-
Content Count
213,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jigjiga (HOL) - Ahmed Abdi Mohamed has emerged as the new President of the Somali Regional State (SRS) in Ethiopia, following the Ethiopian Ministry of Information’s announced that embattled Somali regional President Abdi Mohamoud Omar (Abdi Iley) has agreed to step down from power after a bloody weekend in Jigjiga, the capital of the Somali regional state in eastern Ethiopia, where at least 30 people lost their lives. Source: Hiiraan Online
-
The Minister for Information for the Somali region of Ethiopia Idris Ismail has confirmed to the BBC Somali Service that regional President Abdi Mohamud Omar has handed over power and has agreed to step down. Source: Hiiraan Online
-
Ciidanka PSF oo hawgalkii maanta ku jira Ciidanka sida gaarka ah u taba-baran ee Puntland(PSF) ayaa maanta hawlgal qorshaysan ku dilay in ka badan 15 xubnood oo ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay PSF. Hawgalka oo ciidanku ka fuliyay buuraleeyda Calmadow ee gobolka Bari ayaa mudadii uu socday Al-shabaab looga sifeeyay degaannada; Madarshoon,Karin-xagarood iyo Diindigle oo dhammaantood ka tirsan buuraleeyda Calmadow ,sida lagu xusay warbixinta ciidanka PSF. Qoraalka ka soo baxay ciidanka ee PSF ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhaawacyo badan la gaarsiiyay malayshiyaadkii Al-shabaab ee halkaasi laga saaray,islamarkaana ay hawlgalladu sii soconayan ilaa iyo inta Al-shabaab laga sifaynayo degaannada ay kaga sugan yihiin Puntland. “Ciidanka PSF waxay hawlgalkan ka gaareen guulo muhiim ah, waxayna dileen intii hawlgalkani socday 15 xubnood oo ka tirsan cadowga Al Shabaab, tiro kale oo intaa ka badana waxaa la gaarsiiyey dhaawacyo.Dhanka kale, intii hawlgalkani socday waxay ciidanka PSF ku guulaysteen in ay cadowga Al Shabaab ka sifeeyaan degaanada Madarshoon,Karin Xagarood iyo Diindigle ee Buuraha Cal Madow” ayaa lagu yiri warbixinta PSF. Warbixintu waxay intaas raacisay”ciidanka PSF waxaa ka go’an in ay sii wadaan hawlgallada ay kula dagaalamayaan kooxaha argagixisada ah ee ku soo duulay Puntland, si Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ba ay u noqdaan nabad iyo waddanka ka caaggan kooxaha cadowga ah iyo falalkooda argagixisanimo”. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo dilay in ka badan 15 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in deeganada maamulka Somaliland lagu qabtay gaadiid nooca waaweyn oo lagala soo goostay dhulka Soomaalida Ethiopia. Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gawaari ka timid dhinaca dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo dhalinyaradii waday. Maamulka ayaa sheegay in Gaadiidkaasi oo dhowr ah ay ku qabteen deegaanada xaduudka ah ee togwajaale kuwaasi oo ay sheegen in lagala soo goostay dhulka Soomaalida. Maxamed Muuse Diiriye oo ah Wasiir ku-xigeenka Amniga maamulka Somaliland ayaa sheegay in ciidamada amniga ay gacanta ku hayaan afar gaari, halka kuwo kale lagu hayo deegan kale oo aan sidaa uga suu fogen togwajaale. Wasiir ku-xigeenka waxa uu sheegay inaanu jirin sabab iyo cadeymo ay ku socdeen wadayaasha gaadiidka, balse ay jireen xogo muujinaayay in gaadiid lagala soo goostay deegaanka Soomaalida ay kusoo fool leeyihiin Somaliland, sidaana ay gacanta ugu dhigeen gaadiidka. Waxa uu sheegay in gaadiidka ay yihiin kuwo maamulka uu leeyahay balse aanu jirin sabab muujineysa inay ku socdaan gaadiidka. Waxa uu sheegay Wasiirku in Somaliland ay adkeysay xaduudkeeda,isla markaana ay baaritaan ku hayaan gawaarida iyo dadkii ay qabteen. Geesta kale, waxa uu sheegay inay jiraan hanta badan oo lagala soo baxsaday dhulka Soomaalida ay ka hortageen in lasoo galsho Somaliland, iminkana ay wadaan ka hortag. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Jigjiga (PP) ─ Madaxweynaha DDS Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa goor-dhaw is-casilay, iyadoo xilka madaxweynaha maamulkaas oo ay rabshado ka jiraan loo magacaabay wasiirkii maaliyadda maamulkaas, Axmed Cadi Maxamed. Is-casilaadda Madaxweynaha muddada badan soo xukumayay maamulkan ayaa looga jawaabayaa qalalaasaha ka taagan killilka shanaad, waxaana la filayaa in isbedelkan uu sababo xasillooni dhaqso ah. Sidoo kale, Wararka ayaa intaa ku daraya in Cabdi Maxmauud Cumar uu cadaasi xooggan kala kulmay odayaasha dhaqanka deegaannada Soomaalida ee Itoobiya, isagoo ugu dambeyn go’aansaday inuu xilka isaga dago. Magacaabidda mas’uulka cusub ee bedeli doona madaxweynaha xilka iska casilay ayaa waxay ku timid kulan ay yeesheen guddiga maamulkaas, sidoo kale wararka ayaa intaas ku daray in ciidammo millateri ah ay buuxiyeen magaalada Jigjiga. Dhanka kale, Tallaabadan ayaa waxay u muuqataa mid horseedi doonta in xaaladda magaalooyinka waaweyn ee maamulkaas ay caadi kusoo laabato, maadaama kacdoonka uu dhaliyay diidmo la diidan yahay madaxweynaha xilka ka dagay. Magaalooyinka Jigjiga iyo Dirir-dhabe ayaa waxaa ku dhintay dad aad u fara badan, kuwaasoo intooda badna Soomaali ah, kaddib iska-horimaadyo dhex-maray ciidamada iyo qowmiyadaha ku nool magaalooyinkaas. Ugu dambeyn, Is-maamulka Soomaalida-Itoobiya ayaa muddo la Daalaa-dhacayay dhibaatooyin dhanka maamulka ah, kaddib markii lagu eedeeyay madaxweynaha is-casilay inuu isticmaalay awood xad-dhaaf ah. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii maamulka DDS Itoobiya oo is-casilay iyo mas’uul kale oo la… appeared first on Puntland Post.
-
Turkish students are volunteering in Niger and Somalia as part of a Turkish Cooperation and Coordination Agency's (TIKA) 2018 Experience Sharing Program program. Source: Hiiraan Online
-
Dirir-dhabe (PP) ─ Wararka laga helayo Magaalada Dirir-dhabe ee dhulka Is-maamulka Soomaalida-Itoobiya, ayaa shegaya in halkaas maanta lagu dilay in ka badan sagaal qof oo Soomaali ah, tiro kalena lagu dhaawacmay. Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamadii Liyuu Police-ka ahaa eek u sugnaa magaaladaas ay isaga baxeen, sidoo kalena ay gudaha u galeen ciidan ka tirsan Millateriga Federaalka dalka Itoobiya, si xiisadda taagan loo joojiyo. Magaalada Dirir-dhabe oo ka mid ah magaalooyinka muhiimka ah eek a tirsan dhulka Soomaalida-Itoobiya, ayaa waxay rabshadaha ka taagani ka billowdeen markii xiiado ay dhaceen magaalada xarunta ah ee Jigjiga. Dadka Soomaaliyeed ee lagu dilay magaalada Dirir-dhabe ayaa la sheegay inay ku jireen hooyo iyo ilmo ay dhashay, waxaana dhammaantood dadka la laayay ay kasoo jeedeen dalka Jabuuti, taasoo keentay in laba qof oo Oromo ah lagu dhaawaco gudaha Jabuuti. Talyiaha booliiska Jabuuti ayaa sheegay inaysan jiri doonin cid dambe oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ee Itoobiya lagu dhibaateeyo gudaha dalka Jabuuti, isagoo sheegay inaysan jirin cid lagu qasbayo inay Itoobiya dib ugu laabato, balse qofkii raba uu dib u laaban karo. Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Qoysaska Sooaalida ah ee Dirir-dhabe ku nool, gaar ahaan kuwa deggen xaafadaha ay dadka aan ahayn Soomaalidu ku nool yihiin ay billaabeen inay ka barakacaan guryahooda si ay uga nabad-galaan rabshadaha socda. Dhanka kale, Wararka laga helayo Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya inay maanta xasiloon tahay magaaladaas, inkastoo dhallinyaro kasoo jeeda dadka kale ee aan Soomaalida ahayn ay isku urursanayaan goobo gaar ah, inkastoo aysan jirin wax isku dhacyo ah oo dhacay. Ugu dambeyn, Xukuumadda Federaalka Itoobiya ayaa waxay waddaa qorshe ay ku doonayso inay ku xakameyso dhibaatooyinka sii kordhaya ee haatan ka jira Ismaamulka Soomaalida-Itoobiya. PUNTLAND POST The post Ciidammo aad u hubeysan oo Gudaha u galay Dirir-dhabe iyo Xaaladeeda oo kasii dartay appeared first on Puntland Post.
-
Jigjiga (Caasimadda Online) – Guddiga fulinta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Goordhow waxa ay Magacaabeen Madaxweyne Cusub dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya,ka dib kulan ay Maanta yeesheen. Warar soo baxay ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu is casilay sababo la xiriira rabshadaha khasaaraha egsytay ee ka dhacay magaalooyinka Waaweyn sida Jigjiga iyo Diridhaba. Gudiga Fulinta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa ay u Magcaabeen Xilka Madaxeynaha Cusub ee Dawlad Deeganka Soomalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed(Ilkacase) Dad badan oo siyaasada la socda ayaa waxa ay qabaan in xiisadii ka jirtay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay yareyn karto isbedelka Cusub ee lagu sameeya Hoggaankii ugu sareeyey. Magacaabistan ayaa waxa ay imaaneeysaa iyada oo muddo 3-maalmood ah xaalad cakiran ay ka taagneed Guud ahaan dhulka Soomaalida ee Itoobiya ay heysato. Sidoo kale magacaabistaan ayaa waxay kusoo aadeysaa xilli ciidamada Militariga Itoobiya ay Maanta galeen Magaalada Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
-
Diridhabe (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Diridhabe ayaa sheegaya in ciidamada federaalka Itoobiya ay galeen magaalooyinka Jugjiga iyo Diridhabe oo labadii maalmood ee uu danbeeyay shaqaaqooyin ku dhex marayeen Soomaalida iyo Oromada. Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay gudaha u galeen labada magaalada iyadoo ay wadooyinka dhooban yihiin, waxayna la wareegeen dhismooyinka maamulka iyo goobaha dowladda, kadib markii xaaladda magaalada ay qarka u saarantay inay faraha ka baxdo. Ciidamadii maamulka Soomaalida Itoobiya ee Liyu Police ayaa la sheegay inay isaga baxeen oo ay banneeyeen magaalada Diridhabe waxyar ka hor intii aanay ciidamada Itoobiya gelin halkaasi, waxay kaloo banneeyeen magaalada Jigjiga iyagoo loo sheegay inay xerooyinkooda ku ekaadaan. Soomaalida ku nool magaalada Diridhabe ayaa la sheegay inay ka qaxayaan degaanada ay la degan yihiin Oromada iyo qowmiyadaha kale, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in xaaladda magaalada ay kacsan tahay. Faragelinta ciidamada Itoobiya ayaa bilaabatay galabta iyadoo ciidamo badan oo wata diyaarado helikobtar ah iyo qalab culus, waxayna arrintan ka dambeysay wadahadal maamulka Soomaalida Itoobiya iyo dowladda Federaalka ugu dhammaaday magaalada Jigjiga oo la sheegay inuu maamulka DDSI codsaday ciidamo federaal ah. Caasimada Online Xafiiska Diridhabe Caasimada@live.com
-
Diridhaba (Caasimadda Online) – Ugu yaraan sagaal qof oo u dhalatay dalka Jabuuti ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay isku dhacyadii qowmiyadaha ku salaysnaa ee shalay ka dhacay magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya, sida ay dad goob joogeyaal ah u sheegeen BBC. Iskudhacyadan cusub ee u dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa la sheegayaa inay ka dhasheen qalalaasihii Sabtidii ka dhacay magaalada Jigjiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Dhanka kalana wararku waxa ay sheegayaan in dhibaatadu ay u talowday dhinaca dalka Jabuuti halkaasna lagu dhaawacay labo ruux oo Oromo ah, sida uu BBC-da u talaiyaha booliiska ee dalka Jabuuti Cabdullaahi Cabdi. Taliyuhu wuxuu sheegay in gacanta lagu dhigay dadkii weerarkaas qaaday. Caasimada Online Xafiiska Diridhaba Caasimada@live.com
-
Bardaale (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa tilmaamaya in ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah lagu laayey weerar ka dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Baydhabo iyo Bardaale ee Gobolka Baay . Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa Caasmadda Online u xaqiijiyey in barqanimadii maanta qarax xoogan oo noociisu ahaa miinooyinka dhulka lagu aaso lala eegtay Kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo ambabaxay magaalada Baydhabo kuna sii wajahnaa degmada Bardaale oo labaduba ka wada tirsan gobolka Baay. Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa Idaacadda Andalus u sheegay in qarax lagu burburiyey gaari Uraal ah oo ka mid ahaa kolonyada kaas oo ay saarnaayeen tobanaan ciidamo ah. Waxaa jira khasaare xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada Itoobiya inkastoo aanan ilaa hadda la ogeyn khasaaraha rasmiga. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay jareen isgaarsiintii deegaanka, islamarkaana ay ilaa hadda joogaan halkii uu qaraxu ka dhacay. Dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka howlgala Baay iyo Bakool ayaa bilooyinkii la soo dhaafay ayaa weeraro gaadmo ah ka wadada isku xirta Baydhabo iyo Bardaale oo ah midda kaliya ee u furneed ciidamada Itoobiya, una soo mari jirtay sahayda kaga timaado dhanka Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
xubnaha wasiirada cusub ee la dhaariyay Xubno ka mid ah wasiiradii shalay uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta xilka loo dhaariyay. Musaasabadda lagu dhaarinayey wasiirada cusub ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyaha aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya,Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, guddoomiye ku xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Sheekh Ibraahim (Muudeey), xubnaha guddiga joogtada ah ee Golaha shacabka Soomaaliya iyo Ra’isal Wasaare ku xigeenka dalka,Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) . Wasiirada maanta la dhaariyay waxa ay kala yihiin:- 1. Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare. 2. Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha. 3. Cabdulqaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi) Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya. 4. Sakhar Ibraahim Cabdalle Wasiir ku xigeenka Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha. Ku simaha Ra’isal Wasaaraha ahna Ra’isal Wasaare ku xigeen, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ka hadlay munaasabadda dhaarinta wasiirada cusub ayaa ku tilmaamay xubnaha la dhaariyay in ay qeyb ka yihiin dardar gelinta barnaamijyada xukuumadda. “ Mudane guddoomiye waxa sharaf weyn inoo ah inan idiin soo gudbino lix masuul oo golaha wasiirada ku soo biiray oo afar ka mid ah ay halkaan joogaan, mudane guddoomiye masuuliyiintan maanta la dhaariyay waxa ay qeyb ka tahay dargelinta barnaamijka weyn ee xukuumada iyo in dhiig cusub lagu shubo si loo gaaro hadafka xukuumada” ayuu yiri Khadar. Guddoomiyaha golaha shacabka,Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhankiisa wasiirada cusub ee ka dhaariyay kula dardaarmay iney si hufan shaqadooda u gutaan. “ Golaha shacabaka waxa uu furmi doonaa 10-ka September wasiirada xildhibaanada ah waxa ka rabnaa iney kulamada golaha soo xaadiraan oo ay labada shaqo si wanaagsan u gutaan” ayuu yiri Mursal. PUNTLAND POST The post Xubno kamid ah wasiiradii shalay la magacaabay oo maanta la dhaarshay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta xadhiga ka jaray xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriika Caalamiga ah ee Puntland, xaruntaas oo dayactir lagu sameeyey. Madxaweynaha dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey xadhig jarka, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Puntland Shire Xaaji Faarax, Agaasimaha Hay’ada UNDP Soomaaliya Mr.George Conwey madaxa UNDP Puntland Mr. Sayid iyo saraakiil katirsan madaxtooyada dowladda Puntland. Dhinaca kale Xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriika Caalamiga ah ee Puntland oo ahayd xarun horey ay wasaarddu ugu shaqeyn jirtay ayaa waxaa dayactir balaadhan ku sameeyay Hay’ada UNDP oo maashaariico horumarineed oo badan ka fulisay degaannada Puntland, wada shaqayn dhowna la leh dowladda Puntland. Xadhig jarka kadib Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali ayaa waxaa uu kormeer ku sameeyay xafiisyada iyo qaybaha ay ka koobantahay dhismaha wasaaradda, islamar’ahaantaana mid mid ugalay xafiisayada wasaaradda oo xiligaasi ahaa kuwa mashquulsan oo shaqado maalmeedkii ka socotay, sidoo kalena madaxweynaha ayaa indhaindheeyey qaabka ay u shaqadu socoto. Madaxweynaha dowladda oo kalmad kooban ka jeediyay munaasibadii xadhig jarka xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriika Caalamiga ah ee Dowladda Puntland ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa” “Wasaardani waa wejigii laga soo gelayey Dalka, markaa inay fiican tahay, wanaagsan tahay, qurux badan tahay waa wax aad loogu baahan yahay, idinkana ka wasaarad ahaan waxaan idinkula dardaarmayaa in shaqada aad wadaan aad meesha kasii wadaan, sidoo kalena hay’ada UNDP way ku mahadsan yihii shaqada wanaagsan ee ay qabteen” ayuu yiri madaxweyne Gaas oo ka hadlayey musaasabadda xarig-jarka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo xadhiga ka jaray xarunta Wasaaradda Qorshaynta appeared first on Puntland Post.
-
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay kulanka sanadlaha ee xafiiska Hantidhowrka Qaranka ayaa boggaadiyey howlaha muhiimka ah oo ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan. Guddoomiyaha ayaa adkeeyey baahida loo qabo in la xoojiyo nidaamka lagula dagaalamayo musuqa, si looga baaqsado ku takrifalka hantida dawladda, isagoo xusay in maamulkiisu uu meel adag ka taagan yahay la dagaalanka Musuqa oo dhowr jeer caddaaladda la horgeeyey xubno lagu tuhmay musuq-maasuq oo ka tirsanaa shaqaalaha iyo madaxda Maamulka Gobolka Banaadir. “Soomaaliya waxay horumar weyn ka gaartay sannadihii dhowaa la dagaallanka musuq-maasuqa, balse horumar masii jiri karo ilaa xidida loo siibo musuqa. Maamulka Gobolka waxaan bilownay qorsheyaal aan kula dagaalamayno musuq-maasuq si loo hirgeliyo maamul wanaag leh isla xisaabtan iyo fur-furnaan u adeegaya bulshada Soomaaliyeed.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in loo baahanyahay wacyigelin baahsan oo lagula dagaalayo dhaqanka maamul xumada iyo fahamka dowladda, maadaama uu musuqmaasuqu yahay midka dalkan dib u dhigay loona baahan yahay in meel looga soo wada-jeesto ciribtirkiisa, si loo sii xoojiyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan maamulkooda. PUNTLAND POST The post Yariisow oo ku baaqay in musuqa meel looga soo wada jeesto appeared first on Puntland Post.
-
s a new exhibition commemorates the Somali effort during the First World War, LSE’s Joanna Lewis analyses how scholarship of the Great War is increasingly encompassing the global contribution of the conflict. Source: Hiiraan Online
-
Non-Somalis living the eastern Ethiopian city of Jigjiga are "in hiding", a resident of the city has told the BBC Amharic service. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online)-Gaashaanle Dhaxe Cabdirisaaq Soomana Xuseen oo ahaa taliyaha Ciidanka Boliska saldhiga degmada Wartanabadda iyo Alifle Cabdi Cumar Isaaq taliyaha Baarista Dambiyada Saldhiga iyo Kormeera Labaada Cabdifitaax Maxamuud Cabdi oo ka tirsana Ciidamada saldhiga degmada ayaa lagu soo eedeeyay in ay qaateen lacag laauush ah. Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa amartay in raggan lasoo xiro, waxaana durbadiiba lagu wareejiyay Maxkamadda Ciidamada. Warkan waxaa baahisay Warbaahinta Dowladda, waxa ayna u muuqataa inxoowli uu ku socdo nidaamka Dowladdu ay sheegtay in ay musuqa kula dagaalamayso, inkasta oo dhaliilo badan loo jeedinayo. Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa markii ay soo gaartay eedda ka dhanka ah eedeysanayaasha, waxa ay maalin kadib horgeeyeen Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. Xeer Ilaalinta ayaa weydiisatay garsoorayaasha in la xiro si’ ay u soo dhameystiraan cadeymaha eedda loo heysto Gaashaanle Dhaxe Cabdirisaaq Soomana Xuseen oo ahaa taliyaha Boliska saldhiga degmada Wartanabadda iyo labada askari ee kala tirsanaa saldhiga degmada Warta-nabadda. Waa markii Sedexaad tan iyo Sabtigii Dowladdu ay qaaday tillaabo Musuq la dirir ah.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa amar culus siiyey ganacstada dagan jidka Soddonka ee Magaalada Muqdisho, jidkaas oo ay ku laayaan labada isgoyska ee sida weyn loo isticmaalo ee Black Sea iyo Baar Ubax. Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa si toos ah ugu tagay qaar ka mid ah ganacstada ku shaqeysto jidkaas iyagoo gacanta ka saaray waraaqo amar ah oo kasoo baxay ururkaas. Sida ay dad ka tirsan ganacsatadaas u xaqiijiyeen Caasimadda Online Al-Shabaab ayaa ganacsatada ku amray inaysan bixin karin Canshuurta ganacsi iyo midda guryaha ay qaado dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa la amray inay waqtiyada Salaada xiraan ganacsiyada cidii la arkayo iyadoo ganacsaneysana laga qaado doono tallaabo sharci ah. Ururka Al-Shabaab ayaa ganacsatada u hanjabay waxaana lasoo sheegayaa in qaar ka imid ah amaradii Al-Shabaab uu ka fulay jidka30-ka oo ah meel muhiim u ah Magaalada Muqdisho. Waa markii ugu horeysay oo ay Al-Shabaab digniin noocaan ah siiyaan dadka ku ganacsado Magaalada Muqdisho, gaar ahaan jidka soddonka tan iyo markii laga saaray Magaalada Muqdisho. Ururkaan ayaa ku caan baxay inay si arxan darro ah u dilaan cid kasta oo diido amarkeeda waxayna Magaalada Muqdisho ka fuliyaan weeraro isugu jiro dilal iyo qaraxyo. Dowladda Soomaaliya ayaa kaliya ku xooggan jidka Makka Al-Mukarama oo ay ku yaalaan xarumaha dowladda inkastoo ay ciidamo u joogaan jidadka kale ee Muqdisho haddana sida Makka Al-Mukarama loo ilaaliyo looma ilaaliyo kuwa kale. Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin amarkaan kasoo baxay Ururka Al-shabaab oo si toos ah loogu geeyey ganacsatada jidka Soddonka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Kiiska dacwadda musuqmaasuqa ah ee loo heysto Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa lugaha la galay Wasiirka Wasaaraddasi Axmed Ciise Cawad. Sida ay sheegeyso xog ay heshay mareegta Caasimadda online, kiiskan oo soo taagnaa muddo ka badan 4 bilood ayaa salka ku haya dhaqaale si xun loo maamulay iyo ku takri fal awoodeed, waxaana wasiir ku xigeenka uu ahaa qofka kiiskan ugu weyn ee loo haysto, maadaama uu ahaa qofka ku sugan xarunta Wasaaradda oo maamulka gacanta ku hayey. Wasiir ku xigeenka Mukhtaar Mahad ayaa ka hor yimid baaritaan ay waday hay’adda Hanti dhowrka guud oo xafiisyada maamulka calaamado ku dhejisay, taasoo caddeyneysa in baaritaan socdo oo aan la furi karin khasnadaha iyo xafiisyada baaritaanku ka socdo, laakiin wasiir ku xigeenka ayaa la sheegay inuu jebiyay amarkaasi, taasoo xaaladda uga sii dartay. Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa ku doodaya inuu ku shaqenayay Amarka wasiirka Arimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, isla markaana aanu wax u gaara isagu ku dhaqaaqin, taasoo kiiskan lugaha u soo gelisay wasiirka, iyadoo laga cabsi qabo inay xaaladda sii cakirto. Wasiir ku xigeenka oo la isku dayey in la xiro kadib markii loo soo jaray amar maxkamadeed, ayaa xaaladiisu weli cakiran tahay markii qaab aan habooneyn ay ciidamo boolis ah u damceen inay qabtaan, taasoo uu soo dhex galay Ra’iisal wasaare Kheyre, laakiin waxaa saxaafadda la hadlay Xeer ilaaliyaha iyo hanti dhowrka oo eedeyn musuqmaasuq ah u jeediyey Wasiirku ku xigeenka. Warkii kasoo baxay xalay Wasaaradda Arrimaha dibadda oo si weyn loogu eedeeyay falkii lagula kacay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda iyo tallaabada ay qaadeen Hanti dhowrka iyo xeer ilaaliyaha ayaa si cad u muujiyey in mas’uuliyiinta wasaaradda Arrimaha dibadda ay u dhan yihiin kiiskan, marka laga reebo wasiiru dowlaha wasaaradda C/qaadir Axmed Kheyr oo saaxiib dhow la ah madaxweynaha, kaasoo u muuqda inuu xilli hore u shaqeeyo sida wasiir. Is-mari waaga ka taagan kiiskan ayaa ah kii ugu horeeyay ee mas’uul heerkiisu yahay wasiir ku xigeen xil haya lagu soo oogo dacwad musuq ah, waxaana dadka qaarkii ay sheegayaan in arrintani ku dhammaan doono xil ka qaadis. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
