Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,144
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Adis Ababa (Caasimadda Online) – Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax ayaa Shalay markii ugu horeysay ka hadlay sababtii loo xiray iyo cidda ka dambeysay xarigiisa kadib markii dhawaan laga sii daayey xabsi ku yaal dalka Itoobiya oo uu ku xirnaa dhawr bilood. Haddaba waxaan idiin soo gudbineynaa Lix (6) waxyaabood oo laga bartay hadalkiisa: Inuu yahay Nin ay ka go’an tahay Soomaalinimo: Qalbi Dhagax hadalkiisa wuxuu dhawr jeer kusoo celceliyey inay Soomaaliya midowdo isla markaasna khilaafka iyo is kooxeysiga laga tago, waxaana ka muuqatay inay ka go’an tahay sidii loo heli lahaa Soomaaliya oo hal ah, C/kariin Qalbi Dhagax ayaa sheegay inuu xoojin doono Midnimada, isku duubnimada iyo sidii Umadda Soomaaliyeed loo mideyn lahaa, isla markaana dib loogu walaaleyn lahaa. In la kala qariyey isaga iyo Madaxda ugu sareyso markii la xirayey: Qalbi Dhagax oo wareysi siiyey Wariye Coldoon ayaa sheegay inay jirto koox yar oo Muqdisho ku sugan taasoo kala qarisay isaga iyo madaxda ugu sareyso markii la xirayey, wuxuuna hadalkaas muujinayaa inaysan madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya aysan waxba kala socon xarigiisa. Inuu si weyn ula socday taageerada ay shacabka u muujiyeen: Qalbi Dhagax ayaa tilmaamay inuu si weyn ula socday taageerada ay shacabka Soomaaliyeed uu muujiyeen markii la xiray isagoo yiri “Shacabka Soomaaliyeed ee aad uga dhiidhiiyay jariimadii ay ashqaas yar i geysatay, waxay muujiyeen damiir walaalnimo oo Soomaali oo dhan mideeyay oo runtii taariikh lama ilaawaan ah, oo ku tuseysa in dadka Soomaaliyeed ay walaalo yihiin meel kasta ay joogaan” Inuu ka gaabsaday cidda xirtay: Inkastoo Qalbi Dhagax uu sheegay inay koox yar ka dambeysay xarigiisa taasoo ku sugan Muqdisho, haddana si rasmi ah ugama hadlin cidda xirtay iyo magacyadooda taasoo muujineyso inuu ilaa xad ka gaabsaday. Marnaba Itoobiya uma mahad celin: Qalbi Dhagax intii uu hadlayey marnaba uma mahadcelin dowladda Itoobiya oo xabsiga kasii deysay taasoo muujineyso inuu jiro kala fogaansho u dhaxeyso isaga iyo Itoobiya, waxayna arrintaan meesha ka saareysaa hadal heyntii ku aadaneyd inuu la shaqeyn doono dowladda Itoobiya. Taxdar iyo Daganaansho: Qalbi Dhagax intii uu hadlayey oo dhan waxaa ka muuqatay inuu ka fiirsanayo hadalada uu dhahayo, wuxuuna muujinayey taxadar aad u weyn si toos ahna ugama hadlin waxyaabo badan oo laga filayey inuu kashifi doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Intiinii la socotay waxaan dhawaan idiin soo gudbinay qeybta Labaad warbixino musalsal ah oo aan uga hadli doono sida ay Beelaha Soomaaliyeed u qeybsadeen xilalka Ururka Al-Shabaab kuwooda ugu sareeyo, kowooda dhexe iyo kuwa Hoose. Qeybtii koowaad ee warbixintaas waxaa kusoo qaadanayey 220 xubnood ee Al-Shabab ugu sarreeya iyo beelaha sida ay u kala qeybsadeen, sidoo kale qeybtii labaad ee warbixintaan waxaan kusoo qaadanay 10-ka xubnood ee golaha shuurada Shabaab iyo sida ay beelaha Somalia u kala qeybsadeen. Haddaba Waxaana Maanta qeybta Sedexaad kusoo qaadan doonaa 27 Mas’uul ee ugu sareyso Amniyaadka Shabaab iyo sida ay beelaha u qeybsaden Waxaa mar kale muuqato in Beesha Mogadishu Clan ay ugu badan tahay 27 Mas’uul ee ugu sareyso waxaana ku cad sawirka hoose inay Hawiyo Mas’uuliyiintaas ku leedahay wax ka badan 50% taasoo ah inay ku dhawaad 18 Mas’uul kasoo jeedan Beeshaas. Beesha Daarood ayaa ah Beesha kusoo xigto Mogadishu Clan, waxayna leedahay 20% xubnaha ugu sareyso amniyaadka Shabaab. Sidoo kale waxaa kusoo xigta Beesha Digil iyo Mirifle oo iyana leh 18% , halka 4% ay leedahay Beesha Dir. Ugu dambeyntii Beelaha Shanaad ama (Others) ayaa leh 2%. Waxaa si weyn u muuqato in Beesha Mogadishu Clan ay ku xoogan tahay dhammaan dhinacyadii aan kusoo qaadanay Warbixintaan Tixanaha ah. Halkaan hoose ka arag sawirka arrintaan muujinay. La socoto qeybta xigta oo aan uga hadli doono : Sida ay beelaha u qeybsadeen Mas’uuliyiinta Jabhadda Haddii ay ku dhaaftay warbixinadi hore halkaan hoose ka akhriso: 220 xubnood ee Al-Shabab ugu sarreeya iyo beelaha sida ay u kala qeybsadeen 10-ka xubnood ee golaha shuurada Shabaab iyo sida ay beelaha Somalia u kala qeybsadeen (Yaa u badan) Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxaa uu kusii jeedaa gobolada Barri ee maamulkaas kuwaasoo kala ah, Sool iyo Sanaag, sida ay u xaqiijiyeen Warsidaha Garowe Online, illo xog ogaal ah. Muuse Biixi ayaa wuxuu ugu horeyn tegi doonaa deegaanka Ceel Afwayn ee gobolka Sanaag, halkaasoo maalmihii ugu dambeeyay ay ka taagneed xiisad colaadeed oo u dhaxeysa labo beelood oo katirsan kuwa degan deegaanka. Safarka uu Madaxweyne Muuse Biixi ku tegayo halkaas wuxuu kusoo beegmayaa maalin uun kadib markii Askar ka tirsan Somaliland lagu dilay halkaas, islamarkaana lagu dhaawacay Shan kale iyo labo rayid yihiin. Ujeedka sodcaalka Muuse Biixi ayaa lagu sheegay inuu salka ku hayo sidii uu usoo afjari lahaa colaadda muddo soo jirtay halkaas ka taagan, taasoo dad badan ku dhinteen, ayna ku barakaceen Kumanaan kale. Dhinaca kale, Muuse Biixi ayaa la sheegay in sodcaalka Ceel Afwayn kadib uu usoo ruqaan-san doono dhanka Tuuladda Tukaraq, gaara ahaan Jiida hore ee dagaalka si uu niyada ugu soo dhiso ciidamada Somaliland ee dagaalka kula jira kuwa Puntland. Dhanka kale Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee Gobolka sool ayaa waxa ay sheegayaan in deegaankas lag maqlay jugta dhawaqa Madaafiicda oo ay isku-ridayeen Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntlnad. Ciidamada labada dhinac ayaa weli isku-horfadhiya deegaanka Tukaraq,waxaana saacadihii la soo dhaafay deegaanka ay labada dhinac ay ku sii daabulayeen ciidamo ad u farabadan taas oo abuurtay xiisad Cusub. Dadka tirada yar ee ku haray deegaanka Tukaraq ayaa waxa ay sheegeen in Barqanimadii maanta mar qura ay maqleen dhawaqa Madaafiicda oo ay iksu-ridayeen Ciidamada labada Maamul,ils amarkaana ay cabsi dareemeen. Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa deegaanka Tukaraq gaaray boqolaal ka mid ah Ciidamada Puntland iyo Xubno ka socda Golaha Wasiirada Maamulkaas kuwaas oo sheegay in uusan dagaalka kala dhaxeeya Soomaaliland joogsan doonin ilaa Ciidamada Soomaaliland ay ka baxaan Gobolka Sool. Khasaaraha ka dhashay madaafiicda ay tukaraq isku-weeydaarsadeen Maanta Ciidamada Soomaaliland iyo Puntland wali lama cadeyn,balse wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in uu jiro dhaawacyo soo gaaray dad rayid ah. Qaramadda Midoobey ayaa sheegtay in ka badan 100,000 ay saameysay colaadda Tukaraq, iyadoo ugu baaqay dhinacyadda isku haya inay ka baaqsadaan colaad kale oo dhiig ku daato. Waa markii ugu horeysay oo Madaxweyne Muuse Biixi uu sodcaal ku kala bixiyo deegaano ka tirsan goboladda Sool iyo Sanaag, oo Somaliland Berri uga yaala, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay. Hay’adda Xasaradaha Adduunnka [ICG] ayaa dhawaan warbixin ay soo saartey ku sheegtay in Somaliland iyo Puntland ay qarka u saaran yihiin inuu dagaal aan dhamaad lahayn ku dhexmaro gobollada waqooyi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka digay in qeybaha mucaaradka lagu fiirsado dhibaatooyinka ay u maleegayaan dalka. Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay inay jiraan dhagaro ay dalka u maleegayaan mucaaradka waxa uuna tilmaamay inay khalad tahay in dadka shacabka ah ay marqaati ka noqdaan burburinta dalka. Madaxweynuhu waxa uu cadeeyay in dhagarta mucaaradka ay tahay mid ku saleysan burburinta dalka iyo in Somalia laga saaro qaarada Africa, sidaa aawgeed ay muhiim tahay in laga gaashaanto kuwa ku sifoobay burburinta Somalia iyo is hortaaga hanaqaadkeeda. “Shacabku waa inuu noqdaa kuwo u taagan difaacashada dalkooda, Somalia waad la soctaan in mudada ay burbursaneed laga masaxay aduunka, waa inaan iminka garanaa waxa noo dan ah, maaha inaan u daneyno shaqsi gaara iyo danihiisa’’ Madaxweyne Farmaajo waxa uu tilmaamay in dadka shacabka ah uu uga digaayo inay ku kadsooman Sida Mucaaradka iyo Al-Shabaab oo ay ka go’an tahay in Somalia ay ka hirgaliyaan keliya wixii rabitaankooda ah. “Dadku waa inay kala furan indhahooda oo ay ogaadan waxa u wanaagsan, dalkaan waxaa caqabad ku ah laba jiho oo kala ah mucaarad iyo xagjir, waa inaanu ka shaqeynaa sida aan uga ilaashan laheynay dalkeena’’ Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo waxa uu cadeeyay in dhinacyada Al-Shabaab iyo Mucaaradka ay ka mideysan yihiin carqaladeynta dalka , waxa uuna cod dheer ku sheegay inay soo dhaweynayaan mucaarad dhisaaya dalkiisa isla markaana jeedinaaya dhaliil ka fog qalqal amni. Haddalka Madaxweyne Farmaajo ayaa imaanaya xili la quusiyay awoodaha mucaaradka iyo Al-Shabaab, inkastoo ay weli jiraan dhagaro ay maleegayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online)Waxaa bishii Jun ee aanu soo dhaafnay magaalada Muqdisho ka dhacay Qaraxyo kooban markii la eego Qaraxyadii dhacay bilihii kasii horeysay. Qaraxyada dhacay bishii Jun ee lasoo dhaafay ayaa u badnaa Qaraxyo miino iyo kuwo loo adeegsaday Gawaari Ismiidaamin ah oo siyaabo kala duwan uga dhacay bartamaha magaalada Muqdisho. Qaraxyada bishan ka dhacay magaalada Muqdisho ee aanu diiwaan galinay ayaa tirro ahaan ah 7 Qarax oo mid weliba uu ka dhashay khasaaro xoogan. HOOS KA AKHRISO QARAXYADA IYO XILIYADA AY KALA DHACEEN 1-Jun 7, 2018, Qarax lagu xiray gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay Xaaafada suuqa Xoolaha ee degmada Yaaqshiid, waxaana lagu dilay Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa Maamulka degmada Yaaqshiid kaas oo lagu magacaabi jiray Cali Cabdi Geedi Farayare. 2- June 15, 2018, Qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa uu ka dhacay degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Isgoyska Ifka Xalane qeybta degmada Dayniile. 3- Jun 20, 2018, Qarax lagu soo xiray Gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay Isgooska Xaaji Baasto wadada Makka Al-Mukarama ee degmada hodan,waxaana ku dhaawacmay Qaraxa Wiil iyo Gabar wada socday. 4- Jun 22, 2018, Koox hubeysnaa ayaa bamgacmeedyo ku weeraray xarunta degmada Waabari ee Gobolka Banaadir xili halkaa ay ka soctay munaasabad. 5-June 23, 2018, Qarax lagu xiray Gaari nooca raxada ah ayaa waxa uu ka dhacay degmada Waabari gaar ahaan waaxda Hanti Wadaag, qaraxa ayaa waxaa gaariga loogu xiray Sarkaal ka tirsan Booliska. 6- June 30 2018, Qarax bambaano ayaa waxaa lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ku sugnaa Isgoska Baar ubax ee Magaalada Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay 4 Qof oo 3 kamid ah shacab yihiin. 7- Jun 30, 2018, Qarax miino ayaa lala eegtay Gaari dagaal oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan NISA kaa oo ka dhacay deegaanka Xaawa-Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxyada dhacay Bishii Jun ee lasoo dhaafay ayaa aad uga yar Qaraxyadii dhacay bilihii hore ee tagay waxaana muuqaneysa in hoos u dhac uu ku imaanayo Qaraxyadii badnaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. The president of Somalia’s province of Puntland Mr.Abdiweli Mohammed Ali Gaas has lamented about the existence of a tribal militia that has refused to take orders from him. The militia the president of Puntland is complaining about recently joined the Puntland militia that waged a war against Somaliland government forces based at Tukaraq. According to reliable sources close to the realms of power, confirmed that a cabinet meeting was held on Thursday this week. In the meeting the president of Puntland addressed his ministers confirming the presence of a tribal militia that had converged in Qardho, in Karkaar region of the country. The president said that the tribal militia do not take orders from his government and have been mobilized by some people with political interest in mind, and opposed to his administration. He went further to reveal that the aforementioned militia have not communicated with Puntland commanders on the ground and have joined another mercenary force en route to attack Somaliland armed forces based in Tukaraq hamlet. Provincial Puntland leader said that the mentioned militia had a political agenda that he did reveal however he stated that they want to ruin the war he waged against the Republic of Somaliland. Meanwhile the minister of livestock and animal husbandry Mr.Abdillahi Sheikh Ahmed addressing the Puntland Press stated that the militias were answering the call of help from the Puntland administration which was asking for foot soldiers. President Gaas said that the tribal militia is a threat to Puntland internal security because they take orders from elsewhere. He asked the minister of livestock to make sure that the militia joins the government command, since they have formed their own command and bases parallel to the government of province of Puntland. Mr.Gaas added that the militia takes order from some politicians he did not name, but the media confirmed that they are the same people who will run for the presidency come electioneering time. He added that if the current militia is not disbanded other will imitate and form more tribal militias in the region hence the province becoming a militia’s playground. According to information circulating in the Puntland press confirm that Mr.Gaas is worried that the tribal outfit from Qardho may be used to fight a political war against his administration, since he wants cling to power by extending his tenure which is opposed by some politicians from Garowe who have put their foot soldiers at a place on a hill overlooking Garowe town. Puntland politicians accuse Mr.Abdiweli Gaas for lacking a political agenda for the nation concerning the Tukaraq war since he does not want the war to end a war that has cost many lives. The Qardho militia whose is number estimated to be more than 200 have armored mounted vehicles and when they went to join the Puntland militia they did not mix but made their own barracks and command centre
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdiga ka socday Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo Muqdisho kaga qeyb galay xuska maalinta xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur ee 1-da Luuliyo. Madaxweynaha ayaa tilmaamay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo himilooyinka wadajirka ah ee ay xambaarasanyihiin, isagoona sheegay in farxad-wadaaga, iska warqabka, dheef iyo dhib isla qeybsiga labada dal uu ku saleeysan yahay taariikhda qotoda dheer ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Jabuuti. Madaxweynaha ayaa yiri; “aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan idinkaga mahadcelinaynaa sida walaaltinimada leh ee aad noogala soo qeyb gasheen sanad guurada 58aad ee ka soo wareegtay xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo midwoga labada gobol. Jabuuti waa dal aanu walaalo nahay, mar walbana garab iyo taageero noo ah.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle kaalintii uu ka geystay nabadeynta iyo dowlad dhisidda Soomaaliya, wuxuuna qiray in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan hiilka walaaltinimo. Wafdiga ka socday dalka Jabuuti ee la kulmay Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirrada Difaaca iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho, fannaaniin ka tirsan Kooxda Xarbi ee Ciidamada Qalabka sida ee dalka Jabuuti iyo saraakiil ciidan. Dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliyana waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wafdi Jabuutiyaan ah appeared first on Puntland Post.
  8. Riding a wave of populist anger fueled by rampant corruption and violence, the leftist Andrés Manuel López Obrador was elected president of Mexico on Sunday, in a landslide victory that upended the nation’s political establishment and handed him a sweeping mandate to reshape the country. Source: Hiiraan Online
  9. Samiira iyo C/weli waxay AQALGALEEN 16kii bishii Maarso ee isla sanadkan 2018, waa maalintii farxdooda ee lamanuhu ay qoys ku midoobeen, 3 June ee 2018 Source: Hiiraan Online
  10. Rift Valley Fever cases have hit 80 in Wajir County since the outbreak on June 7 this year. Source: Hiiraan Online
  11. Addis ababa (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaa la xaqiijiyay in si rasmi ah ay ula wareegtay amniga Sarkaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax). Sarkaal ka tirsan Booliska Federaalka Ethiopia oo lagu magacaabo Danyel Musami ayaa sheegay in ka warqabka xaalada amni ee Qalbi dhagax ay tahay mid dusha ka saran dowlada Ethiopia. Danyel Musami, waxa uu sheegay in damaanada amni ee Qalbi Dhagax ay tahay mid dusha ka saran keliya inta uu ku sugan yahay Ethiopia. Danyel Musami, waxa uu cadeeyay in Qalbi Dhagax kiiskiisa uu weli yahay mid furan, balse inta harsan ay ka sahlan tahay kuwa laga soo gudbay. Waxa uu tilmaamay in Booliska Ethiopia uu la socdo xaalada amni ee Qalbi Dhagax, isla markaana xaaladiisa ay u xil saaren dharcad uusan sheegin tiradooda iyo qaabka ay u ilaalinayaan amniga Qalbi Dhagax. Sidoo kale, Qalbi Dhagax oo kusii jeeda dalka Kenya ayaa laga cabsi qabaa in mudada uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa uu caqabado kala kulmo dhinacyada kasoo horjeeda dowlada ee doonaaya waxyeeleynta Qalbi Dhagax si isku dhac uu uga dhex dhasho ONLF iyo Ethiopia. Dhinaca kale, dowlada Ethiopia ayaa Qalbi Dhagax ku wareejisay warqad fasax ah oo la sheegay inay amreyso inuu ka dhoofi karo Garoomada Ethiopia. Caasimada Online Xafiiska Addis ababa Caasimada@live.com
  12. Hundreds of Ottawa residents are spending July 1 not only celebrating Canada but also other nations that mark their independence on the same day. Source: Hiiraan Online
  13. Kenyan police on Sunday sought help from the International Criminal Police Organization (Interpol) for the arrest of three suspected drug barons who are believed to have sneaked out of the country in June. Source: Hiiraan Online
  14. The sugar wars that are threatening to unravel the Jubilee ruling coalition have focused mostly on the product that is imported by scores of licensed traders. Source: Hiiraan Online
  15. The Deputy Chief of Defence Forces Lt. Gen. Wilson Mbadi has said violent extremism requires tackling through joint trainings of armies across the globe. Source: Hiiraan Online
  16. Qatar Charity’s (QC) office in Somalia, in co-operation with the Benadir Regional Administration opened a dispensary in Wadjer, an impoverished neighbourhood in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Saraakiisha CXD ayaa gacanta ku dhigay Horjooge ka tirsan Al-Shabaab iyo dagaalyahan kale oo ka tirsan maleeshiyada. Horjoogahan ayaa lagu qabtay degaanka Baar-sanguuni oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, xili uu ku guda jiray shaqooyinkiisa argagixiso. Horjoogahan ayaa lagu magacaabaa Cali Cabdullaahi Sadiiq, waxa uuna sheegay in xiliga uu ku biiray maleeshiyada laga joogo sanado badan. Saraakiisha CXD ayaa sheegay in horjoogahan uu ahaa wakiilka Al-Shabaab u qaabilsanaa degaanka Xaaji Muuse oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Laba xidigle C/fitaax Ibraahim Maxamed oo ah Taliyaha ururka 58-aad, Guutada 11-aad ee qeybta 43-aad ciidanka xoogga dalka,ayaa warbaahinta u sheegay in Tuulada Muuse Xaaji ay kula dagalameen Al-shabaab, waxaana uu tilmaamay inay ka dileen 11 Dagaalame. Sidoo kale, waxa uu intaa ku daray Taliyaha in mudada lagu guda jiray dagaalka ay gacanta ku dhigeen Horjoogaha Tuulada Muuse Xaaji u qaabilsanaa Al-shabaab.
  18. Danish think-tank study describes the smuggling as a “dangerous, lucrative and highly political business.’’ Study blames official neglect of the sugar sector in western Kenya and marginalisation of the country’s northern region for the smuggling. It names a former governor and a leading politician from northern Kenya as some of the top politicians involved in the trade. Source: Hiiraan Online
  19. LOS ANGELES -- LeBron James' next NBA chapter will be set in the West Coast. James will be playing for the Los Angeles Lakers on a four-year,...... Source: Hiiraan Online
  20. Dowladda Ethiopia ayaa dhowaan xabsiga kasii daysay Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax, oo ah sarkaal ka tirsan ururka ONLF oo bishii August ee sanadkii tagey ay dowladda Soomaaliya u gacan gelisay xukuumadda Addis-Ababa. Cidda ka dambeysay sii daynta Qalbi-Dhagax, ayaa waxaa weli ka taagan dood badan. Odayaasha beeshiisa waxay sheegeen in ayaga ay dadaal u galeen in lasii daayo, halka safiirka Ethiopia ee Soomaaliya Jamaaludiin Mustaf Cumar uu sheegay inay kusii daayeen codsi ka yimid dowladd Soomaaliya. Qalbi-Dhagax oo hadlayna, hadalkiisa ma kala caddeyn. Haddii aan tixraacno hadalka safiirka, side ayay isku qabaneysaa in dowladda ay markii hore gacan gelisay Qalbi-Dhagax, haddana ay soo deysay. Waxaan dhihi karaa laba arriin midkood ayaa suurto-gal ah: 1 – In Dowladda Soomaaliya ay garwaaqsatay inay gashay qalad weyn, oo ay taageero badan ku lumisay, sidaas darteedna ay u istaagtay inay saxdo qaladkaas, oo sidaas ay dadaal ugu gashay in lasoo daayo Qalbi-Dhagax. 2 – Inaysan dowladda wax gacan ah ku lahayn sii daynta Qalbi-Dhagax, sida ay odayaasha beeshiisa sheegeen, balse ay aragtay fursad ay magac ku kasban karto, sidaas darteedna ay uga codsatay safiir Jamaaludiin inuu hadalkaas u sheego warbaahinta Soomaaliya. Haddii ay midda koowaad tahay, dowladda waxaa la gudbooneyd in maadaama codsigeeda lagu sii daayey, in dowladda Ethiopia ay ka codsato in qoraal rasmi ah la raaciyo sii daynta Qalbi-Dhagax, oo la shaaciyo doorkii ay ku lahayd, taasi oo sida muuqata aan dhicin, haddii ay tahay arrin ay dowladda ahmiyadeeda garan weyday iyo haddii kaleba. Sidoo kale waxay ahayd inay qoraal soo saarto kuna sheegto in qalad uu ka dhacay, dibna ay u saxday oo ay cafis dalbato. Haddii arrintu tahay midda labaad, waxaa muuqata in dowladda ay kasii dartay qaladkii horey u dhacay, waayo safiirka Ethiopia cid aamineysaa waa yar tahay, dowladda inta hadashay ma aysan ku taageerin qoraal. Midkii ay tahayba arrinta waxaa muuqata in sheekadu weli ay halkeeda joogto, dad badanna ay dowladda taageeradii ay ugala laabteen arrinta Qalbi-Dhagax aysan usoo celin. W/Q: Saadaq Xuseen Ciise Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. Garoowe (Caasimada Online)-Colaado u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo Puntland ayaa waxa uu wali ka taagan yahay Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool. Colaadani oo muddo bilo ah taagan ayaa waxaa ku naf waayay shacab badan, halka kuwo intaa kasii badan ay ku barakaceen. Dadka ugu badan ee ku barakacay colaada ayaa ahaa kuwa ku nool guryaha ku dhow dhow jiida uu dagaalka ka socdo. Peter De Clerk, oo ah ku-xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa sheegay in QM ay diiwaanka ku darta tirada dadka ku barakacay dagaalka oo aad u badan. Peter De Clerk, waxa uu sheegay in colaada ka taagan degaanka Tukaraq darteed ay u barakaceen dad ka badan (12 Kun) oo qof. Ku-xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud QM Mr. De Clerk ayaa dhinacyada is horfadhiya ugu baaqay in ay ka fogaadan baacsiga ay isku hayaan si ay nabad u helaan dadka deegaanka. Mr. De Clerk oo ka hadlaayay barakaca ka dhashay dagaalka ayaa yiri “Ugu horeyn gobolada Sool iyo Sanaag waa meelo ay ka jiraan xaalado bani’aadanimo, sidaasi darteed weli waxa ay ka mid yihiin meelaha ay colaadaha ka jiraan, khilaafkan waxaa ka dhashay inay ku barakacaan 12 Kun oo qof” “Waxan ugu baaqayaa dhinacyada in aysan colaad kale hurin, sababtoo ah taasi waxay abuureysaa qalalaase kale” Sidoo kale, Mr. De Clerk ayaa sheegay inay telefoonka kula hadleen Madaxda labada maamul, isaga oo tilmaamay in dadaalkooda halkaasi uusan ku ekeyn balse Hargeysa iyo Garowe uu u tagay sidii loo sii wadi lahaa xabad joojinta. Dhinaca kale, dalal iyo hay’ado kala duwan ayaa horey baaqyo nabadeed ugu diray Somaliland iyo Puntland, waxaana ka mid ah UN, African Union, European Union, (IGAD), Belgium, Denmark, Ethiopia, Finland, Germany, Ireland, Italy, the Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, the United Kingdom iyo the United States. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkada DP World oo laga leeyahay dalka Isutaga Imaaraadka carabta ayaa ku dhawaaqday inay sameyneyso sal balaarsi dhinaca alaabaha uga soo daga Africa. Maamulka Shirkada DP World ayaa sheegay inay saldhig cusub ka sameysanayaan dalka Ethiopia si alaabaha kasoo dega Dekadda Berbera ee Somaliland looga sii qeybiyo Ethiopia iyadoo la gaarsiinaayo dalalka kale ee xadka kala dhexeeya Ethiopia. Agaasimaha shirkada DP World Sultan Ahmed bin Sulayem, oo u waramaayay WAM ayaa sheegay in Ethiopia 95% ay alaabaha kala imaado dalka Djibouti, taasina looga maarmi doono dadaalka ay DP World ku dooneyso sal balaarsiga. Sultan Ahmed bin Sulayem, waxa uu sheegay in qorshuhu yahay in Saldhig lagu daabulo Kunteenarada laga hirgaliyo Ethiopia, waxa uuna tilmaamay inay sameynayaan waddooyin waaweyn oo la mariyo alaabaha uga soo daga Dekadda Berbera ee la gaarsiin doono Ethiopia. Waddooyinka ayuu sheegay inay dhaqaale ku bixin doonto shirkada DP World si meesha looga saaro dadaalka ay Ethiopia alaabaha uga soo dagsaneyso Dekadaha Djibouti. Agaasimaha shirkada DP World Sultan Ahmed bin Sulayem oo ay isku dhacsan yihiin dowlada Djibouti ayaa doonaya inuu dhexda ka jaro xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya dowladaha Ethiopia iyo Jabouti si hoos u dhac uu ugu imaado Ganacsiga kasoo daga Dekada Jabouti ee dhawaan laga eryay DP World. Shirkada DP World, ayaa doneysa in go’doon ganacsi ay galiso Djibouti iyadoo la adeegsanaayo Dekadda Berbera, wallow ay Jabouti sheegtay inay ka gaashamaneyso shirkada DP World. Dowlada Ethiopia oo dhawaan Imaaraadka ka gudoontay lacag dhan 3 bilyan ayaa u muuqaneysa mid ka weecan doonta ganacsiga kala dhexeeya Djibouti. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Sida lawada ogsoonahay Ummad kasta oo dunida ku nooli waxay leedahay taariikh u gaar ah oo lagu qoro Diiwaankeeda, taasoo ka turjumaysa maraaxilkii kala duwan ee ay soo mareen, si ay ummaduhu uga faa’idaystaan dhib iyo dheef wixii ay lahayd, uguna dabakhaan horumarkooda dhaqan dhaqaale iyaga dib u milicsanaya sixitaanka hadba wixii hagardaamo soo maray si ay uga taxadaraan casharadii ay ka barteen waqtigiyadii la soo maray. Haddaba, Ummada Somaliland waxay soo martay maraaxil kala duwan oo taariikheed oo qadhaadh iyo macaanba lahaa loona baahan yahay in looga faa’idaysto masiirkeena hadda taagan. Taariikhduna iyadaa is qorta ee lama qoro, waxana hore loo yidhi; “Been ma sheegto Taariikhdu, Ma Bukooto Taariikhdu, Mana Baqato Taariikhdu”. Ingriisku ilaa 20 sano ayuu rabay inuu qabsado Somaliland,1825 ayaa lagu gubey Markab uu Ingiriisku leeyahay lana odhan jirey MARY ANNE Berbera agteeda,laga bilaabo maalinta xeebaha Somaliland waxa la saarey CUNA-QABATEYN wax soo gali kara kana bixi kara ma jirin Berbera,Saylac,Maydh,Bula-xaar,Laasqore arintaasi toban sano ayey cuna-qabateyntu saarneyn xeebaha Somaliland dooni iyo markab imana kamanaa bixin. Haddaba markii culumadda iyo wax garadkii Somaliland arkeen inuu Boqorkii Itoobiya ee MENELIK soo qabsaday Casimadii Diinta Islaamka ee Herar iyo Diridhaba una soo jeeda xeebaha Somaliland ayaa degdeg loola galey Ingiriiska inuu yimaado Somaliland ilaaliyana dhulka Somaliland waxaana loo bixiyey SOMALILAND PROTECTORATE Macnaheeduna yahay Somalilandtii la ilaalinayey ama maganta ahayd. Mudo 80 sano waxaynu ahayn Maxmiyadda United Kingdam 26 JUN 1960 Ayaa xoriyadeena ka qaadaney United Kingdam.Mudaba waxaa socdey cudur duufan wado oo Soomaali-weyn,cudurkaasi wuxuu ku dhacay ummadda Somaliland,inuu ahaa cudur jirey oo xumad badan waxaa inoo sheegey dalkii aan ku biirney ee koonfurta Soomaaliya markiiba wacay inoogu yeedheen SOMALI QALDAAN runna wey ahayd.Arintan Cudurkan SOOMAALI-WEYN ee Shanta Soomaali leysku keenayey oo ah: 1 – Somaliland oo maammulka Ingiriiska ku hoos jirtey muddo 80 sano ah waxayna ka xoroowdey 26 Jun 1960. 2 – Soomaalilda koonfureed oo iyana Talyaanigu gumeysan jirey ilaa 1 July 1960 ` 3 – Jabbuuti oo Faransiisku gumeysan jirey oo 27 Jun 1977 ka xorowdey. 4 – Soomoali galbeed oo ilaa maanta cagta xabashidda ku hoos jirta. 5 – NFD (Wajeer) oo xukuumaddii Ingiriisku siisay Kiiniya,walina gumeysi ku hoos jirta. In Shanta Soomaali leysku keeno waxay noqotey hawo beena iyo cudur ku dhacay Somaliland’ Waxa iyana xoroowdey Soomaalidii talyanigu gumeysanayey 1 July 1960 isla maalintiina waa isku biireen Somaliland waxaana abuurmey JAMUURIYADA SOOMAALIYA. Ummadda Somaliland si bilaa shuruurada ayey isugu biireen Soomaaliya. Gobannimo daryeel iyo xil iyo daacadnimo weydey Markii Somaliland iyo Somalia isku darsadeen 1 july 1960 markiiba koonfurtu waxay inoo aragtey inaan dad waalan nahay oo waxba garaneyn iyadoo sanad la gaadhin kolkan isku darsaney waxay bilaabeen howshan xaq daradda ah: 1-Magacii Soomaaliya la qaatey oo kii Somaliland waa la tuurey 2-Markii Jamuuriyadda Somalia la dhisey waxa loo dhisey sidan. -Madax-weyne wuxu ahaa koonfurta. -Ra’iisal Wasaaraha wuxu ahaa Koonfur. -Wasiirka Arimaha gudaha,Arimaha iyo Dibada waxay ahayeen koonfur. -Taliyaha ciidanka qalabka sida,Taliyaha Booliska,Taliyaha waardiyaha dhaqaalaha waxay ahayeen Koonfur. -Magaalo madax koonfur. -Dakadii Somalia waxay noqotey Xamar iyo Kismaayo. -Sharcigii Wadanka lagu xukumayey wuxu noqdey kii koonfur. -Barlamaankii 90 ayuu ahaa waxay qaateen 70. Adigu wadan wadan kale qabsadey oo gacanta u galey maafiyadii talyaanig ka soo qaad. 3 – Markeynu lix bilood wada joogney koonfurtu waxay biloowdey in la raro wax ala wixii qalab dowladeed lahaa ee yaalley dalkii cusbaa Somaliland oo xamar loo raro waxay babuur isjiid ah socdeen 11 bilood ayuunba wax laga gurayey Somaliland oo xamar loo gurayey.waa bililiqadii ugu horeysa ee Somaliland ay konfuurtu ay bililiqaysato. UmmaddiibSomaliland waxay bilowdey halgan hubeysan oo lagu hoobtey,xiddida ayaa loo soorey qoloysatadii xamar,waxaana cudurkii Soomaali-weyn dawadiisa ku kacay qiimo aad u sareeya oo ah: -Boqol kun ayaa naftoodda u hurey in laska daweeyo cudurkii Soomaali-weyn iyo Somaliland Madax-bannaanideeda dib ula soo noqoto, -Cudurkaas Soomaali-weyn wuxuu dhulka la simey dhamaan Magaalooyinkii Somaliland Hargeisa,Burco,Gabily,Ceerigaabo,Berbera,Garadag,oodweyne,Baligubadle,sheekh iyo Ceelafweyn.waxaana ku khasaarey ilaa 60 Bilyan USDollar. 18 May 1991 Tan iyo intii ay Jamhuuriyada Somaliland Madax-bannaanideeda dib ula soo noqotay waxay buuxisay dhamaan shuruudihii Dawlad-nimo, waxay leedahay Calan, Lacag, Xudduudo iyo Ciidan Qaran. Shuruudaha ugu muhiimsan ee lagu qiimeeyo dhismaha dal kasta oo buuxiyey astaamihii haykalka Dawlad-nimo waxa ka mid ah Inaad sugto xuduudahaagga oo ayna cid kale ka talin Si kastaba ha ahaatee waxa waajib inugu ah in la isku ixtiraamo nidaamka dawladeed ee aynu samysanay oo aan ahayn mid hadiyad la inoo siiyay balse ku yimi halgan dheer oo naf iyo maalba loo huray. Dagaalkii,Cudurkii ay inoo keentey midnimadii walaal tinimada inoogu muuqatey waxaan ka bogsaney 18 May 1991,horumar la taaban karo ayey Somaliland gaadey ilaahayna how siyaayido.Amiin,Amiin…… Wabilaahitawfiiq. W/Q: Mahad Ali-Salaan Bristol mahadpobox@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa daboolka ka qaaday in Kooxaha xagjiriinta Somalia ay maleegayaan dhibaatooyin kala duwan. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xagjiriinta Somalia ay marka hore ka go’an tahay inay cuuryaamiyan shacabka Soomaaliyeed ee doonaya isbedelka ka dhashay dalka. Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in cadowga Dowlada Somalia aysan ku koobneen keliya Al-Shabaab balse ay jiraan dhinacyo kale sida Daacish iyo Kooxo kale oo uu sheegay inay aad uga soo horjeedan Nabadda iyo isbedelada ka jira Somalia. Kooxaha xagjiriinta Al-Shabaab iyo Daacish ayuu sheegay inay sameysteen Odayaal dhaqmeedyo ku shaqeeya rabitaankooda kuwaa oo dadka uga sheekeeya waxa u roon Al-Shabaab, balse dowlada Somalia ay simi doonto Odayaasha ceynkaasi ah iyo Al-Shabaab. Al-Shabaab iyo Daacish ayuu sheegay inay ka shaqeynayaan sida ay Somalia dib ugu celin lahaayen halkii ay kasoo gudubtay mar hore. “Waanu la socnaa in dhagarta Al-Shabaab ay gaartay heer Odayaasha qaar ay ku shaqeystaan anagu wixii aan u aragno inay kasoo horjeedan Horumarka iyo Nabadda waa inoo cadow” Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu dadka shacabka ah uga digay inay ku qaldamaan kuwa doonaaya inay qalqal amni iyo mid Siyaasadeedba galiyaan dalka, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Somalia ay leedahay Soomaali. Dhinaca kale, dowlada Somalia ayuu ballanqaaday inay dhabar jabin doonto wax waliba oo caqabad ku ah midnimada iyo jiritaanka Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arimaha Dibada maamulka Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada Somalia ay xiligaan ka daba shaqeyneyso Somaliland. Wasiir Shire, waxa uu sheegay in Dowlada Somalia ee hadda jirta ay caqabad ku tahay howlo badan oo horay ugu socday Somaliland. Waxa uu sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo ay ka hor istaagtay dowlada Somalia, waxa uuna arrin aad u fool-xun ku sheegay in xiligan dib loo istaajiyo dadaaladii ay kusoo jilbo muruxday Somaliland. “Dowlada Somalia maaha inay isku khalado waxyaabaha qaar waa inaan lagu degdegin talaabooyinka qaar iyadoo ay furan tahay in laga wadahadlo wixii jira” Wasiir Shire waxa uu DFS ku eedeeyay in wixii kala dhexeeyay Somaliland ay gaarsiisay heer caalami, waxa uuna cadeeyay inay muhiim aheyd in wixii tabasho ah lagu xaliyo miiska, iyadoo aan loo rogin dhinac kale. “Dowlada Somalia waxa aan ku dhaliileynaa in wixii kala dhexeeyay Somaliland ay fogeysay isla markaana noola dhaqantay sida shisheeye, waa inay wax reebato oo aysan sii fogeyn Isfahan darada jirta” Sidoo kale, Wasiir Shire waxa uu xaqiijiyay in Somaliland ay dib u furfuri doonto dhammaan waxyaabaha ay dowlada Somalia sababta u aheyd hakintooda, waxa uuna cadeeyay in tani ay gali doonto taariikhda. Haddalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaaya iyadoo ay dowlada Somalia ku dhawaaqday inay dib usoo celineyso wadahadalka kala dhexeeya Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com