-
Content Count
213,126 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Turkish President Recep Tayyip Erdogan has put himself in charge of a $40-billion state wealth fund that he said failed to reach the "desired" goals. His son-in-law, Finance Minister Berat Albayrak, serves as deputy. Source: Hiiraan Online
-
President Barack Obama received 65,000 letters each week and he set about trying to answer 10 of them each day. Source: Hiiraan Online
-
Garissa women rep. dismiss rumours that polio jab is unsafe
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Garissa women representative, Ms. Annab Gure has dismissed rumours circulating in the area that that polio jabs being administered to children in counties bordering Somalia and Ethiopia were not safe to children. Source: Hiiraan Online -
Somalia could be split into six regions after five regional federal states announced that they would no longer co-operate with Mogadishu until their grievances about insecurity, sharing of natural resources and the interference by the central government in their affairs are addressed. Source: Hiiraan Online
-
New York (Caasimada Online) – Dacwad ka dhan ah Sacuudiga oo ku saabsan in ay ku lug lahaayeen weerarkii Al-Qacida ay Mareykanka ku qaaday September 11, 2011, ayaa hareeyey qorshaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan. Sacuudiga waxa uu wadaa dib isu qaabeyn, iyaga oo doonaya in ay ka koraan ku tiirsanaanta dhaqaalahooda ku tiirsan shidaalka, sidoo kalena ay bulshadooda u qaabeeyaan dhex dhexaadnimo, halka hoggaakooda kali taliska ah ay ka dhigaan kuwo is beddel doon ah. Hase yeeshee qorshahaas ayaa wajahaya halis ka imanaysa Mareykanka. 2016kii, golaha Senate-ka Mareykanka ee xilligii madaxweyne Barack Obama waxay soo saareen sharcigii cadaaladda ee ka dhanka ahaa maalgaliyeyaasha argagixisada ee loo bixiyey JASTA, kaas oo ahaa sharci u ogolaanayaa sharci yaqaanada madaniga ah in ay maxkamada Mareykanka dacwado uga furaan dadka ay argagixisadu wax yeeleeyeen, iyaga oo dacwad ku soo oogi kara dalalka madaxa banaan. Sharcigaas waxa uu albaabada u furay qoysaskii ay dhibaatada ka soo gaartay weerarkii September 11, si ay dawad ugu soo oogaam Sacuudi Careebiya oo ay qabaan in ay door ku lahayd weraradaas. Marka laga yimaado magaca ka xumaaday Sacuudiga, hadana dacwadda maxkamadda taal waxa ay halis ku tahay danaha dhaqaale ee uu Sucuudiga ku doonayo in 5% ay ku iibiso shirkadda shidaalka ee Saudi Aramaco. Hase ahaatee, xilli uu Sucuudiga ku doodayo in aysan wax xiriir ah la lahayn maleeshiyaadka Al Qaacida, hadana xaakimka maxkamadda Yew York, George Daniels waxa uu fasaxay in dacwadda ka dhanka ah dowladda Sucuudiga la dhageysto. Andrew Maloney oo ah qareenka qoysaska dacweynaya Sacuudiga ayaa sheegay inay hadda ururinayaan caddeymo ka dhana ah Sacuudiga iyo dhinacyada kale ee la tuhunsan yahay. Haddii Sacuudiga ay diidaan inay la shaqeeyaan dacwad-oogayaasha, waxaa lagu eedeyn doonaa inay ka baxsadeen caddaaladda, taasi oo keeni karta in cunaqabateyn la saaro hantida Sacuudiga ee Mareykanka Madaxda Sacuudiga iyo Maxamed Bin Salman waxa ay aad ugu dhow yihiin oon ay saaxiib la yihiin madaxweyne Donald Trump, hase yeeshee siyaasaddu wax saameyn ah kuma yeelan karto kiiskan dacwadeed, sababtoo ah nidaamka cadaaladda Mareykanka oo ah mid madax banaan. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macaliin Fiqi ayaa ammaanay qoraalka Jimcaha kasoo baxay golaha iskaashiga maamul goboleedyada ee ay ku dalbadeen in dhinac saddexaad uu dhex-dhexaadiyo ayaga iyo dowladda federaalka, oo uu khilaaf xooggan uu ka dhaxeeyo. Qoraal uu soo dhigay Facebook, ayuu Fiqi ku sheegay in War-muriyeedka Golaha Iskaashiga ay ka muuqato mas’uuliyad, uuna baaqoodu muujinayo in ay diyaar u yihiin xal u helidda khilaafka kala dhexeeya madaxda dawladda dhexe ee Soomaaliya. Fiqi ayaa u muuqda inuu qaatay fikir ka duwan kan saaxiibkiisa Mahad Salaad, oo ka mid ah mucaaradka dowladda, kaasi oo sheegay in qoraalkaas uu ahaa mid loogu gafay dowladnimada Soomaaliya. Hoos ka aqri qoraalka Fiqi:- War-muriyeedka Golaha Iskaashiga waxaa ka muuqda mas’uuliyad, wuxuuna baaqoodu muujinayaa in ay diyaar u yihiin xal u helidda khilaafka kala dhexeeya madaxda dawladda dhexe, si arrintaasi wax loogo qabto waxey dalbadeen jawi iyo goob suurtagalin kara in la wada hadlo ayagoo horey cabasho uga muujiyey in qodobadii wadahadaladii hore lagu wada heshiiyey aysan waxba ka fulin. Haddii madaxdii dalku ay ka garaabi waayeen xaaladda cakiran ee dawlad goboleedyada kala dhexeysa, muddo 10 casho ahna ay ka soo wareegtey markt ay soo saareen warmuriyeedkoodii, waa Arrin dabiici ah in laba qolo haddii ay isqabato ay qolo saddexaad ku soo baxdo, kuwa ceebta arrintaas nooga dhigayana waxey u muuqaal eg yihiin kuwo qaska iyo xasrada in lagu sii jiro macaash ugu jiro Iyo nacamlayaashooda durbaanka ka daba tuma. Aqalka sare dadaalka ay wadaan ayaa noqon kara darafka saddexaad ama cid kasta oo kale oo labada dhinac ay ku kalsoonaan karaan oo u istaagta xallinta khilaafkaan. Madaxda dawladda Federaalka waxaa la gudboon in ay jawaab aan aheyn aflagaadeyn iyo caayid ay ka bixiyaan khilaafka cirka isku sii shareeraya ee kala dhexeeya dawlad goboleedyada, lana soo afmeero inta uu cusub yahay oo uusan gaarin meel uusan hadda joogin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dhaqan gelinayso taariko cusub oo ay qaadanayaan dhammaan gaadidka ka howlgala Somaliland. Wasaaradda gaadidka ayaa shaaca ka qaaday in la baddalayo taarikadii hore isla markaasna ay gaadidlayda ay ku rakiban doonaan baabuurtooda taarikadan cusub. Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta waddooyinka Cabdillaahi Abokor oo maanta saxaafadda kula hadlay xafiiska Hargeysa ayaa sheegay in sababta loogu dhawaaqay taarikadan cusub ay tahay in ciidammada waddooyinka Somaliland ay ku adkaatay inay akhriyaan lambarada iyo xarfaha ku qoran taarikada marka ay howlgallada ammaanka ay samaynayaan maadama ay badnaayeen xarfaha. Wuxuu sidoo kale sheegay in kaddib markii ay sameeyeen daraasad dhaqaale ay usoo baxday inay baddalaan taarikada. Cabdillaahi Abokor wuxuu ka dhawaajiyay in taarikada laga saaray lambaradii carabiga ahaa ayna u daayeen lambarada laatinka. “Waxaanu ka saarnay lambaradii carabiga ahaa, sababtuna waxaa weeyaan in 22-ka dal ee Jaamacatul carab 14 kamid ahi waxay isticmaalaan laatiin, carab ma isticmaalaan, annaga oo cabbirkii eegeynaa waxayna markaa garannay in laga saaro lambarkii carabiga ahaa oo laatin qura ah lagu daayo, sababtuna lambarkuna wuu waynaanaya, markii hore waxaa laga arki jiray wax ka yar 100, imika qorshuhu uu yahay ilaa 800 miitar,in haddii gaarigaasi uu wax gaystay si fiicaan ciidammada nabadgelyda waddooyinka ay u arki karaan” ayuu yiri waasiirka gaadidka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in toddobaadkan gudahiisa ay gaadidlayda ay qaadan doonaan taarikadan. Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli bilooyinkii ugu dambeysay ay ka jireen Somaliland dhacdooyin lagu xaday baaburta. Ciidanka booliiska ee Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa ku guuleystay markaasi inay gacanta ku soo dhigaan shebekad baabuurta dadka kaga xadayay magaalada Hargeysa iyo magaalooyin kaleba.
-
Cadaado (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan Masagaway, ayaa mar kale sheegay in dowlada Somalia ay dhibaatooyin ku heyso maamulka. Masagaway, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay faragalin adag ku heyso maamulka, waxa uuna tilmaamay in Mooshinada iyo xil ka qaadista ay iyada ka danbeyso. Masagaway, oo warbaahinta kula hadlaayay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in faragalinta dowlada ay gaartay heer wafdi aan lagala tashan ay usoo dirto Galmudug. Waxa uu Wasiirku tilmaamay in dowlada Somalia ay dhaqaale xoogan ku bixineyso burburinta maamulka Galmudug, islamarkaana Galmudug ay qaadi doonto tilaabo waafaqsan Sharciga, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, Wasiir Masagaway ayaa shacabka magaalada Cadaado ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabadgelyada, maadaama uu yiri ay faragalin kala kulmayaan dowlada. Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya xili khilaaf Siyaasadeed uu maamulka kala dhexeeyo dowlada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmo qura ayaa ka harsan xiligii lagu balamay in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia uu ka furmayo shirka degdega ee Madaxweynaha Somalia uu isugu yeeray madaxda maamulada dalka. Shirka oo ahmiyad gaara u leh dowlada dhexe iyo maamulada ayaa u muuqda inuu dib u dhac ku imaan doono maadaama Jawaabaha kasoo baxaaya madaxda maamulada ay muujinayaan qabsoomid la’aanta shirka la filaayo. Seddex kamid ah Madaxda maamul Goboleedyada oo u diyaar garoobaya doorasho ayey dani ugu jirtaa in ay muujiyan go’aan ad adeeg leh, maadaama ay cabsi ka qabaan in lagu faragaliyo doorashada ay doonayaan in mar kale ay ku hantan xilka. Shakiga dib u dhac ku imaada doorashada ayaa ah in khilaafka u dhexeeya dowlada dhexe iyo maamul gobaleedyada uu yahay mid marba marka xigta cirka isku sii shareeraya. Qorshaha shirka ayaa ah inuu qabsoomo 17-ilaa 18 bishan, iyadoo dhinacyada ka faalooda arrimaha Siyaasada ay qabaan in uusan jirin isku soo dhawaasho u dhaxeeysa dowlada iyo maamul goboleedyada. Khilaafka oo labadii bil ee ugu danbeysay taagnaa ayaa cirka isku shareeray wixii ka danbeeyay qodobada laga soo saaray shirkii maamul goboleedyada ee ku soo idlaaday Magaalada kismaayo. Madaxda dowladda weli kama hadlin khilaafka, marka laga soo tago in warqad uu Madaxweynaha Soomaaliya uu u diray Hogaamiyaasha maamul goboledyada,si ay ugu qeyb galaan shirka Golaha Amniga qaranka. Sidoo kale, walaac ayaa laga qabaa in shirka uu dib uga dhaco xiliga lagu balamo, waxaana xusid mudan in Madaxda maamul Goboleedyada la casuumay ay soo saaren digniino ku aadan in mas’uul ka tirsan uusan ka qeybgali Karin shirka. Si kastaba ha ahaatee, Hogaamiyayaasha maamulada ayaa laga yaaba inay kasoo dabcaan go’aankooda ku aadan diidmada ka qeybgalka shirka uu ku casuumay Madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Surpassing countries with a longstanding civil strife such as Syria, Yemen and, the Democratic Republic of the Congo; Ethiopia’s latest figures on internally displaced people for the first half of 2018 has reached new heights. Source: Hiiraan Online
-
Doctors from the African Union Mission in Somalia (AMISOM) are conducting the operations in partnership with the international cleft lip charity, Smile Train, and Washington-based Company, Bancroft Global Development. Source: Hiiraan Online
-
Dowlada Sucuudiga ayaa wada Qorshe lagu nabadeeynayo Wadamada Dariska Ah ee Itoobiya iyo Ereteria oo Muddo Colaad baahsan ay ka dhaxeeysay. Boqorka Sucuudiga ayaa madal lagu dhameeystirayo heshiis dhowaan ay gaaraan ka fidiyay dalkiisa Sucuudiga. Waxaa durba halkaasi Goordhow oo caawa ah ah tagay Ra’isilwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Cumar Afarwaaqi Madaxweynaha Dalka Erateria. Maalinta bari ah ayaa lagu wadaa in ay madaxdaasi kala saxiixdaan in ku dhow 30-Sano oo colaad ay dhaxtaalay Itoobiya iyo Eretirea. Madashaasi lagu dhameeystirayo heshiiska Itoobiya iyo Eretirea ayaa waxaa lagu casuumay Qaar kamid ah wadamada Afrika. Warar ay heshay Puntland Post ayaa waxa ay sheegayaan in Soomaaliya aan shirkaasi lagu casuumin. Dowlada Soomaaliya ayaa dhowaan sheegtay in ay wado Dadaal dib u heshiisiin ah oo ay ka dhexsameeyneeyso Qaar kamid ah waddamada Geeska Afrika oo muddo colaad dhaxtaalay. Dhowaan Madaxweynaha Itoobiya ayaa markii ugu horeeysay ka qeeybgalay shirkii madaxda urur Goboleedka IGAD ee ka dhacay Adis Ababa. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Soomaaliya oo laga reebay ka qeeybgalka Shirka Nabadeeynta Itoobiyo&Ereteria appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qarax gaarigiisa loogu xiray Goordhow oo caawa ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhacay Agagaarka tiyaatarka qaranka oo ku dhow madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho. Warar ay heshay Puntland Post ayaa waxa ay sheegayaan in gaariga la qarxiyay oo loo yaqaano Hi-lux uu leeyahay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Maxamed Mursal Maxamuud Booroow oo gaariga la qarxiyay watay ayaa ku dhaawacmay waxaana sidoo kale halkaasi ku dhintay wadihii gaariga xildhibaanka. Ha’aydaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa bilaabay baaritaano ku aadan qaabka qaraxa gaariga xildhibaanka loogu soo xeray. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaan Qarax Gaarigiisa loogu xiray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Galabta ay sheegeen in Xildhibaano ku shiray Cadaado in ay xilka ka qaadeen ayaa ka hadlay sida uu u arko arintaasi. Xaaf ayaa qaadacay islamarkaasina ka soo horjeeystay in xilka ay ka qaadeen Xildhibaanada Gal-Mudug. Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in arintaasi ay tahay mid waxba kama jiraan ah islamarkaasina uu isaga yahay madaxweynaha Sharciga ah ee Gal-Mudug. Xaaf ayaa sheegay in Cali Gacal Caseyr dhowaan xilka ay ka qaadeen Xildhibaanada Gal-Mudug islamarkaasina aanu sharci aheyn xil heeyntiisa. Xaaf ayaa sheegay in 9 Xildhibaan oo kale ah ay ku suganyihiin Magaalada Cadaado ee Xarunta Baarlamaanka Gal-Mudug. “Xildhibaano meesha ma joogaan waa 9 xildhibaan iyo mid uu isagu yiri nin tagay buu badalayaa oo uu maanta dhaariyay marka waxaasi waa wax iska fowda ah,” ayuu yiri Xaaf. Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyo madaxda sare ee Gal-Mudug oo iyaga midba midka kale uu sheegay in xilka laga qaaday. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xaaf Maxuu ka yiri xil ka qaadis la sheegay in lagu sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Weerarkan cirka ah ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo fashilin lahaa qorshe ay kooxda maleeshiyada Al-Shabaab weerar kula maaganayd ciidamada itoobiya ee ka tirsan hawlgalada Midowga Africa ee AMISOM. Ku dhawaad 70 ka tirsan maleeshiyada Al -Shabaab ayaa weerarka lagu dilay waxaana la bur buriyey laba gaari oo hub laga soo buuxiyey. General Yilma Merdassa, oo ah taliyaha ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa sheegay in weerarka la qaaday kaddib markii qiimeyn iyo qorsheyn badan la sameeyey. Waxa uu yiri: “Waxaan ku guuleysannay 100% yoolkeennii.” Itoobiya waxa ay ka mid tahay wadamada ciidamada ugu deeqay hawlgalka midowga Africa ee AMISOM. Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Al-Shabaab ayaa dhawr jeer ku dagaalamay Soomaaliya waxaana soo dhex maray dagaalo taariikhi ah oo laga xusi karo Midkii Deynoonay iyo midkii gudaha Muqdisho ka dhacay. Wadamada kale ee ciidamada ugu deeqay AMISOM waxaa ka mid ah Djibouti, Burundi, Kenya iyo Uganda. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa Caasimada@live.com
-
Goobjoog News Waxaa ay dood ka sameysay khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. Khilaafka ka dhex taagan Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya ee shanta ah ayaa horraantii bishani sababay in shirkii Kismaayo ay ku shaaciyaan in ay hakiyeen wada shaqeyntii ay lahaayeen dowladda federaalka. Haddaba, saameynta arrintani ay ku yeelan karto geeddi u socodka dowladnimo ee dalka iyo masuuliyadda cidda qaadanaysa ayaa doodda ku lafaguri doonnaa. Dooddani waxaa naga la qeyb galaya Garyaqaan Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame oo ka soo shaqeeyay xeer ilaalintii iyo wasaaraddii beeraha ee dowladdii dhexe haddana ka tirsan xafiiska xeer ilaalinta ee gobolka Ohio ee dalka Maraykanka iyo Danjire Maxamed Maxamuud Nuur(Caalim) oo ka faallooda siyaasadda geeska Afrika waxna ka qora. HOOS KA DHAGEYSO DOODDA: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/dood-1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax gaari ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka xili halkaa ay aheyd mid aad u mashquul badan. Qaraxa oo ayaa lasoo sheegayaa inuu ahaa mid lagu xiray gaari lagu sheegay inuu yahay Hilux oo maraayay Koontaroolka Ciidanka madaxtooyada ee Koofi casta loo yaqaan ee ku yaalla dhismaha Tiyaatarta Qaranka. Inta la xaqiijiyay Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay Hal qof oo la sheegay inuu la socday gaariga, halka darawalka gaariga uu isna u dhintay dhaawac soo gaaray. Gaariga qarxay ayaa lasoo sheegayaa inuu lahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo lagu Magacaabo Maxamed Mursal Maxamuud Booroow, islamarkaana uu dhaawac soo gaaray, halka uu dhintay darawalkii gaariga waday. Si kastaba ha ahaatee, Qaraxa Gaariga ayaa waxaa ka badbaaday ciidamadii la socday, waxaana kiiska Qaraxa iyo ilaalada Xildhibaanka la wareegay ciidamada amaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wararka ay Goobjoog News ka heleyso meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa qarax lagu la eegtay caawa xildhibaan ka tirsan gollaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Faahfaahinta aynu ka heleyno ayaa intaa ku daraysa in xildhibaanka oo lagu magacaabo Maxamed Mursal Maxamuud(Booroow) uu dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi oo loogu xiray gaarigiisa. Ilo wareedyo ammaanka ah ayaa xaqiijinaya in sidoo kale hal qof uu ku dhintay qaraxani. Wali hay’adaha amniga kama aynaan hadlin, waxaana qaraxani uu imaanayaa iyadoo dhowaan hadal uu ka jeediyay magaaladani Muqdisho madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu ku sheegay in amniga uu faraha ka baxay islamarkaana xildhibaannada uu faray in ay si fiican u taxadaraan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Tax agency's targeting of my mosque just doesn't make sense
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
On Aug. 22, Muslims around the globe observed Eid Al-Adha, one of two major festivals celebrated each year by people of the Islamic faith. As has been the tradition, Source: Hiiraan Online -
Cadaado (Caasimada Online)-Hogaamiyaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xil ka qaadis la sheegay in Xildhibaanada maamulka ay maanta ku sameeyen. Xaaf oo goordhow la hadlay Idaacada Knn ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo xil ka qaadista lagu sameeyay. Xaaf waxa uu wax kama jiraan ku tilmaamay xil ka qaadista, isagoona sheegay in xildhibaano yar oo ku shiray Cadaado aysan xilka ka qaadi karin. “Adeer xildhibaano aan dhameystirneyn anigu xil igama qaadi karto, waxa shirayna waa Xildhibaano tiro kooban oo aan gaarin lambarkii xilka aan ku weyn lahaa” Hogaamiye Xaaf ayaa waxaa uu sheegay in Dowlada dhexe ay fara galin ku hayso maamulka Galmudug, Sida uu hadalka u dhigay. Si kastaba ha ahaatee, khilaafka u dhexeeya Madaxda ugu sareysa ee Maamulka Galmudug ayaa xiligan waxaa uu marayaa meeshii ugu adkeyd. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
-
ADDIS ABABA, Ethiopia (Caasimada Online) — Ethiopian military says it carried out deadly airstrike targeting Al Qaeda linked Al Shabaab group in Somalia. Ethiopian air force official, Brig. Gen. Yilma Merdassa said the strike killed 70 Al Shabaab militants in neighboring Somalia. Merdassa says the airstrike was aimed to thwart an Al-Shabab attack on an Ethiopian troops with multinational African Union force. He said two vehicles laden with bomb explosives were also destroyed in the strike. Yilma Merdassa did not mention where or when the airstrike occurred. “We achieved 100 percent of our plans against Al Shabaab group”, he said. The Al Qaeda linked Al Shabab group has not commented on the latest strike in Somalia. There was no immediate comment from Somali authorities over the claims made by Ethiopian military. Last week, U.S. military claimed to have killed two Al Shabaab militants in drone strike in Mubarak town, some 37 miles west of Somali capital Mogadishu. Caasimada Online Addis Ababa News Desk Caasimada@live.com