Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taliska Ciidanka ilaalada waddooyinka ayaa sheegay in sanadkaan ay diiwaangeliyeen ku dhowaad Kun shil oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Taliyaha Ciidanka taraafikada Gen Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in Sagaalkii Bil ee lasoo dhaafay ay Muqdisho ka dhaceen 875 shil, waxaana 625 ka mid ah ahayeen shilalkaasi kuwo Mooto Bajaaj. Taliyaha ayaa sheegay in sababaha ugu weyn ee shilalkan yihiin, darawallada oo aan xirfad wanaagsan lahayn iyo sidoo kale iney ku socdaan meel aan sharci ahayn. Shilalkaasi dhacay ayuu sheegay iney geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Cod-Taraafiko.mp3 https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Cod-Taraafiko.mp3 Shil Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabella Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay shirar ay maalmihii dambe magaalada Nairobi ku yeesheen madaxda dowlad goboleedyada. Waare ayaa sheegay in aanu sharci ahayn shir uu ka maqan yahay maamulkooda oo ay isugu yimaadaan golaha iskaashiga dowlad goboleedyada. Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in maamullada kale ay xaq u leeyihiin iney shirar gaar ah yeeshaan, balse shirka golaha aanu qabsoomi karin inta maamul ka maqan yahay. Maamul walbo ayuu sheegay in go’aankiisa lagu qadarinayo, islamarkaana aanay jiri doonin maamul wax lagu maquuniyo. Maamulka Hirshabelle ayaa dhowana la heshiiyey dowladda federaalka, halka maamullada Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo K/galbeed weli ku adkeysanayaan go’aankoodii ahaa iney hakiyeen xiriirkii ay la lahaayeen DFS. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Cod-madaxweyne-Waare.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Maamulka Puntland ayaa ka digey Roob Dabeyl xooggan wata oo kusoo wajahan Xeebaha Gobolka Bari. Agaasimaha Hay’adda Musiibooyinka Puntland ee Hadma Cabdilaahi Axmed Cayro ayaa u sheegay Goobjoog iney digniin u direen kalluumesatada iyo dadka Reer miyiga ah ee Xoolo dhaqatada ah si ay isaga jiraan khatarta duufaanta. Duufaantan ayaa wadata roobab, waxaana uu sheegay in ay ku wajahan tahay dhanka dalka Yemen, balse ay saameyn ku yeelan doonto deegaanno Puntland, gaar ahaan kuwa ku yaalla xeebaha gobolka Bari. Sidoo kale agaasimaha ayaa sheegay in ay ku wargeliyeen ganacsatada doomaha wax ku keensada, islamarkaana fareen in illaa iyo Isniinta soo aaddan sugaan. Dabaylahan ayuu sheegay in Sabtida iyo Axadda la filayo iney saameeyaan deegaannada Puntland. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Agaasime-Cayow-Puntland-10.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Maxamed Cabdi Salaad Nuur iyo Gacal Maxamed Cali Maxamed ayaa loo heystaa in ay ka wada tirsan yihiin Al-Shabaab gaar ahaan kooxda ay ugu yeeraan Amniyaadka, waxaana ciidamada amniga ka soo kala qabteen degmooyinka Cabdicaziiz iyo Wartanabadda. Eedeysanaha koowaad ayaa Al-shabaab kaga biiray gobolka Shabeelaha Dhexe sanadii 2015 gaar ahaan halka loo yaqaano Gamboole, waxa uu tababar seddax bil ah ku soo qaatay xero ku taalo duleedka Gamboole halkaasi uu ku bartay isticmaalka hubka fudud iyo tuurista bam gacmeedka (F1). Gacal Maxamed Cali Maxamed oo ah eedeysanaha labaad ayaa iska diiday dhammaan eedaha loo jeediyay oo ay kamid ahaayeen in uu magaalada ku soo dhaweeyay eedeysanaha koowaad ayna wada deganaayeen hal guri sidoo kale ay lahaayeen hal horjooge oo isagana ugu war dambeysay isagoo joogay halka loo yaqaano Sabiid, Gacal ayaa gacanta ciidamada amniga soo galay sidaad iyo tobanka (18) bishii Afaraad (4) ee sanadkan. Bilowga fadhiga hore ee Maxkamadda ayaa si wada jir ah loo dhageystay eedda ay soo diyaariyeen xafiiska xeer ilaalinta iyo Qareenada difaacayay eedeysanayaasha, waxaa sidoo kale fursad loo siiyay eedeysanayaasha in ay ka hadlaan goobta maxkamadeyntooda. Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aamisay in labada eedeysane lagu kala xukumo Maxamed Cabdi Salaad Nuur Sideed sano (8) oo xabsi ciidan ah halka eedeysana Gacal Maxamed Cali Maxamed Sedax sano (3) oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Eedeysanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karo Rafcaan. Source: goobjoog.com
  5. Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in gacan ay siin doonaan dadka ku dhaqan gobolka Shabellaha Dhexe ee bilaabay iney la dagaallamaan Al-shabaab. Cismaan Xaadoole oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda maamulkaasi ayaa sheegay in ay fududaaneyso in Al-shabaab laga saaro deegaannada Hirshabelle. Xadooley ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay iney shacabka dareemaan dhibta Al-shabaab, una bareeraan dagaal fool ka fool ah waa sida uu hadalka u dhigaye. Dowladda dhexe ayuu sheegay in dhankeeda diyaar u tahay caawinta dadka shacabka ah ee la dagaallamaya Al-shabaab, shacabkana laga doonaya in aysan ka niyad jabin dagaalladan. Macawisleyda Shabellaha Dhexe ayaa Todobaadkii tagey waxay dagala xooggan kaga hortageen Al-shabaab, iyadoo dagaalkan uu ka dhacay deegaanno ku dhow degmada Aadan Yabaal ee Sh/dhexe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Riyadh (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud. Mudane Khayre iyo Boqor Salmaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kulamo la qaadanaya madaxda Bangiga horumarinta Islaamka oo ay ka wada hadlayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, maal-gelinta iyo dib-u-habaynta ballaaran ee lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa kulan midkaan ka duwan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga Adel bin Ahmed Al-Jubeir. Kulanka oo ka dhacay qasriga ra’iisul wasaaruhu ka deganyahay magaalada Riyaad ayaa horudhac u ahaa kulan uu ra’iisul wasaaraha XFS uu yeelanayo madaxda sare ee boqortooyada Saudi Arabia. Ugu dambeyn, Kulanka ay wada qaaateen RW Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ayaa waxaaa goob-joog ka ahaa Wasiirrada arrimaha dibada Axmed Ciisa Cawad iyo Wasiirka Warfaafinta xukuummadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan la qaatay Boqorka Sucuudiga Salmaan Bin Abdulaziz appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb galay munaasabad ay qeybaha bulshada Gobolka Banaadir isku-xusuusinayeen musiibadii Qaran 14-kii Octoobar 2017. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xusuusiyey bulshada Soomaaliyeed muhiimadda ay leedahay in meel looga soo wada-jeesto kooxaha caadeystay dhibaateynta shacabka, oo weli maskaxda ummadda Soomaaliyeed ay ka guuxeyso falkii argagaxisada ee 14-kii Octoober 2017. “14-kii Octoober 2017 waxay ahayd maalin madow oo kooxda manaxayaasha ay dhibaato xoog-leh u geysatay shacabka Soomaaliyeed, Ilaahay waxaan uga baryaynaa inuu naxariistiisa ka waraabiyo dadkii naftooda ku waayay, kuwii ku dhaawacmayna caafimaad siiyo, Waana in loo midoobaa Argagixisada oo caadeysatay xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.” Duqa Muqdisho ayaa sheegay in loo diyaar garoobo sidii maalintan loo xusuusin lahaa dadka Soomaaliyeed, isla markaana meel looga soo wada-jeesto dhibaatada ay maleegayaan argagixisadu. Ugu dambeyn, Munaasabadda ayaa waxaa hadallo ka jeediyey qeybaha bulshada ee ka qeybgalay munaasabadda, waxayna dhammaantood caddeeyeen falkii waxashnimo ee dhacay 14-kii Octoober inuu mideeyey quluubta Shacabka Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday in loo midoobo la dagaalanka Kooxda Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  8. Tan iyo markii la waayey weriyihii Sacuudiga ahaa ee Jamal Khashoggi waxaa soo baxayey warar ku saabsan dilkiisa. Saaka jaraa’idka Turkiga waxaa ay daabaceen 15 Sacuudiyaan ah, kuwaas oo yimid Imaaraadka iyo Masar waxaa ay saarnaayeen labo diyaarad oo kala ah; HZ SK1 and HZ SK2. Kooxdan ayaa looga shakisanyahay In aay hilibka weriyaha boorsooyin ku qaateen maadama diplomacyiinta la baarin marka aay dal kale booqanayaa ama ka dhoofayaan. Waa Kuwan Magacyada 15-ka Loo Doonayo Dilka Jamal Khashoggi : Meshal Saad M Albost, Salax Muhammad A Tubaigy, Naif Xassan S Alarifi, Muhammed Saad H Alzahrani, Mansur Othman M Abahuseyin, Khaled Aedh G Altaibi, Abdulaziz Muhammed M Alhawsawi, Waleed Abdullah M Alsehri, Turki Musharraf M Alsehri, Thaar Ghaleb T Alharbi, Maher Abdulaziz M Mutreb, Fahad Shabib A Albalawi, Badr Lafi M Alotaibi, Mustafa Muhammed M Almadani iyo Saif Saad Q Alqahtani BBC-da waxaa ay maanta daabacday cod ka baxsan hawada, oo ay ka duubeen Jamaal Khashoggi, codkaasi waxaa uu Jamaal meesha ka saarayaa inuu dib ugu noqonayo dalka Sacuudiga isaga oo tusaale u soo qaatay nin saaxiibkiis ahaa oo ay Sacuudiga xireen. Saxafiga Jamaal Khashoggi ayaa la la’yahay tan iyo talaadadii hore, kolkaas uu galay qunsuliyadda ay Sacuudigu ku leeyihiin Istanbul. Xiriirka siyaasadeed ee Turkey iyo Saudi sida uu noqon doono lama saadaalin karo balse In uu sii xumaan doono bey u badantahay iyadoo la ogyahay in uu awalba fiicneyn. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii maalmo ka hor Wasiiru dowlaha Maaliyadda Xukuumadda Somaliya Maxamuud Xayir Ibraahin uu u gafay shacabka deeganada Koonfur Galbeed, ayaa maanta wuxuu bixiyay raali gelin. Maanta kulanka Golaha Shacabka waxaa soo xaadiray 156 Xildhibaan, ajendaha wuxuu ahaa xisaab xirka dowladda ee sanadkii 2017. Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa ugu horeyntii Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim u sheegay in golaha hortiisa uu raali gelin ka siiyo shacabka maayga ku hadla ee uu qadafka ka galay. Intaasi kadib Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa istaagay, oo bixiyay raalli-gelin, waxaa isna raalli-gelinta aqbalay Xildhibaan Maxamed Fanax oo goobta ka hadlay. Wasiir Xayir oo maanta ka hadlay kulanka Golaha shacabka ayaa yiri “Hadalkii aan dhahay hadii si kale loo dhahay raali gelin ayaan bixinayaa xildhibaan fanax iyo saaxiibbadii kale ee sida kale ii fahmay.” Shacabka reer Koonfur Galbeed ayaa si wayn uga carooday hadalkii ka soo baxay Wasiirkaan Xukuumadda ka tirsan, inkastoo raali gelin uu hadda bixiyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Gabadha u doonneyd suxufiga reer Sacuudi ee la waayey kadib markii uu galay qunsuliyadda dalkiisa ee magaalada Istanbul, ayaa sheegtay “inuu qabay cabsi ah inuu halis ku sugan yahay” hase yeeshee uusan ka wel-welin in dhismaha qunsuliyadda dhib lagu gaarsiin karay. Hatice Cengiz, oo Turkish ah, ayaa wargeyska Washington Post ku qortay in gacaliyaheeda Jamal Khashoggi uu markii hore qunsuliyadda tagey 28-kii September, kadibna uu ku laabtay toddobaadkii tagey, markaasi oo uu lahaa ballan ku saabsan inuu kasoo qaato waraaqo uu u baahnaa si uu ayada u guursado. Jamaal dib looma arag markaas kadib. Cengiz ayaa kalsooni ka muujisay awoodda mas’uuliiinta Turkiga ay u leeyihiin inay ogaadaan waxa dhacay, waxayna ugu baaqday madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu gacan ka gaysto in la ifiyo waayitaanka suxufiga. Waxa ay sidoo kale ku boorisay mas’uuliyiinta Sacuudiga inay soo bandhigaan muuqaallada kaamirooyinka amni ee ku dheggan hareeraha qunsuliyadda. Saudi Arabia ayaa sheegtay in Khashoggi uu ka tagey qunsuliyadda, waxayna ku gacan seertay eedeymaha saraakiisha Turkiga ee ah in lagu dhex dilay qunsuliyadda. Khashoggi ayaa ahaa suxifi aad u dhaliil jiray dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan, wuxuuna wargeyska Washington Post ku qoray qormooyin badan oo ka dhan ah, isaga oo si dibad-joog ah oo uu isaga doortay ugu noolaa dalka Mareykanka muddo sanad ah. VOA
  11. MOGADISHU (Caasimada Online) — Somalia’s Al-Shabaab firing squad has executed five men in a public execution, after accusing them of being spy for UK, US and Somali governments. The execution took place in Jilib town, some 280 km (175 miles) south of Somali capital Mogadishu In a statement, Al-Shabaab’s governor for the Jubba regions said its fighters executed Awale Ahmed Mohamed, 32 spied for MI6. The group says the victims were spying for US, UK and Somali governments. There was no immediate comment from US and UK over the claims made by Al-Shabaab. “We killed 5 men – 4 of the them spied for the United States and United Kingdon and helped guide drones to carry out strikes in Somalia”, the group said. The Al Qaeda linked Al-Shabab, which once controlled much of Somali capital Mogadishu, in 2011, wants to tople the weak-westren backed government of Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  12. Ankara (Caasimadda Online) – Saxaafadda Turkiga ayaa shaacisay sawirrada 15 sarkaal oo Sacuudiyaan ah kuwaasoo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen in la waayo qoraaga caanka ah ee Sacuudiga Jamaal Khashogi oo Talaadadii 2-da Bishan lagu waayey Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Muuqaalada iyo magacyada Saraakiisha Sacuudiga oo gaaraya 15 ayaa laba diyaaradood ku tegay magaalada Istanbuul isla maalintii la waayey Qoraaga Jamaal Khashogi, waxayna isla maalintaas ka duuleen magaalada iyadoo ku kala laabtay Sacuudiga, markii ay sii mareen Qaahira iyo Dubai. Waxaa raggan loo heysaa inay ka danbeeyeen dilka Qoraaga iyo wixii ku dhacay, iyadoo uu socdo baaritaanka halkii uu ku danbeeyay Qoraaga oo si weyn looga hadal hayo dunida oo dhan, iyadoo lagu wado in warbixin rasmi ah ay soo saarto dowladda Turkiga. Faafinta magacyada iyo muuqaalada raggan lagu tuhusan yahay inay yihiin kooxdii geysatay wixii ku dhacay qoraaga oo dhaliili jiray madaxda Boqortooyada ayaa jug kale ku ah Sacuudiga oo tuhunka dilka qoraaga uu saaran yahay. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
  13. Two Kenyan teachers were killed on Wednesday when suspected Al-Shabaab militants threw an explosive device at a teacher’s house in Mandera county near the Somali border, police said. Source: Hiiraan Online
  14. The Somali militant group al-Shabab claims it killed a British spy yesterday. Source: Hiiraan Online
  15. Maanta kulanka golaha shacabka waxaa soo xaadiray 156 Xildhibaan, ajendaha wauxuu ahaa xisaab xirka dowladda ee sanadkii 2017. Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa ugu horeyntii Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim u sheegay in golaha hortiisa uu raali gelin ka siiyo shacabkii maayga ku hadla ee uu qadafka ka galay. Intaasi kadib Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa istaagay, oo bixiyey raalli-gelin, waxaa isna raalli-gelinta aqbalay Xildhibaan maxamed fanax oo goobta ka hadlay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Militariga Mareykanka ayaa talaadadii sheegay inay weerar cirka ah ka fuliyeen Soomaaliya todobaadkan kadib dagaal dhex maray dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo garab ah iyo Al-shabaab. Africom ayaa intaasi raaciyey in weerarka ay qaadeen 6-dii bishan uu ku dhintay hal Al-shabaab ah, wuxuuna ka dhacay Kunyo Barrow, waqooyiga Kismaayo. “Waxaan ogaannay in aan rayidka waxba soo gaarin dhaawan ama dhimasho” sidaasi waxaa tiri Africom. Weerar kale oo Mareykanku ka fuliyeen agagaarka Kismaayo waxaa ay ku dileen 9 Al-shabaab ah. Dhinaca kale, Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxa ay xukun dil ah ku fuliyeen Shan nin oo ay ku eedeeyeen basaasnimo. Raggan oo da’dooda ay u dhaxeysay 22 ilaa 36 sano ayaa waxa ay Shabaabku ku eedeeyeen inay basaasiin u ahaayeen hay’adaha sirdoonka reer galbeedka iyo dowladda Soomaaliya. Raggan ayaa lagu toogtay fagaare ku yaalla Degmada Jillib ee gobolka Jubadda Dhexe, xilli halkaasi la isugu yeeray dadweyne kala duwan oo daawanayay qaabka xukunka dilka uu u dhacay. Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Kenya iyo reer galbeedka ayaa kuu sii siqaya Jamaame oo u jirta 42 KM magaalada Jilib. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in maamulkiisa aanu ka qeybgalin shirkii u dambeeyay ee madaxda maamul goboleedyada ay ku yeesheen Nairobi. Madaxweyne Waare ayaa sheegay in ay tahay nasiib daro in shir uu ka maqanyahay maamulka Hir-shabeelle la qabto iyada oo maamulkiisa uu ka mid yahay maamulada dalka ka jira. Waare ayaa sheegay in Hir-shabeelle aynan aqoonsan doonin islamarkaasina ay ka soo horjeedo wax kasta oo ka soo baxa shirkaasi maadaama Hir-shabeelle aanay ka qeyb galin. Madaxweynaha maamulka Hir-shabelle ayaa ka baaqday ka qeyb galka shirka madaxda maamul goboleedyada oo ka dhacay Nairobi, kadib markii culeysyo ay madaxweyne Waare ka soo wajaheen Baarlamaanka maamulkiisa oo mooshin ka soo gudbiyay. Maxamed Cabdi Waare ayaa dhawaan sheegay in heshiis uu la gaaray dowlada dhexe ee Soomaaliya xili uu jiro khilaaf u dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada iyo dowlada Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Waare “Ma aqbaleyno shirar ay Hirshabeelle ka maqantahay in ay dhacaan” appeared first on Puntland Post.
  18. Berbera (Caasimadda Online) – Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland Cabdulalahi Ismaaciil seylici iyo Xubno Wasiiro ah oo la socda ayaa waxa ay gaareen Magaalda Berbera,iyada oo halkaasi siwyen loogu soo dhaweeyey. Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka ayaa la sheegay inay ka qeyb geli doonaan munaasabad lagu dhagax dhigayo dhismaha dekad labaad oo laga dhisayo Magaladaas,isla markaana ay dhiseyso shirkada DP World. Dekadaan labaad oo Berbera ay ka dhiseyso Shirkada DP World ayaa qeyb ka ahaa heshiiskii Soomaaliland iyo DP World ay horay u kala saxiixdeen,waxana munaasabada ka qeyb geli lahaa Madaxweyne Muuse Biixi balse ay wax isbedeleen. Shirkada DP World ee laga leeyahay Wadanka imaaraadka Carabta ayaa horay looga mamnuucay Soomaaliya inay ka Shaqeyso,waxaana haatan ay si buuxda u maamushaa dekadaha Berbera iyo boosaaso ee Maamulka Puntland. Waxaa meel xun gaaray xiriirka ka dhaxeyo Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka Carabta kadib kacdoonkii ay Dowladaha Khaliijka ku qaadeen Qatar markaas oo ay Soomaaliya sheegtay inay dhex dhexaad ka tahay. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weli saxiixin go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ay shirkaddaas kaga mamnuuceen Soomaaliya iyadoo aan weli faahfaahin laga helin sababta uuu saxiixi waayey. Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Shalay u ambabaxay dalka Sacuudiga waxaana laga yaabaa inay Sacuudiga dhex dhexaadiso Soomaaliya iyo Imaaraadka. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  19. Cali Gacal Casir oo Xildhibaano katirsan baarlamaanka Gal-Mudug ay sheegeen in xilka ka qaadeen xilkii gudoomiyaha baarlamaanka Gal-Mudug islamarkaasina doorasho shalay ka dhacday Dhuusamareeb lagu doortay gudoomiye cusub ayaa ka hadlay sida uu arko gudoomiyaha la doortay. Cali Gacal Casiir ayaa gaashaanka u daruuray doorashadaasi isaga oo sheegay in uu isaga yahay gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Gal-Mudug doorashadii ka dhacdayna Dhuusamareeb in ay tahay mid sharci daro ah. Cali Gacal ayaa sheegay in hadda ay wadaan qorshaha doorashada Madaxweynaha maamulka Gal-Mudug xili ay kal hore sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Axmed Ducaale Gelle Xaaf madaxweynaha Gal-Mudug. Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafaadka u dhaxeeya madaxda maamulka Gal-Mudug oo dhamaantood sheegay in ay xilalka iska qaadeen iyaga oo fariisimo ka sameeytay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado oo katirsan Gobolka Gal-gaduud ee bartamaha dhulka Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Cali Gacal Casir oo ka hadlay Gudoomiyihii lagu doortay Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  20. Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun ku riday eedeeysanayaal ay sheegtay in ay ka tirsanyihiin kooxda Al-shabaab. Maxamed Cabdi Salaad Nuur iyo Gacal Maxamed Cali Maxamed ayaa maanta maxkamada ka soo hormuuqday kuwaasi oo ka tirsan amniyaadka Al-shabaab. Ciidamada amniga dowlada Soomaaliya ayaa labadaan nin ka soo qabtay degmooyinka Cabdicasiis iyo Warta-nabadda ee Muqdisho. Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aamisay in labada eedeysane lagu kala xukumo Maxamed Cabdi Salaad Nuur Sideed sano (8) oo xabsi ciidan ah halka eedeysana Gacal Maxamed Cali Maxamed Sedax sano (3) oo xabsi ciidan sida uu xukunka ku dhawaaqay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Hoos ka Daaawo Sawirada eedeeysanayaasha Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Maxkamada Ciidamada oo xukun ku riday rag ka tirsan Al-Shabaab appeared first on Puntland Post.
  21. Maamulka Gobalka Sool ee Puntland ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Somaliland ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen meel u dhow Deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi. AbuAbukar C/raxmaan Geelle, guddoomiyaha gobolkaas ayaa xusay in dhankoda ay diyaar u yihiin in nabadda la qaato, balse dhanka Somaliland weli ay ku madax adeegeyso in Tukarraq ay iyagu weli maamulaan. Waxa uu sheegay in coalad wax faa’ido ah aanu u lahayn Labada dhinac muhiimna ay tahay in la wada hadlo. Puntland ayuu sheegay in dhankeeda ay xilli walbo goobeysa nabadda dadka Soomaaliyeed ee deriska ah, balse dhanka Somaliland loo taag la’ yahay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Gudoomiyaha-Gobolka-Sool-Ee-Puntland-9-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa shalay gelinkii dambe 5 qof oo shacab ah ku toogtay fagaare ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe. Dadka la toogtay oo dhammaantood rag ahaa ayaa Al-shabaab ku eedaysay in ay la shaqeynayeen sirdoonka dalalka Soomaaliya,Maraykanka iyo Ingiriiska,sida ay daabacday warbaahinta taageerta Al-shabaab. Magacyada ragga la toogtay ayaa lagu kala sheegay; Cabdicasiis Cabdisalaam Sheikh Xasan oo 22 sano jir ah, Maxamed Cabdullaahi Cawil oo 35 sano jir ah,Jeyllaani Cabdullaahi Nuur oo 36 sano jir ah,Cawaale Axmed Maxamed 32 sano jir Iyo Cabdulqaadir Isxaaq Amiin oo aan da’diisa la xusin. Xaakimka Al-shabaab ee xukunka riday ayaa sheegay in dhammaan ragga la toogtay ay maxkamadda ka hor qirteen in ay hoos kala shaqeynayeen sirdoonka Soomaaliya iyo dalalka shisheeye islamarkaana caddaymo kale loo helay denbiyada loo haysto. Ma jirin wax qiraal iyo caddayn ah oo uu soo bandhigay qaaddiga Al-shabaab marka laga reebo hadalka uu afka ka sheegay,taasi oo shaki gelinaysa sax ahaansha xukunka uu riday. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sidaan oo kale marar badan dad shacab ah u laayay iyagoo ku eedeeyay in ay sirdoon u ahaayeen dowladda Soomaaliya iyo dalal shisheeye intaba. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo goob fagaare ah ku toogtay 5 qof oo shacab ah appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) -Shabakadaha Dambiyadda ayaa Iran u isticmaalayaa Bar ay marto Dhuxusha Soomaaliya ee sida sharcidarada ah loo dhoofiyo taas oo Al-shabaab ay Malaayiin doolar ka sameeyaan canshuur ahaan, sida lagu sheegay Warbixin uu Qoray Guddiga la soconka Cuneqabateynta Soomaaliya oo ay aragtay Reuters. Warbixin sanadeedka oo aan wali la daabicin ayaa waxaa ay u sheegeysaa golaha Amaanka ee QM in Dhulka iyo Nidaamka Al-shabaab ay Canshuurta kasameeyaan ay ka weeynyihiin midka Dowladda Faderaalka ah ay Canshuurta ka sameeeyso ama ka qaado. Warbixintaan ayaa lagu sheegay inay Shabaab dhuxusha u dhuufiyaan dalka Iiraan iyadoo la isticmaalayo aqoonsiyo qaldan oo ah in Dhuxushaas lagu sameeyey dalka Iiraan. Warbixinta ayaa sheegtay in Doomo yar yar oo lagu dhajiyey Calanka Iiraan lagu dhoofiyo Dhuxusha, waxaana Imaaraadka Carabta lagu sheegay inay tahay meesha ugu badan ee Dhuxushaas la geeyo. “Jawaanadda Dhuxusha ah waxaa lagu qaadaa doomo yar-yar oo watta calanka Iran waxana loo dhoofiyaa Dekedda Al-Xamariya ee Imaaraadka carabta iyagoo doomahaasi isticmaalaaya aqoonsi khaldan oo ah in dhuxusha Iran lagu sameeyay” ay kooxda la socodka Cune qabateynta Soomaaliya warbixintooda ku xuseen. Warbixintu waxay ku qiyaastay in Imaraadka Carabtu uu Dhuxusha Somaaliya ku iibsaday 150 milion oo dollar muddo sanad ah, Imaraadkana dhuxusha waxaa aad loogu isticmaalaa Karista iyo in lagu shido dhalooyinka Shiishadda laga cabo. Dalka Iran ayey Warbxintu sheegtay in uu marin u noqday maraakiibta dhuxusha sida uuna jibiyay mamnuucistii QM ee dhoofinta dhuxusha Soomaaliya kadib markii Cuman ay adkeeysay Hanaanka Kastamyadeeda. Al-Shabaab ayaa la sheegay inay Sanadkii iibka Dhuxusha ka sameeyaan ilaa lacag gaareyso 7.5 Malyan oo Dollar sida ay xustay Warbixinta. Dhanka kal warbixintaan ayaa lagu sheegay inay Shabaab Canshuurta ka qaadaan dhul baaxad ahaan ka weyn midda ay Dowladda Soomaaliya ka qaado Canshuurta. Warbixinta ayaa lagu sheegay in shakhsi kasoo goostay Kooxdaan uu sheegay in Bar Koontarool oo 160Km Waqooyi Galbeed kaga beegan Muqdisho Maalin kasta ay Kooxdaan Canshuur ahaan ka hesho 30 Kun oo Dollar waana Wadada isku xirto Muqdisho iyo Baydhabo. Lacagtaas ay Al-Shabaab ka sameeyaan Bartaas Koontarool ayaa la sheegay inay sanadkii tahay 10 Malyan oo Dollar taasoo ah lacag aad u badan oo kooxdaan ka saacidi karto inay weerarada sii badiyaan. Warkaan ay Daabacday Reuters wali kama aysan hadlin dalalka Imaraadka carabta iyo Iran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Jowhar (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay Idaacaddaha Muqdisho ayaa sheegay inuusan sharci aheyn kulanka la filayo inay Maamulada ku yeeshaan Garoowe. Wuxuu sheegay in wax kasta oo kasoo baxo kulankaas iyo midka ay Maamulada ku yeesheen Nairobi aysan khuseyn Maamulkiisa Hirshabelle. Wuxuu xusay inuusan la qabin Maamulada kale waxyaabaha iyo cabashada ay u gudbiyeen Beesha Caalamka, isagana uu Mas’uul ka yahay Maamulka Hirshabelle. Wuxuu ku eedeeyey Madaxda Maamul Goboleedyada kale inay ka baxeyn ballantii lagu galay Kismaayo isla markaasna ay ka shaqeenayaan wax aan dan ugu jirin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Waare waxaa uu sheegay in Hirshabeelle iyo dowlad goboleedyadda uu ka dhaxeeyo xiriir Wanaagsan, balse aysan aqbali doonin Golaha Iskaashiga ay shiraan Hirshabeelle oo aan ogeyn,Maadaama maamulada ay wada dhisteen Golaha. Waare ayaa Dhawaan ku dhawaaqay inuu la heshiiyey Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyadoo Maamul Goboleedyadana ay soo saareen warbixin ay kaga hadlayaan arrintaan oo ay ku sheegeyn inaysan khuseyn Maamulada kale. Wasiir ayaa hadda xiriir fiican la leh Dowladda Dhexe, waxaana muuqato inuu weli jiri jahwareerka siyaasadeed ee u dhaxeeyo Madaxda Sare ee dalka iyo Maamul Goboleedyada oo aan siyaasad ahaan is keeni karin. Kulanka Garoowe ay ku yeelan lahaayen Maamul Goboleedyada ayaa baaqday Maanta kadib cadaadis xooggan oo uga imaaday Beesha Caalamka. Halkaan hoose ka dhageyso Hadalka Waare https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Waare.mp3Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  25. What’s being billed as the world’s largest sleep study suggests that getting too much sleep might be just as bad as not getting enough of it. Source: Hiiraan Online