Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,116
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (PP) ─ Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta isaga guuray garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho oo muddo toddoba sano ah u ahaa saldhig, waxaana maanta booqday garoonkaan dadweyne aad u fara badan. Dadweynihii maanta booqday garoonka ayaa waxay ku dhawaaqayeen erayo ay ku muujinayaan inay ku faraxsan yihiin ka bixitaanka garoonka ee ciidanka AMISOM, iyagoo rajo ka muujiyay in garoonkaas dib loogu billaabo cayaaraha kubadda cagta iyo cayaaraha kale ee fudud. Madaxweynaha Somalia Farmaajo ayaa shalay booqday, isagoo sheegay inay dowladda Somalia dadaal u geli doonto sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa garoonka, si uu mar kale u shaqeeyo. Ciidamadii ugu dambeeyay ee AMISOM ayaa saakay ka baxay garoonkaas, markaasoo ay gudaha u galeen dadweyne fara badan, waxaana halkaas kula hadlya mas’uuliyiin kala duwan oo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin inay ciidamadii AMISOM ka baxen garoonkaas. Sidoo kale, Wasiiradda dhalilnyarada iyo cayaaraha Somalia, Khadiijo Maxamed Diiriye oo garoonka ka hadashay ayaa waxay sheegtay inay aad ugu faraxsan yihiin in garoonka uu kusoo wareego gacanta Dowladda Somalia, isla markaana dib u dhis lagu sameynayo. “Xukuumadda Somalia waxay diyaar u tahay dayactirka garoonka, bilicdiisa iyo dhismahiisa, goor-dhow waa la hawl billaabayaa, kulligeen aad ayaanu ugu faraxsannahay, icidanka booliska Somalia ayaa la wareegaya si loo sugo amniga garoonka,” ayay yiri Khadiijo Diiriye. Dhanka kale, Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayaa waxaa la dhisay sannadkii 1978-kii, waxaana dhistay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha, iyadoo garoonkan uu ahaa xilligaas midka ugu weyn Qaaradda Afrika oo dhan. Balse, intii burburka lagu jiray ayaa waxaa waddamo ka mid ah Qaaradda waxay dhisteen garoomo ka waaweyn midka Somalia ee maanta ay sida rasmiga ah u banneeyeen ciidamada AMISOM. Iyadoo Garoonka uu haatan yahay midka shanaad ee ugu weyn Qaaradda Afrika oo dhan. Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay qayb ka noqonaysaa qorshayaan ay dowladda Somalia ku doonayso in ciidamada AMISOM ay uga baxaan gabi ahaan goobaha muhiimka ah ee Muqdisho, si ay u bixiyaan adeegyadii loogu qaban jiray shacabka Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Ciidamada AMISOM oo ka Guuray Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium appeared first on Puntland Post.
  2. Waxaa markii ugu horeysay muddo 7 sanno ah shacabka magaalada Muqdisho loo fasaxay in ay gudaha u galaan garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho iyo xaafadda ciyaaraha Muqdisho. Garoonka ayaa waxaa saakay amnigiisa la wareegay ciidamada booliiska Soomaaliyeed, kadib markii ay ugu dambeyn ka guureen ciidamada nabad illaalinta Afrika ee AMISOM. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalin ka hor si rasmi ah AMISOM ugala wareegay garoonka, iyada oo saakay la arkayay gaadiidka xamuulka ciidanka oo raraya agabkii askarta AMISOM. Kooxaha muusikada ee booliiska ayaa tumayay baambayda, iyada oo shacab tiro badan ay isku soo uruuriyeen garoonka oo ay dhir badan iyo caws ka baxeen, waxayna shacabka markiiba bilaabeen hawl iskaa wax u qabso ah oo ay ku nadiifinayaan garoonka. Wasiirka dhalinyarada Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa warbaahinta dowladda u sheegtay “Dowlada waxay diyaar u tahay dayactirkiisa, bilicdiisa iyo dhismahiisa, goordhow waa la howl bilaabayaa, kuligeen waan bishaareysaneynaa, Ciidanka Booliska Jamhuuriyada ayaa la wareegaya si loo sugo amnigiisa iyo Nadaafadiisa”. Taariikhda Garoonka Garoonka oo dad badan ku tilmaamaan in uu yahay ‘jowharta astaanta u ah nabadda” ayaa waxaa la dhisay sanadkii 1878-dii, waxaana dhisay injineero shiinees ah, iyada oo maalgalinta ay lahayd dowladda Shiinaha oo markaas bah wadaag la ahayd dowladdii hanti wadaagga ee Jeneraal Maxamed Siyaad Barre. Garoonka waxa uu ka tirsanyahay waxa loo yaqaano xaafadda ciyaaraha oo ka kooban garoomo dhawr ah oo is dhinac yaala, kuwaas oo loogu talogalay in lagu qabto ciyaaraha kala duwan. Waxaa ka dhisan garoonka dabaasha, kan kubbadda kolayga, kan miiska, iyo xitaa qeybo loogu talogalay ujeedooyin kale. Garoonka kubbadda cagta waxa uu markiiba qaadi kara wax ka badan 40 kun oo qof markiiba. Waxa uu lahaa dhammaan tasiilaadkii garoon loogu talogalay sida leerarka waaweyn ee suurtogalin kara in habeenkii lagu ciyaaro, qeybta gaar ah ee ay madaxda fariistaan, qolalkii labista ee ciyaartooyda, albaabadii waaweynaa ee ay dadka kasoo galayeen, xafiisyadii shatiyada ciyaaraha laga jaranayay. Sidaas oo ay tahay ayaa waxa uu leeyahay xeebdaab kore oo aad uga fog, islamarkaasna leh ganjeelooyin laga soo garo iyo darbi ku wareegsan. Hase yeeshee hadda waxyaabihii oo dhan waa burbureen intooda badan, xitaa birtii goolka ayaad sawirka ka arki kartaan sida ay u bolashay. Waxaanan sidoo kale oolin tusihii weynaa ee tirsiga ciyaaraha lagu soo bandhigi jiray. Hadda hawsha ugu horeysa waa in laga jaraa geedaha iyo cawska ka baxay, balse waxaa hubanti ah in garoonka u baahanyahay dayactir balaaran, iyada oo xitaa lagama maarmaan ay noqon doonto in ay injineero hubiyaan in dhismaha meelaha qaar garoonka uu ku habboonyahay in bini’aadam ay isticmaalaan iyo in kale. Muqdisho iyo Magool Inkasta oo ciyaaraha gobolada iyo kuwa caalamiga ah, gaar ahaan kuwa qaramada ee saaxiibtinimada lagu qaban jirey garoonka Istadium Muqdisho, haddane waxa uu garoonka caan ku ahaa in lagu qabto isu soo baxyada siyaasadeed, iyada oo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre uu khudbadaha ka jeedin jiray. Waxaase aad loo xusuustaa sanadkii 1987-dii bandhig faneedkii weynaa ee Muqdisho iyo Magool oo ay kasoo qeybgaleen 45 kun oo qof dad lagu qiyaasay. Fanaanadii Xaliimo Khaliif Magool ayaa garoonka ka heestay, waxayna ka mid tahay waxyaabaha aan weli dadka xusuustooda ka harin. Khudbaddii xigtay ee madaxweyne waxa ay ahayd sanadkii 2000, xilligaas oo madaxweynihii markaas Jabuuti lagu soo doortay Cabdiqaasim Salaad Xassan uu kumanaan qof ah kula hadlay garoonka, wuxuuna ka mid ahaa isu imaatanadii taariikhda galay ee ugu badnaa ee shacab ku muujiyeen dareenkooda farxadeed. Afar sano kadib, sanadkii 2004-tii, Ra’isulwasaarihii markaas cusbaa Cali Maxamed Geeddi ayaa garoonka ku qabtay isu soo bax balaaran oo lagu taageerayay, balse duqeymo lala eegtay ayay dadna ku dhinteen, kuwa kalena ku dhaawacmeen. Saldhig Ciidan Inta badan garoonka waxa uu saldhig u ahaa ciidamo kale duwan oo dalka siyaabo kala duwan u yimid, markii koowaad sanadihii sagaashamaadkii waxa uu garoonka saldhig u noqday ciidamadii nabad illaalinta Qaramada Midoobay, gaar ahaan kuwii ka socday dalka Pakistan. Ciidamada Itoobiya markii ay Muqdisho galeen ayay halkan ayay saldhig ka dhigteen, waxaa kale oo meesha xarun tabobar ciidanka ah ka dhigtay ururka Alshabaab. Sanadii 2011-kii ayay ciidamadda AMISOM fariisin ka dhigteen garoonka oo leh gidaaro waaweyn oo gabbaad u noqon kara cid kasta oo gudaha u gasha. Dib usoo kabashada Ciyaaraha Sanadihii dhawaa waxaa magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka ka hano qaaday ciyaaraha kubbadda cagta iyo kuwa kale, waxaana xitaa la qabtay ciyaaraha gobolada dalka oo sanadkiiba mar la qabto. Waxaa in badan cabasho laga qabay goobihii ciyaaraha oo qaarkood burburay, qaarkoodna ciidanka ay dageen. Garoonka kaliya ee ciyaaraha lagu qabanayay ayaa ahaa kan Koonis ama Banadir Stadium, kaas oo aad uga yar kan Muqdisho ee maanta dib loo furey. Cabdinaasir Saxansoxo BBC Somali, Nairobi
  3. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir-guddomiyay kulan Muqdisho lagu qabtay oo looga hadlay dhaqaalaha dalka kaas oo ka qayb galeen xubna ka socda hay’ado caalami iyo dawladaha ay Soomaaliya bah-wadaagta yihiin. kulanka ayaa ajandayaashiisa ugu waawayn waxaa kamid ahaa dardar-galinta qorshaha samaynta lacagta cusub ee shilin Soomaaliga ah, waxaana dhammaan dhinacyadii kasoo qayb galay kulanka ay isla garteen in dawladihii iyo hay’adihii ballan qaaday in ay dawladda ka taageerayaan dhaqaalaha lagu daabacayo lacagta oo dhan $41 milyan ay si dhaqsa ah u bixiyaan, maadaama ay Soomaaliya soo buuxisay shuruudihii laga doonayay si lacag loogu daabaco. “Waxaa nalaku xiray shuruudo badan si lacagta cusub ee Soomaaliya loo soo daabaco, waana soo buuxinnay. Waxaa haray uun in dalkeenna lacagtiisii soo noqoto, waxa ayna u baahantahay lacag lagu daabaco laguna maamulo oo dhan $41 Milyan. Lacagtaas dawladdu ma bixin karto oo dawlado iyo hay’ado ayaa ballan qaaday in ay ku taageerayaan maadaama shuruudihii aan soo buuxinnay,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda xukuummadda federaalka Soomaaliyan, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka war bixiyay kulanka. Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa caddeeyay in la qaban doono kulan kale oo ballaaran kaas oo looga hadlayo gebagabaynta qorshaha daabacaadda lacagta cusub, kadibna la hawl gelinayo shirkaddii lacagta daabici lahayd. Ugu dambeyn, Qorshaha daabacaadda lacagta cusub ee Soomaaliya ah oo socday waqti dheer, shuruuda bandanna lagu xirnay ayaa qayb ka ah hannaanka dib u habaynta dhaqaalaha dalka iyo dardar-gelinta Barnaamijka xukuummadda. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo Shir-guddoomiyay kulan looga hadlay Shilin Soomaaliga cusub appeared first on Puntland Post.
  4. Cadaado (PP) ─ Tababarkan oo socday muddo afar maalin ah oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka XFS iyo wasaaradda dastuurka iyo Dib-u-Heshiisiinta Galmudug oo lagu baranayay waxbarashada madaniga ah ee dastuurka ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Cadaaado ee ee dowlad goboleedka Galmudug. Ujeeddada tabarkan ayaa ahayd in dadka loo tababaro waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadweynaha ay sii gaarsiiyaan dadka ku nool deeganada Galmudug iyaga oo kaashanaya wasaradda arrimaha dastuurka iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug. Tababarkan waxaa ka soo qaybgalay in ka badan 70 qof oo ka kala yimid bulshada rayidka ah iyo shaqaalaha wasaaradaha dowlad goboleedka Galmudug waxaa lagu baranayay casharro ka hadlaya waxbarsahada madaniga ah iyo wacyigalinta dadweyanaha ee arrimaha dastuurka, waxaana dadka ka soo qayb galay ay ka doodeen mowduucyo ay ka mid yihiin tallaabooyinka ugu haboon ee loo mari karo fulinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyi galinta dadweynaha ee deegaanada hoos yimaada Galmudug iyo sida loo wajihi karo caqabadaha lala kulmi karo inta lagu guda jiro fulinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyi galinta dadwaynaha. Waxaa kulanka xiritaanka ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda dastuurka Galmudug mudane Zakarie Mohamed Ahmed waxa uuna ku booriyay dadka ka faa’iidaystay tababrkan in ay sii gaarsiiyaan waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta bulshada ee arrimaha dastuurka dadka kunool deegaanada iyo tuulooyinka hoos yimaada Galmudug si loo helo bulsho aqoon u leh dastuurkooda. Dhanka kale, agaasimaha wacyigalinta ee wasaaradda arrimaha dastuurka XFS mudane Abdikani Ali Adan oo kulanka ka hadlay ayaa kula dardaarmay dadka qaatay tababarka in ay u sii gudbiyaan risaalada loo dhiibay dadka kale ee aan fursadda u helin in ay tababrkaan qaataan. Sidoo kake, agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda Dastuurka XFS Mohamed Bashiir Omar oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddu qorshayaasheeda ay ka mid tahay in la gaaro dhammaan dadka Soomaaliyeed si loogu wacyi galiyo arrimaha dastuurka. Waxaa kulanka si rasmi ah u soo xiray wasiirka dastuurka iyo Dib-u-Heshiisiinta Galmudug Mudane, Maxamed Colaad isagoo ku dhiiragaliyay ka soo qaybgalayaasha in ay doorkooda ka qaataan sidii loogu wacyigalin lahaa bulshada Galmudug ka qaybgalka Dib-u-Eegista Dastuurka. Ugu dambeyn, Dadkii kasoo Qayb-galay tababarka ayaa la gudoonsiiyay shahaadooyin ka tarjumaya in ay qaaateen tababarka waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadwaynaha. PUNTLAND POST The post Degmada Cadaado oo lagu soo gaba-gabeeyay kulan looga hadlay dib u eegista Dastuurka appeared first on Puntland Post.
  5. South Sudan rebel chief Riek Machar on Tuesday refused to sign a final peace deal with the government that aims to end a brutal civil war, a Sudanese mediator said. Source: Hiiraan Online
  6. Sawirro: Meydadka Soomaali badan oo lageeyay Jigjiga & Banaanbax weyn oo socda Waxaa goordhow magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka DDS ka bilowday Banaanbaxyo waa weyn oo ay dhigayaan dadka deegaanka. Banaanbaxa oo aad u xoogan ayaa waxa uu ka socda waddooyinka magaalada iyadoo uu banaanbaxa yimid ka dib markii lasoo bandhigay meydka in ka badan 15 qof oo Soomaali hor leh. Meydadka oo cusub ayaa isugu jira Haween, Caruur iyo Dad waayeel Soomaaliyeed ah oo lagu laayay degaanka Tuli-Guuleed oo ay weerar kusoo qaaden ciidamada Oromada la keenay jigjiga. Dadka Meydadkooda lasoo bandhigay ayaa waxaa intooda badan xabad looga dhuftay Madaxa iyo wadnaha, halka qaar la aqoonsan la’ yahay wajigooda. Banaanbaxyada xoogooda ayaa ka socda gudaha magaalada Jigjiga iyo Barxada Isbitaalka weyn waxa ayna dadkaasi yihiin kuwo ku qeylinaayo sharciga. Sidoo kale, waxaa banaanbaxyada socda ka hortagooda ku guul dareystay ciidamada Booliska iyo kuwa Milateriga Ethiopia waxa ayna dadku ahaayen kuwo xitaa eryanaayay ciidamada. Qaran News
  7. MOGADISHU (Caasimada Online)- Somalia’s especial forces known as Danab (Lightning) Advanced Infantry Battalion in the country have compeleted training course offered by US Soldiers with the 10th Mountain Division, based out of Ft. Drum, New York. Lt. Chris Smith says it was the second year U.S. soldiers provided logistics training and equipment to Somali army forces in the capital of Mogadishu. This training was aimed to assist building the logistics network of the country’s army forces. He says “the training was a multi-faceted logistics course focused on beginner level logistics, we also talked about things like waste management all the way to pulling security”. Smith added its forces tailored future exercises and in-depth training to what Somali Especial Forces “Danab” wanted to work on. He also attributed how close his team and the Somali soldiers worked together to speed up war on Al Qaeda linked Al Shabaab. The U.S. provides training to the Danab battalion and provides logistical equipment, such as forklifts, tractors and fuel trucks, totaling roughly $6.5 million of heavy equipment. The U.S.-lead training builds off of the ground work laid back in May 2017, when the 101st Airborne Division conducted the inaugural iteration of the course. During the 2017 training, the course graduated 60 Danab soldiers as logistics specialists. This year, the course had 31 soldiers, but the length has more than tripled from four to 14 weeks, with a more intimate class size to dive deeper into the specific skill sets. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  8. Jowhar (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo dagaal qaraaran oo u dhexeeya ciidamada Booliska iyo Rag ku hubeysan hubka fudud. Dagaalka oo aad u xoogan ayaa waxa uu si gaara uga socdaa Saldhiga Baladweyne waxaana lasoo sheegayaa in halkaa ay weerar ku qaaden Rag hubeysan oo ku heeb ah darawal Mooto Bajaaj oo shalay la toogtay. Ragga weerarka ku qaaday Saldhiga ayaa doonaya in loo gacan galsho Askarigii dilay wiilkooda Marxuumka bajaajka waday, kaa oo kamid ahaa ciidamada Saldhiga. Ragga weerarka ku qaaday Saldhiga oo la socday gaadiid kala duwan ayaa qaarkood gudaha u galay Saldhiga sida aan xogta ku heleyno, halka qaarna ay ka dagaalamayaan banaanka Saldhiga. Goobjoogayaal ku sugan agagaarka Saldhiga ayaa soo warinaaya in rasaas xooggan ay ka dhaceyso Saldhiga taa oo kusii faaftay qeybo kamid ah Magalada Baladweyne. Sidoo kale, Dagaalka socda aawgii waxaa xiran inta badan goobaha Ganacsi waxaana wali socda rasaas xoogan oo laga maqlaayo jihooyin kala duwan. Ma cadda sida uu xaalka noqon doono waxaana magaalda ka socda dadaalo lagu doonaayo in lagu hakiyo dagaalka socda. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  9. Jigjiga (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka DDS ka bilowday Banaanbaxyo waa weyn oo ay dhigayaan dadka deegaanka. Banaanbaxa oo aad u xoogan ayaa waxa uu ka socda waddooyinka magaalada iyadoo uu banaanbaxa yimid ka dib markii lasoo bandhigay meydka in ka badan 15 qof oo Soomaali hor leh. Meydadka oo cusub ayaa isugu jira Haween, Caruur iyo Dad waayeel Soomaaliyeed ah oo lagu laayay degaanka Tuli-Guuleed oo ay weerar kusoo qaaden ciidamada Oromada la keenay jigjiga. Dadka Meydadkooda lasoo bandhigay ayaa waxaa intooda badan xabad looga dhuftay Madaxa iyo wadnaha, halka qaar la aqoonsan la’ yahay wajigooda. Banaanbaxyada xoogooda ayaa ka socda gudaha magaalada Jigjiga iyo Barxada Isbitaalka weyn waxa ayna dadkaasi yihiin kuwo ku qeylinaayo sharciga. Sidoo kale, waxaa banaanbaxyada socda ka hortagooda ku guul dareystay ciidamada Booliska iyo kuwa Milateriga Ethiopia waxa ayna dadku ahaayen kuwo xitaa eryanaayay ciidamada.
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta garoonka Stadio Muqdisho ee Degmada Warta Nabadda ka guuray ciidamada AMISOM qeybtii ugu danbeysay. Bixitaanka ciidamada kadib ayaa waxaa Garoonka Stadio Muqdisho gudaha u galay kumanaan shacab ah kuwaa oo ku damaashadaya garoonka. Dadka gudaha u galay Garoonka ayaa waxa ay isugu jiraan rag, dumar, carruur iyo dad waaweyn oo halkaa ku soo dhaweynaya tallaabada Ciidamada AMISOM ay kaga guureen. Banaanbax nabadeed oo soo dhaweyn ah ayaa halkaasi ka socda,waxaana halkaasi ku qulqulaaya gaadiid farabadan oo ay wataan dad shacab ah. Sidoo kale, Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliska Somalia ayaa ku sugan Garoonka Stadio Muqdisho, halkaa oo ay sugayaan amaankeeda. Ciidamada AMISOM ayaa garoonka ka baxay 9-sano kadib waxa ayna ka dhigan tahay tallaabo wanaagsan oo ay ku dadaashay dowladda Federalka Somaliya. Sawiro laga soo qaaday dadka isugu tagay garoonka ayaa muujinaya iyaga oo ku dabaaldegaya qeybaha kala duwan ee garoonka, maadaama baaxadiisa ay weyn tahay.
  11. MOGADISHU (Caasimada Online) -Uganda forces with African Union peacekeeping mission known as “AMISOM” has handed over the country’s biggest football Stadium to Somali government. The move is said to be as part of African Union forces’s transitional plan in Somalia. The mission says its Ugandan forces finalized plans to hand over Mogadishu Stadium which has been under its control for the past 7 years. The hand over function was attended by Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo. President has thanked Ugandan forces in Somalia for the brotherly “sacrifice and patriotism”, while being part of fighting against Al Shabaab. For his part, deputy AU envoy to Somalia, Simon Mulongo, said the handover of Mogadishu stadium is a major step in the process of AMISOM’s transitional plan. The stadium was liberated from Al-Shabab on 6th September 2011 by Uganda’s Battle Group VII,VIII and Somalia National Army (SNA) during offensive operations that were aimed at liberating Mogadishu from the Al-Shabaab. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Mareykanka ayaa tababar cusub u soo xirtay Ciidamo Soomaali ah oo ka tirsan qeybta sida gaarka ah u tababar ee Danab. Ciidamadan oo ay ku jiraan kuwa u booda goobaha halista iyo guryaha ayaa waxaa tababarka loogu soo xiray Muqdisho. Ciidamadan oo sidoo kale loo tababaray fulinta howlgallada qorsheysan, ayaa ka howlgali doona Saldhigyada uu Mareykanka ku leeyahay Somalia. Sarkaal ka tirsan Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay 31 askari oo ka tirsan ciidamada Danab ayaa tababarkan la siiyay. Ciidamadan ayaa loo dhameystiray saanad ciidan ee askari u baahan yahay, waxaana taasi sii dheer in askartan la siiyay gaadiid ay ku hawlgalaan. Sidoo kale, Saldhiga ugu wayn ee Ciidamada Danab lagu tababaro, ayaa wuxuu ku yaalla Garoonka Diyaaradaha Ballidoogle ee Gobolka Shabellaha hoose, hayeeshe ciidankaan ayaa intii uu tababarka u socday, waxa ay ku qaadanayeen Xerada Xalane oo Saraakiisha Mareykanka ay joogaan.
  13. Mogadishu (HOL) - The Ugandan contingent of AMISOM has officially vacated the Mogadishu stadium on Tuesday after an elaborate handing over ceremony that was attended by President Farmajo. Source: Hiiraan Online
  14. MOGADISHU (Caasimada Online) – Islamic State of Iraq and the Levant ( ISIL) has claimed responsibility for killing a security officer in the heart of Somalia’s capital Mogadishu. The group made the claim in an English statement Tuesday through an ISIL-controlled media outlet, Amaq News Agency. “Our fighters shot and killed a security officer in the city’s Wardhiglei area”, the group said. The group says its fighters would continue targeting government soldiers in the capital Mogadishu. It says the group’s assassins escaped from the crime scene. The Somali security forces started security operation over the latest killing in Mogadishu. The ISIL group has carried out similar attacks in the capital Mogadishu for the past months. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  15. MOGADISHU (Caasimada Online) – Over 204,000 people were forcibly removed from their homes this year, nearly double the same period last year, with many people made homeless multiple times. “Tens of thousands of people who fled drought and violence are being forced from their homes again, only this time from forced evictions. Many of these families were forced to leave with little or no notice. Some have been evicted multiple times, without due process. This is unjust, and violates their rights,” said Evelyn Aero, Norwegian Refugee Council (NRC) Adviser for Information, Counseling and Legal Assistance. Last year’s drought and conflict, plus flooding this April, led to a massive migration to urban areas. But the shelter situation was already critical, with limited public land available to establish new settlements. Many people who ended up as squatters on public or private land have been evicted in Mogadishu due to a building boom. Displaced families who occupy dilapidated public buildings also risk being forcefully evicted, as many are being rebuilt. Most evictions are done without due process, including without prior notice. Over 204,000 people were evicted between January and July, almost double the 122,000 evicted over the same period last year, according to the Housing Land Property Sub-Cluster of Somalia. This surpassed the total evicted for all of 2017. Fadumo Noor, a pregnant mother of four, endured four evictions from Mogadishu settlements. “This is the worst eviction I ever faced. I was at my uncle’s funeral when my family was being evicted. I came home and saw all my children outside, holding pieces of our shelter and belongings. We weren’t given any prior warning.” Similarly, Halimo Sidow’s family had no time to pack up before leaving: “I faced evictions twice before, however we expected those. This one was unexpected and it’s very difficult to come to terms with. I wasn’t home when the eviction took place, I came back to see my children on the street.” Halimo a farmer with eight children in Mogadishu, had fled drought in Lower Shabelle. “The Somali authorities and landowners must protect citizens’ rights to adequate shelter and housing. Displaced families should not be forced from their shelters with nowhere to go. They should follow due process, and be given sufficient advance notice to relocate with dignity. These families must be resettled to locations where they can access decent shelter and humanitarian aid. We also urge international donors to increase shelter and housing funding, so more displaced families will have secure homes,” said NRC’s Aero. While the government has taken note of the crisis and taken steps to address this problem, more efforts are needed. These include developing policies and laws on land, improving access to land for displaced families, and strengthening protection for people displaced. PRESS RELEASE BY NCR
  16. Drivers of the three trucks intercepted at the Kenya Somalia border earlier in the week have been charged at a Wajir court for tax evasion. Source: Hiiraan Online
  17. An extended internet outage in Somalia is being called a “major disaster” to the war-torn country’s economy. Source: Hiiraan Online
  18. The number of Somalis left homeless has surged this year as thousands who had already fled war, drought and floods were forcibly evicted from mostly makeshift homes, the Norwegian Refugee Council (NRC) said. Source: Hiiraan Online
  19. Addis Ababa (Caasimada)-Wararka aan ka heleyno Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DDSI ayaa sheegaya in Ra’isul wasaarihii hore ee Ethiopia Hailemariam Desalegn uu ku hingoobay qorsho lagu sii deyn lahaa Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Cumar oo shalay Xsi la dhigay. Ra’isul wasaarihii hore ee Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa dadaal dheer kadib ka gaabsaday qorsho dib xoriyadiisa loogu soo celin lahaa Cabdi Cumar oo ku xiran Xabsi ku yaala magaalada Addis Ababa. Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Soomaalida oo aan xiriir la sameynay ayaa inoo xaqiijiyay in Hailemariam Desalegn uu arrintaasi kala hadlay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, hase yeeshee Abiy uu ka cudur daartay dalabkaasi, isaga oo soo jeediyay in sharciga loo madaxbaneeyo arrinta Cabdi Cumar. Ra’isul wasaarihii hore ee Ethiopia Hailemariam Desalegn, waxa uu Abiy usoo bandhigay in Cabdi Cumar lasiiyo xoriyad uu ku dhex joogi karo gudaha dalka isagoo ay ku socto dacwada ku furan, hase yeeshee waxaa arrinkaasi diiday Abiy Axmed oo ka hor imaaday in Xabsiga iyo goobaha sharciga laga wado Cabdi Cumar inta ay arintiisa meel u dhaceyso. Hailemariam Desalegn, ayaa xiriir wanaagsan waxa uu kala dhexeeyay Cabdi Cumar waana sababta keentay inuu ka shaqeeyo xoriyadiisa, wallow uu ku guul dareystay. Sidoo kale, Abiy Axmed ayaa ballanqaaday in Cabdi Cumar uu dhadhamin doono sharciga saxda ah, isagoo ka digay in faragalin lagu sameeyo arrinta Cabdi Cumar ilaa iyo laga soo taagayo Maxkamad. Dowlada Ethiopia ayaa Cabdi Cumar wali ku heysa baaris ku aadan inuu geystay tacadiyo isugu jira dil iyo boob dhul iyo mid dhaqaale, waxaana la ogeyn natiijada kasoo bixi doonta barista socta ee sababi doonta in lasoo taago Maxkamad. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
  20. qaar kamid ah golaha cusub ee Garowe Xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka degmada Garowe ayaa maanta oo Tallaado ah lagu dhaariyay guriga gobolka Nugaal. 26 Xildhibaan oo kamid ah 27-ka Xildhibaan ee golaha deegaanka degmada Garowe ayaa la dhaariyay, waxaana dhiman 1 xubin oo lagu wado in saacadaha soo socda lagu soo daro. Golaha cusub ee degmada Gorowe ayaa u badan dhalinyaro, waxaana ku jira 3 dumar ah, sidoo kale qaar kamid ah xubnihii hore ayaa soo noqday waxaan kamid ah duqii hore ee Xasan Maxamed Ciise (Goodir). Doorashada duqa cusub ee Garowe ayaa lagu wadaa in ay dhacdo horaanta bisha soo socota ee September oo maalmo ka harsan yihiin. Ilaa iyo hadda labo musharax ayaa shaaciyay in ay u taagan yihiin duqa degmada Garowe, kuwaas oo kala ah Axmed Siciid Muuse iyo Axmed Abshir Jaamac. Wareegto ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxammed Cali Gaas 5-tii April ee sanadkan ayaa lagu kala diray golahii hore degmada Garowe, kadib markii lagu eedeeyay in ay shaqadoodii gudan waayeen, islamarkaaana ay ka bixiwaayeen is-qab-qabsi joogta ah. Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa isla maalintaas magacaabay maamul ku meel gaar ah wuxuuna duqa u magacaabay Axmed-deeq Ayax, oo dhawaaan ka haray tartanka duqa degmada Garowe . Isla bishaas April qoraal ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu shaacisay in golaha deegaanka cusub ee loo soo xulayo Garowe ay mamnuuc ka yihiin dhammaan xubnihii ka tirsanaa golihii hore. Balse waxaa muuqata in amarkaasi shaqeyn waayay, kadib markii golaha cusub ay ka soo muuqdeen qaar kamid golihii hore ee degmada Garowe. PUNTLAND POST Garowe The post Xildhibaanada cusub ee degmada Garowe oo la dhaariyay appeared first on Puntland Post.
  21. Hargeisa (HOL) - Somaliland authorities have handed over 14 vehicles that were stolen from the troubled Somali region in Ethiopia to officials from the region. Source: Hiiraan Online
  22. August 28, 2018 (KHARTOUM) - The head of the Sudanese intelligence and security services Salah Gosh is visiting Mogadishu for talks with his Somali counterpart. Source: Hiiraan Online
  23. Bosaso-[Puntland Post] Taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa dhaliil u jeediyay maxkamadaha ku yaala magaalada Boosaaso. Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa sheegay in danbiilayaasha ay soo qabtaan islamarkaan ay maxkmadaha geeyan aan la marin sharcigu waxa uu ka qabo xukun kooda, taa badalkeedana looga dhigo in magaalada lagu soo fasaxo. ”Maxkamadaha waxaanu geynaa danbiilayaal dawlada danbi ka galay, mana jirto sharci la mariyo maalinta danbana waxaanu ku argnaa danbiilihii oo suuqa maraya, waxaanu maxkamadaha ka codsanaynaa in waxaanu u keeno ay sharciga mariyaan , hadii sharciga la marin waayo danbiilayaasha ayaa badanaya” sidaas wax yiri Taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen. Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post Taliyaha qeybta Booliska Bari oo dhaliil u jeediyay maxkamadaha Bosaso appeared first on Puntland Post.
  24. "Tens of thousands of people who fled drought and violence are being forced from their homes again, only this time from forced evictions. Many of these families were forced to leave with little or no notice. Some have been evicted multiple times, without due process. This is unjust, and violates their rights," said Evelyn Aero, Norwegian Refugee Council (NRC) Adviser for Information, Counseling and Legal Assistance. Source: Hiiraan Online
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Cali Kheyre wuxuu doonayaa inuu eryo xubno cusub oo ka tirsan wasiiradiisa, waxaa la sheegi jiray iney jiraan xubno saaxiibadiis ah oo ay adag tahay inuu badalo laakiin waxaa tusaale noogu filan wasiirkii hore ee waxbarashada. Xukuumada Kheyre waxey caan ku tahay xilka qaadis, inta badan wasaaradaha waxaa ka dhacay isbadal mudadii ay xukuumadaan jirtay, taasoo ah iney ehel u tahay khilaaf iyo is qab qabsi, hadii aanu khilaaf jirin ama uu kheyre nin quman yahay intaan oo qof shaqada lagama eryeen. Sida xogta lagu helayo ku dhawaad afar wasiir ayaa laga yaabaa iney shaqada ka baxaan ama laga eryo xukuumadda kheyre, xubnaha la hadal hayo iney bixi doonaan waxaa ka mid ah Wasiirka Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul Insaanka Deeqo Yaasiin Xaaji, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiirka Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed. Sidoo kale wararku waxey sheegayaan iney suuragal tahay inuu baxo wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, laakiin waxaa loo badinayaa in loo wado dhanka duqa magaalada Muqdisho, balse hubanti isloow wax badan kama uusan qaban amniga dalka, waxaana xeel dheerayaashu ay aaminsan yahiin inuu mudan yahay in xilka laga qaado. Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre wuxuu sheegaa ineysan is khilaafeynin isaga iyo madaxweyne Farmaajo laakiin mar walba wuxuu shaqada ka eryaa qaar ka mid ah wasiiradiisa taasoo salka ku heysa khilaaf. Haddaba inuu dalka shaqeeyo miyaa muhiim ah mise in la ilaaliyo khilaafka kheyre iyo Farmaajo, hadii uu dalka muhiimsan yahay waxey aheyd in waqti fiican loo siiyo wasiirada shaqadooda si ay dalka cagaha ugu dhigaan, balse hadda waxaa muuqata on masiirka guud ee dalka ay ka muhiimsan tahay ineysan Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha is khilaafin. Hadii isku shaandheyntaan ay dhacdo waxey ka dhigan tahay in 85% xukuumadda Xasan Cali Kheyre isbadal lagu sameeyay.