Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,144
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Thousands of demonstrators marched in cities across the United States on Saturday against President Donald Trump's hard line immigration policy and to demand the immediate reunification of families separated at the border with Mexico. Source: Hiiraan Online
  2. Kassa Kebede, the foreign policy chief of Ethiopia's former ruling party, returned home on Saturday after close to three decades of exile. Source: Hiiraan Online
  3. Custodian of the Two Holy Mosques King Salman bin Abdulaziz Al Saud has sent a cable of congratulations to President Mohamed Abdullahi Farmajo of the Federal Republic of Somalia on the anniversary of his country's Independence Day. Source: Hiiraan Online
  4. African countries and its people celebrate annually to mark a day called Independence Day. It is the day that each African country respectively had established its own statehood-conventional governance. Source: Hiiraan Online
  5. Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad-guurada 58-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed iyo israacii labada qeybood ee dalka, taasoo asaas u noqotay curashada Jamhuriyadda Soomaaliya. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xuskan oo lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in haddii facii naga horreeyay ay dhidibada u taageen qaran xor ah oo calan iyo cudud mideysan leh, kana tilmaamnaa Qaaradda Afrika iyo Caalamkaba in dadka haatan joogana ay dib u yagleeli karaan qaran iyo dawladnimo ka qurux badan kuwii hore. “Xuska maalmaha gobannimada, wuxuu na barayaa in haddii sidii uu dadkeenu shalay gacmaha isu qabsaday ee ugu hawl galay xaqiijinta himilada ummadda, haddii aan maantana gacmaha is qabsano in aan mustaqbal qurux badan oo aan ku faanno aan dhisan karno.” Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dareenka midnimo iyo wadajireed uu ku dhex noolyahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, inkastoo duruufo adag ay soo mareen. “Waxaa xusid mudan in maanta ummadda Soomaaliyeed ay yeesheen dawlad sharaftoodii iyo karaamadoodii soo celinaysa, dawlad ku hawlan hirgelinta iyo xoojinta ammaankii iyo nabaddii dadka Soomaaliyeed in badan ka maqnayd, dawlad caalamka aqoonsi iyo kalsooni buuxda ka haysata, lana hubo in ay buuxinayso kaalintii Soomaaliya ay ku lahayd caalamka.” Dhanka kale, gunaanadkii munaasabadda ayaa Madaxweynuhu waxa uu u istaagay calan saarka, isagoona salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidammada Qalabka sida. Munaasabadda 1-da Luuliyo waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Guddoomiye K/xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda iyo Taliyeyaasha ciidammada, Sidoo kale, waxaa munaasabaddan kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirrada Difaaca iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, diblomaasiyiin, fannaaniin iyo saraakiil ciidan oo reer Jabuuti ah oo Muqdisho u yimid in ay farxadda la qeybsadaan walaalahooda Soomaaliyeed. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Bulshada Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Munaasabada 1-da Luulyo appeared first on Puntland Post.
  6. The rebel Ogaden National Liberation Front repeated its pledge to interrupt oil and gas extraction in Ethiopia’s Somali region after the Government announced plans to test crude deposits. Source: Hiiraan Online
  7. The DP World is planning to set up a logistics facility in Ethiopia to facilitate transport of goods to landlocked countries in Africa, revealed Sultan Bin Sulayem, DP World Group Chairman & CEO and Chairman of Ports, Customs and Free Zone Corporation. Source: Hiiraan Online
  8. Ethiopia is to lift terror labels from three rebel groups, an Ethiopian official said on Saturday. Source: Hiiraan Online
  9. Somali residents from St. Cloud and Central Minnesota will celebrate their independence Sunday. Source: Hiiraan Online
  10. Waxaan daawaday muuqaal uu sii daayay Telefishinka Qaranka Soomaaliya (SNTV), oo uu ka soo muuqday safiirka Itoobiya ee Soomaalia, Jamaaluddiin, oo faahfaahin ka bixiyay sii daynta ee dawladda Itoobiya xabsiga ka sii daysay C/Karin Qalbi Dhagax. Safiirku wuxuu sheegay in Qalbi Dhagax lagu sii daayay codsiyo is daba joog ahaa oo dawladda Soomaaliya u dirtay dawladda Itoobiya si loo sii daayo muwaaddinkaas. Hadalka fasiraadda u baahan ayaa ah, waa kuma muwaaddinka uu safiirku sheegay? Laba mid ayaa loo fasiran karaa muwaadinka uu sheegay safiirku, waa mide, in uu hadalkiisa ula jeedo in C/kariin Qalbidhagax yahay muwaadin Itoobiyaan ah (sida loo badinayo maadamaa uu safiirku Itoobiya matalo), ama in uu ula jeedo in uu yahay muwaaddin Soomaaliyeed. Haddii uu hadalkiisa ula jeedo in uu yahay muwaaddin Itoobiyaan ah, maxaa ka quseeya dawladda Soomaaliya oo ay u codsanaysaa in la sii daayo muwaaddin Itoobiyaan ah, dambi ka soo galay Itoobiya, dawladda Soomaaliyana ay noo sheegtay markii ay dhiibtay in uu ahaa nin dambiile ah oo ka tirsan urur ay u aqoonsatay argagixiso? Maxayse tahay danta ugu jirta in hadda la sii daayo? Dhanka kale, haddii hadalka safiirka loo macneeyo in uu ula jeedo in Qalbidhagax yahay muwaaddin Soomaali ah oo laga soo daayay xabsiyada Itoobiya, maxaa u diiday madaxdeenna in ay ka hadlaan oo garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyaan muwaaddinkaas xorriyaddiisa dib u helay, sidii ay hadda ka horba ay noola wadaagi jireen maxaabiista laga soo daayay dalal Itoobiya ku jirto. Ugu dambayntii, waxaan kula talinyaa madaxdeenna in ay iska dhaafaan madax geed la dhaca oo ay umadda u caddeeyaan waxyaabaha mugdiga ku jra ee u baahan in loo faahfaahiyo. Ibnu aadamku waa qaldamaa, waxaana ugu wanaagsan kuwa qaladkooda ka laabta. Saxaabiga Anas Bin Maalik, Ilaahay haka raalli ahaadee, wuxuu ka wariyay Nabigeenna, Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee “Dhammaan ibnu aadamku way qaldamaan, waxaana ugu khayr badan kuwa qaladkooda ka towbad keena(ka soo laabta)”. Ceeb maahan in qalad dhacay la saxo, waxaase ka sii xun in umadda jahwareer lagu rido. Adduunka wuu socdaa, meeshii shalay la joogay mar walba lama taagna. Maanta Itoobiya waxaa ka socda isbaddel. Xukuumadda Itoobiya waxay u gudbisay golaha baarlammaanka in liiska argagixisada laga saaro ururrada ONLF oo u dagaallanta in ay madax bannaani helaan Soomaalida degta Itoobiya , OLF oo u dagaallanta qowmiyadda Oromada iyo Ginbot 7 oo ah urur mucaarad ah. Markii Qalbidhagax la dhiibay, dawladda Soomaaliya waxay u aqoonsatay ONLF in ay yihiin aragagixso, waxayna noqotay dawladdii koowaad ee adduunka oo ONLF u aqoonsatay aragaxiso, marka laga reebo Itoobiya. Marba haddii Itoobiya ay doonayso in sidaas ay ula dhaqanto ONLF, maxaa u diidaya dawladda Soomaaliya in ay ka laabato go’aankeedii ay soo saartay markii C/Karin Qalbi dhagax la dhiibay shacabkeedana ay la wadaagto isbaddelka dhacay intii telefishinka uu Safiir Itoobiyaan ah kala hadli lahaa shacabka. Sidoo kale, waxaa xusid mudan in Safiir dal ajnabi ah ka socda uu si toos ah ugala hadlo shacabka Telefishinka Qaranka, taas oo ah markii iigu horreysay ee aan arko. In ay sax tahay iyo ay qalad tahay waxaan u daynayaa dadka cilmiga u leh arrintaas in ay nala wadaagaan. W/Q: Ahmednor Ugaas Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  11. New York (Caasimada Online) – Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa si kooban uga jawaabay warqadii dacwada ahayd ee uu Madaxweynaha Somaliland dhawaan u diray ee uu tabashada kaga muujiyay ergayga Qaramada Midoobay Mr. Michael Keating. Weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee City Press ayaa afhayeenka weydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa xogta uu ka hayo warqadaas iyo sida looga jawaabay, waxaanu si kooban u sheegay inaanau warqadaas xog rasmi ah ka haynin, balse ay Qaramad Midoobay taageersantahay dedaalada danjire Keating. “Maya, anigu kama warqabo warqadaas, laakiin xoghayaha guud kalsooni buuxda ayuu ku qaba Danjire Michael Keating iyo habka uu shaqadiisa u wadaba,” Sidaas ayuu yidhi afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay. Madaxweyne Biixi ayaa dhawaan xoghayaha guud u gudbiyay dhambaal uu kaga hadlay ergayga danjire Keating, oo uu ku eedeeyay inaanu dhex ka ahayn xaaladaha taagan islamarkaana uu is diidsiinayo heerka ay Somaliland gaadhay. Warqadan oo kaso baxday Xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi 18-kii bishan June ayaa lagu wargeliyay António Guterres in Somaliland aysan ku faraxsanayn hadalka Keating, oo ay u aragto inuu ahaa mid dhinac-jira, oo aan ka tarjumeynin xaqiiqda colaada gobolka Sool. Somaliland ayaa ka carootey inuu Keating la barbar dhigay Puntland, oo uu ku sheegay baaqii uu kasoo saarey xaaladda gobolka Sool in labada maamul looga baahan yahay inay kawada shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya iyo inay ka qeyb noqdaan hanaanka dowlad-dhisida dalka.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa khadka telka kula hadlay dhigiisa Turkiga Rajap Dayib Erdogan oo mar kale hogaaminaaya dalka Turkiga. Labada mas’uul oo daqiiqado wadahadlaayay ayaa isla soo qaaday xiriirka labada dal, Siyaasada, Amniga iyo Horumarka Somalia. Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa Rajap Dayib Erdogan faahfaahin ka siiyay isbedelada ka socda Somalia, waxa uuna mahad gaara u jeediyay Dowlada Turkiga oo uu sheegay inaysan gudi Karin abaalka ay u gashay Somalia. Farmaajo waxa uu Erdogan uga mahad celiyay sida ay dowlada Turkiga usoo saareyso ciidamada la doonaya inay la wareegi doonaan xarumaha ay iminka ku sugan yihiin AMISOM iyo guud ahaan amniga dalka. Rajap Dayib Erdogan, ayaa sidoo kale Madaxweyne Farmaajo u ballanqaaday in dowladiisa ay xooga saari doonto dhinacyo badan, balse uu u xaqiijinaayo in ahmiyada koowaad ay siin doonaan amniga Somalia. Rajap Dayib Erdogan, waxa uu xaqiijiyayin TUrkiga uu Somalia u ballanqaadayo inuu gaarsiiyo amni leysku haleynkaro, maadaama amniga uu yahay guusha koowaad uu dal ku faano. Sidoo kale, Rajap Dayib Erdogan, waxa uu Farmaajo u cadeeyay in mowqifka Turkiga uu yahay Somalia oo ka hanaqaado halka ay iminka taagan tahay taa oo lagu gaari karo amni iyo xasilooni. Geesta kale, Rajap Dayib Erdogan, ayaa dhinacyada kasoo horjeeda amniga ugu baaqay inay dhistaan dalkooda maadaama dowladu ay dhameysan doonto xiliga uu dastuurku u cayimay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Boosaaso (Caasimada Online) – Sida laga soo xigtay website ka faaloodda arrimaha musiibooyinka, Dhul-gariir ayaa laga cabsi qabaa inuu ku dhufto deegaanka Bareeda oo ku dhow degmadda Caluulo ee gobolka Barri ee maamulka Puntland. Dhul-gariirka ayaa waxaa cabirkiisu dhan yahay 4.5 oo cabiraadda Dhulgariiryadda ah, waxaana qotada hoose ee dhulka uu dhulgariirku gaari doonana ay tahay 10 KM. Dadka ayaa loogu baaqay inay kasoo baxaan Guryahooda, islamarkaana ay ka fogaadeen Darbiyadda jilicsan, halka kuwa baabuurta saaran loogu baaqay inay ka deegaan marka ay dareemaan Dhul-gariir. Sidoo kale, dadka deegaanka waxaa laga codsaday inay ka foogaadaan dhismooyinka ka sameysay Shubabka ee kusoo dumi kara, ka hor inta uusan Dhul-gariirku bilaaban. Sida la saadaalinayo, waxaa la qiyaasayaa in Dhul-gariirka uu kaliya ku oobnaado deegaanka Bareedda, mana u gudbi doono deegaanadda kale ee hoos-yimaada gobolka Barri. “Waxaa uu bilaaban doonaa Dhul-gariirka 30 bisha June 2018, xili dambe oo caweysnimadii ah,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu qoray Website Natural Hazards, oo xogtaan daabacay. Ma ahan markii ugu horeysay oo Dhul-gariir loo saadaaliyo Soomaaliya, inkasta ay horey uga dhaceen kuwa qaar, hadana Khubaradda ayaa ku tilmaamay Dhul-gariiraddaas dhacay kuwa “Sunaami ah”. Isha: Garowe Online
  14. Riyadh (Caasimada Online) – Dadaallada Dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu ku doonayo in Falastiiniyiinta ay ku aqbalaan heshiiska Mareykanka ee Qudus loogu wareejinayo Yahuudda, ayaa waxa uu kaga gol leeyahay inuu ku hormariyo xiriirka uu la leeyahay Israel, waxaa sidaas sheegay amiir Sacuudiyaan ah oo magan-galyo ku jooga Jarmalka. Khaled Bin Farhan Al-Saud ayaa sheegay in Bin Salmaan uu ky shaqeynayo aragti ku dhisan daacadnimo 100%, si uu xukunka Sacuudiga u qabsado. Wareysi uu siiyey wargeyska Alkhaleej Online, ayaa Bin Farhan waxa uu shaaca ka qaaday in Bin Salman uu doortay Abdulaziz Al-Saud, oo ka mid ah wiilasha Amiir Faysal bin Bandar, oo ah amiirka Riyadh, si uu noqdo dhaxal-sugaha , marka isaga uu boqorka noqdo, oo uu beddelo aabihiis. Waxa uu intaas ku daray “Dhaxal-sugaha cusub waa mid tabardarran oo uu indho u yahay Maxamed Bin Salman” Khaled Bin Farhan Al-Saud ayaa shaaca ka qaaday in carro xoogan ay ka dhex jirto boqortooyada, aadna looga xun yahay ficillada Bin Salman, isaga oo intaas ku daray “Waqti yar un ayaa naga xiga ka hor inta aan xukunka laga tuurin Maxamed Bin Salman” Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyihii hore ee maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay tallaabada ay dowlada Ethiopia kusii deysay Sarkaalka ONLF Qalbi Dhagax. C/kariin Xuseen Guuleed,oo bogiisa Facebook kaga hadlay arrinta Qalbi Dhagax, ayaa sheegay inay ahmiyad gaara u leedahya inuu maqlo sii deynta Qalbi Dhagax. C/kariin Xuseen Guuleed, waxa uu sheegay in Qalbi Dhagax markii hore lagu dhiibay qaab khaldan, balse ay nasiib tahay in sahalkii shalay lagu xiray maanta lagu soo daayay. Waxa uu Guulleed, farta ku goday in deysmada Qalbi Dhagax ay farxad galineyso dhinacyo badan, halka qaar kalane ay ku noqoneyso arrin layaab ah, balse waxa uu ku baaqay in Qalbi Dhagax looga hoydo falkii loo geystay. C/kariin Xuseen Guuleed, waxa uu cadeeyay in Qalbi Dhagax laga dhex saaray dadkii iyo dalkiisa balse iminka ay Ethiopia garwaaqsatay in falka xarigiisa uu ahaa mid aan sax aheyn. Dhinacyada ka qeybqaatay sii deynta Qalbi Dhagax ayuu sheegay inay leeyihiin amaan gaara, waxa uuna u mahad celiyay dhinacyadaasi oo uu sheegay inay muujiyeen garasho gaara. Sidoo kale, C/kariin Xuseen Guuleed,ayaa Qalbi Dhagax ugu baaqay inuu u mahad celiyo allihii u sahlay deysmadiisa, waxa uuna cadeeyay in deysmada Qalbi dhagax ay tahay guul usoo hoyatay inta wanaaga xorriyada la raadineysay Qalbi Dhagax. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Maanta waa 1da Luulyo, waa maalintii xuriyadda Soomaaliya iyo midowgii labada gobol, waa xanuun iyo nasiib darro ah in 58 sano kadib ay Soomaaliya shisheeye joogaan, midnimo aanay jirin oo la kala maqan yahay, dowladda xilligan jirtaana ay ka daciifsan tahay tii 1960kii! Cadawgii shalay maanta walaal ayuu noqday, qabiilkii ayaa isku badalay qaran, calankii waxaa ka soke maray calammo kale, waxaa is badalay dhadhankii waddaniyadda, inta ay weli ku dambeyso xamaasadda Soomaalinnimo waxaa ay maanta dhahaan“Inta Afka Soomaaliga ku hadasho”. Hadaba, maanta waxaa dib u xasuusan doonaa, Raggii iyo Ururradii ka dambeeyay in Soomaaliya ay xor noqoto, raggii diiday dullinimada iyo in dalka uu kala tago, maanta waxaan xuseynaa inta ku shahiiday in la ilaaliyo danta dadka, dalka iyo diinta. Halgankii Sayidka: Sayid Maxamed Cabduule Xassan ayaa ahaa halgamaagii ugu horeeyay ee dagaal la gala gumeystaha, waxaa uu noolaa mudadii u dhaxeysay(1856-1921), waxaa uu ahaa hogaamiyhii Darwiish, lana dagaalamay gumaystayaashii Ingiriika, Talyaaniga iyo Xabashida, isagoo kula dagaalay dhulka looga yaqaano Somaliland, Nugaal iyo Taleex. Muddo 20 sano ah ayuu socday dagaalka Darwiish iyo gumeystaha, 41 goobood ayay ciidamada Daraawiishta Ingiriisu ku kulmeen, kuwi ugu waaweeynaa ama dagaalka xumi ka dhacay waxaa kamid ahaa: Afbakeeyle, Faradhiddin, Cagaarweeyne, Daratoole, Jidbaale iyo Dulmadoobe. Ugu dambeyntii diyaaradaha cadawga waxaa ay duqeeyeen Taleex iyo xarumihii Sayidka oo dhan, Sayid Maxamed intaa kadib wuxaa uu soo aaday koofurta Soomaaliya halkaas uu markii dambe uu ku geeriyooday degmo ku taallo webi Shabeelle. SYL: Ururka SYL, waxaa uu ahaa urur dhalinyaro oo la aasaasay May 15, 1943dii, ururkan waxaa lagu dhisay guri ku yaalla waddada Via Roma ee Magaalada Muqdisho. Dhalinyaradii dhistay waxaa ay kala ahaayeen: C/qaadir Sheekh Saqaawadiin, Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed ,Cismaan Geedi Raage, Dheere Xaaji Dheere , Daahir Xaaji Cusmaan ,Cali Xasan Maslax Berduda, Maxamed Cali Nuur, Maxamed Faarax Hilowle, Xaaji Maxamed C/llaahi Xayeysi, Huudoow Macalin Cabdulle iyo Maxamed Cusmaan Baarbe . Ururka SYL, waxaa madax u ahaa : Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen Yaasiin Xaaji Cismaan.-Xogheyaha guud ee ururka SYL Markii dambe oo Yaasin Xaaji Cusmaan geeriyooday waxaa lagu badalay Cabdulahi Ciise Maxamud, dhalinyaradan waxaa lagu xasuustaa dhacdooyin badan oo ku tusinaya dadnimada iyo kartida ay lahaayeen. Dhacdadii 11ka Jannaayo 1948 11 Janaanyo 1948: Waxaa dhacay dagaalkii Hanoolaato, maalintaas waxaa dibad bax ka dhacay magaalada Muqdishu. Dhacdadaas dadkii Soomaalida ka shahiiday waxaa ka mid ahaa Xaawo Taako oo astaan u noqotay gumeysidiidka iyo midnimada. 11-kii Janaayo 1948-dii waxaa dalka soo booqanayey guddi UNada raacsan oo ahaa dalalkii ku adkaaday dagaalkii labaad ee Aduunka sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiska, Ruushka, iyo Talyaniga. Maalintas waxay adeegsadeen dadka dabadhilifka ah. SYL, waxaa ay sameeyeen tab la yaab leh, boqolkii qofba waxaa loo dhiibnay hal hogaamiye , labo calanka side iyo afar ilaalo ah. Dagaalkaas Hanoolaato waxaa Soomaalida ka shahiiday 14 oo ay ku jirto Xaawo Taako, halka Talyaaniga laga dilay 52 Talyaani ah, waxaa gumeystihii lagu aruurinay bilaajo Carab. Dhacdadii Dhagaxtuur: September 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii golaha guud ee Qaramada Midoobay, kal-fadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Leegada waxay magaalada New York u dirtay Cabdilahi Ciise Maxamud si uu cabbiro Mawqifka SYL . October 5, 1949 ayey SYL mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur. Dagaalkan Dhagaxtuur, Waxaa uu dhex maray Soomaalida iyo Ingiriiska, dowladda Ingiriiska waxaa ay is bidday xoog, Waxaa ay bandow kusoo rogtay dadka, kadib waxaa Dhagaxtuur bilaabay Soomaalidii, dagaal is burbursi ah kadib,. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay. November 21, 1949 ayey golaha guud ee qaramad midoobay soo saareen go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Xukunkii Daakhiliga: Bishii April 1950 ayey dowladda Talyaanigu la wareegay maamulidda koofurta Soomaaliya, waxaa Talyaaniga weheliyey guddi ka kooban saddex dal oo kala ahaa: Masar, Philibin iyo Colombia, dalalkan ayaa wakiil uga ahaa Qaramada Midoobay, ilaalinayeyna sida Talyaanigu u fulinayo shaqada loo dhiibay. SYL waxaa ay sidoo kale ku guuleysatay 12ka Oktoobar 1954 in la taago calanka Soomaaliya kaas uu sameeyay nin SYL ka tirsan lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan. Madaxbanaani Gobollada Waqooyi-Somaliland Gobollada waqooyi ee dalka ama Somaliland, waxaa ay galeen halgan dheer, iyagoo ku guuleystay markii dambe in la siiyo xuriyad. April 6, 1960, Golaha Tashriica British Somaliland ayaa meel mariyay Qaraar ama go’aan ku saabsan Madaxbanaanida Somaliland iyo Midnimada Soomaaliya. Gobollada waqooyiga ama Somaliland si ka duwan maanta la joogo ayey go’aanka madaxbanaanida iyo midnimada ugu farxeen. Maalmo kadib, 22-kii April 1960kii, waxaa magaallada Muqdishu lagu soo gabagabeeyay shir 6 maalmood u socday waftigii waqooyi ee kan koofur, Labada dhinac waxaa ay isku afgarteen in 1 July 1960-ka la midoobo oo Waqooyi iyo Koofur ku midoobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Bishii May 2, 1960-kii, waxaa Yurub tagay wafdi ka socda Somaliland, safarkaas waxaa kasoo baxay in 26-ka June 1960 la gaarsiiyo British Somailand madax banaani. Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo watiga horkacayey oo la hadlay umadda Soomaaliyeed isagoo London jooga waxaa uu ku celiyay in Somaliland la midoobi doonto koofurta, sidaana ay labada dhinac ku faraxsan yihiin. 25-26 June, 1960kii lagama seexan gobollada waqooyi ee Soomaaliya, madaxdii Ingiriiska iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa ay ku mashquulsanaayeen kala wareejinta maamaulka iyo sagootinta gumeystaha. Shacabka waxaa ay isku diyaarinayeen in ay noqdaan dowlad, waxaa intaa dheer fanaaniinta oo qoray heeso iyo sugaan lagu cabirayo maalintaas qiimaha badan. Waxaan filaayaa marka aad xuriyad soo xasuusataan, Waxaa dhagihiina kusoo dhacaya” goormaan Ladnaaney Lixdankii, Lugooyadii na deysay 26-kii June, goormaan Lulanay, 6-dii saacc goormaa Libaaney, 1-dii Luulyo labo midowday. Erayadaas waxaa ay soo koobayaan dareen jiray 26-kii ilaa 1 July 1960-kii, Maalmahaas oo kale Soomaaliya horay uma soo marin. June 26, 1960-kii, Waxaa xoroobey qeybta Waqooyi ee dalka Soomaaliya, Soomaalida ayaa la wareegtay maamulka dhulkooda, isla maalintaas waxaa calanka laga taagay Bartamaha magaalada Hargeisa(Beerta Xuriyadda), iyadoo la qaadayo “Kana Siib Kanna Saar”. Xuriyaddii Koofurta iyo Midnimadii Labada Gobol: Xririyadii Somaliland 4 maalmood kadib, waxaa xuriyadii qaatay gobollada koofureed ee dalka iyagoo ka xuroobey gumeystaha Talyaaniga. Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal oo xilligaa ra’isul wasaare ka ahaa Somaliland, Waxaa uu soo hor kacay Wafti reer Somaliland ah oo Muqishu u yimid arin taariikhi ah, taas oo aheyd in la mideeyo labada gobo lee dalka, tiiyoo run noqotay 1-dii July 1960-kii. Ugu Dambeyntii guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Maalinta ay xuriyadda qaadatay koofura Soomaaliya, isla markaana ay midoobeen labadii gobol ee Waqooyiga iyo Koofurta Soomaaliya waxaa dalka Soomaaliya yimid wafdi ka socota goboladii kale ee ku haray gacanta gumeystaha. Dhanka Xeebta Soomaaliya(Djabuti) Waxaa ka yimid halgamaagii weynaa ee Maxamud Xarbi, Waxaa kaloo joogay Mas’uulyiinka ka timid gobollada Koofur Galbeed iyo NFD. Maalintaas waxaa xoog u kacay dareenkii umadda, Waxaa mar kale lasoo nooleeyay firkadii Pan-Somalism ama Somaliweyn. Markii xuriyadda la helay 1960-kii, isla markaana ay midoobeen labada gobol ee Waqooyi iyo Koofur, baarlamaanka dalka waxaa uu aqlabiyad ku doortay Aden Cabdulle Cusmaan in uu noqdo madaxweyne muddo hal sano ah, isagoo maalmo kadib July 22, 1960-kii Ra’isul wasaare u doortay Cabdirashid Cali Sharma’arke.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool magalada Muqdisho, ayaa waxa uu ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhinacyada siyaasada, amniga dhaqaalaha iyo dib u heshiisiinta dalka. Isaga oo wareysi siinayey idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho, ayuu sheegay in munaasabada loo dabaal degayo ee ku beegan sanad guuradii 58-aad ee midowgii iyo xurnimadii Somalia ee sanadkii 1960 ay aad uga duwan tahay xilligii ay soo bilaabatay ee 58 sanno ka hor. Waxa uu sheegay in calanka Somalia ee xidigta shanta geeslihi ay ku taallo uu tilmaamayo shanta gobol ee Somalia ee uu gumeysigii kala qeybiyey, islamarkaana markii laba gobol oo Somalia ka mid ah ay ku midoobeen jamhuuriyadda Somalia ay cadaalad darri hareysay dowladihii dalka soo maray. Waxa uu sheeghau in markii ay soo hartay jamhuuriyada Somalia qeyb ka mid ah ay yeelatay ilaa lix madaxweyne oo la sii kala jarjaray, waxa uuna ku baaqay halkii laga dabaaldegi lahaa in la doono walaalaha gobolada Waqooyi ee horseeday in la midoobo. Wareysiga oo aad u dheeraa ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay daagaalka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay isku-heystaan maamulada Puntland iyo Somaliland, waxa uuna ku baaqay in dagaalkaas la joojiyo, si xal waara loo gaaro. Hoos ka dhageyso codka ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/07/Ganacsade-Abuukar-Cadaan.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. The U.S. ambassador to Estonia has resigned over frustrations with President Donald Trump's comments about the European Union and his treatment of Washington's European allies. Source: Hiiraan Online
  19. Edinson Cavani scored in either halves as Uruguay knocke header from a perfect Luis Suarez cross gave Uruguay 1-0 lead in the first-half as they remained the better side in the first 45 minutes. Source: Hiiraan Online
  20. The current state of our Somalia nation has been severely hampered by the quality of its office holders. We are displeased with it and have even relinquished the possibility of good government. Source: Hiiraan Online
  21. Egypt relies heavily on Djibouti as a partner in achieving economic development and security in the Red Sea, the Bab el-Mandeb Strait, and the Horn of Africa region, especially as both countries face the same challenges and have the same aspirations in this regard, Egypt’s Foreign Minister Sameh Shoukry said. Shoukry’s remarks came in a speech at the meeting of the Executive Council of African Union (AU) Foreign Ministers, on Thursday, in the Mauritanian capital Nouakchott held to prepare for the 31st session of the African Summit at the level of heads of states, scheduled on July 1 and 2. Shoukry stressed Egypt’s aspiration to Djibouti’s contribution to developing a mechanism for security and economic cooperation in the Red Sea, Foreign Ministry Spokesperson Ahmed Abu Zeid said in a statement. Egypt also hopes to develop relations with Djibouti in the field of ports, and studies the possibility of establishing an Egyptian free-logistics zone in Djibouti, he added. On the sidelines of the conference, Shoukry discussed with his Djiboutian counterpart the positive developments in the Horn of Africa, the water file, developments in the Ethiopian Renaissance Dam negotiations, and the situations in Somalia and Yemen. Shoukry also met with his Malian counterpart Emmanuel Fabiano, praising Malawi’s desire to hold a meeting for the Egypt-Malawi Joint Committee as soon as possible to discuss cooperation between the two countries in all fields. In 2011, Ethiopia began constructing GERD over the Blue Nile, one of the major sources of the water that forms the River Nile downstream. Ethiopians see GERD as a defining national project and a means of overcoming poverty. Egypt, however, fears the dam will affect its water-share of 55 billion sq meters, which it has had access to since the historic 1959 agreement with Sudan. Edited translation from Al-Masry Al-Youm
  22. Over the past six decades, the Horn of Africa has been a region of strife and conflict ravaging both the human lives and state resources. Poor leadership style in the region criminalized both the state and the economy. This is why many fellow citizens in the region believe that the conflicts and crisis in the region are a state-driven. Somalia’s prolonged state collapse is one of the heartbreaking troubles in the region and greatly impacted on the regional peace and stability. Though it could be debatable, one of the major drivers of the Somalia’s protracted state collapse, is Somalia’s irredentism policy towards the Somali-speaking regions in the Horn. Djibouti, Somali region in Ethiopia, and the Northeastern region in Kenya could be an example. In this case, re-establishing strong state institutions in Somalia by the Somalis, could mean what, to the other states in the region? Do the regional states are honest about restoring well-built state institutions in Somalia? Do Somalis are ready to abandon their irredentism foreign policy objective? These are some thought-provoking questions. The Republic of Somaliland, which merged with the Italian Somalia in 1960 to form the Greater Somali State in the Horn of Africa declared its withdrawal from the union in 1991, following a bitter war with the Somalia’s military regime. Somaliland has not yet attained de jure recognition from the international community. This is another dilemma in the region which needs a particular attention and consideration of all parties concerned. The decades-long standoff between Somaliland and Somalia’s warring factions, and even the successive transitional and federal governments, have been shaped by Somalia’s political instability since the collapse of the central government in 1991. This dilemma dates back to the early decades of Somalia’s creation as a state. However, if this stand off were not settled by the concerned parties, it will bring another cycle of conflict and confrontation. The Ethio–Eritrea border conflict is another dimension of the region’s conflicts. This conflict claimed the lives of over 70,000 people on both sides. Though the two countries are closing up a chapter of hate and hostility, what does this first round negotiation and dialogue mean to the other states in the region? Could it bring political and economic change?. The Djibouti–Eritrea clash near Ras Doumeira is another potential conflict which may erupt sooner or later, if the two countries fail to address it. Therefore, ending the border conflict between Ethiopia and Eritrea will definitely have an effect on this part of the region. The question is: what kind of effect it will bring? Claiming Somalia’s territorial waters by Kenya, is a breach of the international boundaries, including territorial waters, and, without hesitation, the Kenyans has shown an interest to extend its territorial sea and jurisdiction to the Somalia waters due to the inward-looking of the Somalia politicians. This is a potential conflict which could erupt sooner or later between Somalia and Kenya. The four-year old conflict between the Dinka and the Neur, the largest and the second largest ethnic group in South Sudan respectively, is another setback which greatly affected the prospects of the South Sudan’s state in post-independence period. Without doubt, the regional states exported their differences to South Sudan allying with the warring parties. An oil-rich Abyei region between the two Sudans is another contested area. The two countries are claiming the possession of that part of the region. The Comprehensive Peace Agreement reached by the two sides in 2005 highlighted the importance of resolving the conflict in the contested area of Abyie. This is another potential conflict which can escalate at any time in the future if the two parties fail to resolve it. Despite the fact that the Horn of Africa is a troubled region, I am not cynical about seeing a peaceful and a prosperous Horn African region, but, the willingness of the regional leaders to realize that ambition is discouraging. I have a grave concern over the future of the region, and returning to war in a struggle to control both the state power and natural resources in the expenses of others is inevitable and unavoidable. I ask myself, Do the Somali leaders wherever they are aware the changing nature of the Horn? Where do they stand in this changing region? Not as individuals, but as Somali politicians and intellectuals. Nasir M. Ali Hargeisa, Somaliland
  23. Somali officials say the United States has deported 84 Somalis, including four women, back to their home country. Two planes carrying the Somalis arrived at Mogadishu’s Aden Adde International Airport on Friday. A spokesman for Somalia’s Security Ministry, Abdulaziz Ali Ibrahim, told VOA’s Somali service the deportees had “been taken to the headquarters of the Somali National Intelligence and Security Agency for further questioning.” He said the detainees would be released after the security agencies complete their questions and paperwork. It was not clear whether all the deportees would be freed. Ibrahim said if the returnees wanted to stay in Mogadishu, they would be able to do so, and if they wanted to return to other parts of Somalia, the government would help them with their travels. Ibrahim did not say why the Somalis were deported, but U.S. and Somali officials have previously said that Somalis returned from the United States either had their asylum applications rejected or committed crimes. Around 275 Somalis were deported from the United States last year. A Somali who was deported in May last year, Samir Abdirahman Arab, told VOA’s Somali service that he was deported because his asylum case failed after he entered the country through Mexico. “The judge ordered our deportation and has issued the removal order,” he said. Source: VOA
  24. Bodies of two people who were reported missing in Tarbaj, Wajir County a few days ago have been found in a shallow grave. The two are among four people who were reportedly picked up by security officers from their shops in Konton and Khorof Kharar areas in an ongoing operation in parts of Tarbaj and Wajir East sub-counties. The two have been identified as Adan Debar Abdi and Abdikadir Jimaale. Security officers intensified hunt to Al-Shabaab militants after eight police officers were killed in Bojigaras earlier this month. The attackers made away with assault rifles and ammunition belonging to the slain officers. TOTURED Witnesses said the two bodies were found by herders in a shallow grave at the same location where the improvised explosive device went off between Kutulo and Bojigaras, five days after they were reported missing. The bodies were badly mutilated and were found with missing parts and bore signs of torture. The bodies were removed to Wajir Referral Hospital mortuary where a postmortem was conducted before they were buried. A section of residents held prayers for the victims at Wajir Qorahey grounds before burying them at Ahmed Liban Cemetery. Their death brings the number of people allegedly killed by the security officers to three after a 50-year-old man was killed in Kutulo AP camp last week. Addressing journalists, Wajir East MP Rashid Kassim expressed fears of the return of extrajudicial killings in the county and blamed the security forces for the act. ‘’Three days ago we demanded for them to be arraigned in court as we were fearing for their lives and here they are lying in body bags,” Mr Kassim said. He said the deceased were picked from Khorof Kharar and Osmadile areas while going on with their daily routine. The MP said the victims owned shops in the areas where they were picked from before being tortured and later killed. Mr Kassim further expressed fears that the two other missing residents, Mr Yusuf Ibrahim Osman and Mr Hassan Mohamed Abdi Adow might face the same fate. “We demand that the victims be arraigned in court if there is any suspicion of their involvement in the terrorist activities instead of killing them,” he said. He further called on special inquiry into killing and enforced disappearances of the youth in the country and prosecution of those involved in the criminal act. Mr Abdi Barre, a local resident, said that they were live in fear. Mr Barre said they were ready to work with the security officers and have in the past provided information on terrorism but the government has turned against them. But the government has denied claims of targeting innocent civilians and destroying their property. Source: – Daily Nation
  25. Addis ababa (Caasimada Online)-Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax oo ahaa sarkaal ka tirsan ururka ONLF oo ay bishii August ee sannadkii hore dawladda Soomaaliya u gacan gelisay dawladda Ethiopia ayaa iminka laga sii daayey xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa. Qalbi dhagax ayaa cafiska ka helay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed oo kusii daayay dalab kaga imaaday dowlada Somalia. Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Jabhada ONLF ayaa maanta oo sabti ah fursad u helay la kulanka Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed. Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, ayaa Qalbi Dhagax ka wareystay xaaladiisa caafimaad, caqabadaha hadda heysta iyo sida uu u arko cafiska loo fidiyay oo dalabkiisa ka yimid dowlada Somalia. Abiy Axmed ayaa Qalbi Dhagax ka xog wareystay haddii ay jiraan dhibaatooyin khatar ah oo loogu dhex geystay Xabsiga, waxa uuna sidoo kale ka dalbaday inuusan wax dhiba u qaadan wixii horay u gaaray maadaama uu dhacay isbedel maamul. Warar madax-banaan ayaa sheegaya in Qalbi Dhagax uu Ra’isul wasaare Abiy Axmed ka dalbaday in lsoo xiro dhammaan kiisaska uga furan Maxkamada iyo qeybaha Sirdoonka Ethiopia oo muddo ku dhow sanad uu la xiriiraayay. Qalbi Dhagax, waxa uu sidoo kale, Abiy Axmed ka dalbaday in lasiiyo xorriyad taam ah, maadaama uu xadidan yahay socdaalka iyo fasaxiisa, si buu yiri uu kulan ula yeesho qoysaskiisa. Ra’isul wasaare Abiy iyo Qalbi Dhagax oo kulankooda uu ahaa mid albaabada u xiran isla markaana laga heyn faahfahino dheeri ah ayaa waxa uu daba socdaa dadaalo ay dowlada Ethiopia ku dooneyso kasbashada ONLF oo fakero khaldan ka heysta Ethiopia. Ra’isul wasaare Abiy ayaa la xaqiijiyay in Qalbi Dhagax uu u ballanqaaday u sahlida waxyaabo badan oo ku saabsan dalabkiisa, hase yeeshee ma uusan iminka helin ballanqaad rasmi ah. Sidoo kale, Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa tan iyo markii uu talada la wareegay bishii April la yimid siyaasad furfurnaan iyo is bedelo ka duwan sidii lagu yaqiin Ethiopia, isagoo dabacsanaan u muujisay dhinacyada ka soo horjeeday Ethiopia iyo dalal ay siyasad ahaan isu hayeen. Ma cadda go’aanka uu Ra’isul wasaare Abiy ka qaadan doona dalabka Sarkaalka ONLF Qalbi Dhagax. Caasimada Online Xafiiska Addis ababa Caasimada@live.com