Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,136
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha CXD Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay xasuuq ba’an ku hayaan dadka deegaanka ku ah degamada Marko ee gobolka Sh/Hoose. Indha Qarshe, waxa uu sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay dhibkaasi bilaabeen kadib markii ay guul daro kala kulmeen dagaalo ay la galeen ciidamada dowlada. Indha Qarshe, waxa uu tilmaamay in Al-Shabaab ay xasuuq noocyo badan u geystaan shacabka, isgoo tilmaamay in ujeedka uu yahay xanuunjin si ay naxariis uga helaan. “Al-Shabaab markii looga adkaaday dagaalka waxa ay bilaaben in si khasab ah ay u adeegsadan dadka shacabka, waxaa nasiib daro ah in dano argagixiso loo xasuuqo shacab dowladnimo raadinaaya” “Shacabka iyagaa laga doonayaa inay iska dulqaadan xagjiriinta Al-Shabaab anaguba albaabada ayan u fureynaa” “Runtii dhibaatooyinka ay ka geystaan deegaanada ay la wareegen ciidamada dhagahaaga ma maqli karaan, waxaanu dooneynaa in rag iyo dumarba laga gaashanto Al-Shabaab si loogasaaro dalka oo dhan” “Shacabka anaga ayaa meel waliba uga hormari doona waxaana u sheegeynaa in nolol aysan u noqon doonin la dhaqanka ama ka cabsida Kooxo argagixiso oo gumaad uu u muuqdo” Indha Qarshe, waxa uu sheegay in ciidamada xoogga dalka ay Al Shabaab kala wareegeen degaano hoostagga degamada Marko ee gobolka Sh/Hoose. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in la furay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Marko ee ka kala tirsan gobolka Shabeellaha Hoose iyo gobolka Banaadir. Waxa uu xusay in ciidanka xoogga dalka ay hada qorsheynayaan in ay Al Shabaab kala wareegeen degaano kale oo hada ay ciidamada ku wajahan yihiin. Sidoo kale, Indha Qarshe ayaa cod dheer ku sheegay in degaanada laga qabsado Al-Shabaab ay ka jiraan xaalado adag maadaama Al-Shabaab ay horay u sii qaatan dhammaan adeegyadii bulshada. Dhinaca kale, Indha Qarshe ayaa carab ***** in CXD aysan awood u lahayn in gurmad deg deg ah ay u fidiyaan shacabka ku nool degaanada Al Shabaab laga qabsado. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Iran launched missiles at militants in Syria allegedly responsible for an attack in Ahvaz last week which left 25 dead and dozens wounded, according to the IRIB news agency. Source: Hiiraan Online
  3. Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa sheegay in ay dhammaatay waqtigii madaxda Hirshabelle ogaal la’aan ku kala bedali jireen mas’uuliyiinta degmooyinka maamulkaasi. Wuxuu sheegay Dabageed in uu dhammaaday waqtigii ogaal la’aan loo bedalayey mas’uuliyiinta, islamarkaana isaga iyo madaxda maamulka Hirshabelle isku raaceen in looga dambeeyo shaqooyinka gobolka Hiiraan. “Hiiraan anigaa xukuma, gacan dhaaf ma jiro, waxaan kaloo idiin sheegayaa in madaxweynaha Hirshabelle iyo wasiirka arrimaha gudaha isku garanay in aniga mas’uul ka ahay wax walbo oo gobolka ah, cid haddii la bedalo ama mid kale la keeno anigaa sameeyee ogaada” ayuu yiri Dabageed. Dhanka kale, Yuusuf Dabageed oo si gaar ah ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in looga baahan yahay dhankooda iney ka shaqeeyaan nabadda, islamarkaana haddii ay baahiyaan wax aanu maamulka la ogeyn tallaabo laga qaadi doono. Dhowaan ayaa gobolka Hiiraan waxaa loo soo magacaabay Yuusuf Dabageed, iyadoo marar badanna uu xilkan uu soo qabtay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Ciidamada xoogga dalka oo garabsanaya kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in ay saakay howlgallo ballaaran ka wadaan deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaannadii ay shalay kala wareegeen Al-shabaab. Ciidamada ayaa baaraya dhammaan guryaha ku yaalla deegaannadaasi, iyadoo dhanka kalena ay ku socdaan deegaanno kale oo gobolka Hiiraan ah, islamarkaana ay maamulaan Al-shabaab. Jeneraal Saalax Yacquub, abaanduulaha ciidanka xoogga dalka qeybta 27-aad ayaa warbaahinta u sheegay in deegaannada ay la wareegeen dhammaantood ay nabad tahay. Waxa uu sheegay iney wadaan sidii loo kordhin lahaa howlgallada ammaanka lagu sugayo. “Ammaanka waa uu wanaagsan yahay, waxaana wadnaa qorsheyaal amni xaqiijin ah, howlgallada waa ay socdaan, nabad diidkana waa laga saarayaa meelaha ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan” ayuu yiri abaanduule Saalax. Ciidanka xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa Labadii cisho ee ugu dambeysay waxay howlgallo ballaaran ka wadeen deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Garissa Senator Yusuf Haji who served as the head of Kenya defense Ministry has warned youth against being lured to join terror militant groups like Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  6. Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman arrived in Kuwait on Sunday, state media reported, amid expectation that he will discuss oil supplies and a Kuwaiti mediation effort to resolve Saudi Arabia’s conflict with Qatar. Source: Hiiraan Online
  7. Somali president is planning to fly to the breakaway northern Somalia enclave of Somaliland, the government said on Sunday in a rare and first trip laden with significance by a Somali leader to the region which often looks it's history with Somalia through binoculars of conflict and resentment since 1990s. Source: Hiiraan Online
  8. OTTAWA – Canada has reached a new trilateral trade agreement with the United States and Mexico, after nearly 14 months of NAFTA renegotiations. Source: Hiiraan Online
  9. Somali National Army (SNA) on Sunday killed five al-Shabab militants and injured several others during a fierce fighting between the soldiers and insurgents in the southern part of the Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku gacan seeray yabooh heshiis oo kaga yimid ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, si uu uga soo goostay golaha iskaashiga maamul goboleedyada Soomaaliya, ee dowladda u kacsan. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu Shariifka u bandhigay heshiis ka kooban labada qodonb oo midka koowaad uu yahay in dowladda Soomaaliya ogolaaneyso inuu muddo sanad ah ku darsado xilka, ayada oo doorashada maamulka Koonfur Galbeed dib loo dhigayo illaa bisha November ee sanadda 2019. Doorashada ayaa waxaa iminka la qorsheeyey bisha November ee sanadkan. Waxaa sidoo kale yabooha qeyb ka ahaa shixnad lacageed, oo aan la shaacin in ta ay la eg tahay oo dowladda Soomaaliya ay u ballan-qaad Shariif Xasan. Labadan qodob ayaa la sheegay in dowladda dooneysay in Shariifka uga soo jarta isbaheysiga maamul goboleedyada. Si kastaba, Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu ku gacan seeray yabooha dowladda, waxaana ilo-wareedyo ku dhow isaga ay shaaciyeen inuu diyaar u yahay inuu doorasho galo, isaga oo ku kalsoon inuu ka guuleysan karo musharaxiinta la loolamaya. Dowladda oo horey isbaheysiga madax goboleedyada uga saartay madaxweynehaa HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa rumeysan inay u baahan tahay ugu yaraan laba ama saddex madaxweyne inay usoo go’an dowladda, si ay u burburiso isbaheysigan. Waare ayaa qaatay laba milyan oo dollar, oo ay bixisay dowladda Qatar, waxaana sidoo kale loo sameeyey ballan-qaadyo kale oo taageero oo bil kasta uu heli doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa malaayiin dollar ku bixineysa dhismaha mid ka mid ah garoomada diyaaradaha ee ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka, oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online. Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa ku dhwaaqday in lacag gaareysa 12.3 milyan oo dollar ay ku abaal-marisay shirkad fadhigeedu yahay gobolka North Carolina oo lagu magacaabo URS Group, taasi oo fulin doona dayactir deg deg ah oo lagu sameynayo dhabbaha diyaaradaha ay ku ordaan ee garoonka Balli Doogle ee goblka Shabeellaha Hoose. Wasaaradda Gaashaandhigga waxa ay sheegtay in dayactirka uu ku jiro in si qoto dheer loo dhiso dhabbaha, si ay u fududaato howlgallada ee diyaaradaha ku samaynayaan garoonkaas. Dhismaha garoonka ayaa la filayaa in lasoo geba gebeeyo bisha September ee sanadda 2019, sida lagu sheegay warbixinta. Dhabbaha garoonka Balli Doogle ayaa dhererkiisu dhan yahay 3.2 km, waxaana sanadadiihi toddobaatamaadkii loo dhisay ciidamadii milatariga Soomaaliya, oo xilligaas taageero ka helayey Midowga Soviet ama Ruushka. Garoonka ayaa waxaa hadda isticmaala, oo deggan ciidamada Mareykanka ee howl-gallada ka fuliya Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Amisom, oo ayna wehliyaan ciidamada howlgallada gaarka ah fuliya ee dowladda Soomaaliya ee loo yaqaan Danab. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
  12. Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga Faarax Macallin ayaa Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta ku eedeeyay inuusan dooneynin ka hadalka dhibta ay ciidamadiisa ku hayaan Somalia. Waxa uu Siyaasiga Faarax sheegay in ciidamada Kenya ay dilal iyo gaboofallo joogta ah ka geystaan Gudaha wadamada Somalia iyo Kenya, waxa uuna tilmaamay in dowladiisa aysan diyaar u aheyn in xal loo helo dhibaatooyinkaasi lagu hayo Soomaalida. Siyaasiga Faarax Macallin waxa uu tusaale u soo qaatay ciidan ka tirsan Kenya oo todobaadkan garaacay dad rayid ah sidoo kalena dab qabadsiiyay guryo ay dad rayid ah leeyihiin oo ku yaala degaanka daba City lagu magacaabo oo ka tirsan Mandheera. Waxaa uu Uhuru Kenyatta ugu baaqay in uu wax ka qabto Ciidanka Kenya ee labada dhinacba ku dhibaateeya dadka rayidka ah. Wuxuu intaa raaciyay Faarax Macallin in Ciidanka Kenya ee aan ku jirin AMISOM ay bur buriyeen siinka Isgaarsiinta Hormuud,waxaana uu Madaxweynaha ugu baaqay in uu Magdhow ka bixiyo dhibaatada Ciidanka Kenya ka wadaan gudaha labada dal. Eeda iyo dhaliisha uu Faarax Macallin u jeediyay Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyaatta ayaa waxaa nooga soo ifbaxay 3 Arrin oo kala ah:- 1-In ciidamo badan Kenyan ah oo aan u diiwaan gashneyn AMISOM ay ka howlgalaan deegaanada Jubbaland. 2-In Ciidamada Kenya ay ka goosa heystan Madaxda ugu sareysa dalkaas oo aan iyagu ka hadal xasuuqa iyo boobka lagu hayo Soomaalida. 3-In Madaxda Kenya ay eedeymaha xasuuqa u qaatan dhaliilo mucaarad, isla markaana ku amana ciidamadooda si ay usoo xoojiyaan falalkaasi. Faarax Macalin ayaa muddo dhowr jeer Dowlada Kenya ku eedeeyay xasuuqa, hase yeeshee waxaa sii kordhay dhibta lagu hayo Soomaalida, halka uu ujeedku ahaa in la yareeyo xadgudubka. Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Kenya kuwooda jooga deegaanada Jubbaland iyo xadka ayaa xasuuq ba’an u geysta dadka shacabka ah, taa oo sii kordhisay tirada geerida muwaadiniinta Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  13. Hargeysa (Caasimada Online) – Majalada caalamiga ah ee Indian Ocean ee dalka Faransiiska ayaa cadadkeedii u dambeeyay ee Jimcihii waxay daabacday warbixin ay ku sheegtay in wasiirka maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi uu wada hadalo qarsoodi ah la yeeshay dhigiisa Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo masuuliyiin kale oo ka trisan madaxda dawladda Soomaaliya. Warbixintan oo uu beeniyay wasiirka maalilyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa waxay sheegtay inaanu Madaxweyne Biixi ka warqabin wada hadaladaas oo ay Indian Ocean News ku tilmaantay “Suurtagalnimada in la iswaafajiyo dakhligooda cashuurta iyo qaabdhismeedka nidaamkooda maaliyadeed si loo buuxiyo shuruudaha baanka adduunka iyo sanduuqa lacagta adduunka (IMF) iyo si ay dib ugu qiimeeyaan deymahooda iyo siinta deymaha.” Warbixinta ayaa intaas raacisay “Hindisahani waxa uu dawladda Federaalka Soomaaliya u ogolaanayaa in ay qayb deyntaas ka mid ah u cayinto/siiso Somaliland, laakiin waxaa ku xidhan shardi ah in marka hore heshiis adag oo siyaasi ah la gaadho (Soomaaliya iyo Somaliland).” Indian Ocean, waxay sheegtay in wada hadaladan uu Wasiirka maaliyadda Somaliland la yeeshay madaxda dawladda Soomaaliya aanu ku wargelin Madaxweynihiisa Muuse Biixi Cabdi. “Wada xaajoodka uu galay Yuusuf Maxamed Cabdi, waxa uu su’aal gelinayaa rabitaanka Hargeysa ee ah in ay ka madaxbannaanaato Muqdisho.” Ayay tidhi Indian Ocean warbixinta ay qortay. Wasiirka maaliyadda Somaliland ayaa warkan ku tilmaamay mid been ah. “Warkaasi waa mid la sameeyay oo been ah, waxbana kama jiraan, suurtogalna maaha inuu wada hadal na dhex maro Soomaaliya, waayo anigu waxaan ku shaqeeyaa siyaasadda madaxweynaha oo ah inay Somaliland iyo Soomaaliya kala yihiin laba dal oo kala duwan.” ayuu yidhi Wasiirka maaliaydda Somaliland, oo intaas raaciyay, “Markaas warkaasi waa been aanay waxba ka jirin.” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  14. Cairo (Caasimadda Online) – Hoggaamiyaha Xarakada islaamiga ah ee Xamaas ahna xubin siyaasadeed oo ka tirsan ururkaas Maxamuud Al-Zahar oo Maalintii Sabtida aheyd gaaray Magaalada Qahira ee Dalka Masar ayaa sheegay inuu socdo olole lagu doonayo in Israa’iil lacag lagu siiyo ayna duqeymo cusub ka geysato Magaalada Gaza ee dhulka Reer Falastiin. Hoggaamiyaha Xamaas ayaa sheegay inay iyaga diyaar u yihiin in la is dhaafsado Maxaabiista la kala heysto ayna dhankooda soo daayaan kuwa ay Israaiil ka heystaan ayagana ay soo daayaan qoysaska ay Falastiiniyiinta ka heystaan. Al-Zahar oo wareysi gaar ah siiyey Al-Khaliij Online ayaa sheegay inay socdaan qorsho uu wado Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas iyo dowlado Carbeed oo la doonayo in lacag lagu siiyo Israa’iil sidii ay u duqeyn laheyd Magaalada Gaza ee dhulka Falastiin. “Cabaas wuxuu qorsheenayaa duqeymo cusub oo laga fuliyo Magaalada Gaza, waxaana howshaas dhinac kala wado dowlado Carbeed kuwaas oo lacag ku bixinayo in duqeymo cadownimo ah lagu qaado Magaalada Gaza” ayuu yiri Al-Zahar oo wareysi siinayey Al-Khaliij Online. Al-Zahar oo la waydiiyey inuu faahfaahin ka bixiyo qorshahaan socdo iyo Dowladaha wado ayaa ka gaabsaday inuu hadda faahfaahin ka bixiyo isagoo kaliya ku gaabsaday inuu Cabaas qorshahaas u gudbiyey dowlado Carbeed ayna socdaan olole culus oo ka dhan ah Magaalada Gaza. Wuxuu sidoo kale sheegay in qorshahaan ay ka qeyb ka tahay in la xayiro lacagaha Bankiyada ku jiro, In xubnaha Xamas laga joojiyo Mushaarka iyo in Mushaarka laga joojiyo Xubnaha Maamulka ee Magaalada Gaza. Wuxuu sheegay inuu Cabaas wado qorsho lagu barakinayo dadka Gazza dagan, isagoo sheegay inuu arrintaas kala shaqeenayo Maamulka Israa’iil ee xoog ku heysto dhulalka Reer Falastiin. Al-Zahar ayaa sidoo kale sheegay inuu Cabaas dhabarka u saarinayo Xamaas weerarkii lagu qaaday Ra’isulwasaaraha Xukuumadiisa kaasoo ka dhacay Magaalada Gaza, wuxuuna si cad u sheegay inaysan wax lug ah ku laheyn Xamaas. Al-Zahar ayaa sidoo kale sheegay inuu Cabaas hoos u dhigay 40-50% mushaarka la siinayey Shaqaalaha maamulka Gaza ayna tahay ujeedada laga leeyahay in lagu ciqaabo weerar aysan shaqo ku laheyn., Mar wax laga waydiiyey sababta uu Qaahiro u joogaan isaga iyo xubno ka tirsan Xisbigiisa ayaa ku sheegay kaliya inay tahay sidii si hoose loogu xalin lahaa Khilaafka Gudaha ah ee kala dhaxeeyo Fatax, balse wuxuu meesha ka saaray in marnaba aan laga wada hadleyn sidii loo furi lahaa Heshiisyo nabadeed oo cusub. Wuxuu sheegay inuu Xisbigiisa weli ku taagan yahay heshiisyadii ay kala saxiixdeedeen sanadkii 2011 iyo 2017 ayna diyaar u aheyn in la galo heshiis cusub maadaama la fulin waayey kuwii hore loo wada galay. Madaxweyne Cabaas ayuu ku eedeeyey inuusan diyaar u aheyn fulinta heshiisyadii la galay Sanadkii 2011 isagoo ka cararayo qodobo ku jiro heshiiskaas oo dhigayo inay dhacaan Doorashooyin madaxweynimo iyo mid Baarlamaan. Caasimada Online Xafiiska Cairo Caasimada@live.com
  15. Xildhibaan hore ayaa sheegay in madaxda Villa Somalia ay qaadanayso masuuliyadda dagaalka siyaasadeed ee maamullada kala dhaxeeya. Siyaasi Cabdi Barre Jabriil oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa wax ka weydiinay caqabadaha ka dhalan kara khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladaha gobollada iyo Madaxtooyada Soomaaliya. Wuxuu sheegay in masuuliyadda wixii ka dhasha dagaalkaasi siyaasadeed ay qaadanayaan madaxda u sarreeysa dalka sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha. Wuxuu tilmaamay in dalkani la doonayo in laga gaarsiiyo doorasho cod iyo qof ah islamarkaana aynaan muuqan dhabbihii loo mari lahaa. Dhanka kale, xildhibaan hore Cabdi Barre ayaa su’aalnay hadalkii siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay siyaabo kale duwan u qaada dhigayeen maalmahani oo madaxweynaha qaranka Maxamed Farmaajo uu ka jeediyay Muqdisho maalinkii khamiista ee aynu ka soo gudubnay, kaasoo madaxweynaha siyaasiyiinta mucaaradsan maamulkiisa uu ugu yeeray kalmadda ah “Siyaasiga Xanaaqsan”. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/XIL-HORE-CABDI-BARRE-30-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Galkayo (HOL) - A court in Somalia's Galmudug State on Sunday sentenced a journalist to six months in jail for what it termed "False news", a journalists’ rights group said. Source: Hiiraan Online
  17. Dableey hubeeysan ayaa magaalada Muqdisho ku toogtay gabar ardayad aheyd. Allaha u naxariistee Caa’isho Cali Saneey oo aheyd 14 jir ayaa dhiganeeysay mid kamid ah Schoolada ku yaalo Muqdisho. Gabadhaan ayaa xiliga la dilayay waxa ay ka soo baxday Schoolka ay dhiganeeysay oo ku yaala Agagaarka hotelka Guuleed ee degmada Yaaqshiid gobolkan Banaadir. Hooyada dhashay gabadhaasi oo lagu magacaabo Fartuun Abuukar Suubiyeoo la hadashay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegtay in aanay garaneeynin sababta gabadheeda loo dilay. Hooyada ayaa sheegtay in kooxda dishay gabadheeda ay muddo ku murmayeen dilkeeda iyaga oo ugu dambeeyntiina dilay. Wararka qaar oo aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in kooxda dilka geeystay ay ahaayeen burcad gabadha dhimnatay Mobile-ka ka qaadanayay. Hoos ka Dhageyso codka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/09/Cod-Hooyo-Gabadheeda-la-dilay-PP-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gabar Ardayad ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  18. MOGADISHU (HOL) - Somalia’s former president on Sunday launched a new political party that he intends to use for the next presidential election which is scheduled to take place in the country by 2020. Source: Hiiraan Online
  19. Guddoomiyaha cusub ee xisbigani heysta aqlabiyadda baarlamaanka federaalka Soomaaliya, madaxweynihii siddeedaad ee dalkani mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa sheegay in Alle uu ka baryayo in amaanada loo dhiibay uusan ku ceebeynin. Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya Xasan Maxamuud ayaa maanta guddoomiye KMG ah loogu doortay magaalada Muqdisho Isbaheysiga UPD [Union of Peace and Democracy], kaasi oo ay ku midoobeen 3 Xisbi siyaasadeed. Xisbiyadda ku midoobey Ishabeysiga UPD ayaa kala ah; Daljir, PDP iyo Kut-ladda Horusocod, kuwaasi oo xubnaha ku jira ay isugu jiraan Xilldhibaano iyo Siyaasiyiin mucaarad ku ah maamulka madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa jeediyay. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/CODKA-MW-HORE-XASAN-SHEEKH-30-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo doortay Guddoomiyaha Xisbiga lagu magacaabo Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda (Union For Peace and Democratic- UPD). Munaasabad magaalada Muqdisho lagu qabtay ayuu Xasan Sheekh Maxamuud ka sheegay inuu ka mahadcelinaayo doorashada loo doortay Guddoomiyaha Xisbiga oo ah mid ku cusub saaxada Siyaasada. Muuqaal lasoo dhigay Bogga Xasan Sheekh uu ku leeyahay Facebook, ayaa waxaa lagu muujiyay in Xasan uu yahay Hogaamiyaha Xisbiga. Nuqul kamid ah haddalka Xasan ayaa ahaa “Waxan u mahad naqayaa Xubnaha Xisbiga Midowga Nabada iyo Dimuqraadiyadda oo maanta ii doortay Guddoomiyaha Xisbiga waxan Eebbe ka rajaynayaa in uu ii fududeeyo mas’uuliyadda culus ee laygu aaminay. Xasan Sheekh waxa uu sheegay in kulamo waaweyn uu qabandoono Xisbiga, isla markaana ujeedka ugu weyn uu maanta ahaa in la hagaajiyo Dastuurka. Xisbigan ayaa waxaa ku midoobey Xisbiga Daljir, Kutlada Horusocod oo ay ku jiraan Xildhibaanadii Qabyo iyo siyaasiyiin kale oo aad uga soo horjeeda Siyaasada Dowlada Somalia. Ku dhawaaqida Xisbigan waxa uu imaanayaa xili la sheegay in Xasan Sheekh iyo xulafadiisa ay qaateen magaca Xisbi uu leeyahay Siyaasi Cabdullahi Sheekh Xasan oo kamid ah Golaha Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed. Xisbiga C/llaahi Sheekh Xasan ee sanado badan ka hor la aas aasay ayaa lagu magacaabaa Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda Soomaaliyeed (Somali Peace and Democratic Union- SYPDU). HOOS KA DAAWO KHUDBADA UU XUBNAHA XISBIGA U JEEDIYAY XASAN SHEEKH
  21. Guddoomiyihii gollaha dhexe ee xisbiga talada haya ee Somaliland mudane Jaamac Ismaaciil Cige(Shabeel) ayaa maanta xilkii iyo xubinimadii xisbigaba laga xayuubiyay, kaddib kulan ka dhacay magaalada Hargaysa. Fadhiga ay gollaha fulinta ee xisbiga Kulmiye ku yeesheen xaruntooda dhexe ee magaalada Hargaysa ayay ku sheegeen warsaxaafadeed ay soo saareen in xilkii ay ka qaadeen guddoomiyihii xisbigaasi ee gollaha dhexe. Waxaa sidoo kale warka ku xusan in Jaamac Ismaaciil(Shabeel) laga saaray xubinnimadii xisbiga Kulmiye. Eedaha xilka lagaga qaaday xubnimadana lagaga xayuubiyay oo Jaamac Shabeel loo jeediyay waxaa kamid ah inuu u isticmaalay so qaldan uguna faa’iideystay aragtidiisa shakhasiyan. Jaamac Ismaaciil ayaa la xasuustaa in dhowr jeer ooh ore xilkani laga qaaday kaddib dhaliillo uu u jeediyay madaxweynaha iyo xukuumaddiisa. Xubnaha xisbiga talada haya ee Kulmiye ee Somaliland oo arrintani ku kala aragti duwan ayaa laga yaabaa in buuq siyaasadeed ay ka dhex kiciso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Wasiirka Amniga dowladda Jubbaland Cabdirashiid Cabdinuur Janan ayaa ku eedeeyay xukuumadda federaalka ah in ayaan waxba kala socon xaaladda ammaan ee ay ku sugan tahay Soomaaliya. Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in dowladdu aysan ka warqabin ciidamada Soomaaliyeed ee maalin kasta dagaalka ku jira, isagoo soo hadal qaaday Ciidamo lagu dilay Gobollada Jubbaland sida Gedo iyo Jubbada Hoose oo Shabaabka weerarro qaraxyo ah ay la eegteen. Wasiir Jannan ayaa tilmaamay in xukuumadda federaalka ah ay ku mashquulsan tahay oo kaliya baraha bulshada iyo dadka qoraallada ku qora Facebook-ga ee iyada buunbuuniya. Dhanka kale, wasiirka amniga Jubbaland ayaa sheegay in dowladda aynaan waqtigani la socon waxa ka socda dalka sida kan wax dilay iyo kan la dilay, kaliyana ku mashquulsan tahay barahaasi bulshada. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/CODKA-WASIIR-JANNAN-30-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa lagu wadaa in Xisbi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud looga dhawaaqo magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Xisbiga cusub ayaa waxa uu qorshuhu yahay in lagu dhawaaqo maalinta Khamiista ee fooda nagu soo heysa waxaana soo baxaaya is qabqabsi Xisbiyeed oo ka dhashay magaca Xisbiga cusub ee Xasan Sheekh. Is qabqabsiga Xisbiyeed ayaa soo shaac baxay kadib markii C/llaahi Sheekh Xasan oo Wasiir ka ah Maamulka Koofur Galbeed uu sheegay in magaca Xisbigiisa ay qaateen Xisbiga uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Xisbiga uu sheegtay C/llaahi Sheekh Xasan inuu aas aastay 2011 ilaa 2012 ayaa lagu magacaabaa Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda Soomaaliyeed (Somali Peace and Democratic Union- SYPDU), halka Xisbiga uu hoggaaminayo Xasan Sheekh lagu magacaabaa Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda (Union For Peace and Democratic- UPD) kaa oo isna lagu dhawaaqay 2018. Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga uu hoggaaminayo Xasan Sheekh ay dafiray in labada Xisbi ay isku magacyihiin isla markaana ay dadku yihiin kuwo isku khaldaaya. Waxa uu sheegay in uusan ka mid aheyn Xisbiyada uu diiwaan geliyay Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaran, magacaabida Xisbigoodana uu yahay mid ay horay uga sii fikireen inta aanay ku dhawaaqin, si aanay u dhicin inay qaataan magacyo ka mid Xisbiyada la diiwaan geliyay. Marka la’eego magacyada labada Xisbi ayaa ah kuwo isku eg, waxaana muuqaneysa in Xasan Sheekh Maxamuud iyo garabkiisa ay afduubteen magaca Xisbiga C/llaahi Sheekh Xasan oo Wasiir ka ah Maamulka Koofur Galbeed. Dowlada Somalia ayaa sidoo kale fursad u arkeysa inay ku duulaan tagto in magaca Xisbiga cusub horay loo diiwaan galiyay isla markaana aysan suuroobi Karin in mar kale ay Koox kale isticmaasho. Si kastaba ha ahaatee, is qabqabsiga Xisbiyadeed ee ka bilowday Muqdisho ayaa mugdi galinkara badqabka Xisbiyada kale ee horay loo diiwaan galiyay, iyadoo ay cabsi dhanka magaca ah lasoo daristay madaxda kale ee Xisbiyada.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshiid gobolkan Banaadir, ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay gabar Ardayad aheyd. Dilka gabadhaani ayaa ka dhacay Agagaarka hotelka Guuleed ee degmada Yaaqshiid, waxaana fuliyay maleeshiyaad la socday Mooto. Marxuumada la dilay oo magaceeda lagu sheegay Ca’isho Cali Saneey ayaa waxa ay xiliga dilkeeda ka timid iskuul ay dhiganeysay oo ku yaalla agagaarka Hotelka Ramadaan. Dilka gabadhani oo dareen gaara ku abuuray ardayda ayaa waxaa ka hadlay Hooyada dhashay oo lagu magacaabo Fartuun Abuukar Suubiye ayaa sheegtay in dilka ka hor ay maleeshiyaadkaasi jiidjiidayeen gabadheeda. Waxa ay Hooyadu sheegay in daqiiqado kadib muran soo kala dhex galay gabadha iyo maleeshiyada ay dhowr Xabadood oo bistoolad ah ku dhufteen. Waxa ay sheegtay in Gabadheeda ay ku jirtay Da’da 14-ka,isla markaana aysan garaneyn, goob waxbarasho ka timid loo dilay. Si kastaba ha ahaatee, dilka murxuumada ayaa kusoo beegmaya xili asbuuc ka hor magaalada Muqdisho gaar ahaan Jaamacad gudaheeda lagu dhex dilay Haweeney la oranjiray Aamino. Hoos ka dhageyso wareysiga hooyo Fartuun Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com