Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,144
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. 10-kii September, 2012 ayuu noqday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, kadib markii codad gaaraya 190 cod uu helay Wareegii u dambeeyay ee doorashada, isagoo ka guuleystay Sheikh Shariif oo helay 79 cod. Isaga, 8 February 2017 ayaa looga guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho, ee uu kusoo baxay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Markii uu xilka wareejiyay kadib bishii March ee sanadkii hore ayuu ka duulay magaalada Muqdisho, sanad iyo bar kadib waxaa jiro arrimo badan oo is biirsaday oo sababay dib ugu soo laabashadiisa Muqdisho. Xasan Sheikh, Sababaha uu u yimid Muqdisho, wuxuu ku sheegay inuu wadatashiyo sameyn doono, kaasi oo ku saabsan xaaladaha dalka ka jiro. Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in imaanshaha Xasan Sheikh Maxamuud ee Muqdisho ay horboodayaan xildhibaano mucaaradaya dowladda hadda dhisan iyo shaqsiyaad kale oo dhaqaalo ku bixinaya yagleelida xisbi weyn oo ay ku mideysan yihiin ragii lasoo shaqeeyay Xasan Sheikh iyo Xubno kale oo Mucaarad ah. Arrinta kale ee keentay imaanshihiisa ayaa ah iney heleen warbixino la xiriira in madaxda taladda haya ay wadaan qorshe muddo kororsi ah iyo in la xadido tirada xisbiyadda ka qeyb galaya doorashada soo socota, si looga hortago xisbiyo awood badan, sida kan ay qorsheynayaan Xasan Sheih iyo Xulafadiisa. Damaca madaxda taladda haya oo ah sameysashada xisbi weyn oo ay ku mideysan yihiin madaxweyne Farmaajo iyo shaqsiyaad xilal hadda haya, ayaa qeyb ka ah waxyaabaha keenay inuu yimaado Xasan sheekh Maxamuud. Xasan Sheikh, Muddadii u dhaxeysay 2012 ilaa 2017, waxay is qabteen shaqsiyaad badan kuwaasi oo qaarkood ay heshiiyeen intuu ku sugnaa dalka dibadiisa, waxaana ugu horeeya Axmed Macalin Fiqi iyo shaqsiyaad kale oo doonaya inay sameeyaan xisbi siyaasadeed weyn oo ay ku jiraan dad magac weyn leh. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo aad u taageersan xukuumadda Kheyre shalay ayuu Cafis ka dalbaday Xasan sheekh, maadaama la rumeysan yahay inuu ahaa saaxiibka Xasan, balse doorashadii ay kula hareen. Imaanshaha uu Xasan Sheikh Maxamuud ku yimid Muqdisho kuma koobnaan doonto Muqdisho, sida uu sheegay markii uu kasoo dagay Garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, oo wuxuu tagi doonaa gobolada dadka si saameyn uu ugu doorashooyinka qaar oo ka dhacaya Garowe Iyo Baydhabo. Intii tallada uu hayay Xasan Sheikh Maxamuud, wuxuu doorweyn ku lahaa dhismaha maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, laakiin madaxdii loo doortay maamuladaasi hadda xilka ma hayaan oo mooshinno ayaa lagu riday. Dhismaha maamuladaasi oo si sahlan lagu galay ayaa keenay is jiidjiid badan oo beelaha dhexdooda ah, waana tan keentay in xasilooni daro siyaasadeed ay ka dhacdo Galmudug iyo Hirshabeelle. Haddaba maxaa imminka kusoo beegay imaanshaha Xasan Sheikh ee magaalada Muqdisho, waxaan su’aashaasi weydiiyay siyaasi Caydaruus Muxumad Af-Sagaaro, isagoo sheegay in waxba uusan soo kordhineynin safarka. Waxaa aad loogu amaanaa Xasan Sheikh Maxamuud wanaagsanaantii siyaasadiisii arrimaha dibadda, waxaana jira jiro dhaliilo badan oo kaga imaanayay siyaasadiisii arrimaha gudaha. W/D Mohamed Isse Mohamud mcmaxamuud1@gmail.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa daboolka ka qaaday inay bilaabi doonaan baaritaano lagu sameyn doon shaqsiyadka sheegtay inay ka shaqeeyan Dastuurka dalka. Guddoomiye Mursal waxa uu sheegay in baaritaankooda uu noqon doono mid xooga lagu saari doono la-xisaabtanka Hay’adaha ka Shaqeeya dib u eegista Dastuurka dalka. Sababta baaritaanka ayuu ku sheegay inay tahay si loo kala cadeeyo Shaqadooda, waxa uuna tilmaamay inay jirto shaqo yari. Mursal waxa uu carab ***** in qorshuhu yahay in ay soo diyaariyan liiska Hay’adaha ka Shaqeeya dib u eegista dastuurka ha ahaadaan kuwo Caalami ah iyo kuwa Gudaha dalka ka Shaqeeya iyo waxyaabaha ay qabtaan. “Waxa uu saameyn doona dhamman Hay’adaha ku shaqada leh arrimaha dastuurka gaar ahaan Hay’adaha maxaliga iyo kuwa heerka caalami ah” Sidoo kale, Guddoomiye Mursal waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray inay ku dadaali doonaan in la soo dhameystiro xubnaha ka maqan Guddiga Madaxa-banaan ee dib u eegista Dastuurka oo laga sugayo Dowlad Goboleedyada. Haddalka Mursal ayaa imaanaya xili Hay’adaha ku howlan arrimaha Dastuurka lagu eedeeyay inay daba dheereynayaan dhameystirka Dastuurka isla markaana ay ka dhigeen mashruuc aan dhamaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha Xi Jinping. Wadahadallani waxa ay hordhac u yihiin Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika. Madaxweyne Farmaajo waxa uu Madaxweyne Xi Jinping ku bogaadiyey dib u habaynta uu ku sameeyey siyaasadaha dalkiisa si waddanka Shiinaha loo gaarsiiyo horumar ballaaran. Dhankiisa, Madaxweyne Xi Jinping ayaa ku ammaanay Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa horumarka ay ka gaareen dhinacyada siyaasadda, dibu dhiska dalka iyo dhaqaalaha. Labada Madaxweyne waxa ay lafa gureen qodobo la xiriira iskaashiga labada dhinac, ganacsiga iyo maalgashiga, hiigsiyada cusub ee iskaashiga dhaqaale, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya. Labada hoggaamiye waxa ay sidoo kale isla falanqeeyeen ka qaybgalka Soomaaliya ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) iyo muhiimadda uu leeyahay hindisaha lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale ee loo yaqaan “Belt and Road Initiative”, kaas oo fududeynaya isku xirnaanta dalalka qaybta ka ah, korna u qaadaya horumarkooda dhaqaale. Madaxweyne Farmaajo waxa uu qiray taageerada laxaadka leh ee Shiinaha, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan taageeradooda dhinaca horumarka iyo in la dardargeliyo xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya. Labada Madaxweyne waxa ay isla meel dhigeen in la sii kobciyo heshiisyada ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo in la abuuro iskaashiyo hor leh oo ku aaddan horumarka iyo dhaqaalaha. Labada dowladood ayaa kala saxiixday labo isfaham oo ku saabsan Hindisaha Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative) iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee labada dal oo ay kala saxiixeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Dowladda Shiinaha ayaa ku yaboohday dhaqaale lagu taageerayo amniga, gargaarka iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.
  4. At least 80 people have mysteriously disappeared or died in the hands of police in the Coast and North Eastern regions since 2015, a human rights group claimed on Thursday. Source: Hiiraan Online
  5. Mandazi is Swahili for a fry bread that is eaten as a snack along the Swahili coast. While usually eaten later in the day, it is not unheard of for breakfast. Source: Hiiraan Online
  6. A Somali shopkeeper from Newlands West, KwaZulu-Natal, was hospitalised after arsonists attempted to burn him alive inside his tuck shop on Thursday night. Source: Hiiraan Online
  7. The main suspect in the shooting of a former Garissa county official died inside the Parklands Police Station cells on Thursday. Source: Hiiraan Online
  8. The Ethiopian Federal High Court on Thursday denied bail to former President of the Ethiopian Somali regional state, Abdi Mohammed Omer, a.k.a Abdi Illey, and three other former senior officials of the state. Source: Hiiraan Online
  9. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha Mudane Xi Jinping. Wadahadallani waxa ay hordhac u yihiin Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika. Madaxweyne Farmaajo waxa uu Madaxweyne Xi Jinping ku bogaadiyey dib u habaynta uu ku sameeyey siyaasadaha dalkiisa si waddanka Shiinaha loo gaarsiiyo horumar ballaaran. Dhankiisa, Madaxweyne Xi Jinping ayaa ku ammaanay Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa horumarka ay ka gaareen dhinacyada siyaasadda, dibu dhiska dalka iyo dhaqaalaha. Labada Madaxweyne waxa ay lafa gureen qodobo la xiriira iskaashiga labada dhinac, ganacsiga iyo maalgashiga, hiigsiyada cusub ee iskaashiga dhaqaale, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya. Labada hoggaamiye waxa ay sidoo kale isla falanqeeyeen ka qaybgalka Soomaaliya ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) iyo muhiimadda uu leeyahay hindisaha lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale ee loo yaqaan “Belt and Road Initiative”, kaas oo fududeynaya isku xirnaanta dalalka qaybta ka ah, korna u qaadaya horumarkooda dhaqaale. Madaxweyne Farmaajo waxa uu qiray taageerada laxaadka leh ee Shiinaha, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan taageeradooda dhinaca horumarka iyo in la dardargeliyo xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya. Labada Madaxweyne waxa ay isla meel dhigeen in la sii kobciyo heshiisyada ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo in la abuuro iskaashiyo hor leh oo ku aaddan horumarka iyo dhaqaalaha. Labada dowladood ayaa kala saxiixday labo isfaham oo ku saabsan Hindisaha Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative) iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee labada dal oo ay kala saxiixeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Dowladda Shiinaha ayaa ku yaboohday dhaqaale lagu taageerayo amniga, gargaarka iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo la kulmay Xi Jinping appeared first on Puntland Post.
  10. Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose oo Muqdisho dhanka koofur kaga jirta 30-KM. Dadka deegaankaasi oo la hadlay Warqabadka Warbaahinta Puntland Post ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegaan in dagaal culus xalay saqdii dhexe halkaasi uu ka dhacay. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa 3 Jiho ka soo weerartay degmadaasi Afgooye ee Gobolka Sh/hoose. ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi xalay ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose. Maamulka Koonfur Galbeed ee gacanta ku haya degmadaasi wali kama hadlin dagaalkaasi iyo qasaaraha uu geeystay. Al-Shabaab ayaa dagaalo soo noqnoqday waxa ay ku qaadaan Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Al-Shabaab oo weerartay Afgooye appeared first on Puntland Post.
  11. Ra’isilwasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay hooygiisa ku booqday Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa soo dhoweeyn balaaran loogu sameeyay Muqdisho. Xasan Sheekh iyo Xasan Cali Kheyre ayaa ka wada hadlay hanaanka dowlada Soomaaliya ay hadda ku shaqeeyso. Ra’isilwasaare Kheyre ayaa Xasan Sheekh u sharaxay hormarka dowlada Soomaaliya ay gaartay. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warar aan helnay ay sheegayaan in maalmaha soo socdo uu ku dhawaaqi doono xisbi siyaasadeed. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Kheyre iyo Xasan Sheekh oo kulmay appeared first on Puntland Post.
  12. Minnesota Republican gubernatorial nominee Jeff Johnson says it is time to end the federal government’s refugee resettlement program in the state. Source: Hiiraan Online
  13. More Americans are going to college than ever before. But even as students attend college at record-breaking rates, the country continues to fall behind other nations. Source: Hiiraan Online
  14. Cristiano Ronaldo is on his way back to Manchester United after a Champions League draw of mixed fortunes for English clubs. Source: Hiiraan Online
  15. As calls grow in the U.S. and Europe to pressure China to halt alleged human-rights abuses against its Muslim minority, Beijing has so far escaped any serious criticism from governments across the Islamic world. Source: Hiiraan Online
  16. It's called Project Oxygen. Beginning in 2008, Google researchers wanted to understand what makes a manager great at Google. Here's what they found. Source: Hiiraan Online
  17. Waxaa magaalada Muqdisho ku kulmay Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Kheyre ayaa hoygiisa ku booqday Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay 18 Bil kadib oo uu ku maqnaa wadamada Turkiga iyo Tanzania oo ay labadiisa qoys ku kala nool yihiin. Sawirran la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya Kheyre iyo Xasan Sheekh oo wada fadhiya, iyo iyagoo is gacan qaadaya, si ay farxadi ka muuqato, marka la ictimaado dhoola cadeyntooda. Wali si faahfaahsan loogama hadlin waxyaabaha ay ka wada hadleen labada masuul, waxeyse dad ku dho dhow kulanka soo sheegayaan iney la xiriirtay oo kaliya is xog wareysi, ayna jiraan kulamo kale oo lagu balamay. Kheyre, ayaa ka hor inta aan loo magacaabin Ra’iisul wasaarinimada Somaliya, waxa uu kamid ahaa dadka ugu dhodhow Madaxweyne Xasan Sheekh, waxeyna dadka qaar ku sheegeen inuu ahaa ruuxa labaad ee ay ufurnaayeen Albaabada Xafiiskii Xasan sheekh, marka laga reebo Faarax Sheekh C/Qaadir, iyadoo dadka qaarna kaalinta koowaad Kheyre keena.
  18. Heesaaga caanka ah ee reer Uganda , isuna badalay siyaasiga, Bobi Wine ayaa laga hor istaagay in uu dalka ka dhoofo si baaritaan caafimaad ugu aado dalka dibediisa. Bobi Wine oo ah xildhibaan mucaarad ah ayaa xabsiga loo taxaabay markale, waxaana todobaadkii hore lagu soo oogey dacwad qaran dumisnimo ah. Tani ayaa waxa ay ka dambaysay kadib markii la dhagaxyeeyay madaxweyne Yoweri Museveni oo la socday kolonyo baabuur ah. Maalintii isniinta, xaakim ayaa u ogolaaday damaanad kadib markii uu sheegay in uusan filanaynin in uu baxsado. Robert Amsterdam oo ah garyaqaanka Bobi Wine ayaa sheegay in dib loo xirey, lagana xiray garoonka caalamiga ah ee Entebe. Lama oga halka la geeyay, balse waxa uu Garyaqaanka sheegay in si xoog ah loogu ritey gaariga gargaarka degdega oo ay booliiska leeyihiin. Bobi oo ku socda ulaha curyaamiinta ayaa isniintii kasoo muuqday maxkamadda, balse booliiska ayaa sheegay in aysan waxbo ka jirin sheegashooyinka ah in la jirdilay. Ka hor xiritaankiisa, waxa uu Bobi Wine faafiyay sawir muujinaya darawalkiisa oo toogasho lagu diley, wuxuuna sheegay in isaga loo malaynayay. Waxaase la xirey kadib markii uu isu soo bax ku qabtay magaalada Arua, halkaas oo sidoo kale dhagxaan lala dhacay kolonyo baabuur ah oo uu madaxweynaha la socday. Waa kuma Bobi Wine? Heesaagan caanka ah ayaa intii muddo ahba ahaa qodax dhinac kaga taagan madaxweyne Museveni, iyada oo markii lasoo doortay sanadkii hore ay taasi horseeday in 3 xildhibaan oo kale oo madaxbanaan lasoo doortay, kuwaas oo ka adkaaday dhammaan musharixiintii madaxa banaanaa. Waxa uu sidoo kale hormuud ka ahaa ololihii looga soo horjeeday kordhinta sanadaha uu madaxweynaha xilka hayn karo. Waxa uu sidoo kale qeyb ka ahaa olole lagu diidanaa sharci cusub oo ay dowladda kusoo rogtay baraha bulshada. ISHA BBC
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxaa caawa laga maqlay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kaa oo ka dhashay Miino loo aasay gaadiid ay la socdeen ciidamada AMISOM. Qaraxa oo jugtiisa laga wada maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa caawa maqribkii ka dhacay xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Heliwaa ee Gobolkaan Banaadir Qaraxa ayaa waxaa lala eegtay kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan AMISOM oo ku socdaalayay Xaafada Suuqa Xoolaha waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan. Ciidamada AMISOM ayaa Qaraxa kadib ooda ka qaaday rasaas geysatay waxyeelo, waxa ayna horay usii wateen socdaalkooda. Qaraxa ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen ilaa laba ruux, halka hal ruux oo shacabana uu ku dhintay. Qofka dhintay ayaa la sheegay inuu ahaa Oday dhaqmeed lagu magacaabi jiray Hilowle, sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal. Qaraxa ayaa kusoo beegmaya xili bilowga todobaadkan Qarax ceynkaasi ah ciidamada AMISOM lagula eegtay degmada Heliwaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Dad ka careysnaa dilka Darawalka Mooto Bajaajle ayaa maanta xiray isgoyska Sanca ee Magalada Muqdisho. Dadkan oo ka careysnaa dilka darawalka ayaa xiray isgoyska kuwaa oo jidka ku jaray dhagxaan iyo taayaro. Dadkan ayaa xiray Isgoyska Sanca oo kala qeybiya Degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid waxa ayna diideen in Gaadiidka iyo Mootooyinka ay halkaa maraan, iyagoo ku qeylinayay dooni meyno gacan ku dhiigle. Shacabkaan oo isgoyska ku gubay taayaro ayaa dowlada Somalia ka dalbaday inay tiirka u geyso Askariga ka danbeeyay dilka Mootoolaha oo ka tirsanaa qeybta Minishiibiyada. Askariga dilka geystay oo ka tirsanaa Ciidamada Minashiibiyada ayaa la sheegay in durbaba uu goobta ka baxsaday,waxana Darawalka mooto Bajaajta uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaasii uu ku dhuftay askariga. Dilka Darawalka mooto Bajaajta weli kama hadlin Maamulka degmada Yaaqshiid iyo laamaha amniga Soomaaliya,waxana Muqdisho caadi ka noqtay dilalka loo geysto Darawalada mooto Bajaajta.
  21. Minneapolis City Council Member Alondra Cano will soon hire a new senior policy aide: Ahmed Hirsi, the husband of state Rep. Ilhan Omar, who recently won the DFL primary in the race to replace U.S. Rep. Keith Ellison. Source: Hiiraan Online
  22. JOHANNESBURG – (Caasimada Online) – At least three people have been killed in xenophobic-linked violence during looting in Johannesburg’s sprawling town of Soweto Lungelo Dlamini, police spokesman said at least 3 people had been killed in the latest violance in Soweto town. Dlamini says its police soldiers arrested 27 people in connection with violance and looting in the town, following an operation. “We have nabbed 27 people in the xenophobic-linked violence”, he said. Many of the small shops selling basic goods in South Africa’s townships are owned by nationals from other African countries, including Somalis, Ethiopians, Mozambicans and Zimbabweans. Somali shop owners, say they lost as many as 20 shops worth hundreds of thousands of dollars. The shop owners called for government to protect the violance. The latest violance was strongly condemned by South African government, urging police to take firm action. South Africa has recurrent spates of xenophobic attacks – with particularly bad examples in 2008 and 2015 – and more than 60 people have been killed in the past decade. Caasimada Online Johannesburg News Desk Caasimada@live.com
  23. MINNEAPOLIS (WCCO) — A second child in a month has been diagnosed with measles in Minnesota. Neither child was vaccinated. Source: Hiiraan Online
  24. The US Navy seized hundreds of small arms, including AK-47s, from an unflagged boat in the Gulf of Aden, a US defence official said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  25. "I was about 11 or 12 years old. Several people held me down. Then they cut me. They laid me on the table. I can still see the image. I had such horrific pain. Then they sewed me together. They tied my legs together for a month so that the wound would heal." Source: Hiiraan Online