-
Content Count
213,511 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dad badan ayaa kurma arrinta, in badana waxbaa la I waydiiyay su’aashan markaa bal aan isku dayo inaan si kooban uga hadlo dhaqaalaha Somaliland 10kii sano ee aynu soo dhaafnay (2008 – 2018). Koboca dhaqaalaha (economic growth) waxa lagu ogaadaa dhawr arrimood: 1.Wax iibsiga macmiisha. 2.Adeegyada bulshada. 3.Shaqo abuurka. 4.Miisaaniyada dawlada. 5.Maalgashiga Iwm. Dhaqaalaheenu waa mid inagu kooban inaga oo aan waafaqsanayn qaar ka mid farsamooyinka caalamka lagu ogaado koboca dhaqaalaha. Tusaale, ma jirto xogo sheegaya awooda wax iibsiga macmiisha (consumer spending). Sidoo kale ma jirto xogo rasmi ah oo qeexaya dakhliga iyo wax soo saarka dalka (GDP and per capita output). Mida kale ma jirto xog dhab ah oo ku salaysan qiyaasta sicir bararka (inflation rate) iyo dulsaarka bangiyadu bixiyaan (interest rates) marka laga saaro macluumaad aan hufnayn oo ay soo ururiyaan Wasaaradaha Ganacsiga, Maaliyada iyo Qorshayntu. Waxa kale oo aan iyana la haynin dheelli-tirka ganacsiga aynu is dhaafsano waddamada kale (trade balance) sida Itoobiya oo ah waddanka inaga hela dakhliga ugu wayn isla markaana inaga qaata lacagta ugu badan ee adag ee dalkeena ka dhoofta (flight of hard currency) kuna baxda: Qaadka, Khudrada, Jaamacadaha, Sibidhka, Xoolaha iwm. Waxa lagu qiyaasaa lacagta Itoobiya sannadkii inaga qaado ilaa $670 Malyuun. Hadaba hadii aynu ku soo noqono su’aasha ah dhaqaalaha Somaliland ma koray 10kii sano ee aynu soo dhaafnay? Jawaabtu waa haa in kasta oo ay adagtay in qiyaas dhab ah lagu sugo arrintan, hadana waxa loo malaynayaa inuu dhaqaalaheenu kobcay mudadaa aynu soo sheegnay guud ahaan inta u dhaxaysa 6% ilaa 9% sannadkiiba. 1.WAX IIBSIGA MACMIISHA (CONSUMER SPENDING). Waxa aan shaki ku jirin in uu wax iibsiga macmiishu xoog u kordhay 10 sano ee la soo dhaafay sida ka muuqata arrimaha hoos ku qoran: u- Waxay macmiishu dhisatay guryo tiro badan oo keenay inay magaalooyinku u fidaan dhinac kasta. Waxa lagu qiyaasaa inay magaalooyinka dalku 35% fideen. – Waxa la dhistay rugo ganacsi oo waawayn (shopping malls) oo laga dukaansado. – Toban sano ka hor gaadidka dalka jooga tiradiisu wuxu ahaa 36,000. Maantana waxay kor u dhaafeen 100,000 taa micnaheedu waxa weeye tirada gaadiidku waxay korodhay 277%. 2.WAX IIBSIGA ADEEGYADA (SERVICES SECTOR). Maadaama dhaqaalaha dalku kobcayay waxay bulshadu awood u heshay inay iibsato adeegyo tiro badan sida ku xusan halkan: – Waxa dalka ka jira in ka badan 6 shirkadood oo diyaaradaha ah oo duulimaadyo kala duwan sameeya, halka ay 2008 kii jireen 2 diyaaradood, waxana kordhay ilaa 300%. – Waxa dalkan laga hirgeliyay in ka badan 15 hudheel oo waawayn iyo meherado kale ayaa la furay. 2008 kii waxa ka jiray dalka ilaa 5 oo waawayn, waxan kordhay ilaa 300%. – Waxa dalka laga furay in ka badan ilaa 13 rugo caafimaad ama dhakhtar iyo xarumo caafimaad oo waawayn, halka 2008 kii ay jireen 4 rugo caafimaad waxana kordhay 325%. – Dhinaca waxbarashada waxa ku dhacay koboc wayn taas oo keentay in ilaa 19 Jaamacadadood oo cusub laga furay iyo weliba dugsiyo tiro badan, halka 2008 kii ay jireen 7 Jaamacadood, waxana kordhay 271%. – Dhinaca adeega Isgaadhsiinta, maanta waxa telefoon haysta dad ka badan 920,000 oo qof halka 2008 lagu qiyaasi jiray ilaa 160,000. Waxa ku kordhay 575%. – Dhinaca Bangiyada 2008 dalka kama ay jirin wax bangiyo ah oo gaar loo leeyahay, maanatana waxa ka jira ilaa 4 Bangi. 3.SHAQO ABUURKA (EMPLOYMENT SECTOR). Shaqo abuurka iyo shaqaalayntu waa astaamaha lagu garto inuu dhaqaalaha dal uu kobcay iyo in kale, waxana loo qaybiyaa shaqaalaha dawliga ah (public sector employees) iyo kuwa gaarka ah (private sector employees). Koboca dhaqaalaha dalku 10 kii sano ee la soo dhaafay wuxu keenay in labada dhinacba ay kordhaan shaqaalaha loo qaatay: – Dhinaca dawlada tirada shaqaalahu (marka laga reebo ciidamada) wuxu ahaa ilaa 6,800 maantana waa 14,000 taas oo micnaheedu yahay waxa ku kordhay 205%. – Dhinaca private ka ma jirto tiro sugani lakin waxa lagu qiyaasaa inuu xoog u kordhay marka la eego inta ganacsi ee furmay mudadaa 10 sano ah. 4.MIISAANIYADA DAWALADA (GOVERNMENT BUDGET). Miisaaniyada ay dawladu isticmaashaa waa astaan kale oo lagu garto dhaqaalaha sida uu u kobcayo, tani waxay ku dhisantahay dakhliga dawlada oo la kordhaysa dhaqaalaha. Hadii aanu dhaqaaluhu kobcayn waxay ku kelifaysaa dawladu si ay miisaaniyad u hesho inay kordhiso cashuurta. – Hadii aynu eegno 10 sano ka hor miisaaniyada dawladu waxay ahayd $42 Malyuun oo doolar, maantana waxa lagu qiyaasaa inay tahay $360 Malyuun. Taa micnaheedu waxa weeyey waxa ku kordhay ilaa 857%. 5.MAALGASHIGA (INVESTMENT). Maalgashigu wuxu ka mid yahay waxyaalaha lagu ogaado korodhka iyo koboca dhaqaalaha. Somaliland waxa 10 kii sano ee la soo dhaafay ka dhacay maalgashi ballaadhan oo ay shirkado gudaha ah, kuwo debeda ah iyo hay’ado caalami ahi ku sameeyeen, waxana ka mid ah kuwan: – Coca Cola: $17 Malyuun. – DAI (USAID): $33 Malyuun. – SBF (World Bank): $23 Malyuun. – SDF (Multi-donor): $65 Malyuun. – Kuwait: $14 Malyuun. – GIZ/KFW: $63 Malyuun. – UAE: $92 Malyuun – Intan waxa soo raaca dhaqaale badan oo dalka soo geliyaan hay’ado ay ka mid yihiin DFID, NRC, DRC, ARC, UNDP, UNICEF Iwm. DP World: weli lacagtii maalgashiga ahayd ee ay ku ballanqaaday may gelin dalka. Waxa muhiim ah in la xuso $442 Malyuun ee la sheego DP World ma wada gelinayso dalka. Waxay gelinaysaa $225 Malyuun (51%). Labada saami ee kala waxa kala leh Somaliland ($132 Malyuun 30% oo loogu qiimeeyay dekedii disnayd) iyo Itoobiya ($83 Malyuun 19%), ilaa iminka lama garanayo Itoobiya wakhtiga ee keenayso saamigeeda iyo sifaha ay u bixinayso lacagta. Si kasataba ha ahaatee waxa aan shaki ku jirin inuu dhalaaha dalku si wayn u kobcay 10 kii sano ee aynu soo dhaafnay marka lagu eego indho dhaqaale yahan. Waxase aanu shaki ku jirin in la kala tegay oo ay dadka wax haystaa sii xoogaysteen kuwii aan wax haysanina aanay wax badani u kordhin, waana arrin loo baahanyahay inay xukuumadu fiiro gaar ah u yeelato. Sababta oo ah hadii xeedhada gacanta la wada gelin oo kobaca dhaqaalaha ay in gaar ahi dareento waa waxyaalaha keena kacdoonka iyo burburka. CARQALADAHA MUSTAQBALKA In kasta oo uu sida aynu sheegnay dhaqaalaha dalku sameeyay koboc ballaadhan hadana waxa jira carqalado loo baahanyahay in wax laga qabto si dhaqaalahu u sii kobco bulshaduna ka hesho waxtar noloshooda wax ka bedela. Hadaba talooyin wax lagaga qaban karo carqaladahaas ayaan soo jeedinayaa: – Cashuuraha waa in la khafiifiyaa gaar ahaan waxyaalaha daruuriga ah si ganacsatadu aanay u qaali garayn maciishada iyo agabka muhiimka ah (less tax for essential goods). – In la sameeyo sharciyada khuseeya koboca ganacsiga sida: Xeerka Maalgashiga iyo ka Maxaliga ah (domestic investment law) iyo wax ka bedelka Xeerka Maalgashiga Dibeda (foreign investment law). – In la sameeyo Xeerka Kala Xadaynta Ganacsiga (commercial code). – In La sameeyo Xeer joojinaya kootada cido gaar ah ganacsiga loogu xidhayo (anti-monopoly legislation). – In dadka la baro xirfado ay ku shaqaysan karaan (employable skills). – In la xakameeyo sicir bararka iyo hoos u dhaca lacagta dalka (tackling inflation and Somaliland Shilling depreciation). – In la furfuro dhaqaalaha oo la kaabo ganacsatada taas oo keeni doonta koboc/shaqo abuur baahsan (quantitative easing). – In la xoojiyo wax soo saarka gudaha si loo yareeyo in wax kasta la soo dejiyo (increase local production to reduce imports). – In la xoojiyo kaabayaasha dhaqaalaha sicda waddooyinka, garoomada diyaaradaha, dekedaha, laydhka iyo biyaha iwm (economic infrastructure). – Waa in xoolaha aynu dhoofino la tayeeyaa isla markaana suuq loo helaa (quality of our livestock must be improved and export markets found). – In la dagaalanka musuqa baahsan laga dhigto mudnaanta koowaad (fighting against corruption must be made number 1 priority). – In horumarka dhaqaaluhu wada gaadho gobolada dalka oo dhan (economic development must reach in all regions). – In la dardar geliyo xeerarka soo jiidanaya maalgashiga iyo ganacsiga, derejada uu Bangiga Adduunku (World Bank) siiyo ka-ganacsiga dalalka (doing business rating) oo ka kooban ilaa 183 dal wuxuu Somaliland ka dhigay dalka 176aad. Ilaahay ha ina waafajiyo talada toosan. Somaliland Guul !!! Prof. Adam Ismail (aadanweli) Facebook: aadanweli Twitter: @aadanweli Source
-
(SLT-Washington)-Mudanayaasha Kongareeska Mareykanka ee kala matala xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga ayaa isugu soo ururaya xarunta Coongareeska ee Capitol Hill. Waxay ka hadli doonaan sidii ay xal uga gaari lahaayeen hanjabaadda uu madaxweyne Trump ku hanjabay inuu hakin doono holaha qaar ka mid ah hey’adaha dowladda Federaalka dhamaadka todobaadkan. Dowladda Federaalka ayaa albaabada u laabi doonto Jimcaha qaar ka mid ah hey’adaha haya howlaha laga maarmi karo, haddii koongareeska iyo Aqalka Cad ay ku heshiin waayaan kharajka biilasha ee muddada dheer ama muddada fog. In ka badan 800,000 oo ka mid ah shaqaalaha dowladda federaalka ayaanan soo shaqa-tagi doonin ama ku shaqeyn doona gunno la’aan. Madaxweyne Trump ayaa raba in Koongareeska uu u ogolaado 5 bilyan oo doollarka Mareykanka oo uu u rabo inuu ku fangareeyo darbiga uu ballan qaaday inuu ka dhisi doono xadka Mareykanka iyo Mexico. Mudanayaasha Koongareeska ee labada xisbi ayaa isku mari la qorshaha madaxweynaha ee darbiga. Source
-
Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha Dawlada Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa iska casiley xilkii uu hayey ee wasiirka arimaha gudaha iyo Dawladaha hoose. Is-casilaadda Wasiir Timacadde ayaa kusoo aadaysa xili uu dhawaan si rasmiya u shaaciyey inuu yahay musharax u taagan Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland doorashada qorshaysan 08-Janaayo, 2019. Waa wasiirkii labaad ee katirsan xukuumadda Madaxweyne Gaas oo ku dhawaaqa inuu u sharaxan yahay jagadda madaxtweyne Ku-xigeenka, waxaa isaguna si lamida shaaciyey Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Axmed Cilmi Cismaan Karaash walow uusan isagu weli shaacin inuu iska casiley xilkii wasiirnimo ee uu hayey. PUNTLAND POST The post Wasiirka arimaha gudaha Puntland oo is-casiley appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Baydhabo)-Doorashada Koofur Galbeed ee muranka iyo xiisadaha siyaasadeed dhalisay ayaa maanta la filayaa inay dhacdo, iyadoo tan iyo xalay ay magaalada Baydhabo ka socotay diyaar garowga doorashada iyo olole xooggan oo ay wadeen Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha. Sida wararku sheegayaan ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa ka qeyb qaadanaya sugida amniga. Ciidamada Itoobiya ayaa gebi ahaanba la wareegay ammaanka daafaha magaalada iyo afarta jiho ee laga soo galo, iyadoo shalay la arkayay ciidamada oo xerooyinka ka soo baxay oo dhex lugeynaya gudaha magaalada. Magaalada Baydhabo ayaa saaka ku jirta jawi ka duwan sidii hore, xaafadaha iyo waddooyinka ayaa ciidamo ku sugan yihiin, iyadoo magaalada wax dhaqaaq ah ka jirin sida gaadiidka. Ammaanka Xarunta Madaxtooyada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la soo sheegayo in illaa afar goobood oo baaritaan ah la dhigay halka loo aado Madaxtooyada. Illaa shan musharax ayaa ku tartamata doorashada muranka badan ka taagan ee Koofur Galbeed, Musharaxa ugu cad cad ee dowladda taageereyso lana filayo inuu ku soo baxo doorashada waa C/casiis Lafta Gareen, sidoo kale Musharaxiinta kale ayaa kala ah Ibraahim Macalin Nuur, Aadan Saransoor, Xuseen Cusmaan Xuseen iyo Amb. Sayid Axmed. Mukhtaar Roobow oo horay loo siiyay shahaadada Musharaxnimo ayaa ka qeyb galeyn doorashada, maadaama todobaadkii hore dowladda Soomaaliya ka soo xirtay Baydhabo, lana keenay Muqdisho. Inkastoo wax is bedeli karaan, hadana saadaasha iyo hadal heynta ka jirta Baydhabo ayaa ah in doorashada uu ku guuleysanayo C/casiis Lafta Gareen oo dowladdu ku bixiso dadaal badan. Source
-
(SLT-Geneva)-Wadahadalladii ka soconayay magaalada Geneva ee loogaga gol lahaa in lagu dhiso guddi ka soo shaqeeya dastuurka Suuriya ayaa soo dhammaaday iyadoo uusan ka soo bixin wax rasmi ah oo la taaban karo. Wadahadalladan oo ay garwadeen ka aheyd Qaramada Midoobay ayna ka qeybgaleen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Ruushka, Iiraan iyo Turkiga, ayaa qeyb ka ahaa dadaallada ay Qaramada Midoobay waddo ee lagu midaynayo bulshada dalkaasi Suuriya si loo sameeyo dastuur cusub, doorashooyin loo qabto, nabad waartana dalkaasi looga hirgaliyo. Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya, Staffan de Mistura, ayaa gabagabadii shirka waxa uu isticmaalay luuqad dublamaasiyadeed. Waxa uu sheegay in wali ay harsan tahay masaafo dheer oo qayb ka ah geedi socod muddo dheer socday. Balse xaqiiqada ah in wadxaajoodyada socday muddo biloooyiin ah aan wali heshiis kama dambeys ah laga gaarin xubnaha guddiga samaynaya dastuurka ayaa ah mid muujinaysa sida ay u adagtahay in xal waara laga gaaro dhibaatda Suuriya. Kulankan Geneva ku soo gabagaboobay waxaa goob joog ka ahaa saddax quwadood oo galaagalka ugu wayn ku leh arrinta Suuriya. Ruushka, Turkiga iyo Iiran, ayaanan u muuqan in ay soo kordhiyeen door muhim ah,balse waxa ay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in meel dhexe la isugu yimaado. Qaramada Midoobay ayaa doonaysa in la helo guddi lagu kalsoonaan karo,isu dheeli tiran islamarkana laga wada qayb qaato. Balse mucaaradka iyo dowladda Suuriya iskuma raacsano waxa ay noqon karto isu dheelitirnaan iyo cidda ay tahay in guddiga ay qayb ka noqoto. Source
-
(SLT-Washington)-Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa u ogolaatay dal-ku-galka wadankaan Mareykanka hooyo u dhalatay dalka Yemen oo dooneysa in ay soo booqato wiilkeeda oo labo sano jir ah oo ay dhaqaatiirtu sheegeen inuu qarka u saaranyahay inuu u dhinto xanuunka kansarka maskaxda ku dhaca. Muwaadiniinta u dhashay dalalka Yemen, Iran, North Korea, Venezuela, Libya, Somalia iyo Syria ayaanan imaan karin dalkaan Mareykanka. Madaxweyne Trump ayaa amar uu soo saaray ku mamnuucay sababo la xiriira wax uu ku tilmaamay khatar dhinaca argagixisada ah. Shaima Swileh ayaa lagu wadaa in ay Arbacada maanta ah soo gaarto garoonka magaalada San Francisco halkaas oo uu ku xanuunsanayo wiilkeeda Abdullah Hassan oo ah muwaadin Mareykan ah, balse uu hadda ku jiro mashiinka caawiya bukaanada xaaladooda caafimaad ay u dhaxeyso geeri iyo nolol. Aabaha dhalay Abdalla oo la yiraahdo Ali Hassan oo isna heysta dhalasha Mareykanka ayaa la jooga wiilka. Source
-
(SLT-Dimishiq)-Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa maalintii Axadii ee la soo dhaafay booqasho lama filaan ah ku tagay Caasimadda Dimishiq ee Caasimadda dalka Suuriya, taasoo aheyd mid si aad ah warbaahinta Bariga Dhexe ay u hadal hayeen. Booqashadan ayaa la sheegay inay aheyd tii u horeysay oo Madaxweyne Carbeed uu ku tago Suuriya, tan iyo sanadkii 2011 oo dalkaas ka bilowdeen dagaalada iyo kacdoonada looga soo horjeedo xukunka Bashar Al Asad. Mas’uul ka tirsan dowladda Sudan ayaa sheegay in Madaxweyne Al-Bashiir uu dib ugu soo laabtay Khartoum, kaddib booqasho muhiim ah uu ku tagay Dimishiq. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo iskaashiga, waxaana booqashada Cumar Xasan Al-Bashiir cambaareeyay Kooxaha Mucaaradka Sudan. Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa markii ugu dambeysay ee uu booqdo Suuriya waxay aheyd sanadkii 2008-dii, xilligaasoo Dimishiq lagu qabtay Shir Madaxeedka Carabta. Jaamacadda Carabta ayaa sanadkii 2011 ka saaray Suuriya xubinimada ururkaas, kaddib markii lagu eedeeyay Bashaar Al-Asad inuu cadaadis saaray dadka ka soo horjeeda nidaamkiisa. Source
-
Waxaa saaka la hardhay hoolka doorashada koonfur galbeed Soomaaliya halkaas oo laga wado inay ka dhaco doorasho muran badan dhalisay. Weriyaha Goobjoog News oo xarunta ku sugan ayaa sheegaya in ammaanka la adkeeyey, isla markaana ay xildhibaannadu bilaabeen inay goobta soo gaaraan. Murashaxiinta u tartamaya madaxtinnimada Koonfur galbeed waa: Aadan Maxamed Nuur(Saransoor), Xuseen Cusmaan Xuseen, Ibraahim Macalin Nuunow, Cabdi Casis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Sayid Axmed Sheekh Daahir. Doorashada waxaa xoog looga reebay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, kaas oo taageero badan ku leh koonfur galbeed. Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Iyadoo maanta magaalada Baydhabo ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ay magaaladaasi u dirtay wafdi ka kooban labada gole ee dowladda. Wafdigan ayaa kooban wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo qaarkood deegaan ahaan kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed. Waxaa hogaaminayo wafdiga tagay magaalada Baydhabo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo xubno kale. Ujeedada wafdiga loogu diray magaalada Baydhabo ayaa ah inay goobjoog ka noqdaan doorashada maanta ka dhaceyso magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay oo Shan musharax ay ku tartamayaan. Xubno ka socdo Caalamka ayaa sidoo kale goobjoog ka noqonaya doorashada maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Waxaa horey magaalada ugu sugnaa masuuliyiin xilal horey dalka kaga soo qabtay kuwaasi oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ka qeyb galayay dhageysiga khudbadaha ay jeediyeen musharixiinta Tartameysa. Waxaa aad loo hadal hayaa Musharax C/Casiis Lafta Gareen oo dowlada dhankeeda loo xaglinayo, waxaase la tartamaya musharixiin kale oo aan la dhayalsan karin. Goobta Doorashada ka dhaceyso waxaa hadda ka socota qabanqaabadii ugu dambeysay, waxaana ku sugan goobta dhamaan musharixiinta Tarteysa oo kala ah. 1-Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen. 2-Siid Axmed sheekh Daahir 3-Xuseen Cusmaan Xuseen 4-Adan Maxamed Nuur Saransoor 5-Ibrahim Macalin Nuurow. La soco daqiiqad walbaa Doorashada Koofur Galbeed Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Qaahira ( Sh. M. Network )-Wasiirka Maaliyadda XFS C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka qeyb galaya shirka sanadlaha ah ee Ururka Jaamacadda Carabta uga furmay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa kulan gaar ah la qaatay Xoghayaha guud ee Ururkaasi Ahmed Aboul-Gheit. Xoghayaha guud ee Jamaacadda Carabta ayaa ballan qaaday in Ururku garab taagan yahay dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay kala shaqeyneyso dhinaca ammaanka. Shirkani uu socon doono muddo labo cisho ah ayaa la sheegay in wax yaabaha diirada lagu saari doono ay kamid tahay sidii Soomaaliya loo garab istaagi laahaa, loona caawin lahaa. Wasiirka Maalyada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa bogaadiyay dadaallada Jamaacadda Carabtu ay la garab taagan tahay dowladda Soomaaliya. Soomaaliya ayaa xubin buuxda ka ah Ururka Jamacadda Carabta oo ah Urur ay ku mideysan yihin dalalka Carabta, islamarkana ka shaqeeya danahooda gaarka ah The post Jaamacadda Carabta Oo Soomaaliya ka taageereyso ammaanka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Boosaaso (Caasimada Online)-Kooxda Daacish ayaa markii ugu horeysay baahisay muuqaalka iyo sawiro muujinaya dagaal ay Al Shabaab kula galeen duleedka degmada Qandala ee gobolka Bari. Daacish ayaa horaantii Todobaadkaan shaacisay in Dagaal ay la galeen Al Shabaab ay ku dileen 14 kamid ah askarta Al Shabaab, waxaana dagaalka uu ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Bari. Ma jirin wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al Shabaab oo ay kaga hadlayeen hadalka kooxda Daacish ee ah inay dagaal Al Shabaab kaga dileen dagaalyahano gaaraya 14 askari. Labada Urur ayaa ku kala aragti duwan dhanka maamulka iyo aragtida, waxaana ay dhowr jeer oo hore ku dagaallameen meelo ka mid ah Gobollada Jubooyinka. Ururka Daacish ayaa bil ka hor sheegay in uu dagaal aargudasho ah ku qaadayo Al-shabaab, haddii aysan joojin dilalka ay Al-shabaab u geysato xubnaha ka tirsan Daacish.
-
Jowhar ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay Al Shabab ayaa lagu sheegay in sarkaal ka tirsanaa Ciidamada DFS ay ku toogteen deegaanka Galboole ee gobolka Sh/ Dhexe. Magaca sarkaalkaasi ayaa Warbaahinta ku hadasha Afka Al Shabaab waxa ay ku sheegtay Maxamed Cali Maxamed oo ku magac dheeraa Kartoon. Sidoo kale Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in sarkaalka ay dileen uu la shaqeynayay Ciidamada ,Midowga Africa ee AMISOM, sida ay hadalka u dhigeen. Al Shabaab ma aysan soo bandhigin cadeymo muujinaya dilka sarkaalkaasi, mana jirto illaa iyo hadda ilo madax banaan oo xaqiijin kara dilkaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa xukuno u badan dil toogasho ah ka fuliya deegaanada ay ka arrimiyaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Al Shabaab Oo sarkaal ka tirsanaa Ciidanka DFS ku toogtay Sh/ Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ganeva ( Sh. M. Network )-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa magaalada Ganeva kaga qeyb galay shirweynaha caalamiga ah ee Qaxootiga Adduunka. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobey ayaa soconaya muddo labo maalin ah, iyadoona laga arrinsanayo xal u helista dhibaatooyinka ku xeeran nolasha dadka qaxootiga ah iyo sidii xal waara loogu sameyn lahaa dadka barakacayaasha ah. Eng.Yarisow ayaa ku soo bandhigay shirka caalamiga ah ee qaxootiga caqabada haysta dadka barakacayaasha ku ah Caasimadda, qorsheyaasha Maamulka Gobolka Banaadir ee dib-u-dejinta barakacayaasha iyo sidii xal waara loogu sameyn lahaa. “Soomaaliya waxa ay ka soo kabanaysaa dhibaatooyinkii ka dhashay colaadihii sokeeye kuwaas oo sababay barakacayaasha kumannaan qoys. Haatan waxaan ka wadnaa Muqdisho qorshe aan ku doonayno in aan nolol wanaagsan u abuurno, dib u dejinna aan ugu celino bulshada in ka badan 500,000 oo ku barakacsan gudaha Gobolka Banaadir.” Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow. Guddoomiyaha ayaa ku adkeeyey Beesha Caalamka muhiimadda ay u leedahay Maamulka Gobolka Banaadir in lagu gacan siiyo qorshayaasha xalka loogu raadinayo dadka barakacayaasha ah,gaar ahaan dhinacyada dib u dejinta, shaqo abuurka iyo adeegyada asaasiga ah. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa inta uu ku sugan yahay Geneva waxa uu kulammo doceedyo la yeelan doonaan Madaxda Caasimadaha kale ee caalamka, si uu uga shaqeeyo horumarinta xiriirka Muqdisho ay la leedahay Caasimadaha kale, isagoona mudnaanta siinaya sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii ku salaysanaa iskaashi iyo isdhaafsiga khibradaha ee Muqdisho ay la wadaagtay magaalooyinka ugu caansan dunida The post Yariisow Oo shir caalami ah uga qeyb galay Ganeva appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Waxaa saacada soo socda si toos ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay uga bilaaban doonto doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Doorashada oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku tartamaya illaa 5 Musharrax oo danaynaya qabashada xilkaasi. Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa haatan si habsami leh uga socota gudaha magaaladaasi. Dhinaca kale waxaa si aad ah loo akeeyay ammaanka Baydhabo, iyadoona saaka Ciidamo fara badan lagu arkayo gudaha magaaladaasi. Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa in ay xireen qaar ka mid ah Waddooyinka waa weyn ee Baydhabo iyo sidoo kale koontaroolada laga soo galo magaaladaasi. Wariye Madax banaan oo ku sugan gudaha magaalada Baydhabo ayaa Shabelle uga warramay arrimaha doorashadaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Wareysi-Maxamed-Nuur-.mp3 The post Doorashada K/ Galbeed Oo maanta ka dhacaysa Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weli waxa ay howlgallo ballaaran oo isbaarooyin lagu qaadayo ka wadaan deegaanno duleedka ka ah magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan. Ciidamada waxa ay isku dhaceen maleeshiyaad ku sugnaa waddooyin soo gala magaaladaasi kuwaa oo dhibaato ku hayey shacabka ku safra halkaasi. Wararka waxay sheegayaan in ciidamada ay ku wajahan yihiin waddooyin badan oo Isbaarooyin dhigtaan maleeshiyaadkan. Shacabka magaalada B/weyne ayaa soo dhoweeyey arrintaan, gaar ahaan dadka ku safra waddooyinkan, iyadoo dhanka kale saraakiisha ammaanka ay sheegeen in howlgallada ay sii wada doonaan inta amniga wax laga bedalayo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/warka-hiiraan-jidgooyo-1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Diyaar Garowgii ugu dambeeyay ayaa ka socdo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxaana la filayaa in saacado kadib halkaasi ay ka bilaabato doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed. Amaanka magaalada waxaa aad u adkeeyay ciidamada booliska Koofur Galbeed iyo ciidamada meletariga Dowladda Ethiopia oo kusugan magaalada Baydhabo, si looga hortago amni daro ka dhacdo magaalada. Ilaa Shan musharax ayaa u taagan xilka madaxweynaha Koofur Galbeed kuwaasi oo horey u jeediyay khudbadaha ay kaga hadlayaan waxqabadkooda marka loo doorto xilka madaxweynaha. Goobta Doorashada ay ka dhaceyso ayaa waxaa ku sugan ciidamo si gaar ah u xaqiijinaya amaanka, iyadoo laga baqayo inay dhacaan carqalado saameyn kara doorashada Koofur Galbeed. Ilaa xalay waxaa socday kala xodxodashada xildhibaanada baarlamaanka ee maanta dhiibanaya codadkooda, waxaana la saadaalin karin sida doorashada ay noqon karto. Caasimada Online ayaa daqiiqad walbaa idinla socodsiin doonta natiijada doorashada iyo sida ay wax u socdaan Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network)Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-191218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xildhibaan Maxamuud Macallin Yaxye oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxda ugu sarreysa dalka aysan cidna kala tashan arrimaha K/galbeed, islamarkaana ay doonayaa in sida ay rabaan wax u dhacaan. Waxa uu sheegay xildhibaanka in aan xildhibaannada kasoo jeeda K/galbeed iyo sidoo kale wasiiradooda aan lagala tashan waxyaabaha haatan ka socda magaalada Baydhabo. Xildhibaanka ayaa sheegay in adduun iyo aakhiro wax laga weydiin doono wixii ka dhacay magaalada Baydhabo madaxda ugu sarreysa DFS. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/XILDHIBAAN-MAXAMUUD-MACALLIN-YAXYE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha ee dowlad goboleedka K/galbeed. Doorashadan waxaa u taagan Shan musharrax, waxaana laga reebay musharrax Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dowladda ugu xiran magaalada Muqdisho. Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka ay sugayaan amniga magaaladaasi. Waxaa hakad ku jira dhaq-dhaqaaqa dadweynaha iyo kan gaadiidka ee magaalada Baydhabo, iyadoo doorashada ay bilaaban doonto saacado kadib. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
BERBERI MA HIIL BAY U BAAHANTAHAY MISE HAMBALYO.? (Qaybtii 5aad) ——————— Akhristeyaal Qormadannina waa qormo kale oo ka mid ah, qoraalkeenii taxanaha ee Iftiiminta daah ka faydida Hadimooyinka uu Maayar Cidin Berbera gaadhsiyey ka mid ah. Qormadan waxaynu ku soo qaadanaynaa hantida lacageed ee uu lunsaday Maayar Cidin mudadii uu ilka maayarnimada berbera hayey, waa intii u dhaxaysay 2012 kii ilaa 2018 ka ee. Waxayna soo sheegnay in uu Maayar Cidin gaday oo iibiyey dhul gaadhaya, afarta jaho ee magaalada dhinac kasta 20KM2, marka waliba laga reebo dhulka bada ku dhereran ee loo yaqaano xeeliga (seashore) ka. Dhulkaa xeeliga oo uu iyada qiimo gaar ah iyo lacag culus oo aynu qiimaheeda soo sheegi doono ku gaday Balooggiiba. Haddaba waxaynu ognahay oo aan qormadii tan ka horeysay kusoo xusay in qiimaha Halkii 1km2 yahay 71428.5714$. Haddaba si aynu u ogaano cadadka hantida uu Maayar Cidin, Duubka maayarnimada uu qaranka iyo muwaadiniinta reer berbera ba kaga musuqmaasuqay, bal aynu xisaabino oo qalinkeena ku xaqiijino si aynaan daliil kaleba ugu baahan, bal aynu ogaano sababta ujeedka ka dambeeya barnaamijyadan uu SOCIAL MEDIA-YAHA gashanaayo ee aynu “IIDHEHDA” u bixinay. Bal Ila arka oo ila xaqiiqsada siday runtu tahay ee xaalka Magaalada Berberi yahay. Waxaan doonayaa inaan kashifo oo daaha ka faydo suuldaarooyinka maamul ee uu abuuray Maayar Cidin, ee haddana reer berbera uga dhigo inuu wax u taray oo uu waxqadka ku sheegto. Waxaan doonayaa inaad Ila ogaataan Daluunta uu Maayar Cidin, berbera ku riday dhinac walba haday tahay, Dhulkii, Hantidii dawlada, Maamulkii, milgahii iyo Sharaftii ay Berberi caanka ku ahaydba. Haddaba aan usoo noqdo xagii xisaabtee, waxaynu soo saarnay halkii 1km2 qiimahiisa oo ah 71428.5714$. Haddaba bal aynu kolba jiho qiimaheeda soo saarno innagoo gadaal iskaga gayn doona, aan hor mariyo ee bari Waa 20Km2 Taas oo markaynu qiimaheenii isticmaalayno noqonaysa sidan, 20km2* 71428.5714$ = 1428571.43, bari (hal milyan, afar boqol, sideed iyo labaatan kun, shan boqol iyo kow iyo todobaan, iyo sadex iyo afartan filis). Galbeedna intaas in leeg oo ah sidan, 20km2* 71428.5714$ = 1428571.43$, galbeed (hal milyan, afar boqol, sideed iyo labaatan kun, shan boqol iyo kow iyo todobaan, iyo sadex iyo afartan filis oo doolar). Koonfur galbeed ama laamiga Hargeisa taga waa sidan, 71428.5714$*25km2= 1785714.28$ (Hal milyan iyo todoba, shan iyo sideetan kun, todoba boqol iyo afar iyo toban, iyo sideed iyo labaatan filis oo doolar). Koonfur bari ama laamiga Burco taga, waa sidan, 71428.5714$*30km2= 2142857.14$ (labba milyan, boqol iyo labba iyo afartan kun, sideed boqol iyo todoba iyo konton, iyo afar iyo toban filis oo doolar). ISKU GAYNTA GUUD. 1428571.43$ galbeed 1428571.43$ bari 1785714.28$ KG laamiga Hargeisa 2142857.14$ KB laamiga Burco ——- – —————— 6,785,714.42$ waa (lix milyan, todoba boqol, iyo shan iyo sideedan kun, todoba boqol iyo Afar iyo toban doolar, iyo labba iyo afartan filis). FG. Hadda lacagtani maaha cashuurtii manna aha waxaa loo yaqaano CASEYNTA oo marka aad meesha seesanayso la bixiyo, ee lacagtan waxaad bixinaysaa intaan sharciga lagu siin oo aan lagu tusin meesha ay noqonayso jagadaadu. Waana lacag kaash ah. Akhristeyaal qoraalkeena kan xigi doona insha Allah, waxaynu ku eegi doonaa bal meesha ay sartu ka qudhuntay, waa dhulka loo yaqaano (SEASHORE) ama xeeliga bada oo uu Maayar Cidin, kasoo xereeyey miisaaniyad laxaad leh. Waxayse iswaydiintu tahay; lacagtaasi berbera halkeebay ka gashay? Ma Laamiyada yaryar ee JPLG-ga laga dhisay? Mise waxaa jira meelo kale oo lacagtaas Milaayiinka doolar ah lagu maal galiyey? Su’aalahan iyo kuwo kaleba kaga bogo qoraalkeena kan xiga. W/Q, EngAhmed Muse Mohamed Qaran News
-
Xubnaha ka mida Qoyska Boqortooyda Saudi Arabia oo xaalad argagax leh wajahaya Qoyska boqortooyada Sacuudi Carabiya waxa ay ku sugan yihiin xaalad “Argagax”ah oo uu ku hayo dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan, waxaa sidaas warisay Jariiradda Sunday Times ee London. Warbixintan oo uu qoray wariyaha majaladda ee Bariga Dhexe Louise Callahan, ayaa bilaabatay kaddib markii Amiir Salmaan bin Abdul Aziz bin Salmaan uu sheegay in isaga iyo tiro ka mid ah qaraabadiisa looga yeedhay qasriga boqortooyada ee Riyaad. Sida warbixinta lagu sheegay, waxaa jiray muran dhexmaray iyaga iyo ilaalaada dhaxal sugaha kuwaas oo garaacay Amiir Salmaan kaddibna xidhay oo aan mar dambe warkiisa la maqal. Majaladda waxa ay farta ku godday in Amiirka Aabihii sidoo kale la xidhay laba maalmood dhacdadaas kaddib sida ay BBC-du iyadana xigatay. Laakiin mas’uuliyiinta Sucuudiga waxa ay sheegeen in Amiir Salmaan uu ka mid ahaa 11 Amiir oo ka banaan baxay bixinta lacagta korontada ay isticmaalaan, sida wararka lagu helayo, taas oo ay mas’uuliyiinta reer Galbeedka ee kiiska wax ka og diideen in sababta dhabta ah tahay. Qoraaga warbixinta waxa uu hoosta ka xariiqay in Bin Salmaan ku raaxeysanayo taageerada Aabihii, boqorka iyo Ammirada kale marka laga yimaaddo saameynta xasaraddii ka dhalatay kiiskii dilka Wariye Jamal Khashoggi ku yeeshay sawirkiisa Adduunka. Khashoggi ayaa lagu dilay Qunsuliyaddiisa Istanbul bishii October, arrintan waxaa uga daray warbixintii sirdoonka Mareykanka ay ku xaqiijiyeen in Bin Salmaan ku lug lahaa khaarajinta kaddiba ay xubnaha Congrees-ka ay Trump ka dalbadeen in uu kala xisaabtammo dhaxal sugaha. Qaran News
-
Xog:Safiirka Mareykanka u jooga Somalia & Somaliland oo shaaciyey lacagtii ugu badneyd oo uu ku maal-gelinayo Somalia,Meeluhu ku bixin doono+Shaqooyin uu abuuri Doono Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo maanta soo saaray war saxaafadeed ayaa sheegay in Soomaaliya ay siin doonaan adduun gaadhaya $900 million oo lagu maalgelinayo Soomaaliya. Dawladda Mareykanka ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka caawin doonaan dhanka, gargaarka bani’aadanimada, dhismaha hey’adaha dowliga ah, waxbarashada, caafimaadka, garsoorka shaqo abuurka, horumarinta dhaqaalaha, xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya. War saxaafadeedka ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu yidhi; Kaalmada Mareykanka ee arrimaha bani’aadanimada Soomaaliya, $420 million oo kamid ah 900 million ayaa lagu bixin doonaan arrimaha gargaarka Soomaaliyeed. Shaqo abuurka Mareykanka ayaa sidoo kale xusay in ay u abuuri doonaan in ka badan 1,600 oo shaqo muddo sadex sano gaar ahaan ganacsiga, tusaale ahaan waxaa ay tilmaameen in horey u abuureen 500 shaqo iyo 650 shaqo xiliyeed ah, iyagoo sheegay in shirkadda caanaha ee Irmaan ee Muqdisho ay siiyeen taageero maaliyadeed,oo u suurtagelisay in ay soo saaraan 3,500 Liter oo caano ah. Dekadda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho ayay Mareykanku sheegeen in la horumarin doono si shaqooyin badan loo u abuuro. Geedi socodka dayn-cafinta Waxaa ay sheegeen in ay xooga saari doonaan geedi socodka dayn-cafinta si Soomaaliya u soo jiidato maalgashiga iyo horumarin dhaqaale. Waxbarashada Kaalmada cusub ee Mareykanka ee Soomaaliya ayaa meelaha lagu bixin doono waxaa kamid ah; taageeridda waxbarashada dugsiyada sare ee 160,000 oo dhalinyaro Soomaaliyeed iyo 20,000 oo ah carruurta dugsiyada hoose ah oo 45% gabdho yihiin. Maamulka iyo Xasilinta dalka $110 million ayuu Mareykanka ku bixin doonaa dhismaha dowlad wanaaga, xalinta khilaafaadka dib u habeynta arrimaha garsoorka. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa taageerayaashiisa Mareykanka ku nool ka codsaday inay hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da u gudbiyaan warbixin ku saabsan weerarkii lagu qaaday hoygiisa 17-kii December 2017. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintan uga faa’iideystay jawaab uu ka bixiyey qoraal ay FBI-da soo dhigaty barteeda twitter-ka, 10-kii bishan December. Qoraalka FBI-da ayaa u dhignaa sidan: FBI-da waxay raadineysaa qof kasta oo ku nool Mareykanka oo wax ka og xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah oo dalka dibeddiisa ka dhacay. Haddii aad hayso wax akhbaar ah oo ku saabsan dad gaystay xasuuq, dambiyo dagaal iyo ama dil-wadareed, fadlan noo soo gudbi adiga oo la xiriiraya xafiiska FBI-da ama safaarad ama qunsuliyad Mareykan ah. Markaas kadib ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu dib qoraalkaas usoo dhigay bartiisa twitter, isaga oo raaciyey codsi u dhignaa sidan: Kuwa jooga Mareykanka, gaar ahaan taageerayaasha xisbiga Wadajir, fadlan u dhaqaaqi arrintan oo ka warbixiya weerarkii 17-ka December. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ma sheegin cid uu doonayo in si gaar ah warbixintooda loogu gudbiyo FBI-da, hase yeeshee xubno badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa haysta dhalashada Mareykanka, waxaana ka mid ah madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay maanta waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi. Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa si aaad ah loo adkeeyay. Ciidamo aad u hubeeysan oo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jiro ayaa saakay lagu soo daadiyay gudaha Baydhabo. Hadalheeynta ugu badan saakay ay dadka hadal hayaan ayaa ah dooraahada saaka ka dhaceeyso Baydhabo. Shan musharax ayaa u tartamaya xilka madaxtinimo ee maamulkaasi. Dad badan ayaa sii saadaalinaya in Musharaxa Lafta Gareen loo dooran doono xilka madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed. Isku socodka gaadiidka iyo dadka ayaa la xanibay maanta magaalada Baydhabo. Wararka Doorashada Puntland Post kala soco Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Wararkii u dambeeyay ee Doorashada Maanta ka dhaceeyso Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Habeenkii Isniinta waxaa uu kulan sulux u muuqday dhexmaray Ra’iiusl Wasaare Xassan Cali Kheyre iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Shiekh Cabdiraxmaan. Ma xuma in la wada fariisto, la wada hadlo oo laga heshiiyo khilaafka ka jira, balse sidii uu kulanka u dhacay ma ahayn mid dareen qurxoon bixiyey haddii xataa la is afgartay oo la wada qoslay. Waa sax, waxaa la isku afgartay sida warbaahinta loo sheegay iyo bulshada in laamaha kala madaxa bannaan is ixriraamaan oo mid walba loo daayo shaqadeeda, laakiin far baa ii taagan! Kulanka halkee ayuuka dhacay? Labada hoggaamiye waxa ay ku kulmeen xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo mid walba waxa uu u soo galay safar halkaas. Arrintan ayaa imaaneysa kaddib markii uu Gudoomiyaha baarlamaanka oo ka cabanaya in gurigiisa ku yaal Madaxtooyada lagu cuna qabateeyey taas oo dhalisay in uu u digo rogto Hotel Shabeel oo agagaarka Madaarka Aadan Cadde jidkiisa ku yaal. Farriinta uu diray? Waxaa laga fahmi karaa ama ay tahay in labada hoggaamiye ay isku waafaqeen in midna kan kale u tagin oo la’isugu yimaado meel dhex dhexaad ah! Taas, waa qab iyo isla weyni labada dhinac ah maadama labadii mas’uul ee dalka ugu sarreeyey sidaas u ficil tamayaan, ka warrama kuwa kale? Waxaa Iyana is weydiin mudan, dal malagu hoggaain karaa qab, isla weyni iyo caqliyad noocaas ah? Dhinaca kale, wali ma cadda in Gudoomiye Mursal dib ugu laabtay gurigiisii iyo goorta dib hawlihii baarlamaanka dib u bilaaban doonaan. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Popular Contributors
