-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) -Shabakadaha Dambiyadda ayaa Iran u isticmaalayaa Bar ay marto Dhuxusha Soomaaliya ee sida sharcidarada ah loo dhoofiyo taas oo Al-shabaab ay Malaayiin doolar ka sameeyaan canshuur ahaan, sida lagu sheegay Warbixin uu Qoray Guddiga la soconka Cuneqabateynta Soomaaliya oo ay aragtay Reuters. Warbixin sanadeedka oo aan wali la daabicin ayaa waxaa ay u sheegeysaa golaha Amaanka ee QM in Dhulka iyo Nidaamka Al-shabaab ay Canshuurta kasameeyaan ay ka weeynyihiin midka Dowladda Faderaalka ah ay Canshuurta ka sameeeyso ama ka qaado. Warbixintaan ayaa lagu sheegay inay Shabaab dhuxusha u dhuufiyaan dalka Iiraan iyadoo la isticmaalayo aqoonsiyo qaldan oo ah in Dhuxushaas lagu sameeyey dalka Iiraan. Warbixinta ayaa sheegtay in Doomo yar yar oo lagu dhajiyey Calanka Iiraan lagu dhoofiyo Dhuxusha, waxaana Imaaraadka Carabta lagu sheegay inay tahay meesha ugu badan ee Dhuxushaas la geeyo. “Jawaanadda Dhuxusha ah waxaa lagu qaadaa doomo yar-yar oo watta calanka Iran waxana loo dhoofiyaa Dekedda Al-Xamariya ee Imaaraadka carabta iyagoo doomahaasi isticmaalaaya aqoonsi khaldan oo ah in dhuxusha Iran lagu sameeyay” ay kooxda la socodka Cune qabateynta Soomaaliya warbixintooda ku xuseen. Warbixintu waxay ku qiyaastay in Imaraadka Carabtu uu Dhuxusha Somaaliya ku iibsaday 150 milion oo dollar muddo sanad ah, Imaraadkana dhuxusha waxaa aad loogu isticmaalaa Karista iyo in lagu shido dhalooyinka Shiishadda laga cabo. Dalka Iran ayey Warbxintu sheegtay in uu marin u noqday maraakiibta dhuxusha sida uuna jibiyay mamnuucistii QM ee dhoofinta dhuxusha Soomaaliya kadib markii Cuman ay adkeeysay Hanaanka Kastamyadeeda. Al-Shabaab ayaa la sheegay inay Sanadkii iibka Dhuxusha ka sameeyaan ilaa lacag gaareyso 7.5 Malyan oo Dollar sida ay xustay Warbixinta. Dhanka kal warbixintaan ayaa lagu sheegay inay Shabaab Canshuurta ka qaadaan dhul baaxad ahaan ka weyn midda ay Dowladda Soomaaliya ka qaado Canshuurta. Warbixinta ayaa lagu sheegay in shakhsi kasoo goostay Kooxdaan uu sheegay in Bar Koontarool oo 160Km Waqooyi Galbeed kaga beegan Muqdisho Maalin kasta ay Kooxdaan Canshuur ahaan ka hesho 30 Kun oo Dollar waana Wadada isku xirto Muqdisho iyo Baydhabo. Lacagtaas ay Al-Shabaab ka sameeyaan Bartaas Koontarool ayaa la sheegay inay sanadkii tahay 10 Malyan oo Dollar taasoo ah lacag aad u badan oo kooxdaan ka saacidi karto inay weerarada sii badiyaan. Warkaan ay Daabacday Reuters wali kama aysan hadlin dalalka Imaraadka carabta iyo Iran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jowhar (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay Idaacaddaha Muqdisho ayaa sheegay inuusan sharci aheyn kulanka la filayo inay Maamulada ku yeeshaan Garoowe. Wuxuu sheegay in wax kasta oo kasoo baxo kulankaas iyo midka ay Maamulada ku yeesheen Nairobi aysan khuseyn Maamulkiisa Hirshabelle. Wuxuu xusay inuusan la qabin Maamulada kale waxyaabaha iyo cabashada ay u gudbiyeen Beesha Caalamka, isagana uu Mas’uul ka yahay Maamulka Hirshabelle. Wuxuu ku eedeeyey Madaxda Maamul Goboleedyada kale inay ka baxeyn ballantii lagu galay Kismaayo isla markaasna ay ka shaqeenayaan wax aan dan ugu jirin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Waare waxaa uu sheegay in Hirshabeelle iyo dowlad goboleedyadda uu ka dhaxeeyo xiriir Wanaagsan, balse aysan aqbali doonin Golaha Iskaashiga ay shiraan Hirshabeelle oo aan ogeyn,Maadaama maamulada ay wada dhisteen Golaha. Waare ayaa Dhawaan ku dhawaaqay inuu la heshiiyey Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyadoo Maamul Goboleedyadana ay soo saareen warbixin ay kaga hadlayaan arrintaan oo ay ku sheegeyn inaysan khuseyn Maamulada kale. Wasiir ayaa hadda xiriir fiican la leh Dowladda Dhexe, waxaana muuqato inuu weli jiri jahwareerka siyaasadeed ee u dhaxeeyo Madaxda Sare ee dalka iyo Maamul Goboleedyada oo aan siyaasad ahaan is keeni karin. Kulanka Garoowe ay ku yeelan lahaayen Maamul Goboleedyada ayaa baaqday Maanta kadib cadaadis xooggan oo uga imaaday Beesha Caalamka. Halkaan hoose ka dhageyso Hadalka Waare https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Waare.mp3Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Cadaado (Caasimadda Online) – Cali Gacal Casir oo xildhibaano horey ugu shiray magaalada Dhuusamareeb ay sheegeen inay xilka ka qaadeen ayaa wuxuu sheegay in dhawaan magaalada Cadaado ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Galmudug. Wuxuu sheegay Cali Gacal in sidoo kale ay bedelayaan guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo lagu tiriyo inuu la safan yahay Galmudug garabka Xaaf. Sidoo kale Cali Gacal Casir ayaa wuxuu sheegay in dhawaan ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan qaabka ay u dhaceyso doorashada, islamarkaana diyaarinta doorashada ay hada ku mashquulsan yihiin guddiga doorashada. Go’aankaan ayaa imaanayo xilli ay Xildhibaanada Galmudug Garabka Magaaladaas ku sugan ay Doorteen Gudoomiyaha Baarlamaanka. Fadhiga Baarlamaanka oo uu ku dhawaaqay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa sheegay in xaadireen 137-Mudane. Saddex Musharax oo ku heeb ah Cali Gacal Casir Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Balse Xildhibaanadaan ay sheegeen in ay Xilka ka qaadeen ayaa isku soo taagaay. Wareeggga Koowaad ee Doorashada oo ay ku tartameen 1: Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle axmad, Xildhibaan Aadan Xaaji iyo Xildhibaan Salaad Caynte waxa ay kala heleen. 1:Xildhibaan Ismaaciil 93 Cod 2: Xildhibaan Aadan Xaaji 37 cod 3: Xildhibaan Salaad Caynte 5 Cod Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle Axmed ayaa ku guuleystay Doorashada, maadaama uu tanaasulay Xildhibaan Aadan Xaaji oo heystay Wareegga 1-aad 37-Cod. Isla Xarunta Baarlamaanka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa lagu dhaariyay Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle Axmed oo Xildhibaanada Galmudug garabka Dhuusamareeb u doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka. Arrintaan ayaan la ogeyn Wajiga cusub ay u sameyn karto Khilaafka Ka dhex taagan madaxda Galmudug oo Xil ka qaadis isku sameeyay, iyaga oo kala degay Dhuusamareeb iyo Cadaado. Halkaan hoose ka dhageyso Hadalka Casir https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/cod-1-Galmudug-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga Adel bin Ahmed Al-Jubeir. Kulanka oo ka dhacay qasriga ra’iisul wasaaruhu ka deganyahay magaalada Riyaad ayaa horudhac u ahaa kulan uu ra’iisul wasaaraha XFS uu yeelanayo madaxda sare ee boqortooyada Saudi Arabia. Kulanka ay wada qaaateen ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaaa goob joog ka ahaa Wasiirrada arrimaha dibada Axmed Ciisa Cawad iyo Wasiirka Warfaafinta xukuummadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle. PUNTLAND POST The post Ra’iiusul wasaare Khayrre oo la kulmay wasiirka Arrima Dibadda Sacuudiga appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa sheegayo inuu baaqday shirkii madax goboleedyada dalka ee lagu waday inuu Maanta ka furmo halkaas kadib go’aan iyo cadaadis xooggan oo ka yimid beesha caalamka. Kulankaas oo Maanta la filayey ayaa baaqday iyadoo ay Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ay ku maqan yihiin Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya. Shirka ayaa dib loo dhigay illaa 15-ka bishan , sida xubno ku dhow madax goboleedyada ay u xaqiijiyeen Caasimada Online inkastoo laga cabsi qabo inuusan xataa waqtigaas dhicin cadaadis jiro awgeed. Wakiilada beesha caalamka oo madax goboleedyada kula kulmay Nairobi, ayaa u sheegay in shirka ay dib u dhigaan, ayada oo beesha caalamka ay rajeeneyso inay xal gaaraan ayaga iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ka hor shirka. Wararka ayaa sheegaya in beesha caalamka ay rumeysan tahay in qodobo kale oo shir ka dhaca Garoowe kasoo baxa ay kasii dari karaan khilaafka, oo sii fogeyn karaan dowladda dhexe. Beesha caalamka ayaa lagu warramayaa inay iminka wada-hadallo la leedahay dowladda dhexe, oo ay dhankooda dhageysanayaan, waxaana jira dadaal la doonayo in ra’iisul wasaare Kheyre ku tago magaalada Nairobi, si uu ula kulmo. Si kastaba, kheyre ayaa la sheegay inuu ku adkeysanayo inaanu tegi doonin Nairobi, ayada oo uu horey u sheegay inaanu aqbali doonin in daraf saddexaad uu dhex-dhexaadiyo dowladda dhexe iyo madax goboleedyada. Dhanka kale Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay Idaacaddaha Muqdisho ayaa sheegay inuusan sharci aheyn kulanka la filayo inay Maamulada ku yeeshaan Garoowe. Wuxuu sheegay in wax kasta oo kasoo baxo kulankaas iyo midka ay Maamulada ku yeesheen Nairobi aysan khuseyn Maamulkiisa Hirshabelle. Wuxuu xusay inuusan la qabin Maamulada kale waxyaabaha iyo cabashada ay u gudbiyeen Beesha Caalamka, isagana uu Mas’uul ka yahay Maamulka Hirshabelle. Wuxuu ku eedeeyey Madaxda Maamul Goboleedyada kale inay ka baxeyn ballantii lagu galay Kismaayo isla markaasna ay ka shaqeenayaan wax aan dan ugu jirin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Australia mulls banning some immigrants from biggest cities
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
CANBERRA, Australia (AP) — Startping a new life in Australia might not come with views of the Sydney Opera House or surfing at the city's Bondi Beach with the government considering a ban on some immigrants from settling in big cities Source: Hiiraan Online -
TORONTO (Reuters) - Suspended more than a 1,000 feet (300 meters) above downtown Toronto, six new Canadians took the oath of citizenship on Tuesday from the edge of one of the world’s tallest structures. Source: Hiiraan Online
-
Ethiopian president Mulatu Teshome has announced that the country will in due course roll out a visa-on-arrival regime for all Africans entering the country. Source: Hiiraan Online
-
Mudane ka tirsan baarlamaanka Somaliland sheegay in uu buray wada hadalkii nabadda ee Tukarraq. Xildhibaan Axmed Maxamed ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay eedeymo kaga yimid dhanka Puntland oo la xiriirta in dagaalka ay ciidankoodu ku horreeyeen. Wuxuu sheegay in dagaalka uu yimid markii weerar gaadmo ah ay kusoo qaadeen ciidamada Puntland ee ku sugan aagga hore ee jiidaha dagaalka. Xildhibaanka ayaa sheegay in ay meesha ka baxeen dedaalladii nabadda oo beesha caalamka ay ka dhex waddey Labada dhinac. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/XILDHIBAAN-SOMALILAND-09-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dr. Anwar bin Mohammed Gargash oo ah Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta oo ka hadlay kulan looga hadlayay la dagaalanka waxa looga yeero Argagixisada ayaa sheegay in Door wanaagsan ay ka qaateen. Iyaga oo Kaashanaya Boqortooyada Sacuudiga iyo Masar ayuu Dr.Gargaash sheegay in Dalalka Soomaaliya, Yemen iyo Pakistan ay kaalin wax ku ool ah ka qaateen Howlgalkaas. Waxa uu tilmaamay in aan Saameyn reebin Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo ay la dagaalaan Isbaheysigooda. “Kulanka hogaamiyaasha Maanta waa Hogaamiyaasha Berri” ayuu tiri Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraatka. “Dhalinyarada waa Mustaqbalka Madaxda Dalalkooda, Mas’uuliyadeena waa in aan sii wadnaa Kaalmada iyo Garab istaagga Gudaha iyo Dibadda” ayuu sii raaciyay. Waa uu sii hadlay waxa uu yiri “Waxaan awoodda Saarnaa in Hogaanka Dalalka dhibaatooyinka ka jira ay gaaraan awood ay kula dagaalamaan Argagixisada”. Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraatka Dr.Anwar Bin Mohamed Gargash ayaa talo uu u jeediyay ku sheegay in habka kaliya looga guuleysan karo Argagixisada dibadda ay tahay in marka hore la cadaadiyo oo la baabi’iyo tan Gudaha. Imaaraatka Carabka ayaa Soomaaliya u tababaray Ciidamo dhowr Dufco ah, waxaana dalka ay ka baxeen Macalimiintii ka socotay iyaga oo qaarkood u wada tababar, kadib Xiriirka Labada Dal oo gaaray Meesha ugu hooseysa, ugu dambeyn waxa ay ka baxeen Dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Go’aan kama dambeys ah ayaa laga gaaray colaad muddo u dhaxeysay beello walaalo ah, kuwaasi oo ku dagaallamay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool. Sheekh Axmed Ismaaciil Mire oo akhriyey go’aanka lasoo saaray ayaa sheegay in looga baahan yahay Labada dhinac iney adkeeyaan go’aankan, islamarkaana dhan walbo looga baahan yahay fulintiisa. Labada dhinac ayaa la saaray bixinta diyada dadkii ay iska dileen, dib usoo celinta hantidii iyo hubkiii la kala qabsaday iyo arrimo kale. Dhanka kale, Maxamed Kaahin oo ah wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa halkaasi ka sheegay in tallaab adag laga qaadi doono cid walbo oo burisa go’aannada la gaaray, isaga oo dhanka kalena sheegay in aan hub lala soo geli karin deegaannada ay beelahan wada deggan yihiin. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/FAARAX-DUBBAD.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Major General Trust Magoba – who now serves as a special advisor to the African Union office for Peace and Security – has raised concern at foreign interference on the continent. Source: Hiiraan Online
-
Mas’uuliyiinta xagga ammaanka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxay Faah faahinno dheeraad ah ay ka baxiyeen Duqeymo diyaarado dagaal ay ka geysteen deegaanka Ceelcadde oo ka tirsan Gobolka Gedo, islamarkaana ka mid ah deegaannada ay maamulaan Al-shabaab. Maxamed Cabdi Kaliil oo ah Wasiiru Dowlaha Amniga Jubbaland ayaa sheegay duqeynta diyaaradaha in ay khasaaro ka soo gaartey xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Al Shabaab. Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntaaasi ka dhacdey deegaanka Ceelcadde oo markii Labaad muddo Todobaad ah lala eegtay, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya duqeyntan u dambeysay in ay ku bur-bureen dhismayaal ku yaaley Ceelcadde. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Jubbaland-oo-Faah-Faahin-ka-baxisey-Duqeymo-Diyaaradeed-oo-ka-dhacay-Deegaanka-Ceelcade-ee-Gobolka-Gedo.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Strengthen security in Mandera ahead of exams, leaders urge
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Leaders in Mandera want the national government to secure the county against al Shabaab attacks ahead of national exams. Source: Hiiraan Online -
The heinous atrocity committed against Ahmed Muqtar Salah (aka Dowlo), a Somali Bantu who was reportedly stabbed to death and his body burned while still alive by the family of his nephew’s in-laws was a bloody reminder of how far Somalis have to go on accepting each other Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga gaarka ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Kaaliyihiisa gaarka ah. Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ergayga gaarka ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa ka wada hadlay wada shaqeynta QM iyo Golaha Shacabka gaar ahaan sidii baarlamaanka looga taageeri lahaa dhinaca sharci dejinta. Waxyaabaha ay aadka uga wada hadleen waxaa ka mid ah sidii wada shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen baarlamaanka dhexe iyo Golayaasha sharci dejinta dowlad goboleedyada iyo sidii sanadka 2020-ka ay doorasho qof iyo cod ah uga dhici laheyd Soomaaliya. Ergayga gaarka ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa guddoomiyaha uga mahad celiyay xoojintiisa la xiriirta wada shaqeynta golaha shacabka iyo Qaramada Midoobay isagoo balan qaaday wad shaqeynta labada dhinac la xoojin doono. Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyay Nicholas Haysom Ergayga gaarka ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya xilka cusub ee loo magacaabay isagoo ka rajeeyay in halkiisa kasii wado wada shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa golaha shacabka e Baarlamaanka iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Onlien) – Kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya waxa ay leedahay laba waaxood oo dadka shacabka ah uga soo qaada canshuuraha, sida lagu sheegay daraasad cusub. Waax waxaa la yiraahdaa Zakawaat, midka kalena Waaxda Maaliyadda. Waaxda Zakawaat waxa ay soo ururisaa waxyaabaha aan lacagta ahayn ee Shabaab ay dadka ka qaaddo, sida xoolaha iyo dalagyada beeraha kasoo go’a, halka Xafiiska Maaliyadda uu ururiyo lacagta canshuurta ah. Xafiiska maaliyadda waxa uu uruuriyaa lacagta canshuuraha oo ay ku jiraan Zakawaat-ka oo lagu qaado cadad dhan 2.5% oo ku jaan go’an qiimaha ganacsiga oo ay qiimeyso Al-Shabaab ka hor macaashka. Tani waxa ay baal marsan tahay sharciga Islaam-ka oo ogolaanaya in Zakada lagu bixiyo boqolleey dhammaadka sanad dhaqaaleed walba, waxaa laga jarayaa raasamaalka oo dhan. Tani waxa ay horseedday in xubnaha Al-Shabaab dalbadaan in mushaarkooda laga bixiyo Zakada halkii ay ku qaadan lahaayeen canshuuraha uu soo uruuriyo xafiiska maaliyadda. Al-Shabaab waxa ay haystaan liiska milkiileyaasha ganacsiga iyaga oo qiimeeya qiimohooda. Dhammaadka sanadka, dhammaan ganacsiga waxaa laga doonayaa in ay bixiyaan Zakada sanad laha ah iyaga oo kaash ahaan ugu geeynaya xafiiska maaliyadda. Dhaqankan waxa uu ka hirgalaa xataa deegaanada aysan Shabaab-ku joogin: Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho, milkiileyaasha ganacsiga waxaa ku hareereysan mas’uuliyiinta maaliyadda ee Al-Shabaab, deegaanada ay Shabaab maamulaan Zakada kaash ayey ku dhiibaan. Sidaas oo kale, ganacsade jooga Buur Saalax oo Galbeed-ka Mudug ah ee Puntland, taas oo aad uga fog meelaha ay ku xoogga badan yihiin Al Shabaab waxa uu sheegay in Al-Shabaab ka qaaddo Zakada. Sheekadan waxa ay sidoo kale ka jirtaa Boosaaso, halkaas oo ay mukhaabaraadka Al-Shabaab joogaan, si joogta ahna u bartilmaameedsadaan ganacsatada diida bixinta canshuurta. Lacagaha waxaa lagu qaadaa is baarooyin oo ay joogaan Al-Shabaab, hanti-dhawre ayaa u yeera si uu u weydiiyo lambar sireedyo iyo warqadaha lagu xaqiijiyo in la cagta la bixiyey. 10 Maalmood kaddib, xisaabiye ayaa ka qaada lacagta is baarooyinka. Magaalo walba waxa ay leedahay is baarooyin ku hareereysan oo uu booqdo xisaabiyaha kaas oo lacagta u geeya hanti dhawrka oo fadhiya xafiiska guud ee magaalada. Hanti dhawrka waxa uu xaqiijiyaa in lacagta la soo qaaday iyo warqadda lagu bixiyey in ay isku qiime ku qoran yihiin; waxa uu siiyaa warqad tiimbareysan xisaabiyaha oo u sii qaada Bangiga. Bangigana, xisaabiyaha waxaa laga soo siisaa warqad caddeyn ah oo uu ku soo celiyo hanti dhawr-ka. Kaddib labaddii biloodba, lacag qaadeyaasha waa la bedelaa si ay fasax u soo qaataan, kaddib dib ayaa loo celiyaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Wada-shaqeynta ka dhaxeysa sirdoonka Israel iyo Imaaraadka Carabta ayaa sanado badan daaha gadaashiisa laga waday, hase yeeshee warbixinno caalami ah ayaa kashifay heerka wada shaqeynta labada dhinac. Sidoo kale warbixinnada ayaa shaaca ka qaaday in Sacuudiga ay kula biireen Imaaraadka inay isku haleeyaan sirdoonka Yahuudda. Wargeyska Times of Israel ayaa saddexdii bishan October qoray in mas’uuliyiita Sacuudiga ay barnaamij sirdoon oo Israel ay sameysay u adeegsadeen siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dalka dibeddiisa ku sugan iyo kuwa shisheeye. Wargeyska waxa uu sheegay in shirkadda Israel ee NSO oo fadhigeedu yahay dhulka la haysto ee Falastiin, gaar ahaan xeebta badda meditareeniyaanka ee waqooyiga magaalada Tel Aviv, ay Sacuudiga u diyaarisay barnaamij taleefonada u rogaya aalad wax lagu dhageysto. Shirkadda Citizen Lab ee magaalada Toronto ee dalka Canada, ayaa shaacisay inay ku kalsoon tahay in barnaamijkaas loo adeegsaday in lagu jaajuuso Abdel Aziz, oo ah 27 jir mucaarad Sacuudi ah oo ku nool dalka Canada. Warbixinta wargeyska Times of Israel ayaa timid ayada oo wargeyska New York Times ee Mareykanka uu 31-kii August qoray in Imaaraadka ay shirkad Israeli ah u adeegsadeen isku day ay ku doonayeen inay ku dhageystaan taleefonka amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani. Waxaa sidoo kale barnaamijkaas lagu jaajuusay taliyaha ciidamada ilaalada qaranka Sacuudiga Amiir Meteb bin Abdullah, oo markii dambe xabsi la dhigay. Waxa uu ahaa nin diidanaa in Maxamed Bin Salmaan laga dhigo dhaxal-sugaha. New York Times waxa uu sheegay in Imaaraadka ay lacag badan siiyeen saraakiil horey uga tirsanaa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA, iyo shirkad jaajuus oo Israeli ah, si ay ugu dhisaan barnaamij dadka lagu jaajuuso. Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa hadda si buuxda isugu haleeyaa shirkadaha sirdoon ee Israel iyo qalabka ay sameeyaan, si ay ugu jaajuusaan dadka ayaga kasoo horjeeda. Si kastaba, waxa aysan fahamsaneyn in Israel ay islamarkaasna haleyso xogta qaran ee labadan dal ee Carbeed. Waa uu dhammaaday waqtigii Israel ay ahayd cadowga koowaad ee Carabta iyo Islaamka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Bartamihii sanadkan 2018, kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa muujisay joogitaankeeda magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow, waxayna dhistay awood joogto ah oo ay ku fuliso weeraro argagixiso, sida lagu sheegay daraasad uu sameeyey machadka Hiraal Institute ee amniga. Inkasta oo Al-Shabaab aysan haysan awood la eg midda Al-Shabaab, gaar ahaan marka ay noqoto fulinta qaraxyada baabuur, haddana waxay muujisay inay weeraro khaarijin oo halis ka fulin karto magaalada, xitaa meelaha Al-Shabaab ay ku xooggan yihiin, sida suuqa Bakaaraha. Warbixinta machadka Hiraal, ayaa sheegtay in hay’adaha amniga Soomaaliya ay rumeysan yihiin in caqabadda ugu weyn ee hortaagan is-ballaarinta Daacish ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay tahay kooxda Al-Shabaab, oo aysan ahayn dowladda federaalka. Inkasta oo Al-Shabaab ay hortaagan tahay Daacish, haddana haddii ay sii waddo inay sii fogeyso beelaha diidan, niyad-jebiso dagaalyahanadeeda ajnabiga ah, ayna hogaamiyayaal badan ku lumiso duqeymaha diyaaradaha Mareykanka, waxay taas ka dhigan tahay in Daacish ay aflaxi doonto. Dhinaca kale, haddii Al-Shabaab ay billowdo wada-xajoodyo siyaasadeed, waxay tani horseedi doontaa in xubnaha mayalka adag ee kooxda ay u goostaan dhanka Daacish. Daacish waxa ay iminka isku dayeysaa inay xoojiso awooddeeda Muqdisho, ayada oo rumeysan in hal weerar oo ay ka fulsio caasimadda uu saameyn ahaan u dhigan yahay toban weerar oo ka dhaca Boosaaso, marka ay noqoto magaca iyo aqoonsiga ay raadineyso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Washington DC (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Dalka Mareykanka John Kerry ayaa sheegay in dalalka ku yaalla Bariga dhexe ay Mareykanka ku cadaadinayaan in uu weerar ku qaado Dowladda Iraan. Mr John Kerry ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak, Boqorkii hore ee Sucuudiga Cabdalla iyo Ra’isalwasaaraha Maamulka Israel Natenyahu ay Madaxweynihii hore ee Obama ka dalbadeen in uu weeraro Iraan. Obama ayaa markaas ku qanciyay Hoggaamiyayaashaas in uu weerarayo xarumaha lagu farsameeyo hubka Nukliyeerka ee Iraan,hayeeshee hal tallaabo jihadaas uma uusan qaadin. Mr Kerry ayaa sheegay in hadda hoggaamiyayaasha waddamadaas ay arrintaas wadaan islamarkaana doonayaan in Mareykanka uu dagaal kale ka galo Bariga dhexe. Waxaa uu ka digay in dagaal lagu qaado Iraan uusan Mareykanka u ahayn faa’ido sida uu sheegay waxaana uu wal wal ka muujiyay in Trump ka baxay heshiiskii Nukliyeerka ee lala galay Iraan sanadkii 2015-kii. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com