goobo ganacsi oo uu ku jiro Bankiga Oromada. Hase ahaatee, siyaasiyiinta iyo shacabka ayaa dareenno kala duwan ka bixiyey dhacdadaas waxaana ka mid ah Faarax Macallin. Faarax Macallin waxa uu boggiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku bogaadinayo falka dowladda dhexe ee Itoobiya, isaga oo ku baaqay in gudaha magaalada meel fagaare ah lagu dal dalo Cabdi Maxamuud Cumar. “Kawaanlaha Jigjiga waa in uu maalin ku yeeshaa Maxkamadda. Waxaan rejeynayaa in ay ku daldalaan bartamaha Jigjiga si ay farriin xoog leh ugu noqoto kuwa laga yaabo in ay ku tacadiyaan bani aadamka. Waxa uu sababay in maxaabiista ay saxaradooda/xaarkooda cunaan halka uu kuwo bandanna ay gaajo u dhinteen. Dr Abiy muddo badan uu sugayey in uu Iley iyo xulafadiisa cadaaladda horkeenno.” Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  23. Qabri-Daharre (Caasimada Online) – Wararka horleh oo kasoo baxaya Kililka Shanaad ayaa waxa ay sheegayaan in Xaalad kacsanaana laga dareemayo Magaalada Qabri daharre oo kamid Magaalooyinkan deegaankaa ugu muhiimsan. Xiisadan ayaa bilaabatay kadib markii Ciidamada Milatariga Federaaalka Itoobiya ay saaka kasoo ruuqaansadeen xeryihii ey ka daganaayeen duleedka Qabri daharre. Ciidamadan ayaa waxaa la sheegayaa In ay isku dayeen in ay la wareegaan Xarumaha Dowladda ee Magaalada ku yaalla. Dadka rayidka ah ayaa ishor istaag ku sameeyay Milatariga doonayay in Xarumaha Magaalada qabsadaan, waxaana dadka rayidka ah ay Askarta ku tuurayaan dhagxaan, walisa lama soo warin in ciidanku ay dhibaato ugeesteen dadka rayidka ah. Dhanka kale Xukuumadda gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa ugu baaqday hoggaamiyeyaasha gobolka soomaalida iyo dowladda federaalka inay ka shaqeeyaan nabadgelyada dowlad deegaanka Soomaalida Waxay cambaareeyeen rabshadihii halkaasi ka dhacay. Bayaan kasoo baxay xafiiska maamulka Tigreega ayaa lagu sheegay in tallaabo kasta oo lagu carqaladaynayo nabadda iyo xasilloonida in si dastuurka waafaqsan loo xaliyo. Waxay intaasi ku dareen in aanan loo dulqaadan doonin tallaabo kasta oo wiiqayso nidaamka dastuuriga ah. Ugu dambayn, dowladda gobolka Tigreega ayaa tacsi u dirtay ehaladii dadkii ku dhintay rabshadihii ka dhacay magaalada Jigjiga Magaalada ayaa xilligan waxaa ka taagan xaalad u eg tii Shalay ka dhacay Jigjiga inkasta oo xaalka ku daganyahay sida tii shalay ka dhacday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wafdigan uu hoggaaminayo raisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta u amba baxay dalka Suudaan,iyadoo mas’uuliyiin ay ku sii sagootiyeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Ujeedka socdaalka raiiusl wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa la xiriira sidii ay uga qeybgali lahaayeen shir looga hadlayo arrimo la xiriir anabadeynta Suudaanta Koonfureed iyo qeybsiga khayraadka ka dhexeeya labada dowladood ee Suudaan.. Shirka oo ay garwadeen ka yihiin wadamada ku bohoobay Urur Goboleedka IGAD oo ay Soomaaliya kujirto ayaa lagu wadaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah oo ku saabsan xaaladaha siyaasadeed ee halkaasi ka taagan. Raiisul wasaare Xasan Cali Khayre inta uu joogo magaalada Khaartuum ee xarunta Dalka Suudaan waxaa lafilayaa in uu la kulmo jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool halkaasi iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadaha kuyaala dalkaasi. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo kulankaasi la qorsheeyay inuu tago ayaa ka baaqsaday saacadihii ugu danbeeyay, iyadoo wararku sheegayaan inuu go’aansaday inuusan u safrin dalka Suudaan. Dowladda Suudaan ayaa casumaad u soo dirtay Madaxweyne Farmaajo Todobaadkii hore, iyadoo uu aqbalay waxaana loo diray liiska wafdiga madaxweynaha oo u badnaa shaqaalaha Madaxtooyada, laakiin waxa safarka loo baajiyey markii ay soo shaac baxday khilaafka ka dhashay safarkii Eritrea oo dowladda Jabuuti ay si weyn uga carootay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in cabsi xoogan ay lasoo daristay mas’uuliyiin xilal kala duwan ka haya dowlada federaalka ah ee Somalia, xilli dowladda ay waddo olele cusub. Mas’uuliyiinta ay soo wajahday cabsida ayaa waxaa la xaqiijiyay inay kamid yihiin Wasiiro, Ku-xigeeno, Agaasimayaal wasaaradeed iyo Agaasimo waaxyo ka tirsan Dowlada Somalia. Cabsida lasoo daristay mas’uuliyiintan ayaa la sheegay inay tahay mid ka dhalatay weerarada iyo xariga wada socda ee lagu hayo mas’uuliyiinta lagu eedeeyay kiisaska musuqa. Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in tirro Wasiiro iyo Agaasimayaal ka tirsan Xukuumada ay isaga baxeen Hooygooda kuwaa oo degay Hoteelada magaalada Muqdisho. Wasiirada iyo Agaasimayaasha ka guuray guryahooda ayaa baqdin ka muujiyay in ciidamada dowlada ay uga soo dhacaan darbiyada isla markaana lagu xiro Hooygooda, taa oo ay ka doorbideen inay u hoyasho tagaan Hoteelada. Cabsida ugu badan ayaa lasoo sheegayaa inay tahay mid soo foodsaartay Agaasimayaasha Wasaaradaha kuwaa oo inta badan saaxiib u noqday musuqa iyo isdabamarinta hantida Qaranka, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in xariga Wasiir ku-xigeenka Wasaarada arrimaha dibadda Somalia kadib ay xigi doonaan kuwo kale. Dowlada Somalia ayaa dhwor jeer oo sii horeysay ka digtay musuqa oo xiligaa lagu eedeeyay mas’uuliyiin badan oo xilal ka hayay dowlada. Ma cadda sida uu xaalku noqon doono waxaana arrinta xariga mas’uuliyiinta ku eedeysan musuqa soo dhaweeyay dadka shacabka ah. Caasimada Online Xafiiska Mudisho Caasimada@live.com