-
Content Count
213,116 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia. Madaxweynaha ayaa waxaa Magaalada Addis Ababa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar iyo Wasiirka Warfaafinta dowlada Ethiopia. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa halkaas uga qeyb galaya shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD. Madaxda dalalka ku mideysan Ururka IGAD ayaa muddo hal maalin ah oo shirku socanayo waxa ay kaga arrinsanayaan dhammeystirka dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka iyo xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalalka ku mideysan IGAD. Hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa iska xog-wareysanaya qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku aadan dhameystirka heshiiska lagu soo afjarayo colaada iyo dib-u-soo celinta nabadda dalka Koonfurta Suudaan. Iyadoona Guddi Madaxeedka loo xil saaray arrinkan laga dhageysan doono warbixin ku saabsan qodobbadii laga fuliyey heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa la wadaagi doona Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan xoojinta iskaashiga, wax wada-qabsiga iyo nabadeynta dalalka Gobolka, si looga gudbo caqabadaha dib-u-dhigay horumarka Qaaradda Afrika guud ahaan gaar ahaan midda Geeska Afrika. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kaalin muhiim ah ka qaadaneysa dadaallada ku qotama nabadaynta, kor u qaadidda iskaashiga dhaqaale iyo is-dhex galka bulsho ee dalalka Geeska Afrika. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar, waxa ayna kawada hadleen xaalada dhulka Soomaalida, iyadoo Farmaajo uu ku taliyay in la xasiliyo jawiga. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay iskaashiga amaanka,horumarka iyo horumarinta dadaallada nabadda ee ka socda Geeska Afrika.
-
Dubai (Caasimada Online) – Shirkadada dekedaha Imaaraadka Carabta ee DP World ayaa shaaca ka qaaday inay qaadi doonto dhammaan tallaaboyinka sharciga ah, si ay u difaacdo saamiga ay ku leedahay dekedda Doraleh ee dalka Jabuuti, kadib markii saamigaas ay dowladda Jabuuti qarameysay. “Jabuuti waxa ay si indho la’aan ah u jebisay sharciga caalamiga iyo qandraasyada ganacsi ee dunida” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay DP World oo loo soo diray Caasimada Online. DP World ayaa sheegtay in go’aanka loo qaatay si loo diido amar kasoo baxay maxkamadda sare ee Britain, kaasi oo Jabuuti ka mamnuucaya inay ka baxdo heshiiska ay la gashay dowladda Jabuuti. “Maal-gashtayaasha dunida waa inay laba mar ka fakaraan maal-gaashiga Jabuuti, oo ay dib u qiimeeyaan heshiis kasta oo ay la galaan Jabuuti, sababtoo ah dowladda dalkaas ma xushmeyso heshiisyada, waxayna wax ka bedeshaa ayada oo aan cidna ogeysiin” ayay tiri DP World. Sagaalkii bishan, dikreeto madaxweyne oo uu soo saaray madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayuu ku sheegay in dowladda Jabuuti ay si buuxda ula wareegtay dhammaan saamiyadii DP World ee dekedda Jabuuti. Qoraalka ayaa lagu yiri “iyada oo laga duulayo go’aanka ay horay madaxtooyada Jabuuti uga soo saartay iney gabi ahaanba maamulka iyo maareynta Dekedda Dooraale kala wareegtay maamulka Shirkadda PDSR ee maareynta dekedda gacanta ku haysay”. Dowladda Jabuuti ayaa waxay si cad u xaqiijisay iney DP World ay dib ugu soo laaban karin Maamulka Dekadda. 22-ka bisha Febraayo ee 2018-ka ayaa shirkadda DP World si rasmi ah shaqada dekadda looga joojiyey, iyada oo maamulka dekadda Dooraale gacanta ku haysay tan iyo 2006-dii. Qoraalka xukumadda Jabuuti waxaa lagu soo gabagabeeyey iney shirkadda ilaa iyo xilligaa caqabad ku ahayd horumarka dalka Jabuuti. Dekadda Dooraale waa isha dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo Jabuuti, waana halka ay shaqaalaha ugu badan ka helaan fursadaha shaqo. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) — Somalia’s Upper House of Federal Parliament has debated latest political rifts between central government and regional leaders after a meeting in the capital of Mogadishu. The Upper House lawmakers agreed to form a new committee, who will be sent to the capitals of regional states in Somalia. The new team will review the latest political crises between central government and regional administration, in a bid to heal the tension, said in a memo obtained by Caasimada Online. The Upper house called on the regional leaders to stop the political tension, after the meeting in Mogadishu. “We are committed to work hard to resolve the current crisis”, the memo said. The political disagreement emerged after the five regional chiefs took an unprecedented step to suspend working relationship with the central government. Earlier this week, Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo has invited all regional State leaders to attend an urgent meeting of National Security Council in Somali capital Mogadishu. The President proposed the meeting to take place 17th-18th September to discuss on political, security issues and fighting against Al Qaeda linked Al Shabaab and Islamic State groups in Somalia. The unprecedented step took by the regional leaders is said to be the latest political setback by the central government which is trying to partner with the international community to stabilize the Horn of Africa nation. The move by the regional leaders seems a potentially political setback in Somalia, amid on-going efforts to make peace in the war-revenged country. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Duqii hore degmada Buulo-burde ee gobalka Hiiraan ayaa sheegay in si sharci aan loo soo marin xil ka qaadistii lagu sameeyay. Maxamed Axmed Rooble duqii Buule-burde ayaa sheegay in marna uusan ogaalan doonin in xilka uu wareejiyo,isagoo tilmamay in hab sax ah aan loo soo marin xil ka qaadista lagu sameeyay Waxaa uu sheegay in Wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabelle aysan inta badan sharci u marin xil ka qaadista lagu sameeynayo masuuliyiinta . Wareegto ka soo baxday Sagaalkii bishan Wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabelle ayaa xilkii looga qaaday Maxamed Axmed Rooble oo ahaa duqii Buulo-burde waxaana xilkaasi loo magacaabay Maxamed Fiidow. Wareegtada waxaa lagu xusay in hay’adaha amniga iyo Madaxda degmada la shaqeeyaan duqa cusube ee degmada. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Wareysi-Duqii-Buula-Burde-Maxamed-Axmed-Roobe-ee-xilka-laga-qaaday-oo-diiday-hananaka-xilka-looga-qaaday-By-Ziyaad-12092018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Joogtada ee Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho, waxa ay ku sheegeen in ay guddi u diri doonaan xarumaha maamul goboleedyadda.All Posts Guddigaan ayaa loogu tala galay in ay kasoo talabixiyaan Cabashadda dowladda dhexe ay ka muujiyeen maamul goboleedyadda iyo wada shaqeyn xumada ka jirta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda. Kulanka ka dib war kasoo baxay Golaha Aqalka Sare ayaa loogu baaqay Madaxda maamulada in ay joojiyaan abaabulka Siyaasadeed ee ay ka waddaan degaanada ay jooggaan oo ay ka qeyb ka yihiin Mooshinada. Golaha Aqalka Sare waxa ay sheegeen in ay gudan doonaan waajibka dastuurkiga ah ee ka saaran maamul goboleedyadda, islamarkaana ay dadaal badan ay ku bixin doonaan sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka xilliggaan taagan. Khilaafka ka dhaxeeya Madaxda maamulada iyo dowladda dhexe ayaa sii xoogeystay ka dib markii dhawaan Madaxda maamulada ay ku dhawaaqeen in ay hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya. Wafti ka socda Muqdisho oo mmaul goboleedyada tegaya iyo qorshe cusub oo lagu dhawaaqay
-
MOGADISHU (Caasimada Online)–High level delegation led by Somali president Mohamed Abdullahi Farmaajo has arrived in Ethiopia’s capital, Addis Ababa. President Farmajo and his delegation were warmly welcomed by senior Ethiopian government officials and others, including Somali State President Moustaf Omer. Mr. Farmajo held talks with Somali State President Moustaf Omer in the sidelines of the IGAD Extraordinary Summit in Addis Ababa. Two leaders discussed on wide range of issues, including latest developements in the region, according to sources at Villa Somalia. Mustafa Muhumed Omer, 45, has been nominated as acting president of the Somali State Region until the next party congress in 2020, it was announced. Mustafa had served as a humanitarian liaison officer for the United Nations in Mogadishu, Zimbabwe, the United Arab Emirates and Kenya. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Hordhac/Gogol-Dhig Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay. Nabadgalyo iyo naxariisina nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Intaa kabacdi aqristoow, waa su’aal da’weeynoo madaxa daalineeysee, sababta markii horaba loodhisay Aqala Saree Baarlamaanka (The Senate), soow ma aheyn inuu matalo maamul-goboleedyada? Hadii hogaamiyeyaasha maamul-goboleedyadu rabaan, ineey iyaga is matalaan, maxaa looga baahan yahay Aqalka Sare marka? Dhanka kalase, soow taa micnaheeda manoqoneyso, in baahidii iyo hadafkii loodhisay Aqalka Sare-ba meesha laga saaray? Marka aad ufiirsato wadamada nidaamka Federaalka ah qaatay, sida Mareeykanka-oo dadka Federaalka/Farado-Aalka udooda, eey tusaalooyinka usooqaataan, bal waligaa ma aragtey, mase maqashay meel lagu leeyahay, gudoomiye-goboleedyo midoobay (Council of Governors), ayaa sidii ineey yihiin golayaasha sharci-dajineed (House of representatives and the Senate), sharciyo iyo go’aanno masiiri ah, dalkoo dhan uwada dajinaya ama uwada gaaraya? Tusaale ahaan: Sida kheeyraadka dalkoo dhan loo qeeybsanayo, ogoow waa heer qaran ama Federaal’e, iyo waliba sida eey noqonayaan nooca doorashooyinka ee dalkoo dhan ….iwm? Waxaa; nidaam dowladeedoo federaal ah, oo caalamka laga yaqaano maaha. Soow dhaqan siyaasadeedoo fool xun maaha, iyo waxaan la aragoon la maqal? Soow maaha foowdo iyo maamul xumi meeshii ugu darneyd? Soow ceeb iyo fadeexo dalkoo dhan kuma ah, hadaan wax laga badalin? Tusaale ahaan dalkan Mareeykanka, oo ka mid ah dalalka qaatay nidaamka federaalka, waxeey maamulladiisa (States) udirsadaan dowlada dhexee federaalka, min labo Senator, kuwaasoo gobolkooda lagasoo doortay, si eey ugu matalaan go’aannada heerka qaran ah, ama federaal ah, iyadoon loo eegin sida eey maamullada ukala dad badanyihiin. Golahaa Aqallka Sare (The Senate), iyo kan kale Baarlamaanka, ee lagu magacaabo (House of representatives) ayaa mas’uul ka ah, wixii sharci-dajin ah, ee dalkoo dhan wada saameeynaya, iyagaa si gaar ah uleh, iyagaana looga dambeeyaa. Marka laga hadlayo go’aannada maxalliga ah, ee heer gobol ah (State level), ama heer magaalo ah (City level) ame heer dagmo ah (County level), mid walba wuxuu leeyahay golihiisa sharci-dajineed ee ugaarka ah, ee sharciyada udajiya, balse shuruucdaa waa hadba heerkooda oo kaliya. Shaqsiyaad gudoomiye gobollo ah iskadaaye, goloyaashaa sharci-dajineed, ee heerarkaa aan soo xusnay ah, marnaba shuqul kuma laha, manasoo faragalin karaan, kaallina ugama banaana, arinta ah dajinta sharciyada dalkoo dhan wada saameeynaya, ama heer federal ah. Waxaad moodaa in hogaamiyeyaasha maamullada rabaan, ineey isku qasaan waxbadan, si eey uhelaan awoodo dheeri ah, oo sharci ama dastuuri aheyn, si eey waxkasta faraha ulagalaan, una noqdaan “La-Madaxweeynayaasha” amuuraha dalkoo dhan, iyagoo kawada cararaya, in awoodahooda siyaasadeed, iyo ka dhexmuuqashadooda siyaasada dalka, ku ekaato heer maamul-goboleed oo kaliya. Nasiibdarase! Waxaa usii fududeeynaya arintaa iyada ah, aqbalaada iyo unugulsanaanta dowlada dhexe, oo aqbaleeysa wax aan sharci iyo nidaam doowli ah toona aheyn, oo marnaba eeysan aheyn ineey ogolaato. Doowlada maanta jirtana, waxaad moodaa ineey isaga aqbashay oo kaliya, doowladii inaga horeeyseybaa hore u aqbashay! Saxse maaha, waana arin sixid degdeg ah ubaahan. Waxaa sidoo kale isweey mudnan, golahan lamagacbaxay “Golaha Amniga Qaranka”, ee ka kooban madaxda dowlada dhexe, iyo hogaamiyeyaasha maamul-goboleedyada, soow ma aha sidii kii ladhihi jiray “Madasha Wadatashiga”, ee sidoo kale ka koobnaa madaxda dowladii dhexee hore, iyo madaxdii markaa joogtaye maamul goboleedyada, kuwaasoo markii dambe howlihii baarlamanka si cad ulawada wareegay, oo hada magaca uun laga badalay? Mase yahay gole dastuuri ah, oo sharci iyo go’aano kasoo saari kara, doorashooyinka soosocda, iyo qeybsashada kheeyraadka dalka, sidii ineey yihiin hey’adaha sharci-dajinta ee dalka? Mise dalku wuxuu leeyahay Gole Sharci-Dajineedoo ka kooban labada aqale baarlamaanka Soomaaliyeed? Waa yaabe sidee lagu ogolaaday, ama wax caadi ah loogu qaatay, ineey boobaan howlihii iyo waajibaadkii labada aqale dastuuriga ah, ee sharci-dajineed, oo iyaga oo kaliya xaqa ulahaa, ineey wixii shuruuc-dajin ah ee dalkoo dhan ah, looga dambeeyo, marka laga hadlayo heer qaran, ama heer Federaal? Talo soojeedin 1-Doowlada dhexee Soomaaliyeed, ee loowada dhanyahay, waxaa ku haboon ineeysan kusirmin, sidii dowladii ka horeeysey ugu sirmatay ookale, oo eeysan kasoo dhexmuuqan, ogolaanna goleyaal aan aheyn labada aqal, ineey sharci iyo go’aano masiiri ah, oo dalkoo dhan saameeynaya gaaraan. Howlaha sharci-dajineed, iyo in si sharci ah, dastuuri ah, go’aan masiiri ah oo dalkoo dhan saameeya loo wadagaarana, waxaa iska leh oo kaliya, labada aqale baarlamaanka. Waa in loodaayaa, laguna ixtiraamaa. Waana sida eey kujirto dowlad wanaaga (Good governance). 2-Labada golee shacabka, oo eey ugu horeeyaan hogaankooda, waa ineeysan ogolaan, in hoowlahooda, mas’uuliyadahooda iyo waajibaadkoodaba laga boobo iyagoo sootaagan, ama laga fara-baroojiyo. Liidanaan iyo daciifnimo ka xumi majirto, in xaqaagii laqaato, adigoo waliba awooda inaad ka dhiidhiso, waana ineeysan kayeelin cidna arintaa, waloow aan ogahay, waxa arintan eey uga aamuseen, taasoo ah, ucabsashada kursigooda, iyagoo kudhiiranwaayey hogaamiyeyaasha maamulladii lagasoo doortay, oo eeysan hubin ineey siijoogi doonaan iyo in kale. Mahadsanidiin. Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor). Maamule-Kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka Iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin/Bare ka ahaa. Al-Madinah International University. abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA. Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Waxgarad dhowaan nabadeyn u tagay deegaanka Dhumay ee Sool ayaa rajo ka muujiyey xallinta dagaallo halkaasi ka dhacay. Garaad C/laahi Maxamed Guuleed oo ka soo noqday deegaanka Dhumay ayaa Goobjoog News u sheegay in la kala qaaday maleeshiyaadkii dagaallamay, ayna socoto dhaqangelinta heshiiskii la gaaray. Garaad C/laahi waxaa uu sheegay in dadkii ka qaxay deegaanka uu dagaalka ka dhacay dib loogu soo celin doono guryahoodii isaga oo dhanka kale tilmaamay in rajo weyn ka qabaan soo afjaridda Colaadaan oo Muddo ka jirtay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool. Dagaalkan ayaa waxaa uu bilowday Jimcadii la soo dhafay isag oo ka dhacay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool waxaana ku dhintey ku dhowaad 20 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan. Waxgaradka iyo Culimada ku dhaqan gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegeen in ay wadaan wadahadallo lagu qaboojinayo dagaalka u dhaxeeya Maleeshiyaadka. Dagaal beeleedkani oo u dhaxeeya malleeshiyaad kasoo kala jeeda laba beelood oo dirirtoodu soo laablaabtay ayaa waxaa la sheegay inay salka ku hayso aanooyin iyo dilal hore, oo heshiisyo horey looga gaarey fuli waayay. Labada dhinac ma ahan markii ugu horeysay oo dagaal uu dhexmaro, midka hadda socda ayaa qeyb ka ah dagaallo mudo soo jiitamayay, oo sababay khasaarooyin dhimasha, dhaawac iyo barakac xooggan. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Waraysi-Garaad-Cabdilaahi-Maxamed-Guuleed-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU ( Caasimada Online) — Somali army backed by African Union [AU] and U.S. forces have unleashed a joint offensive against a hideout belonging to Al Shabaab. The joint raid took place in Mubarak town about 65 kilometer Southwest of Mogadishu, killing at least 3 militants, after the coalition forces raided an Al-Shabaab camp. “Somali troops, along with U.S. soldiers attacked an Al Shabaab camp, achieving notable gains, while killing ” 3 terrorists”,” Somalia’s Intelligence said. The allied troops reportedly liberated Mubarak from the Islamists following a heavy gunfight. It’s yet unclear the exact number of casualties on foreign forces. Mubarak is close to Dar-assalam area, where a US Navy SEAL member was killed by Al Shabaab last year during joint military operation. Somalia’s Al Shabaab claimed to have foiled US and Somali special forces raid on Mubarak town last night. Two bullet-riddled bodies of soldiers were reportedly seen in the town, according to Radio Andulus, an Al Shabaab mouthpiece. Al-Shabab is battling the Western-backed Somali government to establish Islamic rule in the country. The Somali forces fighting the group have been backed by an African Union mission made up of forces from several African nations. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Somalia praises ‘genuine brother’ Turkey for bombs response
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Turkey's swift response to Somalia's deadliest truck bombing drew praise from survivors and officials who called Ankara their "only genuine" international partner. Source: Hiiraan Online -
Qardho[Puntland Post]-Guddiga Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Magaalada Qardho ee gobolka karkaar ayaa ku dhawaaqay in xukun dil ah lagu ku riday labo ruux oo horay dil uga geystay Magaalada Qardho degaano hoos yimaada. Maxkamadda Magaalada Qardho Waxa ay sheegtay in Ragga la xukumay lagu kala magacaabo Axmed Cabdi Nuur Siciid Iyo Bashiir Maxamed Siciid. Waxaa labaddan ruux loo heystaa dil ay u geysteen Marxuum Cabdiraxmaan C/laahi Axmed Qaytoor, laguna helay dambiga dilka ah ee ay gaysteen. Warqad kasoo baxday Garsoorka Maxkamada Qardho ayaa lagu amray Taliyaha Saldhiga Qardho xabsiga in lagu sii haayo labada dhalinyarada ah ee dilka gaysatay illaa qisaastooda lagu fulinaayo. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Maxkamadda Darajada Koowaad ee Magaalada Qardho oo xukun dil ah ku riday Labo ruux appeared first on Puntland Post.
-
In ka badan Shan Carruur ah ayaa cudurka Shuban biyoodka ugu geeriyootey Kaam ku yaalla degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho. Kaamkan waxaa ku nool barakacyaal u badan kuwii dhowaan kasoo barakacay Magaalada Marka ee gobolka Shabellaha hoose, iyadoo dhanka kale dadka ku nool halkaasi ka cabanayaan xaalad adag oo dhanka nolosha ah. Qaar ka mid ah Caruurta ku nool Kaamkan ayaa waxaa ay la il daranyihiin cudurka Shuban biyoodka oo soo ritay shan ka mid ah ayaa u geeriyooday halka qaar kalena lagu daweynayo Isbitaalka Banaadir. Kaamkan oo ku yaalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ku nool dad badan oo barakacyaal ah kuwaasi oo ka soo barakacay Shabellaha hoose halka kuwo kalena ay horay ugu sugnaayeen kaamka, waxaa ay Goobjoog News u sheegeen in ay haysato xaalad bani’aadannimo oo aad u liidato. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Barakacayaal.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Waxaa goordhow soo dhammaaday kulan ay yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo hoggaamiyaha ‘Somali State” ee deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) . Sida ay xaqiijiyeen ilo ku sugan Adis Ababa, kulanka waxaa xoogga lagu saarey isbadalka ka dhacay deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo midka gobolka. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo saaka u ambabaxay magaalada magaalada Addis Ababa ayaa halkaasi uga qeyb-galaya Shir ay isugu imaanayaan Madaxda IGAD oo looga hadli xubinnimada Eritrea oo mar kale ka mid noqonaya xubnaha Urur Goboleedka IGAD. Sidoo kale waxaa shirka lagu wadaa inuu ka qeyb galo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo markii u horeysay ka soo muuqanaya miiska Madaxda IGAD. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa Caasimada@live.com
-
Waxaa goordhow soo dhammaaday kulan ay yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo hoggaamiyaha ‘Somali State” ee deegaaka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) . Sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen ilo ku sugan Adis Ababa, kulanka waxaa xoogga lagu saarey isbadalka ka dhacay deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo midka gobolka. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo saaka u ambabaxay magaalada magaalada Addis Ababa ayaa halkaasi uga qeyb-galaya Shir ay isugu imaanayaan Madaxda IGAD oo looga hadli xubinnimada Eritrea oo mar kale ka mid noqonaya xubnaha Urur Goboleedka IGAD. Sidoo kale waxaa shirka lagu wadaa inuu ka qeyb galo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo markii u horeysay ka soo muuqanaya miiska Madaxda IGAD. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu furitaanka kalfadhiga 4aad ee golaha shacabka ku daah-furay barnaamijka ” Is-xilqaan”, kaas oo ah mid uu dadka ugu baaqayo in si iskaa wax ku qabso ah lagu dhiso 11 hey’adood. Farmaajo waxaa uu sheegay in Barnaamijka “Is-xilqaan” uu halbeeg u yahay waddaniga dhabta ah ee ka dhiidhiya dayacsanaanta dhulkiisa hooyo. waxa uu ku qotomaa mabaadii’da aasaasigaah ee Dastuurku ku dhisan yahay oo si cad u kala qeexay xuquuqda iyo waajibaadka muwaadiniinta. Waxa uu ku qotomaa mas’uuliyadda Islaamnimo ee muwaaddin-nimo. Waa maxay Is-xilqaan? Waa barnaamij wax-qabad oo Soomaaliyeed oo sal iyo cidhibba ku leh dhaqanka Soomaaliyeed ee isku-tashiga, isku-tiirsanaanta iyo is- gargaaridda heer walba ah. Waa Barnaamij gogol-xaadh u ah soo bandhigidda wax-qabad taabbo gal ah oo ay horseed ka tahay Xukuumadda Nabad iyo Nolol, laguna xusayo sannad guurada 60aad ee Xorriyadda Soomaaliyeed. Waa barnaamij ama mashruuc heerar badan gaadhaya ama saamayntiisa ku yeelan doona. Heerarka uu gaadhi karo waxaa ka mid ah: mid qofeed, mid qoys (family), mid deegaan iyo mid Qaranba. Haddaba, waxaa muhiim ah in Olole xooggan oo ballaadhan lagu qaado, loona sameeyo barnaamijka ”Is-xilqaan” ee u diyaargarawga 60 guurada maalmaha xorriyadda. Ololahaas oo ah wac-yigelinta bulshawaynta Soomaaliyeed si ay dalkooda iyagu u dhistaan isuguna xisaabtamaan. Sidee loo fulinayaa? Waxaa la abuurayaa Guddi heer Qaran ah oo ka kooban wasaaradaha ku shaqada leh ee xukuumadda, bulashada rayidka ah, culimaa’uddiinka iyo ciidamada. Waxaa la abuurayaa farsamo yaqaanno iyo Injineerro hawlaha dib-u-dhiska haga iyadoo jumca kasta la shaqaynaayo laba saacadood iyo badh (2:30 hrs). Sidoo kale Khamiis kasta oo ugu dambaysa bil walba waxaa loo asteeyay maalinta ololaha “Is-xilqaan” ee nadaafadda iyo dib-u-dhiska dalka. Waxa dib-u-dhis ballaaran lagu sameeynayaa qaar ka mid ah xarumihii iyo hantidii dawladda ee ku burburtay dagaallada sokeeye, iyadoo:- La abaabulayo, lagana shaqaysiiyo cududda dadweynaha (Dhalliyaaro, Shaqaale, Haween, Iskaashatooyin, ciidamada, dadweynaha xaafadaha iyo degmooyinka), laguna tartamo, la iskuna abaalmariyo In barnaamijka Is-xilqaan ee dib loogu dhisayo dalka si ballaaran looga wada qayb-galo xoog, fikar iyo dhaqaaleba. Maxay Guddidu Qabanayaan: Waxa ay abaabuleysaa bulshada Soomaaliyeed, caruur iyo cirroole, dhalinyaro, waayeel, haween, shaqaalaha dowladda iyo ciidamada. Xubnaha Guddida: Guddida Ololaha is-xilqaan waxa ay ka kooban tahay Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Hawlaha Guud, Warfaafinta, Arrimaha Gudaha, Waxbarashada, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Caafimaadka, Haweenka, Gaashaandhigga,Amniga, Cadaaladdaiyo Gobolka Banaadir. Sidee Loo Maal-gelinayaa: Waa is-xilqaan ku dhisan oo uu qofku xooggiisa, xoolihiisa iyo xirafadiisa ku tabarrucaayo dalkiisana ugu deeqaayo. Hase-yeeshee. Waxaa la furi doonaa sanduuq loogu yabooho Qurbejooqta, ganacsatada, bulsho waynta Soomaaliyeed iyo qof kasta oo danaynaaya in uu wax ku darsado, iyada oo la dejinayo nidaam maamul, qaab sahlaya uruurinta iyo macluumaadka tabarucaadka dadweynuhu uga qayb-qaadanayo barnaamijka isxilqaan ee dib u dhiska dalka. In laqu guulaysto Barnaamijka Is-xilqaan waxaa asaas u ah: Sida taariikhdu na barayso horumarka ay bulsho kasta gaarto, waxa aasaas u ah qaabka ay u fekeraan iyo sida ay ugu heelan yihiin in ay qadarkooda iyo is-xilqaankooda ku gaaraan horu-kac baaxad leh oo ay uga baxaan dib-u-dhaca ay dariska la yihiin, una hiigsadaan horumarka dhaqan dhaqaale iyo bulsho ee asaagood gaaray. Haddaba, waxaa muhiim ah in ay is-abaabusho Ummadda Soomaaliyeed iyaga oo ku tashanaya maalkooda, maskaxdooda iyo muruqooda, si dib loogu soo nooleeyo hay’adihii Dowladda ee qaybta weyn ku lahaa horumarka iyo xadaaradda dalka. Sidaa awgeed, iyada oo la muunaynayo sanad-guurada 60aad ee xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya ee ku aadan 2020-ga, lagana amba-qaadayo talooyinka iyo tilmaaha ay bixiyeen Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, waxa lagama-maarman ah in dib loo dayactiro, loona haw-galiyo; wajiga koowaad ee Barnaamijka ls-xilqaanna lagu bilaabo hay’adaha iyo Dhismayaasha kala ah:- Matxafka Qarahka. Golaha Murtida iyo wacyi-gelinta Dadweynaha. Maktabadda Qaranka. Xaruntii Dhexe ee Xisbiga. Tuulada Ciyaaraha (Mogadishu Stadium). Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka (Isbitaal Benaadir). Taalooyinka Taariikhiga. Hir-gelinta Barnaamijka Bar ama Baro. Isku filnaansha xagga quudka. Abuuritaanka Tuulooyin Kalluumaysi. Dayactirka Buundooyinka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeedo siyaasadda ay dowladda Soomaaliya ku maamusho dalka ayaa ka hadlay gurxufta cusub ee kasoo if baxday Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle oo ah kuwa ugu daciifsan maamulada dalka ka jiro shaqo ahaan iyo tayo ahaan. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Galmudug iyo Hirshabeelle inay ka shaqeeyaan danaha maamuladooda, iyadoo uu soo ifbaxayo xiisado siyaasadeed oo maamuladaas lugaha la galayo iyo mooshino is barbar socda. Axmed Fiqi ayaa sheegay in hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee ugu jawaabay hadaladooda ay u ekaayeen kuwo jiibis ah iyo balan-qaad, kaddib markii Madaxweynuhu sheegay inay labada Guddoomiye Baarlamaan ay kala shaqeynayaan danta Guud. Halkaan hoose ka akhriso hadalka uu Fiqi soo dhigay Bartiisa Facebook Guddoomiyaasha barlamaanada Dawlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle waxaa la gudboon in ay ka shaqeeyaan danaha maamuladooda, kulana shaqeeyaan madaxda maamuladaas xayndaabka dastuurka, si ka waxgaradsan qaabka ay hadda u dhaqmayaan, oo u ekeysiinaysa kuwoloo adeegsanayso burburinta maamuladooda sida ka muuqatay haddaladoodii munaasabaddii furitaanka Kalfadhiga Afraad ee golaha shacabka, iyo hadaladii jiibiska & ballanqaadka ahaa ee uu madaxweynuhu uga jawaabay hadalkoodii. Caasaimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidan isugu jira Soomaali iyo cadaan ay xalay saq dhexe weerar qorsheysan ka fuliyeen degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose. Weerarka oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa waxaa iska garabsaday Ciidanka cadaanka iyo kuwa Bancroft kuwaa oo Weerarka ka hore diyaaradihii ay wateen uga degay banaanka deegaanka Mubaarak. Ciidamadan ayaa gudaha deeganka ku galay lug iyadoo halkaa dagaal culus kula galay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab. Dagaalka oo socday ku dhawaad saacad iyo bar ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo mid dhaawacba leh. Dagaalka ayaa inta uu socday waxaa dhacay duqeyn lala eegtay Saldhigyo ay maleeshiyaadka ku lahaayen deeganka, taasi oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo ay wateen ciidanka cadaanka ah ee Mareykanka. Duqeynta iyo dagaalka tooska ah ayaa waxaa ka dhashay dhimashada 3 maleeshiyo oo laba kamid ah la sheegay inay ahaayen Horjoogayaal qeyb ka ah maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose. Sidoo kale, qoraal ay Hay’adda Sirdoonka qaranka Somalia soo dhigtay barta Twitter-ka ku sheegtay in hawlgal xalay saq dhexe ka dhacay Mubaarak ay ku dileen xubin ka tirsan Al Shabaab, sidoo kalena lagu dhaawacay kuwa kale. Qoraalka Hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha la weeraray ay ku hawlanaayeen weeraro ay ka geystaan magaalada Muqdisho. Si kastaba ha ahaatee weerarka ayaa dhacay xili ay maleeshiyaadka Alshabaab weeraro is xig xiga ka geysteen magaalada Muqdisho iyo Marko. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jowhar (Caasimada Online)-Xildhibaano ka tirsan Hirshabelle ayaa ku dhawaaqay inay aad uga soo horjeedan go,aankii maamul gobaleedyada ee kasoo baxay shirka Kismaayo. Xildhibaanada maamulka ayaa sheegay in Madaxweynaha maamulka Hirshabelle aysan ku raacsaneen go,aanka uu ka qaatay dowlada Somalia ee laga soo maanguuriyay shirka. Waxa ay Xildhibaanadu sheegeen in Waare uu kaligiis qaatay go’aanka oo aysan jirin cid uu kala tashtay,sidaasi aawgeedna ay qaadacsan yihiin war murtiyadeedkii ka soo baxay shirkii Kismaayo. Waxa ay sheegen Xildhibaannadan in go’aanka uu qaatay Madaxweyne Waare ay muujineyso kalsooni darada kala dhexeysa maamulkiisa islamarkaasna uusan kala tashan baarlamaanka iyo guddoonka Hirshabelle labadaba sidaas daraateedna waxaa ay ka dalbadeen madaxweynaha in uu arrinkaasi raali gelin ka bixiyo. Xildhibaanada oo arrintaasi shir ka yeeshay ayaa sheegaya in Waare uu qudhiisa dayacay amniga iyo nidaamka maamulkiisa, siadaa aawgeed uusan xaq u laheyn inuu ka hadlo khaladaadka yaryar ee kadhaca dowlada. Waxa ay tilmaameen in Waare uusan deegan ku aheyn halka uu ka taliyo, isla markaana laga doonaayo in marka hore uu hagaajiyo maamulkiisa kadib uu dhaliilo madaxda ka sareysa. Sidoo kale, Xildhibaano kale oo ka tirsan isla baarlamaanka maamulka ayaa sheegay in Waare ay ku raacsan yihiin go’aanka uu kala midka yahay maamulada kale ee ka jira dalka. Xildhibaanada taabacsan go’aanka Waare ayaa tilmaamay in HirShabeelle ay ku go’aan tahay maamulada kale, isla markaana ay adeecsan yihiin qodobada kasoo baxay shirka Kismaayo. Qodobada laga soo saaray shirkii golaha iskaashiga ee dowlad goboleedyada sideedii bishan ayaa lagu sheegay in lagu hakiyey xiriirkii ka dhaxeeyey dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Dhinaca kale, waxa ay dowlad goboleedyada sidoo kale ku eedeeyeen dowladda dhexe farogelin gudaha maamullada ah. Caasaimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
Wasaaradda warfaafinta Galmudug ayaa sheegtay in dowladda dhexe ay farogelin ku hayso maamulkooda, islamarkaana iska horkeeneyso shacabka ku dhaqan deegaannada Galmudug. Wasiirka wasaaradda wasaaraddan, Maxamuud Cismaan ayaa sheegay in dowladda dhexe ay waddo qorsheyaal ay ku dooneyso iney ku burburiso heshiiskii Galmudug iyo Ahlu-sunna. Sidoo kale, wasiirka ayaa uga digay shacabka Galmudug dhibta ka dhalan karta arrintaasi, isaga oo dhanka kalena ugu baaqay beesha caalamka iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya in arrintan ay si dhow ula socdaan. “Waxaan ugu baaqeynaa shacabka Galmudug iney ka digtoonaadaan cawaaqib xumada ka dhalan karta farogelinta qaawan ee ay hormuudka ka tahay dowladda federaalka, waxaan ugu baaqeynaa waxgaradka, culimada, xisbiyada, beesha caalamka iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya iney si dhow ula socdaan farogelinta qaawan ee dowladda federaalka ku hayso dowlad goboleedka Galmudug” ayuu yiri wasiirka. Galmudug ayaa marar badan sheegtay in dowladda federaalka ay farogelin qaawan ku hayso maamulkooda, iyaga oo ku baaqay in arrintaasi ay dowladda ka fiirsato. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa sheegay in uu gacanta ku hayo mooshin laga soo gudbiyey guddoomiyaha baarlamaankaasi Cali Gacal Casir. Waxa uu sheegay Xareed in mudane Casir ay mooshin kasoo gudbiyeen 89 xildhibaan, wuxuuna tilmaamay in looga baahan yahay 10 cisho gudahood inuu isaga difaaco eedeymaha loo soo jeediyey. Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in xilligan wixii ka dambeeya aanu guddoomiye Casir haysan awood uu ku shir guddoomiyo maadaama mooshin uu ka yaallo. “Waxaan halkaan ka caddeynayaa iney isoo gaartay mooshin ka dhan ah guddoomiyahii baarlamaanka Galmudug, mooshinkaasi oo ay ii soo gudbiyeen xildhibaanno tiradoodu gaareyso 89” ayuu yiri Xareed. Muddooyinkan dambe waxaa jiray khilaaf ka dhaxeeyey madaxda sare ee maamulka Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-XIldhibaan Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo ka mid ah mudanayaasha BFS ayaa sheegay in qodobada kasoo baxay shirka kusoo dhamaaday magaalada Kismaayo aysan wada khaldaneen. Gaandi, waxa uu sheegay in cadaadiskaasi uu dowlada Somalia uga imaaday faragalin uu sheegay inay ku sameysay arrimaha maamulada. Xildhibaan Gaandi, waxa uu dowladda Somalia ku eedeeyey inay dagaal la gashay maamulada, isagoo tilmaamay inay ku howlan tahay duminta Dowlad Goboleedyada dalka, sida uu hadalka u dhigay. Gaandi, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay mar waliba dooneyso in Madaxda maamulada ula dhaqanto sida Guddoomiyayaasha Degmooyinka. Waxauu sheegay in dowlada Somalia ay ilowday wadatashigii kala dhexeeyay maamulada ka jira dalka, waxa uuna taa ku sheegay cadaadinta iyo khilaafka ugu badan ee kadhex oogan dowlada iyo maamulada. Xildhibaanka waxa uu tilmaamay in wax walba oo ka dhasha go’aankii kasoo baxay shirka Kismaayo ay eedeeda qaadaneyso dowladda Federaalka Somalia. Sidoo kale, Xildhibaan Gaandi ayaa carab ***** in waxbadan ay ka jiran wararka kasoo baxay Hogaamiyaha Jubbaland ee ku aadan in DFS ay qalqal amni kawado deegaanada Jubbaland, sida lagu sheegay warbixin uu Gaandi siiyay Idaacada dalsan ee magaalada Muqdisho. Haddalka Gaandi, ayaa u muuqanaya mid lagu garbinaayo qodobada shirka, iyadoo ay xusid mudan tahay in go’aanka kasoo baxay ay isku khilaafen madaxda maamulada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
I was intrigued by the title of an article written by a certain Karanja Kabage, a Kenyan, who is an Advocate of the High Court of Kenya. The article was probably written in a Kenyan Newspaper and reproduced in Hiiraan Online Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (Caasimadaa Online)-Waxaa lagu wadaa in si rasmi ah loo soo afmeero khilaaf Siyaasadeedka ka dhextaagan dowladaha Eriterea iyo Jabuuti oo gaaray heerkii ugu xumaa. Gogosha lagu soo afmeerayo Khilaafka labada dowladood ayaa la sheegay inay taalo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia oo uu ka furmi doono shirka IGAD. Gogosha lagu heshiisiinayo Eriterea iyo Jabuuti ayaa waxaa ka qeybqaadan doona Madaxda wadamada qeybta ka ah IGAD. Madaxweynayaasha Eriterea Afwerki iyo Jabuuti Ismaaciil Geele ayaa xalinta khilaafkooda kadib la filayaa in ilaa iyo bari danbe ay Heshiis ku kala saxiixdan magaalada Addis Ababa oo maanta arbaca ah uu ka furmi doono shir ay yeelanayaan Wasiirrada arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD. Shirkan maanta ka furmaya magaalada Addis Ababa ayaa waxaa ajendayaashiisa ka mid ah in lagu saxiixo heshiiska kama dambeysta ah ee ay gaareen dhinacyada dalka South Sudan iyo in Ururka ay dib ugu soo biirto Dowladda Eritrea oo tobankii sano ee la soo dhaafay ka maqneyd. Labada Madaxweyne ayaa la sheegayaa in halkaas lagu dhexdhexaadin doono iyada oo ay horay u jirtay in labada dalba Madaxweynayaashooda ay casuuntay dowladda Ethiopia. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Ethiopia ayaa horay usii shaacisay in gogasha Heshiisiinta labada dal ay taalo magaalada Addis Ababa, iyadoo ay garwadeen ka yihiin dowladaha Somalia iyo Ethiopia. Caasimadaa Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal shalay ka dhacay deegaanka Malable oo ku dhow deegaanka Ceel-macaan ee gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan. Dagaalkan ayaa u dhaxeeyey ciidamo ka wadatirsan Hirshabelle, gaar ahaan kuwo ilaalo u ahaa Cismaan Xaadoole oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiidka iyo dekadaha ee maamulkaasi iyo kuwa maamulka degmada Balcad. Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku geeriyootey Afar Askari, waxaana ku dhaawacmay 5 kale sida ay xaqiijiyeen saraakiil Hirshabelle ah. Saakay ayaa lagu soo waramayaa in xaaladdu ay tahay mid wanaagsan, balse waxaa goobtii lagu dagaallamay ka jirta walwal ay qabaan dadka shacabka ah. Maamulka Hirshabelle weli kama aanay hadal dagaalkan dhexmaray ciidamadan ka wada tirsan maamulkaasi, iyadoo dagaalkanna la ogaan waxa uu salka ku hayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com