-
Content Count
211,244 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xulka kubbadda cagta dalkeena oo iminka ku sugan Ethiopia ay si wanaagsan isku diyaariyay ka qeybgaka is reebreebka ciyaaraha Olimkada qaarada Afrika waxayna kulankooda kowaad la dheelidoonaan maalinta beri xidigaha Ethopia waxaana labada xul ka dhaxeeyo xifaaltan adag “Himilada iyo rajada xulka ayaa ah in ay lasoo laabtaan guul muhiim oo ay ku farxaan taageerayaasha,balse dhalinyarada waxa ay kawada simanyihiin dal jaceyl iyo in ay kor u qaadaan sharfka calankooda baluuga ah” waaxaa Goobjoog Sports u sheegay Maxamed Cabdule Farayare oo ah macalinka xulka qaranka 23-jirada 23-jirada Soomaaliya ayaa laga sugayaa natiijo wanaagsan sida ay kal hor sameeyeen xidigaha 17-jirada ee kaalinta ka galay tartankii Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka dhacay wadanka Burundi bishii April 2018 Halkan Ka Baro Magacyada 23-Jirada Ee Matalaya Soomaaliya Ee Iminka Ku Sugan Dalka Ethopia Source: goobjoog.com
-
In ka badan 5 wasaarad oo ka tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalmo koronto la’aan ah, waxaa laga goostay korontadii kadib markii ay muddo 4 bil ah iska bixin waayeen lacagtii. Wasaaradaha koronto la’aanta ah waxaa ka mid ah: Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta iyo wasaarado kale oo muhiim ah. Sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradahaasi, waxaa jirtay inta aan korontada la goosan ay shirkadda korontada digniin siisay xarumahaas wasaaradaha si ay u bixiyaan, laakin ay guul-dareysteen , kadibna laga goostay. Qaar ka tirsan wasiirrada xukuumadda federaalka ah ayaa ku qasbanaaday inay shirar ku galaan Hoteellada u dhow xarunta, mugdiga iyo koronto la’aanta awgeed. Mar aan weydiiney sababta waxaa ay sheegeen inay tahay arrimo la xiriira maaliyadda, iyaga oo waayey qarashkii howlahan oo kale lagu socod-siin lahaa ee “running costs”, wasaaradda maaliyadda ayaana mas’uul ka ah arrimahaas. Goobjoog News waxaa kale oo ay ogaatay in dhibka aanu koronto keliya aheyn, oo wasaaradaha loogu hanjabay inay biyaha laga goosan-doono. Mas’uuliyiinta wasaaradahaasi waxaa ay leeyihiin, waxaa is-qaban la’a in ay wasaaradda maaliyadda JFS dhahdo waxaa kordhay dakhliga gudaha iyo canshuur bixinta isla markaana ay iska bixin weyso qarashkii korontada iyo biyaha xarumaha ay deggan yihiin. Dhinaca kale, Goobjoog News waxaa ay iskudeyday inay la xiriiro wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle iyo shirkadaha korontada, laakin ma gaarin, qaarna kama helin jawaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Daaawada ilkaha ee lagu cadaydo ee loo yaqaan Colgate ayaa baaritaano la sameeyay waxaa lagu ogaaday in ay leedahay saameyn caafimaad. Maado Chemical ah oo ku Jirta boomaatada Colgate oo lagu magacaabo Triclosa ayaa xeel dheerayaal caafimaad oo u kuur galay waxay sheegeen in ay keento xanuuno kala duwan oo sababi kara in Cudurka Cancer-ka uu ka Dhasho. Cilmi baarayaasha ayaa dhanka kale tilmaamay in daraasadan aysan aheyn midii ugu horeysay oo lagu ogaado saameynta caafimaad oo ay leedahay kiimikada Triclosan in ay kor u qaado cudurka Canser-ka,ama ay kordhiso in ay unugyada jirka qaadaan. Arintaan ayaa waxaa lagu daabacay wargeys ka faalooda kiimikada ee lagu magacaabo Toxicology journal. Dadka ugu nuqul ayaa ah kuwa sida joogtada ah u isticmaala boomaatada lagu nadiifiyo afka ee loo yaqaan Colgete in ay u keeni karto halis caafimaad ku timaada qeybaha kale ee Jirka. Maadada sunta ah ee Triclosan ayaa awood u leh in ay saameyn ku yeelato unugyada Jirka bani aadamka iyo wax soo saarkaa hormone-da. Daraasaad ceynkani oo kale oo la sameeyay sanadkii 2008-dii oo lagu daabacay wargeyska Environmental Health ayaa lagu qeexay saameyn la mid baaritaankan oo la sameeyay bishan. Arintaan ayaa waxaa lagu ogaaday wareysiyo iyo baaritaano lagu sameeyay 2517 oo da’dooda u dhaxeyso 6 sano iyo wixii ka sareeya,taasi oo la micno ah 75 boqolkiiba in ay tahay ra’yi aruuntan. Soomaali badan oo ku nool gudaha iyo dibeda ayaa la aaminsan yahay in ay si weyn daawadan ay u isticmaalaan,iyadoo dhanka kale qaab ganacsi ah loo keeno gobolada dalka. Source
-
Cadaado ( Sh. M. Network )-Axmed Maxamuud Xasan ( Axmed Baasto ) oo dhawaan Xildhibaano ka tirsan Galmudug ay u doorteen Madaxweynaha maamulkaasi ayaa si kulul uga hadlay xiisadaha ka soo cusboonaaday gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Axmed Baasto ayaa ku eedeeyay golaha iskaashiga dowlad goboleedyada daka in ay dhibaato amnia ka abuurayaan gudaha maamulka Galmudug. Waxaana uu tilmaamay in ay hurinayaan xiisadaha colaadeed ee haatan ka soo cusboonaaday deegaanada maamulkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Baasto.mp3 The post GIDG Oo lagu eedeeyay xiisadaha ka taagan G/ Galgaguud appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Jigjiga)-Dhalinyaro ka kala socota qowmiyadaha Oramada iyo Soomaalida dalka Itoobiya ayaa waxay dhawaan ku heshiiyeen in khilaafka iyo isku dhacyada labada qowmiyadood u dhaxeeya ay iska kaashadaan sidii loo xalin lahaa. Dhalinyarada labada dhinac ayaa waxa ay shirar ku qabteen meel kala duwan iyaga oo labada shacab ku boorinayay in ay nabadda ka shaqeeyaan. Shirkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay dhalinyarada qowmiyadaha Oramada iyo Soomaalida ay ku qabteen magaalada Jigjiga. Dagaalada u dhaxeeya Soomaalida iyo qowmiyada Oromada ayaa ah kuwa soo lab laabtay,isla markaana sababay dhimasho dhaawac iyo barakac intaba. Source
-
(SLT-Hargaysa)Waxaan halkan akhristayaasha ugu soo gudbinayaa Mid ka mid ah hadalladii ugu adkaa ee uu wakhti hore Muuse Biixi Cabdi ku naqdiyey Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (IHU) oo uu wakhtigaasi ku dhaliilsanaa sida Madaxweyne Cigaal xilalka ugu miisaamka weyn ee xukuumaddiisa ugu taxay beesha uu ka soo jeeday oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Taliyihii Ciidanka Qaranka, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer Ilaaliyihii Guud, iyada oo wakhtigaasna uu Muuse Biixi mucaarid ku ahaa dawladii Marxuun Cigaal. Akhriste bal waxa aad isla akhridaa hannaanka uu Madaxweyne Muuse Biixi oo wakhtigaa ahaa nin Mucaarad ahi ku dhaliilayay Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo qaabka ay u taallo shaxdiisa wakhtigan ee Golaha Xukuumaddiisu. Laba wakhti keebuu Muuse Biixi saxsanaa ama qaldanaa. Waa isla laba dhacdo oo uu midna diidayo midna maanta ku dhaqmay taasi oo wakhtigan dhalinaysa doodda ugu badan ee Bulshada ee la xidhiidha saami qaybsiga iyo dareenka ka dhashay, iyada oo ay ugu dambaysay qaabkii Xulasho ee Madaxweyne Muuse Biixi ku tallaabsaday dorraad oo Sabti ahayd. Muuse Biixi Cabdi oo saxaafadda kula hadlayay Magaalada Hargeysa maalmihii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal khilaafka culusi soo kala dhex galay golihii salaadiinta Somaliland ayaa waxa hadalladii Muuse Biixi ee aadka u kululaa ka mid ahaa kuwan: “Madaxweyne Cigaal Mid baan leeyahay. Mudane Madaxweyne maanta ma 80 jir baad tahay?, ma 40 sano ayay Somaliland talo ku mooday. Ma 9 sano ayaad Somaliland hor fadhiday?, ma maantaad dhufeys gurigaagii ka qodatay?. Ma maantaad taangiyo u dalbatay Salaadiintii adiga ku dooratay. Ma maanta ayaad awooddii qaranka ku soo ururisay in aad isku Suldaan tihiin?. Wasaaraddii Daakhiliga, Maxkamaddii Sare, Xeer Ilaaliyihii, Taliye Ciidan. Ma maantaad awooddii ku soo ururisay in Suldaan idin wada xukumo. Maanta 80 sano oo siyaasaddaadii ahi haddii ay halkaa ku soo ururtay waxaan kugula talinayaa wixii hore laguu yidhi anoo og in aanad aqbalayn. Maanta waxa ay danta Somaliland ku jirtaa oo aad Somaliland wax ugu taraysaa adiga oo ka baxa tartanka siyaasadeed. Waxaad wax ugu taraysaa adoo halka fadhiista mooyi in aad qaadan doonto, waayo Alle kuma tuso talada toosan inta badan balse waxa aynu eegi doonaa halka ay ku damayso”. Ayuu maalintaasi yidhi Muuse Biixi Cabdi oo maanta Madaxweynaha qaranka ahi. Source
-
Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhaceen banaanbaxyo rabshado wata oo ay dhigayaan dadka deegaanka. Haween badan iyo dhalinyaro ayaa ka qeyb galay banaanbaxa, waxaana la sheegayaa inay kasoo horjeedaan dil maxkamad ku taala Puntland ay ku xukuntay C/risaaq Xuseen Tahliil oo horey ciidamada Puntland ay kala baxeen guriga uu ka degenaa Gaalkacyo. Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa saacado kooban xiray isku socodka gaadiidka ee magaalada Gaalkacyo, iyaga oo ku dhawaaqayay inay kasoo horjeedaan xukunka Maxkamadda. C/risaaq Tahliil, ayaa sida wararka aan ku heleyno wuxuu kasoo jeedaa dhinaca Koofureed ee magaalada Gaalkacyo, waana sababta banaanbaxa dadka deegaanka ay u dhigayaan. Taayarada gaadiidka ayay gubayeen, waxayna muujinayeen sida ay kaga soo horjeedaan xukunka maxkamadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Gaza)-7 qof oo reer Falastiin ah iyo askari Isra’iili ah ayaa ku dhintay weerar qarsoodi ah oo ay xalay ku qaadeen ciidamada Israel deegaanka Khan Yunis ee ka tirsan Marinka Gaza. Koox ka tirsan ciidamada khaaska ah ee Israel oo watay gaadiid ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen 3km marinka Gaza iyagoo weerarkooda la beegsaday mid kamid ah hogaamiyayaasha militari ee ururka Xamaas oo lagu dilay weerarkii xalay. Nuur Baraka oo ahaa 37 sano jir hogaamin jiray ciidamada Al Qassam ee Xamaas ayaa la sheegay in lagu dilay weerarkan kadib iska horimaad dhexmaray isaga iyo ciidamada komandooska Israel. Weerarkan ayaa sidoo kale lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidamada komandooska Israel oo weerarkaasi fuliyey, kuwaasi oo dib uga baxsaday goobta iyagoo taageero ka helay diyaaradaha dagaalka ee Israel. Kadib weerarkan ayey dhowr gantaal oo laga soo tuuray Gaza kusoo dhaceen dhulka ay Israel maamusho, walow duqeyntaasi aysan geysan wax khasaaro ah. Hawlgalkan ayey Israel kusoo beegtay xili xukuumada Maraykanka ee Donald Trump sheegtay inay ku dhawaaqi doonto qorshe cusub oo lagu heshiisiinayo Falastiiniyiinta iyo Israel, balse qorshahaasi ayey horey u diideen Falastiin oo sheegtay in Maraykanka uusan dhex dhexaad ka ahayn arrintan. Bilihii lasoo dhaafay ayey xaduuda Gaza iyo dhulka la heysto ka socdeen banaanbaxyo ay shacabka Falastiin doonayaan inay dhulkooda dib uga noqdaan isla markaana la qaado xayiraada Gaza saaran, mudaharaadyadaasi oo ay ciidamada Israel ku dileen in ka badan 200 Falastiiniyiin aan hubeysneyn oo kacdoonkaasi ka qeyb qaadanayey. Source
-
(SLT-Addis-ababa)Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya waxay sheegayaan in xabsiga loo taxaabay tiro kamid ah saraakiisha ammaanka dalkaasi kaddib markii lagu eedeeyay musuq maasuq iyo inay ku xadgudbeen xuquuqda aadanaha. Ciidaammada la xidhay waxay ka badan yihiin 60 sarkaal. Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Berhanu Tsegaye ayaa shir ja’raaid ka sheegay inay tacaddiyada ay gaysteen saraakiisha la xidhay ay kamid yihiin kufsi iyo inay jirddileen dad dambiyo lagu soo eedeeyay oo gacantooda ku jiray. Waxaa la sheegay in saraakiisha ay dadka ku ciqaabayeen xabsi ku yaalla god hoostiisa oo sharci darro ah. Xidhitaanka saraakiishan ayaa imaanaya xilli baadhitaanno ay ku socdaan saraakiil ka howlagaleysay shirkadda Metec, qaar kamid ah shaqaalaha shirkadda ay maamulaan militariga ee Metec ayaa kamid ah dadka la xiray. Bishii Agosto ayay ahayd markii ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu ku baaqay in meesha laga saaro qanddaraas la siiyay mid kamid shirkadaha dalkaasi oo dib uu dib dhac ku yimid fullinta mashruuca dhisitaanka biyo xireen halkaasi ku yaalla. Source
-
(SLT-Washington) Waardiye hubaysan oo ilaalinayay baar ku yaalla Chicago ayay booliisku dileen isaga oo qabtay nin hubaysan oo laga shakiyay, sida ay sheegeen saraakiil iyo dad goobjoogeyaal ahi. Markii ay dhawaq rasaastu yeedhay Axaddii saacadu ahayd 04:00 xiliga deegaankaas ayuu Jemel Roberson oo 26 jir ah eryaday ninka weerarka soo qaaday jilbaha ayuuna dhulka ku hayay tan iyo intii ay booliisku ka imaanayeen. Sidaadii ay booliisku u soo gaadheen goobtii uu dhibku ka dhacay mid ka mida ah askartii ayaa toogtay Roberson oo madaw ah sidaasna ku dilay. Saaxiibbadii waxay sheegeen in Roberson uu ahaa muusikiiste uuna ku hamiyaay in uu booliiska ku biiro. “Dadkii uu rabay in uu ka mid noqdo ayaa qudha ka jaray,” ayuu yidhi Patricia Hill oo baadari ka ah kiniisadda Purposed Hill oo Chicago ku taalla oo la hadlay warbaahinta told WGN-TV. Roberson ayaa muusiga u garaaci jiray kiniisado dhawr ah oo deegaankaas ka dhaw. Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-C/raxmaan Ducaale Beyle wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka hor hadlayay Golaha Shacabka ee BFS ayaa shaaca ka qaaday in Beesha Caalamka ay jarteen mushaaraadkii ay siin jireen Ciidanka Xoogga dalka. Wasiir Beyle ayaa xusay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku filan tahay bixinta musharaadka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya. Waxaama uu tilmaamay in haatan wixi ka dambeeya XFS ay si toos ah u bixin doonto Mushaaraadka Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Abdi-Qani-1.mp3 The post Beyle “DFS way ku filan tahay bixinta muushaaraadka Ciidamada Xoogga dalka” appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jilib ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Dhexe ayaa ku warramaya in xalay Al Shabaab sarkaal Ajnabi ahaa ay ku dileen gudaha degmada Jilib ee gobolkaasi. Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Abuu Anas Al Misri ayaa uu dhashay wadanka Masar, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo. Dilka sarkaalkani ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Masjid uu ku sugnaa oo ku yaalla gudaha degmadaasi. Waxaana la sheegay in sarkaalka Ajnabiga ee la dilay uu diiday in isku soo dhiibo Xarakada Al Shabaab. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in Al Shabaab ay xabsiga dhigeen Rag Soomaali iyo Ajaaniib isugu jira, kuwaas oo looga shakiyay in ay xariir la leeyihiin Kooxda Daacsh. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona degmada Jilib ay ka taagan tahay xiisad ka dhex aloolsan xubno sare oo ka wada tirsan Al Shabaab. The post Sarkaal Ajnabi ahaa Oo lagu dilay degmada Jilib appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dhageyso: Dhaqashada Shinnida Iyo Faa’idooyinka Ay Leedahay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Saadaam Axmed Caadle waa 25 sano jir wax ka bartay mid ka mid ah jaamacaha ku yaalla magaalada Muqdisho, waxa uu haatan ku nool yahay magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe. Waxa uu Saadaam muddo Labo sano laga joogo ku fekeray in uu dhaqdo shinnida, nasiib wanaag waa uu ku guuleystay hadafkiisa. Jaamacadda uu Muqdisho ka dhigtay ayuu ku bartay cilmiga beeraha, wuxuuna dhaqashadan u lahaa aqoon badan. Waxa uu sameystay in ka badan 20 Sanduuq oo uu ku hayo shinnidan, isaga oo tilmaamay sidoo kale in hadda faa’ido badan uu ka helo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/WAR-JOWHAR-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Muqdisho ( Sh. M. Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-131118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maamulka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay iney wadaan dedaallo badan oo lagu xallinayo dagaal beeleed ka dhacay degmadaasi iyo deegaanno ku dhow. Xuseen Liibaan oo ah guddoomiyaha degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog, in ka maamul ahaan ay isku dayayaan sidii loo qaboojin lahaa xiisaddan, wax walbana lagu dhammeyn lahaa wadahadal iyo is faham. Waxa uu tilmaamay Xuseen, in sidoo kale dedaalladan ay kaalin mug leh ka qaadanayaan waxgaradka ku dhaqan degmada Balanballe. Ku dhowaad 10 qof ayaa ku geeriyootey dagaal qaab beeleed u abaabulan oo shalay iyo maalintii ka horreysay ka dhacay degmada Balnballe ee gobolka Galgaduud. Weli waxaa jirta xiisad u dhaxeysa dhinacyadii dagaallamay, wallow uu socdo dedaal ay wadaan waxgaradka degmadaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay dhameystirka sii deynta Maxaabiis muddo Afar sano ah ku xirnaa xabsi ku yaala dalka Uganda. Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in maxaabiistaan oo dambiyo kala duwan loo heystay, Wadahadal dheer kadib lagu guuleystay in xabsiga laga sii daayo. Waxaana Qaarkood la sheegay in maxaabiista Soomaaliyeed loo heystay falal la xiriira argagixiso, walow qaarkood ay beeniyeen dhamaan eedeymaha loo heystay maxaabistaan. Maxaabiista ayaa kala ah:- 1-Mohamed ahmed gele 2-Abdi abdulahi bootan 3-Mohamed abdulqaadir xirsi 4-Mohamed yuusuf faarah 5- Yuusuf osman hussen 6-Xasan abdiwali mohamuud calanwade. Dowladda Soomaaliya ayaa horay wadamo ay ka mid yihiin,Ethiopia,Libya,Kenya, Seychelles iyo kuwo kale waxa ay ka soo deysay muwaadiniin mudo dhowr Sano ah ku xirneyd halka kuwo kale la qorsheynayo in la soo daayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wararka ka imaanaya degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal ku dhex maray malayshiyaad ka wada tirsan Al-shabaab. Koox hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadday masaajid ku yaalla degmada Jilib oo ay ku sugnaayeen xubno kale oo isla ururka kamid ah,balse looga shakiyay in ay xiriir hoose la leeyihiin Daacish. Xubnaha masaajidka lagu weeraray ayaa waxaa kamid ahaa sarkaal sare oo ajnabi ah,kaasoo ka amar diiday Al-shabaab,islamarkaana looga shakiyay in uu xiriir la leeyahay malayshiyaadka kale ee Daacish. Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Abu Anas Al-Misri,una dhashay waddanka Masar ayaa masaajidka lagu dhex dilay kadib markii uu dagaallamay,sida laga soo xigtay dadka degaanka. Sidoo kale waxaa la sheegayaa in masaajidka lagu dhex qabtay xubno kale oo Al-shabaab ka tirsanaa,hase yeeshee ay Daacish uga shakiyeen. PUNTLAND POST The post Dagaal ka dhex qarxay Al-shabaab iyo sarkaal sare oo ku dhintay appeared first on Puntland Post.
-
Riyadho (Caasimada Online) – Koox Sucuudiyaan ah oo isula baxday ‘Isbahaysiga dowlad wanaagga” ayaa ku baaqay in Ahmed bin Abdul Aziz al-Saud in uu awood Sucuudiga si KMG ah ula wareego. “Waxaan ku dhawaaqeynaa taageerada aan u haynno Axmed in uu xafiiska si KMG ah oo hal sano ah ula wareego, taas oo ah mid dastuuri ah ilaa ay dadka reer Sacuudi Careebiya go’aan uga gaadhayaan aayhooda,” ayey warbixintoodii ugu horreysay ku yiraahdeen kooxda. Kooxdan waxaa ka mid ah lix dhaq dhaqaaq siyaasadeed iyo todobo madax bannaan. Dhaq dhaqaaqyadan siyaasadeed waxaa ku jira Dhaqaaqa Karama oo uu hoggaamiyo Maan al-Jarba, Ahrar Yam iyo Dhaqaaqa Hamdan, oo uu hormuud u yahay Abdul Hadi al-Yami, Kooxda Xoreynta Jasiiradda Carabta oo uu majaraha u hayo Dakhil bin Nasser al-Qahtani, iyo Kooxda Mideynta Qaranka, Al-Otaibi, iyo Dhaqaaqa Runta iyo Cadaaladda oo uu hoggaankiisu yahay Mana bin Mahdel. Xubnaha ururada madaxda bannaan waxa ay kala yihiin Harun Amin Ahmed, Abdul Aziz Al Moayad, Khalid Bin Farhan Al Saud, Amin Abdul Ilah Ali, Faisal Nasser Al Rashaidan, Ali Al Ammar iyo Hassan Al Kanani. Waxa ay ku nuux nuuxsadeen taageerada ay u hayaan Axmed oo uu dhalay boqorkii hore ee Sacuudiga Cabducasiis Ibn Saud, ayagoo yiri “Waxaan ka aragnay sida uu ugu dhiifoon yahay badbaadinta dowladda. Iyada sida uu uga cago jiidayo maamulka oo uusan qeyb uga hayan xadgudubyaddii dhacay waayihii hore.” “Afartii sano ee la soo dhaafay waxa ay caddeeyeen boqor Salmaan iyo dhaxal sugaha in aysan awood u lahayn dowladnimada, nidaamka maamulka ayaa ceebaha boqortooyada bannaanka soo dhigay, kaaramadeedii, dadkeedii iyo kheyraadkeedii waa lagu tagrifalay,” ayaa lagu yiri warbixinta. Warbixinta oo la soo saaray kaddib markii si baahsan ay uga talo bixiyeen qeybaha kala duwan ee Sacuudiga, dadka, ciidamada qalabka sida iyo amniga, waxaa lagu yiri: “Siyaasadda mas’uuliyad daradda ah iyo qaladaadka….tan iyo markii uu yimi Maxamed Bin Salmaan waxa ay dalka galisay ismariwaa taariikhi ah.” “dilalkii masiibada ahaa ee loo geystay shuhadaddii: Saxafi Jamal Khashoggu, Turki al-Jasser Suleiman al-Dweish, iyo baahinta xadgudubyada, waxa ay Sucuudiga galiyeen xasarado.” Isbahaysigu waxa ay dhalleeceeyeen “Ficilada Bin Salmaan ee ka imanaya siyaasadaha mas’uuliyad daradda ah, taas oo looga awood badanayo isbedel doonka oo lagu xir xirayo carruurta, waayeelka iyo haweenka, dagaalka Yaman, go’doominta Qadar iyo wadahadaladda heerka sare gaaray ee lagula jiro Israel.” Waxa ay ku baaqeen baahida loo qabo in “In lagu dhiso xiriir wanaagsan oo darisnimo oo lala wada wadaago dalalka Bariga Dhexe, la joojiyo xanafta saxaafadda iyo calaamadaha dagaalka ku jiheysanaya dalalkan iyo hoggaamiyeyaashooda”. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
-
..Madaxweyne Biixow si Xirfadaysanbaad uga Jawaabay Go’aankii Gacan-libaax, ee Mar hadaad Madaxtooyadiina Galbeedka u Rartay Wasiiradii Maqnaana soo celisay Magaca jamhuuriyadana badal”. Siyaasi Axmed Like oo ka tirsan Xisbiga Waddani. “.Madaxweyne Biixi oo si Xirfadaysan uga Jawaabay Go’aankii Gacan-libaax, kadib markii dhan uu isu raacshay cabashadda Beeshii halkaa ku shirtay, taasoo kolkii hore wax ka dhinaayeen, balse hadda kamilan ama dhamaystiran. Sidaana Madaxweynuhu waxa uu ku sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska maanta, kaasoo uu xilkii Wasaaradda Maaliyadda uu kaga qaaday Wasiirkii hore ee Maaliyadda oo kasoo jeeday deegaan ahaan beeshii halkaa ku shirtay. Waxaan ku xasuusinayaa M/weyne Mar hadaad Madaxtooyadiina Galbeedka u Rartay Wasiiradii Maqnaana soo celisay Magaca jamhuuriyadana badal. Waanad Asiibtay baanu ku leenahay”. Siyaasi Axmed Cali yare (Åxmed Like). Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab oo dagaal kula jiro Dowladda Soomaaliya ayaa wali saameyn ku leh deegaanada ay maamusho dowladda Federaalka, iyadoo ay ugu wacan tahay amaanka la’aanta Shacabka. Al Shabaab ayaa inta badan xiray salaxyadii kubadda lagu ciyaari jiray ee ku yaalay magaalada Muqdisho, waxaana furan salaxyo kooban oo canshuur ay ka qaadaan, sida aan xogaha ku heleyno. Salaxyada la xiray lagu amray inay bixiyaan canshuur laga qaadayo ciyaar walbaa oo Saacadii lagu ciyaarayo, iyadoo taasi ay ku adkaatay meelaha qaar oo Albaabada la iskuugu laabay. Al Shabaab ayaa amaro kale oo ay soo saareen waxay ka dhaqan galeen magaalada Beledweyne, sida xogta aan ku heleyno, waxaana ay ka dambeysay arinta ka dib markii milkiilayaasha looga yeeray saldhigyada Al Shabaab. Waxaa lagu amray dhalinyarada inaysan xiran karin buumo ka koreysa Jilbaha, iyadoo loo ogolaaday inay qaataan Buumo ka hooseyso Jilbaha. Waxaa sidoo kale lagu amray dhalinyarada inaysan iska siibi karin funaanada marka ay gool iska dhaliyaan, waana nooc kamid ah xifaaltanka dhalinyarada, iyadoo la sheegay in dhamaan amaradaasi ka dhaqan galeen magaalada Beledweyne. Haddii aysan fulin amarada Al Shabaab waxay la kulmaan dil qorsheysan, maadaama aysan heysan amni ku fulan oo ay ku diidi karaan amarada Al SHabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Ethiopia ayaa maanta ku dhawaaqay in xubno sar sare oo ka tirsan laamaha amaanka ay amreen weerar ka dhan ah ra’iisul wasaaraha dalkaasi, isaga oo sheegay inay xabsiga dhigeen saraakiishaasi islamarkaana baaritaan lagu sameyn doono. xeer ilaaliyaha Ethiopia Berhano Tsegaye, ayaa sheegay in cadeymo la helay ay muujinayaan in “Saraakiil sare oo ka tirsan Hay’adda amaanka Qaranka” ay ku wargeliyeen xubno ku qabiil ah ra’iisul wasaare Abiy Axmed kana soo jeeda Oromada inay qorsheeyeen inay weeraraan Ra’iisul wasaaraha Bishii June ee sanadkaan. Xeer Ilaaliyaha ayaa intaasi ku daray in lasoo saaray amar lagu xirayo 36 sarkaal oo ka mid ah laamaha amaanka oo lagu eedeeyay inay ku xad gudbeen maxaabiis, iyadoo inka badan 30 oo ka tirsan Meletariga la sheegay in lagu hayo dambi ah maamul xumo. Bishii June Bam gacmeed oo la tuuray ayaa labo ruux ku dilay magaalada Addis Ababa, wax yar kadib markii Abiy Axmed uu ka tagay goob uu khudbad ka jeedinayay, waxaana la sheegay in shan ruux bishii September loo xiray. “Cadeymaha aan soo ururinayay waxay muujinayaan in saraakiil sare oo ka tirsan Hay’adda amaanka Qaranka, ay jiheynayeen Oromada inay weerarka fuliyaan, maxaa yeelay waxay ka damacsanaayeen in Ra’iisul wasaaraha oo Oromo ah Oromo ayaa dishay”ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Ethiopia. Xeer ilaaliyaha ma uusan shaacin magacyada saraakiisha, sidoo kale si cad looma xaqiijin tirada dadka loo xiray kiiskaan, laakiin wuxuu sheegay in dad kale oo arintan ku lug leh inay isaga carareen Ethiopia, halka kuwo kalana ay is qarinayaan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle ayaa maanta golaha shacabka ka dalbaday inay ansixiyaan $22 Milyan oo degdeg ah oo mushaarka ciidanka Soomaaliya ah kadib markii dalalkii bixin jiray ay jareen. Cabdiraxmaan Beyle oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri “Sida aad ogtihiin ciidamo ku dhawaad ilaa 8,000 oo askari ayaa mushaarkooda waxaa bixin jiray dowlado kale, dowladihaasina waa ay joojiyeen lacagahaas ay ciidanka ku bixin jireen, waxa ayna noqotay annaga inay nagu soo wareegto, waxa ayna noqotay inaan samayno waxa aan sameyn karno, aanana wax uraadino:. Waxa uu intaas ku daray “Sidaas darteed lacagbaa ku soo biirtay misaaniyadii sanadkaan 2019-ka, cadadkeeduna waxa uu gaarayaa 17 milyan, cadeentana waxa ay ku cadahay warqadii aan idiin soo gudbinay ama dheeli tirka 17 milyan ayuu nuxuxkeedu yahay” Dhinaca kale waxaa uu Beyle sheegay 5.5 milyan oo ah RCF. “Waxaa kaloo jira lacagaha RCF oo aad kawada warheysaan World Bankiga, qoladan shirka ka imaanaysa kuwaas oo aan miisaaniyadda noogu jirin oo ilaa 5.5 milyon ah, 5.5milyan waa inay ka muuqdaan maaliyada waraaqadeena , waan ubaahanahay labadas arrimood, kaliya ayaan maanta ajandaheenu ku kooban yahay, waxaan ubaahanahay in ciidankii mushaarkoodii isu taagno, sidaan u bixin laheen adinkoo aad umahadsan sharafweyna aniga iga mudan iyo wasaaradda maaliyada in intaas yare qajacdaa aad noo ansixisaan maantaoo aanan isugu soo noqon “ Wasiirka maaliyadda ma sheegin dalalka ciidamada mushaharka siin jiray ee iminka joojiyey, balse waxa ahorey loo ogaa in dowladda Mareykanka ay ka joojisay ciidamada xoogga dalka lacag ay ku caawin jirtay, sababo lagu sheegay musuq-maasuq. Xildhibaannada golaha shacabka oo goobta ka hadlay ayaa ogolaaday in ciidamo mushaar la siiyo, iyaga oo su’aalo badan ka keenay, halka ay joogaan ciidamadaasi, kuwa ay yihiin, qoodada ka maqan midkiiba waa imisa iyo guud ahaan tiradooda, su’aalahaas oo aanu ka jawaabin wasiir Beyle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki Hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa dhawaan kulan ku yeeshay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya halkaas oo ay kaga wada hadleen heeshisyadii taariikhiga ahaa ay ku kala saxiixdeen Asmara. Waxyaabihii inta badan kulanka kaddib la hadlayay waxaa kamid ah arrinta ku saleysan suuragalnimada ah inay midoobaan dalalkan mustaqbalka. Waxaa sidoo kale soo baxay sawirrada madaxweyneyaasha Soomaaliya , Eritrea, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Isaias Afwerki iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo aad isugu dhaw oo wadahadlaya. Haddaba su’aasha laisweydin kara, ayaa ah, shacabkan dalalkan ma yihiin kuwo sidaasi isugu dhawaan karaan marka ay timaato midnimada iyo shaqaynta nabadda? Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka hadlayay munaasabad ay ku qalin jebinayeen ardeyda jaamacadda ku taalla magaalada Bahr Dar ayaa sheegay inuu rajenayo mustaqbalka in dalalka Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya ay yeeshaan hal madaxweyne. “Waxaan rajeynaya saddexdan madaxyweyne ee halkan taagaan carruurtoodu inay arki doonaan saddexdan waddan ee aan ka kala nimid oo hal madaxweyne leh oo aanan saddex mdxaweyne lahayn ” ayuu yiri Abiy Axmed oo ay goobta kula sugnaayeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki. Suuragalnimada mideynta saddexdan dal Feysal Rooble oo ah aqoonyahan soomaaliyeed oo ka faalooda arrimaha geeska Afrika oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in arrinta midnimada Itoobiya iyo Soomaaliya in badan lagu haminayeen isla markaasna aysan ahayn markii ugu horreysay ee arrimahaasi lasoo hadal qaado. “Wakhtigii Mengistu Hailemariam iyo Siyaad Barre waa tii Yemen laisugu geeyay, Fidel Castro arrintaasi ka duqeeyay sidii Soomaaliya iyo Itoobiya dal looga wada dhigi lahaa…Laakin wax hadda waaqici ah ma hayno” ayuu yiri Feysal Rooble. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Eritrea ma aysan carabaabin arrinta ku aadan mideynta dalalkan balse waxay ka hadleen sidii looga shaqayn lahaa horumarka iyo xiriirka diblumaasiyeed ee saddexda dal. In dalalka Soomaaliya , Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan hal madaxweyne waa arrin aanan suuragali Karin, iyadoo Eritrea uu ka taliyo madaxweyne muddo badan dalkaasi ka arriminayay, Itoobiya waxaa ka taagan khilaafaad u dhexeeya bulshooyinka halkaasi wada dego halka Soomaaliya aysan nabad ka jirin, ayuu ka dhawaajiyay Feysal Rooble. REUTERS Maxaa kusoo beegay xilligan hadalka ra’iisul wasaaraha Itoobiya? Ma aheyn markii ugu horreysay uu hadalkan ka dhawaajiyo Abiy Axmed, markii uu soo booqday dalka Soomaaliya wuxuu ra’iisul wasaare Abiy Axmed sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay midoobi doonaan, ayuu hadalkiisa sii raaciyay aqoonyahan Feysal Rooble. “Madaxweyne Farmaajo kama uusan hadlin labadan dal oo la mideynayo…waxaan kala gareynin in laab la kac Abiy Axmed xaggiisa ka tahay iyo in kale, waxaana hadda soo caddaaneysaa inuu yar caadif yahay isagoo wanaaga jecel sida ay u muuqato inuu ka hadlo waxyaabo aanan weli lasoo bislayn” ayuu yiri Feysal. Sida uu qabo, Feysal mideynta ma ahaan mid hadda jirto oo la hubo balse waa arrin lagu rajo weyn yahay. Hoggaamiyeyaasha Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea ayaa dhawaan kulan saddex geesood ah kusoo gabagabeeyay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya waxayna ka wada hadleen sidii ay u dhaqan gelin lahaayeen heshiiskii bilooyin ka hor ay ku kala saxiixdeen Eritrea. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Salaad Cali Jeelle, ayaa shaaciyay waxyaabaha sababta u ah amni darada magaalada Muqdisho iyo sababaha keenay in wali aan laga guuleysan Al-Shabaab. Salaad Cali Jeele oo ugu horeyn la weydiiyay waxyaabaha hortaagan in laga guuleysto Al-Shabaab ayaa sheegay inay ugu horeyso inaan lala dagaalamin Al Shabaab, islamarkaana haddii lala dagaalamo lasoo gabogabeynayo Al-Shabaab. Afar Arin ayuu sheegay inay muhiim u tahay la dagaalanka Al-Shabaab, waxaana tan koowaad uu ku tilmaamay in shacabka deegaanada ay maamulaan loo kaashado dagaalka ka dhanka ah Al SHabaab. Tan labaad ayuu ku sheegay inay tahay in ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya si dhab ah ula dagaalamaan Al Shabaab, islamarkaana aysan ku sugnaanin magaalooyinka qaar ee dalka. Tan Seddexaad ayuu ku sheegay in ciidamada xooga dalka loo adeegsado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab tan ugu dambeysana ay tahay in dhaqaalo xoogan loo adeegsado dagaalka, sidaasina looga guuleysan karo Al-Shabaab. Arinta Cajiibka ah ee uu ka dhawaajiyay Salaad Cali Jeelle ayaa aheyd in Al-SHabaab ay xubno ku leeyihiin baarlamaanka, “Ergada Xildhibaanada soo dooranayo qaar ayaa Al Shabaab ay dilaan, qaarna lama dilo, kuwa la dilayo waxay diideen xubnaha Al Shabaab la doonayaan baarlamaanka, kuwa ay dhaafayaana waxay doorteen xubnaha ay rabaan Al-Shabaab, taas macnaheedu waa in Xubno ay baarlamaanka ku leeyihiin”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle. “Waxay wax ugu yeelanayaan Argagixisada Qabiilkaada ayaa ku jiro, waxaa jiro ergo yar oo ka baqa Al Shabaab, wey soo wacayaan waxay leeyihiin haddaad hebel doorataan adigaa is dilay, waana taasi tan sababeysa in la dilo ergada”ayuu yiri hadalkiisa raaciyay Salaad Cali Jeelle. Arinta kale ee uu sheegay Salaad ayaa ah in baarlamaanka ay inta badan ka weecdaan sharciga Argagixisada iyo sharciyada kale ee amniga, taasina ay cadeyn kale tahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dhulka Somaliyeed waxaa awoowayaasha Soomaalidaa oo tiro yar ku difaacijireen warmo iyo amley sababta oo ah waxay ahaayeen dad wadaniyiin ah oo dhulkooda iyo sharaftooda jecel kalana yaqaan nacabkooda iyo nasteexooda. Ummad marka loo yaabo in la qabsado waa: 1. Marka wadaninimada loo loogu ama loo shidheeyo difaac xukun-qabiil oo la garanwaayo in haddii dhulku galo gacanta cadowga aan cidina ka badbaadeyn. 2. Marka dad kula diir ah oo Somaliyeed ay ummadda u macaaneeyaan heshiisyo ah khatar ku soo socota iyaga oo u adeegaya danaha cadowga san-dareerto awgeed. 3. Marka madaxdu u xilato danahooda gaarka ah iyo dhisid xukun qabiil. Xukun dal oo qabiil isa siiyo iyo ciidan qabiil oo lagu difaaco waxaa laga dhaxlaa dagaal sokeeye iyo burbur. 4. Marka ummadda Somaliyeeed ee ka soo horjeeda heshiisyada dhagarta huwan ee loo maleegayo ay madaxda Soomaaliya iyo taageerayaashoodu ku eedeeyaan dad ka soo horjeeda dawladnimada iyo horumarka si aan looga hadlin, looga doodin, loogana hortegin halis qaran oo soo fool leh. Taasu waxay keentaa sii kala fogaansho iyo iska-horimaad aan la mahadin. 5. Marka Somalinimo-xumada, wadaninimo-xumada iyo damiir la’aantu ay gayaysiiso in cadowga jiritaanka Somaliyeed lagu soo hoggaamiyo gobollo gaar ah oo dadka degan loo arko qabiil cadow ah si loo muquuuniyo, looga aargoosto loona xukumo sidaas awgeedna dalka iyo dadku u wada galaan gacanta cadowga oo wada qabsado. 6. Marka iyada oo awelba Itoobiya si xun u gumaysato dhul iyo dad Somaliyeed ay khatar ku noqoto inta xorta ah lagana gilgilanwaayo. 7. Sida lala wada socdo waxay Dawladda Imaaraadka Carabta ku maalgelinaysaa 3 bilyan oo doolar dalka Itoobiya si ay Itoobiya ugu fududayso qabsashada Soomaaliya. Arrintan waxay Imaaradku kaga aargudanayaan markii dhawaan laga caydhiyay Soomaaliya. Cadaawad guun ah oo jirta 500 oo sannadood oo aan weli laga wada hadlin lagana heshiin laguma xallinkaro dhawr saacadood. Itoobiya waxay sheeganaysay dhulka Soomaalidaa muddo 500 oo sannadood ah waxayna mudadaas ku riyoonjirtay inay xoog ku qabsato dhulka Somaliyeed waase suurtoobiweyday, maantase waxay rabtaa inay siyaasad ku qabsato (iyada oo shacabka Somaliyeed laga dhaadhicinayo in Soomaaliya iyo Itoobiya ay yihiin laba ummadood oo wada dhashay, walaalo ah oo is-jecel si dhagarta loo qariyo) oo si tartiib-tartiib ah ku soo geliso malaayiin Oromo ah, ku hubayso dabadeedna si fudud u liqdo Soomaalidaa oo dhan kuna muquuniso xoog ay kula wareegto; Soomaalidaana laga dhigo wax la laayo iyo wax la qaxiyo sida Falastiin si dalka loo hantiyo. sannadahan ugu dambeeya waxay Ooramadu si weyn ugu soo qulqulaysaa dhulka Soomaalidaa xorta ah waxaynu si cad u sheegtaan in iyagu leeyihiin dhulka Somaliyeed oo dhan bed iyo berriba. Waxaa hadda dagaal ba’an lagu hayaa Somall Galbeed si dhulkooda looga barakiciyo dabadeedna loogu soo duulo dhulka Somaliyeed ee xorta. Soomaalidau waa inay si wadajir ah fadhiga uga kacdaa kuna khasabtaa Ooramada inay ku ekaadaan degaankooda. Waxaa kale oo muhiim in Ooramada laga saaro si dhakhso Soomaaliya iyo Somalilandba. Qawaaniintii caalamka maanta way burburtay oo dad iyo dalna laguma ixtiraamo xaqa madaxbanaanida haddii aan ummadda lahi heegan joogto ah ugelin difaaciisa iyo badbaadintiisa. Maanta adduunyadu waxa weeye kii xoog lahoo, reerka u hadh (qabso cidda aad ka xoog-roontahay). Eebbe (S.W.T) waxa uu siiyo ummad waxaa ugu qiimo badan dhul hooyo ee ay leedahay oo ku faanto kuna noolaato si xor ah. Maanta Falastiin ayaa og qiimaha uu dhulku leeyahay oo muddo 70 sano ah maalinkasta dhiig u daadinaysa si ay u xoroowdo. Markii uu Aby Ahmed oggolaaday inuu Eratariya uga hadho dhulkii ay isku baaba’sheen muddo 30 sano ah, waxaa muuqata inuu rabo inuu awoodda Itoobiya isugu geeyo ku qabsashada Soomaaliya siyaasad marka hore dabadeedna xoog loo adeegsado taas oo Itoobiya ku taamaysay ama ku riyoonaysay muddo 500 sano ah si ay u dhaxasho dhulka iyo badaha Somaliyeed. Aby Axmed waxaa uu yidhi seddexdan arrimood: “Waxaa Itoobiya dhisanaysaa ciidan bad oo xoog leh (iyada oo aan lahayn wax bad ah), waxaanu la wareegaynaa afar dekadood oo Soomaalidau leedahay (si ay saldhig ugu noqdaan ciidamada badda ee Itoobiya), waxaanu Soomaaliya iyo Itoobiya isku noqonayaan hal dal. “Soomaaliya, Itoobiya iyo Eratariya waxay yeelandoonaan hal madaxweyne.” Waxaa markaas cad in dad la yidhaahdo Somali iyo dal la yidhaahdo Soomaaliya ay meesha ka baxayaan. Soomaalidau (mid xor ah iyo mid lahaystaba) waa inay badbaadisaa oo difaacdaa sharafta jinsigeeda, diinteeda, dhulkeeda, badaheeda iyo cirkeeda Eebbe ku manaystay Kownkan ilaa Maalinta Qiyaamaha. Soomaalidau waa inay ogtahay cadowga jiritaankeeda isla markaana iska saartaa ciidamada, qaxootiyada iyo basaasiinta ka yimid dalalka deriska la ah Soomaaliya siiba Itoobiya iyo Kenya. Gabyaa hore oo Somaliyeed ayaa yidhi: “Ninkaad dili, ninkaad dagi, ninkaad dabin uqoolaasid, waa la isku kala daadiyaa yuusan ka didine.” Gabyaagii Faarax Nuur (Eebbe ha u naxariiste) waxaa uu isna yidhi: “Doqonbaa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane, Manaa mindiyo lay qarshaa, laygu qalidoono.” Waxaa muhiim ah in baarlamaanku baaba’sho dhammaan sheshiisyadii lala galay Itoobiya laga bilaabo dawladii Cabdullaahi Yusuf Ahmed si loo burburiyo dhammaan shirqooladii soo taxnaa muddo ee Itoobiya. Haddii Soomaalidau rabto inay ka adkaato cadawgeeda oo burburiso shirqoolada loo maleegayo waa in Diinta Islaamku iyo wadaninimadu ka sarraysaa qabyaalada maanta halista ku haysa jiritaankeeda. Siyaasiyiinta, culimada, madaxda dhaqanka, indheergaradka, saxaafadda madaxbanaan, baraha bulshada iyo ururada bulshadu waa inay ka doodaan kana hadlaan halistan ku cusub geyiga Somaliyeed si looga hortago loogana badbaadsho dalka, dadka iyo badda dhaxal-wareeg loona fashiliyo riyada guunka ah ee jirta 500 ee sano. Damaca cadaaweed ee Itoobiya ka sokow, waxaa samanadan ku dhiirigelinayay Itoobiya inay qabsato Soomaaliya dalal aynu isku Diin nahay iyo kuwo aan kala diin nahay. Dhul la’aan waa jiritaan la’aan. Riyo Cadaaweed 500 Sano Jirta Ma Rumowdo. Riyo Cadaaweed 500 Sano Jirta Ma Rumowdo ee waa in laga hortagaa si loo fashiliyo. “Dhurwaa Adhiga Eebbaa Leh, Eebbiyo Ustaadkaa Leh.” W/Q: Ibrahim Hassan Gagale