-
Content Count
211,164 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Riyadh (Caasimadda Online) – Dowladda Sucuudiga ayaa war kasoo saartay dhawaan xoolo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed oo laga soo celiyay dalka Sucuudiga. Wasaraadda deegaanka, dhirta iyo biyaha ee Sucuudiga ayaa bayaan ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in baaritaanno ay sameeyeen looga helay arigan, xanuunka xoolaha ku dhaca ee (Rif Valley Fever RVF) lagu magacaabo. Xoolihii Sucuudiga laga soo celiyay ayaa tiradoodu waxa ay dhameed 27,000 oo neef, waxaana la keenay dekadda Boosaaso ee Puntland. Xoolaha Soomaaliya ayaa ahaa kuwa ugu badan ee Sacuudiga lagu gowraco Ciidil Adxaha waxayna xujeYda Caalamka ku heli jireen qiimo raqiis ah. Dowladda Sacuudiga ayaa markii hore isticmaali jirtay qorsho ah in Xoolaha Soomaaliya aan Sacuudiga la keenin isla markaasna la sheego inay yihiin kuwa jiran balse waxay fasixi jirtay Bisha Dulxajji maadaama xujey badan ay halkaas tagayaan isla markaasna xoolo badan la gowracay, Xoolaha Soomaaliya ayaana ahaa kuwa kaliya ee lagu dabooli jiray baahida Xujeyda. Sanadkaan, Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay soo celiyey xoolihii loogu talagalay xujeyda ee sanad kasta halkaas la geyn jirtay waxaana soo baxayo warar sheegayo in dowlado kale ay Sacuudiga ka dajiyeen xoolo badan taasna ay keentay in laga maarmo kuwa Soomaaliya. Dowladda Sacuudiga ayaa cuna qabateyn xoog leh ku heyso ganacsiga Xoolaha Soomaaliyeed waxayna taas badalkeeda jaanis siisaa dowladoo waaweyn oo aan tayo ahaan gaari karin xoolaha Soomaaliya. Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Sacuudiga Caasimada Online Xafiiska Makka Al-Mukarama Caasimada@live.com
-
Adis Ababa (Caasimadda Online) – Saraakiisha ammaanka dowladda Itoobiya ayaa su’aalo weydiinaya mas’uuliyiintii ugu sarraysay maamulkii uu madaxda ka ahaa Cabdi ileey ee fadhigiisu ahaa magaalada Jigjiga. Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in saraakiisha sirdoonka iyo kuwa melleteriga ay xabsiyo gaar ah kula kulmeen wasiirro, xildhibaano iyo qaar kamid ah qoyska Cabdi ileey. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiil ka socday Xafiiska Abiy Axmed ay qeyb ka ahaayeen su’aalo weydiinta, inkabadan 50 qof oo ah mas’uuliyiintii maamulka ayaa lagu hayaa xabsiyo kuyaal magaalada Addis Ababa. Taliyiihii Ciidamada Liyuu Booliska iyo Xaaska Cabdi Ileey ayaa la sheegay in jirdil ay kala kulmeen saraakisha Itoobiya sida ay sheegeen mucaaradka Itoobiya. dhinaca kale ciidamada Itoobiya ayaa wali Bandaw adag ku haya shacabka ku dhaqan magaalooyinka Jigjiga iyo Dhagaxbuur, goob joogayaal ayaa sheegay in melleteriga Itoobiya ay diideen in shacabka ay isaga barakacaan magaalada. Magaalada Dhagaxbuur melleteriga Itoobiya waxay xireen boqolaal dhalinyara ah oo ay ku eedeeyeen in ay qeyb ka yihiin xoogaga ka dagaallama dhulka Soomaaligalbeed ee ixtilaalka kujira. Inta badan deegaannada dhulka Soomaaligalbeed hadda wax maamul ah kama jiro waxaana dadka kadeed ku haya melleteriga Itoobiya kadib markii uu burburay maamulkii uu madaxda ka ahaa Cabdi ileey. Xaaladda deegaanadaas ayaa maalmihi iugu dambeeyey aheyd mid dagan kadib khalalaaso halkaas ka dhacay laba maalin kaasoo keenay inuu is casilo madaxweynihii hore isla markaasna la doorto mid cusub oo booskaas buuxin doono. Madaxweynaha cusub ee Itoobiya ayaa wado isbadalo waaweyn oo uu ku sameenayo maamulada hoostago dowladda Federaalka Itoobiya, waxaana muuqato in cadaadis xoog leh la saaray Tikreyga iyo Soomaalida. Dad badan ayaa ku dhintay rabshado halkaas ka dhacay oo u dhaxeeyo qoomiyadaha Soomalida iyo Oromada inkastoo dowladda Itoobiya ay sheegtay inay halkaas geysan ciidamo Federaalka ah oo ka madax banaan labadaan qoomiyad. Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa Caasimada@live.com
-
Makka Al-Mukarama (Caasimadda Online) – Maxkamadda Sare ee Aala Sacuud ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in xalay oo Axad aheyd ay dhalatay Bisha Arafo oo tobanka maalmood ee ugu horreeye ay leeyihiin Fadli gaar ah. Guddiga arrimaha Xajka iyo raad raaca bilaha ayaa xaqiijiyay in xalay oo Axad aheyd ay bishu dhalatay, durbadiiba dowladda Sacuudiga waxay iclaamisay in ciidul adhxaa ay noqon doonto maalinta Talaadada ee ku beegan 21 Agoosto 2018 halka maalinta isniinta ay xujeyda muslimiintu istaagi doonaan Banka Carafo oo ah gudasha rukniga ugu weyn ee arkaanta Xajka. Qaar badan oo kamid ah dowladaha qaaradda Asia ee muslimiintu leeyihiin ayaa dhankooda iclaamiyay in maalinta arbacada ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul adhxaa, dowladaha Arbacada ciidda iclaamiyay waxaa kamid ah Malaysia,indonesia, Pakistan, Burunaay iyo Banghaladheesh. Waa Muusimkii 2-aad oo malaayiin qof muslimiin ah ay ka maqanyihiin Xajka kuwaas oo arrima siyaasadeed loogu diiday in beytka ilaahey ay booqdaan, dowladaha imaaraatka carabta iyo Sacuudiga ayaa dadka kasoo jeeda dalka qadar udiiday in xay Xajiyaan. Caasimada Online Xafiiska Makka Al-Mukarama Caasimada@live.com
-
When Malians go to the polls in the country's runoff presidential election on Sunday, threats of terror attacks again will be on their minds, just as they were two weeks ago during the first round of elections when terror attacks disrupted several polling stations across the country. Source: Hiiraan Online
-
A refugee couple in Tucson were arrested by authorities and are facing numerous charges of falsifying immigration documents, including lying to federal officials about the husband’s involvement with an African terrorist organization, officials said Friday. Source: Hiiraan Online
-
Unye (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wacad ku maray inuu dhagaha ka fureysanayo handadaadda uga imaanaysa Mareykanka ee ku saasban xariga baadari ameerikaan ah oo Turkigu u haysto eedo la xiriira argagixisanimo. Erdogan ayaa Mareykanka uga digay in Turkigu uu diyaar u yahay in uusan ku ganacsan wax doolar ah. Arrintan ayaa timid kaddib markii madaxweyne Trump uu laba jibaaray canshuurta la saarayo birta iyo naxaasta Turkiga uu u dhoofiyo Mareykanka. Mareykanka ayaa dalbanayay in la sii daayo baadarigaasi Turkiga u xiran, balse Erdogan ayaa Washigton uga digay in xiriirkoodu uusan u xumaan sababo la xiriira xarigga baadarigaasi. Madaxweyne Erdogan oo la hadlayay boqolaal qof oo isugu soo baxay magaalada Unye ee Waqooyi bari Turkiga ayuu u sheegay in ay khalad tahay in baadari dartii Turkiga jilbaha dhulka loo dhigo. Waxa uuna intaasi ku daray in dalkiisa uu diyaar u yahay in baayacmushtarigiisu uu ku saleeyo lacag aan doolar ahayn uuna la baayacmushtaro dalal ay ku jiraan Shiinaha, Ruushka,Iiraan iyo Ukraine. Erdogan ayaa ugu baaqay shacabkiisa in ay dalkooda taageeraan oo lacagaha qalaad ee ay haystaan ay ku bedeshaan liiraha dalkooda. Erdogan ayaa tilmaamay inay Alle yihiin haddii uu Mareykanka leeyahay lacagta Dollarka ah. Dad badan oo Turki ah ayay durba saameysay hoos u dhaca ku yimid qiimaha lacagta dalkaasi ee liiraha, waxaana dad deggan magaalada Istanbul ay BBC-da u sheegeen in xaalad xun ay ku jirta lacagta dalkaasi Turkiga.
-
President Tayyip Erdogan denied on Saturday that Turkey is in a currency crisis, dismissing a plunge in the lira as ‘fluctuations’ which have nothing to do with economic fundamentals. Source: Hiiraan Online
-
Asmara (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa gaashaanka ku dhuftay warar kasoo baxay maamulka Galmudug oo ay ku sheegeen inay qabteen xubno ka tirsan ururkaasi, oo ku sugnaa gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya. Sabtidii ayaa Cabdi Muuse, oo ah taliyaha ciidamada maamulka Galmudug ee degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud wuxuu saxaafadda u sheegay inay qabteen 10 qof oo ka tirsan jabhadda ONLF, ee ka dagaalanta dalka Ethiopia. Taliyaha ayaa sheegay in dadka la qabtay ay kasoo carareen dalka Ethiopia, islamarkaana ay si dhuumaaleysi ah ku joogeen magaalada Balanbale, isaga oo intaas u daray in loo gudbin doono magaalada Dhuusomareeb. Si kastaba, ONLF oo arrintan uga jawaabtay qoraal lagu daabacay barta twitter-ka ayaa sheegtay in warka kasoo baxay Galmudug uu yahay mid been abuur ah, oo aan waxba ka jirin, islamarkaana aysan jirin xubno ka mid ah ururka oo lagu qabtay meel ka mid ah Soomaaliya. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in ay jiraan rag hubeysnaa oo Galmudug ay qabteen, balse waxaan caddeyn in raggaasi ay ka mid yihiin ONLF iyo in kale. Bishii August ee sanaddii 2017 ayaa Galmudug waxay qabatay Cabdikariim Muuse Qalbi-dhagax oo ka mid ah ONLF, kaasi oo Xamar oo loo soo wareejiyey, kadibna loo sii gacan geliyey dowladda Ethiopia. Qalbi-Dhagax ayaa kadib lasii daayey bishii June ee sanadkan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya guuxa iyo carada ay Garaadada, waxgaradka iyo dhallinyrada beesha Sool clan ka muujinayaa isku shaandheyntii uu golaha wasiirada ku sameeyey Xassan Cali Kheyre dhawaan. Sida ay ilo xog ogaal ah ku warramayaan waxaa shalay baaqday kulan magaalada Muqdisho ay isugu imaan lahaayeen madaxweyne ku xigeenka Puntland ENG Cabixakiim Cabdullahi Xaji Cumar Camay, Garaad Jaamac Garaad Cali iyo xubno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka dowladda Federal-ka ah. Sida ilo wareedyadu sheegayaan ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo cambaarey lahaa isku shaandeyntii uu sameeyey Xassan Cali Kheyre ee uu ku bedelay wasiirkii kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi. Arintaas ayaa sida la sheegay looga hadli lahaa kulanka iyaga oo u arkay in bedelka wasiir Cabdiraxmaan ku yimi RW Xassan Cali Kheyre oo ku qancinayey madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas. Siyaasiyiinta, isimada, waxgaradka iyo dhallinyarada beesha Sool clan ayaa sida la sheegay u arkay tallaabadaas mid meel ku dhac ku ah maadama wasiirkii xilka hayey ay aad ugu qanacsanayeen. Hase ahaatee, qof la soo xiriiray Caasimadda Online oo codsaday in aan magaciisa la xusin ayaa sheegay in beeshu aad uga niyad jabtay qaabka uu u dhaqmay RW Xassan Cali Kheyre walow aysan beeshu diidaneyn in uu RW sameeyo isku shaandhweyn isaga ka timaada balse waxa ay ka xumaadaan u hoggaansankii amarkii Cabdiweli Cali Gaas. Sida uu u hadalka u dhigay shaqsiga nala soo xiriiray ayaa sheegay in wasiirka hadda loo magacaabay wasaaradda Kalluumeysiga oo isla beesha Sool clan ka soo jeeda uusan ahayn shaqsi aqoon leh marka lala bar bar dhigo wasiirkii uu Cabdiweli Gaas bedelay Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi. Wasiirka hadda ay hadda beesha Sool clan aad uga biyo diiday waa xubin ka tirsan golaha shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waxaa yaab leh sida dadkii Soomaaliyeed loo soo dhex galay, Itoobiyaankii ay Reer Galbeedka iyo AMISOM soo galbiyeen ee Soomaaliya soo geliyeen baa maanta raba inuu Soomaaliya qabiil iyo jees-jees isaga hor keeno, waxaan aqriyay qoraal aan ula yaabay oo qoray nin isku magacaabay Maxamed Abshir Nuur kaasoo sida uu sheegay uu uga jawaabayay qoraal uu qoray Maxamuud Cabdi Sammad Xareed oo cinwaankiisu ahaa Saadaasha Xiisadaha Ka taagan Soomaali Galbeed!….anigu sabab qabiil looga dhigo qoraalka Xareed iigama muuqan mana arkayn wax keeni kara in beel lagu saleey xataa haddii ay ku dheehnayd sababta oo ah waxa uu ka hadalayo ayaa ahaa dhibaato iyo gar-daro guud ahaan lagula kacay magaca Soomaaliyeed isla markaasna ay baahi u qabeen inay helaan qof Soomaali oo xog ogaal ah oo falanqeeya si ay ur ugu baxdo waxna uga ogaadaan hirka cusub ee cadownimmada ku salaysan eek u bilowday dadka Soomaaliyeed markii uu Abiy Axmed noqday Ra’iisal Wazaaraha Itoobiya. Dagaallada iyo colaadda lagu soo qaaday Soomaalida waa ay ka horeeyeen wax badan duullaankii ay ciidammada federal-ka Itoobiya ku soo qaadeen Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya maalintii sabtida ahayd ee August04, 2018, waxaana si baahsan dagaalka looga soo qaaday dhammaan dhulka Soomaalidu degto ee dhaca xudduuda labada dal, iyadoo waliba la sheegay in dadka duulaanka soo qaaday ay ahaayeen ciidammada dowladda federalka Itoobiya oo dharkii soo bedeshay, kuna dagaal galayay magaca qoomiyadda Orommada, waxayna baab’iyeen deegaano dhan dadkii ku noolaa hantidoodiina dhaceen, dagaalkaas ilaa iyo hadda dhab uma joogsan, dadka shacabka ah ee Soomaalida ah ee ku nool xudduudahana waxay wali qabaan walaac xagga ammaanka naftooda iyo hantidooda ah iyadoo aysan dowladda Abiy Axmed qaadan wax talaabo ah oo wax ku ool ah, waxaana la oran karaa waxaa xiisadaha qaboojiyay iska caabbin aan xoog badnayn oo ay sameeyeen shacabkii xuddudaha ku noola oo aan haysan dowlad garab istaagta iyo duni u soo gurmata. Qoraalka xareed guud ahaan qeexayay baaxadda dhibaatada haysata dadka Soomaaliyeed, waa suuro gal marka qoraal nooc uu qoray Xareed oo kale ah la qorayo inay soo galaan magacyo beelo iyo ashkhaas waana ay ku jireen magacyo beeleed iyo shakhsiyaad, taasina ceeb ma aha laakiin sida xaaladda Soomaaliya ay tahay ayaa wax badan macnahoodii bedelaysa, waana midda uu hadda ka faa’idaystay Maxamed Abshir Nuur oo aanan anigu rumaysnayn inuu Soomaali yahay laakiin labo un mid u qaatay A) nin ka mid ah sir-doonka Itoobiya oo kala qaybinta iyo kala fogeynta shacabka Soomaaliyeed ee la burburiyay wali ka shaqayniya, B) Orommada buux dhaafisay dalkii ee af-Soomaaliga bartay ee maalin kasta iyagoo beelo Soomaaliyeed sheeganaya aan baraha bulshada ku arkayno oo raba inay kala geeyaan shacabka Soomaaliyeed, waxaan taas cadayniya Af-Soomaaliga uu wax ku qoray iyo sida uu afka ugu balaarinayo hanjabaad uu Soomaalida (Ogaadeenka) u dirayo iyo dhiiri gelinta uu Orommada siinayo, iyo mansabka KHabiirnimmada uu sheeganayo. Farta cas waa afka Soomaaliga ee muujinaya inuusan Maxamed Abshir Nuur Soomaali ahayn ama waxaa kaloo farta cas ay muujinaysaa sida uu iskugu dayayo inuu qariyo dulmiga iyo waxa lagula kacay dadk Soomaaliyeed ee dowlad deegaanka Soomaaliyeed ee Itoobiya ama Soomaalida kale ee deggan xuddudaha labada dal. Waxaan si qoto dheer u aqriyay qoraalka dheer ee aad soo ku daabacday beejkaasi aan sare ku soo sheegnay, balse waxaan aad ula yaabay sida indha la’aanta ah ee aad ugu hadleyso qabiilka loo yaqaano Ogaadeen, gaar ahaan marka aad is barbardhiga ku sameyneysa laba xaaladood waxaa aad uga muuqda in aan buunbuunineysa Ogaadeen. Qof Soomaali ah ma oranayo “qabiilka loo yaqaan” waayo ogaadeen waa qabiil ka mid ah qabiilada Soomaaliyeed isla markaasna aan ka baxsanayn Soomaalinimada uu iska dhigayo qofka wax soo qoray (Maxamed Abshir Nuur) inuu u dhashay, mana oranayo Ogaadeen baad buunbuuninaysaa waayo waxaa uga filan inay Soomaali yihiin isagana uu yahay Soomaali qabiil ahaan uma uusan arkeen ee Soomaali buu u arki lahaa, maamulkii Cabdi Max’ed Cumar wuxuu doona waa ku dhaaliila karaa layskumana haysto, laakiin dagaallada ay Orammada ku hayso Soomaalida waa mid caam ah oo ka horeeyay wixii sabtigii hore ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee ma aha sida ninkan Soomaaliga iska dhigaya ee ummadda Soomaaliyeed raba inuu kala qaybiyo hadalka u qorayo, bal iska dhaaf Itobiya ee dalkii gudihiisii ayeey Orommadu hawlo dhallan rog ah ka wadaa wax iska qabanayana aysan jirin. Beer laxawsi Soomaalida inteeda kale oo ‘waawareey Oramadii ayaa soo socota’; “Waawareey Orammadii soo socota” nin Soomaali ah oraahdaas ma qorayo waayo cabsidaas maba yaqaan, Soomaalida deggen Itoobiya waligood Itoobiya oo dowlad ah oo qoomiydaha kale oo dhan ay hal dhinac ka soo jeedaan bay keligood la dagaalayeen oo iska celinayeen ONLF keliya ayaa sutida u haysay, laakiin sida ka muuqata hadalka ninka khabiirka isku sheegaya isagaa la soo bajin jiray, iska dhaaf qoomiyad keliyee dadka Soomaaliyeed haddii ay Itoobiya oo dhan isa soo raacdo ma aha dad waligood loo cagajugleeyay ama ka baqa nacabkooda iyo ciddi colaad kala dhexeyso. Ma dhici doono dagaal daba dheeraada oo dhex mara Soomaalida iyo Oramada, xasaradda taagana waxa ay noqon doonaan kuwa soo afgarma; Horta ninkan khabiirka ah eeg sida uu u qoray “Af-jarma” Midda kale way fiicnaan lahayd inuusan dhicin dagaal daba dheeraada laakiin taasi waxay ku xirantahay in cidda gar-darrada wadaa ay joojiso gar-darrada haddii kale dan buu u daba dheeeraan. Ma dhici doonto in madax Soomaali dambe oo Tigree ka amar qaata uu dib ugu talin Soomaalida Itoobiya; Oraahda kore wuxuu ka wadaa miyaa Oroma ayey Soomaalida ka amar qaadanaysaa, is-maamulka Soomaalida wixii lagu heshiiyo oo maamulllada Federal-ka ah ay isku waafaqaan buu kaalintiisa ku leeyahay laakiin cidna si gaar ah ugama amar qaadanayo, ninkii ina yaqaanna waa ogyahay taas. Ma dhici doonto in gabhada ONLF ay talada dalka Itoobiya ay qeyb ka noqdaan iyagoo gabhad ah marka laga reebo in kuwa Soomaalida iyo Itoobiyaanka la jaangaadi kara oo aanan ahayn kuwa ay madax martay Ogaadinimada. Sidee buu u qoray “Jabhad” eeg sidee buu u qoray “Jaan-Qaadi” Tan kale wuxuu si xanaaq ama caro ka muuqato u inkirayaa in ONLF ay dalka Itoobiya sharci ka tahay, wuxuna si cad Soomaalida uga saarayaa inay ka mid yihiin maamulada Itoobiya ka jira wuxuuna wali sii wadayaa ereyga Ogaadeen, “OGaadeenimada madax martay” isagoo afka ka leexinaya Soomaalida xanaaqsan ee lagu soo gar-darooday. Waxaa shaki la’aan ah in qof Soomaali ah oo ka naxaya dadkiisa iyo dalkiisa uusan maanta ka hadleen magac beel maxaa yeelay waxa xudduudaha dalka ka dhacay waa danbi si simman dadka Soomaaliyeed looga galay mana ku hadleen waxa uu ka hadlay KHabiirka Orammada ama ciidammada sir-doonka Itoobiya ee magac Soomaaliga ku-raad-gadanaya, waliba sida aan qiyaasiyo isagoo Soomaaliya jooga. Waxaa ayaantaan aad u soo kordhaya dad badan oo Itoobiyaan ah oo dalkii muddo dheer joogay si aan sharci ahayn, mujtamacii Soomaaliyeed dhex galay afkii bartay oo iyagoo dalkii jooga Ummaddii iyo Qaranimadii Soomaaliya gudaha kala dagaalamaya oo duulaan ku ah, waxaana yaab leh in dowladda Farmaajo iyo KHeyre ay ka hadlaan khilaafka u dhexeeya Sacuudiga iyo Kanada oo aysan ka hadlin waxa dadkooda ku haysta xuddudaha dalka…..Puntland iyo Somaliland Tuke-Raq bay isku haystaanmid kastana waxay ku andacoonaysaa inay xudduudeeda sugayso guryahoodiina waa loo daba maray!…Labada Marada Isku Haysata Hooyadood waa Sida Laftaas!….. W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay is hortaagen Afhayeenkii hore ee Wasaarada Amniga Somalia Cabdi Casiis Xildhibaan oo safar aan laga sii warqabin ku tagay magaalada Hargeysa. Ciidamada amaanka ayaa Cabdi Casiis Xildhibaan ka celiyay Garoonka Hargeysa xili uu doonaayay inuu gudaha u galo magaalada. Ciidamada ayaa Afhayeenkii hore ee Wasaarada Amniga Somalia Cabdi Casiis Xildhibaan ku wargaliyay inuu yahay ajnabi lagana doonaayo inuu la imaado warqadaha fasaxa ee uu ku galaayo magaalada, iyadoo markii danbe dib loogu soo celshay magaalada Muqdisho. Afhayeenkii hore Cabdi Casiis Xildhibaan, ayaa safar maalmo qaatay ku joogay magaalada Garoowe, hase yeeshee qoraal uu sii dhigay beejkiisa ayaa loo sababeeyay diidmada uu kala kulmay ciidamada amaanka Garoonka Hargeysa kadib markii uu qoraal aan munaasib aheyn kasii hormariyay safarkiisa. Cabdi Casiis Xildhibaan oo lagu sii sugaayay Garoonka Hargeysa ayaa saacado kooban lagu hayay Garoonka, iyadoo markii danbe dib loogu soo celshay Muqdisho. Maamulka Somaliland ayaa dhowr jeer Garoomadeeda ka celisay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia kuwaa oo safaradooda lagu tilmaamay mid sharci darro ah. Wasiirka amniga Xukuumada Somalia Ducaale, ayaa warqad kasoo baxday xafiiskiisa xilka looga qaaday Afhayeen Cabdi Casiis Xildhibaan, kadib markii hadalo dhaawacaaya dowlada uu la wadaagay warbaahinta madaxabanaan. Si kastaba ha ahaatee, Cabdi Casiis Xildhibaan oo xilkii laga qaaday ayaa tan iyo markii uu xilkiisa waayay ahaa mid u dhexeeyay magaalada Muqdisho iyo Gobolada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland UCID iyo Waddani Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa safaro kala duwan ku jooga dalalka Kenya iyo Itoobiya. Cirro iyo Faysal oo ay socdaaladoodu yihiin kuwo kala duwan, ayaa waxa ay safaro lagu sheegay kuwo shaqo ku joogaan Nayrobi iyo Addis Ababa. Si rasmi ah looma garanayo ujeedada ay u tageen madaxda mucaaradku dalalka gobalka isku wakhti, laakiin guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa isagu saxaafadda ka soo muuqday isagoo kulamo la qaatay qaar ka mid ah dalalka deeq bixiyayaasha iyo qaar ka mid ah jabhadda ONLF. Guddoomiye Cabdiraxmaan-cirro ayaa isna khamiistii safar ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, welina lagama hayo wax war ah oo la xidhiidha ujeedada socdaalkiisa iyo cid uu la kulmay. Socdaalka masuuliyiinta xisbiyada mucaaradka ee gobalka ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay wakhtigan gobalka Geeska Afrika ka socdaan dabaylo isbedel oo ka bilaabmay Itoobiya, laakiin si yar si yar ugu faafaya gobalka Geeska. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/Weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay dareenka laga qabo doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Puntland. C/weli Gaas, waxa uu sheegay in mar hore ay sii dajiyeen howlaha la xiriira doorashada, waxa uuna carab ***** inaanu jiri doonin wax juujuub ah. Waxa uu sheegay inuu jiro nidaam doorasho oo kala xakameyn doono musharaxiinta iyo cod bixiyayaasha lana doonaayo in cid waliba ay dhowrto. Musharaxiinta loolanka qeybta ka ah ayuu sheegay inay leeyihiin xoriyad gaar ah, hase yeeshee uusan aqbali doonin in lagu tagrifalo xoriyada xadeysan. Musharaxiinta iyo shacabka ayuu u xaqiijiyay in Doorashada Puntland ay ku dhici doonto xiliga loogu tallo galay, waxa uuna meesha ka saaray shakiga dib u dhac ku imaada Doorashada. “Waxaa iigu muhiimsan inaan xaqiijino in doorashada ay ku dhici doonto wakhtigeeda, waa haddii aanu dhicin sabab kale, waayo waxaa na xakumaaya dastuur iyo sharciyo noo yaal” Sidoo kale, C/weli Gaas, mar uu Madaxtooyada maamulka kula shiraayay qeybaha maamulka u qaabilsan Doorashada iyo mas’uuliyiin kale ayuu dafiray in la qorsheynaayo dib u dhac lagu sameeyo Doorashada. Haddalka C/weli Gaas, ayaa mugdi galinaaya shakiyo markii hore ay qabeen musharaxiinta iyo shacabka Puntland kaasi oo ahaa dib u dhac ku yimaada doorashada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Inta aanan u gelin dulucda qormadeyda, Aan marka hore raali-gelin buuxda ka bixiyo Anigoo waliba ku hadlayo magaca Soomaalida ku nool dhulka Jamhuuriyadda xad-gudubkii lagula kacay halgamaa C/kariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), Kaasi oo loo dhiibay maamulka ka arimiya waxan loogu yeero Itoobiya. Waxaana raali-gelintaasi siinayaa guud ahaan Soomaali Galbeed, Gaar ahaan ururuka ONLF oo uu C/kariin ka tirsanaaa. Waxaana rajeynayaa mar alaale iyo marka la helo dowlad Soomaaliyeed oo caadil ah in la maxkamadeyn doono shaqsiyaadkii ka danbeeyey jariimadaasi foosha xun ee dhaawacday quluubta malaayiin Soomaali ah oo u hanweyneyd dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo. Jariimadan, Ayaanan ku koobneyn walaalkeen C/kariin oo qura, Bal waxa ay ku dhacday Soomaali badan oo aan waxbo galabsan. Xaqiiqdii, Waxaa hoos u dhacay qiimaha qofka Soomaaliga ee maanta nool. Taana waxaa u daliil ah dhacdadan iyo kuwa la midka ah ee maalin walba ku dhacayo dadka Soomaalida ee ku dhaqan dhulka Jamhuuriydda iyo deegaanada kale ay xoogga ku haystaan maamulada Xabashida iyo Kenyaatiga. Sow ma’ahayn maalmo ha hor markii aan maqalnay kufsi loo geystay dhabdho Soomaaliyeed oo ku socdaalayey duleedka deg. B/xaawo ? Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan uga waramayo fursadaha dahabiga ah ee maanta horyaallo dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka loo yaqaanno Soomaali Galbeed oo ay dadka qaarna ugu yeeraan Ogaadeeniya, ka dib isbedelkii ka dhacay waxan looogu yeero Itoobiya. Itoobiya, Ayaa waxa ka dhacay isbedel ballaaran oo saameeyey hogaankii dalkaasi oo ay in muddo ah horboodeysey qowmiyadda Tigreeda. Waxa uu isbedelkaasi keenay in ra’isulwasaare loo doorto shaqsi ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ee aannu wax badan wadaagno. Hadabo, Aniga oo aan hadalka dheereyneynin. Waxaan leeyahay waxaa horyaallo walaalaheen reer Soomaali Galbeed fursado dahabi ah oo ay in muddo ah googobayeen, Kuwaasi oo ay ku noqon karaan dal ka madaxbanaan Itoobiya inteeda kale waase haddii fursadahaasi laga faa’iideysto. Sidan soo sheegeyba, Waxaa maanta horyaallo walaalaheena reer Soomaali Galbeed fursado dhayman ah oo ay ku xaqiijin karaan ahdaaf ay in mudda ah u halgamayeen. Tusaale ahaan, Waxaa uu isbedel ku dhacay hab maamulkii ka jiray waxan loogu yeero Itoobiya oo ay hadda la wareegeen hogaankeeda qowmiyadda Oromada oo runtii dhib badan ay ka soo gaareen qowmiyadaha kale ee Itoobiya sida Xabashida iyo Tigreeda oo kale. Qowmiyaddan, Ayaa ah qowmiyad aannu wadaagno waxyaabo badan oo muhiim ah sida diin iyo dhaqan oo kale, Inkasta oo ay ku jiraan kuwa aanan waxba wadaagin sida Booraanta oo kale. Waxaana aaminsanahay in qowmiyadda Oromadu ay garwaaqsan tahay dhibaatooyinkii loo geystay dadka Soomaalida oo un dalbanayey inay u tashadaan dhulkooda oo uu si sir ah ugu daray Itoobiya kale gumeystihii Ingiriiska. Isbedelkan dhacay dartii, Ayaan aaminsanahay inuu Soomaalida u horseedi karo in la weydiiyo waxa ay doonayaan sidiiba horay loogu sameeyey dadka Ereteriyaanka oo qeyb ka ahaa waxan loogu geero Itoobiya. Maadaama qof walba oo bini’aadam ah uu xaq u leeyahay in uu Isagu go’aamiyo masiirkiisa iyo waxa uu doonayo. Hadabo, Ma jirto sabab xaqaasi loogu diido dadka Soomaalida oo runtii ah dad dariskooda ixtiraama. Anigu, Waxaan aamisanahay in dadka Oromada iyo siyaasiyiintooduba aysan dhib u arkin in Soomaalidu ay yeelato dal Iyaga u gaar ah maadaama ay muddo dheer dagaal kula jireen dowladihi soo maray Itoobiya sida ay taariikhdu xuseyso. Waxaan kaloo aaminsanahay in hogaanka cusubi aanu diideyn in afti laga qaado dadka Soomaalida ah, Si loo weydiiyo inay ka go’ayaan Itoobiya inteeda kale iyo inay ka sii mid ahaanayaanba. Fursadaha kale ee jira, Ayaa waxaa ka mid ah inay jirto jabhadd la yiraahdo ONLF oo in muddo ah u soo halgameysay gobolkaasi. Taasi oo dagaal adag la soo gashay maamulkii ay horboodeysay qowmiyadda Tigreeda ee dhibaatada badan geysatay. ONLF, Ayaa aaminsan in afti xor ah oo uu Caalamku goob-joog ka yahay laga qaado dadka Soomaalida ah, ka dibna lagu dhaqmo waxa ka soo baxa aftidaasi dadweyne. Fikraddan, Ayaa ah mid wanaagsan oo ay shucuub badani ku heleen xaqooda. Waana tii u suuragelisay Eriteriyaanka inay ka go’aan Itoobiya inteeda kale. Maadaama maanta Itoobiya la dhegeysanayo mucaarad qura. Anigu, Waxaan qabaa in ONLF ay hogaamiso wixii wadahadal oo lala galayo maamulka cusub ee ay Oromadu horboodeyso, Si looga faa’iideysto fursadaha dahabiga ee maanta jira. ONLF, Ayaa haysata aqoonsi iyo matalaad ay ku matali karto gobolkaasi maadaama ay in muddo u soo halgameysay. Waana sababtaasi sababta aan u leeyahay waa in iyada looga danbeeyaa wixii wadahadal ah oo lala galayo maamulka cusub ee Abey axmed. Waxaa kaloo laga yaaba in ONLFay leedahay saaxiibo badan oo ka tirsan Jabhadaha Oromada oo saameyn ku leh isbedelka dhacay ama dhici doona. Taasi oo haddi ay jiro aad u wanagsan. Dhinaca kale, Waxaan ka digayaa in wax dowr ah la siiyo kooxdii Cabdi Iley maadaama lagu xaglinaayo inay daacad u ahayd maamulkii Tigreeda ee dhibaatooyinka badan u geystay qowmiyadaha Oromada, Amxaarada iyo waliba Soomaalida. Haddii uu isbedel dhaco, Itoobiya waa u caado in qoladii hore ay xabsiyada aaddo ama ay dibadaha u cararto. Waan ku celinayaa mar kale, Waa inayan wax dowr ah yeelan kooxdii Cabdi ee Soomaali waxan bidday. Fursadda ugu muhiimsan ee maanta jirta, Ayaa ah Inuu jiro dareen kacdoon oo ka muuqda dadka Soomaalida oo dareemey awoodda uu leeyahay shacabku marka uu kaco, Islamarkaana uu muujiyo dulqaad iyo adkeysi. Waana sababtaasi sababta keentay inay wadooyinka u soo baxaan Iyaga oo aan waliba ka baqeynin taangiyda waa weyn ee loo keenay in lagu cabsi-geliyo. Ma jiro dunida shacab kacdoomay oo hadana qasaaray. Anigu, Waan qabaa runtii in Shacabka Soomaalida Ogaadeeniya ay sii wadaan kacdoonada Iyaga oo aan dhibaato geysaneynin inta ay ka helayaan xuquuqda ay u baahan yihiin oo dabcan ah madaxbanaani iyo dal iyaga u gaar ah. Laakiin waa in kacdoonadaasi ay towjiihiso jabhadda mucaaradka ee ONLF oo ah midda qura ee maanta ka jirta deegaanadaasi. Walow loo baahan yahay in jabhadda la ballaariyo sida ay qabaan dad badan. Nasiib wanaag, Isbedeladan ayaa imaanayo xilli ay dhulka Jamhuuriyadda ka jirto dowlad la aqoonsan yahay oo uu hogaamiyo shaqsi aan u haysanno inuu wadani yahay, Balse uu ka muuqdo jileec badan oo aanan garaneynin waxa u sabab ah. Dowladdani, Ayaa taageeri karto Soomaalida maadaama ay leedahay awoodo kala iyo saaxiibo badan oo ay arinkan kala hadli karto sida Masar oo kale oo ay Itoobiya is-hayaan sababo ka xariira wabiga Niil. Dowladda madaxweyne Farmaajo, Ayey maanta horyaallaan fursadahan dahabiga ee ay doon-dooni jirtay Dowladdii Maxamed Siyaad ama middi Cabdiqaasim. Waxaana Dowladda looga fadhiyaa inay qaadato dowr ay taarikhdu xusto. Ma jirto Itoobiya maanta laga baqo. Mana jirto dowlad weyn oo si indho la’aan ah u garab-taagan. Waxaa kaloo Dowladda looga fadhiyaa inay isha ku hayso dagaalada u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromad oo dhib weyn geysan kara Markan hadalka soo uruuriyo, Waxaa horyaallo walaalaheena reer Soomaali Galbeed fursado dahabi ah oo ay ku xaqiijin karaan ahdaaf ay in muddo ah u soo halgamayeen, Kuwaasi oo maanta si fudud loo xaqiijin karo. Waxayna u baahan yihiin oo keliya inay midoobaan oo ay ku dabafeylaan jabhadda ONLF oo ay ahdaafteedu cad cad yihiin, Islamarkaana ay ku jiraan qodobo horseedi kara inay noqdaan dal madaxbanaan sida qodobka aftida oo kale. Maadaama la dhegeystay shucuubta kala duwan ee Itoobiyaanka sida Oromada oo kale, Waa in markan la dhegeystaa shacabka Soomaali Galbeed oo in muddo ah ku jiray halgan dheer. Waa in markan laga qaado afti dadweyne, Si loo weydiiyo waxa ay doonayaan. Danbi ma’ahan runtii in shacabkaasi la weydiiyo waxa ay ka yeelayaan masiirkooda. Maxay uga duwan yihiin Ereteriyaanka iyo South Suudaaniiska oo kale ?! Ugu danbeyntii, Waxaan u soo jeedinayaa walaalaheyga reer Soomaali Galbeed oo aan aad u jeclahay talooyinka soo socda oo aan rajeynayo inay qaadan doonaan maadaama aan ahay walaalkood ku ka soo jeeda dhulka Jamhuriyadda ee aragti ahaanna aaminsan aragtida Soomaaliweyn ee qiimaha badan. 1-In ka kala diro dhammaan nidaamkii hore ee uu hogaaminayey Cabdi Iley. 2- In la sameeyo gole siyaasadeed ama maamul KM ah oo uu deegaanku yeesho. 3- In la cafiyo dhamaan dadkii wax ka haleeyey Soomaalida Ogaadeeniya, Iyadoo la midoobayo 4- In ONLF loo daayo wixii wadahadal ah oo lala galayo maamulka cusub ee ay Oromadu horboodeyso. 5- In laga fogaado dagaal dhexmara qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo dhib weyn geysan kara. 6- In la bilaabo kacdoon nabadeed oo lagu dalbanayo in afti laga qaado dadka Soomaalida. 7- Iyo ugu danbeyn in la dhiso gole siyasadeeed oo matala dhamaan Soomaali Galbeed. W/Q: Maxamed Ibrahim Iidka1@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa xiliyada habbeenkii ku guuleysatay shaqo galinta Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho. Dekada Muqdisho ayaa waxaa laga hir galiyay leyrar waaweyn oo Maraakiibta u sahlaaya in xiliyada habbeenkii ay kusoo xirtaan dekadda, halka maraakiibta shaqo dhameysta ay ka rawaaxi karaan dekadda xiliyada hebbeenkii. Gaadiidka xamuulka ee ka shaqeeya dekadda ayaa iyaguna xiliyada habbeenkii loo fasaxay inay qaadan xamuulka, halka xiliyadii hore ay rarka qaadi jireen maalinta oo qura. Mas’uuliyiin isugu jirta Wasiiro, Xildhibaano, Taliyayaal iyo Saraakiil ciidan ayaa kormeer ku gaaray dekadda Muqdisho xili ay socotay shaqada habbeenkii. Mas’uuliyiinta ayaa sharaxaad laga siiyay jadwalka shaqada oo lagu kordhiyay xiliyada habbeenkii waxa ayna aad usoo dhaweeyen isbedelada ka socda dalka oo gaaray xili la shaqeeyo habbeenkii. Talaabadaani ayaa timid kadib markii dhawaan uu Madaxweyne Farmaajo Amray in si deg deg ah dekedda Habeenkii looga shaqeysiiyo.
-
Qaar ka mid ah shacabka Gobolka Nugaal ayaa ku wareejiyay gacanta Hay,addaha Amniga Puntland nin kasoo jeeda Gobolladda Waqooyi ee Somaliland oo lagu tuhmayo falal amni daro oo looga shaki qabo inuu ka sameeyo deegaano ka tirsan tuulooyinka Yoombeys iyo Xasbahale ee Gobolka Nugaal sida ay u xaqiijiyeen Warbaahinta PUNTLAND POST qaar ka mid ah odoyaal iyo waxgarad Ninkaan ku wareejiyay Hay,addaha Amniga. Ninka la qabtey ayaa wararku sheegayaan tuhunkiisu inuu ku yimid dhawr arrimood ka dib markey uga shakiyeen dadka deegaanadaas, waxaana ka mid ahaa isagoo weydiiyay ama ka codsadey qaar ka mid ah dadka tuulladda Yoombeys inay u sheegaan ama u tilmaamaan goobta laga heli karo Islaan Ciise Islaan Maxamed oo warar madax banaan sheegayaan maalmo ka hor inuu gaarey halkaas. Sidoo kale qaar ka mid ah saraakiisha amniga Puntland ayaa u sheegay Warbaahinta PUNTLAND POST inuu jiro hub lagu qabtey ninkaan gaar ahaan bistoolad uu sitay, taasna ay ka mid ahayd sababaha dhaliyay tuhunkiisa ninkaan oo heybtiisu kasoo jeedo beelaha Gobolladda Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya. Waxay intaas ku dareen saraakiishu inuu socdo baaritaan la xidhiidha tuhunka shaqsigaan laga soo qabtey baadiyaha fog ee hawdka Gobolka Nugaal islamarkaana aysan dooneyn inay ka hordhacaan xogta baadhitaankooda. Ugu dambeyn qeybo badan oo ka tirsan shacabka caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa si weyn u hadal haya qabashada ninkaan oo warar horudhac ah sheegayaan inuusan qiran ilaa iyo hadda arrimo la xiriira falal amni daro balse kaliya uu ku doodayo inuu ahaa shaqsi shaqo tag ah. PUNTLAND POST The post Garowe oo la keenay nin falal amni daro lagu tuhmayo oo laga soo qabtey Baadiye appeared first on Puntland Post.
-
The Government has officially launched the National Economic Council, which was established by a presidential decree on July 12, 2018. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, (Caasimada Online) — Somali especial forces, backed by US troops have allegedly killed four civilian people near Leego town, some 120km southwest of Somali capital Mogadishu. The coalition forces carried out Friday’s raid at main high-way linking Baidoa and Mogadishu, leaving 4 people , including a mother and her child dead, according to a witness, who asked to be anonymous. He says bullet riddled bodies had been found by local residents and then, being laid to rest earlier on Saturday near Leego town. The Somali army forces, along with US forces were reportedly airlifted back to Balidogle airbase , about 70 miles from Mogadishu, after carrying out the operation. The Baledogle airfield is also where U.S. military experts train Somali forces and help them launch attacks on al-Shabab positions in south and central Somalia. Somali military officials were unavailable to reach on phone for comments on the latest civilian killing in an attack near Leego town. Earlier this year, Somalia, US especial forces killed 10 armed fighters belonging to Al Qaeda inspired group of Al Shabaab, battling the weak-western-backed government of Somalia, after joint military operation in the town. In Somalia, US military also intensified its airborne attacks against the Somali militants in attempt to dismantle the group’s organized attacks. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-178/082018, uu maanta ku shaaciyey in xukuumaddu La-wareegtay Hantida Dawladda ee Haamaha Berbera, Amniga iyo Baarkinka Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Qodobka 14aad xubintiisa 1aad iyo Qodobka 54aad xubintiisa 1aad ee Dastuurka; Markaan Arkay: Qodobka 3aad (2) (kh), 32 (2) (g), iyo 33 (2) (b) ee Xeerka Hay’adda Duulista Madaniga ah ee Xeer Lr.70/2017; Markaan Arkay: Qodobka 6aad ee Xeerka Takaalifta Amniga Madaarada ee Xeer Lr. 61/2013; Markaan Garwaaqsaday:In daryeelka iyo ilaalinta hantida guud ay tahay waajib saaran xukuumadda, hantidaas oo hadii loo baahdo lagu wareejin karo kali ah, si sharciga waafaqsan, sida ku cad qodobka 12aad ee Dastuurka dalka; Markaan Xaqiiqsaday: Mihiimadda ay leedahay la soo noqoshada hantida dawladda, oo il-duuf sharci ku jiro habka loo wareejiyay, maadaama aanu jirin Xeerka Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsiga Gaarka ah (PPP Act); Markaan Arkay: Mihiimadda ay leedahay in dawladdu la soo noqoto hanti-ahaan iyo maamul ahaanba Haamaha Shidaalka Berbera, Adeegga Amniga Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, iyo Baarkinka Madaarka Cigaal, sababo amni iyo dhaqaale awgeed; Markaan Xaqiiqsaday: In sii wadidda heshiisyadii lagu wareejiyey adeegyada bulshada ee ay xukuumaddu ka masuulka ahayd aanay ku jirin danta guud ee qaranka, isla markaana ay ka hor imanayso waajibka xukuumadda ka saaran ilaalinta hantida Qaranka iyo uga faa’iidaynta dant guud; Markaan Helay: Talo soo jeedinta guddida dhaqaalaha iyo horumarinta ee Heer Qaran iyo talo bixintii sharci ee heshiisyadii dhex-maray Xukuumadda iyo Shirkadahah BOG, SRM iyo EPASS; Waxaan Go’aamiyey; 1) In la buriyay heshiisyadii lagu wareejiyay adeegyada: Haamaha Shidaalka (BOG), Adeegga Amniga Madaarada (SRM), iyo Adeega Baarkinka Madaarka Cigaal (EPASS). 2) In xukuumaddu ay gabi ahaanba ula soo noqotay si sharciga waafaqsan maamulkii, gacan-ku-hayntii, Adeegii iyo Qalabkii Haamaha shidaalka ee Berbera, Amniga Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, iyo Adeegga Baarkinka Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee ay hayeen shirkadaha kala ah; BOG, SRM iyo EPASS. 3) In Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha Iyo Dalxiiska, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Hay’adda Duulista Hawadu ay keenaan qiimaynta dhabta ah ee dhaqaalaha ay Shirkadaha BOG, SRM iyo EPASS ku maalgaliyeen Haamaha Shidaalka Berbera, Amniga Madaarkada Caalamiga ah ee Cigaal iyo Baarkinka Madaarka, soona xaqiijiyaan dhaqaalaha ay ka heleen. 4) In Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay khusaysaa ka gutaan waajibkooda sharci ee fulinta qodobbadan kor ku xusan. 5) In Shaqaalihii ka hawl-galayey adeegyadani ay shaqadooda u sii wadanayaan si caadi ah.
-
Jowhar (PP) ─ Talilyaha ciidamada Midowga Afrika ee Somalia jooga [AMISOM], Jen. Jim Owoyesigire ayaa amar ku siiyay ciidamada AMISOM inay la hawlgalaan kuwa Dowladda Somalia si loo joogteeyo hawl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Jen. Lwoyesigire ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid la doonayo in hannaanka hoggaaminta ciidamada xilliga dagaalka lagu baro ciidamada DF, isagoo sheegay in tani ay qayb ka tahay qorshaha kala guurka ee AMISOM ay uga baxayso Somalia. “Ciidamada Somalia waxay leeyihiin tababarro gaar ah, waxaana doonaynaa in si wadajir ah ay ula shaqeeyaan kuwa AMISOM, si loogu diyaar-garoobo in AMISOM ay dalka ka baxdo xilligii loo qorsheeyay,” ayuu yiri taliyahan oo u dhashay dalka Uganda. Sidoo kale, Jen. Owoyesigire ayaa hadalkan sheegay mar uu ciidamo ka mid ah kuwa AMISOM uu kula hadlayay shalay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana xarun u ah maamul-goboleedka HirShabelle. Taliyaha ayaa hadalkiisa ku daray in qorshan wadajirka ah uu yahay mid ay ku doonayaan in ciidamada dowladda Somalia ay ku bartaan qaabka amniga loo sugo, xaqiijinta xasilloonida iyo inay ku dhiirradaan inay la wareegaan amniga guud ee dalka. Dhanka kale, Jen. Owoyesigire ayaa ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM wuxuu ku boorriyay inay xoojiyaan ammaanka waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, taasoo ay dhawr jeer ka dhaceen weerarro ay Al-shabaab fuliysay oo qaarkood lala beegsaday ciidamada AMISOM iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle, laguna dilay xildhibaanno. “Hawlgalka wadajirka ah ee AMISOM iyo ciidanka Dowladda Somalia wuxuu xoojinayaan amniga guud ee dalka, wuxuuna sahlayaa in cidamadu ay sidii ay doonaan isaga gooshaan Gobollada Dalka Somalia, sida inay sahadayda gaarsiiyaan halkii ay doonaan,” ayuu yiri Jen. Jim Owoyesigire. Taliyaha ayaa ku boorriyay ciidamada wadajirka u hawl-galaya inay xiriir aad u wanaagsan la yeeshaan shacabka ku nool deegaannada ay hawl-gallada ka fulinayaan iyo weliba cuqaasha, si ay u dhex-marto wadashaqeyn looga hor-tagayo khataraha Al-shabaab. Ugu dambeyn, Taliyaha ciidamada AMISOM ayaa wuxuu Jowhar kulan kula yeeshay madaxweynaha maamulka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare oo ay kawada hadleen xoojinta amniga deegaannada uu maamulku ka taliyo in la isku kaashado dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Ciidanka AMISOM oo lagu Amray inay la Hawl-galaan Millateriga Dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in mid kamid ah Abaanduulayasha ciidamada Militeriga Somaliland uu u goostay Jabhad kasoo horjeeda maamulka oo dhawaan la aasaasay. Abaanduulihii Saddexaad ee Ciidamada Millateriga Soomaaliland Jamaal Baaxad iyo Hub uu la goostay, ayaa ku biiray Jabhad la magac baxday dib u xoreynta Somaliland taas oo uu dhawaan aas’aasay Sarkaal horey uga goystay Somaliland oo lagu magacaabo korneel Caare. Abuunduulahan iyo Saraakiil kale oo ka goostay maamulka ayaa iminka ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Sanaag gaar ahaan deegaanada Gobolkaas ay Puntland ka maamusho. Jabhadaani ayaa waxaa inteeda badan ku mideysan Mas’uuliyiin iyo Saraakiil xilal kasoo qabtay Somaliland kuwaa oo xiligaan aad u dhaliisan maamulka Muuse Biixi. Maamulka Puntland ayaa garab u ah Saraakiishani oo xiligan heysta Hub farabadan oo lagala goostay maamulka, kuwaa oo la sheegay in lagula dagaalami doono isla maamulka Somaliland. Qeybo ka mid ah gobolka Sanaag gaar ahaan deegaanada Gobolkaas oo ay maamusho Puntland ayaa waxaa ka socda abaabul dagaal oo ka dhan ah maamulka Muuse Biixi, waxaana lasoo warinayaa in Jabhadaasi ay dhaqaale xoogan ku bixineyso Puntland. Maamulka Somaliland wali kama uusan hadal sarkaalkaas iyo aas’aasitanka Jabhada cusub ,waxa ayna ku soo aadeysaa xilli xiisado dagaal oo u dhaxeeysa Puntland iyo Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Sida ay kusoo waramayaan dadka ku nool gobolka Jubadda Dhexe maleeshiyada Al-Shabaab ayaa xabsi dhigtay Ajaaniib la sheegay inay kasoo jeedan dalka Kenya. Maleeshiyaad ka tirsan qeybka Gobolka ayaa Ajaaniibtaasi ku xiray Xabsi ku yaala degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe, kadib markii looga shakiyay inay basaasiin ahaayen. Ajaaniibtan oo kor u dhaafeysa afar ayaa la sheegay in Degmada laga dhexqabtay xili ay ku mashquulsanaayen ku hadalka teleefano dibadda ah, sida laga soo xigtay dadka deegaanka. Maleeshiyada ayaa ajaaniibtaasi ku heysa baaritaano ay ku xaqiijineyso tuhunka laga qabo ee basaasnimada ah. Sidoo kale, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa inta badan beegsata Ajaanibta ku sugan degaanada ay gacanta ku hayaan, waxaana ay sheegan in ay yihiin Sirdoon u shaqeeya dalalka reer Galbeedka. Ma cadda sida ay Al-Shabaab ka yeeli doonaan ajaaniibta ku jirta gacantooda, waxaana suuragal ah in kiiskooda uu intaa kasii bato. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com