Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,154
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Sanater u dhashay dalka Mareykanka ayaa sheegay in dowlada Sacuudiga laga doonayo in Siyaasada dalkeeda ay ka saarto dhaxalsugaha dalkaas Mohammed bin Salman. Seneter-ka mareykanka ee lagu magacaabo Lindsey Graham, ayaa sheegay in Bin Salmaan uu yahay shaqsi aan mudneyn inuu kasii mid noqdo maamulka boqortooyada ee hadda jira. Seneter Lindsey Graham, ayaa sheegay in Bin Salmaan uu lahaa qorshaha lagu khaarijiyay Jamaal Khashoggi, waxa uuna arrin aad u foolxun ku sheegay in Bin Salmaan uu kasii dhex shaqeeyo Aqalka looga arrimiyo Sacuudiga. Seneter Lindsey Graham, waxa uu tilmaamay in Bin Salmaan uu ku eedeysan yahay in uu sumcad u geysanayo sharafta dalkaas taasina looga badbaadi karo keliya in meesha laga tuuro. Graham,ayaa u sheegay warbaahinta Fox News in uusan u safri doonin sacuudiga,inta uu xilka hayo boqor Bin Salman oo uu cadeeyay inuu yahay gacan ku dhiigle, sida uu hadalka u dhigay. Seneter Lindsey Graham, ayaa sheegay hadii hadalkiisa la qaadanayo ay shacabka Sacuudig culeyska saran sidii ay ku badali lahaayen xukuumada hada jirta,isaga oo intaa raaciyay in ay jiraan shaqsiyaad badan oo talada kala wareegi kara boqorka sacuudiga. Sidoo kale, Seneter Lindsey Graham, ayaa dadka Sacuudiyaanka ah ku booriyay in ay ka shaqeeyaan sidii ay ku heli lahaayeen hogaamiyeyaal ka wanaagsan boqorka oo xilka kala wareega. Sidoo kale, Seneter Lindsey Graham, ayaa boqor salmaan ku sheegay in wada Khaldan uu ku socdo boqorka,waxaana uu intaa ku daray in uusan sii wadi doonin dalkiisa la shaqeynta sacuudiga ilaa ay jirto ficilada xun ee lagu eedeynayo. Si kastaba ha ahaatee, arintaan ayaa imaaneysa iyadoo madaxweyne Donald Trump uu ku hanjabay cunaqabateyn iyo ciqaab ka dhan ah sacuudiga hadii lagu helo cadeymo muujinaya dilka saxafiga maqan ee Jamal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Shirkada diyaarada ee Ethopian Airline ayaa sheegtay in ay bilaabeyso duulimaadyo toos ah oo Muqdisho Addis Abbaba ah dhawaan. Qoraal ka soo baxay shirkada duulimaadyada ee Itoobiya ayey ku sheegtay in duulimaadka tooska ah ee isku xiri doono Muqdisho iyo Addis Ababa uu bilaaban doono 2-da Bisha soo socoto ee November haddii alle idmo. Shirkada Itoobiyaan Airline ayaa duulimaadyo 3 bari ah isaga kala gooshi doonto Muqdisho iyo Addis Ababa, sida lagu sheegay warka ka soo baxay madaxda diyaarada Itoobiyaaan Airline. Maalamaha Isniinta , Arbacada iyo Jimcaha ayuu duulimaadkaasi dhici doono. Hoos ka Aqriso warka ka soo baxay Ethiopian Airline Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ethiopian Airline oo bilaabeeysa duulimaadyo Toos ah Muqdisho iyo Addais Abbaba appeared first on Puntland Post.
  3. Baydhabo-[Puntland Post] Guddiga doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa goor-dhaweyd la magacaabay, si uu i diyaaro doorashada dhici doonta 17 bisha fooda nagu soo heysa ee November. War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Sheekhuna Maye, ayaa lagu shaaciyay magacyada 15 xubnood oo ah Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed, kuwaasoo ah Xildhibaano ka tirsan Koofur Galbeed. Hoos ka akhriso magacyada Guddiga doorashada K/Galbeed Cabdiqani Boos Puntland Post The post Guddiga Doorashada Maamulka K/Galbeed oo lagu dhawaaqay appeared first on Puntland Post.
  4. An Afghan election candidate was killed by a bomb planted under his office chair in the southern province of Helmand on Wednesday, officials said, with the Taliban claiming responsibility for the attack. Source: Hiiraan Online
  5. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah ay soo gaaraan wafdi ka socdo dowladaha Ethiopia iyo Ereteria. Waxaa Muqdisho laga dareemayaa soo dhoweeynta wafdigaasi oo ka soo caga dhigan doono garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho saacadaha soo socdo. Wafdigaan ayaa dhinaca Ereteria waxaa hogaaminaya wasiirka arimaha dibada ee dalkaasi oo ay wehlinayaan xubno sar sare oo katirsan dowlada Ereteria. Dhinaca saraakiil iyo masuuliyiin sar sare oo katirsan dowlada Itoobiya ayaa iyaguna imaan doono magaaalda Muqdisho. Madaxdaasi ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan madaxda dalka ugu sareeyo sida madaxweynaha iyo Ra’isilwasaaraha iyo madaxda kale ee dowlada. Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana goor hore oo saaka ah la sii xiray wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho. Faah faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wafdi ka socda Dowladaha Ethiopia iyo Ereteria oo ku soo wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  6. Maamulka Puntland ayaa sheegay in xadka ay ka baxeen tirada ajaaniibta ah ee ku qulquleysa deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaasi. Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Injineer C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in ajaaniibta ku sugan Puntland ay ku dhow yihiin iney ka bataan dadka Soomaaliyeed ee dhulka leh. Waxa uu sheegay in sanadkii lasoo dhaafay deegaannada Puntland soo galeen ajaaniib ka badan 47 kun, isaga oo ka digey sii socoshada dadkaasi. Camey ayaa faray laamaha ammaanka iney ka shaqeeyaan sidii loola socon lahaa ajaaniibta sharci darrada ku galeysa deegaannada Puntland. Inta badan Puntland ajaaniibta gasha waxaa ugu badan muwaadiniinta u dhalatay dalka Itoobiya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Camey.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Garoowe (Caasimad Online)-Hogaamiye ku-xigeenka maamul gobaleedka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Camey, ayaa daboolka ka qaaday inay korortay tirada ajaaniibta dalka soo galeysa. Camey oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay inay sii lumeyso tirada diiwaanka ajaaniibta kusoo qulquleyso Somalia, gaar ahaan deegaanada Puntland. Hal sano gudaheeda ayuu sheegay Camey in ay degaanada Puntland yimaadeen tiro ajaaniib ah oo aad ufara badan. Waxa uu tilmaamay in kororka oo xad dhaafay ay keeneyso in ay ka bataan dadkii u dhashay dhulka hadii aan xad loo sameynin soo galootiga ajaanibta ah, sida uu hadalka u dhigay. Camey, oo ka duulaya kororka ajaaniibta ayaa Hay’adaha amniga ku amray inay qabsadan shaqooyinkooda oo si dhab ah ay u hawlgalaan si loo kala saaro ayuu yiri kuwa sharciyeysan iyo kuwa sharci darada ku jooga deegaanka. Waxa uu ajaaniibta qudhooda ugu baaqay in ay soo maran wadada sharciga ah si looga warqabo xaaladooda. Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Wadan la iska galo oo sida la doona la iska yeelo ma jiro, hada waxaa dowladda qasab ku noqotay inay kontoroosho dadka soo galootiga ah, wixii hore walaaltinimo ayay aheyd” “Waxaa muhiim ah in lala socdo dadka soo galaya dalka haddii ay wax gaaran waa la qeylinayaa, haddii xaaladu tahay caadi ma ogola sharciga ay nagula joogan” Geesta kale, Camey ayaa madaxda Gobolada iyo kuwa Hay’adaha amaanka ku amray inay si hufan u gutaan waajibaadkooda oo ay la socdan dhaqdhaqaaqa ajaaniibta. Caasimad Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  8. Xildhibaannada Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay kulan ka mid ah kulamadoodii caadiga ahaa ku leeyihiin xaruntooda magaalada Muqdisho. Sida ay Goobjoog News heshay, ajendaha kulanka maanta waxaa ka mid ah aqrinta Koowaad ee hindise sharciyeedka bartilmaameydsiga cunaqabateynta dhaqaalaha. Xildhibaannada waxaa loo qeybin doonaa Hindise sharciyeedkan, waxaana la gudageli doonaa ka doodistiisa. Ammaanka xarunta golaha shacabka ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo la filayo in kulankaan uu shir guddoomiye guddoomiyaha golahaasi Maxamed Mursal. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Koox hubeeysan ayaa magaalada Muqdisho waxa ay xalay ku toogteen mid kamid ahaa odayaashii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Allaha u naxariistee Maxamed Cali Feeldheer ayeey dableey hubeeysan ku dhexdileeyn goobtiisa ganacsi degmada Wadajir ee Muqdisho. Labo dhalinyaro ah oo ku hubeeysnaa bastoolado ayaa dishay allaha u naxariistee Nabadoonkaan oo kamid ah odoyaashii soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Askar katirsan kuwa dowlada Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilkaasi ka dhacay kuwaasi oo halkaasi ka sameeyay holwgalo ay ku baadigoobayaan kooxihii dilkaasi ka dambeeysay hayeeshee lama sheegin in la soo qabtay kooxihii dilkaasi ka dambeeyay. Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilkaasi iyaga oo la hadlayay warbaahinta afkooda ku hadasha ayeey sheegteen in iyagu ay dileen nabadoonkaasi. Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxa ka socdo dilalka loo geeysanayo odoyaashii soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Hoos ka Dhageeyso codka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/Cod-Goobjooge-dil-Wadajir-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Mid kamid ah ergooyinkii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  10. Ethiopia’s prime minister has appointed women to half the posts in his cabinet and created a new ministry of peace in a sweeping reshuffle that will reinforce the momentum of his radical reform programme in the vast, strategically significant African country. Source: Hiiraan Online
  11. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa kulamo xalay uu la qaatay waxgaradka magaaladaasi kala hadlay arrimo dhowr ah. Kulamadii xalay ayaa waxyaabaha sida gaarka ah looga hadlay waxaa ka mid ah arrimaha ammaanka iyo sidoo loo dardargelin lahaa ka shaqeynta ammaanka magaaladaasi. Sidoo kale, madaxweyne Xaaf ayaa isla xalay la kulmay madaxda maamulka gobolka Mudug iyo kan magaalada Gaalkacyo. Waxaa sidoo kale lagu wadaa in madaxweyne Xaaf uu kulamo la qaato maanta qeybaha kala duwan ee bulshada isaga oo kala hadli doono xasilinta Gaalkacyo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAR-CALI-CEYN-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Taliska Ciidamada Milatariga Soomaaliya General Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa sheegay in ciidamada dowlada Soomaaliya ay ku guuleeysteen in ay bur buriyaan dooman ay lahaayeen Al-Shabaab. Howlgalkaasi ayuu sheegay in ciidamada dowlada ay ka sameeyeen gobolka Sh/Dhexe doomankaasi uu sheegay in Al-shabaab ay u adeegsan jireeyn in ay isaga gudbaan wabiga mara gobolada Sh/Dhexe Sh/hoose iyo Hiiraan. General Indha Qarshe ayaa sidoo kale ku hanjabay in ay qaadayaan weeraro culus oo ay ku qaadayaan goobaha ay ku suganyihiin ciidamada Al-shabaab ee Koonfurta iyo Bartamaha dhulka Soomaaliya. Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa wada diyaargaroow culus oo ku aadan sidii Al-shabaab ay uga saari lahaayeen deeganada ay maamulaan. Hoos ka Dhageeyso Codka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/Cod-indha-qarshe.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gen Indho Qarshe ” Waxaan bur burinay Doomo ay lahaayeen Al-shabaab” appeared first on Puntland Post.
  13. Ciidamada Booliiska ee magaalada B/weyne ayaa adkeeyey amniga guud ee magaaladaasi. Wararka ayaa waxaysheegayaan in ciidamadan ay xalay illaa iyo saakay ay magaaladan ka sameeyeen howlgallo ballaaran oo aammaanka lagu xaqiijinayo. Lama sheegin howlgalladan in dad lagu soo qabtay iyo in kale, hase ahaatee ciidamada ayaa baaritaan ka sameeyey xaafadaha ay kooban tahay magaaladaasi. Dhowaan, guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ku amray ciidamada ammaanka gobolkaasi iney xaqiijiyaan ammaanka deegaannada gobolkaasi gaar ahaan B/weyne. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe) ayaa sheegay in ciidamada xoogga ay burburiyeen Doomo ay lahaayen Al-Shabaab. Indha qarshe, ayaa sheegay in howlgalka lagu burburiyay Doomaha Al-Shabaab uu ka dhacay degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. General Indha qarshe, waxa uu cadeeyay in Doomaha la burburiyay ay ahaayen dhowr xabo kuwaa oo Shabaabka ay isticmaalayen howlaha badda. Nuqul kamid ah haddalka indha qarshe ayaa ahaa “Waxa ay sameysteen Doonyo yar yar, oo biyaha ay uga kala gudbaan, doonyihii qaar waan gubnay qaarna gacanta ayaan ku dhignay”. “Al-Shabaabka waxay mar walba dhibaateeyaan shacabka beeraleyda ah, balse annaga kama yeeli doono arrintaasi, hawlgalada waxay ka socdaan qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka” Waxa uu intaa raaciyay “Waxaan dhawaan isku furnay wadooyin badan oo horey Shabaab ay go’doomiyeen”. Haddalka Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe), ayaa kusoo beegmaya xili ciidamadu ay laba jibaaren hawlgalada ka dhanka ah Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo inay saaka xiran yihiin inta badan jidadka Mukka Al-Mukarama. Jidadka ayaa waxaa lasoo dhigay ciidamo badan oo isugu jiro Militari iyo Boolis waxaana Maanta Magaalada kusoo wajahan wafdi Caalami ah. Wufuuda kusoo wajahan Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminayo Wasiirada Arrimaha Debadda ee Wadamada Eretrea iyo Itoobibiya. Osman Saleh Mohammed oo ah Wasiirka Arrimaha Debadda Eretera iyo Dr Workneh Gebeyehu oo ah Wasiirka Arrimaha Debadda Itoobiya ayaa imaanayo Magaalada Muqdisho. Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda.
  16. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xiray saakay qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo loo diidayo iney isticmaalaan gaadiidka dadweynaha. Wadada Makka Al-mukarrama iyo sidoo kale jidadka gala wadadaasi ayaa loo diidayaa iney isticmaalaan gaadiidka dadweynaha. Shacabka ayaa la arkayaa iyaga oo lugeynaya wadada dheer ee Makka Al-mukarrama, iyadoo aan la ogeyn sababta loo xiray waddooyinkaan. Maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiisha ammaanka Muqdisho kama aysan hadal xiritaanka waddooyinka, gaarahaan Makka Al-mukarrama iyo nawaaxigeeda. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. BEIRUT, Lebanon — This summer, Saudi Arabia promised the Trump administration $100 million for American efforts to stabilize areas in Syria liberated from the Islamic State. Source: Hiiraan Online
  18. When Canada legalises recreational bhang Wednesday, market watchers predict the birth of a new industry — creating thousands of jobs, investor euphoria, a new tax source for governments and maybe even tourism. Source: Hiiraan Online
  19. A suspect identified by Turkey in the disappearance of Saudi journalist Jamal Khashoggi was a frequent companion of the kingdom's powerful Crown Prince Mohammed bin Salman, The New York Times reported Tuesday. Source: Hiiraan Online
  20. The largest association of independent businesspeople in Turkey has opened an office in Somalia as part of its drive to expand into Africa. Source: Hiiraan Online
  21. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa lagu soo warramayaa in uu isimada beesha Sool clan ku cadaadinayo in ay hor-istaagaan doorasho ka dhacda Puntland. Gaas oo markii hore ay ka go’neyd in uu muddo kororsi sameeyo ayaa u arkay fursad in odeyaasha Sool clan is hortagaan doorashada iyada oo aan la xoreyn magaalada Laascaanood. Sida ilo xog-ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online, shir ay ka soo qeyb galeen Isimada, Gaas iyo ku xigeenkiisa Camey ayaa Isniintii lagu qabtay madaxtooyada Garoowe halkaas oo odeyaasha lagu cadaadiyey in ay warbaahinta ka sheegaan in aan doorasho la qaban doonin ilaa la qabto Laascaanood. Hase ahaatee, sida ay Caasimadda Online ilow xog ogaal ah ugu warramayaan, isimada wey ku gacan seedheen soo jeedintii Gaas iyo Camey iyaga oo u sheegay in go’aankaas halis galin doono amniga Puntland. Gaas oo hore u abaabulay dagaalka Puntland iyo maamulka Somaliland ku dhexmaraya jiidda hore ee Laascaanood ayaa uga dan lahaa sidii uu ugu carqaladeyn lahaa doorashada la filayo in ay dhacdo horraanta sanadka dambe. Musharaxiinta madaxweynaha Puntland ayaa horey uga digay isku dayo dhowr ah oo Gaas uu wado, si uu xilka waqti dheeri ah ugu darsado. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  22. Baydhabo (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka KG Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa goordhow ku dhawaaqay liiska xubnaha Gudddiga doorashada Madaxweynaha Maamulka. Guddiga doorashooyinka Madaxweynaha maamulka KG ee uu magacaabay Guddoomiyaha ayaa ka kooban 15 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed. Guddiga ayaa la faray in si cadaalad ah ay u diyaariyan Doorashada Madaxweynaha maamulka, iyadoo dhex dhexaad laga noqon doono howlaha khuseeya doorashada. Mukhtaar Roobow oo kamid ah musharaxiinta ayaa maalmihii la soo dhaafay walaac ka muujinayay dib u dhaca ku yimid magacaabista guddiga doorashada Madaxweynaha KG.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Habka maaliyadeed ee kooxda A-Shabaab waa mid adag oo nidaamsan, ayna adag tahay in musuq-maasuq ama xatooyo lagu sameeyo, sida ay leedahay daraasad uu sameeyey machadka daraasaadka amni ee Hiraal ee magalada Muqdisho. Inta la ogyahay waxaa jira kaliya hal kiis oo qof ka tirsan Al-Shabaab uu la baxsaday lacag, lacagtaas oo ahayd $2800. Hanti-dhowarayaasha Al-Shabaab ee degmooyinka, kuwaas oo lacagta laga soo ururiyo jidgooyinka loo keeno, ayaa waxaa la marsiiyaa baaritaan aad u xooggan ka hor inta aan la shaqaaleyn. Waxa ay shaaca ka qaadaan dhammaan wixii hanti ah ee ay horey u haysteen, sida dhul, baabuur iyo lacag caddaan a. Marka shaqadii ay hayeen joojiyaan ama laga beddelo, ayaa haddana mar kale ay caddeeyaan hantidooda. Hanti kasta oo dheeri ku ah middii ay shaaciyeen markii la shaqaaleynayey, waa lagala wareegaa. Hanti-dhowrayaasha Al-Shabaab oo bsihii ay gacantooda kusoo dhacdo lacag gaari karta 50,000 oo dollar ayaan awoodin inay Al-Shabaab lacag kala baxsadaan dhowr sabab dartood. Midd koowaad, waxaa 24 saac isha ku haya xubnaha Amniyaatka ama sirdoonka. Xafiiskiiba waxaa joogaa illaa 4 sarkaal oo Amniyaat ah. Waxaa intaas dheer xubno kale oo Amniyaat ah oo aysan ka war-hayn oo daawada dhaqdhaqaaqyadooda. Sidoo kale, laba bil oo kasta waa la beddelaa ama loo diraa fasax. Si la mid ah lacagta caddaanka ah, Zakada soo gasha Al-Shabaab ayaa waxaa xaqiijiya oo caddeeya dhinacyo kala duwan, kuwaas oo hubiya inay ku dhacdo bankiyada Al-Shabaab. Dhammaan talloobooyinkan waxa ay xaqiijiyaan in musuq-maasuq uusan ka dhex-dhicin hanaanka maaliyadeed ee Al-Shabaab, islamarkaana aysan hanti-dhowrayaashooda ku dhiiran xatooyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in duqeeyn diyaaradeed ay ku dishay 60-dagaalame oo katirsan kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya. Wakaalada wararka ee AP oo soo xiganeeysa saraakiil katirsan dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in duqeeyn ka dhacday 12-kii Bishaan duleedka degmada Xaradheer ee gobolka Mudug lagu dilay 60-dagaalame. Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in duqeeyntaasi ay tahay tii ugu qasaaraha badneyd ee sanadkaan ay ka geeystaan Soomaaliya. Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ayaa duqeeymo lagu bartilmaameedsado Al-Shabaab waxa ay ka geeystaa wadanka Soomaaliya. Wali Al-shabaab kama hadlin sheegashadaan Mareykanka uu sheegay in duqeeyn uu ku dilay 60 dagalaame oo katirsan Al-shabaab. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Mareykanka oo sheegay 60-dagaalame oo katirsan Al-Shabaab ay duqeeyn ku dileeyn appeared first on Puntland Post.
  25. Tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya war saxaafadeed ay soo saartay si buuxda taageero ugu muujisay boqortooyada Sucuudiga Careebiya oo muddooyinkan dambe la daalaa dhaceysay culeys diblomaasiyadeed, waxaa ay bulshada Soomaaliyeed uga falceliyeen qaabab kala duwan. Ma ahayn markii kowaad ee ay dowladda Soomaaliya war murtiyeed ceynkaas ah soo saartay, dhaw bilood kahor ayey ahayd markii ay Sucuudiga ku garab istaagtay isla xiisad diblomaasiyadeed oo boqortooyada kala dhexeysay Canada. Mawqifkii ay isniintii dowladda qaadatay waxa uu ku soo aaday xilli Sucuudiga lagu haysto ‘dil ay Qunsuliyadeedda Istanbul ugu gaysatay Saxafi u dhashay dalkeeda’, taas oo ka carreysiisay inta badan dalalka caalamka, gaar ahaan Turkiga oo dalkeeda falka lagu gaystay iyo Mareykanka oo xiriir aad u qotodeer lahaa Sucuudiga. Arritaas, waxa ay cawaaqib xumo ku keentay Sucuudiga kaddib markii uu Mareykanka ugu hanjabay ku soo rogidda cunaqabateynno halka shir weyn oo dalkeeda ka dhici lahaa ay wadammo badan ka baaqdeen. Hadaba, waxaa is weydiin mudan, waa maxay yoolka dowladda, muxuu ka dhigan yahay war saxaafadeedkan iyo xidhiidh noocee ah ayuu la leeyahay booqashooyinkii Madaxweyne Farmaajo iyo Raisul Wasaare Xassan Cali Kheyre ee Riyaad? Falcelintii bulshada inta badan waxa ay u badneyd mid aysan hageyn fahamka siyaasadda xiriirka caalamiga ah, waayo, intooda badan waxa ay diiradda saarayeen sida go’aanka dowladda uu dhaawac ugu gaysan karo xidhiidhka ay Soomaalida ugu yeerto WALAALNIMO ee Turkiga kala dhexeeya Muqdisho, taas oo dhaawac weyn u geysan karta dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaaho. Hase ahaatee, marka aad daristo sida uu u shaqeeyo xidhiidhka caalamiga ah, waxaa kuu soo baxaysa in go’aankii dowladda wax qalad ah ku jirin, xattaa haddii uu xumaanayo xidhiidhka Turkiga iyo Soomaaliya. Mabaadii’da xiriirka caalamiga ah waa mid ku dhisan ama ay jiheyso masaaliix ee ma laha saaxiib joogta ah. Waxaa tusaale kuugu filan, bil kahor waxaa halkii ugu xumaa gaaray xiriirkii diblomaasiyadeed ee Mareykanka iyo Turkiga taas oo keentay in maamulka Trump oo dagaal dhaqaale ku qaado Ankara, waxa uu ku soo rogay cunaqaateyn dhinaca Dollar-ka, saacado gudohood waxaa aad hoos u dhacay lacagtii Turkiga! Balse, laba maalin kahor, waxa uu la safnaa isla Turkiga isaga oo ka soo horjeestay saaxiibkiisii dhaqamiga ahaa (Traditional ally) ee Sucuudiga! Booqashooyinkii Farmaajo Iyo Kheyre ee Sucuudiga Xukumadda Nabad iyo Nolol waxa ay bilowday in ay kooxaha mucaaradka ku ah iyo maamul gobolleedyada la dheesho ciyaar siyaasadeed, waxa ay ku dadaaleysaa in ay ka soo ooddo meel walba ee ay is dhihi karaan waxa ay ka heli karaan taageero dhaqaale. Tusaale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu booqday Eritrea, booqashadaas, caadiyan waxa ay u dhammeysay is ku day walba ee ay kooxaha mucaaradka ah garab uga raadin kareen Asmara oo ka mid ah dowladaha saameynta siyaasadeed ku leh Soomaalia, waxaa la mid ah booqashadii uu Sucuudiga ku tagay. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Kheyre, waxa uu isna dhawaan booqasho ku tagay Sucuudiga, lama oga ujeedooyinka hoose uu ku qarsoonaa! Yeelkeede, waxaa muuqata in dowladda dheeleyso siyaasad ku dhisan yaree cadaawadda kaala dhexeysa dowladdaaha deriska kula ah ama kuwa kugu leh saameynta siyaasadeed, waxa lagu yiraahdo luuqadda diblomaasiyadda “Zero problems with enemies and strategic dept”. Muxuu ka dhignaa war saxaafadeedkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ee Shalay? War saxaafadeedkii si buuxda ee waliba ay ka muuqatay DHINAC la safashada loogu taageeray Sucuudiga, waxa uu ahaa mid sii xoojinaya tuhunkii laga qabay in dowladda Federal-ka ah ee Soomaaliya iyo wadamadda khaliijka ee uu Sucuudiga hoggaamiyo ay isku soo dhawaadeen, si ay Muqdisho ugu muujiyo in ay dhineceeda daacad ka tahay arrintaas, waa in ay qaaddo tallaabo la mid ah tii shalay. Ogow, war saxaafadeed la soo saaray malaha miisaan weyn balse waxaa xigi doona go’aanno waa weyn sida, in xiriirka loo jaro Qadar! Balse waxaan ku eegi doono arrintaas qormo kale. W/Q: Cabiraxmaan Ahmed Gaariye Hargeysa, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid