-
Content Count
213,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
War saxaafadeed ay wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya soo saartay dhawaan ayaa dhaliyey muran bulshada dhexdeeda ah kuwaas oo siyaabo kala duwan uga dooday. Muxuu ahaa? War saxaafadeedka ayaa lagu taageeray Sucuudiga oo uu khilaaf la xiriira arimimaha bili’aadannimada kala dhexeeyo dowladda Canada. Hadaba, saddexdan qodon ee hoose waxa ay muujinayaa sida go’aanka dowladda uu u ahaa mid sax ah. Qodobka kowaad: Dowladda Soomaaliya iyo Sucuudiga waa xulufo maadama ay ka wada tirsan yihiin uruka Jaamacadda Carata, labadana waxaa saaran waajibaadka lagu dhaqan galinayo qodobada ku xusan xeer-hoosaadka ururka jaamacadda Carabta oo ay ka mid tahay haddii mid ka mida lagu xadgudbo madaxbaanideeda kuwa kalena lagu xad gudbay, waa sida ay yeeli lahayd, Canada haddii wadamada ay xulufada yihiin taas oo kale qabsato Qodobka Labaad: Dowladda Soomaaliya iyo Sucuudiga danaha iyo xiriirka ka dhexeeya waa mid aad uga qotodheer kana guunsan kuwa ay la leedahay dalalka kale ee caalamka sida Canada. Taas iyada oo laga shidaal qaadanayo, haddii uu yimaado khilaaf caalami ah oo Sucuudiga kala dhexeeya dal kale, Soomaaliya ay ku qasban tahay in ay ku lug yeelato, waxaa waajiba in ay iyada oo dhawrseysa xiriika soo jireenka ah ee kala dhexeeya Sucuudga in ay garab istaagto. Qodobka Saddexaad: Dowladda Soomaaliya waxaa saarnaa cadaadis culus oo uga yimi mawqifkeedii dhex dhexaadnimo ee ay ka qaadatay khilaafkii dalalka Khilijka oo ay Sucuudiga ka mid tahay. Dhex dhexaadnimada ay Soomaaliya qaadatay waxaa ku dulmiyey oo kula dagaalay dhinac ka mida kuwii khilaafku u dhexeeyey sida Imaaradka Carabta, hase ahaatee, Sucuudiga oo ilaalinaya xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya waxa uu qaatay tallaabo ka dabacsan taas isaga oo isku dayey in aan Soomaaliya go’aankeeda dartiis lagu collaadin oo aan lagu go’doomin, Taas oo ay jirto, Soomaaliya waa In aysan qaadan go’aan dhib ku keenaya Sucuudiga. Qodobka Afraad: Sucuudiga waxa uu kaabaa miisaaniyadda dowladda Federal-ka sida lagu soo kala saxiixday heshkii laba geesoodka ahaa ee labada dalka wada galeen booqashadii madaxweyne Farmaajo uu ku tagay dalkaas maalmihii la doortay bilowgoodii. Ma jirto, meel ay dowladda Soomaaliya ku caddeysay in heshkii kabidda miisaaniyadda iyo mashaariicdii ay Sucuudigu ballan qaadeen aysan ku fulin ama wax ka bilaabin, waa qodob ku tusaya in danaha aan Sucuudiga ka leenahay ka gudo ballaaran yahay mid ka Canada.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka carabta ayaa sheegtay inay xoojineyso talaabooyinkeeda ganacsi ee qaarada Africa, kadib heshiisyo ay dhawaan la gashay dowladha Eritrea iyo Ethiopia. Dowlada Imaaraadka ayaa sheegtay inaan loo tilmaameynin danaheeda ganacsi ee qaarada Africa, sidaa aawgeed ay diyaar u yihiin inay ganacsi la sameeyan dowladaha Africa kuwooda faqiirka ah. Dhaxal-sugaha Imaarada Abu Dhabi Maxamed bin Zayed bin Suldan Al Nahyan oo madaxtooyada dalkaasi kulan saacado qaatay kula yeeshay wufuud heer caalami ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay u faa’iideeyan Africa isla markaana ka faa’iideystaan. Waxa uu Al Nahyan sheegay inay muhiim tahay in marka hore la helo heshiisyo loo maraayo wadada sharciga ah, iyadoo wixii intaa ka danbeysa ay u gudagali doonaan dhaqan galinta heshiisyada ganacsi. Waxa uu sheegay Al Nahyan in qorshaha ganacsigooda uu yahay mid la doonaayo in la gaarsiiyo xitaa Somalia oo uu sheegay in iminka uu kala dhexeeyo khilaaf Siyaasadeed, waxa uuna sheegay inay qaadi doonaan talaabo ganacsi tii ugu wanaagsaneed. Waxa uu tilmaamay in ahmiyada koowaad ay siinayaan ganacsiga Dekadaha, Beeraha iyo sameynta shirkado Somalia iyo Afrikada kale kala shaqeeya soo saarka ganacsiga fudud. Al Nahyan, ayaa sheegay inay kala saari doonaan Ganacsiga iyo khilaafka, waxa uuna cadeeyay in kala bar dowladaha ugu qanisan Africa ay iminka ku jiraan gacantooda. Waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in xal loo helo tabashooyinka qaar ee dowladaha Africa sida Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay in ahmiyada koowaad ay tahay mid ay siin doonaan danahooda gaarka ah. Sidoo kale, waxa uu intaa raaciyay in Heshiisyada ay la galayaan dowladaha Africa uu yahay mid kala duwan isla markaana ay suuragal tahay inuu is khilaafo, hase yeeshee ay taasi tahay mid dhabaha u xaareysa guusha Imaraadka carabta. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Imaaraadka carabta ayaa waxa uu xiligaan khilaaf Siyaasadeed buuran kala dhexeeya Somalia, kaasi oo xalintiisa aan wali leysu fahmin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Dr Axmed Ciise Cawad ayaa faah faahiyay taageerada ay dowlada Soomaaliya u muujisay Sucuudiga. Wasiir Cawad oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku saxantahay taageerada ay siisay Sucuudiga. “Waa run waa ku taageernay dowladda Sacuudiga in arrimiheeda gudaha la faragelin oo la ixtiraamo sida aan ugu taageeri laheyn dalka Canada in arrimaheeda gudaha la faragelin, mowqifka dowladda waa mid waafaqsan qawaaniinta iyo xeerarka adduunka u yaalla, Sacuudiga waa dal walaalo nahay, wax badanna naga dhaxeeyaan marka inaan ku taageerno arrimahooda gudaha in aan la faragelin ceeb ma ahan, sidoo kale Canada waa dal aan saaxibo nahay, oo aan aad u qadarino” ayuu Wasiir Cawad. Xurguf siyaasadeed ayaa soo kala dhexgashay Wadamada Sucuudiga iyo Canada taasi oo salka ku heeyso eedeeyn Canada ay u jeedisay Sucuudiga oo ah in Sucuudiga uu ku dhaqaaqay Falal lid ku ah Xuquuqda Bini aadamka taasi oo sucuudiga uu si aad ah uga xumaaday. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post, Muqdisho The post Wasiir Cawad oo faah faahiyay taageerada Soomaaliya ee Sucuudiga appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa daboolka ka qaaday in dowladiisa aysan marka hore ka raali noqon doonin in si sahlan lagu burburiyo horumarka ay Soomaaluya hiigsaneyso. Kheyre waxa uu sheegay in Somalia ay ku dhex jiran kuwo aan u diirnixin shacabka ku dhawaad Sodonka sano ku noolaa burburka waxa uuna taasi bedelkeeda sheegay in Somalia ay nafta ag dhigayan si ay dib ugu soo laabato halka ay markii hore joogtay. Waxa uu sheegay inaanu u cuntami doonin in Somalia dib loogu celsho halka ay kasoo gudubtay waxa uuna cod dheer ku sheegay inay sahlan tahay in kuwa qaska ku haya dalka iyo kuwa nabadda u diidan ay iska celshaan. “Somalia oo dib ugu laabataa halkii ay kasoo gudubtay waxaa nooga sahlan inaan iska celino oo aan la dagaalano cid waliba oo kasoo horjeeda Somalia oo nabad ah” “Ma jiro cid dooneysa inay burburiso dalkeeda ilaa iyo mid aan laheyn damiir, balse anagu waxa aan xooga saareynaa inaanu noqono kuwa dadkaasi fahansiiya ahmiyada nabadda” ayuu yiri mar uu la hadlaayay dhalinyaro uu kula kulmay Khartoum. Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu tilmaamay in cid waliba oo diidan Somalia oo nabad ah uu ku qancinaayo inay u furan tahay keliya inuu ku noolaado dalka dibadiisa si aysan u saameyn duufaanta isbedelada ka socda Somalia. Sidoo kale, waxa uu sheegay in Somalia oo nabad ah ay tahay mid anfaceysa dhammaan wadamada Africa, maadaama uu yiri nabarada soo gaaray Somalia ay saameyn adag ku reebayaan dowladihii nabdoona ee Africa. Haddalka Kheyre ayaa u muuqda mid ku fooraara dhinacyada mucaaradka, halka qeyb kamid ahna ay baraarujin u tahay dhalinyarada Soomaalida ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Ciidammada milatariga ee dalka Itoobiya oo maalmihii u dambeeyay gacanta ku hayay ammaanka magaalada Jigjiga ayaa dadka shacabka ah u diidan in ay ka baxaan magaalada, sida ay BBC-da u sheegeen dad deegaanka ku sugan oo ehelkooda laga soo celiyay duleedka magaalada. Waxaa jira warar sheegaya in dadka kali ah ee loo ogol yahay in ay magaalada ka baxaan ay yihiin dadka aan Soomaalida ahayn ee muruq maalka ka ahaa magaalada een nolosha kale ku haysanin. Waxaa furan ganacsiyo badan, waxaana la qorshaynayaa in shacabka magaaladu ay mar kale nadiifin ka bilaabaan waddooyinka magaalada. Qaar ka mid ah shacabka Soomaalida ah iyo kuwa aan Soomaalida ahayn ayaa shalay billaabayn in ay isla nadiifiyaan waddooyinka Jigjiga. Dawladda ayaa dadaal ugu jirta in ay noloshu caadi ku soo noqoto, inkastoo ay wali taagan tahay hubaanti la’aantii siyaasadeed. Isha: BBC Somali
-
The inaugural conference on combatting the illicit smuggling of charcoal was held at the Combined Maritime Forces (CMF) headquarters in Bahrain on 23 July 2018. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - The Somali government is actively seeking to recruit a new governor for the central bank, taking out an ad in The Economist, an internationally published English-language weekly magazine that focuses on business and finance. Source: Hiiraan Online
-
When Hodan Osman, M.C./M.P.A. Mason Fellow 2018, arrived in Cambridge last summer, she knew exactly what she was looking for. After spending nearly five years working in Somalia’s fledging government, the former banker had three things in mind. Source: Hiiraan Online
-
Ottawa (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka kala dhaxeeyo dowladda Sacuudi Carabiya. Ra’isulwasaaraha Canada ayaa sheegay in wadankiisa uu xogga saarayo sidii loo difaaci lahaa Xuquuqul Insaanka. Justin oo Saxaafadda la hadlay ayaa si cad u sheegay in mowqifka dowladiisa ee Xuququul Insaanka uu yahay mid aan gambad laheyn oo ay ka shaqeenayaan si qarsoon iyo si aan qarsooneyn. Wuxuu intaas ku daray “ ma dooneyno inaan dowladda Sacuudiga la yeelano xiriir daciif ah… balse waxaan sii wadi doonaa inaan tilmaamno dhibaatooyinka ka dhanka ah xuquul Insaanka haddii ay ka dhici lahaayeen Sacuudiga iyo meel ka baxsan”. Sidoo kale Justin ayaa saxaafadda u sheegay in wasiirka Arrimaha Debadda Canada Chrystia Freeland ay wada hadleyn dhigeeda dalka Sacuudiga Cadil Jubeyr Maalintii talaadada aheyd inkastoo uusan wax faahfaahin ah ka bixin kulankaas iyo waxyaabaha kasoo baxay. Hadalka kasoo baxay Ra’isulwasaaraha Canada ayaa kusoo aadayo xilli ay dowladda Sacuudiga sare usii qaaday xiisadda labada dal u dhaxeyso iyadoo dadkeeda ku amartay inay deg deg uga soo baxaan Canada. Dowladda Sacuudiga ayaa sidoo kale diiday in wax wada hadal ama dhexdhexaadin ah aan laga gelin karin arrinta kala dhaxeyso dalka Canada waxayna taas badalkeeda dowladaha Jaamacadda Carabta ugu baaqday inay xiriirka u jaaraan Canada. Dowladaha baaqaas ka jawaabay ayaa waxaa ugu horeeyey Soomaaliya, Jabuuti, Cumaan iyo Kuwait oo si rasmi ah u sheegay inay xiriirka u jareen Canada. Caasimada Online Xafiiska Ottawa Caasimada@live.com
-
Addis ababa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Soomaalida Ethiopia gaar ahaan degmada Dhagax-buur ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhexeysa ciidamada Liyuu Boolis iyo kuwa Militeriga Ethiopia. Labada ciidan ayaa lasoo sheegayaa inay isku horfadhiyaan deegaanka isla markana aad looga cabsi qabo dhaqdhaqaaq ay wadaan labada dhinac. Is horfadhiga iyo colaada saaka ka dhextaagan ciidamada Liyuu Boolis iyo Militeriga ayaa waxa ay ka dambeysay xiisada ka dhalatay gacan ku dhigista Madaxweyne hore Cabdi Maxamed Cumar oo hada la soo sheegayo inuu ku jiro xabsi guri ku yahay magaalada Addis Ababa. Dadka deegan ayaa sheegaya in ciidanka Liyuu Boolis ay aad uga gadoodeen qaabkii Ciidanka Militeriga Ethiopia ay magaalada Jigjiga uga kaxeeyeen Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana labadan dhinac ay yihiin kuwo is hor fadhiya. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in mar walba laga baqdin qabo in dhinacyadan uu dagaal dhexmaro, maadaama dadaalo badan oo la sameeyay lagu guul dareystay in la kala qaado. Geesta kale, waxaa saacadihii lasoo dhaafay caadi ku soo laabtay ganacsigii iyo isu socodkii magaalada Jigjiga oo todobaad marti gelisay xiisad colaadeed oo sababtay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed. Caasimada Online Xafiiska Addis ababa Caasimada@live.com
-
Gaza (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha Maamulka Yahuuda Benjamin Netanyahu ayaa xalay kulan deg deg ah isugu yeeray Taliyaasha ciidamada kala duwan. Kulankaan deg deg ah ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Difaaca Yahuuda Avigdor Lieberman iyo dhammaan hoggaamiyaasha ciidamada Militariga kadib markii ay cirka isku sii shareertay xiisadda ka taagan Magaalada Gazza ee dhulka Reer Falastiin ee xoogga lagu heysto. Iska hor imaadyo xooggan ayaa maalmihii ugu dambeeyey magaalada Gazza ku dhex marayey ciidamada Israa’iil iyo ururka iska caabinta Xamaas, waxaana iska hor imaadyadaas ku shahiiday seddex qof oo Falastiiniyiin ah halka ay ku dhaawacmeyn tobaneeyo kale. Kulankaan deg deg ah ayaan laga soo saarin wax warbixin ah waxaana muuqato in culeys weyn uu soo fuulay Maamulka Yahuuda. Dhinaceeda Xarakada Xamaas ayaa ku hanjabtay in la joogo waqtigii loo aari lahaa dhigga Shuhada ay daadisay Israa’iil. Afhayeen u hadlay Xamaas oo lagu magacaabo Fowzi Barhuum ayaa sheegay inay Xamaas ka go’an tahay sii wadista dagaalka lagula jiro Yahuuda xogga ku heysato dhulka reer Falastiin. Mas’uul kale oo ka tirsan Xamaas oo la hadlay Al-Jaziira ayaa sheegay inay iska caabin doonaan culeys kasta oo kaga imaado Yahuuda isla markaasna aysan gacmaha ka laaban doonin duqeymaha ay wado. Caasimada Online Xafiiska Gaza Caasimada@live.com
-
Kenyan MPs urge TSC to post more female teachers to Garissa
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Two MPs from Garissa have asked the Teachers Service Commission (TSC) to post more female teachers to girls only schools so as to enable them address their issues. Source: Hiiraan Online -
Adis Ababa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubblanad Axmed Madoobe ayaa lagu amray inuu si deg deg ah uga baxo Magaalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya. Dowladda Itoobiya ayaa Axmed Madoobe u sheegtay inuu si deg deg ah isaga baxo Adis Ababa kadib markii la isku qabtay arrinta la xiriirta deegaanada Soomaalida Itoobiya oo maalmahaan ay ka taagenyd khalalaaso siyaasadeed. Axmed Madoobe ayaa Adis Ababa u tagay sidii uu u dhex dhexaadin lahaa dowladda Itoobiya iyo maamulka deegaanada Soomaalida Itoobiya balse wuxuu cadaadis xoog leh kala kulmay dowladda Itoobiya oo u sheegtay in arrintaan ay u taalo dowladda federaalka Itoobiya. Sida ay horey ugu akhrisateen wararkeenii hore Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada dowladda Itoobiya ayaa Axmed Madoobe si cad ugu sheegay inuu arrimahaas faraha kala baxo haddii kale ay dowladda Itoobiya tallabo ka qaadi doonto. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno la socday Axmed Madoobe, dowladda Itoobiya ayaa u sheegtay in go’aanka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay leedahay dowladda Federaalka ee dalkaas isla markaasna aan lagala tashan doonin Axmed Madoobe. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa Golayaasha maamulka Soomaalida Ethiopialagu wargaliyay in wixii khuseeya arrimaha maamulka ay kala tashan doonaan Wasiirka warfaafinta dowlada Ethiopia Axmed Shidde. Golayaasha maamulka ayaa waxaa lagu wargaliyay in mudada lagu guda jiro marxalada cakiran ay howlaha xiisada iyo go’aan ka gaaristeeda kala xiriiri doonaan Wasiir Axmed Shidde oo mudadaasi kasii howlgali doona magaalada Jigjiga. Sidoo kale, Ra’isul wasaare Abiy ayaa Golayaasha u cadeeyay in Wasiirka warfaafinta dowlada Ethiopia Axmed Shidde uu taagan yahay booskiisa, isla markaana ay muhiim tahay in lagu dabafeylo. Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa Caasimada@live.com
-
How a Muslim Somali Refugee Model Became the American Dream
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
As a child, Halima Aden loved to eat mud. Source: Hiiraan Online -
Twenty seven graduates have benefitted from an educational programme in law and community leadership. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka aan ka heleyno qeybo kamid magaalad Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Shalay galab lagu arkay qeybo kamid ah Isgooysyada muqdisho ciidammadii Nabad sugidda ee dhawaan laga qaaday Isgooysyada. Ciidammada Isgooysyada lagu arkay ayaa ku labisnaa dharka ciidammada Booliska Soomaaliya, dhawaanna ciidammadii Nabad sugidda muqdisho waxaa lagu daray Booliska. Meelaha lagu arkay ciidankan waxa kamid ah Isgooysyada Taleex iyo Dabka ee Muqdisho. Ciidamadan ayaa waxaa la sheegay inuu taliye uyahay Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed Fariid. Askarta la keenay Isgooysyada Muqdisho ayaana la ogeyn qaabka ay wax uga badali doonaan amaanka Caasimadda. Magaalada Muqdish ayaa muddo gaaban waxaa isku badbadalay amnigeeda ciidamo kala duwan oo isugu jiro Nabadsuhid, Militari iyo Boolis. Dhawaan ayey aheyd markii Madaxweyne Farmaajo uu amray in la furo jidadka Muqdisho isla markaasna laga qaado ciidamada ku sugan oo ahaa kuwa ka tirsan ciidamada Xasilinta oo uu markii dambe Madaxweynaha kala diray dhamnaantood. Khilaaf xoog leh ayaa ka dhashay markii ciidamada xasilinta la kala dirayey waxayna markii hore amar ka qaadan jireyn Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Rashida Tlaib’s opposition to President Donald Trump began while he was still candidate Trump and before she decided to run for Congress. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sharaxay muhiimada Warsaxaafadeed maalin ka hor Wasiiradiisu ay soo saartey. Warsaxaafadeed ayaa waxaa qeyb ka ahaa in Xukuumadda Soomaaliya ay adkeyneyso mowqifka Sacuudiga ee khilaafka kala dhaxeeyo dowladda Canada,waxaana u muuqatay in dowladdu taageertay Sacuudiga. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in xukuumaddu aysan sigaar ah u taageerin Sacuudiga laakin mowqifkoodu uu yahay in xal la gaaro. Waxa uu sheegay Wasiirku isaga oo la hadlayey Idaacadda BBC-da in dowladda Soomaaliya aysan shaacin hadalo ay ka caroon karto dowladda Canada balse ay csdeysay in khilaafka Sacuudiga iyo Canada wadahadal lagu dhameeyo. Dad badan oo siyaasada la socda ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay ku dhaliilern Warsaxaafadeedkii ka soo baxsy Wasaaradda Arrimaha dibada,isla markaana ay faraha la gasho arrimaha labada dowladood ee Sacuudiga iyo Canada. Gudaha asbuuca aan ku jirno Wasiirka Arrimaha dibadda Sacuudiga, Adel al-Jubeir, waxa uu Canada ku eedeeyey faragalin arrimaha gudaha ah iyadoo Canada ay adeegsanayso dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka oo ku sugan Sacuudi Carabiya. Sidoo kale, iyadoo arrintaa ka falcelinaysa, xukuumadda Riyaad waxay eriday safiirkii Canada waxay kaloo hakisay iswaydaarsiga barnaamijyada dhanka waxbarashada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cumar Macalin, oo ahaa Xoghayihii Joogtada ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaciyay inuu is-casilay. Warqadda iscasilaadda, ayuu mas’uulkan sabab uga dhigay go’aankiisa dhibaatooyin uu sheegay inuu kasii wadi wayaay shaqadda. Laakiin, macluumaad hoose ayaa sheegaya in Xoghaye Maxamed uu is-casilay kadib markii Xafiiska Hanti-dhowrka guud uu kusoo furay baarista Kiis la xiriira musuq-maasuq maaliyadeed. Waxaa soo galay baaritaan lagu hayo Agaasiimiha Waaxda dib u dejinta Wasaaradda, Daahir Maxamuud Nuur kaasoo todobaadkii tagey la xiray kadib markii lagu soo eedeeyay inuu lunsaday $84,000 oo dollar. Xogta ayaa intaasi ku dareysa in Xoghayaha is-casilay si xariga looga sii daayo Daahir u gudbiyey Dukuminti laga soo saarey Wasaarada kaasoo Hanti-dhowrku ogaadey inuu been abuur yahay, talaabadaan ayaa Wasiirka cusub ee wasaaradda ka warhayn. Maxamed Cumar ayaa Daahir Maxamuud waxay yihiin qaraabo dhaw iyadoo xarigii Agaasime waaxeedkaan kadib baaritaano soo galeen xoghayahaan. Xoghayaha is casiley ayaa wararku sheegayaan in Waraaq laga dhigey garoonka diyaardaha Muqdisho isagoo aan ka bixi karin magaaladaas. Xariga Daahir ayaa dhaliyay muran, waxaana xabsiga loo dhigay Saraakiishii ciidanka ee isaga soo xirteu, iyadoo maxkamadda gobolka Banaadir ay sheegtay in wadadii loo maray xarigiisa ay ahayd mid aan sharciga waafaqsaneyn. Baaritaanada sida xowliga ku socda ee uu wado xafiiska Hanti-dhowrka qaranka ee lagu hayo Wasaaradaha iyo mas’uuliyiinta ka shaqeeya ayaa waxaa amray Madaxweyne Farmaajo. Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii la waayay dhawaan lacag badan, oo lagu qiyaasay labo Milyan oo dollar taasoo loogu tala-galay howlgalkii xasilinta caasimadda iyo mushaarka ciidamada. Waxaa la filayaa in dhawaan la isagu yeero Saraakiisha iyo Taliye-yaasha Ciidamada ee maamulayay dhaqaalahan la lunsaday, oo qeyb ka ah kiisaska musuq-maasuqa ee mudooyinkii dambe soo ifbaxay. Soomaaliya ayaa mar walba safka hore ka gashay dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, waxaana uu Ra’iisul Wasaare Khayre marar badan ku celiyay inuu la dagaalamayo musuq-maasuqa jilbaha dhulka u dhigay horumarka dhaqaale ee dalka. Xigasho: Garowe Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhacdo aad loola yaabay oo si weyn looga hadal haayo Waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa qabsatay sarkaal ka tirsan ciidamada Taraafikada wadooyinka ee dowladda federaaalka, sarkaalkaasi oo ka howlgala isgoysyada magaalada Muqdisho. Sarkaalkaan oo lagu naaneeso Oday Cabdulle ayaa xaaskiisa waxay ka dacweysay maxkamadda Al-Shabaab ee Tooro-toorow, iyadoo ka cabaneysay inuu dhigay biil la’aan, hase ahaatee AL-Shabaab ayaa tab cajiib ah u adeegsatay qabashada sarkaan xili uu howshiisa kala hagida gaadiidka ku guda jiray. Labo nin oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa ku diyaarsanaa goobta uu ka howlgalayay, waxaana marka hore laga soo wacay taleefanka, loona sheegay waxa laga rabo, iyadoo lagu amray in uu soo raaco labada nin ee goobta ku diyaarsaneyd oo ku socday Mootada nooca dheereeya ee seddax qaadka ah, wuxuuna askariga taraafikada uu si degan u aqbalay hadalka taleefanka loogu sheegay. Sarkaalka oo dharkiisa taraafikada labisan ayay ku kaxeysteen labada nin ee Al-Shabaab usoo direen, waxaana la geeyay maxkamadda deegaanka Toora-toorow ee gobolka Sh/hoose, halkaasi oo qaadigii maxkamadda la horgeeyay. Markii loo sheegay sababta lagu soo dacweeyay iyo in xaaskiisa ka cabaneyso biil la’aan ayaa waxaa uu qaadigii u sheegay in ay been sheegeyso xaaskisa, bil walbana uu biilkeeda siiyo. Nasiib wanaag waxaa marqaati fur u noqday sarkaalka dacweysan fariimaha adeega EVC ee lacagta la iskugu tuuro oo taleefankiisa laga dhex helay bil walbo inuu u diri jiray 150 dollar. Sidaasina loogu waayay eedeymaha xaaskiisa usoo gudbisay. Qaadigii Shabaab ayaa ku dhawaaqay in Oday Cabdulle oo ka tirsan ciidamada taraafikada uu wax danbi ah laheyn, isla markaana lagu celiyo goobtii uu ka howlgalayay ee laga soo qabtay, waxaana la keenay halkii laga qaaday isagoo labisan dareyska ciidamada taraafikada, iyadoo aan wax dhibaato ah la gaarsiin. Qaadiga maxkamadda ayaa ciidamadii soo qaaday Oday Cabdulle u sheegay in uu yahay aabe caruurtiisa u shaqeysta, lana taaban karin, si nabadgelyo ahna loo geeyo meeshii laga soo kaxeeyay. Arrintaan ayaa dad badan la-yaab ku noqotay, iyadoo la ogyahay in al-shabaab ay ugaarsadaan cid kasta oo dowladda ka tirsan ama raad ku leh. Inta badan dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa dacwooyin u aada maxkamaddaha Al-Shabaab, gaar ahaan tan Toora-toorow, una kala gar qaada dadka ka dacwooda iyo kuwa ay dacweeyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed oo shir khaasa la yeeshay Wasiirada Xukuumadiisa ayaa kala hadlay xiisada ka taagan dhulka Soomaalida ee sii kordhineysa dhiiga daadanaaya. Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa Wasiirada Xukuumadiisa hordhigay sida laga yeeli lahaa xiisada waxa uuna kala tashtay inay muhiim tahay in arrinta xiisada DDSI ay xukuumada u wakiilato xubin ka tirsan Wasiirada waxaana leysku raacay in loo xilsaaro Wasiirka warfaafinta dowlada Ethiopia. Intaa kadib Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa Golayaasha maamulka Soomaalida Ethiopialagu wargaliyay in wixii khuseeya arrimaha maamulka ay kala tashan doonaan Wasiirka warfaafinta dowlada Ethiopia Axmed Shidde. Golayaasha maamulka ayaa waxaa lagu wargaliyay in mudada lagu guda jiro marxalada cakiran ay howlaha xiisada iyo go’aan ka gaaristeeda kala xiriiri doonaan Wasiir Axmed Shidde oo mudadaasi kasii howlgali doona magaalada Jigjiga. Sidoo kale, Ra’isul wasaare Abiy ayaa Golayaasha u cadeeyay in Wasiirka warfaafinta dowlada Ethiopia Axmed Shidde uu taagan yahay booskiisa, isla markaana ay muhiim tahay in lagu dabafeylo. Si kastaba ha ahaatee, arrintaani ayaa muujineysa in Dowlada Ethiopia ay iska fogeyneyso faragalin iyo eedeymo kaga imaada dhanka Soomaalida Ethiopia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Crisaaq Cumar Maxamed oo mar soo noqday wasiirka Amniga xukuumadii hore ayaa si caro leh uga hadlay haddal uu Wargeyska Foreign policy siiyay Korneel ka tirsanaa ciidamada nabad ilaalinta AMISOM. Xildhibaan C/risaaq Cumar oo u waramaayay Idaacada Mustaqbal ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay haddalka kasoo yeeray Korneelka oo uu tilmaamay inay sharaf dhac ku tahay Qaranimada Somalia. Waxa uu sheegay in hadalka kasoo yeeray Korneelka uu meesha ka saarayo rajadii laga qabay ciidamada AMISOM qeybtooda ka socda dalka Ugandha. Waxa uu tilmaamay in Ugandha aysan ka fileynin inay u gafto Somalia isla markaana ku tilmaanto sida xayawaanka doofaarka oo kale. Xildhibaan Crisaaq Cumar, oo xogta ku jirta warbixinta wargeyska Foreign Policy kusheegay mid wax badan ay ka jiraan ayaa haddana muujiyey sida uu uga xun yahay in hadal sidaas u qallafsan ay AMISOM u adeegsato warbaahinta. “Wargeyska waxa uu qoray ayaa i dhibaaya waayo Somalia maaha in lagu sifeeeyo xeywaan kan ugu xun oo aan sharaf u aheyn dal” Sidoo kale, warbixintan Foreign Policy oo ciwaan looga dhigay “Soomaaliya waa dal aan ciidan lahayn” ayaa waxa ku jiray in xubno katirsan dowladda Soomaaliya ay kulug leeyihiin xasilooni la’aanta dalka. Waxa kale oo ku jiray xigashooyin kale oo ay Amanda Sperber, sheegtay in ay ka soo xigatay madax kamid ah dowladda Soomaaliya iyo dowlado farabadan oo Soomaaliya ku leh saldhigyo ciidan iyo saraakiil ammaan. Si kastaba ha ahaatee, Waregeyska Foreign policy, oo ay warbixintan ku daabacday gabar u shaqeysa oo fadhigeedu yahay Muqdisho laguna magacaabo Amanda Sperber, ayaa si qallafsan u qaatay xigasho dad badan ka yaabisay, taas oo si toos ah ugu gefeysay shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
