-
Content Count
213,475 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Onlien) – Kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya waxa ay leedahay laba waaxood oo dadka shacabka ah uga soo qaada canshuuraha, sida lagu sheegay daraasad cusub. Waax waxaa la yiraahdaa Zakawaat, midka kalena Waaxda Maaliyadda. Waaxda Zakawaat waxa ay soo ururisaa waxyaabaha aan lacagta ahayn ee Shabaab ay dadka ka qaaddo, sida xoolaha iyo dalagyada beeraha kasoo go’a, halka Xafiiska Maaliyadda uu ururiyo lacagta canshuurta ah. Xafiiska maaliyadda waxa uu uruuriyaa lacagta canshuuraha oo ay ku jiraan Zakawaat-ka oo lagu qaado cadad dhan 2.5% oo ku jaan go’an qiimaha ganacsiga oo ay qiimeyso Al-Shabaab ka hor macaashka. Tani waxa ay baal marsan tahay sharciga Islaam-ka oo ogolaanaya in Zakada lagu bixiyo boqolleey dhammaadka sanad dhaqaaleed walba, waxaa laga jarayaa raasamaalka oo dhan. Tani waxa ay horseedday in xubnaha Al-Shabaab dalbadaan in mushaarkooda laga bixiyo Zakada halkii ay ku qaadan lahaayeen canshuuraha uu soo uruuriyo xafiiska maaliyadda. Al-Shabaab waxa ay haystaan liiska milkiileyaasha ganacsiga iyaga oo qiimeeya qiimohooda. Dhammaadka sanadka, dhammaan ganacsiga waxaa laga doonayaa in ay bixiyaan Zakada sanad laha ah iyaga oo kaash ahaan ugu geeynaya xafiiska maaliyadda. Dhaqankan waxa uu ka hirgalaa xataa deegaanada aysan Shabaab-ku joogin: Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho, milkiileyaasha ganacsiga waxaa ku hareereysan mas’uuliyiinta maaliyadda ee Al-Shabaab, deegaanada ay Shabaab maamulaan Zakada kaash ayey ku dhiibaan. Sidaas oo kale, ganacsade jooga Buur Saalax oo Galbeed-ka Mudug ah ee Puntland, taas oo aad uga fog meelaha ay ku xoogga badan yihiin Al Shabaab waxa uu sheegay in Al-Shabaab ka qaaddo Zakada. Sheekadan waxa ay sidoo kale ka jirtaa Boosaaso, halkaas oo ay mukhaabaraadka Al-Shabaab joogaan, si joogta ahna u bartilmaameedsadaan ganacsatada diida bixinta canshuurta. Lacagaha waxaa lagu qaadaa is baarooyin oo ay joogaan Al-Shabaab, hanti-dhawre ayaa u yeera si uu u weydiiyo lambar sireedyo iyo warqadaha lagu xaqiijiyo in la cagta la bixiyey. 10 Maalmood kaddib, xisaabiye ayaa ka qaada lacagta is baarooyinka. Magaalo walba waxa ay leedahay is baarooyin ku hareereysan oo uu booqdo xisaabiyaha kaas oo lacagta u geeya hanti dhawrka oo fadhiya xafiiska guud ee magaalada. Hanti dhawrka waxa uu xaqiijiyaa in lacagta la soo qaaday iyo warqadda lagu bixiyey in ay isku qiime ku qoran yihiin; waxa uu siiyaa warqad tiimbareysan xisaabiyaha oo u sii qaada Bangiga. Bangigana, xisaabiyaha waxaa laga soo siisaa warqad caddeyn ah oo uu ku soo celiyo hanti dhawr-ka. Kaddib labaddii biloodba, lacag qaadeyaasha waa la bedelaa si ay fasax u soo qaataan, kaddib dib ayaa loo celiyaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Wada-shaqeynta ka dhaxeysa sirdoonka Israel iyo Imaaraadka Carabta ayaa sanado badan daaha gadaashiisa laga waday, hase yeeshee warbixinno caalami ah ayaa kashifay heerka wada shaqeynta labada dhinac. Sidoo kale warbixinnada ayaa shaaca ka qaaday in Sacuudiga ay kula biireen Imaaraadka inay isku haleeyaan sirdoonka Yahuudda. Wargeyska Times of Israel ayaa saddexdii bishan October qoray in mas’uuliyiita Sacuudiga ay barnaamij sirdoon oo Israel ay sameysay u adeegsadeen siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dalka dibeddiisa ku sugan iyo kuwa shisheeye. Wargeyska waxa uu sheegay in shirkadda Israel ee NSO oo fadhigeedu yahay dhulka la haysto ee Falastiin, gaar ahaan xeebta badda meditareeniyaanka ee waqooyiga magaalada Tel Aviv, ay Sacuudiga u diyaarisay barnaamij taleefonada u rogaya aalad wax lagu dhageysto. Shirkadda Citizen Lab ee magaalada Toronto ee dalka Canada, ayaa shaacisay inay ku kalsoon tahay in barnaamijkaas loo adeegsaday in lagu jaajuuso Abdel Aziz, oo ah 27 jir mucaarad Sacuudi ah oo ku nool dalka Canada. Warbixinta wargeyska Times of Israel ayaa timid ayada oo wargeyska New York Times ee Mareykanka uu 31-kii August qoray in Imaaraadka ay shirkad Israeli ah u adeegsadeen isku day ay ku doonayeen inay ku dhageystaan taleefonka amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani. Waxaa sidoo kale barnaamijkaas lagu jaajuusay taliyaha ciidamada ilaalada qaranka Sacuudiga Amiir Meteb bin Abdullah, oo markii dambe xabsi la dhigay. Waxa uu ahaa nin diidanaa in Maxamed Bin Salmaan laga dhigo dhaxal-sugaha. New York Times waxa uu sheegay in Imaaraadka ay lacag badan siiyeen saraakiil horey uga tirsanaa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA, iyo shirkad jaajuus oo Israeli ah, si ay ugu dhisaan barnaamij dadka lagu jaajuuso. Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa hadda si buuxda isugu haleeyaa shirkadaha sirdoon ee Israel iyo qalabka ay sameeyaan, si ay ugu jaajuusaan dadka ayaga kasoo horjeeda. Si kastaba, waxa aysan fahamsaneyn in Israel ay islamarkaasna haleyso xogta qaran ee labadan dal ee Carbeed. Waa uu dhammaaday waqtigii Israel ay ahayd cadowga koowaad ee Carabta iyo Islaamka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Bartamihii sanadkan 2018, kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa muujisay joogitaankeeda magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow, waxayna dhistay awood joogto ah oo ay ku fuliso weeraro argagixiso, sida lagu sheegay daraasad uu sameeyey machadka Hiraal Institute ee amniga. Inkasta oo Al-Shabaab aysan haysan awood la eg midda Al-Shabaab, gaar ahaan marka ay noqoto fulinta qaraxyada baabuur, haddana waxay muujisay inay weeraro khaarijin oo halis ka fulin karto magaalada, xitaa meelaha Al-Shabaab ay ku xooggan yihiin, sida suuqa Bakaaraha. Warbixinta machadka Hiraal, ayaa sheegtay in hay’adaha amniga Soomaaliya ay rumeysan yihiin in caqabadda ugu weyn ee hortaagan is-ballaarinta Daacish ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay tahay kooxda Al-Shabaab, oo aysan ahayn dowladda federaalka. Inkasta oo Al-Shabaab ay hortaagan tahay Daacish, haddana haddii ay sii waddo inay sii fogeyso beelaha diidan, niyad-jebiso dagaalyahanadeeda ajnabiga ah, ayna hogaamiyayaal badan ku lumiso duqeymaha diyaaradaha Mareykanka, waxay taas ka dhigan tahay in Daacish ay aflaxi doonto. Dhinaca kale, haddii Al-Shabaab ay billowdo wada-xajoodyo siyaasadeed, waxay tani horseedi doontaa in xubnaha mayalka adag ee kooxda ay u goostaan dhanka Daacish. Daacish waxa ay iminka isku dayeysaa inay xoojiso awooddeeda Muqdisho, ayada oo rumeysan in hal weerar oo ay ka fulsio caasimadda uu saameyn ahaan u dhigan yahay toban weerar oo ka dhaca Boosaaso, marka ay noqoto magaca iyo aqoonsiga ay raadineyso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Washington DC (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Dalka Mareykanka John Kerry ayaa sheegay in dalalka ku yaalla Bariga dhexe ay Mareykanka ku cadaadinayaan in uu weerar ku qaado Dowladda Iraan. Mr John Kerry ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak, Boqorkii hore ee Sucuudiga Cabdalla iyo Ra’isalwasaaraha Maamulka Israel Natenyahu ay Madaxweynihii hore ee Obama ka dalbadeen in uu weeraro Iraan. Obama ayaa markaas ku qanciyay Hoggaamiyayaashaas in uu weerarayo xarumaha lagu farsameeyo hubka Nukliyeerka ee Iraan,hayeeshee hal tallaabo jihadaas uma uusan qaadin. Mr Kerry ayaa sheegay in hadda hoggaamiyayaasha waddamadaas ay arrintaas wadaan islamarkaana doonayaan in Mareykanka uu dagaal kale ka galo Bariga dhexe. Waxaa uu ka digay in dagaal lagu qaado Iraan uusan Mareykanka u ahayn faa’ido sida uu sheegay waxaana uu wal wal ka muujiyay in Trump ka baxay heshiiskii Nukliyeerka ee lala galay Iraan sanadkii 2015-kii. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ankara (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Libaax Ibraahiim oo howlo shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa Magaaladda Ankara kulan kula qaatay Wasiir ku-xiggeenka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga dalkaasi, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dal ee Saaxiibtinimo iyo Walaaltinmo ay ka dhaxeyso & heshiisyadii horay loo galay. Labada masuul ayaa kulankooda waxay si weyn uga hadleen qodobada kala ah siddii dhaqan galintiisa si wanaagsan looga shaqeyn lahaa heshiis iskaashi oo labo sano ka hor ay kala saxiixdeen Wasaaraddaha Tamarta Soomaaliya iyo Turkiga iyo siddii ay u yeelan lahaayeen labada dhinac Maalgashi dhinaca Tamarta ah. Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay siddii ay u yeelan lahaayen wada shaqeyn buuxada oo dhex marta Labad wasaaradood, is dhaafsiga aqoonta iyo khibradaha shaqo iyo kobicinta tayada shaqaalaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS. Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Cusmaan Libaax Ibraahim ayaa sheegay in Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga Wadanka Turkiga ay ka gacan siin doonta Soomaaliya taageero ku aadan sharciga Tamarta ee horyaalo Golaha wasiiradda. Mudane Cismaan Libaax ayaa xusay dawladda Turkiga in dalka ay ka hirgelin doonto maalgashi dhanaca Tamarta iyo kheyraadka Dabiiciga ah, kaasi oo muhiim u ah howlgalka Wasaaradda ay ka qabanayso dhinacyada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya. Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Turkiga waxa uu kulamo la qaadan doonaa masuuliyiin ka tirsan dawladda Turkiga iyo madaxda Shirkadaha gaarka ah ee ka shaqeeya horumarinta Biyaha iyo Tamarta. Waxaa dhawaan dalka Turkiga lagu qaban doonaa shir looga hadlayo siddii ay iskaashi u yeelan lahaayeen shirkadaha gaarka ah ee Tamarta, kuwaasi oo ka shaqeeya labada dal, taasi oo sahalayso in iskaashi wanaagan ay yeeshaan shirkadahaasi. W/D C/rashiid Nuur Ibraahim
-
Beledweyne (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in saraakiishii Nabadsugidda ee dhawaan lagu xiray Magaaladaas si awood ah lagu siidaayay. Sida ay xogta ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugidda Hirshabelle ayaa weerar culus ku qaaday saldhiggii Booliska Baladweyne oo ay ku xirnaayeen Saraakiishaan. Ciidamadaan weerarka qaaday ayaa lasoo sheegayaa inay gudaha u galeen Qeybta VIP-da ee saldhiggaas oo ay ku xirnaayeen Taliyihii Nabadusgidda iyo ku xigeenkiisa. Ciidamada Nabadsugida ayaa si xoog ah kusoo furtay Cabdi Maxamed Cali taliyihii Nabadsugida Gobolka Hiiraan iyo ku xigeenkiisii Dhagaweyne kadib Mudo daqiiqado ah oo la sheegay in Ciidamada Nabadsugida iyo kuwa Xasilinta ee Magalada Baladweyne uu dagaal dhexmaray. Labada Sarkaal ee Galabta sida xoogga ah lagu soo furtay ayaa waxaa xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo dhawaan xilkaan loo magacaabay. Cabdi Maxamed Cali oo ah taliyihii hore ee Nabadsugida gobolka Hiiraan ayaa sheegay in haatan xaaladooda ay wanaagsan tahay,isaga iyo ku xigeenkiisa,isla markaana ku sugan yihiin Goobtooda Shaqada. Maalmihii ugu dambeeyey waxaa Magaalada Beledweyne ee Xaruntaas ka taagneyd muran ku aadan Saraakiishaan uu xiray Guddoomiyaha Hiiraan oo u muuqdo inuu mar kasta qalalaaso ka dhaliyo Magaalada Beled-weyne waqti kasta oo xilkaas loo magacaabo. Yuusuf Dagabeed ayaa sidoo kale xiray laba Shaqaale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Hirshabelle kuwaas oo la sheegay inay ka hor imaadeen lacag uu Guddoomiyaha kala bixi rabay Bankiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jilib (Caasimadda Online) – Sida ay wararka ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online, Kooxda Al-Shabaab ayaa Shan qof ku toogtay Magaalada Jilib. Al-Shabaab oo gacanta ku hayo Magaaladaas ayaa Maanta halkaas ku toogtay Shan nin oo ay kusoo eedeeyeen inay Jaajuus yihiin. Kooxdaan ayaa Shantaan nin ku eedeysay inay Basaasiin u yihiin Sirdoonka Soomaaliya isla markaasna ay halkaas ka gudbinayeen xogo ka dhan ah Kooxdaan Mintidiinta ah. Sidoo kale waxay ku eedeeyeen inay basaasiin u ahaayeen Sirdoonka Wadamada Maraykanka iyo Ingiriiska. Boqollaal ruux oo kamid ah dadka Jilib degan ayaa isugu soo baxay fagaaraha weyn ee Macallin Aadan, halkaas oo uu ka dhacay xukunka. Nooma suurta gelin inaan helno magacyada Shanta nin ee la toogtay sidoo kalana Warbaahinta Al-Shabaab weli ma aysan soo bandhigin magacyada raggaas la toogtay. Kooxdaan ayaa caan ku ah inay toogato cid kasta oo ay u arkaan inay ka ra’yi duwan yihiin, waxayna inta badan dadkaas ku eedeeyaan inay Sirdoon yihiin inkastoo aysan soo bandhigin wax caddeyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (HOL) – A Somali commando raid targeting a house in a town in southern Somalia is reported to have killed a prominent religious leader. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (Caasimada Online)–US military says drone strike targeting Al Qaeda linked Al Shabaab, has killed a militant in southwest of Somali capital Mogadishu. The strike was carried out on Oct. 6 in support of the government of Somalia in Kunyo Barrow area, some 65km west of Mogadishu, according to US African Command. “We currently assess one (1) terrorist was killed in this airstrike,” said in a memo by US African Command. No civilians were killed or injured in the latest airstrike in Somalia, the Command said. Kunyo Barrow in Lower Shabelle region is an stronghold of Al-Shabaab. There was no immediate comment from Al-Shabaab over the claims. Last week, U.S. military says it killed nine al Qaeda linked al-Shabab militants in drone airstrike in southern Somalia. The U.S. Africa Command said one militant was also injured in the strike. The raid was carried out in coordination with the Somali government The U.S. has conducted more than 20 such airstrikes in Somalia this year. The Al-Qaeda linked Shabaab was pushed out of the Somali capital in 2011 — and subsequently other towns and cities — by soldiers from the African Union Mission in Somalia. The group is fighting to overthrow the internationally backed government of Somalia, but has also carried out attacks in neighboring Kenya. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Prime Minister of Somalia Hassan Ali Khaire arrived in Riyadh today. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo fadhigooda uu yahay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay gelinkii dambe ee maanta doorteen guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi, kadib markii kal hore ay sheegeen inay xilkii ka qaadeen guddoomiye Cali Gacal Casir. Kulanka baarlamaanka oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa waxaa la sheegay inay xaadireen 137 mudane. Musharaxiinta ku tartamay kursigan oo Saddex ahaa ayaa lagu kala magacaabaa Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle Axmad oo helay 93 cod, Xildhibaan Aadan Xaaji oo helay 37 cod iyo Xildhibaan Salaad Caynte oo helay 5 cod, wareegga Koowaad ee doorashada. Wareegga Labaad inta aan loo gudbin ayaa waxaa tanaasulay labada musharax ee laga cod badiyay, waxaana sidaasi ay guddoomiye baarlamaan ugu doorteen xildhibaanada musharax Ismaaciil Cabdulle Axmad oo helay 93 cod. Isla xarunta baarlamaanka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa lagu dhaariyay Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle Axmed oo xildhibaanada Galmudug garabka Dhuusamareeb u doortay guddoomiyaha baarlamaanka. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa laba u kala jabay qeybta ku sugan Dhuusamareeb waxa ay ka amar qaataan madaxweyne Xaaf, halka qeybta kale ee iyaguna ku sugan magaalada Cadaado ay hoostagaan madaxweyne kuxigeenka Maxamed Carabey. Waxaa muuqata in dowladda federaalka gaar ahaan aqalka sare uu ku fashilmay inuu qaboojiyo xiisada u dhaxeysa madaxda sare ee Galmudug, maadaama weli ay taagan tahay arrinta ah inay xilka iska qaadaan iyo inay doorasho cusub sameeyaan madaxda Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kadib doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gal-Mudug ayeey Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Gal-Mudug ku doorteen Gudoomiye Cusub. Xildhibaanada ayaa u doortay Ismaaciil Cabdulle Axmed in uu noqdo gudoomiyaha Baarlamaanka Gal-Mudug. Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in Ismaaciil Cabdulle Axmed uu helay 93-cod sidaasina uu ku guuleeystay. Xildhibaanada Baarlamaanka Gal-Mudug ayaa kala noqday labo garab halka xildhibaano kalena ay ku suganyihiin Magaalada Cadaado. Arintaan ayaa u muuqata in ay sii hurineeyso khilaafkii u dhaxeeyay maamulka Gal-Mudug. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Xildhibaano katirsan Gal-Mudug oo Gudoomiye ku Doortay Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
U.S. Ambassador to U.N. Nikki Haley quits, to take time off
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The U.S. ambassador to the United Nations, Nikki Haley, is resigning “to take a little time off” and will leave at the end of the year, President Donald Trump said on Tuesday. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – 14-ka October 2017-ka waa maalin xusuus iyo murugo ku reebtay Soomaalida. Waa maalintii babauur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa uu ku qarxay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Qaraxaasi dadka ku dhintay iyo iyo kuwa ku dhaawacmay waxay gaarayaan 1000 qof. Guddiyada qaabilsanaa gurmadka iyo tabarucaadka waxay sheegeen inay diiwaan-geliyeen dhiamshada ugu yaraan 587 qof oo ku dhimatay qaraxaasi. Waxaa kale oo guddiyadu aamisan yihiin in boqollaal ka mid ah dadka geeriyooday aan la helin maydkoodii ama laga helay wax aan badnayn, oo dadkii ay ka dhasheen iska sabreen. Dadka nolol iyo geeri la lagu la’yahay ama la helay kaliya cadad ka mid ah jirkooda, waxa ay gaarayaan illaa laba boqol qof. Waxaa taas ka xanuun badan inay dadka dhintay ka tageen kumanaan caruur oo agoon ah, oo qaarkood iyo hooyo iyo aabe aan lahayn. Dhinaca kale, caruurta agoonka ah ayaa weli aan helay kafaalad qaad nololeed, oo ay u sameeyeen dowladda federaalka, dowlado kale oo carbeed iyo hay’ado dadka caawiya. Haaruun Macruuf ayaa barnaamijka Galka Baarista ku eegaya dhibaatada dadka aan weli helin maydkii ehelladooda inkastoo ay aamisan yihiin uun inay ku maqan yihiin masiibadaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Riyadh (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Riyaadh ee dalka Boqortooyada Sucuudiga, kadib casuumaad rasmi ah oo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka helay dalka aan walaalaha nahay. Ra’iisulwsaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa soo dhoweeyay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Boqortooyada, iyada oo booqasho laba maalmood ah ay halkaas uga billaabaneyso. Ra’iisulwasaaraha ayaa kulamo la yeelan doono mas’uuliyiinta ugu sarsareysa dowladda aan walaalaha nahay ee boqortooyada Sucuudi Carabiya, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo aminga. Ugu dambeyn, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya madaxda Bangiga horumarinta Islaamka oo ay ka wada hadlayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, maal-gelinta iyo dib-u-habaynta lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqasho Rasmi ah ay uga Billaabatay Waddanka Sucuudiga appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Dastuurka Somalia, ayaa qabatay kulan dood wadaag ah oo ku saabsan isla jaanqaadida dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashoooyinka, kulankaan waxaa ka soo Qayb-galay masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada dalka iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada. Wasiirka Arimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka furay ayaa sheegay in Wasaaradda ay dhiiragelineyso in dadweynaha ra’yigooda ay ka dhiibtaan arrimaha masiiriga ah ee quseeya dib-u-eegista Dastuurka. “Wasaaradda waxay aas-aastay Madasha ka qeybgalka Dadweynaha taasoo marba looga doodo arrimaha taagan ee quseeya dib-u-eegista Dastuurka. Maanta waxaa miiska noo saran isla jaanqaadida dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashoooyinka, waxaan soo dhaweyneynaa aragtiyada iyo su’aalaha ay qaabaan dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiirka. Sidoo kale, Ka-qayb-galayaashii kulanka ayaa soo jeediyeen aragtiyo iyo su’aallo ku saabsanaa dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashoooyinka, Waxaana su’aalahaas si wadajir ah uga jawaabay Wasiir Cabdi Xoosh, Xildhibaan Fawsiya Xaaji Aadan, La-taliyaha Madaxaweynaha DF Maxamed C/risaaq iyo La-taliyaha Ra’iisulwasaaraha Avv Cumar Dhageey. Ugu dambeyn, Wasaaradda Dastuurka ayaa sii wadi doonta qabashada kulamada noocan oo kale ah ee shacabka ay fikradooda uga dhiibanayaan arrimaha masiiriga ah ee quseeya dib-u-eegista Dastuurka. PUNTLAND POST The post Shir looga hadlay Dib-u-eegida Dastuurka iyo Doorashoooyinka oo lagu qabtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Mas’uuliyiinta Somaliland iyo Puntland ayaa si yaabo kala duwan uga warbixiyay dagaal xalay ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool,halkaasoo ay isku’hor fadhiyaan ciidamada labada dhinac. Wasiir ku xigeenka warfaafinta Somaliland,Maxamed Muuse Abees oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ciidamada Puntland ku eedeeyay in ay weerar ku qaadeen taliska ciidamada Somaliland ee Tukaraq. Wasiir Abees wuxuu sheegay in hal askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland uu ku dhintay weerarka oo dhinaca Puntland laga soo qaaday,sida uu hadalka u dhigay,balse Somaliland ay iska’ difaacday weerarkaasi. Hase yeeshee wuxu intaas raaciyay in aysan ka warhayn khasaaraha gaaray ciidamada Puntland. Sidoo kale Abees wuxuu ku hanjabay in Somaliland dulqaadkii ka dhammaaday oo haatan wixii ka dambeeya aysan nabad qaadan doonin,maadaama sida uu sheegay ay Puntland jebisay xabbad-joojin ay beesha Caalamku garwadeen ka ahayd. Dhinaca guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland ,Abukar Cabdi Geelle oo Puntland Post wareysi siiyay ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay xalay weerar arbushaad ah ku qaadeen taliska ciidamada Puntland ee Tukaraq,islamarkaana ay ku fashilmeen weerarkaasi. Geelle wuxuu sheegay in ciidamada Somaliland dagaalka looga dilay 4 askari,halka 14 kalena laga dhaawacay,3 gaadhina laga gubay,laakiin aan dhanka Puntland wax khasaare ah soo gaarin,sida uu hadalka u dhigay. Warar madax-bannaan oo aan halkaasi ka helayno ayaa sheegayaa in ciidamo degaanka u dhashay oo taageersan Puntland ay weerarka ku qaadeen taliska ciidamada Somaliland ee dhinaca Koonfureed ka xiga degaanka Tukaraq. Taliska la weeraray ee ciidamada Somaliland ayaa ka durugsan jiidda hore ee Tukaraq,sida ay xaqiihinayan ilo ka madax-bannaan labada dhinacba. Laakiin xog sugan lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Somaliland midba dhinac ku eedeeyay dagaal ka dhacay Tukaraq appeared first on Puntland Post.
-
Cadale (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay si ficil ah uga jawaabtay inay garab istaag u sameyso ciidamada is abaabulay ee Al-Shabaab dagaalka kula galay qeybo kamid ah Gobolka Shabeelada Dhexe. Ciidamadaan oo ku caan baxay Magaca Macawiisleyda ayaa dagaal culus la galay Kooxda Al-Shabaab halkaas oo ay ku waayeen taliyahoodii iyo ku xigeenkiisii oo ahaa laba nin oo ay ka go’neyd inay Al-Shabaab la dagaalaan kadib markii ay kooxdaan bilowday inay afduubato ilmaha yar yar ee Gobolkaas ku sugan. Ciidamaan ayaa waxay ku sugan yihiin deegaanka Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Xaaji Cali oo hoosta degmadaas, waxaana Maanta halkaas ku booqday wafdi ka koobnaa Mas’uuliyiin ka kala socday Hirshabelle iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Wafdiga Dowladda ka socdo ee halkaas gaaray ayaa waxay dowladda ka wadeyn deeq la siinayo ururka Macwiisleyda oo Al-Shabaab kula dagaalamay deegaano hoostaga Degmada Cadde. Wafdiga ka socday Dowladda ayaa ciidamadaas uga mahadceliyey dadaalka ay Sameeyeen oo ah mid geesinimo ah hordhacna u ah in laga hortago Ururkaas oo dhibaato xooggan ku hayo Bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa lagu wadaa in kulanka kadib Xildhibaanada Baralamaanka iyo madaxda ka socoto Hirshabeelle ay deegaanka Xaaji Calle kulamo gooni gooni ah kula yeeshan Ururka la magac baxay Macwiisleyda,si ay u dhiira geliyan Ururkaasi. Dhawaan ayay aheyd markii Ururka lamagac baxay Macwiisleyda iyo dagaalyahano ka tiran Al- Shabaab uu dagaal xoogan ku dhexmaray Degmada Aadn Yabaal oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe,kaasi oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Popular Contributors
