-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ankara (Caasimadda Online) – Amina Erdogen oo ah Marwada Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegtay in dalkeeda uu kaalinta koowaad ugu jiro howlaha gargaarka Bani aadamnimo ee Caalamka. Iyada oo ka hadlaysay Shir looga hadlayay Gargaarka Bani aadamnigada iyo dhaqaalaha ku baxa ayay soo qaadatay in dalal dhowr ah ay taageereen. “Waxaan kaalin muhiim ah ka ciyaarnay gurmadyada la siiyo dalalka u baahan in lagu caawiyo” ayay tiri Amina Erdogen. Waxa ay intaa ku dartay in ay sii wadi doonaan kaalmadooda ay ku gaarsiinayaan dadka u baahan, waxa ayna meesha ka saartay in in ay deyn ugu dhigayaan dalalka ay gacan siinayaan. Amina ayaa tiri “Waxaan Nolol iyo Cadalad u rajeynayaa Walaalaheen Soomaaliya, Yemen, Siiriya, Gaza iyo Myanmar”. Gargaarka ay dhiibayaan ayay tilmaantay in ay waajib ku tahay in ay siiyaan dadka u baahan, iyada oo intaa sii raacisay in waddooyinkii gargaarka ay sameeyeen ay ahayd tallaabo kusoo beegan tahay xiligeeda. Wadamada kale ee Caalamka ayay ku bogaadisay Marwo Amina Erdogen in ay ku daydaan Turkiga oo kaalin Muuqata ku leh dalalka kor ku xusan ee dadkooda la daalaa dhacayaan duruufaha heysta. Sanadkii tagay 2017-kii gargaar ay siiyeen 134 dal waxa ay tilmaantay in ay ka fa’ideysteen 201.5 Milyan oo qof oo ah shaqsiyaadka Mudan in ay gacan gurmad gaarto. Amina ayaa sheegtay in gargaarkaas uu dhaliyay in dadkaas jaceyl u qaadaan Dowladda Turkiga, iyagana aysan dayaci doonin dadkaas oo si lamid ah u jecel yihiin sida ay hadalka u dhigtay. Ugu dambeyn waxa ay sheegtay in aan go’i doonin Gargarkooda, waxa ay raacisay in ay gaarayaan Myanmar, Marinka Gaza iyo dalal kala duwan oo Afrika ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland gaaray Sarkaalka ONLF Cabdikariim Xaaji Muuse Qalbi-dhagax. Qalbi-Dhagax ayaa markii uu gaaray Somaliland kulamo hordhac ah la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka iyo kuwa xisbiyada mucaaradka. Cabdikariim Qalbi-dhagax ayaa noqonaaya sarkaalkii ugu horeeyay ee ONLF ah oo lagu soo dhaweeyo Hargeisa. Qalbi-dhagax ayaa hadal kooban oo uu u jeediyay dadweynaha soo dhoweeyay wuxuu ku sheegay inuu salaan uga sido dadka reer Somaliland hogaamiyaha iyo xoghayaha guud ee Jabhada ONLF. Waxa uu Qalbi-Dhagax tilmaamay in Ujeedka socdaalkiisa uu yahay sida loo balaarin lahaa ONLF iyo in socdaal kawarqab ah ay la sameeyan maamulka Somaliland, isagoo ka mahadnaqay soo dhoweynta diiran ee uu kala kulmay hargeysa. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu isaga ka danbeeyay talaabada Qalbi-Dhagax uu ku yimaaday Somalinad. Feysal waxa uu tilmaamay in wakhti badan uu galiyay sida Qalbi-Dhagax uu ku geyn lahaa Hargeysa waxa uuna cadeeyay in ujeedkiisa uu yahay in meesha laga saaro tashwiishka Somaliland iyo ONLF. “Aniga ka Feysal Cali Waraabe ahaan ayaa ka danbeeyay in Qalbi-Dhagax uu soo gaaro Somaliland, waxaa muhiim ah in la sameeyo isku soo dhawaanshi shexmarta Somaliland iyo ONLF” Sidoo kale, Feysal Cali ayaa cod dheer ku sheegay in xisbigiisa uu ka faa’iideysan doono Qalbi-Dhagax maadaama uu aad ugu wacan yahay dhinaca wax toosinta. Haddalka Feysal Cali Waraabe ayaa kusoo beegmaya xili maamulkii hore ee Axmed Siilaanyo uu Ethiopia u gacan galiyay Saraakiil ka tirsanaa ONLF. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Dhalinyaro si iskooda isu xilqaamay ayaa kulan lagu taageerayay Mukhtaar Roobow Cali inuu isu soo taago qabashada xilka madaxweynimo ee Koofur Galbeed ku qabtay magaalada Muqdisho. Kulanka waxaa ka qeybgalay dhalinyaro aqoonyahno ah oo qeybaha bulshada ka kala socda, kuwaas oo sheegay in ay kulanka kaga arinsadeen doorashada dhowaan lagu wado in ay ka dhacdo maamulka Koofur Galbeed. Prof. Shaafici oo kamid ah aqoonyahnadii kulanka ka hadashay ayaa waxaa suu heegay in uu aaminsan yahay in Mukhtaar Roobow uu yahay shakhsi isbedel dhab ah ka sameyn kara deegaanada Koofur Galbeed isla markaana uu ka codsanayo in uu isu soo taago xilkaas. “Malaaqyada, beesh caalamka iyo dhamaan shacabka reer Koonfur Galbeed waa ay garanayaan weyna ogyihiin iney muhiim tahay in la doorto qof nabad kusoo dabaali kara deeganadaas, waxaa muhiim ah in aan la khamaarin, sidaa darteed ayaan Sheekh Muqtaar Roobow uga codsanaya inuu isu soo taago xilka madaxtinimada, sidoo kale xildhibaanada waxaan ka codsanaya iney taariikh iyo xusuus ka tagaan ayuu yiri Shaafici. Dhammaan dhalinyaradii kulanka ka qeybgashay ayaa si isku mid ah u uga codsaday Sheekh Mukhtaar Roobow in uu kamid ah noqdo musharaxiinta ka qeybgali doonta tartanka doorashada madaxtinimada Koofur Galbeed Soomaaliya. Dhanka kale, kulankaas lamid ah ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, dhalinyarada magaaladaas ayaa soo agaasimay kulanka waxaana ka qeybgalay qeybaha bulshada ee ku dhaqan magaalada Baydhabo. Dadkii kulanka ka hadlay ayaa Mukhtaar Roobow Cali ka codsaday in uu isu soo sharaxo madaxtinimada Koofur Galbeed isla markaana waxaa ay golaha wakiilada Koofur Galbeed ka dalbadeen in ay u daneeyaan masiirka dadka ku dhaqan gobolada maamulka Koofur Galbeed. 17ka bisha November ee sanadkan ayaa sida uu qorshuhu yahay la qaban doonaa doorashada madaxtinimada ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, kaas oo ay ku loolamayan musharxiin badan. Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-War ay soo saartay dowlada Kenya ayaa waxaa lagu sheegay inay jiraan Isbitaalo ku yaala dalka oo lagu daweeyo dhaawacyada maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. Warbixintaan oo aad u dheered ayaa waxaa lagu sheegay in Isbitaaladaasi uu xiriir kala dhexeeyo Al-Shabaab kaa oo ku eg daweynta Al-Shabaabka ku dhaawacma weerarada ka dhaca Kenya. Hay’adaha amaanka Kenya oo qeyb ka ah warbixinta ayaa sheegay in digniino gaara ay u dirayaan Isbitaallada ku yaalla degaannada Lamu, Tana River, iyo Garissa oo lagu hoyaadiyo dhaawacyo dhowr ah oo ay leeyihiin Al-Shabaab. Isbitaaladaasi ayaa la sheegay in ay daweeyaan dadka ka tirsan Al-Shabab ee ku dhaawacma dagaalka ay kula jiraan Ciidanka Kenya. Booni Joseph Kanyiri oo ah Agaasimaha howlgalka ciidamada Keynya oo isagana la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan in Isbitaallada qaar daweeyan dhawacyada Al-shabaab, xitaa qaarkood loo qaado Isbitaalo ku yaala gudaha Kenya. Booni Joseph Kanyiri, ayaa si cad u sheegay in Al-Shabaabka lagu daweyay isbitaalada kor ku xusan ay dhamaantooda ku dhaawacmeen dagaal Khamiistii lasoo dhaafay dhexmaray Ciidanka Kenya iyo Al-Shabab. Sidoo kale, macluumaadkasi ayuu sheegay inay ka heleen dharcad laga hirgaliyay deegaanada ay ku yaalan Isbitaalada kor ku xusan ee lagu daweeyay Al-Shabaabka. Dhinaca kale, waxa ay dadka deegaanka ka codsadeen inay la socdaan dhaqdhaqaaqa Al-Shabaabka iyo dadka aan la muuq aqoon ee deegaanadooda ku cusub. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in duufaano xoogan ay kusoo fool leeyihiin deegaanada maamulka. Axmed Muumin Seed, Wasiirka wasaarada beeraha Somaliland oo saxaafada kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay jirto cabsi xoogan ku aadan duufaanta. Waxa uu tilmaamay in duufaanta ay wadato roobab lixaad leh oo saameyn weyn ku yeelankara inta badan deegaanada maamulka. Wasiirka waxa uu cadeeyay in duufaanta dabeysha wadata ay kusoo beegan tahay bisha soo socota ee Octoober iyo bilaha ka dambeeya, sida uu hadalka u dhigay. Roobabka duufaanta wata ayuu sidoo kale sheegay in xoogooda ay saameyn ku yeelan doonaan gobolada bariga ka ah Somaliland, waxa uuna ku baaqay in mar waliba shacabka laga doonaayo inay u diyaar garooban. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in shacabka Somaliland loogu baahan yahay iney sameeyaan feejignaan dheeri ah loona baahan yahay iney wada shaqeyn dhaw la yeeshaan hay’addaa shaqada ku leh ee Somaliland. Haddalka Wasiirka Beeraha Somaliland ayaa kusoo beegmaya xili Somaliland ay horay u marti galisay roobab dabeylo watay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Waaxda dhul bixinta dowladda hoose ee magaalada Baladweyne ayaa digniin ka soo saartay is qabqabsiga dhulalka ee magaaladaasi. Agaasimaha waaxda dhul bixinta dowladda hoose ee B/weyne Xuseen Maxamed Fiidoow ayaa kaga hadlay arrintaasi oo muddooyinkii dambe magaalada ka taagneyd. Wuxuu iska fogeeyay in xafiiskiisa uu ku lug leeyahay is qabqabsiyada dhuleed islamarkaana ay ku shaqeeyaan lacago dheeraad ah. Agaasimaha ayaa sheegay in dhul bannaan oo magaalada Baladweyne ku yaalla ay qorsheyaal u dejiyaan kaasi oo ah dhul dowladeed. Ciddii ka hor timaada ayuu xusay in ay kala kulmayso ciqaabta sharcigu uu ka qabo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/AGAASIMAHA-DHULKA-BALADWEYNE-25-09-2018-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Culimada Soomaaliyeed iyo Ururada udooda xuquuqda haweenka iyo carruurta ayaa si wadajir ah u cambaareeyey falkii lagu gubay muwaadinka Soomaaliyeed. Waxa ay si wada jir ah u sheegeen in falkaasi uu ahaa mid ka baxsan bini’aadannimada islamarkana ay tahay mid shacabka kala fogeyneysa. Dowladda federaalka Soomaaliya ayey si wada jir ah uga dalbadeen in cadaaladda la horkeeno cid kasta oo lug ku laheyd in marxuumkaas naftiisa uu waayo. Culimada ayaa si gaar ah waxay u sheegeen in diinta aanay qabin in la faquuqo qof muslim ah, dambina ay tahay in qof lagu xad-gudbo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/WARKA-HEEBSOOCA_1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamulka Magaalada Garoowe ee Caasiamda puntland ayaa sheegay in wadaan baaritaan ku aadan Shaqsi lagu soo eedeeyay in Xaaskiisa uu dilay. Dhacdadaan ayaa ka dhacday mid kamid ah xafadaha Garoowe gaar ahaan wadada Sodonka, iyadoo marxuumadda dilka loo geeystay la xaqiijiyay in galinkii danbe ee shalay la aasay. Cali Salaad Diiriye, guddoomiye ku xigeenka magaalada Garoowe ayaa sheegay in shaqsiga dilka geystay gacanta lagu hayo, islamarkaana ciidanka dambi baarista ay wadaan sida ay ku ogaan lahaayeen qaabka dilka uu dhacay. “Hadda waxaa socda baaritaanka, waxaana la xaqiijinayaa sida ay wax u dhaceen iyo sidoo kale qaabka ninkan u diley xaaskiisa iyo waxa sababay” Dhacdadan ayaa ah mid aad iyo aad looga hadalhayo guud ahaan magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
While Israel laid claim to being the first country ever to use the US-made F-35 fighter jet in combat, the US may follow suit soon, according to defense officials. Source: Hiiraan Online
-
An evacuation at Valleyfair on Saturday night led to confusion, concern and many questions among guests and KARE 11 viewers. Source: Hiiraan Online
-
Kenyan Waihiga Mwaura wins BBC World News Komla Dumor award
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
A Kenyan journalist and TV presenter has won this year's BBC World News Komla Dumor Award. Source: Hiiraan Online -
In a village outside Rwanda's capital Kigali, a group of boys are spending a rainy afternoon learning how to stop gender-based violence and the power imbalances in the #MeToo era. Source: Hiiraan Online
-
Kenya Foreign Affairs Cabinet Secretary Monica Juma is calling on the international community to place integration of terror merchants who quit the vice, at the heart of sharing information on violent extremism. Source: Hiiraan Online
-
US. Marine Corps F-35B Joint Strike Fighters have reportedly conducted reconnaissance missions over or near Somalia and were ready to respond to requests for close air support from American forces in that country during their first-ever deployment to the Horn of Africa region aboard the USS Essex amphibious assault ship. Source: Hiiraan Online
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Gudoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka Kenya, Faarax Macallin Dawaar ayaa sheegay in siyaasaddii Ethiopia ee Soomaaliya ku wajahneyd uu is-beddel weyn ku yimid, islamarkaana Itoobiya ay markan ka go’an tahay nabadda Soomaaliya. Tan iyo markii uu talada Itoobiya la wareegay Ra’iisul Wasaaraha Isbadal doonka ah Dr Abiy Ahmed waxaa si dhab ah is bedel ugu yimi siyaasaddii iyo diblomaasiyaddii kala dhexeysay Soomaaliya, ayada oo labada dal ay aad isugu soo dhowaadeen. Faarax Macallin oo ah siyaasi aad ugu dhuun dhuleela siyaasadda mandiqadda Geeska Africa oo arintaas ka aragti dhiibaya ayaa beegsaday barta uu ku leeyahay Twitter-ka. Ethiopian Government policy towards Somalia has changed drastically. Dr Abiye believes the peace, unity & territorial integrity of Somalia is sacred. Dr Abiye & Afeworki will help Villa Somalia to eradicate AlShabaab & restore peace within months.Uhuru stand up to be counted too. — Farah Maalim (@FarahMaalimM) September 21, 2018 “Siyaasaddii Itoobiya ee ku wajahneyd Soomaaliya aad ayey isu bedeshay. Dr Abiy waxa uu aamiinsan yahay nabadd, midnimada iyo karaamada dhulka Soomaaliya in ay yihiin kuwa sharfan. Dr Abiy iyo Afwerki waxa ay Villa Somalia ka caawin doonaan si ay xididdada ugu siibi lahayd Al-Shabaab iyo sidii ay nabadda bilo gudohood ugu soo celin lahayd. Uhuru, sidoo kale istaag si laguugu tashado.” Waxaa xusid mudan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya isaga oo talada haya muddo shan bilood ah, wali ma qaabilin hoggaamiye maamul gobolleed oo ka tirsan Soomaaliya, taas oo cagsi ku ah siyaasaddii ku dhisneyd qeybi oo xukun ee ay caanka ku ahayd TPLF. Arrintan ayaa timid, kaddib heshiis ay Muqdisho ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed oo dhigayey in labada dal ay ilaaliyaan madax banaanida midda kale. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Maamulka Somaliland waxa uu shalay Hargeysa ku soo dhaweeyeen Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ka tirsan Jabhadda ONLF. Tallaabadan waxa ay fajaciso ku noqotay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Somaliland oo joobjoog u ahaa tacadiga uu maamulkooda ku hayn jiray xubnaha OLNF. Somaliland waxaa laga dhoofin jiray saraakiisha ka tirsan ONLF oo gabaad ka soo dhigta gobolada Waqooyiga Soomaaliya siiba meelaha ay ka arrimiyaan Somaliland. Gooni kuma aha Somaliland maamulada caadeystay in ay Itoobiya weji uga raadsadaan u gacan galinta mujaahidiinta ONLF. Puntland, Galmudug iyo waliba Dowladda Federaal-ka Soomaaliya ayaa ficilladaas gurracan qeyb ka gaystay. Balse soo dhoweyntii Qalbi-Dhagax loogu sameeyey Hargeysa waxaa igaga baxay saddex arrimood. 1 – Munaafaqnimada siyaasiyiinta Somaliland Siyaasiyiinta Somaliland waxa ay muujiyeen weji munaafaqnimo ah, maadama ay bedeleen mawqifkii ay ka taagnaayeen ONLF oo ay u yaqaaneen urur argagixiso ah. In ayaga oo xubnaha ONLF u dhiibi jiray Ethiopia ay iminka soo dhoweeyaan sarkaal sidoo kale Ethiopia loo dhiibay waxay muujineysaa kaliya in ujeedkoodu aanu ahayn wax ka baxsan ceebeynta dowladda federaalka Soomaaliya. 2 – Dhimashada TPLF TPLF oo muddo 27 sano ah ka talineysay Itoobiya ayaa cadaadis ku saari jirtay maamulada Soomaaliya ka jira in ay u soo gacan galiyaan cid walba oo siyaasadeeda liddi ku ah, ONLF ayaana ugu weyneyd! Qalbidhagax oo lagu soo dhaweeyey Hargeisa, waxa ay tusaale u tahay jabka soo gaadhay jabhadda Tigreyga ah ee TPLF iyo sida Soomaalida ay dhinac uga raaceen is-beddelada Abiy Ahmed, oo ay u hilmaameen cabsidii ay ka qabeen TPLF. 3 – Reer Somaliand oo weli ay ku jirto Soomaalinimo Dadka reer Somaliland, mar haddii calanka shanta gees, oo qeyb ka ah calanka ONLF ay ku soo dhaweeyeen Hargeysa, waa astaan muujineysa in weli ay ku jirto Soomaalinimo. Qalbi-Dhagax kuma aysan soo dhoweyn shacabka Somaliland wax ka baxsan inuu yahay qof Soomaali ah, oo dhibaato loo gaarsiiyey Soomaalinimo. Ogow calanka shanta gees ee xiddig ah leh, waa mid ka turjumaya qadiyadda Soomaali weyn! W/Q: Yuusuf Axmed Guuleed Hargeysa, Somaliland Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Sida warar lagu kalsoon yahay ay sheegeen, Madaxweynaha Puntland ee waqtigu kasii dhamaanayo ayaa waxaa uu damacsan yahay inuu dagaal ka bilaabo furinta hore ee Tukaraq inta aan la gaarin doorashada ka dhaceysa maamulkaan Jan, 2019. Gaas oo maalmihii lasoo dhaafey booqaho ku joogey gobolka Sanaag hadana ku sugan magaalada Boosaaso ayaa inta uusan magaalada Garowe ka ambabixin waxaa uu kulan la qaatey qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada ee ku sugan aaga hore ee tuulada Tukaraq isagoo u sheegey iney u diyaar garoobaan duulaan lagu qaado ciidamada kasoo horjeeda ee Somaliland balse arinkaas ayay ku tilmaameen mid aan suurtagal aheyn waqtigaan lagu jiro. Madaxweyne Gaas, ayaa damacsan in doorashada soo socota ku carqaldeeyo dagaalo cusub. Dhinaca kale xogtaan ayaa waxay sheegeysaa in furinta hore ee ciidamada “Tukaraq” ay shalay tageen Sadex Wasiir oo ka tirsan xukuumada Gaas kuwasoo kulan la qaatey saraakiisha ku sugan halkaas. Sida xogo lagu kalsoon yahay xusayaan Wasiiradaaan ayaa fariin ay ka wadaan Madaxweynaha Puntland u geeyey saraakiisha ciidamada taasoo aheyd iney diyaar garoobaan balse waaku gacan seyreen. Sidoo kale waxaa wayadaan dambe aad u xumaa xiriirka u dhexeeya Taliyaha guud ee ciidamada Puntland iyo Madaxweyne Gaas kadib markii warar soo baxeen sheegaya inuu damacsan yahay inuu badalo balse arinkaan ayaa dib u dhac ku yimid kadib markii saraakiil sare oo laga codsadey iney xilkaan qabtaan ka cududaarteen. Tuulada Tukaraq ayaa waxaa ciidamada Somaliland qabsadeen Jan,2018, iyadoo mudado Sideen bilood ah maamulka uu Madaxweynaha ka yahay Gaas ku guuldareytey inuu dib ugu soo celiyo gacanta maamulkaan. Madaxweyne Gaas oo hadda ku sugan magaalada Boosaaso ayaa waxaa maalintii shaley lagaga diley labo askari oo ka tirsan ilaaladiisa gaarka ah iyadoo loo maleynayo in falkaan ay gaysteen kooxaha argagixisada ah ee kusoo xoogeystey wayadaan dambe gobolka Barri. Isha: Garowe Online
