-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay ka hadashay tallaabada uu Mukhtaar Roobow isugu soo sharraxay xilka madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed Soomaakliya, oo uu ku dhawaaqay toddobaadkii tagey. Warbaahinta rasmiga ah ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa bilaawday in ay warbixinno ka sameyso dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee Rooboow, oo horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab, uu kawado magaalada Baydhabo, waxaana Idaacadda Andalus ay u adeegsatay warbixinteeda Erayga “Murtad Mukhtaar Rooboow Al-Shabaab waxa ay sheegtay in Mukhtaar Roobow uu “ku dhuumaaleysanayey safka mujaahidiinta, oo uu culees iyo caqabad ku ahaa jihaadka, iskaba daa inuu wax taro” “Dadkii ugu dambeeyey ee allaha ku fadeexeeyey umadda hortooda waxa uu ahaa Mukhtaar Roobow, oo bishii August 2017 ku biiray kooxda murtadiinta Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka ay baahisay idaacadda Andalus ee kooxda Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa tiri “xitaa ka hor inta uusan dowladda isku dhiibin, waxa uu Mukhtaar Roobow sanado badan xiriir hoose la lahaa cadowga, isaga oo maleegayey shirqool ka dhan ah mujaahidiinta” Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Roobow uu la mid yahay Burhanudin Rabani, Gulbuddin Hekmatyar iyo Abdul Rasul Sayyaf, oo dhammaantood ah reer Afghanistan, iyo Sheekh Shariif iyo Axmed Madoobe oo Soomaali ah. Dhageyso codka Sheekh Cali Dheere Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa u ogolaan doonta dadka Afrikaanka ah inay dalkaas ku galaan visa la’aan, xilli miisaaniyeedka 2018/19, sida uu sheegay madaxweyne Mulatu Teshome. Aqalka Wakiilada Ethiopia iyo Aqalka Federaalka ayaa shalay kulan wada jir ah oo arrintan ku saabsan ku yeeshay magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa, halkaasi oo go’aankan lagu gaaray. Lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee uu dhaqan galayo sharciga. Ogolaanshaha in dalkaas ay dadka Afrikaanka ah ku yimaadaan dal-ku-gal la’aan ayaa waxaa ka faa’iideysan kara boqolaal Soomaali ah, oo dalkaas u safra, mararka qaarna dhibaato kala kulma helidda Visa-ha dalka Ethiopia. Go’aanka cusub ayaa dadka Afrikaanka ah u ogolanaya inay marka ay soo degaan garoonka ka qaataan Visa-ha, intii ay dalban lahaayeen ka hor inta aanay iman, sida uu sheegay madaxweyne Mulatu. Lama sheegin dal Afrikan ah oo go’aankan laga reebay, sidaas darteed, waxaa ka faa’iideysan doono dhammaan muwaadiniinta qaaradda. Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaal ay Ethiopia ku dooneyso inay ku horumariso dalxiiska dalkaas, islamarkaana sare u qaaddo dhaqaalaha dalka. Shirkadda Ethiopian Airlines ee duulimaadyada ayaa ah midda ugu weyn qaaradda Afrika, waxayna sidoo kale waddaa dadaallo ay ku kordhineyso duulimaadyadeeda, taasi oo qeyb ka ah in la fududeeyo imaanshaha dalkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Bisha Janaayo sanadka dambe waxaa loo ballansan yahay in ay Puntland ka dhacdo doorashada Madaxweynenimo ee maamul Gobolleedkaas. Sidi hore loo bartay si ka duwan, shacabka reer Puntland waa markii ugu horreeysay ee ay ku adkaato in ay saadaal ka bixiyaan cidda u qaban doonta hoggaanka. Yaa sharraxan? Musharaxiinta hadda u taagan qabashada xilkaas ama bedelidda Cabdiweli Cali Gaas waa kuwo ay tiradooda ku dhaw dahay 20 haddii aysan ka badneyn, hase ahaatee, wey adag tahay in tilmaan laga bixiyo shaqsiga ku soo bixi doona. Caadiyan, Puntland waxaa xilka ugu sarreeya isku bed bedelli jiray Jufada Maxamuud Saleebaan ee ka tirsan Majeerteen laga soo bilaabo Cabdullaahu Yusuf Axmed (AUN), kaas oo door weyn ku lahaa dhidhibbo u aasiddii maamulka ugu da’da weyn Koonfurta Soomaaliya, isaga oo noqday Madaxweyneheedii kowaad. Cabdullaahi Yusuf waxa uu beel ahaan ku abtirsanayey Cumar Maxamuud oo ka mid ah Maxamuud Saleebaan, waxaa bedelay Cadde Muuse (AUN) oo isna ahaa Cismaan Maxamuud, waxaa xigay Cabdiraxmaan Faroole oo ah Ciise Maxamuud – hakaas waxaa ku soo xidhmay tookeysigii kowaad ee Maxamuud Saleebaan! Cabdiweli Gaas ayaa dib giraanta u soo celiyey oo ah Cumar Maxauud, hadaba, su’aasha taagan ayaa ah tookeysigu ma socon doonaa? Haddii ay haa tahay, Yaa Cismaan Maxamuud u soo bixi doona? Hase ahaatee, waxaa su’aashaas kore ciriiri galiyey loolanka mandiqadda ka jira ee ay isku hayaan Imaaradka Carabta iyo Qadar kuwaas oo dhinaca kale u rogi kara giraantii Maxamuud Saleebaan! Haddii aad weydiiso, indheer garadka reer Puntland, yaa sanadkan ugu cad cad ama fileysaa waxa ay kuu sheegayaan in uu hummaag uga jiro arrintaas oo ay sababtu tahay loolanka Qadar iyo Imaaraadka. Imaaraadka waxaa aad ugu xiran Cabdi Weli Gaas, Saciid Deni, iyo Cumar Cabdirashiid, halka Qadar ay wada-hadal la leedahay dhowr musharax, ayada oo weli xuleysa hala ama laba musharax oo xooggan oo ay xoogga ay saarto. Yaa ugu cad cad? Juxa – Ciise Maxauud – waxa uu qaldi doonaa giraantii wareegga ahayd! Faarax Cali Jire – Cali Saleebaan – Ma qaldi doono ee dhinaca kale ayuuba u roggi doonaa Siciid Deni iyo Dr Saadiq Enow, Cumar Cabdirashiid – Cismaan Maxamuud Waa jug jug meeshaada joog iyo ha socoto giraanto! W/Q: Mohamed Muse Aden (Mohamed Kaafi) Email: Muhammedkaafi@Gmail.com
-
Dhawaan wareysi ay VOA-da la yeelatay Dr Edna, oo hore Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland u soo qabatay waxa ay ku sheegtay hadallo farxad galiyey laabta qof walba oo Soomaali ah. Weydiin ay Sahro Ciidle Nuur oo wareysiga qaadeysay ku tuurtay Adna ayaa u dhigneyd sidan: “Suurtagal ma tahay in Somaliland markale Soomaaliya isku noqdaan oo la’isu yimaaddo?” Jawaabta Dr. Edna: “Haddii Soomaaliya dowlad wanaagsan ka dhalato, dowlad wanaagsan oo wax lala qeybsan karaa, DABCAN”. Dhabtii ma ahayn hadallo ay umadda Soomaaliyeed ka fili kartay shaqsi aad ugu ad adkaa qadiyadda gooni isu taagga Somaliland, Dr. Edna, hayeshee, sida waqtiga wax walba u bedelo ayey u muuqatay in Edna uu Iyana u bedelay. Qodobada hoos ku xusan waxa ay kuu muujinayaan in hadalka Dr Edna iska imaan ee uu ku qotomay waaqaca ama xaqiiqda jirta. Kow: Dhallinyaraddii Somaliland oo noqday safiirro wanaag ka gudbiya Soomaalida Koonfurta Haddii aad joogto Muqdisho, waxaa kuu soo baxaysa in caasimadda Soomaaliya is dhexgal aad u weyn ka jiro. Dhallinyaraddii Waqoyiga, haba ugu badnaadeen Hargeisa, Burco iyo Boorame waxa si xawli ah u yimaadaan magaalada. Imaanshahooda ma aha mid ku kooban, soo arag Muqdisho, balse waa dhallinyaro wax soo bartay oo soo raadsaday fursado shaqo. Waxaa lagu soo dhaweeyaa farxad iyo xiiso ay u qabaan dhiggooda Koonfurta oo durba ku casuma dalxiis geyn, Liido, Pizza House, Jazeera, Cadalle iyo Warshiikh! Maanta shaqaalaha ugu badan ee hay’adaha dowladda ilaa iyo xafiisyada Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaraha waa dhallinyaro reer Waqooyi ah! Taas, waxa ay keentay in ay sawir walaalnimo, kalgacal uga gudbiyaan dhallinyrada Koonfurta, taas oo dhabbaha u sii xaarta in dhallinyaro kale ay maalin wala gegida Aadan Cadde ka soo dagaan! Ogow, waa dhallinayaro xoog uga gudbay xeyn-daabkii xarigga ee maamulka Somaliland! Qodobka labaad: Siyaasiyiinta Soomaalida oo ka dhawrsada hadallo xanaf keena Dhammaan madaxdii isu kala bedeshay hoggaanka Villa Soomaaliya, laga soo bilaabo bur burkii kaddib, ma jirin mid hadal xanaf leh u quuray walaalaha Somaliland, taas cagsigeeda, siyaasiyiinta Somaliland qaar baa jira xataa ka gudbay dhaqankii Soomaalinnimo, walaalnimo iyo Islaannimo oo aflagaadooyin ay Soomaali kala mudneyn warbaahinta mariyey – xataa qaar baa yiri, “Wiilka Muqdisho ku dhasha waxaa nooga sokeeya kan Itoobiya ku dhashay!” Mas’uuliyadda ay isa saareen hogaamiyeyaasha Soomaaliya waxa ay door ka ciyaartay in ay ugu yaraan ku day’daan dhiggooda Waqooyiga, hadalka Dr. Edna ma aha mid iska yimi. Qodobka Saddexaad: Garowshiyaha dhibtii gaadhay walaalaha Somaliland Waxaa isna xusid mudan oo dhabtii bedeli kara ama bedelay mawqifkii Somaliland garowshiyaha ay Soomaalida kale ka bixisay dhibtii uu kacaanka gaadhsiiyey walaalaha Waqooyiga. Walow, Kacaanku dhib iyo dheefba lahaa, hadana dhibtiisu kuma koobneyd hal deegaan oo waxa uu ahaa mid simmay dhammaan dadka, Puntland dhibbaa ka soo gaadhay, Goboladda dhexe iyo Muqdisho sidoo kale, ma jirto meel uu gaar ku ahaa, taas oo jirta, hadanna Soomaalida Koonfurta waxa ay ka middeysan yihiin in si gaar ah loogu garaabo Walaaha Waqooyiga maadama ay iyagu ahaayeen kuwii wadajirka markii horeba soo gacalooday. Gunaanad, Mar haddii ay heshiiyeen Itoobiya iyo Eritrea oo dagaallo laba sano socday isku riiqay, col ahaa ,qorina isla horfadhiyey 20 sano, dhaqan iyo qabiil wadaagin, ogow, hadalka Dr. Edna iskama immaan! Wiilka Gabiley joogga, kan Goof gaduud jooda, Garbahaareey, Buurhakaba iyo Saylac iyo Sanaag, ma aqbali doonaan in la kala xidho. W/Q: Mohamed Musa Aden (Mohamed Kaafi) Email: Muhamedkaafi@gmail.com
-
Bosaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaa ay isku farasaaren ciidamada Somaliland iyo Puntland. Labada ciidan ayaa lasoo sheegayaa inay isku adeegsaden Hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo inta badan deegaanka laga maqlaayay Madaafiic culus oo ay is weydaarsanayeen labada ciidan. Hubka ugu badan oo labada ciidan ay isku adeegsanayeen ayaa ah Madaafiic kuwaa oo la xaqiijiyay inay u gudbayeen xaafadaha qaar. Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen inta ay madaafiicdan socotay inay maqlayeen rasaas goos goos ah oo labada dhinac ay kala ridayeen. Madaafiicdan ay is weedaar-sadeen labada ciidan ayaa sidoo kale geystay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadan iyo dadka rayidka ah. Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno degaanka Tukaraq ayaa waxa ay sheegayaan in saakay xaaladu ay tahay mid degan, balse waqti walba la filan karo in dagaal uu dhaco, maadaama dhinacyadan ay weli is hor fadhiyaan. Sidoo kale, waxaa Tukaraq wali isku horfadhiya labada ciidan, iyadoo maamul waliba uu ciidamo dheeri ah ku daadgureynayo furumaha dagaalka. Si kastaba ha ahaatee, dagaalada ka taagan deegaanka Tukaraq ayaa u muuqanaaya kuwo soo cusboonaanaya waxaana suuragal ah in halkaa uu ka dhaco dagaal. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle, oo mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa kula shiraayay magaalada Dhuusamareeb, ee caasimadda Galmudug ayaa iska diiday wararka sheegaya inuu caqabad ku yahay wadahadalka dowlada Somalia. Xaaf waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan caqabad ku aheyn dowlada Somalia, hase yeeshee waxa uu su’aal ka keenay sababta ay dowladu faragalinta ugu heyso maamulka. Waxa uu Hogaamiye Xaaf tilmaamay inuusan diyaar u aheyn amardiido iyo inuu is hortaago amarada Madaxda Qaranka, hase yeeshee ay dhibeyso in mar waliba ay dowladu caqabad ku noqoto howlaha maamulka. “Waxan maqlaayay kuwo dhahaaya Xaaf waxa uu caqabad ku yahay dowlada adeer anigu kuma ihi balse waxan difaacayaa in faragalin lagu sameeyo maamulka howlihiisa, ka mas’uuliyiin ahaana waxaan idiin xaqiijinayaa in Xaaf uusan dhib ku heyn dowlada” “Galmudug cadaadis ay diideen maamulada kale qaadan meyso hadii aanu diidnay faragalin xadkeeda dhaaftay ma caqabad ayeynu ku nahay dowlada dowlada ayaa taa la weydiinayaa”ayuu yiri Xaaf. Waxa uu Xaafa cadeeyay in dowlada Somalia uu ka tirsanaayo dhibaatooyin badan oo ay kamid yihiin faragalin joogta ah, isu adeegsiga labada Gole, dhaliilo joogta ah iyo waxyaabo kale oo uu tilmaamay inaysan wanaagsaneen inuu ka sheego meelaha qaar. Mas’uuliyiinta maamulka ee uu la kulmaayay ayuu sidoo kale Xaaf ka dalbaday inay qabtaan haddii uu ka khaldan yahay dowlada, balse waxa uu ku nuux-nuuxsaday in laga khaldan yahay. Sidoo kale, Hogaamiye Xaaf ayaa tilmaamay inaysan wali jirin Isfahan laga gaaray Khlaafka maamulkiisa kala dhexeeyo dowlada Dhexe waxa uuna ku baaqay in xal loo raadiyo tabashooyinkooda. Dhinaca kale, Xaaf ayaa cod dheer ku sheegay dhamaan waxyaabihii ay tabanaysay Galmudug ay weli yihiin sidoodii, islamarkaana dowladda dhexe iska indha tireyso xalinta tabashadooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waxaa qoraalkan gaaban ku fiirin doonaa isbarbar dhig saamaynta bulsho, dhaqan-dhaqaale iyo mida deegaanka ay gaadiidka “Autoshaw” oo looyaqaan Moto-bajaajta ay ku leedahay Caasimada iyo dallka. Wareegtada ka soo baxday gudoomiyaha gobolka Benaadir eng-yarisow ee ku saabsanayd mamnuucida soo dajinta moto-bajaajta magaalada muqdisho oo ubaahan qorshe howleedkii lagu joojin lahaa, waan soo dhaweynayaa talaabadaas uu gudoomiyuhu qaaday!! Anigoo ku salaynaya indho indhayn aan ku sameeyey faa’idooyinka iyo khasaaraha bulsho ee gaadiidkan. Sida ka muuqata qoraalka mamnuucida waxaa lagu saleeyey inay tiro ahaa soo badatay sidoo kalena ay amnigana caasimadana dhib ku hayaan!! Hadaba maxaa ka mida dhibaatooyinka Qarsoon iyo kuwa muuqda ee gaadiidka looyaqaan Moto-Bajaajta. Dhibaatooyinka:- 1. Shidaalka ay isticmaasho motto-bajaajta waxaa lagu daraa Oil waxayna deeganka kusoo daysaa qaac iyo diiqad badan oo dhibaataye deeganka caafimaadkiisa kaas oo saamayn dadban ku yeesha caafimadka dadka iyo kororka heer kulka dhulka. 2. 90% waxaa darawaliin ka ah dhalinyaro da ahaan ka yare 20 sano! Tani waxay sababtay inay dhalinyaradu meeshay aroortii waxbarasho u aadi lahaayeen inay u kalahaan wadida moto-bajaajta! Halkaas waxaa hoos udhac ku imanayaa tiradii iyo tayadii dhalinyaradii waxbaran lahayd iyo aqoontii bulshada! 3. Tirada Moto-bajaajta oo badatay waxay qab ka noqotay khalkhalka amniga iyadoo noqotay in waxbadan lagu dhibaateeyo sida in kii wax gaystaa uu ku dhuunto ama ku cararo! Tusaale hadan soo qadano:- Kismayo wax Moto-bajaaj ah kama shaqeeyaan, sidoo kale Baydhabo habeenkii markaa qoraxdu dhacdo waa laga joojiyaa shaqada wadooyinka magalada dhex mara! Labadas magaalo waxay ka mid yihin meelaha ugu aminiga fiican! 4. Shilkeeda ayaa aad ugu badatay magaalada maadaama aysan khibrad badan iyo masuuliyad lahayn darawaliintu dhalinyaronimada darteed intooda badan! 5. Waxaa soo ifbaxaya dhaqan xumo faro badan oo aysamaynayan dhalinyaradani sida isticmaalka drugs-ka, musics-qaylo dheer oo habeen iyo maalin ka baxaya iyo wixii lamidkaa oo aan cidina ka xakamaynayn. 6. Bilacda caasimada ayey wax udhintay ! Waxayna cariir ka dhigtay wadooyinka caasimada dhex mara. Faa’iidooyinka:- 1. Waxaa noloshooda laga maareeyaa qoysas badan oo magalada ku nool iyo guud ahaan gobolada Wadanka. 2. Dad badan ayaa aaminsan inay yaraysay tahriibta dhalinyaro badan oo ka dhigtay shaqo abuur oo ku nagaaday wadanka! Mahadsanidiin Khalif Hassan
-
Soomaaliya iyo Germany oo kala saxiixday heshiisyo iskaashi
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wasiir Cawad iyo safiirka Germany oo saxiixaya heshiisyada Soomaaliya iyo Germany ayaa kala saxiixday laba heshiis oo xoojinaya iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya si hore loogu sii qaado barnaamijyada waxtarka leh ee horumarinta qaranka. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa la saxiixday labo heshiis Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Germany ee Soomaaliya Marwo Annett Günther kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay shalay Muqdisho, ayna goobjoog ka ahaayeen diblomaasiyiin la yaqaan oo labada dal ka kala tirsan. Heshiisyada la saxiixay ayaa kala ah Iskaashiga Maaliyadda oo ku baxaya qarash dhan 15 milyan oo yuuro iyo Iskaashiga Farsamo oo sidoo kale isna ku baxaya € 9.7 milyan. Jarmalka ayaa ah isbahaysi istiraatiijiyadeed oo Soomaali ay leedahay, waxa kale oo uu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan deeqbixiyeyaasha caalamiga ah ee taageera horumarinta iyo nabad ku soo dabaalidda dalka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Germany oo kala saxiixday heshiisyo iskaashi appeared first on Puntland Post. -
Istanbuul (Caasimada Online) – Warar isa soo taraaya oo laga helaayo Booliska dalka Turkiga ayaa muujinaaya inay suuragal tahay in la dilay wariyaha u dhashay dalka sacuudiga ee lagu magacaabo Jamal Khashoggi Mus’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan dowlada Turkiga ayaa laga soo xigtay in Weriye Jamal Khashoggi lagu dhex dilay gudaha dhismaha Qunsuliyada Sacuudiga ee Turkiga. Jamal Khashoggi, oo raqdiisa ay ugu danbeysay afar cisho ka hor kadib markii uu galay Qunsuliyadda dalka Sucuudiga ee magaalada Istanbul oo uu kasoo sameysanaayay Dukumiintiyo si uu u guursado. Booliska qudhiisa ayaa rumeysan in Jamaal uu Qunsuliyada gudaha u galay si uu uga soo qaato Dukumenti ku saabsan guur uu qorshaynayey inuu galo. Booliska Turkiga waxa uu sidoo kale qabaa in Weriye Jamal Khashoggi lagu dhex dilay Qunsuliyada kadibna si degdeg ah loo dhoofiyay si aanu khilaaf Diplumaasiyadeed u dhexmarin labada dal. Mas’uul ka tirsan Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul ayaa beeniyey eedahaasi waxa ayna sidoo kale inkireen in Weriyahaasi uu ku dhex jiro Qunsuliyada ama ay dileen. Haddaba hoos ka dhageyso warbixin ay baahisay Idaacada VOA oo muujineysa in la dilay Weriye Jamal Khashoggi Demonstrators hold pictures of Saudi journalist Jamal Khashoggi during a protest in front of Saudi Arabia’s consulate in Istanbul, Turkey, October 5, 2018. REUTERS/Osman Orsal – RC1481CA3470
-
GAROWE (HOL) – Somalia's semi-autonomous Puntland state imposed a ban on political gatherings, despite presidential elections scheduled for early next year, heaping pressure on independent presidential candidates who started large election campaigns across the region. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo gordhow ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in shirkii madax goboleedyada dalka ee lagu waday inuu tobanka bishan ka furmo magaalada Garowoe uu dib u dhacay kadib go’aan iyo cadaadis xooggan oo ka yimid beesha caalamka. Shirka ayaa dib loo dhigay illaa 15-ka bishan, sida xubno ku dhow madax goboleedyada ay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Wakiilada beesha caalamka oo laba maalmood ka hor madax goboleedyada kula kulmay Nairobi, ayaa u sheegay in shirka ay dib u dhigaan, ayada oo beesha caalamka ay rajeeneyso inay xal gaaraan ayaga iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ka hor shirka. Wararka ayaa sheegaya in beesha caalamka ay rumeysan tahay in qodobo kale oo shir ka dhaca Garoowe kasoo baxa ay kasii dari karaan khilaafka, oo sii fogeyn karaan dowladda dhexe. Beesha caalamka ayaa lagu warramayaa inay iminka wada-hadallo la leedahay dowladda dhexe, oo ay dhankooda dhageysanayaan, waxaana jira dadaal la doonayo in ra’iisul wasaare Kheyre ku tago magaalada Nairobi, si uu ula kulmo. Si kastaba, kheyre ayaa la sheegay inuu ku adkeysanayo inaanu tegi doonin Nairobi, ayada oo uu horey u sheegay inaanu aqbali doonin in daraf saddexaad uu dhex-dhexaadiyo dowladda dhexe iyo madax goboleedyada. Madax goboleedyada ayaa la sheegaya in ilaa 15-ka bishan siiyeen beesha caalamka, haddii xal lagu gaari waayana ay ka go’an tahay inay shirka qabtaan. Shirka ayaa la filayaa in markii ugu horreysay ay ka qeyb-galaan madaxda xisbiyada mucaaradka dowladda qaarkood, laguna dhiso isbaheysi xooggan oo ka dhan ah dowladda dhexe. Halkan ka aqri xogtaas. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Jowhar (Caasimada Online)-Xogo dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan hanaanka loo maray xalinta Mooshinka laga diyaariyay Hogaamiyaha maamulka Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare. Mooshinka oo ahaa mid ay saxiixeen 54 Xildhibaan ayaa waxa uu Hogaamiye Maxamed Cabdi Waare ku furfuray dhaqaale xoogan oo la sheegay in lasiiyay Xildhibaanada. Waare oo dareensan culeyska Mooshinka uu watay ayaa Xildhibaankiiba siiyay lacag dhan min 2,000 oo dollarka Mareykanka uu kala sii tagay magaalada Muqdisho. Mid kamid ah Xildhibaanada Hir-Shabeelle ayaa caasimada Online u xaqiijiyay in Xildhibaanada lagu kala furfuray dhaqaale, isagoo cadeeyay in Xildhibaankiiba uu Hogaamiye Waare siiyay lacag dhan laba kun oo dollar. Xildhibaanka oo ka gaabsaday isticmaalka magaciisa ayaa tilmaamay in Hogaamiye Waare qudhiisa uu qabay dareenka Mooshinka iyo sababaha ka danbeeyay in la diyaariyo Mooshinka, taa oo sabab u noqotay in xal degdeg ah laga gaaro Mooshinka. “Runtii mooshin waliba waxa uu muujiyaa dareen gaara inta badan mooshinada waxaa ay tilmaaman baahi markaa jirta oo la doonayo inuu xaliyo hadba qofka laga keeno mooshinka” Sidoo kale, Mooshinka xalkiisa loo maray dhaqaalaha ayaa Hogaamiye Waare u noqonaaya kii Seddexaad uu ku xaliyay dhaqaale, waxa uuna mar waliba yahay mid dareenkiisa qaba. Si kastaba ha ahaatee, inta badan Xildhibaanada baarlamaanada min heer Federaal ilaa Maamul Goboleed ayaa Mooshinka u adeegsada mid ay ku xaliyaan baahiyahooda gaarka ah. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
Bosaso (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland maanta gaaray wafdi ka socda Guddiga Dastuurka ee heer Federaal waxaana si diiran usoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka. Wefdiga oo xubno dhowra ayaa waxaa horkacaaya Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee BFS Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid). Wefdiga ayaa la filayaa in magaalada Garoowe ay uga qeybgalaan shirweynaha labaad ee dib u eegista Dastuurka Somalia oo ka ka furmi doona magaalada Garoowe. Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Qeybdiid oo halkaa kula hadlay Saxaafada ayaa sheegay in shirweynaha uu socon doono muddo Seddex cisho ah. Qeybdiid, waxa uu sheegay in shirka uu noqon doono mid daahfur u ah la tashiga cutubyada dib u eegista lagu sameeyey ee 1aad ilaa 5aad ee Dastuurka KMG Soomaaliya. Sidoo kale, Sanator Qeybdiid waxa uu tilmaamay in shirka ay ka filayaan natiijo aad u wanaagsan oo ku qotoma arrimaha Dastuurka.
-
Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku guuleystay in lakala qaado Maleeshiyo beeleed muddo 6 sano ah isku hor fadhiyay magaalada Marka ee Xarunta Shabeellaha Hoose. Ciidamada ayaa ku guuleystay in ay maleeshiyaadka ka soo saaraan daaro dhaadheer oo muddo dhufeyso iyo aagag dagaal u ahaa labada dhinac, waxaana ugu dambeyn la isugu keenay barxad weyn oo ku taala bartamaha magaalada. Saraakiisha Ciidanka ayaa halkaas kula hadlay melayshiyaadkaas, iyagoona ku wacyi geliyey ilaalinta nabadda, qiimaha dowladnimada iyo in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah cadowga umadda Soomaaliyeed ee argagixisada Alshabaab. Horjoogeyaashii kooxahan dirirtu ku dhex martay magaalada Marka ayaa soo bandhigay dhibaatada iyo nolol xumida ay ka dhaxleen colaadda soo jiitamaysay muddada 6-da sano ah, iyagoona ballan qaaday in ay ka shaqeynayaan horumarinta deegaankooda iyo xoojinta isku duubnida bulshada magaalada Marka. Sidoo kale, waxgaradkii magaalada Marka ee goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in colaaddan ay ahayd mid ay ka shaqeeyeen argagixisada Alshabaab, balse haatan loo midoobay sidii Shabeellaha Hoose oo dhan looga xoreyn lahaa cadwagan caadeystay dhibaateynta dadka deegaanka. Dhinaca kale, shacabka magaalada Marka ayaa isugu soo baxay fagaareyaasha magaalada si ay u muujiyaan dareenkooda farxadeed ee ku aaddan heshiisiinta dadkan walaalaha ah iyo dib u soo celinta isu socodka magaalada.
-
Muqdisho (PP) ─ Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho, waxay kaga hadleen ka tashiga furitaanka kal-fadhiga afaraad ee Aqalka Sare, Waxayna sidoo kale iska xog-wareystay halka uu marayo dadaaladii ay wadeen Xubanah Golaha Aqalka Sare ee lagu xalinayay khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad-gobolleedyada dalka. Intii uu kulanku socday ayay xildhibaannadu waxay aragtiyo kala duwan ka dhiibteen furitaanka kal-fadhiga afaraad ee Golaha Aqala sare, waxaana shir-guddoominayay kulanka Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdii Xaashi C/llaahi. Hab-dhowraha Golaha Aqala Sare ee Baarlamanka Somalia, Senator C/kaafi Macallim Xasan oo kulan kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in la isku-af-gartay in ugu dambeyn kalfadhiga afaraad ee Golaha Aqalka Sare uu furmo 15-ka bishan Oktoobar. Sidoo kale, Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia ayaa muddooyinkii danbe ku mashquulsanaa dhammeynta is-af-garan-waagii soo dhex-galay Dowladda Federaalka Somalia iyo Dowlad-goboleedyada dalka, balse weli ma jiro wax heshiis ah oo ay soo saareen. Dhanka kale, Aqalka Sare ayaa wuxuu horay u diiday in kal-fadhigooda uu la furmo kal-fadhiga afaraad ee Aqalka Hoose oo furmay 10-kii bisii hore ee la soo dhaafay, iyagoo u andacooday inay u yaallaan hawlo u haahan inay wax ka qabtaan furitaanka kal-fadhigooda ka hor. Ugu dambeyn, Aqalka Sare oo xubnihiisu ay ka kooban yihiin 54-xubnood, ayaa matala maamul-goboleedyada dalka ka jira, waxaana hawlahooda inta ay ku wajahan yihiin xal-u-helidda murannada soo dhex-gala Dowladda dhexe iyo dowlad-gobleedyada ay matalaan. PUNTLAND POST The post Xilliga uu furmayo Kal-fadhiga Afaraad ee Golaha Aqalka Sare oo la Shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Taliska AMISOM ayaa saraakiisha Booliiska Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir ku wareejisay Saldhigga booliiska degmada Deyniile oo ay dayactir ku sameysay dowladda Japan oo kaashanaysa Waaxda Arrimaha Bulshada ee ciidanka Midowga Afrika. Taliyaha booliiska AMISOM, Christine Alalo oo xafladdii lagu wareejinayay saldhiggan ka hadashay ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ka caawinayaan tayaynta kaabayaasha iyo dhismaha awoodda ciidamada. Sido kale, Christine Alalo ayaa sheegtay in AMISOM ay ka go’an tahay inay Tababarto, isla markaana qalabeyso Ciidamada Booliiska Somalia, si ay u helaan xirfado lagama maarmaanka u ah inay daboolaan baahiyaha amni eek a jira dalka. Waxaa saldhigan dayactirka lagu sameeyay lagu soo kordhiyay qaybo cusub waxaana lagu xiray nalalka ku shaqeeya cad-ceedda, iyadoo ciidankana loo qaybiyay 3,000 oo buug, si ay ugu adeegsadaan diiwaan-gelinta dacwadaha, sida ay sheegtay Mss Alalo. Dhanka kale, Taliye kuxigeenka Booliska Somalia, Zakiya Hussein ayaa ugu mahad-celisay AMISOM dadaalkoodii ku aadanaa dayactirka saldhiggan iyo caawinta ciidamada booliiska Soomaaliya. Shacabka ku dhaqan degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, ayaa aad u soo dhaweeyay saldhiggan dib loogu hir-geliayay deegaankooda, kaas ay sheegeen inuu ka shaqeyn doono amniga guud ee degmadooda. Ugu dambeyn, Booliiska AMISOM ayaa horay tababarro u siiyay ciidammo ka tirsan booliiska Soomaaliya, kuwaasoo ka hawl-gala guud ahaan Gobollada dalka iyo Magaalada Muqdisho, taasoo qayb ka ah qorshaha sugidda amniga guud ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post AMISOM oo Booliiska Somalia ku Wareejisay Saldhig ay Dayactir ku Sameeyeen appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Maxkamadda cidiamada xoogga dalka Somalia ayaa ku ridday maanta xukun xabsi ah, dable booliis Maxamed C/kariin C/llaahi oo laga soo qabtay Agagaarka xaafadda Jaamacadaha ee Degmada Hodan xilli uu dhac u geysanayay dadka kasoo baxay salaadda Subax iyo kuwa kale oo u sii socday masjidka. Askarigan la xukumay ayaa waxaa Guddoomiye Waaxeedka Xaafaddaas iyo Taliyaha Rugta Boliiska ku wargeliyay shacabka, iyadoo ugu dambeyn lagu soo qabtay dambiilahan la xukumay hawlgal ay ciidamadu sameeyeen 17-kii bishii bishii hore. Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa 25-kii Bishii hore baaritaan dheeraad kaddib waxay soo dhameystireen Gal-dacwadeedka eedeysanaha, waxayna codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadistiisa. Dhageysiga dacwadda intii ay socotay ayaa mid ka mid ah dadkii dhibaatada uu u geystay wuxuu garsoorayaasha maxkamadda u sheegay in xilliga dhaca uu u geysanayay eedeysanahan uu u cararay masjidka balse nasiib-xumo uu kaga soo daba-galay masjidka oo uu taleefooka ka qaatay. Intaas kaddib, Xeer-ilaalinta ayaa sidoo kale soo bandhigtay teleefoonnadii uu dhacay eedeysanaha, wuxuuna ku xigeenka xeer-ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, Ismaaciil Salaad Maxamed uu ku dooday in lagu xukumo eedeysanaha xukun tusaale u noqda kuwa weli ku mashquulsan dhacca dadweynaha. Sidoo kale, Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa codsaday in laga qafiifiyo xukunka maxkamadda maadaama uu qirtay dambiyada lagu soo oogay oo dhan. Maxkamadda ayaa go’aan ku gaartay in lagu xukumo Maxamed C/kariin 8-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu Col. Xasan C/ramxaaan Aadan Wabiyow u sheegay dhamman dhinacyada ka qayb-galayay dacwadda. Wuxuuna intaas ku daray in eedeysanaha ay furan tahay inuu rafcaan ka qaadan karo haddii uusan xukunka ku qancin. Ugu ambeyn, Maalmihii ugu dambeeyay waxaa jiray cabashooyin badan oo ay soo gudbinayeen dadka ku dhaqan qaar ka mid Xaafadaha Muqdisho, waxaana xukunka Maxkamadda riday uu u yahay fariin kuwa weli ku howlan dhaca dadweynaha. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee DF oo Xukun ku Ridday Askari dhac geysan jiray appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Onlien) – Kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya waxa ay leedahay laba waaxood oo dadka shacabka ah uga soo qaada canshuuraha, sida lagu sheegay daraasad cusub. Waax waxaa la yiraahdaa Zakawaat, midka kalena Waaxda Maaliyadda. Waaxda Zakawaat waxa ay soo ururisaa waxyaabaha aan lacagta ahayn ee Shabaab ay dadka ka qaaddo, sida xoolaha iyo dalagyada beeraha kasoo go’a, halka Xafiiska Maaliyadda uu ururiyo lacagta canshuurta ah. Zakawaad waxaa qaada/uruuriya ciidamo laga kala keenay waaxo kala duwan oo ka tirsan Al Shabaab kuwaas oo garab ka hela madax dhaqameedyada. Ciidamadan waxaa la hawl galiyaa marka laga gaaro xilliga qaadista oo caadiyan ah bisha Ramadaan. Qaadista Zakawaadka waxa ay ka bilaabataa 25 halaad oo laga bixiyo hal neef, halka hal Ri’ laga bixiyo afartankii neef oo Ari’ ah. Qaadista Zakawaat-ka si isku mid ah ayaa looga sameeyaa dhammaan deeganada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo ay ku jiraan degmooyinka aysan Al Shabaab gacanka ku hayn. Kuwa Zakawaadka qaada waxa ay xoolo dhaqatada siiyaan warqad caddeyn ah ama Risiit; kuwa lumiya warqadda la siiyo waxa ay bixiyaan canshuur labaad sanadka xiga. Tani waxa ay xaqiijineysaa in xoolo dhaqatada ka maqnaa dhulka Al Shabaab sanadka la qaadayey aysan ka baxsan bixinta Zakada. Qiimaha lacagaha la bixiyo wey ku kala duwan yihiin degmooyinka. Tusaale, Bardaale, sanadkii 2017, Waxaa Alshabaab u suuragashay in ay ka uruuriyaan 2200 (Laba kun iyo laba boqol) oo Ari iyo 171 (Boqol todobaatan iyo kow) Geel. Deegaanada ku dhaw Muqdisho isla sanadkaas, waxaa laga uruuriyey 100 (Boqol) Geel iyo 1500 (Kun iyo Shan boqol) oo Ari. Tani waxa ay ka dhigan tahay in xoolahan ay aad u yar yihiin maadama dadka deegaanka dagan yihiin Beereley iyaga oo ku dhaw Muqdisho oo ay ku teetsan yihiin magaalooyin waa weyn. Sidoo kale, Zakadii laga uruuriyey Baraawe 2017 waxa ay ahaayeen 600 (Lix Boqol) oo Geel iyo 800 (Sideed Boqol) oo Ari; Wanlaweyn waxaa laga uruuriyey 700 (Todobo Boqol) iyo kumanaan Ari ah. Xoolaha waxaa laga iibiyaa ganacsato xiriir la leh Al Shabaab oo laga siiyo qiime ka hooseeya inta uu guud ahaan suuqa laga bixiyo. Qiimaha neefka Geela waa 40 ilaa iyo 600 oo Doolar halka Ari-ga laga bixiyo 30 Doolar Degmooyinka kor lagu soo magacaabay kuma jiraan gacanta Al Shabaab, hadana kooxda waxa ay awood u heshay in ay wax ka bada 1M oo dollar OO Zakawaad-ha ka uruuriso sanadkii 2017. Taas waxa ay bixineysaa tilmaam ah in sanadkii qiyaas ahaan 8 Milyan oo Doolar ayey Zakawaad ahaan uga soo uruuriyaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Marka lacagta heer degmo laga soo uruuriyo, qeyb ka mid ah waxaa la siiyaa dadka dan yarta ah laakiin inta badan lacagta waxaa loo diraa maamuleyaasha gobolada halkaas oo loogu dhiibo xafiiska Bangiga Maaliyadda. Qeybta xigta warbixintan waxaan ku eegeynaa xafiiska maaliyadda Al-Shabaab, insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)–Somali police officer has been sentenced to 8-years in prison for his role relating to commit extortion and robbery in the capital of Mogadishu. Mohamed Abdikarim Abdullahi was sentenced to remain 8-years in jail for robbing of mobile phones at gunpoint in Somali capital. The court said he was arrested by security forces after operation in the capital Mogadishu. court heard that Abdullahi was convicted for committing series of robbery. In one case his victim ran into a mosque but Abdullahi followed him inside to take phone. The robbery cases has been rising in the capital for the past months, after country’s security ministry made security soldiers’ reshuffle. Last week, four armed men, whose faces covered with bandanas pointed their handguns (pistols) at dozens of people having lunch at busy restaurant in the country’s largest Bakara market in the capital of Mogadishu. The suspects reportedly robbed up to 30 people from all their money and smart-phones, according to a witness, who asked to be unnamed, because of reprisal attack on his life. Mogadishu capital has been witnessing series of assassinations against Somali soldiers, civil servants, and other senior government staff members as some of the attack were claimed by Al Qaeda linked Al Shabaab group based in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
UN says favorable weather improves food security in Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
MOGADISHU (Caasimada Online)–UN says the overall food security situation in Somalia has improved due to above average Gu rainfall (April-June) and sustained humanitarian response. The nutrition situation has marginally improved as the improvements, high levels of vulnerability persists, according to UN humanitarian affairs in Somalia In a new report, UN said an estimated 4.6 million people continue to require humanitarian assistance including 1.5 million reported to be in emergency and crisis, 294,000 children are acutely malnourished of which nearly 55,000 are severely malnourished. The risk of disease outbreak is real and protection concerns have increased across the country due to protracted conflict, drought, flooding and IDP evictions. Sustained humanitarian response is required to prevent further deterioration of food security and nutrition situation. As of September 2018, the Somalia Humanitarian Fund has allocated nearly $34 million to 76 projects for life-saving activities in Somalia. The Fund allocated almost $22 million through its 1st Standard Allocation, which included intensified floods response in Bay, Galgaduud, Hiiran and Middle Shabelle. UN says an additional $12 million has been allocated through multiple reserve allocations, including $1 million for the integrated child protection and education response in flood hit areas, $3.5 million in response to the devastation caused by Cyclone Sagar in Awdal region and another $7.5 million to areas most affected by the drought in the North (Bari, Nugaal, Sool and Sanaag). Some $15.6 million or 47 per cent of funding in 2018 has been allocated to national partners. However, UN called for more funding to sustain response in the coming months in order to avoid the deterioration of the situation and to build on the fragile gains made in 2017 and 2018. -
Garoowe (Caasimadda Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa faah faahin ka bixiyay tallaabadii lagu joojiyay kulan uu magaalada Garowe ku qaban lahaa Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Xasan Maxamed. Waxaa uu sheegay in sababta ay tahay in maamulka Puntland ay xiriirka u jareen dowladda Dhexe ee Soomaaliya,islamarkaana ay muhiim tahay in la dhaqan geliyo Go’aankii Madaxda Maamul goboleedyadda. “Illaa laga heshiiyo oo laga dhaqan geliyo heshiisyadii horay, halkan cidii iska soo gashay oo shirar isaga qabsado waxay noqoneysaa cid dhibaatada dalka qeyb ka ah”ayuu yiri Wasiir Qarjab. Qarjab ayaa sheegay in Wasiiradda Puntland aysan tagi karin Magaalada Muqdisho,islamarkaana aysan la shiri karin Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya. “Waa la joojiyay in la isu gudbo Wasiirada xamar ma tagi karaan shir kama qeyb geli karaan, illaa la heshiiyo”ayuu yiri Wasiir Qarjab. Xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa xumaaday tan iyo wixii ka dambeeyay shirkii magaalada Kismaayo lagu soo gaba gabeeyay bishii September ee sanadkan, xilligaasi oo mamul goboleedyada ay sheegeen inay hakiyeen wada shaqeyntii ay la lahaayeen dowladda dhexe. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Wasiirka Warfaafinta Puntland https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/8-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa Caasimada@live.com
-
NIAROBI (Caasimada Online) —Three Kenya Defence Forces soldiers have been missing since July 24, 2011 while on their routine supply duties at military bases in Wajir County near Kenya border along Somalia. The soldiers lost their way and found themselves deep inside Somalia, according to Assistant Minister for Defence Joseph Nkaiserry. Nkaiserry said the three, Sergeant Said Abdulaziz Haji (driver of the vehicle), Senior Sergeant Jonathan Kipkosgei Kangogo and Corporal Evans Mutoro, were 60km astray in Somalia when they were intercepted by soldiers from Somalia’s Transitional Federal Government (TFG). Mr Nkaiserry added that Sgt Haji stayed with the TFG troops, who later delivered him and his truck to his Kenyan counterparts, while Sgt Kangogo and Cpl Mutoro escaped, fearing that they were in enemy hands. “Up to now, their whereabouts remain unknown,” Mr Nkaiserry, who passed away in June last year, said at the time. He had been promoted to Cabinet Secretary for Interior at the time of his death. PRISONERS It later emerged that the two soldiers fell into the hands of the Somalia-based Al-Shabaab insurgents, who had started making incursions into Kenyan territory in their attempts to establish an Islamic republic in Somalia. The two soldiers became the first Kenyan Prisoners of War (PoW), though it would be another four months before Kenyan troops crossed into Somalia in their first ever foreign incursion to pursue the militants. On October 16, 2011, a battalion of Kenyan troops crossed into Somalia to commence “Operation Linda Nchi” (Operation Protect the Country), which the government said was aimed at neutralising the threat posed by Al-Shabaab. It was hoped that this mission would also lead to the rescue of the two Kenyan soldiers. But seven years down the line, nothing much has been heard from the government or the Department of Defence (DoD) about their fate. MURDER Such official silence embitters Ms Rose Kigen, wife of Sgt Kangogo. Her husband had served in the military for 14 years until his abduction. “I wish the military would be more forthcoming with clearer information about him,” the mother of three said. In February 2013, the insurgents claimed to have executed Sgt Kangogo following the expiry of a deadline they had given the Kenyan government to pull out its troops. Al-Shabaab never released any video of his killing, as it does with those of other captive African Union peacekeeping soldiers. “I still have hope that he is still alive and well. Maybe sick, but alive,” Mrs Kigen said. She had hoped for answers when she visited the Department of Defence (DoD) on Tuesday this week to apply for a certificate of presumption of death, a document which will enable the military to legally declare her husband “missing in action”. FAMILY In turn, this will allow the military to process the full compensation due to her husband. “But even if I get the money, there will always be a hole in my heart, not knowing about his whereabouts,” she said. During her husband’s seven-year absence, their three children have grown to “fine” teenagers, she said. First born Millicent Chepchumba, 23, expects to graduate from Kenya Medical Training College, Nakuru, in December. Second born Edmond Kipngetich, 21, joined the National Youth Service in April this year, while last born Mercy Cheptoo is in Form Two at St Alphonsus Mutei Girls Secondary School. Despite the lack of information from DoD about her husband, she is glad that the military paid out her husband’s full salary, enabling her to educate the children. COMPENSATION Ms Juliet Nekesa, the elder sister of Stg Mutoro, said the DoD split his salary between his wife Sylvia and their elderly parents. “Of course, Sylvia got more because of the children,” she said. Sgt Mutoro joined the military in 2007 and had barely served four years before his disappearance. He and his wife have a daughter who is in Grade Two at a public school in Kakamega. “He is 35 years now and I am sure he would be doing splendid things for himself,” Ms Nekesa said. “I raised him as if he was my own son. His disappearance has devastated me as much as it has our parents.” Since Sgt Kangogo and Cpl Mutoro were abducted before Operation Linda Nchi commenced, their families cannot benefit from the enhanced compensation package paid out to families of soldiers killed under the African Union Mission in Somalia (Amisom), of which KDF is part of.
-
Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa maanta ka hadlay xayiraadka xagga shirarka iyo la hadalka bulshada oo ay maamulkooda ku soo rogeen mas’uuliyiinka ka socda dowladda federaalka ah. Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo saxaafadda kula hadlayey Garoowe ayaa intaasi raaciyey inay hakiyeen kulankii Wasiirka qorsheynta federaalka Jamaal Maxamed iyo Xaliimo Yarey oo ah guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka kadib markii iyagoo aan cidno wargelin ay doonayeen inay shirar ku qabsadaan Garowe Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo arrintaas ka hadlayo waxuu yiri ‘Halkaan Garowe, waxaa noogu yimid, wasiirkii qorshaynta ee dowladda federalka, wuxuu u yimid inuu u tartamo buuxinta xubin xildhibaan, kama xumin inuu yimaado maadaama ay tahay deegaankii laga doortay, laakiin, waxaanu qalad u aragnaa inuu Garowe ku qabto shirar aanu la socon maamulka kanasoo horjeeda go’aanada shirkii Kismaayo.” Waxaa uu sheegay in illaa laga heshiiyo aysan ogolaan doonin in Puntland iska soo gasho oo ay shirar ku qabsato sida uu yiri“Illaa laga heshiiyo oo laga dhaqan geliyo heshiisyadii horay, halkan cidii iska soo gashay oo shirar isaga qabsado waxay noqoneysaa cid dhibaatada dalka qeyb ka ah”. Kulanka oo shalay baaqday, waxaa lagu qaban lahaa hoolka Jaamacadda PSU Garoowe, Wasiirka Qorsheynta Xildhibaan Jamaal ayaa ku balansanaa inuu ka hadlo deeqaha Caalamiga ah ee Soomaaliya hesho iyo sida loo maamulo. Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) oo ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Qaran ayaa ka hadli laheyd geedi socodka doorashooyinka Soomaaliya 2020. Goobjoog News Source: goobjoog.com
