Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa si kalsooni ku jirto u soo dhoweeyey go’aanka aqalka sare iyo warbixintii guddiga aqalka sare ee wada-xaajoodka xal-u-raadinta khilaafka u dhaxeeya xukuumadda DFS iyo DXDF Qoraal uu ku saxiixnaa guddoomiyaha golaha ahna madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa wuxuu sheegay in goluhu balanqaadayo inuu diyaar u yahay in aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah kala shaqeeyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka jira, oo salka ku haya fulinta ballamaha ay ku jiraan danta Soomaaliyeed. Halkan Ka Akhriso, Qoraalka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada: Source: goobjoog.com
  2. Gudiga doorashooyinka qaranka oo saaka la hadlay warbaahinta ayaa daboolka ka qaaday in aan dalka doorashooyin ka qabsoomin doonin siiba doorashooyinka wakiilada iyo golaha deegaanka. Gudiga ayaa sheegay in ayna haynin lacagtii doorashooyinkaasi lagu qaban lahaa iyo iyaga oo sheegay in Xisbiga Waddani uu kala laabtay kalsoonidii. Waxana meesha ka muuqato in gudiga doorashooyinku ay Gabi ahaanba ku fashilmeen wadida shaqadii loo igmaday, waxana haboon in ay is casilaan iyaga oo eegaaya oo dhawraya danta umadda. Qaran News
  3. Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in ay dib u dhacday doorashadii baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka oo la filayay in ay dhacdo 27-ka bisha March ee sannadka 2019ka. Gudoomiyaha guddidaasi Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay ka hor yimaadeen caqabado ay kamid yihiin Xisbiga Waddani oo kalsoonidii kala noqday, diiwaangalintii codbixiyeyaasha oo aan weli la bilaabin. Wuxuu sheegay Cabdiqaadir Iimaan Warsame in hawlaha guddida u yaallaa qaadan karaan muddo ku siman toban bilood, hase ahaatee muu sheegin wakhtiga danbe ee la qaban doono. Waa markii shanaad ee ay dib u dhacdo doorashada baarlamaanka Somaliland, iyadoo baarlamaanka Somaliland la doortay sannadkii 2005tii. Halkan ka akhriso shanta jeer ee ay dib u dhacday doorashada Baarlamaanka Somaliland; October.30. 2010 — June.30. 2013 June.30. 2013 — Feberuary.27.2015 Feberuary.27.2015 — October.27. 2017 October.27. 2017 — March.27.2019 2019—-Lama garanayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. GUNDHIG jeedka ugu weyn ee dowlad ama maamul loo dhisto waxaa weeye in bulshada ku dhaqan waddanka/gobolka dowladda dhisanaya ay helaan adeegga guud ee dadka ka dhexeeya. Adeegyada guud waxaa tusaale u ah “nabad gelyada, wax barashada, caafimaadka, waddooyinka, xiriirka dalku la leeyahay dunida kale iwm”. Tilmaamaha danta guud iyo danta gaarka ah ku kala duwanyihiin waxaa ka mid ah, baahida wadareed ee bulshada u dhexaysa iyo baahida gaarka ah ee qof ama koox dad ah u gaar ah. Madaxda loo doorto haqab-tirka baahiyaha guud iyo fulinta adeeg-wadareedka bulshadu, waxay ka dhiganyihiin shaqaalaha loo adeegsado danta gaarka loo leeyahay. Haddaan weedhaas faahfaahiyo, qofkii loo igmado xil bulshadu leedahay waxaa lagama maarmaan ah in lagula xisaabtamo fulinta shaqada loo dirsaday sida qofka sida gaarka ah loo adeegsaday. Tusaale: Shirkadaha ama ganacsiyada gaarka loo leeyahay waxaa ka jira isla xisaabtan ku salaysan danta hormarinta ama ilaalinta hantida ganacsiga oo haddii qof shaqaale ka ah shirkadaha gaarka loo leeyahay ka maqnaado shaqadiisa ama heshiiskii lala galay uu jebiyo, waxaa badanaa lagu fuliyaa ciqaab u dhiganta dayaca ama gaabiska shaqaalahaasu sameeyay………. Haddaba, qofka danta guud loo dirsado (Madax weyne, wasiir, maamule dan guud iwm), waxaa lagama maarmaan ah in lagula xisaabtamo gudashada shaqada bulshadu u dirsatay. Si xisaabtankaas guud loo helo waxaa lagama maarmaan ah arrimaha soo socda. Hal beeg qoran oo tibaaxaya awoodda iyo aqoonta xirfadeed ee adeeguha laga rabo inta aan xilka loo dhiibin. Xeer caddaynaya ciqaabta uu mudanyahay masuulka gudan waaya shaqada loo igmaday ama tagri fal ku sameeya hantida iyo danta Guddi ama hay’ad sharciyeed oo awood fulineed u leh sixitaanka, shaqo ka joojinta am axil-ka qaadista adeegaha gudan waayay ama dayacay Hab-raac rasmi ah oo si saamigal qumman ah u ilaalinaya danta bulshada iyo sharafta masuulka lala Waa in lagu faafiyo dhammaan xeerarka, hal-beegyada, hab raacyada iyo xuquuqda bulshada ama edeegaha JARIIDADDA RASMIGA AH (GAZETTE) ee bulshada wada gaarta si bulshadu u ogaato xuquuqda ruux walba leeyahay iyo waajibaadka DHIIRI GELIN IYO TALO SIIN Waxaa muhiim ah in bulshada loo adeegayo ku taageerto masuulka xilka u haya talo togan oo ka maran eexsi dhaqaale ama dan gaar ah, si ay ugu sahlanaato gudashada shaqadiisu, isla markaasna sinnaan iyo hawlkarnimo uu ku doorto shaqaalaha u qalma shaqooyinka kale. Sidoo kale waxaa muhiim ah in masuulka/masuuliyiinta lagu dhiiri geliyo gudashada xilka ay hayaan, waxaanse sax ahayn in masuuliyiinta loogu kala dhuunto eex iyo dano gaar ah oo caddaaladda burinaya shaqadoodana caqabad ku noqonaya. LAHAANSHO Cinwaanka maqaalka waxaa ka muuqda erayga lahaansho, qoraagu wuxuu eraygaas ula jeedaa labo arrimood oo kala ah Masuulka xilka haya bilowgiiba (intaan xilka loo igman) wuxuu ula sinnaa qabashada shaqadaas ummadda uu ka tirsanyahay ee u dooratay/dhiibtay, sidaas darteed waa in uu muujiyaa lahaansho asal ah oo ka fog tagri fal iyo dayac Sidoo kale marka shaqada loo doorto ka dib, waa in uu masuulku muujiyaa in xilku yahay mas’uuliyad loogu dirsaday in uu u guto sida ugu sarraysa ee uu awoodo maaddaama dad kale oo qaban lahaa isaga looga door LIBIN RAADIN Sidoo kale cinwaanka maqaalka waxaa ka muuqda erayga LIBIN-SHEEGASHO oo qoraagu ula jeedo weydiinta soo socota. Qofkii loo dirsado in uu shaqo qabto, oo shaqadii qaarkeed fuliya in badan oo kalena u harsantahay, ma laga filaa inuu ku faano ama dalbado in loogu sabciyo inta yare e u hir gashay iyadoo uusan xil weyn iska saarayn inta badan ee qabyada ka ah? Waxaa in badan dhagahayga kusoo dhaca masuuliyiin xil haya oo u beretama in ay ku faanaan ama sheegtaan hawl kooban oo ka mid ah walxo badan oo markii horeba loo dirsaday iyaga oo aan xoogga saarayn qabyada waajibkii laga sugayay, yaabkaygee, waxaan sidoo kale la kulmaa in badan oo ka mid ah bulshadii shaqada loo qaban lahaa oo sida saxda ah, la xisaabtami lahaa masuulka/masuuliyiinta oo ku mashquula difaac ku salaysan xisbi, koox ama reer. Marka laga hadlayo xisaabtanka ku aaddan gudashada danta guud ee bulshadu leedahay, waxaa sax ah in la adeegsado HALBEEG lagu cabbiro sida: Xilka loo doortay muggiisa iyo hawlaha laga rabay Wixii u qabsoomay Wixii qabsoomi waayay Caqabadaha uu masuulku sheego inay ka hor joogsadeen gudashada shaqadii qabsoomi weyday iyo caddaymaha uu soo bandhigo Taakulada iyo taageerada masuulku ka helay bulshada danleyda ah iyo wixii kale oo muhiim QOF SHAQO/WAAJIB LOO DIRSADAY HADDII UU WAXYAR KA FULIYO KUMA HABBOONA IN LOOGU SACAB TUMO INTA YAR EE U QABSOONTAY EE ABBAARTU WAXAY TAHAY IN UU DADAAL DHEER U GALO INTA BADAN EE U HARSAN BULSHADUNA KU TAAGEERTO DHIIRRI GELIN IYO TALOOYIN TOGAN. Haddii nin ganacsade ahi shaqaalaysiiyo nin uga shaqeeya meherad, toloow shaqaaluhu ma wuxuu sheegsheegaa shaqadiisa maalinlaha ah ee loo dirsaday ee weliba magdhaw lacageed lagu siiyey? Maya ayay ila tahay. GUNAANAD IYO TALOOYIN Si adeegaha danta guud shaqadooda ugu qabtaan sida ugu hufan waxaa muhiim ah arrimahaan In marka hore loo dejiyo halbeegyo loogu kala doorto tartamayaasha mudnaanta xilka loo dirsanayo dhanka aqooneed, awoodeed ama In La helo habraac caddaynaya awoodaha iyo shaqada laga rabo adeegaha/masuulka. Lifaaqyo caddaynaya heerka ciqaabeed ee masuulku ku mutaysanayo dayaca ama gudasho la’aanta shaqadiisa In la hirgeliyo guddi ama hay’ad awood u leh in ay la xisaabtanto mas’ulka ugu sarreeya adeegayaasha bulshada (madax weynaha) isla markaasna awood fulineed oo madax bannaan la siiyo guddiga/xarunta. In bulshadu (mas’uuliyiinta bulshadu) ku taageeraan gudashada shaqooyinka iyadoo dhiirri gelin, duco, talooyin iyo iskaashi ku kaabaya adeegaha/adeegayaasha. Ilaalinta sharciga u yaal bulshada iyadoo loo simanyahay isla markaasna caddaalad lagu salaynayo shaqaalaysiinta ama fursadaha Filashada bulshadu waa in ay ka gun dheertahay lab la kac iyo sacab tun eek u salaysantahay qiimayn dhab ah ee masuulka lagu qiimaynayo gudashada adeegyadii loo dirsaday iyo ballan qaadkiisa. Qoraalkaan waxaa igu kallifay in aan bidhaamiyo ahmiyadda ay leedahay in ruux waliba xoogga saaro gudashada xilka uu bulshada u hayo isla markaasna la isku taageero taabba-gelinta hor-marka bulshada soomaaliyeed si turxaan la’aan iyo xanaf yari lehna la isu saxo ee aan lagu wiirsan qofkii wax ka khaldamaan sidoo kalena aan si indho la’aan ah eex loogu taageerin ruux dhalliil leh. Dhalliil kasta oo cilmiyaysan isla markaasna ka maran xanaf iyo ceebaal oo ku qotonta gaabiska uu la yimid adeegaha la dhalliilayo, waxay kobcin kartaa hanka bulshadu iyo filashada bulshada. Qore: Ismail Abdullahi Elmi The post Lahaansho mise libin raadin – Maqaal appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamul Goboleedka Jubaland ayaa soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay Golaha aqalka sare ee ahaa isku daygooda ay ku doonayaan in xal looga gaaro khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada. Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Maamulka Jubaland, Xirsi Jaamac ayaa sheegay in Golaha aqalka sare ay dadaaleen laakiin sida uu sheegay laga tagay qodobo muhiim ah oo ay ka mid tahay cadaaladda,in dowladda dhexe ay fuliso wixii horay loogu heshiiyay iyo qodobo kale. Xirsi Jaamac ayaa sheegay in dowlad Goboleedyada ay dhawaan War-safaxaafadeed ka soo saari doonaan Qodobada ay soo saareen aqalka sare ee ay kaga hadleen khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada. Golaha aqalka sare ee dalka ayaa shalay soo saaray qodobo ka kooban 8, oo ay ku sheegeen in ay yihiin tabashada dowlad Goboleedyada. Guddoomiyihii Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada waxaa uu ahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xilkaas iska casilay,waxaa ku xigeen u ah Madaxweynaha Galmudug oo la filayo in War-saxaafadeedkaasi uu ka soo boxo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Xildhibaan Mahad Salaad, oo ah xubin ka tirsan Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka ayaa soo saaray qoraal ka dhan ah Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad isaga ku eedeeyey in Cawad uu si ula kac ah u baalmaray sharciga kulankii Golaha Shacabka ku yeeshay 24 bishaan xarunta Golaha Shacabka, wuxuuna dalbaday in tillaabo sharci ah laga qaado. Mudane Mahad Salaad waxaa uu sheegay in guddiga joogtada aanu shirin mudo afar asbuuc ah, guddoonkana uu go’aan ka gaaro ajendaha, sidaa darteedna gudoomiye ku xigeenka labaad isaga uu marooqsaday awoodii golaha shacabka taas oo meel ka dhac ku ah xeerhoosaadka Golaha Shacabka iyo waajibaadka shaqo ee gudiyadu u idmanyihiin. Xildhibaan Mahad Salaad waxaa uu difaacay qoraalka guddiga maaliyadda isaga oo sheegay qoraaladii gudiga kasoo baxay uu saxiixay gudoomiyaha gudiga, sifo sharci ahna loogu soo gudbiyay guddoonka golaha, looguna soo daray ajandaha golaha, isla markaana faqrooyinka Gudoomiye ku xigeenka labaad soo daliishaday ee ku xusan qodobkaan ee ku jirtay hadal jeedintiisii lama xariiraan arimaha maaliyadeed ee si cad sharcigu u qeexay ee waa arimo uu ka lahaa dano siyaasadeed oo ujeedadeedu ahayd in meesha looga saaro warbixintii guddiga maaliyada. Mr. Salaad waxaa uu aflagaado ku tilmaamay hadalkii wasiirrada ka jeediyeen gola shacabka “Wasiiradii uu hadalka siiyay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha waxay Golaha hortiisa ku aflagaadeen xubnaha gudiga, iyaga oo gudiga ku sifeeyay erayo anshaxxumo ah, gefna ku ah sharafta iyo xasaanada Xildhibaanada. Iyaga oo iska indho tiraya cadeymaha iyo dokumentiyada guddiga maaliyadu hayo ee cadeynaya musuqmaasuq baahsan, ku tumasho sharciyada maamulka maaliyada dalka, ku xadgudub qaraaraadkii Golaha Shacabka iyo naasnuujin ka dhex jirta hay’adaha dowlada qaarkood oo ay ugu horeyso wasaarada maaliyada sida Hantidhowrka Qaranka soo cadeeyay kuna cad warbixinta gudiga maaliyada”. Ugu dambeyntii, Xildhibaan Mahad Salaad waxaa uu dalbaday in Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad tallaabo sharci ah laga qaado, uu raalli-gelin ka bixiyo hab-dhaqankiisa, sida uu uga tuntay xeerhoosaadka Golaha Shacabka iyo siyaasadeeynta shaqooyinka la xisaabtan iyo kor-joogtayn ee Gudiyada Golaha Shacabku u xilsaaranyihiin. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka: Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Muqdisho ku sugan oo soo gaaray taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa ugu sareeya Gen Thomas D. Waldhauser iyo saraakiil kale. Taliyaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay safiirka cusub ee Mareykanka u fadhiya magaalada Muqdisho iyo xubno kale oo ka tirsan safaaradda. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in taliyaha uu u yimid magaalada Muqdisho sidii uu ula kulmi lahaa madaxda kala duwan ee dalka, isaga oo kala hadlayo howgalka Mareykanka uu ka wado Soomaaliya. Taliyaha ayaa sheegay inay Muqdisho u yimaadeen sidii loo taageeri lahaa dowladda Soomaaliya oo dagaal adag kula jirto Al Shabaab iyo Daacish. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya laga taageerayo wax uu ugu magaca daray D3s oo ah Difaaca, Diblomaasiyadda iyo Horumarka. Taliska uu Hogaamiyo Gen Thomas D. Waldhauser ayaa duqeymo badan todobaadkaan ka geystay gobolka Mudug, waxaana ay sheegeen inay ku dileen duqeymihii ugu dambeeyay inka badan 40 dagaalyahan. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. 25 bishan November Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib usoo celiyay kooxdii dolwadda Hoose xamar ama Muqdisho city oo mudo fag ka maqneyd saaxada ciyaaraha waxaana magacan qaatay naadiga Banaadir SC oo ah ka mid aheyd kooxaha ugu weyn kubbadda cagta dalka sanadihii lasoo dhaafay hanatay ku guulaystay koobka kubbadda laga dhigay gudaha. Ciyaartooydii lagu aas aasay kooxda dowlada hoose xamar ayaa sanadihii lasoo dhaafay madaxdii soo martay maamulka Gobolka Banaadir ka codsaday in dib loo howl geliyo kooxda caasimada,iyagoo sheegay in ay diyaar u yihiin ay si dhaw ula shaqeyndoonaan maamulka,ciyaartooyda iyo tababarayaasha. Gudoomiyahay Gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow) ayaa bogaadiyay dadkii ka shaqeeyay arintan,isagoo dhanka kale balanqaaday in ay garab istaagidoonaan laacibitiinta iyo macalimiinta ku dheelay sharafka caasimada Muqdisho “Waa Alla mahadii waqti dheer ka dib in aan dib usoo celino kooxdii Dowlada Hoose Ee Muqdisho Waxaan diyaar u nahay garab istaagida dhalinyarada ku ciyaaraysa magaca Caasimada””waxaa sidaas Goobjoog u sheegtay gudoomiye ku xigeynka arimaha bushada Gobolka Banaadir Basma Caamir Jaketti. Isku soo wada duub Kooxda dowlada hoose ee Muqdishio ayaa horay u qaaday 3-jeer oo horyaal ah,2-jeer oo koobka jeneraal daa’uud,halka intii u dhaxaysay 1986-187 ay magac ahaan ku matashay xulka qaranka da’yarta kubbadda cagta Halkan Ka Daawo Waraysi Gaar Ah Oo Ay Basmo Caamir Siisay Goobjoog Sport W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo ka careysay baaqashada kulanka baarlamaanka oo maalintii labaad baaqday ayaa dacwad ka gudbiyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka. Qoraalka kasoo baxay xildhibaanada baarlamaanka lag shaaciyay inay ka dacwoonayaan baaqashada kulanka baarlamaanka inuu door ku leeyahay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in loo baahan yahay in arintaan Guddoonka baarlamaanka uu wax ka qabto. Hoos ka akhriso qoraalka xildhibaanada qaar ay soo saareen
  10. Kismaayo ( Sh. M. Network )-Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaani ayaa sheegay in maamulkiisu uu soo dhaweynayo War-Murtiyeedkii shalay ka soo baxay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Xirsi Jaamac Gaani ayaa xusay in ay muhiim tahay in wax weliba lagu dhameeyo is faham iyo tanaasul, si loo badbaadiyo dalka. Waxaana uu ugu baaqay Madaxda dowladda Soomaaliya in ay tix galiyaan dadaallada ay wadaan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/cod-soofeesane.mp3 The post Jubbaland Oo soo dhaweysay Go’aankii Golaha Aqalka Sare appeared first on Shabelle. View the full article
  11. (SLT-Hargeysa)-Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa waxaa ay saaka iskugu yeedheen warbaahinta dalka iyada oo la filaayo inay warbaahinta la hadlaan. Illaa hadda ma cadda arrimaha rasmiga ah ee guddida doorashooyinka ay ka hadli doono warbaahinta, balse warar u dhuun daloola Kominshanka ayaa sheegay in la filaayo in kominshanku ay saaka si rasmi ah u shaaciyaan in dib u dhac ku imanaayo wakhtigii hore loo qorsheeyey inay dalka ka qabsoomaan doorashooyinka golleyaasha Wakiilada iyo deegaanku. Hoggaanka xisbiyadda mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ayaa la filayaa inay si weyn uga soo horjeedaan go’aanka ay ku dhawaaqi doonaan komishanka doorashooyinku. Halkan si toos ah ugala soco wixii warar ah ka soo kordha. Source
  12. Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya,Xassan Cali Khayre ayaa xalay kormeer ku sameeyey qaar kamod ah waddooyinka uu maamulka gobolka Banaadir ka wado Howlaha Nadafadeed, wuxuuna qaybo ka mid ah meelihii uu booqday kula soo qaatay kulamo xog wareysi ah Qaar ka mid ah Bulshada Caasimadda, si uu u qiimeeyo isla markaana indhahiisa ugu arko sida ay u socdaan howlaha dardar galinta bilicda iyo nadaafada Caasimadda. Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya kormeerkaan uu ku tagey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka baandir ayaa yimid ka dib markii maamulka gobolka Banaadir uu tubta arrimaha bulshadda ku soo bandhigeen in ay socdaan howlo lagu xoojinayo nadaafadda iyo bilicda caasimadda oo dowladda Soomaaliya ahmiyad weyn siinayso si loo helo Caasimad bilic iyo amni leh. Wasiirku xigeenka wasaaadda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukumadda, Aadan Isaaq Cali oo warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa xusay in dowladda muhiimada weyn siinayso Bilicda caasimada isla markaana maamulka Gobolka banaadir uu hada bilaabey howl ballaran oo lagu suurta galinayo. Ra’iisul wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre oo kormeerkiisa ku guda jira ayaa kulamo is xogwareysi iyo kala warqaadasho ah waxa uu la qaatay dadkii ku caweynayey waddooyinka maagaladda , kuwaasi oo isugujira dhalinyaro,ganacsato iyo dadka degan. Dadkiii uu kula kulmay waddooyinka ayaa Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federalka Soomaaliya waydiinayey Su’aalo ka turjumayey dowladnimada iyo dal jaceylka,islamarkaana ku bogaadiyey in mar kasta ay noqdaan kuwa u taagan ilaalinta dowladnimada. Tani waxay dhalinyarada Soomaaliyeed u horseedaysaa in ay helaan mustaqbal wanaagsan oo ay kula tartamaan dadka asaagooda ah. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo xalay kormeeray qeyba kamid ah magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  13. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn diyaaradeed oo xalay diyaarado dagaal ka fuliyeen deegaan ku dhow deegaanka Goodirley ee gobolka Mudug, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan. Dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyey in dhowr gantaal ay diyaaradahan ku dhufteen saldhig weyn oo Al-shabaab ku lahaayeen halkaasi. Lama oga weli khasaaraha ka dhashay duqeyntan, balse waxaa jirta waxyeello soo gaartay dagaalyahanno Al-shabaab ka tirsan. 19-kii bishan ayeey ahayd markii isla deegaankan ay duqeyn ka fuliyeen diyaarado dagaal, iyadoo halkaasi ku dhinteen in ka badan 30 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Wasiirka wasaaradda difaaca ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Maxamed Cali Ammar Dambe ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog ku sheegay in dhowaan ciidanka xoogga dalka ay bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab. Waxa uu sheegay in la diyaariyey ciidamo loogu magac-daray badbaado Kow iyo Badbaado Laba oo uu tilmaamay in Al-shabaab ka saari doonaan Labada Shabelle. Wasiirka ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii ciidanka xoogga dalka oo isku filan ay ula dagaallami lahaayeen Al-shabaab, dalkana nabada uga dhigi lahaayeen. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Wasiir-Xasan-Cali-Amar-dambe-waxaan-diyaarinay-Ciidamo-la-dagaalama-Alsha.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay iney cambaareynayaan xarigga Wariye Nuur Ismaaciil oo in ka badan 7 cisho u xiran dowladda federaalka ah. Waxa uu sheegay xildhibaanka in sharci darro ay tahay qof muwaadin ah inuu xabsi ku jiro 24 saac ka badan maxkamad la’aan. Ka xildhibaanno ahaan ayuu sheegay iney arrintan dabageli doonaan, islamarkaana aysan aqbali doonin in qofka muwaadinka ah laga qaado karaamada. Xildhibaan Fiqi ayaa ugu baaqay cid walbo oo xarigga wariye Nuur ka dambeysay iney sii deyso. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Xildhibaan-Fiqi-Weriye-Nuur-Ismaaciil-Sheekh-waxa-uu-ku-xiran-yahay-sharci.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in xubno ka tirsan Kooxaha Al Shabaab iyo Daacish lagu qabtay xuduuda u dhaxeysa Mareykanka iyo Mexico, waxaana ku jira dhalinyaro Soomaali ah. 15 Xubnood oo ka tirsan labada kooxood ayaa dowladda Mareykanka waxay sheegtay in la qabray intii u dhaxeysay 2001 ilaa 2018, waxaana la sheegay in xubnahaasi ay dirsadeen labada urur oo dagaal kula jira danaha reer galbeedka ee caalamka. Dhalinyarada ayaa waxaa ku jiro Soomaali badan oo dalal kala duwan laga qabtay, waxaana kamid ah:- 1-Cabdulahi Shariif, Somalia, lagu xiray Alberta, Canada, September 2017, ka tirsan Daacish. 2-Ibrahim Qoordheere, Waa Somali, waxaa lagu xiray Costa Rica, March 2017,ka tirsan al-Shabaab 3-Abdullahi Cumar Fidse, Waa Somali, waxaa lagu xiray Sohdinta Mexico-Texas , June 2008, ka tirsan Al-shabaab 4-Maxamed Axmad Dhaqane, Waa Somali, waxaa lagu xiray sohdinta Mexico-Texas , October 2008, ka tirsan Al Itixaad Al Islaami . 5-Qof aan la magacaabin u dhashay Somalia , waxaa lagu xiray sohdinta Texas-Mexico, June 2014, ka tirsan al-Shabaab. 6- Qof aan la magacaabin, u dhashay Somalia, lagu xiray sohdint Mexico-California, May 2011, ka tirsan Al-shabab, Aabbihiis, Hooyadiis iyo Afar Carruur ah oo la dhalatay ayaa sidoo kale ku jira liiska Argagixisada isha lagu hayo. Sagaal ruux oo kale oo la sheegay inay u kala dhasheen dalalka Afghanistan,Lebanan, Pakistan, Sri Lankan iyo Bangladesh ayaa lagu qabtay xuduuda ay wadaagaan Mexico iyo Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimadad@live.com
  17. Geneva ( Sh. M. Network )-Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/naasir Saciid Muuse ayaa ka qeyb galay Shir weyne guud oo looga hadlayo ka hor-tagga Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa iyo siddii wax loogu qaban lahaa dadka Waxyeelada ay ka soo gaarto Qaraxyada. Shirkaan oo ka socda Magaaladda Geneva ee dalka Switzerland ayaa waxaa ka qeyb galay marka laga soo tago Wafdiga Soomaaliya ka socda Madax kala duwan oo ka kala yimid Wadamada Caalamka. Sidoo kale Shirkaasi ayaa waxaa ka qeyb galay Safiirka Dawladda Soomaaliya u fadhisa Dalka Switzerland Marwo Faadumo Insaani iyo Masuuliyiin kale oo Wafdiga Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Amniga uu hoggaaminayo qeyb ka ah. Shirkaan ayaa la filayaa in laga soo saaro Qodobo dhowr ah oo ku saabsan ka hor-tagga Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa iyo siddii wax loogu qaban lahaa dadka Waxyeelada ay ka soo gaarto Qaraxyada. The post Soomaaliya Oo ka qeyb gashay shir ka dhacay Switzerland appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka, Ururka NUSOJ iyo xisbiyo siyaasadeed ayaa dalbaday sii-deynta weriye todobaad ka badan u xiran ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Xildhibaan Saabir Shuuriye oo ah mudane ka tirsan guddiga warfaafinta iyo isgaarsiinta golaha shacabka ee BFS ayaa difaacay xuriyadda fikirka isaga oo dalbaday in la sii daayo wariye Nuur Ismacil Sheekh oo u xiran ciidamada ammaanka. Mudane Shuuriye oo arrintaas ka hadlaya waxaa qoraalkiisa ka mid ahaa “Anigoo ah mudane ka tirsan Guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Shacabka ee BFS waxaan welwel iyo walaac ka muujinayaa xadgudubka iyo caburinta xoriyatul qowlka xukuumaddu ku hayso warbaahinta madaxa bannaan iyo wariyaasha afkaartooda ku qora baraha bulshada sida ku cad Dastuurka Federaalka Soomaaliya Qoddobkiisa 18 aad faqradiisa (1), (2), (3) oo u qoran sidan. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho so bandhigo ra’yigiisa iyo in uu doono inuu helo oo gudbiyo ra’yigiisa, xog ama afkaar. Xoriyatul qowlku waxaa ka mid ah, xorriyada hadalka saxaafadda iyo wax walba oo soo gelaya warbaahinta elektarooniga ah. Xildhibaan Saabir waxaa uu dalbaday in si degdeg ah loo sii daayo weriyaha “Mar hadii sharciga dalka sidaas qorayo waxaan cod dheer ku leeyahay in si deg deg ah loo siiyo xoriyadiisa wariye Nuur Ismacil Sheekh kaas oo loo xiray fikirkiisa uu ku qoray baraha bulshada ilaa hadana aan la keenin maxkamad”. Dhankiisa, Xildhibaan Axmed Macalin fiqi ayaa sheegay in tifaftiraha Website-ka Shaaciye Nuur Ismacil Sheekh uu 9 cisho ku xiran yahay Muqdisho, isaga oo dalbaday in la sii-daayo. Xildhibaan Axmed Fiqi oo arrintaas ka hadalay““Haddii aan nahay xildhibaannada waxaa ay mas’uuliyad akhlaaqeed naga saaran tahay in aan ilaalino dadka loo awood sheegto, loogu awood sheegto iyaga oo cabiraya fikirkooda, ra’yigooda xorta ah, aragtidooda gaar ah, dalka ay ku noolyihiin iyo duruufta ay ku nool yihiin, dadkaas in la ilaaliyo waajib ayaa naga saaran, dadka aan golaha shacabka ugu jirno ayey ka mid yihiin”. Mudane Fiqi oo sii-hadlaya“ Waxaan cambaareyneynaa, in qofka dastuurka u siinayo, xaq qodobadiisa inuu si xor ra’yigiisa cabiro, si xor ah dadka meel isugu iman karaan, si xor mudaaharaadi karaan, iyada oo ra’yigooda cabira oo aan dhib, xoog iyo qarbudaad wadin, in qofkaas loogu awood sheegto in ciidamaddii aammaanka loo diro, la yiraahdo hala soo qabto, xuriyaddiisa laga qaado, ehellkiisa, caruurtiisa xaqa uu u lahaa in la noolaado, waalidkii inuu u shaqeeyo xaqa uu u lahaa in xabsi la geliyey, arrintaasi waa cambaareyneynaa, arrin ku jirto dastuurka iyo shuruucda dalka ma aha, waa wax waqtiyo hore la soo miin guuriyey waaye, qof caqligiisa ku jirto qofka xorta ah la la caburiyo, waqti kale oo la soo gudbey ayuu ku nool yahay”, isaga oo ugu dambeyntii ku baaqay in cid walbo oo heysata iska soo deyso, xuriyaddana aan la xiri karin. Dhinaca kale, xisbiga Wadajir ayaa cambaareeyey xariga weriyaha iyaga oo ku sheegay isku day kale oo xuriyadda hadalka iyo ra’yiga lagu caburinayo, af qabasho iyo xadgudub qaawan oo dastuurka lagu sameynayo. Wadajir waxaa uu dhaqan kali talis ah ku tilmaamay xarigga sharci darrada ah ee weriyeyaasha, caburinta iyo cagajugleynta joogtada ah iyaga oo ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo weriye Nuur. Horay waxaa sii-deynta weriyaha u dalbaday ururka saxafiyiinta Soomaaliya ee NUSOJ. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Ceerigaabo)-Waftigii uu hoggaaminaayey madaxweynaha Somaliland oo muddo laba maalmood ah ku sugnaa magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobalka Sanaag ayaa saaka ka soo ambabaxay Magaalada Ceerigaabo. Waftiga Madaxweynaha ayaan u bixin bariga gobalka Sanaag oo dadku is weydiinaayeen in uu madaxweynuhu tagi doono, iyada maamulka Puntland uu faro-galin ka wado. Dad badan oo ay ka mid waxgaradka iyo xildhibaannada laga soo doorto bariga gobolka Sanaag ayaa waxa ay tuhun ka qabeen in aanu Madaxweynuhu booqan doonin bariga gobolka Sanaag, iyada arrintaasi ay fadeexad ku tahay safarka madaxweynaha. Waxaana waftigu ay dib ugu soo noqdeen waddada Ceerigaabo Burco illaa iyada oo la filaayo inuu madaxweynuhu dib ugu soo noqdey magaalada Hargeysa safarkiisii bariga na uu sidaas u soo gabo-gabeeyo. Source
  20. Buulo-Burte ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay Al Shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen in sarkaal ka tirsanaa Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku dileen laba qarax oo ka dhacay degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in sarkaal kale oo qaabilsanaa dhinaca Miino baarista ay ku dhaawaceen qaraxyadaasi oo ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee degmadaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka AMISOM oo ku aadan qaraxaasi. Dhinaca kale taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Maxamed Axmed Tareedisho ayaa ka warbixiyay howlgallada ka socda gobolka Hiiraan. Taliye Tareedisho ayaa sheegay in howlgalkii ugu dambeeyay oo ka dhacay nawaaxiga degmada Maxaas ay ku soo furteen Saanad Milatari. Waxaana uu intaasi ku daraya in howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ay sii socon doonaan, tan iyo inta Al Shabaab laga saarayo guud ahaan gobolkaasi. Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa todobaadyadii la soo dhaafay howlgallo Milatari ka waday gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. The post Sarkaal ka tirsanaa AMISOM Oo lagu dilay gobolka Hiiraan appeared first on Shabelle. View the full article
  21. (SLT-Hargeysa)-Habeenkii xalay aheyd waxaa gubatey warshada Daamurka ee Hargeysa ee uu leeyahay Ganacsade Cumaani taas oo ku dhex taalla xayn daabka Madaarka Cigaal ee Magaalada Hargeysa. Waxaa dabkaasi u soo gurmay ciidanka dabdamiska Somaliland isla markaana bakhtiiyey, Halkan Hoose Ka Daawo Source
  22. Wararkq ka imaanayaa koonfurta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay duqeyn diyaaradeed lagu garaacay tuulada Goodirleey oo u dhow degaanka Caadka ee ka tirsan degmada Xarardheere. Duqeynta ayaa si gaar ah loogu beegsaday xarun ciidan oo malayshiyaadka Al-shabaab ay ku leeyihiin tuulada Goodirleey,sida laga soo xigtay qaar kamid ah dadka degaanka. Sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay wararka sheegaya duqeynta,balse faahfaahin dheeri ah kama sii bixin. Waxaa adag in la ogaado khasaaraha ka dhashay duqeynta,maadaama ay yartahay xogta laga heli karo degaankaasi oo Al-shabaab ka taliso. Maalmahan dambe waxaa soo banayaa duqeymaha dhanka cirka ah ee lagu garaacayo nawaaxiga degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug,kuwaasoo la sheegayo in geysanayan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladda Maraykanka. PUNTLAND POST The post Duqeyn laga soo sheegayo degaanno ka tirsan gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  23. Xarardheere ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa ku warramaya in Xalay Diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxa ay ka dhacday inta u dhexeysa deegaanka Caad iyo degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Wararka ayaa sheegaya in deegaanada la duqeeyay ay fariisimo ku leeyihiin Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntaasi, lamana oga Diyaaradaha dagaal ee fuliyay. Dhawaan ayey aheyd markii Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeyn dhinaca cirka ah ay ka fuyliyeen qeybo ka mid ah gobolka Mudug. The post Diyaarado dagaal Oo duqeyn ka fuliyay gobolka Mudug appeared first on Shabelle. View the full article
  24. (SLT-Nairobi)-Siyaasyiinta dalka Kenya ayaa ku qasban inay meelmariyaan hindise sharciyeed ogolaanaya in dumarka baarlaamanka ku jira ay noqdaan saddex melood labo haddii aan sidaas layeelinna uu dalku halis ugu jiro in uu galo qalalaase dastuur, sida ay ku hanjabeen xildhibaannada taageersan biilkaas. Inkastoo dastuurkii Kenya ee la ansixiyay sannadkii 2010kii uu dhigayo in jinsi qudh ah uusan noqon karin saddex meeloodoow labo ka mid ah wax kaste oo xubnaheeda la soo doorto ama la magacaabo, dumarka ayaa 22 xubnood hadda ku leh Aqalka Hoose ee baarlamaanka halka Aqalka sarana ay ku leeyihiin 31 xubnood. Tan iyo sannadkii 2012 Maxkammadaha dalka Kenya ayaa ku amray baarlamaanka inay meelmariyaan hindise sharciyeedka jinsiyadda ama barlamaanku uu halis u gali doono in la kala diro. Dadaalada lagu meel marinayo sharcigan ayaana miro dhali waayay. Hadii barlamaanka la kala diro, waxaa lagu qasbanyahay in doorasho guud la qabto iyadoo dalka Kenya sannadkii aynu soo dhaafnay ay ka dhacday doorashooyiin rabshado ay harereeyeen. Maanta oo Arbaco ah ayaa la filaya in baarlamaanka uu cod u qaado hindise sharciyeedka jinsiyadda, waxaana tallaabadan si dhaw ula socda shacabka Kenya oo ku rajo weyn in arrintan muranka badan dhalisay lasoo afjaro. Maxkammada sare ayaa sannadkii 2017-kii sheegtay in Gudoomiyaha Maxkamadda sare laga codsan karo in uu Madaxweynaha kula taliyo in barlamaanka la kala diro hadii sharcigan la aansixin waayo. Qoondada dumarka ku jira barlamaanka Kenya ayaa aad u hoosaysa marka la barbardhigo dalalka ku yaala bariga Afrika sidda Ethiopia. Sudan, Burundi iyo Rwanda sida ku cad ururka ay ku mideeysanyihiin barlamaanada caalamka. Hindisahan waxaa taageero u muujiyay Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga halka tiro badan oo ka mid ah xilidhibaannadana ay cadeyeen in ay garab istaagi doonaan. Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionMadaxweyne Uhuru Kenyatta oo khudbad u jeedinaya baarlamaanka Balse hindisahan ayaa sidoo kale wajahaya iska caabin adag oo waxaa laga cabsi qabaa in lagu guuldareysto sababo la xiriira in loo waayo taageeradii loo baahnaa. “way adagtahay in taageero loo helo laakin waxaa gacan nagu siiyay hogaamiyeyaasha xisbiyadda sidda Madaxweynaha iyo hogaamiyaha mucaaradka oo dhamaantood la hadlay xildhibaannadooda si ay ugu sheegan halista dalka uu wajihi karo hadii la ansixin waayo qoondada haweenka,” ayay tiri Safiya Cabdi Nuur oo ah xildhibaanad laga soo doorto deegaanka Ijaara oo BBC-da la hadashay. Safiya ayaa sidoo kale sheegtay in ragga baarlamaanka ku jira ee ka soo horjeeda hindisahan ay ku doodayaan in dumarka ay helayaan kuraas aysan u tartamin waxaa kale oo ay sheegeen in hogaamiyeyasha xisbiyadda ay fursadan u adeegsan karaan inay ku soo magacaabaan qaraabadooda iyaga oo ka duulaya qoondada haweenka. Haddii hindisahan la meel mariyo wuxuu dhaqan geli doonaa doorashadda soo socota, waxayna ku qasbi doonta canshuur bixiyeyaasha in ay dhiibaan mushaharaadka iyo gunooyiinka xubnaha cusub ee baarlamaanka. Source
  25. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa xalay kormeer ku sameeyey Waddooyinka maamulka Gobolka Banaadir uu ka wado Howlaha Nadafadeed,isagoo qaybo ka mid ah Magaaladda kulamo xog wareysi ah kula soo qaatay Qaar ka mid ah Bulshada Caasimadda, si uu u qiimeeyo isla markaana in dhahiisa ugu arko sida ay u socdaan howlaha dar dar galinta bilicda iyo nadafadda Caasimadda. Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre kormeerkaan uu ku tagey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka baandir ayaa yimid ka dib markii maamulka gobolka Banaadir uu tubta arrimaha bulshadda ku soo bandhigeen in ay socdaan howlo lagu xoojinayo Nadaafadda iyo bilicda caasimadda oo dowladda Soomaaliya ahmiyad weyn siinayso si loo helo Caasimad bilic iyo amni leh. Wasiirku xigeenka wasaaadda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiis ee xukumadd Adan ISaaq Cali oo warbaahinta qaran la hadlay ayaan xusay in dowladda muhiimada weyn siinayso Bilicda caasimada isla markaana maamulka Gobolka banaadir uu hada bilaabey howl ballaran oo lagu suurta galinayo. Ra’iisul wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre oo kormeerkiisa ku guda jira ayaa kulamo is xogwareysi iyo kala warqaadasho ah waxa uu la qaatay dadkii ku caweynayey waddooyinka maagaladda , kuwaasi oo isugujira dhalinyaro,ganacsato iyo dadka degan. Dadkiii uu kula kulmay waddooyinka ayaa Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federalka Soomaaliya waydiinayey Su’aalo ka turjumayey dowladnimada iyo dal jaceylka,kuwaasi oo uu si Caadi ah kuna bogaadiyey in mar kasta ay noqdaan kuwa ku tagan ilaalinta dowladnimada , taa oo horseedaysa in ay helaan mustaqbal wanaagsan ee ay kula tartamaan dadka asaagooda ah. The post Khayre Oo xalay kormeeray qeybo ka mid ah Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article