-
Content Count
213,209 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Iyadoo Musharixiinta u taagan Doorashada Madaxweynanimada Puntland ee Janaayo 2019 inta badan wali qabaan walwal ku aadan qaabka uu u socdo qaban qaabada Doorashada ayaa hadana waxay Madaxweynaha ka codsadeen inuu dhakhso u magacaabo Gudiga saldhiga u ah Doorashada oo ah Gudiga Khilaafaad bixinta Soo xulida Xildhibaanada kasoo MadXweynuhu soo magacaabo. Khaliif Ciise Mudan oo ka mid ah Musharixiinta u tartamaya kursiga Madaxweynaha ayaa yiri “Madaxweynaha waxaan ka codsaneynaa inuu dhakhso usoo magacaabo Gudiga Doorashada uuna soo magcaabida Gudigaas uu ka tala galiyo Musharixiinta.”. Doorashadii hore ee 2014 Muran xoogan ayaa ka dhashay Soo magacaabida gudigaan kadib markii uu Madaxweynihii wakhtigaas Dr.Cabdiraxmaan Faroole uu magacaabey Gudiga, Waxaana gaashaanka ku dhuftey oo ka horyimid gudigii uu Magacaabay Faroole Musharixiintii wakhtigaas oo uu hor kacayay Madaxweyne prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Musharax ahaa wakhtigaas, Musharixiintu waxay sheegeen inuusan sharci u haysan Madaxweyne Faroole in uu isagu jeebkiisa kalasoo baxo Gudiga Doorashada ee loo bahan yahay inuu kala tashado Musharixiinta kale. Taasna Faroole wuu diidey oo wuxuu ku adkeystay Gudigii uu magacaabay oo 8 xubnood ka koobnaa. Aakhirkii is jiidjiid wakhti qaatay kadib heshiis ayaa laga gaaray Madaxweynihii xiligaas Dr.Faroole wuxuu aqbalay sharuudo ay soo jeediyeen Musharixiintu oo ahaa in Gudigu uu ka madax banaanaado Madaxtooyada ayna wixii talabixinta ah ay la xiriiraan Isimada soo jireenka ah ayna Isimadu u noqdaan Marjaca Gudiga. Waxaa hada muuqata 5 sano kadib in Musharixiinta hada tartamaya ay iyana qabaan walaacaas oo kale laakiin Madaxweyne Gaas oo horey Ugadiiday Madaxweynihii ka horeeyey Dr.Faroole inuu kaligiis magacaabo gudiga Khilaafaadka, Muxuu yeeli doonaa hada. Puntlandi.com Bosaso Source
-
Qoor-weynta Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco Oo Ku Hungoobay Kulamo Gooni Gooni Ah Oo Ay Isugu Diyaariyeen Inay Kula Gar-Naqsadaan Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Halka Ay Xaajadu Ka Qalloocatay!! Xogo Wargeyska Foore ka helay dhaq dhaqaaqyaddii siyaasadeed ee uu Madaxweyne Muuse Biixi sameeyay intii uu ku sugnaa Magaalada Burco ayaa daaha ka fayday inuu si gaar ah iskugu diyaariyay inuu kulamo albaabadu u xidhan yihiin la yeesho Guddiyo la sheegay inay iska soo saareen Beelaha dega Galbeedka iyo Bariga Magaalada Burco, waxaanay wararku sheegayaan inaanay kulamadaasi gabi ahaanba aanay sidii la rabay u qabsoomin oo ay wada baaqdeen,waxaana kulamadaasi intooda badan ay ka qabsoomin waayeen dhinaca Madaxweynaha oo aan sidii hogaamiyayaashii hore isku diyaarin balse dadka u qaabilayay uun si guud. Warar lagu kalsoon yahay ayaa iftiimiyay in Beesha Galbeedka BURCO degta oo si weyn uga qayb qaadatay soo dhawayntii Reer Burco ku qaabileen Waftiga Madaxweynaha ay habeen hore u balansanaayeen inay Kulan gaar ah oo balaadhan la qaataan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi balse warar hoose ayaa Wargeyka Foore u xaqiijiyay inuu Kulankaasi baaqday kadib markii ay Gudidii Beeshaasi ka biyo diiday hanaanka uu Madaxweynuhu u qaabilay, iyagoo sida la sheegay Gudidaasi doonayay inay si gaar ah ula kulmaan Madaxweynaha. Wararkan ayaa intaasi ku daray inuu gabi ahaanba Kulankaasi baaqday islamarkaana aanay jirin wakhti dambe oo laga balamay. Sida ay tilmaamayaan Xogo lagu kalsoon yahay oo naga soo gaadhay Magaaladda Burco ee Caasimadda Gobolka Togdheer oo illaa xalay uu Waftiga Madaxweynuhu ku sugnaa ayaa iftiimiyay in gaar ahaan Gudidii ay iska soo xuleen Galbeedka Burco ee ay Madaxweynaha Habeen hore kulanka u balansanaayeen ay ka dalbadeen Madaxweynaha inay isku keliyaystaan oo uu iska reebo Wasiiraddiisa, arintaasi oo sida la sheegay uu Madaxweynuhu ka diiday islamarkaana uu u sheegay inay iska dhaafaan wasiiradda oo ay sheegtaan danahooda islamarkaana ay soo hor fadhiistaan, waxaanay arintaasi keentay inuu kulankaasi baaqdo kadib markii ay Kooxdii Gudida ahayd ay ku adkaatay inay ka hor garnaqsadaan Madaxweynaha oo ay la joogaan Wasiiraddiisu. Wasiirka Caafimaadka ayaa si gaar ah kooxdaasi u hagayay balse waxaa timid arin qancin wayday Gudidii ay soo wakiisheen Deegaanka Galbeedka Burco. Source:Wergeyska Foore Source
-
(SLT-Washington)Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in CIA-du aanay ku eedayn Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga Maxamed bin Salmaan inuu amray dilka weriye Jamaal Khaashuqji. Khaashuqji ayaa waxaa qunsuliyadda uu Sucuudiga ku leeyahay Istanbul lagu dilay 2-dii bishii Oktoobar. Saraakiisha Mareykanka ayaa waxa ay warbaahinta dalkaasi u sheegeen in howlgalka noocaas ah la fuliyo uu u baahnaa in amiirku uu ansixiyo. “War kama dambays ah maysan soo saarin,” Mr Trump ayaa yidhi mar ay weriyayaashu wax ka waydiiyeen qiimeynta CIA-da. “Si gaar ah ayey wax u dareemayaan. Warbixinta waan hayaa, wax dhameystiranna maysan soo saarin, ma garan karo haddii qof un ay suuroobayso inuu soo helo in amiirka dhaxalsugaha ah uu sameeyay arrinta,” ayuu yidhi. Madaxweynaha ayaa dilka kaddib waxa uu ku celceliyay muhiimadda Sucuudi Carabiya ay u leedahay Mareykanka. Bilowgii todobaadkan, Mr Trump ayaa waxa uu shaaciyay bayaan uu ku tilmaamayo in Amiirka dhaxalsugaha ah “ay suuragal tahay inuu si wanaagsan” u ogaa dilka Khaashuqji. Bayaanka uu Mr Trump ayuu ku sheegay: “Waxaa suuragal ah inuu Amiirka dhaxalsugaha ah uu wax ka ogaa dhacdadaas musiibada aheyd – waa suuragal inuu ogaa iyo inuusanba ogeyn!” 17-kii Nofeembar, Xoghayaha Saxaafadda ee Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa waxa ay weriyayaasha u sheegtay in Mr Trump uu kalsooni ku qabo in CIA-da kaddib markii uu wadahallo ku aaddan dilkii Jamaal Khaashuqji uu la yeeshay Agaasimaha hay’addaasi Gina Haspel iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mike Pompeo. Ilo wareedyo ka tirsan warbaahinta Mareykanka ayaa xilligaa waxa ay sheegeen in aanan la hayn wax caddeyn ah oo amiirka dhaxalsugaha ah ku xiriirinaya inuu bixiyay amarka dilka, hasayeeshee saraakiisha ayaa rumaysan in fulinta dilkaasi loo baahnaa ogolaanshihiisa. Sacuudi Carabiya ayaa waxa eedayntaasi ugu yeertay mid aanan waxba ka jirin, waxa ayna ku adkaysatay in amiirka dhaxalsugaha ah uusan waxba ka ogeyn qorshaha lagu dilay Jamaal Khaashuqji. Source
-
(SLT-Abudhabi)Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohamed Bin Salman ayaa xalay socdaalkiisii ugu horeeyey dibeda ku aaday tan iyo markii 2-dii bishii Oktoobar la dilay suxufigii Jamal khashoqgi kaasoo ka dhacay gudaha qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul. Mohamed Bin Salman ayaa safar ku maraya dhowr dal oo carbeed isagoo lugtii koowaad ee socdaalkiisa ku tegay dalka Imaaraadka Carabta. Mohamed Bin Salman oo si weyn loogu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilkii saxafigii caanka ahaa ee Jamal Kashoqgi ayaa waxaa saarnaa cadaadis aad u weyn oo siyaasadeed, iyadoo sumcada uu ku lahaa caalamka ay hoos u dhacday, balse safarkan ayaa loo arkaa mid uu ku muujinayo inuu weli si buuxda gacanta ugu hayo maamulka Sacuudiga awood balaarana leeyahay. Waxaa garoonka Abu Dhabi ku soo dhoweeyay dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta Mohamed Bin Zayid, waxaana lagu wadaa inuu tago dalal kale oo carbeed oo sacuudiga saaxiib dhow la ah. Source
-
(SLT- Mulhouse)Afar ruux oo isku qoys ah ayaa la xidhay ka dib markii wiil sagaal jir ah uu u dhintay jir dil loogu gaystay gurigooda oo ku yaalla magaalada bariga Faransiiska ku taalla ee Mulhouse. Ilo booliiska ka tirsan ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in wiilku uu diiday in uu ka shaqeeyo laylis ka dibna ul budh lala dhacay. Gabadh ay walaalo yihiin wiilka dhintay, wiilkii ka wayn iyo gabadh kale ayaa guriga joogay marka ay arrintaasi dhacaysay. Inkastoo aysan hooyadii meesha joogin haddana xabsi ayaa la dhigay, oo waxay ka warhaysay waxa meesha ka socda, sida ay wararku sheegayaan. Dhimashada wiilkan ayaa dhacday saacadihii hore Axadda, tacsi ayaana looga dhigay magaalada Mulhouse, dadka deegaanka oo mudaaharaadayana waxay ku dul wareegeen guriga waalidka dhalay wiilka yare ee dhintay. Wixii markii hore ay waalidku sheegeen in wiilku eersaday iyo dhaawacyo lagu arkay maydkiisa oo baaritaan lagu sameeyay ayaa booliisku ku qaaday in ay baaritaannada sii wadaan, sida uu qoray webtise wax ka qora arrimaha hidesidaha oo la dhoho Alsace DNA. Inkastoo uu wadnahu istaagay wiilka haddana khuburo baaritaanno ku sameeya maydadka ayaa sheegay in wiilku uu eersaday wax lagu dhuftay, sida uu website-kaasi sheegay. Booliiska ayaa laga soo xigtay in shay lagu dhuftay wiilka. Hooyadii ayaa guriga ka maqnayd oo safar ganacsi ah jirtay balse si joogto ah ayay u dhiiri galin jirtay in la ciqaabo, iyada oo arrintaas ku sababaysay in uusan rabin in uu ka shaqeeyo laylis-yada loo soo diro, sida ay ku warrantay warbaahinta Faransiiska. Afar ruux oo qoyska ka tirsan ayaa Khamiistii la dhigay xabsi ku yaalla magaalada Mulhouse, waxayna ka soo hor muuqan doonaan dacwad ooge ka hor inta aan maxkamad loo gudbinin. Inkastoo dilka looga shakisan yahay wiil ka wayn oo 19 jir ah haddana baaritaannada ayaa lagu doonayaa in ay daaha ka rogaan waxyaabo badan oo masiibadan la xiriirta. Dilka wiilkan yar ayaa imanaysa wakhti baarlamaanka Faransiisku uu ka doodayo in la mamnuuco in carruurta qacan qaad lagu ciqaabo. Source
-
Dekada Garacad oo Maalmahaan si rasmi ah uu dhismeheeda wajiga kowaaad uu u bilaabanayo ayaa waxaa iyana durba bilowday iibsiga Qandaraasyada Dekada. Qurba joogta Reer Puntland ayaa loosoo bandhigay iney Saamiyo ka iibsadaan Dekada,Iibsigaas wuxuu kaloo sahlayaa in Dekada dhismeheedu uu sahlanaado lana dardar galiyo. iibsiga Saamiga ayaa wuxuu hada ka bilowday Dalalka Yurub iyadoo qiimaha ugu yar ee lagu iibsan karo Saamiga uu yahay 3500 USD, ama kooxdii saami wada iibsanaysa 75.000 USD oo ah qiimaha ugu sareeya, Dabcan dhinaca kalena Qiimuhu wuxuu ku xiran yahay Saamiga uu qofku iibsanayo intuu baaxad le’egyahay. Qubarada dhisaysa Dekada ayaa waxay hada ku Sugan yihiin Garacad waxayna dhowaan sirasmi ah u bilaabayaan Dhismaha iyadoo dhismaha Dekada Garacad uu yahay Mashruuc ay hirgalinayaan Shacabka Reer Puntland iyagoon wax gacan ah ka helin gacan shisheeheye iyo Xukuumadaha Dalka ka jir midnaba. Ganacsatada Gobolka Mudug ayaa gacanta ugu wayn ee Maalgalinta Dekada ka geysanaya iyadoo lagu rajo wayn yahay in Qandaraasyada ay Qurba joogtu iibsanayaan uu noqdo Gacant labaad ee Maalgalinaya Dekada,amaba lagaba yaabee iney Qurba joogto noqdaan Maalgaliyaasha ugu weyn Dekada. Gudiga Dhismaha Dekada ayaa maalmahaan waxay wadaan dardar galinta dhismaha Dekada iyagoo gudiyo hoosaadyo ka sameeyey Wadamo dhowra oo ay ka mid yihiin UK, Sweden, Denmark iyo Magaalooyinka Minneapolis ,Seattle ee Dalka Maraykanka. Dowlada Puntland oo horey u balan qaaday iney qayb ka geysanayso Dhismaha Dekada ama ay Mashaariic Caalami ah uga raadinayso wadamada Deeqaha bixiya ayaan ilaa hada wax wara ama dhaqaale ah aan laga hayn. Source
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku sugan dalka Turkiga, iyada oo ujeedku yahay sida la sheegay inuu la kulmo dhiggiisa Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan. Turkiga waa dalka keliya ee sanadkan laga filaayo inuu miisaaniyadda kabo, isaga oo bixin-doon: 30,000,000, waxaana xusid mudan inuu sanadkii horena ahaa dalka keliya ee sidaasi sameeyey. Marka kabidda miisaaniyadda laga soo tago, Ankara waa dalka keliya ee mashaariic horumarineed iyo maalgeshi ka fuliyey gudaha Soomaaliya. Farmaajo waxaa uu ka yimid dalka Talyaaniga halkaas uu ku tagay booqasho 3 maalin aheyd, isaga oo gabagabadii booqashadiisa hadlaya wuxuu yiri “Waxaan aad u mahadcelinayaa Madaxweyne Mattarella, Ra’iisul Wasaare Conti iyo Afhayeennada labada aqalka sida dirran ee ay noo soo dhaweeyeen aniga iyo wafdigayga. Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii aan horumar faa’iido wadaag ah aan u gaarsiin lahayn labadeenna shacab.” . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu xidhi doona xadka Mareykanka uu la wadaago dalka Mexico, sidoo kale na uu joojin doono xidhiidhka ganacsi ee dalkiisa kala dhaxeeya Mexico, haddii qulqulka muhaajiriinta ka soo jeeda badhtamaha Amerika ay horseedo kala dambeyn la’aan. Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu ku amray ciidammada Mareykanka ee jooga xadka Mexico inay adeegsadaan xoog, haddii loo baahdo. Dowladda Mareykanka ayaa maalintii isniinti bilawday inay ka arrinsato sidii bara kontorool loogu sameyn lahaa qulqulka muhaajiriinta. ” Waxaa aanu xidhi doona waa dhamaan xuduudaha Mexico uma suurtagaleyso inay baabuurtooda u iib geeyan Mareykanka ” waxaa sidaasi weriyeyaasha u sheegay Trump. Kumanaan muhaajiriin ah oo ka kala yimid dalalka bartamaha Amerika oo soo safray masaafo dhan 4 kun oo kiloomitir ayaa ku sugan xadka Mareykanka uu la wadaago wadanka Mexico. Dadkan ayaa waxaa ay shegeen inay ka soo cacareen faqri, colaado iyo dhibaatooyinka taagan dalalka ay ka soo jeedaan oo o kala ah Honduras, Guatemala iyo El Salvador.. Xukuumadda madaxweyne Trump ayaa ciidaamo gaaraya 5,800 u dirtay xadka Mexico, iyadoo na qulqulka muhaajiriinta ku tilmaamtay dad duulaan ku ah Mareykanka. ” Haddii xaaladda muhaajiriinta ay gaarto heer ay wax ka qaban weyno, ama ay dadku dhibaato soo gaareyso, waxaan xiri doonaa halka laga soo galo dalka in muddo ah, ilaa iyo inta ay xaaladda ka hagaageyso” waxaa sidaasi yiri madaxweyne Trump. Hadalka Trump ee ah in haddii laga maarmi waayo la adeegsan doono xoog ayaa yimid kadib markii wasiirka difaaca ee Mareykanka, JamesMattis uu sheegay in ciidammada jooga xuduuda laga qaadi doono hubka. Ku dhawaad saddex kun oo muhaajiriin ah oo ka soo jeeda baratmaha qaaradda Amerika ayaa sooo gaaray magaalo ku taala xuduudda Mexico oo la yiraahdo Tijuana, kadib markii ay ka soo tallaabeen qeybo badan oo kamid ah dalkaasi iyo dalal kale. 2,750 kamid ah dadkan ayaa qaab qaxootinimo ah isaga dhiibay magaaladaasi, halkaa oo laga siiyay guryo ay degaan. Duqa magaalada Tijuana ayaa sheegay in muhaajiriin kale oo gaaraya toban kun ay rajeynayaan inay soo gaaraan magaaladiisa maalmaha soo socda. Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay ka digtay in qofkii lagu hela inuu si sharci darro ah kusoo galay Mareykanka la xiri doono, dibna loogu celi doona dalkiisa, hasyeshee dadkan ayaa waxaa ay shegeen inay yihiin dad noolal raadis ah, ayna doonayaan in msutaqbal wanaagsan ka helaan Mareykanka, halka qaar na ay doonayaan inay la midoobaan eheladooda oo Mareykanka ku nool Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Xisbiyadda Mucaaradka ee Somaliland ayaa siyaabooyin kala duwan kaga hadlay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku aadanaa wadahadalka Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland. Xisbiga Wadani ayaa sheegay in wadahadalada labada dhinac ay joogsan karaan haddii hogaanka Soomaaliya ay sida maamul goboleed ula macaamilaan maamulka Somaliland, sida masuul u hadlay xisbiga uu sheegay. Cabdullaahi Axmed Maxamed oo xubin ka ah xisbiga Wadani, ayaa sheegay in wadahadalada ay socon doonaan marka Dowladda Soomaaliya ay sida dowlad kale ula macaamiisho Somaliland. Dowladihii ka horeeyay dowladda hadda jirta “Sheikh Shariif iyo Xasan Sheikh” ayuu sheegay inay si wanaagsan ula dhaqmi jireen Somaliland marka ay timaado wadahadalka labada dhinac. “Haddii labo wadan oo kale aan u wada hadleyno wadahadalka wuu soconayaa, laakiin Farmaajo iyo saaxiibadiisa waxay aamisan yihiin in sida maamul loola dhaqmo Somaliland, haddii Shariif iyo Xasan Sheikh sidey wax u wadeen ay u wadaan Qoladan Farmaajo waan wada hadleynaa, laakiin haddii sida dowlad goboleed ay noola dhaqmaan kama yeeleyno”ayuu Yiri Cabdullaahi Axmed. Dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa culees kala kulantay dowlad goboleedyada dalka, kadib markii ay kasoo xireen albaabadii dowladaha deriska ee ay aadi jireen marka ay doonaan inay cadaadis saaraan dadka hogaanka haya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Sh.M.Network) – Eng Faysal Cali Waraabe ayaa wuxuu ka hor-yimid go’aankii uu Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ku hakiyay wadahadalka ay la galayaan dowlada dhexe ee Soomaaliya. Waraabe ayaa cod dheer wuxuu ku sheegay in wadaxaajoodka uu muhiim u yahay maamulkiisa, isaga oo ku nuux-nuux saday in Muuse Biixi uusan joojin karin geedi-u-socodka wadahadaladda oo muddo soo socday. Gudoomiyaha xisbiga UCID ayaa hoosta ka xariiqay in go’aanka ay ku galeen wadahadalka uu ahaa mid loo dhan yahay, isaga oo tilmaamay in mar kasta loo baahan yahay inay isla og-yihiin xisbiyada degaanadaas ka jira. Hadalkaan ayuu Faysal Cali Waraabe ka sheegay kadib markii uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, wuxuuna waji soo xoojinayaa khilaaf udhaxeeyay bilooyinkii dambe xisbiga talada haya iyo kuwa mucaaradka. The post Faysal Waraabe oo kahor yimid go’aankii Muuse Biixi ee DFS appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay dilalkii ugu dambeeyay ee loo geystay shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud. Taabid Cabdi wuxuu sheegay in duulaanka lagu qaaday Hormuud uu niyad jabinaayo ganacsiga xorta ah, uuna sababi karo dhibaato baahsan hadii aaney shacabka iyo Dowladu si wadajir ah u garab istaagin shirkada Hormuud Telecom. Hoos ka akhriso qoraalka Taabid Cabdi Maxamed:- Hormuud Telecom, waa shirkad si guud u matasha bulshada Soomaaliyeed marka la eego tirada shaqaalaheeda, saamileyda iyo dadka ku xiran adeegyada ay bixiso, waxaana ku tilmaami karaa tiir dhexaadka bulshada Soomaaliyeed. Maalmihii dambe waxaa si bareer ah loo toogtay ku dhowaad 10 ruux oo shaqaalaha shirkadda ka mid ahaa, kuwaas oo ay dileen kooxda Daacish markii ay shirkadu diiday lacago baad ah oo laga dalbaday, si ummada Soomaaliyeed loogu gumaado. Fal-celinta arrintaas iney dil noqoto inaguna aan fiirsano waa nasiib daro. Gumaadka ku socda shaqaalaha shirkadda Hormuud Telecom wuxuu galaafanaya nolasha dadkeennii qiimaha lahaa, wuxuu niyad jabinaya ganacsiga xorta ah, wuxuuna dhabbe u furaya lacagaha sida dulmiga ah looga qaado ganacsata Soomaaliyeed. Waxaan tacsi u diraya shirkada Hormuud iyo ehelada dadkii sida gardarada ah ay cadowgu u dileen, anigoo caafimaad u rajeynaya kuwa dhaawaca ah ee isbitaalada u jiifa dulmigaas. Waan ka xumahay in cadowgu ay si fudud maalin walba wax ku dilaan, kuna baxsadaan. Waxaan soo jeedin lahaa in shacab iyo Dowlad intaba laga dhiidhiyo arrintaan, oo la garab istaago Hormuud Telecom, si cadowgu u arkaan isku duubni iyo cudud mid ah, waxaan kaloo hay’addaha amniga usoo jeedin lahaa iney si gaar ah ula socdaan fal-kaan lagu beegsanaayo Hormuud Telecom. Hadii aan arrintaan indhaha ka fiirsano, waxay ina dhaxalsiin kartaa cawaaqib-xumo bulsha ahaan iyo dhaqaale ahaan ina wada saameysa. Waa inaan si wadajir ah u wajahnaa arrintaan. Mahad-badan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Ciidamada dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wali waxa ay howlgalo kawadaan deegaano dhaca duleedka degmada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgaladaan ayaa ka dambeeyay kadib markii saacadihii la soo dhaafay uu dagaal kharaar ku dhexmaray Deegaano iyo degmooyin hoostaga gobolka xoogaga Al-Shabaab iyo ciidamada xooga dalka. Maxamed Ibraahim Barre, gudoomiyaha gobolka oo u waramay idaacadda Shabelle ayaa ku tilmaamay ujeedka howlgalada mid la’isugu furayo wadooyin hoostaga magaalooyinka Marko iyo Gandershe ee gobolkaasi. Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dhawaan bilaaway guluf balaaran iyo howlgalo ka dhan ah xarakada Al-Shabaab, kuwaas oo wali ka socda deegaano dhowr ah oo dhaca gobolka shabellaha hoose. The post Ciidanka DFS oo howlgalo kawada Shabellaha Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe” ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka jirta deegaanada Koofur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo oo dhawaan doorasho ay ka dhaceyso. Xildhibaan Aadan Madoobe , ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay faragelin toos ah ku leedahay doorashada Koofur Galbeed, waxaana uu ka digay in haddii faragelinta sii socoto aysan halkaasi ka dhici doonin wax lagu wada qanacsan yahay. Sidoo kale wuxuu sheegay in Shacabka Koofur Galbeed ay yihiin kuwo dulqaadan badan oo aan dooneyn in wax lagu qasbay ay hogaamiyaan, taasina ay caqabad noqon doonto haddii ay dhacdo. Isaga iyo xildhibaano kale ayaa magaalada Baydhabo ku sugnaa muddooyinkii ugu dambeeyay, waxaana marar badan ay dhaliileen hanaanka dowladda Soomaaliya ay wax u wado. “Waxaan dareemeynaa jajuub, Soomaaliya Jajuub kama soconayo, dastuur ayaa jira oo lagu heshiiyay, dhibaato in halkaan laga abuurana ma dooneyno, Shacabka waxay rabaan ayaa halkaan ka soconayo, kama socon doonaan waxa dowladda rabto”ayuu yiri Aadan Madoobe. Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxaa ka socdo ololihii ugu dambeeyay ee doorashada Koofur Galbeed oo lagu balansan yahay 5 Bisha soo socoto ee December. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gabogabeeyay booqasho rasmi ah oo uu muddo saddex cisho ah ku joogay dalka Talyaaniga. Madaxweynaha ayaa intii uu Rome ku sugnaa waxa uu wada hadallo la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Giuseppe Conte iyo Madaxweyne Sergio Mattarella, isaga oo inta aanu soo ambabixin kulamo la qaatay Afhayeennada labada aqal ee Barlamaanka Talyaaniga Marwo Maria Alisabetta Casellati iyo Mudane Roberto Fico. Wada hadallada uu Madaxweynaha la yeeshay dhammaan madaxda Talyaaniga ayaa ahaa kuwo miro dhal ah oo diiradda lagu saarayay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, maalgashiga iyo horumarinta. “Waxaan aad u mahadcelinayaa Madaxweyne Mattarella, Ra’iisul Wasaare Conti iyo Afhayeennada labada aqalka sida dirran ee ay noo soo dhaweeyeen aniga iyo wafdigayga. Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii aan horumar faa’iido wadaag ah aan u gaarsiin lahayn labadeenna shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa haatan ku sugan magaalada Istanbul halkaas oo uu maanta wada hadallo kula yeelanayo Madaxweynaha Turkiya Mudane Rajab Dayib Erdogaan. The post MD Farmaajo oo soo gabagabeeyay socdaalkiisa Talyaaniga appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa soo dhoweeyay go’aanka Midowga Isgaarsiinta Caalamiga (ITU) uu ku ansixiyay laba qaraar oo mid ka mid ah uu gaar u yahay Soomaaliya. Qaraarka 1aad oo tirsigiisu yahay 34 waa mid guud ahaan oo lagu taageerayo dalalka u baahan inay dib u dhisaan isgaarsiintooda, wuxuuna farayaa madaxda ITU iyo dalalka xubnaha ka ah in ay taageeraan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay. Sidoo kale, wuxuu Goluhu ansixiyay qaraar u gaar ah Soomaaliya oo tirsigiisu yahay 160, kaasi oo ujeeddadiisu tahay in Soomaaliya taageero gaar ah laga siiyo sidii ay dib ugu dhisi lahayd, una casriyeyn lahayd, kaabayaasha isgaarsiinta, in dib loo dhiso wasaarad si casri ah u qalabeysan oo leh hay’adaha awooddoodu dhisan tahay oo hoos taga Wasaaradda, in la dajiyo siyaasadda, sharciyada iyo xeer-nidaamiyeyaasha ay ka mid yihiin qorshaha lambarrada taleefoonka, maareynta hirarka, horumarinta shaqaalaha iyo guud ahaan noocyada kale ee taageero ee loo baahan yahay. Qaraarkan wuxuu farayaa Golaha ITU, xoghayaheeda, Agaasimeyaasha qeybaha kala duwan iyo dalalka xubnaha ka ahba inay si gaar ah Soomaaliya uga caawiyaan horumarinta isgaarsiinta iyo teknolojiyada. Madaxda Wasaaradda iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa bilihii la soo dhaafay galaangal ugu jiray sidii dalalka Carabta iyo Afrikaankaba ay qaraarkan ugu soo dari lahaayeen hindisayaasha ay la soo shir-tagayaan, iyagoo intuu uu shirku socday ay soo jeediyeen, isla markaana difaaceen qaraarkan. Maqaamka dalkeena uu ku leeyahay ITU ayaa sanadkan ka duwanaa doorashooyinkii hore maadaama aan dib u soo ceshanay xuquuqdii codeynta, isla markaana aan yeelanay sharci isgaarsiineed iyo hay’ad u gaar ah nidaaminta isgaarsiinta. “Waxaan soo dhoweynayaa in la ansixiyay qaraarkii noo gaarka ah iyo kuwa kale ee saameynta nagu lehba. Arrintan waxay naga caawin doontaa inaan dib u dhisano kaabayaasha isgaarsiinteena, isla markaana aan sameyno dib-u-habeynta loo baahan yahay maadaama suuqani uu muddo ku soo shaqeynayay nidaam la’aan,” ayuu yiri wasiirka. The post Wasiir oo ka warbixiyay shir looga hadlay Isgaarsiinta dalka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-23112018.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa ka badan 20,000 oo askari, waxaana dalalka ugu badan ee ciidamo ay ka joogaan Somalia kamid ah Kenya, Uganda iyo Ethiopia, waxayna Somalia soo galeen sanadkii 2007 si ay ula dagaalamaan Al Shabaab. Howlgalka ciidamadaan ay u joogaan Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa in lasoo dhameeyo, ciidamada dowladda Soomaaliya ayaana la wareegaya masuuliyadda amaan ee dalka, laakiin ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya ayaa laga digayaa. Khuburada dhanka amaanka ayaa ka digaya in ciidamada AMISOM ka baxaan dalka Soomaaliya, waxaana ay sheegayaan inay abuuri karto xasarad Al Shabaab u sahleyso inay dib usoo noolaadaan , iyadoo ciidamada meletariga aysan awood u laheyn buuxinta booska AMISOM. Midowga Yurub ayaa laf dhabar u ahaa AMISOM waxaana bil kastaa ay siinayeen AMISOM €700,000, iyadoo markii dambe loo kordhiyay oo la gaarsiiyay 25 Milyan oo Yuuro si ay ula dagaalamaan Al Shabaab. Dalalka Caalamka ee taageerada AMISOM ayaa la socda halista ka dhalan karta bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya, waxayna qabaan in la diyaariyo ciidamada Qaranka Soomaaliya si ay u ciyaaraan doorka ciidamada nabad ilaalinta caalamiga ah. “Uma malaynayo inay buuxin karaan booska AMISOM” Sidaasi waxaa yiri Patrick Mutahi, oo ka tirsan Xarunta xuquuqda aadanaha iyo cilmi baarista iyo quburo Soomaaliyeed. “Booliska Soomaaliya iyo ciidanka kale, waxaa xaqiiqo ah inay tabar daran yihiin awood ahaan, Sidaasi si lamid ahna Al Shabaab waxay ka faa’ideysan doonaan Fursadda waxayna sii wadi doonaan weeraradooda”ayuu Mr Mutahi kusii daray. Qiimeyn lagu sameeyay ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa lagu ogaaday in 30% aysan heysan hubka aasaasiga ah ee lagu dagaalamo, waxaana qabiilada ay kasoo jeedaan ay ka helaan hubka ay adeegsadaan, taasina waxaa la sheegaa inay caqabad kale noqon doonto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dadka Mareykanka waxaa ay shiinaha u arkaan inuu yahay dal khatar ku ah jiritaanka dowladda Mareykanka, waxaa arrintaas hor socda Trump. Dhaqaale ahaan: Dhaqaalaha Shiinuhu waa dhaqaalaha labaad ee adduunka ugu baaxadda weyn, waxaana la filayaa in booska koowaad uu kala wareego Mareykanka marka la gaaro 2050. Tallaabooyinka ay Shiinuhu dhanka horumarinta dhaqaalaha u qaadeen waxaa ugu horreeya, waa wadada (Xariirta) ee cusub, waa waddo ganacsiyeed barri iyo badba leh oo isku xiraysa in ka badan 65 dowladood oo Yurub iyo Afrika ba leh, taas oo u adeegi doonta in ka badan 70% dadka dunida ku nool. kharashka ku bixi doona ee lagu dhawaaqay waa (hal-tirilyan oo dolar) kun billion oo dolar, waxaana hal ku dhig u ah (guntin qura iyo hal waddo), waa udub dhaxaadka Suuqa Caalamka oo dhanka bariga u guuraya. Cilmi ahaan: Kharashaadka Shiinuhu ay ku bixiyaan cilmi-baarista aad ayay u korortay 30-jibaar inta u dhaxeysay 1995 ilaa 2013, waxey hadda noqotay dowladda ugu horreysa ee dhanka cilmi-baarista uguna wax-soosaarka badan, culumada Sayniska ee Shiinuhu markii ugu horreysay waxey Cloning ku sameeyeen Daanyeer markii ugu horreysay taariikhda. sidaas oo kale; waxey hawada sare u direen daxayax gacmeed dhanka xiriirka ah oo adkaynaya ammaanka xiriirka taleefoon oo aan cidina ku dhageysan karin. Sidaas oo kale, Shiinuhu waxey doonayaan iney adduuyada uga horumaraan, xiriirka makhluuqaadka cirka ku nool ee suuraggalka ay tahay iney aadanaha la soo xiriiraan. Waxey Shiinuhu dhiseen Telskoobka ugu baaxadda weyn adduunka oo ku kacay qiimo dhan 180-milayn oo dolar, kaas oo lagu sahminayo hawada sare. Siyaasad ahaan: Shiinuhu waxey xiriir fiican la leeyihiin dalalka ay Mareykanka cadowga yihiin, sida; Ruushka iyo Iiraan. Hoggaamiyaha K/waqooyi Kim Jong-un inta aanuu Trump la kulmin, safarkiisii ugu horreeyay ee uu dibadda ku baxo waxa uu ku gaaray dalka Shiinaha. Dhanka golaha Ammaanka Shiinuhu codka diidmada Qayaxan ee (veto power) waxey adeegsadeen 6-jeer, qaarkood waxey ahaayeen kuwo ka dhan ah go’aanno uu Mareykanku gadaal ka riixayo, halka kuwo kalena lagu horistaagay go’aanno lagu cambaarayanayay xukuumadda Suuriya. Ciidan ahaan: Mareykanka ayaa Shiinaha kaga sarreeya awoodda ciidanka iyo miisayaaniyaddiisa, halka Shiinuhu ay leeyihiin ciidanka ugu badan ee ay dowladi leedahay. Laakiin Shiinuhu kuma tiirsana tirada ciidankooda oo kaliya, waa sida ay tahay qorshaha Madaxweyne Xi Jinping, ciidanka Shiinaha waxaa u qorsheysan inuu noqdo kan ugu awoodda badan adduunka marka la gaaro 2050. Shiinuhu qorshahooda wey ku guuleysan karaan oo hadafkooda wey gaari karaan, waa marka ah hubkooda horumarin ku sameeyaan, diiyaaradaha codka ka dheereeya 5 jeer ay horumarin ku sii sameeyaan, xiriirka Quantitative communication ee aan cidina jabsan karin, madaafiicda Electromagnetism ee meelaha fog wax ka toogta ee awoodda burbur ee aadka u sarreysa leh ee Shuunuhu ay hadda haystaan. Kadib markii ay Shiinuhu ku guuleysteen iney si wanaagsan mustaqbalkooda u qorsheeyaan, Shiinuhu ma noqon doonaan dowladda ugu awoodd badan Aduunka? Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka ayaa sheegaya in maamulada Puntland iyo Somaliland ay aqbaleen afar qodob oo caalamka ay usoo jeediyeen. Afarta Qodob ayaa u muuqdo kuwo wadamada IGAD, Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa ay doonayaan in lagu dhameeyo xiisadda dagaal ee Tukaraq iyo murunada gobolka Sool. Qodoba Afarta gaaraya ee ay isla qaateen labada maamul ayaa kala ah:- In xabadda la joojiyo, lana qaato nabadda oo lasameeyo aagag ka caaga ciidamada labada dhinac. In la ogolaado in gargaarka aadanuhu uu gaaro dadka ku barakacay dagaaladan ee gobalka Sool. In maxaabiista dagaalka lasii daayo si loo abuuro jawi wada hadal Taliyaasha ciidamadda. In lasii wado dadaalada la xariira nabadda, gaar ahaana kulamada dhaqanka iyo dhalinyaradda si colaaddan xal rasmi ah looga gaaro. Laakiin Wararka dadka deegaanka ay warbaahinta la wadaageen ayaa ah in dhinaca Somaliland iyo Puntland ay ka hor yimaadeen in Afti laga qaado dadka deegaanka maadaama labada dhinac ay aamisan yihiin inay gobolka leeyihiin. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in diidamada ugu badan ay ka timid dhanka Somaliland, waxaana arintaasi ay kordhin kartaa xiisadda u dhaxeysa labada dhinac ee ka taagan gobolka Sool. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Maxamed(Farmaajo) ayaa soo geba-gabeeyay booqasho rasmi ah oo uu muddo saddex cisho ah ku joogay dalka Talyaaniga. Madaxweynaha ayaa intii uu Rome ku sugnaa waxa uu wada hadallo la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Giuseppe Conte iyo Madaxweyne Sergio Mattarella, isaga oo inta aanu soo ambabixin kulamo la qaatay Afhayeennada labada aqal ee Barlamaanka Talyaaniga Marwo Maria Alisabetta Casellati iyo Mudane Roberto Fico. Wada hadallada uu Madaxweynaha la yeeshay dhammaan madaxda Talyaaniga ayaa diiradda lagu saarayay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, maalgashiga iyo horumarinta,sida lagu sheegay war-murtiyeed ka ka soo baxay Villa Somalia “Waxaan aad u mahadcelinayaa Madaxweyne Mattarella, Ra’iisul Wasaare Conti iyo Afhayeennada labada aqalka sida dirran ee ay noo soo dhaweeyeen aniga iyo wafdigayga. Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii aan horumar faa’iido wadaag ah aan u gaarsiin lahayn labadeenna shacab” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa haatan ku sugan magaalada Istanbul halkaas oo uu maanta wada hadallo kula yeelanayo Madaxweynaha Turkiya Mudane Rajab Dayib Erdogaan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmaya madaxweynaha Turkiga appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Jabhad ay horseed ka yihiin saraakiil ka gadooday maamulka Muse Biixi ee Somaliland ayaa habeenkii arbacada xoog kula wareegtay degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag. General Caarre oo ah hoggaamiyaha Jabhaddan ayaa hore wacad ugu maray in uu deegaanada West Burco Clan, gaar ahaan Habar Yoonis ka saaro taliska Muuse Biixi. Hadaba, maxaa laga baran karaa dhaq dhaqaaqa cusub ee Jabhadda Caarre? Caarre waxa uu muujiyey habacsanaanta iyo kala daadsanaanta maamulka Somaliland oo markii horeba mucaarad hubeysan kala kulmayey bulshada gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn iyo waliba Awdal. Tan iyo markii uu Muuse Biixi oo horey uga tirsanaa jabhaddii SNM la wareegay talada Somaliland waxaa soo kordhayey tabashada dadka reer Somaliland ay ka sheegayaan taliskiisa. Sidoo kale xisbiyada mucaarad ah ayeysan jirin mid xiriir la leh Muuse oo la daala dhacaya Somaliland. Dhawaan ayey ahayd markii uu Faysal Cali Waraabe ka xarig furtay xukumadda Biixi isaga oo sheegay in uu ficil (Dagaal) waxa ku tusi doono. Hadda dagaalka ka soo cusboonaaaday Sanaag, xilli ay furmo ka furnaaneeyeen Tukaraq, waxaa lagu soo kobi karaa Somaliland waxa ay u baahan tahay badbaado, laga badbaadiyo Muuse Biixi. W/Q: Guuleed Axmed Baashe Hargeysa, Somaliland Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid