-
Content Count
215,327 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Canada)-Baarlamaanka dalka Canada ayaa ansixiyay in loo oggolaado soo galooti ka badan hal malyan oo ruux inay yimaadaan wadankeeda saddexda sano ee soo socota. Tiradan oo ah ku dhowaad boqolkiiba hal dadka ku nool wadanka Canada ayaa dad kabadan 286,000 waxa ay dowlada Canada siisay sharci sanadkii 2017ka waxaana la filayaa in dad gaaraya 350,000 ay sharci degenaansho helaan sanadkan. “Waan u mahadcelinaynaa tirada dadka badan ee soo galootiga ah ee dalkeena imanaya, waxayna taas ka dhigtey wadankeena inuu noqdo mid awood leh oo aan ku faraxno.”ayuu yidhi Axmed Xuseen oo ah Wasiirka u qaabilsan soo galootiga iyo qaxootiga dalka Canada. Axmed Xuseen oo laftiisa qaxootinimo ku tegey dalka Canada asalkiisuna yahay Somali ayaa aaminsan in dadka badan ee imanaya dalka Canada ay gacan ka geysanayaan horumarka wadankaas oo dadkiisu sii gaboobayaan isla markaana ay hoos u dhacday carruurta ku dhalaynaysa wadankaas. Mowqifka ay qaadatay dalka Canada ayaa ah mid aad ugaga duwan tan dowlada Maraykanka iyo inta badan wadamada reer galbeedka oo haatan albaabada ka xirtey soo galootiga u badan kuwa ka soo cararaya qaarada Afrika iyo wadamo kale. Dalka Canada ayaa ogolaaday in uu qaxootinimo siiyo gabar u dhalatay dalka Sacudi Carabiya Rahaf al Qanun oo waalidkeed ka soo carartay laguna qabtay magaalada Bangkok ee dalka Thailand. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) oo ka tirsan ciidammada dawladda Soomaaliya ayaa loo heysta in uu dil badheedh ah u geystay Marxuum Dayax Iimaan Xasan 21-ka bishii sagaalaad 2018, dilkaasi oo ka dhacay aga-gaarka Seybiyaano degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho. Ciidammada amniga ayaa soo qabtay Eedeysanaha, waxaana lagu wareejiyay Hey’adaha Baadhista. Marxuum Dayax Iimaan Xasan ayaa ahaa wiil dhallinyara ah, waxa uu sidoo kale ahaa wade gaadhi raaxo isagoo sidoo kale soo dhameeyay heerka wax barashada koowaad ee jaamacadda Plasma,waxaana sidoo kale uu ka Shaqeynayey waaxda farsamada dhulka ee Dowladda hoose ee Xamar. Iyadoo jimco ay tahay xilliyadii salaadda kadib ayuu sababsaday qorey Dhasiika ah uu gacantiisa ku riday sida uu sheegtay Laba xidigle xoogga dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud). Eeda Kumbud ayaa lagu soo wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Xilligaasi waxa ayna codsadeen Xafiiska in garsoorka ay ku hayaan xabsiga dhexe gar-suge ahaan. Muddo baadhistooda kadib ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Laba xidigle xoogga dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud), waxa ayna Maxkamadda aqbashay in la muddeeyo 10-ka Bishii 12-aad ee sanadkii tegay. Sedax Cishe kadib ayay bilaabatay Maxkamadeynta Kumbud, waxaana dhageysiga dacwadda u dhammaa dhinacyada dacwadda la isku ballamiyay in markale dib la isugu soo noqdo. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla xilligaasi xooraansi dheeraad ah ugu jiray dhacdada sidii loogu dhameystiri lahaa dambi muujinada eedeysanaha, waxa ayna sidoo kale fadhigii labaad la yimaadeen oo aheyd laba todobaad kadib cadeyma dheeri ah sida Sawirka Marxuumka, Warqadda Dhakhtarka ku cadeeyay dhimashada Marxuumka iyo markaatiyaal shan ah oo ay qaarkood wada saarnaayeen gaariga eedeysanaha la maxkamadeeyay ee Kumbud. Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Side ayaa fadhiga ka sheegay in eedeysanaha uu u adeegsaday qori Dhashiika ah meel ciriiri badan ka jiro balse qoriga loogu tala galay furumaha dagaalka. Laba xidigle xoogga dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) ayaa sheegay in u jeedkiisu ahaa sidii uu u furi lahaa waddada oo aheyd Baarta jaadka halka loo yaqaano xilligaasi oo ay saxmad ka jirtay balse lagu war geliyay in ay sabatay xabadii uu riday dhimashada Marxuum Dayax Iimaan Xasan. Qareenada ayaa ku dooday in loo naxariisto sarkaalka loona fududeeyo xukunka maadama uu goobta fal ka dhacay ay aheyd goob Saxmad ah. Ugu dambeyn maanta ayaa go’aan laga gaaray, waxaana lagu xukumay eedeysane Ex, Laba xidigle xoogga dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) dil toogasha ah oo ah qisaastii Marxuum Dayax Iimaan Xasan, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Maxkamadda Ciidamada ayaa horay digniin uga dirtay in aan lagu xad gudbin muwaadiniinta isaga kala goosha magaalada, waxa ayna sheegtay in ciddii geysata dil ku tala gal ah aan looga waaban doonin sharciga. Sarkaal xukunsanaha ah ayaa heysta fursad kale uu uga qaadan karo rafcaan Xukunka Maxkmadda Darajada koowaad. Source
-
(SLT-Ottawa)-Haweeney Sucuudiga u dhalatay oo qoyskeeda isaga soo carartay kuna xayirantay gagida diyaaradaha ee Bangkok ayaa haatan waxa ay u duulaysaa dalka Canada si ay magangalyo halkaas u waydiisato, waxaa sidaasi sheegay saraakiisha Thailand. Raxaf Maxamed al-Qunun, oo ah 18-jir ayaa Isniintii diidday inay raacdo diyaarad ka kicitimi laheyd Bangkok oo tegi laheyd Kuwayt, waxa ayna isku soo xirtay qol ay ka deganayd hoteel ku yaal garoonka diyaaradaha oo u kiraysnaa. Waxa ay sheegtay inay isaga baxday diinta Islaamka, taas oo ciqaabteeda gudaha Sucuudi Carabiya ay tahay dil. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa waxa ay sheegtay in gabadhiisa ay tahay qaxooti dhab ah. Saraakiisha socdaalka ee Thailand ayaa bilowgii hore sheegay in gabadhaasi ay tahay inay dib ugu laabato Kuwayt, halkaas oo ay qoyskeeda ku sugayaan. Kaddib waxa ay baraha bulshada ka bilowday olole, waxa ay barta Twitterka si toos ah u soo dhigaysay farriimo ay kaga hadlayso kiiskeeda sidoo kalana ay ku soo jiidanayso indhaha caalamka. Caadiyan dowladaha ayaa qofka u aqoonsada inuu qaxooti yahay hasayeeshee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sidoo kale qofka siin karta heerka qaxootinimada “waa marka aanan qofka la siin ama laga cagajiido heerkiisa qaxootinimada”, sida lagu sheegay barta internetka ay hay’addaasi ku leedahay. Saraakiisha socdaalka ee Thailand ayaa waxa ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen in Canada ay “gabadha siisay magangalyo”, hasayeeshee saraakiisha Canada ayaa BBC-da u sheegay in aanay “haatan hayn” wax ay arrintaasi ku xaqiijin karaan. Source
-
(SLT-Restunburg)-Koox burcad Koonfur Afikan ah ayaa xalay Magaalada Restunburg ee dilkaasi waxa ay weerar isugu jiray dil iyo dhaawac ugu geysteen Muwaadiniin Soomaali ah oo kamid ah dadka ganacsiga ku leh dalkaasi. Kooxda Burcada ah ayaa Muwaadiniinta Soomaali ah waxa ay ugu tageen goob ganacsi oo ay ku lahaayeen dalka Koonfur Afrika,isla markaana u geystay weerar isugu jiray Dil iyo dhaawac. Gudoomiyihii hore ee Restunburg Abdirahman Shekh Ukun oo xiliga weerar uu ka dhacayay ku sugnaa goobta ayaa xaqiijiyay inay weerarkaasi ku geeriyoodeen Muwaadintiinta lagu kala magacaabi jiray Ceydaruus Maxamed Abuukar iyo Cabdullaahi Maxamuud,halka midka la dhaawacay lagu magacaabo Cali Cusmaan Malaaq. Bishan Janaayo 7 ayaa ganacsade Soomaaliyeed oo caan ah lagu dilay magaalada Capte Town, waxaana isla goobtii looga dhacay lacag gaareeysay 500,000 Rand (US $36,000). Dalka Koonfur Afrika ayaa inta badan waxaa lagu dilaa Ganacsatada Soomaaliyeed,waana dilkii labaad ee laba todobaad gudahood dalka Koonfur Afrika loogu geysto Ganacsatada Soomaalida ah. Source
-
Muqdisho (PP) ─ Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in Dowladda Somalia ay billowday dhaqan cusub oo lagu beegsanayo dadka ka fikirka duwan. Xildhibaanka ayaa sheegay inay madaxda Dowladda Federaalka ah ee hadda jirta ay la yimaadeen dhaqan ay ku ceebeynayaan siyaasiyiinta ka aragtida duwan, isgaoo xusay inay kasoo hor-jeedaan in Qaladaadkooda loo sheego. Sidoo kale, wuxuu sheegay in Dowladihii ka horreeyay dowladda hadda jirta, aysan dhaqamadaan ku dhaqmi jirin, ayna tahay wax laga xumaado in DF ay weerar toos ah iyo mid sharaf dil ahba ku qaado dadka ka aragtida duwan. Faarax C/qaadir ayaa sheegay in mucaaradnimadu aysan ahayn in qofka mucaaradka ah uu doonayo in dalka uu dumiyo, balse Dowladda ay doonayso inay sidaas ka dhigto oo qofkii ka aragti duwan ka dhigaan qof dalka duminayo. Xildhibaan Faarax oo keliya ma ahana siyaasiyiinta qaba in dowladda dhexe ee hadda jirta ay doonayso inay caburiso cid walba oo kasoo horjeeda, balse waxaa qaba siyaasiyiin kale oo qaarkood aan mucaarad ku ahayn Dowladda hadda jirta. Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa inta badan Dowladda hadda jirta ku eedeeya inay caburiso siyaasiyiinta ka aragtida duwan, dhaqankaas oo uu ku sheegay mid aan dan u ahayn dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Madaxda Dowladda Somalia ayaa ku caburiya siyaasiyiinta ka soo horjeeda qaabab kala duwan, iyagoo caburintooda qaarkeed u mara inay siyaasiyiinta ku ceebeeyaan Social Media-ha oo ay uga shaqeeyaan tiro ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed si ay u difaacaan qaladaadka Dowladda. DHAGEYSO: Hadalka uu jeediyay Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/01/DHAGEYSO-Xildhibaan-Faarax-Sheekh.mp3 PUNTLAND POST The post Xildhibaan si kulul u Cambaareeyay Dhaqan cusub oo uu sheegay inay la timid DF Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Laba xidigle Xoogga dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) ayaa loo heysta in uu dil bareer ah u geystay Marxuum Dayax Iimaan Xasan 21-ka bishii sagaalaad 2018, dilkaasi oo ka dhacay aga-gaarka Seybiyaano degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho. Ciidamada amniga ayaa soo qabtay Eedeysanaha, waxaana lagu wareejiyay Hey’adaha Baarista. Marxuum Dayax Iimaan Xasan ayaa ahaa wiil dhallinyara ah, waxa uu sidoo kale ahaa wade gaari raaxo isagoo sidoo kale soo dhameeyay heerka wax barashada koowaad ee jaamacadda Plasma. Iyadoo jimco ay tahay xilliyadii salaadda kadib ayuu sababsaday qorey Dhasiika ah uu gacantiisa ku riday sida uu sheegtay Laba xidigle xoogga dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud). Eeda Kumbud ayaa lagu soo wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Xilligaasi waxa ayna codsadeen Xafiiska in garsoorka ay ku hayaan xabsiga dhexe gar-suge ahaan. Muddo baaristooda kadib ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Laba xidigle xoogga dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud), waxa ayna Maxkamadda aqbashay in la muddeeyo 10-ka Bishii 12-aad ee sanadkii tegay. Sedax Cishe kadib ayay bilaabatay Maxkamadeynta Kumbud, waxaana dhageysiga dacwadda u dhammaa dhinacyada dacwadda la isku ballamiyay in markale dib la isugu soo noqdo. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla xilligaasi xooraansi dheeraad ah ugu jiray dhacdada sidii loogu dhameystiri lahaa dambi muujinada eedeysanaha, waxa ayna sidoo kale fadhigii labaad la yimaadeen oo aheyd laba todobaad kadib cadeyma dheeri ah sida Sawirka Marxuumka, Warqadda Dhakhtarka ku cadeeyay dhimashada Marxuumka iyo markaatiyaal shan ah oo ay qaarkood wada saarnaayeen gaariga eedeysanaha la maxkamadeeyay ee Kumbud. Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Side ayaa fadhiga ka sheegay in eedeysanaha uu u adeegsaday qori Dhashiika ah meel ciriiri badan ka jiro balse qoriga loogu tala galay furumaha dagaalka. Laba xidigle xoogga dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) ayaa sheegay in u jeedkiisu ahaa sidii uu u furi lahaa waddada oo aheyd Baarta jaadka halka loo yaqaano xilligaasi oo ay saxmad ka jirtay balse lagu war geliyay in ay sabatay xabadii uu riday dhimashada Marxuum Dayax Iimaan Xasan. Qareenada ayaa ku dooday in loo naxariisto sarkaalka loona fududeeyo xukunka maadama uu goobta fal ka dhacay ay aheyd goob Saxmad ah. Ugu dambeyn maanta ayaa go’aan laga gaaray, waxaana lagu xukumay eedeysane Ex, Laba xidigle xoogga dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) dil toogasha ah oo ah qisaastii Marxuum Dayax Iimaan Xasan, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Maxkamadda Ciidamada ayaa horay digniin uga dirtay in aan lagu xad gudbin muwaadiniinta isaga kala goosha magaalada, waxa ayna sheegtay in ciddii geysata dil ku tala gal ah aan looga waaban doonin sharciga. Sarkaal xukunsanaha ah ayaa heysta fursad kale uu uga qaadan karo rafcaan Xukunka Maxkmadda Darajada koowaad. The post Maxkamadda CQS Oo Xukuntay Sarkaal dilay qof shacab ah appeared first on Shabelle. View the full article
-
Mudane Madaxweyne, Marka hore, waxaan hambalyo u dirayaa shacabka Soomaaliyeed ee Reer Puntland dhalashada dowladda cusub, adiga iyo Madaxweyne ku-xigeenkaaga Md. Madaxweyne Axmed Cilmi Cismaan. Sidoo kale waxaan hambalyo iyo amaan u dirayaa Madaxweynaha xilka ka-dagaya Md. Madaxweyne Cabduweli Maxamed Cali iyo dowladiisa oo suuragaliyey inay qabsoonto doorasho si amni ah u dhacday oo soo jiidatay indhaha Soomaalida iyo kuwa caalamka. Hambalyo. Waxaad tahay qof xog ogaal ah oo aan u baahnayn in looga waramo sooyaalka dalka Puntland, wixii la soo maray, halka loo socdo iyo guud ahaan khataraha ku hareeraysan dalka iyo gaar ahaan siyaasadiisa oo ay ugu horeeyaan duruufaha dhaqaale, amniga, qaybo ka mid ah shacabkeena oo Puntland yara saluugsan, siyaasada guud ee Soomaaliya iyo isbadalka dhacay Gobolka Geeska Afrika. Haddaba, waxaan halkaan kusoo koobayaa dhowr arrimood (Key issues to be addressed) oo aan kugula talinayo inaad xooga saartid si dowladaadu u guulaysato, dalku u xasilo maamulkuna u wacnaado. Kama hadli doono arrimaha iyo adeegyada muhiimka ah ee ay dadweynuhu gacanta ku hayaan: Amniga: Inaad dib-u-eegis deg deg ah ku samaysid Hay’adaha Amniga Puntland oo ciidamada dalka loo diyaariyo hanaan ciidan oo caaqibo leh, kuwaas oo ka madaxbanaan siyaasadda iyo qabiilka labadaba. Puntland waxay u baahantahay in ciidamadeeda Daraawiishta, Booliska iyo Nabad-sugida boorka laga jafo, la tayeeyo, laguna qalabeeyo hub iyo qalab ay dowladu leedadahay si ay uga adkaadaan amniga gudaha iyo difaaca dalka. Haddii ay dowladu dhisto ciidamo dowladeed oo loo dhanyahay waxaa si fudud looga maarmi doonaa ciidamada ku dhisan habka beelaha, waxaa la aamini doonaa ciidanka dowlada, dowladuna waxay si fudud ula wareegi kartaa hubka ku jira gacanta dadweynaha (disarmament). Arrimaha SSC: Waxaan ku talinayaa in dowladu ay xil gaar ah iska saarto sugida soohdimaha dastuuriga ah ee Puntland. Muddo 12 sano ah ayey dadkaasi cadiban yihiin. Sow Madaxweyne Ku-xigeenka uma xilsaari kartid inuu ka shaqeeyo arrimaha Gobolada SSC? Iyadoo dowladu taakulaynayso calaf iyo ciidanba, muddana (waqti) loo qabanayo. Wixii arrimo farsamo ama bulsho la xiriira waxaan rumaysanahay in dowladu kaashato cuqaasha Gobolka, Culimada, Aqoonyahanka, Ganacsatada SSC iyo Siyaasiyiinta miisaanka leh ee Gobolkaas ka soo jeeda. Dhaqaalaha: Madaxweyne, waxaan ku talinayaa in dakhliga dowlada kor loo qaado sida ugu wanaagsan ee loo horumarin karo canshuuraha dalka. Arrimaha xasaasiga ah waxaa ka mid ah kharashaad aan muhiim ahayn oo dowladu isticmaasho iyo musuqmaasuqa oo noqday wax iska caadi ah oo Hay’adaha dowladu dhiigoodu la shaqeeyo. Si ay dowladu isku kabto waxaan ku talinayaa in arrintaan il-gaara lagu eego. Intaas kuma koobna ee waxaa lagaa sugayaa dhiirigalinta maalgashiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinyarada. Horumarinta Dowladaha Hoose: Madaxweyne, Puntland waxaa ku midoobay 20 degmo oo ah kuwii ay ka dhacday dowladii hore ee dhexe ee Milateriga ahayd (pre-1991 districts), badankoodu waxay leeyihiin goleyaal deegaan; kuwo si dhab ah u shaqeeya iyo kuwo u baahan in la carbiyo lagana shaqaysiiyo. Haddaba, waxaan ku talinayaa in la tayeeyo maamulka degmooyinka dowladuna maamulka daadajiso (decentralization) si adeega dadweynuhu u hirgalo isla xisaabtankuna u fududaado. Waxaan soo jeedinayaa in maamulka heer Gobol laga maarmo oo loo gudbo in maamulka heer degmo ee Goleyaasha Deegaanku ugu sareeyaan la qaato (County System) si la mid ah nidaamka maamul daadajineed ee ay dowlada Kenya qaadatay. 20 Degmo oo is maamula, canshuur qaada, adeeg bixin kara oo mid waliba ay si toos ah u hoos timaado Wasaarada Arrimaha Gudaha. Waxaa xisaabta iigu jira sidee laga yeelayaa Degmooyinka tirada badan ee ay Puntland magacowday? Jawaabtu waa ii fududahay; kuwaas waxaa loo aqoonsan doonaa Degmo Hoosaad (Sub-district) ma yeelanayaan Gole Deegaan oo waxaa xukumaya Golaha Deegaanka ee Degmadii hore, Tusaale ahaan Carmo waxaa xukumaya Golaha Deegaanka Boosaaso, Godob-jiiraan waxaa xukumaysa Eyl, Xarfo-na Gaalkacyo. Doorashooyin Dadweyne: Madaxweyne, labo dowladood oo kaa horeeyey kuma guulaysan inay hirgaliyaan in shacabku wax doortaan. Waxaan kusoo jeedinayaa inaad waqti hore bilowdo waxaanna kuu nasiib wanaag ah in Guddigii Doorashooyinka uu dhisanyahay. Arrimaha Federalka: Waxaan rumaysanahay inaad aad uga dharagsantahay waxa ay salka ku hayaan arrimaha xasaasiga ah ee u dhexeeya Dowladaha Federal-ka iyo Dowlada Dhexe (Awoodaha, Arrimaha Dastuurka, Kheyraadka, Dhisida Ciidanka Qaranka), Puntland waxay kaa rabtaa inay kaalinteeda iyo miisaakeedaba yeelato adiga oo xisaabta ku darsanaya inay Puntland fursado badan uga lumeen khilaafyadii la soo maray. Doorashooyinka Qaranka ee 2020: Madaxweyne waxaan ku xasuusinayaa in doorashooyinka 2020 ay howshooda wataan. Puntland iyo DFS waxay 2012-kii Garowe ku saxiixeen inaan hanaanka 4.5 dib loogu laaban doonin, mar kale 2016-kii ayey haddana kala saxiixdeen. Haddii xataa la gaari waayo doorasho dadweyne waa in la helaa qaab kale oo deegaan ku salaysan oo looga gudbi karo hanaanka beelaha ee 4.5. Heshiisyada lakala saxiixday waxaa markhaati ka ahaa Beesha Caalamka oo ay ku jiraan kuwo damaanad qaaday in heshiisku fulo. Dhulka: Madaxweyne dhulka Puntland gabi ahaanba wuxuu u cabiranyahay shacabka, deegaankii waa lagu ciyaaray, meel walba waxaa laga dhisay tuulo iyo waab. Waxaan ku talinayaa in dowladaadu xooga saarto in dhulku gacanta dowlada kusoo laabto. Qodobada aanan ka hadlin ee muhiimka ah sida guud ahaan adeegyada bulshada, waxaa gacanta ku haya dadweynaha, dowladaada waxaa laga rabaa inay dhiiri galiso in si tayo leh loo maalgaliyo dalka gaar ahaan caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo ganacsiga balaaran ee horseedi kara shaqo abuurka. Qodobada aanan ka hadlin macnuhu maahan in dowladu gacmaha ka laabato ee waxaan ku fakaray in amniga iyo dowladnimoda salka loo dhigo marka hore. Mahadsanid Rooble Dahir roble.dahir@gmail.com The post Warqad Furan: Talo iyo Tusaale Madaxweynaha la doortay ee Puntland, 2019. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Faarax Sheikh C/qaadir oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa ka hadlay hab dhaqan cusub oo uu sheegay inay lasoo baxeen madaxda dowladda Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay la timid dhaqan cusub oo ay u alifeen xubnaha ka aragti duwan, isaga oo sheegay inay cambaareeyaan xubnaha mucaaradka ah. Sidoo kale wuxuu sheegay in dhaqanka ah in la weeraro mucaaradka dowladda inay la yimaadeen madaxda xukuumadda taasina ay tahay dhaqan cusub oo aan looga baran xukuumadihii hore. Xildhibaanka wuxuu sheegay in dowladihii dalka Soomaaliya ay si wanaagsan ula dhaqmi jireen kooxaha mucaaradka, balse hadda dhibaato ay qabaan mucaaradka, isaga oo tusaale usoo qaatay weerarida mucaaradka. Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay bartilmaameydsiga siyaasiyiinta iyo sharaf dilka uu sheegay in hadda lagu bilaabay qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed. Hoos ka dhageyso codka xildhibaanka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/qqqqqqqq.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Puntland Post ayaa ogaatay in kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari ay ku muransan yihiin,baahinta muuqaal laga duubay dad ay ku laayeen gudaha magaalada Boosaaso. Madaxda sare ee kooxda Daacish ayaa isku’ khilaafsan, in ay soo bandhigaan muuqaalkan oo ay ka duubeen,dilka ganacsato iyo saraakiil ka tirsan laamaha canshuuraha Boosaaso,sida ay xogtani sheegayso. Xubno ka tirsan Daacish ayaa go’aansaday in ay muuqalkan faafiyaan,si ay taageero dheeri ah uga helaan Daacishta ku sugan dalalka Carabta,hase yeeshee xubno kale ayaa sheegay, in haddii muuqaalkan la baahiyo uu sababi doono kacdoon iyaga ka dhan ah oo Boosaaso ka bilowda. Xubnaha diiddan in muuqaalkan la baahiyo, ayaa tusaale u soo qaatay, dhibaatadii ay kala kulmeen,markii ay muuqaallo ka duubeen dad ay ku laayeen magaalada Muqdisho,taasi oo keentay in Al-shabaab ay ugaadhsi ku bilowday xubnihii Daacish ee Koonfurta Soomaaliya. Kooxda Daacish ee uu hoggaamiyo wadaadka jirroolaha(cudur qaba) ee Cabdulqadir Mu’min ayaa ku dhuumaalaysta buuraleyda koonfurta ka xiga degmada Qandala ee gobolka Bari,tan iyo markii ay ku dhawaaqeen, in ay daacad u yihiin ururka Daacish ee dalalka Carabta. Xogtan ayaa Puntland Post ka heshay ilo’ kala duwan oo codsaday in aan magacyadooda iyo codadkooda midna la baahin sababo amni-darteed. PUNTLAND POST The post Daacish oo ku muransan muqaal ay ka duubeen Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Wargeyska The Independent ee kasoo baxa Britain, kana mid ah wargeysyada ugu afka dheer dalkaas ayaa qoray warbixin ku addan in Xoghaayaha Dfaaca dalka Britain uu baajiyay booqasho uu ku imaan lahaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Xoghaaya Difaaca Britain, Gavin Williamson ayaa todobaadkii tagay wuxuu booqasho aan lasii shaacin ku tagay Magaalada Hargaysa ee Somaliland oo sheegta inay ka go’day Somalia inteeda kale, wuxuuna halkaas kula kulmay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu kala hadlay arrimo badan. Sidoo kale, Gavin ayaa Wargeyska The Independent wuxuu baahiyay inuu doonayay markii hore in booqasho uu k tago Muqdisho balse uu safarkiisa u weeciyay Somaliland, wuxuu sababta uu sidaas u sameeyya ku sheegay inay salka ku hayso ceyrinta ergayga QM ee Somalia, Nicholas Heysom oo DF ay ka carisay dalka, markii ay ku eedeysay fara-gelin. Xukuumadda Faransiiska, ayaa iyadu kol sii horreysay ka hadashay inay ka xuntahay ceyrinta Heysom, balse Britain weli wax war ah kama aysan soo saarin, Inkastoo dadka siyaasada ka faallooda ay booqashada Xoghayaha Difaaca Birtain ku tagay Hargaysa ku micneenayaan in wax xoogaa aysan ku faraxsanayen go’aanka Dowladda Somalia ee lagu ceyriyay Heysom. Dhanka kale, Illaa hadda Dowladda Britain kama hadlin in Xoghayahooda Difaaca uu markii hore doonyay inuu Muqdisho ka dago iyo in socdaalkiisu uu ahaa halka uu tagay ee Somaliland. Ugu dambeyn, Qaramada Midoobay ayaa aqbashay inay ergay cusub u soo magacowdao Somalia, iyadoo xubno ka hadlay tallaabada DF ay sheegeen in ay tahay tallaabo sumcad u horseedaysa Dowladda Somalia, balse ay jiraan caqabado ay dabada ku wadato. PUNTLAND POST The post Maxaa Sababay in Xoghayaha Difaaca Britain uu Baajiyo Safar uu ku imaan lahaa Xamar? appeared first on Puntland Post.
-
Biyo la’aan baahsan ayaa ka jirta qeybo ka mid ah deegaanno hoos taaga degmada Caynaba ee gobolka Sool. Biyo la’aantan ayaa Labadii bil ee ugu dambeysay waxa ay saameyn xooggan ku yeelatay dadka ku nool deegaannadaasi, waxaana halkaasi deggan Boqolaal qoys oo ka mid ah dadkii ku cayroobay abaarihii dalka ka ku dhuftay. Dadka deegaannadan ayaa kuu sheegaya iney halis ugu jiraan u dhimashada harraad haddii aan degdeg looga soo gaarin. Waxgaradka deegaannadaasi ayaa codsanaya in si degdeg ah loo soo caawiyo, sidoo kale waxa ay dalbadeen in lala soo gaaro raashiin iyo biyo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/BIYO-LAAAN-ADEEG-LAAAN-KA-JIRTA-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxgaradka ku dhaqan Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa ka hadlay doorashadii 8-dii bishan ka dhacday magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal. Nabadoon C/casiis Sheekh Yuusuf oo ka mid ah waxgaradka ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog wuxuu sheegay in ka waxgaradk ahaan diyaar u yihiin in si buuxda ula shaqeeyaan madaxweynaha cusub. Wuxuu tilmaamay in Dani aanay aqoon wanaagsan u lahayn, balse u arkaan shaqsi wax qaban doono, maadaama ay jiraan dad badan oo isaga aqoon u leh misane amaanay. Dhanka kale, Nabadoonkan ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Puntland in ay si buuxda ula shaqeeyaan madaxweyne Dani. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/NABADOON-CABDICASIIS-SHEEKH-YUUSUF-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ganacsatadii habeen ka hor ku hanti beeshay dadbkii ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa ka dalbaday dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed iney caawiyaan. Waxa ay sheegeen in halkaasi uga burburtay hanti aad u badan, islamarkaana hadda ay meel eber ah ka taagan yihiin. Ganacatadan ayaa sheegay in boqolaal qof ay ku noolaayeen hantidii ka burburtay, islamarkaana ay codsanayaan in loo soo gurmado. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/CODADKA-BARAAKO-DABKA-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la qorsheeyay, in uu si rasmi ah xilka ula wareego maalinta Isniinta ah ee ku beegan 14-ka bishan Jannaayo 2019. Mudane Deni ayaa xilka kala wareegaya Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo Puntland soo maamulayay 5-tii sano ee u dambaysay,balse looga adkaaday doorashadii todobaadkii hore. Sida ku cad Dastuurka dowladda Puntland qodobkiisa 80 aad fiqraddiisa 4aad, madaxeynaha cusub waxaa waajib ku ah, in uu mudda 21 cisho ah ku soo dhiso golihiisa xukuumadda. PUNTLAND POST The post Puntland: Goormuu xilka la wareegaya madaxweynaha cusub? appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaca ka qaaday nooca ay noqon doonaan golaha wasiirada cusub ee maamulka Puntland. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in wasiirada uu dhawaan soo dhisi doono uu meelo badan ka eegi doono, isaga oo sheegay inuu ka fakarayo tayada ay yeelan doonaan wasiirada maamulka Puntland. Ugu horeyn wuxuu sheegay in golaha wasiirada ee uu soo dhisayo uu kusoo xulan doono dhanka aqoonta, isaga oo sheegay inay doonayaan inay wax badan ka badalaan deegaanada Puntland. Sidoo kale wuxuu sheegay in door weyn Haweenka ay ku yeelaan doonaan golaha wasiirada Puntland, waxaana haweenka ay aad ugu yar yihiin golaha wakiilada, maadaama hal haween ay ku jirto. Wuxuu sidoo kale sheegay in dhalinyarada door muuqda ay ku yeelan doonaan golaha wasiirada maamulka Puntland, waxaana uu sheegay in dhalinyarada wax baratay ay wax ka badali karaan deegaanada Puntland. Sideedii Bishaan Janaayo waxaa magaalada Garowe lagu doortay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, kadib markii uu 4 cod kaga guuleystay Generaal Asad Cabdullaahi oo ay isku soo hareen wareegii ugu dambeeyay. Waxaa hadda laga sugayaa inuu soo dhiso golaha wasiirada maamulka Puntland, waxaana saacadihii ugu dambeeyay uu waday kulamo wadatashi ah. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Dib u dhac ayaa marar badan ku yimid in dib u furmo kalafadhiga baarlamaanka maamulka Hirshabelle, iyadoo taasina ay ka hadleen xildhibaanno ka mid ah baarlamaankaasi. Xildhibaan Cumar Maxamed oo baarlamaanka Hirshabelle ka mid ah ayaa u sheegay Goobjoog in Saddex jeer lagu fashilmay inuu dib u furmo kulankaasi. Madaxda ugu sarreysa ee Hirshabelle ayuu sheegay in ay ka maqan yihiin magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe, wuxuuna tilmaamay in guddoomiye ku xigeenka Labaad oo kaliya magaalada joogo. Dastuurka Hirshabelle ayaa qaba in Kalfadhiyada baarlamaanka uu furo madaxweynaha Hirshabelle oo Jowhar muddo ka maqan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/WAREEYSI-XILDHIBAAN-CUMAR-MAXAMED-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Magaalada Gaalkacyo ayaa laga daah furay mashruuca qaabeynta magaaladaasi oo muddo Lix bil ah ay wadday dowladda Hoose oo kaashaneysay shirkadda Daldhis. Munaasabad lagu daah furayey mashruucan waxaa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada, mas’uuliyiinta Gaalkacyo iyo sidoo kale mas’uuliyiin kale oo Galmudug ah. Duqa Magaalada Gaalkacyo, Xirsi Yuusuf Barre ayaa halkaasi ka sheegay muhiimadda uu mashruucan u leeyahay magaalada Gaalkacyo. Sidoo kale, Injineerada howshan wadan ayaa sheegay in muddo Lix bil ay dedaal badan ku wadeyn qaabeynta magaaladaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Gaaalkacyo-waxa-laga-Daah-furay-Masharuuc-loogu-tala-galay-qaabeynta-iyo-Hormarinta-Magaalada.mp3sax.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Afgooye ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa digniin culus u diray kooxaha Buracadda ee Isbaarooyinka dhigta deegaanada gobolkaasi. Guddoomiye Barre ayaa tilmaamay in si isku mid ah ay ula dagaalami doonaan Al Shabaab iyo Burcaddaasi, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/ismaaciil-turki-.mp3 The post Maamulka Sh/ Hoose Oo sheegay in ay la dagaalamayaan kooxaha Isbaarooyinka dhigta gobolkaasi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa sheegay ina xabsiga dhigeen askari ka tirsan ciidamada oo dhaawac u geystay agaasimaha wasaaradda caafimaadka Somaliland. Agaasimaha wasaaradda Caafimaadka Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa shalay lagu dhaawacay magaalada Hargeysa, kadib markii uu ku baxay xarun wasaaradda leedahay oo la doonayay inay shaqsiyaad dhistaan. Agaasimaha ayaa waxaa dhaawac uu kasoo gaaray lugaha, waxaana uu sheegay in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, islamarkaana uu soo wadan karo shaqadiisa, isaga oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa. Wararka ayaa sheegaya in Xergeeye uu ka dhaawacmay bowdada, balse xabadda ayaa la sheegay inay hilibka ka dhex baxday, islamarkaana ma jirto jab lafta ka gaaray, sida dhaqaatiirta ay xaqiijiyeen. Sidoo kale waxaa soo baxaya in wasaaradda ay dooneysay in askariga iyo dad kale oo shacab ah la doonayay in laga raro goob ay leedahay wasaaradda, halka askariga uu doonayay inuu goobta dhisto. Masuuliyiinta SOmaliland ayaa sheegay inay qabteen askariga falkaasi, islamarkaana xabsiga la dhigay askarigaasi, iyo dad kale oo doonayay inay xoog ku dhistaan xarunta ay leedahay wasaaradda. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qoraal ka soo baxay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa lagu sheegay in xilka ay ka qaadeen guddoomiye ku-xigeenka guddigaasi Sayid Cali Sheekh. Guddiga ayaa ku eedeeyay guddoomiye ku xigeenka in uu ku tuntay sharuucda guddiga, islamarkaana uu ka shaqeeyay in uu dumiyo guddiga. Qoraalka ayaa waxaa ku saxiixnaa guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo shan xubnood oo ka mid ah Guddigaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay gudoomiye ku xigeenka xilka laga qaaday oo ku aadan arrintaasi. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Guddiga Doorashooyinka Oo Xilka Ka Qaaday Guddoomiye ku xigeenka Guddigaasi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kulan lagu wadey maanta in ay yeeshaan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa u baaqday kooram la’aan, sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay golaha. Qoraalkan oo koobnaa ayaa u qornaa “Dhamaan xubnaha xildhibaanada waxaa lagu wargalinayaa in uu baaqday shirkii berito lagu balansanaa oo laga dhigay maalinta isniinta tr.14/1/1/219”. Warkan ayaa imaanaya saacado kadib markii uu golaha xildhibaannada u diray fariin ah in maanta oo sabti ah uu dhaco kulan. Fariinta hore waxaa ay u qorneyd sidan: Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS Ayaa Kulan Ku Leh Beri oo ah sabti Tar 12/1/2019, AJENDAHA: Shirka bari waa 1. U codeynta wax ka badelka sharciga Hantidhawraha guud 2. Xeer Maamul Bankiga dhexe Saacada: 09.00 am (Subaxnimo) Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-120119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay fiidnimadii helay ogeysiis la xiriiray inay maanta yeelanayaan kulan looga doodayay dhowr qodob. Xildhibaanada ayaa lagu wargeliyay inay maanta ka doodi lahaayeen labo qodob oo kala ah u codeynta wax ka badalka sharciga Hanti dhowrka iyo Xeerka maamulka Bangiga Dhexe, sida ku qorneyd fariimaha loo dilay xildhibaanada. Laakiin xildhibaanada ayaa markale loo diray fariimo kale oo loogu sheegayo in dib loo dhigay kulanka maanta ay yeelan lahaayeen, waxaana la cadeyn sababta arintaasi ka dambeysa. Warar aan heleyno ayaa sheegaya in xildhibaanada ka maqan dalka lagu wargeliyay inay si deg deg ah u yimaadaan Muqdisho, waxaana muuqata yaraanta Kooramka iyo ahmiyada qodobada ay leeyihiin. Sidoo kale waxaa muuqata xasaasiyada uu lahaa kulanka laga doodi lahaa, maadaama Bangiga Dhexe loo dhiibay qof Ajnabi ah. Sababta xildhibaanada loogu yeeray ayaa ah in lasoo xirayo kalfadhiga Afaraad ee baarlamaanka, kadibna ay fasax geli doonaan ka hor inta aan la gaarin Kalfadhiga Shanaad. Xildhibaanada golaha shacabka ayaa kulankooda caadiga ah yeesha maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacada, waxaana maanta muuqato inuu baaqanayo kulankooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qaadday tallaabadii ugu horreysay ee la xiriirtay magacaabista guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, oo markii ugu horreysay noqonaya qof ajnabi ah. Caasimada Online ayaa xogtan xasaasiga ah shaaca ka qaaday Jimcihii [Halkan ka aqri], waxaana hadda la isugu yeeray xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya oo la horgeyn doono sharci wax looga beddelayo xeerka Bankiga Dhexe, oo dhigaya in shuruudda koowaad ee laga doonayo qofka xilka guddoomiyaha bankiga dhexe qabanaya uu yahay muwaadin Soomaaliyeed. Qoraal xildhibaanada loo diray jimcihii ayaa loogu sheegay in “Sabti Tar. 12/1/2019, uu dhacayo shirkii Golaha, Ajendaha looga hadlayana uu yahay: U codeynta wax ka badelka sharciga Hantidhawraha guud iyo Xeer Maamul Bankiga dhexe, laakiin 35 daqiiqo kadib waxaa soo baxday wargelin kale oo dib loogu dhigay kulanka. Si kastaba, kulanka ayaa dib loo dhigay ayada oo fariin kale oo loo diray xildhibaanada lagu yiri “Dhammaan xubnaha xildhibaanada waxaa lagu wargalinayaa in uu baaqday shirkii berito lagu balansanaa oo laga dhigay maalinta isniinta tr.14/1/1/219, Waxaa la farayaa in ay xidhibaanada maqan si deg deg ah ku soo galaan.” Baaqashada kulanka ayaa timid saacado kadib warbixintii ay Caasimada Online ka qortay arrintan, ayada oo xildhibaano la hadlay Caasimada Online ay sheegeen in arrintan sir ahayd, balse hadda ay guux badan abuurtay oo dowladda ka cabsatay in sharciga la diido. Wararka qaar ayaa sheegaya in xilkan loo magacaabi doono nin lagu magacaabo Nigel Roberts oo u dhashay dalka Britain muddo badanna kasoo shaqeeyey Bankiga Adduunka, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
