Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,979
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A prominent Somali journalist, Ismail Sheikh Khalifa was wounded after a bomb concealed under the sear of his private car exploded in the heart of Mogadishu on Tuesday. Khalifa who worked as a managing director of Star FM Radio’s Mogadishu Bureau is in critical condition after sustaining series wounds in the car bomb explosion. The motive behind the attempt on his life and who orchestrated the assassination bid remains unclear as the Somali police are yet to comment on the incident. Al-Shabaab in the past targeted senior government officials and media workers with such bomb attacks in Mogadishu, the capital of the conflict-recovering Horn of Africa nation. The post Somali journalist injured in car bomb blast in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Waxaa Goordhow magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya Qarax gaarigiisa loogu xiray mid kamid ah agaasimayaasha idaacada Muqdisho. Ismaaciil Sheekh Khaliif oo ahaa Agaasimaha idaacada maxaliga ah ee HIDDo ayaa dhaawac culus ka soo gaaray miino loogu xiray gaarigiisa wadda Makka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Ismaaciil Sheekh Khaliif ayaa sidoo kale ahaa agaasimaha hay’ad u dooda xuquuqda wariyaasha. Majirto cid sheegatay masuuliyada qaraxa loogu xiray gaarigiisa Agaasimahaan waxaana dhaawiciisa la jiifiyay mid kamid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho. Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Agaasime Idaacadeed oo ku dhaawacmay Qarax loogu xiray Gaarigiisa appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Waabari gaar ahaan Waaxda March ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi uu ka dhacay Qarax gaari. Qaraxa ayaa ahaa Mid lagu xiray gaari Nooca raaxadda ah, waxaana ku dhaawacmay ruuxii watay gaariga. Goobjoogayaal ayaa Xaqiijiyay in gaariga uu watay wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo ka mid ah Wariyeyaasha Soomaaliyeed, islamarkaana uu soo gaaray dhaawac. Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi laga qaaday dhaawaca Wariyaha. Ismaaciil Sheekh Khaliifa ayaa horay u ahaa Agaasimaha Idaacadda Radio Star fm haddana wuxuu ahaa Agaasimaha Idaacadda Hudda ee Magaalada Muqdisho. Mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho ayaa loo qaaday dhaawaciisa,sida aan Wararka ku heleyno.
  4. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay in Gaarigiisa loogu xiray Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo ka mid ah Wariyeyaasha Soomalaiyeed. Gaariga uu watay Wariyaha ayaa qarxay, xilli uu maray xaafadda March degmada Waabari ee gobolkan Banaadir. Wararka qaara ayaa sheegaya in qaraxaasi dhaawac uu ka soo gaaray Wariyaha,islamarkaana loola cararay mid ka mid ah Isbitaaladda Muqdisho. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa lagu soo warramayaa in ay gaareen goobta uu qaraxu ka dhacay, kuwaas oo howlgallo kooban ka sameeyay halkaasi. Ammaanka Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe faraha ka sii baxayay, iyadoona qaraxyo iyo dilal qorsheysan ay ka dhacayeen qeybo ka mid ah gobolka Banaadir. The post Qarax khasaaro geystay Oo ka dhacay M/ Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Qarax gaari ah oo ka dhacay isgoyska shaqaalaha ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa inuu ahaa gaariga weriye Ismaaciil Sheekh Khaliifa. Weriyaha oo ku dhaawacmay ayaa la sheegayaa inuu qaraxu ku xirnaa gaarigiisa, dhaawaciisa waxaa loola cararay isbitaalka Digfeer. Weriyaha Goobjoog News oo goobta gaaray waxaa uu soo sheegayaa in dhaawaca uu cuslaa, weriyaha ayaa aad dhiig baxay, waxaana dhaawaca uu ka gaaray dhabarka ama kiliyaha maadaama Qaraxa loogu xiray kursiga gaariga Lama oga sababta, mana jirto cid sheegatay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Baydhabo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa go’aan ku gaartay in Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur awood ciidan looga reebo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in ilaa 500 oo ciidan oo dowladda ay qorsheysay in la geeyo magaalada Baydhabo, ujeedka laga leeyahay ay tahay in lagu hor-istaago Roobow. Ciidamadan ayaa 200 oo ka mid ah waxay dowladda gaysay Baydhabo maalmihii lasoo dhaafay, waxaana la qorsheeyeyin illaa saddex boqol oo kale lagu daro oo la gaarsiiyo 500. Xukuumadda iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa horey u sheegay in ciidamada ay sugayaan amniga doorshada, balse xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in lagu hor-istaagi doono Roobow. “Qorshaha laga leeyahay ciidanka ayaa ah inay qabtaan xarunta doorashada ay ka dhaceyso iyo xaafadaha ku hareereysan oo Roobow laga hor-istaago inuu soo galo, waana ka go’an tahay dowladda” ayuu yiri mas’uul Koonfur Galbeed ka tirsan oo la hadlay Caasimada Online, kaasi oo codsaday inaan la magacaabin. Tallaabada dowladda Soomaaliya ayaa timid kadib markii ay fashilmeen dhammaan dadaalladii kale ee la doonayey in lagu hor-istaago Roobow. “Roobow waqti un buu iska luminayaa ee kama qeyb-galayo doorashada” waxaa isna sidaas yiri mas’uul ka tirsan xukuumadda Kheyre oo codsaday inaan la magacaabin. Dhinaca kale, xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in xubno ka mid ah beesha caalamka ay ku taageersan yihiin dowladda tallaabada ay qaadeyso, inkasta oo aysan dooneyn inay ka hadlaan. Cabsi aad u xoog badan ayaa ka jirta magaalada Baydhabo, waxaana jira maleeshiyo ku beel ah Roobow oo is urursi ka bilaabay magaalada, ayadoo aad loogu cabsi qabo dagaal ka dhaca magaalada. Dib u dhacyada dhowrka ah ee ku yimid doorashada Koonfur Galbeed ayaa sabab looga dhigayaa arrintan. Dhinaca kale, dowladda ayaa mar isku dayday in doorashada loo soo wareejiyo Muqdisho, balse waxaa laga cabsaday in taasi ay bixiso sawir qaldan oo ah in dowladda afduubaneyso doorashada. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  7. Kismaayo ( Sh. M. Network )-Howlgalka nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika Soomaaliya ee AMISOM ayaa mar kale ku celiyay in ay xoojinayaan qorshaha lagu xoojinayo ammaanka deganaanshaha Soomaaliya. Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka AMISOM Ambassador Francesco Madeira ayaa xusay in ay wadaan qorshayaal lagu soo celinayo amniga dalka. Mr Madeira ayaa intaasi ku daray in guul laga gaaro dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ay ku xiran tahay dadaal dheeraad ah oo ka yimaada AMISOM iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya. Wakiilka ayaa hadalkan dhawaan ka jeediyay musaabad ka dhacday M/ Kismaayo oo AMISOM ay saldhig cusub oo Booliis ku wareejiyeen maamulka Jubbaland Mashruuca lagu dhisay saldhiggaasi ayaa waxaa iska kaashaday dowladda Denmark iyo howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya. Madaxa Booliika AMISOM ee Soomaaliya oo dhinaceeda ka hadashay munaasabaddaasi ayaa xustay in ay kordhin doonaan dhismaha saldhigyada Booliska ee dalka iyo tababarada Ciidamada Booliska ee Soomaaliyeed. Ururka Midowga Afrika ayaa horay u sheegay in Soomaaliya uu ka caawin doono dhinaca dhismaha Ciidamada Xoogga, si ay DFS ula wareegto ammaanka dalka The post Midowga Afrika Oo xoojinayo taageerada Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Musharax Maxamuud Khaliif Xasan Jabiye oo aan isna qayb ka ahayn Musharixiintii maanta soo saaray warsaxaafadeedka ayaa hada soo saay warsaxaafadeed ku aadan Gudiya la [...] Source
  9. Ceelbuur ( Sh. M. Network )-Diyaarado dagaal oo ku socda jawi hoose ayaa lagu soo warramayaa in maanta lagu arkay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud. Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay diyaaradahaasi oo ku socda joog hoose lagu arkay deegaano hoos yimaada degmada Ceelbuur ee gobolkaasi. Lama oga illaa iyo hadda halka laga leeyahay diyaaradahaasi dagaal ee dul heehaabaya qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dadka deegaana ayaa cabsi ka muujinaya in duqeyn xoogan ay ka dhacdo halkaasi, maadaama deegaanadaasi ay ku sugan yihiin Dagaalyahannada Al Shabaab Muddooyinkii dambe waxaa duqemo dhinaca cirka ah ay ka dhacayeen deegaano ka kala tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud ee maamulka Galmudug. The post Diyaarado ku socda Joog hoose Oo lagu arkay G/ Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Musharax Cali Xaaji Warsame ayaa ku baaqay in wadatashi laga sameeyo magcaabida gudiga Khilaafaadka Cali Xaaji ayaa yiri ” Wax wada tashi ah oo ku [...] Source
  11. Garoowe (Caasimadda Online) – Qaar kamida musharixiinta Puntland, ayaa kasoo horjeystay Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee uu shalay magacaabey Madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaadey ee Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Musharixiinta ayaa waxaa ay Warsaxaafadeedkooda ku sheegeen inay taageerayaan Guddigaas,hayeeshee ay ka soo horjeedaan guddigii uu shalay Madaxweynaha Puntland Cabduweli Cali Gaas Magacaabay. Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo ka kooban 8 xubnood ayaa mgacaabistooda waxay dhalisay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysay Madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa, Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar “Cumey” oo ka hor-yimid Guddiga. Camey ayaa isna magacaabey Guddiga kale, isagoo sheegay in Gaas uu ka leexday habraacii loo mari jiray dhismaha guddidan qaabilsan xalinta khilaafka ka dhasha soo xulista Xildhibaanada, islamarkaana aan lagala tashan isaga iyo musharaxiinta. Musharixiin uu kamid yahay Cabdi Faarax Saciid [Juxa] ayaa ka digay khilaafka iyo is-barbar-yaaca dhismaha Guddiga anisixinta iyo xalinta khilaafaadka Baarlamanka. Waxa ay sheegeen in Xubnaha Guddiga ka kooban 8 Xubnood ee uu Magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Puntland ay ku yimaadeen wadatashi.
  12. Baydhabo ( Sh. M. Network )-War ay heshay Shabelle ayaa sheegaya in guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan saacadaha soo socda uu ku wajahan yahay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaban qaabada soo dhaweynta guddoomiye Mursal ayaa lagu soo warramayaa in laga dareemayaa gudaha magaaladaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in socdaalka guddoomiyaha Golaha Shacabka uu la xariiro arrimo ku aadan doorashada K/ Galbeed Soomaaliya. Waxaana la sheegay in kulamo gaar gaar ah uu la qaadan doono qaar ka mid ah Musharraxiinta maamulkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiyuhu uu qorsheynayo in uu dib u soo celiyo Ciidamadii ay dhawaan DFS u dirtay magaalada Baydhabo ee G/ Baay. Xiisado ka dhashay Ciidamadaasi ayaa labadii maalin la soo dhaafay ka taagnaa gudaha magaaladaasi. Ololaha doorashada K/ Galbeed ayaa si weyn uga socda M/ Baydhabo, taas oo la qaban doono 19-ka bishan December ee 2018-ka. The post Guddoomiye Mursal Oo ku wajahan Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay howlgallo ballaaran ka sameeyeen degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose iyo sidoo kale deegaanno ku dhow degmadaasi. Waxay ciidamada howlgalkaan kusoo qabteen tiro dhallinyaro ah, kuwaasi oo la sheegay in lagu baarayo saldhigga Booliiska ee degmadaasi. Taliyaha ciidamada Booliiska ee degmada Wanlaweyn, Maxamed Cabdille Xasan ayaa u sheegay Goobjoog News, in howlgalkaan uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayo, islamarkaana dadka ay kusoo qabteen u badan yihiin dhallinyaro, ayna baarayaan. “Waan raadineynaa cid walbo oo ammaanka wax u dhimeysa, waxaan haynaa dhallinyaro, waa la baarayaa wixii dambi lagu helo maxkamad ayaa la geynayaa wixii baaritaan loo baahdana CID ayaa loo gudbinayaa” ayuu yiri taliyaha. Degmada Wanlaweyn ee Shabellaha Hoose waxaa maalmihii ugu dambeeyey ka dhacayey falal ammanka wax u dhimayey iyadoo ciidamada dowladdana wadaan howlgallo ballaaran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Maamulka gobolka Shabellaha Dhexe ayaa dhex-dhexaadin ka dhex wada beello dhowaan ku dagaallamay deegaan ku dhow magaalada jowhar. Waxa uu maamulka joojiyey in wax dalag ah lagu beero dhul ku yaalla deegaanka Maandheere, kaasi oo dagaalkaasi uu ka dhashay. Guddoomiyaha magaalada Jowhar, Cismaan Maxamed ayaa sheegay in dagaalladaasi aanay dib usoo laaban doonin, lana xallin doono wax walbo oo ay beelahan isku haystaan. Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in waxgaradka Labada dhinac la isku wacay, islamarkaana la amba qaadayo xallinta wixii dhacay iyo sidii loo soo gabagabeyn lahaa colaadda. Beello walaalo ah ayaa todobaadkii tagey ku dagaallamay dhul beereed ku yaalla deegaanka Maandheere ee gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana ka dhashay dagaalkaasi khasaare kala duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Wasiirkii hore ee wasaaradda Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in wax dhib ah aanu ku jirin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay geysay magaalada Baydhabo. Fiqi oo wareysi siiyey Goobjoog ayaa sheegay in ciidamadan kaliya ay ka qeybqaadan doonaan xoojinta ammaanka, islamarkaana ay caawin doonaan ciidamada kale ee sugaya ammaanka Baydhabo. “Ammaanka magaalada markii hore ciidamo ayaa joogay oo waa ay ku filnaayeen, hadana culeys ayaa yimid oo ah doorasho, marka ciidamadan la keenay magaalada waxay xoojin doonaan ammaanka oo waxay caawinayaan ciidamadii kale ee magaalada ku sugnaa” ayuu yiri Fiqi. Baydhabo waxaa dhowaan la geeyey ciidamo badan oo Booliis ah kuwaasi oo kaalin ka qaadanaya sugidda amniga magaaladaasi. 19-ka bishan waxaa la filayaa in Baydhabo ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha K/galbeed oo musharraxiin badan u taagan yihiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa waxa uu soo bandhigay walaac beesha caalamku ka qabto dib u dhaca doorashooyinka golleyaasha wakiillada iyo deegaanka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay maanta howlgal ballaaran ka sameeyeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Howlgalkaan ayaa ahaa mid ammaanka magaaladaasi lagu xaqiijinayey, iyadoo dhanka kalena lagu raadinayey rag shalay la sheegay in Bam gacmeed ku tuureen gurio ku yaalla magaaladaasi. Howlgalkan ayaa xooggiisa waxay ciidamada ka sameeyeen sida la sheegay xaafadda Wadajir ee Baydhabo, iyadoo dad badan lagu soo qabtay. Goob joogayaal ayaa inoo xaqiijiyey in ciidamada ay soo qabteen dad u badan dhallinyaro, kuwaasi oo su’aallo lagu weydiinayo saldhigga Baydhabo. Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey, halkaasi oo lagu wado in 19-ka bishan ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha K/galbeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa si iskood ah magaalada Muqdisho uga sameeyey Bangi lagu keydiyo dhiigga. Maalin walba waxaa xaruntan taga dhallinyaro badan oo dhiigooda ugu deeqa dadka Soomaaliyeed kale ee u baahan. Waxa ay sheegeen dhallinyaradan in maadaama dalka aanu lahayn meel dhiig lagu keydiyo ay go’aansadeen in shaqadaasi ay dadkooda u qabtaan. Dhallinyaradan ayaa sheegay in si bilaash ah ku shaqeeyaan, islamarkaana dadka dhiigga u baahan ay si bilaash ah ku siiyaan iyaga oo aan wax shuruud ah ku xirin. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/War-Ibraahim-Xaaji-sax.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Berbera)-Nin U Dhashay Dalka China Oo Dalxiis Ku Joogay Somaliland Oo Islaamay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Guddiyadda Joogtada ah ee golaha Shacabka. Kulanka ayaa lagu waddaa in uu dhaco galabta, waxaana diiradda lagu saari doonaa Dejinta Ajendeyaasha Golaha Shacabka ee Bishaan. Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli wali ay taagan tahay xiisad ka dhalatay kala diristii Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka, oo xildhibaanada qaarkood ay walaac ka muujiyeen. Kulankaan deg deg ah ayaa kusoo beegmaya xilli Afartii Kulan ee ugu dambeysay ee golaha Shacabka uu baaqday. Wadahadal saacaddihii lasoo dhaafay u socday Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Madaxda ugu sareysa dalka sidda Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa la isku mari waayay. Waxyaabaha Wadahaddalada looga hadlaayay waxaa ka mid ahaa Kala diristii Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya, Ciidankii dowladda dhexe ee Soomaaliya ay geystay Baydhabo iyo Musharaxnimadda Sheekh Mukhtaar Roobow. Waxaa soo ifbaxaya in Guddoomiye Mursal uu aad ugu dhegan yahay saddex qodob, diideyna inuu wada xaajood ka geli doonin. Qodobada uu Guddoomiyaha ka biya diidan yahay ayaa waxaa ka mid ah 1- in Ciidamada la geeyey Baydhabo dib loo soo celiyo 2- In uu tartamo Mukhtaar Roobow oo aan Musharaxnimadiisa laga hor istaagin 3- In Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka ay shaqadooda wataan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Garoowe ( Sh. M. Network )-Jahwareer siyaasadeed ayaa xillagan ka taagan deegaanada maamulka Puntland, waxaana uu ka dhashay magacaabida laba guddi oo ay waqtiyo isku dhow soo kala saareen Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa C/xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey. Madaxweynaha Puntland ayaa shalay ku dhawaaqay xubnaha guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ee Golaha Wakiilada maamulkaasi, waxaana xigtay magacaabistaas Digreeto midan la mid ah oo uu soo saaray Madaxweyne ku xigeenka Puntland. Arrintan ayaa waxa ay dhalisay muran siyaasadeed oo ka dhex oogmay labadaasi mas’uul. Sidoo kale deegaanada maamulka Puntland waxaa ka taagan hadal heynta khilaafka cusub ee arrimaha doorashooyinka maamulkaasi. C/xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa sheegay in Gaas uu baal maray habraacii loo marayay dhismaha guddigan, maadaama ay aheyd Dastuuriyan in uu kala tashado magacaabista guddigani, isaga iyo guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi. Dhankiisa Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas oo saacado ka hor la kulmay guddiga uu shalay magacaabay ayaa tilmaamay in guddigaasi uu ku dhisan yahay hab cadaalad ah, hadalkaas oo u muuqday mid ka soo horjeeda fikirka uu qabo ku xigeenkiisa Camey. Ugu dambeyn qaar ka mid ah Musharraxiinta u taagan qabashada hoggaanka sare ee Puntland oo shir jaraa’d maanta ku qabtay Garoowe ayaa ka soo horjeestay xubnaha Gaas u magacaabay guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ee Golaha Wakiillada Puntland. The post Xiisado siyaasadeed Oo ka jira deegaanada Puntland appeared first on Shabelle. View the full article
  22. An AU delegation led by the head of AMISOM, Francisco Madeira has arrived in Kismayu, the administrative capital of Jubbaland state. Jubbaland officials and AMISOM official have received the AU officials at Kismayu Airport. Officials held talks with Jubbaland authorities on security in Kismayu town. The sides focused on the liberation of areas under the control of Al-Shabaab. Both Jubbaland state and AU officials have agreed on Somali military and AMISOM launch joint operations against Al-Shabaab. Madeira who spoke to the media has commended Jubbaland state for its commitment to stabilize the region. “We appreciate Jubbaland for its efforts to achieve last peace. The leaders of Jubbaland have put more efforts stepped the security,” said Madeira. The president Madobe has praised AMISOM forces for their commitment to helping the state to defeat Al-Shabaab fighters. After the meeting, the two leaders accompanied by Mohamed Siyad Adan, the deputy president of Jubbaland and Hassan Guleid Hassan, Jubbaland Police commissioner attended a ceremony to opened a newly built police station in Farjano suburb. Among other AU officials who attended the ceremony is AMISOM acting Police Commissioner Ms. Christine Alalo. The post AU envoy holds talks with Jubbaland president in Kismayo city appeared first on Shabelle. View the full article