Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,126
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU (Caasimada Online) – The National Security Council meeting which was scheduled to hold on September 16-17th in Mogadishu capital has been cancelled amid an ongoing political stalemate in Somalia. The meeting which brings together the Federal and State leadership was intended to discuss wide range of issues including all working relationships and war on Al Shabaab and ISIL groups in Somalia. The National Security Council meeting was postponed over insecurity issues suggested by all regional leaders. “We can not come into Mogadishu, because the capital is safe for us”, said a memo obtained by Caasimada Online. Somalia could be split into six regions after five regional federal states announced that they would no longer co-operate with Mogadishu until their grievances about insecurity, sharing of natural resources and the interference by the central government in their affairs are addressed. Following the August 8 announcement, Somalia President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo has called a National Security Council meeting on September 17 which is expected to deliberate on the future of the federal nation. In an apparent response to regional leaders, Somali PM⁩ Hassan Ali Khaire has rejected suggestions that Mogadishu isn’t safe for Somali leaders to meet. However, Somali PM has also refused calls for “third-party” mediation as requested by the regional leaders over the latest political rifts. UN says the decision by the five regional presidents could embolden Al Shabaab and negate the gains made by the African Union Mission in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa kulankii baarlamanka federaalka Soomaaliya ee maanta ka sheegay arrin dad badan aysan ogeyn, oo ah in kumanaan ciidamo Soomaali ah loo diray dalal kale. Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada, sida aadka ah u mucaaradsan xukuumadda, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay laba kun askari dalka ka qaaday, oo aan la ogeyn halka la geeyey. “Waxaa dhacday labo kun oo askari in laga qaaday dalka, oo aanan laba ogeyn waxa laga dhigayo, danta laga leeyahay, ma Al- Qaacidaa laga dhigaa ma Daacish, garan mayno” ayuu yiri Fiqi. Illaa iyo hadda ma jiraan warar si madax banaan u xaqiijin kara sheegashada Axmed Macallin Fiqi oo horey usoo noqday taliyaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya. Fiqi ayaa dhinaca kale xukuumadda ku eedeeyey inaysan waxba ka qaban amniga dalka. “Amnigu faraha ayuu ka baxay waxa uu marayaa heer shabaabku dadka baadaan, Ra’isul wasaaraha amnigu uu sheegayo ma ahan amnigii saxda ahaa ee dalku u baahnaa, isagu geesaha ayuu iska marinayaa wiilal looo geliyay dhar isu eg” ayuu yiri Fiqi. Mudane Fiqi waxaa uu intaas ku daray “Alshabaab magaalada ayay soo buux dhaafiyeen agaalada, sababtaasna waxaa waaye hal sano Al-lshabaab dagaal laguma qaadin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Mogadishu (HOL) - A National Security Council meeting proposed by President Mohamed Abdullahi Farmajo last week has either been delayed or cancelled after it was boycotted by Somalia's regional leaders. Source: Hiiraan Online
  4. Markii ugu horaysay oo ay inta badan dadweynaha Soomaaliyeed barteen magaca Dr Cabdiwali Maxamed Cali(Gaas) waxay ahayd sanadkii 2010 oo uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xiligaas ahaa Raisul wasaaraha Soomaaliya u magacaabay Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga iyo weliba raisul wasaare ku-xigeen xukuumadii ku-meel gaarka ahayd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Dr Gaas ayaa bartamihii sanadkii 2011 bedelay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isagoo noqday raisul wasaaraha xukuumadii kumeel gaarka ka saartay Dawlada Federaalka ee Soomaaliya. Madaxtinimada Puntland: Cabdiwali Gaas ayaa sanadkii 2013 ku dhaawaqay inuu u sharaxan yahay kursiga looga taliyo Puntland kadib markii ay codsiyo kala duwan uga yimaadeen umadda reer Puntland maadama lagu tuhmaayo waaya aragnimo siyaasadeed oo uu ka dhaxlay mudadii wasiirka iyo raisul wasaaraha ka ahaa Dawlada dhexe iyo aqoon saraysa waa sida uu sheegaye. Aqoonyahankan oo ololihiisa kasoo billaabay qurbaha markii danbena soo caga dhigtay gudaha Puntland siiba magaaladda Gaalkacayo ayaa ololihiisa doorasho sal uga dhigay dhaliilaha iyo daaha ka qaadka wax yaabihii ay ka gaabisay xukuumadii Dr Cabdiraxmaan Faroole oo uu markaa xukunku kasii dhamaanaayey. Maxuu ballan qaaday Dr Gaas, mase ku guuleystay? Madaxweyne Gaas ayaa ballan qaadkii doorashada ku saleeyey dhawr qodob oo uu sheegay inuu kaga *****n doono mudo kooban inta laguda jiro mudadiisa xil haynta kuwaas oo kala ahaa:- Midnimada Puntland Amniga Puntland Horumarinta kabayaasha dhaqaalaha Cadaalada, hirgelinta sharciga iyo geedi socodka dimuqraadiyada Hadaba waxaanu mid mid u kor istaageynaa waxa ka hirgalay iyo waxa aan hirgelin afartan qodob ee asaaska u ahaa ballan qaadkii Madaxweyne Gaas. Midnimada Puntland:- Madaxweyne Gaas wuxuu xukuumadii taladda haysay iyo kuwii kasii horeeyeyba si adag ugu dhaliilay inay ka gaabiyeen inay sugaan xuduudaha Puntland, ayna gaaraan dhamaan degaanadii iyo gobaladii wada dhistay maamulkan 1998. Wuxuuna yiri isagoo ka hor-hadlaayey Baarlamaanka “Walalayaal sida aad la socotaan lixdii sano ee lasoo dhaafay wuxuu dhaawac soo gaaray midnimadii Puntland waxaana gacanta maamulka ka baxay dhul baaxad leh oo ahaa degaanadii wax ka dhistay Puntland, Mudanayaal sida aad la socotaan shantii sano ee u danbaysay waxay xukuumada Puntland ka gaabisay inay dadkeeda si siman u wada gaarsiiso adeegyada Dawlada waana tan keentay inay Puntland sarifanto oo uu dhaawac ku yimaado midnimadeedii, waxay Dawladaydu qaban doonto shirweyne lagu saxaayo midnimada Puntland waxaanuna sida ay tahay u hirgelin doonaa qodobada kasoo baxa shirweynahaas” Hadaba Dr Gaas iskadaa waxa uu ka qabto midnimada Puntlandne waxa faraha ka baxay qaybo horleh oo kamida degaanadii ku midoobey Puntland 20-sano kahor, wuxuuna maamulka Soomaaliland oo sheegta gobaladda Sool iyo Sanaag kusoo siqay meel wax ka yar 70-kiilomitir u jirta caasimada Garowe, waxayna xukuumadu u qaylo dhaansatay dadweynaha iyo beelaha Puntland si ay uga qayb qaataan difaaca degaanka Tukaraq oo ahayd kastanka ugu weyn ee Puntland ku lahayd gobalka Sool, illaa hadana xukuumada Dr Gaas kuma guuleysan inay gacanta kusoo celiso degaanka Tukaraq iyadoo ay halkaas ka dhaceen dagaallo khasaare naf iyo maalba ah geystay. Ma dhicin shirweynihii uu ballan qaaday Madaxweyne Gaas si uu ugu saxo midnimada diciiftay ee Puntland, mana muuqato inuu ku hawlan yahay muddo xileedkiisa oo ay ka harsan tahay billo kooban. Amniga: Dr Gaas ayaa xukuumadii xiligaas jirtey ku eedeeyey inay ku guul-daraysatay xaqiijinta amniga muwaadiniinta, wuxuuna tilmaamay inay degaanadda Puntland ka dhacaan dilal qorshay ayna ka jiraan isku dhac dhex mara beelaha, isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri Dr Gaas ” Maamulka hada jira wuxuu ku guul-daraystay inuu mushaar siiyo ciidamada tobankii billood ee lasoo dhaafay, waana arinta keentay inay ciidamada amaanku u gudan waayaan hawlihii loo igmaday sidii loogu tala galay” Gaas ayaa sheegay inuu dhisi doono ciidamo tayo ahaan iyo tiro ahaanba dhamaystiran isla markaana si heer sare ah u qalabaysan si joogta ahna u hela musharaadkooda iyo xaquuqaha ay mudan yihiin, isla markaana soo afjari doono gal-daloolooyinka nabad gelyo ee Puntland. Maxay xukuumada Gaas ka qabatay Amaanka iyo bixinta mushaaraadka Ciidamada? Mudadii uu xilka hayey Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxaa Puntland amaan xumo ugu geerooydey boqolaal qof, waxaa markii ugu horeysay ka dhacay qarax is-miidamin ah oo lagu diley taliyihii qaybta Booliska Gobalka Bari Cabdiraxmaan Muslim, waxaa degaanada Puntland ka dhacay dilalkii ugu badnaa ee lagu dillo xildhibaano katirsan baarlamaanka Puntland, waxaa dhacay dagaaladii Puntland iyo Galmudug oo saamayn ba’an uga tegey magaalada Gaalkacayo. Markii ugu horeysay waxaa gadoodey oo maamulka banaanka uga baxay saraakiil sar-sare oo katirsan ciidamada Puntland wallow markii danbe arintaas xal laga gaaray hadana saamayn aan wanaagsanayn ayey uga tagtay ciidamada. Kooxda Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay in ka badan konton askari oo katirsan ciidanka Puntland ku dishey degaanka Af-urur iyagoo gubey qaarna qaatay saanadii ciidankaas. Kooxaha argagixisada ayaa isku fidiyey degaano cusub waxaana markii ugu horeysay Puntland ka asaasantay kooxda Daacish iyagoo la wareegey degmada muhiimka ah ee Qandala oo ay maamulaayeen mudo billa inkastoo ay markii danbe ka saareen ciidamada Puntland, waxayse weli ku sugan yihiin buuralayda ku teedsan degaanka Qandala iyagoo halkaas mararka qaar ka geysta falal nabad gelyada ka dhana. Boqolaal katirsan maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa kasoo degey xeebaha Gobaladda Nugaal iyo Mudug xili uu Madaxweyne Gaas Dalka dibadiisa ku maqnaa inkastoo ay ciidanka Puntland kooxdaas ka itaal roonaadeen hadana waxaa lagu dhaliilaa Dr Gaas inuusan si dhaqso ah Dalka usoo gaarin xili ay dagaallo ba’ani kasocdeen uuna soogaray Puntland markii laga itaal roonaaday kooxdii soo weerartay. Somaliland ayaa la wareegtey degaanka Tukaraq waxaana halkaas ka dhacay dagaaladii ugu xumaa mana jirto wax horumara oo ay Puntland dagaalkaas ka samaysay iyadoo taasna loo sababaynaayo qorsha xumo iyo kala daadsanaan dhanka ciidamada ah. Xukuumadda Gaas ayaa ku guul-daraysatay inay ciidamada mushaaraadka usiiso sidii ay ahayd, waxaana shantii sano ee ay xukuumadaasi taladda haysay isa soo taraayey tabashadda mushaaraadka ciidamada iyo weliba shaqaalaha rayidka ee Dawladda. Falalka argagixisada iyo dilalka qorshaysan ayaa weli ka dhaca magaalooyinka Bosaaso iyo Gaalkacayo, mana jirto wax ay xukuumadda Madaxweyne Gaas ka qabatay collaadaha iyo isku dhacyadda Beelaha Puntland, iyadoo dagaal beeleedyo kala duwan ka dhaceen mudadii xukuumadani talada haysay gobaladda Bari, Mudug iyo Sool. Horumarinta kabaayaasha dhaqaalaha: Waxaa la oranka horumarinta kaabayaasha dhaqaaluhu waa qodobka ugu weyn ee ay amaanta ku mudan tahay Dawlada uu majaraha u hayo Dr Gaas waana tan kaliya ee la tilmaami karo inuu kaga dhabeeyey ballan qaadkiisii wallo kuwo muhiim ahaana uu ku guul-darasytay. Madaxweyne Gaas ayaa ku guuleystay inuu hirgeliyo Garoonka diyaaradaha ee magaaladda Bosaaso oo ay heshiiskiisa gashay xukuumadii tiisa ka horsay, markii ugu horeysay ayuuna Madaxweyne Gaas xariga ka jaray garoon diyaaradeed oo heer caalami ah oo ay Puntland yeelato. Wuxuu sidoo kale ku geeleystay hirgelinta garoonka diyaaradaha Garowe oo isagana ay heshiiskiisa gashay xukuumadii Cabdiraxmaan Faroole, waxaana la oran karaa mudadii shanta sano ahayd ee uu xukunka hayey Cabdiwali Gaas waxaa la helay labba garoon diyaaradeed oo heer caalami ah. Tan ugu weyn ee lagu amaani karo Dr Gaas waa wadada isku xiraysa gobalka wada xumadu ragaadisey ee Sanaag oo loogu magac daray wadada Ceel-daahir-Ceerigaabo, wadadan oo ay billowday xukuumadda Madaxweyne Gaas ayaa lagu dhisaayaa qaab isku tashi ah iyadoo mar horena laga gaarey guulo la taaban karo. Dhan kale Dawladda Madaxweyne Gaas waxay ku guul-daraysatay higelinta wadada isku xiraysa Garowe iyo Gaalkacayo oo si aada u burburtay msharuucan oo ahaa kan ugu weyn ee midowga Yurub ka hirgelin lahaa Puntland ayaa dhicisoobey kadib markii Dawladda Jarmalku dhawaan shaacisay inay joojisey dhaqaalihii ay wadadaas ku bixin lahayd sababo musuq-maasuq awgeed. Cadaalada, hirgelinta sharciga iyo geedi socodka dimuqraadiyada: Aan ku hormaree cadaaladda iyo hirgelinta sharciga, madaxweyne Gaas wuxuu ballan qaaday inay dib-u eegid (Reform) ku samayn doono hay’adaha cadaaladda loona xulan doono dad tayo leh isla markaana ay maxkamadaha Puntland noqon doonaan kuwo la isku halayn karo dhan walba, mana jirto wax haba yaraate laga qabtay maxkamadaha mana uusan dhicin reform-kii uu balan qaaday madaxweynuhu, waxaana waayadan soo kor-dhaayey hay’adaha garsoorka ee ka cabanaaya mushaar la’aan iyo daryeel xumo kale. Dhinaca cadaaladda guud wuxuu Madaxweynuhu ballan qaaday inuusan isku hareerayn doonin qoyskiisa balse ay u siinaan doonaan cid kasta oo reer Puntland ah, waxayna dadweynuhu ku dhaliilaan Dr Gaas inuusan arintaas kaga *****n uuna dadka ugu dhaw-dhaw ka dhigtay qoyskiisa. Geedi socodka Dimuqraadiyada: Madaxweyne Gaas wuxuu ballan qaaday inuu sanadka ugu horeeya Puntland ka hirgelin doono nidaamka axsaabta badan, isagoo yiri kalmada caan baxday ee ah ” Xukuumada Cabdiwali way fashilintay hadii doorasho qof iyo cod ah ka dhici weydo Puntland 2019″ Waxaase muuqata inay gabi ahaanba xukuumadda Dr Gaas ay ku fashilantay hirgelinta nidaamka axsaabta badan iyadoo ay cadahay in doorashada madaxtinimada Puntland lagu geli doono sidii caadiga ka ahayd Puntland ee 66-xildhibaan oo ay soo xullaan odayaasha dhaqanku iyaguna doortaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa. Gaba-gabadii Dadka reer Puntland iyo odayaasha soo xullaaya baarlamaanka ayaa looga baahan yahay inay soo xullaan xildhibaano awood u leh inay daba gallaan balan-qaadka xukuumadda isla markaana madaxda xukuumada kula xisaabtama shaqooyinka loo iga maday. PUNTLAND POST [contact-form] [contact-form] The post Maxaa hirgalay, maxaase guul-daraystay ballan qaadkii doorashadii 2014 ee Madaxweyne Gaas? appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulanka 2-aad, Kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka ayaa maanta ka dhacay xarunta golaha waxaa soo xaadiray 168 xildhibaan, waxaa looga hadlayaa amniga. Xildhibaanada ayaa waxaa dhex maray dood aad u kulul iyadoo inta badan ay ka hor imaadeyn siyaasadda ay dowladda Soomaaliya u dajisay sugidda Amniga. Xildhibaano yar ayaa taageeray dowladda Soomaaliya waxayna arrinta Amniga ku tilmaameyn inay tahay mid aan si gaar ah u loogu eedeyn karin Dowladda Dhexe balse ay tahay mid good oo xataa Xildhibaanada laga rabo inay qoryaha qaataan. Xildhibaanad Caasho Koos oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa ka hadashay amniga Magaalada Mudqdisho. Xildhibaanad Caasha oo ka mid aheyd Xildhibaannada ka qeybqaatay doodda amniga Muqdisho ee golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegtay in Xildhibaannada ay Aqoonsigooda kala baqaan Askarta qaar. Waxaa ay tiri “Kalsooni kuma qabno ciidamada dowlada ee wadooyinka jooga, Qaarkood iyagaan ka baqnaa”. Hadalkaan ayaa noqday mid dood badan ka dhalatay waxayna qabsatay baraha Bulshada gaar ahaan kuwa Soomaalida. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya gaaray Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle kadib casuumaad uu ka helay boqorka dalkaas. Madaxweyne Geelle, ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada Jeddah uga hortagay mas’uuliyiin ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga iyo xubno kale. Madaxweyne Geelle, ayaa marka la geeyay qasriga dalkaasi kulan saacado qaatay la yeeshay boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salmaan Cabdul casiis oo ay kawada hadleen xiriirka labada dal, arrimaha iskaashiga, nabad ku soo dabaalida Gobolka, dib usoo nooleynta xiriirka kala dhexeeya Eriterea ,iyo arrimo kale oo xasaasi ah. Socdaalka Madaxweyne Geealle ee Sucuudiga ayaa yimid, maalin kaddib markii Madaxda dalalka Eriterea iyo Ethiopia ay heshiis nabadeed ku saxiixeen magaalada Jeddah, kaas oo uu marqaati ka ahaa boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan, Dhaxalsugaha Boqortootayada Maxamed Bin Salmaan iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutterres. Boqortooyada Sucuudiga ayaa door weyn ku laheyd dhex dhexaadinta iyo dib u heshiisiinta dalalka Gobolka, sida Eriterea iyo Ethiopia, iyo sidoo kale Eritrea iyo Jabuuti. Boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salmaan Cabdul casiis, ayaa la filayaa inuu kulansiiyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo ku sugan magaalada Jeddah iyo Madaxweynaha Jabuuti oo halkaasi u gaaray la kulanka Afwerki. Sidoo kale, Dowlada Somalia oo laheyd kaalinta heshiisiinta dowladaha Eriterea iyo Jabuuti ayaa u muuqaneysa in laga saaray liiska wadamada dhex dhexaadinta ka dhexwada labada dal, waxaana dusha saartay Sacuudiga.
  7. Two more girls in Somalia have died after undergoing female genital mutilation, just weeks after a high-profile case prompted the attorney general to announce the first prosecution against the practice in the country’s history. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) - Prime Minister Hassan Ali Khaire on Sunday night participated in an introductory ceremony of the Is-xilqaan program in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  9. NEW YORK (Caasimada Online) – UN Secretary-General António Guterres has hailed Jeddah peace deal jointly signed by Ethiopia, Eritrea leaders in Saudi Arabia. President Isaias Afwerki and Prime Minister Abiy Ahmed signed the Jeddah Peace Accord in the presence of King Salman, other Saudi dignitaries and UNSG. In recognition of the vision, courage and statesmanship they demonstrated to end war and bring about peace between the two countries, President Isaias Afwerki and Prime Minister Abiy Ahmed have been presented by King Salman bin Abdulaziz Saudi Arabia’s highest medal “The Order of King Abdulaziz”, 16 September. UN Secretary-General António Guterres says he congratulated on the leaders of two leaders on signing the Joint Declaration of Peace and Friendship. “A strong wind of hope for the Horn of Africa and far beyond. I also want to express my deep appreciation to king Salman for bringing the parties together”, he said. The award was presented during a ceremony King Salman bin Abdul Aziz of the Kingdom of Saudi Arabia hosted in Jeddah in the presence of Mr. Antonio Guterres, UN Secretary General, Shiekh Mohammed bin Salman, Saudi Arabia’s Crown Prince and Minister of Defense, Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, UAE’s Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, and others. President Isaias Afwerki and Prime Minister Dr. Abiy Ahmed signed five pillars joint declaration of peace and friendship on 9 July in Asmara. Caasimada Online New York News Desk Caasimada@live.com
  10. Garoowe (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo an ka helnay Sanatarada Aqalka Sare ee ku sugan magaalada Garoowe xarunta Maamulka Puntland ayaa muujinaysa in Madaxweyne Cabdiwali Gaas uu ka laabaty go’aankiisii hore ee ku aadanaa shirka Wada tashiga ee ka dhici lahaa Muqdish, kaas oo ay ku baaqday Dowladda Federaalka ah. Arrinkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Dowladda Itoobiya ay gacmaha ka laabatay soo fara gelinta khilaafkan, taas oo culeys siyaasadeed ku noqoneysa mowqifka Maamul Goboleedyada. Wararka aan ka helayno Madasha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa muujinaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ka codsaday Madaxde kale ee Madasha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada in ay fursad u siiyaan inta ka dhiman bishaan, sidii uu uga soo qancin lahaa Madaxda Itoobiya iyo Kenya in ay soo fara geliyaan khilaafka u dhexeeya iyaga iyo Dowladda Dhexa. Lama oga in dadaallada Madaxweyne Axmed Madoobe ay mira dhal noqonayaan, balse Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa ka walaacsan gaabka ku yimid Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo haatan ku jira xaalad kala guur ah, maadaama la badaley Danjire Keating, Wakiilkii kalena aan wali xilka lagu wareejin. Xaaf iyo Waare ayaa aaminsan in arrinkan iyo mowqifka Itoobiya ee ka dhanka ah ay ka faa’ideysan karto Dowladda Federaalka oo ay ku eedaynayaan in ay hoosta ka riixeyso mooshinada laga wado. Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa haatan u nugul in ay dib ula heshiiyaan Dowladda Farmaajo, sida dhacday dhammaadkii bisha October ee sanadkii 2017-ka xilligaas oo ay taagnayd xaaladdan oo kale, lagagana gudbay heshiiskii is afgarad ee ka dhashay Shirkii Golaha Amniga Qaranka. Go’aanka Madaxweynaha Puntland ee ku aaddan ogolaanshaha shirka Muqdisho ayaa u fuudeynaya Ergeda Aqalka Sare ee Hirshabeelle, Galmuug iyo Konfur Galbeed in ay si deg deg ah ugu mira dhaliyaan wada xaajoodyada ay wadaan, waxaana la filayaa in aan laga war dhowrin dadaallada Madaxweynaha Jubalanad ee ku qotoma Itoobiya iyo Kenya. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  11. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta gaaray Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaasoo la filayo inuu kula kulmo dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki. Dalalka Djibouti iyo Eritrea, waxaa ka dhaxeeya loolan xagga dhulka ah, oo ay waxaa ay isku heystaan buur iyo jaziirad, waxaana la filayaa in kulankan Sacuudiga lagu soo afjaro. Axaddii, waxaa isla Sacuudiga heshiis 7 qodob ah kala saxiixday ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyaga oo halkaasi ku xiray loolan socday in ka badan 20 sano. Heshiiska la filayo Djibouti iyo Eritrea waxaa uu gebo-gabo u yahay heshiisyadaas gobolka, waxaana ka shaqeeyey dowladda Sacuudiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dibadbadbaxo xooggan ayaa maanta ka socda magaalada Addis-Ababa, ayada oo dadka ay dalbanayaan in caddaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyey dilka 23 qof, oo lagu dilay weerar xalay ka dhacay duleedka caasimadda Addis-Ababa. Saraakiil iyo goobjoogeyaal ayaa sheegay in rabshadaha oo ku salaysan qowmiyad ay dileen 23 qof, ayna sababeen in boqolaal kale ay ka qaxaan guryahooda. Dibadbaxyaasha ayaa dowladda Itoobiya ka codsanayay inay ilaaliso ammaanka shacabka gaar ahaan qowmiyadaha laga tiro badanyahay kuwaaso sheegay in la bartilmaameedsaday. ‘Dad badan ayaa dhintay, guryo bandanna waa lagu burburay weerarka xalay dhacay” waxaa sidaas yiri madaxa booliska gobolka Oromia, Alemayehu Ejigu, kaasi oo intaas ku daray in 70 qof la xiray. Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarka xalay dhacay ay ka dambeeyeen dhallinyaro Oromo ah, kuwaasi oo beegsaday dad kasoo jeeda qowmiyadaha laga tirada badan yahay, sidoo kale bililiqeystay oo burburiyey goobo ganacsi. Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa dhalleeceeyey falkan,w axaana uu sheegay in kuwa weerarka fuliyey ay yihiin dambiilayaal isku abaabulay inay dadka dilaan. Rabshadaha ayaa ka dambeeyay , isu soo bixi lagu soo dhawaynayay Sabtidii hoggaamiyaha Jabhadda Xoreynta Oromada. Ururka OLF ayaa in muddo ah ku kacsanaa dowladda balse ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa liiska argagixisada ka saaray islamarkaasna ugu baaqay gogosha nabadda. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa Caasimada@live.com
  13. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta oo maanta soo saartey war saxaafadeed ayaa ku sheegtay inay si dhow ula socoto doorashooyinka ka dhacaya dowlad goboleedyada isla markaana ay gacan ku siin doontaa dhammaan dowlad goboleedyada sidii loo hirgelin lahaa doorashooyinka u dhaca si daah furan, xor ah, waafaqsanna dastuurka dalka. Qoraalka Wasaaradda arrimaha gudaha waxaa uu u qornaa: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay si dhow ula socataa geedi socodka federaalaynta iyo doorashooyinka dalka. Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay gacan ku siin doontaa dhammaan dowlad goboleedyada sidii loo hirgelin lahaa doorashooyinka kusoo fool leh oo aan rajaynayno in ay u dhacaan si daah furan, xor ah, waafaqsanna dastuurka dalka. Wasaaraddu waxay adkaynaysaa in la ixtiraamo ku dhaqanka dastuurka lana ilaaliyo muddada xil haynta iyadoo xaqiijin doota in ay doorashooyinku qabsoomaan waqtigii loo asteeyay si looga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta muddo kororsi. Wasaaraddu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa madaxda dowlad gobaleedka Galmudug in ay soo afjaraan isafgaranwaaga kasoo cusboonaaday dhexdooda looguna baaqaysaa in ay dib ugu soo laabtaan dhaqangelinta heshiiskii lagu saxiixay Villa Soomaaliya taariikhdu markay ahayd, 06/12/2017 lana meel mariyo dhammaan qodobadii ku caddaa heshiiskaas. Arrintan ayaa waxaa ku soo aadeysaa xilli aanu wada shaqeyn ka jirin dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Wafdi ballaaran kana socda Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta u ambabaxay magaalada Kismaayo ayaa halkaas gaarey, wafdiga ayaa lagu wadaa iney kula kulmaan Mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka Jubbaland si ay xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda u raadiyaan. Wafdigan oo ka kooban toban xubnood oo ka socda Golaha Aqalka sare ayaa waxaa hoggaaminaya Senator Axmed Xaashi,waxayna ku wajahan yihiin Dowlad Goboleedka Jubbaland,wuxuuna Ujeedka Safarkooda uu yahay xog ururrin dhab ah iyo xal waara sidii loo heli lahaa. Dhnak kale,Wafdigii kan ka horeeyay ee Aqalka sare u diro Dowlad Gobolleedyada ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka. Aqalka Sare oo gudanaya wajibkiisa dastuuriga ayaa u istaagay sidii loo heli lahaa isfaham iyo wada shaqeyn dhab ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulanka 2aad, kalfadhiga 4aad ee Golaha Shacabka ayaa maanta ka dhacay xarunta golaha waxaa soo xaadiray 168 xildhibaan, waxaa looga hadlayaa amniga. Doodda oo aad u kululeyd, waxaan halkan idiinku soo gudbin-doonnaa qaar ka tirsan khudbadihii ay Xildhibaannada goobta ka jeediyeen. Xildhibaan Warsame Joodax: Waxaa muhiim ah in la xisaabtan dhamaystiran aan la samayno dhinacyada amaanka ku howlan. Xildhibaan Maxamed Isaaq Afaraalle: Dowladu halkii ay weerar ku ahaan lahayd Al-shabaab iyagaa weerar nagu ah, saxna ma ahan Habdhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi xasan nuux waxaa uu sheegay in xoojinta amniga golaha shacabka dartiis lagu soo kordhiyay amniga eeyaha waxbaara Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla: Arrin la aqbali karo maahan in eeyo gaawaarideena baaran, eyna la maciin bido, sax ma ahan. Xildhibaan Cismaan Xaaji: Dowladu jidkay ku carartaa markay Afgooye aadeyso waydana kusoo carartaa, Magaalada amnigeeda waa sii xumaaday waxaana cadayn u ah iydoo la si dilaayo ayaa flim la iska duubayaa, Wadooyinka Muqdisho jid Cadde furan ma jiro xaaladaasna waqti badan ayaan ku jirnay inaan ku sii jirnaana sax maahan. Xildhibaan Maxamed Ganey oo ka hadlayey kulanka amniga ee golaha shacabka waxaa uu yiri “fadlan ra’isul wasaare is casil waad fashilantay” Xildhibaanka waxaa uu intaasi raaciyey “Shaqada dowladu waxa uu ku soo aruuray facebook iyo Twiter”. Xildhibaan Maxamed Ganey waxaa uu intaasi ku daray “Dalka Al-shabaab ayaa maamusha, waxaana sabab u ah iyagaa dadka canshuur ka qaada, xitaa dhinaca garsoorka iyagaa loogu adaa Tooratoorow”. Xildhibaan Caasho Koos oo hadashay waxaa erayadeeda ka mid ahaa “Kalsooni kuma qabno ciidamada dowlada ee wadooyinka jooga, Qaarkood iyagaan ka baqnaa.” Xildhibaan Cismaan Xaaji: in qof 2012kii ciidanka soo galay maanta Genaraal lagu dhigo ayaan maraynaa Xildhibaan Faadumo Odowaa: Waa inaan shacabkeena ku wacyi gelinaa wax ka qabashada amniga ilaa aan ka gaarsiinayno in ilmaha yari wax kastaa soo sheegaan xitaa cida geriskooda ku soo biirtay. Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi: Amnigu faraha ayuu ka baxay waxa uu marayaa heer shabaabku dadka baadaan, Ra’isul wasaaraha amnigu uu sheegayo ma ahan amnigii saxda ahaa ee dalku u baahnaa, isagu geesaha ayuu iska marinayaa wiilal looo geliyay dhar isu eg. Madaxweynuhu wuxuu noo sheegay in laba sano gudohood uu ku soo afjari doono shabaab hadana waxaa ka dhiman 4 bilood ama wax ku dhow hadana halkaas ayaan maraynaaa Mudane Fiqi waxaa uu intaas ku daray “Alshabaab magaalada ayay soo buux dhaafiyeen magaalada, sababtaasna waxaa waaye hal sano Al-lshabaab dagaal laguma qaadin. Waxaa dhacday labo kun oo askari in laga qaaday dalkaa aanan laba ogeyn waxa laga dhigayo, danta laga leeyahay ma Alqaa’idaa laga dhigaa ma Daacish garan mayno. Waxaa layaab leh in nin taliye ah hal maalin shaqadii laga eryay darajadiina laga baabi’ iyay, dalkana kama bixi kartid la yiraahdo, mudana dalkaan ka soo shaqeeyay, Kuwo yaryarna garaado aysan mudnayn la siiyay Xildhibaan Shiikh Aadan Madoobe: Shacabku markay ku hun-goobeen rajadii dawlada ay ka qabeen, Al-shabaabkiina sii xoogeystay ayey bilaabeen shacbku inay Shabaab iska laaluushaan. Xildhibaan Maryan Macalin: Xildhibaano dhamaanteen aan dagaalka galno, yaanaan iska fafadhininin oo qoryaha qaadano, Xaalada ammaankana cidna laguma eedeyn kato, Waa masuuliyan ina wada saaran. Xildhibaan Baqdaadi: Goluhu wuxuu ku haboonaa in irdaha loo xiro, waayo hada hadallada iyo dhaliilaha la sheegayo, Cidkastaa ayaa ka faa iideysan karta, waana laga fiicnaa. Xildhibaan Xuseen Carab Ciise: Amniga gudaha iyo kan dibadda khatarbaa ka jirta, isaga oo intaas ku daray Dalkaan waxaa ka jira cadaalad darro wayn iyo musuqmaasuq ballaaran, anigan oo xildhibaanka ah ayaa dhulkaygii la iigu haystaa oo sharciyo been la iisoo samaystay, Dadkuna iney shabaab u garsoor tagaan waa cadaalad darrada jirta iyo musuqa.
  16. Kulanka 2aad, kalfadhiga 4aad ee Golaha Shacabka ayaa maanta ka dhacay xarunta golaha waxaa soo xaadiray 168 xildhibaan, waxaa looga hadlayaa amniga. Doodda oo aad u kululeyd, waxaan halkan idiinku soo gudbin-doonnaa qaar ka tirsan khudbadihii ay Xildhibaannada goobta ka jeediyeen. Xildhibaan Maxamed Ganey oo ka hadlayey kulanka amniga ee golaha shacabka waxaa uu yiri “fadlan ra’isul wasaare is casil waad fashilantay” Xildhibaanka waxaa uu intaasi raaciyey “Shaqada dowladu waxa uu ku soo aruuray facebook iyo Twiter”. Xildhibaan Maxamed Ganey waxaa uu intaasi ku daray “Dalka Al-shabaab ayaa maamusha, waxaana sabab u ah iyagaa dadka canshuur ka qaada, xitaa dhinaca garsoorka iyagaa loogu adaa Tooratoorow”. Xildhibaan Caasho Koos oo hadashay waxaa erayadeeda ka mid ahaa “Kalsooni kuma qabno ciidamada dowlada ee wadooyinka jooga, Qaarkood iyagaan ka baqnaa.” Xildhibaan Warsame Joodax: Waxaa muhiim ah in la xisaabtan dhamaystiran aan la samayno dhinacyada amaanka ku howlan. Xildhibaan Maxamed Isaaq Afaraalle: Dowladu halkii ay weerar ku ahaan lahayd Al-shabaab iyagaa weerar nagu ah, saxna ma ahan Habdhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi xasan nuux waxaa uu sheegay in xoojinta amniga golaha shacabka dartiis lagu soo kordhiyay amniga eeyaha waxbaara Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla: Arrin la aqbali karo maahan in eeyo gaawaarideena baaran, eyna la maciin bido, sax ma ahan. Xildhibaan Cismaan Xaaji: Dowladu jidkay ku carartaa markay Afgooye aadeyso waydana kusoo carartaa, Magaalada amnigeeda waa sii xumaaday waxaana cadayn u ah iydoo la si dilaayo ayaa flim la iska duubayaa, Wadooyinka Muqdisho jid Cadde furan ma jiro xaaladaasna waqti badan ayaan ku jirnay inaan ku sii jirnaana sax maahan. Xildhibaan Cismaan Xaaji: in qof 2012kii ciidanka soo galay maanta Genaraal lagu dhigo ayaan maraynaa Xildhibaan Faadumo Odowaa: Waa inaan shacabkeena ku wacyi gelinaa wax ka qabashada amniga ilaa aan ka gaarsiinayno in ilmaha yari wax kastaa soo sheegaan xitaa cida geriskooda ku soo biirtay. Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi: Amnigu faraha ayuu ka baxay waxa uu marayaa heer shabaabku dadka baadaan, Ra’isul wasaaraha amnigu uu sheegayo ma ahan amnigii saxda ahaa ee dalku u baahnaa, isagu geesaha ayuu iska marinayaa wiilal looo geliyay dhar isu eg. Madaxweynuhu wuxuu noo sheegay in laba sano gudohood uu ku soo afjari doono shabaab hadana waxaa ka dhiman 4 bilood ama wax ku dhow hadana halkaas ayaan maraynaaa Mudane Fiqi waxaa uu intaas ku daray “Alshabaab magaalada ayay soo buux dhaafiyeen magaalada, sababtaasna waxaa waaye hal sano Al-lshabaab dagaal laguma qaadin. Waxaa dhacday labo kun oo askari in laga qaaday dalkaa aanan laba ogeyn waxa laga dhigayo, danta laga leeyahay ma Alqaa’idaa laga dhigaa ma Daacish garan mayno. Waxaa layaab leh in nin taliye ah hal maalin shaqadii laga eryay darajadiina laga baabi’ iyay, dalkana kama bixi kartid la yiraahdo, mudana dalkaan ka soo shaqeeyay, Kuwo yaryarna garaado aysan mudnayn la siiyay Xildhibaan Shiikh Aadan Madoobe: Shacabku markay ku hun-goobeen rajadii dawlada ay ka qabeen, Al-shabaabkiina sii xoogeystay ayey bilaabeen shacbku inay Shabaab iska laaluushaan. Xildhibaan Maryan Macalin: Xildhibaano dhamaanteen aan dagaalka galno, yaanaan iska fafadhininin oo qoryaha qaadano, Xaalada ammaankana cidna laguma eedeyn kato, Waa masuuliyan ina wada saaran. Xildhibaan Baqdaadi: Goluhu wuxuu ku haboonaa in irdaha loo xiro, waayo hada hadallada iyo dhaliilaha la sheegayo, Cidkastaa ayaa ka faa iideysan karta, waana laga fiicnaa. Xildhibaan Xuseen Carab Ciise: Amniga gudaha iyo kan dibadda khatarbaa ka jirta, isaga oo intaas ku daray Dalkaan waxaa ka jira cadaalad darro wayn iyo musuqmaasuq ballaaran, anigan oo xildhibaanka ah ayaa dhulkaygii la iigu haystaa oo sharciyo been la iisoo samaystay, Dadkuna iney shabaab u garsoor tagaan waa cadaalad darrada jirta iyo musuqa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Dedaallo lagu qaboojinayo xiisado ka dhashay dilal iyo afduub ka dhacay degmada Ceel-waaq ayaa ka soconaya degmadaasi. Nabadoon Maxamed Xuseen oo ka mid ah waxgaradka Ceel-waaq ayaa Goobjoog u sheegay in shacab Soomaali ah oo carreysan ay dileen Shan qof Kenyan ah, meeshaasina ay xiisadda ka bilaabatay. Xiisaddan ayaa timid kadib markii ciidamada Kenya ay dileen dad shacab ah oo ku sugnaa deegaanka Ceel-waaq halkaasna ay ka bilaabatay xiisadda iyada oo shacabka Soomaalida ay dileen shan qof oo Kenyaati ah . Ciidamada Kenya ayaa marayay deegaanka waxaana lala beegsaday qarax kadibna waxaa ay qabsadeen shan qof oo ka mid ah dadka degan Ceel-waaq iyaga oo dilay. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Dadaalo-Nabadeed-oo-lagu-qaboojinayo-Dilal-dad-shacab-ah-oo-Soomaali-ah-ay-u-geysteen-Ciidamada-Kenya-oo-ka-soconaya-degmada-Ceelwaaq-kenyaOK.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay doorashooyinka dowladaha xubnaha ka ah iyo khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug. War-murtiyeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalaynta iyo dib u heshiisiinta ayaa lagu sheegay in si dhow loola socdo geedi socodka federaalaynta iyo doorashooyinka dalka, sidoo kalana ay wasaaraddu gacan ku siin doonto dhammaan dowlad goboleedyada si loo hirgeliyo doorashooyinka kusoo fool leh oo ay u dhacaan si daah furan, xor ah oo waafaqsanna dastuurka dalka. Sidoo kale war-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu adkaynayso in la ixtiraamka ku dhaqanka dastuurka lana ilaaliyo muddada xil haynta, iyadoo xaqiijin doono in ay doorashooyinku qabsoomaan waqtigii loo asteeyay si looga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta muddo kororsi. Dhanka kale Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa madaxda dowlad gobaleedka Galmudug ugu baaqay in ay soo afjaraan is afgaranwaaga kasoo cusboonaaday dhexdooda, waxayna kaloo ugu baaqday in ay dib ugu soo laabtaan dhaqangelinta heshiiskii lagu saxiixay Villa Soomaaliya taariikhdu markay ahayd, 06/12/2017 lana meel mariyo dhammaan qodobadii ku caddaa heshiiskaas. Doorashooyinka madaxtinimada dowlad goboleedyada ayaa inta badan dhacaya bilaha soo socda ee 2018-2019, waxayna madaxweynayaashoodu wadaan qorshe ay rabaan in ay wakhtiga ku koror sadaan, halka dowladda federaalku rabto in ay ka takhalusto. Hadalka Federaalka ayaa ku soo aaday iyadoo dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah uu u dhexeeyo khilaaf xoogan, sidoo kalana uu cirka ku shareeran yahay khilaafka madaxda Galmudug. Hoos ka akhriso war-murtiyeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta, iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay si dhow ula socataa geedi socodka federaalaynta iyo doorashooyinka dalka. Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay gacan ku siin doontaa dhammaan Dowlad goboleedyada sidii loo hirgelin lahaa doorashooyinka kusoo fool leh oo aan rajaynayno in ay u dhacaan si daah furan, xor ah, waafaqsanna dastuurka dalka.Wasaaraddu waxay adkaynaysaa in la ixtiraamo ku dhaqanka dastuurka lana ilaaliyo muddada xil haynta iyadoo xaqiijin doota in ay doorashooyinku qabsoomaan waqtigii loo asteeyay si looga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta muddo kororsi. Wasaaraddu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa madaxda dowlad gobaleedka Galmudug in ay soo afjaraan is afgaranwaaga kasoo cusboonaaday dhexdooda looguna baaqaysaa in ay dib ugu soo laabtaan dhaqangelinta heshiiskii lagu saxiixay Villa Soomaaliya taariikhdu markay ahayd, 06/12/2017 lana meel mariyo dhammaan qodobadii ku caddaa heshiiskaas. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka oo war ka soo saartay doorashooyinka dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.
  19. TEHRAN (Caasimada Online) – At least 18 Iraninan nationals have been kidnapped by different pirate groups and Al Qaeda linked Al Shabaab in Somalia. Up to 14 Iranian fishermen were reportedly detained by Al-Shabab group, according to Iran’s lawmaker, Abdolqafur Iranejad. Iranejad says the other 4 men were captured by different pirate groups in Somalia. “Of the 18 fishermen detained by the Somalis, 4 are detained by different pirate groups and 14 are detained by Al-Shabab terrorist group,” Iranejad said. He says there have been ongoing efforts which was aimed to free all hostages from Chabahar, who were detained by pirates and terrorists in Somalia. He added that 4 fishermen had been freed so far, thanking the intelligence and foreign ministries for their efforts in freeing the fishermen. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  20. Deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa markii ugu horreysay laga hirgeliyey saldhig Booliis iyo sidoo kale xarun caafimaad. Waxaa kaloo hadda la bilaabay dhismaha xarunta degmada Baxdo iyo suuq weyn oo deegaankaasi laga hirgeliyo. Fulinta Mashaaricdan ayaa waxaa iska kaashanaya dadka deegaanka oo iskugu jira dhallinyaro,waxgarad iyo odoyaal iyaga oo gacan ka helaya Jaaliyadda deegaanka. Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanka Baxdo ayaa waxaa ay kulamo ka yeesheen sidii deegaanka loo horumarin lahaa iyada oo la dhisayo ugu horreyn adeegyada asaasiga ah sida Isbitaal, Suuq iyo xarun boolis. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/warbixinta-baxdo.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. MOGADISHU (Caasimada Online) – Somali journalist has been shot and killed by gunmen in Cape town in the latest xenophobic violence against foreigners in South Africa. The victim, whose name identified as Yusuf Hussein Hassan has worked for Somaliweyn radio in Mogadishu in the past before he turned businessman. Unknown attackers stormed a Somali-owned shop in the town, leading to the death of Hassan, according to local Media. In the recent months, dozens of Somalis have been attacked in what seems to be orchestrated gang violence. The renewed attacks are reminiscent of January xenophobic attacks carried out by armed men from the hosting community in the country. Last year, Amnesty International accused the South African government of lacking the political will to avert xenophobic attacks. “There is a lack of political will on the part of the government to deal with issues of violence and xenophobia in a sustainable way,” said Shenilla Mohamed, Executive Director of Amnesty International South Africa. “The consequence of this inertia has resulted in continuing sporadic bursts of violence which often end in deaths, injuries and damage to property.” Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  22. Maamulka Hirshabelle ayaa cabsi ka muujiyey in Webiga Shabelle ku fataho deegaanno ka mid ah gobolka Shabellaha Dhexe. Wasaaradda Beeraha maamulkaasi ayaa sheegtay in Wabiga oo biyo badan keenay ay keeni karto fatahaad ka dhacdo deegaannada. Deegaannada laga cabsida qabo inuu wabiga ku fataho waxaa ka mid ah Jowhar, Mahadaay iyo deegaanno kale oo ka mid ah isla gobolka Shabellaha dhexe. Beeraleyda ku dhaqan gobolka Sh/dhexe ayaa xilliyadan oo kale waxaa ay walwal ka muujiyaan in tacabkii ay beereen wabiga uu ku fataho islamarkaasna ay dhashaan dhibaatooyin badan. Wasiirka Wasaaradda Beeraha Hirshabelle Xasan Muudey oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay ka warqabaan cabsida xilligan laga Muujinayo in wabiga uu fatahaad sameeyo waxaa uu tilmaamay in wadaan dadaallo looga hortagayo in wabiga uu Fataho. “Cabsida ugu xooggan waxaa ay ka jirtaa Mahadaay waxaan u sheegayaa beeraleyda in aan wadno dadaallo lagu xakameynayo in uu Fatahaad Sameeyo Wabiga sidoo kale waxaa la sameyn doonaan Carro tuuryo badan”. Inta badan deegaannada uu Maro wabiga ayaa waxaa ka dhaco Fatahaado kuwaasi oo saameyn adag ku yeesha dalagyada kala duwan ee ka soo go’a beeraha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed maanta ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa looga digay in madaxda maamul goboleedyada dalka ay isku dayaan muddo kororsi, ayada oo wasaaradda ay sheegty inay xaqiijin doonto sidii aysan taasi ku dhici lahayn. “Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta, iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay si dhow ula socataa geedi socodka federaalaynta iyo doorashooyinka dalka” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka ayaa intaas sii raaciyey “Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay gacan ku siin doontaa dhammaan Dowlad goboleedyada sidii loo hirgelin lahaa doorashooyinka kusoo fool leh oo aan rajaynayno in ay u dhacaan si daah furan, xor ah, waafaqsanna dastuurka dalka” “Wasaaraddu waxay adkaynaysaa in la ixtiraamo ku dhaqanka dastuurka lana ilaaliyo muddada xil haynta iyadoo xaqiijin doota in ay doorashooyinku qabsoomaan waqtigii loo asteeyay si looga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta muddo kororsi” ayay tiri wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. Wasaaraddu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa madaxda dowlad gobaleedka Galmudug, ayaa lagu yiri, in ay soo afjaraan isafgaranwaaga kasoo cusboonaaday dhexdooda looguna baaqaysaa in ay dib ugu soo laabtaan dhaqangelinta heshiiskii lagu saxiixay Villa Somalia taariikhdu markay ahayd, 06/12/2017 lana meel mariyo dhammaan qodobadii ku caddaa heshiiskaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa xoogaa ka hor furmay kalafdhigii 4-aad ee Xildhibanada Golaha Shacabka oo dhawaan uu furay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulankaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay ilaa 168 Xildhibaan iyadoo aysan soo xaadirin xildhibaano badan oo qaarkood ay dalka joogaan halka kuwa kalana ay maqan yihiin. Anjadaha kulanka Maanta ayaa ahaa Amniga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxaana halkaas khudbado ka jeediyey qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Mid kamid ah Xildhibaanadii halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay Xukuumadda Soomaaliya ku fashilmatay qabashadi shaqadii loo xil saaray, wuxuuna si deg deg ah Ra’isulwasaaraha uga codsaday inuu is casilo. Xildhibaan Maxamed Gabey oo ah Xildhibaanka Ra’isulwasaaraha ka codsaday inuu is casilo ayaa ku eedeeyey dowladda inay kusoo aruurtay kaliya Baraha Bulshada sida Facebook iyo Twitter. “Fadlan Ra’isul wasaare is casil waad fashilantay” ayuu yiri Gabey. Sidoo kale wuxuu raaciyey “Shaqada Dowladda waxay kusoo aruurtay Facebook iyo Twitter”. Todobaadkii hore ayay aheyd markii Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu u sheegay in amniga Muqdisho aanan la isku haleyn karin, isla markaana Xildhibaanada is ilaaliyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. The government of Djibouti today denied accusations of its alleged involvement in the funding and facilitation of arms trafficking in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online