-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Jigjiga)-Ugu yaraan afar qof oo ka tirsan shaqaalaha caafimaadka ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa ku dhintay shil ka dhacay waddada u dhaxeysa magaalooyinka Qabribayax iyo Jigjiga. Shaqaalaha oo ahaa saddex rag ah iyo hal dumar ah ayaa ka yimid Dagmada Guunagado oo ay ka wadeen baaritaan la xiriira Nafaqa darrada hooyooyinka iyo carruurta. Shilka ayaa dhacay kaddib markii ay hawshoodi shaqo soo guteen, waxaana durbaba lagu aasay xabaalaha buurta-Kaara-Mardha ee magaalada Jigjiga. Cabdisalaan Yuusuf Ibraahin oo ah madaxa baarista shilalka gobolka faafaan ayaa BBC-da u sheegay in shilka uu ka dhashay kaddib markii baabuurkii ay la socdeen shaqaalaha caafimaadka uu si xowli ah ku socday isla markaasna darawalkii baabuurka uu lumiyay kontroolka. Wuxuu intaasi ku daray in darawaliinta qaar aysan haysanin sharciga ay ku kaxeeyaan baaburta ee dowladda siiso qofka sida habsamida leh u bartay dhammaan shuruucda waddooyinka iyo kaxeynta baabuurta. Source
-
Guud Ahaan Waxaa Jira Wadamo Magac Ahaan Is shabaha Oo Isu Dhawaq dhow’ Xaga Qoraalkana Qaarkood Aad isugu sii Eeg-yihiin’ xataa Dadka Aqoonta leh ee dawladahaas yaqaanaa ay Isku Khaldaan Badanaa Magacyada Wadamadaasi Tusaale: Madaxweyne D. j Trump Ayaa Mar Uu Ka hadlayay Dal kamida Wadamada Afrika yidhi Wadanka Nambia’ Maaha Dal- jira Nambia’ Ee waa Uu ku khaladmay Isagoo Kala saari waayey gambia zambia ama namibia U jeedkiisuna Ahaa Gambia inuu Sheego. 2011-kii Waxa Uu ahaa Sanadkii Ugu Khaladka badnaa dhanka Duulimaadyada Warbixino ay Soo saareen Shariikaadka duulimaadyadu Waxay sheegeen Inay 2200- Oo Dalxiisayaal ah’ Una kala dhashay Dalalka Canada Britain france , Ay Goosteen Tigidho Khaldan Dababdeedna Dalxiis Ay Ku tegi lahaayeen Wadamadan Ay iskaga Khaldmeen, Sida Niger , Zambia , Gambia , Nigeria . Waxaa jira sidoo kale Kumanaan Qof Oo Sanadkiiba Duulimaadyo Khaldan U raaca Wadamadaasi Isku magaca ah’ iyagoo ku Khaldama’ Dawladahaasi isku Magaca dhow Qaarkoodna Magaca-Ay wadaagaanba. 1- Ghana- Guyana- French Guiana. —Ghana Oo ku taal Galbeedka Qaarada Afrika, iyo Guyana Oo ku Taal koonfurta America iyo sidoo kale French Guiana oo ku taala waqooyiga Afrika. 2- Samoa- America Samoa. — Samoa iyo America Samoa oo ah’ Deegaan jasiiradeed ku yaala America . 3- Slovakia- Slovenia — slovakia oo ku Taal badhtamaha yurub iyo Dalka slovenia Oo kamida wadama Balkan’ska labada Dalba waxay xuduud la leehiyiin Dalka hungary 4- Australia – Austria. — Dalka Austria ee dhaca yurub iyo Dalka Australia ee dhaca Qaarada Australia 5- Guinea -Equatorial Guinea – papua new guinea. — Guinea oo ku yaal Galbeedka Afrika iyo equatorial guinea oo ku yaal badhtamaha Afrika iyo sidoo kale guinea bissau oo ku taal Galbeedka afrika Dhamaantood waxay ku yaalaan afrika Waxaanay Kala dhacaan galbeedka iyo badhtamaha afrika. halka papua new guinea Ay ku taal qaarada Australia, Hadaba Guud ahaantood Waa Wadamo Aad laysugu Khaldo. 6- Dominica – Dominican — dominica oo ku yaal Karibiyaanka “caribbean” dominican republic waana labo wadan oo jasiirado ah. 7- Uruguay – Paraguay. — Uruguay iyo paraguay waa labo wadan oo dhaca koofurta America. 8- Niger – Nigeria. — Niger iyo Dalka Nigeria Labada wadanba Waxay ku yaalaan afrika waxaana loogu magac daray webiga niger. 9- Romania – Armenia. — Romania Oo deris la ah’ hungary , Iyo Armenia Oo deris la ah’ Turkey . 10- Zambia -Gambia. — Zambia iyo Gambia Oo Africa Ku yaala. 11- Czech – Chechnya. — Czech Oo Ku Taal badhtamaha yurub, Iyo chechnya Oo Ka Tirsan Dhul-weynaha Russia . 12- American Virgin – British virgin. — American virgin iyo British virgin Oo Ah’ Laba Jasiiradood. 13- Mauritania – Mauritius. — Mauritania Oo Ku Taal waqooyiga afrika, Iyo Mauritius Oo ah’ jasiirad ku taal badweynta india . 14- Switzerland – Swaziland. — switzerland Oo Ku taal Yurub, iyo swaziland Oo ku taal, Africa. 15- Tajikistan – Uzbekistan- Kazakhstan- Turkmenistan- Kyrgyztan- pakistan- Afghanistan. — tajikistan , uzbekistan , kazakhstan , turkmenistan , kyrgyztan, dhamaantood waxay Ahaayeen wadamo ka tirsanaajirey midowgii soviet, halka afghanistan iyo pakistan ay yihiin wadomo Madax banaan Oo Gooni ah. 16- DRC-Congo- RC Congo. — DRC-Congo iyo RC-Congo Oo ku yaal Qaarada Africa. 17- Monaco- Morocco. — Monaco Oo ku taala Yurub iyo Morocco oo Ku taal Waqooyiga Afrika. 18- Taiwan- Thailand. — Taiwan Oo ku taal Bariga China 180-KM Keliya U jirta China, iyo Thailand oo ku taal koonfurta Qaarada Asia . 19- Iceland – Ireland. — Iceland Oo ah waqooyiha Yurub “ Nordic Island Nation” iyo Ireland oo Kamida Great Britain . 20- Iraq- Iran. — Iraq oo ku taal Waqooyiga Asia iyo Iran oo Ku Taala Bariga Dhexe. 21- Liberia – Libya. — Liberia iyo Libya oo ku yaala qaarada afrika. 22- Barbados – Barbuda. — Barbados oo ah “Country in the Caribbean” iyo Barbuda oo ah iyaduna Caribbeanka’ Ahna Jasiirada Labaad Ee Ugu Weyn “Nation Island Caribbean” 23- Grenada -Grenadines. — Grenada oo Dal Kamida Caribeanka iyo Grenadines,oo iyaduna Kamida Jasiiradaha Sil-siladaha ah’ ee Caribbeanka 24- Colombia- Cambodia. — Colombia Oo Ku taal Koonfurta Amrica iyo Cambodia oo ku taal koonfur bari Asia. 25- Bahamas- Bahrain. — Bahamas oo Ku taal Caribbeanka iyo Bahrain oo ku taal bariga dhexe. 26- Brunei- Burundi. — Brunei oo ku taal Jasiiradaha Bada Loo yaqaan “South China Sea” kuna Xeeran Malaysia iyo Burundi oo ku taal Bariga africa. 27- Comoros- Cameroon. — Comoros oo ku taal bariga africa iyo Cameroon oo ku taal afrikada Dhexeda. 28- Estonia – Ethiopia. — Estonia Oo kutaal waqooyiga yurub xadna la leh Bada baltic iyo Gacanka finland iyo Ethiopia oo ku taal Bariga afrika gaar ahaan geeska afrika. 29- Togo- Tonga. — Togo oo ku yaala waqooyiga Afrika iyo Tonga oo ku taala Oceania kana mida boqortooyada Polynesia. 30- Zimbabwe – Zambia -Gambia. — Zimbabwe oo ku yaal koonfurta afrika iyo Zambia oo ku taal Bariga afrika Gambia Oo ku taal Afrika. 31- Mexico -Micronesia. — Mexico Oo ku taala koonfurta america iyo Micronesia oo ku taala Oceania kana kooban kumanaan jasiiradood oo ku yaala Bada Pacific’ka. 32- Madagascar -Macedonia. — Madagascar oo ah jasiirada ugu weyn oo ee ku taala xeebta bariga afrika iyo Macedonia Oo kamida wadamada Lagu magacaabo Balkans’ka, Waxaanay dhacdaa koonfur bari yurub . 33- Lesotho – Laos. — Lesotho oo ku taal Koonfurta Afrika iyo Laos oo ku taala koonfur bari Asia. 34- Andorra – Angola. — Andorra oo ku Taala Yurub una dhexeeya spain iyo France iyo Angola ku taala afrikada dhexe. 35- Somalia- Samoa- Suriname. — Somalia oo ku taal bariga afrika gaar ahaan geeska afrika iyo Samoa oo ku taal oceania iyo suriname Dalkan oo ku yaala xeebaha Waqooyi bari Ee Koonfurta america. Waxaa Qoray Oo Diyaariyey: Fadxi Garaad Ciise. Cont: 63-4001631 facebook: Fadxi Greenford Qaran News
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in warbixintii ka soo baxday Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ay doonayeen Xildhibaano ka tirsa BFS in ay ku fushadaan dano gaar ah oo ay leeyihiin . Wasiir Beyle ayaa shaaca ka qaaday in sababta ka dambeysay Warbixintaasi uu u arko mid lagula dagaalamayay isaga, islamarkaana qaar ka mid ah Xildhibaanadu ay weydiisteen in uu u fuliyo mashruuc, sida uu hadalka u dhigay. Waxaana uu xusay in Xildhibaanada BFS aan looga baahneyn xilligan in ay ka shaqeeyaan dano gaar ah, lagana doonayo in ay eegaan danta guud ee Qaranka. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/shardi.mp3 The post Wasiir Beyle “Waxaa la’igu heystaa Mashruuc ii fuli” appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Paris)-Nin ku hubeysnaa bambo gacmeed ayaa codsaday inuu la kulmo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron xilli dalkaasi ay ka socdaan dibadbaxyo. Wuxuu codsanayay in dadka dibadbaxyada dhigayay loo ogolaado inay la kulmaan madaxweyne Macron. Ninkan ayaa lagu xiray galbeedka dalka Faransiiska xilli la arkay isagoo wato bambo gacmeed. Wuxuu qabay dharka dadka dibaxayada dalkaasi ay xirtaan, wuxuu is dhiibay saacado un badan kaddib markii booliska Faransiiska lagu wargeliyay ninkan. Dhacdadan ayaa imaaneysaa xilli tobonaan kun oo shacabka Faransiiska ah ay wadaan dibadbaxyo ay uga soo horjeedaan qiimaha shidaalka oo sare u kacay. Sida laga soo xigtay booliska maxalliga, Ninkan 45 jir ahaa wuxuu gacanta ku sitay bambo gacmeed isla markaasna codsanayay inuu madaxweynaha Faransiiska kula kulmo gurigiisa. Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionNinkan ayaa lagu xiray goob baabur la dhigto oo la yiraahdo ‘Angers’ Wuxuuna qeyb ka ahaa dadka mudaaharaadayay ee ka careysan qiimaha shidaalka dalkaasi. Ninka ayaa markii hore wakhti badan la qaatay dibadbaxyaasha kuwaaso ku kulmay agagaarka xarunta laga dukaameysto ee Espace Anjou, sida ay saraakiil ay u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP. Bernard Gonzalez oo ah sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in waxyaabaha qarxa ee ninkan uu gacanta ku sitay ay hadda baarayaan khuburrada bambaanooyinka isla markaasna uu yahay mid aanan ‘been abuur aheyn’. Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionDibadbaxyada oo ku baahay Faransiiska Wakaaladda wararka Reuters ayaa ku warrantay in dad ka badan 30,000 la filayo maanta inay ka qeyb qaataan dibadaxyada Faransiiska ka socda gaar ahaan magaalada Paris. Waxaana boolis gaaraya 3,000 loo daabulay gudaha magaalada caasimadda ah oo kaliya ah si ay uga hortaggaan dibadbaxyaasha. Source
-
Kampala ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo maanta kullan ku yeeshay madaxtooyada Uganda ayaa waxay kaga wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan labada dal iyo guud ahaan gobolka. BAYAANKA WADAJIRKA AH EE MUNAASABADDA BOOQASHADA MADAXWEYNAHA JFS EE UGANDA ayaa sidan u qornaa:- 1.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa booqasho rasmi ah oo hal maalin ku tagay Jamhuuriyadda Uganda 24-kii Nofeembar, 2018, kaddib markii uu martiqaad ka helay Mudane Yoweri Kaguta Museveni, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda. Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo waxaa Qasriga Dowladda ee Entebbe ku qaabilay Mudane Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni. 2. Labada Madaxweyne soo dhoweyn diiran kaddib, waxay wada hadal rasmi ah ku yesheen Aqalka Madaxtooyada Entebbe, oo ay uga wada hadleen arrimo badan oo Khuseeya labada dal, gobolka iyo waliba guud ahaan arrimaha caalamka. 3. Labada Madaxweyne waxay qireen xiriirka saaxiibtinimo ee joogtada ah iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal, kuwaas oo ay ballanqaadeen inay xoojiyaan. Si gaar ah waxay isla eegeen dhinacyada iskaashi, gaar ahaan nabadda, amniga, waxbarashada, ganacsiga iyo maalgashiga 4. Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo waxa uu xaaladda Soomaaliya uga warbixiyey Mudane Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni. Waxa uu xusay in xaaladda amni ay si xoog leh uga soo raysay marka laga yimaaddo hawlgallada Alshabaab ee Koonfurta, khilaaf sokeeye oo marar dhaca, dacaayadaha aan salka laheyn iyo waxyaabaha kale ee nabadda carqaladeeya. 5. Waxa uu bogaadiyey iskaashiga dhinaca Difaaca ee xaaladda kala guurka ah, iyo taageerada ay AMISOM fidiso inta lagu jiro xilliga kala guurka ah. Waxa uu xusay horumarka wanaagsan ee laga gaaray arrimaha Itoobiya iyo Eriteriya, iyada oo loo marayo Heshiiska saddex-geesoodka ahaa. Wuxuu ku adkeeyay wada shaqayntu in ay fududeyneyso xallinta khilaafaadka siyaasadeed iyo joojinta Khilaafka gobolka iyo sidoo kale kor u qaadidda dhaqaalaha saddexda waddan, gaar ahaan Soomaaliya, iyada oo la eegayo goobta istaraatiijiga ah eey ku taalo. 6. Madaxweyne Museveni ayaa ammaanay Heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee September 2018 ay wada gaareen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eriteria Isaias Afwerki iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, isagoona xusay in arrintan ay ahayd tallaabo loo qaaday jihada saxda ah ee xaqiijinta nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada gobolka. 7. Madaxweye Museveni ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Mudane Madaxweyne Isaias Afwerki, iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, ku bogaadiyey in ay wakhtigii loogu talagalay ku dhammaystireen heshiiska saddex-geesoodka ahaa ee bishii Sebteembar, 2018; isaga oo xusay in ay tani ahayd tallaabo loo qaaday jihada saxda ah ee sugidda amniga, xasilloonida iyo barwaaqada gobolka. 8. Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni waxa uu Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uga mahadceliyey aqbalaadda martiqaad sharafeedka uu u fidiyey iyo wadahadalladii miradhalka ahaa ee ay yeesheen. Intaas kaddibna waxa uu wafdiga Soomaaliyeed ku casuumey qado, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay ka bogtaan quruxda Uganda inta aanay safrin. 9. Dhankiisana, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa muujiyay mahadcelin iyo qaddarinta uu u hayo Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni, dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Uganda ee ku aaddan soo dhoweynta iyo marti soorka diirran ee loo soo sameeyay isaga iyo wafdigiisa. Bayaankan waxaa lagu qoray Qasriga Dowladda ee Entebbe, 24-ka bishan Nofeembar, 2018. The post Madaxweynaha JFS Oo la kulmay dhiggiisa Uganda appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-251118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Puntland waxaa ka socota diyaar garowgii ugu dambeeyey ee ku aadan doorashada madaxweyne oo la filayo iney dhacdo horraanta sanadka 2019. Waxaa magaalada Garoowe xarunta gobolka Nugaal gaaray musharraxiin badan, waxaana kala saari doona musharraxiintan 66 mudane oo baarlamaanka ah. Odoyaasha dhaqanka ayaa dhankooda ku mashquulsan soo xulidda xildhibaannada baarlamaanka Puntland, iyadoo arrimo badan laga eegi doono mudanayaasha la keenayo. Siyaasiyiin iyo aqoonyahanno ayaa ka hadlay nooca madaxweyne ee xilligan u baahan tahay Puntland. Wariyaheena Cawil ayaa warbixintan hoose soo diyaariyey (Dhageyso) https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Warbixinta-Shacabka-Puntland-Madaxwayne-noocee-Caynkee-ah-24-11-2018-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ku wajahan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. Farmaajo ayaa lagu wadaa in Nairobi uu kula kulmo dhigiisa dalkaasi Kenya Uhuru Kenyatta oo casuumaad u fidiyay madaxweyne Farmaajo. Kenyatta iyo Farmaajo ayaa lagu wadaa in ay kawada hadlaan xaaladaha dalka Soomaaliya iyo la dagaalanka Al-Shabaab maadaama Kenya ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa socdaalo ku maraya qaar kamid ah wadamada caalamka isaga oo maalmihii la soo dhaafay tagay wadamada Talyaaniga, Turkiga , Uganda haddana ku wajahan dalka Kenya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Nairobi appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xubnaha guddiga maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay inay wali wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ka sugayaan jawaab cad oo ku saabsan qoraalkii ay soo saareen. Xildhibaan Cabdi Xakiin Cali, oo kamid ah xubnaha guddiga maaliyadda baarlamaanka ayaa ku eedeeyay xukuumadda Soomaaliya inay faragelin ku heyso arrimaha baarlamaanka, islamarkaana laga dheehan karay sida shalay guddoonka baarlamaanka u hadlayay. Wuxuu sheegay in guddigooda wali uu sugayo Jawaab cad oo ku saabsan eedeynta ay soo saareen ee ku aadan sida loo musuq maasuqay dhaqaalo loogu talo galay ummada Soomaaliyeed. Xildhibaanka ayaa sheegay inay wasaaradda ka doonayaan inay qoraal ahaan kaga soo jawaabto eedeynta loo jeediyay oo aysan aqbaleynin waxii shalay ka dhacay gudaha xarunta golaha shacabka. “Baarlamaanka ayay sida laga yeelayo u taalaa, guddiga wuxuu soo diyaarin karaa sidey wax u jiraan, laakiin gacansiin waxaa looga baahan yahay barlamaanka” “Waxaa meesha ka cad in xukuumadda fara gelineyso, siday maanta u hadlayeen markaad aragto, Wasaaradu waa inay qoraal uga soo jawaabto, ileen waxaa xisaab waxaan dooneyno”Ayuu yiri xildhibanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xaalad deganaanshiyo ah ayaa laga dareemayaa deegaannadii shalay ay ku dagaallameen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab. Deegaanka Ilbaq oo hoostaga degmada Balcad, Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ka dhacay dagaalka xooggiisa, halkaasi oo jidka loogu galay ciidan ka tirsan dowladda federaalka ah. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in xaaladda ay si caadi ah kusoo noqotay, islamarkaana isku socodka gaadiidka uu yahay mid caadi ah. Askar ka tirsan xoogga dalka ayaa dagaalladii shalay dhacay kadib halkaasi gaaray, waxaana ay sameeyeen howlgallo aan la shaacin cidda lagu soo qabtay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/XAALADA-DEEGAANKA-ILBAQ-OO-DAGAN-MAANTA-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa howlgalo xalay ka sameeyay degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho. howlgaladaan oo ahaa kuwo balaaran ayeey ciidamada amaanka ay ka sameeyeen xaafadaha degmada Hodan ee Muqdisho. Ciidamada ayaa baarayay guryaha iyo gaadiidka iyo sidoo kale dadka lugeeynayay ee ku socdaalayay degmadaasi Hodan ee Muqdisho. Inta howlgalka uu socday ayaa ciidamada waxaa ay ku soo qabteen dad aad u farabadan kuwaasi oo u badan dhalinyaro looga shakisanyahay in ay ka tirsanyihiin Al-Shabaab. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca falal amni daro oo isugu jiro dilal qorsheeysan iyo qaraxyo ay geeystaan Al-Shabaab. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ciidamada Booliska oo howlgalo ka sameeyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, qeybta 27-aad ayaa sheegay in meel gabagabo ah ay mareyso qorshe la doonayo in duqeyn dhanka cirka ah laga fuliyo meelaha ay Al-shabaab kaga sugan yihiin Hirshabelle. Taliyaha Qeybtan, Jeneraal Maxamuud Maxamed Calin Koronto ayaa isaga oo ku sugan B/weyne wuxuu sheegay in arrintan duqeynta ah ay kala hadlayaan dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti. Wuxuu sheegay in markii la isku soo raaco arrintaasi ay warbixin kula laaban doonaan dowladaha dhanka ammanka ka taageera Soomaaliya. Sidoo kale, Taliye Koronto ayaa sheegay iney ka go’an tahay in Al-shabaab laga saaro dhammaan deegaannada ay kaga sugan yihiin Hirshabelle. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Hiiraan-Taliska-27Xogga-Dallka-oo-shegay-in-aay-wadaan-qorshe-Duqeymo-ah-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Berhe Tesfay, qunsulkii hore ee Itoobiya ee Hargeysa, ayaa shaaca ka qaaday inay yihiin cadow kuwa doonaya inay xumaan kala dhexdhigaan xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland, isla markaana caddeeyey inaanu jirin wax isbedel ah oo ku yimi. Mr. Tesfay, Qunsulkii hore ee dalka Itoobiya oo xilligan ku sugan caasimada Addis Ababa, ayaa sheegay inuu marwalba sii xoojin doono xidhiidhka labada dhinac, waxaanu yidhi, “Xoojinta xidhiidhka labada dhinaca marwalba xooga ayaan saari doonaa, runtii dad cadow ah ayaa doonaya inay xumaan kala dhexdhigaan Itoobiya iyo Somaliland, xilligana xafiiskii Itoobiya ee Hargeysa waa sidii hore ayuu u shaqeeyaa” Ayuu yidhi, Mr Tesfay, isagoo raaciyey, “Xidhiidhka labada dhinac, halkuu marayo xilligan meelo ka sii horumarsan ayuu gaadhi doonaa, laakiin kuwa beenta qoraya, inay naftooda runta u sheegaan ayaa wacan” ayuu yidhi Mr Tesfay, isagoo dhaliilayey warbaahin maalmahii u dambeeyey qorayey in xidhiidhkii Itoobiya iyo Somaliland soo dhamaaday. Qunsulkii hore Itoobiya u joogay Hargeysa Mr Tesfay, oo khadka telefoonka ugu waramay weriye Maxamuud Walaaleye, oo ka tirsan wargeyska Geeska Afrika, isagoo ku sugan Addis Ababa, ayaa isweydiiyey sababta warbaahinta qaarkood wararka been-abuurka u baahiyaan, waxaanu yidhi, “Qof kastoo baahiya war been ah, waa inuu caddeyaa, hadaanu xaalad waali ah ku sugnayn,” ayuu yidhi, Mr Tesfay, isagoo daba socday qoraal usbuucii hore mareegta Somalilandsun ku baahisay in Qunsulkii hore Itoobiya u fadhiyey Hargeysa lagu xidhay Addis Ababa, halka mareegta AlleastAfrica, baahisay in Itoobiya xidhayso xafiiskooda Hargeysa. Mr Tesfay ayaa ballanqaaday inuu marar dambe socdaalo ku iman doono Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaalida danjire Nicholas Haysom, ayaa la sheegay inuu ka shaqaynayo sidii ay kulan fool-ka-fool ah u yeelan lahaayeen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Ma jiro wax war ah oo ay Hargeysa iyo Muqdisho ka soo saareen warkan, laakiin sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo xogogaal ahi, ergaygan oo dhawaan xilka kala wareegay ergaygii hore ayaa kulamo kala duwan oo uu la yeeshay Biixi iyo Farmaajo, waxa la sheegay inuu u soo bandhigay doonistiisa ah inay yeeshaan kulan toos ah si dib loogu bilaabo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee hakadka ku yimid. Laakiin lama garan karo inuu weli labada madaxweyne ku qanciyay qorshihiisa ah inay kulmaan. Sida ay xogahani sheegeen danjire Nicholas Haysom, oo ah diblomaasi khabiir ah, wuxuu doonayaa inta aanu sannadka dhammaanin inuu kulansiiyo Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, waxaanay wararkani intaas ku darayaan inay suurtogal tahay in kulanka labada madaxweyne ka dhaco dalka Koonfur Afrika oo uu danjire Nicholas Haysom dhalasho ahaan ka soo jeedo, waase haddii ay Somaliland iyo Soomaaliya isla gartaan inay wada hadalo bilaabaan. Kulankan ayaa lagu sheegay inuu noqon doono mid loogu gogol xaadhi doono inay dib u bilaabmaan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee istaagay bishii March ee sannadkan oo la filayay inay Biixi iyo Farmaajo ku kulmaan dalka Djibouti. Kulankaas Djibouti waxa hakiyay mawqifkii ay dawladda Soomaaliya ka qaadatay maalgashiga DP world ee dekedda Berbera. Lama saadaalin karo in kulanka uu ergayga Qaramada Midoobay dhexda u xidhay qabsoomi doono iyo inuu fashilmi doono sidii kulankii hore u qorshaysnaa. Madaxweyne Biixi ayaa toddobaadkan khudbad uu ka jeediyay magaalada Burco wuxuu meel adag iska taagay wada hadal u bilaabma Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin hoggaamiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka horyimid go’aanka Madaxweyne Biixi, waxaanu sheegay inaanu Madaxweyne keligii xaq u lahayn inuu joojiyo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Kulanka ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Uganda Yuweri Musaveni. Kulankaasi oo inta badan looga hadlay xiriirka labada dal ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday isbadalka geeska Africa oo dalalka Somalia, Ethiopia iyo Eritrea ay hormuudka ka yihiin. Musaveni, ayaa shaaciyay inuu taageersan yahay isbadalka ka bilowday Geeska Africa oo hogaamiyaasha dalalka Soomaaliya Ethiopia iyo Eritrea ay bilaabeen. Madaxweyne Museveni ayaa ammaanay Heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee September 2018 ay wada gaareen Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Eriteria iyo Ra’iisal wasaaraha Ethiopia, isagoona xusay in arrintan ay ahayd tallaabo loo qaaday jihada saxda ah ee xaqiijinta nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada gobolka. Isbadalka Geeska Africa ayaa la qorsheynayaa in la balaariyo dalalka qeybta ka ah , waxaana hadda u dhow inay ku biiraan dalalka Sudan iyo Jabuuti, kadib kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa. Uganda ayaa kamid ah dalal ciidamo ay ka joogaan dalka Soomaaliya, waxaana madaxweyne Farmaajo uu dhigiisa dalka Uganda uu kala hadlay horumarinta amaan ee dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiirka maaliyadda jamhuuriyadda Federal-ka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo shalay hortagay golaha shacabka ayaa ka jawaab celiyey oo iska difaacay eeddii musuq maasuq ee loo soo jeediyey xukumadda iyo gaar ahaan wasaaradiisa. Dhammaadkii toddobaadkii hore ayey ahayd markii ay gudiga maaliyadda soo saareen warqado dhaadheer oo ay ku sheegeen in Xukumadda ay musuq dhex bartanka uga fadhido, oo ay jiran lacago ka badan 40 Milyan oo aan xisaab celintooda lagu soo darin miisaaniyada 2019. Hase ahaatee, hadal jeedintii Beyle ee shalay waxa ay ceeb wey dhex fariisiyey gudiga maaliyada ee soo eedeeyey. QODOBADDII UU BEYLO KA HADLAY Wasiirka maaliyadda waxa uu ka hadlay oo wali so qotodheer u qaadaa dhigay saddex qodob oo tiir dhexaad u ahaa dooddii gudiga maaliyadda waxa ayna kala ahaayeen; 1 – Lacagtii Sucuudiga 2 – Lacag Imaaraad 2 – Lacagtii laga soo uruuriyey shaqaalaha Qodobka kowaad, Dhaqaalihii ka soo uruurayey dadka shaqaalaha oo hoos u dhacay Wasiir Beyle waxa uu ku nuux nuuxsaday qodobkii ku saabsanaa lacagtii laga soo uruuriyey shaqaalaha rayid-ka ah ee canshuur ahaan ugu soo aaday oo ay gudiga sheegeen in uu hoos u dhacay. Beyle waxa uu sheegay in tilmaanta (Benchmark) mudddo sideed bilood ah la siiyey ayaa lagu rabay 3230 00 (Saddex milyan iyo laba boqol iyo sodon Kun) balse ay soo saareen 3,700,000 (Saddex milyan iyo todobo boqol oo Kun). Beyle waxa uu sidoo kale caddeeyey in arintan ay wax ka ogaadeen Bangiga Aduunka iyo hay’adda lacagta aduunka oo waliba ku bogaadiyey dowladda tallaabadaas. Halkaa waxaa ku cad, in gudiga maaliyadda baarlamaanka ay gebi’ahaaba ka hoos baxday oo aysan xogtoodu ahayn mid xaqiiqda salka ku haysay kana muuqatay fideed. Qodobadka labaad, Lacag laga sugayey Imaaraadka! Warqadda ay soo saareen gudiga maaliyadda waxaa ku qorneyd in ay jireen lacago laga sugayey Imaaraadka balse aysan wasaaradda maaliyadda meel ku sheegin balse Beyle oo u muuqday mid yaaban ayaa sheegay in aysan jirin wax lacag ah oo ka soo gaartay Imaaradka gebi’ahaanba. Beyle waxa uu ka dalbaday in cidda meel k sheegi kartaa in Imaaraadku lacag keenay ay isaga iyo bulshada Soomaaliyeed la wadaagaan! Qodobka ka saddexaad iyo lacagtii 50-ka Milyan ahayd ee Sucuudigi ku deeqay Gudiga Maaliyadda ee soo eedeeyey Beyle waxa ay sheegeen in 50-kii Milyan ee ay Sucuudigu soo siiyeen Soomaaliya ku dhacday Bangiga Dhexe oo 20 milyan oo ka mid ah la’lahay. Hase ahaatee, Beyle in uu ka jawaabo su’aashaas iyo eeddaas aad ayey ugu fududeyd, waxa uuna uga nixiyey gudigi soo qoray warqadda In marka horeba xogta ka qaldan tahay oo lacagta si toos ah loogu shubay Bangi ku yaal dalka Turkiga oo laga maamulo! Taas waxa ay ceeb ku noqotay gudiga baarlamaanka ee maaliyadda oo bulshada u soo bandhigay xog aan la soo shaadheyn oo hadda u muuqatay mid laab lakac lagu soo dhoodhoobay. Yeelkeede, sida uu Beyle sheegay wax ay guud ahaan dhabar jab ku noqotay warqadahaas bulshada iyo warbaahinta lala wadaagay dadaalkii uu dalka ugu jiray sidii deynta looga cafin lahaa. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaalkii dhawaan ka goostay Somaliland Siciid Cawil Jaamac oo loo yaqaano Korneel Caare, ayaa ku hanjabay inuu dhawaan weerari doono magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. Isaga oo warbaahinta la hadlayay ayuu sheegay in weerarka uu ku qaadayo magaalada Hargeysa inuu ku beegsan doono masuuliyiinta maamulka Somaliland gaar ahaan golaha wasiirada. Korneyl Caare, ayaa sheegay inay garanayaan seddexda meelood ee laga weeraro magaalada Hargeysa, isaga oo sheegay in ciidamo taabacsan jabhadiisa inay ku sugan yihiin bartamaha magaalada Hargeysa. Sarkaalkaas ayaa la aaminsan yahay inay Puntland taageersan tahay, waxaana markii uu ka goostay Somaliland uu fariisin ka sameystay Magaalada Qarsho duleedkeeda, iyada oo ay siweyn u soo dhaweeyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland. “Maska madaxa ayaa laga dilaa, waan weerareynaa magaalada Hargeysa waxaana beegsan doonaa dadka masuuliyiinta ah ee duminaya qaranka, jabhaddu ciidamadeeda meelo badan ayay joogaan”ayuu yiri Korneyl Caare. Somaliland oo nabad aheyd 20 kii sano ee ugu dambeeyay ayaa hadda dareemeysa cid ku carqaladeyn karta amaanka magaalooyinka, haddii aan xal laga gaarin saraakiisha careysan ee kagoostay Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa sheegatay inay door ku laheyd guulaha amaan ee dalka Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta ee Jooga dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007. Dowladda Masar ayaa sheegtay in Kaalin muhiim ah oo waxqabad muuqda ka dhalatay ay ka qaadatay Nabad ilaalinta Dalal Soomaaliya ay kamid tahay oo ay joogaan Ciidamadeeda, sida lagu sheegay warbixinta. Wargeyska AlFajar oo ah wargeys todobaadle ah oo kasoo baxa magaalada Qaahira ee daka Masar ayaa shaaciyay xog uruurin ay ka sameeyeen Ciidamada Masaarida iyo habka ay ugu howlgalaan Nabad ilaalinta. Dowladda Masar waxay sheegtay in ciidamadeeda ay tageen dalalka saxaraha ka hooseeya iyo kuwa Qaarada Africa, iyaga oo hoos tagaya howlgalka Nabad ilaalinta Qaramada Midoobay. Dowladda Masar ayaa sheegtay in ciidamadooda aysan marnaba joojin dadaaladooda nabad ilaalinta ah ee ay ka sameeyeen dalal Soomaaliya ay ku jirto. Masar waxya sheegtay in ciidamadeeda ay tageen gobolka Daarfuur, Somalia, Jaziiradda Comoros, Ivory Coast, Angola, Mozambique, Liberia, Burundi, Rwanda iyo Dalka Bosnia and Herzegovina oo ay ka tageen Caasimadda Sarajevo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa weeraro Joogto ah ka fuliyay bilihii ugu dambeeyay wadada isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Weerarkii ugu dambeeyay ayaa shalay ka dhacay agagaarka deegaanka Qalimow ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo wadada loo galay gaadiid ay la socdeen ciidamo ka yimid dhanka degmada Jowhar. Kororka Awooda Al-Shabaab ee deegaanada u dhaxeeya Balcad iyo Jowhar ayaa la sheegayaa inay u sabab tahay deegaano ku dhow degmooyinkaasi oo Al-Shabaab ay ku xoogan yihiin, iyadoo aan halkaasi lagu weerarin. Waxaa sidoo kale la sheegaa inay sabab u tahay isticmaalka wadadaasi ee madaxda Hirshabeelle oo aad u badan, taasi oo caqabad ku noqon doonta masuuliyiinta Hirshabeelle, maadaama muddooyinkaan ay halis noqotay ku safridda wadadaasi. Warar kale ayaa sheegaya in gaadiidka Dadweynaha aan la gaarsiin wax dhibaato ah, iyadoo la baaro dadka saaran, waxaana laga qaadaa Canshuur, sida darawalada qaar ay sheegeen. Haddii xaaladda wadadaasi sidaa ku socoto waxaa halis isku socodka gaadiidka magaalooyinka Muqdisho iyo jowhar, iyadoo qorshaha uu yahay in dhawaan halkaasi dhismo lagu bilaabo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada xooga dalka ayaa bilaabay inay safaro ku tagaan gobolada dalka Soomaaliya iyaga oo doonaya inay hergeliyaan nidaam ciidamada ay yeeshaan. Abaanduulaha ciidamada xooga dalka General Odowaa Yuusuf Raage ayaa ku sugan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo uu doonayo inuu ka sameeyo nidaam ciidamada xooga ay mushaaraadkooda ku qaataan. Gobolka Hiiraan waxaa ka howlgala Guutada Shanaad ee ciidamada xooga dalka, waxaana magaalada Beledweyne saraakiisha Guutadaasi kula kulmay abaanduulaha ciidamada xooga dalka. Ujeedada koowaad ee ay saraakiisha ciidamada u tageen magaalada Beledweyne ayaa ah tirakoob lagu sameeyo Ciidanka Xoogga dalka si akoono ugu qaataan mushaarkooda iyo waliba awooda ciidanka. Sidoo kale Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay doonayaan inay ogaadaan tirada saxda ah ee ciidamada ku sugan gobolka Hiiraan si loogu joogteeyo ciidamada mushaarkooda. Taliska Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay ka go’an tahay fulinta amarkii madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in laga wada shaqeeyo taakuleynta iyo dhiira gelinta Ciidamada Xoogga dalka ee dagaalka kula jira Dagaalamayaasha Al-shabaab. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
1.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa booqasho rasmi ah oo hal maalin ku tagay Jamhuuriyadda Uganda 24-kii Nofeembar, 2018, kaddib markii uu martiqaad ka helay Mudane Yoweri Kaguta Museveni, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda. Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo waxaa Qasriga Dowladda ee Entebbe ku qaabilay Mudane Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni. 2.Labada Madaxweyne soo dhoweyn diiran kaddib, waxay wada hadal rasmi ah ku yesheen Aqalka Madaxtooyada Entebbe, oo ay uga wada hadleen arrimo badan oo Khuseeya labada dal, gobolka iyo waliba guud ahaan arrimaha caalamka. 3.Labada Madaxweyne waxay qireen xiriirka saaxiibtinimo ee joogtada ah iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal, kuwaas oo ay ballanqaadeen inay xoojiyaan. Si gaar ah waxay isla eegeen dhinacyada iskaashi, gaar ahaan nabadda, amniga, waxbarashada, ganacsiga iyo maalgashiga. 4.Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo waxa uu xaaladda Soomaaliya uga warbixiyey Mudane Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni. Waxa uu xusay in xaaladda amni ay si xoog leh uga soo raysay marka laga yimaaddo hawlgallada Alshabaab ee Koonfurta, khilaaf sokeeye oo marar dhaca, dacaayadaha aan salka laheyn iyo waxyaabaha kale ee nabadda carqaladeeya. 5.Waxa uu bogaadiyey iskaashiga dhinaca Difaaca ee xaaladda kala guurka ah, iyo taageerada ay AMISOM fidiso inta lagu jiro xilliga kala guurka ah. Waxa uu xusay horumarka wanaagsan ee laga gaaray arrimaha Itoobiya iyo Eriteriya, iyada oo loo marayo Heshiiska saddex-geesoodka ahaa. Wuxuu ku adkeeyay wada shaqayntu in ay fududeyneyso xallinta khilaafaadka siyaasadeed iyo joojinta Khilaafka gobolka iyo sidoo kale kor u qaadidda dhaqaalaha saddexda waddan, gaar ahaan Soomaaliya, iyada oo la eegayo goobta istaraatiijiga ah eey ku taalo. 6.Madaxweyne Museveni ayaa ammaanay Heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee September 2018 ay wada gaareen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eriteria Isaias Afwerki iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, isagoona xusay in arrintan ay ahayd tallaabo loo qaaday jihada saxda ah ee xaqiijinta nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada gobolka. 7.Madaxweye Museveni ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Mudane Madaxweyne Isaias Afwerki, iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, ku bogaadiyey in ay wakhtigii loogu talagalay ku dhammaystireen heshiiska saddex-geesoodka ahaa ee bishii Sebteembar, 2018; isaga oo xusay in ay tani ahayd tallaabo loo qaaday jihada saxda ah ee sugidda amniga, xasilloonida iyo barwaaqada gobolka. 8.Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni waxa uu Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uga mahadceliyey aqbalaadda martiqaad sharafeedka uu u fidiyey iyo wadahadalladii miradhalka ahaa ee ay yeesheen. Intaas kaddibna waxa uu wafdiga Soomaaliyeed ku casuumey qado, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay ka bogtaan quruxda Uganda inta aanay safrin. 9.Dhankiisana, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa muujiyay mahadcelin iyo qaddarinta uu u hayo Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni, dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Uganda ee ku aaddan soo dhoweynta iyo marti soorka diirran ee loo soo sameeyay isaga iyo wafdigiisa. Bayaankan waxaa lagu qoray Qasriga Dowladda ee Entebbe, 24-ka bishan Nofeembar, 2018. PUNTLAND POST The post AKHRISO: Maxey kawada hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Yoweri Museveni appeared first on Puntland Post.
-
Malmö(Sh M Network) – Wadi uu hogaaminaayo Wasiirka Waxbarashada DFS Mudane Cabdullahi Goodax Barre oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Jaamacada Umadda Soomaaliyeed Prof. Axmed Maxamed Jimcaale iyo Hormuudka Kulliyada Waxbarashada iyo Culuunta Bulshada Drs. Fowsiyo Cabdiraxmaan Warsame oo Maalmahan ku sugnaa Dalka Sweden ayaa kulan balaaran la qaatay Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Malmö ee Dalka Sweden, Kulankaa oo ay soo qabanqaabiyeen Midowga Urarada Soomaalida ee loo yaqaan Allians Förbund. Wasiirka Waxbarashada oo halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey Horumarka ay ku talaabsatay Dawladda FS gaar ahaan dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha Caafimaadka iyo Waxbarshada wuxuuna tilmaamay in hawlo kale oo badan ay Dawladda FS ay ku talo jirto sidii ay wax uga qaban lahayd. Cabdullahi Goodax Barre waxa uu dhinaca kale ka daldabaday Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Malmö inay ka qaybqaataan Horumarinta Dalka gaar ahaan Maalgashiga oo uu sheegay in Xukuumada uu ka tirsan yhay ay diyaar u tahay dhiirigelinta Qurbo joogta doonaysa inay maalgelin ku sameeyaan Dalka, wuxuuna ku booriyey inay u midoobaan sidii dalka looga saari lahaa marxaladda uu haatan ku jiro loona sii gudbo mid ka sii wanaagsan. Dhinaca kale waxaa iyagana halkaasi ka hadlay dad kala duwan oo matalayey qaybaha Bulshada waxa ayna taageero u muujiyeen sida ay u garab taagan yihiin Dawladda FS, waxa ay sidoo kale muujiyeen inay diyaar u yihiin sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen dib u dhiska iyo Horumarinta Dalka. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Mubaarak Cabdiraxmaan oo ka mid ah Golaha Deegaanka ee Aqalka Hoose Magaalada Malmö iyo Cabdulqaadir Future oo ka mid ah Maamulka Gobolka Skåne ayaal abadooduba waxa ay si guud uga warbixiyeen Marxaladaha ay ku sugan yihiin Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada isagu uu metelo. Masuuliyiin ka tirsan Dallada Ururada Soomaalida ee loo yaqaan Allians Förbund ayaa faahfaahin ka bixiyey waxqabadka Dallada waxa ayna xuseen in dalladu ay ka shaqayso Dhiirigelinta Waxbarashada, is dhexgalka iyo Horumarinta bulshada, shaqo abuurista, ka hortaga Maandooriyaha, iyo Wacyigelinta Amniga. Dallada Allians Förbund ayaa waxa ay la shaqaysaa Hayadda loo yaqaan NBV oo ka mid ah 10 Hayadood ee Dalka Sweden ee ka shaqeeya Waxbarashada Bulshada ee aan iskuulada ahayn. Kulankaasina waxa uu ku soo gebageboobay si heer sare ah. Daawo Sawirada. The post Wasiirka Waxbarashada ee DFS oo kulan Ballaaran La yeeshay Jaaliyada Malmö ee Dalka Sweden (Sawiro) appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargaysa) Madaxweynihii hore ee dalak Zimbabwe Robert Mugabe oo 94 sano jir ah ayaa la sheegay in xaalad caafimaad darro ay soo wajahday isagoo gabay socodka. Hoggaamiyaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa meel fagaare ah ka sheegay maanta in xaalada caafimaad ee Mugabe aysan wanaagsanayn muddo labo bilood ahna lagu daweynayo isbitaal ku yaal dalka Singapore. “Dabcan isagu hadda waa oday da’ ah, ma awoodo inuu socdo laakiin wax walba oo uu na weydiisto aan siineynaa.”ayuu Mnangagwa ugu sheegay boqolaal ka mid ah taageerayaashiisa magaalada Zvimba oo ah oo `100km galbeed ka xigta caasimada Harare ahna halka uu ka soo jeedo Mugabe. “Waan xanaaneyneynaa aabihii aasaasay Zimbabwida Xorta ah.”ayuu sii raaciyay Mnangagwa. Hase yeeshee Madaxweynaha Zimbabwe ayaan faahfaahin dheeraad ah ka bixin xaalada caafimaad ee Mugabe kaasoo xukumayay wadanka Zimbabwe muddo ku dhow afartan sano laga soo bilaabo sanadkii 1980kii. Mugabe ayaa la filayay in horaanta bishii hore ee Oktobar uu ka soo laabto dalka Singapore hase yeeshee xaalad caafimaad awgii ayaa loo baahday inuu sii joogo bil kale sida uu sheegay Mnangagwa. Hase yeeshee waxaa la filayaa in dhamaadka bishan November uu dib ugu soo laabto dalkiisa. Bishan ayaa waxa ay ku beegan tahay sanadguuradii koowaad markii Mugabe uu iska casilay xilka madaxtinimo kadib markii Milatarigu uu farogelin ku sameeyay maamulka dalkaas. Bishii July ee sanadkan ayaa doorasho ka dhacday dalka Zimbabwe waxaa si dirqi ah ugu guuleystey Madaxweynaha 75jirka ah ee haatan hogaanka haya Mnangagwa. Source