Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,327
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo Saraakiisha ugu sareysay Booliska. Wasiir Beyle ayaa sheegay in Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu kala hadlay muhiimada ay leedahay dar dar galinta horumarinta Canshuuraha Dalka iyo ilaalnta hantida Dadweynaha. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay ka go’an tahay sidii Ciidammada ay bil kasta u heli lahaayeen Mushaaraadka ay xaqa u leeyihiin maadaama ay sugayaan Amniga, dagaalna ay kula jiraan Cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab oo Shacabka u maleega Weeraro ay ku dhibaateeyaan. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed iyo Saraakiisha ayaa Wasiir Beyle Warbixin ka siiyay Amniga iyo xasiloonida ay soo hoyeen Ciidamada Booliska, iyagoona balanqaaday inay laba laabi doonaan dadaalka lagu sugayo amniga. The post Wasiir Beyle Oo la Kulmay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa barqanimadii maanta banaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday Ciidamada AMISOM uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Dibadbaxayaasha ayaa cabasho ka ahaa fal dil ah oo saaka AMISOM ay ka geysyeen Isgoyska Ex Koontarool Balacd ee degmadaasi, kadib markii qarax lagula eegtay halkaasi. Illaa iyo 4 Qof oo rayid ahaa ayaa la sheegay in ay ku dhinteen rasaas ay fureen Ciidamada Midowga frika ee AMISOM. Ehellada dadka la dilay oo Darawaliin ahaa ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ka dalbaday in wax ka qabato arrintaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/dad-.mp3 The post Banaanbax ka dhan ah AMISOM Oo ka dhacay Heliwaa appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-06112018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, waxaa Berri Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya soo gaari doono wafdi culus oo ka socdo dalka Turkiga. Wafdigaan ayaa waxaa hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Turkiga Hulusi Akar, waxaana kamid ah wafdigan Taliyaha Ciidamada Turkiga iyo Madaxda ugu sarreyso Saraakiisha Ciidamada. Sida aan xogta ku helany, ujeedada wafdigaan ayaa ah sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska Ciidamada Soomaaliya. Waxaa Magaalada Muqdisho ka socdo qaban qaabada soo dhaweynta wafdigaan, waxaana la filayaa inay kulamo la qaataan madaxda ugu sareyso dalka sida Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha. Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka caawiso dib u dhiska Ciidamada waxayna saldhig weyn ka sameysteen Duleedka Muqdisho halkaas oo lagu tababaro ciidamo badan oo ay leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dowladda Turkiga ayaa xiriir wanaagsan la leh dalka Soomaaliya tan iyo markii uu dalka madaxweyne ka ahaa Shiikh Shariif Sh. Axmed markaas uu Madaxweynaha Turkiga Erdogan safarkiisii ugu horeeyey ku imaaday Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarakada Al-shabab ayaa sheegatay in qaraxyo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ay ku dishay saddex ka mid ah Ciidamada AMISOM, seddex kalena ay ku dhaawacday. Qaraxyada oo saaka ka dhacay Degmada Huriwaa ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay afar qof oo sababsaday rasaas ay fureen Ciidamada AMISOM,waxaana ku dhaawacmay saddex kale. Al-Shabaab waxaa ay sheegtay in qaraxa kowaad lagu qarxiyay Gaari booyad ah,kaddibna Ciidan dhulka u degay Qarax labaad la kulmeen halkaas oo uu khasaaraha ka dhashay sida ay sheegeen. Dadka ku sugan Xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa saaka dhigay Banaanbax ay uga soo horjeedaan dilka Ciidanka AMISOM ay u geysteen dadka Rayidka ah. Ciidamada AMISOM ee lala eegtay qaraxyadan ayaa ah kuwa badanaa gurmadka iyo zaadka geeya xerada Maslax ee duleedka Muqdisho waxaana dhowr jeer ay la kulmeen qaraxyo noocan oo kale ah oo looga gubay gaadiid, askarna looga laayey Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta oo Nuqul ka mid ah uu soo gaaray Wakaalada SONNA ayaa u qornaa sidan:- Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka. Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira koofur galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo. Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku dhiirri gelinaysaa guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koofur Galbeed. The post XFS Oo war ka soo saartay doorashada K/ Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Kulan London ku dhex maray G Cabdiraxmaan Ciro iyo Garabka dhalinyarada Xisbiga Waddani ee UK Dhalinyarada Xisbiga Waddani Oo Si wayn uso dhaweyay Gudomiya Xisbiga Waddani Dr Abdiraxman Mohamed Abdilaahi Kana Wada hadlay sidii Xisbiga loo dardar galin laha Sidii loo xoojin lahaa Member ship ka Xisbiga sido kale waxa uu gudoomiyhu wuxu u mahad celiyay dhalin yaradii kala qayb qadatay doorashadii iyo muruqii ay galiyeen xisbiga Qaran News
  8. Golaha iskaashiga ee ay ku midaysan yihiin dowlad goboleedyada;Puntland,Jubaland,Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa si adag u cambaareeyay fara-gelin ay sheegeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed Soomaaliya. War-murtiyeed ka kooban oo ka soo baxay golaha islaashiga dowlad goboleedyada dalka ayay ku sheegeen in ku dhowaad 100 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Koonfur Galbeed loo daad-gureeyay magaalada Muqdisho,islamarkaana lagu qanciyay in ay u codeeyan musharraxa ay wadato Villa Somalia,taasoo meesha ka saaraysa doorasho xor iyo xalaal u dhacda,sida war-murtiyeedka ku xusan. Halkaan hoose ka akhriso. Puntlandi.com Source
  9. Dowladda federaalka Soomaaliya oo markii hore lagu tuhmayey iney farogelin ku hayso doorashada madaxweyne ee maamulka K/galbeed ayaa hadana qoraal arrimahan caddeyn u ah waxa uu kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda dhexe. Maamulka K/galbeed oo ah maamul leh Dastuur iyo sharci, sidoo kalena xaq u leh go’aan ka gaarista waqtiga doorashada ayaa hadana wasaaradda arrimaha gudaha waxay ku ammartay maamulkaasi ineysan dib u dhigin doorashadooda. Qoraalka ayaa sidan u qoran: Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka. Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira koofur galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo. Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku dhiirri gelinaysaa guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koofur Galbeed. Dhammaad Source: goobjoog.com
  10. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne Gaas ayaa luminaya shacbiyada gudaha ee Puntland waxaana taas loo sababeynaya qaabka uu ula dagaalamaayo Villa Soomaaliya. Cabdiweli Gaas oo xukunkiisa ay labo bilood ka harsan tahay ayaa fure u noqday khilaafka Dowlada dhexe iyo Dowlad goboleedyada. Gaas oo ay Farmaajo saaxiib hore ahaayeen ayaan joojin inuu jilaafeeyo tan iyo maalinkii la doortay 8dii Febraayo 2017. Shacabka iyo siyaasiyiinta Puntland waxaa ay dhowr jeer muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin Dowlada dhexe, laakiin marnaba Gaas masuuliyad iskama saarin rabitaanka bulshada deegaanka. Sida aan xogta ku helnay, Isimada iyo waxgaradka Puntland ayaa tiro labo jeer ah la fariistay madaxweyne Gaas iyagoo u sheegaya in uu wax ka badalo sida uu ku wajahaayo Dowlada dhexe xili ay Puntland dooneyso iney doorasho aado bisha Janaayo ee sanadka soo aadan. Isimada ayaa madaxweyne Cabdiweli ku yiri “Waqti badan iyo qarash badan ayaa Puntland uga baxayaa dagaalka Dowlada dhexe, taageero badan ayaan ku weynay oo Puntland lagu hormarin lahaa ee fadlan arrinta aan si kale u xalino” Wararka ayaa sheegaya in Gaas oo aan rajo badan ka qabin in dib loo soo doorto, uu isimada u sheegay in arrinta isaga iyo Farmaajo ay tahay siyaasad gaar ah waxaana uu sheegay in uu ka guuleysan doono. Waxaa ay odayaasha reer Puntland sheegeen in doorashada soo aadan aan looga maarmin Dowlada dhexe, laakiin waxaa muuqata inuu Cabdiweli arrintaas iska indha-tiraayo. Walaac badan ayaa ka jira qaabka ay u dhici doonto doorashada soo aadan ee Puntland. Isimada ayaa la sheegay iney ka tageen Cabdiweli iyagoo ku cel celinaya “Sidaan uma wacna Puntland”. Waxaa la aaminsan yahay in is faham-waaga Gaas iyo Isimada ay fursad siineyso musharaxiinta kale ee doonaya madaxtinimada Puntland. Saxaafada Puntland waxey sheegtay in isimadu ay waligood difaaci jireen Gaas balse hada ay ka quusteen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qoraal kasoo saartay doorashada Koonfur Galbeed oo shalay xubnihii ugu badnaa ee Guddiga doorashada ay iska casileen. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arimaha gudaha ayaa u qornaa Sidan:- Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka. Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira Koonfur galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo. Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku dhiirri gelinaysaa guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koonfur Galbeed. Warkaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa waxa auu ku soo aadayaa xilli xalay intoodii ugu badneyd ay is casileen Guddigii qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed,iyaga oo sheegay in ay faragelin kala kulmeen dowladda federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Bosaso[Puntland Post]-Shir in mudo ah u socday Beelweynta Siwaakhroon ,oo lagu dooranayay labada xubnood ee Baarlamanka Puntland u matali doonta 2019 ayaa lagu soo gabagabeeyay Magaalada Bosaso. Shirkan waxa shir gudoominayay Beeldaajaha Guud ee Beesha Beeldaaje ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, waxana sanadkan lakala siiyay xubnaha Labada jifo ee kala ah Maxamed Siwaakhroon Iyo Nuux Siwaakhroon. Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ayaa labadan beelood ku amray in ay si dag dag ah u soo xushaan labada xildhibaan ee u matalaya Baarlamaanka Puntland 2019 . Waxana Uu Beeldaajuhu sida oo kale uu u Mahad celiyay Dhamaan Waxgradkii Hawshan Mudada Dheer Ufadhiyay Isagoona Ku Amaanay Sida Wanaagsan Ee Ay Doorkooda Umuujiyeen. The post Mid ka mid ah Beelaha Gobalka Bari oo soo xulay Xubnihii u Matali lahaa Baarlamaanka Puntland appeared first on Puntland Post.
  13. Ilhaan Cumar, oo ah gabar Soomaaliya Mareykan ah ayaa qarka u saaran inay maanta noqoto gabadhii 2aad ee Muslim ah oo ka mid noqota congress-ka Mareykanka iyo qofkii ugu horeeyey ee ka soo-jeeda Soomaali ah oo xilkaas loo doorto. Waa Kuma Ilhaan: Ilhaan waa hooyo, sharci-dejiye, qaxooti ah, oo deyn lagu lahaa marka ay jaamacadda ka qalin jabisay, waxaa ay Mareykanka gashay iyada oo 12 jir ah. Haddaba, Halkan Ka Akhriso, 5 Sabab Oo Lagu Dooran Karo? 1. Canshuuraha: In la badalo canshuur dhaafka 2017-ka gaar ahaan dakhliga qofka, shirkadaha iyo canshuurha gobolka. 2. Deynta: Ma taageeri-doono in la taabto ceyrta bulsho, daryeelka caafimaad, waxaan boorinayaa in maalgeshi lagu ameeyo waxbarashada, caafimaadka iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaale. 3. Arrimaha Socdaalka: Waxaan meesha ka saari-doonaa ICE, tarxiilka, dadka oo la iska heysto, darbiga xuduuda lama dhisaayo, bad-baadinta nabad-geliyo doonka iyo in aan ka hortago in la mamnuuco hijrada. 4. Daryeel Caafimaad: Waxaan ku dadaali-doonaa in la awoodo, tayo leedahay, dadka oo dhan inay caafimaad helaan, oo ay ku jiraan caafimaadka ilkaha, indhaha iyo daryeel caafimaad oo muddo dheer ah 5. Hubka: Waxaan doonayaa in la mamnuuco hubka lagu dagaalo, waxaan kale oo maalgelin u raadin-doonaa daaweynta dhimirka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka. Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira koofur galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo. Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku dhiirri gelinaysaa guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koofur Galbeed. Dhammaad Puntland Post The post Wasaaradda Arimaha Gudaha “Doorashada Koonfur Galbeed waa inay ku qabsoonto xilliggii loo asteeyey ” appeared first on Puntland Post.
  15. Baydhabo (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyadda ayaa looga hadlay faragalin ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ku heyso maamul goboleedyadda gaar ahaan doorashadda Koonfur Galbeed Soomaaliya Golaha ayaa soo dhaweeyay Iscasilaadii Guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed oo ay sheegeen in ay kasoo hor yimaadeen Faragelin ay sheegeen in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ku hayso Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya. Golaha ayaa sheegay in illaa boqol Xildhibaan ku dhow oo ka tirsan Koofur Galbeed lagu daabulay diyaarado, lana geeyay magaalada Muqdisho, si loo siiyo lacago laaluush ah sida lagu yiri qoraalka. Halkaan hoose ka akhriso: Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  16. Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garòowe munaasabad casho sharaf iyo sagootin ah xalay ugu sameeyey qunsulkii hore ee qunsuliyadda Itoobiya u fadhiyey Puntland Mr. Asmalash oo ay dhammaatay muddo xiliyeedkiisii shaqo. Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa munaasabadda ku weheliyey Madaxweyne ku-xigeenkiisa Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo Saraakiil ka tirsan qunsuliyadda Itoobiya ee Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Mr. Asmalash ku ammaanay shaqada adag ee uu kasoo qabtay Puntland iyo sida uu u xoojiyey wadashaqaynta Itoobiya iyo Puntland. ” Runtii ma dhicin in aan maalin dhibsano shaqadiisa Danjire Asmalash, marwalba wuxuu u shaqaynayey si hufan, mana ahayn nin xafiiskiisa kaliya ku eg ee si balaadhan ayuu uga shaqayn jiray wanaajinta xiriirka labada dal, waxaan jaraynayaa midka badali doona in uu noqdo mid la mid ah, aad iyo aad buu u mahadsan yahay, waana u hambalyeynaynaa meel walba oo uu tago” ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa isna dhankiisa sheegay in Asmalash uu dhexgalay bulshada Puntland, waxaana uu tilmamaay inuu ahaa nin shakhsiyad wanaagsan oo markasta dhanka wanaagsan wax u xaliyo. ” Waxaan rabnaa dhammaantiin oo uu ugu horreeyo qusulku in aan idiinka mahadcelino wadashaqayntii wanaagsanayd ee aad dadka iyo dowladda Puntland-ba aad la lahay’deen, muddadii aad joogtey waxaad ka mid noqotay reer Puntland, sida aad dadka iyo dalkaba u kala garanayso, kan imaan doonana waxaan ka rajaynaynaa sidaas oo kale”. Ugu dambayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyey Mr. Asmalaash iyo hadiyado gaar ah oo ay kamid ahayd dharka hidiyo dhaqanka Soomaalida, sidoo kale Madaxweynaha ayaa iyana hadiyado gudoonsiinyey laba sarkaal oo dhammaystay shaqadoodii iyaguna. -DHAMMAAD- The post Dowladda Puntland oo saagootisay Qunsulkii Ethiopia ee Garoowe appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah xildhibaanada aqalka sare ku matala Koofur Galbeed ayaa ka hadlay iscasilaada ay shalay ilaa xalay ku dhawaaqeen 15 xubnood oo ka tirsan guddiga doorashada Koofur Galbeed. Senetar Ilyaas Cali Xasan ayaa nasiib daro ku tilmaamay iscasilaada guddiga doorashada Koofur Galbeed, isaga oo sheegay in waqti xasaasi ah ay ku dhawaaqeen iscasilaadooda xubnaha guddiga. Wuxuu sheegay in shacabka Koofur Galbeed looga baahan yahay inay gacmaha isqabsadeen oo aayahooda ay ka tashadaan, sida uu hadalka u dhigay. “Waa nasiib daro Aad iyo Aad uweyn Is Casilaadi Gudoomiyaha iyo Xubnaha Gudiga Doorashada Koonfur Galbeed Somalia, waxaana rajeynaayaa dadka KG iney gacmaha is qabsadaan xaalada taagana loo wada istaago sidii loo xalin lahaa”ayuu yiri Ilyaas Cali Xasan. Xaalad gashay mowjad kale ayaa ka taagan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxaana arintaan la aaminsan yahay inuu ka dambeeyo Shariif Xasan Sheikh Aadan oo culees ka dareemaya doorashada Koofur Galbeed. Xildhibaanada ugu badan ee Koofur Galbeed ayaa ku sugan magaaada Muqdisho, waana sababta ka dambeysay xiisadda cusub ee siyaasadeed ee kaso korortay doorashooda Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Afgooye ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/ Hoose ayaa ku warramaya in Xalay Oday da’ ahaa lagu dilay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dilkan ayaa la sheegay in uu ka dhacay Maqaaxi ku taalla agagaarka Baar Ismaaciil ee degmadaasi. Illaa 2 ruux oo uu mid ka mid ah ku hubeysnaa Qoray Ak47 ayaa fuliyay dilkaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Kooxihii ka dambeeyay dilkan ayaa goobta isaga baxsday, waxaan dilka kadib goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa amniga oo baaritaano ka sameeyay halkaasi. Sidoo kale Warar heshay Shabelle ayaa ku warramaya in dilkan uu salka ku hayo dilal la xariira aanooyin Qabiil oo ka tagan qeybo ka mid ah Sh/ Hoose. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka oo ku aadan dilkaaasi. Muddooyinkii dambe waxaa gudaha Afgooye ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, kuwaas oo isugu jira dilal qorsheysan iyo weeraro intaba. The post Kooxo hubeysan Oo xalay Oday da’ ahaa ku dilay Afgooye appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Senator Axmed Macalin Cumar Nadiir oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa ka hadlay jahwareerka siyaasadeed ee ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Senotor Nadiir ayaa marka hore nasiib darro ku tilmaamay is casilaadii ay ku dhawaaqeen xubno ka mid ah guddiga qaban qaabada doorashada maamulka K/ Galbeed Soomaaliya. Waxaana uu sheegay in aan la aqbali karin in caqabad lagu noqdo doorashada la filayo in 17 bishan ay ka dhacdo Koonfur Galbeed Soomaliya. Sidoo kale Senator Axmed Nadiir ayaa ugu baaqay Madaxda DFS in ay soo faragaliyan arrimaha K/ Galbeed, maadaama ay mas’uul ay ka yihiin guud ahaan dalka. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/ND.mp3 The post Senotor Nadiir Oo DFS ka dalbaday in ay aysan gacmaha ka laaban arrimaha K/ Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article
  20. (SLT-Riyadh)-Qoraagii reer Sacuudi isla markaasna ahaa Wariye Turki Bin Abdul Aziz Al-Jasser ayaa dhintay kadib markii lagu jir dilay Xabsi ku yaal dalka Sacuudiga, sida uu qoray wargeyska New Khaleej. Arrintan ayaa imaneysa bil kadib markii Sacuudiga ay qirteen in suxufi Jamaal Khaashuqji lagu dhex-dilay qunsuliyaddooda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Illi wareedyo Xuquuqul Insaanka u doodo ayaa sheegay in Al-Jasser la xiray isla markaasna uu jirdil u dhintay kadib markii ay dowladda Sacuudiga ku eedeysay inuu maamulayey akoonka Twitter ee Kashkool kaasoo hadda la xiray kadib markii ay dacwad ka gudbiyeen qoyska Boqortooyada. Sida ay illo wareedyada xaqiijiyeen Al-Jasser ayaa loo aqoonsaday inuu ahaa ninkii Maamulayey Akoonka Twitterkaa uuna ku shaqeenayey Xafiis ku yaalo Dubai. Wariyahaan ayaa waxaa la xiray Bishii March ee sanadkaan, waxaana lasoo sheegayaa inuu u dhintay tacadi xoog leh oo loogu geystay xabsiga dhexdiisa. Dilkaan loo geystay wariyahaan ayaa wuxuu kusoo aadayaa Xilli ay weli Sacudiiga dhexda kaga jirto fadeexadii ka dhalatay dilkii dalka Turkiga loogu geystay Wariye Jamal. Boqortooyada Sacuudiga ayaa u qorsheysay dil iyo xabsi cid kasta oo ka hor timaado amaradooda, waxayna Awoodii dalkaas kusoo koobmatay Qoyska Boqortooyada. Source
  21. (SLT-Muqdisho)-Gabadh Ardayad aheyd ayaa xalay lagu dilay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, iyadoo dilkeeda uu warar kala duwan ka soo baxayo. Sida wararku sheegayaan askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa rasaas ku furay mooto bajaaj ay saarneyd gabadha agagaarka Xaafada Ceel Qalaw ee degmada Wadajir. Gabadha ayaa lagu magacaabayay Safiyo C/raxmaan, waxay macalimad ka aheyd Dugsiga Raage Ugaas, waxaa ay ka qalinjebisay mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho. Qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa dilkan walaac ka muujiyay, waxaana dad badan ay soo dhigeen sawirkeeda baraha bulshada, iyagoo dalbaday in cadaaladda la horkeeno askarigii falka dilka geystay. Source