Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dad badan baa bartan kusoo qoray Muuse nabad ayuu ayuu qaatay markii uu galay Laaska. Anigu ma qabo sidaa. Muuse waligii nabad ma qadanayo waayo Muuse nolosha kama amminsana nabad iyo barwaaqo. Lou Walter wariye la yidhaa ayaa Hillary Clinton u fiirsaday waagii ay Senat-ka soo gashay. Qudbadeedii ugu horaysay, 19 jeer ayay isticmaashay YOU KNOW hal mar ayay 3 jeer isticmaashay YOU KNOW! Aa ayaa iyaduna hadhaysay hadalkeeda. Aniga oo Walter isticmalaya farsamadiisa, waxa aan maanta tiriyey kalmadaha uu isticmaalay Muuse markii uu Sool joogay. Nabad waxa uu isticmaalay: 14 jeer Barwaaqo, horumar iyo khayr: 6 jeer Midnimo iyo iskaashi: 2 jeer Caqliga: 2 jeer. Kalmadahaas oo dhan wanaag weeye, wadartoodu waa 24 jeer. Muuse hadaba waxa kale oo uu isticmaalay ereyo qadhaadh oo abuuraya jawi foolxun. Hoos kaga bogo. Collaad: 6 Dagaal: 3 Abaar: 4 Muran/ Puntland iyo Somaliland : 3 Aargoosi: 2 Masiibo: 2 Xabad: 3 Naxdin: 3 Geeri: 1 Goblan: 1 Qori: 1 Qasab : 1 Cabudhin: 2 Jabhad: 1 Khalkhal: 1 Dhibaato: 1 Cimilo xumaatay: 1 Wadarta kalmadaasi waa 36. 24 wanaag ah 36 xumaan ah 12 jeer ayay xumaanta uu gudbiyey dheertahay wanaaga uu sheegay. Siyaasigu waxa uu ka hadlaa wanaag, rajo iyo horumar. Siyaasigu ma aha mid bilaa kalsooni ah oo mar walba yidhaahda: Sidaa ayaa la yidhi, ana waxa aan ka idhi sidaaa! Hadaad raadinaysid wanaag; wanaag baa laga hadlaa. Qof waanaag raadinayaa collaad iyo abaar kama sheekeeyo. Source
  2. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar__Qubanaha-Wararka-241118.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay warbixintii guddiga maaliyadda baarlamanka ee musuq maasuqa ku eedeysay xukuumadda Kheyre, iyo is-difaacidda wasaaradda maaliyadda ee kulankii baarlamanka ee maanta. Hoos ka aqriso qoraal uu Fiqi soo dhigay facebook. Axmed Macallin Fiqi: NINKII DHUUMANAAYEE DHABARKIISU MUUQDAY! Warbixintii Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka, jawaab loogama dhigi karo; 1. In Xubnihii guddiga maaliyadda la kala jabiyo. 2. In Wasaaradda Maaliyadda ay warbixinno cay, aflagaado iyo heeso Golaha ka hor jeediso, ayagoon si waafi ah u bixin jawaabaha eedaymihii loo soo jeediyey. 3. In xildhibaanadii wasiirada ahaa qasab looga dhigo in ay shirkii maanta tagaan, sacbiyaanna marka ay maqlaan hadal u roon, iyo 4. In guddooomiye ku xigeenka labaad oo kulankii maanta shir guddoominayey uu golaha afduubo, ajandihii maanta la ansixiyeyna uusan xildhibaanada ka baxsan guddiga maaliyadda fursad u siin ay uga hadlaan. Waxaa kulankii maanta ee golaha shacabka ka muuqday in aan la ogolayn isla xisaabtan iyo daahfurnaan ka dhex-dhacda golayaasha barlamaanka iyo xukuumadda, laakin madaxda iyo wasiirka maaliyadda la arkay ayagoo shacab ay meel ku soo xaraysteen dhex-fadhiya oo ku celcelinaya “Nala xisaabtama” iyo shacabka ayaa na xisaabinaya ayadoo taas ay manta dhabowday. Kulankii maanta waxaa ka muuqday, isku dhexyaac wasaaradda maaliyadda ah, kalimado is-difaacid ah oo loo xoogayey wasaaradda maaliyadda ayadoon ajandihiiba la guda-galin, caburin xildhibaanada uu ku sameeyey ku simaha guddoomiyuhu iyo in la keeno golaha warbixinta guddiga maaliyadda oo uu guddoomiye ku xigeenka labaad dusha u saaray guddoonka golaha shacabka, cudurdaarna uu ka sameeyey. Waa wax laga xumaado in kulankii maanta uu sidaas ku soo gabagaboobo, kaasoo ay aheyd in wasaaradda maaliyadda su’aallo badan oo ku saabsan warbixintii guddiga la weydiiyo, laakin in wasaaraddii iska hadasho ayadoon cidna wax weydiin, xildhibaanadiina afka la qabto, waxaan u malaynayaa in ay tahay nidaamka cusub ee isla xisaabtanka dawladeena. Kulankii maanta ayaa daliil ugu filnaa umadda Soomaaliyeed in ay jirto wax dahsoon oo la daboolayey, ayadoo xaalku u ekaa ninkii dhuumanaayee dhabarakiisu muuqday.
  4. Raysal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ayaa lagu wadaa inuu booqdo Dalka Kanada Sanadka cusub bilowgiisa. Sida xogta aan ku heynobRaysal wasaaruhu wuxuu Canada u tagayaa inuu u sharaxo kana raali gamiyo hadalo kasoo yeerey Villa Soomasliya kadib markii Sacuudiga iyo Canada ay Safaaradaha kala qaateen,Sababtoo ah muran lawada wadan ka dhex qarxay kadib markii ay Sacuudigu Xireen ayna jirbdileen Dad Dhalashada Canada heysta Villa Soomaaliya ayaa xiligaas waxay soo saareen Warsaaxafedeed ay la safteen Dacuudiga. Warar hoose oo Puntlandi heleen waxay svhegayaan in Canada ay si tartiib tartiiba ay u joojisay kaalmadey siineysay Soomaaliyai iyadoo arintaas lala xiriirinayo. Safarka Raysal wasaaruhu ku aadi doono Canada ayaa ah mid Canada lagu raali galinayo. Canada waxay Soomaaliya kacaawisaa dhismaha iyo dib habeynta Hay’daha dhaqaalaha. Xiriirka Dublamaasiyadeed ee Canada iyo Soomaali wuxuu soo bilowday Sanadii 1963 , Wuxuu dib u istaagay 1991 markii Xukuumadii dhexe ee Dalka burburtay. Sanadkii 2013-kii ayaa Canada dib u furtay Xiriirka Dublamaasiyadeed ee ay la leedahay Soomaaliya 2013 laakiin tan iyo burburkii Soomaaliya waxay qayb weyn ka qaadaneysay kaalmeynta Soomaaliya. Puntlandi.com Nairobi Source
  5. Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo ka dhacay degaanka Golaley oo ku yaala wadada isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, maanta oo Sabti ah. Wareerarka oo ku bilowday qarax ayaa lala beegsaday kolanyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Inta la xaqiijiyay Sagaal askari ayaa ku geeryootay, halka tirro intaas ka badan ay kasoo gaartay waxyeelo dhaac ah, sida ay sheegeen dadka degaanka. Sidoo kale, saddex ruux oo shacab ahaa ayaa la hubiyay inay ku dhinteen qaraxyada oo ay xigtay dagaal fool ka fool ah oo dhex-maray xoogaga Al-Shabaab iyo ciidamada xooga dalka Soomaaliya. Ma jiro wax hadal ah oo ku aadan dagaalka iyo qaraxyadda oo kasoo baxay dhinaca dagaalamayaasha Al-Shabaab. Inta badan wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad waxaa ka dhaca falal noocaan ah, kuwaasi oo ay Al-Shabaab ku beegsato gadiidka ay saaran yihiin masuuliyiinta HirShabelle iyo ciidanka dowladda Soomaaliya. The post Wararkii ugu dambeeyay weerar oo ka dhacay Sh/Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Kooxo hubeysan ayaa Caawa agagaarka Isgoyska Black Sea ee Degmada Hodan ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo halkaasi marayey. Dad goobjoogayaal ah ayaa Warqabadka puntlandpost u Xaqiijiyey in Rag bastoolado ku hubeysnaa ay toogteen Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladdaoo ku sugnaa meel ku dhow Isgoyska Black Sea ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo goobta gaaray uma suurta-galin inay gacanta ku dhigaan Kooxdii dilka geysatay,balse waxaa ay halkaasi ka qaadeen Meydka Askariga la dilay. Xasan Maxamed Samatar (Cowke) PUNTLAND POST (Muqdisho) The post Toogasho Caawa ka Dhacday Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  7. 1. At the invitation of His Excellency Yoweri Kaguta Museveni, President of the Republic of Uganda, His Excellency Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo, President of the Federal Republic of Somalia paid a one-day official visit to the Republic of Uganda on 24th November 2018. His Excellency President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo was received at State House, Entebbe by his host His Excellency President Yoweri Kaguta Museveni. 2. In a cordial and friendly atmosphere, the two Heads of State held Official talks at State House Entebbe, on a wide range of bilateral, regional and international issues. 3. Their Excellencies noted with satisfaction the existing bonds of friendship and mutually beneficial cooperation between the two countries, which they committed to strengthen. In this regard, they reviewed the areas of cooperation particularly in the sectors of Peace and Security, Education, Trade, and Investment. 4. His Excellency President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo briefed His Excellency President Yoweri Kaguta Museveni on the situation in Somalia. He mentioned that the security situation has tremendously improved notwithstanding, the Alshabab operations in the South, despite sporadic local conflicts, the negative propaganda and other spoilers of peace. 5. He commended the transition cooperation in Defence and the support extended by AMISOM in the transitional process. He noted the positive progress made with Ethiopia and Eriteria through the signing of the Tripartite Agreement. He alluded to the cooperation as a timely initiative that will facilitate the resolving of political differences and end conflict in the region as well as boost the economies of the three countries particularly Somalia, given her strategic location. 6. His Excellency President Museveni commended His Excellency President Farmajo and Their Excellencies, President Isaias Afwerki of the State of Eritrea and, His Excellency Prime Minister Abiy Ahmed of the Federal Democratic Republic of Ethiopia for the timely conclusion of the Tripartite Pact in September 2018; noting that this was a step in the right direction in ensuring peace, stability and prosperity of the region. 7. His Excellency President Yoweri Kaguta Museveni expressed his profound gratitude to His Excellency President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo for honouring his invitation and for the fruitful discussions held. He invited the Somali delegation to a luncheon and encouraged them to enjoy the beauty of Uganda before their departure. 8. His Excellency President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo on his part, expressed profound gratitude and appreciation to His Excellency President Yoweri Kaguta Museveni, the Government and People of the Republic of Uganda for the warm reception and hospitality accorded to him and his delegation during the visit. END Puntland Post The post JOINT PRESS STATEMENT ON THE OCCASION OF THE OFFICIAL VISIT TO UGANDA BY H.E MOHAMED ABDULLAHI MOHAMED FARMAJO, PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-241118.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda halkaasi oo booqasho hal maalin ah uu ku tagay. Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyaan masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya ayaa si weeyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Kampala. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmay dhigiisa dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni. Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay arimo ay kamid tahay dagaalka Al-Shabaab iyo sidii guulo looga gaari lahaa. Warsaxaafadeed goordhow ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Soomaaliya oo ku qornaa afka ingiriiska ayaa faah faahin looga bixiyay waxyaabaha ay ku wada hadleen labada madaxweyne. Madaxweyne Farmaajo ayaa socdaalo baryihii ugu dambeeysay ku marayay wadamada Talyaaniga Turkiga iyo hadda uu ku suganyahay Uganda. Hoos ka Daawo Sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Kampala lana kulmay Yoweri Museveni appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta tagay deegaanka Tukaraq oo ciidamada Somaliland ay kula dagaalameen ciidamada Puntland. Dhaqdhaqaaqa maalmahaan uu ka waday gobolka Sool ayaa dareen ku abuuray Puntland, waxaana ay walaac ka muujiyeen socdaalka uu ku tagay magaalada Laascaano ee gobolka Sool. Taliyaha ciidamada Somaliland oo saxaafadda kula hadlay aagga dagaalka Tukaraq ayaa madaxweyne Muuse Biixi, warbixin ka siiyay xaaladda guud ee deegaanka iyo ciidamada ku sugan farumaha dagaalka, waxaana uu kaga mahadceliyay safarkiisa. Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Ciise Axmed Yuusuf oo wafdiga qeyb ka ahaa ayaa amaanay ciidamada Somaliland ee ku sugan Tukaraq, waxaana uu sidoo kale sheegay in safarka madaxweynaha uu yahay mid dhiirgelinaya ciidamada Somaliland. “Hawshaas aad gashaan haku coloolyoobina, haddaad aragtaan guryihiinna iyo dadkiinna oo dayacan haku caloolyoobina, samaha aad gelaysaan, nafta aad u huraysaan iyo dalka waxa aad u qabanaysaan Ilaahay meel kaluu idinka siinayaa markaad si wanaagsan u gudataan, markaa dhibta aad qabtaan dheef-yaraanta jirta iyo hawsha marnaba shaydaanku yuu idinka wisiisiyin,” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Wasiir Maaliyuhu Awood ma u Leeyahay in uu Qafil 99 ah ku xidho Qasnadda Dawlada? Kaftanka Dadka Run Baabay Moodeen Malaha!!! Madaxdu lacagtooda iyo adduunkooda ay shakhsiyan u leeyihiin way ku xidhan karaan qasnado adag iyo qafilo 99 ah, laakiin lacagta dawladda kuma xidhi kartaan. Sababta oo ah waxay ku qasban yihiin in ay raacdaan budget ka ama miisaaniyadda Golaha Wakiiladu u ansixiyay; shilling kasta halkii la yidhi ku bixiya ha ku bixiyaan;wuxu yidhi:waa la qafilayaa, meelaha muhiimka ah uun baanu ku bixinaynaa; maanta taas adigaa lagu waydiin maayo, ee ku soco Budget ka; immika ama muhiim ha ahaato ama yaanay ahaane, sidaas baa lagu bixinayaa!!!; Ka kale isaguna wuxu yidhi Kitaab ayaan idinku dhaarinayaa; waar kharashka ku jira miisaaniyadda ee la anisxiyay bixi; waa maxay dhaartu; adigu ma maxkamad baa tahay!!! Waa sharci; ma galayso kaftan; taas waa marka sharci lagu shaqaynayo; miisaaniyaduna waa xeer sharci; Sharciguna ha sarreeyo baynu nidhi; haddii kale dadka u sheega in aad meeshii ka dhigteen dukaan nin leeyahay, ka kalena uu u hayo. Abdo; Good Governance Source
  12. Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlayay kulankii maanta ee baarlamaanka Somalia ayaa iska difaacay eedeyn kaga timid Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in aysan waxba ka jirin warbixinta guddiga. Wasir Beyle ayaa sheegay in lacagtii 50-ka Milyan ahayd ee Sacuudiga ugu deeqay Somalia aysan ku dhicin Bangiga Dhexe ee Dalka, laakiinse ay ku dhacday Bangi ku yaalla dalka Turkiga, halkaasoo uu sheegay in lacagtaa laga maamulay. “Waxaan ku shaqaynaa nidaam Caalami ah, waxaana nagula xiray 14-qodob oo habeen waliba nagula yiraahdo. Guddigu waxay ahayd inay annaga nala tashadaan intii ay warqad u qori lahaayeen warbaahinta, annagaa ku jirna ceelka guntiisa’e, Arrintaan waxay nagu noqotay dhabar jab iyo in dib noola celiyo,” ayuu yiri Wasiir Beyle. Sidoo kale, Wasiirka Maaliyaddu wuxuu xusay inay hoos u dhacday lacagihii shaqaalaha, isla markaana aysan Imaaraadka ka imaan lacagtii laga sugayay ee ay ugu tala gashay Dowladda Federaalka Somalia. Dhanka kale, Wasiirku wuxuu ku eedeeyay xubno Guddiga Maaliyadda BFS ka mid ah inay ku haystaan inuu u fuliyo dano gaar ah, isagoo warbixinta ku tilmaamay mid mala awaal ah. Kulanka Baarlamaanka oo ahaa mid xasaasi ahaa ayaa ka sokow doodaha adag ee dhex-maray Xildhibaanada waxaa wehliyay buuq mararka qaar hareynayay kulanka, waxaana kulankii maanta ka dhex-muuqday wasiirada xildhibaanada ah oo kusoo tala-galay inay is-difaacaan. Xildhibaanno tiradoodu tahay toban oo ka mid ahaa kuwii warbixintan wax ka saxiixay ayaa kasoo horjeestay, iyagoo sheegay inaysan waxba ogeyn oo aan lagala tashan diyaarinta warbixinta oo sheegaysay inay xukuumadda ku maqan tahay in ka badan 20-milyan oo aan la ogeyn sida ay ku baxday. Ugu dambeyn, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baalramaanka Somalia, Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xigay ayaa raalli-gelin ka bixiyay warbixinta guddiga maaliyadda ay soo diyaariyeen, isagoo sheegay inaan la soo marin dariiqyadii ay waajibka ahayd inay soo marto. PUNTLAND POST The post Wasiir Bayle oo Shaaciyay in dhaqaale loogu Deeqay Soomaaliya laga Maamulay Turkiga appeared first on Puntland Post.
  13. (SLT-Tuke-raq)-Madaxweynaha Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidamada qaranka, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kamid ah weftiga uu hoggaaminayo ee safarrada shaqo ku maraya gobollo kamid ah dalka Somaliland, ayaa maanta booqasho ku tegay fadhiisimada ciidamada qaranku ku leeyihiin Jiidda Aagga bari ee magaalada Tukaraq. Madaxweynuhu waxa uu ciidamada qaranka kula dardaarmay inaanay ka niyad-jabin shaqada aan dheefta lahayn ee ay bulshadooda u hayaan, islamarkaana ay abaalkeeda heli doonaan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan 10-askari ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen weerar gaadmo ah oo Al-sabaab ay ciidan ka tirsan kuwa dowladda Somalia kula beegsadeen inta u dhexeysa Balcad iyo Jowhar oo kawada tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarku uu ahaa mid qorsheysan, ayna la beegsadeen gaadiid u socday degmada Jowhar oo ka tagay Muqdisho, taas oo keentay in qarax lala beegsado taliyaha guutada 1-aad ee ciidanka XDS, Jen. Ibraahim Yuusuf oo doonayay inuu gurmad u fidiyo ciidamada weerarka lagu qaaday. Taliyaha ayaa la sheegay in daawiciisu uu fudud yahay, inkastoo dhawr askari oo la socday ay qaraxa ku dhinteen, waxaana taasi ay keentay inay ciidamadii la weeraray heli waayeen gurmadkii ay u baahnaayeen. “Askarta ku dhintay weerarka waxay gaarayaan 10-askari, kuwo kalena oo dhaawacyo qabanna waxaa lasoo gaarsiiyay Isbitaalka Jowhar, halkasoo lagu daweynayo,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ciidamada DFS eek u sugan Jowhar. Sidoo kale, Ciidamada la weeraray ayaa la sheegay inay wateen baabuur noociisu ahaa Surf iyo gaari kale oo bas ah, waxaana tani ay imaanaysaa xilli maamulka HirShabeele uu dhawan ka cawday dhibaatooyin ay kooxda Al-shabaab ka waddo waddada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho. Dhanka kale, Ma ahan markii ugu horreysay oo xoogag ka tirsan Kooxda Al-shabaab ay weeraraan ciidammo iyo xubno ka tirsan maamulka HirShabeele oo waddadaas maraya, iyadoo sannadkan lagu dilay waddadan xildhibaanno ka tirsan maamulka HirShabeele. Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamulka HirShabeele ayaa laga sugayaa inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka soo laalaabtay eek a dhacaya waddada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo weerar ku dilay Tiro Ciidammo ah – Qaraxna ku dhaawcay Sarkaal Sare appeared first on Puntland Post.
  15. (SLT-Hargeysa)-Fanaannada caanka ah ee Xamda Cabdi Kiinaal (Xamda Queen) oo ka tirsaneyd Kooxda Xiddigaha Geeska ayaa si rasmi ah u shaacisay inay ka baxday fankii waxaanay ka warrantay sababta ay uga baxday, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay munaasabadda dib u loogu howlgelinayay Kooxda kubadda cagta ee Dawladda Hoose (Minishiibiyo) ayaa sheegay in dadaal la gelinayo kooxdan, maadaama ciyaaruhu ay ka tarjumayaan horumarka bulshada. Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey muhiimadda ay Caasimadda u leedahay kooxda kubadda cagta ee Banaadir oo la asaasay sanadkii 1963dii, iyadoona noqonaysa kooxda matalaysa Muqdisho ciyaaraha heer Caasimadeed ee caalamka iyo in ay Kooxdan ay waajahadda u noqoto horumarka iyo isdhex galka bulshada. “Kooxda Dawladda Hoose ee Xamar waxa ay ka mid ahayd qorsheyaashii ugu horreeyey ee la hirgeliyey xornimadii kaddib, taas ayaana muujinaysa muhiimadda ay ciyaaruhu u leeyihiin isdhexgalka iyo horumarka Gobolka. Maamul ahaan waxaan dhexda u xiranaynaa sidii aan dib ugu soo celin lahayn kooxdaan, una dhammeystiri lahayn dhammaan baahiyaheeda asaasiga ah.” Eng.Yarisow ayaa sheegay in garoonka kooxda Banaadir dhawaan dib loo soo celiyey, laguna wareejiyey maamulka kooxda balse haatan laga shaqeynayo in dib loo dayac tiro iyadoo laga faaiidaysanayo Olalaha Isxilqaan ee ka socda Gobolka Banaadir. Ugu dambeyn, Hawl-wadeenada Kooxda Dowladda Hoose iyo xidigihii horay u soo matalay ayaa ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir dadaallada dib u soo nooleynta kooxaha iyo tartannada ciyaaraha, iyagoona soo jeediyey in dib loo soo dhiso kooxdii kubadda kolayga ee Dowladda Hoose oo qayb ka ahayd Naadiga Ciyaaraha Dawladda Hoose ee Xamar. PUNTLAND POST The post Naadiga Kubada Cagta ee Banaadir oo Qaatay Magaca Kooxdii Dowladda Hoose ee Xamar appeared first on Puntland Post.
  17. (SLT-Tukaraq)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidamada qaranka, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kamid ah weftiga uu hoggaaminayo ee safarrada shaqo ku maraya gobollo kamid ah dalka Somaliland, ayaa maanta booqasho ku tegay fadhiisimada ciidamada qaranku ku leeyihiin Jiidda Aagga bari ee magaalada Tukaraq. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan taliyaha ciidanka qaranka, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, taliyaha ciidanka Booliska, Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo maamulka gobolka Sool, ayaa ka hor intii aanay gaadhin jiidda hore ciidamada qaranka, waxa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Tukaraq, iyaga oo u gudbay fadhiisimaha waaweyn ee magaalada dhinaca Bari kaxiga, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen saraakiisha iyo saraakiil-ku-xigeennada talisyada kala duwan ee qaranku ku leeyihiin Aaggaas, halkaas oo uu madaxweynuhu salaam sharaf kaga qaatay cutub kamid ah ciidanka qaranka. Taliyaha ciidanka qaranka, Sarreeye gaas, Nuux Ismaaciil Taani oo madaxweynaha warbixin ku siiyey fadhiisimada ciidamada qaranka ee Aagga Tukaraq, ayaa ugu horrayn madaxweynaha ku bogaadiyey booqashadiisa uu ugu kuurgelayo xaaladda ciidamada qaranka, isaga oo sidoo kalena ku bogaadiyey sida uu u danaynayo daryeelka ciidanka, waxana uu yidhi, “Aad baan madaxweyne kaaga mahadnaqayaa sida wanaagsan ee aad ciidanka u taakulayso iyo sida aad markasta u doonayso in wax loo qabto ciidanka.” Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga, Mudane Ciise Axmed Yuusuf oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa si mug leh u ammaanay ciidamada qaranka, isla markaana ku bogaadiyey sida ay ciidan ahaan uga go’an tahay inay dalka iyo dadkaba difaacaan, waxana uu yidhi, “Madaxweyne saaka maalin farxad leh bay noo tahay ragganina waa ragga aynnu ku fadhinno, mudnaantooda iyo karaamayntoodana cidina kaaga warrami mayso, waase rag aaminsan waxa ay meesha u joogaan, masuuliyadda saaran, marna waa cuqaal oo haddii aanay dulqaad iyo karti muujin nabadu may jirteen, taasna waan ku bogaadinayaa, shacabkana way kasbadeen.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay ciidamada qaranka ee ku sugan jiidda hore ee Tukaraq, ayaa sharraxay sida ay ciidamadu muhiimka ugu yihiin nolosha iyo sida ay shaqadoodu u tahay midda ugu karaamada badan adduunka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Shaqada la isku wada raacsan yahay ee laga yaabo inaanay dheef badan lahayn, laakiin karaamo iyo ixtiraam iyo duco loo hayo, halka ugu karaamada badan ee ummadda oo dhammi isku raacsan tahay waa ciidamada qaranka, waayo ciidamadu waa astaantii qaranka.” Madaxweynuhu waxa uu ciidamada qaranka kula dardaarmay inaanay ka niyad-jabin shaqada aan dheefta lahayn ee ay bulshadooda u hayaan, islamarkaana ay abaalkeeda heli doonaan, “Hawshaas aad gashaan haku coloolyoobina, haddaad aragtaan guryihiinna iyo dadkiinna oo dayacan haku caloolyoobina, samaha aad gelaysaan, nafta aad u huraysaan iyo dalka waxa aad u qabanaysaan Ilaahay meel kaluu idinka siinayaa markaad si wanaagsan u gudataan, markaa dhibta aad qabtaan dheef-yaraanta jirta iyo hawsha marnaba shaydaanku yuu idinka wisiisiyin,” ayuu yidhi madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay inaanay ciidamada qaranku ahayn kuwo cid kale duullaan ku ah, balse ay yihiin nabad-doon dadkooda iyo dalkooda difaacaya, waxana uu yidhi, “Waxad tihiin ciidan nabad-doon ah oo aan cidna ku duulaynin ee dalkiisa uun ilaashanaya oo wixii kusoo xad-gudba iyo wixii fadqalala ka wada qabanaya, waxaynnu nahay ciidan aan cidna weerar ku ahayn oo intii uu jireyba nabad soo waday oo dadkana kala ilaalinaya, dalkana ilaalinaya.” Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu la kulmay odayaasha deegaanka Tukaraq oo ay wada qaateen kulan is xogwaraysi ah, waxaanay ka mahad sheegteen odayaasha deegaanku habdhaqanka ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan jiidahaasi, Source
  18. Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi oo maalmahan socdaal ka marayay gobollada ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool,isagoo uga sii gudbay degaanka Tukaraq ee ay isku’ hor fadhiyaan ciidamada labada maamul. Magaalada Laascaanood oo subaxnimadii hore ee saaka bandow la saaray ayaan xilliga uu soo gaaray dad badani waddooyinka joogin,marka laga reebo ciyaal iyo dumar loo sii diyaariyay soo dhoweyntiisa iyo ciidamo fara badan oo dariiq kasta la dhoobay. Hase yeeshee durbadiiba waxaa bilowday muddaharaadyo waaweyn oo looga horjeedo safarkiisa,kadib markii ay dadweynuhu isaga soo baxeen xaafadaha kala duwan ee degmada Laascaanood,taasi oo ku khasabtay in uu si deg deg ah uga sii gudbo dhinaca degaanka Tukaraq. Hadal kooba oo uu ka jeediyay duleedka degmada Laascaanood ayuu socdaalkiisa ku sheegay mid nabad iyo midnimo ku qotoma,waxaana uu ammaan kala duldhacay shacabka SSC,gaar ahaanna gobolka Sool. Sidoo kale wuxuu sheegay in uu nabad u sido Puntland,islamarkaana uu diyaar u yahay in walaalnimo lagu dhammeeyo colaadda ka aloosan gobolka Sool gaar ahaanna degaanka Tukaraq oo markii horena ka qaraxday amar uu bixiyay Muuse Biixi. Madaxweynaha Somaliland ayaa dhinaca kale socdaalkiisa ku tegay duleedka degaanka Tukaarq ee xiga dhinaca Laascaanood isagoo booqday taliska guud ee ciidamada Somaliland ay halkaasi ku leeyihiin. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi iyo shacabka magaalada Laascaanood! appeared first on Puntland Post.
  19. Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa dib ugu laabtay Garowe kadib markii uu Magaalada Garacad uu kasoo daahfuray Mashruuca dhismaha Dekada Garacad. Madaxweyne Gaas ayaa markuu Garowe lasoo degay wuxuu yiri “Waxaan maanta ka nimid magaalada Garacad oo aan kaga soo qayb galnay bilowgii dhismaha Dekedda Garacad waa lasocotaan hada ka hor waxaan u tagna dhagax dhiggii shalayna waxaan u tagna ani iyo wafti aan hogaaminayey oo ka koobnaa Shacabka, Golaha wakiilada, Golaha Wasiiradda iyo saraakiil kale waxaa kaloo kasoo qayb galay daah furka dhismaha Dekadda madax kasocotey Dowladda Federaalka oo ka koobnaa Golaha shacabka iyo Sanataro, runtii waxaa halkaas ka dhacay bilow guul aad u wanaagsan oo ah bilowgii shaqada dekadda waa wax aad loogu afarxo hadey riyo ahayd waa ay rumowday” Hoos ka daawo Sawirada . Source
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka shir Guddoominayay ayaa sheegay in guddoonka golaha ay soo gaartay Warqad ay ku saxiixan yihiin toban Xildhibaan oo ka mid ah Guddiga Maaliyadda, taasoo ujeedkeedu uu yahay tabasho ka dhan ah warbixin maaliyadeedka meelmarinta qoondada Miisaaniyada 2018-ka,waxaana warbixinta golaha u arqiyay Xildhibaan Maxamed Soomaali oo guddiga ka mid ah. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo ay wehliyaan ku-xigeenkiisa Mudane C/llaahi Sheekh Cali Qaloocoow iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudane Maxamuud Xayir Ibrahim ayaa ka hor akhriyay Golaha Xildhibaanada warbixino caddeyn iyo jawaab u ah eedeyntii loo soo jeedeyay Wasaaradda Maaliyadda. Wasiirka Maaliyadda Xuluumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in haba yaraatee wax xaqiiqda u dhow aysan ka mid aheyn Warbixintii Wasaaradda laga qoray, iyadoona isla goobta lagu soo bandhigay Warbixin ay soo saareen 10 xubnood oo ka mid ah Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka isla markaana ay iska fogeynayaan ku lug lahaasha qorista Warbixinta ku soo baxday Magaca Guddiga Maaliyadda ee Xukumadda lagu eedeeyay in ay lacag malaayiin ah Musuqmaasuqday. Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanada u faah faahiyay habraaca loo maro diyaarinta warbixinada isagoo baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed. “Warbixin guddi marka golahu la keenayo waa iney soo martaa Guddiga joogtada ah,mana la soo marsiin waana gef,raali gelin baa idinka siineynaa shacabka Soomaaliyeed baa raali gelin ka siineynaa,dalkana meel fiican buu marayaa howl adag oo miisaaniyada 2019-ka noo taala,ansixintii iyo iyo ka doodistii xisaab xirkii 2017-kii,yeynaan waxaan jirin ku mashquulin, yeynaan hay’addaheena isku burburinin, yeynaan Kalsoonida ka qaadin shacabka Soomaaliyeed,intaasi waxaa weeyaan warbixintan habraacii uu xeer hoosaadka qorayay annagu maanaan soo marsiinin waxaa weeye umanna dhammeystirna ee xubnihii soo gudbiyeyna kuma qorna xubnihii la soo wareystayna kuma lifaaqna, waxaa weeyaan waxyaabihii loo baahnaa cadeymahoodana kuma lifaaqna,sidaasi owgeed agendaha ku saabsan warbixinta halkaasi ayuu ku egyahay soo qaadis dambena malahan,”ayuu yiri Guddoomiye Cawad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ka jira Somaliland, waxaanu ka warramay dhacdooyin uu soo maray, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah oo dhexda loo galay agagaarka Ilbaq, oo u dhow magaalada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe. Ilaa 8 qof ayaa dhimatay halka ay dhaawacmeen dad kale uu ku jiro taliyii guutada 3aa ee ciidamada ibrahim yusuf . Weriyaha Goobjoog News ee Shabeellada dhexe ayaa sheegay inay ciidamadan ay ka yimaadeen magaalada Jowhar, una soo socdeen magaalada Muqdisho, arrimo la xiriira diiwaan-gelinta ciidanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Balcad (Caasimadda Online) – Wararka ka imanaya deegaanka Gololey ee degmada Balcad ayaa sheegaya in ciidamo Milatari ah oo ku sii jeeday degmada Balcad lagu weeraray inta u dhexeysa deegaanka Qalimow iyo Gololey. Weerarkan ayaa la sheegay in uu qasaare ka soo gaaray ciidamo milatari ah oo saarnaa labo baabuur iyadoo mid kamid ah gaadiidka ay ciidamada saarnaayeen la gubay. Sidoo kale weerarkan ayaa la sheegay in miino ay la qaraxday baabuur nooca raaxada ah balse lama oga qasaaraha ka dhashay weerarkan. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ku sugan deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada Milatariga kuwaasoo uu horkacayo abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed General Odowaa Yuusuf Raage. Deegaanka u dhexeeya Qalimow iyo Gololey ayaa waxaa hore dhowr jeer lagu weeraray ciidamo Milatari ah iyadoo sidoo kale lagu diley qarax miino labo xildhibaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka Dowlad goboleedka Hirshabelle. Caasimada Online Xafiiska Balcad Caasimada@live.com