Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,126
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. U.S. and Somali forces came under attack during an operation against the al-Qaeda affiliated group al-Shabaab in central Somalia, U.S. Africa Command said. Source: Hiiraan Online
  2. MOGADISHU (Caasimada Online) — Somalia’s President Mohamed Abdullahi Mohamed (Farmajo) has welcomed a peace deal signed by South Sudan’s President Salva Kiir and his main rebel leader Riek Machar, in a bid to end a five-year war left tens of thousands dead. Mr. Mohamed says he witnessed the signatory to the South Sudan peace agreement in Ethiopia’s capital, Addis Ababa. “I am hopeful that this pact will be implemented by all South Sudanese sides”, he said. He says Somalia will work closely with all partners in the pursuit of lasting peace, stability and development in the region. “Somalia welcomes the signing of the peace pact between South Sudanese sides. We are hopeful that this ends the conflict permanently”. Somalia’s President urged South Sudan’s President Salva Kiir and his main rebel leader Riek Machar to work hard to build a lasting peace in South Sudan as “it is a key priority for regional stability and economic development”. The deal reinstated Machar in his former role as vice president and comes two weeks after a peace deal was officially agreed upon between the government and rebel groups. South Sudan descended into civil war in 2013, shortly after independence in 2011, after Kiir accused Machar, then his deputy, of plotting a coup. The war has uprooted one-quarter of South Sudan’s population of 12 million, ruined the country’s agriculture sector, and battered its economy. South Sudan resumed pumping 20,000 barrels a day of crude oil from the Toma South oilfield last month, where production had been suspended since 2013 because of the civil war. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  3. Qeyb ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo fadhigoodu ahaa Dhuusamareeb ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyey guddoomiye Cali Gacal Casir. Doodda mooshinka looga qaadayo oo ilaa shalay socotay waxaa soo xaadiray 147, codeynta dhacday waxaa in Cali Gacal Casir la tuuro ogolaatay 146, hal Xildhibaan ayaa aamusay. Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa warbaahinta u sheegay in 146 Xildhibaan ay isku raaceen xil ka qaadista Guddoomiye Cali Gacal, halka hal Xildhibaan uu ka aamusay. Tirada uu hadda u taagan yahay baarlamaanka Galmudug waa isku darka: 89 ka timid baarlamaankii Galmudug iyo 106 ka imaaneysa maamulka Ahlu-sunna, iyada oo tirada guud noqotay 195 Xildhibaan. Dood dheer oo lagu kala tagay ayaa halkaas ka jirtay. Go’aanka qeyb ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo weliba fadhiyey magaalo aan fadhigooda rasmiga aheyn ay shaqada uga joojiyeen guddoomiye Cali Casir waxaa ay soo afjareysaa dadaallo dhex-dhexaadin ah oo ay wadeen aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanno ka tirsan Galmudug ayaa sidoo kale ku sugan magaalada Cadaado halkaas oo baarlamaanka xarun ah sida ku xusan heshiiskii Djibouti, taas oo keeni karta in fasiraad badan laga bixiyo sababta xilka looga qaadey guuddoomiyaha goob aan baarlamaanka fadhigiisu aheyn. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. hal Qof ayaa ku geeriyoodey Saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen shil maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho. Mooto nooca loo yaqaan Bajaaj iyo midda Labada lug leh ayaa isugu dhacay deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho. Dadka dhaawaca uu soo gaaraya ayaa waxaa loo soo qaaday Isbitaallada Magaalada Muqdisho si loogu daweeyo xaaladdooda caafimaad. Dhanka kale, askar la sheegay iney ka tirsan yihiin DFS ayaa deegaanka Ceelasha biyaha ku diley hal qof oo shacab ah iyaga oo mid kalena dhaawacay. Qofkan aya dileen ciidamada dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in uu ahaa darawal wada gaadiidka qaada Khudaarta dilkiisa ayaa ka dambeeyay kadib markii uu isku dayay in uu ka leexdo bar kontarool oo ciidamada ay wax ku baaraan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. The mobile money market is booming in Somalia. Approximately 155 million transactions, worth $2.7 billion or 36% of gross domestic product (GDP), are recorded every month. Source: Hiiraan Online
  6. US and Somali forces who raided the family home of a former president and detained three teenagers may have been acting on misleading intelligence, according to officials in the unstable east African country. Source: Hiiraan Online
  7. MOGADISHU (Caasimada Online)– The Islamist group Al-Shabaab says it carried out an attack on army bases in north of Somali capital Mogadishu. The group’s fighters armed with machine-guns and RPGs launched an ambush assault on army bases manned by government soldiers in the city’s Hiliwaa. Heavy fighting triggered by the surprise attack flared up last night, a witness, who asked to be unnamed for reprisal attack on his life, said. He says heavy gunfire and explosions could be heard through Hiliwaa district. The group claimed to have overrunn two army bases in Ali Ganei and Biyo areas, saying, its fighters killed several government soldiers during the assault. The group’s fighters also fired several mortar rockets at the army bases, causing untold number of casualties. Caasimada Online could not independently verify the latest claims made by Al-Shabaab. Somali army officials were unavailable to reach on the phone for comments on the latest attack in Mogadishu. Al-Shabaab has been in decline since 2011 but still launches regular, deadly attacks against government, military and civilian targets in the capital and elsewhere. The group is battling the Western-backed Somali government to establish Islamic rule in the country. The Somali forces fighting the group have been backed by an African Union mission made up of forces from several African nations. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  8. Janaale (Caasimada Online) – Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ee dhowaan weerarka ku qaaday guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan ee degmada Janaale, ayaa sidaas sameeyey kadib markii la siiyey warbixin sirdoon oo qaldan, sida saraakiil Soomaali ah ay sheegeen. Ciidamada Soomaalida iyo kuwa ajnabiga ayaa guriga Aadan Cadde weeraray xilli saq-dhexe ah 4-tii bishan, waxayna kala baxeen saddex wiil oo da’doodu u dhaxeyso 15 illaa 20, sida ay sheegeen qoyska madaxweynihii hore. Halka ay jiraan saddexda wiil ayaan ilaaa hadda la ogeyn. Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, oo si toos ah wax uga ogaa howlgalkan ayaa yiri “Waxaa nala siiyey warbixin sirdoon oo been abuur ahayd ka hor weerarka guriga Aadan Cadde, iyada ayaana ku dhaqaaqnay. “Ciidamada Mareykanka ma aysan aqoon goobta weerarka iyo gurigaba, waxayna isku halleeyeen warbixin sirdoon oo been abuur ah, oo ay bixiyeen jaajuusiin deegaanka ka howlgala, kuwaas oo laga yaabo in mararka qaar ay qabyaalad darteed been u sheegaan” ayuu yiri sarkaalka oo la hadlay wargeyska The Guardian. Sarkala kale oo sirdoon oo inta badan la shaqeeya ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa sheegay in inta badan ay dhacaan qaladaad ka dhasha been ay sheegaan jaajuusiin aan la isku haleyn karin. Major Karl Weist, oo ah afhayeenka taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa xaqijiyey in ciidamada Mareykanka oo caawinaya kuwa Soomaalida ay howlgalka fuliyeen habeenkii afarta bisha September, 2018. “Waxaa naloo sheegay in weerarka lagu beegsanayey shabakad Al-Shabaab oo qaraxyada sameysa, anaga waxaan taageereynay kaliya ciidamada Soomaaliya” ayuu yiri. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Nicholas Haysom oo ah nin u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa noqon doona ergeyga gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya sidoo kale waxaa uu noqon doonaa Madaxa Xafiiska (UNSOM) isaga oo badalaya ergeygii hore ee Michael Keating. Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay António Guterres ayaa shalay oo arbaco aheyd Magacaabay Haysom, kaasi oo la wareegi doono jagada cusub waxaa uuna noqonayaa ergeyga gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxaa uuna ahaa ergeyga gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsanaa Koonfurta Suudaan iyo Suudaan. Haysom waxaa uu ahaa qareen Caalami ah waxuuna muddo dheer ka shaqeynayay Dimuqaraadiyadda, hagaajinta dastuurka iyo doorashooyinka, dib u heshiisiinta iyo howlaha nabadgelyada, waxaa uu noqday 2014-2016 ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsanaa Afghanistan sidoo kale waxaa uu ka soo shaqeeyay 2005-2009 xafiiska qaramada Midoobay ee Ciraaq. Ka hor inta uusan shaqada ka helin qaramada Midoobay Haysom waxaa uu ahaa la taliyaha dastuurka ee Madaxweyne Nelson Mandela, sidoo kale waxaa uu gacan ka geystay howlaha nabadda ee wadanka Koonfurta Suudaan intii u dhaxeysay 2002-2005. Haysom waxaa uu badalayaa Keating kaasi oo shaqadiisa ay ku egtahay 1 October, halka uu isna xafiiska la wareegi doono bisha Janaayo ee sanadka 2019-ka. Haysom waxuu noqonyaa Mas’uulka qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa uuna ku soo aadayaa xilli uu dalka u diyaar garoobayo qabashada doorashooyinka sanadka 2020-ka, halka ka horna labo Maamul goboleed ay ka dhaceyso doorasho Madaxweyne. Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu wadaa in bisha November ee sanadkan ay ka dhacdo doorshada Madaxweyne ee Maamulkaasi, halka Puntaland iyadana bisha Janaayo ee sanadka soo socda ay ka dhici doonto doorashada Madaxweynaha . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xariga ka jaray xarun cusub oo ay Garowe ku yeelatay Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland, Madxaweynaha Puntland ayaa xarig ka jarka xaruntan cusub waxaa ku wehelinayey qaar kamid ah golihiisa xukuumada, maamulka degmada, kan gobolka Nugaal iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada. Madaxweyne Gaas oo kalmado kooban ka jeediyay munaasabadii xarig ka jarka xarunta ayaa u mahadceliyay madaxda Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda, wuxuuna xusay in ay laga maarmaan tahay in Wasaaraddu caasimada xarun ku yeelato. Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in kheyraadka la hubo oo dalkeenu leeyahay uu yahay Kaluunka, sidaas darteedna laga illaaliyo xaalufka iyo jariifka, juhdi badan la galiyo ilaalintiisa. Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntlandku ayaa markii hore xarunteeda ugu weyn ku taalay maagaalada Boosaaso, tanina waa tii ugu horeysay oo laga hirgaliyo caasimadda Garowe. Puntland ayaa leh xeebta ugu dheer Soomaaliya waana xeeb qani ah, balse waxaa fara kulul ku haya jariijka dalalka shisheeye. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo xariga ka jaray xarun cusub oo dowladeed appeared first on Puntland Post.
  11. Wadada Garowe iyo Galkacyo Dallada Bulshada rayid ka ah Puntland (PUNSAA) ayaa war-saxaafadded ay soortay kaga hadashay mashruucii fashilmay ee dhismaha wadada isku xirta Garowe iyo Galkacayo. Wa-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in PUNSAA ay ka xuntahay joojinta Mashruuca dayactir ka wadada isku xirta Garowe iyo Galkacayo, oo ay maalgalinaysay Midawga Yurub (EU) ayna fududaynaysay Hay’ada Caalamiga dowlada Jarmalka u qaabilsan arimaha horumarinta (GIZ). Dallada Bulshada rayid ka ah Puntland (PUNSAA) ayaa u soo jeedisay dhamaan daneeyayaasha mashruucaas 5 qodob oo kala ah. In Dawlada Puntland ay u saarto guddi madax bannan oo baarintaan ku sameeya khaladaadka dhacay ee ay dawlada Jarmalku ku joojisay mashruuca, si loo ogaado cida iska leh masuuliyadaas, waxna looga barto, si aysan dib danbe u dhicin. Guddiga arintaas loo xilsaarayo waa in uu ka koobnadaa xubno aqoon iyo khibrad u leh mashaariicda wadooyinka, bulshada dhexdeedana ku leh sumcad si loogu kalsoonado go’aanada ay soo saaraan. Dallada Bulshada rayid ka ee PUNSAA waxay dawlada jarmalka, hay’ada GIZ iyo Midowga yurub uga mahadcelisay taageerada joogtada ah ee ay u fudiyaan shacabka Soomaliyeed gaar ahaanna shacabka Puntland iyo balanqaad kooda ah in aysan arintaani saamayn ku yeelan mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan Puntland. Dallada PUNSAA waxay soo jeedisay in arintaan laga furo wadahadal si loo saxo khaladaad ka dhacay, bulshada rayid ka ahna laga siiyo door korjoogtayn ah “Observation role“. Dalladu waxay soo jeedisay in aan dhaqalihii loogu talagalay wadadaas aan loo wareejin meel kale, taas oo niyad jab ku noqon karta shacabka mudada dheer sugayey dhamaystir ka wadadaas. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka PUNSAA PUNTLAND POST The post PUNSAA oo ka hadashay mashruucii fashilmay ee dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  12. Dhuuso-mareeb (Caasimada Online) – Qeyb ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo fadhigoodu ahaa Dhuusamareeb ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyey guddoomiye Cali Gacal Casir. Doodda mooshinka looga qaadayo oo ilaa shalay socotay waxaa soo xaadiray 147, codeynta dhacday waxaa in Cali Gacal Casir la tuuro ogolaatay 146, hal Xildhibaan ayaa aamusay. Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa warbaahinta u sheegay in 146 Xildhibaan ay isku raaceen xil ka qaadista Guddoomiye Cali Gacal, halka hal Xildhibaan uu ka aamusay. Tirada uu hadda u taagan yahay baarlamaanka Galmudug waa isku darka: 89 ka timid baarlamaankii Galmudug iyo 106 ka imaaneysa maamulka Ahlu-sunna, iyada oo tirada guud noqotay 195 Xildhibaan. Dood dheer oo lagu kala tagay ayaa halkaas ka jirtay. Go’aanka qeyb ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo weliba fadhiyey magaalo aan fadhigooda rasmiga aheyn ay shaqada uga joojiyeen guddoomiye Cali Casir waxaa ay soo afjareysaa dadaallo dhex-dhexaadin ah oo ay wadeen aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanno ka tirsan Galmudug ayaa sidoo kale ku sugan magaalada Cadaado halkaas oo baarlamaanka xarun ah sida ku xusan heshiiskii Djibouti, taas oo keeni karta in fasiraad badan laga bixiyo sababta xilka looga qaadey guuddoomiyaha goob aan baarlamaanka fadhigiisu aheyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. MOGADISHU (Caasimada Online) – The United States military says it has carried out a drone strike against Al-Shabaab fighters southwest of Somalia, killing 2 militants. The US Africa Command statement says the airstrike occurred in Mubarak town, some 65km southwest of Somali capital Mogadishu, killing two militants, while another one was also injured. “We assess no civilians were killed in this strike.” US says none of its soldiers was killed or injured in the latest joint offensive against Al Qaeda linked Al-Shabaab. U.S. Conducts Airstrike in Support of the Federal Government of Somalia – https://t.co/FvCJKMS1UO pic.twitter.com/3bRWphnUTK — US AFRICOM (@USAfricaCommand) September 13, 2018 The US has carried out a growing number of drone strikes in the Horn of Africa nation in coordination with Somalia’s government. Most are against al-Shabaab but a small number have targeted Islamic State group-affiliated fighters in the Puntland region in the north. The US carried out more than 30 drone strikes last year in Somalia after President Donald Trump approved expanded military efforts against al-Shabaab. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  14. Xarunta Daraasaadka Siyaasadda ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano CPA ayaa walaac ka muujisay in doorashada Baarlamaanka iyo Deegaanka ee Somaliland ay waqtigii loo asteeyay ku qabsoomaan taasi oo ah March, 27, 2019. Xarunta CPA waxay sheegtay in ay yar yihiin dedaallada la doonayo in lagu gaaro doorashada 2019-ka ee baarlamaanka iyo golaha deegaanka ee Somaliland iyo in aanay jirin wada shaqeyn ka dhaxeysa dhinacyada ay khusayso doorashadu. CPA waxay sheegtay shan qodob oo caqabad ku noqon kara doorashada Somaliland kuwaasi oo haddii aan xal laga gaarin sababi kara in aanay doorashadu qabsoomin. 1- Xeerka Cusub ee doorashada Somaliland oo aanay weli meel marin baarlamaanka Somaliland (waxaa qayb ka ah saami qaybsiga kuraasta barlamaanka) 2- Diiwaangalinta codbixiyeyaasha oo aan weli la bilaabin maadaama ay muhiim tahay in la furo diiwaangalinta si muwaadiniinta aan horey isku diiwaangalin ay isku diiwaangaliyaan. 3- Xisbiga Wadni oo sheegay in la kala diro guddida doorashada, isagoo qoraal uu tabashadiisa kaga hadlayo u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland hase ahaatee aan weli la xallin tabashadaasi. 4- Xisbiga Ucid oo isna horey ugu baaqay Madaxweynaha in uu qaado tallaabooyin uu wax kaga qabanayo xanaftii ka dhalatay doorashada 13-kii November 2017. 5- Xiisadda ka taagan gobollada bariga Somaliland ee ay kamid yihiin: Tukaraq, Jabhadda Taliye Caarre iyo arrimaha Ceel-afwayn. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isagu horey u ballan-qaaday in ay ka go’antahay in uu qabto doorashada Baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka xilligii loo asteeyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. NAIROBI (Caasimada Online) – Somalia’s economy is projected to grow at an annual rate of 3–4 percent, according to the third Somalia Economic Update (SEU) published by the World Bank. Titled “Rapid Growth in Mobile Money: Stability or Vulnerability?”, the SEU assesses Somalia’s vibrant mobile money market, and provides concrete recommendations on introducing mobile money regulation that can boost a secure system for widespread financial inclusion. The SEU aims to provide a comprehensive analysis of economic data, trends and outlook, and sets out a series of recommendations to stimulate reform, growth and improved fiscal performance. This report comes after the country faced its worst drought in decades. Somalia’s economy grew by an estimated 2.3 percent in 2017, down from 4.4 percent in 2016, reflecting the impact of enormous losses seen in livestock and crop production and exports. The volume of live animal exports—Somalia’s largest export, accounting for more than 70 percent of export earnings—declined by 75 percent, from 5.3 million animals in 2015 to 1.3 million in 2017. Somalia’s economy has grown modestly in recent years, and it remains vulnerable to recurrent shocks. Between 2013 and 2017, real annual GDP growth averaged 2.5 percent. Nonetheless, growth has not been sufficient to translate into poverty reduction. “To achieve higher growth, Somalia requires an acceleration of structural reforms,” said John Randa, Senior Economist at theWorld Bank Macroeconomic, Trade and Investment Global Practice and Lead Author of the SEU. “Somalia needs to continue to build the fiscal buffers to allow greater public investment in basic services. Recent efforts to broaden the tax base, enhance compliance, and reduce wasteful expenditures are starting to pay off.” The GDP estimate was revised upward in 2017, based on new information and data harmonization with the International Monetary Fund (IMF). The new estimate puts GDP at $6.8 billion in 2016 and $7 billion in 2017. GDP is dominated by private household consumption expenditure, which represents 132 percent of national income, followed by imports (62 percent), exports (15 percent), and gross capital formation (9 percent). Special Focus: Mobile Money The special focus of the report is on mobile money. Despite its fragility and underdeveloped financial institutions, Somalia has one of the most active mobile money markets in the world, outpacing most other countries in Africa. Approximately 155 million transactions, worth $2.7 billion, are recorded per month. Mobile money has superseded the use of cash in Somalia, with over 70 percent of adult Somalis using mobile money services regularly. This presents exciting opportunities for the country. “Private sector actors have given Somalia a unique opportunity to leapfrog towards widespread financial inclusion. We will continue to support the partnership between the Central Bank of Somalia, the National Communications Authority and the key private sector actors as they deliberate on an appropriate regulatory framework for the sector.” said Tim Kelly, Lead ICT policy specialist at the World Bank. Nevertheless, the mobile money sector lacks robust consumer protection, and know-your-customer requirements. The mass adoption of services – while impressive – presents opportunities for promoting financial broadening and deepening that will lead to more competition and contestability in the financial services market. The challenge for policymakers and regulators is to how to mitigate system vulnerabilities and avoid macroeconomic effects in the event of service disruptions. “Reducing costs and promoting greater stability is a top priority for the overall development agenda for the financial sector, ensuring that regulation does not stifle innovation by leveling the playing field is a very close second. There is a need to improve the balance between cooperation and competition between banks, MNOs and other non-bank financial institutions and ensure better integration of mobile money within the broader financial system. This is key to deepening and broadening the financial services market in Somalia for inclusive growth.” said Thilasoni Benjamin Musuku, Senior Financial Sector Specialist at the World Bank Finance, Competitiveness and Innovation Global Practice and co-Lead Author of the SEU. The SEU was prepared in close partnership with Somali stakeholders and aims to contribute to government policy-making and the regulatory environment in Somalia. This is the third in the SEU series for Somalia. The SEU series is financed by the World Bank’s Multi-Partner Fund (MPF). PRESS RELEASE
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay inay cagta marisay laba saldhig oo ay lahayeen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo ku yaalo Magaalada Muqdisho. Al-Shabaab ayaa sheegatay inay la wareegeyn labadaas saldhig kadib dagaal culus oo halkaas ka dhacay Xalay. Labada saldhig ee la weeraray waxay ku yaallaan degaanka Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa gaar ahaa Cali Ganey iyo Biyo degeenka halka loo yaqaan. Idaacadda Shabaab ee Andalus ayaa faafisay in weerarkaas ay Shabaab ku dileyn askar badan oo ka tirsan ciidamada dowladda isla markaasna ay halkaas ka qaateen saanado hub ah. Dad ku sugan xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa warbaahinta u sheegay in xalay saqdii dhexe ay maqlayeen hugunka rasaas iyo madaafiic labada dhinac is dhaafsanayeen. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka oo ku aaddan dhacdadan, waxayna wararkii ugu dambeeyey ee halkaas laga helayo sheegayaan in ciidamada dowladda ay kusoo laabteen meelihii ay horey u joogeyn. Ilaa hadda lama hayo illo wareedyo ka madax banana Al-Shabaab oo ku aadan sheegashadooda ah inay cagta mariyeen saldhigyadaas isla markaasna ay dileyn ciidamo badan oo ka tirsan AL-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Ceel-Waaq (Caasimadda Online) – Ciidamada Kenya ayaa markale dad shacab ah ku Xasuuqay deegaan dhaca xuduudda ay Soomaaliya la wadaagto Kenya. Dhacdadaan xanuunka badan ayaa waxaa ay ka dhacday deegaanka Dabaasati oo hoos yimaada degmada Ceel-waaq iyadoona dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan deegaankasi ay siweyn uga xanuunsadeen falkaasi oo ay geysteen Ciidanka Kenya. Dadka ay dileen Ciidamada Kenya ayaa isagu jiray Macallin Dugsi Qur’aan iyo laba wiil oo ardaydiisa ka mid ahaa kuwaasi oo si wada jir ah u dileen melleteriga Kenya. Macalimka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Saadaam Macalim Aways halka labada wiil ee lala dilay oo walaallo ahaa lagu kala magacaabi jiray Cali Ibraahim Xasan iyo Siyaad Ibraahim Xasan. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ka hor inta aysan Ciidamada Kenya dilin, wiilasha walaallaha ahaa ay jir dil xooggan u geysteen, ka dibna ay Rasaas la dhaceen, taasoo ugu danbeentii u geeryoodeen Rasaastaasi. Meydadka Macalimka, iyo wiilasha ayaa Meydadkooda loosoo qaaday degmada Ceel-waaq ee ka tirsan gobolka Gedo illaa iyo hadda ma cadda sababta ay Ciidamada Kenya ay u dileen dadkaasi iyadoona arrintaani ay cabsi iyo walaac ku abuurtay dadka ku dhaqan deegaannada la heysto ee gobolka N.F.D. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka digay in khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada uu keeni karo dib u dhac ku yimaada dowladnimada. Wuxuu sheegay inan loo baahneyn is-afgaranwaaga ka dhex jira dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada inuu heerka uu xilligan gaaray sare u dhafo, isagoo soo jeediyey in xaaladda lagu wajaho dulqaad iyo deganaan dan ugu jirto dowladnimada. Kala-shakiga iyo is-af-garan-waaga Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu wuxuu dib-u-dhac u keeni karaa Dowladnimadeenna, mana ahan in uu heerkaan kor u sii dhaafo. Waa lama huraan in dhinac kastaa uu arrinta ku wajaho maskax fayow, deggan, dulqaad leh, xal-doon ah oo u tureysa Dowladnimada Soomaaliya. Waxaa iska soo daba dhacaya baaqyada iyo digniinta laga soo saarayo khilaafka ka dhex oogan madaxda dowlad Goboleedyada iyo Federaalka, kadib shirkii Kismaayo oo ay shan maamul Goboleed ay sheegeen inay hakiyeen xiriirka ay la leeyihiin dowladda federaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Warbixin uu bangiga adduunka todobaadkan ka soo saaray dhaqaalaha Soomaaliya waxaa uu ku sheegay 2 khatar oo haddii aanu maamulka Farmaajo wax ka qaban laga dhaxli-doono cawaaqib xumo. Lacagta Mobilka: Bishiina waxaa lagu qiimeeyey lacagaha taleefonada gacanta la isugu gudbiyo ee Soomaaliya $2.7 bilyan oo ka dhigan in 155 Milyan jeer ay dadka lacag isu direen. Qiyaasta 36% dakhliga guud ee wadanka ayaa mara hanaanka lacagaha la isugu diro taleefoonada, 73% ayaa adeegsada hanaanka taleefoonada lacagah la isugu diro. Lacagaha taleefoonada la isugu diro waa kuwa ugu balaaran ee hadda habka kala gudbinta lacagta loo isticmaalo, iyadoo loo adeegsanayo qof qof iyo ganacsiba gudaha Soomaaliya. Khatarta: Lacagaha taleefonada ee soo gala bangiga ayaa ka badan kuwa ka baxa, sidaasi darted waxaa dhici karta inay shirkadda bangiga ama adeegga isla leh ku dhiirato inay lacagtaas iska isticmaalaan, oo maal-geshi ku sameystaan, halkaasina ay khatar ka dhalato. Bangiga adduunka waxaa uu leeyahay lama oga in bangiga ay taallo lacagta qiimo ahaan u dhigma midka ay dadka ku shubaan ama isu wareejiyaan. Ma jirto hufnaan lacag isu diris ah, waayo qofka aad lacag u dirto, isla lacagtii ayuu kuu soo celin ama qof kale u dirayaa lacagaha wareego waa tii ay dadka dhigteen, halka hantidii uu bangiga lahaa sidoo kale ay dhul iyo maalgeshi ku sameystaan. Sidaa darted, ku tiirsanaanta sare ee lacagaha taleefoonada la isugu diro waxay kordhisay dayacnaanta ku timid maqnaanshaha hanaan sharciyeed oo rasmiya. Oo haddii uu bangigaas burburo ama dhibaato ku timaado, waxaa hanti beelaha inta badan dadka Soomaalida ah. Cafinta Deymaha: Dhinaka kale, Bangiga Adduunka waxaa uu ka digay in loolanka u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada uu dib u dhigo karo ama carqaladeyn karo hannaanka cafinta deymaha Soomaaliya. “Dib u dhaca ku yimaada hagaajinta dhaqaalaha ee u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo maamuulada xubnaha ka ah waxaa uu dib u dhigi kartaa inuu caadi noqdo xiriirka Soomaaliya iyo hey’adaha ku shaqada leh hannaanka ceymaha lagu cafiyo, waxaa kale oo kale dhalan kara in ay Soomaaliya seegto barnaamijka uu deymaha ku bixiyo bangiga adduuka ee (IDA), waxaa kale oo meesha ka bixi-doonta inay dunida maal-geshato Soomaaliya” sidaasi waxaa lagu sheegay qoraalka bangiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo qaad ka mid ah musharaxiinta KGS Qaar kamid ah musharaxiinta u taagan madaxtinimada maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan kula qaaday magaalada Muqdisho Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan. Musharaxiin la kulmay Guddoomiye Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa kala ahaa Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, Maxamed Ibraahim Farkeeti, Aaamino Maxamed Mursal, Cabdullaahi Boonow iyo Yuusuf Baadiyow waxayna ka wada hadleen arimaha doorashada Koonfur Galbeed iyo sidii dowladda fedaraalka ugu ilaalin laheyd faragelin lagu sameeyo. Dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in ay ka takhalusto Shariif Xasan doorashada dhaceysa bisha November ee fooda inaga soo heysa, uuna yimaada qof la siyaasada ah oo kamid musharaxiintan. Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa ka mid ah musharaxiinta u tartamaya doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed, iyadoo war xog ogaal ah ay sheegayaan in maalmaha soo socda uu shaacin doono musharaxnimadiisa, sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dalka Qadar uu dhaqaalah ka taageeri doono. Sanadkii hore ayaa dowladda Mareykanka shaacisay inay liiska argagaxisada adduunka ka saartay Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ay hore lacag gaareysa 5 milyan doollar madaxiisa dul dhigtay. Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa ururka Al-shabaab ka baxay sanado ka hor, wuxuuna mar ahaa afhayeenkooda. PUNTLAND POST The post Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo kamid ah musharaxiin Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.
  21. Bangiga Adduunka oo todobaadkan soo saaray warbixintiisa 3aad ee dhaqaalaha Soomaaliya ayaa ka digay in loolanka u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada uu dib u dhigo karo ama carqaladeyn karo hannaanka cafinta deymaha Soomaaliya. “Dib u dhaca ku yimaada hagaajinta dhaqaalaha ee u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo maamuulada xubnaha ka ah waxaa uu dib u dhigi kartaa inuu caadi noqdo xiriirka Soomaaliya iyo hey’adaha ku shaqada leh hannaanka ceymaha lagu cafiyo, waxaa kale oo kale dhalan kara in ay Soomaaliya seegto barnaamijka uu deymaha ku bixiyo bangiga adduuka ee (IDA), waxaa kale oo meesha ka bixi-doonta inay dunida maal-geshato Soomaaliya” sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal uu Ganacsiga Dunida Ugu Hooseeya: Qoraalka waxaa lagu sheegay in dalka uu warashado la’aan yahay, oo ay wehliyaan dhibaatooyin ammaan iyo duruufo meesha ka saaray maal-geshiga shisheeye. Soomaaliya waxay kaalinta ugu danbaysa ka gashay dunida heerka ganacsiga marka loo eego dunida inteeda kale sanadkii 2017. Dhibaatada ugu weyn waxaa qayb ka ah arrimaha la xiriira korantada, taasoo qiimaheedu aad u sareyo iyadoo 1 kw uu yahay qiimahiisu 0.50 ilaa 1 dollar, iyadoona ay ku xiran tahay saacadda iyo magaalada aad joogo oo qiimo ahaan ay u kala duwan yihiin, arrintaani si weyn ayey ganacsigii inuu hormaro u xanibtay, Kororka dhaqaalaha ee dhowanahan jiray ma ahan mid ku filan inuu yareeyo saboolnimada. Intii u dhaxaysay 2013 ilaa 2017, kororka dhaqaalaha wax soo saar ee wadanka cel celis ahaan wuxuu ahaa 2.5%, halka kororka tirada dadku sanadkii ahayd 2.9%. Tani waxay tilmaamaysa in qofkiiba kororka dhaqaalaha ee ku aadayaa uu yahay 0.3 sanadkii. soo bandhigistaan waxay aad uga hoosaysa cel celiska wadamada ka hooseeya saxaaraha afrika ee iyagu aadka u nugul iyo wadamada kale ee dakhliga dadkooda soo gala hooseeyo. Dhinaca Soomaaliland, oo xogta laga helay la is barbardhigi karo, heerka saboolnimadu waa weli waa mid aad u koraysa marka la eego xogta laga helayo intii u dhaxaysay 2013 ilaa 2016, iyadoo hoos u dhaceedu aad u yaryahay, waxayna ahayd 69% halka ay hoos ugu soo degtay 64% meelaha miyiga iyo 57% oo ay ahayd meelaha magaalooyinka hoosna ay ugu soo degtay 52% Qiimaha shidaalka ee aadka u sareeya 2018 iyo ka horba wuxuu si xun u dhaawacay rajadii koror ee dhaqaalaha Soomaaliya. Qiimaha shidaalku waa la filayaa inuu kor uga sii kaco wax ka badan $60 foosatadii inta u dhaxaysa 2018 ilaa 2019, wuxuuna kor u kacay 20% sanadkii 2017. Abaartii 2017 waxay uga sii dartay isu miisaanka ganacsiga ee dhinaca dakhliga wax soo saarka guud ee wadanka 9%.Waxaykeentayinganacsiguuusan kordhina, iyadoo dhoofka xoolaha la joojiyey iyo iyadoo xadiga cunada la soo dejinayaa ay korortay. Waxaa yaraaday wax dhoofintii iyadoo ahayd 15.1 wax soo saarka guud ee wadanka sanadkii 2016, halka ay ka noqotay 14.5% sanadkii 2017, alaabooyinka wadanku dibadda ka soo dhoofsanayo ayaa kordhay, iyadoo horay uga ahayd wax soo saarka guud ee wadanka 61.9%, waxayna gartay 69.6% isla wakhtigaan aan kor ku soo sheegnay. Abaartu sidoo kale waxay baabi’isay dhoofkii xoolaha. Waxayna yaraysay tayadii xoolaha la dhoofin kari lahaa 75%, xoolaha ayaana ahaa udub dhexeedka iyo sheyga ugu balaaran ee Soomaaliya ay dibadda u dhoofiso, iyagoo ahaa 70% waxa soomaaliya dibadda u dhoofiso, waxayna hoos u dhaceen 75%, sanadkii 2015 Soomaaliya waxay dhoofin jirtay 5.3 milyan oo neef oo xoolo ah sanadkii, waxayna sanadkii 2017 hoos ugu soo dhaceen xoolaha wadanku dhoofiyo 1.3 milyan oo neef. Waxaa kordhay waxa la soo dejinayo, waxay kor u qaaday qayb ahaan cunooyinka la soo dejinayo si jawaab loogu helo abaarta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa adkeysay ammaanka guud ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan waddooyinka waaweyn ee magaalada. Saakay waxaa la arkayaa ciidamo badan oo Booliis ah kuwaasi oo baaritaanno ku sameynaya gaadiidka isticmaalaya waddooyinka Muqdisho. Waxay ciidamada kala joogaan baro aan kala fogeyn, waxaana ay baarayaan gaadiidka nooca loo yaqaan kuwa raaxada ah. Waxaan la baareyn gaadiidka Hoomeyda iyo sidoo kale Mooto bajaajta, balse waxaa durba bilowday ciriiri aad u badan oo dhanka waddooyinka ah. Wadada Makka Al-mukarrama ayaa maanta waxaa ka jira ciriir aad u badan, iyadoo weli saraakiisha ammaanka aanay ka hadlin howlgalladan. Tani ayaa imaaneysa xilli maalmihii ugu dambeeyey ay magaalada Muqdisho ka dhaceen falal amni darro ah. Sidoo kale arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli dhawaan uu madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare sheegay in ammaanka Muqdisho uu yahay mid faraha ka baxay oo ay dowlada federalkana maamulin dhamaan magaalada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Cadaado (Caasimadda Online)– Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya iney halkaasi ka socoto qaban qaabada soo dhaweyn loo sameynayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug. Cali Gacal Casir iyo Xildhibaano la socda, ayaa ka duulaya garoonka Muqdisho, iyadoo ujeedka socdaalkooda ay la xiriirto sidii Beesha degta Cadaado looga tashan lahaa Mooshinka ka yaalo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug. Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir iyo xunaha Xildhibaanada ah ee la socda ayaa Cadaado u tagaya sidii Waxgaradka Galmudug ay ugala hadli lahaayeen Mooshinka ka dhanka Guddoomiye Cali Gacal Casir oo ay wadaan qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud. Magaalada Cadaado ayaa laga dareemayaa qaban qaabada lagu soo dhaweeynayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir,waxaana ka qeyb qaadanaya soo dhaweyntiisa maamulka Galmudug ,Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Cadaado. Warar kale waxey sheegeen in Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug, dhankiisa isagana uu ku dhawaaqi doono mooshin ka dhan ah Madaxweyne Axmed Ducaale Geele (Xaaf). Xildhibaanada mooshinka gudbiyayna shalayba waxey dood galiyeen mooshinka, waxaana kulankii shalay Gudoomiyay Xareed Cali Xareed oo gudoomiye kuixgeen u ah Cali Gacal Casir. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa weli magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kulamo kala duwan kawada Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynihii hore ayaa ku howlan qorshooyin lagu kasbanaayo Xildhibaanada baarlamaanka Somalia iyo dhinacyada mucaaradka oo ay kamid yihiin Xisbiyada Siyaasada. Xildhibaanada uu sida weyn u kaashto Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdulkhaadir Cosoble oo kamid ah mudanayaasha miisaanka ku dhex leh baarlamaanka. Cosoble oo kulamo kala duwan ay wada qaaten Xasan Sheekh ayaa tilmaamay inuu aad usoo dhaweynayo talaabooyinka lagu doonayo isbedelada Siyaasadeed. Cosoble ayaa inta uu kulamada la qaadanayay Xasan Sheekh u sheegay inuu kala mideysan yahay Seddex qodob oo kala ah: 1-In dalka uu yeesho Xisbi mucaarad oo ay ku mideysan yihiin dhammaan dhinacyada Siyaasada ee isbedel doonka sida Mucaaradka. 2-In la mideeyo aragtida dhinacyada isbedel doonka iyadoo laga duulaayo baahiyaha uu dalka u qabo isbedel dhab ah iyo in la helo Hogaamiye samata bixinkara dalka iyo dadka. 3-In laga gaashaanto xili hore in wakhti kororsi ay ku dhaqaaqan madaxda dalka oo iminka ay u harsan tahay labo sano iyo bilo. Cosoble waxaa la xaqiijiyay in Xasan Sheekh Maxamuud uu ku taageeray Seddexda qodob oo koobeysa dhamaan isbedelka iyo Siyaasadaha hadafka leh. Xildhibaan Abdulkhadir Cosoble, oo kamid ah mudanayaasha mucaaradka ayaa qeyb ka ah dhinacyada ololaha ugu jira sameynta ururo Siyaasadeed oo suuragalin kara in looga gudbo diyaar garowga doorashooyinka soo socda. Sidoo kale, Cosoble, ayaa Xasan Sheekh Maxamuud ku dhiiragaliyay inuu mideeyo Siyaasada dhinacyada kasoo horjeeda dowlada, si buu yiri loo helo jawi degan oo lagu gaari karo hadafka. Si kastaba ha ahaatee, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in maalmaha nagu soo aadan uu booqasho ku gaaro caasimadaha seddex maamul Goboleed, isagoo ka faa’iideysanaaya xiisada maamulada kala dhexeysa Dowlada Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in hanjabaado loo diray qaar kamid ah Xildhibaanada maamulkaasi. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka ayaa sheegay in loogu hanjabay dil, isla markaana loo soo diray fariimo qoraal ah oo lagu wargalinaayo inay ka baxaan garabka mucaaradk Shariif Xasan. Xildhibaanada oo u waramaayay Idaacada Mustaqbal ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Hanjabaadasi ay uga imaaday Wasiirka Garsoorka ee Maamulka Koofur Galbeed, sida ay hadalka u dhigeen. Xildhibaanada loo hanjabay oo qeyb ka ah garabka la magacbaxay isbeddel doonka ayaa sheegay in lagu wargaliyay inay ka baxaan Mooshinka ay kawadan Hogaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. Xildhibaanada oo shir gaara ku qabsaday magaalada Baydhaba ayaa cod dheer ku sheegay in Wasiirka Garsoorka Maamulka uu dil ugu hanjabay haddii aysan joojin mooshinka ka dhanka ah Shariif Xasan. Xildhibaanada hanjabaada loo jeediyay oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhaba ayaa sheegay in tiradooda ay gaareyso ilaa 91 Xildhibaan, waxa ayna cadeeyen in hanjabaadooda ay timid kadib markii ay saxiixeen Mooshinka. Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa Wasiirka Garsoorka Koofur Galbeed ugu baaqay in uusan ku faragelin arrimaha shaqadooda quseeya. Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xili uu soo ifbaxaayo warar sheegaya in Xildhibaanada ay wadaan Mooshin xilka looga qaadayo Shariif Xasan ka hor inta uusan galin doorashada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com