Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,144
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhowaan magaada Kampala ee wadanka Uganda waxaa ka furmi doona tartan kubadda cagta ah oo u dhaxeeya caasimadaha 18-ka gobal ee Somalia. Tartankaan waxaa soo agaasimay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Uganda, waxaana ciyaari doona caasimadaha 18kii gobal ee Somalia. Xildhibaan Mustaf Shiikh Cali Dhuxuloow oo ah mudane ka tirsan Baarlamanka Somalia ayaa qalab sports iyo lacago ugu deeqay dhalinyarada ku ciyaareysa magaca Muqdisho iyo midka Dhuusamareeb ee ka qeyb galaya koobka. Dhalinyaradan ayaa markii hore codsi u diray xildhibaanka, waxaana xildhibaan Mustaf oo ka jawaabaya codsiga dhalinta uu wariye Cabdulaahi Cismaan Faarax oo howlo shaqo u jooga magaalada Kampala u wakiishay inuu labbada koox gaarsiiyo qalabka iyo lacagta. Munaasabad shalay ka dhacday Kampala ayey labbada koox ku gudoomeen dhiiri-galinta xildhibaan Mustaf Dhuxuloow. Dhallinyarada ku ciyaareysa magaca Muqdisho iyo magaca Dhuusamareeb ayaa xildhibaanka uga mahad celiyay dhiiri galintiisa wanaagsan ee uu mar walba la garab taagan yahay qeybaha kala duwan ee bulshada. Tartanka ayaa furmi doona 14ka bisha July. Caasimada Onine Muqdisho-Office caasimada@live.com
  2. Kadib dhacdadii 11 September 2001 waxaa dunida Islaamka ku socday dagaal siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid milatery oo ay iska kaashadeen quwadaha reer galbeedka iyo reer bariga. Waxaana bilawday waxa loo yaqaan “Islamophopia” ama dagaalka Islaamka iyo Argagaxisada, waxa ay arintu kasii dartay markii la fashiliyay mashruucii kacdoonka Carabta 2011, khilaaf iyo dagaalna la dhex-dhigay Carabta iyo Iran, Pakistan oo aheed dawlad Nuckear na lagu abuuray mashaakil gudaheeda ah oo daciifiyay. Kadib doorashadii Trump 2016 xaalada dunida Islaamku waxa ay gaartay meel khatar iyo rajo beel ah kadib markii uu ku dhawaaqay qorshe dagaal cad oo ka dhan ah dunida Islaamka oo lagu qaadanayo Qudus, laguna burburinayo Turkey, laguna go’doominayo Iran, laguna boobayo hantida Khaliijka, laguna baabi’inayo Muqaawamada Israel (Xamas & Xizbulah) laguna eryayo Muslimiinta ku nool Galbeedka, cadaawadna lagu dhex-dhigayo dawladaha Islaamka hub-badana looga iibinayo kadibna la isugu dhiibayo. Bilawgii sanadkaan 2018 markii xaaladu gaartay meel adag oo quus ah ayaa Iftiin iyo Rajo kasoo muuqatay dhawr gobal oo Muslimiintu ku farxeen, Cadawgooduna ku jabay, kuna guul-daraystay dagaalkii iyo hantidii uu ku bixiyey ka hortaga guulahaas sida; 1-Doorashadii Ciraaq ee u ku guulaystay aqlabiyada Barlamaanka wadaadka mayalka adag ee Muqtada Sadri. 2-Doorashadii Lebanon ee uu aqlabiyada Barlamaanka ku guulaystay Xizbullah. 3-Malaysiya oo uu dib ugu soo laabtay sanadkaan Dr. Mahathir Mohamed. 4-Turkey oo uu dib ugu soo laabtay M. Ordogan iyo Xizbigiisa AK Party. Afartaan Xizbi in aysan doorashooyinka ku guulaysan dagaal qor-shaysan iyo hanti fara badan ayey ku bixiyeen dawladaha waawayn ee reer Galbeedka, Israel iyo qaar ka mid ah Carabta lkn kuma guulaysan gaar ahaan doorashadii Turkey. Hadaba Guusha 4 taan Xizbi ee sanadkan waxa ay dunida Islaamka ugu dhigantahay in ay weli noolyihiin, muqaawamadii Israel-na ay nooshahay, rajadii awooda Islaamkana weli nooshahay, dhulkooda iyo muqadasaad-koodana aan la qaada karin. Guusha M.Ordogan waxa ay dunida Islaamka uga dhigantahay Salaaxudiin Ayuubi oo mar kale soo laabtay iyo Boqor Najaashi oo mar kale soo dhaweeyay Qaxootiga Islaamka, diidayna in agtiisa lagu dulmiyo. Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxa ay uga dhigantahay Guushii 2aad ee u soohoyatay kadib markii uu ka furay xeradii lagu ooday Somaaliya 2011, garabna taagnaa 8 sano, hadduu mar kale usoo laabtay waxaa rajo laga qabaa 5 ta sano ee la doortay Ordogan in Somaliya dib cagaheeda isugu taagi-doonto iyada oo Garab, Gacan iyo Hiil ka helaysa Walaalaheed reer Turkey. W/Q: Mohamed Gacal (Dr Gacal)
  3. Muqdisho (Casimada Online) – Maleeshiyaadka Daacishta Somalia ayaa shaaca ka qaaday inay ka danbeysay dil ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Daacishta ayaa sheegatay in dilkaasi ay u geysatay labada ruux oo kamid ah shaqaalaha rayidka dowlada, gaar ahaan Wasaarada Maaliyada Xukuumada Somalia. Kooxda Daacish ayaa dilka labadaasi ruux ku muujisay Sawirro ay soo bandhigtay Wakaalada wararka u faafisa Daacish ee Amaq kaa oo muujinaya labo nin oo geysanaya toogashada. Waxa ay Daacish sheegtay in labadaasi ruux ay ku daba joogen muddooyinkaan, balse ay iminka ku heleen fursadii ay ku baadi-goobi jireen. Sidoo kale, Dilkan ayaa ka mid noqonaya dilal taxane ah oo ISIS ka fulisay Muqdisho, kaasoo muuqaalo laga duubay. Dhinaca kale, dilka labadaani ruux ayaa imaanaya iyadoo Kooxda Daacish ay kordhisay weerarada sida dilalka qorsheysan oo ay muddooyinkii u dambeysay ka fulisay magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye. Casimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Ethiopia’s northern Amhara region police downplayed reports of illegal smuggling of armaments and explosives as the regional capital is set to hold mass rally in support of Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed on Sunday. Ethiopia’s Amhara regional state capital, Bahir Dra, is expected to host a mass rally in support of Ahmed on Sunday – a week after a similar support rally in Ethiopia’s capital Addis Ababa featured unexpected bomb attack, eventually killing two people and injuring 156 others. Various social media posts as well as some mainstream media have been reporting illegal smuggling of armaments and explosives in Bahir Dar and its surroundings ahead of the support rally. Amhara region police, however, stressed that recent reports that have been circulating through various outlets are “baseless.” According to Bahir Dar city police head Walelegn Dagnew, security preparations are already finalized in order to conduct the support rally in a peaceful manner. He, however, indicated that some 10 individuals are currently under investigation by the regional police in connection with the mass rally. Police urged social media users to abstain from disseminating similar fictitious rumors. Ethiopian Minister of Government Communication Affairs Office Ahmed Shide on Wednesday issued a security high alert for citizens across the country after the bomb attack in Addis Ababa. “They saw their attempt, however deadly, foiled by the people before their eyes, and they might be making similar attempts,” Ahmed said. The Ethiopian government on Thursday also revealed the formation of a special committee designated to investigate plots against the ongoing nationwide reform. Revealing the formation of the special committee, the Ethiopian Prime Minister’s Office stressed that actors who are against the ongoing reform were behind Saturday’s bomb attack. Source: – Xinhua
  5. Major General Abdweli Jama Hussein the commander of Somalia National Armed forces has paid a courtesy call on his Ugandan counterpart Gen David Muhoozi at UPDF Headquarters, Mbuya. The Chief of Defence Forces, Gen David Muhoozi said that Uganda is fulfilling one of its security mandate to ensure regional peace and stability. On the other hand, Gen Abdweli Jama thanked Uganda for the continued support to African Union Mission in Somalia (AMISOM). He was grateful to the Uganda government for provision of capacity building towards Somali National Armed Forces. The two Generals discussed issues to do with regional security and intelligence sharing. The meeting was attended by the UPDF Joint Chief of Staff Maj Gen Joseph Musanyufu. Source: Kampala Post
  6. Bodies of two people who were reported missing in Tarbaj, Wajir County a few days ago have been found in a shallow grave. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaa goor sii horeysay ku dhawaaqday in ururka ONLF ay u aqoonsatay urur argagixiso kadib markii ay ku eedeysay inay aad uga soo horjeeda Nabadda iyo Horumarka Ethiopia. Dowlada Somalia ayaa kamid ah dhinacyada ururka ONLF u aqoonsan urur argagixiso sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay xiliga dhiibista Qalbi Dhagax. ONLF ayaa dhankeeda ka aaminsan urur xaq u dirir ah oo ay kala feker duwan yihiin iyaga iyo argagixiso maadaama ay u dagaalamayaan in dhulka Soomaalida laga soo celsho gacanta Ethiopia. Qaar kamid ah Senatorada Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia ayaa aad uga soo horjeeda tuhunka la xiriira in ONLF ay tahay urur argagixiso, waxaana arrintaasi siyaabo kala duwan uga hadlay Senatoro ka tirsan Aqalka. Senator Axmed Xaashi oo ka mid ah mudanayaasha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ururka ONLF aan loo aqoonsan karin urur argagaxiso ah. Senator-ka waxa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Wasiirada xukuumadda federaalka ay argagaxiso u aqoonsadaan ONLF. “Wey na dhibeysaa in Wasiirada xukuumadu ay argagixiso u aqoonsadaan ONLF ka hor inta aan la gaarin adduunka kale, waa arrin khaldan in urur gobonimo doon ah lagu tilmaamo argagixiso’’ “Xaqiiqatan aad ayaan ula yaabnay go’aanka kasoo baxay golaha wasiirada, waxaan ka hadleynay waxay ahayd muwaadin Soomaali ah oo la dhiibay, ku dhashay Soomaaliya, ku barbaaray Soomaaliya, wey ka dartay arrintu sidii, waxay aadday in urur la yiraahdo ONLF inuu argagaxiso yahay’’ “Inta badan caalamka uma aqoonsana…micnaha marka argagaxiso laga hadlayo qeex bay leedahay oo caalamka u yaqaanaa, ninka xaq u dirirka ah iyo argagaxisadu Labo micno ayeey kala leeyihiin, ONLF looma aqoonsan karayo Aragagaxiso, waxaa loo aqoonsan karayaa dad xaq u dirir ah” Isagoo haddalkiisa sii wata waxa uu Senatorka yiri “Baarlamaanka hadaan nahaya, arrinta Soomaaaliya sida wiliasha yar yar ugu ciyaarayaan ma ahan, wey ka weyn tahay, wiil meelahaa ka yimid inuu Soomaaliya xambaarto oo waxeeda oo dhan dusha saarto wey ka weyn tahay, intaas oo Kun oo Soomaali ah baa usoo dhimatay halganka Soomaaliya” Sidoo kale, waxa uu Senatorka sheegay in fakerkan ay la qabaan Xildhibaano badan oo ka kala tirsan labada Gole waxa uuna ka digay in daacad nimada dhalinyarada ONLF lagu raali galiyo Ethiopia. Haddalka Senatorka ayaa kusoo beegmaaya xili madaxda dowlada Somalia ay ku kala aragti duwan yihiin magac u tiirinta ONLF. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Xukuumada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay cabashooyinkii ay dadka shacabka ah ka qabeen cadaalada. Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaradiisa ay la dirirtay musuq badan oo ku saleysnaa cadaalada waxa uuna tilmaamay in iminka uu soo hagaagayo sharciga. Wasiir Xasan Xuseen Xaaji, waxa uu si gaara uga hadlay kiisaska shacabka ee baaristooda la geeyo xarunta Dambi Baarista ee CID-da, waxa uuna taa ku micneeyay talaabo muhiim ah. “Waa talaabo muhiim ah in CID laga soo bilaabo baaritaanka kiiska danbiga ah, waayo xaruntaasi waxaa jooga dad si gaara loo soo xulay oo ku wanaagsan waxyaabaha barista u baahan” Waxa uu Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji sheegay in ay muhiim tahay hubinta kiisaska shacabka ee ka soo bilaabanaya xarunta Dambi Baarista ee CID-da. Waxa uu intaas ku sii daray Wasiir Xasan Xuseen Xaaji in ay tahay in ahmiyad la siiyo cadaalad u sameynta shacabka waxa uu carabka ku dhuftay marka galka dacwada loo gudbiyo xeer ilaalinta ay u eegaan dhankooda in dacwada tahay mid sharci ah. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in ahmiyada ugu weyn ay tahay in xalka koowaad loo helo aaminaada shacabka dhanka cadaalada iyo garsoorka, waxa uuna meesha ka saaray in loo dulqaadan doono wixii sharci daro ah. “Nidaamka hadda socda waxa uu albaabada u furayaa in shacabka ay si joogta ah u aaminaan cadaalada ka jirta dalka, waa sax wey jiraan caqabado weli taagan balse heerkii hore ma taagna” Sidoo kale, Wasiirka Wasaarada Cadaalada ayaa hadalkiisa sal uga dhigay dastuurka dalka kaas oo qeexaya dhowrista xuquuqda Muwaadinka iyo Cadaalad u falida muwaadiniinta Soomaaliyeed. Haddalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaaya iyadoo dhowr jeer uu Madaxweyne Farmaajo dhaliil ka muujiyay cadaalada ka jirta dalka ee lagu dhaqo shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Ethiopia's northern Amhara region police downplayed reports of illegal smuggling of armaments and explosives as the regional capital is set to hold mass rally in support of Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed on Sunday. Source: Hiiraan Online
  10. Angela Merkel has saved her political skin with an EU deal that enables Germany to send migrants back to Spain and Greece - three years after she forced Europe to open its doors to refugees. Source: Hiiraan Online
  11. The two officers involved in the fatal shooting of a black man in Minneapolis both served in the military and have been recognized numerous times for their work as police officers, according to redacted personnel files released Friday by the Minneapolis Police Department. Source: Hiiraan Online
  12. Ten people have been killed in ethnic clashes in western Ethiopia, state media said on Thursday, as aid agencies warned of widening inter-communal conflicts in Africa’s second most-populous country. Source: Hiiraan Online
  13. Somali officials say the United States has deported 84 Somalis, including four women, back to their home country. Source: Hiiraan Online
  14. U.S. intelligence agencies believe North Korea has increased production of fuel for nuclear weapons at multiple secret sites in recent months and may try to hide these while seeking concessions in nuclear talks with the United States, NBC News quoted U.S. officials as saying. Source: Hiiraan Online
  15. Major General Abdweli Jama Hussein the commander of Somalia National Armed forces has paid a courtesy call on his Ugandan counterpart Gen David Muhoozi at UPDF Headquarters, Mbuya. Source: Hiiraan Online
  16. Qudus (Caasimada Online) – Sacuudiga, Jordan iyo maamulka Falastiiniyiinta ayaa uga digay Israel in saameynta Turkiga ee Bariga Qudus ay sii ballaaraneyso, sida uu shaaciyey waregyska Haaretz ee Israel. Warbixinta ayaa sheegtay in saraakiil sare oo carbeed ay Israel u sheegeen in saameynta Turkiga ay kusii fideyo xaafadaha Qudus, taasi oo ay sheegeen inay qeyb ka tahay qorshe madaxweyne Erdogan uu ku doonayo inuu ku sheegto lahaanshaha Qudus. Ilo-wareedyo Israeli ah ayaa sheegay inay ka warhayaan ballaarashada Turkiga, islamarkaana ay isha ku hayeen in ka badan sanad. Warbixinta ayaa sheegtay in saraakiisha Jordan ay ka carroodeen jawaabta Israel ay arrintan ka bixineyso oo ah mid soo daahday, sababtuna ay tahay in Israel ay ilaalineyso heshiis ay Turkiga la galeen 2016-kii. Maamulka Falastiiniyiinta ayaa sheegay in gargaarka Turkiga uu ka wado Qudus, oo ay ka dambeeyaan kooxo islaamiyiin ah oo ku xiran xisbiga Erdogan ee AKP, uu yahay qorshe lagu qabsanayo Qudus. “Turkish-ka ayaa hadda isku dayaya inay guryo ka iibsadaan Qudus, si awooddooda halkaas ay u baalaarato” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska Israel. Jordan ayaa ka walaacsan in saameynta Turkiga ay meesha ka saari karto booska Jordan oo isku haysata inay ilaalo ka tahay dhulka saddexaad ee ugu barakeysan Islaamka. Dhinaca Sacuudigana, waxay ka walaacsan yihiin in damaca Erdogan ee Qudus uu sare u qaadi karo magaca uu ku dhex leeyahay carabta iyo islaamka, taasi oo ka dhigi karta in loo aqoonsado hoggaamiyaha kaliya ee Islaamiga ah ee u babac dhigi kara Mareykanka iyo Yahuudda. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
  17. Garoowe (Caasimada Online) – Warar laga heley ilo kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland cabsi ka muujiyey ciidamo gobolka Karkaar dhowaan kaga soo biirey degaanka Tukaraq oo ay Colaadu ka taagan tahay. Kulan golaha xukuumada Puntland isugu yimadeen khamiistii ayaa warar aan ka helney waxay sheegayaan in Madaxweyne Gaas Wasiirada kasoo jeeda gobolka Kar-Kaar u sheegey in ciidamadii ka yimid magaalada Qardho ahaayeen kuwo dano gaar ah laga leeyahay. Gaas ayaa sida aan xogta ku heleyno si gaar ah cabasho ugu gudbiyey Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo agaasimaha guud ee Wasaarada arimaha gudaha kuwasoo u sheegey dareenka uu ka qabo imaanshaha ciidaankaan. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdulahi Shiikh Axmad oo ka hadlay kulanka golaha ayaa Madaxweyne Gaas u sheegey in ciidamadaan dowladu ka codsatey beelaha dagan gobolkaas islamarkaana aysan aheyn kuwo dano gaar ah laga leeyahay. Colaada Tukaraq ayaa asbuucyadii ugu dambeeyey waxaa kaalin wayn ka qaadanayay abaabulkeeda beelaha dagan Puntland kuwasoo jiida hore ku soo gurayey ciidamo. Cabdiweli Gaas oo inta uu talada hayey hoos u dhigey tayada ciidamada maamulkaan ayaa dadaalada beelahu kaga qayb qaadanayaan difaaca Puntland waxaa uu ku raadinayaa inuu ku sameysto kororsiimo sharci daro ah sida ilo lagu kalsoon yahay u sheegeen warsidahaan. Cabsida uga weyn ee Madaxweyne Gaas muujinayo ayaa ah xiligaan in jiida Tukaraq ku soo gurmaan ciidamo beeleedyo aan isaga ka amar qaadan kuwasoo suurtagal tahay iney ka hor-yimadaan hadii uu ku dhawaaqo kororsiimada sharci darada ah ee uu qorsheynayo. Dhinaca kale wararka la xaqiijiyey ayaa sheeegaya in Madaxweyne Gaas ka cago jiidayo in dagaalka Tukaraq xal nabadeed iyo mid colaadeed mid uun ku dhamaato tan iyo inta qorshihiisa kororsiimada meel marayo. ” Siyaasiyiinta iyo qaar ka tirsan odayaasha gobolka Sool oo ololaha ugu jira in waqti loogu daro Xilli madaxeedka Cabdiweli Gaas waxaysan ogeyn in talabadaan sharci darada ah ay khalkhal ku keeneyso midnimada shacabka ku midoobey maamulkaan.”sidaas waxaa sheegey siyaasi ku sugan magaalo madaxda Puntland ee Garoowe. Cabsida Madaxweyne Gaas ka muujiyey ciidamada ka yimid gobolka KarKaar ayaa sidoo kale waxaa sabab u ah, madaama qaar kamid ah musharaxiinta xilka Madaxweynaha u taagan ay kasoo jeedaan degaanadaas. Puntland ayaa sanadihii u dhexeeyey 2000-2003 waxaa ka dhacey dagaalo sokeeye kadib markii Madaxweynihii xilka hayey waqtigaas sameeyey korirsiimo sharci daro ah. Xigasho: Garoowe Online
  18. Tan iyo markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu Ra’isul wasaare u magacaabay Mudane Xasan Cali kheyre waxaa xukuumadii uu soo dhisay Ra’isul wasaaraha laga diiwaan geliyay khaladaad shacabka Soomaaliyeed aaney iloobeynin. Bishii February 2017-kii waxa uu Ra’isul wasaare Kheyre shir jaraa’id ku qabtay bartiisa baraha bulshada Facebook-ga waxaana uu sheegay markii uu magacaabay Madaxweynaha kadib hadii Baarlamaanka ay ansixiyaan in uu soo dhisi doono dowlad ka turjumeysa shacabka Soomaaliyeed iyo Hadafyada Madaxweynaha. Mudada ku dhaw labada sano ee uu xafiiska Joogo’ Ra’isul wasaaraha waxaa xukuumadiisu ay ku dhaqaaqday khalaad aaney jecleysan Madaxweynaha Iyo Shacabka waxaana ilaa imika laga sugayaa balanqaadyo farabadan oo shacabka uu u sameeyay, sida ilaalinta Cadaaladda iyo amaanada umadda. Magacaabista wasiiro horay la tijaabay oo aaney dalka waxba ku soo kordhin ayaa kamid ah waxyaabaha hoos u dhigay wax qabadka Xukuumadda iyo shaqo ka ceyrinta wasiirada la ceyriyay iyo kuwa iscasilay. Khilaafka kala dhaxeeya xukuumadda inta badan Madaxda Maamul Goboleedyada oo isku siyaasad iyo isku argti toona aaney aheyn waxeey cuuryaamin karaan aragtida fog ee dalka uu ka leeyahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya taa oo ah wada shaqeyn ,wax wada qeybsi iyo dib u heshiisiin dhab ah, waxaana xukuumadda dhowr jeer qaar kamid ah madaxda maamul Goboleedyada ku eedeeyeen faragelin iyo ku xadgudub siyaasadeed oo maamuladooda lagu hayo. Xukuumaddu waxeey ka gaabsatay in dhiibistii Cabdikarim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax kadib ay ka qaadato go’aan wanaagsan oo shacabka ku raali noqdaan maadama isla xukuumadda ay u gacan gelisay Itoobiya, balse taasi waa ay ku guul dareysatay oo waxaa xukuumaddu sheegtay in Qalbi Dhagax oo Ah Sarkaalka ONLF in uu liddi ku yahay nabad galyada gobalka waxaana uu la shaqeeyaa Argagixisada, sidaas waxaa lagu soo saaray war-murtiyeedka shir deg deg ahaa oo golaha wasiiradda xukuumadda isugu yimaadeen, waana mid kamid ah khaladkii ugu weynaa ee Xukuumadda gasho. Sidoo kale xukuumadda Soomaaliya waxaa la fahasanyahay in ay caburin ku hayso siyaasadaha ka soo horjeeda (Mucaaradka) waxaana arintani ay kaga duwan tahay dhamaan dowladihii dalka soo maray oo xor ka dhigay mucaaradka iyo in ay dalka la hadlaan. Bishii August 2017-kii Qoraal ka soobaxay xafiiska Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka waxaa wasiirada looga mamnuucay in howlaha ay mas’uulka ka yihiin ee wasaaradaha xukuumadda la xiriira i n aysan kaga waramin dhamaan qeybaha kala duwan ee warbaainta kadib markii 25-kii August 2017 -dhacdadii lagu laayay dadka shacabka ah ee ka dhacday deegaanka Bariire oo katirsan Gobalka Shabeelaha Hoose , dhowr wasiir ay siyaabo kala duwan uga hadleen waxaana meesha kabaxday hanaankii ahaa in wasiiradda bulshada u soo bandhigaan wax qabadkooda si loola socdo islamarkaana ugu kalsoonaadaan xukuumadda. Xukuumadda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Ra’isul wasaare kheyre ilaa imika ma aysan shaacin xuquuqda Muqdisho/ Maqaamka Gobalka Banaadir oo ismaandhaaf siyaasadeed ka taagan yahay tan iyo xiligii uu Gudoomiyaha Gobalka Ahaa Taabid Cabdi. Howlaha xukuumadda ayaa sii luminaya kalsoonidii iyo Taageeradii Shacabka ay ku qabeen dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, oo laga rabay in ay ka shaqeyso sidii lagu sii kasban lahaa taageerada Shacabka iyadoo loo sahlayo adeegyada bulshada sida Caafimaadka iyo Waxbarashada. Hadaba Su’aasho waxeey tahay muxuu noqon doonaa Kkahaldka xiga ee xukuumadda Xasan Kheyre. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaalka ONLF Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo muddo sannad ku dhow ku jiray gacanta dawladda Ethiopia ayaa iminka laga sii daayay Xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia. Deysmada Qalbi-dhagax, ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada iyo Siyaasiyiin madax-banaan oo dhamaantooda aad u dhaliilay degdega markii hore lagu xiray Qalbi-dhagax. Qaarkood ayaa dowlada Somalia oo mar sii horeysay iska fogeysay dhiibista Qalbi-dhagax dusha ka saaray in si ula kac ah ay Sarkaalkan ugu gacan galisay Ethiopia. Xildhibaan Mahad Salad oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in Qalbi-dhagax uu ka badbaaday halista xabsiga Ethiopia. Waxa uu Xildhibaanku tilmaamay in Qalbi-dhagax markiisa hore lagu dhiibay sifo khaldan, hase yeeshee iminka uu dib u helay xorriyadiisa isaga oo caafimaad qaba. Mahad Salaad oo qoraal ku saabsan deysmada arrinta Qalbi-dhagax kusoo daabacay beejkiisa ayaa yiri “Allahii kaasoo badbaadiyay ciilkii iyo calool xumadii lagu baday ayaa mahad iska leh ee Rabbi ku xamdi Qalbi-dhagax” Waxa uu intaa raaciyay mudanaha “Kuwii damiirkoodu siiyay in ay dhoofiyaan Abdikariin maanta iyaga ayaa ceeb, ciil iyo calool xumo qaba, waxaan leeyahay ilaahey u toobad keena” Waxa uu intaa raaciyay “Waxaan idin leeyahay Umadda Soomaaliyeed iyo miskiinkaas aad dulmiseen cafis weydiista” Xildhibaan Mahad Salad ayaa horay uga mid ahaa Xildhibaanadii Baarlamaanka ee sida weyn uga soo horjeestay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax. Sidoo kale waxaa uu horay u duray in qaraarkii Baarlamaanka Federaalka ee sharci darro ka dhigay dhiibidiisa aan lagu lifaaqin mas’uuliyadda cida leh. Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaan Mahad Salad oo kaalmaha hore uga jira liiska Mucaaradka dowlada ayaa la rumeysan yahay in kiiska Qalbi-Dhagax uu uga faa’iideysanaayo danihiisa Mucaaradnimo ee gaarka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan baraha bulshada waxaa aad loogu hadal hayaa deysmada C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax oo ah Sarkaal sare oo katirsan Jabhada gobonima doonka ONLF. Hadal heynta deysmada Qalbi-Dhagax waxaa ka qeybqaadanaya Xildhibaano iyo shaqsiyaad kale oo aad uga faaloonaaya sida lama filaanka ah oo dowlada Ethiopia ay kusii deysay Sarkaalka. Qalbi Dhagax oo arintaani laga wareystay ayaa sheegay in amarka lagu sii daayay uu lahaa Ra’isul wasaaraha isbedel doonka Ethiopia Abiy Axmed Ali. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa kamid ahaa mas’uuliyiinta ka hadlay deysmada Qalbi-Dhagax. Fiqi waxa uu sheegay inuu aad usoo dhaweynaayo deysmada Qalbi-Dhagax, waxa uuna tilmaamay in tani ay cashar u noqon doonto dowlada Somalia oo uu sheegay inay ka danbeysay deysmadiisa. Fiqi waxa uu carab ***** inuu aad uga xun yahay in Qalbi-Dhagax oo markiisii hore laga dhiibay Somalia, ay maanta u danqatay Ethiopia isla markaana lagu sii daayay si sahlan oo aan loo marin dhibtii lagu dhiibay mar hore. Axmed Fiqi, Isagoo ka hadlaayay xarigii hore iyo deysmada maanta lasiiyaay ayuu yiri “Waa damiir xumo shalay marka uu walaalkiis u jeebaysnaa si Ethiopia loogu dhiibo iyo maanta markii Itoobiyadii loo dhiibay ay asagoo xor ah sii daysay” “Runtii wuu ka sii farxad iyo qurux badnaan doonaa marka uu dhulkiisa iyo dadkiisa dhex yimaado Qalbi Dhagax, waxaase aad u niyad jaban kuwii shalay dhiibay muwaadinka” Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in mas’uuliyiintii shalay Qalbi Dhagax u gacan galiyay Ethiopia xitaa aysan ka qeybqaadan dadaalkii lagu sii daayay, waxa uuna tusaale arrintaa ku saabsan usoo qaatay Suldaan Fowzi oo kamid ah shaqsiyaadka iminka gacanta ku haya Qalbi-Dhagax kaa oo warbaahinta u sheegay in Dowlada Somalia aysan kaalin ka qaadan deysmada Qalbi dhagax. Sidoo kale, Xildhibaan Fiqi ayaa dowlada Somalia ugu baaqay inay qaado talaabo lagu raali galinaayo muwaadinka Qalbi-Dhagax iyo qoyskiisa oo la galiyay xaalad adag mudadii uu ku jiray gacanta Ethiopia. Dhinaca kale, Dowladda Soomaaliya ayaa la xusuustaa in bishii August ee sanadkii hore u gacan gelisay Ethiopia, waxaana tallaabadaas la xusuustaa in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo inay ku weysay inta taageeradii shacabka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Isbadallo xoogaan ayaa ka dhacay dalalka bariga iyo geeska Africa waxaa Heshiiyay Mucaaradka iyo madaxda dalalka Kenya, Itoobiya iyo Koofurta Suudaan iyo dalalkoo dhaca Africa oo u tanaasulay danaha qarankooda iyo dadkooda si looga fogaado dagaalo dhiig ku daato iyo in Qarankooda uu ragaadiyo horumar la’aan dhan walbo ah. Dagaalo Sokeeye ayaa ka qarxay Soomaaliya waxii kadambeeyay 1990-kii, xiligaas oo ay burburtay dowladii dhexe ee uu hogaaminayay Allaha U Naxariistee Jaale Maxamed Siyaad Barre. Waxaa Dagaalamay xiligaas kooxo siyaasad ahaan iska soo horjeeda iyo Qabaa’ilo Soomaaliyeed, tan iyo xiligaas wax talaab ah looma qaadin dib u heshiisin dhab ah oo dadka Soomaaliyeed dhexmarta oo la rabay Madaxda dalka iney hormuud ka noqdaan. Hadda Soomaalidu weey kala qeybsantahay iyadoo dalalka Africa iyo dalalka dunidu horumartay u midoobeen mustaqbalka umadooda iyo dalalkooda. In Soomaalidu heshiiso waxaa habeen iyo maalin hortaagan faragelin shihseeye oo ka imaaneysa dalalka deriska la ah Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo kuwa carbeed kana soo horjeeda midnimada Soomaaliya iyagoo danahooda fiirsanaya kana shaqeeya sidii loo sii kala fogeyn lahaa Soomaalida oo hadda maamul maamul u qeybsan. Waxaa la ogyahay in Shacabka Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan in ay israbaan waana heshiis wax walba wada qeybsada, kala ganacsada waxna isla barta, laakiin Madaxda hogaamisa ay isku khilaafsan-yihiin siyaasadda iyo fikirka taas oo ah halka ay sarta ka quransantayahay iyadoo ay xusid mudantahay in afaaro qabiilka uu sii dhamaanayo maadaama mirihii laga dhaxlay ay noqdeen kuwo qaraar, shanta Soomaaliya si ay u midowdo waa in madaxda dalka, Mucaarad iyo Muxaafadba ay eegaan wixii na soomaray iyo mustaqbalka jiilka dambe iyo dalka. W/Q: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) Email: Abdiazizh99@gmail.com
  22. Poly-GCL Petroleum Investment Limited today officially kick start crude oil production test in Ogaden Region of Ethiopia. The test production came after the heads of the company have met with Prime Minister Dr Abiy Ahmed yesterday. The two have talked about the prospect of commercial quantities of crude oil in the region. Source: Hiiraan Online
  23. Magaalada Muqdisho oo kasoo kabanaysa sanado badan oo dagaalo sokeeye iyo bur ah ayaa waxaa ka soconaya dadaalo dib loogu dayactirayo qeybihii muhiimka ahaa ee magaalada, mana ahan mid shacab iyo dowladba ay u kala hareen. Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayaysa in ay dib u dayactirto goobaha uu caanka ku yahay dalka, inkasta oo ay waqti dheer qaadan doonto in sidii ay horey u ahaayeen dib loogu soo celiyo. Dowladda oo kaliya ma ahan dadka kaliya ee ku hawlan dib usoo celinta bilicdii iyo astaamihii magaalada, waxaa jira urur dhalinyaro oo iskood isu xilqaamay , shaqooyinka ay qabtaan waxaa ka mid ah dhireynta magaalada iyo bilic soo celinteeda. Waddooyinka ugu waaweyn magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dareemi karaa isbedel muuqda waxaana xiliyada Maqribka ilaa Subixii socda Gaadiid noocyo kala duwan leh oo ay leeyihiin dad shacab ah, waxaana waddooyinka ku sugan ciidamo khaasa oo xiliyada habbeenkii suga amniga. Maqribka ilaa Subixii waxaa sidoo kale si caadi ah u furan goobaha qaar ee ganacsiga, iyadoo ay xusid mudan tahay in goobaha caafimaadk ay shaqeeyan 24 saac, halka xiligii hore albaabada loo xiri jiray maqribka ka hor. Sidoo kale, dadka shacabka iyo Hay’adaha amaanka ayaa sida uu nidaamku yahay gudanaaya shaqooyinkooda amni, waxaana ka dhexeeya wada shaqeyn joogta ah. HOOS KA DAAWO SAWIRADA LAGA QAADAY BILICDA MUQDISHO
  24. Between 2013 and 2016, Somalia experienced the hype and disappointment of “Vision 2016,” metaphor for “political reform” that prioritized three tasks: 1. the review and completion of the Provisional Constitution; 2. the establishment of Federal Member States (FMS) Source: Hiiraan Online
  25. HARGEISA– Health Ministry has apprised of private clinics in Somaliland to share patient health records and the people that they offer treatments. This was disclosed by the health minister, Dr. Hasan Ismail Yusuf who has reiterated the importance of sharing the health records treated in private clinics so that the ministry has to know which diseases are rampant in Somaliland. The minister has said that the mission behind this is to provide the right medications for tackling such diseases that are widespread in the country. Somaliland’s minister for health has made the above remarks during a speech that he has delivered at the official opening of a private clinic inaugurated in Hargeisa. The minister has informed all private clinics across the country to bring patient health records to ministries regional offices in the country. Somaliland which is internationally recognized does not provide its citizens to free healthcare although the country is run by a meager budget generated from taxes paid by its nationals.