Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online)-Hoggaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar (Cameey), ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababta hortaagan in xal waara laga gaaro colaada ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool. Cameey, waxa uu sheegay in marka hore Puntland aysan ka sabri doonin deegaanada ka maqan ee kujira gacanta Somaliland. Camey, waxa uu sheegay in mar walba Somaliland ay ku celceliso Nabad,hase yeeshee aysan dhab ka aheyn in Nabad laga gaaro colaada iyo dhiiga ku qubanaayo deegaanka Tukaraq. Camey, waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee hortaagan xal u helida colaada Tukaraq ay tahay in Somaliland ay adduunka ku indha sarcaadiso inay dooneyso Nabad, hase yeeshee waxa uu tilmaamay in haddalka Somaliland uu yahay mid qoor qabad ku ah. Waxa uu tilmaamay in Nabadda deegaanka Tukaraq aysan aheyn mid ku imaaneysa haddal kasoo yeeray af oo aan ficil laheyn. Intaa waxa uu raaciyay in Somaliland ay ku doodeyso in dhul uu siiyey Ingiriiska,taasina ay tahay wax lala yaabo oo hortaagan xalka Tukaraq. Sidoo kale, deegaanka Tukaraq ayaa weli waxaa ka jira xiisad u dhexeysa maamulada Puntland iyo Somliland kaasi oo aan wali loo helin xal. Haddalka Camey ayaa u muuqda eedeyn ku foorarta Somaliland oo intabadan ku celcelisa Nabad iyo wada noolaanshi. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Weerarka oo dhacay 7 Bishii July ayaa waxaa burbur xoogan oo dhimaca dhismaha uu kasoo gaaray Xarunta Otto Otto oo ay degan yihiin Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka. Weerarka ayaa isku furay qeybo kamid ah dhismooyinka Wasaaradaha waxaana xusid mudan in wixii ka danbeeyay weerarkaasi aan dhismo lagu sameyn xarunta. Dhismaha xarunta ayaa waxaa wali ka muuqda Burbur kasoo gaaray Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaden, iyadoo dowlada Somalia ay ka caajistay dib u dhiska xarunta. U shaqo taga Xarunta ayaa waxaa ugu danbeysay saacado ka hor inta aanu weerarka dhicin, iyadoo wixii ka danbeeyay weerarka ay xaruntu aheyd mid haawineysa. Weerarka ayaa waxaa laga jooga In ka badan 30 Cisho, waxaana ilaa iyo hadda dadweynaha ay isweydiinayaan sababta dayactir loogu bilaabi la’yahay Maadaama ay muhiim u yihiin shaqadda Qaranka. Xarunta Ote Ote ee Wasaaradahan ay degan yihiin, sidoo kale waxaa ku yaalay talis ay leeyihiin ciidanka Booliska, kaasi oo loo adeegsan jiray Isgaarsiinta. Xarunta ayaa halboole u ah shaqooyinka Xukuumada iyadoo labada Wasaarad ee ugu shaqada badan ay saldhig u tahay, marka laga soo tago xafiisyada ay ku leeyihiin Booliska. Sidoo kale, waxaa xarunta dhex yaalla gaadiid bur bursan oo ku dhex bur buray qaraxii lagu weeraray, iyadoo mid ka mid ah albaabada Wasaaraddahana uu bur bursan yahay, maadaama qaraxa gaariga uu halkaasi gaaray. Si kastaba ha ahaatee, waxaan ilaa iyo hadda cadeyn sababta madaxda Wasaaradahan ay isugu mashquulin waayeen dhismaha xarumahan, maadaama labada Wasaaradood ee amniga iyo arrimaha gudaha ay yihiin kuwa aanan laga maarmin, marka loo eego shaqooyinka ay bulshada u hayaan. Ujeedka weerarada Al-Shabaab ayaa ah mid lagu doonaayo in marba lagu xiro xarun dowladeed inta laga gaarayo xarun la’aan wajahda dowlada, waxa ayna arrintaani muujineysaa inuu hirgalay qorshaha Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. It has been a trying few weeks for Ismaïl Omar Guelleh, president of Djibouti, at a time when most other residents of the Horn of Africa are celebrating emerging peace and, with it, the glimmer of prosperity. Source: Hiiraan Online
  4. Tribal clashes in southern Ethiopia has left Kenya’s border town of Moyale in a blackout for the last six months. Source: Hiiraan Online
  5. Witnesses in Djibouti say six people of Ethiopian origin have been killed in alleged revenge attacks over the past three days. Source: Hiiraan Online
  6. Tension is still running high in Ethiopia’s Somali region after federal and regional forces engaged in clashes last week that killed at least 29 people, leading to the resignation of the regional president. Source: Hiiraan Online
  7. "It would have been an easier option to stay in Nairobi, practise law and earn some good money, drive a cool Mercedes-Benz. But I just wanted to come back home." Source: Hiiraan Online
  8. The Turkish lira crash is quickly turning into a debt and liquidity crisis with no end in sight. Instead of acting, the Turkish leadership has warned of an "economic war. Source: Hiiraan Online
  9. xTwo brothers-in-law have appeared in court charged with terror offences. Source: Hiiraan Online
  10. Michael Scott Moore is an author and journalist whose latest book is The Desert and the Sea: 977 Days Captive on the Somali Pirate Coast. Source: Hiiraan Online
  11. Somalia has launched an ambitious plan seeking to build trust and promote partnerships between Somali police and local communities, officials said on Friday. Source: Hiiraan Online
  12. The administrator of an east-end mosque whose charitable status was yanked following a Canadian Revenue Agency audit says the organization is appealing the decision. Source: Hiiraan Online
  13. For years, Canadian pressure on human rights in Saudi Arabia had elicited no more than a standard rejection. But all that changed last week, when a Canadian complaint was translated into Arabic and set off a diplomatic row. Source: Hiiraan Online
  14. Berlin (Caasimada Online) – Wargeyska caanka ee Die Welt ee ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa qoray inay DFS diiday in Baasaboorka Somalia la siiyo 5 Soomaali ah oo dhamaystay Xabsi ay muteysteen fal Burcad-baddeednimo. Baaritaan cusub ayaa lagu sheegay in 5 ka mid ah 10 Soomaali oo lagu helay inay qafaasheen Markab laga leeyahay dalka Jarmalka dhamaysteen Xabsigooda, isla markaana ay Jarmalka ka codsadeen Magangelyo Qaxootinimo. Wararku waxay sheegayaan in 5taas nin haatan ku nool yihiin Jarmalka, iyadoo la hakiyey qorshe loogu soo masaafurin lahaa dalkooda hooyo ee Somalia. Wargeyska Die Welt waxa uu xusay inay Dowladda Jarmalka la soo xiriireen DFS si raggaasi loogu sameeyo Baasabooro ay dib ugu soo laaban karaan Somalia, balse, DFS wey ku gacan-sayrtay arrintaasi, inkastoo aan la faahfaahin waxa sababay in rag Soomaali ah loo diido in la siiyo Baasaboorkooda Soomaaliga ah si ay ugu soo safraan. Hay’addaha Garsoorka iyo Socdaalka ee dalka Jarmalka waxay amreen inay raggaasi sii joogi karaan Jarmalka, iyadoo ay raggaasi codsadeen in la siiyo Magangelyo Qaxootinimo. Tobanka Burcad-baddeed waxaa sannadkii 2012-kii lagu helay inay qafaasheen Markab nooca Kontaynarada xambaara ee MV TALPAN sannadkii 2010-kii. Eedeysanayaasha waxaa lagu kala xukumay Xabsiyo kala duwan, waxayna Dowladda Jarmalka dacwadaasi ku kharaj garaysay in ka badan Hal million oo EURO, sida uu qoray Wargeyska Die Welt . Dhinaca kale, sida laga soo xigatay Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Maamul gobaleedka magaalladda Hamburg ee dalka Jarmalka waxa uu tilmaamay in 5ta kale ee Burcad-baddeedii Soomaalida uu mid ka mid ah u socdaalay dalka Sweden, halka 4 kalena ku laabteen Somalia. Si kastaba ha ahaatee, Wargeyska Die Welt waxa uu qoray in 5ta ku harsan Jarmalka loo diiday Codsigooda Magangelyo-doonka, balse aysan wajihi doonin Masaafurin, maadaama aysan Baasaboor lahgayn, isla markaana ay DFS diiday inay Baasabooro siiyaan raggaasi, iyadoo aysan jirin Duullimaad Toos oo Jarmalka ka soo baxa, oo taga Somalia. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da ayaa sheegtay inay 150 maleeshiyo ka tirsan Kooxda Daacish ku sugan yihiin gudaha Somalia. Warbixinta CIA-da waxaa lagu xusay in tirada ugu badan Kooxda Daacish ku sugan yihiin Buuraha Galgala ee duleedka magaalladda Bosaaso ee Gobalka Bari ee Puntland. Tiro-koobkaasi ayaa waxa uu ka hooseeyaa tiro ay horey Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM ku sheegeen in ay 220 Dagaalamayaal Daacish ku sugan yihiin gudaha Somalia, gaar ahaan Goballadda Puntland. Amiirka Kooxda Daacish ee Puntland, Sheekh C/qaadir Muumin waxa uu bishii October ee sannadkii 2015-kii ku dhawaaqay aasaaska faraca Kooxda Daacish ee Somalia kadib markii uu ka soo goostay Alshabaab. Hoggaamiyaha Daacish-ta Somalia oo horay u heystay dhalashada Ingiriiska balse lagala laabtay ayaa 2016 waxa ay dowlada Mareykanka xayiraad dhanka dhaqaalaha ah kusoo rogtay C/qaadir Muumin oo ah Hoggaamiyaha Kooxda ee Somalia. Dhowrkii asbuuc ee ugu danbeysay ayey Kooxdaani magaalada Muqdisho ka geysteen dilal, halka Qaraxyo dhowr ahna ay ka fuliyeen Gobolka Bari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa qalinka ku duugay heshiis dhigaaya in dalkiisa xarun looga dhigo dhuun shidaal oo la doonaayo in laga soo talaalo Dekadda Casab ee dalka Eritrea. Heshiiska oo ka dhacay magaaladda Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa waxaa lagu kala saxiixday in dhuunta shidaalka laga soo talaalo Dekadda Casab xarun looga dhigo Ethiopia. Heshiiskan ayaa waxaa dhanka Imaaraadka carabta u saxiixay Wasiiru-dowlaha iskaashiga Caalamiga Imaaraadka Reem Al Hashimy oo sheegtay inay muhiim tahay in xili hore la dhaqan galiyo Heshiiska. Madaxa shaqaalaha Xafiiska Ra’isul wasaare Abiy Axmed Mr Fitsum Arega oo Heshiiska kadib u waramay Wakaalada wararka Reuters ayaa sheegay in heshiiska labada dal ay kala saxiixeen Ra’isul wasaare Abiy Axmed iyo Reem Al Hashimy oo Wasiiru dowle. Mr Fitsum Arega, waxa uu tilmaamay in wada xaajoodka labada dal uu yahay mid ku xeernaa dhinacyada Maalgashiga beeraha, Dhismooyinka, Shidaalka, Warshadaha, Dhuumanka shidaalka iyo Goobaha loo dalxiistago. Waxa uu sidoo kale, Mr Fitsum Arega sheegay in heshiiska uu qeyb ka ahaa in wakhti hore lagu dhaqaaqo Heshiiska iyo howlgalinta dhuunta shidaal. Dowlada Imaaraadka carabta ayaa Saldhig Militery ku leh Dekadda Casab oo noqon doonta halka laga soo talaali doono shidaalka. Qorshaha Imaaraadka ayaa ah in ganacsiga dhanka shidaalka ay soo mariso dalka Eritrea halka ay markii hore kasoo marin jirtay Dekadda Jabuuti. Heshiiska Imaaraadka iyo Ethiopia ee lagu talaalayo dhuunta shidaal ayaa caqabad ku noqon doonta dowlada Jabuuti oo xiriir aad u xun uu iminka kala dhexeeyo Eriterea iyo Imaaraadka. Si kastaba ha ahaatee Dowladaha Imaaraadka carabta iyo Ethiopia ayaa ku heshiiyay in si dhaqsi ah lagu howlgaliyo Heshiisyada muhiimka ah ee lagu dardar galinaayo ganacsiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Ina Cabdisamadoow, waxaan aqriyay qoraal aad ku soo bandhigtay Caasimada Online oo aad kaga hadlaysay waxa dhici kara hadii ay ciidanka Itoobiya xoog wax ku raadiyaan iyo hadii ay xal siyaasadeed wax ku raadiyaa. Waxaan si qoto dheer u aqriyay qoraalka dheer ee aad soo ku daabacday beejkaasi aan sare ku soo sheegnay, balse waxaan aad ula yaabay sida indha la’aanta ah ee aad ugu hadleyso qabiilka loo yaqaano Ogaadeen, gaar ahaan marka aad is barbardhiga ku sameyneysa laba xaaladood waxaa aad uga muuqda in aan buunbuunineysa Ogaadeen. Anigu waxaan leeyahay: 1. Warkaaga waa kicin Soomaalida iyo Oromada iyo abaabul dagaal; 2. Buunbuunin Ogaadeen iyo Cabdi Ileey; 3. Beer laxawsi Soomaalida inteeda kale oo ‘waawareey Oramadii ayaa soo socota’; 4. Ogaadeen oo khatar dareemaya in tala gacantooda ka baxaysa, gaar ahaan kala dirida iyo hub ka dhigidiisa ciidanka sida wuxuushnimada u laayay Soomaali Galbeed iyo Soomaali inteeda kale. Hadaba anigu waxaan ka leeyahay arintaa: 1. Ma dhici doonto in mar damba tala gacantiisa dib u xukumo ugu soo noqoto arxanlaawihii gumaadaka iyo silica dilka u geysan jiray Soomaalida Itoobiya; 2. Ma dhici doonto in madax Soomaali dambe oo Tigree ka amar qaata uu dib ugu talin Soomaalida Itoobiya; 3. Ma dhici doonto in baa’ba iyo xasuuqa aad ka sheekeynaysa in ay dhici doonaan hadii aanan la sameyn qodobadii aad ku andacootay in la sameeyo hadii nabad laga doonaya Soomaalida Itoobiya; 4. Ma dhici doono dagaal daba dheeraada oo dhex mara Soomaalida iyo Oramada, xasaradda taagana waxa ay noqon doonaan kuwa soo afgarma; 5. Ma dhici doonto in gabhada ONLF ay talada dalka Itoobiya ay qeyb ka noqdaan iyagoo gabhad ah marka laga reebo in kuwa Soomaalida iyo Itoobiyaanka la jaangaadi kara oo aanan ahayn kuwa ay madax martay Ogaadinimada. Ugu dambeyn waxaad tiri hadii ay ogaadeen heli waayaan intaasi waa in ay Soomaalidu u diyaar garoowdaa Colaad iyo Dagaal. Anigu waxaan ku leeyahay: 1. Dhamaan Soomaalidu ma wada saameyn doonta colaada iyo xasuusqa iyo halaaga dhici doona ee aad adigu abuureeso ee waxa uu sameyn doonaa kuwa is hor istaaga ku sameeya Xukunka Dowladda Itoobiya gaar ahaan wuxuushta Liyuu Police ee aad ku sheeg 30,000-60,000 kun, jabhada Ogaadeenka iyo Arxan laawada Ina Ileey oo gumaadka iyo silac dilka u geystay Soomaalida Itoobiya. 2. Oramadu iyo Soomaalidu waa ay heshiin doonaan si ku dheehan waalnimo iyo oodwadaag. 3. Dowlada Itoobiya waxay gacan bir ah ku dhigi doontaa qaswadayaasha aan hora ku soo sheegay iyo daba dhilifka abuuraya isku dhacyada qowmiyada oo qoraalada guracan ku soo badhigaya baraha bulasha. 4. Waxaa xukunka la wareegi doona kuwa naxariis u leh una siman yihiin shacbi weynaha ku nool deegaanada Soomaalida ee Itoobiya. Xunkana waxa uu noqon doonaa mid matalaad buuxda leh dhaamaan umadda ku nool deegaanka. Ugu dambeyn, waxa ay ila tahay in ay Soomalidu meel ay joogtaba fahan buuxda ka qaadato owr kacsiga Ogaadeenka Itoobiya iyo ujeedoonka guracan kuwii ka haray maamulkii Tigreega aadna uga feyjugnaadaan huuhaada ay baraja bulshada ku soo qoraan. W/Q: Maxamed Abshir Nur Khabiir Arimaha Gobalka Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  18. Jabuuti (Caasimada Online) – Maxkamadda caalamiga ah ee dhex-dhexaadinta ee magaalada London ee London Court of International Arbitration (LCIA) ayaa go’aamisay in heshiiskii ay DP World kula wareegtay maamulka dekedda Doraleh ee Jabuuti, oo markii dambe dowladda Jabuuti ay ka baxday uu yahay mid “sharci ah, oo weli taagan” Haddaba hoos ka aqriso sooyaalka Jabuuti iyo shirkadda DP World. Sanadii 2006, labada dhinac ayaa kala saxiixday heshiis dhigaya in dowladda Jabuuti ay yeelato 67% saamiga dekedda Doraleh, halka DP World ay qaadatay 33% DP World ayaa dekedda Doraleh ka dhistay terminal ama qeyb loogu magac-daray Doraleh Container Terminal (DCT), oo badeecadaha la isga gudbiyo, kaasi oo loo arko midka ugu casrisan ee dekedda. Terminal-ka ayaa sidoo kale ka ah kan abuura shaqada ugu badan dalka Jabuuti, ayada oo kumanaan qof ay si toos ama aan toos ahayn ay uga shaqeeyaan. 2009, waxaa la furay terminal-ka Doraleh, ayada oo ay goob jog ka ahaayeen madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Sultan Ahmed bin Sulayem, oo ah madaxa DP World iyo Sheikh Ahmed Bin Mohammed bin Rashid Al Maktoum, oo ah ku xigeenka maamulaha Dubai. 2009, DP World iyo Jabuuti ayaa si wadajir ah u aas-aasay mashruuca howlgalka Doraleh, si sare loogu qaado dhaqaalaha, loona taageero ganacsiga iyo shaqo abuurka. Kadib furitaanka guddoomiyaha DP World ayaa billaabay dhismaha hotelka Kempinksi Djibouti Palace Hotel, oo qeyb ka ah mashruuca hoteelada ee Nakheel Hotels. Sidoo kale madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Sheikh Ahmed Bin Mohammed Bin Rashid Al Maktoum, ayaa furay wadda 16 KM ah oo caasimadda Jabuuti ku xireysa Terminal-ka Doraleh, waxaana lagu dhisay lacag 21 milyan oo dollar ah, oo uu bixiyey Sheikh Mohammed, ayada oo waddadana isaga loogu magac daray. Jabuuti ayaa bishii March 2018 sheegtay inay diyaar u tahay inay iibsato saamiga ah 33% ee DP World ay ku lahayd Doraleh, si loo soo geba gebeeyo muranka kala dhaxeeya mid ka mid ah shirkadaha ugu weyn dunida ee maamula dekadaha. Sidoo kale, 17-kii July, shirkadda laga leeyahay dalka Jabuuti ee maamusha Dekadda Doraleh ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin inay magdhow ka bixiyaan heshiiskii ay ka baxeen ee u dhexeeyay iyaga iyo Shirkadda Dubai Ports World ee laga leeyahay Imaaraadka. Labadii August, Maxkamadda caalamiga ah ee dhex-dhexaadinta ee magaalada London ee London Court of International Arbitration (LCIA) ayaa go’aamisay in heshiiskii ay DP World kula wareegtay maamulka dekedda Doraleh ee Jabuuti, oo markii dambe dowladda Jabuuti ay ka baxday uu yahay mid “sharci ah, oo weli taagan” Saddexdii August, Dowladda Jabuuti ayaa ku gacansayrtay go’aan ay soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dhexdhexaadinta ee fadhigeedu yahay magaalada London ee ka dhanka ahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inaanu u dulqaadan doonin Mas’uuliyiin iyo Saraakiil kasoo goosta Deegaanka Soomaalida Ethiopia oo soo gala deegankooda. Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arrimaha dibadda Somaliland Liiban Yuusuf Cusmaan oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay inay jiraan Mas’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan maamulka Soomaalida oo doonaaya inay usoo cararaan Somaliland hase yeeshee aysan aqbali doonin. Waxa uu sheegay in Somaliland aysan xiligaani diyaar u aheyn inay marti galiso danbiilayaal doonaya inay kusoo dhuuntaan deegankooda xili uu wanaagsan yahay xiriirka kala dhexeeya Ethiopia. Nuqul kamid ah haddalka Wasiir ku-xigeenka ayaa ahaa “Somaliland uma dulqaadan doonto danbiilayaal kasoo carara Ethiopia oo soo gala deegaanadeena, haddii ay dhacdo in lagu dhex arko gudaha Somaliland iyaga ayaa qaadi doona mas’uuliyada ka imaada xadgudubka ay sameeyen” Waxa uu tilmaamay in mas’uulkii ama Sarkaalkii ka tirsan maamulka Soomaalida Ethiopia usoo carara Somaliland ay ku wareejin doonaan dowladiisa waxa uuna intaa raaciyay in marnaba aysan Somaliland gabaad u noqon doonin danbiilayaal baxsad ah. “Sharci ayaa qaban doona mas’uulkii ama Sarkaalkii nagu soo carara waxaanu u gacan galin doonaa dowladiisa waayo diyaar uma nihin inaan ku cayaarno xiriirka”. Sidoo kale, Liiban Yuusuf Cusmaan ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin xaaladaha cakiran ee xiligaani ka jira dhulka Soomaalida Ethiopia waxa uuna tilmaamay inay ku baaqayaan xasilooni iyo nabad lagu wada noolaado. Haddalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaaya xili maalmo un ka hor Wasaarada amniga maamulka ay sheegtay inay gacanta ku dhigeen Gaadiid lagala soo baxsaday dhulka Soomaalida oo la doonaayay in lasoo galsho Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  20. Magaalada Jigjiga waxaa gelinkii dambe ee Arbacadii soo gaaray koox dhakhaatiir ah oo ka kooban ilaa iyo dhowr iyo toban dhakhtar, kuwaasoo qaba takhasusyo kala duwan. Waxaa socdaalka ku wehliyey tiro intaas oo kale ah oo kalkaaliyeyaal ah, waxaana marka la isku daro lagu qiyaasay ilaa soddomeeyo inay gaarayaan. Waxay ka kala socdeen seddex isbitaal oo ku yaalla Addis Ababa oo kala ah Duqur Ambasa Hospital, Police Hospital iyo Yakatit Hospital. Kooxdaas caafimaadka oo uu hogaaminayey Dr Berhanu Negaye waxay Khamiistii ilaa iyo maanta oo Jimce ah ku sameeyeen ilaa 29 qalliin oo kala duwan isbitaalka Meles Zenawi Referral Hospital ee magaalada Jigjiga, halka ay qiyaastii ku dhawaad ilaa boqol qof oo kale oo dhaawacyo iyo xanuunno qabana daweeyeen. Waxaa kaloo dhakhaatiirta ka mid ah qaar ku xeeldheer cilmi nafsiga, oo dadka ka daweeya xanuunnada ka dhasha welwelka iyo isla hadalka. Waxay dadka ku dhiirri galiyeen inay isbitaalka yimaadaan oo ay ka faa’iidaystaan daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah. Hase yeeshee Dr Negaye oo ka mid ah dhakhaatiirta xagga qalliinka safka hore kaga jira dalka Itoobiya wuxuu ka dardaar weriyey dawada oo isbitaalka gabaabsi ku ah, iyo shaqaalihii ka shaqayn jiray oo aan soo wada laaban. Xaaladda magaalada Jigjiga ayaa yara dhaanta sidii ay ahayd maalmo ka hor, markaasoo rabshado iyo gacan ka hadal halkaa ka dhacay ay galaafteen nolosha in ka badan 10 qof, hantina ay ku burburtay, halka tiro aad u badan oo dad ahna ay ku dhaawacmeen. Rabshadaha ayaa ku faafay deegaanno kale walow ay markii dambe degeen, waxayna horseedeen inuu xukunka ka dego madaxweynihii DDSI, Cabdi Maxamuud Cumar. Isbitaalka Meles Zenawi Referral Hospital aya ah kan ugu weyn bariga Itoobiya, wuxuuna qayb ka yahay jaamacadda Jigjiga. Isha: BBC
  21. Nairobi (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan Guddiga Doorashadda Somalia ayaa waxa uu tababar soconaaya muddo 4 maalmood ah uga furmay Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Tababarkaasi waxaa la sheegay inay soo qabanqaabiyeen Ururka Midowga Afrika “AU” iyo Hawlgalka AMISOM waxaa la sheegay inay Saraakiishaasi ku baran doonaan dhoorista Dastuurka, qaabka Sharci ee Doorashadda Somalia iyo Maareynta Doorashooyinka. Ergayga Khaaska ee Midowga Affrika ee Arrimaha Somalia, Ambassador Francisco Madeira oo ka hadlay Furitaanka Tababarkaasi waxa uu sheegay inay inta badan ka qeybgalayaasha Tababarkaasi fikrad howsha ah ka haystaan Hawlaha Doorashadda. Waxa uu sheegay inay ka wada xaajoonayaan meelmarka Doorashadda Hal Cod iyo Hal Qof oo Somalia ka dhici doonta sannadka 2020/2021 Xeeldheerayaasha waxay sheegeen in Tallaabadda muhiimka tahay sidii loo abuuri lahaa Nidaam Deggan oo Siyaasadda Dimuqraadiga, Diiwaan-gelinta Xisbiyadda Siyaasadda. Iyadoo ay DFS diyaarisay Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda Somalia, oo ay Xildhibaanadda BFS ansixiyeen sannadkii 2016-kii. Dhinaca kale, Xubnahaani ayaa wakhti hore loo sii diyaarinayaa inay dulqaad iyo ad adeeg u yeeshan waxyaabaha ka dhan kara Doorashada. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  22. The mining sector of Somalia is still in its infancy stage with activity being predominantly artisanal in nature. However, Somalia has significant potential, and large proportions of its landmass have yet to be explored. Although mining activities in Somalia are minimal, the known mineral targets constitute less than 20%. The country has never had an overall geological and mineralogical survey. Past reconnaissance and exploration efforts were erratic; something here and something there and unfortunately that meagre data (though old) generated was lost during the civil war. The known mineral targets can be classified in these five main categories: Mining for precious and semi-precious minerals: Only artisanal miners are involved in this activity in their search for gold, diamond, platinum and gemstones such as emerald, ruby, sapphire, tourmaline and meteorites. Industrial mineral targets include phosphates, kaolin, bentonite, potash, lithium brines, sepiolite, talc, iguana, pegmatites and quartz. Target ores: Iron (Fe), Copper (Cu), Zinc (Zn), rutile for Titanium, tin (Sb), gold (Au) and silver (Ag) Target energy minerals: These include uranium, lignite, coal, and hydrocarbons – oil and gas Mining for building materials and ornamental stones: Granite, limestone, marble, kaolin and lime production Mineral potential of Somalia: Federal Member State Mineral potential Puntland 1. Majiyahan deposit of tantalum (tin), Nb, gold (Au) and silver (Ag). 2. Dhurbo coal deposits (Two sites). 3. Qandala lead and silver deposit with zinc, iron and copper. 4. The salts of Hafun and gemstones Galmudug 1. The sepiolite, bentonite, kaolinite and potash of El Bur 2. The salts, including potash and lithium brines of Hinlabi, Seego, Warshuba and Ba’ad Weyn. There are other potential sites near Af Barwaaqo. 3. Calcrete uranium deposits of Mirig, Wabo, Adado and Galinsor 4. Brown coal (Lignite) and black coal deposit are reported at NW Hobyo 5. Pt, Cu and Au are reported by the Russian researchers Hirshabelle 1. The gypsum of Jiqley 2. The cement-making material (limestone, clay and gypsum) of Jiqley 3. Pt, Cu and Au is reported by Russians on East Bula Burte 4. Silica sands, kaolinite and REE in the coastal sand dunes South West 1. Primary uranium at Alio Ghelle 2. The apatites (phosphorites) of Modu Mode 3. The iron ore of Bur Qalin and Daimir, near Dinsor; in addition to Mn deposit associated with the Fe ore. 4. Granite, marble at Lego near Balli Dogle and gem-stones in the Dooy 5. Rare Earth Elements (REE) and silica sand in the coastal sand dunes near Marka and between Marka and Mogadishu, along the coast. 6. Coal (black coal) resource at Hawaay, west of Barawe 7. Ag and Au east of Bardhere; and Cu and Phosphorites SW of Dinsor. 8. Kaolinite and silica sand deposits is found in the red/white sands, near Marka 9. Limestone, clay and gypsum for cement at Markabley and Bur Anole, south of Bardhere 10. The bauxites of Goof Gaduud, Manaas and Moode Moode 11. Pegmatites for quartz and lithium production Jubbaland 1. Fe ore near El Wak (The Russian report) 2. The black sand deposits of Kismayo: magnetite, ilmenite, rutile, zircon and monazite 3. Placer gold traces in sand/pebbles on river Juba banks between Bardhere and Luuq 4. Limestone, clay and gypsum for cement at Markabley and Bur Anole, south of Bardhere Somaliland (?) Somaliland has unilaterally declared its independence from Somalia. However, the Federal Government of Somalia wants Somaliland to reunite with the rest of Somalia as a Federal Member State. 1. Piezo-quartz and feldspar pegmatite’s and Muscovites in Lafarug and Da’ar Buruk. There is potential for Lithium mining. 2. Gold and Pt in Arabsiya, Gabiley, Baki and Borame. 3. Base metal : Cu and Zn; auriferous (gold) or molybdenum hydrothermal occurrences (Borislav K Kamenov) 4. Cassiterite (tin)-bearing quartz veins in the Inda Ad Series of Sanag in Dalan 5. Molybdenum, Columbite and beryllium –bearing quartz veins and pegmatites (quartz and lithium) in the western part of the Golis Range. 6. Coal and lignite: Coal deposits with ages from Jurassic to Oligocene –Mionce occur in Hed-Hed , north of Las Dureh, Southeast of Berbera 7. Gypsum-anhydrite deposit near Berbara 8. Beryl group gemstones, opal, tourmaline, amethyst, quartz, ruby and sapphires. 9. Iguana as fertilisers at the islands of Hiis and Maydh. Benadir (?) The Status of Benadir (the Capital city region) within the Federal System is not yet finalised. 1. Aggregate production for construction (buildings and infrastructure) 2. Lime production for construction purposes 3. Seafront salt mining 4. Coastal sand dunes: REE, silica sands and kaolinite The status of the legal and the regulatory regime of Somalia: 1 Mining Policy The Mining Policy is drafted but has to be shared with relevant authorities for feedback and approval. The mining policy covers broad principals for mineral sector development. 2 Ownership, management and revenue sharing The Federal Government of Somalia (FGS) and the Federal Member States (FMS) has agreed on ownership and the management of the mineral resources and on how to share the revenues generated from the mineral resources in Baydhaba in 2018. 3 A new Mining Code 2018/19 The Mining Code will be modern and specifically tailored to the Somalia ‘s needs. Work on the Mining Code is at the beginning stage. 4 Mining Regulations 2018 The mining regulations are inclusive into this Mining Code project. The Regulation is the very specific details on key aspects of mineral sector operation 5 Model mining exploration and development Agreement (MEDA) in the form of production sharing The model agreement that will be presented to every mining company interested to mine in Somalia and the model will be the basis of negotiations during the process of agreements. 6 Mining Strategy What the Federal Government of Somalia seeks to achieve by developing the minerals sector and how. The strategy is not yet written. FGS/FMS Institutional framework In describing the institutional framework that will facilitate mineral activities, it is useful to break down the levels of government/state institutions. While not essential, it is also useful to include some legislative confirmation of these formal government institutions in minerals-specific legislation. Examples are included in this table. Level of Formal Government Institutions Illustrative roles and responsibilities Federal Government of Somalia (FGS) 1. Somali Mining Authority – the Regulator/Inspectorate 2. Somali Geological Survey 3. Somali Mining Corporation (Commercial wing of the State) Leadership on overall governance and policy, fiscal regime and broad legislative regime; in some jurisdictions, overall land, licensing, inspection; includes the “line ministry” Institutions: Ministry of Petroleum and Mineral Resources, Somali Mining Authority, Ministry of Finance, Directorate of Environment (under the Prime Minister’s Office), Interior Ministry and Ministry of Labour. 1. Cadastre: Licensing, registration, maintenance of mineral rights; maintenance of cadastral maps, issue reporting requirements through which to monitor operations 2. Exploration and survey mapping of mineral resources, retrieval and maintenance of geoscience data 3. This is a state commercial company that carries the interest of the state, and enters into joint ventures with international mining companies. Federal Member State (FMS) 1. Petroleum and Mining Agency 2. Ministry of Petroleum and Minerals (FMS Level Ministry) Licensing, inspections, technical requirements, facilitation of good investments, information, land acquisition Region and district Community and employment issues, environmental monitoring, land reconciliation, benefits sharing Other parallel activities with respect to mining – Geological and mineral surveys: Acquisition of new data through remote sensing: Somalia will try to get funding for remote sensing, most specifically hyperspectral remote sensing and georesonance technology that identifies subsurface technology by their characteristic spectral signatures. Vast areas can be surveyed within weeks. As a consequence of that effort, the Ministry of Petroleum will be able to gather data on its vast mineral resources. Abdulkadir Abiikar Hussein Technical Director The Ministry of Petroleum and Mineral Resources Federal Government of Somalia, and Dean, Faculty of Geoscience and Environment Benadir University, Mogadishu, Somalia
  23. In Somalia’s capital Mogadishu, plagued with emergencies, the fire department consists of volunteers who respond to crisis call with a heart of compassion. Source: Hiiraan Online
  24. An Edmonton initiative that has empowered hundreds of immigrant women to exercise their rights is expanding. Source: Hiiraan Online
  25. Addis Ababa (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka Soomaalida Ethiopia, ayaa sheegaya in ciidamada Liyuu Boolis ee maamulka ay weerar ku qaaden Maareeyaha maamulka ee degmada Tog-wajaale qaybta Ethiopia ahna ku xigeenka duqa magaalada, Axmed-Khadar Cabdi Cali. Axmed-Khadar Cabdi Cali, ayaa sheegay inay dhaawaceen ciidamada Liyuu Boolis, xili uu ku guda jiray howlihiisa shaqo, sida uu haddalka u dhigay. Axmed-Khadar Cabdi Cali, waxa uu sheegay in weerarka lagu dhaawacay uu yimid kadib markii uu ciidamada Liyuu Boolis ka hor istaagay qaadashada gaari nooca dab damiska oo lagu caawinaayay dadka degmada. Waxa uu sheegay in dhaawaca loo geystay uu yahay mid kasoo gaaray madaxa isla markaan ay xabadu dhexmartay hilibka madaxa. Axmed-Khadar Cabdi Cali, wuxuu intaa ku daray in ay isla wakhtigaas u gurmanayeen qaylo dhaan uga timid xero ciidan oo loo sheegay in dhallinyaro ay rabshado ka wadeen, hase yeeshee uu dadaalkiisa ku muteystay dhaawaca loo geystay. “Ciidamada Liyuu Booliska waxa ay dhaawac kadib xoog iiga qaaten dabdamiskii iyo alaab kaleba oo uu maamulka lahaa, dadkii ila joogay waxa ay qaarkood u geysteen dhaawacyo fudud” Arrintaani ayaa imaaneysa xili deegaanada maamulka Soomaalida Ethiopia ay yihiin kuwo ay ka jirto xiisado colaadeed oo u dhexeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, halka ciidamada Liyuu Boolis ay boob ku hayaan qeybo kamid ah hantida maamulka. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com