-
Content Count
215,307 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhabo (Sh.M.Network) – Kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo xubnaha Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed waxay go’aan kaga gaareen xil-haynta ku simaha Madaxwaynaha. Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, afhayeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo xilka haya tan iyo markii uu is-casilay Shariif Xasan Aadan ayaa murashaxiin waxay su’aal geliyeen sharciyadiisa. Guddiga ayaa cadeeyay in Gudoomiyaha Gollaha Wakiilada Koonfur Galbeed uu xilka sii hayn doono inta laga soo dooranayo Madaxwaynah cusub doorashada loo balansan yahay inay dhacdo 19-ka bishaan. Lama ogga hadii Guddiga awood usiinayo go’aanka ay qaateen Dastuurka xili Murashaxiinta oo sheegay in xil haynta Maye oo ku ekeed 8-dii bishaan aanan la saadaalin karin mowqifka ay ka qaadan karaan go’aanka Guddiga. The post Guddiga doorashada KG oo ka hadlay xil haynta ku simaha Madaxwaynaha appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xildhibaanadii Baarlamaanka Soomaaliya ee gudbiyay mooshinka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka warbixiyay mooshinkaasi ay soo gudbiyeen. Xildhibaanada ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo oo gudan waayay hoowshii loo egmaday islamarkaasina ay garoowsadeen in ay keenaan mooshin xil ka tuuris ah. Xildhibaanada oo wariyaasha goordhow kula hadlay Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay sababaha ay mooshin u soo gudbiyeen. Hoos ka Dhageeyso Codadka Xildhibaanada https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/Cod-Xildhibaanada.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaanadii Mooshinka ka gudbiyay Madaxweyne Farmaajo oo Warbaahinta la hadlay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Norwey u fadhin doonta Soomaaliya Elin Bargithe rognlie. Danjire Elin Bargithe rognlie ayaa sheegtay inay sii laba laabi doonta adkeynta xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya Soomaliya iyo Norway. Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo goobjoog ka ahaa munaasabada uu madaxweynuhu warqadaha ka guddoomay safiirka dalka norway ayaa ka hadlay. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu maanta xafiiskiisa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo uga guddoomay safiirka cusub ee dalka Norwey gabadha la yiraahdo Elin Bargithe rognlie,madaxweynaha iyo safiirku waxay ka wada hadleen sidii xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Norwey loo sii xoojin lahaa,” ayuu yiri Wasiirka Axmed Ciise Cawad. Sidoo kale,Wasiir Cawad ayaa sheegay in dalka Norwey uu yahay dalalka ugu taageerada badan saaxiib dhowna la ah Soomaaliya,waxayna Dowladda Norwey madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo shacabka Soomaaliyeed si aad ah ugu ammaaneen horumarka dhan kasta ah ee uu dalka gaaray. The post MD Farmaajo oo waraaqaha ka guddoomay safiir cusub appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaarada hawlaha guud ee Somaliland ayaa waxaa uu maanta deeganka Caro weyn oo ka tirsan deeganka Buuhuudle ayaa waxaa uu maanta soo dhaweeyey ciidamo ka soo goostey mucaaridka Buuhoodle oo tiradoodu ka badneyd 200 askari isla markaana wata gadiid dagaal, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Warar hadda naga soo gaaraya madaxtooyada Villa-Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in kulan deg deg ah uu hadda u socdo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isilwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlayaa arimaha soo kordha oo ku aadan mooshinka laga soo gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Lagama heli karo xog faah faahsan hayeeshee ilo xog-ogaal ah ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isilwasaare Kheyre ay aad uga hadlayaan arimahaasi iyo waxa laga yeelayo. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo gudbiyay mooshin ka dhan madaxweynaha Soomaali Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Lama oga halka ay ku dambeeyn doonto mooshinkaasi laga soo gudbiyay madaxweyne Farmaajo. Faah faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isilwasaare Kheyre oo kulan deg deg ah leh appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-09122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Cali Suldaan Maxamed Sheekh Ismaaciil oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 09/12/2018, Magaalada Gabiley. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey rukun ka baxay madaxdhaqameedka dalka, isagoo ka soo shaqeeyey arrimaha nabadgalyada, dib u dhiska dalka iyo wada jirka bulshada Somaliland, kana soo jeeday saldanad soo jireen ah oo facweyn. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Md. Cismaan Jaamac Aadan ayaa soo saaray wareegto uu ku joojinayo bixinta ruqsadaha dugsiyada gaarka ah, isla markaana uu xakamaynayo furitaanka laamo cusub oo ay yeeshaan dugsiyada gaarka ah ee hore u haystay ruqsadda. Wareegtadan iyada oo dhammaystiranina waxa ay u dhignayd sidan: “Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku waxa ay qaranka masuul uga tahay hirgalinta adeeg Waxbarasho oo tayo leh si waafaqsan siyaasadaha Waxbarashada Qaranka, Xeerka Waxbarashada Qaranka (Xeer Lr. 77/2018), Xeer-nidaamiyaha Waxbarashada Gaarka ah ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Haddaba, iyada oo Wasaaraddu ka duulayso duruufaha waxbarasho ee dalka gaar ahaan tayada waxbarashada iyo hubinta halbeegyada goobaha waxbarashada ee dalka, waxa laga bilaabo taariikhda ay warqaddani soo baxday (2/12/2018) aan go’aamiyay, ilaa amar danbe, in la joojiyo in ruqsad cusub la siiyo dugsiyada gaarka ah(Private Schools). Waxa kale oo la joojiyay in dugsiyada gaarka ah ee Ruqsadda haystaa ay furtaan laamo cusub (New branches). Waxa la farayaa dhammaan Guddoomiyayaasha Waxbarashadu in ay fuliyaan amarkan, cid kasta oo ku xadgudubtana ay Agaasimaha Guud u soo gudbiyaan, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado. Masuuliyiinta Laamaha kale ee Dawladda waxa aannu ka rejaynaynaa in ay nala hirgaliyaan go’aankan, si loo hubiyo tayada Waxbarashada ubadkeenna.” Source
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga Danjiranimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee waddaka Norwey u fadhin doonta Somalia, Elin Bargithe Rognlie. Danjire Elin Bargithe Rognlie oo si kooban u hadlay ayaa sheegtay inay laba-jibaari doonaan adkeynta xiriirka u dhaxeeya Somalia iyo Norway uu ku tilmaamay inuu yahay mid meel wanaagsan maraya. Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Axmed Ciise Cawad oo isna ka hadlay munaasabada ayaa yiri. “Madaxweynaha Somalia wuxuu maanta xafiiskiisa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo uga guddoomay safiirka cusub ee Norwey, Elin Bargithe Rognlie. Madaxweynaha iyo safiiraddu waxay ka wada-hadleen sidii xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Norwey loo xoojin lahaa,” ayuu Wasiir Cawad. Dhanka kale, Wasiir Cawad ayaa sheegay in dalka Norwey uu yahay dalalka ugu taageerada badan saaxiib dhowna la ah Somalia, Waxayna Dowladda Norway madaxweynaha iyo shacabka Somalia ku ammaaneen horumarka dhan kasta ah ee uu dalka gaaray. Ma ahana markii ugu horreysay oo Madaxweyne Farmaajo uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomo danjirayaal ka socda dalalka Galbdeedka oo ay Somalia gacan weyn ka siiya dhanka dhaqaalaha iyo millateriga. Ugu dambeyn, Xafladdan Danijraha Norway looga guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ayaa waxay imaanaysaa iyadoo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia ay mooshin ka gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjire Cusub appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – 92 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta mooshin xil ka qaadis ka gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Hindisaha Xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu gudbiyey si waafaqsan qodobka 92aad, faqradiisa 1aad iyo 2aad ee dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Hindisaha xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa madaxweynaha ku eedeeyey “inuu ku kacay qiyaano-qaran, kuna xadgudbay dastuurka qaranka iyo sharciyada kale ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Hindisaha ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka waxa uu ku xadgudbay qodobkaan isagoo heshiisyo iyo is-afgarad qarsoodi ah lasoo galay dowlado shisheeye oo sheegay in ay la saxiixdeen Soomaaliya heshiisyo lagula wareejinayo dekadaha Soomaaliya” Xildhibaanada ayaa sidoo kale madaxweynaha ku eedeeyey inuu galay hgeshiis lagu midaynayo wadamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretereeya, si mustaqbalka ay u yeeshaan hal Madaxweyne sida Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu sheegay. Hoos ka aqriso hindisaha oo dhamaystiran.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta mooshin xil ka qaadis ka gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Ilaa hadda lama sheegin tirada rasmiga ah ee xildhibaanada gudbiyey mooshinka iyo sababta ay u cuskanayaan xil ka qaadista ay doonayaan inay ku sameeyaan madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa waxaa mooshin ka keeni kara 92 Xildhibaan oo ah saddex meel hal meel tirada guud ee xubnaha baarlamanka. Si kastaba, mooshinka ayaa waxaa aqbalay guddoonla baarlamanka, sida ku cad warqad uu saxiixay xogahayaha hoogtada ee baarlamanka Cabdikariim Buux, oo la saaray shaabadda Xafiiska Guddoomiyaha Golaha shacabka ee galka Xafiiska Arrintan ayaa ka dhigeysa in sharci ahaan Mooshinka inuu maray habraaciisa. Dhinaca kale, xog ana helnay ayaa sheegeysa in hadda shir arrintan ku saabsan uu u socdo madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.
-
Mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa goordhow qabtay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal. Mooshinkan ayaa la sheegay inuu yahay hindisaha xilka qaadista madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Weli ma hadda qodobada lagu heysto, laakin wixii war ah oo ku soo kordha kala soco, Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warar lagu kalsoonaan karo oo aan heleeyno ayaa waxa ay sheegayaan in xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay mooshin ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Warka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in xildhibaanada Baarlamaanka ay mooshinkooda ay u gudbiyeen gudoomiyaha Baarlamaanka Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Xog-ta aan heleeyno ayaa waxa ay sheegayaan in gudoomiyaha Baarlamaanka uu aqbalay mooshinkaasi ay u soo gudbiyeen xildhibaanada Baarlamaanka. 94 Xildhibaan ayaa la sheegay in ay soo gudbiyeen mooshinkaasi ka dhanka ah madaxweyne Farmaajo. Goordhow oo caawa ah ayaa lagu wadaa in ay warbaahinta la hadlaan xildhibaanadaasi mooshinka ka gudbiyay madaxweyne Farmaajo. Arintaasi ayaa waxaa ay sii hurineeysaa qilaafkii ka dhex jiray madaxda sare ee dowlada Soomaaliya. Faah faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaano Gudoonka Baarlamaanka u gudbiyay Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Mid ka mid ah askartii dowladda Federalka Somaliya ay u dirtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu dilay Magaaladaasi. Dilka askarigaan Booliska ka tirsan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii muran uu soo kala dhex galay askari kale oo ka mid ahaa kuwii Muqdisho laga keenay. Dilka oo dhacay duhurnimadan maanta ayaa Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliya waxa ay sheegeen in muran dhexmaray labada askari dilka uu ka dambeeyay. Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in la qabtay askarigii falka falka dilka ah gaystay, kaasi oo lagu xiray Magaalada Baydhabo. Ciidamada Booliska ee dowladda ay u dirtay Magaalada Baydhabo ayaa ku sugan Madaxtooyadda Maamulka Koonfur Galbeed. Shacabka Magaalada Baydhabo ayaa hadal haayo dilka askarigaan uu u gaystay askariga kale ee ka tirsan Booliska, ayna ka wada yimaadeen Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Soomaaliya, ayaa ka hadlay musuq maasuqa ka jira dalkan iyo dadaalada uu xafiiskiisa ee ka dhanka ah ciribtirkiisa. Dr Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay in musuq maasuqa dalkan hareeyay aaney eheyn oo kaliya lacagaha la dhoco, balse ay qeyb ka tahay in la sameeyo eex iyo sidoo kale hantida Soomaaliyeed oo la lunsado. Dagaalka ka dhanka ah musuqa, ayuu sheegay ineysan ku koobneyn Muqdisho oo kaliya balse Muqdisho ay tahay meesha haatan ka bilaabatay oo kaliya dagaalka guud ee ka dhanka ah wax is daba marinta. Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay inaan si sahlan loo cirbtiri karin musuqa, isagoo sabab uga dhigay in madaxda dowladda iyo xubnaha hay’adaha fulinta iyo sharci dejinta ay caqabad kala kulmayaan shaqooyinkooda. Afar kiis oo musuq maasuq ah, ayuu sheegay iney wajaheen maalmahan, balse ay uga dhigneyd iney dhinbil dab ah gacanta ku dhigeen oo kale, maadaama ay dhalleeceyn kala kulmayeen dhinacyada ay ehelka yihiin dadla eedaha musuqa loo soo qabto. “Waa madaxda qaranka, waa xildhibaanada, waa shacabka dadka aan kala dagaalami la’nahay musuqa, sababtoo ah waxey difaacayaan dadka eedaha musuqa loo soo qabto” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha. Axmed Cali Daahir, waxa uu hadalkan ka sheegay munaasabad maanta lagu xusayay maalinta la dagaalanka musuqa oo lagu qabtay xerada Xalane ee aadka loo ilaaliyo. Dadkii ka qeyb galay xuska maalinta ee hadallada ka jeediyay waxaa ka mid ahaa; wasiirka cadaalada Soomaaliya, hanti-dhowraha guud ee qaranka iyo safiirada waddamada UK iyo Mareykanka ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
