-
Content Count
211,144 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Two deaths as looters ransack foreign-owned shops in Soweto
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Two people lost their lives during a confrontation between locals and foreign business shop owners on Wednesday afternoon. Accused of selling cheap, fraudulent and expired goods, foreign businesses were looted clean as owners fled to safety. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa tan iyo markii loo magacaabay xilka soo saaray amaro iyo digniino loo diraayo ganacsatada iyo shacabka magaalada Muqdisho. Amarada iyo digniinada oo ay kusoo baxayeen wareegtooyin kasoo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cusmaan Yariisow, ayaa intooda badan aan ka dhaqan galin magaalada Muqdisho. Digniimada iyo amarada qaarkood ayaa u muuqday kuwo aan laga fiirsan waxaana xusid mudan in lagu degdegay maadaama shacabka magaalad Muqdisho ay yihiin kuwo iminka baranaya nidaamka dowladeed. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku xiran Xildhibaano iyo Siyaasiyiin, ayaa lagu eedeeya in inta badan uusan ka fiirsan hananka la dhaqanka shacabka Muqdisho, isagoo ku shaqeeya talooyin ay siiyan dhinacyada uu ku xiran yahay. Dadka magaalada Muqdisho qudhooda ayaan u nugleyn aqbalaada amarada kaga imaanaya maamulka Gobolka Banaadir, taa oo ay ugu wacan tahay inaanu jirin xafiis maamulka Gobolka u qaabilsan dhaqan galinta amarada soo baxa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoo xiliyada qaar isla xiliga uu soo baxo amarka lagu bedelo dhaliilo. Dadka shacabka ah ayaa sidoo kale tabaaya canshuuraad joogta ah oo laga qaado, iyadoo aan la ogeyn halka la mariyay taa oo dhalanrogtay rajadii ay shacabka ku aqbali lahaayen amarada maamulka Gobolka. Sidoo kale, dhaqan gal la’aanta amarada kasoo baxa Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cusmaan Yariisow ayaa ah inaanu jirin isla xisaabtan iyo dabagal dheeri ah oo ku saleysan howlgalinta wareegtooyinka. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Gobolka Banaadir oo dhawaan lagu sameyn doono isbedel ayaa xiligan u muuqanaaya kuwo isku eegaya shaqooyinka loo igmaday, waxaana xusid mudan inuu jiro maamul xumo dhanka xafiisyada ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
John McCain remembered in Vietnam as a friend, not an enemy
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The first time Le Tran Lua laid eyes on John McCain, he wanted to kill him. Source: Hiiraan Online -
Nairobi (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyaatta ayaa si kulul uga hadlay qalqalka amni ee maleeshiyadka Al-Shabaab ay ku hayaan qeybo kamid ah Gobolada dalkiisa. Madaxweyne Kenyaatta ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato weyn ku hayaan dadka ku nool Gobolada Kenya waxa uuna lama huraan ku sheegay in lagu weeraro goobaha ay kasoo duulan tagaan. Kenyaatta, waxa uu qiray in Al-Shabaab ay hoos u dhigeen amnigii ka jiray Kenya, balse waxa uu ku goodiyay in weerar cir iyo dhul ay ku qaadi doonaan goobaha ay ka degan yihiin Kenya. “Al-Shabaab halis ayey nagu yihiin waa inaan u istaagnaa la dagaalankooda waad aragtaan sida ay u xasuuqayaan Hooyooyinka, Carruurta iyo dhalinyaradeena” “Waa inaan uga dabatagnaa goobaha ay ka dhigtaan hoyaadka waayo malaha awood ay nagula dagaalamaan keliya waxa ay awood ka dhigtaan inay geystaan xasuuq kadibna ay ku laabtaan goobahooda, haddii aan iska celin waxa ay noogu imaan doonaan guryaheena” Kenyaatta, waxa uu carab ***** isagoo ka hadlaayay dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab in awooda Kenya ay tahay mid u baahan in lagu tijaabiyo Al-Shabaab oo uu sheegay inay halis muuqata ku yihiin Kenya. Sidoo kale, waxa uu laamaha amaanka ugu baaqay inay qaadan duulaan kama danbeyn ah oo lagu soo afmeerayo Al-Shabaabka dhuumaaleysiga ku jira. Haddalka Kenyaatta ayaa kusoo beegmaya xili maleeshiyada Al-Shabaab ay Qaraxyo ku laayan askarta dalkiisa gaar ahaan qeybaha ku sugan Gobolada. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Onliane)-Wararka naga soo gaaraya dalka South Africa ayaa sheegaya in halkaa lagu dhacay hantida Ganacsato Soomaaliyeed oo goobo ganacsi ku lahaa degaanka Soweto ee dalkaas. Inta uu boobka socday ayaa waxaa lagu soo waramayaa in halkaa uu ka dhashay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed oo ay geesteen muwaadiniin u dhashay dalkaas. Goobaha Ganacsi ee ku yaala xaafada Soweto ayaa waxa leh dad shisheeye ah oo ka tagay dalalka Afrika, waxaana ugu badan Soomaali. Dadka ugu badan ee lahaa goobaha la boobay ayaa waxa ay kasoo kala jeedan dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Zimbabwe iyo Pakistan. Sidoo kale, dhaca iyo boobka halkaa ka dhacay ayaa xoogeystay kadib markii Dukaan keliya oo ay dadka halkaa degani sheegeen in ninka leh oo Soomaali ah uu toogtay wiil dhawr iyo toban jir ah iyo saaxiibkii oo sida la sheegay damcay in ay Dukaankiisa u dhacaan. Burcad ku hubeysan Baangado oo u badan dadka degaanka ayaa boob ku bilbaabay Dukaamo ka badan 40, halkaasi waxaa iska hor imaad uu ku dhexmaray Burcada Koonfur Afrikaanka iyo dadka iska leh goobaha ganacsi. Baraha bulshada ayaa waxaa la soo dhigay muuqaalo muujinaya dukaamo la boobayo iyo dadka qaar oo jirdil wadareed loo geysanayo, iyada oo ay goob joog yihiin Booliska.
-
The plot to shoot and kill former Garissa Finance chief Idris Mukhtar was hatched in May, a source close to the investigation has said. Source: Hiiraan Online
-
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa maanta soo qaban-qaabisay shir ay ka soo qeyb-galeen hey’adaha caalamiga ah iyo NOGS-ka, kaas oo xoogga lagu saarey sidii hey’adaha caalamiga ah ay uga howl-geli lahaayeen gudaha Soomaaliya. Jamaal Maxamed Xasan, wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah oo ka hadlayey ujeedka waxaa uu sheegay “Ujeedka waxaa uu ahaa in aan u sheegno hey’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya mashaariicda Soomaaliya inay Soomaaliaya joogaan, waddanka deggan yihiin, shaqaale Soomaaliyeed qortaan, canshuur bixiyaan, xarumahooda waddanka ahaado, waqtigii Nairibi la joogi jiray, oo Soomaaliya loo iman jiray shaqo maalin ah, ama 2 maalin ah waa dhammaatay, waxaan siinnay ilaa sanadkan inta hartay ku soo guuraan dhammaantood, hey’addii Janauary 1-keeda bannaanka joogta, oo xafiisyadeeda waddan kale ku yaalliin, dowldda Soomaaliya lama shaqeyn-doonto”. Dhinaca kale, Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan waxaa uu sidoo kale sheegay in hey’adaha ku war-geliyeen inay hey’adaha la socod-siiyaan shaqada ay qabanayaan dowladda Soomaaliya, oo aan NGO la shaqeyn, oo ay la shaqeeyaan hey’adaha kala duwan ee dowladda, wasaarahada, dowlad goboleedyda, ilaa heer degmo, heer tuulo.
-
The British-led Baidoa Security Training Centre in Somalia has marked its 500th graduate, as part of the UK’s ongoing commitment to bring peace and security to the region. Source: Hiiraan Online
-
Afgooye (Caasimada Online) – Dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada dowlada Somalia iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa waxa uu caawa ka socdaa magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose. Dagaalka oo hub culus leysu adeegsanaayo ayaa waxa uu ka danbeeyay kadib markii maleeshiyaad ku hubeysaa Hubka noocyadiisa kala duwan ay weeraro dhowr jiho ah ku qaaden goobo ay ku sugan yihiin ciidamada. Hubka noocyada culus ayaa laga maqlayaa qeybo kamid ah magaalada, waxaana sidoo kale dhacaaya rasaas xoogan oo ay ridayaan labada dhinac. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa madaafiic ku garaaceysa qeybaha ay magaalada ka dagan yihiin ciidamada militeriga ee halkaa la wareegay dhawaan, halka gudaha magaaladana uu dagaal ku dhexmarayo ciidamada iyo Al-Shabaab. Dadka deegaanka ayaa soo warinaaya in magaalada ay ka tagtay korontada isla markaana ay socdaan rasaas jiho waliba ka socta, taa oo qalqal galineysa dadka shacabak ah. Sidoo kale, ciidamada xooga ayaa iska difaacaya maleeshiyaadka dagaalka kusoo qaaday, waxaana lasoo sheegayaa in goobaha qaar lagu gubay gaadiid aan la ogeyn cida leh. Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka oo weli ah mid socda, waxaana sidoo kale jawi cabsi leh caawa ku sugan dadka shacabka ah. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa markii ugu horeysay ka hadlay doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Koonfur Galbeed ee Somalia. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo shir Jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay muhiim tahay in si wanaagsan loo wajaho doorashada maamulka iyo kuwa kale ee la filaayo in dhawaan ay dhacaan. Jawaari, waxa uu sheegay in doorashooyinka dhacaya dhamaan maamul goboleedyada loo baahan yahay inay noqoto mid laga fiirsaday,isla markaana loo kala saaro in la helo qof dadkaasi samatabixin kara. Waxa uu tilmaamay in Koonfur Galbeed laga doonaayo inay meesha ka saran tashwiishka ka jira arimaha doorashooyinka, waxa uuna aad usoo dhaweeyay diyaar garowga loogu jiro doorashada Koonfur Galbeed iyo kuwa maamulada kale. Jawaari waxa uu sheegay in si gaara uu ula hadlaayo dadka kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, waxa uuna ugu baaqay inay gartaan maslaxadooda isla markaana si wada jira uga shaqeeyan Amniga, horumarka iyo dowlad wanaaga. Jawaari, waxaana sidoo kale sheegay in dadka degan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed laga doonaayo inay u howlgalaan arrimaha doorashooyinka si looga gudbo marxaladaha lagu jiro. Waxa uu ku nuux-nuuxsaday inay mudan tahay in la doorto shaqsi waxtar u leh maamulka Koonfur Galbeed, isagoo sidoo kale sheegay haddii uu wanaagsan yahay madaxweynaha hadda haya mar kale la doorto. Jawaari waxaa uu sheegay in Koonfur Galbeed ay u baahan tahay shaqsi wax badan ka qaban kara Arrimaha Ammaanka iyo Caddaaladda. Sidoo kale Waxaa uu xusay in waxgaradka laga doonaayo in ay go’aamiyaan shaqsiga u qalma u hoggaaminta maamulka Koonfur Galbeed. Sidoo kale, Jawaari ayaa shirkiisa Jaraa’id uga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan doorashooyinka kale ee ka dhaca maamul Goboleedyada iyo arrimo kale.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Jug xoogan ayaa waxaa goordhow laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Jugta oo ka dhalatay Qarax ayaa ka dhacday xaafada Taleex ee degmada Hodan, sida ay kusoo waramayaan dadka deegaanka. Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa ka dhashay gaari nuuca raaxada ah, islamarkaana lagu soo xiray Miinada nuuca dhejiska ayaa wuxuu si gaar ah uga dhacay dalcadda Taleex. Gaariga Qarxay ayaa waxaa la socday laba ruux oo ilaa hadda aanan la ogeyn waxa ay ahaayeen, kuwaasi oo dhaawac culus uu kasoo gaaray Qaraxa. Dadka qaar ayaa sheegaya in labada ruux ee lagu Qarxiyay gaariga ay ahaayen laba askari oo ka tirsan ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Milatariga. Goobaha caafimaadka ku dhow dhow halka uu Qaraxa ka dhacay ayaa la dhigay dhaawacyada labada Askari, waxaana lasoo sheegayaa in mid kood uu ahaa garaab. Dhaawacyada ayaa waxaa halkaasi ka qaaday Ciidamo ka tirsan Booliska oo halkaa tagay, waxayna xayireen isu socodka wadadaasi, iyaga oo halkaasi ka wada baaritaanada la xiriira qaraxan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanaaya Qaraxyada lagu xiro gaadiidka raaxada oo ay leeyihiin shaqaalaha dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has withdrawn from Mogadishu’s largest sports village, vacating what once served as a main training base for Islamist militants and returning the site's focus to athletics. Source: Hiiraan Online
-
The former governor of Ethiopia’s Somali regional state Abdi Mohammed Umer has been charged with multiple counts including incitement to violence that has displaced tens of thousands of people. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – At least two government soldiers injured on Wednesday in bomb explosion in the heart of Somali capital Mogadishu. The blast went off at Taleh road in the capital after bomb explosives fitted into car carrying soldiers exploded, a witness said. Mohamed Mohamud, a witness told Caasimada Online that two soldiers on board injured in the bomb blast. He says rescue workers took the victims into hospital. Somali police soldiers arrived at scene of the explosion and started operation, Mohamud said. There was no immediate claim of responsibility for Wednesday’s explosion, but such attacks are often carried out by Al Shabaab group. The group, which once controlled much of Somalia, wants to topple the western-backed government in Mogadishu. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Inkasta oo uu meesha ka baxay maamulkii madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo lagu eedeynayay in uu hurinayo colaadda Soomaalida iyo Oromada ayaa haddane waxaa wali socda rabshadihii u dhaxeeyay labadan qoowmiyadood. Dhacdadii ugu dambeysay waxa ay dhacday 48-dii saac ee ugu dambeysay, waxaana lasoo xaqiijiyay in dad Soomaali ah oo 10 qof ka badan lagu diley deegaanada Baabili iyo Tuli Guuleed kadib markii dad hubeysan oo ka tirsan Oromada ay soo weerareen halkaas. Meydadka dadkii la dilay oo la keenay magaalada Jig Jiga ayaa waxaa ka dhashay dareen shacab oo aad u xoog badan, iyada oo boqolaal qof oo isugu soo baxay isbitaalka hortiisa ay xirteen weer guduudan, islamarkaasna ay diideen in meydadkii la aaso illaa laga soo qabanayo dadkii dilka fuliyay. Dad kala duwan oo Soomaali ah oo aan la xiriirnay waxa ay sheegeen in ciidan hubeysan oo Oromo ah oo abaabulan ay weerar ku hayaan tuulooyinka xudduuda ku yaala ee Soomaalida. Waxaa sidoo kale BBC-da loo xaqiijiyay in magaalada Diridhaba la geeyay dad meyd ah oo Soomaali ah oo dhexda lagu dilay iyaga oo safar ah. Isla Diridhaba waxaa ka dhacay rabshadado dhagaxtuur ah oo dhexmaray Soomaalida iyo Oromada, waxaana kacsan xiisad culus oo labada dhinac u dhaxaysa. Jawaabaha la bixiyay Madaxweynaha ismaamulka Oromada Lema Magarsa oo la hadlay warbaahinta Itoobiya qaarkeed ayaa sheegay in uu ka xunyahay waxa dhacay , wuxuuna ku baaqay in dagaalada la joojiyo. Ninka lagu magacaabo Jowhar Maxamed oo ah nin caan ah oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha Oromada ayaa ka tacsiyeeyay Soomaalida la dilay, wuxuuna sheegay in uu aad uga xunyahay waxa dhacay. Fariin uu kusoo qorey boggiisa Twitter-ka ayuu ku yiri “Waan ka xumahay in dad Soomaali ah la laayay iyada oo uu meesha ka baxay madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo kuwii kale ee dadka isku diri jirey”, wuxuuna intaas ku daray codsi uu u jeediyay Soomaalida oo ah in aysan aarsanin. Taliyaha booliiska Itoobiya Seynu Jamaal oo isna la hadlay laanta Afka Amxaariga ee BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ay xireen illaa 50 oo Oromo ah, kuwaas oo looga shakisanyahay in ay rabshadaha qeyb ka yihiin, wuxuuna intaas ku daray in ay ku raadjoogaan kuwa kale. Balse madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Cumar ayaanan weli ka hadlin rabshadaha soo cusboonaaday, taas badalkeedana waxa uu shalay booqday kaniisad ku taala Jig Jiga oo ay ku jiraan dad ku barokacay rabshadihii ka dhacay magaalada Jig Jiga. Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo uu meesha ka baxeen maamulo lagu eedeyn jiray in ay iyagu sababo siyaasadeed u abaabuli jireen collaada labada qowmiyadood, ayaanan hadda la ogeyn waxa rasmiga ah ee baasiinka kusii shubaya rabshadaha labada dhinac. ISHA BBC