-
Content Count
211,144 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The Milwaukee Muslim Women’s Coalition, along with coordinated efforts from local volunteer groups, held a voter registration drive on August 24 as part of the National Muslim Voter Registration Day, a grassroots campaign to reach and register U.S. Muslim voters in Wisconsin and across the country. Source: Hiiraan Online
-
Somalia has joined the China-proposed Belt and Road Initiative, aiming at boosting cooperation and communication with participating nations. Source: Hiiraan Online
-
President Uhuru Kenyatta has said it impossible to say when Kenyan troops will withdraw from Somalia. Source: Hiiraan Online
-
I was born stateless – that is, legally without a country. So I was shocked and disturbed to learn the Conservative Party of Canada passed a motion last week to end birthright citizenship in Canada Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo wuxuu markii saddexaad magacaabay taliyaha ciidanka xoogga dalka muddo 18-bilood ah, dad badan arrintaan waxey ku tilmaameen fudeed siyaasadeed iyo ka fiirsi la’aan, weyna adag tahay in ciidanka xoogga dalka saldhigtaan maadaama uu jahawareer ka taagan yahay hogaankooda. Indhaqarshe waa qofkii ugu dambeeyay ee madaxweyne Farmaajo uu usoo magacaabay xilka taliyaha ciidanka xoogga, mana ahan nin ku cusub xilkaan, hadaba waxaa is weydiin mudan muxuu madaxweyne farmaajo ku doortay indhaqarshe?. Caasimada waxay baartay ujeedada ka dambeysa magacaabista Indhaqarshe, waxaana la hadalnay qaar ka mid ah saraakiisha xoogga dalka. Madaxwyene Farmaajo wuxuu lixdii bilood ee lasoo dhaafay waqtigiisa ugu badan la qaatay ciidanka xoogga, laba ilaa saddex jeer oo kala duwan ayuu xafiiskiisa u raray wasaaradda gaashaandhigga halkaas oo uu habeenno badan ku hoyanayay. Waxaa naloo sheegay in madaxweynaha uu wareysanayay ciidanka mar walba oo uu meesha tago, isagoo kulamo gaar-gaar ah la qaadanayay saraakiisha, waxyaabaha uu diiradda saarayay waxaa ka mid ahaa hoggaanka ciidanka, qanacsanaanta, sida looga adkaan karo Al-Shabaab, maareynta dhaqaalaha ciidanka iyo qofka ugu habboon xagga hogaanka. Warar hoose ayaa sheegaya in Saraakiil badan ay madaxweynaha usoo jeediyeen inuu isbadal ku sameeyo hoggaanka ciidanka, xog aruurinta Farmaajo wuxuu ku ogaaday in Indhaqarshe uu yahay qofka ugu mudan ee manta hagi kara ciidanka xogga dalka, sidoo kale askarta wey la qabaan arrintaas marka lala barbardhigo taliyihii ugu dambeeyay ee militariga Cabdiwali Jaamac Gorod. Inkastoo Indhaqarshe uu horay ugu fashilmay booskaan, hadana waxaa la isku raacsan yahay inuusan jirin qof ka mudan oo uu farmaajo aamini lahaa. Dadka arrimahan la socda waxey leeyahiin, hadii uu saxo qaladaadkiisii hore, wax badan ayuu ku guuleysan karaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garowe (Caasimada Online) – Daacish waa xarako islaami ah oo ku cusub gayiga Soomaaliya, horay waxaa u jiray Al-Shabaab oo ay isku qaab u dagalamaan isku qaabna u ugaarsadaan. Waligaa ma maqashay Al-Shabaab ayaa weeraray Somaliland? Jawaabtu waa Maya. Hadana Daacish isla dhabbahaas ayey martay, hadaba ma taqaanaa sababta aaney labadaba u weerarin Somaliland? Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa todobaadkaan farta ku fiiqay xiriirka la qariyo ee ka dhaxeeya Somaliland iyo xooggaga islaamiyiinta ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay in Somaliland ay gacan ku leedahay hawlgalladada Al-Shabaab iyo Daacish. Sidee ku dhici kartaa in Al-Shabaab iyo Daacish oo ku sugan agagaarka buuraha Gal-gala ay weeraraan Puntland balse aaney u weerarin Somaliland, tiiyoo labada maamulba ay u fududahay iney weeraraan, taas waa arrin u baahan in baaris guud lagu sameeyo, balse Gaas oo uu dagaal kala dhaxeeyo Somaliland wuxuu arrintaan ku fasiray inuu jiro gacansaar labada dhinac ah, dad badan arrintaan wey la qabaan Gaas waxeyna aaminsan yahiin in Somaliland ay dhaqaalo ahaan taageerto labada koox taasina ay sababtay inaaney marnaba falal amni darro ah ka geysan deegaanadeeda. Waxaa u baahan in aad loo baaro cidda xiriirkaan fududeysay, ma ganacsata Somaliland ama Dowladd, dad badan waxey aaminsan yahiin in dowladdu fududeysay bale wax cadeyn ah looma hayo. Labadii jeer ee ugu dambeysay hogaanka Al-Shabaab waxaa qabtay laba nin oo kasoo jeeda Somaliland, taas laftirkeeda waa arrin tuhun badan abuureysa, si walba dadka wax falanqeeya waxey leeyahiin eedeynta Gaas waa loo qaateen. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Jabhad cusub ka dhan ah maamulkiisa oo uu ku dhawaaqay Korneel Caare oo kamid ahaa Saraakiisha maamulkiisa. Muuse Biixi, waxa uu sheegay inuu la socdo dhaqdhaqaaqa Jabhada kasoo horjeeda maamulkiisa ee uu ku dhawaaqay Korneel Caare, hase yeeshee uusan aqbali doonin in la burburiyo Somaliland. “Cidna kama yeeli doono in Somaliland ay u horseedo burbur iyo abuurka Jabhado looga soo horjeedo maamulka aan hogaaminaayo” “Korneel Caare kama diidin wadahadal balse kama qaadan doono inuu qalalaaso amni galiyo maamulka waxaa u furan wadahadal iyo inuu la imaado tabashooyinkiisa” Muuse Biixi, waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu la fadhiisto misna la hadlo Korneel Caare iyo garabkiisa, balse uusan diyaar u aheyn colaado Jabhadeed oo xiligan ka dhaca Somaliland. Si kastaba ha ahaatee, Koeneel Caare oo la goostay ciidamo iyo gaadiid dagaal ayaa isku dhiibay maamulka Puntland waxa uuna halkaa kaga dhawaaqay Jabhada looga soo horjeedo Xukuumada Biixi oo lagu eedeeyay cadaalad daro. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa amar lagu xiray dhamaan Albaabada laga galo Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho markii laga soo tago hal albaab oo keliya. Amarkani oo kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM ayaa waxaa ugu weyn oo sabab looga dhigay amni darro iyo habacsanaan dhanka amaanka ah. Taliska oo helay xogo Sirdoon ayaa la xaqiijiyay inuu qatay go’aanka lagu soo koobay Albaabada laga galo xarunta iyo kuwa laga baxo, waxaana lagu soo koobay hal albaab oo qura, sida aan wararkeena hore ku sheegnay. Haddaba sababaha ugu weyn soo bixitaanka amarkaasi oo lagu soo koobay 3 arrin ayaa kala ah:- 1-Weeraro laga cabsi qabo in lagu qaado Xarunta kadib hanjabaado is xigxiga oo gaaray Taliska AMISOM ee xalane. 2-La socodka gaadiidka gala xarunta oo hoos u dhacay iyo Al-Shabaab oo laga cabsi qabo inay isticmaasho gaadiidka gaashaman isla markaana ka gasho albaabada dhowrka ah midkoodkood. 3-Saraakiisha cadaanka ee degan Xerada Xalane oo cabasho ka muujiyay Shidaal sharci daro iyo saadka ciidanka oo laga saaro Albaabada la amray in la xiro oo aan ku badneyn isticmaalka. Xerada Xalane ayaa waxaa deegaan ku ah diblumaasiyiin iyo Saraakiil ciidan oo ka socda dowladaha deeqaha bixiya kuwaa oo tuhun ka qaba shaqooyinka ay hayaan taliyayaasha AMISOM, oo qaarkood suuqyada u iibgeeya shidaalka iyo Saadka ciidamada. Ciidamada AMISOM ee ilaalada ka ah xerada Xalane ayaa waxaa u sahlanaan doona koontaroolka Xerada maadaama laga gali doono hal albaab oo keliya. Al Shabaab ayaa dhawr mar isku dayay inay weeraro ku qaadaan Xarunta Taliska ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee Xalane oo ah goob amnigeeda si wayn loo adkeeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xili la filaayo in dhawaan ay doorasho ka dhacdo maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia, ayaa waxaa arrintaasi ka hadashay Wasiirkii hore ee Caafimaadka Somalia Aamina Maxamed Mursal. Aamina Maxamed Mursal, ayaa sheegtay inay kamid tahay shaqsiyaadka Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan kula tartamaaya xilka, waxa ayna DFS ugu baaqday inay faragalin kusoo sameyso doorashada. Aamina Maxamed Mursal, ayaa sheegtay in qaban qaabada doorashadaasi uu Afduubtay Shariif Xasanb Sheekh Aadan isla markaana ay ka cabsi qabaan in la qabto doorasho magac u yaal ah. Shariif Xasan ayey sheegtay in sida uu rabo uu umaamulanayo doorashadaasi oo u taagan yihiin dhowr Musharrax. “Dowlada Somalia waa inay faragalin kusoo sameysaa doorashada, musharaxiinta aan aniga kamidka ahay xitaa kama warqabaan howlaha doorashada waa inaan helnaa cadaalad loo maro doorashada” Waxa ay ugu baaqday dowaldda federaalka ah ee Somalia xitaa inay hakiso doorashada inta laga saxaayo gudiga Doorashada, waxa ayna cod dheer ku sheegtay inaanu dhici doonin doorasho xalaal ah. Haddalka, Aamina Maxamed Mursal, ayaa kusoo beegmaaya xili qeyla dhaan xoogan laga muujinaayo qaabka ay u socoto doorashada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Fallanqeyntaan kooban ayaa jeclahay inaan wax yar kaga iraahdo isbedallada siyaasadeed ee hareeyay dalka Itoobiya, gaar ahaanna arrinta Qawmiyada somaliada Maxaa keenay in la xiro Cabdi Max’ed Cumar? Sida ay faafisay wakaalada wararka ee Itoobiya ee FANA, xeer illaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa sheegay in loo haysto dacwado la xiriira gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagri fal awoodeed. Lama oga caddeymaha xeer illaalinta ay maxkamadda horkeeni doonto, iyo goorta maxkamadda la hor geyn doono. Sida ifafaalaha wax u socdaan laga kororsan karo waxaa weeye in Itoobiyada maanta ay heyso dhabbe colaado daba dheeraan karta ku waasoo ka dhaca gudaha dalkaasi. Waxaa soo muuqdey astaan cabsi leh. Marka aad daawato waxa ka socda magaalada Jigjiga Taariikhda Itoobiya, marka dib loo raaco durba waxaa fahmi karaynaa in dagaal dhaca joojintiisa ay aad u adag tahay sababtoo ah colaadda qowmiyaddaha ma ahan wax si sahal ah lagu dhamayn karayo. Dadyoowga qaar ayaa siyaabo kale duwan ku macneynaya arrinka siyaasadaysan kaasoo muujinata arrinka Shidaalka. Waxaana xusid mudan inuu jiro dagaal waqti dheer socday oo ka dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo tan uu ka soo jeedo Raysal wasaaraha Itoobiya ee Oromada. Waqtigani waxaa awooda Dawladda Faderaalka ah Qawmiyad ahaan xukunka Gacanta u galay Oromada waxay aaminsan yihiin in ay keensadaan dad la shaqeyn kara, isbedalka hadduu ku eg yahay Soomaali Galbeed waa mid uun la doonayay in meesha lagaga saaro MW hore Cabdi Maxamuud. Su’aasha isweydiinta mudan waxaa weeye, xukuumadda Abiy Ahmed ma waxay ciqaabeysaa Cabdi Maxamuud Cumar kaliya mise dhammaan dadkii xukunka Tigreega iyo Amxaarada gaboodfallada ku geystay mise Tigreega waa laga baqayaa, oo hubka iyo dhaqaalaha ay ka gurteen Itoobiya ayaan lagu maagi karin haatan? Haddii isbedalku macnihiisu yahay sidii Oromada ay u keensan lahayd Soomaali daacad u ah, waxa dhacay lama oran karo isbeddal ee dadka ku nool Soomaali Galbeed waxay wajaheen xaalad ah (KUD KA GUUR OO QANJA U GUUR) Waa sababta Jigjiga Millateriga Itoobiya u weerareen iyadoo horay qowmiyadda Soomaalida ay u maqnayd xuquuqdooda oo la yiri shidaalka dhulkooda laga helay waxaad ka leedihiin 5% taasoo noqota amakaag. Waxaan ka Danjire ahaan doonayaa inaan cabbiro xiisada weli aan saldhigan ee siyaasadda cabsida leh waxa ka imaan kara haddii aynaan joogsan. Khilaafka muuqda. Dhowr caqabado oo xalkoodu berri adkaan karo sida ay wax u socdaan marka laga eego waxaana weeye Qodobadan aan ka fikiray. 1-Colaadda qowmiyadaha oo cirka isku shareerta. 2- Dhaqaale xumo ka dhacda Soomaali Galbeed iyo guud ahaan Itoobiya. 3- Xasuuqii lagu hayay umadda Soomaaliyeed inuu xadka dhaafo. 4- In Dhul hor leh laga sal kiciyo Soomaalida iyadoo Oromo doonaysa dhul ballaarsi. 5- In kooxo diimeedyo hubeysan ay ka dillaacaan gudaha Itoobiya taasoo dhalinaysa amni darro wadanka oo dhan. 6- In la waayo qof u dooda xaqa Soomaalida kaga maqan xukuumadda Abiy. 7- Iyo in Soomaali Galbeed ay dad badan ka qaxaan arrintaasoo noqonayn tii ugu horreeysay balse nasiib darro kale ay tahay. Waxaan wada og nahay Qawmiyadda saddexaad ee ugu badan wadanka Itoobiya inay tahay Soomaali, waxaana jirta cabsi badan oo laga qabo waana taas sababta xasuuqyo badan ay kaga dhaceen gudaha DDSI.Gaar ahaan dhulka u dhaxeeya dirdhabe iyo jigjiga. Caqabadaha aan soo xusay waxaa lagaga hortagi karaa iyadoo Raysal wasaare Abiy Ahmed uu ka dhabbeeyo ballanqaadkiisa xuquuqda shaqsiga islamarkaana cadaalad ay wada helaan dhammaan qowmiyadaha Itoobiya ku nool. Sababtu waxaa weeye haddaanan xal loo helin saameynta ka dhalan karta waxay soo gaaraysa gudaha Soomaaliya. oo ka abuuri kartaa colaad iyo Qax cusub. Qore Danjire Hore Maxamed Maxamuud Nuur (Caalim), ah aqoonyahan iyo siyaasi darsa siyaasadda waddamada gobolkani Afrika, islamarkaana ku nool dalka Finland. Email: Caalim68@hotmail.com
-
Sydney (Caasimada Online) – Saynisyahanno ka tirsan Machadkadka Garvan ee cilmi-baarista caafimaadka ee dalka Australia ayaa helay “xubin yar” oo ka tirsan jirka aadanaha oo aan horey loo aqoon, xubintani waxey mas’uul ka tahay la falgalka nidaamka difaaca jirka marka uu cudur ku soo laalaabto jirka. Website-ka Science Alert ayaa sheegay in saynisyahannada xubintan cusub daahrogay ay ka heleen dusha sare ee Iymph nodes ee jiirka macmalka laga baaray. iyagoo isticmaalaya microscope laser ah, kaas oo suuraggal ay tahay in lagu qaado sawirro heer sare ah oo 3D. markii ay baaritaan ku sii sameeyeen xubintan jirka aadanahana wey ka heleen. Xubintan cusub ayay u bixiyeen “subscapular proliferative foci” oo marka la soo gaabiyo noqoneysa (SPFs), taas oo habdhiska difaaca ku taageeraysa inuu xasuusto cudurkii horey u soomaray, saynisyahannadu waxey horey u ogaayeen in ay jiraan unugyo noocaas oo kale ah jirka aadanaha, laakiin halka uu ku yaallo ma aaney garaneyn, haddase arrintaasi wey u suuraggashay. Mid ka mid ah cilmi-baarayaasha ayaa tilmaamaya, “Marka uu jirku bakteeriyo dilaa ah la dagaallamo muddo 20-30 daqiiqo, ilbiriqsi kastaa muhiimadeeda ayay leedahay. haddii aan si kale u dhigno, falcelinta habdhiska difaaca jirka haddii uu gaabis noqoto qofku wuu dhimanayaan, sidaa dartaad; qofku inuu tallaal helo waa muhiim si uu jirku ula sii qabsado oo uu u diyaar sanaado si marka uu mar labaad arko cudurkii uu uga hortago si dhakhsiyo badan.” Cilmi-baaristan ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqaysa in xubintan cusubi ay ku taallo goob aad u wanaagsan si falcelinta difaca jirka uu u noqdo mid si degdeg badan cudurka u difaaca. marka marlabaad ay bakteeriyadii jirka soo weerarto waxa uu u baahan yahay inuu soo saaro Iymph nodes -kii loo baahaana si uu cudurka uga hortago. Caasimada Online Xafiiska Sydney caasimada@live.com
-
Labada musharax ee Garowe Maanta oo Arbaco ah waxaa xarunta PDRC ee Garowe ka dhaceysa doorashada duqa caasimada Garowe iyo ku xigeenkiisa, sida la shaaciyay shalay kadib dhaarintii Xildhibaanada golaha cusub ee degmada Garowe. Doorashadan oo ka xamaasad yar tii ka horeysay ee dhacday 2015-kii waxaa ku tartamaya labo musharax oo u taagan qabashada duqa caasimada, kuwaas oo kala ah Axmed Siciid Muuse iyo Axmed Abshir Jaamac, sidoo kale ma jirto cid wali isu soo taagtay ku xigeenka duqa. Labada musharax mid walba waxa uu sheegay in uu wax ka qabanayo amniga magaalada iyo muranka dhulka oo ah labo arrimood oo Garowe ka taagan, waxayna khudbadooda rasmiga ah maanta ka hor jeedin doonaan golaha deegaanka cusub. Waxa laga yaqaano labada Musharax Musharax Axmed Siciid Muuse Axmed Siciid Muuse oo loo yaqaanaa (Axmed Barre), wuxuu ahaan jiray ganacsade, wuxuuna kamid ahaa asaasayaashii shirkadda korantada ee Garowe ee NECSOM, sanadkii 2005-kii ayuu markii ugu horeysay ku biiray saaxada siyaasadda, isagoo noqday Xildhibaan Puntland, 5 sano kadib mar kale ayaa dib loogu doortay sanadkii 2009-kii waxaana uu Xildhibaan Puntand ahaa 9 sano oo xiriir ah. Axmed Barre hadda wuxuu madax ka yahay bangiga Iftin qeybtiisa Garowe, dhawaan ayuuna ku dhawaaqay musharaxnimadiisa duqa Garowe. Musharax Axmed Abshir Jaamac Axmed Abshir Jaamac oo loo yaqaan (Bakuuke) waa nin ku cusub saaxada siyaasada, waana aqoon yahan dhalinyaro ah oo bare ka ah mid kamid ah jaamacada Puntland, dhawaan ayuu ku dhawaaqay in uu u taagan qabashada xilka duqa degmada Garowe. Saadaasha doorashada duqa Garowe Sida ay ogaatay PUNTLAND POST waxaa doorashada duqa Garowe ugu cadcad musharax Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) oo la sheegay in uu hayso inta badan codadka golaha deegaanka, inkasta oo wax walba ay isbadeli karaan. Dadka sida gaarka ah ula socda doorashadan ayaa sidoo kale sheegay in ay u badan tahay in Axmed Barre ku guuleystan doono, maadaama aysan jirin musharaxiin badan oo codadka qeysan kara. Doorashan ayaan ogaanay in ay ku dhici doonto qaab gacan taag ah, oo ka duwan sidii hore oo ahayd qarsoosi. Doorashadan ayaa lagu kala bixi doona wareega ugu horeeya, waxaana lagu kala guuleysan doonaa cod dheeri. PUNTLAND POST The post Yaa ku guuleysan doona duqa Garowe? appeared first on Puntland Post.
-
Deputy Chief Justice Philomena Mwilu abused office for personal gain and received a bribe, Director of Public Prosecutions Noordin Haji has said. Source: Hiiraan Online
-
Many things happened to Somalia and to Somalis over the years and there is not room enough in this article to cover even only the most interesting of them. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa Baraha Bulshada aad looga hadal hayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta oo loo Magacabay nin ku magac ah Cabdikariin Qalbi Dhagax oo ka tirsan ONLF. Shaqsiga uu Madaxweynaha DDSI u magacaabay Taliyaha ciidamada Asluubta ayaa magacyada ugu horeeya ka shabaha Qalbi Dhagax, waxa ayna taasi abuurtay hadal heyn ku baahday baraha bulshada. Afhayeenka ONLF Cabdulqaadir Xasan Hirmooge oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aan ka qayb aheyn Maamulka Mustafa Cagjar. Hirmooge, waxa uu sheegay in Taliyaha Ciidamada Asluubta ay magaca wadaagaan Qalbi Dhagax balse aanu aheyn. Waxa uu tilmaamay in maamulka hadda jira ay wada galeen heshiis, balse aanu aheyn mid ay wax ku raadinayeen. Waxa uu intaa ku daray in ONLF aysan ka qeybgali doonin maamulka KMG ah ee lagu dhisay marxalada adag, hase yeeshee ay ciladu tahay magaca oo isku eg. Taliyaha Ciidamada Asluubta ee uu magacaabay Madaxweynaha DDSI ayaa waxaa lagu magacaabaa Korneel CabdiKariin Sheekh Muuse. Haddalka ONLF ayaa imaanaya xili baraha bulshada uu qabsaday magaca Qalbi Dhagax iyo hambalyo wada socda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafa Cumar Muxumed ayaa soo magacaabay qaar kamid ah taliyeyaasha laamaha ammaanka iyo xukummadda. Mustafa cumar ayaa sheegay in sababta uu soo magaacaabay jagooyinkan ay tahay baahida badan ee loo qabo adeegyada dhanka ammniga iyo xafiiska maamulka Dowlad deegaanka. Taliyeyaasha Liyu booliska. Maxamed Cabdi Mawsar waxaa loo magacaabay taliyaha guud ee ciidammada Liyu booliska. Cabdi Xasan Muuse- Ku-xigeenka taliyaha Liyu booliska. Bashiir Aw Xasan-Madaxa howlgalka Liyu booliska. Mukhtaar Sheikh Xusen Amiin-Madaxa adeega Liyu booliska. Jarmali Muxumed- Madaxa sirddoonka Liyu booliska. Taliyeyaasha booliska caadiga. Janaraal Maxamed Xasan Cali(Maxamed Yare)- Taliyaha booliska. Maxamed Cabdi Gurey- Ku-xigeenka booliska. Cabdiakariim Sheikh Muuse oo ahaan jiray sarkaal ka tirsaan Liyu booliska-waxaa loo magacaabay madaxa ciidammada asluubta. Jagooyinka dhanka maamulka Madax xafiiskeeda xafiiska maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxaa loo magacaabay KhadarJigree Aadaan, oo ah ganacsade ka yimid dalka Mareykanka. Duqa magaalada Jigjiga waxaa loo magacaabay Garaad Cumar Dool Xirsi. Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafa Cumar Muxumed ayaa maalinkii xilka loo dhaarinyay qabsaday in muddo toddobo maalmood gudahooda uu kusoo dhisi doono xukumadda maamulka. ISHA BBC
-
Somalis in Ethiopia's eastern region have welcomed the arrest Monday of their former leader, Abdi Mohammed Omar. The former strongman is accused of stoking deadly ethnic clashes in the Somali region, Ethiopia's second largest. Somalis hope his removal will usher in a new era of accountability and a new relationship with Addis Ababa. Source: Hiiraan Online